Matthew (Somali)

Matthew (Somali)

1

1:1b.MAT.001.001 Kanu waa kitaabkii abtirsiinyada Ciise Masiix, ina Daa'uud, ina Ibraahim.

1:2b.MAT.001.002 Ibraahim wuxuu dhalay Isxaaq, Isxaaqna wuxuu dhalay Yacquub, Yacquubna wuxuu dhalay Yahuudah iyo walaalihiis,

1:3b.MAT.001.003 Yahuudahna wuxuu Tamar ka dhalay Feres iyo Serah, Feresna wuxuu dhalay Esroom, Esroomna wuxuu dhalay Araam,

1:4b.MAT.001.004 Araamna wuxuu dhalay Caminadaab, Caminadaabna wuxuu dhalay Naasoon, Naasoonna wuxuu dhalay Salmoon,

1:5b.MAT.001.005 Salmoonna wuxuu Raxab ka dhalay Bocas, Bocasna wuxuu Ruud ka dhalay Coobeed, Coobeedna wuxuu dhalay Yesay,

1:6b.MAT.001.006 Yesayna wuxuu dhalay boqor Daa'uud.

1:7b.MAT.001.007 Sulaymaanna wuxuu dhalay Rexabcaam, Rexabcaamna wuxuu dhalay Abyaah, Abyaahna wuxuu dhalay Aasaa,

1:8b.MAT.001.008 Aasana wuxuu dhalay Yoosafaad, Yoosafaadna wuxuu dhalay Yooraam, Yooraamna wuxuu dhalay Cusyaah,

1:9b.MAT.001.009 Cusyaahna wuxuu dhalay Yootam, Yootamna wuxuu dhalay Axaas, Axaasna wuxuu dhalay Xisqiyaah,

1:10b.MAT.001.010 Xisqiyaahna wuxuu dhalay Manaseh, Manasehna wuxuu dhalay Aamoon, Aamoonna wuxuu dhalay Yoosiyaah,

1:11b.MAT.001.011 Yoosiyaahna wuxuu dhalay Yekonyaah iyo walaalihiis waagii Baabuloon loo kaxeeyey.

1:12b.MAT.001.012 Goortii Baabuloon loo kaxeeyey dabadeed, Yekonyaah wuxuu dhalay Salaatii'eel, Salaatii'eelna wuxuu dhalay Serubaabel,

1:13b.MAT.001.013 Serubaabelna wuxuu dhalay Abihuud, Abihuudna wuxuu dhalay Eliyaaqiim, Eliyaaqiimna wuxuu dhalay Asoor,

1:14b.MAT.001.014 Asoorna wuxuu dhalay Saadooq, Saadooqna wuxuu dhalay Akhiim, Akhiimna wuxuu dhalay Eliyuud,

1:15b.MAT.001.015 Eliyuudna wuxuu dhalay Elecaasaar, Elecaasaarna wuxuu dhalay Mataan, Mataanna wuxuu dhalay Yacquub,

1:16b.MAT.001.016 Yacquubna wuxuu dhalay Yuusuf oo ahaa ninkii Maryan, tii Ciise, kan Masiix la yidhaahdo, ka dhashay.

1:17b.MAT.001.017 Haddaba abtirsiinyada oo dhan oo Ibraahim ilaa Daa'uud waa afar iyo toban oday, Daa'uud ilaa waagii Baabuloon loo kaxeeyeyna waa afar iyo toban oday, waagii Baabuloon loo kaxeeyey ilaa Masiixana waa afar iyo toban oday.

1:18b.MAT.001.018 Dhalashadii Ciise Masiix sidanay ahayd. Kolkii hooyadiis Maryan u doonanayd Yuusuf, intaanay isu iman, waxaa la arkay iyadoo Ruuxa Quduuskaa ka uuraysatay.

1:19b.MAT.001.019 Ninkeedii Yuusuf wuxuu ahaa nin xaq ah oo aan doonayn inuu dadka tuso, wuxuuse doonayay inuu si qarsoon u eryo.

1:20b.MAT.001.020 Laakiin intuu waxan ka fiirsanayay ayaa malaa'igtii Rabbigu riyo ugu muuqatay, iyadoo leh, Yuusuf ina Daa'uudow, ha ka baqin inaad naagtaada Maryan qaadatid, waayo, waxa ay uuraysatay ayaa Ruuxa Quduuskaa ka yimid.

1:21b.MAT.001.021 Oo waxay umuli doontaa wiil, magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise, waayo, dadkiisa ayuu dembiyadooda ka badbaadin doonaa.

1:22b.MAT.001.022 Waxaas oo dhan waxay u dhaceen in la arko wixii Rabbigu kaga dhex hadlay nebiga, isagoo leh,

1:23b.MAT.001.023 Gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta oo wiil umuli doonta, Magiciisana waxaa loo bixin doonaa, Cimmaanuu'eel; kan micnihiisu yahay, Ilaah baa inala jooga.

1:24b.MAT.001.024 Markaasaa Yuusuf hurdadii ka kacay oo yeelay sidii malaa'igtii Rabbigu ku amartay, oo naagtiisii ayuu qaatay;uma uuse tegin iyada ilaa ay wiil umushay, oo wuxuu magiciisa u baxshay Ciise.

1:25b.MAT.001.025 uma uuse tegin iyada ilaa ay wiil umushay, oo wuxuu magiciisa u baxshay Ciise.

2

2:1b.MAT.002.001 Goortii Ciise ku dhashay Beytlaxamtii Yahuudiya, waagii Herodos boqorkii ahaa, waxaa Yeruusaalem bari kaga yimid niman xigmad leh iyagoo leh,

2:2b.MAT.002.002 Xaggee buu joogaa boqorka Yuhuudda ee dhashay? Waayo, bari ayaannu xiddigtiisii ka aragnay, oo waxaannu u nimid inaannu caabudno.

2:3b.MAT.002.003 Goortuu boqor Herodos waxan maqlay, ayuu welwelay, isaga iyo reer Yeruusaalem oo dhan.

2:4b.MAT.002.004 Oo intuu isu ururiyey wadaaddadii sare iyo culimmadii dadka oo dhan, ayuu weyddiiyey meeshii Masiixu ku dhalan lahaa.

2:5b.MAT.002.005 Oo waxay ku yidhaahdeen, Beytlaxamtii Yahuudiya, waayo, sidaasaa nebigii u qoray,

2:6b.MAT.002.006 Adigu Beytlaxam, oo dhulka Yahuudah ahay, Kuma aad yaridba caaqillada Yahuudah dhexdooda, Waayo, waxaa adiga kaa soo bixi doona taliye, Kan dadkayga Israa'iil u talin doona.

2:7b.MAT.002.007 Markaasuu Herodos nimankii xigmadda lahaa hoos ahaan ugu yeedhay, oo ka hubsaday goortay xiddigtu u muuqatay.

2:8b.MAT.002.008 Kolkaasuu Beytlaxam cid u diray oo ku yidhi, Taga oo ilmaha aad u doondoona, oo goortaad heshaan i soo ogeysiiya si aan anna ugu tago oo u caabudo.

2:9b.MAT.002.009 Goortay boqorkii maqleen ayay tageen, oo xiddigtii ay bari ka arkeen ayaa hor kacday ilaa ay timid oo ay kor joogsatay meeshii ilmuhu joogay,

2:10b.MAT.002.010 oo goortay xiddigtii arkeen ayay farxad aad u weyn ku farxeen.

2:11b.MAT.002.011 Markaasay gurigii galeen oo waxay arkeen ilmihii iyo Maryan hooyadiis, wayna dhaceen oo caabudeen isaga, oo intay khasnadahoodii fureen waxay isaga u dhiibeen hadiyado dahab iyo beeyo iyo malmal ah.

2:12b.MAT.002.012 Markaasaa riyo loogu digay inaanay Herodos ku noqon, oo dhulkoodii ayay jid kale u mareen.

2:13b.MAT.002.013 Goortay ka tageen, malaa'igtii Rabbiga ayaa Yuusuf riyo ugu muuqatay, iyadoo leh, Kac oo kaxee ilmaha iyo hooyadiis, oo Masar u carar oo halkaas joog ilaa aan kuu soo sheego, waayo, Herodos ayaa ilmaha dooni doona inuu dilo.

2:14b.MAT.002.014 Wakhti habeen ah ayuu kacay, oo ilmihii iyo hooyadiis kaxeeyey, oo Masar tegey,

2:15b.MAT.002.015 oo halkaasuu joogay ilaa dhimashadii Herodos, inay noqoto wixii Rabbigu kaga dhex hadlay nebiga, isagoo leh, Wiilkayga ayaan Masar uga yeedhay.

2:16b.MAT.002.016 Goortuu Herodos arkay inay nimankii xigmadda lahaa ku cayaareen isagii, ayuu aad u cadhooday, oo cid buu u diray oo laayay wiilashii yaryaraa oo dhan, kuwii laba sannadood jiray iyo kuwii ka yaraa oo joogay Beytlaxam iyo meelaha u dhow oo dhan, sida wakhtigii uu nimankii xigmadda lahaa ka hubsaday.

2:17b.MAT.002.017 Markaas waxaa noqotay wixii nebi Yeremyaah lagaga dhex hadlay, isagoo leh,

2:18b.MAT.002.018 Cod baa Raamaah laga maqlay, Oohin iyo baroor weyn, Raaxeel oo u ooyaysa carruurteeda, Oo aan doonaynin in la qalbi qabowjiyo, waayo, ma ay joogin.

2:19b.MAT.002.019 Laakiin goortuu Herodos dhintay, malaa'igtii Rabbiga ayaa riyo ugu muuqatay Yuusuf oo Masar jooga, iyadoo leh,

2:20b.MAT.002.020 Kac oo kaxee ilmaha iyo hooyadiis, oo dhulka Israa'iil tag, waayo, kuwii ilmaha naftiisa doonayay waa dhinteen.

2:21b.MAT.002.021 Markaasuu kacay oo kaxeeyey ilmihii iyo hooyadiis, oo dalkii Israa'iil tegey.

2:22b.MAT.002.022 Laakiin goortuu maqlay in Arkhela'os meeshii aabbihiis Herodos Yahuudiya xukumayo, wuu ka baqay inuu halkaas tago. Markaase Ilaah baa riyo ugu digay, oo uu dhinacyada Galili ku leexday.Wuxuuna yimid oo degay magaalada Naasared la odhan jiray si ay u noqoto wixii nebiyada lagaga hadlay, Waxaa loogu yeedhayaa Naasaraani.

2:23b.MAT.002.023 Wuxuuna yimid oo degay magaalada Naasared la odhan jiray si ay u noqoto wixii nebiyada lagaga hadlay, Waxaa loogu yeedhayaa Naasaraani.

3

3:1b.MAT.003.001 Maalmahaas waxaa yimid Yooxanaa Baabtiisaha isagoo cidlada Yahuudiya wax ku wacdiyaya, oo leh,

3:2b.MAT.003.002 Toobad keena, waayo, boqortooyadii jannadu waa dhow dahay.

3:3b.MAT.003.003 Waayo, kan waa kii nebi Isayos ka hadlay kolkuu yidhi, Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga hagaajiya, Waddooyinkiisa toosiya.

3:4b.MAT.003.004 Yooxanaa qudhiisu wuxuu guntanaa dharkiisii dhogorta geel ahaa, oo suun meged ahna dhexduu ku xidhnaa, cuntadiisuna waxay ahayd ayax iyo malab dibadeed.

3:5b.MAT.003.005 Markaas waxaa u soo baxay dadka Yeruusaalem, iyo kuwa Yahuudiya oo dhan iyo kuwa dalka Urdun ku wareegsan oo dhan,

3:6b.MAT.003.006 markaasuu Webi Urdun ku baabtiisay iyagoo dembiyadooda qiranaya.

3:7b.MAT.003.007 Laakiin goortuu arkay qaar badan oo Farrisiin iyo Sadukiin ah oo baabtiiskiisa yimid wuxuu ku yidhi, Dhal jilbisay, yaa idiinka digay inaad ka carartaan cadhada imanaysa?

3:8b.MAT.003.008 Haddaba midho toobad istaahila soo bixiya,

3:9b.MAT.003.009 hana ku fikirina inaad tidhaahdaan, Waxaannu leennahay Ibraahim oo aabbe noo ah. Waayo, waxaan idinku leeyahay, Ilaah waa karaa inuu dhagaxyadan carruur uga kiciyo Ibraahim.

3:10b.MAT.003.010 Haddeer weliba faaska waxaa la dhigay geedaha guntooda. Sidaa darteed geed walba oo aan midho wanaagsan soo bixin waa la gooyaa oo dabkaa lagu tuuraa.

3:11b.MAT.003.011 Anigu biyo ayaan idinku baabtiisaa ilaa toobadda, laakiin kan iga daba imanayaa waa iga itaal weyn yahay, kan aanan istaahilin inaan kabihiisa u qaado. Isagu wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab.

3:12b.MAT.003.012 Masaftiisu gacantiisay ku jirtaa, goobta wax lagu tumona aad buu u safayn doonaa, oo sarreenkiisa ayuu maqsinka ku soo ururin doonaa, laakiin buunshaha ayuu dab aan damayn ku gubi doonaa.

3:13b.MAT.003.013 Markaasaa Ciise Galili ka yimid oo Webi Urdun ugu tegey Yooxanaa inuu baabtiiso.

3:14b.MAT.003.014 Yooxanaase waa diiday, isagoo leh, Anaa u baahan inaad i baabtiisto, adiguna miyaad ii timid?

3:15b.MAT.003.015 Laakiin Ciise waa u jawaabay oo ku yidhi, Haddeer oggolow, waayo, sidaas waa inoo eg tahay inaynu xaqnimada oo dhan wada yeelno; markaasuu u oggolaaday.

3:16b.MAT.003.016 Ciise goortii la baabtiisay, ayuu markiiba biyaha kor uga baxay, kolkaasaa samooyinku furmeen, oo wuxuu arkay Ruuxa Ilaah oo sida qoolley oo kale u soo degaya oo dushiisa imanaya,oo cod baa samooyinka ka lahaa, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay, oo aan ku faraxsanahay.

3:17b.MAT.003.017 oo cod baa samooyinka ka lahaa, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay, oo aan ku faraxsanahay.

4

4:1b.MAT.004.001 Goortaasaa Ruuxu Ciise cidlada u kaxeeyey in Ibliisku jirrabo.

4:2b.MAT.004.002 Oo goortuu afartan maalmood iyo afartan habeen soomanaa, ayuu dabadeed gaajooday.

4:3b.MAT.004.003 Markaasaa duufiyihii u yimid oo ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah, dhagaxyadan ku dheh, Kibis noqda.

4:4b.MAT.004.004 Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa qoran tahay, Dadku waa inaanu kibis oo keliya ku noolaan, laakiin waa inuu eray walba oo afka Ilaah ka soo baxa ku noolaado.

4:5b.MAT.004.005 Markaasaa Ibliisku magaaladii quduuska ahayd geeyey, wuxuuna saaray munaaraddii macbudka

4:6b.MAT.004.006 oo ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah, hoos isu tuur, waayo, waa qoran tahay, Malaa'igihiisa ayuu amri doonaa, Oo gacmahooda ayay sare kuugu qaban doonaan, Inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin.

4:7b.MAT.004.007 Ciise wuxuu ku yidhi, Haddana waa qoran tahay, Rabbiga Ilaahaaga ah waa inaanad jirrabin.

4:8b.MAT.004.008 Haddana Ibliiskii ayaa buur aad u dheer geeyey, wuxuuna tusay boqortooyooyinka dunida oo dhan iyo ammaantooda.

4:9b.MAT.004.009 Wuxuuna ku yidhi, Waxyaalahan oo dhan waan ku siinayaa haddaad sujuuddid oo i caabuddid.

4:10b.MAT.004.010 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Shayddaan yahow, bax, waayo, waa qoran tahay, Waa inaad caabuddo Rabbiga Ilaahaaga ah oo waa inaad isaga keliya u adeegto.

4:11b.MAT.004.011 Markaasaa Ibliiskii ka tegey, oo waxaa u yimid malaa'igo, wayna u adeegeen.

4:12b.MAT.004.012 Maarkuu maqlay in Yooxanaa la qabtay, ayuu Galili ku leexday,

4:13b.MAT.004.013 oo intuu Naasared ka tegey, wuxuu yimid oo degay Kafarna'um, tan badda agteeda ahayd oo ku jirtay soohdimaha Sebulun iyo Naftaali,

4:14b.MAT.004.014 inay noqoto wixii nebi Isayos lagaga dhex hadlay, isagoo leh,

4:15b.MAT.004.015 Dhulka Sebulun iyo dhulka Naftaali, Xagga jidka badda, Webi Urdun shishadiisa, Galili quruumaha ka mid ah,

4:16b.MAT.004.016 Dadkii fadhiyi jiray gudcurka Ayaa iftiin weyn arkay, Kuwii fadhiyi jiray dalka iyo hooska dhimashadana, Iftiin baa u baxay.

4:17b.MAT.004.017 Markaas dabadeed Ciise wuxuu bilaabay inuu wax ku wacdiyo oo yidhaahdo, Toobad keena, waayo, boqortooyadii jannadu waa dhow dahay.

4:18b.MAT.004.018 Markuu badda Galili ag marayay wuxuu arkay laba walaalo ah, Simoon kii Butros la odhan jiray iyo Andaros oo ahaa walaalkiis, iyagoo shabag badda ku tuuraya, waayo, waxay ahaayeen kalluumaystayaal.

4:19b.MAT.004.019 Oo wuxuu ku yidhi, I soo raaca, waxaan idinka dhigayaa kuwa dadka jillaabta.

4:20b.MAT.004.020 Markiiba intay shabagyadii ka tageen, ayay raaceen isagii.

4:21b.MAT.004.021 Markuu meeshaas hore uga socday wuxuu arkay laba kale oo walaalo ah, Yacquub ina Sebedi iyo walaalkiis Yooxanaa, iyagoo aabbahood doonnida kula jira oo shabagyadoodii hagaajinaya, wuuna u yeedhay.

4:22b.MAT.004.022 Markiiba doonnidii iyo aabbahood way ka soo tageen oo way raaceen.

4:23b.MAT.004.023 Ciise ayaa Galili oo dhan ku wareegay, isagoo sunagogyadooda wax ku baraya oo injiilka boqortooyadii ku wacdiyaya oo bukaan oo dhan iyo cudur oo dhan bogsiinaya dadka dhexdiisa.

4:24b.MAT.004.024 Warkiisuna waa gaadhay Suuriya oo dhan, oo waxay u keeneen kuwii bukay oo dhan, oo cudurro kala cayncayn ah iyo silic qabay, iyo kuwo jinni qaba, iyo kuwo suuxdin qaba, iyo kuwa curyaan ah, wuuna bogsiiyey.Waxaana raacay dad badan oo ka yimid Galili iyo Dekabolis iyo Yeruusaalem iyo Yahuudiya iyo Webi Urdun shishadiisa.

4:25b.MAT.004.025 Waxaana raacay dad badan oo ka yimid Galili iyo Dekabolis iyo Yeruusaalem iyo Yahuudiya iyo Webi Urdun shishadiisa.

5

5:1b.MAT.005.001 Markuu dadkii badnaa arkay ayuu buur fuulay, markaasuu fadhiistay oo xertiisa ayaa u timid.

5:2b.MAT.005.002 Kolkaasuu afkiisa kala qaaday oo wax baray, isagoo leh.

5:3b.MAT.005.003 Waxaa barakaysan kuwa xagga ruuxa ka masaakiin ah, waayo, boqortooyada jannada iyagaa leh.

5:4b.MAT.005.004 Waxaa barakaysan kuwa baroorta, waayo, waa la qalbiqabowjin doonaa.

5:5b.MAT.005.005 Waxaa barakaysan kuwa camal qabow, waayo, dhulkay dhaxli doonaan.

5:6b.MAT.005.006 Waxaa barakaysan kuwa xaqnimada u gaajaysan oo u harraadsan, waayo, way dhergi doonaan.

5:7b.MAT.005.007 Waxaa barakaysan kuwa naxariista leh, waayo, waa loo naxariisan doonaa.

5:8b.MAT.005.008 Waxaa barakaysan kuwa qalbiga ka daahirsan, waayo, Ilaah bay arki doonaan.

5:9b.MAT.005.009 Waxaa barakaysan kuwa nabadda ka shaqeeyaa, waayo, waxaa loogu yeedhi doonaa wiilashii Ilaah.

5:10b.MAT.005.010 Waxaa barakaysan kuwa xaqnimada aawadeed loo silciyo, waayo, boqortooyada jannada iyagaa leh.

5:11b.MAT.005.011 Waad barakaysan tihiin goortii laydin caayo, oo laydin silciyo, oo wax walba oo xun oo been ah laydinka sheego aawaday.

5:12b.MAT.005.012 Farxa oo reyreeya, waayo, jannada abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay, waayo, sidaasay u silcin jireen nebiyadii idinka horreeyey.

5:13b.MAT.005.013 Idinku waxaad tihiin cusbadii dhulka, laakiin haddii cusbadu dhadhan beesho, maxaa lagu cusbaynayaa? Dabadeed waxba tari mayso in dibadda loo tuuro oo dadku ku tunto maahee.

5:14b.MAT.005.014 Idinku waxaad tihiin iftiinkii dunida. Magaalo buur ku taallu ma qarsoomi karto.

5:15b.MAT.005.015 Ilays looma shido in la hoos geliyo weel, laakiin waxaa la saaraa meeshii ilayska, oo wuu u iftiimaa kuwa guriga ku jira oo dhan.

5:16b.MAT.005.016 Sidaas oo kale iftiinkiinnu dadka hortiisa ha iftiimo, si ay shuqulladiinna wanaagsan u arkaan, oo ay Aabbihiinna jannada ku jira u ammaanaan.

5:17b.MAT.005.017 Ha u malaynina inaan u imid inaan sharciga ama qorniintii nebiyada baabbi'iyo; uma aan iman inaan baabbi'iyo, laakiin waxaan u imid inaan wada oofiyo

5:18b.MAT.005.018 Runtii waxaan idinku leeyahay, Intaan cirka iyo dhulku idlaan, xaraf ama dhibic keliya ka idlaan mayso sharciga ilaa ay wada noqdaan.

5:19b.MAT.005.019 Sidaa darteed kii jebiya qaynuunnadan kuwa ugu yar midkood, oo sidaas dadka u bara, waxaa loogu yeedhi doonaa kan uga yar boqortooyadii jannada, laakiin kii yeela oo bara, waxaa loogu yeedhi doonaa kan weyn boqortooyadii jannada.

5:20b.MAT.005.020 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Xaqnimadiinnu haddaanay ka badnaan tan culimmada iyo Farrisiinta, geliba maysaan boqortooyadii jannada.

5:21b.MAT.005.021 Waad maqasheen in kuwii hore lagu yidhi, Waa inaanad dhiig qabin; kii dhiig qabaa wuxuu galabsadaa xukunka.

5:22b.MAT.005.022 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo walaalkiis u cadhoodaa wuxuu galabsadaa xukunka, oo kii walaalkiis ku yidhaahda, Nacas yahow, wuxuu galabsadaa in shirka la geeyo, oo kii yidhaahda, Doqon yahow, wuxuu galabsadaa jahannamada dabka ah.

5:23b.MAT.005.023 Haddaba haddaad hadiyaddaada meesha allabariga keento, oo meeshaas aad ku xusuusatid in walaalkaa wax kuu haysto,

5:24b.MAT.005.024 hadiyaddaada ku dhaaf meeshii allabariga horteeda, tag, oo horta walaalkaa la soo heshii, dabadeed kaalay oo hadiyaddaada bixi.

5:25b.MAT.005.025 Dhaqso cadowgaaga ula heshii intaad jidka kula socoto, si aan cadowgu xaakinka kuugu dhiibin, xaakinkuna askariga kuugu dhiibin, oo xabsi lagugu tuurin.

5:26b.MAT.005.026 Runtii waxaan kugu leeyahay, Halkaas ka soo bixi maysid ilaa aad siisid beesadda ugu dambaysa.

5:27b.MAT.005.027 Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaanad sinaysan.

5:28b.MAT.005.028 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Nin walba oo qof dumar ah damac u eegaa, durba qalbigiisuu kaga sinaystay.

5:29b.MAT.005.029 Haddii ishaada midig ku xumayso, iska bixi oo iska tuur, waayo, waxaa kuu wanaagsan in xubnahaaga mid kaa lunto intii jidhkaaga oo dhan jahannamada lagu tuuri lahaa.

5:30b.MAT.005.030 Gacantaada midig hadday ku xumayso, iska jar oo iska tuur, waayo, waxaa kuu wanaagsan in xubnahaaga mid kaa lunto intii jidhkaaga oo dhan jahannamada geli lahaa.

5:31b.MAT.005.031 Waxaana la yidhi, Ku alla kii naagtiisa furaa, warqaddii furniinka ha siiyo.

5:32b.MAT.005.032 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo naagtiisa furaa sababta sinada aawadeed maahee, wuxuu ka dhigayaa inay sinaysato, oo kii guursadaa tii la furayna waa sinaystaa.

5:33b.MAT.005.033 Weliba waad maqasheen in kuwii hore lagu yidhi, Waa inaanad nidarradaada jebin, laakiin waa inaad Rabbiga u yeeshaa nidarradaada.

5:34b.MAT.005.034 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Ha dhaaraninaba; jannada ha ku dhaaranina, waayo, waa carshigii Ilaah.

5:35b.MAT.005.035 Dhulkana ha ku dhaaranina, waayo, waa meeshuu cagihiisa dhigo; Yeruusaalemna ha ku dhaaranina, waayo, waa magaaladii Boqorkii weynaa.

5:36b.MAT.005.036 Madaxaagana ha ku dhaaran, waayo, tin keliya kama dhigi kartid caddaan ama madow.

5:37b.MAT.005.037 Laakiin hadalkiinnu ha ahaado, Haah, haah, maya, maya; wixii intaas ka badan sharkuu ka yimaadaa.

5:38b.MAT.005.038 Waad maqasheen in la yidhi, Il il ha loo rido, iligna ilig ha loo rido.

5:39b.MAT.005.039 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Sharka ha hor istaagina, laakiin ku alla kii dhabanka midig kaa dharbaaxa, kan kalena u jeedi,

5:40b.MAT.005.040 oo kii doonaya inuu ku ashtakeeyo oo khamiiskaaga kaa qaato, maradaadana u daa,

5:41b.MAT.005.041 oo ku alla kii kugu qasba inaad mayl la socotid, laba la soco.

5:42b.MAT.005.042 Kii wax kaa barya, sii, oo kii doonaya inuu wax kaa amaahdo ha ka sii jeesan.

5:43b.MAT.005.043 Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid,

5:44b.MAT.005.044 laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya,

5:45b.MAT.005.045 si aad u ahaataan wiilashii Aabbihiinna jannada ku jira, waayo, qorraxdiisa wuxuu u soo bixiya kuwa xun iyo kuwa wanaagsan, roobna wuu u di'iyaa kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahaynba.

5:46b.MAT.005.046 Waayo, haddaad jeceshihiin kuwa idin jecel, abaalkee baad leedihiin? Cashuurqaadayaashu miyaanay sidaas oo kale samayn?

5:47b.MAT.005.047 Haddaad salaantaan walaalihiin oo keliya, maxaa dheeraad ah oo aad samaysaan? Dadka kale miyaanay sidaas oo kale samayn?Saas aawadeed u samaada sida Aabbihiinna jannadu u san yahay.

5:48b.MAT.005.048 Saas aawadeed u samaada sida Aabbihiinna jannadu u san yahay.

6

6:1b.MAT.006.001 Iska jira inaydnaan xaqnimadiinna dadka ku hor samayn inay idin arkaan, haddii kale abaal kuma lihidin Aabbihiinna jannada ku jira.

6:2b.MAT.006.002 Haddaba markaad sadaqad bixinayso, buun ha ugu dhufan hortaada sida labawejiilayaashu sunagogyada iyo jidadka ku sameeyaan si dadku u ammaanaan. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen.

6:3b.MAT.006.003 Laakiin adigu goortaad sadaqad bixinayso, bidixdaadu yaanay ogaan waxa midigtaadu samaynayso,

6:4b.MAT.006.004 si ay sadaqaddaadu u qarsoonaato, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arka ayaa kuu abaalgudi doona.

6:5b.MAT.006.005 Oo goortaad tukanaysaan, ha ahaanina sida labawejiilayaasha, waayo, waxay jecel yihiin inay tukadaan iyagoo taagan sunagogyada iyo meesha jidadku isku gooyaan si ay dadka ugu muuqdaan. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen.

6:6b.MAT.006.006 Laakiin adigu goortaad tukanaysid, qolkaaga qarsoon gal, oo goortaad albaabkaaga xidhid, Aabbahaaga meesha qarsoon ku jira bari, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arka ayaa kuu abaalgudi doona.

6:7b.MAT.006.007 Goortaad tukanaysaan hadalka ha ku celcelinina sida dadka aan Ilaah aaminin yeelaan, waayo, waxay u malaynayaan in loo maqlayo hadalkooda badan aawadiis.

6:8b.MAT.006.008 Sidaa darteed ha ahaanina sidooda oo kale, waayo, Aabbihiin waa og yahay waxaad u baahan tihiin intaanad weyddiin.

6:9b.MAT.006.009 Haddaba sidatan u tukada, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado.

6:10b.MAT.006.010 Boqortooyadaadu ha timaado, doonistaada dhulka ha lagu yeelo sida jannada loogu yeelo.

6:11b.MAT.006.011 Kibis maalin nagu filan, maanta na sii.

6:12b.MAT.006.012 Oo naga cafi qaamahayaga sidaannu u cafinnay kuwa noo qaamaysan.

6:13b.MAT.006.013 Oo jirrabaadda ha noo kaxayn, laakiin sharka naga du. Waayo, boqortooyada iyo xoogga iyo ammaanta adigaa leh weligaa. Aamiin.

6:14b.MAT.006.014 Waayo, haddaad dadka u cafidaan xumaantooda, Aabbihiinna jannada ku jira ayaa idin cafiyi doona.

6:15b.MAT.006.015 Laakiin haddaanad dadka cafiyin, Aabbihiinnu xumaantiinna idiin cafiyi maayo.

6:16b.MAT.006.016 Kolkaad soontaan ha ahaanina sida labawejiilayaashu u fool qulubsan yihiin, waayo, way isfoolxumeeyaan si ay dadka ugu muuqdaan inay sooman yihiin. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen.

6:17b.MAT.006.017 Laakiin adigu goortaad soontid, madaxaaga saliid marso oo fool dhaqo,

6:18b.MAT.006.018 si aadan dadka ugu muuqan inaad sooman tahay, laakiin aad ugu muuqatid Aabbahaaga meel qarsoon ku jira, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arkaa waa kuu abaalgudi doonaa.

6:19b.MAT.006.019 Maal ha ku urursanina dhulka, meesha aboorka iyo miridhku ku baabbi'iyaan, iyo meesha tuugaggu jebiyaan oo ka xadaan,

6:20b.MAT.006.020 laakiin maal jannada ku urursada, meesha aboorka iyo miridhku ayan ku baabbi'in iyo meesha tuugaggu ayan jebin oo ayan ka xadin.

6:21b.MAT.006.021 Waayo, meesha maalkaagu ku jiro, meeshaasaa qalbigaaguna ku jiri doonaa.

6:22b.MAT.006.022 Ilayska jidhku waa isha; haddaba haddii ishaadu hagaagsan tahay, jidhkaaga oo dhammi waa iftiimi doonaa.

6:23b.MAT.006.023 Laakiin ishaadu hadday xun tahay, jidhkaaga oo dhammi gudcur buu ahaan doonaa. Haddaba iftiinka kugu jira hadduu gudcur yahay, gudcurkaasu sidee buu u weyn yahay!

6:24b.MAT.006.024 Ninna laba sayid uma shaqayn karo, waayo, mid buu nacayaa, kan kalena wuu jeclaanayaa, ama mid buu la jirayaa, kan kalena wuu quudhsanayaa. Uma wada shaqayn kartaan Ilaah iyo maal.

6:25b.MAT.006.025 Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Ha ugu welwelina naftiinna waxaad cuni doontaan, iyo waxaad cabbi doontaan, jidhkiinnana ha ugu welwelina waxaad u huwan doontaan. Naftu miyaanay ka roonayn cuntada, jidhkuna miyaanu ka roonayn dharka?

6:26b.MAT.006.026 Shimbirraha cirka eega, waayo, waxba ma beeraan, waxna ma gurtaan, maqsinnona waxba kuma urursadaan, oo Aabbihiinna jannada ku jira ayaa cunto siiya. Idinku miyaydnaan ka roonayn?

6:27b.MAT.006.027 Midkiinnee intuu welwelo dhererkiisa dhudhun ku dari kara?

6:28b.MAT.006.028 Maxaad dharka ugu welweshaan? Fiiriya ubaxyada duurka siday u baxaan, ma ay shaqeeyaan, ma ayna miiqdaan.

6:29b.MAT.006.029 Weliba waxaan idinku leeyahay, Xataa Sulaymaan wakhtigii ammaantiisa oo dhan dhar uma uu gashan jirin sida kuwan midkood.

6:30b.MAT.006.030 Laakiin haddii Ilaah sidaa u huwiyo cawska maanta duurka ku yaal oo berrito moofada lagu ridayo, sidee ka badan ayuu idiin huwinayaa, rumaysadyarayaalow?

6:31b.MAT.006.031 Sidaa darteed ha ku welwelina, idinkoo leh, Maxaannu cunaynaa? ama, Maxaannu cabbaynaa? ama, Maxaannu huwanaynaa?

6:32b.MAT.006.032 Waayo, quruumuhu waxaas oo dhan ayay doondoonaan. Aabbihiinna jannada ku jiraa waa og yahay inaad waxaas oo dhan u baahan tihiin.

6:33b.MAT.006.033 Laakiin horta doondoona boqortooyadii Ilaah iyo xaqnimadiisa, oo waxaas oo dhan waa laydinku dari doonaa.Sidaa darteed berrito ha ka welwelina, waayo, berrito iyadaa isu welwelaysa. Maalinta sharkeedu waa ku filan yahay.

6:34b.MAT.006.034 Sidaa darteed berrito ha ka welwelina, waayo, berrito iyadaa isu welwelaysa. Maalinta sharkeedu waa ku filan yahay.

7

7:1b.MAT.007.001 Ninna ha xukumina inaan laydin xukumin.

7:2b.MAT.007.002 Waayo, xukunkii aad ku xukuntaan ayaa laydinku xukumi doonaa, oo qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydinku qiyaasi doonaa.

7:3b.MAT.007.003 Saxarka isha walaalkaa ku jira maxaad u aragtaa, dogobka ishaada ku jirase aad u fiirsan weydaa?

7:4b.MAT.007.004 Sidee baad walaalkaa ugu odhan doontaa, I daa, saxarka ishaada ku jira aan kaa saaree; oo dogob baa ishaada ku jiree?

7:5b.MAT.007.005 Labawejiile yahow, horta dogobka ishaada ku jira iska saar, goortaasaad bayaan u arkaysaa inaad saxarka isha walaalkaa ku jira ka saarto.

7:6b.MAT.007.006 Waxa quduuska ah eeyaha ha siinina, luulkiinnana doofaarrada hortooda ha ku tuurina, si ayan ugu tuman oo ayan idinku soo jeesan oo ayan idiinkala jeexjeexin.

7:7b.MAT.007.007 Weyddiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan: garaaca oo waa laydinka furi doonaa;

7:8b.MAT.007.008 waayo, mid kasto oo weyddiista waa la siiyaa, kii doonaana waa helaa, kii garaacana waa laga furi doonaa.

7:9b.MAT.007.009 Ninkiinnee baa haddii wiilkiisu kibis weyddiisto, dhagax siinaya?

7:10b.MAT.007.010 Ama hadduu kalluun weyddiisto, abeeso siinaya?

7:11b.MAT.007.011 Haddaba idinka oo shar leh haddaad garanaysaan inaad hadiyado wanaagsan carruurtiinna siisaan, intee ka badan ayaa Aabbihiinna jannada ku jiraa wax wanaagsan uu siin doonaa kuwa isaga weyddiista?

7:12b.MAT.007.012 Haddaba wax kasta oo aad doonaysaan in laydinku sameeyo, idinkuna sidaas oo kale u sameeya; waayo, kanu waa sharcigii iyo nebiyadii.

7:13b.MAT.007.013 Iridda cidhiidhsan ka gala, waayo, iriddu waa weyn tahay, jidkuna waa ballaadhan yahay kan xagga baabbi'idda u kaca, oo kuwa ka galaa waa badan yihiin.

7:14b.MAT.007.014 Waayo, iriddu waa cidhiidhsan tahay, jidkuna waa yar yahay kan xagga nolosha u kaca, kuwa helaana waa yar yihiin.

7:15b.MAT.007.015 Iska jira nebiyada beenta ah, kuwa idiinku imanaya iyagoo qaba dharka idaad, laakiin hoosta ka ah yeey wax boobaysa.

7:16b.MAT.007.016 Midhahooda ayaad ku garan doontaan. Canab ma laga guraa geed qodxan leh? Berdena ma laga guraa yamaarugga?

7:17b.MAT.007.017 Sidaasaa geed kasta oo wanaagsanu midho wanaagsan u dhalaa, geedkii xumina midho xun u dhalaa.

7:18b.MAT.007.018 Geed wanaagsanu midho xun ma dhali karo, geed xumina midho wanaagsan ma dhali karo.

7:19b.MAT.007.019 Geed kasta oo aan midho wanaagsan dhalin waa la jaraa oo dabka lagu tuuraa.

7:20b.MAT.007.020 Sidaa darteed waxaad iyaga ku garanaysaan midhahooda.

7:21b.MAT.007.021 Ma aha qof kasta oo igu yidhaahda, Rabbow, Rabbow, kuwa boqortooyadii jannada gelayaa, laakiin kii sameeya doonista Aabbahayga jannada ku jira, kaasaa gelaya.

7:22b.MAT.007.022 Maalintaas qaar badan baa igu odhan doona, Rabbow, Rabbow, miyaannan magacaaga wax ku sii sheegin, oo miyaannan magacaaga jinniyo ku saarin, oo miyaannan magacaaga wax badan oo xoog leh ku samayn?

7:23b.MAT.007.023 Markaasaan ku odhan doonaa, Weligay idinma aqoon, iga taga, dembifalayaalow.

7:24b.MAT.007.024 Haddaba qof kasta oo ereyadaydan maqla oo yeela, waxaa loo ekaysiinayaa nin caqli leh oo gurigiisa ka dul dhisay dhagaxa.

7:25b.MAT.007.025 Roobkii ayaa da'ay, daadkiina waa yimid, dabayshiina waa dhacday, wayna ku dhaceen gurigaas, ma uuna dumin, waayo, waxaa laga dul dhisay dhagaxa.

7:26b.MAT.007.026 Qof kasta oo ereyadaydan maqla oo aan yeelin, waxaa loo ekaysiinayaa nin doqon ah oo gurigiisa carrada ka dul dhisay.

7:27b.MAT.007.027 Roobkii waa da'ay, daadkiina waa yimid, dabayshiina waa dhacday, wayna ku dhaceen gurigaas, wuuna dumay, dumiddiisuna waa weynayd.

7:28b.MAT.007.028 Waxaa dhacay goortii Ciise hadalladan dhammeeyey, in dadkii oo dhammu waxbariddiisa la yaabeen,waayo, wuxuu wax u barayay sida mid amar leh oo uma uu baraynin sida culimmada.

7:29b.MAT.007.029 waayo, wuxuu wax u barayay sida mid amar leh oo uma uu baraynin sida culimmada.

8

8:1b.MAT.008.001 Goortuu buurta ka soo degay, dad badan baa soo raacay.

8:2b.MAT.008.002 Oo bal eeg, waxaa u yimid nin baras leh oo caabuday, oo ku yidhi, Sayidow, haddaad doonaysid, waad i daahirin kartaa.

8:3b.MAT.008.003 Ciise intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay, oo ku yidhi, Waan doonayaa ee daahirsanow. Kolkiiba baraskiisa wuu ka daahirsanaaday,

8:4b.MAT.008.004 oo Ciise ayaa ku yidhi, Iska eeg, oo ninna ha u sheegin, laakiin jidkaaga iska mar, oo wadaadka istus, oo bixi hadiyaddii Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee.

8:5b.MAT.008.005 Goortuu Kafarna'um galay, waxaa u yimid boqol-u-taliye, isagoo baryaya

8:6b.MAT.008.006 oo leh, Sayidow, midiidinkaygii guriguu jiifaa, isagoo curyaannimo u buka oo aad u xanuunsanaya.

8:7b.MAT.008.007 Kolkaasuu Ciise wuxuu ku yidhi, Waan imanayaa oo bogsiinayaa.

8:8b.MAT.008.008 Markaasaa boqol-u-taliyihii u jawaabay oo ku yidhi, Sayidow, anigu ma istaahilo inaad saqafka gurigayga hoostiisa soo gashid, laakiin hadal keliya dheh, midiidinkayguna waa bogsan doonaa.

8:9b.MAT.008.009 Waayo, anigu waxaan ahay nin laga sarreeyo oo askar baa iga hoosaysa. Kan waxaan ku idhaahdaa, Tag, wuuna tagaa; mid kalena, Kaalay, wuuna yimaadaa; midiidinkaygana, Waxan samee, wuuna sameeyaa.

8:10b.MAT.008.010 Goortuu Ciise taas maqlay, wuu ka yaabay, wuxuuna ku yidhi kuwii la socday, Runtii waxaan idinku leeyahay, Rumaysad sidan u weyn oo kale reer binu Israa'iil kama dhex helin.

8:11b.MAT.008.011 Waxaan idinku leeyahay, Qaar badan ayaa bari iyo galbeed ka iman doona oo la fadhiisan doona Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub boqortooyadii jannada gudaheeda,

8:12b.MAT.008.012 laakiin wiilashii boqortooyada waxaa lagu tuuri doonaa gudcurka dibadda ah. Meeshaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilkojirriqsi.

8:13b.MAT.008.013 Markaasaa Ciise wuxuu boqol-u-taliyihii ku yidhi, Tag. Sidaad u ramaysatay ha kuu noqoto e. Oo saacaddaas ayaa midiidinkii bogsaday.

8:14b.MAT.008.014 Ciise goortuu guriga Butros galay, wuxuu arkay Butros soddohdiis oo jiifta oo qandhaysan.

8:15b.MAT.008.015 Markaasuu gacanteeda taabtay, qandhadiina waa ka baxday. Wayna kacday oo u adeegtay isaga.

8:16b.MAT.008.016 Goortii makhribkii la gaadhay waxay u keeneen qaar badan oo jinniyo qaba. Eray ayuu jinniyadii ku saaray, kuwii bukay oo dhanna wuu bogsiiyey,

8:17b.MAT.008.017 si ay u noqoto wixii nebi Isayos lagaga dhex hadlay isagoo leh, Isagaa qaatay bukaankeennii, cudurradeenniina wuu isku raray.

8:18b.MAT.008.018 Goortuu Ciise dad badan oo ku wareegsan arkay, ayuu amray inay dhinaca kale tagaan.

8:19b.MAT.008.019 Kolkaasaa culimmada midkood u yimid oo ku yidhi, Macallimow, waan ku raacayaa meeshaad tagtidba.

8:20b.MAT.008.020 Ciise ayaa ku yidhi, Dawacooyinku godad bay leeyihiin, shimbirraha cirkuna buulal bay leeyihiin, laakiin Wiilka Aadanahu meel uu madaxiisa dhigo ma leh.

8:21b.MAT.008.021 Mid kale oo xertiisa ah ayaa ku yidhi, Sayidow, horta ii oggolow inaan tago oo aabbahay soo aaso.

8:22b.MAT.008.022 Laakiin Ciise ayaa ku yidhi, I soo raac; oo iska daa meydadku ha aaseen meydadkooda.

8:23b.MAT.008.023 Goortuu doonnida fuulay, xertiisii ayaa raacday.

8:24b.MAT.008.024 Oo waxaa badda ka kacay duufaan weyn, ilaa ay hirarku qariyeen doonnida, laakiin isagu waa hurday.

8:25b.MAT.008.025 Markaasaa xertiisii u timid oo toosisay, iyagoo leh, Sayidow, na badbaadi, waannu lumaynaaye.

8:26b.MAT.008.026 Kolkaasuu wuxuu ku yidhi, Maxaad u baqaysaan, rumaysadyarayaalow? Markaasuu kacay, oo canaantay dabaysha iyo badda, oo xawaal weyn baa dhacday.

8:27b.MAT.008.027 Haddaba nimankii waa yaabeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Waa nin caynkee ah kan xataa dabaysha iyo badduba yeelaan?

8:28b.MAT.008.028 Goortuu yimid dhinaca kale oo dalka Gadareni, waxaa la kulmay laba qof oo jinni qaba oo xabaalaha ka soo baxaya, iyagoo aad khatar u ah, si aan ninna jidkaas u mari karin.

8:29b.MAT.008.029 Way qayliyeen iyagoo leh, Maxaa inoo dhexeeya, Wiilka Ilaahow? Ma waxaad halkan u timid inaad wakhtiga hortiis na silciso?

8:30b.MAT.008.030 Waxaa iyaga ka fogaa daaqsin doofaarro badan ah oo daaqaysa.

8:31b.MAT.008.031 Jinniyadii ayaa baryay iyagoo leh, Haddaad na saaraysid, noo dir daaqsinta doofaarrada ah,

8:32b.MAT.008.032 oo wuxuu ku yidhi, Baxa. Markaasay baxeen oo galeen doofaarradii, oo daaqsinta oo dhammu jarka hoos bay uga yaacday ilaa badda, oo biyaha ku bakhtiday.

8:33b.MAT.008.033 Kolkaasay kuwii daajin jiray carareen oo magaalada galeen, wax walbana way u sheegeen iyo wixii ku dhacay kuwii jinniyada qabi jiray.Markaasaa magaaladii oo dhan lagaga soo baxay inay Ciise ka hor tagaan. Goortay arkeen, waxay ka baryeen inuu soohdintooda ka noqdo.

8:34b.MAT.008.034 Markaasaa magaaladii oo dhan lagaga soo baxay inay Ciise ka hor tagaan. Goortay arkeen, waxay ka baryeen inuu soohdintooda ka noqdo.

9

9:1b.MAT.009.001 Markaasuu doonni fuulay oo dhanka kale u tallaabay oo magaaladiisii yimid.

9:2b.MAT.009.002 Kolkaasay waxay u keeneen nin curyaan ah oo sariir ku jiifa. Ciise oo rumaysadkooda arka ayaa ninkii curyaanka ahaa ku yidhi, Wiilkow, kalsoonow, dembiyadaadu waa kaa cafiyan yihiin.

9:3b.MAT.009.003 Kolkaasaa qaar culimmada ah waxay isku yidhaahdeen, Ninkan waa caytamayaa.

9:4b.MAT.009.004 Ciise oo fikirradooda garanaya ayaa ku yidhi, Maxaad haddaba shar ugu fikiraysaan qalbiyadiinna?

9:5b.MAT.009.005 Iyamaa hawl yar, in la yidhaahdo, Dembiyadaadu waa cafiyan yihiin, ama in la yidhaahdo, Kac oo soco?

9:6b.MAT.009.006 Laakiin si aad ku garataan in Wiilka Aadanahu dhulka ku leeyahay amar uu dembiyada ku cafiyo (markaasuu kii curyaanka ahaa ku yidhi), Kac oo sariirtaada qaado oo gurigaaga tag.

9:7b.MAT.009.007 Markaasuu kacay oo gurigiisii tegey.

9:8b.MAT.009.008 Laakiin dadkii badnaa goortay arkeen, way baqeen, oo Ilaah ammaaneen, kan amar caynkan oo kale ah dadka siiyey.

9:9b.MAT.009.009 Ciise kolkuu meeshaas ka tegey intuu socday ayuu wuxuu arkay nin la odhan jiray Matayos oo fadhiya meeshii cashuurta lagu qaado, oo wuxuu ku yidhi, I soo raac. Markaasuu kacay oo raacay.

9:10b.MAT.009.010 Waxaa dhacay, goortii Ciise guriga cunto u fadhiistay, in cashuurqaadayaal iyo dembilayaal badanu yimaadeen, oo ay la fadhiisteen Ciise iyo xertiisa.

9:11b.MAT.009.011 Goortii Farrisiintu arkeen ayay xertiisii ku yidhaahdeen, Macallinkiinnu muxuu cashuurqaadayaasha iyo dembilayaasha ula cunaa?

9:12b.MAT.009.012 Laakiin goortuu maqlay, wuxuu yidhi, Kuwa ladan dhakhtar uma baahna, laakiin kuwa buka ayaa u baahan.

9:13b.MAT.009.013 Laakiin taga oo barta hadalkan micnihiisa, Waxaan doonayaa naxariis ee ma aha allabari, waayo uma aan imanin inaan kuwa xaqa ah u yeedho, laakiin inaan dembilayaasha u yeedho ayaan u imid.

9:14b.MAT.009.014 Markaas waxaa u timid xertii Yooxanaa iyagoo leh, Annaga iyo Farrisiintu maxaannu dhaaxa u soonnaa, laakiin xertaadu ay u soomi weydaa?

9:15b.MAT.009.015 Markaasaa Ciise ku yidhi, Dadka aroosku ma barooran karaan intuu aroosku la joogo? Laakiin waxaa iman doona maalmaha arooska laga qaadi doono, markaasay soomi doonaan.

9:16b.MAT.009.016 Ninna karriin cusub kuma tolo dhar duug ah, waayo, tan lagu buuxin lahaa ayaa dharka ka go'da, oo jeexdintu waa ka sii xumaataa.

9:17b.MAT.009.017 Khamri cusubna laguma shubo qarbeddo duug ah, haddii kale qarbeddada ayaa qarxaya, khamriguna waa daadanayaa, qarbeddaduna waa hallaabayaan, laakiin khamri cusubse waxaa lagu shubaa qarbeddo cuscusub, labaduba waa sii raagayaan.

9:18b.MAT.009.018 Intuu waxan kula hadlayay, waxaa u yimid taliye oo u sujuuday oo ku yidhi, Gabadhaydu haddeer bay dhimatay, laakiin kaalay oo gacantaada saar oo way noolaanaysaa.

9:19b.MAT.009.019 Markaasaa Ciise kacay oo raacay, isaga iyo xertiisiiba.

9:20b.MAT.009.020 Kolkaas naag laba iyo toban sannadood dhiigbixid qabtay ayaa dhabarkiisa timid oo taabatay maradiisa darafteeda.

9:21b.MAT.009.021 Waayo, waxay isku tidhi, Haddaan maradiisa iska taabto uun, waan bogsanayaa.

9:22b.MAT.009.022 Laakiin Ciise intuu ku soo jeestay oo arkay, ayuu wuxuu ku yidhi, Gabadhay, kalsoonow; rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. Oo naagtii baa saacaddaas bogsatay.

9:23b.MAT.009.023 Ciise goortuu guriga taliyaha galay oo arkay kuwa biibiilayaasha yeedhinaya iyo dadka buuqaya,

9:24b.MAT.009.024 wuxuu ku yidhi, Ka leexda, yartu ma dhiman, waase huruddaa. Wayna ku qosleen.

9:25b.MAT.009.025 Laakiin markii dadkii badnaa la saaray, ayuu galay oo gacanteeda qabtay, yartiina waa kacday.

9:26b.MAT.009.026 Markaasaa warkaasu dalkaas oo dhan gaadhay.

9:27b.MAT.009.027 Ciise intuu meeshaas ka tegayay, waxaa daba socday laba nin oo Indhala’, iyagoo qaylinaya oo leh, Ina Daa'uudow, noo naxariiso.

9:28b.MAT.009.028 Goortuu guriga galay ayay nimankii indhaha la'aa u yimaadeen. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma rumaysan tihiin inaan waxan yeeli karo? Waxay ku yidhaahdeen, Haah, Sayidow.

9:29b.MAT.009.029 Markaasuu indhahooda taabtay isagoo leh, Sida rumaysadkiinnu yahay ha idiin noqoto.

9:30b.MAT.009.030 Markaasaa indhahoodii furmeen. Ciise aad buu u amray, oo ku yidhi, Iska jira; ninna yaanu ogaan.

9:31b.MAT.009.031 Laakiin iyagu way baxeen oo warkiisa ku fidiyeen dhulkaas oo dhan.

9:32b.MAT.009.032 Kolkay baxeen, bal eeg, waxaa loo keenay nin Carrabla’ oo jinni qaba.

9:33b.MAT.009.033 Oo goortii jinnigii la saaray, ninkii carrabka la'aa waa hadlay, dadkii badnaana way yaabeen oo waxay yidhaahdeen, Sidaas oo kale Israa'iil weligeed laguma arag.

9:34b.MAT.009.034 Laakiin Farrisiintii waxay yidhaahdeen, Wuxuu jinniyada ku eryaa madaxda jinniyada.

9:35b.MAT.009.035 Ciise wuxuu ku wareegay magaalooyinka iyo tuulooyinka oo dhan, oo sunagogyadooda ayuu wax ku barayay, oo injiilka boqortooyadii ku wacdiyeyey, oo bugto walba iyo cudur walba ayuu bogsiinayay:

9:36b.MAT.009.036 Laakiin goortuu dadkii badnaa arkay ayuu u naxariistay, waayo, way dhibaataysnaayeen oo kala firidhsanaayeen sidii ido aan adhijir lahayn.

9:37b.MAT.009.037 Markaasuu xertiisii ku yidhi, Waxa beerta laga gooynayaa way badan yihiin, shaqaalayaashuse waa yar yihiin.Sidaa darteed Sayidka beergooyska barya inuu shaqaalayaal beertiisa u soo diro.

9:38b.MAT.009.038 Sidaa darteed Sayidka beergooyska barya inuu shaqaalayaal beertiisa u soo diro.

10

10:1b.MAT.010.001 Markaasuu wuxuu u yeedhay laba-iyo-tobankii xertiisa ahaa oo wuxuu siiyey amar ay jinniyo wasakh leh ku saaraan oo ay bugto walba iyo cudur walba ku bogsiiyaan.

10:2b.MAT.010.002 Laba-iyo-tobanka rasuul magacyadoodu waa kuwan, Kan ugu horreeyaa waa Simoon, kan Butros la odhan jiray, iyo walaalkiis Andaros, iyo Yacquub ina Sebedi, iyo walaalkiis Yooxanaa,

10:3b.MAT.010.003 iyo Filibos, iyo Bartolomayos, iyo Toomas, iyo Matayos oo cashuurqaadaha ahaa, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Tadayos,

10:4b.MAT.010.004 iyo Simoon reer Kaana, iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.

10:5b.MAT.010.005 Laba-iyo-tobankan Ciise ayaa diray oo amray isagoo leh, Jid ka mid ah jidadka dadka aan Yuhuudda ahayn ha marina, magaalo ka mid ah magaalooyinka reer Samaariyana ha gelina,

10:6b.MAT.010.006 laakiin waxaad u tagtaan idaha lunsan oo guriga Israa'iil ah.

10:7b.MAT.010.007 Oo intaad socotaan wacdiya, oo waxaad ku tidhaahdaan, Boqortooyadii jannadu waa dhow dahay.

10:8b.MAT.010.008 Kuwa bukana bogsiiya, kuwii dhintayna sara kiciya, kuwa baraska lehna nadiifiya, jinniyadana saara, hadiyad ahaan baad ku hesheen ee hadiyad ahaanna ku siiya.

10:9b.MAT.010.009 Dahab ama lacag ama naxaas kiishadihiinna ha ku haysanina,

10:10b.MAT.010.010 qandina jidka ha u qaadanina, ama laba khamiis, ama kabo, ama ul, waayo, shaqaaluhu cuntadiisa ayuu istaahilaa.

10:11b.MAT.010.011 Magaalo alla magaaladaad gashaan iyo tuuloba, ka doona mid istaahila, oo halkaas jooga ilaa aad ka tegaysaan.

10:12b.MAT.010.012 Goortaad guriga gelaysaan, nabdaadiya,

10:13b.MAT.010.013 oo hadduu gurigu istaahilo, nabaddiinnu ha ku soo degto, laakiin haddaanu istaahilin, nabaddiinnu ha idinku soo noqoto.

10:14b.MAT.010.014 Oo ku alla kii aan idin soo dhowayn, oo aan hadalladiinna maqlin, goortaad gurigaas ama magaaladaas ka baxaysaan, siigada cagihiinna ka dhabaandhaba.

10:15b.MAT.010.015 Runtii waxaan idinku leeyahay, Maalinta xisaabta, Sodom iyo Gomora waa ka xisaab fududaan doonaan magaaladaas.

10:16b.MAT.010.016 Waxaan idiin dirayaa sidii ido yeey ku dhex jira, sidaa darteed caqli u lahaada sida abeesooyin, oo u sir la'aada sida qoolleyo.

10:17b.MAT.010.017 Laakiin dad iska jira, waayo, waxay idiin dhiibi doonaan shirar, oo sunagogyadooda ayay idinku karbaashi doonaan.

10:18b.MAT.010.018 Oo waxaa aawaday laydiin hor geeyn doonaa taliyayaal iyo boqorro inay marag ku noqoto iyaga iyo dadka aan Yuhuudda ahayn.

10:19b.MAT.010.019 Laakiin goortay idin gacangeliyaan, ha ka welwelina sidaad u hadli doontaan ama waxaad ku hadli doontaan, waayo, waxaad ku hadli doontaan ayaa saacaddaas laydin siin doonaa.

10:20b.MAT.010.020 Waayo, ma aha idinka kuwa hadlayaa laakiin waa Ruuxa Aabbihiin kan idinka dhex hadlayaa.

10:21b.MAT.010.021 Walaalba walaalkiis wuxuu u dhiibi doonaa in la dilo, aabbena wiilkiisa, carruurna waalidkood ayay ku kici doonaan oo dhimashay gaadhsiin doonaan.

10:22b.MAT.010.022 Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona, laakiin kan ilaa ugu dambaysta adkaysta, kaasaa badbaadi doona.

10:23b.MAT.010.023 Laakiin goortay magaaladan idinku silciyaan, tan kale u carara, waayo, runtii waxaan idinku leeyahay, Magaalooyinka Israa'iil ma wada gaadhi doontaan ilaa Wiilka Aadanahu yimaado.

10:24b.MAT.010.024 Qof xer ahu macallinkiisa kama sarreeyo, addoonkuna sayidkiisa kama sarreeyo.

10:25b.MAT.010.025 Waa ku filan tahay qof xer ah inuu noqdo sida macallinkiisa, addoonkuna sida sayidkiisa. Hadday odayga reerka Be'elsebul ugu yeedhaan, intee ka badan ayay ugu yeedhi doonaan kuwa gurigiisa jooga.

10:26b.MAT.010.026 Sidaa darteed ha ka baqina, waayo, wax daboolan ma jiro oo aan soo muuqan doonin, wax qarsoonna ma jiro oo aan la garan doonin.

10:27b.MAT.010.027 Waxaan gudcurka idiinku sheego, iftiinka ku dhaha, oo waxaad dhegta ka maqashaanna, guryaha dushooda kaga dhawaaqa.

10:28b.MAT.010.028 Ha ka baqina kuwa jidhka dila, laakiin aan karin inay nafta dilaan, waxaadse ka baqdaan kan jahannamada ku hallayn kara nafta iyo jidhkaba.

10:29b.MAT.010.029 Laba shimbirrood miyaan beesad lagu iibin? Middoodna dhulka ku dhici mayso amarka Aabbihiin la'aantiis.

10:30b.MAT.010.030 Timaha madaxiinna oo dhan waa tirsan yihiin.

10:31b.MAT.010.031 Sidaa darteed ha baqina, waad ka qiima badan tihiin shimbirro badan.

10:32b.MAT.010.032 Sidaa darteed mid walba oo igu qirta dadka hortiisa, anna waan ku qiran doonaa Aabbahayga jannada ku jira hortiisa.

10:33b.MAT.010.033 Laakiin ku alla kii igu diida dadka hortiisa, anna waan ku diidi doonaa Aabbahayga jannada ku jira hortiisa.

10:34b.MAT.010.034 Ha u malaynina inaan u imid inaan nabad dhulka u keeno; uma aan iman inaan nabad keeno, laakiin inaan seef keeno.

10:35b.MAT.010.035 Waxaanse u imid inaan nin cadow kaga dhigo aabbihiis, gabadhna hooyadeed, naagna soddohdeed.

10:36b.MAT.010.036 Nin cadowgiisu waa dadka gurigiisa.

10:37b.MAT.010.037 Kan aabbihiis iyo hooyadiis iga jecel, ima istaahilo, oo kan wiilkiisa iyo gabadhdiisa iga jecel, ima istaahilo.

10:38b.MAT.010.038 Kan aan iskutallaabtiisa soo qaadan oo aan i soo raacin, ima istaahilo.

10:39b.MAT.010.039 Kan naftiisa helaa waa lumin doonaa, oo kan naftiisa u lumiya aawaday waa heli doonaa.

10:40b.MAT.010.040 Kan idin aqbalaa wuu i aqbalaa, kan i aqbalaana, wuxuu aqbalaa kan i soo diray.

10:41b.MAT.010.041 Kan nebi ku aqbala nebi magiciis, wuxuu heli doonaa nebi abaalkiis, kan qof xaq ah ku aqbala qof xaq ah magiciis, wuxuu heli doonaa qof xaq ah abaalkiis.Ku alla kii kuwan yaryar koob biyo qabow oo keliya ku siiya qof xer ah magiciis, runtii waxaan idinku leeyahay, abaalkiisu ka lumi maayoba.

10:42b.MAT.010.042 Ku alla kii kuwan yaryar koob biyo qabow oo keliya ku siiya qof xer ah magiciis, runtii waxaan idinku leeyahay, abaalkiisu ka lumi maayoba.

11

11:1b.MAT.011.001 Goortii Ciise amarkiisa u dhammeeyey laba iyo tobankii xertiisa ahaa, waxaa dhacay inuu meeshaas ka noqday inuu magaalooyinkooda wax ku baro oo ku wacdiyo.

11:2b.MAT.011.002 Goortii Yooxanaa xabsiga ka maqlay shuqulladii Masiixa, laba xertiisii ah ayuu u soo diray

11:3b.MAT.011.003 oo ku yidhi, Miyaad tahay kan imanaya mise mid kale aannu dhawrnaa?

11:4b.MAT.011.004 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Taga oo Yooxanaa uga warrama waxaad aragteen iyo waxaad maqasheen.

11:5b.MAT.011.005 Kuwii indhaha la'aa wax bay arkaan, kuwii lugahala'aana way socdaan, kuwii baraska qabayna waa la nadiifiyey, kuwii dhegahala'aana wax bay maqlaan, kuwii dhintayna waa la kiciyey, masaakiintana injiilka waa lagu wacdiyaa,

11:6b.MAT.011.006 oo waxaana barakaysan kan aan iga xumaanin.

11:7b.MAT.011.007 Markay tageen, Ciise wuxuu bilaabay inuu dadkii badnaa wax uga sheego Yooxanaa oo wuxuu yidhi, Maxaad cidlada ugu baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan cawsduur dabaylu ruxayso?

11:8b.MAT.011.008 Laakiin maxaad u baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan nin dhar jilicsan qaba? Kuwa dharka jilicsan qaba waxay joogaan guryaha boqorrada.

11:9b.MAT.011.009 Laakiin maxaad u baxdeen? Ma waxay ahayd inaad nebi soo aragtaan? Haah, waxaan idinku leeyahay, mid nebi ka sarreeya.

11:10b.MAT.011.010 Kanu waa kii laga qoray, Eeg, waxaan hortaada soo dirayaa wargeeyahayga, Kan jidkaaga kuu sii diyaargarayn doona hortaada.

11:11b.MAT.011.011 Runtii waxaan idinku leeyahay, Intii dumar ka dhalatay, mid Yooxanaa Baabtiisaha ka weyn kama dhex kicin, laakiin kan boqortooyadii jannada ugu yar ayaa ka weyn.

11:12b.MAT.011.012 Tan iyo wakhtigii Yooxanaa Baabtiisaha boqortooyada jannada waa la xoogay, oo kuwii xoogayna ayaa qaatay.

11:13b.MAT.011.013 Waayo, nebiyadii iyo sharcigu waxay wax sii sheegeen ilaa Yooxanaa.

11:14b.MAT.011.014 Haddii aad doonaysaan inaad tan aqbashaan, Kanu waa Eliyaas kan iman lahaa.

11:15b.MAT.011.015 Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.

11:16b.MAT.011.016 Maxaan qarnigan u ekaysiiyaa? Wuxuu u eg yahay carruur suuqa fadhida oo kuwa kale u yeedhaysa,

11:17b.MAT.011.017 iyagoo leh, Biibiile baannu idiin yeedhinnay, oo waad cayaari weydeen, waannu baroorannay oo waad calaacali weydeen.

11:18b.MAT.011.018 Waayo, Yooxanaa waa yimid isagoo aan waxba cunaynin oo cabbaynin, oo waxay yidhaahdaan, Jinni buu qabaa.

11:19b.MAT.011.019 Wiilka Aadanahuse waa yimid isagoo wax cunaya oo cabbaya, oo waxay yidhaahdaan, Eeg, waa nin cir weyn oo khamriyacab ah oo saaxiib la ah cashuurqaadayaal iyo dembilayaal. Xigmaddu inay xaq tahay waa lagu caddeeyaa shuqulladeeda.

11:20b.MAT.011.020 Dabadeed wuxuu bilaabay inuu canaanto magaalooyinkii uu shuqulladiisa xoogga leh badidooda ku dhex sameeyey, waayo, ma ay toobad keenin.

11:21b.MAT.011.021 Waa kuu hoog, Khorasinay; waa kuu hoog, Beytsayday; waayo, shuqulladii xoogga lahaa oo laydinku dhex sameeyey, haddii Turos iyo Siidoon lagu samayn lahaa, goor horay toobad keeni lahaayeen, iyagoo dhar joonyad ah gashan oo dambas ku fadhiya.

11:22b.MAT.011.022 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Maalinta xisaabta Turos iyo Siidoon waa idinka xisaab fududaan doonaan.

11:23b.MAT.011.023 Adiguna Kafarna'umay, samada ma laguu sarraysiin doonaa? Waxaad ku degi doontaa Haadees, waayo, haddii shuqulladii xoogga lahaa oo lagugu dhex sameeyey, Sodom lagu samayn lahaa, ilaa maanta way joogi lahayd.

11:24b.MAT.011.024 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Maalinta xisaabta, dalka Sodom ayaa kaa xisaab fududaan doona.

11:25b.MAT.011.025 Wakhtigaas Ciise ayaa hadalkan yidhi, Aabbow, Rabbiga samada iyo dhulkow, waan kugu mahad naqayaa, waayo, waxyaalahan ayaad kuwa caqliga iyo garashada leh ka qarisay, oo waxaad u muujisay ilma yaryar.

11:26b.MAT.011.026 Haah, Aabbow, waayo, sidaas ayaa kaa farxisay.

11:27b.MAT.011.027 Aabbahay wax walbaba waa ii dhiibay; oo ninna Wiilka garan maayo Aabbaha maahee, oo ninna Aabbaha garan maayo Wiilka maahee iyo kii Wiilku doonayo inuu u muujiyo.

11:28b.MAT.011.028 Ii kaalaya kulligiin kuwiinna hawshaysan oo culaabaysanow, oo anigu waan idin nasin doonaa.

11:29b.MAT.011.029 Harqoodkayga dushiinna ku qaata oo wax iga barta; waayo, waan qaboobahay, qalbigayguna waa hooseeyaa, oo naftiinna nasashaad u heli doontaan.Waayo, harqoodkaygu waa dhib yar yahay, oo rarkayguna waa fudud yahay.

11:30b.MAT.011.030 Waayo, harqoodkaygu waa dhib yar yahay, oo rarkayguna waa fudud yahay.

12

12:1b.MAT.012.001 Wakhtigaas Ciise wuxuu sabtidii dhex maray beeraha, xertiisuna waa gaajaysnayd, oo waxay bilaabeen inay sabuulladii jartaan oo cunaan.

12:2b.MAT.012.002 Laakiin Farrisiintii goortay arkeen, waxay isaga ku yidhaahdeen, Eeg, xertaadu waxay samaynayaan wixii aan xalaal ahayn in sabtida la sameeyo.

12:3b.MAT.012.003 Laakiin wuxuu ku yidhi, Miyaydnaan akhriyin wixii Daa'uud sameeyey goortuu gaajooday, isaga iyo kuwii la jiray,

12:4b.MAT.012.004 siduu gurigii Ilaah u galay oo uu u cunay kibistii tusniinta, tan aan xalaal u ahayn inuu cuno ama in kuwii la jiray cunaan, wadaaddada keliya maahee?

12:5b.MAT.012.005 Ama miyaydnaan sharciga ka akhriyin in wadaaddadii macbudka ku jira sabtida, ay sabtida ka dhigaan wax aan quduus ahayn oo ay ka eed la' yihiin?

12:6b.MAT.012.006 Waxaan idinku leeyahay, Mid macbudka ka sarreeya ayaa halkan jooga.

12:7b.MAT.012.007 Haddaad aqoon lahaydeen hadalkan micnihiisa, Waxaan doonayaa naxariis ee ma aha allabari, kuwa aan eed lahayn ma aad xukunteen.

12:8b.MAT.012.008 Waayo, Wiilka Aadanahu waa sayidkii sabtida.

12:9b.MAT.012.009 Markaasuu halkaas ka tegey oo wuxuu galay sunagoggooda.

12:10b.MAT.012.010 Oo waxaa joogay nin gacan engegan. Goortaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Ma xalaal baa in sabtida wax la bogsiiyo? si ay ugu ashtakeeyaan.

12:11b.MAT.012.011 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Ninkiinnee baa lax leh oo hadday sabtida god ku dhacdo, aan soo qabanaynin oo aan soo bixinaynin?

12:12b.MAT.012.012 Haddaba nin intee buu ka qiima badan yahay lax! Sidaa darteed waa xalaal in sabtida wanaag la sameeyo.

12:13b.MAT.012.013 Markaasuu ninkii ku yidhi, Gacantaada soo taag. Wuuna soo taagay, oo way bogsatay sida tan kale.

12:14b.MAT.012.014 Laakiin Farrisiintu waa baxeen, oo waxay ka wada hadleen si ay u dilaan.

12:15b.MAT.012.015 Ciise goortuu ogaaday ayuu halkaas ka tegey, oo waxaa raacay dad badan, dhammaantoodna wuu wada bogsiiyey.

12:16b.MAT.012.016 Wuxuuna ku amray inaanay cidna u sheegin,

12:17b.MAT.012.017 si ay u noqoto wixii lagaga dhex hadlay nebi Isayos isagoo leh,

12:18b.MAT.012.018 Eeg midiidinkaygii aan doortay, Kan aan jeclahay oo ay naftaydu ku faraxsan tahay. Ruuxayga ayaan dul saari doonaa, Wuxuuna quruumaha u sheegi doonaa xukunka.

12:19b.MAT.012.019 Ma uu ilaaqtami doono, mana qaylin doono, Ninnana codkiisa jidadka kama maqli doono.

12:20b.MAT.012.020 Cawsduur nabar leh ma jebin doono, Dubaalad qiiqaysana ma demin doono, Ilaa uu xukunka u soo bixiyo libta.

12:21b.MAT.012.021 Oo quruumuhu waxay ku rajayn doonaan magiciisa.

12:22b.MAT.012.022 Markaasaa waxaa loo keenay jinnoole indha la' oo carrab la', wuuna bogsiiyey, sidaa darteed ninkii carrabka la'aa waa hadlay oo wax arkay.

12:23b.MAT.012.023 Kolkaasaa dadkii badnaa oo dhammu yaabeen oo waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn ina Daa'uud?

12:24b.MAT.012.024 Laakiin Farrisiintu goortay maqleen, waxay yidhaahdeen, Kanu jinniyada wax kale kuma saaro Be'elsebul oo ah madaxda jinniyada maahee.

12:25b.MAT.012.025 Laakiin isagoo garanaya fikirradooda ayuu ku yidhi, Boqortooyo walba oo kala qaybsantaa, cid la' bay noqotaa, oo magaalo walba iyo guri walba oo kala qaysamaa, ma taagnaan doonaan.

12:26b.MAT.012.026 Haddii Shayddaan Shayddaan saaro, waa kala qaybsamaa. Haddaba boqortooyadiisu sidee bay u taagnaan doontaa?

12:27b.MAT.012.027 Oo anigu haddii aan jinniyada ku saaro Be'elsebul, wiilashiinnu yay ku saaraan? Sidaa darteed iyagu waxay ahaanayaan xaakinnadiinna.

12:28b.MAT.012.028 Laakiin haddaan jinniyada ku saaro Ruuxa Ilaah, waxaa idiin timid boqortooyada Ilaah.

12:29b.MAT.012.029 Ama qof sidee buu kan xoog leh gurigiisa u geli karaa oo alaabtiisa u dhici karaa, haddaanu kolkii hore kan xoogga leh xidhin? Markaasuu gurigiisa dhici doonaa.

12:30b.MAT.012.030 Kan aan ila jirin waa iga gees, oo kan aan ila ururin waa firdhiyaa.

12:31b.MAT.012.031 Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Dembi walba iyo cay walba waa loo cafiyi doonaa dadka, laakiin cayda Ruuxa Quduuska ah ka gees ah looma cafiyi doono.

12:32b.MAT.012.032 Ku alla kii ku hadla hadal Wiilka Aadanaha ka gees ah waa loo cafiyi doonaa, laakiin ku alla kii ku hadla hadal Ruuxa Quduuska ah ka gees ah looma cafiyi doono wakhtigan iyo wakhtiga iman doona.

12:33b.MAT.012.033 Ama geedka wanaajiya iyo midhihiisaba, ama geedka xumeeya iyo midhihiisaba, waayo, geedka waxaa lagu gartaa midhihiisa.

12:34b.MAT.012.034 Dhal jilbisay, sidee baad wax wanaagsan ugu hadli karaysaan idinkoo shar leh? Waayo, afku wuxuu ku hadlaa waxa qalbiga ku badan.

12:35b.MAT.012.035 Ninka wanaagsani wuxuu maalka wanaagsan ka soo saaraa wax wanaagsan, kan sharka lihina wuxuu maalka sharka leh ka soo saaraa wax shar ah.

12:36b.MAT.012.036 Waxaan idinku leeyahay, Eray kasta oo aan waxtar lahayn oo dadku ku hadlo, maalinta xisaabta xisaab bay ka bixin doonaan.

12:37b.MAT.012.037 Waayo, hadalladaada ayaa lagugu caddayn doonaa inaad xaq tahay, oo hadalladaada ayaa lagugu xukumi doonaa.

12:38b.MAT.012.038 Markaas qaar culimmada iyo Farrisiinta ah ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, waxaannu doonaynaa inaannu calaamo kaa aragno.

12:39b.MAT.012.039 Markaasuu wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni shareed oo sina leh ayaa calaamo doonaya, calaamona lama siin doono calaamada nebi Yoonis maahee.

12:40b.MAT.012.040 Waayo, sida Yoonis saddex maalmood iyo saddex habeen caloosha nibiriga ugu jiray, sidaasuu Wiilka Aadanahuna saddex maalmood iyo saddex habeen caloosha dhulka uga jiri doonaa.

12:41b.MAT.012.041 Nimanka Nineweh waxay xisaabta isla taagi doonaan dadka qarnigan, wayna xukumi doonaan, waayo, waxay ku toobad keeneen wacdigii Yoonis, oo bal eeg, mid Yoonis ka weyn ayaa halkan jooga.

12:42b.MAT.012.042 Boqoradda koonfureed waxay xisaabta la kici doontaa dadka qarnigan, wayna xukumi doontaa, waayo, waxay ka timid meesha dhulka ugu shishaysa inay xigmadda Sulaymaan maqasho, oo bal eeg, mid Sulaymaan ka weyn ayaa halkan jooga.

12:43b.MAT.012.043 Jinniga wasakhda leh goortuu ninka ka baxo, wuxuu maraa meelo aan biyo lahayn isagoo nasasho doonaya, mana helo.

12:44b.MAT.012.044 Markaasuu yidhaahdaa, Waxaan ku noqonayaa gurigaygii aan ka baxay, oo goortuu yimaado wuxuu helaa isagoo madhan oo xaaqan oo hagaagsan.

12:45b.MAT.012.045 Markaasuu tagaa oo wuxuu wataa toddoba jinni oo kale oo ka xunxun isaga, wayna galaan oo halkaas joogaan. Ninkaas wakhtigiisa dambe ayaa ka darnaada wakhtiga hore. Sidaasay u noqon doontaa qarnigan sharka leh.

12:46b.MAT.012.046 Intuu weli dadkii badnaa la hadlayay, ayaa hooyadiis iyo walaalihiis dibadda taagnaayeen oo doonayeen inay la hadlaan isaga.

12:47b.MAT.012.047 Mid baa ku yidhi, Bal eeg, hooyadaa iyo walaalahaa ayaa dibadda taagan oo doonaya inay kula hadlaan.

12:48b.MAT.012.048 Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi kii u sheegay, Yaa hooyaday ah oo yaa walaalahay ah?

12:49b.MAT.012.049 Gacantiisa ayuu xertiisa ku taagay oo yidhi, Waa kuwan hooyaday iyo walaalahay!Waayo, ku alla kii yeela doonista Aabbahayga jannada ku jira, kaasaa walaalkay iyo walaashay iyo hooyaday ah.

12:50b.MAT.012.050 Waayo, ku alla kii yeela doonista Aabbahayga jannada ku jira, kaasaa walaalkay iyo walaashay iyo hooyaday ah.

13

13:1b.MAT.013.001 Maalintaas Ciise ayaa guriga ka baxay oo fadhiistay badda agteeda,

13:2b.MAT.013.002 oo waxaa u soo ururay dad faro badan, sidaa darteed doonni ayuu fuulay oo fadhiistay, dadkii badnaa oo dhammuna xeebtay taagnaayeen.

13:3b.MAT.013.003 Markaasuu wax badan masaallo ugu sheegay isagoo leh, Beerrey baa baxay inuu wax beero,

13:4b.MAT.013.004 oo intuu beerayay qaar baa jidka geestiisa ku dhacay. Kolkaasaa shimbirro yimaadeen oo cuneen.

13:5b.MAT.013.005 Qaar kalena waxay ku dhaceen dhul dhagax ah oo aan carro badan lahayn; kolkiiba way soo baxeen, waayo, carradu hoos uma dheerayn,

13:6b.MAT.013.006 laakiin qorraxdu goortay soo baxday way gubteen, waana engegeen, waayo, xidid ma lahayn.

13:7b.MAT.013.007 Qaar kalena waxay ku dhaceen qodxan, qodxantiina waa soo baxday oo ceejisay.

13:8b.MAT.013.008 Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen oo ay midho dhaleen, mid boqol, midna lixdan, midna soddon.

13:9b.MAT.013.009 Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.

13:10b.MAT.013.010 Markaasaa xertii u timid oo ku tidhi, Maxaad masaallo ugula hadashaa?

13:11b.MAT.013.011 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyada jannada garataan, kuwaase lama siiyo.

13:12b.MAT.013.012 Waayo, ku alla kii wax haysta waa la siin doonaa, waana loo badin doonaa, kii aan waxba haysanse, waa laga qaadi doonaa wuxuu haysto.

13:13b.MAT.013.013 Sidaa darteed ayaan masaallo ugula hadlaa, waayo, iyagoo arkaya ma arkaan, oo iyagoo maqlaya ma maqlaan, mana gartaan.

13:14b.MAT.013.014 Iyagay u noqotay waxsheegidda Isayos iyadoo leh, Maqal baad ku maqli doontaan mana garan doontaan, Idinkoo arkaya wax baad arki doontaan, idiinmana dhaadhici doonto.

13:15b.MAT.013.015 Waayo, dadkan qalbigoodu waa qallafsanaaday, Oo dhib bay dhegahooda wax ugu maqlaan, Indhahoodana way isku qabteen; Si aanay indhaha wax ugu arkin, Oo dhegaha wax ugu maqlin, Oo qalbiga wax ugu garan, Si aanay u soo noqon, Oo aanan u bogsiin.

13:16b.MAT.013.016 Laakiin waxaa barakaysan indhihiinna, waayo, wax bay arkaan, iyo dhegihiinna, waayo, wax bay maqlaan.

13:17b.MAT.013.017 Runtii waxaan idinku leeyahay, Nebiyo badan iyo niman xaq ah ayaa doonay inay arkaan waxaad aragtaan, mana arkin, iyo inay maqlaan waxaad maqashaan, mana ay maqlin.

13:18b.MAT.013.018 Haddaba maqla masaalkii beerreyga.

13:19b.MAT.013.019 Mid kasta oo hadalka boqortooyada maqla oo aan garan, waxaa u yimaada kan sharka leh oo ka dhifta wixii qalbigiisa lagu beeray. Waa kan kii jidka geestiisa lagu beeray.

13:20b.MAT.013.020 Oo kii meelaha dhagaxa ah lagu beeray waa kan hadalka maqla oo kolkiiba farxad ku qaata.

13:21b.MAT.013.021 Xididse isagu ma leh, laakiin wakhti yar buu sii jiraa, oo goortii dhib ama silec ugu dhaco erayga aawadiis, markiiba waa ka xumaadaa.

13:22b.MAT.013.022 Kii qodxanta lagu dhex beerayna waa kan hadalka maqla oo kawelwelidda dunidan iyo sasabidda maalka ayaa hadalka ceejiya, oo wuxuu noqdaa midhola'aan.

13:23b.MAT.013.023 Kii dhulka wanaagsan lagu beeray waa kan erayga maqla oo garta, oo isagu waa kan midho dhala, mid boqol, midna lixdan, midna soddon.

13:24b.MAT.013.024 Masaal kale ayuu u saaray, oo wuxuu yidhi, Boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiiyaa nin beertiisa abuur wanaagsan ku abuuray.

13:25b.MAT.013.025 Laakiin waxaa yimid cadowgiisa intii dadku hurday, oo wuxuu sarreenka kaga dhex abuuray gocondho, markaasuu tegey.

13:26b.MAT.013.026 Laakiin markii geedku soo baxay oo uu midho dhalay, markaasaa gocondhadii soo muuqatay.

13:27b.MAT.013.027 Kolkaasaa odayga reerka addoommadiisu u yimaadeen oo ku yidhaahdeen, Sayidow, miyaanad abuur wanaagsan beertaada ku abuurin? Xaggee haddaba gocondhadu uga timid?

13:28b.MAT.013.028 Wuxuu ku yidhi, Nin cadow ah ayaa waxan sameeyey. Addoommadii waxay ku yidhaahdeen, Ma waxaad doonaysaa haddaba inaannu tagno oo ururinno?

13:29b.MAT.013.029 Wuxuuse ku yidhi, Maya, waaba intaas oo goortaad gocondhada ururinaysaan aad sarreenka la rurujisaan.

13:30b.MAT.013.030 Labadoodu ha isla baxaan ilaa beergooyska, oo wakhtiga beergooyska waxaan kuwa gooya ku odhanayaa, Horta waxaad ururisaan gocondhadii, oo xidhmo xidhmo isugu xidha in la gubo, laakiin sarreenka ku soo ururiya maqsinkayga.

13:31b.MAT.013.031 Masaal kale ayuu u saaray oo wuxuu yidhi, Boqortooyada jannada waxay u eg tahay iniin khardal, tan uu nin qaaday oo beertiisa ku beeray.

13:32b.MAT.013.032 Taas waa ka wada yar tahay iniinaha oo dhan, laakiin goortay weynaato, way ka weyn tahay dhalatada oo dhan, oo waxay noqotaa geed dheer si ay shimbirraha cirku u yimaadaan oo laamaheeda ugu degaan.

13:33b.MAT.013.033 Masaal kale ayuu kula hadlay, Boqortooyada jannada waxay u eg tahay khamiir, kan naagi intay qaadday ay saddex qiyaasood oo bur ah ku dhex qooshtay ilaa ay wada khamiireen.

13:34b.MAT.013.034 Waxan oo dhan ayaa Ciise masaallo kula hadlay dadkii badnaa, oo masaalla'aan kulama uu hadlin iyaga.

13:35b.MAT.013.035 Si ay u noqoto wixii nebiga lagaga dhex hadlay isagoo leh, Afkayga waxaan ku furayaa masaallo, Oo wax qarsoonna tan iyo aasaaskii dunida ayaan ku dhawaaqayaa.

13:36b.MAT.013.036 Markaasuu dadkii badnaa ka tegey oo guriga galay. Xertiisii ayaa u timid oo waxay ku yidhaahdeen, Noo caddee masaalkii gocondhadii beerta.

13:37b.MAT.013.037 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Kii abuur wanaagsan abuuray waa Wiilka Aadanaha,

13:38b.MAT.013.038 beertuna waa dunida. Abuurka wanaagsanna waa wiilasha boqortooyada, gocondhadiina waa wiilasha kan sharka leh.

13:39b.MAT.013.039 Oo cadowga abuurayna waa Ibliiska, beergooyskuna waa dhammaadka wakhtigii dunida, kuwa gooyaana waa malaa'igo.

13:40b.MAT.013.040 Haddaba sidii gocondhadii loo ururiyey oo dab loogu gubay, sidaasay ahaan doontaa dhammaadka wakhtiga dunidu.

13:41b.MAT.013.041 Wiilka Aadanaha ayaa malaa'igihiisa diri doona, oo waxay boqortooyadiisa ka ururin doonaan wax kasta oo xumeeya iyo kuwa dembiga fala.

13:42b.MAT.013.042 Oo waxay ku tuuri doonaan foornada dabka, halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

13:43b.MAT.013.043 Markaasaa kuwa xaqa ah ku dhalaali doonaan boqortooyada Aabbahood sida qorraxdu u dhalaalayso. Kan dhego lahu ha maqlo.

13:44b.MAT.013.044 Boqortooyada jannadu waxay u eg tahay maal beer ku qarsoon, kan nin intuu helay qarsaday, oo farxad aawadeed ayuu baxay, oo wuxuu lahaa oo dhan iibiyey, oo beertaas iibsaday.

13:45b.MAT.013.045 Haddana boqortooyada jannadu waxay u eg tahay baayacmushtari luul wanaagsan doonaya.

13:46b.MAT.013.046 Goortuu xabbad luul ah oo ganac weyn helay, ayuu baxay, oo wuxuu lahaa oo dhan ayuu iibiyey oo iibsaday.

13:47b.MAT.013.047 Haddana boqortooyada jannadu waxay u eg tahay shabag badda lagu tuuray oo cayn walba lagu ururiyey.

13:48b.MAT.013.048 Kan markuu buuxsamay ay nimanku xeebta ku soo jiideen, wayna fadhiisteen oo kuwii wanaagsanaa weelal bay ku ururiyeen, kuwii xumaana way tuureen.

13:49b.MAT.013.049 Sidaasay ahaan doontaa dhammaadka wakhtiga dunidu. Malaa'igahu way soo bixi doonaan oo waxay kuwa sharka leh ka dhex sooci doonaan kuwa xaqa ah,

13:50b.MAT.013.050 oo waxay ku tuuri doonaan foornada dabka. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

13:51b.MAT.013.051 Waxyaalahan oo dhan ma garateen? Waxay ku yidhaahdeen, Haah.

13:52b.MAT.013.052 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Sidaa darteed mid kasta oo culimmada ka mid ah oo xer looga dhigay boqortooyada jannada, wuxuu u eg yahay nin reer odaygiis ah oo maalkiisa ka soo saara wax cusub iyo wax duug ah.

13:53b.MAT.013.053 Kolkii Ciise masaalladan dhammeeyey, ayuu halkaas ka tegey.

13:54b.MAT.013.054 Oo markuu waddankiisa yimid, ayuu sunagoggooda wax ku baray, sidaa darteed way yaabeen oo yidhaahdeen, Ninkanu xaggee buu ka helay xigmaddan iyo shuqulladan xoogga leh?

13:55b.MAT.013.055 Kanu miyaanu ahayn wiilkii nijaarka? Miyaan hooyadiis la odhan Maryan? Walaalihiisna Yacquub iyo Yoosee iyo Simoon iyo Yuudas?

13:56b.MAT.013.056 Gabdhihii walaalihiis ahaana miyaanay inala wada joogin? Haddaba kanu xaggee buu waxyaalahan oo dhan ka helay?

13:57b.MAT.013.057 Wayna ka xumaadeen, laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Nebi murwad la' ma jiro, waddankiisa iyo gurigiisa dhexdooda maahee.Halkaas shuqullo badan oo xoog leh kuma samayn rumaysadla'aantooda aawadeed.

13:58b.MAT.013.058 Halkaas shuqullo badan oo xoog leh kuma samayn rumaysadla'aantooda aawadeed.

14

14:1b.MAT.014.001 Waagaas taliye Herodos ayaa warkii Ciise maqlay,

14:2b.MAT.014.002 oo wuxuu midiidinyadiisii ku yidhi, Kanu waa Yooxanaa Baabtiisaha. Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay, sidaa darteed shuqulladan xoogga leh waa ku dhex jiraan oo shaqaynayaan.

14:3b.MAT.014.003 Waayo, Herodos baa Yooxanaa qabtay oo intuu xidhay ayuu u xabbisay, walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed.

14:4b.MAT.014.004 Waayo, Yooxanaa wuxuu ku yidhi, Xalaal kuuma aha inaad haysatid,

14:5b.MAT.014.005 oo goortuu doonay inuu dilo, dadkii badnaa ayuu ka baqay, maxaa yeelay, waxay u haysteen sidii nebi oo kale.

14:6b.MAT.014.006 Goortii maalintii la xusuustay dhalashadii Herodos timid, gabadhii Herodiya ayaa dadkii dhexdiisa ku cayaartay, oo Herodos ayay ka farxisay.

14:7b.MAT.014.007 Kolkaasuu dhaar ku ballanqaaday inuu siiyo wixii ay weyddiisatoba.

14:8b.MAT.014.008 Iyadoo hooyadeed hore ula soo talisay ayay tidhi, Halkan xeedho igu soo sii madaxa Yooxanaa Baabtiisaha.

14:9b.MAT.014.009 Boqorkii waa calool xumaaday, laakiin dhaarihiisii iyo kuwii la fadhiyey aawadood ayuu ku amray in la siiyo.

14:10b.MAT.014.010 Markaasuu cid diray oo Yooxanaa xabsigaa madaxa lagaga gooyay.

14:11b.MAT.014.011 Madaxiisiina waxaa lagu keenay xeedho, oo gabadhii la siiyey, iyaduna hooyadeed bay u keentay.

14:12b.MAT.014.012 Markaasaa xertiisii timid, oo meydkiisay qaadeen oo aaseen, kolkaasay tageen oo Ciise u warrameen.

14:13b.MAT.014.013 Ciise goortuu taas maqlay, ayuu halkaas doonni kaga soo noqday, oo meel cidla ah ayuu keligiis tegey. Dadkii badnaana goortay warkaas maqleen, ayay magaalooyinka lug kaga soo raaceen.

14:14b.MAT.014.014 Goortuu degay ayuu dad badan arkay, wuuna u naxariistay, oo kuwoodii bukay ayuu bogsiiyey.

14:15b.MAT.014.015 Goortii makhribkii la gaadhay ayaa xertiisii u timid oo ku tidhi, Meeshu waa cidlo, wakhtigiina waa dhammaaday, haddaba dadka dir si ay tuulooyinka u tagaan oo cunto u soo iibsadaan.

14:16b.MAT.014.016 Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Uma ay baahna inay tagaan, idinku siiya waxay cunaan.

14:17b.MAT.014.017 Waxay ku yidhaahdeen, Halkan waxba kuma hayno shan kibsood iyo laba kalluun maahee.

14:18b.MAT.014.018 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Halkan iigu keena.

14:19b.MAT.014.019 Kolkaasuu dadkii badnaa ku amray inay cawska ku fadhiistaan. Isaguna wuxuu qaaday shantii kibsood iyo labadii kalluun, oo intuu cirka eegay ayuu barakeeyey oo kibistii kala jejebiyey oo xertiisii siiyey, xertiina dadkii badnaa bay siiyeen.

14:20b.MAT.014.020 Dhammaantood way wada cuneen oo ka dhergeen, oo waxay soo gureen jajabkii hadhay oo laba iyo toban dambiilood ka buuxa.

14:21b.MAT.014.021 Kuwii cunayna waxay ku dhowaayeen shan kun oo nin oo aan naagaha iyo carruurtu ku jirin.

14:22b.MAT.014.022 Kolkiiba wuxuu xertiisii ku amray inay doonnida fuulaan oo ay hortiis tagaan dhanka kale, intuu dadkii badnaa dirayo.

14:23b.MAT.014.023 Goortuu dadkii badnaa diray ayuu keligiis buurta fuulay inuu ku tukado, oo goortii makhribka la gaadhay keli ahaantiis ayuu halkaas joogay.

14:24b.MAT.014.024 Doonniduse durba wax badan ayay dhulka ka fogaatay oo hirarku waa dhibeen, waayo, dabaysha ayaa ka gees ahayd.

14:25b.MAT.014.025 Wakhtiga gaadhkii afraad oo habeenka ayuu u yimid isagoo badda ku dul socda.

14:26b.MAT.014.026 Oo xertiisii goortay arkeen isagoo badda ku dul socda, way nexeen oo waxay yidhaahdeen, Waa muuqasho, oo baqdin bay la qayliyeen.

14:27b.MAT.014.027 Markiiba Ciise waa la hadlay oo ku yidhi, Kalsoonaada, waa aniga ee ha baqina.

14:28b.MAT.014.028 Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Sayidow, haddaad tahay adiga, igu amar inaan biyaha kuugu dul imaado.

14:29b.MAT.014.029 Wuxuu ku yidhi, Kaalay. Oo Butros markuu doonnida ka degay ayuu biyaha ku dul socday inuu Ciise u tago.

14:30b.MAT.014.030 Laakiin goortuu dabayshii arkay ayuu baqay, oo markuu bilaabay inuu dego ayuu qayliyey oo ku yidhi, Sayidow, i badbaadi,

14:31b.MAT.014.031 oo markiiba Ciise gacantiisuu u taagay oo qabtay oo ku yidhi, Rumaysadyare yahow, maxaad u shakiday?

14:32b.MAT.014.032 Oo markay doonnida fuuleen, dabayshu waa joogsatay.

14:33b.MAT.014.033 Kuwii doonnida ku jirayna way caabudeen isaga, oo waxay ku yidhaahdeen, Runtii, waxaad tahay Wiilka Ilaah.

14:34b.MAT.014.034 Oo markay gudbeen waxay yimaadeen dalka Gennesared.

14:35b.MAT.014.035 Oo nimankii halkaas degganaa goortay garteen isaga, waxay cid u direen dalkaas ku wareegsan oo dhan, oo waxay u keeneen kuwa buka oo dhan,oo waxay ka baryeen inay faraqa maradiisa keliya taabtaan, oo kuwii taabtayna way bogsadeen.

14:36b.MAT.014.036 oo waxay ka baryeen inay faraqa maradiisa keliya taabtaan, oo kuwii taabtayna way bogsadeen.

15

15:1b.MAT.015.001 Markaas waxaa Yeruusaalem Ciise uga yimid niman Farrisiin iyo culimmo ah, oo waxay ku yidhaahdeen,

15:2b.MAT.015.002 Xertaadu maxay xeerka waayeellada uga gudbaan? Waayo, ma faro xashaan goortay kibis cunayaan.

15:3b.MAT.015.003 Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinkuba maxaad amarkii Ilaah uga gudubtaan xeerkiinna aawadiis?

15:4b.MAT.015.004 Waayo, Ilaah wuxuu amray, Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, oo Kan aabbihii ama hooyadii caayaa, dhimasho ha ku dhammaado.

15:5b.MAT.015.005 Laakiin waxaad leedihiin, Kan aabbihii ama hooyadii ku yidhaahda, Wixii aan idiin tari lahaa, hadiyad baan Ilaah ugu bixiyey,

15:6b.MAT.015.006 aabbihii ama hooyadii maamuusi maayo. Xeerkiinna ayaad erayga Ilaah ku buriseen.

15:7b.MAT.015.007 Labawejiilayaalow, Isayos aad buu wax idiinka sii sheegay markuu yidhi,

15:8b.MAT.015.008 Dadkanu bushimahooda ayay igu maamuusaan, Laakiin qalbigoodu waa iga fog yahay.

15:9b.MAT.015.009 Si aan micne lahayn ayay ii caabudaan, Iyagoo dadka wax ku baraya amarrada dadka.

15:10b.MAT.015.010 Markaasuu dadkii badnaa u yeedhay oo ku yidhi, Maqla oo garta.

15:11b.MAT.015.011 Ma aha waxa afka gala waxa ninka nijaaseeyaa, laakiin waxa afka ka soo baxa, kaas ayaa ninka nijaaseeya.

15:12b.MAT.015.012 Markaasaa xertii u timid oo ku tidhi, Ma og tahay Farrisiintii inay ka xumaadeen markay hadalkii maqleen?

15:13b.MAT.015.013 Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi, Geed walba oo aan Aabbahayga jannada ku jiraa abuurin waa la rujin doonaa.

15:14b.MAT.015.014 Iska daaya. Iyagu waa indhoolayaal indhoolayaal hagayaye. Laakiin nin indha la' hadduu nin indha la' hago, labadooduba god bay ku dhici doonaan.

15:15b.MAT.015.015 Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Masaalkaa noo caddee.

15:16b.MAT.015.016 Kolkaasuu wuxuu yidhi, Idinku weli ma garashola'aan baad tihiin?

15:17b.MAT.015.017 Miyaydnaan garanaynin, Wax kasta oo afka galaa calooshay tagaan, oo waxaa lagu tuuraa meesha lagu xaaro?

15:18b.MAT.015.018 Laakiin waxa afka ka soo baxaa, qalbigay ka yimaadaan; oo kuwaas weeye waxa ninka nijaaseeyaa.

15:19b.MAT.015.019 Waayo, waxaa qalbiga ka soo baxaa fikirrada sharka leh iyo dilidda iyo sinada iyo galmada xaaraanta ah iyo tuuganimada iyo maragga beenta ah iyo cayda.

15:20b.MAT.015.020 Kuwan weeye waxa ninka nijaaseeyaa. Laakiin in lagu cuno faro aan la maydhin, ninka ma nijaasayso.

15:21b.MAT.015.021 Ciise ayaa meeshaas ka baxay, oo dhinacyada Turos iyo Siidoon ayuu u leexday.

15:22b.MAT.015.022 Oo naag reer Kancaan ah ayaa soohdimahaas ka soo baxday oo qaylisay iyadoo leh, Ii naxariiso, Sayidow, ina Daa'uudow. Gabadhayda jinni baa si xun u waalaya.

15:23b.MAT.015.023 Laakiin hadal uguma uu jawaabin. Markaasaa xertiisii u timid oo ka bariday iyagoo leh, Eri, waayo, way inaga daba qaylinaysaa.

15:24b.MAT.015.024 Laakiin wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, La iima soo dirin, idaha lunsan oo reer binu Israa'iil maahee.

15:25b.MAT.015.025 Laakiin iyadu way u timid oo sujuudday, oo waxay tidhi, Sayidow, i caawi.

15:26b.MAT.015.026 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Ma wanaagsana in carruurta kibistooda la qaado oo eeyaha loo tuuro.

15:27b.MAT.015.027 Waxay tidhi, Waa run, Sayidow, laakiin weliba eeyahu waxay cunaan jajabka ka dhaca miiska sayidkooda.

15:28b.MAT.015.028 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Naagtay, rumaysadkaagu waa weyn yahay ee ha kuu noqoto sidaad doonaysid. Oo saacaddaasba gabadheedii waa bogsatay.

15:29b.MAT.015.029 Markaasaa Ciise halkaas ka tegey, oo wuxuu u soo dhowaaday badda Galili, oo buurtuu fuulay oo halkaasuu fadhiistay.

15:30b.MAT.015.030 Kolkaasaa waxaa u yimid dad fara badan oo wada kuwa curyaan ah iyo kuwa indha la' iyo kuwa carrab la' iyo kuwa addimmo la' iyo qaar badan oo kale, oo waxay iyaga dhigeen cagihiisa agtooda, wuuna bogsiiyey.

15:31b.MAT.015.031 Sidaas daraaddeed baa dadkii yaabay goortay arkeen kuwii carrabka la'aa oo hadlaya iyo kuwii lugaha la'aa oo bogsaday iyo kuwii curyaanka ahaa oo socda iyo kuwii indhaha la'aa oo wax arkaya, waxayna ammaaneen Ilaaha reer binu Israa'iil.

15:32b.MAT.015.032 Markaasaa Ciise xertiisii u yeedhay oo ku yidhi, Dadka badan ayaan u naxariisanayaa, waayo, durba saddex maalmood ayay ila joogeen, oo waxay cunaanna ma haystaan. Dooni maayo inaan diro iyagoo sooman waaba intaas oo ay jidka ku itaal beelaane.

15:33b.MAT.015.033 Xertiisii waxay ku yidhaahdeen, Innagoo meel cidla ah joogna, xaggee baynu ka helaynaa kibis intaa le'eg in dad sida u badanu ka dhergaan?

15:34b.MAT.015.034 Ciise ayaa ku yidhi Immisa kibsood baad haysaan? Waxay yidhaahdeen, Toddoba iyo wuxoogaa kalluun yaryar ah.

15:35b.MAT.015.035 Oo wuxuu dadkii badnaa ku amray inay dhulka fadhiistaan.

15:36b.MAT.015.036 Markaasuu toddobadii kibsood iyo kalluunkii soo qaaday, oo goortuu ku mahad naqay ayuu kala jejebiyey oo xertii siiyey, xertiina dadkii badnaa ayay siiyeen.

15:37b.MAT.015.037 Dhammaantood way wada cuneen oo dhergeen, oo waxay soo ururiyeen toddoba dambiilood oo ka buuxa jajabkii hadhay.

15:38b.MAT.015.038 Dadkii cunayna waxay ahaayeen afar kun oo rag ah oo aan naagaha iyo carruurtu ku jirin.Kolkuu dadkii badnaa diray dabadeed ayuu doonni fuulay, oo wuxuu galay soohdimaha Magadan.

15:39b.MAT.015.039 Kolkuu dadkii badnaa diray dabadeed ayuu doonni fuulay, oo wuxuu galay soohdimaha Magadan.

16

16:1b.MAT.016.001 Waxaa u yimid Farrisiintii iyo Sadukiintii iyagoo jirrabaya, oo waxay ka baryeen inuu calaamo cirka ka tuso.

16:2b.MAT.016.002 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Goortii ay makhrib tahay waxaad tidhaahdaan, Waxay noqonaysaa maalin wanaagsan, waayo, cirku waa guduudan yahay.

16:3b.MAT.016.003 Aroortiina waxaad tidhaahdaan, Maanta roob baa da'aya, waayo, cirku waa guduudan yahay, waana kicinsan yahay. Waxaad taqaaniin sida loo garto muuqashada cirka, laakiin ma kala garan kartaan calaamooyinka wakhtiyada.

16:4b.MAT.016.004 Waxaa calaamo doonaya qarni shareed oo sina leh, calaamose lama siin doono calaamadii Yoonis maahee. Markaasuu iska daayay iyaga oo ka tegey.

16:5b.MAT.016.005 Markii xertii dhanka kale timid, waxay illoobeen inay kibis sii qaataan.

16:6b.MAT.016.006 Ciise ayaa ku yidhi, Iska eega oo iska jira khamiirka Farrisiinta iyo Sadukiinta.

16:7b.MAT.016.007 Markaasay isla wada hadleen oo isku yidhaahdeen, Sababtaasu waa kibistii aannan soo qaadan aawadeed.

16:8b.MAT.016.008 Ciise oo gartay ayaa ku yidhi, Maxaad isula hadlaysaan, rumaysadyarayaalow? Ma kibista aydnan haysan aawadeed baa?

16:9b.MAT.016.009 Miyaydnaan weli garan ama miyaydnaan xusuusnayn shantii kibsood oo shantii kun cuntay, iyo intii dambiilood oo aad ka soo ururiseen?

16:10b.MAT.016.010 Ama toddobadii kibsood oo afartii kun cuntay iyo intii dambiilood oo aad ka soo ururiseen?

16:11b.MAT.016.011 Sidee baad u garan weydeen inaanan kibis idinkala hadlayn? Iska jira khamiirka Farrisiinta iyo Sadukiinta.

16:12b.MAT.016.012 Markaasay garteen inaanu ku lahayn, Iska jira khamiirka kibista, laakiin waxbaridda Farrisiinta iyo Sadukiinta.

16:13b.MAT.016.013 Ciise goortuu dhinacyada Kaysariya Filibos yimid ayuu xertiisii weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Dadku yay ku sheegaan Wiilka Aadanaha?

16:14b.MAT.016.014 Waxay yidhaahdeen, Qaar waxay yidhaahdaan, Yooxanaa Baabtiisaha, qaarna Eliyaas, qaar kalena waxay yidhaahdaan, Yeremyaah, ama nebiyada midkood.

16:15b.MAT.016.015 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan?

16:16b.MAT.016.016 Simoon Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Waxaad tahay Masiixa ah Wiilka Ilaaha nool.

16:17b.MAT.016.017 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waad barakaysan tahay Simoon ina Yoonis, waayo, bini-aadmi tan kuuma muujin, laakiin Aabbahayga jannada ku jira ayaa kuu muujiyey.

16:18b.MAT.016.018 Anigu waxaan kugu leeyahay, Butros baad tahay, oo dhagaxan ayaan ka dul dhisan doonaa kiniisaddayda, oo albaabbadii Haadees kama adkaan doonaan.

16:19b.MAT.016.019 Waxaan ku siin doonaa furayaasha boqortooyada jannada, oo wax alla wixii aad dhulka ku xidho ayaa jannada ku xidhnaan doona, oo wax alla wixii aad dhulka ku furto ayaa jannada ku furnaan doona.

16:20b.MAT.016.020 Markaasuu xertii ku amray inaanay cidna u sheegin inuu Masiixa yahay.

16:21b.MAT.016.021 Kolkaa dabadeed Ciise Masiix ayaa bilaabay inuu xertiisii u sheego inay waajib ugu tahay inuu Yeruusaalem tago, oo xanuun badan ka helo waayeellada iyo wadaaddada sare iyo culimmada, oo la dilo, oo maalinta saddexaad la sara kiciyo.

16:22b.MAT.016.022 Markaasaa Butros gees u waday oo bilaabay inuu canaanto, oo wuxuu ku yidhi, Ilaah ha kaa hayo, Sayidow, taasu weligaa kuuma noqon doonto.

16:23b.MAT.016.023 Laakiin Butros ayuu u soo jeestay oo ku yidhi, Gadaal iga mar, Shayddaan yahow. Waad i xumaynaysaaye, waayo, waxyaalaha Ilaah kama fikirtid, waxaadse ka fikirtaa waxyaalaha dadka.

16:24b.MAT.016.024 Markaasaa Ciise wuxuu xertiisii ku yidhi, Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha dayriyo doonistiisa, iskutallaabtiisana ha soo qaato oo ha i soo raaco.

16:25b.MAT.016.025 Kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, oo kan naftiisa u lumiya aawaday wuu heli doonaa.

16:26b.MAT.016.026 Waayo, nin maxay u taraysaa hadduu dunida oo dhan helo oo uu naftiisa lumiyo? Ama nin muxuu u bixiyaa naftiisa beddelkeeda?

16:27b.MAT.016.027 Waayo, Wiilka Aadanahu wuxuu ammaanta Aabbihiis kula iman doonaa malaa'igihiisa, markaasuu nin kasta ugu abaalgudi doonaa siduu falay.Runtii waxaan idinku leeyahay, Kuwa halkan taagan qaarkood sinaba dhimasho uma dhadhamin doonaan ilaa ay arkaan Wiilka Aadanaha oo boqortooyadiisa ku imanaya.

16:28b.MAT.016.028 Runtii waxaan idinku leeyahay, Kuwa halkan taagan qaarkood sinaba dhimasho uma dhadhamin doonaan ilaa ay arkaan Wiilka Aadanaha oo boqortooyadiisa ku imanaya.

17

17:1b.MAT.017.001 Lix maalmood dabadeed Ciise wuxuu waday Butros iyo Yacquub iyo walaalkiis Yooxanaa, oo wuxuu keligood geeyey buur dheer.

17:2b.MAT.017.002 Hortoodana ayuu ku beddelmay, wejigiisuna sida qorraxda oo kale ayuu u dhalaalay, dharkiisuna sida nuurka oo kale ayuu u caddaaday.

17:3b.MAT.017.003 Oo bal eeg, waxaa iyaga u muuqday Muuse iyo Eliyaas oo la hadlaya isaga.

17:4b.MAT.017.004 Markaasaa Butros u jawaabay oo wuxuu Ciise ku yidhi, Sayidow, waxaa inoo wanaagsan inaynu halkan joogno. Haddaad doonayso saddex waab ayaan halkan ka dhisayaa, mid adaan kuu dhisayaa, midna Muuse, midna Eliyaas.

17:5b.MAT.017.005 Intuu weli hadlayay, daruur dhalaalaysa ayaa hadhaysay, oo cod baa daruurtii ka soo baxay oo yidhi, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay. Maqla isaga.

17:6b.MAT.017.006 Xertiina goortay maqleen, ayay wejigooda u dhaceen, aad bayna u baqeen.

17:7b.MAT.017.007 Markaasaa Ciise u yimid oo taabtay oo ku yidhi, Kaca, hana baqina.

17:8b.MAT.017.008 Goortay indhahooda kor u qaadeen, cidna ma ay arkin Ciise keliya maahee.

17:9b.MAT.017.009 Markay buurta ka soo degayeen, Ciise ayaa amray oo wuxuu ku yidhi, Ninna ha u sheegina wixii aad aragteen intaanu Wiilka Aadanahu kuwii dhintay ka soo sara kicin.

17:10b.MAT.017.010 Xertiisii waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Haddaba culimmadu maxay u yidhaahdaan, Eliyaas waa inuu horta yimaado?

17:11b.MAT.017.011 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa run, Eliyaas waa imanayaa, oo wax walba ayuu soo celin doonaa.

17:12b.MAT.017.012 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Eliyaas horuu u yimid, wayna garan waayeen, laakiin wax kasta oo ay doonayeen ayay ku sameeyeen isaga. Sidaas oo kalena Wiilka Aadanahu xanuun buu ka heli doonaa iyaga.

17:13b.MAT.017.013 Markaasaa xertiisii garatay inuu kala hadlay Yooxanaa Baabtiisaha.

17:14b.MAT.017.014 Goortay dadkii badnaa u yimaadeen, ayaa nin u yimid isaga, oo intuu u jilba joogsaday ayuu ku yidhi,

17:15b.MAT.017.015 Sayidow, wiilkayga u naxariiso, waayo, suuxdin buu qabaa oo aad buu u xanuunsadaa, oo marar badan wuxuu ku dhacaa dabka, marar badanna biyo,

17:16b.MAT.017.016 oo waxaan u keenay xertaada, wayna bogsiin kari waayeen.

17:17b.MAT.017.017 Ciise wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu oo madaxa adagu, ilaa goormaan idinla jiri doonaa, oo ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Halkan iigu keena isaga.

17:18b.MAT.017.018 Markaasaa Ciise canaantay, oo jinnigii waa ka baxay, saacaddaasna wiilkii waa bogsaday.

17:19b.MAT.017.019 Markaas xertii ayaa keli ahaan Ciise ugu timid oo ku tidhi, Annagu maxaannu u saari kari waynay?

17:20b.MAT.017.020 Wuxuu ku yidhi, Waa rumaysadyaraantiinna aawadeed. Runtii waxaan idinku leeyahay, Haddaad leedihiin rumaysad iniin khardal le'eg, waxaad buurtan ku odhan doontaan, Halkan ka dhaqaaq oo halkaas tag, wayna dhaqaaqi doontaa, oo waxba ma kari waayi doontaan.

17:21b.MAT.017.021 Laakiin caynkan waxba kuma soo baxo tukasho iyo soon maahee.

17:22b.MAT.017.022 Intay Galili ku warwareegayeen, Ciise ayaa ku yidhi, Wiilka Aadanaha ayaa dadka loo gacangelin doonaa.

17:23b.MAT.017.023 Wayna dili doonaan, maalinta saddexaadna waa la sara kicin doonaa. Markaasay aad u calool xumaadeen.

17:24b.MAT.017.024 Goortay Kafarna'um yimaadeen, waxaa Butros u yimid kuwii labada daraakmo qaadi jiray, oo waxay ku yidhaahdeen, Macallinkiinnu labadii daraakmo oo cashuurta ahayd sow ma bixiyo?

17:25b.MAT.017.025 Wuxuu yidhi, Haah, wuu bixiyaa. Oo goortuu guriga galay Ciise ayaa hadal hor mariyey oo ku yidhi, Maxay kula tahay, Simoonow? Boqorrada dhulku yay ka qaadaan cashuurta iyo baadda? Wiilashooda ama shisheeyaha?

17:26b.MAT.017.026 Goortuu yidhi, Shisheeyaha, Ciise ayaa ku yidhi, Haddaba wiilashu waa ka reebban yihiin.Laakiin si aynan u xumayn iyaga, badda tag, oo jillaab ku tuur, oo kalluunka kolka hore soo baxa soo qaad, oo goortaad afkiisa furtid waxaad ka heli doontaa istater. Kaas qaad oo inooga bixi aniga iyo adigaba.

17:27b.MAT.017.027 Laakiin si aynan u xumayn iyaga, badda tag, oo jillaab ku tuur, oo kalluunka kolka hore soo baxa soo qaad, oo goortaad afkiisa furtid waxaad ka heli doontaa istater. Kaas qaad oo inooga bixi aniga iyo adigaba.

18

18:1b.MAT.018.001 Saacaddaas ayaa xertii u timid Ciise oo waxay ku yidhaahdeen, Yaa haddaba boqortooyada jannada ugu weyn?

18:2b.MAT.018.002 Markaasuu wuxuu u yeedhay ilmo yar, oo dhexdooda ayuu joojiyey oo yidhi,

18:3b.MAT.018.003 Runtii waxaan idinku leeyahay, Haddaydnan soo jeesan oo aydnaan noqon sida carruur oo kale, boqortooyada jannada ma geli doontaan.

18:4b.MAT.018.004 Ku alla kii haddaba isu hoosaysiiya sida ilmahan oo kale, kaas ayaa ugu weyn boqortooyada jannada,

18:5b.MAT.018.005 oo ku alla kii magacayga ilmahan oo kale ku aqbalaa, wuu i aqbalaa.

18:6b.MAT.018.006 Laakiin ku alla kii xumeeya yaryarkan i rumaystay midkood, waxaa u roon in dhagaxshiid luqunta looga lalmiyo oo badda moolkeeda lagu hafiyo.

18:7b.MAT.018.007 Waa u hoog dunida xumaanta aawadeed! Xumaantu waa inay timaado, laakiin waa u hoog ninka ay xumaantu ka timaado.

18:8b.MAT.018.008 Haddii gacantaadu ama cagtaadu ku xumayso, iska jar, oo iska tuur. Waxaa kuu wanaagsan inaad gacanla'aan iyo lugla'aan nolosha ku gashid intii adigoo laba gacmood iyo laba cagood leh lagugu tuuri lahaa dabka weligiis ah.

18:9b.MAT.018.009 Haddii ishaaduna ku xumayso iska bixi oo iska tuur. Waxaa kuu wanaagsan inaad il keliya nolosha ku gashid intii adigoo laba indhood leh lagugu tuuri lahaa jahannamada dabka ah.

18:10b.MAT.018.010 Iska jira inaydnaan yaryarkan midkood quudhsan, waayo, waxaan idinku leeyahay, Mar walba malaa'igahooda jannada ku jira ayaa wejiga Aabbahayga jannada ku jira eegaya.

18:11b.MAT.018.011 Waayo, Wiilka Aadanahu wuxuu u yimid inuu badbaadsho kii lumay.

18:12b.MAT.018.012 Maxay idinla tahay, Nin hadduu tiro ido ah leeyahay oo middood ay ka hallowdo, miyaanu sagaal iyo sagaashanka buuraha dushooda kaga tegin oo doonin tii hallowday?

18:13b.MAT.018.013 Oo hadday noqoto inuu helo, runtii waxaan idinku leeyahay, taas aad buu ugu farxaa si uusan ugu farxin sagaal iyo sagaashankii aan hallaabin.

18:14b.MAT.018.014 Sidaas oo kale, ma aha doonista Aabbihiinna jannada ku jira in yaryarkan midkood lumo.

18:15b.MAT.018.015 Oo haddii walaalkaa kugu dembaabo, u tag oo canaano, adiga iyo isaga keli ahaantiinna. Hadduu ku maqlo, walaalkaa waad soo ceshatay.

18:16b.MAT.018.016 Laakiin hadduu ku maqli waayo, mid ama laba kale wado, si hadal walba loogu adkeeyo afka laba ama saddex markhaati.

18:17b.MAT.018.017 Oo hadduu iyaga maqli waayo, dadka kiniisadda u sheeg, oo hadduu dadka kiniisadda maqli waayona, ha kuu ahaado sida qof aan Ilaah aaminin iyo cashuurqaade.

18:18b.MAT.018.018 Runtii waxaan idinku leeyahay, Wax alla wixii aad dhulka ku xidhaan ayaa jannada ku xidhnaan doona, oo wax alla wixii aad dhulka ku furtaan ayaa jannada ku furnaan doona.

18:19b.MAT.018.019 Weliba waxaan idinku leeyahay, Haddii laba idinka mid ahu dhulka ku heshiiyaan wax kastoo ay baryaan, way uga noqon doontaa xagga Aabbahayga jannada ku jira.

18:20b.MAT.018.020 Waayo, meeshii laba ama saddex qof ay magacayga isugu soo ururaan, halkaas anigu dhexdoodaan joogaa.

18:21b.MAT.018.021 Markaas Butros ayaa u yimid oo ku yidhi, Sayidow, immisa goor baan cafiyaa walaalkay hadduu igu dembaabo? Ma ilaa toddoba goor baa?

18:22b.MAT.018.022 Ciise ayaa ku yidhi, Kugu odhan maayo, Ilaa toddoba goor, laakiin, Ilaa toddobaatan goor oo toddoba ah.

18:23b.MAT.018.023 Sidaa darteed boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiiyaa nin boqor ah oo doonayay inuu addoommadiisa ka xisaab qaato.

18:24b.MAT.018.024 Goortuu bilaabay inuu xisaab qaato waxaa loo keenay nin toban kun oo talanti uu ku lahaa.

18:25b.MAT.018.025 Laakiin wuxuu ku bixiyo ma uu haysan. Markaasaa sayidkii wuxuu ku amray in la iibiyo isaga iyo naagtiisa iyo carruurtiisa iyo wuxuu lahaa oo dhan, oo lagu bixiyo.

18:26b.MAT.018.026 Addoonkii haddaba wuu dhacay, oo intuu sujuuday, ayuu wuxuu ku yidhi, Ii dulqaado, anna waan wada bixin doonaaye.

18:27b.MAT.018.027 Markaasaa addoonkaas sayidkiisii u naxariistay, wuuna sii daayay, oo amaahdii wuu u dhaafay.

18:28b.MAT.018.028 Laakiin addoonkaas ayaa baxay oo helay mid ka mid ah addoommadii uu la shaqayn jiray, kii uu ku lahaa boqol dinaar. Wuu qabtay oo intuu ceejiyey ayuu ku yidhi, Bixi waxa lagugu leeyahay.

18:29b.MAT.018.029 Addoonkii uu la shaqayn jiray ayaa haddaba cagihiisii isku riday oo baryay, oo ku yidhi, Ii dulqaado, anna waan bixin doonaaye.

18:30b.MAT.018.030 Isaguse ma uu doonaynin, laakiin wuu baxay oo xabsiga ku tuuray ilaa uu bixiyo wixii lagu lahaa.

18:31b.MAT.018.031 Haddaba kuwii la shaqayn jiray, goortay arkeen wixii dhacay, aad bay u calool xumaadeen, oo intay sayidkooda u yimaadeen, ayay u sheegeen wixii dhacay oo dhan.

18:32b.MAT.018.032 Markaasaa sayidkiisii u yeedhay oo ku yidhi, Addoon yahow sharkaluhu! Waxaan kugu lahaa oo dhan waan kuu dhaafay, waayo, waad i bariday.

18:33b.MAT.018.033 Miyaanad lahayn inaad kii kula shaqayn jiray u naxariisatid sidaan anigu kuugu naxariistay?

18:34b.MAT.018.034 Markaasaa sayidkiisu cadhooday oo u dhiibay kuwa dadka silciya ilaa uu bixiyo wixii lagu lahaa oo dhan.Sidaas oo kalena ayaa Aabbahayga jannada ku jiraa idinku samayn doonaa, haddaan midkiin waliba qalbiga ka cafiyin walaalkiis.

18:35b.MAT.018.035 Sidaas oo kalena ayaa Aabbahayga jannada ku jiraa idinku samayn doonaa, haddaan midkiin waliba qalbiga ka cafiyin walaalkiis.

19

19:1b.MAT.019.001 Waxaa dhacay in, goortuu Ciise hadalladan dhammeeyey, uu Galili ka tegey, oo wuxuu yimid soohdimaha Yahuudiya, oo Webi Urdun ka shisheeya.

19:2b.MAT.019.002 Waxaana soo raacay dad aad u badan, oo halkaas ayuu ku bogsiiyey iyaga.

19:3b.MAT.019.003 Markaasaa Farrisiintii u timid, iyagoo jirrabaya, oo waxay ku yidhaahdeen, Ma xalaal baa in nin sabab kasta naagtiisa ku furo?

19:4b.MAT.019.004 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Miyaydnaan akhriyin, Kii bilowgii uumay iyaga wuxuu ka dhigay lab iyo dhaddig,

19:5b.MAT.019.005 oo wuxuu yidhi, Sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa, oo labaduba waxay noqonayaan isku jidh?

19:6b.MAT.019.006 Sidaa darteed haatan iyagu laba ma aha, laakiin waa isku jidh. Haddaba wixii Ilaah isku xidhay, ninna yaanu kala furin.

19:7b.MAT.019.007 Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Haddaba Muuse muxuu u amray in warqaddii furniinta iyada la siiyo oo la furo?

19:8b.MAT.019.008 Wuxuu ku yidhi, Maxaa yeelay, Muuse wuxuu idiinku fasaxay inaad naagihiinna furtaan qalbi engegnaantiinna aawadeed, laakiin bilowgii sidaas ma ay ahayn.

19:9b.MAT.019.009 Waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii naagtiisa ku fura wax aan sino ahayn, oo mid kale guursadaa, wuu sinaystaa. Oo kii guursada tii la furay wuu sinaystaa.

19:10b.MAT.019.010 Xertiisii waxay ku yidhaahdeen, Haddii nin xaalkiisu sidan yahay xagga naagtiisa, in la guursadaaba ma wanaagsana.

19:11b.MAT.019.011 Laakiin wuxuu ku yidhi, Dadka oo dhammu ereygan ma wada aqbali karaan, kuwii la siiyey mooyaane.

19:12b.MAT.019.012 Waayo, waxaa jira bohommo sidaas kaga dhashay uurkii hooyadood, oo waxaa jira bohommo dadku dhufaanay, oo waxaa jira bohommo isaga dhigay bohommo boqortooyada jannada aawadeed. Kii hadalkan aqbali karaa, ha aqbalo.

19:13b.MAT.019.013 Markaasaa ilmo yaryar loo keenay inuu gacmiihiisa saaro oo uu u duceeyo, laakiin xertii ayaa canaanatay.

19:14b.MAT.019.014 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ilmaha daaya oo ha u diidina inay ii yimaadaan, waayo, kuwan oo kale ayaa ka mid ah boqortooyada jannada.

19:15b.MAT.019.015 Gacmihiisa ayuu saaray iyaga, markaasuu meeshaas ka tegey.

19:16b.MAT.019.016 Oo mid baa intuu yimid ku yidhi, Macallin wanaagsanow, maxaa wanaagsan oo aan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah helo?

19:17b.MAT.019.017 Wuxuu ku yidhi, Maxaad wax iiga weyddiinaysaa wanaagga? Waxaa jira mid wanaagsan. Haddaad doonaysid inaad nolosha gashid, qaynuunnada dhawr.

19:18b.MAT.019.018 Wuxuu ku yidhi, Kuwee? Ciise ayaa ku yidhi, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad sinaysan, Wan inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin.

19:19b.MAT.019.019 Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, oo Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay.

19:20b.MAT.019.020 Ninkii dhallinyarada ahaa ayaa ku yidhi, Kuwaas oo dhan ayaan dhawray. Maxaa weli ii dhiman?

19:21b.MAT.019.021 Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad doonaysid inaad samaatid, tag oo iibi waxaad haysatid, oo masaakiinta sii, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal; ee kaalay oo i soo raac.

19:22b.MAT.019.022 Ninkii dhallinyarada ahaa goortuu hadalkaas maqlay ayuu baxay isagoo calool xun, waayo, wuxuu ahaa mid waxyaalo badan leh.

19:23b.MAT.019.023 Markaasaa Ciise wuxuu xertiisii ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Nin hodan ah inuu boqortooyada jannada galo waa ku adag tahay.

19:24b.MAT.019.024 Haddana waxaan idinku leeyahay, Nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeed ka duso.

19:25b.MAT.019.025 Xertii goortay maqleen aad bay u yaabeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Haddaba yaa badbaadi kara?

19:26b.MAT.019.026 Ciise intuu eegay ayuu ku yidhi, Waxanu uma suurtoobaan dadka, laakiin wax waluba waa u suurtoobaan Ilaah.

19:27b.MAT.019.027 Markaas Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Annagu wax walba waannu ka soo wada tagnay, waana ku raacnay. Maxaannu haddaba heli doonnaa?

19:28b.MAT.019.028 Ciise ayaa ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Kuwiinna i soo raacay, wakhtiga cusboonaysiinta, goortii Wiilka Aadanahu carshiga ammaantiisa ku fadhiisto, idinkuna waxaad ku fadhiisan doontaan laba iyo toban carshi, idinkoo xukumaya laba-iyo-tobanka qolo oo Israa'iil.

19:29b.MAT.019.029 Oo mid walba oo ka tegey guryo, ama walaalo, ama aabbe, ama hooyo, ama carruur, ama beero, magacayga aawadiis, wuxuu heli doonaa boqol laab, oo wuxuu dhaxli doonaa nolosha weligeed ah.Kuwa badan oo hore waa dambayn doonaan, kuwa dambena waa horrayn doonaan.

19:30b.MAT.019.030 Kuwa badan oo hore waa dambayn doonaan, kuwa dambena waa horrayn doonaan.

20

20:1b.MAT.020.001 Boqortooyada jannada waxay u eg tahay nin oday reer u ah oo aroortii hore baxay inuu shaqaalayaal u kireeyo beertiisa canabka ah.

20:2b.MAT.020.002 Oo goortuu shaqaalayaal maalintii kula heshiiyey dinaar, ayuu beertiisii canabka ahayd u diray iyagii.

20:3b.MAT.020.003 Oo saacaddii saddexaad ayuu baxay, oo wuxuu arkay qaar kale oo suuqa shuqulla'aan la taagtaagan,

20:4b.MAT.020.004 oo wuxuu kuwaas ku yidhi, Idinkuna beerta canabka ah taga oo wixii xaq ah ayaan idin siin doonaa. Wayna tageen.

20:5b.MAT.020.005 Haddana saacaddii lixaad iyo saacaddii sagaalaad wuu baxay oo sidaas oo kale ayuu sameeyey.

20:6b.MAT.020.006 Saacaddii koob iyo tobnaad intuu baxay wuxuu arkay qaar kale oo taagtaagan, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad maalintii oo dhan halkan shuqulla'aan ula taagtaagan tihiin?

20:7b.MAT.020.007 Waxay ku yidhaahdeen Maxaa yeelay, cidna nama kiraysan. Wuxuu ku yidhi, Idinkuna beerta canabka ah taga.

20:8b.MAT.020.008 Goortii makhribkii la gaadhay, sayidkii beertii canabka ahayd ayaa wakiilkiisii ku yidhi, Shaqaalayaasha u yeedh oo mushahaaradooda sii, oo waxaad ka bilowdaa kuwii ugu dambeeyey ilaa kuwii ugu horreeyey.

20:9b.MAT.020.009 Goortay yimaadeen, kuwii saacaddii koob iyo tobnaad baxay, waxay wada heleen dinaar dinaar.

20:10b.MAT.020.010 Kuwii hore goortay yimaadeen waxay u malaynayeen inay wax ka badan helayaan, iyaguna sidaas oo kale dinaar dinaar bay heleen.

20:11b.MAT.020.011 Oo intay qaadanayeen ayay odaygii reerka ku gunuunaceen,

20:12b.MAT.020.012 oo waxay ku yidhaahdeen, Kuwan dambeeyey waxay shaqeeyeen saacad keliya, oo waad nagala mid dhigtay annagoo sidnay shaqadii cuslayd ee maalinta iyo kulaylkii.

20:13b.MAT.020.013 Laakiin wuu u jawaabay oo midkood ku yidhi, Saaxiibow, xumaan kuguma aan samayn. Sow dinaar igulama heshiin?

20:14b.MAT.020.014 Waxaaga qaado oo tag. Waxaan doonayaa inaan kan ugu dambeeya siiyo intaan ku siiyey oo kale.

20:15b.MAT.020.015 Miyaynan igu hagaagsanayn inaan waxayga ku sameeyo wixii aan doonayo? Ma waxaase ishaadu u xun tahay wanaagsanaantayda aawadeed?

20:16b.MAT.020.016 Sidaasay kuwa dambe u horrayn doonaan, kuwa horena u dambayn doonaan. Waayo, kuwo badan baa loo yeedhay, laakiin kuwo yar baa la doortay.

20:17b.MAT.020.017 Intuu Ciise Yeruusaalem ku socday, laba-iyo-tobankii ayuu keli ahaantood waday, oo intay jidka ku socdeen ayuu ku yidhi,

20:18b.MAT.020.018 Waxaynu ku soconnaa Yeruusaalem. Wiilka Aadanahana waxaa loo dhiibi doonaa wadaaddada sare iyo culimmada; oo waxay ku xukumi doonaan dhimasho.

20:19b.MAT.020.019 Waxayna u dhiibi doonaan dadka aan Yuhuudda ahayn inay ku kajamaan oo karbaashaan oo iskutallaabta ku qodbaan. Maalinta saddexaadna waa la sara kicin doonaa.

20:20b.MAT.020.020 Markaasaa waxaa u timid wiilashii Sebedi hooyadood iyadoo wadata wiilasheedii, wayna u sujuudday oo wax ka bariday.

20:21b.MAT.020.021 Wuxuu ku yidhi, Maxaad doonaysaa? Waxay ku tidhi, Amar in labadaydan wiil mid midigtaada, midna bidixdaada, boqortooyadaada ka fadhiistaan.

20:22b.MAT.020.022 Laakiin Ciise ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Garan maysaan waxaad weyddiisanaysaan. Ma karaysaan inaad ka cabtaan koobka aan ku dhowahay inaan ka cabbo, iyo in laydinku baabtiiso baabtiiska laygu baabtiisay? Waxay ku yidhaahdeen, Waannu karaynaa.

20:23b.MAT.020.023 Wuxuu ku yidhi, Runtii koobkayga waad ka cabbi doontaan, oo baabtiiska laygu baabtiisay waa laydinku baabtiisi doonaa, laakiin inaad midigtayda iyo bidixdayda fadhiisataan anigu malihi inaan idin siiyo, laakiin waxaa la siin doonaa kuwa Aabbahay u diyaargareeyey.

20:24b.MAT.020.024 Tobankii goortay taas maqleen ayay labadii walaalaha ahayd u cadhoodeen.

20:25b.MAT.020.025 Laakiin Ciise ayaa u yeedhay oo ku yidhi, Idinku waad garanaysaan in quruumaha madaxdoodu ay u taliyaan, oo kuwooda u waaweynna ay xukun ku leeyihiin.

20:26b.MAT.020.026 Laakiin sidaasu dhexdiinna ahaan mayso, laakiin ku alla kii doonaya inuu dhexdiinna u weynaado, midiidinkiinna waa inuu ahaado,

20:27b.MAT.020.027 oo ku alla kii doonaya inuu idiin horreeyo, addoonkiinna waa inuu ahaado,

20:28b.MAT.020.028 sida Wiilka Aadanahu uusan ugu iman in loo adeego laakiin inuu adeego iyo inuu naftiisa dad badan furashadooda u bixiyo.

20:29b.MAT.020.029 Kolkay Yerixoo ka tegayeen waxaa raacay dad aad u badan.

20:30b.MAT.020.030 Oo laba nin oo indha la' ayaa jidka ag fadhiyey, oo goortay maqleen in Ciise ag marayo ayay qayliyeen iyagoo leh, Sayidow, ina Daa'uudow, noo naxariiso.

20:31b.MAT.020.031 Dadkii badnaa ayaa canaantay si ay u aamusaan, laakiin si ka badan ayay u qayliyeen iyagoo leh, Sayidow, ina Daa'uudow, noo naxariiso.

20:32b.MAT.020.032 Markaasaa Ciise joogsaday, oo intuu u yeedhay ayuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaan idiin sameeyo?

20:33b.MAT.020.033 Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, in indhuhu noo furmaan ayaannu doonaynaa.Ciise intuu u naxariistay ayuu indhahooda taabtay oo kolkiiba wax bay arkeen, wayna raaceen.

20:34b.MAT.020.034 Ciise intuu u naxariistay ayuu indhahooda taabtay oo kolkiiba wax bay arkeen, wayna raaceen.

21

21:1b.MAT.021.001 Goortay Yeruusaalem ku soo dhowaadeen oo ay Beytfaage galeen ilaa Buur Saytuun, markaasaa Ciise laba xer ah diray,

21:2b.MAT.021.002 oo wuxuu ku yidhi, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, oo kolkiiba waxaad ka helaysaan dameer xidhan iyo qayl la jooga. Soo fura oo ii keena,

21:3b.MAT.021.003 oo haddii nin wax idinku yidhaahdo, waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan, oo kolkiiba wuu soo diri doonaa.

21:4b.MAT.021.004 Waxanu waa dhaceen in la arko wixii nebiga lagaga dhex hadlay markuu yidhi,

21:5b.MAT.021.005 Gabadha Siyoon u sheega, Bal eeg, boqorkaagu waa kuu imanayaa, Isagoo qalbi qabow, oo dameer fuushan Iyo qayl dameereed.

21:6b.MAT.021.006 Markaasaa xertii tagtay, oo sida Ciise ku amray ayay yeeleen.

21:7b.MAT.021.007 Dameertii iyo qaylkii ayay keeneen, oo dharkoodii bay dusha ka saareen, wuuna ku fadhiistay.

21:8b.MAT.021.008 Dadka badidooda ayaa dharkoodii jidka ku goglay, qaar kalena laamo ayay geedaha ka soo jareen oo jidka ku gogleen.

21:9b.MAT.021.009 Dadkii badnaa oo hor socday iyo kuwii daba socday waxay ku qayliyeen, Hoosanna ha u jirto ina Daa'uud. Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya, Hoosanna ha ku jirto meelaha ugu sarreeya.

21:10b.MAT.021.010 Oo goortuu Yeruusaalem galay, magaalada oo dhan waa kacsanayd, iyagoo leh, Kanu yuu yahay?

21:11b.MAT.021.011 Dadkii badnaa ayaa yidhi, Kanu waa nebiga Ciise la yidhaahdo oo ka yimid Naasared tii Galili.

21:12b.MAT.021.012 Ciise wuxuu galay macbudka Ilaah oo ka eryay kulli kuwii macbudka wax ku iibinayay iyo kuwii wax ka iibsanayay, oo wuxuuna rogay miisaskii kuwii lacagta bedbeddelayay iyo kursiyadii kuwii qoolleyaha iibinayay.

21:13b.MAT.021.013 Wuxuuna ku yidhi, Waa qoran tahay, Gurigayga waxaa loogu yeedhi doonaa guriga tukashada, laakiin waxaad ka dhigaysaan god tuugo.

21:14b.MAT.021.014 Waxaana macbudka ugu yimid kuwa indha la' iyo kuwa luga la'; wuuna bogsiiyey.

21:15b.MAT.021.015 Laakiin wadaaddada sare iyo culimmadu goortay arkeen waxyaalaha yaabka leh oo uu suubbiyey iyo carruurta macbudka ka qaylinaysa, iyagoo leh, Hoosanna ha u jirto ina Daa'uud, way cadhoodeen

21:16b.MAT.021.016 oo ku yidhaahdeen, Ma maqlaysaa kuwanu waxay leeyihiin? Ciise ayaa ku yidhi, Haah, miyaydnaan weligiin akhriyin, Ammaanta waxaad ku hagaajisay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga?

21:17b.MAT.021.017 Markaasuu ka tegey iyaga oo magaaladii ka baxay ilaa Beytaniya, oo halkaasuu ku hoyday.

21:18b.MAT.021.018 Aroortii goortuu magaaladii ku soo noqonayay, wuu gaajaysnaa.

21:19b.MAT.021.019 Oo wuxuu arkay geed berde ah oo jidka ku ag yaal, kolkaasuu u yimid, waxbana kama uu helin, caleemo keliya maahee. Oo wuxuu ku yidhi, Hadda dabadeed weligaa midho yaanay kaa bixin, oo kolkiiba geedkii berdaha ahaa waa engegay.

21:20b.MAT.021.020 Xertii goortay arkeen way yaabeen oo waxay ku yidhaahdeen, Geedkii berdaha ahaa sidee buu kolkiiba u engegay?

21:21b.MAT.021.021 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Haddaad rumaysan tihiin oo aydnaan shakiyin, wixii geedkii berdaha ahaa ku dhacay oo keliya ma aad samayn doontaan, laakiin weliba haddaad buurtan ku tidhaahdaan, Ruq, baddana isku tuur, way noqonaysaa.

21:22b.MAT.021.022 Oo wax kasta oo aad tukasho ku baridaan idinkoo rumaysan waad heli doontaan.

21:23b.MAT.021.023 Oo goortuu macbudkii galay, intuu wax barayay waxaa u yimid wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka, oo waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yaa amarkan ku siiyey?

21:24b.MAT.021.024 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa. Haddaad taas ii sheegtaan, aniguna waan idiin sheegi doonaa amarka aan waxan ku sameeyo.

21:25b.MAT.021.025 Baabtiiskii Yooxanaa xaggee buu ka yimid? Ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu inagu odhanayaa, Haddaba maxaad u rumaysan weydeen?

21:26b.MAT.021.026 Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka, dadka badan ayaynu ka baqaynaa, waayo, Yooxanaa sida nebi oo kale ayay kulli u haystaan.

21:27b.MAT.021.027 Markaasay Ciise u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Garan mayno. Isaguna wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.

21:28b.MAT.021.028 Maxay idinla tahay? Nin baa laba wiil lahaa. Wuxuu u yimid kii hore oo ku yidhi, Wiilkaygiiyow, aad beerta canabka ah oo maanta ka shaqee.

21:29b.MAT.021.029 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Dooni maayo, laakiin kolkaas dabadeed ayuu isqoomameeyey oo aaday.

21:30b.MAT.021.030 Markaasuu wuxuu u yimid kii labaad, oo sidii oo kale ku yidhi. Isaguna wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa yahay, waan tegayaa, sayidow, laakiin ma uu tegin.

21:31b.MAT.021.031 Kee baa labadoodii doonistii aabbihiis yeelay? Waxay yidhaahdeen, Kii hore. Ciise ayaa ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Cashuurqaadayaasha iyo dhillooyinka ayaa idinka hor geli doona boqortooyada Ilaah.

21:32b.MAT.021.032 Waayo, Yooxanaa wuxuu idiinku yimid jidka xaqnimada ah, oo waad rumaysan weydeen isaga, laakiin cashuurqaadayaashii iyo dhillooyinkii ayaa rumaystay isaga. Idinkuna goortaad aragteen dabadeed iskama aydnaan qoomamayn si aad u rumaysataan.

21:33b.MAT.021.033 Maqla masaal kale. Waxaa jiri jiray nin oday reer u ah, oo beer canab ah beertay, oo ood ku heeraaray, dabadeedna god macsareed ka dhex qoday, oo munaarad ka dhisay, oo niman beerrey ah u kiraystay, oo dal kale tegey.

21:34b.MAT.021.034 Oo goortii xilligii midhahu soo dhowaaday ayuu addoommadiisii u soo diray beerreydii inay midhihiisii u soo qaadaan.

21:35b.MAT.021.035 Markaasaa beerreydu addoommadiisii qabatay, mid way garaaceen, mid kalena way dileen, mid kalena way dhagxiyeen.

21:36b.MAT.021.036 Haddana wuxuu diray addoommo kale oo kuwii hore ka badan, iyagiina sidaas oo kalay ku sameeyeen.

21:37b.MAT.021.037 Laakiin dabadeed wuxuu u soo diray wiilkiisii isagoo leh, Wiilkayga way maamuusi doonaan.

21:38b.MAT.021.038 Laakiin beerreydii goortay wiilkii arkeen, waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa, kaalaya aan dilnee oo dhaxalkiisa aynu qaadannee.

21:39b.MAT.021.039 Way qabteen oo beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen, wayna dileen.

21:40b.MAT.021.040 Haddaba sayidkii beerta canabka ah goortuu yimaado, muxuu beerreydaas ku samayn doonaa?

21:41b.MAT.021.041 Waxay ku yidhaahdeen, Nimankaas belaayada ah si baas buu u baabbi'in doonaa; beerta canabka ahna wuxuu u kiraysan doonaa beerrey kale, kuwa isaga siin doona midhihiisa xilligooda.

21:42b.MAT.021.042 Markaasaa Ciise ku yidhi iyaga, Miyaanaydin weligiin Qorniinka ka akhriyin, Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Wuxuu noqday madaxa rukunka. Tanu xagga Rabbiga bay ka timid, Oo waa ku yaab indhahayaga?

21:43b.MAT.021.043 Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Boqortooyada Ilaah waa laydinka qaadi doonaa, oo waxaa la siin doonaa dad midhihii boqortooyada bixiya.

21:44b.MAT.021.044 Oo kan dhagaxan ku dhacaa, wuu jejebi doonaa, oo kan uu ku dhaco, wuu burburin doonaa.

21:45b.MAT.021.045 Wadaaddadii sare iyo Farrisiintii goortay masaalladiisii maqleen waxay garteen inuu iyagu ka hadlay.Goortay dooneen inay qabtaan ayay dadkii badnaa ka baqeen, waayo, waxay u haysteen nebi.

21:46b.MAT.021.046 Goortay dooneen inay qabtaan ayay dadkii badnaa ka baqeen, waayo, waxay u haysteen nebi.

22

22:1b.MAT.022.001 Ciise ayaa u jawaabay oo mar kale masaallo kula hadlay, oo wuxuu yidhi,

22:2b.MAT.022.002 Boqortooyada jannada waxay la mid tahay sidii boqor wiilkiisa aroos u dhigay.

22:3b.MAT.022.003 Addoommadiisii ayuu u diray inay u yeedhaan kuwa arooska loogu yeedhay, mana ay doonaynin inay yimaadaan.

22:4b.MAT.022.004 Haddana addoommo kale ayuu diray oo wuxuu ku yidhi, Kuwii loo yeedhay waxaad ku tidhaahdaan, Bal eega, cuntadaydii waan diyaargareeyey, dibiyadaydii iyo neefafkaygii buurbuurnaana waa la qalay, wax walubana waa diyar, ee arooska kaalaya.

22:5b.MAT.022.005 Laakiin way fududaysteen, oo iska tageen, mid beertiisuu aaday, mid kalena wuxuu aaday baayacmushtarigiisii.

22:6b.MAT.022.006 Kuwii kalena addoommadiisii ayay qabteen, wayna caayeen oo dileen.

22:7b.MAT.022.007 Laakiin boqorkii markuu maqlay wuu cadhooday, oo askartiisii buu u diray oo baabbi'iyey kuwaasoo dhiig qabay, magaaladoodiina wuu gubay.

22:8b.MAT.022.008 Markaasuu addoommadiisii ku yidhi, Arooskii waa diyaar, kuwii loo yeedhayse ma ay istaahilin.

22:9b.MAT.022.009 Haddaba taga meesha jidadka ku kala leexdaan, oo in alla intaad heshaan arooska ugu yeedha.

22:10b.MAT.022.010 Markaasaa addoommadaas jidadkay u baxeen, oo ay soo ururiyeen kuwii ay heleen oo dhan, kuwii sharka lahaa iyo kuwii wanaagsanaaba; gurigii arooskana waxaa laga buuxiyey marti.

22:11b.MAT.022.011 Laakiin boqorkii kolkuu soo galay inuu martida eego, wuxuu meesha ku arkay nin aan dharkii arooska qabin,

22:12b.MAT.022.012 oo wuxuu ku yidhi, Saaxiibow, sidee baad halkan u soo gashay adigoo aan dharkii arooska qabin? Wuuna iska aamusay.

22:13b.MAT.022.013 Markaasaa boqorkii wuxuu midiidinyadii ku yidhi, Lugaha iyo gacmaha ka xidha, oo gudcurka dibadda ah ku tuura; halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

22:14b.MAT.022.014 Waayo, kuwo badan baa loo yeedhay, laakiin kuwo yar baa la doortay.

22:15b.MAT.022.015 Markaasaa Farrisiintii baxeen, oo waxay ka wada hadleen si ay hadalkiisa ugu qabtaan.

22:16b.MAT.022.016 Waxay xertoodii ula soo direen Herodosiinta, oo waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, waannu og nahay inaad run tahay, oo aad dadka jidka Ilaah run ku bartid, oo aanad ninna u eexan, waayo, dadka wejigooda ma eegtid.

22:17b.MAT.022.017 Haddaba noo sheeg waxay kula tahay, Ma xalaal baa in cashuur Kaysar la siiyo ama inaan la siin?

22:18b.MAT.022.018 Laakiin Ciise ayaa sharkoodii gartay, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad ii jirrabaysaan, labawejiilayaal yahow?

22:19b.MAT.022.019 I tusa lacagta cashuurta. Kolkaasay u keeneen dinaar.

22:20b.MAT.022.020 Wuxuu ku yidhi, Yaa leh masawirkan iyo qorniinkan?

22:21b.MAT.022.021 Waxay ku yidhaahdeen, Kaysar baa leh. Markaasuu ku yidhi, Haddaba Kaysar siiya wixii Kaysar leeyahay, Ilaahna siiya wixii Ilaah leeyahay.

22:22b.MAT.022.022 Oo goortay taas maqleen, way yaabeen, wayna iska daayeen oo ka tageen.

22:23b.MAT.022.023 Maalintaas waxaa u yimid Sadukiin kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto. Oo waxay weyddiiyeen,

22:24b.MAT.022.024 oo ku yidhaahdeen, Macallimow, Muuse wuxuu yidhi, Haddii nin dhinto isagoo aan carruur lahayn, walaalkiis waa inuu naagtiisa dumaalo oo uu carruur walaalkiis u dhalo.

22:25b.MAT.022.025 Waxaa nala jiray toddoba walaalo ah. Kii ugu horreeyey ayaa guursaday, wuuna dhintay, dhalna ma lahayn, wuxuuna naagtiisii uga tegey walaalkiis.

22:26b.MAT.022.026 Sidaas oo kalaa ku dhacday kii labaad, iyo kii saddexaad ilaa kii toddobaad.

22:27b.MAT.022.027 Markay wada dhinteen dabadeed naagtiina waa dhimatay.

22:28b.MAT.022.028 Haddaba wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay toddobadoodii kee bay naagtiisii ahaan doontaa? Waayo, kulligood way wada guursadeen iyada.

22:29b.MAT.022.029 Laakiin Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waad qaldan tihiin oo garan maysaan Qorniinka iyo xoogga Ilaah.

22:30b.MAT.022.030 Waayo, wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay dabadeed, layskuma guursado, guurna layskuma siiyo, laakiin waxay yihiin sida malaa'igaha Ilaah oo jannada ku jira.

22:31b.MAT.022.031 Laakiin xagga sarakicidda kuwii dhintay miyaydnaan akhriyin wixii Ilaah idinkula hadlay, markuu yidhi,

22:32b.MAT.022.032 Anigu waxaan ahay Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub? Isagu ma aha Ilaaha kuwa dhintay, laakiin waa Ilaaha kuwa nool.

22:33b.MAT.022.033 Dadkii badnaa goortay taas maqleen ayay waxbariddiisii ka yaabeen.

22:34b.MAT.022.034 Laakiin Farrisiintii goortay maqleen inuu Sadukiintii aamusiiyey ayay isu yimaadeen.

22:35b.MAT.022.035 Oo midkood oo sharciga yaqaan ayaa wax weyddiiyey, isagoo jirrabaya, oo wuxuu ku yidhi,

22:36b.MAT.022.036 Macallimow, qaynuunkee baa sharciga uga weyn?

22:37b.MAT.022.037 Kolkaasuu ku yidhi isaga, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo caqligaaga oo dhan.

22:38b.MAT.022.038 Kanu waa qaynuunka ugu weyn oo ugu horreeya.

22:39b.MAT.022.039 Ku labaad oo u ekina waa kan. Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada.

22:40b.MAT.022.040 Sharcigii oo dhan iyo nebiyadiiba waxay sudhan yihiin labadan qaynuun.

22:41b.MAT.022.041 Kolkii Farrisiintii isu yimaadeen ayaa Ciise wax weyddiiyey,

22:42b.MAT.022.042 oo wuxuu ku yidhi, Yuu idinla yahay Masiixu? Waa ina ayo? Kolkaasay ku yidhaahdeen, Waa ina Daa'uud.

22:43b.MAT.022.043 Wuxuu ku yidhi, Haddaba Daa'uud sidee buu Ruuxa ugaga yeedhay Rabbi? isagoo leh,

22:44b.MAT.022.044 Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso, Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo.

22:45b.MAT.022.045 Haddaba Daa'uud hadduu ugu yeedhay isaga Sayid, sidee buu wiilkiisa u yahay?Ninna hadal uguma jawaabi karin, oo maalintaas dabadeed ninna kuma dhicin inuu mar dambe wax weyddiiyo.

22:46b.MAT.022.046 Ninna hadal uguma jawaabi karin, oo maalintaas dabadeed ninna kuma dhicin inuu mar dambe wax weyddiiyo.

23

23:1b.MAT.023.001 Dabadeed Ciise ayaa dadkii badnaa iyo xertiisii la hadlay,

23:2b.MAT.023.002 oo wuxuu ku yidhi, Culimmada iyo Farrisiinta waxay ku fadhiistaan kursiga Muuse.

23:3b.MAT.023.003 Haddaba wax walba oo ay idiin sheegaan inaad dhawrtaan, dhawra oo yeela, laakiin siday sameeyaan ha samaynina, waayo, wax bay yidhaahdaan, mana sameeyaan.

23:4b.MAT.023.004 Waxay isku xidhxidhaan culaabo culculus oo waxay saaraan dadka garbihiisa, laakiin iyagu dooni maayaan inay fartooda ku dhaqaajiyaan.

23:5b.MAT.023.005 Laakiin shuqulkooda oo dhan waxay u sameeyaan in dadku arko, waayo, xirsiyadooda way ballaadhiyaan, oo faraqa dharkoodana way weyneeyaan;

23:6b.MAT.023.006 waxay jecel yihiin meelaha hore oo diyaafadaha, iyo kursiyada hore oo sunagogyada,

23:7b.MAT.023.007 iyo salaanta suuqa, iyo in dadku ugu yeedhaan, Macallin.

23:8b.MAT.023.008 Laakiin yaan laydiinku yeedhin, Macallin, waayo, mid baa macallinkiinna ah, idinkuna kulli walaalo baad tihiin.

23:9b.MAT.023.009 Ninna dhulka ha ugu yeedhina aabbe, waayo, mid baa Aabbihiin ah, kaasu waa kan jannada ku jira.

23:10b.MAT.023.010 Yaan laydiinku yeedhin sayiddo, waayo, mid baa sayidkiinna ah, kaasu waa Masiixa.

23:11b.MAT.023.011 Laakiin kan idiinku weyn waa inuu ahaado midiidinkinna.

23:12b.MAT.023.012 Oo ku alla kii isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo ku alla kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.

23:13b.MAT.023.013 Laakiin waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay oo labawejiilayaasha ahu, waayo, boqortooyada jannada ayaad dadka ka xidhaan, maxaa yeelay, idinku ma gashaan, oo kuwa gelayana uma deysaan inay galaan.

23:14b.MAT.023.014 Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad laasataan guryaha carmallada, oo tukashooyin dhaadheer ayaad istusid u tukataan, sidaa darteed waxaad heli doontaan xisaab aad u daran.

23:15b.MAT.023.015 Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, badda iyo dhulka waxaad u wareegtaan inaad mid soo hadaysaan, oo kolkuu sidaas noqdo, waxaad ka dhigtaan wiilka jahannamada laba kol in idinka badan idinka.

23:16b.MAT.023.016 Waa idiin hoog, hoggaamiyayaal yahow indhaha la'u oo leh, Ku alla kii macbudka ku dhaarta, waxba ma aha, laakiin ku alla kii dahabkii macbudka ku dhaarta, wuxuu ku dhaartay waa lagu leeyahay.

23:17b.MAT.023.017 Doqonno yahow indhaha la'u, kee baa weyn, dahabka iyo macbudka dahabka quduus ka dhiga?

23:18b.MAT.023.018 Oo weliba waxaad leedihiin, Ku alla kii meesha allabariga ku dhaarta waxba ma aha, laakiin ku alla kii ku dhaarta hadiyadda dul saaran, wuxuu ku dhaartay waa lagu leeyahay.

23:19b.MAT.023.019 Indhoolayaal yahow, haddaba kee baa weyn, hadiyadda iyo meesha allabariga oo hadiyadda quduus ka dhigta?

23:20b.MAT.023.020 Haddaba kan meesha allabariga ku dhaartaa, wuxuu ku dhaartaa iyada iyo wixii dul saaran oo dhanba.

23:21b.MAT.023.021 Oo kii macbudka ku dhaartaa, wuxuu ku dhaartaa isaga iyo kan dhex degganba.

23:22b.MAT.023.022 Oo kii jannada ku dhaartaana, wuxuu ku dhaartaa carshiga Ilaah iyo kan ku dul fadhiyaba.

23:23b.MAT.023.023 Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, reexaanta iyo kabsarta iyo kamuunta toban meelood ayaad meel ka bixisaan, oo waxaad dhaafteen wixii sharciga ugu cuslaa, waxaa weeye xukunka iyo naxariista iyo iimaanka. Waxaad lahaydeen inaad waxan samaysaan oo aydnaan kuwa kale dhaafin.

23:24b.MAT.023.024 Hoggaamiyayaal yahow indhaha la'u oo kaneecada iska miira oo awrka liqa.

23:25b.MAT.023.025 Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, koobka iyo saxanka dushaad ka nadiifisaan, laakiin gudaha waxaa ka buuxa dulun iyo damacbadnaan.

23:26b.MAT.023.026 Farrisi yahow indhaha la'u, horta koobka gudaha ka nadiifi in dushiisuna nadiifsanaato.

23:27b.MAT.023.027 Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad u eg tihiin xabaalo la caddeeyey, kuwa dushoodu u eg tahay wax qurxoon, laakiin hoosta waxaa ka buuxa lafo dad dhintay iyo wasakh oo dhan.

23:28b.MAT.023.028 Sidaas oo kalena idinku dusha waxaad dadka ugu eg tihiin dad xaq ah, laakiin gudaha waxaa idinka buuxa labawejiilenimo iyo dembi.

23:29b.MAT.023.029 Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad dhistaan xabaalaha nebiyada, oo waxaad qurxisaan qabriyada kuwii xaqa ahaa;

23:30b.MAT.023.030 oo waxaad tidhaahdaan, Haddii aannu waagii awowayaashayo joogi lahayn, annagu kala ma aannan qayb galneen kuwii dhiigga nebiyada qabay.

23:31b.MAT.023.031 Sidaasaad isugu marag furaysaan inaad tihiin wiilasha kuwii nebiyada dilay.

23:32b.MAT.023.032 Idinku haddaba dhammaystira qiyaastii awowayaashiin.

23:33b.MAT.023.033 Abeesooyin yahow, dhal jilbisay, sidee baad uga baxsan doontaan xisaabta jahannamada?

23:34b.MAT.023.034 Sidaa darteed, waxaan idiin soo dirayaa nebiyo iyo kuwa xigmadda leh iyo culimmo. Qaarkood waad dili doontaan oo iskutallaabta ku qodbi doontaan, qaarkoodna sunagogyadiinna ayaad ku karbaashi doontaan, oo magaalo ilaa magaalo ayaad ku silcin doontaan,

23:35b.MAT.023.035 inuu dushiinna ku soo dego dhiiggii xaqa ahaa oo dhulka ku daatay oo dhan oo laga bilaabo dhiigga Haabiil kii xaqa ahaa ilaa dhiigga Sakariyas ina Barakiyas kan aad ku disheen meesha quduuska ah iyo meeshii allabariga dhexdooda.

23:36b.MAT.023.036 Runtii waxaan idinku leeyahay, Waxyaalahan oo dhan ayaa qarnigan ku dul degi doona.

23:37b.MAT.023.037 Yeruusaalemay, Yeruusaalemay, tan nebiyada dishoy oo kuwa loo soo diray dhagxisoy! Intee baan marar badan jeclaaday inaan carruurtaada u soo ururiyo xataa sida dooradu carruurteeda baalasheeda hoostooda ugu ururiso, laakiin idinku ma aydnaan jeclayn.

23:38b.MAT.023.038 Bal eega, gurigiinnii waa laydiin daayay isagoo cidla ah.Waayo, waxaan idinku leeyahay, Ima arki doontaan hadda dabadeed ilaa aad tidhaahdaan, Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya.

23:39b.MAT.023.039 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Ima arki doontaan hadda dabadeed ilaa aad tidhaahdaan, Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya.

24

24:1b.MAT.024.001 Ciise ayaa macbudka ka baxay, oo intuu tegayay ayaa xertiisii u timid inay tusaan dhismaha macbudka.

24:2b.MAT.024.002 Laakiin wuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Miyaydnaan waxyaalahan oo dhan arkaynin? Runtii waxaan idinku leeyahay, Halkan lagu dul dayn maayo dhagax dhagax kale dushiisa oo aan la dumin doonin.

24:3b.MAT.024.003 Oo goortuu Buur Saytuun fadhiistay, xertii ayaa keli ahaan ugu timid oo waxay ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Goormay waxyaalahanu ahaan doonaan, oo calaamada imaatinkaaga iyo dhammaadka wakhtiga dunidu maxay ahaan doontaa?

24:4b.MAT.024.004 Ciise ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Iska eega yaan laydin khiyaanayn.

24:5b.MAT.024.005 Waayo, qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay Masiixa, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan.

24:6b.MAT.024.006 Oo waxaad maqli doontaan dagaallo iyo dagaallo hadalhayntood. Iska jira, hana baqanina, waayo, waxaasu waa inay dhacaan, laakiin dhammaadku weli weeye.

24:7b.MAT.024.007 Waayo, quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqortooyo, oo waxaa meelo kala duwan ka dhici doona abaaro iyo dhulgariir.

24:8b.MAT.024.008 Waxan oo dhammu waa bilowga hoogagga.

24:9b.MAT.024.009 Markaasaa dhib laydiin gaysan doonaa, waana laydin dili doonaa, oo magacayga aawadiis ayaa quruumaha oo dhammi idiin nebcaan doonaan.

24:10b.MAT.024.010 Maarkaas qaar badan ayaa xumaan doona, midba mid buu gacangelin doonaa, wayna isnebcaan doonaan.

24:11b.MAT.024.011 Waxaa kici doona nebiyo badan oo been ah, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan.

24:12b.MAT.024.012 Dembigu waa badnaan doonaa, taa aawadeed qaar badan jacaylkoodu waa yaraan doonaa.

24:13b.MAT.024.013 Laakiin kii adkaysta ilaa ugu dambaysta, kaasaa badbaadi doona.

24:14b.MAT.024.014 Oo injiilkan boqortooyada ayaa dunida oo dhan lagu wacdiyi doonaa inuu marag u noqdo Quruumaha oo dhan, dabadeedna ugudambaysta ayaa iman doonta.

24:15b.MAT.024.015 Haddaba goortaad aragtaan waxa baas oo hallaynta ah ee lagaga hadlay nebi Daanyeel, oo taagan meesha quduuska ah (kii akhriyaa ha garto),

24:16b.MAT.024.016 markaas kuwa Yahuudiya joogaa, buuraha ha u carareen.

24:17b.MAT.024.017 Kii guri fuushanuna yaanu u soo degin inuu wixii gurigiisa ku jira soo qaato.

24:18b.MAT.024.018 Kii beerta joogaana yaanu dib ugu noqon inuu dharkiisa soo qaato.

24:19b.MAT.024.019 Laakiin waa u hoog kuwa uurka leh iyo kuwa wakhtigaas ilmo nuujinaya.

24:20b.MAT.024.020 Barya inaan cararkiinnu noqon wakhtiga qabowga ama sabtida.

24:21b.MAT.024.021 Waayo, markaas waxaa jiri doona dhib weyn sida mid aan jirin tan iyo dunida bilowgeedii ilaa hadda, mana jiri doonto weligeed.

24:22b.MAT.024.022 Oo haddaan wakhtigaas la gaabin ninna ma uu badbaadeen, laakiin kuwa la doortay aawadood ayaa wakhtigaas loo gaabin doonaa.

24:23b.MAT.024.023 Maarkaas haddii laydinku yidhaahdo, Waa kan Masiixa ama waa kaas, ha rumaysanina.

24:24b.MAT.024.024 Waayo, waxaa kici doona Masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, oo waxay samayn doonaan calaamooyin waaweyn iyo yaabab, si ay xataa kuwa la doortay u khiyaaneeyaan hadday u suurtowdo.

24:25b.MAT.024.025 Bal eega, horaan idiinku sheegaye.

24:26b.MAT.024.026 Haddaba hadday idinku yidhaahdaan, Bal eega, wuxuu joogaa cidlada, ha u bixina. Bal eega, wuxuu joogaa qolalka qarsoon, ha rumaysanina.

24:27b.MAT.024.027 Waayo, sida hillaacu bari uga yimaado oo u ifiyo galbeed, sidaas oo kale ayaa imaatinka Wiilka Aadanahu ahaan doonaa.

24:28b.MAT.024.028 Meel alla meeshii bakhtigu yaal, halkaas ayaa gorgorraduna isugu ururi doonaan.

24:29b.MAT.024.029 Laakiin dhibta wakhtigaas dabadeed, kolkiiba qorraxdu waa madoobaan doontaa, dayuxuna ma nuuri doono, xiddiguhuna cirka waa ka soo dhici doonaan, xoogagga cirkana waa la gariirin doonaa.

24:30b.MAT.024.030 Markaasaa waxaa cirka ka soo muuqan doona calaamada Wiilka Aadanaha, markaas ayaa qolooyinka dhulka oo dhammu barooran doonaan, oo waxay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha cirka ku imanaya isagoo leh xoog iyo ammaan weyn.

24:31b.MAT.024.031 Oo wuxuu soo diri doonaa malaa'igihiisa oo wata buun weyn, oo kuwuu doortay ayay ka soo ururin doonaan afarta jahood cirka meesha ugu fog ilaa meesheeda kale.

24:32b.MAT.024.032 Haddeer geedka berdaha ah masaal ka garta. Intii laantiisu curdan tahay oo caleemo bixinayso, waxaad garanaysaan inuu roobku dhow yahay.

24:33b.MAT.024.033 Idinkuna sidaas oo kale goortaad waxan oo dhan aragtaan, garta inuu dhow yahay oo albaabbada ag joogo.

24:34b.MAT.024.034 Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay waxan oo dhammi dhicin.

24:35b.MAT.024.035 Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse ereyadaydu ma idlaan doonaan.

24:36b.MAT.024.036 Laakiin maalintaas iyo saacaddaas ninna waxba kama oga, malaa'igaha jannada iyo Wiilka toona, midna ma oga, Aabbahay keliya maahee.

24:37b.MAT.024.037 Sida wakhtigii Nuux ahaa, sidaas oo kale ayaa imaatinka Wiilka Aadanahu ahaan doonaa.

24:38b.MAT.024.038 Waayo, siday wax u cunayeen oo wax u cabbayeen, oo u guursanayeen oo loogu guurinayay maalmihii daadka hortiisa ilaa maalintii Nuux doonnida galay,

24:39b.MAT.024.039 wayna garan waayeen ilaa daadkii yimid oo kulligood wada qaaday, sidaas oo kale ayaa imaatinka Wiilka Aadanahu ahaan doonaa.

24:40b.MAT.024.040 Markaas laba nin ayaa beerta ku jiri doona, mid waa la qaadi doonaa, midna waa laga tegi doonaa.

24:41b.MAT.024.041 Laba naagood ayaa dhagax wax ku shiidi doona, mid waa la qaadi doonaa, midna waa laga tegi doonaa.

24:42b.MAT.024.042 Haddaba soo jeeda, waayo, ma aad ogidin maalinta Rabbigiinnu imanayo.

24:43b.MAT.024.043 Laakiin tan ogaada, odayga reerku hadduu ogaan lahaa wakhtiga tuuggu imanayo, wuu soo jeedi lahaa, oo ma uu daayeen in gurigiisa la jebiyo.

24:44b.MAT.024.044 Sidaa darteed idinkuna diyaar ahaada, waayo, saacad aydnaan u malaynaynin ayaa Wiilka Aadanahu imanayaa.

24:45b.MAT.024.045 Haddaba yuu yahay addoonka aaminka ah oo caqliga leh, kan sayidkiisu dadka gurigiisa u sarreeysiiyey inuu cuntada siiyo wakhtigeeda?

24:46b.MAT.024.046 Waxaa barakaysan addoonkaas kan sayidkiisu goortuu yimaado uu helayo isagoo sidaas samaynaya.

24:47b.MAT.024.047 Runtii waxaan idinku leeyahay, Wuxuu leeyahay oo dhan ayuu ka sarreeysiin doonaa isaga.

24:48b.MAT.024.048 Laakiin haddii addoonkaas sharka leh qalbigiisa ka yidhaahdo, Sayidkaygu waa raagay,

24:49b.MAT.024.049 oo uu bilaabo inuu garaaco kuwii la shaqayn jiray, oo uu wax la cuno oo wax la cabbo kuwa sakhraanka ah,

24:50b.MAT.024.050 addoonkaas sayidkiisu wuxuu iman doonaa maalin aanu filayn iyo saacad aanu ogayn,oo waa kala jeexi doonaa oo wuxuu ka dhigi doonaa mid qayb la hela labawejiilayaasha. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

24:51b.MAT.024.051 oo waa kala jeexi doonaa oo wuxuu ka dhigi doonaa mid qayb la hela labawejiilayaasha. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

25

25:1b.MAT.025.001 Haddaba boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiin doonaa toban gabdhood oo bikrado ah, kuwa intay laambadahooda qaateen, u baxay inay ninka arooska ah ka hor tagaan.

25:2b.MAT.025.002 Shantood waxay ahaayeen doqonno, shanna caqli bay lahaayeen.

25:3b.MAT.025.003 Kuwii doqonnada ahaa laambadahoodii bay qaateen, laakiin saliid ma ay qaadan.

25:4b.MAT.025.004 Kuwa caqliga lahaase laambadahoodii bay qaateen iyo weelal saliidu ku jirto.

25:5b.MAT.025.005 Laakiin ninkii arooska ahaa waa raagay, taas daraaddeed ayay wada lulmoodeen oo seexdeen.

25:6b.MAT.025.006 Habeenbadhkiise qaylo ayaa yeedhay, Arooskii waa soo socdaaye, soo baxa oo ka hor taga.

25:7b.MAT.025.007 Markaasaa bikradihii oo dhammu wada kaceen oo laambadahoodii hagaajiyeen.

25:8b.MAT.025.008 Kuwii doqonnada ahaa waxay kuwii caqliga lahaa ku yidhaahdeen, Saliiddiinna wax naga siiya, waayo, laambadahayagii waa demayaan.

25:9b.MAT.025.009 Laakiin kuwii caqliga lahaa ayaa u jawaabay oo waxay ku yidhaahdeen, Maya, waaba intaas oo ay nagu filnaan waydaa annaga iyo idinka; bal u taga kuwa iibiya oo ka soo iibsada.

25:10b.MAT.025.010 Markay tageen inay soo iibsadaan, ninkii arooska ahaa ayaa yimid, oo kuwii diyaarka ahaa ayaa la galay guriga arooska, albaabkiina waa la xidhay.

25:11b.MAT.025.011 Dabadeedna waxaa yimid bikradihii kale, oo waxay yidhaahdeen, Sayidow, Sayidow, naga fur.

25:12b.MAT.025.012 Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Anigu idin garan maayo.

25:13b.MAT.025.013 Haddaba soo jeeda, waayo, garan maysaan maalinta ama saacadda.

25:14b.MAT.025.014 Maxaa yeelay, waa sidii nin dal kale tegaya, oo addoommadiisii u yeedhay oo xoolihiisii u dhiibay.

25:15b.MAT.025.015 Mid wuxuu siiyey shan talanti, midna wuxuu siiyey laba, midna wuxuu siiyey mid; mid kasta sidii tabartiisu ahayd, markaasuu dhoofay.

25:16b.MAT.025.016 Isla markiiba kii shantii talanti helay ayaa tegey oo ku baayacmushtaray, oo wuxuu faa'iiday shan talanti oo kale.

25:17b.MAT.025.017 Sidaas oo kale kii labada helayna, laba kale ayuu faa'iiday.

25:18b.MAT.025.018 Kii midka helayse, wuu baxay oo dhulka qoday oo lacagtii sayidkiisii ayuu ku qariyey.

25:19b.MAT.025.019 Wakhti dheer dabadeed sayidkii addoommadaas ayaa yimid oo ka xisaab qaatay.

25:20b.MAT.025.020 Kii shantii talanti helay ayaa yimid oo keenay shan talanti oo kale, oo wuxuu ku yidhi, Sayidow, waxaad ii dhiibtay shan talanti; eeg, shan talanti oo kale ayaan ka faa'iiday.

25:21b.MAT.025.021 Sayidkiisii ayaa ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan oo aaminka ahu. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, wax badan baan madax kaaga dhigayaa. Farxadda sayidkaaga gal.

25:22b.MAT.025.022 Kii labadii talanti helayna waa yimid oo yidhi, Sayidow, waxaad ii dhiibtay laba talanti; eeg, laba talanti oo kale ayaan ka faa'iiday.

25:23b.MAT.025.023 Sayidkiisii ayaa ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan oo aaminka ahu. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, wax badan baan madax kaaga dhigayaa. Farxadda sayidkaaga gal.

25:24b.MAT.025.024 Kii talantigii keliya helayna waa u yimid oo ku yidhi, Sayidow, waan ku garanayay inaad tahay nin qalbi engegan, oo aad wax ka guratid meel aanad wax ku beeran oo aad wax ka urursatid meel aanad wax ku firdhin.

25:25b.MAT.025.025 Waana baqay, oo intaan tegey ayaan talantigaagii dhulka ku qariyey. Bal eeg, waa kan kaagii.

25:26b.MAT.025.026 Markaasaa sayidkiisii u jawaabay oo ku yidhi, Addoon yahow sharka leh oo caajiska ahu, waad ogayd inaan wax ka gurto meel aanan wax ku beeran, oo aan wax ka urursado meel aanan wax ku firdhin.

25:27b.MAT.025.027 Haddaba waxaad lahayd inaad lacagtayda u dhiibto kuwa baangiga jooga, oo goortaan soo noqdo, waxayga iyo faa'iido ayaan qaadan lahaa.

25:28b.MAT.025.028 Haddaba talantigii ka qaada oo u dhiiba kan tobanka talanti haya.

25:29b.MAT.025.029 Waayo, mid walba oo wax haysta waa la siin doonaa, waana loo badin doonaa, kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa xataa wuxuu haysto.

25:30b.MAT.025.030 Oo addoonka aan waxtarka lahayn ku tuura gudcurka dibadda ah. Halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

25:31b.MAT.025.031 Goortii Wiilka Aadanahu ammaantiisa ku yimaado, isaga iyo malaa'igaha oo dhan, markaasuu carshiga ammaantiisa ku fadhiisan doonaa.

25:32b.MAT.025.032 Quruumaha oo dhan ayaa hortiisa lagu soo ururin doonaa oo wuxuu u kala sooci doonaa mid mid sida adhijirku u kala sooco idaha iyo riyaha.

25:33b.MAT.025.033 Idaha wuxuu joojin doonaa midigtiisa, riyahana bidixdiisa.

25:34b.MAT.025.034 Markaasaa Boqorku kuwa midigtiisa jooga ku odhan doonaa, Kaalaya, kuwa Aabbahay barakeeyeyow, oo dhaxla boqortooyada tan iyo aasaaskii dunida laydiin diyaargareeyey.

25:35b.MAT.025.035 Waayo, waan gaajooday oo cuntaad i siiseen, waan harraadsanaa oo waad i waraabiseen, qariib baan ahaa oo waad i soo dhoweeyseen,

25:36b.MAT.025.036 waan qaawanaa oo dhar baad i huwiseen, waan bukay oo waad i soo booqateen, xabsi baan ku jiray oo waad ii timaadeen.

25:37b.MAT.025.037 Markaasaa kuwa xaqa ahu u jawaabi doonaan iyagoo leh, Sayidow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan oo aannu cunto ku siinnay, ama adigoo harraadsan oo aannu ku waraabinnay?

25:38b.MAT.025.038 Goormaannu ku aragnay adigoo qariib ah oo aannu ku soo dhowaynay ama adigoo qaawan oo aannu wax ku huwinnay?

25:39b.MAT.025.039 Goormaannu ku aragnay adigoo buka ama adigoo xabsi ku jira oo aannu kuu nimid?

25:40b.MAT.025.040 Markaasaa Boqorkii u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayseen mid ka mid ah walaalahaygan u yaryar, waad ii samayseen.

25:41b.MAT.025.041 Markaasuu kuwa bidixdiisa jooga ku odhan doonaa, Kuwa yahow inkaaranu, iga taga oo gala dabka weligiis ah kan Ibliiska iyo malaa'igihiisa loo diyaargareeyey.

25:42b.MAT.025.042 Waayo, waan gaajooday, cuntona ima aydnaan siin, waan harraadsanaa, imana aydnaan waraabin.

25:43b.MAT.025.043 Qariib baan ahaa, imana aydnaan soo dhowayn, waan qaawanaa, dharna ima aydnaan huwin, waanan bukay oo xabsi ku jiray oo ima aydnaan soo booqan.

25:44b.MAT.025.044 Iyaguna markaasay u jawaabi doonaan oo ku odhan doonaan, Sayidow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan ama harraadsan ama qariib ah ama qaawan ama buka ama xabsi ku jira oo aannu ku kalmayn waynay?

25:45b.MAT.025.045 Markaasuu u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayn weydeen mid ka mid ah kuwan u yaryar, anigana waad ii samayn weydeen.Kuwanuna waxay geli doonaan taqsiirta weligeed ah, kuwa xaqa ahuse waxay geli doonaan nolosha weligeed ah.

25:46b.MAT.025.046 Kuwanuna waxay geli doonaan taqsiirta weligeed ah, kuwa xaqa ahuse waxay geli doonaan nolosha weligeed ah.

26

26:1b.MAT.026.001 Waxaa dhacay goortii Ciise hadalladan oo dhan dhammeeyey, inuu xertiisii ku yidhi,

26:2b.MAT.026.002 Waxaad og tihiin laba maalmood dabadeed inay tahay Iiddii Kormaridda, oo Wiilka Aadanaha waxaa loo gacangelinayaa in iskutallaabta lagu qodbo.

26:3b.MAT.026.003 Markaasaa wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka waxay isku urursadeen barxadda wadaadkii sare oo Kayafas la odhan jiray.

26:4b.MAT.026.004 Oo waxay ka wada hadleen si ay Ciise khiyaano ugu qabtaan oo ay u dilaan.

26:5b.MAT.026.005 Laakiin waxay yidhaahdeen, Yaanay noqon wakhtiga iidda si aan rabshad dadka uga dhex kicin.

26:6b.MAT.026.006 Ciise goortuu Beytaniya joogay oo ku jiray guriga Simoon kii baraska qabi jiray,

26:7b.MAT.026.007 waxaa u timid naag haysa weel alabastar ah oo cadar qaali ah ku jiro, oo waxay ku shubtay madaxiisa intuu cuntada u fadhiyey.

26:8b.MAT.026.008 Laakiin xertu goortay arkeen, way cadhoodeen oo waxay yidhaahdeen, Khasaaradanu maxay ku noqotay?

26:9b.MAT.026.009 Waayo, kan waxaa lagu iibin kari lahaa wax badan oo masaakiinta la siin lahaa.

26:10b.MAT.026.010 Ciise goortuu gartay ayuu ku yidhi, Maxaad naagta u dhibaysaan? Shuqul wanaagsan ayay igu samaysaye.

26:11b.MAT.026.011 Waayo, masaakiintu mar walba way idinla jiraan, aniguse mar walba idinlama joogo.

26:12b.MAT.026.012 Waxay cadarkan jidhkayga ugu shubtay inay aasniintayda ii diyaargarayso.

26:13b.MAT.026.013 Runtii waxaan idinku leeyahay, Dunida oo dhan meel alla meeshii injiilkan lagu wacdiyo, waxay samaysay ayaa xusuusteeda lagaga hadli doonaa.

26:14b.MAT.026.014 Markaas mid laba-iyo-tobankii ka mid ahaa oo Yuudas Iskariyod la odhan jiray ayaa u tegey wadaaddada sare

26:15b.MAT.026.015 oo ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaad i siisaan? Anna waan idiin soo gacangelin doonaaye. Oo waxay bixiyeen soddon gogo' oo lacag ah.

26:16b.MAT.026.016 Markaas dabadeed wuxuu doonayay goor wanaagsan oo uu u soo gacangeliyo.

26:17b.MAT.026.017 Maalintii ugu horraysay oo Iiddii Kibistii aan khamiirka lahayn xertii ayaa Ciise u timid oo waxay ku yidhaahdeen, Xaggee baad doonaysaa inaannu kuu diyaargarayno inaad cuntid cashada Iidda Kormaridda?

26:18b.MAT.026.018 Wuxuu yidhi, Magaalada gala oo hebel u taga oo waxaad ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu leeyahay, Wakhtigaygii waa dhow yahay, gurigaaga ayaan cashada Iidda Kormaridda kula samaysanayaa xertayda.

26:19b.MAT.026.019 Xertii waa samaysay sida Ciise ku amray oo cashada Iidda Kormariddii ayay diyaargareeyeen.

26:20b.MAT.026.020 Goortii makhribkii la gaadhay, laba-iyo-tobankii xerta ahaa ayuu cunto ula fadhiistay,

26:21b.MAT.026.021 oo intay wax cunayeen ayuu ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Midkiin ayaa i gacangelin doona.

26:22b.MAT.026.022 Markaasay aad iyo aad u caloolxumaadeen, oo waxay bilaabeen in mid kastaa ku yidhaahdo, Ma aniga baa, Sayidow?

26:23b.MAT.026.023 Wuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Kii saxanka gacanta ila gesha kaasaa i gacangelin doona.

26:24b.MAT.026.024 Wiilka Aadanahu waa baxayaa, siday u qoran tahay, laakiin hoog waxaa leh ninkaas Wiilka Aadanaha gacangelinaya. Waxaa ninkaas u wanaagsanaan lahayd inaanu dhalan.

26:25b.MAT.026.025 Yuudas oo ah kii gacangeliyey ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Ma aniga baa, Sayidow? Wuxuu ku yidhi, Waad tidhi.

26:26b.MAT.026.026 Oo intay wax cunayeen, Ciise ayaa kibis qaaday oo barakeeyey, wuuna jejebiyey oo xertii siiyey oo yidhi, Qaata oo cuna. Tanu waa jidhkaygiiye.

26:27b.MAT.026.027 Kolkaasuu koobkii qaaday oo mahad naqay oo siiyey iyaga, oo wuxuu ku yidhi, Kulligiin ka cabba.

26:28b.MAT.026.028 Waayo, kanu waa dhiiggayga axdiga cusub kan kuwo badan loo daadshay dembidhaafkooda aawadiis.

26:29b.MAT.026.029 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Hadda dabadeed anigu kama cabbi doono midhahan geedka canabka ah ilaa maalinta aan iyadoo cusub idinkula cabbayo boqortooyada Aabbahay dhexdeed.

26:30b.MAT.026.030 Goortay gabay ammaan ah ku gabyeen waxay u baxeen Buur Saytuun.

26:31b.MAT.026.031 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Caawa kulligiin waa iga xumaan doontaan, waayo, waxaa qoran, Adhijirkaan dili doonaa oo idaha foofka ahu waa kala firdhi doonaan.

26:32b.MAT.026.032 Laakiin markii kuwii dhintay layga sara kiciyo, dabadeed ayaan Galili hortiin tegi doonaa.

26:33b.MAT.026.033 Laakiin Butros ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Hadday kulli kaa xumaadaan, anigu weligay kaa xumaan maayo.

26:34b.MAT.026.034 Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan kugu leeyahay, Caawa qudheeda intaan diiqu ciyin, saddex kol ayaad i dafiri doontaa.

26:35b.MAT.026.035 Butros wuxuu ku yidhi, In kastoo aan leeyahay inaan kula dhinto, kolleyba ku dafiri maayo. Xertii oo dhammuna sidaasay wada yidhaahdeen.

26:36b.MAT.026.036 Markaasaa Ciise la yimid iyaga meel Getsemane la odhan jiray, oo wuxuu xertii ku yidhi, Halkan fadhiista intii aan halkaas tegayo oo ku soo tukanayo.

26:37b.MAT.026.037 Oo wuxuu watay Butros iyo labada wiil oo Sebedi, oo wuxuu bilaabay inuu calool xumaado oo tiiraanyoodo.

26:38b.MAT.026.038 Markaasuu ku yidhi, Naftaydu aad bay u calool xun tahay tan iyo dhimasho; halkan jooga oo ila soo jeeda.

26:39b.MAT.026.039 Wuxoogaa ayuu hore u socday, oo wejigiisuu u dhacay oo tukaday isagoo leh, Aabbow, hadday suurtowdo, koobkanu ha i dhaafo, hase ahaatee, yaanay noqon sidaan doonayo laakiin sidaad doonaysid ha noqoto.

26:40b.MAT.026.040 Xertii ayuu u yimid, oo wuxuu arkay iyagoo hurda, oo wuxuu Butros ku yidhi, Waa sidee? Miyaad kari weydeen inaad saacad keliya ila soo jeeddaan?

26:41b.MAT.026.041 Soo jeeda oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin. Ruuxu waa diyaar, laakiin jidhku waa itaal daranyahay.

26:42b.MAT.026.042 Haddana mar labaad ayuu tegey oo tukaday isagoo leh, Aabbow, haddii aanay suurtoobin in koobkanu i dhaafo anigoo cabba maahee, sidaad doonaysid ha noqoto.

26:43b.MAT.026.043 Mar kale ayuu yimid oo arkay iyagoo hurda, waayo, indhahoodu lulmay la cuslaayeen.

26:44b.MAT.026.044 Wuu iska daayay oo haddana ka tegey, oo mar saddexaad ayuu tukaday isagoo haddana hadalkii oo kale ku hadlaya.

26:45b.MAT.026.045 Markaasuu xertii u yimid oo ku yidhi, Hadda seexda oo nasta. Bal eega, saacaddii waa dhow dahay, oo Wiilka Aadanaha ayaa dembilayaal loo gacangelinayaa.

26:46b.MAT.026.046 Kaca aan tagnee. Eega, kii i gacangelin lahaa waa soo dhow yahay.

26:47b.MAT.026.047 Oo intuu weli hadlayay ayaa Yuudas oo laba-iyo-tobankii ka mid ahaa yimid, isaga iyo dad aad u badan oo seefo iyo ulo sita. Waxay ka yimaadeen wadaaddada sare iyo waayeellada dadka.

26:48b.MAT.026.048 Kii gacangeliyey ayaa calaamo kula ballamay oo ku yidhi, Mid alla midkaan dhunkado waa isagii ee qabta.

26:49b.MAT.026.049 Kolkiiba Ciise buu u yimid oo ku yidhi, Nabad, Macallimow; wuuna dhunkaday.

26:50b.MAT.026.050 Kolkaasaa Ciise ku yidhi, Saaxiibow, maxaad u timid? Markaasay yimaadeen, oo gacmahooda ayay Ciise saareen oo qabteen.

26:51b.MAT.026.051 Oo bal eeg, mid ka mid ah kuwii Ciise la jiray ayaa gacanta fidiyey, oo seeftiisa soo bixiyey, oo wuxuu ku dhuftay wadaadka sare addoonkiisii, oo dheg buu ka gooyay.

26:52b.MAT.026.052 Markaasaa Ciise ku yidhi, Seeftaada meesheedii ku celi, waayo, kuwa seefo qaada oo dhammu seef bay ku halligmi doonaan.

26:53b.MAT.026.053 Ma waxaad u malaynaysaa inaanan Aabbahay baryi karin oo uusan haddeer ii soo diri karin malaa'igo laba iyo toban guuto ka badan?

26:54b.MAT.026.054 Haddaba sidee buu u noqon doonaa Qorniinku kan leh, Waa in sidaasu noqotaa?

26:55b.MAT.026.055 Saacaddaas qudheeda ayaa Ciise dadkii badnaa ku yidhi, Ma waxaad iila soo baxdeen seefo iyo ulo inaad i qabataan sidaan tuug ahay? Maalin walbaba macbudka ayaan fadhiyi jiray oo wax bari jiray, imana aydnaan qabsan.

26:56b.MAT.026.056 Laakiin waxan oo dhan ayaa noqday in qorniinka nebiyadu rumoobo. Markaasaa xertii oo dhammu ka wada tageen oo carareen.

26:57b.MAT.026.057 Kuwii Ciise qabtay waxay u geeyeen Kayafas oo ahaa wadaadkii sare, ilaa meeshii culimmada iyo waayeelladu ku urursanaayeen.

26:58b.MAT.026.058 Laakiin Butros baa meel fog ka soo daba socday ilaa barxadda wadaadkii sare, wuuna galay oo askartii la fadhiistay inuu ugudambaysta arko.

26:59b.MAT.026.059 Wadaaddadii sare iyo shirkii oo dhan ayaa waxay dooneen markhaati been ah oo Ciise ka gees ah si ay u dilaan.

26:60b.MAT.026.060 Waase heli waayeen, in kastoo markhaatiyaal badan oo been ahu yimaadeen. Laakiinse dabadeed waxaa yimid laba,

26:61b.MAT.026.061 oo waxay yidhaahdeen, Kanu wuxuu yidhi, Waan karayaa inan macbudka Ilaah dudumiyo oo saddex maalmood ku dhiso.

26:62b.MAT.026.062 Markaasaa wadaadkii sare istaagay oo ku yidhi, Miyaanad waxba ka jawaabayn? Kuwanu waxay kugu marag furayaan waa maxay?

26:63b.MAT.026.063 Laakiin Ciise waa iska aamusay. Kolkaasaa wadaadkii sare wuxuu ku yidhi, Ilaaha nool ayaan kugu dhaarinayaa ee noo sheeg inaad tahay Masiixa oo ah Wiilka Ilaah, iyo in kale.

26:64b.MAT.026.064 Ciise ayaa ku yidhi, Waad tidhi. Hase ahaatee waxaan idinku leeyahay, Hadda dabadeed waxaad arki doontaan Wiilka Aadanaha oo fadhiya midigta xoogga Ilaah oo ku imanaya daruuraha cirka.

26:65b.MAT.026.065 Markaasaa wadaadkii sare dharkiisii jeexjeexay isagoo leh, Wuu caytamay. Maxaynu markhaatiyaal weli ugu baahan nahay? Bal eega, haddeer waad maqasheen caytanka.

26:66b.MAT.026.066 Maxay idinla tahay? Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Wuxuu istaahilaa dhimasho.

26:67b.MAT.026.067 Markaasay wejiga kaga candhuufeen oo garaaceen. Qaarna waa dharbaaxeen,

26:68b.MAT.026.068 oo waxay ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Masiixow. Yuu yahay kan kugu dhuftay?

26:69b.MAT.026.069 Butros wuxuu fadhiyey barxadda dibadda ah, markaasaa gabadh u timid oo waxay ku tidhi, Adiguna waxaad la jirtay Ciisihii reer Galili.

26:70b.MAT.026.070 Laakiin dhammaantood ayuu ku hor dafiray oo wuxuu ku yidhi, Anigu garan maayo waxaad leedahay.

26:71b.MAT.026.071 Goortuu iridda tegey mid kale ayaa aragtay, oo waxay kuwii halkaas joogay ku tidhi, Kanu wuxuu la jiray Ciisihii reer Naasared.

26:72b.MAT.026.072 Haddana dhaar ayuu ku dafiray oo yidhi, Anigu garan maayo ninka.

26:73b.MAT.026.073 Wuxoogaa yar dabadeed kuwii ag taagnaa ayaa u yimid oo Butros ku yidhi, Run weeye, adiguna midkood baad tahay, waayo, hadalkaaga ayaa ku muujinaya.

26:74b.MAT.026.074 Markaasuu bilaabay inuu caytamo oo ku dhaarto inaanu ninka garanayn. Kolkiiba diiqii baa ciyey.Markaasaa Butros wuxuu xusuustay hadalkii Ciise ku hadlay, Diiqu intaanu ciyin saddex goor ayaad i dafiri doontaa. Markaasuu baxay oo aad u ooyay.

26:75b.MAT.026.075 Markaasaa Butros wuxuu xusuustay hadalkii Ciise ku hadlay, Diiqu intaanu ciyin saddex goor ayaad i dafiri doontaa. Markaasuu baxay oo aad u ooyay.

27

27:1b.MAT.027.001 Goortii aroortii la gaadhay wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka oo dhan ayaa Ciise wax ka gees ah ka wada hadlay si ay u dilaan.

27:2b.MAT.027.002 Markaasay xidheen oo kaxeeyeen, oo waxay u dhiibeen taliyihii Bilaatos ahaa.

27:3b.MAT.027.003 Markaas Yuudas, oo ahaa kii gacangeliyey, goortuu arkay in la xukumay, ayuu isqoomameeyey, oo soddonkii gogo' oo lacagta ahaa ayuu wadaaddadii sare iyo waayeelladii ku celiyey,

27:4b.MAT.027.004 oo wuxuu ku yidhi, Waan dembaabay markaan gacangeliyey dhiig eed la'. Laakiin waxay ku yidhaahdeen, Maxaa noogu jira? Yeelkaa.

27:5b.MAT.027.005 Markaasuu lacagtii macbudka gudihiisa ku daadshay oo ka tegey, wuuna baxay oo isdeldelay.

27:6b.MAT.027.006 Kolkaasaa wadaaddadii sare lacagtii qaadeen oo waxay yidhaahdeen, Xalaal ma aha in khasnadda quduuska ah lagu rido, waayo, waa dhiig iibkiis.

27:7b.MAT.027.007 Markaasay ka wada hadleen oo waxay ku iibsadeen dhulka dheriyasameeyaha in shisheeyaha lagu aaso.

27:8b.MAT.027.008 Sidaa darteed ilaa maanta dhulkaas waxaa loogu yeedhaa dhulkii dhiigga.

27:9b.MAT.027.009 Markaas waxaa noqotay wixii nebi Yeremyaah lagaga hadlay markuu yidhi, Waxay qaateen soddonkii gogo' oo lacagta ahaa oo ah iibkii lagu qiimeeyey isaga, kii bini Israa'iil ku qiimeeyeen.

27:10b.MAT.027.010 Waxayna ka bixiyeen dhulka dheriyasameeyaha sida Rabbigu iigu amray.

27:11b.MAT.027.011 Ciise wuxuu hor istaagay taliyaha, oo taliyihiina waa weyddiiyey oo ku yidhi, Ma Boqorkii Yuhuudda baad tahay? Ciisena wuxuu ku yidhi, Waad tidhi.

27:12b.MAT.027.012 Goortii wadaaddadii sare iyo waayeelladii ay ashtakeeyeen, waxba uma uu jawaabin.

27:13b.MAT.027.013 Markaasaa Bilaatos ku yidhi, Miyaanad maqlaynin waxa badan oo ay kugu marag furayaan?

27:14b.MAT.027.014 Laakiin uguma uu jawaabin xataa eray keliya, sidaa darteed taliyihii ayaa aad ula yaabay.

27:15b.MAT.027.015 Taliyihii waxaa caadadiisu ahayd inuu iidda dadka u sii daayo maxbuuskay doonayaan.

27:16b.MAT.027.016 Markaasay waxay lahaayeen maxbuus caan ah oo la odhan jiray Baraabbas.

27:17b.MAT.027.017 Haddaba goortay isu urureen, Bilaatos ayaa ku yidhi, Iyamaad doonaysaan inaan idiin sii daayo? Baraabbas ama Ciise kan Masiixa la yidhaahdo?

27:18b.MAT.027.018 Waayo, wuxuu ogaa inay hinaaso ugu soo dhiibeen.

27:19b.MAT.027.019 Kolkuu kursiga xukumaadda ku fadhiistay ayaa naagtiisii farriin u soo dirtay oo waxay ku tidhi, Ha dhex gelin xaajada ninkaas xaqa ah, waayo, maanta anigoo ku riyoonaya isaga, ayaan aad iyo aad u xanuunsaday.

27:20b.MAT.027.020 Laakiin wadaaddadii sare iyo waayeelladii waxay dadkii badnaa oggolaysiiyeen inay Baraabbas weyddiistaan, Ciisena la dilo.

27:21b.MAT.027.021 Laakiin taliyihii ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Labadooda kee baad doonaysaan inaan idiin sii daayo? Waxay yidhaahdeen, Baraabbas.

27:22b.MAT.027.022 Markaasaa Bilaatos wuxuu ku yidhi, Haddaba maxaan ku sameeyaa Ciise kan Masiixa la yidhaahdo? Kulligood waxay wada yidhaahdeen, Iskutallaabta ha lagu qodbo.

27:23b.MAT.027.023 Oo wuxuu yidhi, Waayo, waa maxay sharkuu falay? Laakiin aad bay u sii qayliyeen oo yidhaahdeen, Iskutallaabta ha lagu qodbo.

27:24b.MAT.027.024 Bilaatos goortuu arkay inuusan waxba ka tari karin in rabshad kacdo maahee, ayuu biyo qaatay oo dadka hortooda ku gacmo dhaqday oo wuxuu yidhi, Anigu waan ka eedla'ahay ninkan xaqa ah dhiiggiisa. Idinku yeelkiinna.

27:25b.MAT.027.025 Dadkii oo dhammu waa wada jawaabeen oo yidhaahdeen, Dhiiggiisu annaga iyo carruurtayadaba ha dul saarnaado.

27:26b.MAT.027.026 Markaasuu Baraabbas u sii daayay, oo goortuu Ciise karbaashay ayuu u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.

27:27b.MAT.027.027 Markaasaa taliyaha askartiisii waxay Ciise geeyeen guriga taliyaha, oo waxay isaga ku soo ururiyeen askartii oo dhan.

27:28b.MAT.027.028 Dharkiisii ayay ka qaadeen oo waxay u geliyeen dhar guduudan.

27:29b.MAT.027.029 Markaasay taaj qodxan uga taxeen oo madaxiisay saareen, cawsduurna gacantiisa midigtaa ayay u geliyeen, oo intay hortiisa jilba joogsadeen oo ku majaajiloodeen ayay waxay ku yidhaahdeen, Nabad, Boqorka Yuhuuddow.

27:30b.MAT.027.030 Wayna ku candhuufeen, markaasay cawsduurkii ka qaadeen oo madaxay kaga dhufteen.

27:31b.MAT.027.031 Oo goortay ku majaajiloodeen dabadeed ayay dharkii ka qaadeen oo dharkiisii bay u geliyeen, markaasay wadeen in iskutallaabta lagu qodbo.

27:32b.MAT.027.032 Goortay soo baxeen, waxay arkeen nin reer Kuranaya ah oo Simoon la odhan jiray, kan ay ku qasbeen inuu iskutallaabtiisa u qaado.

27:33b.MAT.027.033 Oo goortay yimaadeen meel Golgota la odhan jiray, tan la yidhaahdo meeshii dhakada,

27:34b.MAT.027.034 waxay siiyeen inuu cabbo khamri xammeeti lagu daray, goortuu dhadhamiyeyse wuu diiday inuu cabbo.

27:35b.MAT.027.035 Oo goortay iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaybsadeen, wayna saami riteen si wixii nebigu ku hadlay u noqdaan, Dharkaygii bay qaybsadeen oo maradaydii bay saami u riteen.

27:36b.MAT.027.036 Meeshaasna ayay fadhiisteen oo dhawreen.

27:37b.MAT.027.037 Waxay meel madaxiisa ka korraysa ku qoreen ashtakadii lagu ashtakeeyey oo leh, KANU WAA CIISE BOQORKA YUHUUDDA.

27:38b.MAT.027.038 Markaasaa waxaa iskutallaabo lagu la qodbay laba tuug, mid midigta, midna bidixda.

27:39b.MAT.027.039 Kuwii ag marayayna waa caayeen, oo intay madaxooda luleen,

27:40b.MAT.027.040 waxay yidhaahdeen, Kaaga macbudka duminayow oo saddex maalmood ku dhisayow, isbadbaadi, haddii aad tahay Wiilka Ilaah, oo iskutallaabta ka soo deg.

27:41b.MAT.027.041 Sidaas oo kale ayaa wadaaddada sare ugu majaajiloodeen, iyaga iyo culimmada iyo waayeelladaba, oo waxay yidhaahdeen,

27:42b.MAT.027.042 Kuwa kale ayuu badbaadiyey, qudhiisa isma badbaadin karo. Waa Boqorka Israa'iil; haddeer iskutallaabta ha ka soo dego, annaguna waannu rumaysan doonnaaye.

27:43b.MAT.027.043 Ilaah buu isku halleeyey, haddeer ha bixiyo hadduu isaga ku faraxsan yahay, waayo, wuxuu yidhi, Waxaan ahay Wiilka Ilaah.

27:44b.MAT.027.044 Tuugaggii iskutallaabaha lagu la qodbayna sidaas oo kale ayay u caayeen.

27:45b.MAT.027.045 Hadda saacaddii lixaad ilaa saacaddii sagaalaad dhulka oo dhammu gudcur buu ahaa.

27:46b.MAT.027.046 Abbaaraha saacaddii sagaalaad Ciise ayaa cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Eloy, Eloy, lama sabakhtani, waxaa weeye, Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay?

27:47b.MAT.027.047 Kuwa halkaas taagnaa qaarkood ayaa goortay maqleen, yidhi, Kanu wuxuu u yeedhayaa Eliyaas.

27:48b.MAT.027.048 Kolkiiba midkood baa orday oo qaaday geed isbonji la yidhaahdo, oo khal uga soo buuxshay, oo intuu cawsduur saaray ayuu siiyey inuu cabbo.

27:49b.MAT.027.049 Kuwa kale ayaa yidhi, Daaya aynu aragnee inuu Eliyaas yimaado oo badbaadiyo.

27:50b.MAT.027.050 Markaasaa Ciise goortuu mar kale cod weyn ku dhawaaqay, ruuxii bixiyey.

27:51b.MAT.027.051 Oo bal eeg, daahi macbudka ayaa kor ilaa hoos laba u kala dillaacay, dhulkiina waa gariiray, dhagaxyadiina waa kala dildillaaceen.

27:52b.MAT.027.052 Xabaalihiina waa furmeen, oo quduusiin badan oo hurdayna meydadkoodii waa la kiciyey.

27:53b.MAT.027.053 Sarakiciddiisa dabadeed ayay xabaalaha ka soo baxeen, oo waxay galeen magaalada quduuska ah, oo waxay u muuqdeen dad badan.

27:54b.MAT.027.054 Boqol-u-taliyihii iyo kuwii la jiray oo Ciise dhawrayay, goortay arkeen dhulgariirkii iyo wixii dhacay, aad bay u baqeen oo yidhaahdeen, Runtii, kanu wuxuu ahaa Wiilkii Ilaah.

27:55b.MAT.027.055 Waxaana halkaas joogay dumar badan oo meel fog ka eegayay, kuwii Ciise ka soo raacay Galili oo u adeegi jiray isaga,

27:56b.MAT.027.056 oo waxaa ku dhex jirtay Maryantii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub iyo Yoosee hooyadood, iyo wiilashii Sebedi hooyadood.

27:57b.MAT.027.057 Goortay casarkii ahayd waxaa yimid nin reer Arimataya oo hodan ah oo Yuusuf la odhan jiray, oo isaguna Ciise xertiisa ahaa.

27:58b.MAT.027.058 Kaasu wuxuu u tegey Bilaatos oo ka baryay Ciise meydkiisii. Markaasaa Bilaatos amray in loo dhiibo.

27:59b.MAT.027.059 Yuusuf goortuu meydkii qaaday ayuu kafan nadiif ah ku duudduubay,

27:60b.MAT.027.060 oo wuxuu geliyey xabaashiisii cusbayd, tan uu dhagax ka qoday, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn, wuuna ka tegey.

27:61b.MAT.027.061 Oo halkaas waxaa joogay Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale, oo waxay fadhiyeen meel xabaashii ka soo hor jeedda.

27:62b.MAT.027.062 Maalintii dambe oo ku xigtay Maalintii Diyaargarayska, wadaaddadii sare iyo Farrisiintii waxay u wada yimaadeen Bilaatos,

27:63b.MAT.027.063 oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, waxaannu xusuusan nahay in khaa'inkaasu yidhi, intuu weli noolaa, Saddex maalmood dabadeed waan soo sara kacayaa.

27:64b.MAT.027.064 Haddaba amar in xabaashii aad loo dhawro ilaa maalinta saddexaad inaan xertiisu iman oo xadin oo aanay dadka ku odhan, Kuwii dhintay wuu ka soo sara kacay, oo aanay khiyaanada dambe ka sii xumaan tii hore.

27:65b.MAT.027.065 Bilaatos wuxuu ku yidhi, Waardiyayaal baad leedihiin. Taga oo adkeeya in alla intaad adkayn taqaaniin.Markaasay tageen, iyaga iyo waardiyayaashii, oo xabaashay soo adkeeyeen, dhagixiina way shaabadeeyeen.

27:66b.MAT.027.066 Markaasay tageen, iyaga iyo waardiyayaashii, oo xabaashay soo adkeeyeen, dhagixiina way shaabadeeyeen.

28

28:1b.MAT.028.001 Sabtidii dabadeed goortii waagii beryayay maalintii ugu horraysay ee toddobaadka, Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale waxay u yimaadeen inay xabaashii arkaan.

28:2b.MAT.028.002 Oo bal eeg, waxaa jiray dhulgariir weyn, waayo, malaa'igta Rabbiga ayaa intay samada ka soo degtay timid oo dhagixii ka giringirisay oo ku dul fadhiisatay.

28:3b.MAT.028.003 Midabkeedu wuxuu u ekaa hillaac, dharkeeduna wuxuu u caddaa sida baraf cad.

28:4b.MAT.028.004 Oo cabsi aawadeed kuwii ilaalinayay waa gariireen, oo waxay noqdeen sida meydad.

28:5b.MAT.028.005 Malaa'igtii ayaa u jawaabtay oo naagihii ku tidhi, Ha baqina, waayo, waxaan ogahay inaad doonaysaan Ciise, kan iskutallaabta lagu qodbay.

28:6b.MAT.028.006 Halkan ma joogo, waayo, wuu sara kacay siduu yidhi. Bal kaalaya oo arka meeshii Rabbigu jiifay.

28:7b.MAT.028.007 Dhaqso u taga, oo waxaad xertiisii ku tidhaahdaan, Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay, oo wuu idin hor marayaa ilaa Galili. Halkaasna waad ku arki doontaan. Bal eega, waan idiin sheegaye.

28:8b.MAT.028.008 Dhaqsoba waxay xabaashii kala tageen baqdin iyo farxad weyn, oo waxay u ordeen inay xertiisa u warramaan.

28:9b.MAT.028.009 Kolkaasaa Ciise ka hor yimid oo ku yidhi, Nabad. Markaasay u dhowaadeen oo intay cagihiisa qabteen ayay caabudeen.

28:10b.MAT.028.010 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ha baqina. Taga oo walaalahay u sheega inay Galili tagaan, oo halkaasay igu arki doonaan.

28:11b.MAT.028.011 Intay sii socdeen ayaa waardiyayaashii qaarkood magaaladii yimid, oo waxay wadaaddadii sare uga warrameen wixii dhacay oo dhan.

28:12b.MAT.028.012 Iyaguna goortay waayeelladii la shireen oo ay wada hadleen, ayay askartii lacag badan siiyeen,

28:13b.MAT.028.013 oo waxay ku yidhaahdeen, Waxaad tidhaahdaan, Xertiisii ayaa habeennimo timid oo xadday isaga intii aannu hurudnay.

28:14b.MAT.028.014 Oo haddii taliyihii waxan maqlo, waannu rumaysiinaynaa oo waannu idiin welwel tiraynaa.

28:15b.MAT.028.015 Markaasay lacagtii qaateen oo yeeleen sidii lagu yidhi. Hadalkanu maalintaas ilaa maanta waa ku dhex firdhisanaa Yuhuudda.

28:16b.MAT.028.016 Markaasaa koob-iyo-tobankii xerta ahaa Galili tageen ilaa buurtii Ciise kula ballamay.

28:17b.MAT.028.017 Oo goortay arkeen isagii, way caabudeen, laakiin qaar baa shakiyey.

28:18b.MAT.028.018 Oo Ciise ayaa u yimid oo la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Amar oo dhan ayaa samada iyo dhulka laygu siiyey.

28:19b.MAT.028.019 Haddaba taga, oo quruumaha oo dhan xer ka dhiga, oo ku baabtiisa magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuskaa,oo bara inay dhawraan wax walba oo aan idinku amray, oo bal eega had iyo goor ayaan idinla joogaa xataa ilaa wakhtigu dhammaado.

28:20b.MAT.028.020 oo bara inay dhawraan wax walba oo aan idinku amray, oo bal eega had iyo goor ayaan idinla joogaa xataa ilaa wakhtigu dhammaado.


Holder of rights
Multilingual Bible Corpus

Citation Suggestion for this Object
TextGrid Repository (2025). Somali Collection. Matthew (Somali). Matthew (Somali). Multilingual Parallel Bible Corpus. Multilingual Bible Corpus. https://hdl.handle.net/21.11113/0000-0016-B859-5