Jonah (Somali)

Jonah (Somali)

1

1:1b.JON.001.001 Haddaba waxaa Yoonis ina Amitay u yimid Eraygii Rabbiga oo sidan ku leh,

1:2b.JON.001.002 Kac, oo waxaad tagtaa magaaladaas weyn oo Nineweh, oo iyada ku qayli, waayo, sharkoodii wuxuu yimid hortayda.

1:3b.JON.001.003 Laakiinse Yoonis wuxuu u kacay inuu Rabbiga hortiisa ka cararo oo xagga Tarshiish u baxsado. Markaasuu Yaafaa u dhaadhacay oo wuxuu halkaas ka helay doonni Tarshiish tegaysa. Sidaas daraaddeed lacagtii nooliguu bixiyey, kolkaasuu gudaha galay, waayo, wuxuu doonayay inuu iyaga Tarshiish u raaco oo uu ka cararo Rabbiga hortiisa.

1:4b.JON.001.004 Laakiinse Rabbigu wuxuu baddii ku soo daayay dabayl weyn, kolkaasaa waxaa baddii ka dhex kacay duufaan xoog leh, doonnidiina waxay ku dhowaatay inay burburto.

1:5b.JON.001.005 Markaasay raggii baxriyiinta ahaa aad u baqeen, oo mid waluba wuxuu u qayshaday ilaahiisii. Alaabtii doonnida ku jirtayna badday ku dhex tuureen, si ay doonnidu iyaga ugu fududaato. Laakiinse wuxuu Yoonis mar hore u dhaadhacay doonnida meesha ugu hoosaysa, oo halkaasuu seexday, wuxuuna ku jiray hurdo weyn.

1:6b.JON.001.006 Haddaba waxaa isagii u yimid naakhudihii doonnida, oo ku yidhi, Hurdahayow, maxaad u jeeddaa? Kac oo Ilaahaaga u qayli, waaba intaasoo uu inaga fikiraa inaannan halligmine.

1:7b.JON.001.007 Oo wuxuu midba midkii kale ku yidhi, Kaalaya aynu saami ridannee si aan u ogaanno kan aawadiis belaayadanu inoogu dhacday. Sidaas daraaddeed saami bay riteen, oo saamigiina wuxuu ku dhacay Yoonis.

1:8b.JON.001.008 Markaasay waxay isagii ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye noo sheeg kan aawadiis belaayadanu inoogu dhacday. Waa maxay shuqulkaagu? Oo xaggee baad ka timid? Waddankaagu waa kee? Dadkaaguna waa ayo?

1:9b.JON.001.009 Oo isna wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaan ahay Cibraani, oo waxaan ka cabsadaa Rabbiga ah Ilaaha samada, oo ah Kan abuuray badda iyo berrigaba.

1:10b.JON.001.010 Markaasay nimankii aad iyo aad u cabsadeen, oo ku yidhaahdeen, Waa maxay waxa aad samaysay? Waayo, waxay ogaadeen inuu Rabbiga hortiisa ka soo cararay, maxaa yeelay, isagaa u sheegay.

1:11b.JON.001.011 Markaasay ku yidhaahdeen, Si baddu noogu degto aawadeed haddaba bal maxaannu kugu samaynaa? Waayo, badda duufaankeedii aad iyo aad buu u sii weynaaday.

1:12b.JON.001.012 Oo isna wuxuu ku yidhi, Kor ii qaada oo badda igu dhex tuura, sidaasay baddu idiinku degi doontaaye, waayo, waxaan ogahay in duufaankan weynu daraadday idiinku soo kacay.

1:13b.JON.001.013 Habase yeeshee nimankii aad bay seeb doonnidii ugu wadeen oo ugu dadaaleen inay xeebtii ku soo noqdaan, laakiinse way kari waayeen, maxaa yeelay, badda duufaankeedii oo ka gees ahaa aad iyo aad buu u sii weynaaday.

1:14b.JON.001.014 Markaasay Rabbiga u qayshadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbiyow, waannu ku baryaynaa, oo waannu ku baryaynaaye, yaannan u halligmin nolosha ninkan aawadeed, oo annaga ha na saarin dhiig aan xaq qabin, waayo, Rabbiyow, waxaad samaysay sidii aad ku faraxday.

1:15b.JON.001.015 Sidaas daraaddeed Yoonis bay kor u qaadeen oo waxay ku dhex tuureen baddii, kolkaasay baddii joojisay cadhadeedii.

1:16b.JON.001.016 Markaasay nimankii aad iyo aad Rabbiga uga cabsadeen, oo waxay Rabbiga u bixiyeen allabari, nidarrona way galeen.Oo Rabbigu wuxuu Yoonis u diyaariyey kalluun weyn oo isaga liqa; Yoonisna wuxuu kalluunka calooshiisii ku dhex jiray saddex habeen iyo saddex maalmood.

1:17b.JON.001.017 Oo Rabbigu wuxuu Yoonis u diyaariyey kalluun weyn oo isaga liqa; Yoonisna wuxuu kalluunka calooshiisii ku dhex jiray saddex habeen iyo saddex maalmood.

2

2:1b.JON.002.001 Markaasaa Yoonis Rabbigii Ilaahiisa ahaa baryay, isagoo ku dhex jira calooshii kalluunka.

2:2b.JON.002.002 Oo wuxuu yidhi, Dhibaatadayda aawadeed ayaan Rabbiga ugu yeedhay, Isna wuu ii jawaabay. Waxaan ka dhex qayliyey She'ool uurkiisa, Adna codkaygaad maqashay.

2:3b.JON.002.003 Waayo, waxaad igu dhex tuurtay moolka iyo badda uurkeeda. Hareerahaygana waxaa ku wareegsanaa daad, Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammuna way i dul mareen.

2:4b.JON.002.004 Kolkaasaan idhi, Indhahaaga hortooda waa layga tuuray; Welise waxaan mar kale eegayaa macbudkaaga quduuskaa.

2:5b.JON.002.005 Biyihii way i hareerayeen xataa naftayda, Moolkiina wuu igu wareegsanaa; Madaxaygana waxaa ku duudduubnaa caws badeed.

2:6b.JON.002.006 Waxaan hoos ugu dhaadhacay buuraha guntooda; Oo weligay waxaa i awday dhulkii iyo gudbayaashiisiiba; Laakiinse, Rabbiyow, Ilaahayow, noloshaydii waxaad ka soo bixisay yaamayskii.

2:7b.JON.002.007 Markii naftaydu itaal darnaatay ayaan ku xusuustay, Rabbiyow; Oo baryadaydii adigay kuu timid, oo waxay kuugu soo gashay macbudkaaga quduuskaa.

2:8b.JON.002.008 Kuwa waxyaalaha beenta ah oo aan micne lahayn ku fikiraa Waxay ka tagaan naxariistoodii.

2:9b.JON.002.009 Aniguse codka mahadnaqidda ayaan allabari kuugu bixin doonaa; Wixii aan nidrayna waan bixinayaa. Badbaado waxaa leh Rabbiga.Markaasuu Rabbigu kalluunkii amray, kalluunkiina wuxuu Yoonis ku mantagay berriga.

2:10b.JON.002.010 Markaasuu Rabbigu kalluunkii amray, kalluunkiina wuxuu Yoonis ku mantagay berriga.

3

3:1b.JON.003.001 Haddana mar labaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Yoonis oo ku yidhi,

3:2b.JON.003.002 Kac, oo waxaad tagtaa magaaladaas weyn oo Nineweh, oo waxaad iyada ku wacdidaa wacdiska aan kuu sheegayo,

3:3b.JON.003.003 Sidaas daraaddeed Yoonis wuu kacay oo wuxuu tegey Nineweh siduu eraygii Rabbigu ku amray. Haddaba Nineweh waxay ahayd magaalo aad iyo aad u weyn, oo waxay isu jirtay intii saddex maalmood loo socdo.

3:4b.JON.003.004 Markaasaa Yoonis wuxuu bilaabay inuu magaaladii dhex galo in maalin socod ah, oo intuu qayliyey ayuu yidhi, Weli waxaa u hadhay afartan maalmood, dabadeedna Nineweh waa la afgembiyi doonaa.

3:5b.JON.003.005 Markaasaa dadkii Nineweh Ilaah rumaysteen, oo waxay ku dhawaaqeen in la soomo, oo kii ugu wada weynaa ilaa kii ugu yaraa inta ka dhex leh waxay wada xidheen dhar joonyad ah.

3:6b.JON.003.006 Oo warkiina wuxuu gaadhay boqorkii Nineweh, oo isna intuu carshigiisii ka kacay ayuu dharkiisii quruxdasanaa iska bixiyey, oo wuxuu huwaday dhar joonyad ah, dambasna wuu ku fadhiistay.

3:7b.JON.003.007 Oo wuxuu sameeyey naado, oo Nineweh gudaheeda ayaa lagu faafiyey amarkii boqorka iyo saraakiishiisa oo leh, Dad iyo duunyo, lo' iyo ido toona, yaan midna wax dhadhamin, oo yaanay wax cunin, biyona cabbin.

3:8b.JON.003.008 Laakiinse dad iyo duunyoba dhar joonyad ah ha la wada huwado, oo Ilaah xaggiisa aad ha loogu qayliyo; oo mid kastaaba ha ka leexdo jidkiisii xumaa iyo dulmiga gacmihiisa ku jira.

3:9b.JON.003.009 Bal yaa og in Ilaah ka noqon doono oo cadhadiisa kulul ka jeesan doono iyo in kale, si aynaan u halligmin?Oo markaasaa Ilaah wuxuu arkay shuqulkoodii iyo inay iyagu ka noqdeen jidkoodii xumaa, kolkaasaa Ilaah wuxuu ka noqday sharkii uu sheegay inuu iyaga ku samaynayo; oo taasna ma uu samayn.

3:10b.JON.003.010 Oo markaasaa Ilaah wuxuu arkay shuqulkoodii iyo inay iyagu ka noqdeen jidkoodii xumaa, kolkaasaa Ilaah wuxuu ka noqday sharkii uu sheegay inuu iyaga ku samaynayo; oo taasna ma uu samayn.

4

4:1b.JON.004.001 Laakiinse Yoonis taas aad buu uga calool xumaaday, wuuna xanaaqay.

4:2b.JON.004.002 Kolkaasuu wuxuu baryay Rabbiga oo ku yidhi, Rabbiyow, waan ku baryayaaye, sow kanu ma aha hadalkii aan idhi intaan weli dalkaygii joogay? Oo taas daraaddeed ayaan u degdegay si aan xagga Tarshiish ugu cararo, waayo, waan ogaa inaad tahay Ilaah nimco miidhan ah, oo raxmadu ka buuxdo, oo cadhada u gaabiya, oo naxariis badan, iyo inaad sharka ka noqotid.

4:3b.JON.004.003 Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow, waan ku baryayaaye naftayda iga qaad, waayo, intii aan noolaan lahaa waxaa iiga roon inaan dhinto.

4:4b.JON.004.004 Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, War inaad xanaaqdid ma kuu wanaagsan tahay?

4:5b.JON.004.005 Markaasaa Yoonis ka baxay magaaladii, oo wuxuu fadhiistay magaalada dhankeedii bari, oo halkaasuu waab ka dhistay. Markaasuu hadhkii hoos fadhiistay ilaa uu arko waxa magaalada ku dhacaya.

4:6b.JON.004.006 Kolkaasaa Rabbigu wuxuu diyaariyey geed ubbo ah, oo wuxuu ka dhigay inuu kor fuulo waabkii Yoonis, si uu hoos ugu noqdo, oo uu uga samatabbixiyo xaalkiisii xumaa. Sidaas daraaddeed Yoonis aad iyo aad buu ugu farxay geedkii ubbada ahaa aawadiis.

4:7b.JON.004.007 Laakiinse maalintii dambe markii waagii beryay ayaa Ilaah diyaariyey dixiri, oo isna geedkii ubbada ahaa ayuu gooyay ilaa uu engegay.

4:8b.JON.004.008 Oo kolkii qorraxdii soo baxday ayaa Ilaah diyaariyey dabayl kulul oo bari ka timid; qorraxdiina Yoonis ayay madaxa kaga dhegtay ilaa uu itaal darnaaday, oo isna wuxuu ku baryootamay inuu dhinto, oo wuxuu yidhi, Intii aan noolaan lahaa waxaa iiga roon inaan dhinto.

4:9b.JON.004.009 Markaasaa Ilaah wuxuu Yoonis ku yidhi, War inaad geedkii ubbada ahaa u xanaaqdid ma kuu wanaagsan tahay? Oo isna wuxuu yidhi, Haah, oo inaan cadhoodo way ii wanaagsan tahay xataa ilaa dhimasho.

4:10b.JON.004.010 Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Waxaad u jixinjixday geedkii ubbada ahaa oo aadan u hawshoon oo aadan korinin oo habeen iska soo baxay oo habeen ku baabba'ay.Haddaba sow iima eka inaan u jixinjixo magaalada weyn oo Nineweh, taasoo ay gudaheeda ku jiraan dad ka badan boqol iyo labaatan kun oo qof oo aan kala garan karin gacantooda midig iyo gacantooda bidix, iyo weliba xoolo badan?

4:11b.JON.004.011 Haddaba sow iima eka inaan u jixinjixo magaalada weyn oo Nineweh, taasoo ay gudaheeda ku jiraan dad ka badan boqol iyo labaatan kun oo qof oo aan kala garan karin gacantooda midig iyo gacantooda bidix, iyo weliba xoolo badan?


Holder of rights
Multilingual Bible Corpus

Citation Suggestion for this Object
TextGrid Repository (2025). Somali Collection. Jonah (Somali). Jonah (Somali). Multilingual Parallel Bible Corpus. Multilingual Bible Corpus. https://hdl.handle.net/21.11113/0000-0016-B841-F