Jeremiah (Somali)
1
1:1b.JER.001.001 Kuwanu waa erayadii Yeremyaah ina Xilqiyaah, oo ka mid ahaa wadaaddadii joogay Canaatood oo ku tiil dalka reer Benyaamiin.
1:2b.JER.001.002 Waxaa isaga u yimid erayga Rabbiga wakhtigii uu Yoosiyaah ina Aamoon dalka Yahuudah boqor ka ahaa, sannaddii saddex iyo tobnaad ee boqortooyadiisa.
1:3b.JER.001.003 Oo wuxuu kaloo isaga u yimid wakhtigii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah uu dalka Yahuudah boqor ka ahaa, iyo ilaa sannaddii kow iyo tobnaad ee Sidqiyaah ina Yoosiyaah uu dalka Yahuudah boqor ka ahaa, iyo ilaa waagii Yeruusaalem maxaabbiisahaanta loo kaxaystay bishii shanaad.
1:4b.JER.001.004 Markaasaa eraygii Rabbigu ii yimid, isagoo leh,
1:5b.JER.001.005 Intaanan uurkii hooyadaa kugu abuurin ayaan ku iqiin, oo intaadan uurka ka soo bixin ayaan quduus kaa dhigay, oo waxaan kuu doortay inaad nebi u noqotid quruumaha.
1:6b.JER.001.006 Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, bal eeg, anigu ma aan hadli karo, waayo, dhallinyaraan ahay.
1:7b.JER.001.007 Laakiinse Rabbigu wuxuu igu yidhi, Ha odhan, Dhallinyaraan ahay, waayo, waa inaad u tagtaa qof kasta oo aan kuu diri doono, oo wax alla wixii aan kugu amri doonoba waa inaad ku hadashaa.
1:8b.JER.001.008 Iyaga ha ka baqin, waayo, anigu waan kula jiraa inaan ku samatabbixiyo, ayaa Rabbigu leeyahay.
1:9b.JER.001.009 Markaasaa Rabbigu gacanta soo fidiyey, oo afkayguu taabtay, kolkaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Bal eeg, Anigu erayadaydii ayaan afka kuugu riday.
1:10b.JER.001.010 Bal eeg, maantadan ayaan kaa kor yeelay quruumaha iyo boqortooyooyinkaba, inaad rujisid oo aad dumisid, iyo inaad baabbi'isid oo aad afgembidid, iyo inaad dhistid oo aad beertid.
1:11b.JER.001.011 Oo weliba eraygii Rabbigu waa ii yimid, isagoo leh, Yeremyaahow, bal maxaad aragtaa? Oo aniguna waxaan idhi, Waxaan arkaa ul yicib ah.
1:12b.JER.001.012 Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Si fiican baad wax u aragtay, waayo, eraygaygaan ka fiirsadaa si aan u oofiyo.
1:13b.JER.001.013 Oo haddana mar labaad ayuu eraygii Rabbigu ii yimid, oo wuxuu igu yidhi, Maxaad aragtaa? Oo aniguna waxaan idhi, Waxaan arkaa dheri karaya, oo wuxuu ka soo jeedaa xagga woqooyi.
1:14b.JER.001.014 Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Masiibo ayaa xagga woqooyi kaga soo kici doonta dadka dalka deggan oo dhan.
1:15b.JER.001.015 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waxaan u yeedhi doonaa qolooyinka boqortooyooyinka woqooyi oo dhan, oo iyana way iman doonaan, oo midkood kastaaba wuxuu carshigiisa dhigan doonaa irdaha Yeruusaalem laga soo galo, iyagoo ku kacsan derbiyadeeda ku wareegsan oo dhan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah oo dhan.
1:16b.JER.001.016 Oo anna waxaan kala hadli doonaa xukummadayda ku saabsan xumaantooda oo dhan, waayo, way iga tageen oo ilaahyo kale ayay foox u shideen, wayna u sujuudeen shuqulladii ay gacmahoodu sameeyeen.
1:17b.JER.001.017 Haddaba sidaas daraaddeed guntiga dhexda ku giiji oo sara joogso, oo waxaad iyaga u sheegtaa wixii aan kugu amro oo dhan, oo yaanan hortooda kugu nixine innaba wejigooda ha ka nixin.
1:18b.JER.001.018 Waayo, bal eeg, maanta waxaan kaa dhigay magaalo deyr leh, iyo tiir bir ah, iyo derbiyo naxaas ah, oo dalka oo dhan col ku ah, oo col ku ah boqorrada dalka Yahuudah, iyo amiirradooda, iyo wadaaddadooda, iyo dadka dalka oo dhanba.Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu way kula diriri doonaan, laakiinse kaama ay adkaan doonaan, waayo, waan kula jiraa inaan ku samatabbixiyo.
1:19b.JER.001.019 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu way kula diriri doonaan, laakiinse kaama ay adkaan doonaan, waayo, waan kula jiraa inaan ku samatabbixiyo.
2
2:1b.JER.002.001 Oo haddana eraygii Rabbigu waa ii yimid, isagoo leh,
2:2b.JER.002.002 Tag oo Yeruusaalem dhegaha kaga qayli, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan xusuusnahay roonaantii yaraantaada iyo jacaylkii doonanaantaada, markaad igu raaci jirtay cidladii ahayd dal aan waxba lagu beerin.
2:3b.JER.002.003 Reer binu Israa'iil wuxuu Rabbiga u ahaa quduus, iyo midhihii ugu horreeyey ee beergooyskiisii, oo kuwii isaga cunay oo dhammu eed bay lahaayeen, oo masiibo baa iyaga ku soo degtay, ayaa Rabbigu leeyahay.
2:4b.JER.002.004 Reer Yacquub iyo qolooyinka reer binu Israa'iil oo dhammow, bal maqla erayga Rabbiga:
2:5b.JER.002.005 Rabbigu wuxuu leeyahay, Awowayaashiin maxaa xaqdarro ah oo ay iga heleen oo ay iiga fogaadeen, oo ay waxyaalaha aan waxtarka lahayn u raaceen, oo ay waxmatarayaal u noqdeen?
2:6b.JER.002.006 Oo iyagu innaba ma ay odhan, Meeh Rabbigii dalka Masar naga soo bixiyey, oo nagu soo hor kacay cidlada dhexdeeda, taasoo ahayd dal lamadegaan ah oo godad badan, iyo dal abaar iyo hooska dhimashada ah, iyo dal aan ciduna dhex marin, iyo meel aan la degin?
2:7b.JER.002.007 Oo waxaan idin keenay waddan barwaaqo badan, inaad midhihiisa iyo wanaaggiisa cuntaan, laakiinse markaad soo gasheen ayaad dalkaygii nijaasayseen, oo dhaxalkaygiina waxaad ka dhigteen wax karaahiyo ah.
2:8b.JER.002.008 Wadaaddadii ma ay odhan, Rabbigii meeh? Oo kuwa sharciga hayaana ima ay aqoon, oo taliyayaashiina way igu xadgudbeen, oo nebiyadiina waxay wax ku sii sheegeen Bacal, oo waxay iska daba galeen waxyaalo aan innaba faa'iido lahayn.
2:9b.JER.002.009 Oo sidaas daraaddeed weli waan idinla muddacayaa, oo carruurtiinna carruurtoodana waan la muddici doonaa.
2:10b.JER.002.010 Waayo, bal u gudba xagga gasiiradda Kitiim, oo bal wax eega, oo xagga Qedaarna cid u dira, oo aad u fiirsada, oo bal eega hadday waxaas oo kale halkaas jiraan.
2:11b.JER.002.011 Miyey jirtaa quruun beddeshay ilaahyadeed aan ilaahyo ahayn? Laakiinse dadkaygu waxay ammaantoodii ku beddeleen wax aan waxtar lahayn.
2:12b.JER.002.012 Rabbigu wuxuu leeyahay, Samooyinkow, bal waxan la yaaba, oo aad iyo aad u cabsada, oo haddana aad u gariira.
2:13b.JER.002.013 Waayo, dadkaygii laba waxyaalood oo shar ah ayay sameeyeen, way iga tageen anigoo ah isha biyaha nool, oo waxay qoteen berkedo daldaloola oo aan innaba biyo celin karin.
2:14b.JER.002.014 Dalka Israa'iil ma addoon baa, mase waa bidde guriga ku dhashay? Maxaa isaga loo kala boobay?
2:15b.JER.002.015 Libaaxyo qayrabyo ah ayaa ku ciyey, oo codkoodiina way dheereeyeen, oo dalkiisiina way baabbi'iyeen, oo magaalooyinkiisiina way gubteen oo ciduna ma deggana.
2:16b.JER.002.016 Oo waxaa dhalada kaa jebiyey reer Nof iyo reer Taxfanees.
2:17b.JER.002.017 Sow adiga qudhaadu isuma aad keenin belaayadan, waayo, waxaad ka tagtay Rabbiga Ilaahaaga ah markuu jidka kugu hagayay?
2:18b.JER.002.018 Oo haatan bal maxaad ka samaynaysaa jidka Masar inaad cabto biyaha Shiixoor? Amase bal maxaad ka samaynaysaa jidka Ashuur inaad cabto biyaha Webi Yufraad?
2:19b.JER.002.019 Haddaba xumaantaada ayaa ku edbin doonta, oo dibunoqoshadaada ayaa ku canaanan doonta. Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddaba bal ogow oo arag inay tahay wax shar ah oo qadhaadh inaad iga tagtay anigoo Rabbiga Ilaahaaga ah, iyo inaadan iga cabsan.
2:20b.JER.002.020 Waayo, waa hore ayaad harqoodkaagii jebisay, oo waxaad kala gooysay silsiladihii kugu xidhnaa, oo waxaad tidhi, Anigu kuu adeegi maayo, oo buur kasta oo dheer korkeed iyo geed kasta oo doog ah hoostiis ayaad ku jiifsatay sida dhillo oo kale.
2:21b.JER.002.021 Laakiin waxaan kuu beeray canab wacan, oo kulligiis abuur wanaagsan ah, haddaba sidee baad ugu beddelantay inaad igu noqotid canab ba'ay oo qalaad?
2:22b.JER.002.022 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, In kastoo aad soodhe isku maydhid, oo aad saabuun iska badisid, weli xumaantaadii sida calaamad oo kale bay ii muuqataa.
2:23b.JER.002.023 Sidee baad u odhan kartaa, Anigu ma nijaasoobin, oo Bacaliimna ma raacin? Bal fiiri socodkii aad dooxada ku martay, oo garo wixii aad samaysay. Waxaad tahay qaalin geel oo dheeraysa oo warwareegta,
2:24b.JER.002.024 iyo dameerdibadeed cidlada baratay, oo iyadoo orgoonaysa dabaysha ursanaysa. Yaa damaceeda ka celin kara? Oo kuwa iyada doonaya oo dhammuna isma ay daalin doonaan, waayo, iyaday bisheeda heli doonaan.
2:25b.JER.002.025 Cagahaaga kabola'aan ka dhawr, oo hungurigaagana harraad ka dhawr, laakiinse waxaad tidhi, Rajo ma leh innaba, waayo, waxaan jeclaaday shisheeyayaal, oo iyagaan iska daba gelayaa.
2:26b.JER.002.026 Siduu tuug markii la qabto u ceeboobo oo kale ayay reer binu Israa'iil u ceeboobeen, iyaga, iyo boqorradooda, iyo amiirradooda, iyo wadaaddadooda, iyo nebiyadooduba,
2:27b.JER.002.027 kuwaasoo geed ku yidhaahda, Waxaad tahay aabbahay, oo dhagaxna ku yidhaahda, Adigaa i dhalay. Dhabarkay ii soo jeediyeen, wejigiina way iga sii jeediyeen, laakiinse wakhtigii ay dhibaataysan yihiin waxay i odhan doonaan, Kac oo na badbaadi.
2:28b.JER.002.028 Laakiinse meeye ilaahyadaadii aad samaysatay? Iyagu ha keceen hadday ku badbaadin karaan wakhtigii aad dhibaataysan tahay, waayo, dadka Yahuudah ahow, ilaahyadiinnu waxay tiro le'eg yihiin magaalooyinkiinna.
2:29b.JER.002.029 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal maxaad iila muddacaysaan? Waayo, idinku kulligiin waad iga gudubteen.
2:30b.JER.002.030 Anigu waxtarla'aan baan carruurtiinnii u dilay, iyaguse innaba kuma ay waano qaadan. Seeftiinnii ayaa nebiyadiinnii baabbi'isay sidii libaax wax baabbi'inaya oo kale.
2:31b.JER.002.031 Dadka qarniganow, bal erayga Rabbiga ka fiirsada. Reer binu Israa'iil ma waxaan u ahaa cidlo ama dal gudcur ah? Haddaba bal maxaa dadkaygu u yidhaahdaan, Xor baannu nahay, oo mar dambe kuu iman mayno?
2:32b.JER.002.032 Gabadhu miyey illoobi kartaa wixii ay isku sharaxdo, aroosadduse miyey illoobi kartaa wixii ay xidhato? Laakiinse dadkaygu waxay i illoobeen maalmo badan oo aan la tirin karin.
2:33b.JER.002.033 Sidee baad jidkaaga u hagaajisaa markaad caashaq doondoonto? Sidaas daraaddeed xataa naagaha xunxunna jidadkaagaad bartay.
2:34b.JER.002.034 Oo weliba darfaha dharkaagana waxaa laga helaa dhiiggii masaakiinta aan xaqa qabin, sababtuna ma aha inaad heshay iyagoo guriga dhacaya, laakiinse waa waxyaalahaas oo dhan daraaddood.
2:35b.JER.002.035 Oo weliba waxaad istidhaahdaa, Anigu xaq ma qabo. Sida xaqiiqada ah cadhadiisu way iga noqotay. Bal ogow, anigu waan kula muddici doonaaye, maxaa yeelay, waxaad tidhaahdaa, Anigu ma aan dembaabin.
2:36b.JER.002.036 Maxaad u warwareegtaa si aad jidadkaaga u beddesho? Ceeb baa dalka Masar kaaga iman doonta siday dalka Ashuur kaaga timid oo kale.Oo weliba isagana waad ka soo bixi doontaa, adigoo gacmahu madaxa kuu saaran yihiin, waayo, Rabbigu waa diiday kuwa aad ku kalsoon tahay oo dhan, oo iyaga innaba ku dhex liibaani maysid.
2:37b.JER.002.037 Oo weliba isagana waad ka soo bixi doontaa, adigoo gacmahu madaxa kuu saaran yihiin, waayo, Rabbigu waa diiday kuwa aad ku kalsoon tahay oo dhan, oo iyaga innaba ku dhex liibaani maysid.
3
3:1b.JER.003.001 Waxaa la yidhaahdaa, Haddii nin naagtiisa iska furo, oo ay ka tagto isaga, oo ay nin kale naagtiis noqoto, kii qabi jiray miyuu iyada u soo noqdaa? Miyaan dalkaasu aad u nijaasoobayn? Laakiinse adigu waxaad ka dhillaysatay saaxiibbo badan, oo haddana miyaad ii soo noqon doontaa? ayaa Rabbigu leeyahay.
3:2b.JER.003.002 Bal indhaha kor u qaad oo waxaad fiirisaa meelaha dhaadheer, oo bal eeg. Miyey jirtaa meel aan lagula seexan? Adoo iyaga sugaya ayaad jidadka ag fadhiisatay sidii Carab cidlada jooga, oo waxaad dalkii ku nijaasaysay dhillanimadaada iyo sharkaagaba.
3:3b.JER.003.003 Sidaas daraaddeed tiixyadii waa la joojiyey, oo roobkii dambena waa la waayay, weliba waxaad yeelatay dhillo jaaheed, oo inaad xishootana waad diidday.
3:4b.JER.003.004 Haatan sow iguma qayshan, Aabbahayow, adigu waxaad tahay saaxiibkii yaraantaydii?
3:5b.JER.003.005 Miyuu weligiisba sii cadhaysnaan doonaa? Oo miyuu cadhadiisa ilaa ugudambaysta sii haysanayaa? Bal eeg, waxaad ku hadashay oo samaysay waxyaalo shar ah in alla intii aad kartayba.
3:6b.JER.003.006 Weliba wakhtigii Boqor Yoosiyaah Rabbigu wuxuu kaloo igu yidhi, War miyaad aragtay waxa boqortooyadii Israa'iil ee dib u noqotay ay samaysay? Iyadu waxay tagtay buur kasta oo dheer dusheed iyo geed kasta oo doog ah hoostiis, oo halkaasay ku dhillowday.
3:7b.JER.003.007 Oo iyadu markay waxyaalahaas oo dhan samaysay dabadeed ayaan waxaan is-idhi, Way ii soo noqon doontaa, laakiinse iyadu sooma noqon. Oo walaasheedii boqortooyadii Yahuudah oo sirreyda ahaydna waxaas way aragtay.
3:8b.JER.003.008 Boqortooyadii Israa'iil ee dib u noqotay way sinaysatay, oo taas daraaddeed ayaan iyadii furay oo waxaan siiyey warqaddii furniinkeeda, oo waxaan arkay in walaasheedii Yahuudah oo sirreyda ahayd innaba aanay weli cabsan, laakiinse iyana ay tagtay oo dhillowday.
3:9b.JER.003.009 Oo waxay noqotay inuu dalkii ku nijaasoobay fudaydkii dhillanimadeeda, oo iyana way ka sinaysatay dhagxan iyo geedo.
3:10b.JER.003.010 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Walaasheedii Yahuudah oo sirreyda ahayd in kastoo ay waxyaalahaas oo dhan aragtay haddana qalbigeeda oo dhan iiguma ay soo noqon, laakiinse waxay iigu soo noqotay si isyeelyeelid ah.
3:11b.JER.003.011 Oo haddana waxaa Rabbigu igu yidhi, Boqortooyadii Israa'iil ee dib u noqotay way iscaddaysay inay ka xaq badan tahay boqortooyada Yahuudah ee sirreyda ah.
3:12b.JER.003.012 Tag, oo erayadan xagga woqooyi u naadi, oo waxaad tidhaahdaa, Boqortooyada Israa'iil ee dib u noqotayay, soo noqo, maxaa yeelay, weji cadhaysan kugu eegi maayo, waayo, waan naxariis badnahay, oo cadhadaydana weligay sii haysan maayo, ayaa Rabbigu leeyahay.
3:13b.JER.003.013 Waxaa keliya ood aqoonsataa xumaantaada, inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ku xadgudubtay, iyo inaad geed kasta oo doog ah hoostiisa jidadkaaga ugu kala firdhisay shisheeyayaasha, iyo inaadan codkaygii addeecin, ayaa Rabbigu leeyahay.
3:14b.JER.003.014 Carruurtii dib u noqotayay, soo noqda, waayo, waxaan ahay Sayidkiinnii, oo midkiin waxaan kala soo bixi doonaa magaalo, labana waxaan kaloo soo bixi doonaa qolo, oo waxaan idin keeni doonaa Siyoon, ayaa Rabbigu leeyahay.
3:15b.JER.003.015 Oo sida qalbigaygu jecel yahay waxaan idiin siin doonaa daajiyayaal, oo iyana waxay idinku daajin doonaan aqoon iyo waxgarasho.
3:16b.JER.003.016 Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas markaad tarantaan oo aad dalka dhexdiisa ku badataan, waxay noqon doontaa inaan mar dambe la odhan, Sanduuqii axdiga Rabbiga, oo lagamana fikiri doono, lamana soo xusuusan doono, lamana soo booqan doono, oo mar dambena lama samayn doono.
3:17b.JER.003.017 Oo wakhtigaas waxaa Yeruusaalem lagu magacaabi doonaa carshigii Rabbiga, oo quruumaha oo dhammuna iyaday ugu soo wada ururi doonaan magaca Rabbiga oo Yeruusaalem yaal, oo iyana mar dambe ma ay daba geli doonaan caasinimada qalbigooda sharka ah.
3:18b.JER.003.018 Oo wakhtigaas dadka Yahuudah waxay la socon doonaan dadka Israa'iil, oo iyagoo isa soo raaci doona ayay dalka woqooyi ka soo bixi doonaan, waxayna iman doonaan dalkii aan awowayaashiin dhaxalka u siiyey.
3:19b.JER.003.019 Waxaan idhi, Sidee baan wiilasha kuu dhex geeyaa, oo aan dal wacan kuu siiyaa, kaasoo ah dhaxalka ugu wanaagsan ee quruumaha? Oo haddana waxaan idhi, Waxaad igu yeedhi doontaan, Aabbahayow, oo igama aad jeesan doontaan.
3:20b.JER.003.020 Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, sida xaqiiqada ah naag khaa'inad ahu siday ninkeeda uga tagto oo kale ayaad idinkuna khiyaano igula macaamilooteen.
3:21b.JER.003.021 Cod baa ka yeedhaya meelaha dhaadheer dushooda, waana oohin iyo baryootankii dadka Israa'iil, waayo, jidkooday qalloociyeen, oo waxay iska illoobeen Rabbigii Ilaahooda ahaa.
3:22b.JER.003.022 Carruurta dib u noqotayay, soo noqda, oo dibunoqoshadiinna ayaan bogsiin doonaa. Bal eeg, haatan waannu kuu nimid, waayo, waxaad tahay Rabbiga Ilaahayaga ah.
3:23b.JER.003.023 Sida runta ah waa rajo been ah in badbaadinta kuraha iyo buuraha badan laga sugo. Sida runta ah badbaadadii dadka Israa'iil waxay ka timaadaa Rabbiga Ilaahayaga ah.
3:24b.JER.003.024 Laakiinse tan iyo yaraantayadii waxa ceebta ah ayaa baabba' ka dhigtay wixii awowayaashayo ku hawshoodeen oo dhan, xataa adhyahoodii iyo ishkinkoodii, iyo wiilashoodii iyo gabdhahoodiiba.Ceebtayada aannu la jiifsanno oo sharafdarradayaduna ha na dul saarnaato, waayo, tan iyo yaraantayadii iyo ilaa maantadan la joogo annaga iyo awowayaashayoba waxaannu ku dembaabnay Rabbiga Ilaahayaga ah, oo codkii Rabbiga Ilaahayaga ahna ma aannu addeecin.
3:25b.JER.003.025 Ceebtayada aannu la jiifsanno oo sharafdarradayaduna ha na dul saarnaato, waayo, tan iyo yaraantayadii iyo ilaa maantadan la joogo annaga iyo awowayaashayoba waxaannu ku dembaabnay Rabbiga Ilaahayaga ah, oo codkii Rabbiga Ilaahayaga ahna ma aannu addeecin.
4
4:1b.JER.004.001 Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iilow, haddaad soo noqotaan, waa inaad xaggayga u soo noqotaan, oo haddaad karaahiyadiinna hortayda ka fogaysaanna innaba laydin dhaqdhaqaajin maayo.
4:2b.JER.004.002 Oo haddaad si run iyo caddaalad iyo xaqnimo ah ugu dhaarataan, Rabbigu waa nool yahay, de markaas quruumuhu isagay ku ducaysan doonaan, oo isagay ku faani doonaan.
4:3b.JER.004.003 Rabbigu wuxuu dadka dalka Yahuudah iyo reer Yeruusaalem ku leeyahay, Dhulkiinna jeexan jabsada, oo qodxan dhexdood waxba ha ku beeranina.
4:4b.JER.004.004 Raggiinna dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganow, Rabbiga isu guda, oo iska gooya buuryada qalbigiinna, si ayan cadhadaydu u soo bixin sida dab oo kale, oo ayan u hurin si aan innaba loo demin karin sharka falimihiinna aawadiis.
4:5b.JER.004.005 Dalka Yahuudah ka dhex sheega, oo Yeruusaalem ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan, War dalka dhexdiisa buunka ku dhufta, oo aad u qayliya, oo waxaad tidhaahdaan, Isa soo urursada, oo ina keena aynu magaalooyinka deyrka leh galnee.
4:6b.JER.004.006 Calan u taaga xagga Siyoon, carara oo ha joogsanina, waayo, anigu waxaan xagga woqooyi ka keeni doonaa masiibo iyo halligaad weyn.
4:7b.JER.004.007 Libaax baa ka soo baxay jiqdiisa, quruumo baabbi'iyihiina wuu soo kacay, oo wuxuu meeshiisii uga soo baxay inuu dalkaaga cidlo ka dhigo, oo magaalooyinkaagana waa la baabbi'in doonaa, oo qofna ma degganaan doono.
4:8b.JER.004.008 Taas aawadeed dhar joonyad ah guntada, oo baroorta, oo qayliya, waayo, cadhadii Rabbiga oo kululayd nagama noqon.
4:9b.JER.004.009 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa maalintaas noqon doona in boqorka qalbigiisa iyo amiirrada qalbigooduba ay kharribmaan, oo wadaaddaduna way yaabi doonaan, oo nebiyaduna way fajici doonaan.
4:10b.JER.004.010 Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, sida xaqiiqada ah dadkan iyo Yeruusaalemba aad iyo aad baad u khiyaanaysay, waayo, iyagoo seefi naftooda soo gaadhaysa ayaad ku tidhaahdaa, Nabad baad helaysaan.
4:11b.JER.004.011 Oo wakhtigaas waxaa dadkan iyo Yeruusaalemba lagu odhan doonaa, Dadkayga dabayl kulul ayaa uga iman doonta xagga meelaha dhaadheer ee cidlada ku yaal, mana ahaan doonto mid wax haadinaysa amase wax safaynaysa,
4:12b.JER.004.012 laakiinse waxay ahaan doontaa dabayl xoog badan oo amarkayga ku imanaysa, oo weliba haatan anigu xukunkoodii waan ku hadli doonaa.
4:13b.JER.004.013 Bal eega, isagu wuxuu u iman doonaa sida daruur oo kale, oo gaadhifardoodyadiisuna waxay ahaan doonaan sida dabayl cirwareen ah oo kale, oo fardihiisuna xataa gorgorrada way ka sii dheereeyaan. Annagaa hoognay! Waayo, waannu baabba'nay.
4:14b.JER.004.014 Yeruusaalemay, qalbigaaga xumaanta ka maydh, si aad u badbaaddo aawadeed. Ilaa goormay fikirradaada sharka ahu kugu sii dhex jirayaan?
4:15b.JER.004.015 Waayo, xagga Daan cod baa ka yeedhaya, oo buuraha Efrayimna belaayo baa laga naadiyaa.
4:16b.JER.004.016 Quruumaha u diga oo Yeruusaalem ogeysiiya in ilaallo ay dal fog ka imanayaan, oo ay magaalooyinkii dalka Yahuudah ku qaylinayaan.
4:17b.JER.004.017 Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida kuwa beer dhawraya ayay hareeraheeda kaga kacsan yihiin, maxaa yeelay, iyadu way igu caasiyowday.
4:18b.JER.004.018 Jidkaaga iyo falimahaaga ayaa waxyaalahan kuu keenay, tanu waa belaayadaada, wayna qadhaadh tahay, oo waxay gaadhaysaa xataa ilaa qalbigaaga.
4:19b.JER.004.019 Calooshaydiiyey, calooshaydiiyey! Aniga qalbigaa i xanuunaya, oo wadnahaa i fig leh. Iskamana aamusi karo, maxaa yeelay, naftaydiiyey, waxaad maqashay buunka dhawaaqiisii iyo qayladii dagaalka.
4:20b.JER.004.020 Belaayo baa belaayay ku soo kor dhacday, ayaa lagu dhawaaqay, waayo, dalkii oo dhan waa baabba'ay. Teendhooyinkaygii haddiiba way baabbe'een, oo daahyadaydiina daqiiqad qudha ayay dhammaadeen.
4:21b.JER.004.021 Ilaa goormaan calanka arkayaa, oo aan buunka dhawaaqiisa sii maqlayaa?
4:22b.JER.004.022 Waayo, dadkaygu waa nacasyo, oo aniga ima ay yaqaaniin. Iyagu waa carruur caqlidaran, oo innaba waxgarasho ma leh. Inay xumaan sameeyaan way u caqli badan yihiin, laakiinse inay samaan sameeyaan innaba aqoon uma leh.
4:23b.JER.004.023 Bal eega, dhulkaan fiiriyey, oo waxaan arkay inuusan qaab lahayn oo uu madhan yahay, oo haddana samooyinkaan fiiriyey, oo iyana innaba iftiin ma ay lahayn.
4:24b.JER.004.024 Buurahaan fiiriyey, oo waxaan arkay inay gariirayeen, oo kurihii oo dhammuna way wada dhaqdhaqaaqayeen.
4:25b.JER.004.025 Oo haddana wax baan fiiriyey, oo ninna ma jirin, oo haaddii hawada oo dhammuna way wada carareen.
4:26b.JER.004.026 Oo haddana wax baan fiiriyey, oo waxaan arkay dhulkii midhaha badnaa oo abaaroobay, oo magaalooyinkeedii oo dhammuna Rabbiga hortiisa ayay ku dundunsanaayeen cadhadiisii kululayd daraaddeed.
4:27b.JER.004.027 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dalka oo dhammu wuu cidloobi doonaa, laakiinse anigu kulligiis wada baabbi'in maayo.
4:28b.JER.004.028 Taas aawadeed dhulku wuu u barooran doonaa, oo samooyinka sarena way u madoobaan doonaan, maxaa yeelay, waxan anigaa ku hadlay, oo anigaa u qastiyey, oo innaba ka qoomamoon maayo, kana soo noqon maayo marnaba.
4:29b.JER.004.029 Magaalada oo dhammu waxay ka qixi doontaa qaylada fardoleyda iyo qaansoleyda, oo jiqday ku carari doonaan, dhagaxyada dushoodana way fuuli doonaan, magaalo kastana waa laga tegi doonaa, oo nin qudhuhuna ma degganaan doono.
4:30b.JER.004.030 Oo markii lagu dhoco bal maxaad samayn doontaa? In kastoo aad dhar guduudan xidhatid, iyo in kastoo aad dahab isku sharraxdid, iyo in kastoo aad indhakuul iska badisidba, waxtarla'aan baad isu qurxinaysaa, waayo, kuwii ku caashaqi jiray way ku wada quudhsadaan, oo waxay doonayaan inay nafta kaa qaadaan.Waayo, waxaan maqlay cod sidii naag foolanaysa, iyo qaylo sidii mid ilmaheedii ugu horreeyey dhalaysa, waana codkii magaalada Siyoon, oo taahaysa, oo gacmaheeda kala fidisa, oo waxay tidhaahdaa, anigaa haatan hoogay! Waayo, naftaydii aad bay ugu daallan tahay gacankudhiiglayaasha aawadood.
4:31b.JER.004.031 Waayo, waxaan maqlay cod sidii naag foolanaysa, iyo qaylo sidii mid ilmaheedii ugu horreeyey dhalaysa, waana codkii magaalada Siyoon, oo taahaysa, oo gacmaheeda kala fidisa, oo waxay tidhaahdaa, anigaa haatan hoogay! Waayo, naftaydii aad bay ugu daallan tahay gacankudhiiglayaasha aawadood.
5
5:1b.JER.005.001 Bal jidadka Yeruusaalem hore iyo dib ugu orda, oo bal fiiriya, oo garta, oo meelaheeda balballaadhanna ka doondoona nin qudha oo caddaalad sameeya oo runta doondoona, oo haddaad ka heli kartaanna iyada waan cafiyi doonaa.
5:2b.JER.005.002 Oo weliba in kastoo ay yidhaahdaan, Waa iga Rabbiga nool, sida xaqiiqada ah been bay ku dhaartaan.
5:3b.JER.005.003 Rabbiyow, indhahaagu runta sow ma fiiriyaan? Iyaga wax baad ku dhufatay, laakiinse innaba kama ay xumaan, oo waad baabbi'isay, laakiinse way diideen inay edeb qaataan. Wejigoodiina waxay ka dhigeen wax dhagax ka sii adag, oo inay soo noqdaanna way diideen.
5:4b.JER.005.004 Markaasaan idhi, Sida xaqiiqada ah kuwanu waa masaakiin, oo waa nacasyo, waayo, Rabbiga jidkiisa iyo qaynuunka Ilaahooda toona garan maayaan.
5:5b.JER.005.005 Waxaan u tegi doonaa ragga waaweyn, oo waan la hadli doonaa, waayo, iyagu Rabbiga jidkiisa iyo qaynuunka Ilaahooda way yaqaaniin. Laakiinse kuwanu dhammaantood harqoodkii way jebiyeen, oo xadhkihiina way kala gooyeen.
5:6b.JER.005.006 Oo sidaas daraaddeed waxaa iyaga dili doona libaax kaynta ka soo baxay, oo waxaa baabbi'in doonta yeyda fiideed. Oo magaalooyinkoodana waxaa gaagaatami doona shabeel, oo ku alla kii halkaas ka soo baxaba waa la kala dildillaacsan doonaa, maxaa yeelay, xadgudubyadoodu waa tiro badan yihiin, oo dibunoqoshadoodiina waa sii korodhay.
5:7b.JER.005.007 Sidee baan kuu saamixi karaa? Carruurtaadii way iga tageen, oo waxay ku dhaarteen kuwa aan ilaahyo ahayn, oo markaan dherdhergiyey dabadeed ayay sinaysteen, oo iyagoo guutooyin ah ayay guryihii dhillooyinka ku soo urureen.
5:8b.JER.005.008 Waxay la mid noqdeen sidii fardo aroortii la barqiyey, oo midkood kastaaba wuxuu ka daba dananay naagtii deriskiisa.
5:9b.JER.005.009 Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruuntii tan oo kale ah?
5:10b.JER.005.010 Derbiyadeeda fuula oo dumiya, laakiinse ha wada baabbi'inina. Laamaheedana qaada, waayo, kuwii Rabbiga ma aha.
5:11b.JER.005.011 Waayo, dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba khiyaano bay igula macaamiloodeen, ayaa Rabbigu leeyahay.
5:12b.JER.005.012 Rabbiga way dafireen, oo waxay yidhaahdeen, Isagu ma jiro. Masiibo nagu dhici mayso, oo seef iyo abaar midna arki mayno.
5:13b.JER.005.013 Oo nebiyaduna dabayl bay noqon doonaan, oo eraygu iyaga kuma jiro, oo sidaasaa iyaga lagu samayn doonaa.
5:14b.JER.005.014 Oo sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Erayadan aad ku hadasheen aawadood bal ogaada, ereyga afkaaga ku jira dab baan ka dhigi doonaa, oo dadkanna waxaan ka dhigi doonaa xaabo, oo isna wuu wada baabbi'in doonaa dhammaantood.
5:15b.JER.005.015 Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iilow, bal ogaada, quruun baan meel fog idinkaga keeni doonaa, oo taasu waa quruun xoog badan, oo waa quruun tan iyo waa hore jirtay, oo waa quruun aydaan afkeeda aqoon, oo aydaan innaba garanayn wax alla waxay yidhaahdaanba.
5:16b.JER.005.016 Gabooyahoodu waa sida qabri af bannaan, oo kulligoodna waa wada rag xoog leh.
5:17b.JER.005.017 Oo iyagu waxay dhammayn doonaan waxaad beeraha ka goosataan iyo kibistiinna, oo waxay dhammayn doonaan wiilashiinna iyo gabdhihiinna, oo waxay dhammayn doonaan adhyihiinna iyo lo'diinnaba, oo waxay dhammayn doonaan canabkiinna iyo berdihiinnaba, oo magaalooyinkiinna deyrka leh oo aad isku hallaynaysaanna seef bay la dhici doonaan.
5:18b.JER.005.018 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Habase ahaatee, anigu wakhtigaas idin wada baabbi'in maayo.
5:19b.JER.005.019 Oo markay yidhaahdaan, Rabbiga Ilaahayaga ahu bal muxuu waxyaalahan oo dhan noogu sameeyey? Kolkaas waxaad ku tidhaahdaa, Sidaad Rabbiga uga tagteen, oo aad ilaahyo qalaad dalkiinna ugu dhex adeegteen, sidaas oo kalaad shisheeyayaal ugu dhex adeegi doontaan dal aan kiinna ahayn.
5:20b.JER.005.020 Waxan dadka Yacquub ka dhex sheega, oo dadka Yahuudah ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan,
5:21b.JER.005.021 Dadka nacasyada ahu oo aan waxgarashada lahayn, oo indhaha leh laakiinse aan waxba arkin, oo dhegaha leh laakiinse aan waxba maqlinow, bal haatan waxan maqla:
5:22b.JER.005.022 Rabbigu wuxuu leeyahay, War miyeydaan iga cabsanayn? Oo miyeydaan hortayda ku gariirayn? Waayo, anigu waxaan ahay kii cammuudda badda uga dhigay soohdinta, oo amar weligiis ah bixiyey inayan soo dhaafin, oo in kastoo ay mawjadaheedu aad u dhacaan, innaba kama ay adkaan karaan, oo in kastoo ay guuxaanna marna sooma ay dhaafi karaan.
5:23b.JER.005.023 Laakiinse dadkanu waxay leeyihiin qalbi fallaagoobaya oo caasiyoobay, way fallaagoobeen oo way iska tageen.
5:24b.JER.005.024 Oo innaba qalbigooda iskama ay yidhaahdaan, War haatan aynu ka cabsanno Rabbiga Ilaaheenna ah oo roobka hore iyo kan dambeba xilligiisa ina siiya, oo toddobaadyada beergoosashada loo go'ay inoo haya.
5:25b.JER.005.025 Xumaatooyinkiinna ayaa waxyaalahan idinka celiyey, oo dembiyadiinna ayaa waxyaalo wanwanaagsan idinka diiday.
5:26b.JER.005.026 Waayo, dadkayga dhexdiisa waxaa laga helaa niman shar ah. Waxay u gabbadaan sida kuwa wax dabta, oo intay dabin u qoolaan ayay dad qabsadaan.
5:27b.JER.005.027 Sida qafas shimbirro ka buuxaan oo kale ayaa guryahooda khiyaano uga buuxdaa, oo sidaas daraaddeed ayay u weynaadeen oo u taajiroobeen.
5:28b.JER.005.028 Aad bay u buurnaadeen oo cayileen, oo xataa falimaha sharka ahna aad bay u badiyaan, ma garsooraan oo agoontana uma ay muddacaan si ay u barwaaqoobaan, oo masaakiintana xaqooda uma ay sameeyaan.
5:29b.JER.005.029 Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruuntii tan oo kale ah?
5:30b.JER.005.030 Wax baas oo yaab miidhan ah ayaa dalka lagu dhex sameeyey.Nebiyadii waxay sii sheegaan wax been ah, oo wadaaddadiina waxay wax ku xukumaan iyaga taladooda, oo dadkaygiina saasay jecel yihiin, laakiinse bal maxaad ugudambaysta samayn doontaan?
5:31b.JER.005.031 Nebiyadii waxay sii sheegaan wax been ah, oo wadaaddadiina waxay wax ku xukumaan iyaga taladooda, oo dadkaygiina saasay jecel yihiin, laakiinse bal maxaad ugudambaysta samayn doontaan?
6
6:1b.JER.006.001 Reer Benyaamiinow, Yeruusaalem dhexdeeda ka carara, oo buunka Teqooca ka yeedhiya, oo Beyd Hakeremna calaamad kor uga qaada, waayo, waxaa xagga woqooyi ka soo socda masiibo iyo halligaad weyn.
6:2b.JER.006.002 Magaalada Siyoon oo u eg naag suurad wacan oo jilicsan ayaan baabbi'in doonaa.
6:3b.JER.006.003 Waxaa iyada u iman doona adhijirro adhyahoodii wata, oo teendhooyinkooda ayay hareeraheeda ka dhisan doonaan, oo midkood kastaaba wuxuu iska daaqsan doonaa meeshiisa.
6:4b.JER.006.004 Isu diyaariya inaad iyada dagaal ugu kacdaan, sara joogsada, oo ina keena aan iyada hadhka weerarnee. Annagaa iska hoognay, waayo, gabbalkii waa dhacay, oo hooskii habeennimo ayaa sii dheeraaday.
6:5b.JER.006.005 Sara joogsada, oo ina keena aynu iyada habeennimo weerarnee, oo aynu daaraheeda waaweyn wada duminnee.
6:6b.JER.006.006 Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu yidhi, Dhirteeda jara, oo Yeruusaalem tuulmo ku tuula, waayo, tanu waa magaalada la ciqaabayo, oo waxaa ka buuxa dulmi miidhan.
6:7b.JER.006.007 Sidii ili biyaheeda u soo burqiso oo kale ayay sharnimadeeda u soo burqisaa had iyo goorba, dhexdeedana waxaa laga maqlaa dulmi iyo kharribaad, oo had iyo goorna waxaa hortayda yaal cudur iyo nabro.
6:8b.JER.006.008 Yeruusaalemay, si aan naftaydu kaaga tegin, oo aanan kaaga dhigin cidlo iyo dal aan ciduna degganayn, edeb qaado.
6:9b.JER.006.009 Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Kuwa dadka Israa'iil ee hadhay waxaa loo wada xaabxaabi doonaa sida geedcanab oo kale, Sida mid canab guranaya oo kale gacanta dambiisha ku soo celiya.
6:10b.JER.006.010 Inay i maqlaan bal yaan la hadlaa oo aan u digaa? Bal eega, dhegahoodu ma xalaalaysna, oo waxba ma ay maqli karaan. Bal eega, erayga Rabbigu cay buu iyaga u noqday, oo innaba kuma ay farxaan.
6:11b.JER.006.011 Sidaas daraaddeed waxaa iga buuxda cadhadii Rabbiga, oo inaan isceliyo waan ku daalay. Haddaba cadhadii ku deji carruurta jidka joogta iyo shirka barbaarrada oo dhan, waayo, xataa nin iyo naagtiisaba waa la kaxayn doonaa, oo odayga iyo kan cimriga dheerba waa la isla wada kaxayn doonaa.
6:12b.JER.006.012 Oo guryahooda, iyo beerahooda, iyo naagahoodaba kuwa kalaa la siin doonaa dhammaantoodba, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan gacantayda ku fidin doonaa dadka dalka deggan.
6:13b.JER.006.013 Waayo, kooda ugu yar ilaa kooda ugu weyn midkood kastaaba wuxuu u go'ay damacxumaan, oo nebiga iyo xataa wadaadka inta ka dhexle midkood kastaaba been buu ku macaamiloodaa.
6:14b.JER.006.014 Oo iyagu dhaawicii dadkayga ayay si fudud u bogsiiyeen, oo iyadoo aan innaba nabadu jirin ayay yidhaahdaan, Waa nabad! Waa nabad!
6:15b.JER.006.015 Markay karaahiyada sameeyeen miyey xishoodeen? Maya, innaba ma ay xishoon, ceebna ma garan, sidaas daraaddeed waxay la dhici doonaan kuwa dhacaya. Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigii aan iyaga soo ciqaabo ayay hoos u dhici doonaan.
6:16b.JER.006.016 Rabbigu wuxuu leeyahay, Jidadka dhex istaaga, oo bal wax fiiriya, oo bal dhabbayaashii hore haybsada, oo waxaad tidhaahdaan, Meeh jidkii wanaagsanaa? Oo markaas ku socdaa, oo naftiinna nasashaad u heli doontaan. Laakiinse iyagu waxay yidhaahdeen, Annagu ku socon mayno jidkaas.
6:17b.JER.006.017 Oo weliba waxaan idiin dhigay waardiyayaal, oo waxaan idinku idhi, Buunka dhawaaqiisa dhegaysta. Laakiinse iyagu waxay yidhaahdeen, Annagu waxba dhegaysan mayno.
6:18b.JER.006.018 Sidaas daraaddeed, quruumahow bal maqla, oo ururkow, bal ogow waxa kuwan ku dhici doona.
6:19b.JER.006.019 Dhulkow, bal maqal, oo bal ogow, dadkan masiibaan ku soo dejin doonaa taasoo ah waxay fikirradoodii keeneen, waayo, erayadaydii ma ayan dhegaysan, sharcigaygiina way diideen.
6:20b.JER.006.020 Fooxa Shebaa ka yimid iyo qasabka macaan ee dal fog laga keenay maxay ii taraan? Qurbaannadiinna la gubo aqbali maayo, oo allabaryadiinnuna iga farxin maayaan.
6:21b.JER.006.021 Oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan dadkan hor dhigi doonaa wax lagu turunturoodo, oo aabbayaasha iyo wiilashuba way ku wada turunturoon doonaan, oo deriska iyo saaxiibkiisba way wada halligmi doonaan.
6:22b.JER.006.022 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, dadyow baa dalka woqooyi ka iman doona, oo quruun weyn ayaa dhulka darafyadiisa ka soo kici doonta.
6:23b.JER.006.023 Oo waxay sitaan qaansooyin iyo warmo, oo waa calool adag yihiin, oo innaba naxariis ma leh. Codkoodana waxaa la moodaa sida bad guuxaysa oo kale, oo farday fuulaan. Siyoonay, mid kastaaba wuxuu kuugu soo safan yahay sida nin dagaal diyaar u ah oo kale.
6:24b.JER.006.024 Waxaannu maqalnay warkoodii, oo gacmahayagii way taag gabeen, oo cidhiidhi iyo xanuun baa noo qabtay sida naag foolanaysa oo kale.
6:25b.JER.006.025 Berrinka ha u bixina, oo jidkana ha marina, waayo, seeftii cadowga iyo cabsi baa dhan kasta idinka jirta.
6:26b.JER.006.026 Dadkaygow, joonyad xidho, oo dambas ku galgalo, oo waxaad u baroorataa sida wiil madi ah loogu baroorto, oo waxaad ku ooydaa baroor aad u qadhaadh, waayo, waxbaabbi'iyihii dhaqsuu inoogu soo degi doonaa.
6:27b.JER.006.027 Waxaan dadkayga dhexdiisa kuu dhigay inaad ahaatid imtixaame, si aad jidkooda u ogaatid oo aad u intixaantid.
6:28b.JER.006.028 Iyagu waa caasiyiin fallaagoobay, oo xan bay la ordaan oo iyagu waa naxaas iyo bir, oo kulligoodna waa kuwa wax kharriba.
6:29b.JER.006.029 Bufinkii aad buu wax u bufiyaa, oo laxaamaddiina dabkaa baabba'saday, oo lacag shubihiina waxtarla'aan buu wax u sii dhalaalinayaa, waayo, sharrowyadii weli ma soocna.Waxaa iyaga loogu yeedhi doonaa, Lacag la nacay, waayo, Rabbigu iyaguu nacay.
6:30b.JER.006.030 Waxaa iyaga loogu yeedhi doonaa, Lacag la nacay, waayo, Rabbigu iyaguu nacay.
7
7:1b.JER.007.001 Kanu waa eraygii Yeremyaah uga yimid xagga Rabbiga, isagoo leh,
7:2b.JER.007.002 Guriga Rabbiga iriddiisa istaag, oo waxaad halkaas ka naadisaa eraygan, oo waxaad tidhaahdaa, Kuwiinna dadka Yahuudah oo irdahan u gala inaad Rabbiga caabuddaanow, kulligiin bal erayga Rabbiga maqla.
7:3b.JER.007.003 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo anna waan idinka yeeli doonaa inaad meeshan degganaataan.
7:4b.JER.007.004 Ha isku hallaynina erayo been ah oo leh, Macbudkii Rabbiga, Macbudkii Rabbiga, Macbudkii Rabbigu waa kan.
7:5b.JER.007.005 Waayo, haddaad jidadkiinna iyo falimihiinnaba wada hagaajisaan, oo aad caddaalad ugu garsoortaan nin iyo deriskiisa,
7:6b.JER.007.006 iyo haddaydnan dulmin shisheeyaha iyo agoonta iyo carmalka, oo aydaan meeshan ku daadin dhiig aan xaq qabin, oo aydaan ilaahyo kale waxyeelladiinna u daba gelin,
7:7b.JER.007.007 de markaas waxaan idinka yeeli doonaa inaad degganaataan meeshan, oo ah dalkii aan waa hore awowayaashiin u siiyey inay weligood lahaadaan.
7:8b.JER.007.008 Bal eega, idinku waxaad isku hallaysaan erayo been ah oo aan waxba idin tari karin.
7:9b.JER.007.009 Intaad wax xaddaan, oo dhiig daadisaan, oo sinaysataan, oo been ku dhaarataan, oo Bacal foox u shiddaan, oo ilaahyo kale oo aydaan aqoon daba gashaan,
7:10b.JER.007.010 miyaad i hor imanaysaan, oo gurigan laygu magacaabay gudihiisa soo istaagaysaan, oo odhanaysaan, Annaga waa nala samatabbixiyey, si aad haddana karaahiyadan oo dhan u sii samaysaan?
7:11b.JER.007.011 Gurigan laygu magacaabay ma wuxuu hortiinna ku noqday god tuugo? Bal eega, Rabbigu wuxuu leeyahay, Aniguba waan arkay.
7:12b.JER.007.012 Laakiinse haatan bal taga meeshaydii Shiiloh ku oolli jirtay, oo aan markii ugu horraysay magacayga dejiyey, oo bal soo arka wixii aan ugu sameeyey xumaantii dadkayga reer binu Israa'iil aawadeed.
7:13b.JER.007.013 Oo haatan Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku waxaad samayseen shuqulladan oo dhan, oo anna goor wanaagsan waan idinla hadlay, laakiinse ima aydaan maqlin, waanan idiin dhawaaqay, laakiinse iima aydaan jawaabin,
7:14b.JER.007.014 sidaas daraaddeed gurigan laygu magacaabay, oo aad isku hallaynaysaan, iyo meeshii aan siiyey idinka iyo awowayaashiinba ayaan ku samayn doonaa wixii aan Shiiloh ku sameeyey oo kale.
7:15b.JER.007.015 Oo idinkana hortaydaan idinka xoori doonaa sidaan u xooray dhammaan walaalihiinna ah farcankii Efrayim oo dhan.
7:16b.JER.007.016 Sidaas daraaddeed dadkan ha u ducayn, oo baryootan iyo salaad midna iyaga aawadood ha u samayn, oo hana ii baryin iyaga aawadood, waayo, innaba ku maqli maayo.
7:17b.JER.007.017 War miyaadan arkayn waxay ku dhex sameeyaan magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalemba?
7:18b.JER.007.018 Carruurtu qoryay soo guraan, aabbayaashuna dabkay shidaan, naaguhuna bur bay cajiimaan inay kibis u sameeyaan boqoradda samada, oo ay ilaahyo kale qurbaanno cabniin ah u daadiyaan, si ay iga cadhaysiiyaan.
7:19b.JER.007.019 Rabbigu wuxuu leeyahay, Ma aniga baa kan ay ka cadhaysiiyaan? Sow iyagu iskagama ay cadhaysiin ceebta ay isku soo jiideen?
7:20b.JER.007.020 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, xanaaqayga iyo cadhadayda ayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka iyo duunyada, iyo dhirta duurka, iyo midhaha dhulkaba. Cadhadaydu way wada gubi doontaa oo lamana demin doono.
7:21b.JER.007.021 Rabbiga ciidammada oo Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Qurbaannadiinna la gubo allabaryadiinna ku darsada, oo hilibkana iska cuna.
7:22b.JER.007.022 Waayo, waagii aan awowayaashiin dalka Masar ka soo bixiyey kalama hadlin, kumana amrin wax ku saabsan qurbaanno la gubo iyo allabaryo toona,
7:23b.JER.007.023 laakiinse waxaan iyaga ku amray, oo aan ku idhi, Codkayga dhegaysta, oo anigu waxaan idiin noqon doonaa Ilaah, idinkuna waxaad ahaan doontaan dadkayga oo ku socda jidkii aan idinku amray oo dhan, si aad u nabdoonaataan.
7:24b.JER.007.024 Laakiinse ima ay dhegaysan, dhegna iima dhigin, illowse waxay ku socdeen talooyinkii iyo caasinimadii qalbigooda sharka ah, oo dib bay u socdeen, horena uma dhaqaaqin.
7:25b.JER.007.025 Tan iyo maalintii ay awowayaashiin dalkii Masar ka soo bexeen iyo ilaa maantadan la joogo waxaan maalin kasta idiin soo diri jiray midiidinnadayda nebiyadii addoommadaydii ahaa oo dhan, anigoo goor wanaagsan diraya.
7:26b.JER.007.026 Laakiinse ima ay dhegaysan, dhegna iima ay dhigin, illowse way sii madax adkaadeen, oo waxay sameeyeen wax ka sii xun wixii ay awowayaashood samayn jireen.
7:27b.JER.007.027 Haddaba waa inaad erayadan oo dhan u sheegtaa, laakiinse iyagu kuma ay dhegaysan doonaan, oo weliba waa inaad u dhawaaqdaa, laakiinse innaba kuuma ay jawaabi doonaan.
7:28b.JER.007.028 Oo waxaad ku tidhaahdaa, Tanu waa quruun aan codka Rabbiga Ilaahooda dhegaysan, oo aan innaba edeb qaadan. Runtii way baabba'day, oo afkooday ka go'day.
7:29b.JER.007.029 Timahaaga iska xiir oo iska xoor, oo waxaad ku baroorataa meelaha dhaadheer, waayo, Rabbigu waa nacay oo waa ka tegey qarniga cadhadiisu ku dhacday.
7:30b.JER.007.030 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Yahuudah wax hortayda shar ku ah ayay sameeyeen. Si ay gurigii laygu magacaabay u nijaaseeyaan ayay karaahiyadoodii dhex qotomiyeen.
7:31b.JER.007.031 Oo waxay dhisteen meelaha sarsare ee Tofed oo ku dhex yaal dooxada ina Xinnom, si ay wiilashooda iyo gabdhahoodaba dab ugu dhex gubaan, taasoo aanan iyaga ku amrin, oo aan innaba qalbigayga soo gelin.
7:32b.JER.007.032 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iman doona wakhti aan mar dambe loogu yeedhi doonin Tofed, amase dooxadii ina Xinnom, laakiinse waxaa lagu magacaabi doonaa Dooxadii Gowracidda, waayo, waxay meydad ku aasi doonaan Tofed, maxaa yeelay, meel kalaa la waayi doonaa.
7:33b.JER.007.033 Waayo, dadkan meydkoodu wuxuu cunto u noqon doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulka, oo ciduna kama ay eryi doonto.Oo markaasaan magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalemba ka joojin doonaa codka rayraynta, iyo codka farxadda, iyo codka arooska, iyo codka aroosaddaba, waayo, dalku wuxuu noqon doonaa cidla.
7:34b.JER.007.034 Oo markaasaan magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalemba ka joojin doonaa codka rayraynta, iyo codka farxadda, iyo codka arooska, iyo codka aroosaddaba, waayo, dalku wuxuu noqon doonaa cidla.
8
8:1b.JER.008.001 Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas waxaa qabriyadoodii laga soo bixin doonaa lafihii boqorrada dalka Yahuudah, iyo lafihii amiirradiisa, iyo lafihii wadaaddada, iyo lafihii nebiyada, iyo lafihii dadkii Yeruusaalem degganaaba.
8:2b.JER.008.002 Oo waxaa lagu kala bixin doonaa dhulka hoos yaal qorraxda, iyo dayaxa, iyo ciidanka samada oo dhan, kuwaasoo ay jeclaan jireen, oo ay u adeegi jireen, oo ay daba socon jireen, oo ay doondooni jireen, oo ay caabudi jireen. Lama soo ururin doono, lamana aasi doono, oo sida digo oo kale ayay dhulka saarnaan doonaan.
8:3b.JER.008.003 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa qoladan sharka ah ka hadhi doona oo dhammu waxay nolosha ka dooran doonaan dhimasho, waana kuwa ku hadhi doona meelaha aan u kexeeyey oo dhan.
8:4b.JER.008.004 Weliba waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa dhacaa miyeyan soo kicin? Kii leexdaase miyuusan soo noqon?
8:5b.JER.008.005 Haddaba dadkan reer Yeruusaalem bal maxay dib ugugu simbiriirixdeen dibunoqosho weligeed ah? Iyagu khiyaano way xajisanayaan, wayna diidaan inay soo noqdaan.
8:6b.JER.008.006 Waan dhegaystay oo waan maqlay, laakiinse si qumman uma ay hadlin. Oo midkoodna xumaantiisii kama toobad keeno, isagoo leh, Bal maxaan sameeyey? Mid kastaaba wuxuu u leexdaa jidkiisii sida faras dagaal ku yaacaya.
8:7b.JER.008.007 Sida xaqiiqada ah xuurta samadu xilligeeda way taqaan, oo qoolleyda, iyo dabfallaadha, iyo saratoosiyuhuba way dhawraan xilliga imaatinkooda, laakiinse dadkaygu Rabbiga xukunkiisa ma ay yaqaaniin.
8:8b.JER.008.008 Haddaba bal sidee baad u tidhaahdaan, Annagu xigmad baannu leennahay, oo Rabbiga sharcigiisuna waa nala jiraa? Laakiinse qalinkii beenta ahaa ee karraaniyada ayaa been ka dhigay.
8:9b.JER.008.009 Nimankii xigmadda lahaa way ceeboobeen, wayna argaggexeen oo waa la kaxaystay, bal eega, Eraygii Rabbiga way diideen, haddaba xigmadda ku jirta waa maxay?
8:10b.JER.008.010 Sidaas daraaddeed waxaan naagahooda siin doonaa kuwa kale, oo beerahoodana waxaan siin doonaa kuwo xantiyi doona, waayo, midkood kasta kan ugu yar ilaa kan ugu weynuba wuxuu u go'ay damacxumaan, oo nebiga iyo xataa wadaadka inta ka dhexle midkood kastaaba been buu ku macaamiloodaa.
8:11b.JER.008.011 Waayo, iyagu dhaawicii dadkayga ayay si fudud u bogsiiyeen, oo iyadoo aan innaba nabadu jirin ayay yidhaahdaan, Waa nabad! Waa nabad!
8:12b.JER.008.012 Markay karaahiyada sameeyeen miyey xishoodeen? Maya, innaba ma ay xishoon, ceebna ma garan, sidaas daraaddeed waxay la dhici doonaan kuwa dhacaya. Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtiga ciqaabtooda ayay hoos u dhici doonaan.
8:13b.JER.008.013 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waan wada baabbi'in doonaa. Geedcanabka midho kuma oolli doonaan, oo geedberdahana midho kuma oolli doonaan, oo caleentuna way wada dhadi doontaa, oo waxyaalihii aan siiyey oo dhammu way ka wada dhammaan doonaan.
8:14b.JER.008.014 Bal maxaynu isaga fadhinnaa? Isa soo wada urursada, oo ina keena aynu magaalooyinka deyrka leh galnee, oo aynu halkaas ku halliganno, waayo, Rabbiga Ilaaheenna ah ayaa ina halligay, oo wuxuu ina cabsiiyey biyo xammeetiyeed, maxaa yeelay, Rabbigeenna waynu ku dembaabnay.
8:15b.JER.008.015 Innagu nabad baynu sugaynay, laakiinse wanaag inooma iman, oo waxaynu sugaynay wakhti caafimaad leh, oo bal eega naxdin baa inoo timid!
8:16b.JER.008.016 Bururuftii fardihiisa dalka Daan baa laga maqlay, oo dalkii oo dhammuna wuxuu la gariiray dananiddii kuwiisa xoogga badan, waayo, way yimaadeen, oo waxay wada baabbi'iyeen dalkii, iyo wixii ku dhex jiray oo dhan, iyo magaalooyinkii iyo kuwii degganaa oo dhanba.
8:17b.JER.008.017 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Anigu waxaan dhexdiinna ku soo dayn doonaa abeesooyin iyo jilbisyo aan la sixri karin, oo iyana way idin qaniini doonaan.
8:18b.JER.008.018 Murugtaydu waa mid aan la fududayn karin, oo qalbigaygiina waa igu dhex taag darnaaday.
8:19b.JER.008.019 Bal maqla codka qaylada dadkayga oo dal fog ka yeedhaya. Sow Rabbigu Siyoon ma joogo? Sow boqorkeedii ma dhex joogo? Bal maxay iigaga cadhaysiiyeen sanamyadooda xardhan iyo waxyaalahooda qalaad ee aan waxtarka lahayn?
8:20b.JER.008.020 Beergoosadkii waa dhaafay, oo midhoguriddiina waa idlaatay, laakiin innagu weli ma aynu badbaadin.
8:21b.JER.008.021 Anigu waxaan ku xanuunsaday nabarkii ku dhacay dadkayga. Murug baan la madoobaaday, oo yaab baa i haya.Ma Gilecaad baan beeyo dawo ah oollin, mase dhakhtar baan halkaas joogin? Bal maxaa bogsiinta dadkaygu u dhammaystirmi weyday?
8:22b.JER.008.022 Ma Gilecaad baan beeyo dawo ah oollin, mase dhakhtar baan halkaas joogin? Bal maxaa bogsiinta dadkaygu u dhammaystirmi weyday?
9
9:1b.JER.009.001 Bal muu madaxaygu biyo noqdo, oo bal may indhahayguna il biyood oo ilmo daadisa noqdaan, si aan habeen iyo maalinba ugu ooyo kuwa laga laayay dadkayga!
9:2b.JER.009.002 Bal maan cidlada ku lahaado hoy ay socotooyinku ku dhaxaan, si aan dadkayga uga tago, oo aan iyaga uga fogaado! Waayo, iyagu dhammaantood waxay noqdeen dhillayo, iyo urur khaa'inno ah.
9:3b.JER.009.003 Carrabkooda ayay been ugu xoodaan sida qaanso oo kale, oo dhulkay ku xoogaysteen, runtase uma aha, waayo, sharba shar bay uga sii gudbaan, oo ima ay yaqaaniin, ayaa Rabbigu leeyahay.
9:4b.JER.009.004 Midkiin kastaaba deriskiisa ha iska jiro oo walaalna ha isku hallaynina, waayo, walaal kastaaba waa khaa'in, oo deris kastaaba xan buu la wareegaa.
9:5b.JER.009.005 Midkood kastaaba wuxuu khiyaaneeyaa deriskiisa, oo runtana kuma ay hadlaan. Waxay carrabkooda bareen inuu been ku hadlo, oo waxay isku daaliyaan inay xumaan sameeyaan.
9:6b.JER.009.006 Rabbigu wuxuu leeyahay, Rugtaadu waxay ku dhex jirtaa khiyaano, oo khiyaano aawadeed ayay u diidaan inay i aqoonsadaan.
9:7b.JER.009.007 Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, iyagaan dhalaalin doonaa, waanan tijaabin doonaa, waayo, bal maxaa kaloo aan sameeyaa, dadkayga dartiis?
9:8b.JER.009.008 Carrabkoodu waa sida fallaadh wax dilaysa oo kale. Khiyaanuu ku hadlaa. Mid waluba deriskiisa nabad buu afka uga sheegaa, laakiinse uurka wuu uga gabbadaa.
9:9b.JER.009.009 Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruun tanoo kale ah?
9:10b.JER.009.010 Waxaan oohin iyo baroor kor ugu qaadi doonaa buuraha aawadood, oo daaqsimaha cidladana waan u barooran doonaa, maxaa yeelay, way gubteen si aan ciduna u dhex marin. Oo ninna codkii lo'da kama maqli karo, haaddii samada iyo dugaaggiiba way carareen oo way tageen.
9:11b.JER.009.011 Oo waxaan Yeruusaalem ka dhigi doonaa tuulmooyin burbur ah, iyo meel ay dawacooyinku ku hoydaan. Oo magaalooyinka dalka Yahuudahna waxaan ka dhigi doonaa cidla aan ciduna degganayn.
9:12b.JER.009.012 Waa kuma ninka xigmadda leh oo waxan garan karaa? Oo kan Rabbiga afkiisu la hadlay inuu waxyaalahan sheegi karaa waa kuma? Bal maxaa dalku u halligmay, oo uu sidii cidlo oo kale ugu gubtay, si aan ciduna u dhex marin?
9:13b.JER.009.013 Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu sharcigaygii aan hortooda dhigay way ka tageen, oo codkaygiina ma ay addeecin, kumana ay dhex socon,
9:14b.JER.009.014 laakiinse waxay iska daba galeen caasinimadii qalbigooda, iyo Bacaliim oo ay awowayaashood iyaga bareen,
9:15b.JER.009.015 oo sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Dadkan waxaan ku quudin doonaa dacar, oo waxaan cabsiin doonaa biyo xammeetiyeed.
9:16b.JER.009.016 Oo iyaga waxaan ku kala dhex firdhin doonaa quruumaha iyaga iyo awowayaashood toona ayan aqoonin, oo waxaan iyaga ka daba diri doonaa seef jeeraan baabbi'iyo.
9:17b.JER.009.017 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Aad u fiirsada, oo u yeedha naagaha baroorta ha yimaadeene, waxaad u cid dirtaan naagaha aad baroorta u yaqaan ha yimaadeene.
9:18b.JER.009.018 Oo iyagu ha soo dhaqsadeen, oo aad ha noogu baroorteen, si ay indhahayaga ilmo uga soo daadato oo ay biyona uga soo butaacaan.
9:19b.JER.009.019 Waayo, waxaa Siyoon ka yeedhaya cod baroor ah oo leh, Sidee baannu u baabba'nay! Aad iyo aad baannu u ceebownay, maxaa yeelay, dalkii waannu ka tagnay, oo hoyaashayadiina waa nalaga dumiyey.
9:20b.JER.009.020 Dumarow, bal erayga Rabbiga maqla, oo dhegihiinnuna erayga afkiisa ha aqbaleen, oo gabdhihiinnana baroorashada bara, oo middiin kastaaba teeda kale ha barto.
9:21b.JER.009.021 Waayo, geeri baa daaqadahayaga nooga soo dustay, oo waxay soo gashay daarahayaga inay carruurta dibadda ka baabbi'iso, oo ay barbaarradana jidadka ka baabbi'iso.
9:22b.JER.009.022 Waxaad tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka meydkiisu wuxuu u soo daadan doonaa sida digo berrin bannaan taal oo kale iyo sida gacan muggeed oo ka hadhay nin beer soo goostay, oo ciduna sooma ururin doonto.
9:23b.JER.009.023 Rabbigu wuxuu leeyahay, Kii xigmad lahu yuusan xigmaddiisa ku faanin, oo kii xoog badanuna yuusan xooggiisa ku faanin, oo kii taajir ahuna yuusan maalkiisa ku faanin,
9:24b.JER.009.024 laakiinse kii faanaa ha ku faano inuu i garanayo oo uu i yaqaan inaan anigu ahay Rabbiga dhulka ku sameeya raxmadda, iyo caddaaladda, iyo xaqnimada, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxyaalahaasaan ku farxaa.
9:25b.JER.009.025 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhtigii aan ciqaabi doono kuwa gudan oo uurka ka buuryaqabka ah oo dhan,kuwaasoo ah reer Masar, iyo dadka Yahuudah, iyo reer Edom, iyo reer Cammoon, iyo reer Moo'aab, iyo kuwa timaha madaxa dhinac ka jara oo cidlada jooga oo dhan, waayo, quruumahaas oo dhammu waa wada buuryaqab, oo dadka Israa'iil oo dhammu xagga qalbigay buuryaqab ka yihiin.
9:26b.JER.009.026 kuwaasoo ah reer Masar, iyo dadka Yahuudah, iyo reer Edom, iyo reer Cammoon, iyo reer Moo'aab, iyo kuwa timaha madaxa dhinac ka jara oo cidlada jooga oo dhan, waayo, quruumahaas oo dhammu waa wada buuryaqab, oo dadka Israa'iil oo dhammu xagga qalbigay buuryaqab ka yihiin.
10
10:1b.JER.010.001 Dadka Israa'iilow, bal maqla erayga Rabbigu idinkula hadlayo.
10:2b.JER.010.002 Rabbigu wuxuu leeyahay, Ha baranina jidka quruumaha, oo hana ka nixina calaamadaha samada, waayo, quruumahaa ka naxa iyaga.
10:3b.JER.010.003 Waayo, dadyowga caadooyinkoodu waxtar ma leh, maxaa yeelay, mid baa kaynta geed ka soo jara, waana wax ay nin saanac ah gacmihiisu faas ku sameeyaan.
10:4b.JER.010.004 Waxaa lagu sharraxaa lacag iyo dahab, oo waxaa lagu dhuujiyaa musmaarro iyo dubbayaal, si uusan u dhaqdhaqaaqin.
10:5b.JER.010.005 Sanamyadaas waa sida geed timireed oo toosan, laakiinse ma ay hadlaan, oo waxay u baahan yihiin in la qaado, maxaa yeelay, ma ay socon karaan. Iyaga ha ka baqina, waayo, wax xun idinkuma samayn karaan, oo weliba innaba wax san ma samayn karaan.
10:6b.JER.010.006 Rabbiyow, mid kula mid ahu ma jiro. Adigu waad weyn tahay, oo magacaaguna waa xoog badan yahay.
10:7b.JER.010.007 Boqorka quruumahow, kan aan kaa cabsanaynu waa kuma? Waayo, way kugu habboon tahay, maxaa yeelay, kuwa xigmadda leh ee quruumaha iyo boqortooyooyinkooda oo dhanba mid kula mid ahu ma jiro.
10:8b.JER.010.008 Laakiinse iyagu dhammaantood waa doqonno iyo nacasyo, cilmigoodu waa wax aan waxtar lahayn, waayo, waa qori uun.
10:9b.JER.010.009 Lacag la tumay baa Tarshiish laga keenaa, oo dahabna Uufaas, waana nin saanac ah shuqulkiis, iyo wixii lacagshubuhu uu gacmihiisa ku sameeyey, oo dharkooduna waa buluug iyo guduud, oo dhammaantoodna waa nin saanac ah shuqulkiis.
10:10b.JER.010.010 Laakiinse Rabbigu waa Ilaaha runta ah. Isagu waa Ilaaha nool iyo boqorka weligiis ah. Cadhadiisa ayaa dhulku la gariiraa, oo quruumuhuna uma ay adkaysan karaan dhirifkiisa.
10:11b.JER.010.011 Waxaad iyaga ku tidhaahdaan, Ilaahyadii aan samooyinka iyo dhulka samayninu way ka wada baabbi'i doonaan dhulka dushiisa iyo samooyinka hoostooda.
10:12b.JER.010.012 Isagu dhulka xooggiisuu ku sameeyey, dunidana xigmaddiisuu ku dhisay, oo samooyinkana waxgarashadiisuu ku kala bixiyey.
10:13b.JER.010.013 Markuu codkiisa ku hadlo biyo badan guuxooda baa samooyinka laga maqlaa, oo isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco, roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac, oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.
10:14b.JER.010.014 Nin kastaaba wuxuu noqday doqon aan aqoon lahayn, oo dahabshube kastaaba wuxuu ku ceeboobay sanamkiisii la xardhay, waayo, sanamkiisii la shubay waa been oo innaba neef ma leh.
10:15b.JER.010.015 Iyagu waa wax aan waxtar lahayn iyo shuqul lagu majaajilowdo, oo wakhtiga ciqaabiddoodana way wada baabbi'i doonaan.
10:16b.JER.010.016 Kan Yacquub qaybta u ah iyaga la mid ma aha, waayo, isagu waa kan wax kasta abuuray, oo reer binu Israa'iilna waa qoladii dhaxalkiisa, oo magiciisuna waa Rabbiga ciidammada.
10:17b.JER.010.017 Tan la weerarayay, alaabtaada dalka ka soo ururso.
10:18b.JER.010.018 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, dadka dalka deggan haddeer baan wadhfin doonaa, oo waan dhibi doonaa si ay u dareemaan.
10:19b.JER.010.019 Anigaa iska hoogay nabarkayga aawadiis! Dhaawacaygu aad buu u xun yahay, laakiinse waxaan is-idhi, Sida runta ah kanu waa xanuundaran, waase inaan u adkaystaa.
10:20b.JER.010.020 Taambuuggaygii waa baabba'ay, oo xadhkahaygii oo dhanna waa la jaray. Carruurtaydii way iga tageen oo ma ay joogaan, oo innaba lama arko cid teendhadayda mar dambe dhisaysa oo daahyadayda kor u taagaysa toona.
10:21b.JER.010.021 Waayo, adhijirradii way wada doqonoobeen, oo Rabbigana waxba ma ay weyddiin. Oo sidaas daraaddeed ma ay liibaanin, oo adhyahooda oo dhammuna way kala firidhsan yihiin.
10:22b.JER.010.022 Bal maqla qaylada warka iyo rabshadda weyn oo xagga dalka woqooyi ka soo socota, oo markaas waxaa magaalooyinka dalka Yahuudah laga dhigi doonaa baabba' iyo meel ay dawacooyinku ku hoydaan.
10:23b.JER.010.023 Rabbiyow, waan ogahay in binu-aadmiga jidkiisu uusan gacantiisa ku jirin, ninkii socda innaba karti uma leh inuu tallaabooyinkiisa toosiyo.
10:24b.JER.010.024 Rabbiyow, i edbi, si caddaalad ah mooyaane xanaaqaaga ha igu edbin, si aadan iiga dhigin wax aan waxba ahayn.Cadhadaada ku soo deji quruumaha aan ku aqoon iyo qolooyinka aan magacaaga kugu baryin, waayo, reer Yacquub way cuneen, hubaal way cuneen oo dhammeeyeen, oo rugtoodiina way baabbi'iyeen.
10:25b.JER.010.025 Cadhadaada ku soo deji quruumaha aan ku aqoon iyo qolooyinka aan magacaaga kugu baryin, waayo, reer Yacquub way cuneen, hubaal way cuneen oo dhammeeyeen, oo rugtoodiina way baabbi'iyeen.
11
11:1b.JER.011.001 Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh,
11:2b.JER.011.002 Axdigan erayadiisa dhegayso, oo dadka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganba la hadal.
11:3b.JER.011.003 Oo adigu waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Inkaaru ha ku dhacdo ninkii aan dhegaysan erayada axdigan
11:4b.JER.011.004 ee aan awowayaashiin ku amray waagii aan iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar iyo foornadii birta, oo aan ku idhi, Codkayga addeeca, oo wixii aan idinku amro oo dhan yeela, oo sidaasaad dadkaygii ku noqon doontaan, oo aniguna Ilaahiin baan idiin ahaan doonaa,
11:5b.JER.011.005 si aan u oofiyo dhaartii aan awowayaashiin ugu dhaartay inaan siin doono dal caano iyo malab la barwaaqaysan, sida ay maantadan tahay. Markaasaan u jawaabay oo waxaan idhi, Aamiin, Rabbiyow.
11:6b.JER.011.006 Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Erayadan oo dhan ka dhex naadi magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo jidadka Yeruusaalemba, oo waxaad tidhaahdaa, Axdigan erayadiisa dhegaysta oo yeela.
11:7b.JER.011.007 Waayo, si aad ah ayaan awowayaashiin ugu digay tan iyo waagii aan iyaga dalkii Masar ka soo bixiyey iyo ilaa maantadan la joogo inta ka dhex leh, anigoo goor wanaagsan u digaya oo ku leh, Codkayga addeeca.
11:8b.JER.011.008 Laakiinse ima ay addeecin oo dhegna iima ay dhigin, laakiinse midkood kastaaba wuxuu daba galay caasinimada qalbigiisa sharka ah. Sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku soo dejiyey axdigan erayadiisa oo dhan, kuwaasoo aan ku amray inay sameeyaan, laakiinse ayan samaynin.
11:9b.JER.011.009 Oo waxaa Rabbigu igu yidhi, Dadka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganba waxaa laga dhex helay shirqool.
11:10b.JER.011.010 Waxay dib ugu noqdeen xumaatooyinkii awowayaashoodii diiday inay erayadayda maqlaan, oo waxay daba galeen ilaahyo kale inay iyaga u adeegaan aawadeed. Dadka dalka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba way jebiyeen axdigaygii aan awowayaashood la dhigtay.
11:11b.JER.011.011 Oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan iyaga ku soo dayn doonaa masiibo ayan kari doonin inay ka baxsadaan, oo in kastoo ay ii soo qayshadaanna, innaba dheg uma dhigi doono.
11:12b.JER.011.012 Oo markaasaa magaalooyinka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganuba waxay u tegi oo u qayshan doonaan ilaahyadii ay fooxa u shidi jireen, laakiinse iyagu innaba ma ay badbaadin doonaan wakhtiga ay dhibaataysan yihiin.
11:13b.JER.011.013 Dadka Yahuudah ahow, ilaahyadiinnu waxay tiro le'eg yihiin magaalooyinkiinna, oo jidadka Yeruusaalem intay tiro le'eg yihiin oo kale ayaad meelo allabaryo u qotomiseen waxaas ceebta miidhan ah, waana meelo allabaryo oo aad foox ugu shiddaan Bacal.
11:14b.JER.011.014 Sidaas daraaddeed dadkan ha u ducayn, oo iyaga aawadood kor ha ugu qaadin qaylo iyo salaad toona, waayo, anigu dheg uma dhigi doono wakhtigii ay ii soo qayshadaan dhibkooda aawadiis.
11:15b.JER.011.015 Taan jeclaa bal maxay gurigayga ku leedahay iyadoo kuwa badan wasakhnimo la samaysay? Ma hilibka quduuska ahu belaayada kaa qaadi kara? Markaad shar samaysid ayaad rayraysaa.
11:16b.JER.011.016 Rabbigu wuxuu magacaaga u bixiyey Geed saytuun oo cagaar ah, oo qurxoon, oo midho wanaagsan. Cod buuq weyn ayuu dab kula daayay, oo laamihiisiina way wada jajabeen.
11:17b.JER.011.017 Waayo, Rabbiga ciidammada oo adiga ku beeray ayaa masiibo kaaga hadlay, waana xumaanta dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah aawadeed, taasoo ay qudhoodu isku sameeyeen markay igaga cadhaysiiyeen fooxii ay Bacal u shideen.
11:18b.JER.011.018 Oo Rabbiguna taas wuu i ogeysiiyey, waanan ogaaday. Markaasaad falimahooda i tustay.
11:19b.JER.011.019 Laakiinse anigu waxaan la mid ahaa neef baraar ah oo loo soo kexeeyo in la gowraco, oo mana aan ogayn inay shirqool ii hindiseen, oo ay yidhaahdeen, Geedka iyo midhihiisaba aynu wada baabbi'inno, oo aynu isaga ka gooyno dalka kuwa nool, si aan magiciisa mar dambe loo soo xusuusan.
11:20b.JER.011.020 Laakiinse Rabbiga ciidammadow, adigoo si caddaalad ah wax u xukumow, oo kelyaha iyo qalbigaba imtixaamow, haddaba bal aargoosashadaada iyaga ku kor dhacaysa aan arkee, waayo, dacwadaydii adigaan kuu soo ban dhigay.
11:21b.JER.011.021 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ka leeyahay dadka Canaatood oo doondoonaya inay naftaada kaa qaadaan, oo kugu yidhaahda, Yaadan gacantayada ku dhimanine Rabbiga magiciisa waxba ha ku sii sheegin,
11:22b.JER.011.022 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogow, Iyagaan ciqaabi doonaa. Barbaarradu seef bay ku dhiman doonaan, oo wiilashooda iyo gabdhahooduba abaar bay ku dhiman doonaan.Oo innaba iyaga midna kama hadhi doono, waayo, dadka Canaatood masiibaan ku soo dayn doonaa sannadda ciqaabiddooda.
11:23b.JER.011.023 Oo innaba iyaga midna kama hadhi doono, waayo, dadka Canaatood masiibaan ku soo dayn doonaa sannadda ciqaabiddooda.
12
12:1b.JER.012.001 Rabbiyow, xaq baad tahay markaan kula muddaco, haddaba bal aan xukummadaada kaala hadlo. Sharrowyada jidkoodu bal muxuu u hagaagaa? Oo kuwa khiyaano kula macaamiloodo oo dhammuna bal maxay u nabdoon yihiin?
12:2b.JER.012.002 Iyagaad beertay, oo weliba xidid bay yeesheen, way koraan, oo midhay dhalaan. Adigu afkooda waad ku dhow dahay, laakiinse qalbigooda waad ka fog tahay.
12:3b.JER.012.003 Laakiinse, Rabbiyow, adigu waad i taqaan, waanad i aragtaa, oo qalbigaygana xaggaagaad u tijaabisaa. Iyaga u soo bixi sida ido la gowracayo, oo u diyaari maalinta gowracidda.
12:4b.JER.012.004 Ilaa goormuu dalku sii barooranayaa, oo uu waddanka oo dhan dooggiisu engegayaa? Xumaanta kuwa dhex deggan aawadeed ayaa xayawaankii iyo shimbirrihiiba wada baabbe'een, maxaa yeelay, dadku waxay yidhaahdeen, Isagu ugudambaystayada ma uu arki doono.
12:5b.JER.012.005 Haddaad rag lug ah la orodday oo ay ku daaliyeen, haddaba bal sidee baad fardo ula tartami kartaa? Oo haddii lagugu daaliyo dalkii nabadda ahaa oo aad isku hallaynaysay, haddaba bal maxaad ku dhex samayn doontaa kibirka Webi Urdun?
12:6b.JER.012.006 Waayo, xataa walaalaha iyo reerkii aabbahaaba khiyaano bay kugula macaamiloodeen, oo weliba aad bay kaaga soo daba qayliyeen. In kastoo ay erayo wanaagsan kugula hadlaan, ha rumaysan.
12:7b.JER.012.007 Anigu gurigaygii waan ka tegey, oo dhaxalkaygiina waan iska xooray, oo tii ay naftaydu aad u jeclaydna waxaan gacanta u geliyey cadaawayaasheedii.
12:8b.JER.012.008 Tan dhaxalkaygii ahayd waxay igu noqotay sidii libaax kaynta ku jira oo kale, codkeeday kor iigu qaadday, oo sidaas daraaddeed waan nebcaaday.
12:9b.JER.012.009 Tan dhaxalkaygii ahayd waxay igu tahay xaad birdhicyo leh oo kale, oo xaadka hareereheeda ku wareegsan oo dhammuna waa ku col iyada. Taga oo xayawaanka duurka oo dhan soo wada ururiya, oo soo wada kaxeeya ha cuneene.
12:10b.JER.012.010 Adhijirro badan ayaa beertaydii canabka ahayd baabbi'iyey, qaybtaydii cagta bay kula tunteen, oo qaybtaydii wanaagsanaydna waxay ka dhigeen lamadegaan cidla ah.
12:11b.JER.012.011 Cidla bay ka dhigeen, oo iyadoo cidla ah ayay xaggayga u soo baroorataa. Dalkii oo dhan cidla waa laga dhigay, waayo, ninna dan kama galo.
12:12b.JER.012.012 Meelaha dhaadheer oo cidlada ku dhex yaal oo dhan waxaa ku soo kacay baabbi'iyayaashii, waayo, seefta Rabbiga ayaa wax ka baabbi'isa dalka darafkiisan iyo ilaa darafka kale inta ka dhex leh, oo binu-aadmiga oo dhan midnaba nabad ma leh.
12:13b.JER.012.013 Iyagu waxay beerteen sarreen, laakiinse qodxan bay soo goosteen, aad bay u daaleen, laakiinse innaba ma ay faa'iidaan. Waxaad ku ceeboobi doontaan midhaha aad goosanaysaan, waana Rabbiga cadhadiisa kulul aawadeed.
12:14b.JER.012.014 Derisyadayda sharka ah oo dhan oo taabta dhaxalkii aan dadkayga reer binu Israa'iil dhaxalsiiyey, Rabbigu wuxuu ka leeyahay, Bal ogaada, iyagaan dalka ka rujin doonaa, oo dadka Yahuudahna waan ka rujin doonaa dhexdooda.
12:15b.JER.012.015 Oo markaan iyaga rujiyo dabadeed waan soo noqon doonaa oo iyagaan u naxariisan doonaa, oo mar kalaan ku soo celin doonaa nin kasta dhaxalkiisii iyo dhulkiisii.
12:16b.JER.012.016 Oo hadday jidadka dadkayga aad u bartaan oo ay magacayga ku dhaartaan iyagoo leh, Rabbiga nool baannu ku dhaaranaynaa, xataa siday dadkayga u bareen inay Bacal ku dhaartaan, markaas iyagaa lagu dhisi doonaa dadkayga dhexdiisa.Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadday i dhegaysan waayaan, quruuntaas waan wada rujin doonaa, oo waan baabbi'in doonaa.
12:17b.JER.012.017 Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadday i dhegaysan waayaan, quruuntaas waan wada rujin doonaa, oo waan baabbi'in doonaa.
13
13:1b.JER.013.001 Rabbigu wuxuu igu yidhi, Tag oo waxaad soo iibsataa gunti maro wanaagsan ah oo dhexda ku xidho, oo marnaba biyo ha dhex gelin.
13:2b.JER.013.002 Sidaas daraaddeed gunti baan soo iibsaday sidii erayga Rabbigu ahaa, oo dhexdaan ku xidhay.
13:3b.JER.013.003 Oo haddana mar labaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid, oo wuxuu igu yidhi,
13:4b.JER.013.004 Waxaad qaadataa guntigii aad soo iibsatay oo haatan dhexda kuugu xidhan, oo kac, oo waxaad tagtaa xagga Webi Yufraad, oo halkaas ku qari dhagaxa weyn godkiisa.
13:5b.JER.013.005 Sidaas daraaddeed waan tegey oo waxaan guntigii ku soo qariyey Webi Yufraad agtiisa, sidii Rabbigu igu amray.
13:6b.JER.013.006 Oo maalmo badan dabadeed ayaa Rabbigu igu yidhi, Kac oo waxaad tagtaa xagga Webi Yufraad, oo waxaad halkaas ka soo bixisaa guntigii aan kugu amray inaad halkaas ku qariso.
13:7b.JER.013.007 Markaasaan Webi Yufraad tegey, oo intaan qoday ayaan guntigii ka soo bixiyey meeshii aan ku qariyey, oo bal eeg, guntigii wuu ba'ay, oo waxba ma taraynin.
13:8b.JER.013.008 Markaasaa eraygii Rabbigu ii yimid oo wuxuu igu yidhi,
13:9b.JER.013.009 Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas oo kale ayaan u bi'in doonaa kibirka dadka Yahuudah, iyo kibirka weyn oo Yeruusaalemba.
13:10b.JER.013.010 Dadkan sharka ah, oo diida inay erayadayda maqlaan, oo iska daba gala caasinimada qalbigooda, oo raaca ilaahyo kale inay iyaga u adeegaan oo caabudaan, waxay kulligood noqon doonaan sida guntigan aan waxba taraynin oo kale.
13:11b.JER.013.011 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida guntigu ugu dhegsan yahay nin dhexdiis, sidaas oo kalaan uga dhigay inay aniga iigu dhegsanaadaan dadka Israa'iil oo dhan iyo dadka Yahuudah oo dhammuba, inay ii ahaadaan dad, iyo magac, iyo ammaan, iyo sharafba, laakiinse iyagu way i maqli waayeen innaba.
13:12b.JER.013.012 Sidaas daraaddeed waxaad iyaga u sheegtaa eraygan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Sibraar kasta waxaa laga buuxin doonaa khamri, iyaguna waxay kugu odhan doonaan, War sida runta ah miyaannan ogayn in sibraar kastaba khamri laga buuxin doono?
13:13b.JER.013.013 Oo markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, dadka dalkan deggan oo dhan iyo xataa boqorrada carshigii Daa'uud ku fadhiya, iyo wadaaddada, iyo nebiyada, iyo dadka Yeruusaalem deggan oo dhanba waxaan ka wada buuxin doonaa sakhraannimo.
13:14b.JER.013.014 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Midba mid kalaan ku garaaci doonaa, xataa aabbayaasha iyo wiilashoodaba. Oo innaba uma aan nixi doono, umana aan tudhi doono, umana aan naxariisan doono, waanan wada baabbi'in doonaa.
13:15b.JER.013.015 Maqla, oo dheg u dhiga, hana kibrina, waayo, Rabbigu wuu hadlay.
13:16b.JER.013.016 Rabbiga Ilaahiinna ah ammaana intuusan gudcur idinku soo dejin, iyo intaan cagihiinnu ku turunturoon buuraha gudcurka ah, oo intaad iftiin sugaysaan uusan idiinku beddelin hooskii dhimashada iyo gudcur dam ah.
13:17b.JER.013.017 Laakiinse haddaad maqli weydaan, naftaydu meel qarsoon bay kibirkiinna aawadiis u ooyi doontaa, oo indhahayguna aad bay u ooyi doonaan, oo ilmaa ka soo daadan doonta, maxaa yeelay, dadkii Rabbiga waa la kaxaystay sida adhi oo kale.
13:18b.JER.013.018 Oo boqorka iyo hooyadiisa boqoradda ahba waxaad ku tidhaahdaa, Is-hoosaysiiya, waayo, taajkii sharaftiinnu hoos buu madaxa uga soo dhacay.
13:19b.JER.013.019 Magaalooyinkii koonfureed waa la xidhay, oo cid furaysaana ma jirto. Dadka Yahuudah oo dhan maxaabiis ahaan baa loo kaxaystay, oo kulligood maxaabiis ahaan baa loo wada kaxaystay.
13:20b.JER.013.020 Indhihiinna kor u qaada, oo bal waxaad fiirisaan kuwa woqooyi ka soo socda, bal meeh adhigii lagu siiyey oo ah xayntaadii quruxda badnayd?
13:21b.JER.013.021 Bal maxaad odhan doontaa markii madax lagaaga dhigo kuwaad bartay inay saaxiibbo kuu noqdaan? Sow xanuun kuuma qaban doono sida naag foolanaysa?
13:22b.JER.013.022 Oo haddaad qalbigaaga iska tidhaahdid, Bal maxaa waxyaalahanu iigu dheceen? Xumaantaada badatay aawadeed ayaa darfaha dharkaaga loo xayday oo cedhbahaagiina loo qaawiyey.
13:23b.JER.013.023 Miyaa Xabashi midabkiisa beddeli karaa, shabeelse miyuu barihiisa beddeli karaa? Markaas idinka xumaanta u bartayba wanaag baad samayn kari doontaan.
13:24b.JER.013.024 Sidaas daraaddeed ayaan kala firdhin doonaa sida dabaysha cidladu ay xaab baabba'aya u kala firdhiso oo kale.
13:25b.JER.013.025 Rabbigu wuxuu leeyahay, Tanu waa qaybtaada oo ah intii aan kuu qiyaasay, maxaa yeelay, waad i illowday, oo been baad isku hallaysay.
13:26b.JER.013.026 Sidaas daraaddeed darfaha dharkaagaan xaydi doonaa ilaa wejigaaga si ay ceebtaadu u muuqato aawadeed.Waan arkay sinadaadii, iyo dananiddaadii, iyo wasakhnimadii dhillanimadaada kuwaasoo ahaa karaahiyadaadii aad kuraha iyo berrinkaba ku samaysay. Yeruusaalemay, adigaa iska hoogay! Ilaa goormaad diidaysaa inaad nadiifsanaato?
13:27b.JER.013.027 Waan arkay sinadaadii, iyo dananiddaadii, iyo wasakhnimadii dhillanimadaada kuwaasoo ahaa karaahiyadaadii aad kuraha iyo berrinkaba ku samaysay. Yeruusaalemay, adigaa iska hoogay! Ilaa goormaad diidaysaa inaad nadiifsanaato?
14
14:1b.JER.014.001 Kanu waa Eraygii Rabbiga ee abaarta ku saabsanaa ee Yeremyaah u yimid.
14:2b.JER.014.002 Dadka dalka Yahuudah way barooranayaan, irdahoodii way jilceen, oo iyagoo ooyaya ayay dhulka fadhiyaan, oo Yeruusaalem qayladeeduna kor bay u kacaysaa.
14:3b.JER.014.003 Oo kuwooda waaweyn ayaa yaryarkooda biyo u soo dira, oo waxay yimaadaan ceelasha, biyona kama ay helaan, oo weelashooda oo madhan ayay dib ula soo noqdaan, oo intay ceeboobaan oo qasmaan ayay madaxa hagoogtaan.
14:4b.JER.014.004 Dhulkii wuu dildillaacay, waayo, roob kuma di'in, oo taas darteed raggii beerta qodan jiray ayaa ceebooba, oo madaxay hagoogtaan.
14:5b.JER.014.005 Oo xataa deeradii duurkay ku dhashaa, oo ilmaheedana way dayrisaa, maxaa yeelay, meeshaasu caws ma leh innaba.
14:6b.JER.014.006 Oo dameerdibadeedyadana waxay istaagaan meelaha dhaadheer, oo waxay u hinraagaan sida dawacooyin oo kale. Indhahoodii way madoobaanayaan, maxaa yeelay, doog bay waayaan.
14:7b.JER.014.007 Rabbiyow, in kastoo ay xumaatooyinkayagu nagu marag furayaan, magacaaga aawadiis wax u samee, waayo, dibunoqoshadayadu way badan tahay, oo adigaannu kugu dembaabnay.
14:8b.JER.014.008 Rajadii reer binu Israa'iilow, Badbaadiyahoodii wakhtiga ay dhibaataysan yihiinow, bal maxaad dalka dhexdiisa ugu noqonaysaa qariib iyo sidii nin socdaal ah oo u soo leexda inuu habeen ku hoydo?
14:9b.JER.014.009 Bal maxaad u noqonaysaa sidii nin amankaagay, iyo sidii nin xoog badan oo aan waxba badbaadin karin? Laakiinse Rabbiyow, adigu waad na dhex joogtaa, oo annana magacaagaa naloogu yeedhaa, haddaba ha naga tegin.
14:10b.JER.014.010 Rabbigu wuxuu dadkan ka leeyahay, Waxay jeclaadeen inay warwareegaan, oo cagahoodana ma ay celin, sidaas daraaddeed Rabbigu iyaga ma aqbalo. Haatan wuu soo xusuusan doonaa xumaantoodii, oo dembiyadoodana wuu ciqaabi doonaa.
14:11b.JER.014.011 Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dadkan wax wanaagsan ha ugu ducayn.
14:12b.JER.014.012 Markay soomaan qayladooda innaba ma aan maqli doono, oo markay qurbaan la gubo iyo qurbaan hadhuudh ah ii soo bixiyaanna innaba ma aan aqbali doono, laakiinse waxaan iyaga ku baabbi'in doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo.
14:13b.JER.014.013 Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, bal eeg, nebiyadiiba waxay ku yidhaahdaan, Seef arki maysaan, abaaruna idinku dhici mayso, laakiinse waxaan meeshan idinku siin doonaa nabad hubaal ah.
14:14b.JER.014.014 Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Nebiyadu wax been ah ayay magacayga ku sii sheegaan. Anigu sooma aan dirin, soomana aan amrin, lamana aan hadlin innaba. Waxay idiin sii sheegaan riyo been ah, iyo faal, iyo wax aan waxba ahayn, iyo khiyaanadii qalbigooda.
14:15b.JER.014.015 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu nebiyadaas ka leeyahay, Nebiyada magacayga wax ku sii sheega, oo aanan soo dirin, laakiinse yidhaahda, Seef iyo abaar toona dalkan dhexdiisa laguma arki doono, waxaa baabbi'in doona seef iyo abaar.
14:16b.JER.014.016 Oo dadka ay wax u sii sheegaanna waxaa lagu tuuri doonaa jidadka Yeruusaalem, waana abaar iyo seef daraaddood, oo ciduna ma ay xabaali doonto iyaga, iyo naagahooda, iyo wiilashooda, iyo gabdhahoodaba, waayo, waxaan iyaga ku soo dejin doonaa xumaantoodii oo dhan.
14:17b.JER.014.017 Waxaad iyaga ku tidhaahdaa erayadan, Habeen iyo maalinba indhahayga ilmo ha ka hoorto, oo yaanay marnaba joogsan, waayo, dadkayga oo ah sida gabadh bikrad ah nabar weyn baa ku dhacay iyo dhaawac aad iyo aad u xun.
14:18b.JER.014.018 Haddaan duurka tago waxaan arkaa kuwa seef lagu laayay, oo haddaan magaalada galona waxaa arkaa kuwa gaajo la buka, waayo, nebiyadii iyo wadaaddadiiba dalkay ku dhex warwareegaan iyagoo aan aqoon lahayn.
14:19b.JER.014.019 Rabbiyow, aslanba dalka Yahuudah ma nacday? Naftaadu Siyoon ma karahday? Bal maxaad wax noogu dhufatay oo aannu u bogsan waynay? Nabad baannu filanaynay, laakiinse wax wanaagsanina ma iman, oo waxaannu filanaynay wakhti caafimaad leh, laakiinse waxaa noo timid cabsi keliya!
14:20b.JER.014.020 Rabbiyow, annagu waannu aqoonsannaa sharnimadayada iyo xumaantii awowayaashayoba, waayo, waannu kugu dembaabnay.
14:21b.JER.014.021 Magacaaga aawadiis waan ku baryayaaye, Ha na karaahsan oo arshigii sharaftaadana ha sharaf jebin, bal na soo xusuuso, oo ha nagu axdi furin.Sanamyada beenta ah oo quruumaha miyaa lagu arkaa mid roob keeni kara? Amase samooyinku miyey iska soo tiixi karaan? Rabbiyow Ilaahayagow, sow adigu ma tihid kan kara? Sidaas daraaddeed adiga uun baan ku sugaynaa, waayo, adigaa sameeyey waxyaalahaas oo dhan.
14:22b.JER.014.022 Sanamyada beenta ah oo quruumaha miyaa lagu arkaa mid roob keeni kara? Amase samooyinku miyey iska soo tiixi karaan? Rabbiyow Ilaahayagow, sow adigu ma tihid kan kara? Sidaas daraaddeed adiga uun baan ku sugaynaa, waayo, adigaa sameeyey waxyaalahaas oo dhan.
15
15:1b.JER.015.001 Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Xataa haddii Muuse iyo Samuu'eel ay hortayda soo istaagaan, qalbigaygu innaba dadkan uma soo noqon kareen. Hortayda ka fogee iyaga, oo iska daa ha tageene.
15:2b.JER.015.002 Oo markay kugu yidhaahdaan, Xaggee baannu tegaynaa? waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Kuwii dhimashadu waajib ku tahay xagga dhimashada ha tageen, kuwii seeftu xagga seefta, kuwii abaartu xagga abaarta, oo kuwii maxaabiisnimadu xagga maxaabiisnimada.
15:3b.JER.015.003 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan korkooda ku soo dayn doonaa belaayo afar cayn ah, waana in seeftu disho, oo eeydu kala dildillaacsadaan, oo haadka samada iyo dugaagga dhulku ay wada laastaan oo ay baabbi'iyaan.
15:4b.JER.015.004 Manaseh ina Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wixii uu Yeruusaalem ku dhex sameeyey daraaddood ayaan ka dhigi doonaa inay iyagu boqortooyooyinka dunida oo dhan ku dhex rogrogmadaan hore iyo dib.
15:5b.JER.015.005 Waayo, Yeruusaalemay, bal yaa kuu tudhi doona? Yaase kuu barooran doona? Yaase u soo leexan doona inuu sidaad tahay weyddiiyo?
15:6b.JER.015.006 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad iga tagtay, oo dib baad u noqotay, sidaas daraaddeed gacantaydaan kugu soo fidiyey, waanan ku baabbi'iyey, waayo, inaan ciqaabiddaada ka noqdo waan ka daalay.
15:7b.JER.015.007 Dalka irdihiisa ayaan iyaga masaf kaga haadiyey, waanan gablamiyey, dadkaygana waan baabbi'iyey, waayo, jidadkoodii kama ay soo noqon.
15:8b.JER.015.008 Tiradii carmalladooda waan ka sii badiyey cammuudda badaha, oo barbaarrada hooyooyinkood waxaan hadhkii ku soo daayay baabbi'iye. Waxaan si kedis ah ugu dejiyey cidhiidhi iyo cabsi.
15:9b.JER.015.009 Rabbigu wuxuu leeyahay, Tii toddoba wiil dhashay way caatowday, oo naftiina way ka baxday. Gabbalkeediina waa dhacay iyadoo ay weli maalin tahay. Way ceebowday, wayna wareertay, oo kuwooda hadhayna waxaan u gacangelin doonaa seefta cadaawayaashooda.
15:10b.JER.015.010 Anigaa iska hoogay, hooyoy, waxaad ii dhashay inaan dunida oo dhan u ahaado nin rabshad iyo dirir miidhan! Weligay ninna korsocod wax uma deymin, oo ninna korsocod wax kama deyman, laakiinse mid kastaaba waa i habaaraa.
15:11b.JER.015.011 Rabbigu wuxuu yidhi, Sida runta ah waad nabdoonaan doontaa, sida runta ah waxaan ka dhigi doonaa in cadowgu ku baryo wakhtigii masiibo jirto iyo wakhtigii dhib jiro.
15:12b.JER.015.012 Miyaa bir la jebin karaa, xataa birta woqooyi, iyo naxaasta?
15:13b.JER.015.013 Maalkaaga iyo khasnadahaaga waxaan u wada bixin doonaa sidii boolida aan loo iibsan, waana dembigaagii aad waddankaaga oo dhan ku dhex samaysay daraaddiis.
15:14b.JER.015.014 Oo waxaan ka dhigi doonaa inaad cadaawayaashaada ula gudubtid dal aadan innaba aqoonin, waayo, waxaa xanaaqaygii ka ololay dab idin gubi doona.
15:15b.JER.015.015 Rabbiyow, wax kastaba waad og tahay, haddaba bal i soo xusuuso, oo i soo booqo, oo iiga aargud kuwa i silcinaya. Ii dulqaado oo ha i fogayn. Ogow inaan aawadaa cay ugu adkaystay.
15:16b.JER.015.016 Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, erayadaadii waa la helay, oo waan cunay, oo erayadaadu waxay ii ahaayeen farxaddii iyo rayrayntii qalbigayga, waayo, magacaagaa la iigu yeedhaa.
15:17b.JER.015.017 Ma aanan dhex fadhiisan shirka kuwa wax ku qosla, oo ma aanan rayrayn innaba, laakiinse keligay baan gooni u fadhiistay gacantaada i dul saaran aawadeed, waayo, waxaad iga buuxisay dhirif.
15:18b.JER.015.018 Bal maxaa xanuunkaygu had iyo goor u sii jiraa, nabarkayguse bal muxuu la raysan waayaa, oo inuu bogsado u diidaa? Sida xaqiiqada ah ma waxaad ii noqonaysaa sidii durdur been ah, iyo sidii biyo sii gudhaya oo kale?
15:19b.JER.015.019 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad soo noqotid, waan ku soo celin doonaa, oo hortaydaad istaagi doontaa. Oo haddaad waxyaalaha qaaliga ah nijaasta ka soocdidna waxaad noqon doontaa sida afkayga oo kale. Iyagu waa inay kuu soo noqdaan, laakiinse adigu waa inaadan xaggooda u noqon.
15:20b.JER.015.020 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan dadkan kaaga dhigi doonaa derbi adag oo naxaas ah. Way kula diriri doonaan, laakiinse kaama ay adkaan doonaan innaba, waayo, waan kuula jiraa inaan ku badbaadsho oo aan ku samatabbixiyo.Oo waxaan kaa samatabbixin doonaa gacanta sharrowyada, waanan kaa badbaadin doonaa gacanta kuwa laga cabsado.
15:21b.JER.015.021 Oo waxaan kaa samatabbixin doonaa gacanta sharrowyada, waanan kaa badbaadin doonaa gacanta kuwa laga cabsado.
16
16:1b.JER.016.001 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid oo wuxuu igu yidhi,
16:2b.JER.016.002 Naag ha guursan, oo wiilal iyo gabdho toona meeshan ha ku yeelan.
16:3b.JER.016.003 Waayo, Rabbigu wuxuu ka leeyahay wiilasha iyo gabdhaha meeshan ku dhalan doona, iyo hooyooyinka iyaga dhali doona, iyo aabbayaasha iyaga dalkan ku dhex dhali doonaba,
16:4b.JER.016.004 Waxay u dhiman doonaan dhimasho xun, oo looma barooran doono, lamana xabaali doono, laakiinse sidii digo dhulka daadsan oo kale ayay noqon doonaan, oo waxay ku baabbi'i doonaan seef iyo abaar, oo baqtigooduna cunto buu u noqon doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulkaba.
16:5b.JER.016.005 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Gurigii tacsiyu taal ha gelin, iyaga ha u barooran, hana u tacsiyayn, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadkan nabaddaydii waan ka fogeeyey iyo xataa raxmad iyo naxariisba.
16:6b.JER.016.006 Oo kuwa waaweyn iyo kuwa yaryaruba dalkanay ku dhex dhiman doonaan. Lama xabaali doono, loomana barooran doono, laysumana googooyn doono, oo iyaga aawadoodna laysuma xiiri doono.
16:7b.JER.016.007 Oo ciduna iyaga uma jejebin doonto kibistii axanka inay uga tacsiyeeyaan kii dhintay, oo ciduna iyaga ma siin doonto koobkii tacsida inay aabbahood ama hooyadood u cabbaan.
16:8b.JER.016.008 Oo weliba waa inaadan innaba u gelin gurigii diyaafadu taal inaad iyaga la fadhiisatid oo aad wax la cuntid, waxna la cabtid.
16:9b.JER.016.009 Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogow, indhahaaga hortooda iyo wakhtiga aad nooshahay qudhiisa waxaan meeshan ka joojin doonaa codka rayraynta iyo codka farxadda, iyo codka arooska iyo codka aroosaddaba.
16:10b.JER.016.010 Oo markaad dadkan u sheegtid erayadan oo dhan oo ay kugu yidhaahdaan, Bal maxaa Rabbigu noogaga hadlay masiibadan weyn? Amase waa maxay xumaantayadu? Amase waa maxay dembigii aannu Rabbiga Ilaahayaga ah ku samaynay?
16:11b.JER.016.011 markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Awowayaashiin way iga tageen, oo waxay daba galeen ilaahyo kale, wayna u adeegeen oo caabudeen, oo anigana way iga tageen, oo sharcigaygiina ma ay dhawrin,
16:12b.JER.016.012 oo idinkuna waxaad samayseen shar ka sii daran kii ay awowayaashiin sameeyeen, waayo, bal eega, midkiin kastaaba wuxuu daba socdaa caasinimada qalbigiisa sharka ah, anigana ma aydaan maqlin.
16:13b.JER.016.013 Oo sidaas daraaddeed dalkan waan idinka xoori doonaa oo waxaan idinku dhex tuuri doonaa dal aydaan aqoonin idinka iyo awowayaashiin toona, oo halkaasaad ilaahyo kale ugu adeegi doontaan habeen iyo maalinba, oo aniguna innaba raalli idinkama ahaan doono.
16:14b.JER.016.014 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa soo socda wakhti aan mar dambe la odhan doonin, Waxaa nool Rabbigii reer binu Israa'iil dalkii Masar ka soo bixiyey,
16:15b.JER.016.015 laakiinse waxaa la odhan doonaa, Waxaa nool Rabbigii reer binu Israa'iil ka soo bixiyey dalkii woqooyi iyo dalalkii uu u kexeeyey oo dhan. Oo aniguna waxaan iyaga mar kale ku soo celin doonaa dalkoodii aan awowayaashood siiyey.
16:16b.JER.016.016 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan iyaga u soo diri doonaa kalluumaystayaal badan oo iyana way soo qabsan doonaan, oo haddana waxaan u soo diri doonaa ugaadhsadayaal badan, oo iyana way ka ugaadhsan doonaan buur kasta, iyo kur kasta, iyo boholaha dhagaxyada oo dhan.
16:17b.JER.016.017 Waayo, jidadkooda oo dhan indhahaan ku hayaa, oo igamana ay qarsoona, xumaantooduna kama ay daboolna indhahayga.
16:18b.JER.016.018 Marka ugu horraysa waxaan laba jibbaar uga abaal marin doonaa xumaantoodii iyo dembigoodii, maxaa yeelay, dalkaygii waxay ku nijaaseeyeen bakhtiyada sanamyadoodii la nacay, oo dhaxalkaygiina waxay ka buuxiyeen karaahiyadooda.
16:19b.JER.016.019 Rabbiyow, xooggaygii, iyo qalcaddaydii, iyo magangalkaygii aan maalinta dhibaatada magan galow, quruumuhu way kaaga iman doonaan dhulka darafyadiisa ugu shisheeya, oo waxay odhan doonaan, Sida xaqiiqada ah awowayaashayo waxba ma dhaxlin been, iyo wax aan waxtar lahayn, iyo waxyaalo aan innaba faa'iido lahayn mooyaane.
16:20b.JER.016.020 Bal nin miyuu samaysan karaa ilaahyo aan Ilaah ahayn?Sidaas daraaddeed bal ogaada, waxaan iyaga ogeysiin doonaa gacantayda iyo xooggayga, markan keliya ayaan ogeysiin doonaa, oo waxay ogaan doonaan in magacaygu Rabbi yahay.
16:21b.JER.016.021 Sidaas daraaddeed bal ogaada, waxaan iyaga ogeysiin doonaa gacantayda iyo xooggayga, markan keliya ayaan ogeysiin doonaa, oo waxay ogaan doonaan in magacaygu Rabbi yahay.
17
17:1b.JER.017.001 Dembigii dadka Yahuudah waxaa lagu qoray qalin bir ah iyo caarad dheemman, oo waxaa lagu xardhay looxa qalbigooda iyo geesaha meelahooda allabariga,
17:2b.JER.017.002 inta ay carruurtoodu xusuusan yihiin meelahoodii allabariga iyo geedahoodii Asheeraah ee ku yiil geedaha cagaarka ah dhinacooda iyo kuraha dhaadheer dushooda.
17:3b.JER.017.003 Buurtayda duurka ku dhex taalay, maalkaaga iyo khasnadahaaga oo dhan, iyo meelahaaga dhaadheer, waxaan booli ahaan uga bixin doonaa soohdimahaaga oo dhan dembigaaga aawadiis.
17:4b.JER.017.004 Oo adiga qudhaadu waad sii dayn doontaa dhaxalkii aan ku siiyey, oo inaad cadaawayaashaada ugu adeegtid dal aadan weligaa aqoonin ayaan ka dhigi doonaa, waayo, waxaad cadhadaydii ku dhex shidday dab weligiisba sii ololaya.
17:5b.JER.017.005 Rabbigu wuxuu leeyahay, Ninkii nin isku halleeya oo binu-aadmiga gacan ka dhigta, oo qalbigiisu Rabbiga ka tegey, waa inkaaran yahay.
17:6b.JER.017.006 Waayo, wuxuu ahaan doonaa sida geed xun oo lamadegaanka ku yaal, oo mana uu arki doono markii wanaag imanayo, laakiinse wuxuu joogi doonaa meelo engegan oo cidlada dhexdeeda ah, oo ah dal cusba ah oo aan ciduna degganayn.
17:7b.JER.017.007 Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga isku halleeya, oo rajadiisuna ay Rabbiga tahay.
17:8b.JER.017.008 Waayo, wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray biyaha dhinacooda oo xididdihiisa u fidsaday webiga dhiniciisa, oo kulaylku markuu yimaado kama cabsan doono, laakiinse caleentiisu cagaar bay iska ahaan doontaa, oo sannadda abaarta ah innaba ma uu welweli doono, mana uu joojin doono midhobixintiisa.
17:9b.JER.017.009 Qalbiga dadku wax kasta buu ka khiyaano badan yahay, oo aad iyo aad buu u xun yahay, bal yaa garan kara?
17:10b.JER.017.010 Aniga Rabbiga ah ayaa qalbiga baadha, anigaa kelyaha imtixaama, si aan nin kastaba ugu abaal mariyo sidii jidkiisu ahaa iyo sidii midhaha falimihiisu ahaayeen.
17:11b.JER.017.011 Kii si aan xaq ahayn maal ku soo urursadaa wuxuu la mid yahay digaagduurta ku dul fadhida ugxan ayan dhalin, oo wuxuu ka tegi doonaa kalabadhka cimrigiisa, oo ugudambaystiisana nacas buu ahaan doonaa.
17:12b.JER.017.012 Meeshayada quduuska ahu waa carshi sharaf badan oo tan iyo bilowgii sarreeyey.
17:13b.JER.017.013 Rabbiyow, rajadii reer binu Israa'iilow, kuwa kaa taga oo dhammu way wada ceeboobi doonaan. Kuwii iga taga dhulkaa lagu qori doonaa, waayo, waxay ka tageen Rabbiga ah ishii biyaha nool.
17:14b.JER.017.014 Rabbiyow, i bogsii, oo anna waan bogsan doonaa, i badbaadi, oo anna waan badbaadi doonaa, waayo, adigu waxaad tahay ammaantaydii.
17:15b.JER.017.015 Bal eeg, iyagu waxay igu yidhaahdaan, Eraygii Rabbigu meeh? Haddaba haatan ha yimaado!
17:16b.JER.017.016 Inaan ku addeeco oo aan adhijir sii ahaado kama aanan degdegin, oo maalinta hooggana ma aanan jeclaysan. Taas waad og tahay. Oo wax alla wixii bushimahayga ka soo baxayba hortaadaan ku idhi.
17:17b.JER.017.017 Cabsi ha ii noqonin, waayo, maalinta masiibada waxaad tahay magangalkii aan magan galo.
17:18b.JER.017.018 Kuwa i silciya ha ceeboobeen, laakiinse anigu yaanan ceeboobin, oo iyagu ha nexeen, laakiinse anigu yaanan nixin. Maalinta masiibada ku soo deji, oo waxaad iyaga ku halligtaa halligaad laba jibbaar ah.
17:19b.JER.017.019 Rabbigu wuxuu igu yidhi, Tag oo waxaad istaagtaa iridda dadka oo ay boqorrada dalka Yahuudah ka soo galaan kana baxaan, iyo weliba irdaha Yeruusaalem oo dhanba.
17:20b.JER.017.020 Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Bal erayga Rabbiga maqla, boqorrada dalka Yahuudah, iyo dadka Yahuudah oo dhan, iyo dadka Yeruusaalem deggan oo irdahan ka soo gala oo dhammow.
17:21b.JER.017.021 Rabbigu wuxuu leeyahay, Isdhawra, oo maalinta sabtida innaba rar ha qaadina, oo irdaha Yeruusaalemna ha soo gelinina,
17:22b.JER.017.022 oo maalinta sabtidana guryihiinna rar ha ka bixinina, oo innaba wax shuqul ah ha samaynina, laakiinse maalinta sabtida waxaad quduus uga dhigtaan sidaan awowayaashiin ku amray.
17:23b.JER.017.023 Laakiinse ma ay maqlin, oo dhegna uma ay dhigin, illowse way madax adkaadeen, si ayan u maqlin, ama ayan waano u qaadan.
17:24b.JER.017.024 Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad aad ii maqashaan, oo aydaan maalinta sabtida innaba rar soo gelin irdaha magaaladan, laakiinse aad maalinta sabtida quduus ka dhigtaan, oo aydaan maalintaas innaba wax shuqul ah samayn,
17:25b.JER.017.025 markaas boqorro iyo amiirro carshigii Daa'uud ku fadhiisan doona ayaa irdaha magaaladan soo geli doona iyagoo fuushan gaadhifardood iyo fardo, iyaga, iyo amiirradooda, iyo dadka dalka Yahuudah, iyo kuwa Yeruusaalem degganba, oo magaaladanna weligeedba waa la sii degganaan doonaa.
17:26b.JER.017.026 Oo waxay ka iman doonaan magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo meelaha Yeruusaalem ku wareegsan, iyo dalka reer Benyaamiin, iyo dalka hoose, iyo buuraha, iyo xagga koonfureedba, oo waxay guriga Rabbiga keeni doonaan qurbaanno la gubo, iyo allabaryo, iyo qurbaanno hadhuudh ah, iyo foox, iyo allabaryo mahadnaqid loo keeno.Laakiinse haddaad i maqli weydaan inaad maalinta sabtida quduus ka dhigtaan, iyo inaydaan maalinta sabtida rar qaadin markaad irdaha Yeruusaalem soo gelaysaan, markaas anigu dab baan ku sii dayn doonaa irdaheeda, oo isna wuxuu baabbi'in doonaa daaraha waaweyn oo Yeruusaalem, oo innaba lama demin doono.
17:27b.JER.017.027 Laakiinse haddaad i maqli weydaan inaad maalinta sabtida quduus ka dhigtaan, iyo inaydaan maalinta sabtida rar qaadin markaad irdaha Yeruusaalem soo gelaysaan, markaas anigu dab baan ku sii dayn doonaa irdaheeda, oo isna wuxuu baabbi'in doonaa daaraha waaweyn oo Yeruusaalem, oo innaba lama demin doono.
18
18:1b.JER.018.001 Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh,
18:2b.JER.018.002 Kac, oo waxaad tagtaa guriga dheryasameeyaha, oo halkaasaan erayadayda kugu maqashiin doonaa.
18:3b.JER.018.003 Markaasaan xaggii gurigii dheryasameeyaha tegey, oo bal eeg, waxaan arkay isagoo giringiro shuqulkiisa ku samaynaya.
18:4b.JER.018.004 Oo markii weelkii uu dheryasameeyuhu dhoobada ka samaynayay gacantiisii ku kharribmay ayuu dheryasameeyihii haddana weel kale sameeyey sidii isaga la wanaagsanayd.
18:5b.JER.018.005 Markaas waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh,
18:6b.JER.018.006 Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iilow, miyaanan idinku samayn karin sida dheryasameeyuhu yeelay oo kale? Dadka Israa'iilow, bal ogaada, idinku waxaad gacantayda ugu jirtaan sida dhoobadu gacanta dheryasameeyaha ugu jirto oo kale.
18:7b.JER.018.007 Mar alla markaan ku hadlo wax ku saabsan quruun ama boqortooyo, inaan iyaga rujiyo, oo aan dumiyo, oo aan baabbi'iyo,
18:8b.JER.018.008 haddii dadka quruuntaas aan ka hadlay ay sharkooda ka soo noqdaan, aniguna waan ka soo noqon doonaa masiibadii aan ku fikiray inaan ku sameeyo.
18:9b.JER.018.009 Oo mar alla markaan ku hadlo wax ku saabsan quruun ama boqortooyo inaan iyada dhiso oo aan beero,
18:10b.JER.018.010 hadday wax shar ah hortayda ku sameeyaan, oo ay codkayga addeeci waayaan, markaas anigu waan ka soo noqon doonaa wanaaggii aan ugu talo galay.
18:11b.JER.018.011 Haddaba sidaas daraaddeed tag, oo waxaad la hadashaa dadka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem deggan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu masiibaan idiin qabanqaabinayaa, oo hindisaan idiin hindisayaa. Haddaba midkiin kastaaba jidkiisa sharka ah ha ka soo noqdo, oo jidadkiinna iyo falimihiinnaba wanaajiya.
18:12b.JER.018.012 Laakiinse iyagu waxay leeyihiin, Taas ha ka yaabin, annagu waxaannu iska daba soconaynaa hindisooyinkayaga, oo midkayo kastaaba wuxuu samayn doonaa caasinimada qalbigiisa sharka ah.
18:13b.JER.018.013 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruumaha waxaad ka dhex weyddiisaan, Bal yaa waxyaalahan oo kale maqlay? Dadka Israa'iil oo bikrad ah waxay sameeyeen wax aad iyo aad u xun.
18:14b.JER.018.014 Barafka cad ee Lubnaan miyaa laga waayaa dhagaxa duurka? Miyaase biyaha qabow oo meel fog ka soo qulqulaya iska gudhaan?
18:15b.JER.018.015 Hase ahaatee dadkaygii way i illoobeen, oo waxay foox u shideen waxyaalo aan waxba ahayn, oo waxay ku dhex turunturoodeen jidadkoodii ahaa waddooyinkii hore, wayna ka leexdeen, oo waxay ku socdeen dhabbayaal qalloocan iyo jid aan jidka weyn ahayn,
18:16b.JER.018.016 si ay dalkoodii uga dhigaan cidla laga yaabo iyo wax had iyo goorba lagu foodhyo. Mid kasta oo ag maraaba wuu yaabi doonaa, oo madaxuu luli doonaa.
18:17b.JER.018.017 Anigu waxaan iyaga cadowgooda ugu hor firdhin doonaa sidii iyagoo dabayl bari kaxaysay, oo maalintii masiibadoodana waxaan u jeedin doonaa dhabarka, oo innaba wejiga tusi maayo.
18:18b.JER.018.018 Oo markaas waxay yidhaahdeen, Ina keena aynu Yeremyaah shirqool u hindisnee, waayo, sharcigu wadaadka ka tegi maayo, oo taladuna kii xigmad leh ka tegi mayso, oo erayguna nebiga ka tegi maayo. Ina keena aynu isaga carrabka ku dhufannee, oo erayadiisana yeynan innaba dheg u dhigin.
18:19b.JER.018.019 Rabbiyow, bal i maqal, oo bal dhegayso kuwa ila diriraya codkooda.
18:20b.JER.018.020 Wanaag miyaa loogu abaalgudaa shar? Waayo, iyagu god bay u qodeen naftayda. Bal xusuuso inaan hortaada u istaagay inaan iyaga aawadood wanaag kaa baryo, iyo inaan cadhadaada iyaga ka leexiyo.
18:21b.JER.018.021 Haddaba sidaas daraaddeed carruurtooda abaar u gacangeli, oo waxaad iyaga u gudbisaa xoogga seefta, oo naagahooduna ha gablameen, oo carmallo ha noqdeen, oo raggoodana ha la laayo, oo barbaarradoodana seef ha lagu dilo dagaalka dhexdiisa.
18:22b.JER.018.022 Markaad col sii dhaqsiya ugu soo daysid, qaylo ha ka dhex yeedho guryahooda, waayo, god bay ii qodeen, oo shirqool bay cagahayga u qariyeen.Rabbiyow, adigu waad og tahay taladooda oo dhan iyo siday u doonayaan inay i dilaan. Xumaantooda ha ka cafiyin, oo dembigoodana hortaada ha ka tirtirin, laakiinse hortaada ha lagu afgembiyo, oo wakhtiga cadhadaadana sidaas ula macaamilo.
18:23b.JER.018.023 Rabbiyow, adigu waad og tahay taladooda oo dhan iyo siday u doonayaan inay i dilaan. Xumaantooda ha ka cafiyin, oo dembigoodana hortaada ha ka tirtirin, laakiinse hortaada ha lagu afgembiyo, oo wakhtiga cadhadaadana sidaas ula macaamilo.
19
19:1b.JER.019.001 Rabbigu wuxuu igu yidhi, Tag, oo dheryasameeye jalxaddiis soo iibso, oo intaad qaar ka mid ah odayaasha dadka iyo odayaasha wadaaddada soo kaxaysid,
19:2b.JER.019.002 waxaad tagtaa dooxada ina Xinnom oo u dhow meesha laga soo galo iridda Xarsiid, oo halkaas erayada aan kuu sheegi doono ka naadi,
19:3b.JER.019.003 adoo leh, Boqorrada dalka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalem degganow, bal maqla erayga Rabbiga. Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, meeshan masiibaan ku soo dejin doonaa, oo ku alla kii maqlaaba wuu ka nixi doonaa.
19:4b.JER.019.004 Iyagu way iga tageen, oo intay meeshan nijaaseeyeen, ayay foox ugu shideen ilaahyo kale oo iyaga, iyo awowayaashood, iyo boqorrada dalka Yahuudahba ayan aqoon, oo waxay meeshan ka buuxiyeen dhiigga kuwa aan xaqa qabin.
19:5b.JER.019.005 Oo waxay dhiseen meelaha sarsare ee Bacal inay wiilashooda dab ku gubaan oo ay Bacal qurbaanno la gubo ugu bixiyaan, taasoo aanan ku amrin, oo aanan ku hadlin, oo aan innaba qalbigayga soo gelin.
19:6b.JER.019.006 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti aan meeshan mar dambe loogu yeedhi doonin Tofed, amase dooxadii ina Xinnom, laakiinse waxaa lagu magacaabi doonaa Dooxadii Gowracidda.
19:7b.JER.019.007 Oo waxaan meeshan ka tirtiri doonaa talada dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba, oo waxaan ka dhigi doonaa inay cadaawayaashooda hortooda ku la'daan oo ay ku dhintaan gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo bakhtigoodana waxaan cunto ahaan u siin doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulka.
19:8b.JER.019.008 Oo magaaladanna waxaan ka dhigi doonaa cidla laga yaabo iyo wax lagu foodhyo, oo mid kasta oo ag maraaba wuu ka yaabi doonaa oo ku foodhyi doonaa belaayooyinkeeda oo dhan aawadood.
19:9b.JER.019.009 Oo waxaan ka dhigi doonaa inay cunaan hilibka wiilashooda iyo hilibka gabdhahoodaba, oo midkood kastaaba wuxuu cuni doonaa hilibka saaxiibkiis markii dagaal lagu hareereeyo oo ay ku cidhiidhsanaadaan cidhiidhiga cadaawayaashooda iyo kuwa naftooda doondoonaya ay ku cidhiidhin doonaan.
19:10b.JER.019.010 Oo markaas jalxadda waxaad ku jebisaa raggii kula socda hortooda.
19:11b.JER.019.011 Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dadkan iyo magaaladanba waxaan u jejebin doonaa sida weelka dheryasameeyaha loo jebiyo oo kale, kaasoo aan mar kale la kabi karayn, oo waxaa meydadkooda lagu wada xabaali doonaa Tofed, ilamaa ay waayaan meel ay ku kala xabaalaan.
19:12b.JER.019.012 Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaasaan meeshan ku samayn doonaa, iyada iyo dadka dhex degganba, oo magaaladanna waxaan ka dhigi doonaa sida Tofed oo kale,
19:13b.JER.019.013 oo guryaha Yeruusaalem iyo guryaha boqorrada dalka Yahuudah ee nijaasaysan waxay u ahaan doonaan sida meesha Tofed oo kale, xataa guryahaas oo ah kuwii saqafkooda oo dhan foox loogu shidi jiray ciidammada samada oo dhan, oo qurbaanno cabniin ah loogu bixin jiray ilaahyo kale.
19:14b.JER.019.014 Markaas Yeremyaah wuxuu ka yimid Tofed oo ah meeshii Rabbigu u diray inuu wax ku sii sheego, oo intuu barxaddii guriga Rabbiga soo istaagay ayuu dadkii oo dhan ku yidhi,Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan magaaladan iyo tuulooyinkeeda oo dhanba ku soo dayn doonaa masiibadii aan markii hore kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, way sii madax adkaadeen, si ayan erayadayda u maqlin aawadeed.
19:15b.JER.019.015 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan magaaladan iyo tuulooyinkeeda oo dhanba ku soo dayn doonaa masiibadii aan markii hore kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, way sii madax adkaadeen, si ayan erayadayda u maqlin aawadeed.
20
20:1b.JER.020.001 Haddaba Fashxuur ina Immeer oo ahaa wadaadkii iyo taliyihii sare ee guriga Rabbiga ayaa maqlay Yeremyaah oo waxyaalahaas sii sheegaya.
20:2b.JER.020.002 Markaasaa Fashxuur garaacay Yeremyaah, oo wuxuu geliyey jeebbooyinkii ku yiil iridda sare oo reer Benyaamiin, oo ku tiil guriga Rabbiga.
20:3b.JER.020.003 Oo maalintii dambe Fashxuur ayaa Yeremyaah jeebbooyinkii ka soo bixiyey. Markaasaa Yeremyaah isagii ku yidhi, Rabbigu magacaaga uguma yeedhin Fashxuur, laakiinse wuxuu kugu magacaabay Maagoor Misaabiib.
20:4b.JER.020.004 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan cabsi kaaga dhigi doonaa nafsaddaada iyo saaxiibbadaa oo dhanba. Iyana waxay ku dhiman doonaan seefta cadaawayaashooda, oo indhahaaguna taas bay arki doonaan. Oo dadka dalka Yahuudah oo dhanna waxaan gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna wuxuu iyaga maxaabiis ahaan ugu kaxaysan doonaa ilaa Baabuloon, oo seef buu ku layn doonaa.
20:5b.JER.020.005 Oo weliba magaaladan maalkeeda oo dhan, iyo waxyaalihii ay ku hawshootay oo dhan, iyo waxyaalaheeda qaaliga ah oo dhan, iyo khasnadaha boqorrada dalka Yahuudah oo dhanba, waxaan u gacangelin doonaa cadaawayaashooda, oo iyana way boobi doonaan, oo intay kaxaystaan ayay Baabuloon wareejin doonaan.
20:6b.JER.020.006 Fashxuurow, adiga iyo inta gurigaaga deggan oo dhanba maxaabiis ahaan baa laydiin wada kaxaysan doonaa, oo waxaad tegi doontaa Baabuloon, oo halkaasaad ku dhiman doontaa, oo halkaasaa lagugu xabaali doonaa, adiga, iyo saaxiibbadaadii aad wax been ah u sii sheegi jirtay oo dhanba.
20:7b.JER.020.007 Rabbiyow, waad i khiyaanaysay, oo waa lay khiyaaneeyey, adigu waad iga xoog badan tahay, oo waad iga adkaatay. Maalin kasta waa laygu qoslaa, oo mid kastaaba waa i yaraystaa.
20:8b.JER.020.008 Waayo, mar alla markaan hadlaba waan qayliyaa, oo waxaan ku dhawaaqaa, Waa dulmi iyo kharribaad, maxaa yeelay, eraygii Rabbigu wuxuu ii noqday sabab ay maalinta oo dhan igu caayaan oo iigu qoslaan.
20:9b.JER.020.009 Oo haddaan idhaahdo, Isaga ka hadli maayo, oo mar dambe magiciisa wax ku sheegi maayo, waxaa qalbigayga ku jira wax dab ololaya la moodo oo lafahayga ku dheggan, oo waxaan la daalay hadalka.
20:10b.JER.020.010 Waayo, waxaan maqlay kuwa badan oo i caayaya, iyo cabsi dhan kasta iga wareegsan. Oo waxay yidhaahdaan, Soo ashtakeeya oo annana waannu ashtakaynaynaa. Kuwii ila nabad ahaa oo dhammu waxay sugayaan dhiciddayda, oo waxay yidhaahdaan, Mindhaa isaga waa la khiyaanayn doonaa, oo waannu ka adkaan doonnaa, oo waannu aargudan doonnaa.
20:11b.JER.020.011 Laakiinse Rabbigu waa ila jiraa isagoo ah sidii mid xoog badan oo cabsi leh, oo sidaas daraaddeed kuwa i silciyaa way turunturoon doonaan, oo igama ay adkaan doonaan. Ma ay liibaanin oo taas daraaddeed aad iyo aad bay ugu ceeboobi doonaan ceeb weligeed ah oo aan marnaba la illoobi doonin.
20:12b.JER.020.012 Laakiinse Rabbiga ciidammadow, waxaad tahay kan kii xaqa ah imtixaama, oo waxaad fiirisaa kelyaha iyo qalbigaba, haddaba bal i tus aargudashadaada oo iyaga ku kor dhacaysa, waayo, adigaan dacwadaydii ku soo ban dhigay.
20:13b.JER.020.013 Rabbiga u gabya, oo Rabbiga ammaana, waayo, isagaa naftii miskiinka ka samatabbixiyey gacantii xumaanfalayaasha.
20:14b.JER.020.014 Ha inkaarnaato maalintii aan dhashay, oo maalintii hooyaday i dhashayna yaanay barakoobin.
20:15b.JER.020.015 Ha inkaarnaado ninkii aabbahay u bishaareeyey, oo isagoo ka farxinaya ku yidhi, Wiil baa kuu dhashay!
20:16b.JER.020.016 Oo ninkaasu ha noqdo sidii magaalooyinkii Rabbigu afgembiyey oo uusan u qoomamoon. Oo aroortii oohin ha maqlo, oo hadhkiina qaylo digtooneed ha maqlo,
20:17b.JER.020.017 maxaa yeelay, isagu iguma dhex dilin uurkii hooyaday, si ay hooyaday igu ahaato qabrigaygii, oo uu uurkeeduna u weynaado weligiisba.Bal maxaan uurkii hooyaday uga soo baxay si aan hawl iyo murug u arko, oo uu cimrigaygu ceeb ugu dhammaado?
20:18b.JER.020.018 Bal maxaan uurkii hooyaday uga soo baxay si aan hawl iyo murug u arko, oo uu cimrigaygu ceeb ugu dhammaado?
21
21:1b.JER.021.001 Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, markii Boqor Sidqiyaah uu isaga u soo diray Fashxuur ina Malkiiyaah, iyo Safanyaah ina Macaseeyaah oo wadaadka ahaa, isagoo leh,
21:2b.JER.021.002 Waan ku baryayaaye, bal Rabbiga wax noo weyddii, waayo, Nebukadresar oo ah boqorkii Baabuloon ayaa nala diriraya. Waxaa suurtowda in Rabbigu nagula macaamiloodo shuqulladiisa yaabka badan oo dhan, si uu cadowgu nooga noqdo.
21:3b.JER.021.003 Markaas Yeremyaah wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad Sidqiyaah ku tidhaahdaan:
21:4b.JER.021.004 Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogow, dib baan u celin doonaa hubka dagaalka ee gacantiinna ku jira ee aad kula diriraysaan boqorka Baabuloon, iyo reer Kaldayiinka derbiyada dibaddooda idinku hareeraynaya, oo iyagaan magaaladan dhexdeeda ku soo ururin doonaa.
21:5b.JER.021.005 Oo aniga qudhaydu waxaan idinkula diriri doonaa gacan fidsan iyo cudud xoog badan, anoo xanaaqsan oo cadhaysan oo aad u dhirifsan.
21:6b.JER.021.006 Oo wax baan ku dhufan doonaa waxa magaaladan deggan, dad iyo duunyaba, oo waxay ku le'an doonaan belaayo weyn.
21:7b.JER.021.007 Oo waxaa Rabbigu leeyahay, Dabadeed Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, iyo addoommadiisa, iyo dadka oo ah intii magaaladan ku hadhay oo belaayada, iyo seefta, iyo abaartaba ka caymatay, waxaan gelin doonaa gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, iyo gacanta cadaawayaashooda, iyo gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo isna seef buu ku layn doonaa, oo innaba uma tudhi doono, umana nixi doono, umana naxariisan doono.
21:8b.JER.021.008 Oo dadkanna waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan idin hor dhigayaa jidka nolosha iyo jidka geerida.
21:9b.JER.021.009 Kii magaaladan sii joogaaba wuxuu ku dhiman doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, laakiinse kii baxa oo reer Kaldayiinka idin hareeraynaya u galaa wuu noolaan doonaa, oo naftiisu waxay isaga u ahaan doontaa sida booli oo kale.
21:10b.JER.021.010 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Wejigaygaan magaaladan ugu jeediyey inaan masiibo ku sameeyo ee ma aha wanaag. Waxay gacanta u geli doontaa boqorka Baabuloon, oo isna dab buu ku gubi doonaa.
21:11b.JER.021.011 Erayga Rabbiga ee ku saabsan reerka boqorka dalka Yahuudah maqla.
21:12b.JER.021.012 Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Daa'uudow, aroortii caddaalad sameeya, oo kii la dhacay kii dulmay ka samatabbixiya, si ayan cadhadaydu u soo bixin sidii dab oo kale, oo ayan u hurin si aan innaba loo demin sharka falimihiinna aawadiis.
21:13b.JER.021.013 Rabbigu wuxuu leeyahay, Ogaada, col baan idinla ahay, kuwiinna dooxada iyo dhagaxa bannaanka deggan ee yidhaahda, Bal yaa nagu soo dhaadhici kara, amase yaa rugtayada soo geli kara?Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idiin ciqaabi doonaa siday midhaha falimihiinnu ahaayeen, oo dab baan kaynta oo dhan ku dayn doonaa, oo wuxuu baabbi'in doonaa waxyaalaha hareeraha ku yaal oo dhan.
21:14b.JER.021.014 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idiin ciqaabi doonaa siday midhaha falimihiinnu ahaayeen, oo dab baan kaynta oo dhan ku dayn doonaa, oo wuxuu baabbi'in doonaa waxyaalaha hareeraha ku yaal oo dhan.
22
22:1b.JER.022.001 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad u dhaadhacdaa guriga boqorka dalka Yahuudah, oo halkaas eraygan kaga hadal,
22:2b.JER.022.002 oo waxaad tidhaahdaa, Boqorka dalka Yahuudah ee carshiga Daa'uud ku fadhiyow, bal erayga Rabbiga maqal, adiga iyo addoommadaada iyo dadkaaga irdahan soo galow, wada maqla.
22:3b.JER.022.003 Rabbigu wuxuu leeyahay, Caddaalad iyo xaqnimo sameeya, oo kii la dhacay kii dulmay ka samatabbixiya, oo ha dulminina, hana xumaynina, hana wax yeelina qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka toona, oo meeshanna dhiig aan xaq qabin ha ku daadinina.
22:4b.JER.022.004 Waayo, sida xaqiiqada ah idinku haddaad waxyaalahan samaysaan, markaas boqorro carshigii Daa'uud ku fadhiisan doona ayaa irdaha gurigan soo geli doona, iyagoo fuushan gaadhifardood iyo fardo, iyaga, iyo addoommadooda iyo dadkooduba.
22:5b.JER.022.005 Laakiinse haddaad erayadan maqli weydaan, Rabbigu wuxuu leeyahay, Nafsaddaydaan ku dhaartaye guriganu cidluu noqon doonaa.
22:6b.JER.022.006 Waayo, Rabbigu wuxuu ku leeyahay reerka boqorka Yahuudah, Adigu waxaad ii tahay sida Gilecaad iyo sida Buur Lubnaan dhaladeeda oo kale, laakiinse sida xaqiiqada ah waxaan kaa dhigi doonaa cidla, iyo sida magaalooyin aan ciduna degganayn oo kale.
22:7b.JER.022.007 Oo waxaan kuu diyaarin doonaa kuwa ku baabbi'inaya oo midkood kastaaba hubkiisii sito, oo geedahaaga la doortay oo kedarka ah way jari doonaan, oo dab bay ku dhex tuuri doonaan.
22:8b.JER.022.008 Oo quruumo badan baa magaaladan soo ag mari doona, oo midkood kastaaba wuxuu deriskiisa ku odhan doonaa, Rabbigu muxuu sidan magaaladan weyn ugu galay?
22:9b.JER.022.009 Oo iyana waxay ugu jawaabi doonaan, Maxaa yeelay, axdigii Rabbiga Ilaahooda ah ayay ka tageen, oo waxay caabudeen oo u adeegeen ilaahyo kale.
22:10b.JER.022.010 Kii dhintay ha u ooyina, hana u barooranina, laakiinse waxaad aad ugu ooydaan kii dhoofa, waayo, isagu mar dambe ma soo noqon doono, oo dalkiisii hooyo ee uu ku dhashayna ma uu arki doono.
22:11b.JER.022.011 Waayo, Rabbigu wuxuu ka leeyahay Shalluum ina Yoosiyaah oo ahaa boqorkii Yahuudah, kaasoo boqor ka noqday meeshii aabbihiis Yoosiyaah, oo meeshan ka baxay, Isagu mar dambe halkan kuma soo noqon doono,
22:12b.JER.022.012 laakiinse wuxuu ku dhiman doonaa meeshii ay isaga maxaabiis ahaan ugu kaxaysteen, oo dalkan mar dambe ma uu arki doono.
22:13b.JER.022.013 Waxaa iska hoogay ninka gurigiisa xaqdarro ku dhistaa, oo qolalkiisana caddaaladdarro ku dhista, oo intuu deriskiisa adeegsado aan mushahaaro siin, oo aan shuqulkiisii waxba u siin,
22:14b.JER.022.014 oo yidhaahda, Anigu waxaan dhisan doonaa guri ballaadhan iyo qolal waaweyn, oo daaqado samaysta, oo saqafkiisa hoose ka dhiga qoryo kedar ah, oo rinji cas mariya.
22:15b.JER.022.015 Ma waxaad u malaynaysaa inaad boqor tahay qoryo kedar ah oo aad ku loollamaysid aawadood? Aabbahaa isagoo wax cunaya oo wax cabbaya miyuusan caddaalad iyo xaqnimo samayn jirin? Oo markaas isagu sow ma nabdoonayn?
22:16b.JER.022.016 Isagu miskiinka iyo saboolka baahan buu u garsoori jiray, oo markaasuu nabdoonaa. Rabbigu wuxuu leeyahay, In lay aqoonsado sow taasu ma aha?
22:17b.JER.022.017 Laakiinse indhahaaga iyo qalbigaagu waxay keliyahoo u diyaar yihiin faa'iidadaada xaqdarrada ah, iyo inay dhiig aan xaq qabin daadiyaan, iyo inay dulmi iyo waxyeelid sameeyaan.
22:18b.JER.022.018 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ka leeyahay Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, Isaga looma barooran doono, iyagoo leh, Hoogay walaalkayow, amase Hoogay walaashayay! Oo isaga looma barooran doono iyagoo leh, Hoogay sayidow, amase Hoogay isagu sharaf badnaaye!
22:19b.JER.022.019 Isaga waxaa loo xabaali doonaa sida dameer loo xabaalo oo kale, oo inta la jiido ayaa irdaha Yeruusaalem dibadda looga bixin doonaa.
22:20b.JER.022.020 Lubnaan u kac oo halkaas ka qayli, oo Baashaan codkaaga kor ugu qaad, oo Cabaariim ka qayli, waayo, kuwii ku jeclaa oo dhan waa la wada baabbi'iyey.
22:21b.JER.022.021 Markaad barwaaqaysnayd waan kula hadlay, laakiinse waxaad tidhi, Innaba ku maqli maayo. Oo tan iyo yaraantaadiina sidaasaad ahayd, oo codkaygana ma aadan addeecin.
22:22b.JER.022.022 Dabaysha ayaa wada qaadi doonta daajiyayaashaada oo dhan, oo kuwa ku jecelna maxaabiis ahaan baa loo wada kaxaysan doonaa. Sida xaqiiqada ah markaas waad ceeboobi doontaa oo waxaad ku sharaf jabi doontaa sharnimadaadii aawadeed oo dhan.
22:23b.JER.022.023 Kuwiinna Lubnaan deggan oo geedaha kedarka ah buulka ka samaystow, aad baad ugu taahi doontaan markii xanuun idin qabto sida naag foolanaysa oo kale!
22:24b.JER.022.024 Rabbigu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, xataa haddii Konyaah ina Yehooyaaqiim oo ah boqorka dalka Yahuudah uu ahaan lahaa katuunka gacantayda midig, xataa markaas waan kaa rujin lahaa meeshan.
22:25b.JER.022.025 Oo waxaan kuu gelin doonaa gacanta kuwa naftaada doondoonaya, iyo gacanta kuwa aad ka baqaysid, oo ah Nebukadresar oo boqorka Baabuloon ah, iyo reer Kaldayiin.
22:26b.JER.022.026 Oo adiga iyo hooyadaadii ku dhashayba waxaan ku dhex xoori doonaa dal aydaan ku dhalan, oo halkaasaad ku dhiman doontaan.
22:27b.JER.022.027 Laakiinse dalka ay u xiisoonayaan inay ku noqdaan, halkaas innaba kuma ay soo noqon doonaan.
22:28b.JER.022.028 Ninkan Konyaah ahu ma dheri jabay oo la nacay baa? Ma weel aan la doonayn baa? Bal maxaa isaga iyo farcankiisiiba loo tuuray, oo maxaa loogu dhex xooray dal ayan innaba aqoonin?
22:29b.JER.022.029 Dhulkow, dhulkow, dhulkow, bal erayga Rabbiga maqal.Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad ninkan ku qortaan sidii madhalays oo kale iyo nin aan cimrigiis liibaanayn, waayo, isaga farcankiisa ninna ka liibaani maayo inuu carshigii Daa'uud ku dul fadhiisto, oo uu dalka Yahuudah mar dambe ka dhex taliyo.
22:30b.JER.022.030 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad ninkan ku qortaan sidii madhalays oo kale iyo nin aan cimrigiis liibaanayn, waayo, isaga farcankiisa ninna ka liibaani maayo inuu carshigii Daa'uud ku dul fadhiisto, oo uu dalka Yahuudah mar dambe ka dhex taliyo.
23
23:1b.JER.023.001 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogay adhijirrada idihii daaqsintayda baabbi'iya oo kala firdhiya!
23:2b.JER.023.002 Sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay adhijirrada dadkayga daajiya, Adhigaygii waad kala firdhiseen, waadna kala erideen, oo soomana aydnaan ilaalin. Bal eega, waxaan idiin ciqaabi doonaa sharkii falimihiinna, ayaa Rabbigu leeyahay.
23:3b.JER.023.003 Oo intii adhigayga ka hadhayna waxaan ka soo wada ururin doonaa waddammadii aan u kexeeyey oo dhan, waanan ku soo celin doonaa xeryahoodii, oo wax badan way dhali doonaan, wayna tarmi doonaan.
23:4b.JER.023.004 Oo waxaan iyaga u yeeli doonaa adhijirro daajiya, oo mar dambe ma ay baqi doonaan, mana ay nixi doonaan, oo innaba midna kama dhimmanaan doono.
23:5b.JER.023.005 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa soo socda wakhti aan Daa'uud u kicin doono biqil xaq ah, oo boqor ayuu ahaan doonaa, wuuna liibaani doonaa, oo wuxuu dhulka ku samayn doonaa caddaalad iyo xaqnimo.
23:6b.JER.023.006 Oo wakhtigiisa dadka Yahuudah way badbaadi doonaan, oo dadka Israa'iilna ammaan bay ku degganaan doonaan, oo magiciisa lagu magacaabi doonona waa Rabbiga Xaqnimadayada ah.
23:7b.JER.023.007 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa soo socda wakhti aan mar dambe la odhan doonin, Waxaa nool Rabbigii reer binu Israa'iil dalkii Masar ka soo bixiyey.
23:8b.JER.023.008 Laakiinse waxaa la odhan doonaa, Waxaa nool Rabbigii farcankii reer binu Israa'iil ka soo bixiyey oo ka soo hor kacay dalkii woqooyi, iyo dalalkii uu u kexeeyey oo dhan, oo iyana waxay degganaan doonaan dalkooda.
23:9b.JER.023.009 Qalbigaygii uurkayguu ku qarracmay waana nebiyada daraaddood, lafahayga oo dhammu way wada ruxmadaan, oo waxaan la mid ahay nin sakhraan ah oo khamri ka adkaaday, waana Rabbiga iyo erayadiisa quduuska ah daraaddood.
23:10b.JER.023.010 Dalka waxaa ka buuxa dhillayo, oo habaar daraaddiis ayaa dalkii la barooranayaa. Daaqsimihii duurku way wada engegeen. Socodkoodu waa shar oo xooggooduna ma qummana.
23:11b.JER.023.011 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Nebigii iyo wadaadkiiba nijaas bay wada yihiin, oo gurigayga ayaan xumaantoodii ka helay.
23:12b.JER.023.012 Sidaas daraaddeed jidkoodu wuxuu u noqon doonaa sida meelo sibiibix ah oo gudcur ku dhex yaal. Iyaga waa lagu sii kaxayn doonaa oo halkaasay ku dhici doonaan, waayo, sannadda ciqaabiddooda masiibo baan ku soo dayn doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.
23:13b.JER.023.013 Oo nebiyada Samaariyana nacasnimaan ku arkay. Waxay wax ku sii sheegeen Bacal magiciisa, oo dadkaygii reer binu Israa'iilna way qaldeen.
23:14b.JER.023.014 Oo nebiyadii Yeruusaalemna wax aad iyo aad u xun, baan ku arkay. Way sinaystaan, oo been bay ku socdaan, oo weliba waxay sii xoogeeyaan gacmaha xumaanfalayaasha, si aan midnaba xumaantiisa uga soo noqon. Iyagu kulligood waxay iila mid noqdeen sidii Sodom, oo kuwii degganaana sidii Gomora oo kale.
23:15b.JER.023.015 Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammadu wuxuu nebiyada ka leeyahay, Bal ogaada, waxaan iyaga ku quudin doonaa dacar, oo waxaan cabsiin doonaa biyo xammeetiyeed, waayo, nijaas baa nebiyada Yeruusaalem ka soo faaftay oo waxay wada gaadhay dalka oo dhan.
23:16b.JER.023.016 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Nebiyada wax idiin sii sheega hadalkooda ha maqlina, waayo, wax aan waxba ahayn way idin baraan, oo waxay ku hadlaan riyo qalbigooda ka timid oo aan afka Rabbiga ka soo bixin.
23:17b.JER.023.017 Oo waxay had iyo goorba kuwa i quudhsada ku yidhaahdaan, Rabbigu wuxuu yidhi, Nabad baad helaysaan. Oo waxay mid kasta oo caasinimada qalbigiisa daba galana ku yidhaahdaan, Wax masiibo ahu innaba kugu dhici maayaan.
23:18b.JER.023.018 Waayo, bal yaa guddiga Rabbiga dhex istaagay inuu garto oo maqlo eraygiisa? Yaase eraygiisa dhegta u dhigay oo soo maqlay?
23:19b.JER.023.019 Bal eega, duufaankii Rabbiga ayaa soo baxay, kaasoo ah cadhadiis, waana dabayl cirwareen ah, oo waxay ku dhici doontaa madaxa sharrowyada.
23:20b.JER.023.020 Rabbiga xanaaqiisu dib u noqon maayo jeeruu sameeyo oo wada oofiyo qastiga qalbigiisa, oo ugudambaystana aad baad u garan doontaan.
23:21b.JER.023.021 Anigu nebiyadaas sooma aan dirin, laakiinse way ordeen oo iyaga lama aan hadlin, laakiinse wax bay sii sheegeen.
23:22b.JER.023.022 Haddii ay guddigayga dhex istaageen, de markaas dadkaygay erayadayda maqashiin lahaayeen, oo waxay iyaga ka soo celin lahaayeen jidkooda xun iyo sharka falimahoodaba.
23:23b.JER.023.023 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu ma waxaan ahay Ilaah dhow, oo miyaanan ahayn Ilaah fog?
23:24b.JER.023.024 Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaa cidi isku qarin kartaa meelo qarsoon oo aanan ka arki karin? Waxaa kaluu Rabbigu leeyahay, Anigu sow kama buuxo cirka iyo dhulkaba?
23:25b.JER.023.025 Waan maqlay wixii ay yidhaahdeen nebiyada magacayga beenta ku sii sheega oo yidhaahda, Waan riyooday, waan riyooday.
23:26b.JER.023.026 Ilaa goormay waxanu ku sii jirayaan qalbiga nebiyada beenta sii sheega? Iyagu waa nebiyo sii sheega khiyaanada qalbigooda.
23:27b.JER.023.027 Waxay u malaynayaan inay dadkayga magacayga ku illowsiiyaan riyooyinkooda midkood kastaba uu deriskiisa u sheego, sidii awowayaashoodba ay magacayga ugu illoobeen Bacal aawadiis.
23:28b.JER.023.028 Rabbigu wuxuu leeyahay, Nebigii riyo arkay, riyadiisa ha sheego, oo kii eraygayga maqlayna si daacad ah eraygayga ha u sheego. Buunshaha iyo sarreenka bal maxaa u kala dhexeeya?
23:29b.JER.023.029 Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaan eraygaygu ahayn sida dab oo kale, iyo sida dubbe dhagaxa kala burburiya oo kale?
23:30b.JER.023.030 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu waxaan col ku ahay nebiyada midkood kastaba erayadayda ka xada deriskiisa.
23:31b.JER.023.031 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, col baan ku ahay nebiyada carrabkooda ku isticmaala oo yidhaahda, Saasuu Rabbigu leeyahay.
23:32b.JER.023.032 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, col baan ku ahay kuwa wax ku sii sheega riyooyin been ah, oo intay u warramaan dadkayga ku qalda beentooda iyo faankooda aan waxtarka lahayn. Rabbigu waxaa kaluu leeyahay, Anigu iyaga ma soo dirin, oo innaba mana amrin, oo iyagu dadkan waxba kuma tari doonaan.
23:33b.JER.023.033 Oo markii dadkan ama nebi ama wadaad uu ku weyddiiyo, oo uu kugu yidhaahdo, Rabbiga warkiisa culus waa maxay? Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Waa war maxay ah? Waan idin xoorayaa, ayaa Rabbigu leeyahay.
23:34b.JER.023.034 Oo weliba nebigii iyo wadaadkii iyo dadkii odhan doona, Waa kan warka culus ee Rabbiga, ninkaas iyo reerkiisaba waan ciqaabi doonaa.
23:35b.JER.023.035 Midkiin kastaaba wuxuu deriskiisa ku odhan doonaa, oo midkiin kastaaba wuxuu walaalkiis ku odhan doonaa, Muxuu Rabbigu ku jawaabay? Oo muxuu Rabbigu ku hadlay?
23:36b.JER.023.036 Oo Rabbiga warkiisa culusna mar dambe kama aad hadli doontaan, waayo, nin walba eraygiisaa war culus u noqon doona, maxaa yeelay, idinku waxaad qalloociseen erayadii Ilaaha nool oo ah Rabbiga ciidammada oo ah Ilaahayaga.
23:37b.JER.023.037 Waxaad nebiga ku tidhaahdaa, Muxuu Rabbigu kuugu jawaabay? Oo muxuu Rabbigu ku hadlay?
23:38b.JER.023.038 Laakiinse haddaad tidhaahdaan, Waa warka culus ee Rabbiga, Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Idinku waxaad tidhaahdaan erayadan oo ah, Waa warka culus ee Rabbiga, oo sidaas daraaddeed baan idiinku soo cid diray anigoo idinku leh, Waa inaadan odhan, Waa warka culus ee Rabbiga.
23:39b.JER.023.039 Sidaas daraaddeed bal ogaada, Aniga qudhayda ayaa giddigiin idin illoobi doona, waanan idin xoori doonaa idinka iyo magaaladii aan idinka iyo awowayaashiinba siiyey, oo hortaydana waan idinka fogayn doonaa.Oo waxaan idinku soo dejin doonaa cay aan weligeed idinka hadhayn, iyo ceeb had iyo goorba idinku dul waaraysa, oo aan marnaba la illoobayn.
23:40b.JER.023.040 Oo waxaan idinku soo dejin doonaa cay aan weligeed idinka hadhayn, iyo ceeb had iyo goorba idinku dul waaraysa, oo aan marnaba la illoobayn.
24
24:1b.JER.024.001 Markii Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu maxaabiis ahaan u kaxaystay Yekonyaah ina Yehooyaaqiim oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo amiirradii dadka Yahuudah, iyo saanacyadii, iyo birtumayaashiiba oo uu ka kaxaystay Yeruusaalem oo Baabuloon geeyey dabadeed Rabbigu wax buu i tusay, oo waxaan arkay laba dambiilood oo berde ah oo macbudka Rabbiga hor yaal.
24:2b.JER.024.002 Oo dambiilaha midkood waxaa ku jiray berde aad u wanaagsan, oo la moodo sidii midho berde oo hore u bislaaday, oo dambiisha kalena waxaa ku jiray midho berde oo aad u xun, oo xumaantooda aawadeedna aan innaba la cuni karin.
24:3b.JER.024.003 Markaas Rabbigu wuxuu igu yidhi, Yeremyaahow, maxaad aragtaa? Oo aniguna waxaan idhi, Waxaan arkaa midho berde. Midhaha berde oo wanaagsan aad bay u wanaagsan yihiin, kuwa xumuna aad bay u xun yihiin, oo xumaantooda aawadeed innaba lama cuni karo.
24:4b.JER.024.004 Markaas waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh,
24:5b.JER.024.005 Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Sida midhahaas berde oo wanaagsan ayaan wanaag aawadiis u aqoonsan doonaa maxaabiista dadka Yahuudah oo aan meeshan ka diray, oo aan dalka reer Kaldayiin u geeyey.
24:6b.JER.024.006 Waayo, waxaan indhahayga iyaga ugu hayn doonaa wanaag aawadiis, oo dalkan baan ku soo celin doonaa, waanan dhisi doonaa, oo innaba ma aan dumin doono, waanan beeri doonaa, oo innaba ma aan rujin doono.
24:7b.JER.024.007 Oo waxaan iyaga siin doonaa qalbi ay igu gartaan, si ay u ogaadaan inaan anigu Rabbiga ahay, oo waxay noqon doonaan dadkaygii, anna waxaan noqon doonaa Ilaahoodii, waayo, qalbigooda oo dhan way iigu soo noqon doonaan.
24:8b.JER.024.008 Rabbigu wuxuu leeyahay, Midhaha berde oo xun oo xumaantooda aawadeed aan innaba la cuni karin, hubaal sidaas oo kalaan u xoori doonaa Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, iyo amiirradiisa, iyo kuwa reer Yeruusaalem ah oo dalkan ku dhex hadhay, iyo kuwa dalka Masar degganba.
24:9b.JER.024.009 Oo waxaan ka dhigi doonaa inay boqortooyooyinka dunida oo dhan hor iyo dib ku dhex rogrogmadaan, oo meelaha aan iyaga u kaxayn doono oo dhanba waxay ku noqon doonaan cay iyo maahmaah iyo halqabsi iyo habaar.Oo waxaan dhexdooda ku soo dayn doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, ilaa ay ka wada baabba'aan dalkii aan siiyey iyaga iyo awowayaashoodba.
24:10b.JER.024.010 Oo waxaan dhexdooda ku soo dayn doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, ilaa ay ka wada baabba'aan dalkii aan siiyey iyaga iyo awowayaashoodba.
25
25:1b.JER.025.001 Kanu waa eraygii Yeremyaah u yimid oo ku saabsanaa dadka Yahuudah oo dhan, waxayna ahayd Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii afraad, taasoo ahayd sannaddii kowaad oo Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon.
25:2b.JER.025.002 Eraygaas Nebi Yeremyaah ayaa kula hadlay dadkii Yahuudah oo dhan iyo kuwii Yeruusaalem degganaa oo dhan, oo wuxuu ku yidhi,
25:3b.JER.025.003 Tan iyo sannaddii saddex iyo tobnaad oo Yoosiyaah ina Aamoon uu boqor ka ahaa dalka Yahuudah iyo ilaa maantadan la joogo, taasoo ah saddex iyo labaatan sannadood, waxaa ii imanayay Eraygii Rabbiga, oo aniguna waan idinla hadlay, anoo goor wanaagsan idinla hadlaya, laakiinse idinku innaba ma aydaan dhegaysan.
25:4b.JER.025.004 Oo Rabbiguna wuxuu idiin soo diray addoommadiisii nebiyada ahaa oo dhan, isagoo goor wanaagsan diraya, laakiinse idinku innaba ma aydaan dhegaysan, oo marnaba dheg uma aydaan dhigin inaad maqashaan.
25:5b.JER.025.005 Oo waxay yidhaahdeen, Midkiin kastaaba haatan jidkiisa ha ka soo noqdo, oo sharka falimihiinnana ka noqda, oo waxaad iska dhex degganaataan dalkii Rabbigu idinka iyo awowayaashiinba weligiin iyo weligiinba idin siiyey.
25:6b.JER.025.006 Oo ilaahyo kale ha u daba gelina inaad u adeegtaan oo caabuddaan, oo shuqullada gacmihiinna ha igaga cadhaysiinina, oo aniguna innaba wax idin yeeli maayo.
25:7b.JER.025.007 Laakiinse ima aydaan dhegaysan, ayaa Rabbigu leeyahay, si aad shuqullada gacmihiinna igaga cadhaysiisaan, oo ay waxyeello idiin soo gaadho.
25:8b.JER.025.008 Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Erayadaydii waad dhegaysan weydeen, oo sidaas daraaddeed, Rabbigu wuxuu leeyahay,
25:9b.JER.025.009 Bal ogaada, waxaan soo diri doonaa qolooyinka reer woqooyi oo dhan, iyo addoonkayga ah Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo iyagaan ku soo kicin doonaa dalkan, iyo dadka deggan, iyo quruumaha ku wareegsan oo dhan, oo kulligoodna waan wada baabbi'in doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa wax laga yaabo oo loogu foodhyo, iyo cidla weligeed ah.
25:10b.JER.025.010 Oo weliba waxaan iyaga ka baabbi'in doonaa codka rayraynta, iyo codka farxadda, iyo codka arooska, iyo codka aroosadda, iyo sanqadha dhagaxshiidka, iyo iftiinka laambadda.
25:11b.JER.025.011 Oo dalkan oo dhammuna wuxuu noqon doonaa cidla iyo wax laga yaabo, oo quruumahanuna toddobaatan sannadood ayay boqorka Baabuloon u adeegi doonaan.
25:12b.JER.025.012 Oo markay toddobaatanka sannadood dhammaadaan ayaan xumaantooda aawadeed u ciqaabi doonaa boqorka Baabuloon iyo quruuntaas, iyo dalka reer Kaldayiinba, oo waxaan ka dhigi doonaa meelo weligoodba cidla ah.
25:13b.JER.025.013 Oo waxaan dalkaas ku soo dayn doonaa erayadaydii aan kaga hadlay oo dhan, kuwaasoo ah waxa kitaabkan ku qoran oo dhan, oo ah wixii Yeremyaah quruumaha oo dhan ka sii sheegay.
25:14b.JER.025.014 Waayo, iyagaba waxaa addoonsan doona quruumo badan iyo boqorro waaweyn, oo waxaan iyaga u abaal marin doonaa siday falimahoodu ahaayeen, iyo siday shuqullada gacmahoodu ahaayeen.
25:15b.JER.025.015 Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu igu leeyahay, Cadhadan koobkeeda khamriga gacantayda ka qaad, oo waxaad wada cabsiisaa quruumaha aan kuu dirayo oo dhan.
25:16b.JER.025.016 Oo iyana way cabbi doonaan, oo way iska dhacdhici doonaan, wayna la waalan doonaan seefta aan dhexdooda u soo dirayo daraaddeed.
25:17b.JER.025.017 Markaasaan koobkii gacantii Rabbiga ka qaaday, oo waxaan cabsiiyey quruumihii Rabbigu ii diray oo dhan, kuwaas oo ahaa
25:18b.JER.025.018 Yeruusaalem, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo boqorradooda, iyo amiirradooda, si aan iyaga uga dhigo cidla, iyo wax laga yaabo oo lagu foodhyo, iyo inkaar, siday maantaba tahay,
25:19b.JER.025.019 iyo Fircoon oo ah boqorka Masar, iyo addoommadiisa, iyo amiirradiisa, iyo dadkiisa oo dhan,
25:20b.JER.025.020 iyo dadka isku qasan oo dhan, iyo boqorrada dalka Cuus oo dhan, iyo boqorrada dalka reer Falastiin oo dhan, iyo Ashqeloon, iyo Gaasa, iyo Ceqroon, iyo kuwa Ashdood ka hadhay,
25:21b.JER.025.021 iyo Edom, iyo Moo'aab, iyo reer Cammoon,
25:22b.JER.025.022 iyo boqorrada Turos oo dhan, iyo boqorrada Siidoon oo dhan, iyo boqorrada gasiiradaha badda ka shisheeya,
25:23b.JER.025.023 iyo Dedaan, iyo Teemaa, iyo Buus, iyo inta timaha dhinacyada ka jarata oo dhan,
25:24b.JER.025.024 iyo boqorrada Carabiya oo dhan, iyo boqorrada dadka isku qasan oo lamadegaanka dhex deggan oo dhan,
25:25b.JER.025.025 iyo boqorrada Simrii oo dhan, iyo boqorrada Ceelaam oo dhan, iyo boqorrada reer Maaday oo dhan,
25:26b.JER.025.026 iyo boqorrada woqooyi oo dhan, ku fog iyo ku dhowba, kan iyo kaasba, iyo boqortooyooyinka dunida ee dhulka joogo oo dhan, oo iyaga dabadoodna waxaa cabbi doona boqorka Sheeshag.
25:27b.JER.025.027 Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu idinku leeyahay, Cabba oo sakhraama, oo mantaga, oo dhaca, oo innaba mar dambe ha soo sara kicina, seefta aan dhexdiinna u soo diri doono daraaddeed.
25:28b.JER.025.028 Oo hadday diidaan inay koobka gacantaada ka qaataan oo ay cabbaan, markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu idinku leeyahay, Hubaal waad cabbi doontaan!
25:29b.JER.025.029 Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan bilaabayaa inaan masiibo ku soo dejiyo magaaladii laygu magacaabay, haddaba miyaan idinkana laydin wada ciqaabayn? Idinku ciqaabla'aan ku sii joogi maysaan, waayo, waxaan u yeedhayaa seef inay ku dhacdo dadka dhulka deggan oo dhan.
25:30b.JER.025.030 Sidaas daraaddeed erayadan oo dhan iyaga kaga sii hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu xagga saruu ka qaylin doonaa, oo codkiisuu kaga soo hadli doonaa hoygiisa quduuska ah, oo wuxuu si weyn ugu qaylin doonaa xeradiisa, oo dadka dhulka deggan oo dhanna wuxuu ugu qaylin doonaa sida kuwa canabka ku tunta.
25:31b.JER.025.031 Rabbigu wuxuu leeyahay, Dhawaaq baa gaadhi doona tan iyo dhulka darafkiisa, maxaa yeelay, Rabbigu dacwad buu la leeyahay quruumaha, oo wuxuu la muddacayaa binu-aadmiga oo dhan, oo kuwa sharka ahna seef buu u gacangelin doonaa.
25:32b.JER.025.032 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, masiibaa soo bixi doonta oo quruun bay quruun kale uga sii gudbi doontaa, oo duufaan weyn ayaa laga soo kicin doonaa dhulka darafyadiisa.
25:33b.JER.025.033 Oo kuwa Rabbigu laaya waxay maalintaas oolli doonaan dhulka darafkiisan iyo darafkiisa kale inta ka dhex leh. Oo iyaga looma barooran doono, lamana soo ururin doono, lamana xabaali doono, oo waxay noqon doonaan sida digo dhulka ku kor daadsan.
25:34b.JER.025.034 Adhijirradow, ooya oo qayliya; kuwa adhiga madaxda u ahow, dambas ku galgasha, waayo, wakhtigii laydin gowraci lahaa waa yimid. Waan idin burburin doonaa, oo waxaad u dhici doontaan sida weel wanaagsan oo kale.
25:35b.JER.025.035 Oo adhijirradu meel ay ku cararaan ma ay heli doonaan, oo adhiga madaxdiisuna meel ay ku baxsadaan ma ay heli doonaan.
25:36b.JER.025.036 Oo waxaa la maqli doonaa codkii qaylada adhijirrada, iyo cidii adhiga madaxdiisa, waayo, Rabbigu wuxuu kala baabbi'iyey daaqsintoodii.
25:37b.JER.025.037 Oo xeryihii nabaadiinada waa la wada baabbi'iyey Rabbiga xanaaqiisa kulul aawadiis.Wuxuu meeshiisii qarsoonayd uga soo baxay sidii libaax oo kale, waayo, dalkoodii cidla buu noqday, waana baabbi'iyaha cadhadiisa aawadeed iyo xanaaqiisa kulul aawadiis.
25:38b.JER.025.038 Wuxuu meeshiisii qarsoonayd uga soo baxay sidii libaax oo kale, waayo, dalkoodii cidla buu noqday, waana baabbi'iyaha cadhadiisa aawadeed iyo xanaaqiisa kulul aawadiis.
26
26:1b.JER.026.001 Bilowgii boqornimadii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah ayaa erayganu xagga Rabbiga ka yimid, isagoo leh,
26:2b.JER.026.002 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad istaagtaa guriga Rabbiga barxaddiisa, oo dadka magaalooyinka dalka Yahuudah oo u yimid inay Rabbiga gurigiisa ku caabudaan oo dhan la hadal, oo erayada aan kugu amro inaad kula hadashid erayna ha ka reebin.
26:3b.JER.026.003 Mindhaa waxaa suurtowda inay ku maqlaan oo mid kastaaba ka soo noqdo jidkiisa sharka ah, inaan anigu ka soo noqdo masiibadii aan u qastiyey inaan iyaga ku sameeyo sharka falimahooda aawadiis.
26:4b.JER.026.004 Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad i maqli weydaan si aad ugu socotaan sharcigayga aan idin hor dhigay,
26:5b.JER.026.005 oo aad u maqashaan erayada nebiyada addoommadayda ah oo aan idiin soo diro, anigoo goor wanaagsan idiin soo diraya, laakiin innaba ma aydaan dhegaysan,
26:6b.JER.026.006 markaas gurigan waxaan ka dhigi doonaa sida Shiiloh oo kale, oo magaaladanna quruumaha dunida oo dhan ayaan habaar uga dhigi doonaa.
26:7b.JER.026.007 Oo wadaaddadii iyo nebiyadii iyo dadkii oo dhammuba waxay maqleen Yeremyaah oo erayadan gurigii Rabbiga kagaga dhex hadlaya,
26:8b.JER.026.008 oo markii Yeremyaah uu wada dhammeeyey hadalkii uu Rabbigu ku amray inuu dadka oo dhan kula hadlo ayaa wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii oo dhammu isagii qabteen, oo waxay ku yidhaahdeen, Hubaal waa inaad dhimataa!
26:9b.JER.026.009 Bal maxaad magaca Rabbiga wax ugu sii sheegtay adigoo leh, Guriganu wuxuu noqon doonaa sidii Shiiloh oo kale, oo magaaladanuna waxay noqon doontaa cidla oo aan ciduna degganayn? Oo dadkii oo dhammuna Yeremyaah ayay gurigii Rabbiga ugu soo wada urureen.
26:10b.JER.026.010 Oo amiirradii dalka Yahuudahna markay waxyaalahaas maqleen ayay gurigii boqorka ka soo bexeen oo waxay yimaadeen gurigii Rabbiga, wayna fadhiisteen meesha laga soo galo iridda cusub ee guriga Rabbiga.
26:11b.JER.026.011 Markaasaa wadaaddadii iyo nebiyadii la hadleen amiirradii iyo dadkii oo dhan, oo waxay yidhaahdeen, Ninkanu dhimashuu istaahilaa, waayo, magaaladan ayuu wax ka sii sheegay sidii idinkuba aad dhegihiinna ku maqasheen.
26:12b.JER.026.012 Markaas Yeremyaah wuxuu la hadlay amiirradii oo dhan iyo dadkii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ayaa ii soo diray inaan gurigan iyo magaaladanba ka sii sheego erayadii aad maqasheen oo dhan.
26:13b.JER.026.013 Haddaba jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo codka Rabbiga Ilaahiinna ah addeeca, oo Rabbiguna wuu ka soo noqon doonaa masiibadii uu idinkaga hadlay.
26:14b.JER.026.014 Bal eega, anigu gacmihiinnaan ku jiraa, haddaba iigu sameeya sida idinla wanaagsan oo idinla qumman.
26:15b.JER.026.015 Laakiinse bal si xaqiiq ah u ogaada, haddaad i dishaan, waxaad nafsaddiinna iyo magaaladan iyo dadka degganba u soo jiidaysaan dhiig aan xaq qabin, waayo, sida runta ah Rabbiga ayaa ii soo diray xaggiinna inaan dhegihiinna oo dhan erayadan maqashiiyo.
26:16b.JER.026.016 Markaasaa amiirradii iyo dadkii oo dhammu waxay wadaaddadii iyo nebiyadii ku yidhaahdeen, Ninkanu dhimasho ma istaahilo, waayo, wuxuu nagula hadlay magicii Rabbiga Ilaaheenna ah.
26:17b.JER.026.017 Markaas waxaa istaagay qaar ka mid ah waayeelladii dalka oo waxay la hadleen shirkii dadka oo dhan, iyagoo leh,
26:18b.JER.026.018 Miikaah kii reer Mooreshed ayaa wax sii sheegay wakhtigii Xisqiyaah uu boqorka ka ahaa dalka Yahuudah, oo dadka Yahuudah oo dhan ayuu la hadlay, oo wuxuu yidhi, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Siyoon waxaa loo jeexi doonaa sida beer oo kale, oo Yeruusaalemna waxay noqon doontaa taallooyin burbur ah, oo buurta guriguna waxay noqon doontaa sidii meelaha sarsare ee kaynta ku yaal oo kale.
26:19b.JER.026.019 Haddaba Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo dadka Yahuudah oo dhammu miyey isagii dileen? Oo miyuusan isagu Rabbiga ka cabsan, oo uusan Rabbiga baryin, oo Rabbiguna miyuusan ka soo noqon masiibadii uu iyaga kaga hadlay? Innagu masiibo weyn ayaynu nafteenna u soo jiidi lahayn haddaan isaga dilno.
26:20b.JER.026.020 Oo weliba waxaa kaloo jiray nin magaca Rabbiga wax ku sii sheegay, waana Uuriyaah ina Shemacyaah oo ahaa reer Qiryad Yecaariim, oo isna wuxuu magaaladan iyo dalkanba ka sii sheegay wax erayada Yeremyaah oo dhan waafaqsan.
26:21b.JER.026.021 Oo markii Boqor Yehooyaaqiim, iyo raggiisii xoogga badnaa oo dhan, iyo amiirradii oo dhammu ay erayadiisii maqleen ayaa boqorkii damcay inuu isaga dilo, laakiinse Uuriyaah markuu xaalkaas maqlay ayuu baqay, oo intuu cararay ayuu dalkii Masar tegey.
26:22b.JER.026.022 Markaasaa Boqor Yehooyaaqiim rag u diray dalkii Masar, waxayna ahaayeen Elnaataan ina Cakboor iyo rag kale oo isaga dalkii Masar u raacay.
26:23b.JER.026.023 Oo iyana dalkii Masar ayay Uuriyaah ka soo bixiyeen, oo waxay u keeneen Boqor Yehooyaaqiim, oo isna seef buu isagii ku dilay, oo meydkiisiina wuu ku dhex tuuray qabuuraha dadka.Habase ahaatee Axiiqaam ina Shaafaan gacantiisu way la jirtay Yeremyaah inayan isaga ku ridin dadka gacantiisa si ay u dilaan.
26:24b.JER.026.024 Habase ahaatee Axiiqaam ina Shaafaan gacantiisu way la jirtay Yeremyaah inayan isaga ku ridin dadka gacantiisa si ay u dilaan.
27
27:1b.JER.027.001 Bilowgii boqornimadii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah ayaa erayganu Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh,
27:2b.JER.027.002 Rabbigu wuxuu igu leeyahay, Waxaad samaysataa xadhko iyo harqood, oo waxaad kor saartaa qoortaada.
27:3b.JER.027.003 Oo waxaad iyaga ugu sii dhiibtaa boqorka dalka Edom, iyo boqorka dalka Moo'aab, iyo boqorka reer Cammoon, iyo boqorka Turos, iyo boqorka Siidoon gacanta wargeeyayaasha Yeruusaalem ugu yimid boqorka dalka Yahuudah oo Sidqiyaah ah.
27:4b.JER.027.004 Oo waxaad iyaga ku amartaa inay sayidyadooda ku yidhaahdaan, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waxaad sayidyadiinna ku tidhaahdaan,
27:5b.JER.027.005 Anigu dhulka, iyo dadka iyo xayawaanka dhulka joogaba waxaan ku sameeyey xooggayga weyn iyo gacantayda fidsan, oo waxaan siiyaa kii ila qumman.
27:6b.JER.027.006 Oo haatan dalalkan oo dhan waxaan siiyey addoonkayga Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon, oo weliba xayawaanka duurkana isagaan siiyey inay u adeegaan.
27:7b.JER.027.007 Oo quruumaha oo dhammuna way u wada adeegi doonaan isaga, iyo wiilkiisa, iyo wiilka wiilkiisa, ilaa wakhtiga dalkiisu yimaado, oo dabadeedna quruumo badan iyo boqorro waaweyn ayaa isaga addoonsan doona.
27:8b.JER.027.008 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruuntii iyo boqortooyadii aan u adeegin Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon, oo diida inay qoortooda ka hoos mariyaan harqoodka boqorka Baabuloon, quruuntaas waxaan ku ciqaabi doonaa seef iyo abaar iyo belaayo, ilaa aan iyaga gacantiisa ku baabbi'iyo.
27:9b.JER.027.009 Haddaba idinku innaba ha maqlina nebiyadiinna iyo waxsheegyadiinna, iyo riyolowyadiinna, iyo faaliyayaashiinna amase xataa saaxiriintiinna ee idinku yidhaahda, Idinku uma aad adeegi doontaan boqorka Baabuloon,
27:10b.JER.027.010 waayo, been bay idiinku sii sheegaan, si ay dalkiinna idinkaga fogeeyaan, oo aan anigu dibadda idinku kexeeyo, oo aad u halligantaan aawadeed.
27:11b.JER.027.011 Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruuntii qoorteeda ka hoos marisa harqoodka boqorka Baabuloon inay isaga u adeegto aawadeed, taas dalkeedaan ku dayn doonaa, oo beeraheeday sii fali doontaa, wayna sii degganaan doontaa.
27:12b.JER.027.012 Weliba erayadan oo dhanna waan kula hadlay Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, oo waxaan ku idhi, Qoortiinna ka hoos mariya harqoodka boqorka Baabuloon, oo u adeega isaga iyo dadkiisa, oo saas ku noolaada.
27:13b.JER.027.013 Oo bal maxaad adiga iyo dadkaaguba seefta iyo abaarta iyo belaayada ugu dhimanaysaan, sida Rabbigu uga hadlay quruuntii aan u adeegin boqorka Baabuloon?
27:14b.JER.027.014 Innaba ha maqlina nebiyada idinka hadla ee leh, Uma aad adeegi doontaan boqorka Baabuloon, waayo, iyagu been bay idiin sii sheegaan.
27:15b.JER.027.015 Maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu sooma aan dirin, laakiinse been bay magacayga ku sii sheegaan, si aan idiin eryo, oo aad u halligantaan, idinka iyo nebiyada wax idiin sii sheegaba.
27:16b.JER.027.016 Oo weliba wadaaddada iyo dadkan oo dhanba, waan la hadlay oo waxaan ku idhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Innaba ha maqlina erayadii nebiyadiinna wax idiin sii sheega, oo idinku yidhaahda, Bal ogaada, weelashii guriga Rabbiga mar dhow baa Baabuloon laga soo celin doonaa, waayo, iyagu been bay idiin sii sheegaan.
27:17b.JER.027.017 Iyaga ha maqlina. Boqorka Baabuloon u adeega, oo saas ku noolaada, waayo, bal maxay magaaladani cidla u noqonaysaa?
27:18b.JER.027.018 Laakiinse iyagu hadday nebiyo yihiin, iyo haddii eraygii Rabbigu uu iyaga la jiro, haatan Rabbiga ciidammada ha ka baryeen in weelasha ku hadhay guriga Rabbiga, iyo guriga boqorka dalka Yahuudah, iyo Yeruusaalem gudaheeduba ayan Baabuloon tegin.
27:19b.JER.027.019 Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu ka leeyahay tiirarka, iyo berkedda, iyo saldhigyada, iyo weelasha magaaladan ku hadhay,
27:20b.JER.027.020 oo uusan Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon qaadan markuu maxaabiis ahaanta u kaxaystay boqorkii dalka Yahuudah oo ahaa Yekonyaah ina Yehooyaaqiim iyo saraakiishii dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalemba, oo intuu Yeruusaalem ka kaxaystay uu Baabuloon la tegey,
27:21b.JER.027.021 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay weelasha ku hadhay guriga Rabbiga iyo guriga boqorka dalka Yahuudah, iyo Yeruusaalemba,Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyaga waxaa loo qaadan doonaa Baabuloon, oo halkaasay oolli doonaan ilaa maalinta aan soo booqan doono, oo dabadeedna waan soo qaadi doonaa oo meeshan baan ku soo celin doonaa.
27:22b.JER.027.022 Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyaga waxaa loo qaadan doonaa Baabuloon, oo halkaasay oolli doonaan ilaa maalinta aan soo booqan doono, oo dabadeedna waan soo qaadi doonaa oo meeshan baan ku soo celin doonaa.
28
28:1b.JER.028.001 Oo isla sannaddaasba, bilowgii boqornimadii Sidqiyaah uu boqorka ka ahaa dalka Yahuudah, sannaddii afraad bisheedii shanaad ayaa Xananyaah ina Casuur oo ahaa nebigii Gibecoon ka yimid igula hadlay guriga Rabbiga dhexdiisa iyadoo ay wada joogaan wadaaddadii iyo dadkii oo dhammu, oo wuxuu igu yidhi,
28:2b.JER.028.002 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu harqoodkii boqorka Baabuloon waan jebiyey.
28:3b.JER.028.003 Intaanay laba sannadood dhammaan ayaan halkan ku soo celin doonaa weelashii guriga Rabbiga oo uu Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon halkan ka qaatay, oo uu Baabuloon la tegey.
28:4b.JER.028.004 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan halkan ku soo celin doonaa Yekonyaah ina Yehooyaaqiim oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo maxaabiistii dadka Yahuudah ee Baabuloon lala tegey oo dhan, waayo, harqoodka boqorka Baabuloon waan jebin doonaa.
28:5b.JER.028.005 Markaas Nebi Yeremyaah baa la hadlay Nebi Xananyaah iyadoo ay wada joogaan wadaaddadii iyo dadkii guriga Rabbiga dhex taagnaa oo dhammu.
28:6b.JER.028.006 Oo Nebi Yeremyaah wuxuu yidhi, Aamiin, Rabbigu saas ha yeelo. Rabbigu ha wada sameeyo erayadii aad sii sheegtay oo weelashii guriga Rabbiga ha soo celiyo, oo kuwii maxaabiis ahaanta loo kaxaystay oo dhan Baabuloon ha ka soo celiyo oo meeshan ha keeno.
28:7b.JER.028.007 Hase ahaatee bal adigu haatan maqal eraygan aan kula hadlayo dhegahaaga iyo dhegaha dadkan oo dhan.
28:8b.JER.028.008 Nebiyadii waayihii hore oo aniga iyo adigaba inaga sii horreeyey waxay waddammo badan iyo boqortooyooyin waaweyn wax kaga sii sheegeen dagaal iyo masiibo iyo belaayo.
28:9b.JER.028.009 Nebigii nabad wax ka sii sheega, oo uu eraygii nebigaasu run noqdo, markaas nebigaas waxaa loo aqoonsadaa in Rabbigu isaga dhab ahaan u soo diray.
28:10b.JER.028.010 Kolkaasaa Nebi Xananyaah harqoodkii qoortii Nebi Yeremyaah ka qaaday oo uu kala jebiyey.
28:11b.JER.028.011 Markaasaa Xananyaah dadkii oo dhan hortiisa ku hadlay oo wuxuu yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas oo kale intaanay laba sannadood dhammaan ayaan quruumaha oo dhan uga jebin doonaa harqoodka Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon. Kolkaasaa Nebi Yeremyaah iska tegey.
28:12b.JER.028.012 Oo markii Nebi Xananyaah uu harqoodkii ka jebiyey qoortii Nebi Yeremyaah dabadeed ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Yeremyaah, isagoo leh,
28:13b.JER.028.013 Tag, oo waxaad Xananyaah ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Adigu waxaad jebisay harqoodkii qoriga ahaa, laakiinse waxaad meeshiisa ka yeelan doontaa harqood bir ah.
28:14b.JER.028.014 Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Quruumahan oo dhan waxaan qoortooda kor saaray harqood bir ah, si ay ugu adeegaan boqorka Baabuloon oo ah Nebukadnesar, oo iyana way u adeegi doonaan, oo weliba xayawaanka duurkana isagaan siiyey.
28:15b.JER.028.015 Markaas Nebi Yeremyaah wuxuu Nebi Xananyaah ku yidhi, Xananyaahow, bal haatan i maqal. Rabbigu kuma soo dirin, laakiinse waxaad dadkan ka dhigaysaa inay been isku halleeyaan.
28:16b.JER.028.016 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, anigu waan kaa fogayn doonaa dhulka korkiisa, oo isla sannaddan ayaad dhiman doontaa, maxaa yeelay, waxaad ku hadashay caasinimo Rabbiga ka gees ah.Sidaas daraaddeed Nebi Xananyaah isla sannaddaas bisheedii toddobaad ayuu dhintay.
28:17b.JER.028.017 Sidaas daraaddeed Nebi Xananyaah isla sannaddaas bisheedii toddobaad ayuu dhintay.
29
29:1b.JER.029.001 Haddaba kuwanu waa erayadii warqaddii uu Nebi Yeremyaah Yeruusaalem uga diray kuwii hadhay ee waayeelladii maxaabiisnimadii iyo wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii uu Nebukadnesar Yeruusaalem maxaabiis ahaanta uga kaxaystay oo uu Baabuloon la tegey oo dhan.
29:2b.JER.029.002 (Taasu waxay ahayd markii Boqor Yekonyaah, iyo boqoraddii hooyadiis ahayd, iyo bohommadii, iyo amiirradii dadka Yahuudah iyo Yeruusaalem, iyo saanacyadii, iyo birtumayaashiiba ay Yeruusaalem ka tageen dabadeed.)
29:3b.JER.029.003 Oo wuxuu ugu sii dhiibay gacantii Elcaasaah ina Shaafaan, iyo Gemaryaah ina Xilqiyaah (oo uu boqorkii dalka Yahuudah oo Sidqiyaah ahaa uu u diray Baabuloon iyo ilaa Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon,) isagoo leh,
29:4b.JER.029.004 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, kuwii maxaabiis ahaanta loo kaxaystay oo dhan, oo aan ka yeelay in Yeruusaalem laga kaxaysto oo Baabuloon lala tago, waxaan idinku leeyahay,
29:5b.JER.029.005 Guryo dhista, oo ku hoyda, oo beero beerta, oo midhahoodana cuna.
29:6b.JER.029.006 Naago guursada, oo wiilal iyo gabdho dhala, oo wiilashiinnana naago u guuriya, oo gabdhihiinnana niman siiya, si ay iyaguna wiilal iyo gabdho u dhalaan, oo halkaasna ku tarma oo ha yaraanina.
29:7b.JER.029.007 Oo waxaad nabad u doondoontaan magaaladii aan idinka yeelay in laydiin kaxaysto idinkoo maxaabiis ah, oo iyada Rabbiga u barya, waayo, idinku nabaddeeda ayaad nabad ku heli doontaan.
29:8b.JER.029.008 Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Nebiyadiinna iyo waxsheegyadiinna idin dhex joogaa yaanay idin khiyaanayn, oo idinku innaba ha dhegaysanina riyooyinkiinna aad ku riyootaan.
29:9b.JER.029.009 Waayo, magacaygay wax been ah idiinku sii sheegaan, laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu iyaga sooma aan dirin.
29:10b.JER.029.010 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Markii toddobaatan sannadood Baabuloon loo dhammeeyo dabadeed ayaan idin soo booqon doonaa, oo waxaan idiin oofin doonaa eraygaygii wanaagsanaa, oo halkan dib baan idiinku soo celin doonaa.
29:11b.JER.029.011 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan garanayaa fikirrada aan idiinku fikiro, waana fikirro nabadeed, oo ma aha kuwa masiibeed, si aan ugudambaystiinna rajo idiin siiyo.
29:12b.JER.029.012 Oo markaasaad ii yeedhan doontaan, waanad i soo baryi doontaan, oo aniguna waan idin maqli doonaa.
29:13b.JER.029.013 Oo waad i doondooni doontaan, waanad i heli doontaan markaad qalbigiinna oo dhan igu doondoontaan.
29:14b.JER.029.014 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad i heli doontaan, oo maxaabiisahaantiinnana waan idinka celin doonaa, oo waxaan idinka soo wada ururin doonaa quruumaha oo dhan iyo meelihii aan idin kexeeyey oo dhan ayaa Rabbigu leeyahay, oo waxaan idinku soo celin doonaa meeshii aan ka dhigay in maxaabiis ahaan laydinkaga kaxaysto.
29:15b.JER.029.015 Maxaa yeelay, idinku waxaad tidhaahdeen, Rabbiga ayaa Baabuloon nebiyo nooga dhex kiciyey.
29:16b.JER.029.016 Rabbigu wuxuu ka leeyahay boqorka carshigii Daa'uud ku fadhiya iyo dadka magaaladan deggan oo dhan, Walaalihiinnii aan maxaabiis ahaan laydiinla kaxaysan,
29:17b.JER.029.017 Rabbiga ciidammadu wuxuu ka leeyahay, Bal ogaada, waxaan korkooda ku soo dayn doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, oo waxaan iyaga ka dhigi doonaa sida midho berde oo qudhmay oo xumaantooda aawadeed aan innaba la cuni karin.
29:18b.JER.029.018 Oo waxaan iyaga ku eryan doonaa seef iyo abaar iyo belaayo, oo waxaan ka dhigi doonaa inay boqortooyooyinka dunida oo dhan ku dhex rogrogmadaan hor iyo dib, oo ay inkaar iyo wax laga yaabo oo lagu foodhyo, iyo cay ku dhex noqdaan quruumaha aan u kexeeyey oo dhan,
29:19b.JER.029.019 maxaa yeelay, iyagu ma ay dhegaysan erayadaydii aan iyaga ugu soo dhiibay nebiyadii addoommadayda ahaa, anigoo goor wanaagsan soo diraya, laakiinse waad maqli weydeen, ayaa Rabbigu leeyahay.
29:20b.JER.029.020 Haddaba maxaabiistii aan Yeruusaalem ka diray oo aan Baabuloon u kexeeyey, bal erayga Rabbiga maqla.
29:21b.JER.029.021 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Axaab ina Qoolaayaah iyo Sidqiyaah ina Macaseeyaah oo magacayga been idiinku sii sheega, bal ogaada iyaga waxaan gelin doonaa gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo isna indhihiinna hortooda ayuu iyaga ku dili doonaa.
29:22b.JER.029.022 Oo maxaabiista dadka Yahuudah oo Baabuloon joogta oo dhammu way habaartami doonaan iyagoo leh, Rabbigu ha kaa dhigo sidii Sidqiyaah iyo sidii Axaab ee uu boqorka Baabuloon dabka ku dubay oo kale,
29:23b.JER.029.023 maxaa yeelay, nacasnimo ayay dalka Israa'iil ku dhex sameeyeen, oo weliba naagihii derisyadooda ayay ka sinaysteen, oo erayo been ah oo aanan iyaga ku soo amrin ayay magacayga ku hadleen. Anigu kan og baan ahay, oo markhaati baan ka ahay, ayaa Rabbigu leeyahay.
29:24b.JER.029.024 Oo weliba Shemacyaah oo ah reer Nexlaamiina waxaad ku tidhaahdaa,
29:25b.JER.029.025 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Adigu waxaad warqado magacaaga ugu soo dirtay dadka Yeruusaalem jooga oo dhan, iyo Sefanyaah ina Macaseeyaah oo wadaadka ah, iyo wadaaddada oo dhanba,
29:26b.JER.029.026 oo waxaad tidhi, Rabbigu wadaad buu kaaga dhigay meeshii wadaadkii Yehooyaadaac inaad saraakiil u noqotaan guriga Rabbiga iyo inaad xabsi ku riddid oo aad silsilado ku xidhid nin kasta oo waalan oo nebi iska dhigaba.
29:27b.JER.029.027 Haddaba bal maxaad u canaanan weyday Yeremyaah oo ah reer Canaatood oo nebi isaga kaa dhigaya?
29:28b.JER.029.028 Waayo, isagu cid buu noogu soo diray Baabuloon, oo wuxuu yidhi, Maxaabiisnimadiinnu waa muddo dheer, haddaba guryo dhista, oo ku hoyda, oo beero beerta, oo midhahoodana cuna.
29:29b.JER.029.029 Oo wadaadkii Sefanyaah ahaa ayaa warqaddaas ku akhriyey Nebi Yeremyaah hortiisa.
29:30b.JER.029.030 Markaasaa eraygii Rabbigu ku soo degay Yeremyaah, isagoo leh,
29:31b.JER.029.031 Kuwa maxaabiista ah oo dhan u cid dir oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu Shemacyaah oo ah reer Nexlaamii ka leeyahay, Shemacyaah wax buu idiin sii sheegay, aniguse sooma aan dirin, oo wuxuu idinka dhigay inaad been isku hallaysaan,sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Shemacyaah oo ah reer Nexlaamii iyo farcankiisaba waan ciqaabi doonaa. Isagu ma uu yeelan doono nin qudha oo dadkan dhex deggan, oo wanaagga aan dadkayga u samayn doonona isagu ma uu arki doono, maxaa yeelay, wuxuu ku hadlay caasinimo Rabbiga ka gees ah, ayaa Rabbigu leeyahay.
29:32b.JER.029.032 sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Shemacyaah oo ah reer Nexlaamii iyo farcankiisaba waan ciqaabi doonaa. Isagu ma uu yeelan doono nin qudha oo dadkan dhex deggan, oo wanaagga aan dadkayga u samayn doonona isagu ma uu arki doono, maxaa yeelay, wuxuu ku hadlay caasinimo Rabbiga ka gees ah, ayaa Rabbigu leeyahay.
30
30:1b.JER.030.001 Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh,
30:2b.JER.030.002 Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Erayadii aan kugula hadlay oo dhan kitaab ku qor.
30:3b.JER.030.003 Waayo, bal eeg, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iman doona wakhtigii aan maxaabiisnimadii ka soo celin doono dadkayga dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudahba, oo waxaan iyaga ku soo celin doonaa dalkii aan awowayaashood siiyey, oo iyana way hantiyi doonaan, ayaa Rabbigu leeyahay.
30:4b.JER.030.004 Oo kuwanu waa erayadii ku saabsanaa dadka dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah ee Rabbigu ku hadlay.
30:5b.JER.030.005 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaannu maqalnay cod gariir badan, oo cabsiyeed, oo aan mid nabdeed ahayn.
30:6b.JER.030.006 Bal haatan weyddiiya, oo bal eega, haddii nin ilmo dhalid la foosho iyo haddii kale? Bal maxaan u arkaa nin kasta oo gacmihiisa dhexda ku haya sida naag foolanaysa oo kale, iyo wejiyo wada qayirmay?
30:7b.JER.030.007 Hoogay wakhtigaasu waa wakhti weyn, oo ma jiro mid isaga la mid ahu, waana wakhtigii dhibkii dadka Yacquub, laakiinse waa laga badbaadin doonaa dhibkaas.
30:8b.JER.030.008 Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ayaan harqoodkiisa qoortaada ka jebin doonaa, oo hadhkaha kugu xidhanna waan jari doonaa, oo shisheeyayaalna mar dambe isaga ma addoonsan doonaan,
30:9b.JER.030.009 laakiinse waxay u adeegi doonaan Rabbiga Ilaahooda ah, iyo boqorkooda Daa'uud ee aan iyaga u sara kicin doono.
30:10b.JER.030.010 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Addoonkayga reer Yacquubow, ha cabsan, reer Israa'iilow, ha nixin, waayo, bal eeg, anigu meel fog baan kaa badbaadin doonaa, oo farcankaagana waxaan ka badbaadin doonaa dalkii ay maxaabiis ahaanta u joogeen, oo reer Yacquubna wuu soo noqon doonaa, oo wuxuu ku joogi doonaa aamusnaan, iyo xasilloonaan, oo ciduna ma cabsiin doonto.
30:11b.JER.030.011 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan kula jiraa inaan ku badbaadsho, waayo, waan wada baabbi'in doonaa quruumihii aan kugu dhex firdhiyey oo dhan, laakiinse adiga ku wada baabbi'in maayo, caddaalad baanse kugu edbin doonaa, oo sinaba ciqaabidla'aan kuugu dayn maayo.
30:12b.JER.030.012 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Nabarkaagu waa mid aan bogsan karin, oo dhaawacaaguna aad buu u xun yahay.
30:13b.JER.030.013 Oo innaba mid dacwadaada kuu qaada lama arko in nabarkaaga la duubo, oo dawo wax bogsiisana ma aad haysatid.
30:14b.JER.030.014 Kuwii ku jeclaan jiray oo dhammu way ku wada illoobeen, oo innaba kuma ay doondoonaan, waayo, waxaan kugu dhaawacay dhaawicii cadowga, iyo edbintii kan naca weyn, waana xumaantaadii badatay aawadeed, maxaa yeelay, dembiyadaadii way sii kordheen.
30:15b.JER.030.015 Bal maxaad ula qaylinaysaa nabarkaaga? Xanuunkaagu waa mid aan bogsan karin, waana xumaantaadii badatay aawadeed, oo waxaan waxyaalahan kuugu sameeyey waa dembiyadaadii sii kordhay aawadood.
30:16b.JER.030.016 Oo sidaas daraaddeed kuwa ku baabbi'iya oo dhan waa la wada baabbi'in doonaa, oo cadaawayaashaada oo dhanna midkood kastaba maxaabiis ahaan ayaa loo kaxaysan doonaa, oo kuwa ku kala boobana waa la kala boobi doonaa, oo kuwa ku dhacana waxaan ka yeeli doonaa in iyagana la dhaco.
30:17b.JER.030.017 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu caafimaad baan kuu soo celin doonaa, oo dhaawacyadaadana waan kaa bogsiin doonaa, maxaa yeelay, iyagu waxay kugu magacaabeen Mid la nacay, oo waxay yidhaahdaan, Tanu waa Siyoon oo aan ninna doonaynin.
30:18b.JER.030.018 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maxaabiistii teendhooyinka dadka Yacquub waan soo celin doonaa, oo meelihiisa lagu hoydona waan u naxariisan doonaa, oo magaaladana waxaa laga dul dhisi doonaa taallada burburkeeda, oo daarta boqorkuna siday ahaan jirtay ayay u ahaan doontaa.
30:19b.JER.030.019 Oo waxaa iyaga ka soo dhex bixi doona mahadnaqid iyo kuwa reyreeya codkood, oo iyaga waan tarmin doonaa, oo mana ay dhinmi doonaan, oo weliba waan sharfi doonaa, oo ma ay yaraan doonaan.
30:20b.JER.030.020 Oo carruurtooduna waxay noqon doonaan sidii waayihii hore, oo ururkooduna hortayduu ku dhismi doonaa, oo kuwa iyaga dulma oo dhanna waan wada ciqaabi doonaa.
30:21b.JER.030.021 Oo amiirkooduna iyaguu ka iman doonaa, taliyahooduna iyaguu ka soo dhex bixi doonaa, oo isagaan ka dhigi doonaa inuu ii soo dhowaado, oo isna wuu ii iman doonaa, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waa kuma kan ku dhaca inuu ii soo dhowaado?
30:22b.JER.030.022 Oo idinku dadkayga waad ahaan doontaan, aniguna Ilaahiinna baan ahaan doonaa.
30:23b.JER.030.023 Bal eega, duufaankii Rabbiga ayaa soo baxay, kaasoo ah cadhadiis, waana dabayl cirwareen ah, oo waxay ku dhici doontaa madaxa sharrowyada.Rabbiga xanaaqiisa kululu dib u noqon maayo jeeruu sameeyo oo wada oofiyo qastiga qalbigiisa, oo ugudambaystana waad garan doontaan.
30:24b.JER.030.024 Rabbiga xanaaqiisa kululu dib u noqon maayo jeeruu sameeyo oo wada oofiyo qastiga qalbigiisa, oo ugudambaystana waad garan doontaan.
31
31:1b.JER.031.001 Rabbigu wuxuu leeyahay, Isla markaasba waxaan ahaan doonaa Ilaaha qolooyinka reer binu Israa'iil oo dhan, oo iyana dadkaygay ahaan doonaan.
31:2b.JER.031.002 Rabbigu wuxuu leeyahay, Markaan u soo kacay inaan isaga nasiyo ayay dadkii seefta ka baxsaday naxariis ka heleen cidladii, waana reer binu Israa'iil.
31:3b.JER.031.003 Rabbigu waa horuu ii muuqday, oo wuxuu igu yidhi, Waxaan kugu jeclaaday jacayl daa'im ah, oo sidaas daraaddeed raxmad baan kugu soo jiitay.
31:4b.JER.031.004 Dadka Israa'iil ee bikradda ahow, mar kalaan ku dhisi doonaa, oo waad dhismi doontaa, oo waxaad mar kale isku sharrixi doontaa dafafkaagii, oo waxaad cayaaraha ula bixi doontaa kuwa reyreeya.
31:5b.JER.031.005 Oo weliba waxaad canab ku beeran doontaa buuraha Samaariya, oo beeraleydu wax bay beeran doonaan, oo midhahoodana way ku farxi doonaan.
31:6b.JER.031.006 Waxaa iman doona wakhti waardiyayaasha buuraha Efrayim kor saaranu ay ku dhawaaqi doonaan, Sara joogsada oo aynu Rabbiga Ilaaheena ah Siyoon ugu kacnee.
31:7b.JER.031.007 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Yacquub aawadiis farxad ugu heesa, oo waxaad u dhawaaqdaan kan madaxa quruumaha ah aawadiis. Naadiya, oo ammaana, oo waxaad tidhaahdaan, Rabbiyow, dadkaaga ah kuwa reer binu Israa'iil ka hadhay badbaadi.
31:8b.JER.031.008 Bal ogaada, waxaan iyaga ka soo kaxayn doonaa dalka woqooyi, waanan ka soo ururin doonaa dhulka darafyadiisa, oo waxaan iyaga la soo keeni doonaa indhoolaha iyo curyaanka, iyo naagtii uur leh, iyo tii ilmo la foolanaysa. Iyagoo guuto weyn ah ayay halkan ku soo noqon doonaan.
31:9b.JER.031.009 Iyagoo ooyaya bay iman doonaan, oo anoo qalbi qaboojinaya ayaan soo hor kici doonaa, oo waxaan iyaga soo ag marin doonaa durdurro biya ah iyo jid toosan oo ayan ku dhex turunturoon doonin, waayo, aabbaan reer binu Israa'iil u ahay, oo Efrayimna waa curadkaygii.
31:10b.JER.031.010 Quruumahow, Rabbiga eraygiisa maqla, oo gasiiradaha fog ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan, Kii reer binu Israa'iil kala firdhiyey wuu soo ururin doonaa, oo wuxuu u ilaalin doonaa siduu adhijir adhigiisa u ilaaliyo oo kale.
31:11b.JER.031.011 Waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu soo furtay, oo wuxuu ka soo badbaadiyey gacantii kii isaga ka xoogga badnaa.
31:12b.JER.031.012 Oo intay yimaadaan ayay meesha sare ee Siyoon ka dul heesi doonaan, oo waxay u soo wada qulquli doonaan Rabbiga wanaaggiisa oo ah hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo ubadka idaha iyo lo'daba, oo naftooduna waxay noqon doontaa sida beer la waraabiyey oo kale, oo mar dambena innaba weligood ma ay murugoon doonaan.
31:13b.JER.031.013 Oo markaasay bikraddu cayaarta ku dhex rayrayn doonta, oo barbaarrada iyo odayaashuba ay wada farxi doonaan, waayo, baroorashadoodii farxad baan ugu beddeli doonaa, waanan u qalbi qaboojin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay murugtoodii ka reyreeyaan.
31:14b.JER.031.014 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wadaaddada naftooda aad baan u dhergin doonaa, oo dadkayguna wanaaggaygay ka dhergi doonaan.
31:15b.JER.031.015 Rabbigu wuxuu leeyahay, Cod baa Raamaah laga maqlay, baroorasho iyo oohin qadhaadh, oo Raaxeel carruurteeday u ooyaysaa, wayna diiddaa in carruurteeda looga qalbi qaboojiyo, waayo, ma ay joogaan.
31:16b.JER.031.016 Rabbigu wuxuu leeyahay, Codkaaga oohinta ka jooji, oo indhahaagana ilmada ka celi, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Shuqulkaaga waa lagaaga abaal gudi doonaa, oo iyagu mar kalay ka iman doonaan dalkii cadowga.
31:17b.JER.031.017 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Ugudambaystaadana rajaa kuu jirta, oo carruurtaaduna mar kalay waddankooda ku soo noqon doonaan.
31:18b.JER.031.018 Sida xaqiiqada ah waxaan maqlay Efrayim oo ku barooranaya, Adigu waad i edbisay, oo waxaa la ii edbiyey sidii dibi layli ah oo aan harqoodka u baran. I soo celi, oo aniguna waan soo noqon doonaa, waayo, Rabbiga Ilaahayga ah ayaad tahay.
31:19b.JER.031.019 Hubaal markaan soo noqday ayaan toobad keenay, oo markii lay waaniyeyna bowdadaan dharbaaxay, oo waan ceeboobay, oo xataa waan sharaf jabay, waayo, waxaan weli sitay ceebtii yaraantayda.
31:20b.JER.031.020 Rabbigu wuxuu leeyahay, Efrayim ma wiilkayga aan aad u jeclahay baa? Oo ma wiil aan ku farxo baa? Waayo, mar alla markii aan wax isaga ka gees ah ku hadlo, aad baan isaga u xusuustaa, oo aawadiis ayaa uurku ii gubtay. Hubaal waan u naxariisan doonaa.
31:21b.JER.031.021 Calaamado samayso, oo tiirar jidka lagu garto qotonso, oo qalbigaaga u soo jeedi xagga jidka weyn, kaasoo ah jidkii aad markii hore ku tagtay. Dadka Israa'iil ee bikradda ahow, soo noqo. Magaalooyinkaagan ku soo noqo.
31:22b.JER.031.022 Kaaga sida bikrad dib u socdow, ilaa goormaad iska daba wareegaysaa? Waayo, Rabbigu wax cusubuu dhulka ku sameeyey, oo naag baa nin ku wareegi doonta.
31:23b.JER.031.023 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Hadalkan ayay mar kale kaga dhex hadli doonaan dalka Yahuudah iyo magaalooyinkiisaba, markaan maxaabiistooda dib u soo celiyo, oo waxay odhan doonaan, Hoyga caddaaladda, iyo buurta quduuska ahay, Rabbigu ha ku barakeeyo.
31:24b.JER.031.024 Xaggaas waxaa degganaan doona dadka dalka Yahuudah iyo magaalooyinkiisa oo dhanba, kuwaasoo beeraley iyo kuwa xoolodhaqato ah.
31:25b.JER.031.025 Waayo, naf kasta oo daallan ayaan wabxiyey, oo naf kasta oo murugaysanna waan dhergiyey.
31:26b.JER.031.026 Markaasaan toosay, oo wax baan fiiriyey, oo hurdadaydiina way ii macaanayd.
31:27b.JER.031.027 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti aan dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudahba ku dhex beeri doono abuur dad iyo duunyoba.
31:28b.JER.031.028 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay noqon doontaa in sidaan iyaga ugu dhawray inaan rujiyo, oo aan dumiyo, oo aan afgembiyo, oo aan baabbi'iyo, oo aan wada dhibo, sidaas oo kale ayaan iyaga ugu dhawri doonaa inaan dhiso, oo aan beero.
31:29b.JER.031.029 Oo wakhtigaas iyagu mar dambe ma ay odhan doonaan, Aabbayaashii waxay cuneen canab dhanaan, carruurtiina way saliilyoodeen.
31:30b.JER.031.030 Laakiinse mid kastaaba wuu u dhiman doonaa xumaantiisa, oo nin kasta oo canab dhanaan cunaaba wuu saliilyoon doonaa.
31:31b.JER.031.031 Bal eega, maalmihii waa imanayaan, ayaa Rabbigu leeyahay, oo anigu axdi cusub baan la dhigan doonaa reer Israa'iil iyo reer Yahuudah,
31:32b.JER.031.032 oo aan ahayn axdigii aan awowayaashood la dhigtay oo kale, maalintii aan iyaga gacanta qabtay inaan ka kaxeeyo dalka Masar. Iyagu axdigaygaas way jebiyeen in kastoo aan iyaga sayid u ahaa, ayaa Rabbigu leeyahay.
31:33b.JER.031.033 Laakiinse kanu waa axdiga aan la dhigan doono reer Israa'iil maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay. Sharcigayga waxaan gelin doonaa uurkooda, oo qalbigoodana waan ku qori doonaa, oo Ilaahooda waan ahaan doonaa, iyaguna dadkaygay ahaan doonaan.
31:34b.JER.031.034 Mar dambe nin kastaaba deriskiisa wax ma bari doono, oo nin kastaaba walaalkiis wax ma bari doono, isagoo ku leh, Rabbiga garo, waayo, kulli way i garan doonaan, kooda ugu yar ilaa kooda ugu weynba, ayaa Rabbigu leeyahay, waayo, xumaantooda waan cafiyi doonaa, oo dembigoodana kol dambe ma xusuusan doono.
31:35b.JER.031.035 Rabbiga qorraxda maalintii nuurka ka dhiga, oo qaynuunnada dayaxa iyo xiddigaha ka dhiga inay habeenkii nuuraan, oo baddana kiciya si ay mawjadaheedu u guuxaan, oo magiciisa la yidhaahdo Rabbigii ciidammada, wuxuu leeyahay:
31:36b.JER.031.036 Haddii qaynuunnadaasu ay hortayda ka tagaan, farcanka reer binu Israa'iilna way ka joogsan doonaan inay weligoodba hortayda quruun ku ahaadaan.
31:37b.JER.031.037 Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddii samada sare la qiyaasi karo, amase aasaaska dhulka hoose la soo baadhi karo, markaas aniguna farcanka reer binu Israa'iil oo dhan waan u wada xoori doonaa wixii ay sameeyeen oo dhan aawadood, ayaa Rabbigu leeyahay.
31:38b.JER.031.038 Oo haddana Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti Rabbiga magaalada looga dhisi doono munaaradda Xananeel iyo tan iyo iridda rukunka.
31:39b.JER.031.039 Oo xadhigga qiyaastuna wuxuu hore ugu sii gudbi doonaa tan iyo buurta Gaareeb oo ka sii horraysa, oo xagga Gocaahna wuu u jeedsan doonaa.Oo dhammaan dooxada meydadka, iyo dambaskaba, iyo beeraha oo dhan tan iyo durdurka Qidroon iyo ilaa iridda faraska oo dhanka bari u jeeddaba quduus bay Rabbiga u ahaan doonaan, oo weligeedna mar dambe lama rujin doono, lamana dumin doono.
31:40b.JER.031.040 Oo dhammaan dooxada meydadka, iyo dambaskaba, iyo beeraha oo dhan tan iyo durdurka Qidroon iyo ilaa iridda faraska oo dhanka bari u jeeddaba quduus bay Rabbiga u ahaan doonaan, oo weligeedna mar dambe lama rujin doono, lamana dumin doono.
32
32:1b.JER.032.001 Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid sannaddii tobnaad ee Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo kaasu wuxuu ahaa sannaddii siddeed iyo tobnaad oo Nebukadresar.
32:2b.JER.032.002 Markaasaa ciidankii boqorka Baabuloon Yeruusaalem hareereeyeen. Oo Nebi Yeremyaahna wuxuu ku xidhnaa barxaddii xabsigii ku dhex yiil gurigii boqorka dalka Yahuudah.
32:3b.JER.032.003 Waayo, Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ayaa isaga xidhay, oo wuxuu ku yidhi, War maxaad wax u sii sheegtaa, adigoo leh, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, magaaladan waxaan gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna wuu qabsan doonaa,
32:4b.JER.032.004 oo Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah gacanta reer Kaldayiin kama uu baxsan doono, laakiinse hubaal waxaa la gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna afkiisuu kula hadli doonaa, oo indhahana way isku arki doonaan,
32:5b.JER.032.005 oo isna Sidqiyaah ayuu u kaxaysan doonaa Baabuloon oo halkaasuu joogi doonaa ilaa aan isaga soo booqdo, ayaa Rabbigu leeyahay; oo in kastoo aad reer Kaldayiin la dirirtaan innaba ma liibaani doontaan?
32:6b.JER.032.006 Oo Yeremyaahna wuxuu yidhi, Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid, oo wuxuu igu yidhi,
32:7b.JER.032.007 Bal eeg, waxaa kuu iman doona ina-adeerkaa Xanameel ina Shalluum, oo wuxuu kugu odhan doonaa, Beertayda Canaatood ku taal iga iibso, waayo, adigaa furashada xaq u leh inaad iga iibsatid.
32:8b.JER.032.008 Markaasaa ina-adeerkay Xanameel iigu yimid barxaddii xabsiga sidii erayga Rabbigu ahaa, oo wuxuu igu yidhi, Waan ku baryayaaye beertayda ku taal Canaatood oo dalka reer Benyaamiin ku dhex taal iga iibso, waayo, inaad dhaxasho adigaa xaq u leh, oo furashadeedana adigaa leh, haddaba soo iibso, oo markaasaan ogaaday in kaasu Eraygii Rabbiga yahay.
32:9b.JER.032.009 Markaasaan iibsaday ina-adeerkay Xanameel beertiisii Canaatood ku tiil, oo isagaan lacagtii u miisaamay taasoo ahayd toddoba iyo toban sheqel oo lacag ah.
32:10b.JER.032.010 Oo intaan warqaddii heshiiska qoray ayaan shaabadeeyey, oo markaasaan markhaatiyaal u yeedhay oo isagaan lacagtii kafado ugu miisaamay.
32:11b.JER.032.011 Kolkaasaan qaatay warqadihii heshiiska waxiibsashada, tii shaabadaysnayd iyo tii furnaydba, si waafaqsan sharciga iyo caadada.
32:12b.JER.032.012 Oo markaasaan warqaddii heshiiska waxiibsashada u dhiibay Baaruug ina Neeriiyaah oo ka sii ahaa ina Maseeyaah, iyadoo uu u jeedo ina-adeerkay Xanameel, oo waxaan ugu hor dhiibay markhaatiyaashii warqadda heshiiska saxeexay, iyo Yuhuuddii xabsiga barxaddiisa fadhiday oo dhan.
32:13b.JER.032.013 Oo waxaan Baaruug ku amray hortooda, oo ku idhi,
32:14b.JER.032.014 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Qaad warqadahan heshiiska waxiibsashada, midda shaabadaysan, iyo tan furanba, oo waxaad ku dhex riddaa jalxad dhooba ah, si ay wakhti dheer u sii raagaan.
32:15b.JER.032.015 Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Weliba mar dambe dalkan waxaa laga iibsan doonaa guryo iyo beero canab ah.
32:16b.JER.032.016 Oo markaan warqaddii heshiiska waxiibsashada Baaruug ina Neeriiyaah u dhiibay dabadeed ayaan Ilaah baryay oo waxaan ku idhi,
32:17b.JER.032.017 Sayidow, Rabbiyow, bal eeg, samada iyo dhulkaba xooggaaga badan iyo gacantaada fidsan ayaad ku samaysay, oo wax kugu adagna ma jiro.
32:18b.JER.032.018 Kumanyaal baad u naxariisataa, oo xumaantii aabbayaashu sameeyaanna waxaad abaalmarin ugu soo celisaa laabta carruurtooda iyaga ka dambaysa. Magacaagu waa Ilaaha xoogga badan ee weyn, iyo Rabbiga ciidammada.
32:19b.JER.032.019 Xagga talada waad ku weyn tahay, oo xagga shuqulkana waad ku xoog badan tahay. Indhahaagu way u furan yihiin jidadka binu-aadmiga oo dhan, si aad mid kasta ugu abaal marisid sidii jidkiisu ahaa iyo sidii midhaha falimihiisu ay ahaayeen.
32:20b.JER.032.020 Waxaad ilaa maantadan calaamooyin iyo yaababba ku dhex samaysay dalkii Masar, iyo reer binu Israa'iil dhexdooda, iyo dadka kale dhexdoodaba, oo magac baad samaysatay siday maantadan tahay.
32:21b.JER.032.021 Oo dadkaaga reer binu Israa'iilna dalkii Masar baad kaga soo bixisay calaamooyin, iyo yaabab, iyo gacan xoog badan, iyo dhudhun fidsan, iyo cabsi weyn.
32:22b.JER.032.022 Oo iyagaad siisay dalkan aad awowayaashood ugu dhaaratay inaad iyaga siinaysid kaasoo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan,
32:23b.JER.032.023 oo iyana intay soo galeen ayay hantiyeen, laakiinse codkaagii ma ay addeecin, oo sharcigaagiina kuma ay socon, oo waxyaalihii aad ku amartay inay sameeyaanna waxba kama ay samayn, oo sidaas daraaddeed ayaad ka dhigtay in masiibadan oo dhammu ay ku dhacdo.
32:24b.JER.032.024 Bal eeg tuulmooyinka! Magaalada waa loo yimid in la qabsado, oo waxaa magaaladii la geliyey gacantii reer Kaldayiinkii iyada la diriray, waana seefta iyo abaarta iyo belaayada aawadood. Wixii aad ku hadashay way ahaadeen, oo bal eeg, adiguba waad u jeeddaa.
32:25b.JER.032.025 Sayidow, Rabbiyow, waxaad igu tidhi, Beerta lacag ku iibso, oo markhaatiyaal u yeedh, waayo, magaalada waxaa lagu riday gacanta reer Kaldayiin.
32:26b.JER.032.026 Markaasaa Yeremyaah waxaa u yimid Eraygii Rabbiga oo ku leh,
32:27b.JER.032.027 Bal eeg, anigu waxaan ahay Rabbiga ah Ilaaha binu-aadmiga oo dhan, haddaba ma wax igu adag baa jira?
32:28b.JER.032.028 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Anigu magaaladan waxaan gelin doonaa gacanta reer Kaldayiin, iyo gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo isna wuu qabsan doonaa.
32:29b.JER.032.029 Oo reer Kaldayiinka magaaladan la dirirayaana way iman doonaan, oo dab bay magaaladan qabadsiin doonaan, oo way gubi doonaan iyada iyo guryaheedii ay saqafkooda Bacal foox ugu shidi jireen, oo ay qurbaanno cabniin ah ilaahyada kale ugu shubi jireen, oo sidaasay iiga cadhaysiiyeen.
32:30b.JER.032.030 Waayo, dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba waxay tan iyo yaraantoodii hortayda ku sameeyeen shar keliya, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iil waxaa keliya oo ay sameeyeen inay shuqulka gacmahooda igaga cadhaysiiyaan.
32:31b.JER.032.031 Waayo, magaaladanu waxay ii ahayd wax iga dhirfiya oo iga cadhaysiiya tan iyo maalintii ay dhiseen iyo ilaa maantadan la joogo inta ka dhex leh, oo sidaas daraaddeed ayaan wejigayga uga hor fogayn doonaa,
32:32b.JER.032.032 waana sharkii dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah ay igaga cadhaysiiyeen oo dhan, iyaga, iyo boqorradooda, iyo amiirradooda, iyo wadaaddadooda, iyo nebiyadooda, iyo dadka Yahuudah, iyo kuwa Yeruusaalem deggan.
32:33b.JER.032.033 Oo iyagu dhabarkay ii soo jeediyeen, wejigiina way iga sii jeediyeen, oo in kastoo aan iyaga wax baray, anigoo goor wanaagsan wax baraya, inay tacliin qaataan innaba ma ay dhegaysan.
32:34b.JER.032.034 Laakiinse karaahiyooyinkoodii ayay dhex qotomiyeen gurigii laygu magacaabay gudihiisa oo sidaasay u nijaaseeyeen.
32:35b.JER.032.035 Oo weliba waxay dhiseen meelaha sarsare ee Bacal oo ku dhex yaal dhooxada ina Xinnom si ay wiilashooda iyo gabdhahoodaba dab u dhex marsiiyaan Moleg aawadiis, taasoo aanan iyaga ku amrin, oo aan innaba qalbigayga soo gelin, inay karaahiyadan sameeyaan oo ay dadka Yahuudah dembaajiyaan.
32:36b.JER.032.036 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay magaaladan aad tidhaahdeen, Waxay boqorka Baabuloon ugu gacangeli doontaa seef iyo abaar iyo belaayo,
32:37b.JER.032.037 Bal ogaada, waxaan iyaga ka soo dhex ururin doonaa waddammadii aan xanaaqayga iyo dhirifkayga iyo cadhada weyn ugu kexeeyey oo dhan, oo meeshan ayaan mar kale ku soo celin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay ammaan ku degganaadaan.
32:38b.JER.032.038 Iyagu waxay ahaan doonaan dadkaygii, oo anna Ilaahood baan ahaan doonaa.
32:39b.JER.032.039 Oo waxaan iyaga siin doonaa qalbi qudha iyo jid qudha, si ay weligoodba iiga cabsadaan, waana inay iyaga iyo carruurtooda ka dambaysaba wanaag helaan.
32:40b.JER.032.040 Oo waxaan iyaga la dhigan doonaa axdi weligiisba sii waaraya, si aanan marnaba uga sii jeesan inaan iyaga wanaag u sameeyo, oo qalbigooda ayaan cabsidayda gelin doonaa, si ayan iiga tegin aawadeed.
32:41b.JER.032.041 Waxaan ku farxi doonaa inaan iyaga wanaag u sameeyo, oo sida runta ah qalbigayga oo dhan iyo naftayda oo dhan ayaan iyaga dalkan ku dhex beeri doonaa.
32:42b.JER.032.042 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaan dadkan ugu soo dejiyey masiibadan weyn oo dhan ayaan wanaaggii aan u ballanqaaday oo dhan ugu soo dejin doonaa.
32:43b.JER.032.043 Oo beeraa laga iibsan doonaa dalkan aad tidhaahdaan, Waa cidla aan dad iyo duunyo toona lahayn oo waxaa lagu riday gacanta reer Kaldayiin.Dad baa beero lacag kaga iibsan doona dalka reer Benyaamiin iyo meelaha Yeruusaalem ku wareegsan oo dhan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo magaalooyinka buuraha ku yaal, iyo magaalooyinka dooxada ku yaal, iyo magaalooyinka koonfureedba, oo warqadda heshiiskana way qori doonaan oo shaabadayn doonaan, oo markhaatiyaalna way u yeedhi doonaan, waayo, anigu maxaabiistooda waan soo celin doonaa ayaa Rabbigu leeyahay.
32:44b.JER.032.044 Dad baa beero lacag kaga iibsan doona dalka reer Benyaamiin iyo meelaha Yeruusaalem ku wareegsan oo dhan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo magaalooyinka buuraha ku yaal, iyo magaalooyinka dooxada ku yaal, iyo magaalooyinka koonfureedba, oo warqadda heshiiskana way qori doonaan oo shaabadayn doonaan, oo markhaatiyaalna way u yeedhi doonaan, waayo, anigu maxaabiistooda waan soo celin doonaa ayaa Rabbigu leeyahay.
33
33:1b.JER.033.001 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah mar labaad u yimid intuu weli barxaddii xabsiga ku xidhnaa, oo wuxuu ku yidhi,
33:2b.JER.033.002 Rabbiga waxyaalahaas sameeya, oo u yeela inuu sii adkeeyo aawadeed, magiciisu waa Rabbiga, oo wuxuu leeyahay,
33:3b.JER.033.003 I bari, waanan kuu jawaabi doonaa, oo waxaan ku tusi doonaa waxyaalo waaweyn oo qarsoon oo aadan aqoon.
33:4b.JER.033.004 Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay guryaha magaaladan iyo guryaha boqorrada dalka Yahuudah oo loo dumiyey in la sameeyo wax lagaga daafaco tuulmooyinkii dagaalka iyo seefta,
33:5b.JER.033.005 Iyagu waxay u imanayaan inay reer Kaldayiin la diriraan, laakiinse waxay meeshan ka buuxin doonaan dad dhintay meydadkood, kuwaasoo aan cadhadayda iyo xanaaqayga ku laayay, oo aan dhammaantood xumaantooda aawadeed magaaladan wejigayga uga qariyey.
33:6b.JER.033.006 Bal ogaada, anigu waxaan iyada u keeni doonaa caafimaad iyo fayoobi, waanan bogsiin doonaa, oo waxaan iyaga u muujin doonaa nabad iyo run badan.
33:7b.JER.033.007 Oo maxaabiistii dadka Yahuudah, iyo maxaabiistii dadka Israa'iilba waan soo celin doonaa, oo iyagaan u dhisi doonaa sidii markii hore oo kale.
33:8b.JER.033.008 Xumaantoodii ay igu dembaabeen oo dhan waan ka nadiifin doonaa, oo xumaatooyinkoodii ay igu dembaabeen oo ay igu xadgudbeen oo dhanna waan ka cafiyi doonaa.
33:9b.JER.033.009 Oo magaaladanu waxay igu noqon doontaa magac farxadeed, oo ammaan iyo sharaf ku hor leh quruumaha dunida oo maqli doona wanaagga aan iyaga u sameeyo oo dhan hortooda, oo iyagu waxay la cabsan doonaan oo la wada gariiri doonaan wanaagga iyo nabadda aan u yeelo oo dhan.
33:10b.JER.033.010 Rabbigu wuxuu leeyahay, Meeshan aad tidhaahdaan, Waa cidla aan dad iyo duunyo toona lahayn, taasoo ah magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalem, oo ah baabba' cidla ah, oo aan lagu arag dad, iyo wax deggan, iyo duunyo toona, waxaa mar kale laga dhex maqli doonaa
33:11b.JER.033.011 codka farxadda, iyo codka rayraynta, iyo codka arooska, iyo codka aroosadda, iyo codka kuwa leh, Rabbiga ciidammada u mahad naqa, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa, iyo kuwa guriga Rabbiga allabaryo mahadnaqid ah keena. Waayo, maxaabiista dalka waan soo celin doonaa sidii markii hore oo kale, ayaa Rabbigu leeyahay.
33:12b.JER.033.012 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan cidlada ah oo aan dad iyo duunyo toona lahayn, iyo magaalooyinkeeda oo dhanba waxaa mar kale jiri doona rug adhijirro adhyahooda fadhiisiya.
33:13b.JER.033.013 Magaalooyinka buuraha, iyo magaalooyinka dooxada, iyo magaalooyinka koonfureed, iyo dalka reer Benyaamiin, iyo meelaha Yeruusaalem ku wareegsan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudahba adhyuhu mar kalay hoos mari doonaan kan tirinaya gacmihiisa, ayaa Rabbigu leeyahay.
33:14b.JER.033.014 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan wada oofin doona wixii wanaagsanaa ee aan dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba kaga hadlay.
33:15b.JER.033.015 Wakhtigaas iyo waagaasba waxaan Daa'uud u soo bixin doonaa biqil xaq ah, oo isna wuxuu dalka ku dhex samayn doonaa caddaalad iyo xaqnimo.
33:16b.JER.033.016 Wakhtigaas dadka Yahuudah waa la badbaadin doonaa, oo Yeruusaalemna ammaan bay ku degganaan doontaa, oo kanuna waa magaca iyada lagu magacaabi doono, Rabbigu waa xaqnimadayadii.
33:17b.JER.033.017 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Daa'uud marnaba ma waayi doono nin carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista.
33:18b.JER.033.018 Oo wadaaddada reer Laawina marnaba ma waayi doonaan nin hortayda jooga inuu qurbaanno la gubo bixiyo, iyo inuu qurbaanno hadhuudh ah gubo, iyo inuu had iyo goorba allabaryo.
33:19b.JER.033.019 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah u yimid, oo wuxuu ku yidhi,
33:20b.JER.033.020 Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad jebin karaysaan axdigayga habeenka, amase axdigayga maalinta, si habeen iyo maalinu ayan xilligooda u ahaanin,
33:21b.JER.033.021 markaas axdigayga aan addoonkayga Daa'uud la dhigtayna waa jabi karayaa si uusan u helin wiil carshigiisa ka dul taliya, iyo kii aan la dhigtay wadaaddada reer Laawi oo midiidinnadayda ah.
33:22b.JER.033.022 Sida aan ciidammada samada loo tirin karin, amase aan ciidda badda loo qiyaasi karin, ayaan u tarmin doonaa farcanka addoonkayga Daa'uud, iyo reer Laawiga ii adeegaba.
33:23b.JER.033.023 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah u yimid, oo wuxuu ku yidhi,
33:24b.JER.033.024 Miyaadan ka fikirayn waxa dadkanu ku hadleen iyagoo leh, Labadii qolo ee uu Rabbigu doortayba wuu xooray? Oo saasay dadkayga u quudhsadaan si ayan iyagu mar dambe hortooda quruun ugu ahaan.
33:25b.JER.033.025 Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadduusan axdigayga habeenka iyo maalintu sii jirin, ama haddaanan waajib ka dhigin qaynuunnada samada iyo dhulkaba,markaas waxaan xoori doonaa farcankii Yacquub, iyo addoonkaygii Daa'uudba, si aanan farcankiisa qaarna uga dhigin inay taliyayaal u ahaadaan farcankii Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, waayo, maxaabiistooda waan soo celin doonaa, waanan u naxariisan doonaa.
33:26b.JER.033.026 markaas waxaan xoori doonaa farcankii Yacquub, iyo addoonkaygii Daa'uudba, si aanan farcankiisa qaarna uga dhigin inay taliyayaal u ahaadaan farcankii Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, waayo, maxaabiistooda waan soo celin doonaa, waanan u naxariisan doonaa.
34
34:1b.JER.034.001 Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid waagii Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon, iyo ciidankiisii oo dhan, iyo boqortooyooyinkii dunida oo taliskiisa ku jiray oo dhan, iyo dadkii oo dhammuba ay la dirirayeen Yeruusaalem iyo magaalooyinkeedii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi,
34:2b.JER.034.002 Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Tag oo Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, magaaladan waxaan ku ridi doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna dab buu ku gubi doonaa.
34:3b.JER.034.003 Oo adiguna gacantiisa kama aad baxsan doontid, laakiinse hubaal waa lagu qabsan doonaa, oo gacantiisaa lagugu ridi doonaa, oo indhahaaguna waxay fiirin doonaan indhaha boqorka Baabuloon, oo isna afkiisuu kula hadli doonaa, oo Baabuloon baad tegi doontaa.
34:4b.JER.034.004 Sidqiyaah boqorka dalka Yahuudahow, Weliba bal maqal erayga Rabbiga. Rabbigu wuxuu kaa leeyahay, Seef kuma dhiman doontid,
34:5b.JER.034.005 nabad baadse ku dhiman doontaa, oo wax baa laguu shidi doonaa sidii wax loogu shidi jiray awowayaashaa oo ahaa boqorradii kaa sii horreeyey, wayna kuu barooran doonaan, iyagoo leh, Hoogaye, sayidkaygiiyow, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Eraygaas anigaa ku hadlay.
34:6b.JER.034.006 Markaas Nebi Yeremyaah wuxuu erayadaas oo dhan Yeruusaalem kagala hadlay Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah,
34:7b.JER.034.007 markii boqorkii Baabuloon ciidankiisii uu la dirirayay Yeruusaalem, iyo magaalooyinkii dalka Yahuudah oo hadhay oo dhan, iyo xataa Laakiish iyo Caseeqaah, waayo, magaalooyinkaas deyrka lahaa ayaa ka hadhay magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan.
34:8b.JER.034.008 Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid markii Boqor Sidqiyaah uu dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhan axdi la dhigtay dabadeed. Axdigaasuna waa in xorriyad loogu dhawaaqo,
34:9b.JER.034.009 in nin kastaaba xoreeyo addoonkiisii Cibraaniga ah ama addoontiisii Cibraaniyadda ah, iyo inuusan ninna addoonsan walaalkiisa Yuhuudi ah.
34:10b.JER.034.010 Haddaba amiirradii iyo dadkii axdiga galay oo dhammu markay maqleen inay nin kasta waajib ku tahay inuu xoreeyo addoonkiisa iyo addoontiisaba, iyo inaan ninna iyaga mar dambe addoonsan ayay amarkaas addeeceen oo way sii wada daayeen iyagii.
34:11b.JER.034.011 Laakiinse markaas dabadeed ayay ku noqdeen, oo waxay soo ceshadeen addoommadii ay mar hore sii daayeen, oo iyagay u gumaysteen inay addoommo u sii ahaadaan.
34:12b.JER.034.012 Sidaas daraaddeed eraygii Rabbigu wuxuu xagga Rabbiga uga yimid Yeremyaah isagoo leh,
34:13b.JER.034.013 Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu axdi baan awowayaashiin la dhigtay maalintii aan iyaga dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga ka soo bixiyey, oo waxaan ku idhi,
34:14b.JER.034.014 Markay toddoba sannadood dhammaystaan midkiin kastaaba ha sii daayo walaalkiisa Cibraaniga ah oo is-iibiyey, oo markuu kuu adeego lix sannadood waa inaad isaga sii daysaa isagoo xor kaa ah. Laakiinse awowayaashiin ima ay maqlin, oo dhegna iima ay dhigin.
34:15b.JER.034.015 Idinkuse haatan waad soo noqoteen, oo wax qumman ayaad hortayda ku samayseen markii ninkiin kastaaba uu deriskiisa xorriyad ugu dhawaaqay, oo axdi baad hortayda ku gasheen idinkoo gurigii laygu magacaabay jooga.
34:16b.JER.034.016 Laakiinse intaad iga noqoteen ayaad magacaygii nijaasayseen, oo ninkiin kastaaba wuxuu soo ceshaday addoonkiisii iyo addoontiisii uu ikhtiyaarkooda ku xoreeyey, oo waxaad ku soo celiseen gumaysi inay addoommo idiin sii ahaadaan.
34:17b.JER.034.017 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku ima aydaan maqlin, in nin kastaa xorriyad ugu dhawaaqo walaalkiis iyo deriskiisa. Bal ogaada, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan idinku dhawaaqayaa xorriyad, taasoo ah in seef, iyo belaayo, iyo abaaru ay idin baabbi'iyaan, oo waxaan idinka dhigi doonaa inaad boqortooyooyinkii dunida oo dhan hore iyo dib ku dhex rogrogmataan.
34:18b.JER.034.018 Oo nimankii axdigayga ku xadgudbay, oo aan oofin erayadii axdiga ee ay hortayda ku galeen markay weysha laba u kala gooyeen oo ay qaybaheedii kala dhex mareen,
34:19b.JER.034.019 kuwaasoo ah amiirradii dalka Yahuudah, iyo amiirradii Yeruusaalem, iyo bohommadii, iyo wadaaddadii, iyo dadkii dalka oo qaybihii weysha kala dhex maray oo dhan,
34:20b.JER.034.020 waxaan kulligood ku wada ridi doonaa gacanta cadaawayaashooda, iyo gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo meydkooduna wuxuu cunto u noqon doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulka.
34:21b.JER.034.021 Oo Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, iyo amiirradiisaba waxaan ku ridi doonaa gacanta cadaawayaashooda, iyo gacanta kuwa naftooda doondoonaya, iyo gacanta ciidanka boqorka Baabuloon oo haatan idinka noqday.Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu waan amri doonaa oo waxaan ka yeeli doonaa inay magaaladan ku soo noqdaan, wayna la diriri doonaan, oo qabsan doonaan, oo dab bay ku gubi doonaan, oo waxaan magaalooyinka dalka Yahuudah ka dhigi doonaa cidla aan ciduna degganayn.
34:22b.JER.034.022 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu waan amri doonaa oo waxaan ka yeeli doonaa inay magaaladan ku soo noqdaan, wayna la diriri doonaan, oo qabsan doonaan, oo dab bay ku gubi doonaan, oo waxaan magaalooyinka dalka Yahuudah ka dhigi doonaa cidla aan ciduna degganayn.
35
35:1b.JER.035.001 Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid wakhtigii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah uu boqorka ka ahaa dalka Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi,
35:2b.JER.035.002 Waxaad u tagtaa reer Reekaab, oo la hadal, oo guriga Rabbiga qolladihiisa middood geli, waxaanad siisaa khamri ay cabbaan.
35:3b.JER.035.003 Markaasaan soo kaxaystay Ya'asanyaah ina Yeremyaah oo ahaa ina Habasinyaah, iyo walaalihiis, iyo wiilashiisii oo dhan, iyo qooyskii reer Reekaab oo dhan,
35:4b.JER.035.004 oo gurigii Rabbigana waan keenay, oo waxaan soo geliyey qolladdii ilma Xaanaan kaasoo ahaa ina Yigdalyaah oo ahaa nin Ilaah u go'ay, taasoo ku dhinac tiil qolladdii amiirrada, oo ka sii korraysay qolladdii Macaseeyaah ina Shalluum ee iridjooge ahaa.
35:5b.JER.035.005 Markaasaan wiilashii reer Reekaab soo hor dhigay weelal khamri ka buuxo iyo koobab, oo waxaan ku idhi, Khamrigan cabba.
35:6b.JER.035.006 Laakiinse waxay yidhaahdeen, Innaba khamri cabbi mayno, waayo, awowgayo Yoonaadaab oo ahaa ina Reekaab ayaa nagu amray oo nagu yidhi, Weligiin idinka iyo wiilashiinnuba waa inaydaan khamri cabbin.
35:7b.JER.035.007 Oo innaba guri ha dhisanina, abuurna ha daadinina, oo beercanabna ha beeranina, hana yeelanina, laakiinse cimrigiinna oo dhan waxaad degganaataan teendhooyin si aad wakhti dheer u sii joogtaan dalka aad deggan tihiin.
35:8b.JER.035.008 Oo annagu waannu addeecnay codkii awowgayo Yoonaadaab ina Reekaab oo nagu amray inaannan innaba khamri cabbin cimrigayaga oo dhan, annaga, iyo naagahayaga, iyo wiilashayada, iyo gabdhahayaguba,
35:9b.JER.035.009 iyo inaannan guryo aan ku degnona innaba dhisan, oo weliba annagu ma aannu lihin beercanab, ama beer kale, amase abuurba,
35:10b.JER.035.010 laakiinse teendhooyin baannu ku degganayn, oo waannu addeecnay, waanan wada samaynay sidii awowgayo Yoonaadaab uu nagu amray oo dhan.
35:11b.JER.035.011 Laakiinse markii Nebukadresar oo boqorka Baabuloon ahu uu dalka yimid ayaannu isnidhi, Ina keena aynu Yeruusaalem u guurnee, waana cabsida aannu ciidanka reer Kaldayiin, iyo ciidanka reer Suuriya ka cabsannay aawadeed, oo sidaas daraaddeed ayaannu Yeruusaalem ku deggan nahay.
35:12b.JER.035.012 Markaasaa eraygii Rabbigu Yeremyaah u yimid, isagoo leh,
35:13b.JER.035.013 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Tag, oo dadka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganba waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, War, tacliin miyeydaan qaadanayn inaad erayadayda maqashaan?
35:14b.JER.035.014 Yoonaadaab ina Reekaab erayadiisii uu wiilashiisa ku amray inayan innaba khamri cabbin waa la wada oofiyey, oo ilaa maantadan la joogo iyagu khamrina ma cabbaan, waayo, waxay addeecaan amarkii awowgood, aniguse waan idinla hadlay, anigoo goor wanaagsan idinla hadlaya, laakiinse innaba ima aydaan dhegaysan.
35:15b.JER.035.015 Oo weliba waxaan idiin soo diray nebiyadii addoommadayda ahaa anigoo goor wanaagsan idiin soo diraya, oo idinku leh, Midkiin kastaaba haatan jidkiisa sharka ah ha ka soo noqdo, oo falimihiinnana hagaajiya, oo ilaahyo kale ha daba gelina inaad u adeegtaan aawadeed, oo markaas waxaad iska degganaan doontaan dalkii aan siiyey idinka iyo awowayaashiinba, laakiinse idinku dheg iima aydaan dhigin, oo innaba ima aydaan dhegaysan.
35:16b.JER.035.016 Yoonaadaab ina Reekaab wiilashiisii way wada oofiyeen amarkii awowgood uu iyaga ku amray, laakiinse dadkanu aniga ima ay dhegaysan,
35:17b.JER.035.017 sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, dadka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem deggan oo dhanba waxaan ku soo dejin doonaa masiibadii aan iyaga kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, waan la hadlay, laakiinse ima dhegaysan, waanan u yeedhay, laakiinse iima ay jawaabin.
35:18b.JER.035.018 Markaas Yeremyaah wuxuu reer Reekaab ku yidhi, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Idinku waxaad addeecdeen amarkii awowgiin Yoonaadaab, oo qaynuunnadiisii oo dhanna waad dhawrteen, oo waxaad wada samayseen wixii uu idinku amray oo dhan,haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Yoonaadaab ina Reekaab marnaba weligiis ma waayi doono nin hortayda istaaga.
35:19b.JER.035.019 haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Yoonaadaab ina Reekaab marnaba weligiis ma waayi doono nin hortayda istaaga.
36
36:1b.JER.036.001 Boqorkii dalka Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah sannaddiisii afraad ayaa erayganu Yeremyaah uga yimid xagga Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi,
36:2b.JER.036.002 Kitaab duudduuban soo qaad, oo waxaad ku qortaa erayadii aan wakhtigii Yoosiyaah iyo ilaa maantadan la joogo inta ka dhex leh kugula hadlay oo dhan, kuwaas oo ka gees ahaa dalka Israa'iil, iyo dalka Yahuudah, iyo quruumaha oo dhan.
36:3b.JER.036.003 Waxaa suurtowda inay dadka Yahuudah maqli doonaan masiibadii aan ula qastiyey inaan iyaga ku sameeyo oo dhan, si ninkood kastaaba uu jidkiisa sharka ah uga soo noqdo, si aan xumaantooda iyo dembigoodaba uga cafiyo.
36:4b.JER.036.004 Markaasaa Yeremyaah Baaruug ina Neeriiyaah u yeedhay, oo Baaruugna wuxuu afkii Yeremyaah erayadii Rabbigu isaga u sheegay oo dhan kaga qoray kitaab duudduuban.
36:5b.JER.036.005 Markaasaa Yeremyaah amray Baaruug, oo wuxuu yidhi, Anigu waan xidhnahay, oo guriga Rabbiga ma aan tegi karo,
36:6b.JER.036.006 sidaas daraaddeed adigu tag, oo waxaad maalinta soonka dadka dhegihiisa ku akhridaa erayadii Rabbiga ee aad afkayga kitaabkii duudduubnaa kaga qortay, oo waxaad ku akhridaa guriga Rabbiga dhexdiisa, oo weliba waxaad kaloo dhegaha uga akhridaa dadka Yahuudah ee magaalooyinkooda ka yimid oo dhan.
36:7b.JER.036.007 Waxaa suurtowda inay baryootankooda Rabbiga hor keenaan, oo midkood kastaaba uu jidkiisa sharka ah ka soo noqdo, waayo, cadhada iyo xanaaqa uu Rabbigu dadkan kaga hadlay way weyn yihiin.
36:8b.JER.036.008 Markaasaa Baaruug ina Neeriiyaah wada sameeyey sidii Yeremyaah ku amray oo dhan, oo wuxuu kitaabkii ka akhriyey erayadii Rabbiga isagoo gurigii Rabbiga dhex jooga.
36:9b.JER.036.009 Boqorkii dalka Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah sannaddiisii shanaad bisheedii sagaalaad waxaa dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhan iyo dadkii Yeruusaalem uga yimid magaalooyinka dalka Yahuudah oo dhan loogu dhawaaqay inay Rabbiga hortiisa ku soomaan.
36:10b.JER.036.010 Markaas Baaruug wuxuu kitaabkii ka akhriyey erayadii Yeremyaah gurigii Rabbiga gudihiisa Gemaryaah ina Shaafaan oo karraani ahaa qolladdiisii oo ku tiil barxadda sare, oo u dhowayd meesha iridda cusub ee guriga Rabbiga laga soo galo, oo wuxuu dhegaha u saaray dadkii oo dhan.
36:11b.JER.036.011 Miikaayaah ina Gemaryaah oo ahaa ina Shaafaan markuu kitaabkii ka maqlay erayadii Rabbiga oo dhan
36:12b.JER.036.012 ayuu hoos u degtay oo wuxuu galay gurigii boqorka iyo qolladdii karraaniga, oo bal eeg, amiirradii oo dhammu halkaasay wada fadhiyeen, oo waxay ahaayeen Eliishaamaac oo karraaniga ahaa, iyo Delaayaah ina Shemacyaah, iyo Elnaataan ina Cakboor, iyo Gemaryaah ina Shaafaan, iyo Sidqiyaah ina Xananyaah, iyo amiirradii oo dhan.
36:13b.JER.036.013 Markaas Miikaayaah wuxuu iyagii u sheegay erayadii uu maqlay oo dhan markii Baaruug uu kitaabka ku akhriyey dadka dhegihiisa.
36:14b.JER.036.014 Sidaas daraaddeed amiirradii oo dhammu waxay Baaruug u soo direen Yehuudii ina Netanyaah oo ahaa ina Shelemyaah ina Kuushii, oo waxay ku yidhaahdeen, Kitaabkii duudduubnaa oo aad dadka dhegihiisa ku akhriday soo qaad oo noo kaalay. Markaasaa Baaruug ina Neeriiyaah gacanta ku soo qaaday kitaabkii duudduubnaa, oo iyagii u yimid.
36:15b.JER.036.015 Oo iyagiina waxay ku yidhaahdeen, Haddaba bal fadhiiso oo dhegahayaga ku akhri, oo markaasuu Baaruug kitaabkii dhegahoodii ku akhriyey.
36:16b.JER.036.016 Oo markay erayadii oo dhan maqleen ayay baqeen oo midkoodba kii kaluu fiiriyey, oo waxay Baaruug ku yidhaahdeen, Sida xaqiiqada ah erayadan oo dhan boqorka waannu u sheegi doonnaa.
36:17b.JER.036.017 Markaasay Baaruug weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Bal noo sheeg sidii aad erayadan oo dhan afkiisa uga qortay?
36:18b.JER.036.018 Oo Baaruugna iyaguu u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi, Isagu erayadan oo dhan afkiisuu iiga sheegay, oo aniguna khad baan kitaabkii ku qoray.
36:19b.JER.036.019 Markaas amiirradii waxay Baaruug ku yidhaahdeen, Tag, oo adiga iyo Yeremyaahba dhuunta, oo yaan ciduna ogaan meeshaad joogtaan.
36:20b.JER.036.020 Markaasay boqorkii oo barxaddiisa jooga u galeen, kitaabkii duudduubnaase waxay dhigeen qolladdii Eliishaamaac oo karraanigii ahaa, oo erayadii oo dhanna boqorkay u sheegeen.
36:21b.JER.036.021 Markaas boqorkii wuxuu Yehuudii u diray inuu kitaabkii u keeno, oo isna wuxuu ka soo qaaday Eliishaamaac oo karraanigii ahaa qolladdiisii. Markaas Yehuudii wuxuu kitaabkii ku akhriyey dhegihii boqorka iyo dhegihii amiirradii boqorka ag taagnaa oo dhan.
36:22b.JER.036.022 Haddaba waxay ahayd bishii sagaalaad, oo boqorkuna wuxuu fadhiyey gurigii qabowga laga geli jiray, oo hortiisana waxaa yiil dab girgire ku dhex ololaya.
36:23b.JER.036.023 Oo haddaba markii Yehuudii saddex amase afar qaybood akhriyey ayaa boqorku mandiil ku gooyay, oo wuxuu ku dhex tuuray dabkii girgiraha ka baxayay, ilamaa kitaabkii duudduubnaa uu ku wada baabba'ay dabkii girgiraha ka baxayay.
36:24b.JER.036.024 Oo boqorkii iyo addoommadiisii erayadaas oo dhan maqlay midkoodna ma cabsan, oo dharkoodiina ma ay jeexjeexin.
36:25b.JER.036.025 In kastoo ay Elnaataan iyo Delaayaah iyo Gemaryaah boqorkii ka baryeen inuusan kitaabka duudduuban gubin wuu maqli waayay.
36:26b.JER.036.026 Markaas boqorkii wuxuu Yeraxme'eel ina Hammeleg, iyo Seraayaah ina Casrii'eel, iyo Shelemyaah ina Cabdeel ku amray inay karraanigii Baaruug iyo Nebi Yeremyaahba soo qabtaan, laakiinse Rabbigaa qariyey.
36:27b.JER.036.027 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah u yimid markuu boqorku kitaabkii duudduubnaa iyo erayadii uu Baaruug ka qoray afka Yeremyaah gubay dabadeed, oo wuxuu ku yidhi,
36:28b.JER.036.028 Haddana kitaab kale oo duudduuban soo qaad, oo waxaad ku qortaa erayadii kitaabkii duudduubnaa ee hore ku yiil oo dhan, kaasoo Yehooyaaqiim oo ah boqorka dalka Yahuudah uu gubay.
36:29b.JER.036.029 Oo boqorka dalka Yahuudah oo Yehooyaaqiim ahna waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad gubtay kitaabkii duudduubnaa, adigoo leh, Maxaad gudihiisa waxyaalahan ugu qortay, oo aad u tidhi, Sida xaqiiqada ah boqorka Baabuloon wuu iman doonaa oo dalkanna wuu baabbi'in doonaa, halkanna dad iyo duunyoba wuu ka gooyn doonaa?
36:30b.JER.036.030 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu Yehooyaaqiim oo ah boqorka dalka Yahuudah ka leeyahay, Isagu ma uu yeelan doono mid carshigii Daa'uud ugu fadhiista, oo meydkiisa waxaa maalintii loo xoori doonaa kulaylka, habeenkiina sayaxa barafoobay.
36:31b.JER.036.031 Oo isaga iyo farcankiisa iyo addoommadiisaba xumaantooda aawadeed ayaan u ciqaabi doonaa, oo iyaga, iyo dadka Yeruusaalem deggan, iyo dadka dalka Yahuudahba waxaan ku soo dejin doonaa masiibadii aan iyaga kaga hadlay oo dhan, laakiinse way maqli waayeen.Markaas Yeremyaah wuxuu soo qaaday kitaab kale oo duudduuban, oo wuxuu u dhiibay karraanigii ahaa Baaruug ina Neeriiyaah, oo isna wuxuu afka Yeremyaah ka qoray erayadii ku yiil kitaabkii Yehooyaaqiim oo boqorka dalka Yahuudah ahu uu dabka ku gubay oo dhan, oo weliba waxaa iyagii lagu sii daray erayo kale oo badan oo iyagii la mid ah.
36:32b.JER.036.032 Markaas Yeremyaah wuxuu soo qaaday kitaab kale oo duudduuban, oo wuxuu u dhiibay karraanigii ahaa Baaruug ina Neeriiyaah, oo isna wuxuu afka Yeremyaah ka qoray erayadii ku yiil kitaabkii Yehooyaaqiim oo boqorka dalka Yahuudah ahu uu dabka ku gubay oo dhan, oo weliba waxaa iyagii lagu sii daray erayo kale oo badan oo iyagii la mid ah.
37
37:1b.JER.037.001 Oo Boqor Sidqiyaah oo ahaa ina Yoosiyaah ayaa boqor ka noqday meeshii Konyaah ina Yehooyaaqiim, kaasoo ahaa kii Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu isaga boqor uga dhigay dalkii Yahuudah.
37:2b.JER.037.002 Laakiinse isagii, iyo addoommadiisii, iyo dadkii dalka toona midkoodna ma maqlin erayadii Rabbiga ee uu isagu kaga hadlay Nebi Yeremyaah.
37:3b.JER.037.003 Oo Boqor Sidqiyaah wuxuu Nebi Yeremyaah u soo diray Yehuukal ina Shelemyaah, iyo Sefanyaah ina wadaadka Macaseeyaah, oo wuxuu ku soo yidhi, Bal Rabbiga Ilaaheenna ah noo bari.
37:4b.JER.037.004 Oo markaas Nebi Yeremyaah dadka dhexdiisa ayuu gudaha u soo geli jiray oo dibadda uga bixi jiray, waayo, weli ma ay xabbisin.
37:5b.JER.037.005 Oo ciidankii Fircoon ayaa Masar ka soo baxay, oo reer Kaldayiinkii Yeruusaalem ku hareeraysnaana markay warkoodii maqleen ayay Yeruusaalem ka kala tageen.
37:6b.JER.037.006 Markaasaa eraygii Rabbigu Nebi Yeremyaah u yimid, oo wuxuu ku yidhi,
37:7b.JER.037.007 Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Boqorka dalka Yahuudah oo ii soo kiin diray inuu wax i weyddiisto waxaad ku tidhaahdaan, Bal eeg, ciidanka Fircoon oo u soo baxay inuu ku caawiyo, waxay ku noqon doonaan dalkoodii Masar.
37:8b.JER.037.008 Oo reer Kaldayiinna way soo noqon doonaan, oo magaaladan bay la diriri doonaan, wayna qabsan doonaan, oo dab bay ku gubi doonaan.
37:9b.JER.037.009 Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku ha iskhiyaanaynina, oo ha isku odhanina, Hubaal reer Kaldayiin way naga tegayaan, maxaa yeelay, iyagu ma ay tegi doonaan.
37:10b.JER.037.010 Waayo, in kastoo aad ciidanka reer Kaldayiin ee idinla diriraya wada baabbi'in lahaydeen, oo rag dhaawac ah mooyaane aan iyaga wax kale ka hadhin, haddana iyaga midkood kastaaba wuxuu ka soo kici lahaa teendhadiisa, oo dab bay magaaladan ku gubi lahaayeen.
37:11b.JER.037.011 Oo markii ciidankii reer Kaldayiin ay Yeruusaalem uga kala tageen cabsi ay ka qabaan ciidankii Fircoon aawadiis
37:12b.JER.037.012 ayaa Yeremyaah Yeruusaalem ka baxay oo wuxuu galay dalkii reer Benyaamiin si uu meeshaas qaybtiisa dadka uga dhex helo.
37:13b.JER.037.013 Oo markuu iriddii reer Benyaamiin joogay waxaa isna halkaas joogay sirkaal waardiyayaasha madax u ahaa, oo magiciisa la odhan jiray Yiriyaah ina Shelemyaah, oo ahaa ina Xananyaah, oo isna Yeremyaah buu qabtay oo wuxuu ku yidhi, Adigu waxaad u gelaysaa reer Kaldayiin.
37:14b.JER.037.014 Markaas Yeremyaah wuxuu ku yidhi, Taasu waa been, anigu reer Kaldayiin u geli maayo. Laakiinse isagu innaba ma uu dhegaysan, sidaas daraaddeed Yiriyaah wuxuu soo qabtay Yeremyaah, oo amiirradii u keenay.
37:15b.JER.037.015 Amiirradiina Yeremyaah bay u cadhoodeen, oo intay garaaceen ayay gurigii Yoonaataan oo karraanigii ahaa ku xabbiseen, waayo, kaasay xabsi ka dhigeen.
37:16b.JER.037.016 Markii Yeremyaah uu gurigii godka ahaa galay iyo weliba qolalkii hoose, oo uu halkaas maalmo badan ku jiray,
37:17b.JER.037.017 ayaa waxaa isagii u soo cid diray Boqor Sidqiyaah, oo soo bixiyey. Markaasaa boqorkii si qarsoodi ah gurigiisa gudihiisa wax ugu weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Eray Rabbiga ka yimid miyuu jiraa? Kolkaasaa Yeremyaah ku yidhi, Waa jiraa. Oo wuxuu kaloo yidhi, Adigu waxaa laguu gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon.
37:18b.JER.037.018 Oo weliba Yeremyaah wuxuu Boqor Sidqiyaah ku yidhi, Bal maxaan adiga, amase addoommadaada, amase dadkan u dhimay, oo aad ii xabbisteen?
37:19b.JER.037.019 Haddaba bal meeye nebiyadaadii wax idiin sii sheegay, oo idinku yidhi, Boqorka Baabuloon ku soo duuli maayo idinka iyo dalkanba?
37:20b.JER.037.020 Haddaba boqorow, sayidkaygiiyow, bal baryadayda maqal, oo waan ku baryayaaye baryootankayga xaggaaga ha laga aqbalo, oo gurigii karraaniga Yoonaataan ha igu celin, waaba intaasoo aan halkaas ku dhintaaye.Markaas Boqor Sidqiyaah wuxuu ku amray in Yeremyaah barxaddii waardiyayaasha lagu daayo, oo waxaa dharaar kasta jidka kibisdubayaasha laga siin jiray xabbad kibis ah, ilamaa kibistii magaaladu ay wada dhammaatay. Oo sidaasuu Yeremyaah barxaddii waardiyayaasha ugu sii hadhay.
37:21b.JER.037.021 Markaas Boqor Sidqiyaah wuxuu ku amray in Yeremyaah barxaddii waardiyayaasha lagu daayo, oo waxaa dharaar kasta jidka kibisdubayaasha laga siin jiray xabbad kibis ah, ilamaa kibistii magaaladu ay wada dhammaatay. Oo sidaasuu Yeremyaah barxaddii waardiyayaasha ugu sii hadhay.
38
38:1b.JER.038.001 Shefatyaah ina Mataan, iyo Gedalyaah ina Fashxuur, iyo Yuukal ina Shelemyaah, iyo Fashxuur ina Malkiiyaah waxay maqleen erayadii Yeremyaah ee uu dadka oo dhan kula hadlay, isagoo leh,
38:2b.JER.038.002 Rabbigu wuxuu leeyahay, Kii magaaladan sii joogaaba wuxuu ku dhiman doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, laakiinse kii reer Kaldayiin u baxaa wuu noolaan doonaa, oo naftiisuna waxay isaga u ahaan doontaa sidii booli oo kale, wuuna noolaan doonaa.
38:3b.JER.038.003 Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida xaqiiqada ah magaaladan waxaa loo gacangelin doonaa ciidanka boqorka Baabuloon, oo isna wuu qabsan doonaa.
38:4b.JER.038.004 Markaas amiirradii waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, Ninkan ha la dilo, waayo, erayadan uu iyaga kula hadlayo aawadood ayuu ku daciifinayaa gacmihii ragga dagaalka ee magaaladan ku hadhay iyo gacmihii dadka kale oo dhanba, waayo, isagu dadkan waxyeelladiisa mooyaane wanaaggiisa dooni maayo.
38:5b.JER.038.005 Markaasaa Boqor Sidqiyaah yidhi, Bal eega, isagu gacantiinnuu ku jiraa, waayo, boqorku innaba ma aha mid wax idinka gees ah samayn kara.
38:6b.JER.038.006 Markaasay Yeremyaah soo qabteen oo ku dhex rideen godkii Malkiiyaah ina Hammeleg, ee barxadda waardiyayaasha ku dhex yiil, oo Yeremyaah xadhkay ku dejiyeen, oo godkiina biyo kuma jirin, laakiinse waxaa ka buuxday dhoobo, sidaas daraaddeed Yeremyaah dhoobaduu ku dhex tiimbaday.
38:7b.JER.038.007 Haddaba Cebedmeleg oo ahaa reer Itoobiya oo ahaa bohon guriga boqorka joogay, markuu maqlay inay Yeremyaah godkii ku dhex rideen, iyadoo boqorkii uu iridda Benyaamiin fadhiyo,
38:8b.JER.038.008 ayuu gurigii boqorka ka soo baxay, oo boqorkuu la hadlay, isagoo ku leh,
38:9b.JER.038.009 Boqorow, sayidkaygiiyow, nimankanu si xun bay u sameeyeen wax alla wixii ay ku sameeyeen Nebi Yeremyaah, kaasoo ay godkii ku dhex rideen, oo waxaa suurtowda inuu abaarta ugu bakhtiyo meeshuu ku jiro, waayo, innaba magaalada kibisu kuma jirto.
38:10b.JER.038.010 Markaasaa boqorkii wuxuu amray Cebedmeleg oo reer Itoobiya ahaa, isagoo ku leh, Halkan soddon nin ka kaxayso oo Nebi Yeremyaah godka ka soo bixi intuusan dhiman.
38:11b.JER.038.011 Sidaas daraaddeed ayaa Cebedmeleg raggii kaxaystay, oo gurigii boqorka galay, oo wuxuu tegey meel khasnadda ka hoosaysay, oo halkaasuu ka qaaday calallo haylamo ah iyo dhar duugoobay, oo intuu xadhko ku xidhay ayuu Yeremyaah godkii ugu dejiyey.
38:12b.JER.038.012 Markaas Cebedmeleg oo reer Itoobiya ahaa wuxuu Yeremyaah ku yidhi, Calalladan haylamaha ah iyo dharkan duugoobay kilkilooyinka kaga xidho xadhkaha hoostooda, oo Yeremyaahna saasuu yeelay.
38:13b.JER.038.013 Markaasay Yeremyaah xadhkihii ku soo jiideen oo godkii bay kor uga soo bixiyeen, oo Yeremyaahna wuxuu ku hadhay barxaddii waardiyayaasha.
38:14b.JER.038.014 Markaasaa Boqor Sidqiyaah u soo cid diray oo kaxaystay Nebi Yeremyaah, oo wuxuu gaystay iriddii saddexaad ee guriga Rabbiga. Kolkaas boqorkii wuxuu Yeremyaah ku yidhi, Wax baan ku weyddiinayaaye, inna waxba ha iga qarinin.
38:15b.JER.038.015 Markaas Yeremyaah wuxuu Sidqiyaah ku yidhi, Haddaan kuu sheego, hubaal miyaadan i dili doonin? Oo haddaan kula taliyona innaba ima maqli doontid.
38:16b.JER.038.016 Markaas Boqor Sidqiyaah si qarsoodi ah ayuu Yeremyaah ugu dhaartay, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga nool ee naf ina siiyey ayaan ku dhaaranayaa inaanan ku dili doonin, ama aanan gacanta raggan naftaada doondoonaya kugu ridi doonin.
38:17b.JER.038.017 Markaas Yeremyaah wuxuu Sidqiyaah ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Haddaad amiirrada boqorka Baabuloon u baxdid, naftaada iyo reerkaaguba way noolaan doonaan, oo magaaladanna dab laguma gubi doono,
38:18b.JER.038.018 laakiinse haddaadan amiirrada boqorka Baabuloon u bixin, markaas magaaladan waxaa lagu ridi doonaa gacanta reer Kaldayiin, oo dab bay ku gubi doonaan, adiguna gacantooda kama baxsan doontid.
38:19b.JER.038.019 Markaas Sidqiyaah wuxuu Yeremyaah ku yidhi, Waxaan ka cabsanayaa Yuhuuddii reer Kaldayiin u gashay waaba intaasoo ay gacantooda i geliyaan oo ay iyana igu majaajiloodaan.
38:20b.JER.038.020 Laakiinse Yeremyaah wuxuu ku yidhi, Iyagu kuma ay gacangelin doonaan. Waan ku baryayaaye addeec codka Rabbiga ee aan kugula hadlay, waanad nabdoonaan doontaa oo naftaaduna way sii noolaan doontaa.
38:21b.JER.038.021 Laakiinse haddaad diiddo inaad baxdo, kanu waa eraygii Rabbigu i tusay,
38:22b.JER.038.022 Bal ogow, naagaha guriga boqorka dalka Yahuudah ku hadhay dhammaantood waxaa loo bixin doonaa amiirrada boqorka Baabuloon, oo naagahaasi waxay odhan doonaan, Saaxiibbadaa ayaa ku khiyaaneeyey oo way kaa adkaadeen oo haddana cagahaagii waxay ku dhex tiimbadeen dhoobada, oo iyana dib bay kaaga noqdeen.
38:23b.JER.038.023 Markaasay naagahaaga oo dhan iyo carruurtaadaba reer Kaldayiin u bixin doonaan, oo adiguna gacantooda sina ugama baxsan doontid, laakiinse waxaa ku qabsan doonta gacanta boqorka Baabuloon, oo magaaladanna dab baa lagu gubi doonaa.
38:24b.JER.038.024 Markaas Sidqiyaah wuxuu Yeremyaah ku yidhi, Ninna yuusan erayadan ogaanin, oo adiguna dhiman maysid.
38:25b.JER.038.025 Laakiinse hadday amiirradu maqlaan inaan kula hadlay, oo ay kuu yimaadaan oo ay kugu yidhaahdaan, Wixii aad boqorka ku tidhi noo sheeg, oo weliba wixii boqorku kugu yidhi ha naga qarin, oo annana ku dili mayno,
38:26b.JER.038.026 markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Baryootankaygii ayaan boqorka hor dhigay, inuusan gurigii Yoonaataan igu celin, oo aanan halkaas ugu dhiman.
38:27b.JER.038.027 Markaasay amiirradii oo dhammu Yeremyaah u yimaadeen oo wax bay weyddiiyeen, oo isna wuxuu u wada sheegay erayadii boqorku ku amray oo dhan. Markaasay lahadliddiisii iska daayeen, waayo, xaalkaas ciduna ma maqlin.Oo Yeremyaah wuxuu joogay barxaddii waardiyayaasha ilaa maalintii Yeruusaalem la qabsaday.
38:28b.JER.038.028 Oo Yeremyaah wuxuu joogay barxaddii waardiyayaasha ilaa maalintii Yeruusaalem la qabsaday.
39
39:1b.JER.039.001 Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii sagaalaad, bisheedii tobnaad ayay Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon iyo ciidankiisii oo dhammu Yeruusaalem ku keceen, wayna hareereeyeen,
39:2b.JER.039.002 Boqor Sidqiyaah sannaddiisii kow iyo tobnaad, bisheedii afraad, maalinteedii sagaalaad ayaa meel magaalada ahayd la jebiyey,
39:3b.JER.039.003 markaas Yeruusaalem waa la qabtay oo amiirradii boqorka Baabuloon oo dhammu intay galeen ayay iriddii dhexe fadhiisteen, oo waxay ahaayeen Neergal Shareser, iyo Samgar Nebuu, iyo Sarsekiim, iyo Rab Saariis, iyo Neergal Shareser, iyo Rab Maag iyo intii kale ee saraakiishii boqorka Baabuloon oo dhan.
39:4b.JER.039.004 Oo Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah iyo raggii dagaalka oo dhammuba markay iyagii arkeen ayay carareen, oo waxay goor habeennimo ah magaaladii kaga bexeen jidkii beerta boqorka ee u dhowaa iriddii labada derbi u dhaxaysay, oo isna wuxuu maray jidkii Caraabaah.
39:5b.JER.039.005 Laakiinse ciidankii reer Kaldayiin ayaa iyagii eryaday, oo waxay Sidqiyaah ku gaadheen bannaannadii Yerixoo, oo markay qabsadeen ayay Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon ugu geeyeen Riblaah oo ku tiil dalka Xamaad, wuuna xukumay.
39:6b.JER.039.006 Markaasaa boqorkii Baabuloon Sidqiyaah wiilashiisii Riblaah ku laayay aabbahood oo arkaya, oo weliba boqorkii Baabuloon wuxuu kaloo laayay kuwii gobta ahaa ee dalka Yahuudah oo dhan.
39:7b.JER.039.007 Oo weliba Sidqiyaahna indhihii buu ka riday, oo silsilado ku xidhxidhay si uu Baabuloon ugu kaxaysto.
39:8b.JER.039.008 Markaasay reer Kaldayiin dab ku gubeen gurigii boqorka iyo guryihii dadkaba, oo derbiyadii Yeruusaalemna way wada dumiyeen.
39:9b.JER.039.009 Markaasaa Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta wuxuu Baabuloon maxaabiis ahaan ugu kaxaystay dadkii magaalada ku hadhay, iyo kuwii cararay ee isaga u galay, iyo dadka intiisii kale ee hadhayba.
39:10b.JER.039.010 Laakiinse Nebuusaradaan oo sirkaalkii askarta ahaa wuxuu dalka Yahuudah kaga tegey dadkii waddanka ugu liitay oo aan waxba haysan, oo wuxuu isla markaasba iyagii siiyey beero canab ah, iyo beero kaleba.
39:11b.JER.039.011 Haddaba Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon wuxuu Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta siiyey amar ku saabsan Yeremyaah, oo wuxuu isagii ku yidhi,
39:12b.JER.039.012 Isaga kaxee, oo si wanaagsan u ilaali, oo innaba waxba ha yeelin, laakiinse waxaad u samaysaa wax alla wixii uu ku yidhaahdo.
39:13b.JER.039.013 Sidaas daraaddeed Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta iyo Nebuushasbaan, iyo Rab Saariis, iyo Neergal Shareser, iyo Rab Maag, iyo saraakiishii sare oo boqorka Baabuloon oo dhammuba
39:14b.JER.039.014 waxay u soo cid direen Yeremyaah, oo intay barxaddii waardiyayaasha ka soo bixiyeen ayay u dhiibeen Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan inuu gurigiisa u kaxeeyo, markaasuu dadka dhexdiisa joogay.
39:15b.JER.039.015 Haddaba eraygii Rabbigu wuxuu u yimid Yeremyaah intuu ku xidhnaa barxaddii waardiyayaasha, isagoo leh,
39:16b.JER.039.016 Tag, oo Cebedmeleg kan reer Itoobiya la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogow, erayadayda ayaan magaaladan ugu soo dejin doonaa inaan masiibo u keeno, ee mana ahaa wanaag, oo maalintaasay hortaada ku dhici doonaan.
39:17b.JER.039.017 Laakiinse maalintaas waan ku samatabbixin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay, oo laguma gelin doono gacanta dadka aad ka baqaysid.Waayo, hubaal waan ku badbaadin doonaa, oo innaba seef kuma aad dhiman doontid, laakiinse naftaadu waxay kuu ahaan doontaa sida booli oo kale, maxaa yeelay, waad isku kay hallaysay, ayaa Rabbigu leeyahay.
39:18b.JER.039.018 Waayo, hubaal waan ku badbaadin doonaa, oo innaba seef kuma aad dhiman doontid, laakiinse naftaadu waxay kuu ahaan doontaa sida booli oo kale, maxaa yeelay, waad isku kay hallaysay, ayaa Rabbigu leeyahay.
40
40:1b.JER.040.001 Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid markii Nebuusaradaan oo sirkaalkii waardiyayaasha ahaa uu Yeremyaah oo silsilado ku xidhan iyo dadka Yeruusaalem iyo kuwa dalka Yahuudah maxaabiis ahaan Baabuloon ugu kaxaynayay oo uu Yeremyaah Raamaah ku sii daayay.
40:2b.JER.040.002 Sirkaalkii waardiyayaashu Yeremyaah ayuu soo kexeeyey, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa masiibadan meeshan kaga hadlay.
40:3b.JER.040.003 Haddaba Rabbigu wuu dejiyey, oo wuxuu u sameeyey siduu ku hadlay, maxaa yeelay, Rabbigaad ku dembaabteen, oo codkiisiina ma aydaan addeecin, oo sidaas daraaddeed ayaa waxanu idiinku dheceen.
40:4b.JER.040.004 Haddaba bal eeg, maanta silsiladihii gacanta kaaga xidhnaa waan kaa furay. Hadday kula wanaagsan tahay inaad Baabuloon ii raacdid, kaalay oo aniguna si wanaagsan baan kuu dhaqaalayn doonaa, laakiinse hadday kula xun tahay inaad Baabuloon ii raacdid, iska dhaaf. Bal eeg, dalkii oo dhammu adiguu ku hor yaal. Haddaba meel alla meeshii kula wanaagsan ee kula habboon inaad tagtid, tag.
40:5b.JER.040.005 Oo weliba intuusan dib u noqonin ayuu ku yidhi, Waxaad ku noqotaa Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan oo boqorkii Baabuloon uu taliye uga dhigay magaalooyinkii dalka Yahuudah, oo isaga la joog dadka dhexdiisa, amase waxaad tagtaa meel alla meeshii kula habboon inaad tagtid. Markaas sirkaalkii waardiyayaashu wuxuu isagii siiyey sahay iyo hadiyad, kolkaasuu iska sii daayay.
40:6b.JER.040.006 Markaas Yeremyaah wuxuu Gedalyaah ina Ahiiqaam ugu tegey Misfaah, oo isaguu la dhex degay dadkii dalka ku hadhay.
40:7b.JER.040.007 Oo saraakiishii ciidammadii duurka ku jiray oo dhan iyo raggoodiiba markay maqleen in boqorkii Baabuloon uu dalkii taliye uga dhigay Gedalyaah ina Ahiiqaam, oo uu isagii u dhiibay rag, iyo naago, iyo carruurba, kuwaasoo ahaa masaakiintii dalka ku hadhay oo aan Baabuloon maxaabiis ahaan loogu kaxaysan,
40:8b.JER.040.008 ayay Gedalyaah ugu yimaadeen Misfaah, waxayna ahaayeen Ismaaciil ina Netanyaah, iyo Yooxaanaan iyo Yoonaataan oo ahaa ilma Qaaree'ax, iyo Seraayaah ina Tanxumed, iyo ilma Ceefay oo ahaa reer Netofaah iyo Yesanyaah oo ahaa wiilkii kii reer Macakaah, iyagii iyo raggoodii oo dhammuba.
40:9b.JER.040.009 Markaasaa Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan wuxuu dhaar u maray iyagii iyo raggoodiiba, oo wuxuu ku yidhi, Ha ka cabsanina inaad reer Kaldayiin u adeegtaan. Haddaba dalka iska degganaada, oo boqorka Baabuloon u adeega, oo idinna waad nabdoonaan doontaan.
40:10b.JER.040.010 Aniguna waxaan degganaan doonaa Misfaah, si aan ugu joogo reer Kaldayiinka hadba noo imanaya, idinkuse waxaad urursataan khamri, iyo midhaha beergoosadka, iyo saliid, oo weelashiinna ku shubta, oo waxaad degganaataan magaalooyinkii aad qabsateen.
40:11b.JER.040.011 Sidaas oo kalena Yuhuuddii reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Edom dhex joogtay oo dhan, iyo kuwii dalalka kale joogay oo dhammuba markay maqleen in boqorkii Baabuloon uu qaar kaga tegey dalkii Yahuudah iyo inuu iyagii madax uga dhigay Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan
40:12b.JER.040.012 ayay Yuhuuddii oo dhammu ka soo wada noqdeen meelihii loo kala eryay oo dhan, oo waxay yimaadeen dalkii Yahuudah, oo Gedalyaah bay ugu yimaadeen Misfaah, markaasay soo ururiyeen khamri iyo midhaha beergoosadka oo fara badan.
40:13b.JER.040.013 Oo weliba Yooxaanaan ina Qaaree'ax iyo saraakiishii ciidammadii duurka ku jiray oo dhammuba waxay Gedalyaah ugu yimaadeen Misfaah
40:14b.JER.040.014 oo waxay ku yidhaahdeen, Ma og tahay in Bacaliis oo ah boqorka reer Cammoon uu Ismaaciil ina Netanyaah u soo diray inuu ku dilo? Laakiinse Gedalyaah ina Ahiiqaam ma uu rumaysan.
40:15b.JER.040.015 Markaasaa Yooxaanaan ina Qaaree'ax si qarsoodi ah Gedalyaah ugula hadlay Misfaah, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye inaan tago ii fasax, Ismaaciil ina Netanyaah aan soo dilee oo ciduna ma ogaan doonto. Bal muxuu kuu dilayaa oo ay Yuhuuddii kugu soo wada ururtay oo dhammu u kala firdhaan, oo intii dadka dalka Yahuudah ka hadhayna ay u dhintaan?Laakiinse Gedalyaah ina Ahiiqaam wuxuu Yooxaanaan ina Qaaree'ax ku yidhi, Adigu waxan waa inaadan innaba samayn, waayo, been baad Ismaaciil ka sheegaysaa.
40:16b.JER.040.016 Laakiinse Gedalyaah ina Ahiiqaam wuxuu Yooxaanaan ina Qaaree'ax ku yidhi, Adigu waxan waa inaadan innaba samayn, waayo, been baad Ismaaciil ka sheegaysaa.
41
41:1b.JER.041.001 Haddaba bishii toddobaad waxaa yimid Ismaaciil ina Netanyaah oo ahaa ina Eliishaamaac, oo ka mid ahaa farcankii boqornimada iyo weliba saraakiishii boqorka, isagoo toban nin wata, oo waxay Gedalyaah ina Ahiiqaam ugu yimaadeen Misfaah, oo halkaasay kibis ku wada cuneen.
41:2b.JER.041.002 Markaasaa waxaa sara joogsaday Ismaaciil ina Netanyaah iyo tobankii nin ee isaga la socday, oo Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan ayay seef la dheceen oo isagay dileen kaasoo boqorkii Baabuloon uu dalka taliye uga dhigay.
41:3b.JER.041.003 Oo weliba Ismaaciil wuxuu kaloo wada laayay Yuhuuddii Gedalyaah Misfaah la joogtay, iyo reer Kaldayiinkii halkaas laga helay, kuwaasoo ahaa raggii dagaalka oo dhan.
41:4b.JER.041.004 Oo maalintii uu Gedalyaah dilay maalintii ku laba ahayd iyadoo aan ciduna weli ogayn
41:5b.JER.041.005 ayaa nimani waxay ka yimaadeen Shekem iyo Shiiloh iyo Samaariya, oo waxay ahaayeen siddeetan nin oo gadhadhkii iska xiiray, oo dharkoodiina jeexjeexay, oo jidhkoodii googooyay, oo gacmaha ku sida qurbaanno iyo foox ay guriga Rabbiga u wadaan.
41:6b.JER.041.006 Oo Ismaaciil ina Netanyaah wuxuu Misfaah uga tegey inuu iyaga ka hor tago aawadeed, isagoo ooyaya intuu sii socday oo dhan, oo markuu iyagii la kulmay wuxuu ku yidhi, Gedalyaah ina Ahiiqaam u kaalaya.
41:7b.JER.041.007 Oo markay magaalada dhexdeedii yimaadeen ayaa Ismaaciil ina Netanyaah kulligood wada laayay, oo isagii iyo raggii la socday meydkoodii god bay ku rideen.
41:8b.JER.041.008 Laakiinse waxaa dhexdoodii laga helay toban nin oo Ismaaciil ku tidhi, Ha na dilin, waayo, annagu waxaannu leennahay kayd sarreen iyo shaciir iyo saliid iyo malab ah oo duurka ku dhex qarsoon, sidaas daraaddeed iyagii wuu iska dhaafay oo walaalahood lama uu layn.
41:9b.JER.041.009 Haddaba godkii uu Ismaaciil ku riday raggii uu Gedalyaah la laayay meydadkoodii oo dhan wuxuu ahaa kii uu Boqor Aasaa u samaystay cabsi uu ka qabay boqorkii dalka Israa'iil oo Bacshaa ahaa aawadeed, oo Ismaaciil ina Netanyaah wuxuu godkaas ka buuxiyey kuwii uu laayay meydkoodii.
41:10b.JER.041.010 Markaasaa Ismaaciil wuxuu maxaabiis ahaan u kaxaystay dadka hadhay oo dhan, xataa gabdhihii boqorka iyo dadkii Misfaah ku hadhay oo dhan, kuwaasoo Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii waardiyayaashu uu u dhiibay Gedalyaah ina Ahiiqaam. Ismaaciil ina Netanyaah maxaabiis ahaan ayuu u kaxaystay, oo wuxuu u ambabbaxay inuu reer Cammoon u gudbo.
41:11b.JER.041.011 Laakiinse Yooxaanaan ina Qaaree'ax iyo saraakiishii ciidammada ee isaga la joogtay oo dhammu markay maqleen xumaantii uu Ismaaciil ina Netanyaah sameeyey oo dhan
41:12b.JER.041.012 ayay kaxaysteen raggii oo dhan, oo waxay u keceen inay Ismaaciil ina Netanyaah la diriraan, oo isagay ka ag heleen biyihii badnaa ee Gibecoon ku yaal.
41:13b.JER.041.013 Oo dadkii Ismaaciil ina Netanyaah watay oo dhammu markay arkeen Yooxaanaan ina Qaaree'ax iyo saraakiishii ciidammada oo isaga la jiray oo dhan ayay wada farxeen.
41:14b.JER.041.014 Sidaas daraaddeed dadkii Ismaaciil uu Misfaah maxaabbiisahaanta uga kaxaystay oo dhammu intay jeesteen ayay dib u noqdeen, oo waxay u tageen Yooxaanaan ina Qaaree'ax.
41:15b.JER.041.015 Laakiinse Ismaaciil ina Netanyaah Yooxaanaan wuu ka baxsaday, oo intuu siddeed nin la cararay ayuu reer Cammoon u tegey.
41:16b.JER.041.016 Markaasaa Yooxaanaan ina Qaaree'ax iyo saraakiishii ciidammada ee isaga la jirtay oo dhammu waxay soo kexeeyeen dadkii hadhay ee uu dhammaan ka soo caymiyey Ismaaciil ina Netanyaah markuu Misfaah ku dilay Gedalyaah ina Ahiiqaam dabadeed, oo kuwaasu waxay ahaayeen raggii dagaalka, iyo naagihii, iyo carruurtii, iyo bohommadii ee uu ka soo celiyey Gibecoon.
41:17b.JER.041.017 Oo iyana intay tageen ayay Geeruud Kimhaam oo Beytlaxam ku ag yiil degeen, si ay u tagaan oo ay Masar u galaan reer Kaldayiin aawadood,maxaa yeelay, iyagay ka cabsanayeen, waayo, Ismaaciil ina Netanyaah ayaa dilay Gedalyaah ina Ahiiqaam oo boqorkii Baabuloon uu dalka taliye uga dhigay.
41:18b.JER.041.018 maxaa yeelay, iyagay ka cabsanayeen, waayo, Ismaaciil ina Netanyaah ayaa dilay Gedalyaah ina Ahiiqaam oo boqorkii Baabuloon uu dalka taliye uga dhigay.
42
42:1b.JER.042.001 Markaasaa saraakiishii ciidammada, iyo Yooxaanaan ina Qaaree'ax, iyo Yesanyaah ina Hooshacyaah, iyo dadkii oo dhan, kii ugu yaraa ilaa kii ugu weynaa, way soo dhowaadeen,
42:2b.JER.042.002 oo waxay Nebi Yeremyaah ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, baryootankayagu ha ahaado mid hortaada lagu aqbalo, oo waxaad noo baridaa Rabbiga Ilaahaaga ah, annagoo ah kuwan hadhay oo dhan, waayo, kuwayagan yar ayaa ka hadhay dadkii badnaa, sida aad adiguba indhahaaga noogu aragtid.
42:3b.JER.042.003 Noo ducee si Rabbiga Ilaahaaga ahu uu noo tuso jidkii aannu ku socon lahayn iyo wixii aannu samayn lahayn.
42:4b.JER.042.004 Markaasaa Nebi Yeremyaah wuxuu iyagii ku yidhi, Waan idin maqlay, oo bal eega, Rabbiga Ilaahiinna ah sidii ay erayadiinnu ahaayeen ayaan u baryayaa, oo wax alla wixii Rabbigu idiinku soo jawaaboba waan idiin sheegayaa, oo waxba dib idiinka ceshan maayo.
42:5b.JER.042.005 Markaasay Yeremyaah ku yidhaahdeen, Rabbigu dhexdeenna ha ku ahaado markhaati run iyo daacad ah, haddaannan wada samayn waxyaalihii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu noogu soo kaa dhiibo oo dhan.
42:6b.JER.042.006 Hadduu wanaag yahay iyo hadduu shar yahayba, annagu waannu addeeci doonnaa codka Rabbiga Ilaahayaga ah, kaasoo aannu kuu dirnay, si aannu u nabdoonaanno aawadeed markaannu addeecno codka Rabbiga Ilaahayaga ah.
42:7b.JER.042.007 Oo toban maalmood dabadeed ayaa eraygii Rabbigu Yeremyaah u yimid.
42:8b.JER.042.008 Markaasuu u yeedhay Yooxaanaan ina Qaaree'ax, iyo saraakiishii ciidammada ee isaga la joogtay oo dhan, iyo dadkii oo dhan xataa kii ugu yaraa ilaa kii ugu weynaa,
42:9b.JER.042.009 oo wuxuu iyagii ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo aad iigu dirteen inaan baryootankiinna hortiisa geeyo wuxuu leeyahay,
42:10b.JER.042.010 Haddaad dalkan sii joogtaan, waan idin dhisi doonaa, oo idinma dumin doono, oo waan idin beeri doonaa, oo idinma rujin doono innaba, waayo, waan ka qoomamooday masiibadii aan idinku sameeyey.
42:11b.JER.042.011 Boqorka Baabuloon oo aad ka baqaysaan ha ka cabsanina. Rabbigu wuxuu leeyahay, Innaba isaga ha ka cabsanina, waayo, anigaa idinla jira inaan idin badbaadiyo oo aan gacantiisa idinka samatabbixiyo.
42:12b.JER.042.012 Waanan idiin naxariisan doonaa si uu isagu idiinku naxariisto, oo uu dalkiinnii idiinku soo celiyo.
42:13b.JER.042.013 Laakiinse haddaad tidhaahdaan, Annagu dalkan degganaan mayno, oo codka Rabbiga Ilaahaaga ahna addeeci mayno,
42:14b.JER.042.014 oo aad tidhaahdaan, Maya, laakiinse waxaannu tegaynaa dalka Masar, halkaasoo aannan dagaal arki doonin, amase aannan buunka dhawaaqiisa maqli doonin, oo aannan innaba kibis u gaajoon doonin, oo halkaasaannu degganaan doonnaa,
42:15b.JER.042.015 haddaba sidaas daraaddeed, kuwiinna dadka Yahuudah ka hadhayow, bal erayga Rabbiga maqla. Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Haddaad wejigiinna ku qummaatisaan inaad Masar gashaan, oo aad u tagtaan inaad halkaas degtaan,
42:16b.JER.042.016 markaas seefta aad ka cabsanaysaan ayaa dalka Masar idinku gaadhi doonta, oo abaarta aad ka baqaysaan ayaa dalka Masar idinku heli doonta, oo halkaasaad ku dhiman doontaan.
42:17b.JER.042.017 Oo saasay wada noqon doonaan dadkii wejigooda ku qummaatiyaa inay Masar galaan oo ay halkaas degaan. Waxay ku dhiman doonaan seef, iyo abaar, iyo belaayo, oo midkoodna kama hadhi doono, kamana baxsan doono masiibada aan korkooda ku soo dejin doono.
42:18b.JER.042.018 Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Sidii xanaaqaygii iyo cadhadaydii ay kuwii Yeruusaalem degganaa ugu dheceen oo kale ayaa cadhadaydu idiinku dhici doonta markaad dalka Masar gashaan, oo weliba waxaad wada noqon doontaan wax aad loo karho, iyo wax laga yaabo, iyo inkaar, iyo cay, oo meeshanna mar dambe ma aad arki doontaan innaba.
42:19b.JER.042.019 Kuwiinna dadka Yahuudah ka hadhayow, Rabbigu wuxuu idinku soo yidhi, Masar ha tegina. Haddaba bal si xaqiiqa ah u ogaada inaan maanta idiin digay.
42:20b.JER.042.020 Waayo, idinku nafsaddiinnaad aad u khiyaanayseen, maxaa yeelay, waxaad ii dirteen Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aad igu tidhaahdeen, Rabbiga Ilaaheenna ah noo bari, oo wax alla wixii Rabbiga Ilaaheenna ahu uu kugu soo yidhaahdaba noo soo sheeg, oo annaguna waannu samayn doonnaa.
42:21b.JER.042.021 Haddaba maanta xaalkan waan idiin sheegay, laakiinse idinku ma aydaan addeecin codkii Rabbiga Ilaahiinna ah iyo wixii uu iigu soo kiin dhiibay toona.Haddaba bal si xaqiiqa ah u ogaada in meesha aad doonaysaan inaad tagtaan oo aad sii joogtaan aad seef iyo abaar iyo belaayo ugu dhiman doontaan.
42:22b.JER.042.022 Haddaba bal si xaqiiqa ah u ogaada in meesha aad doonaysaan inaad tagtaan oo aad sii joogtaan aad seef iyo abaar iyo belaayo ugu dhiman doontaan.
43
43:1b.JER.043.001 Oo markii Yeremyaah uu wada dhammeeyey dadka oo dhan lahadliddiisii uu u sheegayay erayadii Rabbiga Ilaahooda ah oo dhan, ee Rabbiga Ilaahooda ahu uu ugu soo dhiibay, kuwaasoo ah erayadan oo dhan,
43:2b.JER.043.002 ayaa waxaa hadlay Casaryaah ina Hooshacyaah, iyo Yooxaanaan ina Qaaree'ax, iyo raggii kibirsanaa oo dhan, oo waxay Yeremyaah ku yidhaahdeen, Been baad sheegaysaa. Rabbiga Ilaaheenna ahu kuuma soo dirin inaad tidhaahdid, Masar ha tegina inaad halkaas joogtaan,
43:3b.JER.043.003 laakiinse Baaruug ina Neeriiyaah ayaa nagu soo kaa diray, si uu gacanta reer Kaldayiin noogu rido inay na laayaan, oo ay maxaabiis ahaan Baabuloon noogu kaxaystaan.
43:4b.JER.043.004 Markaasay Yooxaanaan ina Qaaree'ax, iyo saraakiishii ciidammada oo dhan, iyo dadkii oo dhammuba addeeci waayeen codkii Rabbiga inay dalkii Yahuudah degganaadaan.
43:5b.JER.043.005 Laakiinse dadkii Yahuudah ee hadhay oo dhan oo ka soo noqday quruumihii loo kala kaxaystay oo dhan si ay dalkii Yahuudah u degganaadaan waxaa kexeeyey Yooxaanaan ina Qaaree'ax iyo saraakiisha ciidammada oo dhan.
43:6b.JER.043.006 Dadkaasu waxay ahaayeen raggii, iyo naagihii, iyo carruurtii, iyo gabdhihii boqorka, iyo qof kasta oo Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii waardiyayaashu uu kaga tegey Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan, iyo Nebi Yeremyaah, iyo Baaruug ina Neeriiyaah.
43:7b.JER.043.007 Oo waxay yimaadeen dalkii Masar, waayo, ma ay addeecin codkii Rabbiga, oo waxay yimaadeen ilaa Taxfanxees.
43:8b.JER.043.008 Markaas Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah ugu yimid Taxfanxees, oo wuxuu ku yidhi,
43:9b.JER.043.009 Dhagxan waaweyn gacanta ku qaad, oo iyadoo ay dadka dalka Yahuudah u wada jeedaan waxaad ku dhex qarisaa meesha lebenku yaal ee iridda laga galo guriga Fircoon ee Taxfanxees ku yaal.
43:10b.JER.043.010 Oo waxaad iyaga ku tidhaadaa, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan soo kaxayn doonaa addoonkayga Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo carshigiisaan ka dul qotomin doonaa dhagaxantan aan qariyey, oo isna wuxuu ku dul fidin doonaa taambuuggiisa boqornimo.
43:11b.JER.043.011 Oo isagu wuu iman doonaa oo wax buu dalka Masar ku dhufan doonaa, oo kuwii dhimasho ku waajibtay dhimashuu siin doonaa, kuwii maxaabiisnimo ku waajibtayna maxaabiis ahaan buu u kaxaysan doonaa, oo kuwii seefu ku waajibtayna seef buu ku layn doonaa.
43:12b.JER.043.012 Oo waxaan dab ku dayn doonaa guryaha ilaahyada Masar, oo isna wuu gubi doonaa, oo maxaabiis ahaan buu u kaxaysan doonaa, oo isagu wuxuu dalka Masar u huwan doonaa sida adhijir uu dharkiisa u huwado oo kale, oo halkaasna nabad buu kaga bixi doonaa.Oo weliba wuxuu wada burburin doonaa tiirarka Beytshemesh oo dalka Masar ku dhex taal, oo guryaha ilaahyada Masarna dab buu ku wada gubi doonaa.
43:13b.JER.043.013 Oo weliba wuxuu wada burburin doonaa tiirarka Beytshemesh oo dalka Masar ku dhex taal, oo guryaha ilaahyada Masarna dab buu ku wada gubi doonaa.
44
44:1b.JER.044.001 Kanu waa eraygii Yeremyaah u yimid oo ku saabsanaa Yuhuuddii dalka Masar degganayd, kuwaasoo degganaa Migdol, iyo Taxfanxees, iyo Nof, iyo dalka Fatroos, oo wuxuu ku yidhi,
44:2b.JER.044.002 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waad aragteen masiibadii aan Yeruusaalem iyo magaalooyinkii reer Yahuudah oo dhan ku dejiyey, oo bal eega, maantadan iyagu waa cidla, oo ciduna halkaas ma dhex deggana,
44:3b.JER.044.003 waana xumaantooda ay faleen oo ay igaga cadhaysiiyeen aawadeed markay tageen si ay foox ugu shidaan oo ay ugu adeegaan ilaahyo kale oo ayan iyaga iyo idinka iyo awowayaashiinnuba aqoon.
44:4b.JER.044.004 Habase ahaatee nebiyadii addoommadayda ahaa oo dhan ayaan idiin soo diray, anigoo goor wanaagsan diraya, oo waxaan idhi, Ha samaynina waxan karaahiyada ah oo aan nebcahay.
44:5b.JER.044.005 Laakiinse ma ay maqlin oo dhegna uma ay dhigin inay xumaantooda ka soo noqdaan iyo inayan innaba ilaahyo kale foox u shidin.
44:6b.JER.044.006 Oo sidaas daraaddeed ayaa cadhadaydii iyo xanaaqaygiiba waxay ku soo dheceen oo ay ku ololeen magaalooyinkii dalka Yahuudah iyo jidadkii Yeruusaalemba, oo iyana haatan waa cidla iyo baabba' siday maantadan tahay.
44:7b.JER.044.007 Sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal maxaad sharkan weyn naftiinna ugu samaysaan, oo aad dalka Yahuudah uga sii baabbi'isaan rag, iyo naago, iyo carruur, iyo caanonuug, si aan ciduna idiinka hadhin?
44:8b.JER.044.008 Waxaad igaga cadhaysiisaan shuqullada gacmihiinna idinkoo ilaahyo kale foox ugu shidaya dalka Masar oo aad u tagteen inaad degtaan, si laydiin wada baabbi'iyo oo aad quruumaha dunida oo dhan ugu dhex ahaataan inkaar iyo cay.
44:9b.JER.044.009 War miyaad illowdeen xumaantii awowayaashiin, iyo xumaantii boqorradii dalka Yahuudah, iyo xumaantii naagahooda, iyo xumaantiinnii, iyo xumaantii naagihiinna, oo ay dalka Yahuudah iyo jidadkii Yeruusaalemba ku dhex sameeyeen?
44:10b.JER.044.010 Iyagu ilaa maantadan isma ay hoosaysiin, oo kama ay cabsan, kumana ay socon sharcigaygii iyo qaynuunnadaydii aan iyaga iyo awowayaashoodba hor dhigay.
44:11b.JER.044.011 Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal eega, wejigaygaan idinku soo jeedin doonaa inaan dadka Yahuudah oo dhan wada baabbi'iyo.
44:12b.JER.044.012 Oo waxaan qaadan doonaa kuwa dadka Yahuudah ka hadhay ee wejigooda ku qummaatiyey inay dalka Masar galaan oo ay halkaas degaan, oo kulligoodna way wada baabbi'i doonaan, oo waxay ku le'an doonaan dalka Masar. Waxaa baabba' ka dhigi doona seef iyo abaar, wayna wada dhiman doonaan, oo kan ugu yar ilaa kan ugu weyn waxay ku baabbi'i doonaan seef iyo abaar, oo waxay wada noqon doonaan wax aad loo karho, iyo wax laga yaabo, iyo inkaar iyo cay.
44:13b.JER.044.013 Waayo, kuwa dalka Masar deggan seef iyo abaar iyo belaayo ayaan ugu ciqaabi doonaa sidaan Yeruusaalem u ciqaabay oo kale.
44:14b.JER.044.014 Markaas dadka Yahuudah ee hadhay ee dalka Masar u tegey inay degaan midna kama baxsan doono ama kama hadhi doono si ay ugu noqdaan dalkii Yahuudah oo ay aad u jecel yihiin inay ku noqdaan oo ay halkaas degaan, waayo, kuwa baxsadaa mooyaane midkoodna kuma noqon doono.
44:15b.JER.044.015 Markaas dhammaan raggii ogaa inay naagahoodu ilaahyo kale foox u shidaan, iyo naagihii ag taagnaa oo dhan, kuwaasoo ahaa dad faro badan oo ahaa dadkii degganaa dalka Fatroos oo Masar ku yaal oo dhan waxay Yeremyaah ugu jawaabeen,
44:16b.JER.044.016 Annagu innaba kaa dhegaysan mayno eraygii aad nagula hadashay oo aad magaca Rabbiga noogu sheegtay.
44:17b.JER.044.017 Laakiinse sida xaqiiqada ah waxaannu samayn doonnaa wax alla wixii afkayaga ka soo baxay, inaannu foox u shidno boqoradda samada, oo aannu iyada u daadinno qurbaanno cabniin ah, sidii annaga iyo awowayaashayo iyo boqorradayadii iyo amiirradayadiiba aannu ugu samayn jirnay magaalooyinkii dalka Yahuudah iyo jidadkii Yeruusaalemba, waayo, waagaas waxaannu haysannay cunto faro badan, oo waannu nabdoonayn, oo innaba masiibo ma aannu arki jirin.
44:18b.JER.044.018 Laakiinse tan iyo waagii aannu iska daynay inaannu boqoradda samada foox u shidno oo aannu qurbaanno cabniin ah u daadinno, wax kastaba waannu u baahnayn, oo seef iyo abaar baannu ku baabba'nay.
44:19b.JER.044.019 Oo markaannu foox u shidnay boqoradda samada, oo aannu iyada qurbaanno cabniin ah u daadinnay, miyaannu kibis ugu samaynay innaannu iyada ku caabudno amase miyaannu iyada qurbaanno cabniin ah u daadinnay nimankayaga la'aantood?
44:20b.JER.044.020 Markaasaa Yeremyaah dadkii oo dhan, rag iyo naagoba, kuwaasoo ahaa dadkii isaga sidaas ugu jawaabay oo dhan wuxuu ku wada yidhi,
44:21b.JER.044.021 Idinka iyo awowayaashiin iyo boqorradiinnii iyo amiirradiinnii iyo dadkii dalkuba fooxii aad magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadkii Yeruusaalemba ku dhex shiddeen miyaan Rabbigu soo xusuusan oo miyaanay qalbigiisa soo gelin?
44:22b.JER.044.022 Markaasuu Rabbigu u sii adkaysan kari waayay, waana sharka falimihiinna iyo karaahiyada aad samayseen aawadood, oo sidaas daraaddeed dalkiinnii wuxuu u noqday cidla, iyo wax laga yaabo, iyo inkaar, oo ciduna ma deggana siday maantadan tahay.
44:23b.JER.044.023 Foox baad shiddeen, oo Rabbigaad ku dembaabteen, codkiisiina ma aydaan addeecin, kumana aydaan socon sharcigiisii, amase qaynuunnadiisii, amase markhaatiyaashiisii, oo sidaas daraaddeed ayaa masiibadanu idiinku dhacday siday maantadan tahay.
44:24b.JER.044.024 Oo weliba Yeremyaah wuxuu dadkii oo dhan iyo naagihii oo dhan ku yidhi, Dadka Yahuudah oo dalka Masar jooga oo dhammow, bal erayga Rabbiga maqla.
44:25b.JER.044.025 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Idinka iyo naagihiinnuba afkiinnaad ku hadasheen oo gacmihiinnaad ku oofiseen, oo waxaad tidhaahdeen, Sida xaqiiqada ah annagu waannu oofin doonnaa nidarradayadii aannu u nidarnay inaannu foox boqoradda samada u shidno, iyo inaannu iyaga qurbaanno cabniin ah u daadinno, haddaba nidarradiinna oofiya, oo nidarradiinna wada sameeya.
44:26b.JER.044.026 Haddaba dadka Yahuudah oo dalka Masar degganow, bal erayga Rabbiga maqla. Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, magacayga weyn waan ku dhaartay inuusan qof dadka Yahuudah ahu mar dambe magacayga ku soo magacaabi doonin dalka Masar oo dhan, isagoo leh, Sayidka Rabbiga ahu waa nool yahay.
44:27b.JER.044.027 Bal eega, iyagaan fiirinayaa inaan masiibo ku dejiyo, wanaagse u keeni maayo, oo dadka Yahuudah oo dalka Masar jooga oo dhan waxay ku wada baabbi'i doonaan seef iyo abaar, ilaa ay kulligood wada dhammaadaan.
44:28b.JER.044.028 Oo kuwa seefta ka baxsada ayaa dalka Masar ka noqon doona oo waxay geli doonaan dalkii Yahuudah, waxayna ahaan doonaan qaar tiro yar, oo kuwa dadka Yahuudah ka hadhay oo dalka Masar u galay inay halkaas joogaan oo dhan waxay wada ogaan doonaan erayadayda iyo kuwooda kuwii rumooba.
44:29b.JER.044.029 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa calaamad idiin noqon doonta inaan meeshan idinku ciqaabi doona, si aad ku ogaataan in erayadaydu ay xaqiiqa ahaan idiinku rumoobi doonaan inaan masiibo idinku dejin doono.Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Fircoon Xofrac oo ah boqorka Masar waxaan gelin doonaa gacanta cadaawayaashiisa, iyo gacanta kuwa naftiisa doondoonaya sidaan boqorkii dalka Yahuudah oo Sidqiyaah ahaa u geliyey gacantii Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon, kaasoo cadowgiisa ahaa oo naftiisa doondooni jiray.
44:30b.JER.044.030 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Fircoon Xofrac oo ah boqorka Masar waxaan gelin doonaa gacanta cadaawayaashiisa, iyo gacanta kuwa naftiisa doondoonaya sidaan boqorkii dalka Yahuudah oo Sidqiyaah ahaa u geliyey gacantii Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon, kaasoo cadowgiisa ahaa oo naftiisa doondooni jiray.
45
45:1b.JER.045.001 Kanu waa eraygii uu Nebi Yeremyaah kula hadlay Baaruug ina Neeriiyaah markuu erayadan kitaab kaga qoray afkii Yeremyaah, taasoo ahayd sannaddii afraad ee Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah uu dalka Yahuudah boqorka ka ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Baaruugow,
45:2b.JER.045.002 Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu kugu leeyahay,
45:3b.JER.045.003 Adigu waxaad tidhi, Anigaa iska hoogay haatan, waayo, Rabbigu xanuunkaygii murug buu iigu sii daray. Taahiddaydii, waan la daalay, oo innaba nasasho ma aan helin.
45:4b.JER.045.004 Waxaad isaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Wixii aan dhisay waan dumin doonaa, oo wixii aan beerayna waan rujin doonaa, taasuna waa dalka oo dhan.Ma nafsaddaadaad waxyaalo waaweyn u doondoonaysaa? Ha doondoonin, waayo, bal ogow, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu masiibaan binu-aadmiga oo dhan ku soo dejin doonaa, laakiinse meel alla meeshii aad tagtidba naftaadaan booli ahaan kuu siin doonaa.
45:5b.JER.045.005 Ma nafsaddaadaad waxyaalo waaweyn u doondoonaysaa? Ha doondoonin, waayo, bal ogow, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu masiibaan binu-aadmiga oo dhan ku soo dejin doonaa, laakiinse meel alla meeshii aad tagtidba naftaadaan booli ahaan kuu siin doonaa.
46
46:1b.JER.046.001 Kanu waa Eraygii Rabbiga oo Nebi Yeremyaah u yimid ee quruumaha ku saabsanaa.
46:2b.JER.046.002 Wuxuu ka hadlay Masar, iyo Fircoon Nekoo oo ahaa boqorkii Masar ciidankiisii, kaasoo joogay Karkemiish Webi Yufraad agtiisa, oo uu Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon wax ku dhuftay sannaddii afraad ee Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo boqorkii dalka Yahuudah ahaa.
46:3b.JER.046.003 Gaashaanka yar iyo kan weynba diyaariya oo dagaalka u soo dhowaada.
46:4b.JER.046.004 Fardoleydoy, fardaha heenseeya oo fuula, oo isa soo safa idinkoo koofiyadihiinna dagaalka qaba, oo warmaha afaysta, oo waxaad soo xidhataan dharka birta ah.
46:5b.JER.046.005 Bal maxaan u arkay? Way nexeen oo dib bay u sii noqdeen, oo kuwoodii xoogga badnaa waa la wada dilay, oo degdeg bay u carareen, dibna uma ay soo jeesan, waayo, cabsi baa dhinac kasta kaga hareeraysnayd, ayaa Rabbigu leeyahay.
46:6b.JER.046.006 Kan dheereeyaa yuusan cararin, oo kan xoogga badanuna yuusan baxsan. Xagga woqooyi iyo Webi Yufraad agtiisa ayay ku turunturoodeen, wayna ku dheceen.
46:7b.JER.046.007 Yuu yahay kan u soo kaca sida Webi Niil, oo biyihiisu ay sida webiyaasha u rogrogmadaan?
46:8b.JER.046.008 Dalka Masar ayaa u kaca sida Webi Niil, oo biyihiisuna way u rogrogmadaan sida webiyaasha oo kale, oo wuxuu leeyahay, Anigu waan kacayaa, oo dhulkaan dabooli doonaa, waanan baabbi'in doonaa magaalada iyo dadka dhex degganba.
46:9b.JER.046.009 Fardahow, kaca, oo gaadhifardoodyadow, yaaca. Ragga xoogga badanuna ha bexeen, kuwaasoo ah reer Kuush iyo kuwa reer Fuud oo gaashaanka gacanta ku haya, iyo kuwa reer Luud oo qaansada xoodi yaqaan.
46:10b.JER.046.010 Waayo, taasu waa maalintii Sayidka ah Rabbiga ciidammada, waana maalin aarsasho, oo uu cadaawayaashiisa ka aarsan doono. Seeftuna way wada baabbi'in doontaa, wayna ka dhergi doontaa, oo dhiiggooday ku sakhraami doontaa, waayo, Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu qurbaan ku samaynayaa dalka woqooyi Webi Yufraad agtiisa.
46:11b.JER.046.011 Dadka Masar ee sida bikrad oo kale ahow, waxaad tagtaa Gilecaad, oo beeyo dawo ah soo qaado. Waxtarla'aan baad dawooyin badan u qaadataa, illowse bogsiini kuuma jirto.
46:12b.JER.046.012 Quruumuhu waxay maqleen ceebtaada, oo qayladaaduna waxay ka buuxsantay dalka oo dhan, waayo, kuwii xoogga badnaa ayaa midba kan kale ku turunturooday, oo labadoodiiba way wada dheceen.
46:13b.JER.046.013 Kanu waa eraygii Rabbigu uu kula hadlay Nebi Yeremyaah, oo ku saabsanaa sida Nebukadresar oo boqorka Baabuloon ahu uu u iman doono, oo uu dalka Masar wax ugu dhufan doono.
46:14b.JER.046.014 Masar ka dhex sheega, oo Migdol ka dhex naadiya, oo weliba ka dhex naadiya Nof iyo Taxfanxeesba, oo waxaad tidhaahdaan, Istaag oo isdiyaari, waayo, intii kugu wareegsanayd oo dhan seef baa baabbi'isay.
46:15b.JER.046.015 Kuwaagii xoogga badnaa bal maxaa loo kala xaaqay? Iyagu ma ay istaagin, waayo, Rabbiga ayaa riday.
46:16b.JER.046.016 Kuwa badan ayuu turuntureeyey, oo midba midka kaluu ku dhacay. Oo waxay isku yidhaahdeen, Kaca oo ina keena, aynu dadkeennii iyo dalkii aynu ku dhalannay u tagnee, oo aynu seefta ina dulmaysa ka cararnee.
46:17b.JER.046.017 Waxay halkaas kaga qayliyeen, Fircoon oo ah boqorka Masar waa sanqadh keliya, wakhtigiina wuu dhaafiyey.
46:18b.JER.046.018 Boqorka magiciisu yahay Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye. Sida xaqiiqada ah isagu wuxuu u iman doonaa sida Taaboor oo buuraha ku dhex taal, iyo sida Karmel oo badda u dhow.
46:19b.JER.046.019 Dadka Masar degganow, in maxaabiis ahaan laguu kaxaysto u alaab ururso, waayo, Nof waxay noqon doontaa meel cidla iyo baabba' ah oo aan ciduna degganayn.
46:20b.JER.046.020 Masar waa qaalin lo'aad oo qurxoon, laakiinse halligaad baa xagga woqooyi uga timid, wayna gaadhay.
46:21b.JER.046.021 Oo weliba raggiisa la soo kiraystay oo isaga dhex joogaana waa sida weylo cayilay, waayo, dib bay u noqdeen, oo dhammaantood way isla wada carareen, oo innaba ma ay joogsan, waayo, waxaa soo gaadhay maalintii masiibadooda iyo wakhtigii ciqaabiddooda.
46:22b.JER.046.022 Sanqadhiisu waa sida abeeso sii gurguuranaysa, waayo, iyagu ciidan bay kula soo socon doonaan, oo faasas bay kula soo duuli doonaan sida kuwa qoryo jaraya.
46:23b.JER.046.023 Rabbigu wuxuu leeyahay, In kastoo aan la dhex baadhi karin, kayntiisa waa la wada jari doonaa, maxaa yeelay, iyagu ayaxa way ka fara badan yihiin, oo waa wax aan la tirin karin.
46:24b.JER.046.024 Dadka Masar way ceeboobi doonaan, waayo, waxaa lagu ridi doonaa gacanta dadka woqooyi.
46:25b.JER.046.025 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waan wada ciqaabi doonaa Aamoon oo ah ilaaha Noo, iyo Fircoon, iyo Masar, iyo ilaahyadiisa, iyo boqorradiisa, iyo xataa Fircoon iyo kuwa isaga isku halleeyaba.
46:26b.JER.046.026 Oo waxaan ku ridi doonaa gacanta kuwa naftooda doondoonaya, iyo gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, iyo gacanta addoommadiisa, oo markaas dabadeedna waa loo degi doonaa sidii waayihii hore, ayaa Rabbigu leeyahay.
46:27b.JER.046.027 Laakiinse, addoonkayga reer Yacquubow, ha cabsan, hana nixin, reer binu Israa'iilow, waayo, bal eeg, meel fog baan kaa badbaadin doonaa, oo farcankaagana waxaan ka badbaadin doonaa dalka ay maxaabiista ku yihiin, oo reer Yacquub wuu soo noqon doonaa oo wuu iska xasilloonaan doonaa oo iska istareexi doonaa, oo ciduna ma cabsiin doonto innaba.Rabbigu wuxuu leeyahay, Addoonkayga reer Yacquubow, innaba ha cabsan, waayo, waan kula jiraa, oo quruumihii aan ku kala kexeeyey oo dhanna waan wada baabbi'in doonaa, laakiinse adiga ku wada baabbi'in maayo, caddaalad baanse kugu edbin doonaa, oo sinaba ciqaabidla'aan kuugu dayn maayo.
46:28b.JER.046.028 Rabbigu wuxuu leeyahay, Addoonkayga reer Yacquubow, innaba ha cabsan, waayo, waan kula jiraa, oo quruumihii aan ku kala kexeeyey oo dhanna waan wada baabbi'in doonaa, laakiinse adiga ku wada baabbi'in maayo, caddaalad baanse kugu edbin doonaa, oo sinaba ciqaabidla'aan kuugu dayn maayo.
47
47:1b.JER.047.001 Kanu waa Eraygii Rabbiga oo reer Falastiin ku saabsanaa oo Nebi Yeremyaah u yimid intaan Fircoon Gaasa wax ku dhufan ka hor.
47:2b.JER.047.002 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, xagga woqooyi biyaa ka soo kici doona, oo waxay noqon doonaan webi aad u daadanaya, oo waxay qarqin doonaan dalka iyo waxa ku dhex jira oo dhan, iyo magaalada iyo waxa dhex degganba, oo markaas ayaa raggu qaylin doonaa, oo dadka dalka deggan oo dhammuna way wada ooyi doonaan.
47:3b.JER.047.003 Gurdanka qoobabka fardihiisa xoogga badan iyo yaacidda gaadhifardoodyadiisa, iyo xiinka giraangirihiisa aawadood ayaa aabbayaashu ayan dib u dhugan doonin carruurtooda, waayo, gacmahoodu cabsi bay la taag gabeen,
47:4b.JER.047.004 waana maalinta u imanaysa inay reer Falastiin wada baabbi'iso, iyo inay kaalmeeye kasta oo hadhay Turos iyo Siidoon ka baabbi'iso, waayo, Rabbigu wuxuu baabbi'in doonaa reer Falastiin iyo kuwa hadhay ee gasiiradda Kaftoor oo dhan.
47:5b.JER.047.005 Baroorashaa Gaasa heshay, Ashqeloonna waa lala baabbi'iyey kuwii dooxadooda ku hadhay; ilaa goormaad isgoogooynaysaa?
47:6b.JER.047.006 Rabbiga seeftiisay, ilaa goormaad xasilloonaan la'aanaysaa? Galkaaga gal, naso, oo xasilloonow.Sidee baad u xasilli kartaa, iyadoo uu Rabbigu ku amray? Ashqeloon iyo badda xeebteedaba ayuu iyada ku amray.
47:7b.JER.047.007 Sidee baad u xasilli kartaa, iyadoo uu Rabbigu ku amray? Ashqeloon iyo badda xeebteedaba ayuu iyada ku amray.
48
48:1b.JER.048.001 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu reer Moo'aab ka leeyahay, Waxaa iska hoogtay Neboo! Waayo, iyadu way baabba'day. Qiryaatayim waa la ceebeeyey oo waa la qabsaday, Misgaabna waa la ceebeeyey, waana la dumiyey.
48:2b.JER.048.002 Dalka Moo'aab ammaan dambe ma leh. Xeshboon baa shar loogu hindisay, oo waxaa la yidhaahdaa, Kaalaya oo aynu baabbi'innee si ayan quruun u sii ahaan.Madmeenay, adigana waa lagu baabbi'in doonaa, oo seef baa ku eryan doonta.
48:3b.JER.048.003 Oo waxaa Xoronayim laga maqli doonaa oohin qayladeed, kharribaad iyo baabba' weyn aawadood.
48:4b.JER.048.004 Dalka Moo'aab waa la wada baabbi'iyey, oo dhallaankiisiina qaylo bay maqashiiyeen.
48:5b.JER.048.005 Waayo, jiirtii Luxiid waxaa lala fuuli doonaa oohin aan kala joogsanayn, waayo, dhaadhaca Xoronayim waxay ka maqleen tiiraanyadii oohinta baabbi'idda.
48:6b.JER.048.006 Carara, oo naftiinna badbaadiya, oo waxaad noqotaan sida geed xun oo cidlada ku yaal oo kale.
48:7b.JER.048.007 Waayo, waxaad isku hallaysay shuqulladaada iyo khasnadahaaga, oo sidaas daraaddeed adigana waa lagu qabsan doonaa, oo Kemooshna maxaabiis ahaan buu u bixi doonaa, isaga iyo wadaaddadiisa, iyo amiirradiisaba.
48:8b.JER.048.008 Oo baabbi'iyuhuna wuxuu ku soo duuli doonaa magaalo kasta, oo magaalona kama baxsan doonto. Oo weliba sidii Rabbigu yidhi, Dooxaduna way halligmi doontaa, oo bannaankuna wuu baabbi'i doonaa.
48:9b.JER.048.009 Dalka Moo'aab baalal siiya si uu u duulo oo uu u cararo. Magaalooyinkiisu waxay noqon doonaan cidla aan ciduna dhex degganayn.
48:10b.JER.048.010 Inkaaru ha ku dhacdo kii shuqulka Rabbiga si dayac ah u sameeya, oo inkaaru ha ku dhacdo kii seeftiisa dib uga celiya inay dhiig daadiso.
48:11b.JER.048.011 Dalka Moo'aab wuu iska istareexsanaa tan iyo yaraantiisii, oo sida khamri deggan ayuu iskaga dul fadhiyey gufarkiisii, oo weelna weel kale lagagama shubin, oo maxaabbiisahaanna marna looma kaxaysan, sidaas daraaddeed dhadhankiisii wuu ku sii hadhay isaga, oo udgoonkiisiina innaba ma beddelmin.
48:12b.JER.048.012 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan isaga u soo diri doono kuwa wax shuba, isagayna shubayaan, oo weelashiisay madhinayaan, oo jalxadihiisana wada burburinayaan.
48:13b.JER.048.013 Sidii reer binu Israa'iil ay Beytel oo ay ku kalsoonaayeen ugu ceeboobeen, sidaas oo kale ayaa reer Moo'aabna Kemoosh ugu ceeboobi doonaa.
48:14b.JER.048.014 Idinku sidee baad u odhan kartaan, Annagu waxaannu nahay dagaalyahan iyo rag u xoog badan dagaalka?
48:15b.JER.048.015 Boqorka magiciisu yahay Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dalka Moo'aab cidla buu noqday, oo magaalooyinkiisiina way baabbe'een, oo kuwa barbaarradiisii u wanaagsanaana waxay hoos ugu dhaadheceen in la gowraco.
48:16b.JER.048.016 Moo'aab masiibadiisii mar dhow bay imanaysaa, oo dhibtiisiina aad iyo aad bay u soo degdegaysaa.
48:17b.JER.048.017 Kuwiinna hareerihiisa ku wareegsan oo magiciisa yaqaan oo dhammow, u baroorta, oo waxaad tidhaahdaan, Ushii xoogga iyo quruxda badnayd sidee bay u kala jabtay!
48:18b.JER.048.018 Dadka Diibon degganow, sharaftaada hoos uga soo deg oo oon la fadhiiso, waayo, waxaa kugu soo duulay baabbi'iyaha Moo'aab, oo isagu wuxuu dumiyey qalcadahaaga adadag.
48:19b.JER.048.019 Kuwiinna Carooceer degganow, bal jidka dhiniciisa istaaga, oo bal wax fiiriya, oo kan sii cararaya iyo tan sii baxsanaysa waxaad weyddiisaan waxa dhacay.
48:20b.JER.048.020 Moo'aab waa la ceebeeyey, waayo, wuu baabba'ay. Haddaba ooya oo qayliya, oo Arnoon ka sheega in Moo'aab baabba'ay.
48:21b.JER.048.021 Xukun baa ku dhacay dalka bannaanka ah, iyo Xolon, iyo Yahsaah, iyo Mefacad,
48:22b.JER.048.022 iyo Diibon, iyo Neboo, iyo Beytdiblaatayim,
48:23b.JER.048.023 iyo Qiryaatayim, iyo Beytgaamuul, iyo Beytmecoon,
48:24b.JER.048.024 iyo Qiryood, iyo Bosraah, iyo magaalooyinka dalka Moo'aab oo dhan, kuwa dhow iyo kuwa fogba.
48:25b.JER.048.025 Rabbigu wuxuu leeyahay, Dalka Moo'aab geeskiisii waa la gooyay oo gacantiisiina waa jabtay.
48:26b.JER.048.026 Isaga sakhraamiya, waayo, Rabbiguu iska sii weyneeyey, oo Moo'aab wuxuu ku dhex galgalan doonaa mantaggiisa, oo weliba wuxuu noqon doonaa wax lagu qoslo.
48:27b.JER.048.027 Waayo, miyaan dalka Israa'iil wax lagu qoslo kuu ahayn? Miyaase isaga laga helay tuugag dhexdood? Waayo, markaad isaga ka hadashidba madaxaad ruxruxdaa.
48:28b.JER.048.028 Kuwa dalka Moo'aab degganow, magaalooyinka ka taga, oo dhagaxa weyn ku hoyda, oo waxaad la mid noqotaan sidii qoolleyda buulkeeda ka samaysata dhinacyada bohol afkeeda.
48:29b.JER.048.029 Waxaannu maqalnay kibirkii Moo'aab oo uu aad u kibray, iyo xataa kor-isu-qaadiddiisa, iyo kibirkiisa, iyo madaxweynaantiisa, iyo qabweynaanta qalbigiisaba.
48:30b.JER.048.030 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan ogahay inaan cadhadiisu waxba ahayn oo faankiisuna innaba waxba tarayn.
48:31b.JER.048.031 Sidaas daraaddeed Moo'aab waan u barooran doonaa, oo waxaan u qaylin doonaa reer Moo'aab oo dhan daraaddood, waana loo barooran doonaa dadka Qiir Xeres.
48:32b.JER.048.032 Canabka Sibmaahow, waxaan kuugu ooyi doonaa oohin ka sii daran tii Yacser. Laamahaagii badday dhaafeen, oo waxay gaadheen xataa tan iyo badda Yacser. Baabbi'iyihii wuxuu soo dhacay midhahaagii la hor guray iyo canabkaagii.
48:33b.JER.048.033 Farxadda iyo rayraynta waa laga qaaday beertii midhaha badnayd iyo dalka Moo'aabba, oo waxaan ka dhigay in khamri macsarooyinka laga waayo, oo ciduna kuma tuman doonto iyagoo heesaya, oo heestooduna innaba hees ma noqon doonto.
48:34b.JER.048.034 Qayladii Xeshboon waxay gaadhay Elecaaleeh iyo tan iyo Yahas, oo waxaa laga dhawaaqay Socar iyo ilaa Xoronayim iyo ilaa Ceglad Shelishiyaah, waayo, xataa biyihii Nimriim way baabba'ayaan.
48:35b.JER.048.035 Oo weliba Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan Moo'aab ka joojin doonaa kan meesha sare allabariga ku bixiya, iyo kan ilaahyadiisa fooxa u shidaba.
48:36b.JER.048.036 Oo sidaas daraaddeed dalka Moo'aab aawadiis qalbigaygu waa u dhawaaqaa sida biibiile oo kale, oo dadka Qiir Xeres aawadoodna qalbigaygu sida biibiile oo kale waa u dhawaaqaa, saas aawadeed maalkii badnaa ee ay heleen waa ka wada baabba'ay.
48:37b.JER.048.037 Waayo, madax kastaba waa la xiiray, oo gadh kastaba waa la jaray, oo gacmaha oo dhanna nabaraa ku kor yaal, oo dhexdana joonyad baa ku xidhan.
48:38b.JER.048.038 Rabbigu wuxuu leeyahay, Guryaha Moo'aab dushooda, iyo jidadkiisa dhexdooda waxaa meel kasta jira baroorasho, waayo, Moo'aab waxaan u burburiyey sidii weel aan la doonaynin oo kale.
48:39b.JER.048.039 Sidee buu u dumay! Sidee baa reer Moo'aab dhabarka ceeb ula sii jeediyey! Markaasuu reer Moo'aab kuwa hareerihiisa ku wareegsan oo dhan u noqon doonaa wax lagu qoslo oo lagu naxo.
48:40b.JER.048.040 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, wuxuu u soo duuli doonaa sida gorgor oo kale, oo baalashiisana wuxuu ku fidin doonaa dalka Moo'aab.
48:41b.JER.048.041 Qiryood waa la qabsaday, oo qalcadihiina waa la argaggixiyey, oo ragga xoogga badan ee Moo'aab qalbigoodu wuxuu maalintaas noqon doonaa sida naag fooli hayso qalbigeed oo kale.
48:42b.JER.048.042 Oo Moo'aab waa la baabbi'in doonaa si uusan innaba quruun u sii ahaan, maxaa yeelay, Rabbiguu iska sii weyneeyey.
48:43b.JER.048.043 Rabbigu wuxuu leeyahay, Kan Moo'aab degganow, waxaa ku hor yaal cabsi, iyo yaamays, iyo dabin.
48:44b.JER.048.044 Kii cabsida ka cararaa wuxuu ku dhici doonaa yaamayska, oo kii yaamayska ka soo baxana waxaa qaban doona dabinka, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan reer Moo'aab ku soo dul dejin doonaa sannaddii ciqaabiddooda.
48:45b.JER.048.045 Kuwii cararay waxay istaagan yihiin hooska Xeshboon, iyagoo taag gabay, waayo, dab baa Xeshboon ka soo baxay, ololna wuxuu ka soo baxay Siixon dhexdeeda, oo wuxuu baabbi'iyey Moo'aab darafkeeda iyo kuwa bulxanka badan dhaladooda.
48:46b.JER.048.046 Moo'aabow, adigaa iska hoogay, Kemoosh dadkiisii way wada halligmeen, maxaa yeelay, wiilashaadii maxaabiis ahaan baa loo kaxaystay, oo gabdhahaagiina waa la wada kaxaystay.Laakiin Rabbigu wuxuu leeyahay, Ugudambaysta maxaabiista reer Moo'aab waan soo celin doonaa. Intaasu waa xukunkii reer Moo'aab.
48:47b.JER.048.047 Laakiin Rabbigu wuxuu leeyahay, Ugudambaysta maxaabiista reer Moo'aab waan soo celin doonaa. Intaasu waa xukunkii reer Moo'aab.
49
49:1b.JER.049.001 Rabbigu wuxuu reer Cammoon ka leeyahay, Israa'iil miyuusan wiilal lahayn? Miyuusan mid dhaxla lahayn? Bal maxaa Malkaam u dhaxlay Gaad, oo maxaase dadkiisu u degay magaalooyinkii reer Gaad?
49:2b.JER.049.002 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti aan ka dhigi doono in la maqlo qaylo dagaaleed oo ka gees ah magaalada Rabbaah ee reer Cammoon, oo waxay noqon doontaa taallo burbur ah, oo gabdhaheedana dab baa lagu wada gubi doonaa, oo markaasay dadka Israa'iil dhaxli doonaan kuwii iyaga dhaxli jiray, ayaa Rabbigu leeyahay.
49:3b.JER.049.003 Xeshboonay, barooro, waayo, Aacii waa baabba'day. Gabdhaha Rabbaahoy, ooya, dhar joonyad ah guntada, oo baroorta, oo hore iyo dib ugu orda deyrarka dhexdooda, waayo, Malkaam maxaabiis ahaan buu u bixi doonaa, isaga iyo wadaaddadiisa iyo amiirradiisaba.
49:4b.JER.049.004 Kaaga dib u noqonayow, bal maxaad dooxooyinkaaga ugu faanaysaa? Waayo, dooxadaadu way sii dhammaanaysaa. Khasnadahaagaad isku hallaysay oo waxaad tidhi, Bal yaa ii iman karaya?
49:5b.JER.049.005 Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxaan kugu soo dejin doonaa cabsi kaaga timaada kuwa hareerahaaga ku wareegsan oo dhan. Oo midkiin kastaba hor baa loo eryi doonaa, oo cid kuwa warwareega soo ururisaana ma jiri doonto.
49:6b.JER.049.006 Laakiin haddana mar kalaan maxaabiista reer Cammoon soo celin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.
49:7b.JER.049.007 Rabbiga ciidammadu wuxuu reer Edom ka leeyahay, Teemaan miyaan xigmad lagu sii arag innaba? Taladii miyey ka baabba'day kuwii miyirka lahaa? Xigmaddoodii miyey ka wada dhammaatay?
49:8b.JER.049.008 Dadka Dedaan degganow, carara, oo dib u noqda, oo meelo hul dheer dega, waayo, reer Ceesaw waxaan ku soo dejin doonaa masiibadiisa oo dhan, waana wakhtiga aan isaga ciqaabi doono.
49:9b.JER.049.009 Haddii kuwa canab ururiya ay kuu yimaadaan, sow kaagama ay tageen canab xaaxaab ah? Haddiise tuugag ay habeenkii kuu miraan, sow kama ay tageen markay wax ku filan helaan?
49:10b.JER.049.010 Laakiinse anigu reer Ceesaw waan qaawiyey, oo meelihiisii qarsoonaana daahaan ka wada qaaday, oo isna ma uu kari doono inuu isqariyo. Farcankiisii iyo walaalihiis iyo deriskiisiiba way wada baabbe'een oo isagiina innaba ma jiro.
49:11b.JER.049.011 Carruurtaada agoonta ah ka tag oo aniguna waan xannaanayn doonaa si ay u sii noolaadaan, oo carmalladaaduna ha isku kay halleeyeen.
49:12b.JER.049.012 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, kuwii ayan ku garta ahayn inay koobka cabbaan, xaqiiqa ahaan bay u cabbi doonaan. Haddaba adigu miyaad tahay mid aan la ciqaabi doonin? Adigu ciqaabidla'aan innaba ma sii joogi doontid, laakiinse sida xaqiiqada ah waad cabbi doontaa.
49:13b.JER.049.013 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan ku dhaartay nafsaddayda inay Bosraah noqon doonto cidla, iyo cay, iyo burbur, iyo inkaar, oo magaalooyinkeeda oo dhammuna weligoodba cidla bay ahaan doonaan.
49:14b.JER.049.014 War baan xagga Rabbiga ka maqlay, oo quruumahana waxaa loo dhex diray wargeeys leh, Isa soo wada urursada, oo iyada ku soo duula, oo dagaalka u soo kaca.
49:15b.JER.049.015 Waayo, bal eeg, waxaan kaa dhigay mid quruumaha dhexdooda ku yar, oo dadka dhexdiisana lagu quudhsado.
49:16b.JER.049.016 Kaaga qararka dhagaxyadooda deggan oo kurta dhaladeeda sare haystow, belaayonimadaada iyo kibirka qalbigaaga ayaa ku khiyaanay, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, In kastoo aad buulkaaga meel sare ka samaysatid sida kan gorgorka oo kale, anigu halkaas hoos baan kaaga soo dejin doonaa.
49:17b.JER.049.017 Oo weliba Edomna waxay noqon doontaa cidla, oo mid kasta oo ag maraaba wuu la yaabi doonaa, wuuna ku foodhyi doonaa belaayooyinkeeda oo dhan.
49:18b.JER.049.018 Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidii afgembigii Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinkii u dhowaa oo kale, ciduna halkaas ma joogi doonto, oo innaba binu-aadmi halkaas ma degganaan doono.
49:19b.JER.049.019 Bal eega, isagu wuxuu kibirka Webi Urdun uga soo dhex bixi doonaa sida libaax oo kale, oo wuxuu ku soo kici doonaa rugta xoogga badan, laakiinse anigu waxaan ka dhigi doonaa inuu degdeg uga cararo, oo waxaan madax uga dhigi doonaa kii la doortay, waayo, bal yaa ila mid ah? Oo bal yaa wakhtiga ii sheegi doona? Oo waa ayo adhijirka hortayda soo istaagi doona?
49:20b.JER.049.020 Haddaba bal maqla talada uu Rabbigu Edom u goostay, iyo qastiyadiisa uu dadka Teemaan deggan u qastiyey. Sida xaqiiqada ah waxaa iyaga kaxayn doona kuwa adhiga ugu yaryar. Sida xaqiiqada ah isagu hoygooda iyo iyagaba cidla buu ka dhigi doonaa.
49:21b.JER.049.021 Dhulkii wuxuu la gariiraa sanqadhii dhiciddooda, oo qayladoodana waxaa laga maqlaa tan iyo Badda Cas.
49:22b.JER.049.022 Bal ogaada, isagu wuu soo kici doonaa oo wuxuu u soo duuli doonaa sida gorgor oo kale, oo baalashiisana wuxuu ku fidin doonaa Bosraah, oo maalintaas ragga xoogga badan oo reer Edom qalbigoodu wuxuu noqon doonaa sida naag fooli hayso qalbigeed oo kale.
49:23b.JER.049.023 Oo Dimishaqna wuxuu ka leeyahay, Xamaad iyo Arfaad way nexeen, waayo, war xun bay maqleen, wayna qalbi jabeen, oo baddana welwel baa jira, oo innaba ma ay xasilli karto.
49:24b.JER.049.024 Dimishaq way taag gabtay, oo waxay u jeesatay inay cararto. Naxdin baa ku dhacday, oo cidhiidhi iyo xanuun baa qabtay sidii naag foolanaysa oo kale.
49:25b.JER.049.025 Magaaladii ammaanta lahayd oo aan ku faraxsanaa sidee baan looga tegin!
49:26b.JER.049.026 Sidaas daraaddeed barbaarradeedu waxay ku dhex dhici doonaan jidadkeeda, oo raggeeda dagaalka oo dhanna maalintaasaa la wada baabbi'in doonaa, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay.
49:27b.JER.049.027 Oo derbiga Dimishaq dab baan ku dayn doonaa, oo daaraha waaweyn ee Benhadad oo dhanna baabba' buu ka dhigi doonaa.
49:28b.JER.049.028 Qedaar iyo boqortooyooyinka Xaasoor oo boqorka Baabuloon oo Nebukadresar ahu uu wax ku dhuftay Rabbigu wuxuu ka leeyahay, Sara joogsada, oo Qedaar u kaca, oo dadka reer bari baabbi'iya.
49:29b.JER.049.029 Teendhooyinkooda iyo adhyahoodaba way wada kaxaysan doonaan, oo waxay iska qaadan doonaan daahyadooda iyo weelashooda oo dhan iyo geeloodaba, oo waxay iyaga ugu qaylin doonaan, Dhinac kasta cabsi baa idinka jirta.
49:30b.JER.049.030 Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Xaasoor degganow, carara, oo aad u sii fogaada, oo meelo hul dheer dega, waayo, Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ayaa idiin tashaday, oo wax xun buu idiin qastiyey.
49:31b.JER.049.031 Rabbigu wuxuu leeyahay, Sara joogsada, oo ku kaca quruun istareexsan, oo welwella'aan isaga deggan, oo aan albaabbo iyo qataarro midna lahayn, oo keligeed deggan.
49:32b.JER.049.032 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Geeloodu wuxuu noqon doonaa booli, oo xoolahooda badanna waa la kala boobi doonaa, oo waxaan dabaylaha oo dhan u kala firdhin doonaa kuwa timaha dhinacyada ka jarta, oo masiibadoodana waxaan kaga soo dayn doonaa dhinac kasta.
49:33b.JER.049.033 Oo Xaasoorna waxay noqon doontaa meel dawacooyin ku hoydaan iyo meel weligeed cidla ah, ciduna halkaas ma joogi doonto oo innaba binu-aadmina ma degganaan doono.
49:34b.JER.049.034 Kanu waa Eraygii Rabbiga ee Ceelaam ku saabsanaa ee Nebi Yeremyaah u yimid bilowgii boqornimadii Sidqiyaah oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah, isagoo leh,
49:35b.JER.049.035 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Anigu waxaan kala jebin doonaa qaansada reer Ceelaam, taasoo ah waxa xooggooda u weyn.
49:36b.JER.049.036 Oo waxaan reer Ceelaam ku soo dayn doonaa afarta dabaylood oo samada afarteeda qabladood ka timid, oo iyaga waxaan u kala firdhin doonaa qabladahaas oo dhan, oo innaba ma ay jiri doonto quruun aan reer Ceelaam masaafurisyadoodu geli doonin.
49:37b.JER.049.037 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ka dhigi doonaa in reer Ceelaam ay ku hor naxaan cadaawayaashooda iyo kuwa naftooda doondoonaya, oo masiibo ah cadhadayda kulul ayaan ku soo dejin doonaa, oo seefna waan ka daba diri doonaa, ilaa aan baabba' ka dhigo.
49:38b.JER.049.038 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu carshigayga Ceelaam baan dhex qotomin doonaa, oo halkaas boqor iyo amiirroba waan ka wada baabbi'in doonaa.Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Ugudambaysta maxaabiista reer Ceelaam waan soo celin doonaa.
49:39b.JER.049.039 Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Ugudambaysta maxaabiista reer Ceelaam waan soo celin doonaa.
50
50:1b.JER.050.001 Kanu waa eraygii ku saabsanaa Baabuloon iyo dalka reer Kaldayiin ee uu Rabbigu Nebi Yeremyaah faray.
50:2b.JER.050.002 Quruumaha ka dhex sheega, oo naadiya, oo calan kor u taaga. Naadiya, oo ha qarinina, oo waxaad tidhaahdaan, Baabuloon waa la qabsaday, Beel waa la ceebeeyey, Merodag waa la burburiyey, taswiiraheedii waa la ceebeeyey, oo sanamyadeediina waa la burburiyey.
50:3b.JER.050.003 Waayo, quruun baa xagga woqooyi iyada kaga soo kacaysa, taasoo dalkeeda cidla ka dhigi doonta, oo ciduna ma dhex degganaan doonto, oo dad iyo duunyaba way carareen, wayna tageen.
50:4b.JER.050.004 Rabbigu wuxuu leeyahay, Maalmahaas iyo wakhtigaas waxaa iman doona dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah oo wada socda oo ooyaya, oo Rabbiga Ilaahooda ahna way doondooni doonaan.
50:5b.JER.050.005 Iyagu waxay haybin doonaan jidka Siyoon iyagoo wejigoodu halkan u soo jeedo, oo waxay odhan doonaan, Kaalaya, oo Rabbiga ugu dhowaada axdi weligiis ah oo aan la illoobi doonin.
50:6b.JER.050.006 Dadkaygu wuxuu ahaan jiray sidii ido baadiyoobay, oo adhijirradoodii ayaa ka dhigay inay ambadaan. Waxay u celiyeen oo ku sii daayeen xagga buuraha, oo intay buur ilaa kur uga sii bexeen ayay xeradoodii illoobeen.
50:7b.JER.050.007 Ku alla kii iyaga helayba wuu cunay, oo cadaawayaashoodiina waxay yidhaahdeen, Annagu dembi kuma lihin, maxaa yeelay, iyagu waxay ku dembaabeen Rabbiga ah rugtii caddaaladda, kaasoo ah Rabbigii ahaa rajadii awowayaashood.
50:8b.JER.050.008 Baabuloon dhexdeeda ka carara, oo dalka reer Kaldayiin ka dhex baxa, oo noqda sida orgiyo adhi hor socda oo kale.
50:9b.JER.050.009 Waayo, bal ogaada, waxaan kicin doonaa oo aan Baabuloon ku soo dayn doonaa quruumo waaweyn oo is-urursaday oo xagga dalka woqooyi ka yimid, oo dagaal bay isugu soo diyaarin doonaan oo halkaasaa laga qaadi doonaa. Oo fallaadhahoodu waxay noqon doonaan sida fallaadhaha kan dagaalka aqoonta u leh oo aan middoodna waxtarla'aan ku soo noqonayn.
50:10b.JER.050.010 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Dalka Kalday wuxuu noqon doonaa wax la dhaco, oo kuwii isaga dhaca oo dhammuna way wada dhergi doonaan.
50:11b.JER.050.011 Kuwiinna dhaxalkayga dhacayow, in kastoo aad faraxdaan oo aad rayraysaan, iyo in kastoo aad u cayishaan sida qaalin lo'aad oo daaqsin fiican dhex joogta, amase aad danantaan sida fardo xoog badan oo kale,
50:12b.JER.050.012 kolley hooyadiin si xun bay u ceeboobi doontaa, oo tii idin dhashayna way welweli doontaa, oo bal ogaada, iyadu waxay ahaan doontaa midda quruumaha ugu wada dambaysa, iyo cidla, iyo dhul engegan, iyo lamadegaan.
50:13b.JER.050.013 Cadhada Rabbiga daraaddeed ayaan ciduna u degi doonin, laakiinse kulligeed waxay ahaan doontaa baabba'. Mid kasta oo Baabuloon soo ag maraaba wuu yaabi doonaa, oo belaayooyinkeeda oo dhanna wuu ku foodhyi doonaa.
50:14b.JER.050.014 Kuwiinna qaansada xoota oo dhammow, Baabuloon hareereheeda dagaal isugu diyaariya. Iyada fallaadhihiinna ku gana, oo fallaadhna ha ka ceshanina, waayo, Rabbigay ku dembaabtay.
50:15b.JER.050.015 Hareeraha kaga qayliya, iyadu way isdhiibtay, aasaaskeedii wuu dhacay, derbiyadeediina waa la wada dumiyey, waayo, taasu waa aarsashadii Rabbiga. Iyada ka aarsada, oo sidii ay yeeli jirtay iyada ku sameeya.
50:16b.JER.050.016 Baabuloon ka baabbi'iya kan wax beera iyo kan manjada qaada wakhtiga beergoosadka. Seefta dulmaysa cabsi ay ka qabaan aawadeed ayaa midkood kastaaba ku noqon doonaa dadkiisii, oo midkood kastaaba u carari doonaa dalkiisii.
50:17b.JER.050.017 Dadka Israa'iil waa sida ido kala firidhsan oo kale. Libaaxyaa kala eryay. Markii hore waxaa baabbi'iyey boqorkii Ashuur, oo markii dambena Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ayaa lafihiisii burbursaday.
50:18b.JER.050.018 Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, boqorka Baabuloon iyo dalkiisaba waan u ciqaabi doonaa sidaan boqorkii Ashuur u ciqaabay oo kale.
50:19b.JER.050.019 Oo dadka Israa'iilna xeradooda ayaan ku soo celin doonaa, oo waxay daaqi doonaan Karmel iyo Baashaan, oo nafsaddooduna waxay ka dhergi doontaa buuraha Efrayim iyo Gilecaad dhexdiisa.
50:20b.JER.050.020 Rabbigu wuxuu leeyahay, Maalmahaas iyo wakhtigaas waxaa la doondooni doonaa xumaantii dadka Israa'iil oo innaba ma ay jiri doonto, iyo dembiyadii dadka Yahuudah oo innaba lama heli doono, waayo, kuwii aan soo reebay waan saamixi doonaa.
50:21b.JER.050.021 Rabbigu wuxuu leeyahay, Ku soo kaca dalka Meraatayim, iyo dadka Feqood degganba. Laaya oo wada baabbi'iya oo sidaan idinku amray oo dhan yeela.
50:22b.JER.050.022 Dalka waxaa dhex yaal dagaal iyo halligaad weyn sanqadhood.
50:23b.JER.050.023 Dubbihii dunida oo dhammu sidee buu u kala jabay oo uu u burburay! Baabuloon sidee bay quruumaha dhexdooda cidla ugu noqotay!
50:24b.JER.050.024 Baabuloonay, dabin baan kuu dhigay, oo adna waa lagu qabtay adigoo aan iska ogayn. Waa lagu helay oo lagu qabtay, maxaa yeelay, Rabbigaad la dirirtay.
50:25b.JER.050.025 Rabbigu meesha hubkiisuu furay, oo wuxuu soo bixiyey hubkii dhirifkiisa, waayo, Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay shuqul uu ku dhex samayn doono dalka reer Kaldayiin.
50:26b.JER.050.026 Quruuntaas kaga soo kaca darafyada dhulka ugu shisheeya, oo bakhaarradeeda fura, oo waxaad iyada u taalaysaan sida wax meel tuunsan oo kale, oo dhammaanteed baabbi'iya, oo innaba waxba ha ka reebina.
50:27b.JER.050.027 Dibiyadeeda oo dhan wada gowraca, oo kulligood in la gowraco ha u dhaadheceen. Iyagaa iska hoogay, waayo, waxaa haatan yimid maalintoodii iyo wakhtigii ciqaabiddooda!
50:28b.JER.050.028 Waxaa yeedhaya codkii kuwa dalka Baabuloon ka sii cararaya oo ka baxsanaya inay Siyoon ka naadiyaan aarsashadii Rabbiga Ilaahayaga ah, taasoo ah aarsashadii macbudkiisa.
50:29b.JER.050.029 Waxaad Baabuloon ugu yeedhaan qaansoley badan, kuwiinna qaansada xoota oo dhammow. Hareereheeda ka dega, oo yaan innaba waxba ka baxsan. U abaal mariya sidii shuqulkeedu ahaa, oo wixii ay samayn jirtay oo dhan ku sameeya, waayo, waxay ku kibirtay Rabbiga ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.
50:30b.JER.050.030 Sidaas daraaddeed barbaarradeedu waxay ku dhex dhici doonaan jidadkeeda, oo raggeeda dagaalka oo dhanna maalintaasaa la wada baabbi'in doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.
50:31b.JER.050.031 Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, kan kibirka badanow, anigu col baan kugu ahay, waayo, waxaa yimid maalintaadii taasoo ah wakhtigii aan ku ciqaabi lahaa.
50:32b.JER.050.032 Oo kan kibirka badanuna wuu turunturoon doonaa, wuuna dhici doonaa, oo ciduna ma sara kicin doonto. Oo magaalooyinkiisana dab baan ku dayn doonaa, oo dabkaasuna wuxuu wada baabbi'in doonaa inta hareerihiisa ku wareegsan oo dhan.
50:33b.JER.050.033 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba waa la wada dulmay, oo kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystayna aad bay u xajistaan, wayna diidaan inay iska sii daayaan.
50:34b.JER.050.034 Bixiyahoodu waa xoog badan yahay, oo magiciisana waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada. Oo isagu sida xaqiiqada ah dacwadooda wuu u qaadi doonaa, si uu dhulka u nasiyo, oo uu kuwa Baabuloon deggan u gariiriyo.
50:35b.JER.050.035 Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Kaldayiin, iyo kuwa Baabuloon deggan, iyo amiirradeeda, iyo raggeeda xigmadda lehba seef baa u diyaar ah.
50:36b.JER.050.036 Oo faanlowyadana seef baa u diyaar ah, wayna nacasoobi doonaan, oo raggeeda xoogga badanna seef baa u diyaar ah, wayna argaggixi doonaan.
50:37b.JER.050.037 Oo seef baa u diyaar ah fardahooda, iyo gaadhifardoodyadooda, iyo dadka isku qasan oo dhexdeeda jooga oo dhan, oo waxay noqon doonaan sida naago oo kale. Oo khasnadaheedana seef baa u diyaar ah, oo iyana waa la dhici doonaa.
50:38b.JER.050.038 Biyaheedana abaar baa u diyaar ah, wayna wada gudhi doonaan, waayo, kanu waa dal ay taswiiro xardhanu ka buuxaan, oo dadkuna sanamyo bay ka daba waashaan.
50:39b.JER.050.039 Sidaas daraaddeed dugaagga lamadegaanku waxay halkaas la degganaan doonaan yeyda, oo weliba gorayooyinka ayaa halkaas ku hoyan doona, oo weligeedna mar dambe lama degi doono, oo tan iyo ab ka abna dhexdeeda innaba laguma hoyan doono.
50:40b.JER.050.040 Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidii Ilaah u afgembiyey Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinkii u dhowaaba ayaan ciduna halkaas u joogi doonin oo uusan innaba binu-aadmina halkaas degganaan doonin.
50:41b.JER.050.041 Bal ogaada, dadyow baa xagga woqooyi ka iman doona, oo quruun weyn iyo boqorro badan ayaa dhulka darafyadiisa ka soo kici doona.
50:42b.JER.050.042 Oo waxay sitaan qaansooyin iyo warmo, oo waa calool adag yihiin, oo innaba naxariis ma leh. Codkoodana waxaa la moodaa sida bad guuxaysa oo kale, oo farday fuulaan. Baabuloonay, mid kastaaba wuxuu kuugu soo safan yahay sida nin dagaal diyaar u ah oo kale.
50:43b.JER.050.043 Boqorkii Baabuloon ayaa warkoodii maqlay, markaasay gacmihiisii taag gabeen, oo cidhiidhi iyo xanuun baa isagii qabtay sida naag foolanaysa oo kale.
50:44b.JER.050.044 Bal eega, isagu wuxuu kibirka Webi Urdun uga soo dhex bixi doonaa sida libaax oo kale, oo wuxuu ku soo kici doonaa rugta xoogga badan, laakiinse anigu waxaan ka dhigi doonaa inay degdeg uga cararaan, oo waxaan madax uga dhigi doonaa kii la doortay, waayo, bal yaa ila mid ah? Oo bal yaa wakhtiga ii sheegi doona? Oo waa ayo adhijirka hortayda soo istaagi doona?
50:45b.JER.050.045 Haddaba bal maqla talada uu Rabbigu Baabuloon u goostay, iyo qastiyadiisa uu dalka reer Kaldayiin u qastiyey. Sida xaqiiqada ah waxaa iyaga kaxayn doona kuwa adhiga ugu yaryar. Sida xaqiiqada ah isagu hoygooda iyo iyagaba cidla buu ka dhigi doonaa.Dhulkii wuxuu la gariiraa sanqadhii qabsashadii Baabuloon, oo qayladeeda waxaa laga maqlaa quruumaha dhexdooda.
50:46b.JER.050.046 Dhulkii wuxuu la gariiraa sanqadhii qabsashadii Baabuloon, oo qayladeeda waxaa laga maqlaa quruumaha dhexdooda.
51
51:1b.JER.051.001 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu Baabuloon iyo kuwa dalka reer Kaldayiin dhex degganba waxaan ku soo kicin doonaa dabayl wax baabbi'isa.
51:2b.JER.051.002 Oo Baabuloonna waxaan u soo diri doonaa haadiyayaal, oo iyaday haadin doonaan, oo dalkeedana way madhin doonaan, waayo, maalinta dhibaatada dhinac kastay kaga soo duuli doonaan.
51:3b.JER.051.003 Kii qaanso xoota iyo kii dharkiisa birta ah la sara kacaba qaansoluhu qaansadiisa ha u xooto, oo barbaarradeedana ha u tudhina, oo ciidankeeda oo dhanna wada baabbi'iya.
51:4b.JER.051.004 Oo kuwa la layn doono waxay ku dhex dhici doonaan dalka reer Kaldayiin, oo kuwa la dooxdooxi doonona waxay ku dhici doonaan jidadkeeda.
51:5b.JER.051.005 Waayo, dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah toona Ilaahooda ah Rabbiga ciidammadu innaba ma dayrin, in kastoo dalkoodii uu ka buuxsamay dembi ay ku sameeyeen Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.
51:6b.JER.051.006 Baabuloon dhexdeeda ka carara, oo nin kastaaba naftiisa ha la baxsado. Xumaanteeda ha ku dhex baabbi'ina, waayo, haatan waa wakhti uu Rabbigu ka aarsan doono, oo iyada wuu abaal marin doonaa.
51:7b.JER.051.007 Baabuloon waxay ahayd koob dahab ah oo Rabbiga gacantiisa ku jira oo dunida oo dhan sakhraamiyey. Quruumuhu waxay cabbeen khamrigeedii, oo sidaas daraaddeed quruumihii way wada waasheen.
51:8b.JER.051.008 Baabuloon dhaqso bay u dhacday, wayna baabba'day. Iyada u baroorta oo xanuunkeeda beeyo dawo ah u qaada, hadday saas ku bogsanayso.
51:9b.JER.051.009 Annagu Baabuloon waannu dawayn lahayn, laakiinse iyadu ma ay bogsan. Iyada ka taga oo midkeen kastaaba dalkiisii ha tago, waayo, xukunkeedii wuxuu gaadhay tan iyo samada, oo waxaa kor loogu qaaday tan iyo cirka.
51:10b.JER.051.010 Rabbigu wuxuu soo saaray xaqnimadeennii, ina keena oo aynu Siyoon ka caddayno shuqulka Rabbiga Ilaaheenna ah.
51:11b.JER.051.011 Fallaadhaha afaysta, oo gaashaammada qaada, waayo, Rabbigu wuxuu sara kiciyey ruuxii boqorradii reer Maaday, waayo, qastigiisu waa inuu Baabuloon baabbi'iyo, maxaa yeelay, taasu waa aarsashadii Rabbiga, taasoo ah aarsashadii macbudkiisa.
51:12b.JER.051.012 Kor u qaada calan ku col ah derbiyada Baabuloon, oo ilaalladana sii xoogeeya, oo waardiyayaasha taaga, oo gaadmada diyaariya, waayo, Rabbigu wuxuu u qastiyey oo weliba sameeyey waxyaalihii uu kaga hadlay kuwa Baabuloon deggan.
51:13b.JER.051.013 Taadan biyaha badan ag deggan oo khasnadaha badanay, dhammaadkaagii waa yimid iyo qiyaastii faa'iidadaada xaqdarrada ahu.
51:14b.JER.051.014 Rabbiga ciidammadu wuxuu ku dhaartay nafsaddiisa, oo wuxuu yidhi, Sida xaqiiqada ah waxaan kaa buuxin doonaa rag sida koronkorro u faro badan, oo iyana way kugu qaylin doonaan.
51:15b.JER.051.015 Isagu dhulka xooggiisuu ku sameeyey, dunidana xigmaddiisuu ku dhisay, oo samooyinkana waxgarashadiisuu ku kala bixiyey.
51:16b.JER.051.016 Markuu codkiisa ku hadlo biyo badan guuxooda baa samooyinka laga maqlaa, oo isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco, roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac, oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.
51:17b.JER.051.017 Nin kastaaba wuxuu noqday doqon aan aqoon lahayn, oo dahabshube kastaaba wuxuu ku ceeboobay sanamkiisii la xardhay, waayo, sanamkiisii la shubay waa been oo innaba neef ma leh.
51:18b.JER.051.018 Iyagu waa wax aan waxtar lahayn iyo shuqul lagu majaajilowdo, oo wakhtiga ciqaabiddoodana way wada baabbi'i doonaan.
51:19b.JER.051.019 Kan Yacquub qaybta u ah iyaga la mid ma aha, waayo, isagu waa kan wax kasta abuuray, oo reer binu Israa'iilna waa qoladii dhaxalkiisa, oo magiciisuna waa Rabbiga ciidammada.
51:20b.JER.051.020 Adigu waxaad ii tahay dubbahaygii iyo hubkaygii dagaalka, oo adigaan quruumaha kugu burburin doonaa, oo adigaan boqortooyooyin kugu baabbi'in doonaa.
51:21b.JER.051.021 Oo adigaan kugu burburin doonaa faraska iyo kan fuushanba, oo adigaan kugu burburin doonaa gaadhifaraska iyo kan fuushanba,
51:22b.JER.051.022 oo weliba adigaan kugu burburin doonaa ragga iyo dumarkaba, oo adigaan kugu burburin doonaa odayga iyo barbaarkaba, oo adigaan kugu burburin doonaa wiilka iyo gabadhaba,
51:23b.JER.051.023 oo weliba adigaan kugu burburin doonaa adhijirka iyo adhigiisaba, oo adigaan kugu burburin doonaa ninkii beerrey ah iyo dibidiisba, oo adigaan kugu burburin doonaa taliyayaasha iyo saraakiishaba.
51:24b.JER.051.024 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Baabuloon iyo dalka Kalday dadka deggan oo dhanba waxaan ka abaal marin doonaa sharkii ay Siyoon iyo adiga hortaadaba ku sameeyeen.
51:25b.JER.051.025 Buurta wax baabbi'isa oo dunida oo dhan halligaysay, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu col baan kugu ahay, oo gacantaydaan kugu dul fidin doonaa, oo waxaan hoos kaga soo giringirin doonaa dhagaxyada dushooda, oo waxaan kaa dhigi doonaa buur gubatay.
51:26b.JER.051.026 Rabbigu wuxuu leeyahay, Lagaama qaadan doono dhagax rukun noqon kara iyo dhagax aasaas noqon kara toona, laakiinse adigu weligaaba cidla baad ahaan doontaa.
51:27b.JER.051.027 Dalka calan ka dhex taaga, oo quruumahana buunka ka dhex yeedhiya, oo quruumaha u soo wada diyaariya, inay iyada ku kacaan, oo waxaad u wada yeedhaan boqortooyooyinka Araarad, iyo Minnii, iyo Ashkenas inay ku kacaan, oo sirkaal iyada col ku ah doorta, oo fardahana ugu sii daaya sida koronkorro baas oo kale.
51:28b.JER.051.028 Oo waxaad iyada u soo diyaarisaan quruumaha, iyo boqorrada reer Maaday, iyo taliyayaashooda iyo saraakiishooda oo dhan, iyo dalka taliskiisa ku jira oo dhanba.
51:29b.JER.051.029 Dalku wuu gariiraa, wuuna xanuunsadaa, waayo, qasti kasta oo Rabbigu uu Baabuloon ugu qastiyeyba waa la oofiyaa si uu dalka Baabuloon uga dhigo cidla aan ciduna degganayn.
51:30b.JER.051.030 Raggii xoogga badnaa ee Baabuloon dagaalkay ka joogsadeen, oo waxay ku hadheen qalcadahoodii. Way taag gabeen, oo waxay noqdeen sidii naago oo kale. Meelaheedii lagu hoyan jiray way gubeen, oo qataarradeediina way kala jabeen.
51:31b.JER.051.031 Wargeeysba wargeeys buu ku orday, oo farriinqaadeba farriinqaaduu ku orday inuu boqorka Baabuloon u sheego in magaaladiisii dhan kasta laga qabsaday,
51:32b.JER.051.032 oo meelihii webiga laga gudbi jirayna la wada xidhay, oo cawsduurkiina dab lagu gubay, oo raggii dagaalkuna ay wada cabsadeen.
51:33b.JER.051.033 Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Dadka Baabuloon waa sidii meel hadhuudh lagu tumo, oo haatan waa wakhtigii la tumi lahaa, in yar dabadeedna waxaa u iman doona wakhtigii beergoosashada.
51:34b.JER.051.034 Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ayaa i baabbi'iyey, wuu i burbursaday, oo weel madhan buu iga dhigay, wuuna i liqay sidii bahal weyn oo kale, oo wuxuu calooshiisa ka buuxsaday cuntadaydii macaanayd, oo dibadduu ii xooray.
51:35b.JER.051.035 Kan Siyoon degganu wuxuu odhan doonaa, Dulmigii aniga iyo jidhkayga lagu sameeyey Baabuloon ha saarnaado. Yeruusaalem waxay odhan doontaa, Dhiiggaygu dadka dalka Kalday deggan ha saarnaado.
51:36b.JER.051.036 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, anigu dacwadaada waan kuu qaadi doonaa, waanan kuu aari doonaa, oo baddeeda waan engejin doonaa, oo isheedana waan qallajin doonaa.
51:37b.JER.051.037 Baabuloon waxay noqon doontaa tuulmooyin burbur ah iyo meel dawacooyinku ay ku hoydaan, iyo wax laga yaabo oo lagu foodhyo, oo aan ciduna degganayn.
51:38b.JER.051.038 Iyagu dhammaantood waxay u ciyi doonaan sida libaaxyo aaran ah oo kale, oo waxay u guuxi doonaan sida dhal libaax oo kale.
51:39b.JER.051.039 Rabbigu wuxuu leeyahay, Markay kululaadaan ayaan diyaafad u samayn doonaa, oo waan wada sakhraamin doonaa si ay u reyreeyaan oo ay u seexdaan hurdo weligeed ah oo ayan ka soo toosin.
51:40b.JER.051.040 Oo waxaan iyaga u soo kaxayn doonaa sida baraar la gowracayo iyo sida wanan iyo orgiyo oo kale.
51:41b.JER.051.041 Sidee baa Sheeshag loo qabsaday, sidee baa ammaantii dunida oo dhan loo argaggixiyey, oo sidee baa Baabuloon ay wax laga yaabo quruumaha dhexdooda ugu noqotay!
51:42b.JER.051.042 Baabuloon baddii baa ku soo kor butaacday, oo waxaa qarqiyey hirarkeedii badnaa.
51:43b.JER.051.043 Magaalooyinkeedii waxay noqdeen cidla iyo dhul engegan, iyo lamadegaan, iyo dal aan ciduna degganayn, ama aan binu-aadmi innaba soo ag marin.
51:44b.JER.051.044 Oo Beelna waxaan ku ciqaabi doonaa Baabuloon dhexdeeda, oo waxaan afkiisa ka soo bixin doonaa wixii uu liqay, oo quruumuhuna innaba mar dambe isaga uma ay soo qulquli doonaan, hubaal, derbiga Baabuloon wuu dumi doonaa.
51:45b.JER.051.045 Dadkaygiiyow, iyada ka dhex baxa, oo ninkiin kastaaba naftiisa ha kala baxsado Rabbiga cadhadiisa kulul.
51:46b.JER.051.046 Ha qalbi jebin, hana ka cabsan warka belefta ah ee dalka laga dhex maqli doono, waayo, sannad war baa iman doona oo haddana sannadda kalena war kalaa iman doona, oo dalka dhexdiisa waxaa jiri doona dulmi, oo taliyeba taliyuu ku kici doonaa.
51:47b.JER.051.047 Sidaas daraaddeed waxaa iman doona wakhti aan xukun ku soo dejin doono sanamyada xardhan ee Baabuloon, oo dalkeeda oo dhammuna wuu ceeboobi doonaa, oo kuweeda la laayay oo dhammuna iyaday ku dhex dhici doonaan.
51:48b.JER.051.048 Rabbigu wuxuu leeyahay, Markaasay samada iyo dhulka iyo waxa ku jira oo dhammuba farxad ku heesi doonaan Baabuloon aawadeed, waayo, kuwa iyada baabbi'in doona ayaa xagga woqooyi uga iman doona.
51:49b.JER.051.049 Baabuloon sidii ay u daadisay kuwii reer binu Israa'iil laga laayay, sidaas oo kale ayaa Baabuloon waxaa ugu dhex daadan doona kuwa dhulka laga laayay oo dhan.
51:50b.JER.051.050 Kuwiinna seefta ka baxsadayow, taga, oo ha joogsanina. Rabbiga meel fog ka soo xusuusta, oo Yeruusaalemna maankiinna ha soo gasho.
51:51b.JER.051.051 Annagu waannu ceeboonnay, maxaa yeelay, waxaannu maqalnay cay xun, oo ceeb baa wejigayagii qarisay, waayo, shisheeyayaal ayaa meelaha quduuska ah ee guriga Rabbiga soo dhex galay.
51:52b.JER.051.052 Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas daraaddeed waxaa iman doona wakhti aan xukun ku soo dejin doono sanamyadeeda xardhan, oo dalkeeda oo dhanna dadka dhaawaca ah baa ka dhex taahi doona.
51:53b.JER.051.053 Rabbigu wuxuu leeyahay, Baabuloon in kastoo ay tan iyo samada korto, iyo in kastoo ay meelaheeda dhaadheer ee xoogga badan sii adkayso, kolleyba waxaa iyada u tegi doona baabbi'iyayaal iga yimid.
51:54b.JER.051.054 Baabuloon qaylaa ka yeedhaysa, oo dalka reer Kaldayiinna baabba' weyn baa ka dhex sanqadhayaa,
51:55b.JER.051.055 maxaa yeelay, Rabbigu Baabuloon wuu baabbi'iyaa, oo codkii weynaana dhexdeeda wuu ka aamusiiyaa, oo mawjadahoodu way u guuxaan sida biyo badan, qaylada codkoodana kor bay u qaadaan,
51:56b.JER.051.056 maxaa yeelay, waxaa Baabuloon ku soo degay baabbi'iyihii, oo raggeedii xogga badanna waa la qabtay, oo qaansooyinkoodiina way jabeen, waayo, Rabbigu waa Ilaahii abaalmarinta, oo sida xaqiiqada ah isagu wuu u abaalgudi doonaa.
51:57b.JER.051.057 Oo waxaan wada sakhraamin doonaa amiirradeeda, iyo raggeeda xigmadda leh, iyo taliyayaasheeda, iyo saraakiisheeda, iyo raggeeda xoogga badanba, oo waxay seexan doonaan hurdo weligeed ah, oo ayan ka soo toosin, ayaa Boqorka magiciisa la yidhaahdo Rabbiga ciidammadu leeyahay.
51:58b.JER.051.058 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Derbiyada balballaadhan ee Baabuloon waa la wada dumin doonaa, oo irdaheeda dhaadheerna dab baa lagu gubi doonaa, oo dadku waxtarla'aan buu u hawshoon doonaa, quruumuhuna dab, wayna daali doonaan.
51:59b.JER.051.059 Kanu waa eraygii Nebi Yeremyaah uu ku amray Seraayaah ina Neeriiyaah oo ahaa ina Maxseeyaah markuu Baabuloon u raacay Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddii afraad ee boqornimadiisa. Seraayaah wuxuu ahaa amiirkii reer boqor maamulaha u ahaa.
51:60b.JER.051.060 Markaas Yeremyaah kitaab buu ku qoray masiibadii Baabuloon ku soo degi lahayd oo dhan, waana erayadan Baabuloon ku saabsan ee uu qoray.
51:61b.JER.051.061 Oo Yeremyaah wuxuu Seraayaah ku yidhi, Markaad Baabuloon tagtid oo aad aragtid, erayadan oo dhan wada akhri,
51:62b.JER.051.062 oo markaas waxaad tidhaahdaa, Rabbiyow, adigu waxaad ka hadashay meeshan inaad baabbi'inaysid, si aan waxba gudaheeda ugu hadhin dad iyo duunyo toona, laakiinse ay weligeedba cidla ahaan doonto.
51:63b.JER.051.063 Oo markaad kitaabkan akhrintiisa dhammaysid waa inaad isaga dhagax ku xidhaa oo aad Webi Yufraad dhexdiisa ku tuurtaa.Oo waxaad tidhaahdaa, Baabuloon sidaasay u tiimban doontaa, oo kamana soo sara kici doonto masiibada aan iyada ku soo dejin doono aawadeed, oo iyagu way daali doonaan.
51:64b.JER.051.064 Oo waxaad tidhaahdaa, Baabuloon sidaasay u tiimban doontaa, oo kamana soo sara kici doonto masiibada aan iyada ku soo dejin doono aawadeed, oo iyagu way daali doonaan.
52
52:1b.JER.052.001 Sidqiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray kow iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ku ahaa kow iyo toban sannadood. Oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Xamuutal ina Yeremyaah oo reer Libnaah ahayd.
52:2b.JER.052.002 Oo isagu wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah sidii wixii Yehooyaaqiim sameeyey oo dhan.
52:3b.JER.052.003 Oo tanu waxay Yeruusaalem iyo dalka Yahuudah ugu dhacday cadhadii Rabbiga aawadeed ilaa uu hortiisa ka tuuray, kolkaasaa Sidqiyaahna ka fallaagoobay boqorkii Baabuloon.
52:4b.JER.052.004 Oo sannaddii sagaalaad oo boqornimadiisa, bishii tobnaad, maalintii tobnaad ayaa Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon iyo ciidankiisii Yeruusaalem ku keceen, oo intay hor degeen ayay qalcado hareereheeda ka dhisteen.
52:5b.JER.052.005 Oo sidaasay magaaladii u hareeraysnayd tan iyo sannaddii kow iyo tobnaad oo Boqor Sidqiyaah.
52:6b.JER.052.006 Oo maalintii sagaalaad, bishii afraad, ayaa abaartii magaaladii aad iyo aad ugu xumaatay, oo sidaas daraaddeed dadkii dalka degganaa cunto ma haysan.
52:7b.JER.052.007 Markaasaa meel magaalada ahayd la jebiyey, oo raggii dagaalka oo dhammuna way carareen, oo waxay goor habeennimo ah magaaladii kaga bexeen iriddii labada derbi u dhaxaysay oo beertii boqorka ku ag tiil (haddaba reer Kaldayiin waxay ku wareegsanaayeen magaalada). Oo waxay mareen jidkii Caraabaah.
52:8b.JER.052.008 Laakiinse ciidankii reer Kaldayiin ayaa boqorkii eryaday, oo waxay Sidqiyaah ku gaadheen bannaannadii Yerixoo, oo ciidankiisii oo dhammuna way ka kala firdheen.
52:9b.JER.052.009 Markaasay boqorkii qabsadeen oo boqorkii Baabuloon ugu geeyeen Riblaah oo ku tiil dalka Xamaad, wuuna xukumay.
52:10b.JER.052.010 Oo boqorkii Baabuloon Sidqiyaah wiilashiisii hortiisuu ku laayay, oo weliba amiirradii dalka Yahuudah oo dhanna wuxuu ku wada laayay Riblaah.
52:11b.JER.052.011 Oo weliba Sidqiyaahna indhihii buu ka riday, oo boqorkii Baabuloon wuxuu ku xidhxidhay silsilado oo wuxuu u kaxaystay Baabuloon, oo xabsi buu ku riday ilaa maalintii dhimashadiisa.
52:12b.JER.052.012 Haddaba bishii shanaad maalinteedii tobnaad oo ahayd sannaddii sagaal iyo tobnaad oo Nebukadresar boqorkii Baabuloon ahaa waxaa Yeruusaalem yimid Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta oo boqorka Baabuloon u adeegi jiray.
52:13b.JER.052.013 Markaasuu gubay gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka, oo wuxuu kaloo gubay guryihii Yeruusaalem oo dhan, kuwaasoo ahaa guri kasta oo weyn.
52:14b.JER.052.014 Oo ciidankii reer Kaldayiin oo sirkaalkii askarta la socday oo dhammuna waxay wada dumiyeen derbiyadii Yeruusaalem ku wareegsanaa oo dhan.
52:15b.JER.052.015 Markaasaa Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askartu wuxuu maxaabiis ahaan u kaxaystay masaakiintii dadka qaarkood, iyo dadkii magaalada ku hadhay, iyo kuwii cararay oo u galay boqorkii Baabuloon, iyo intii dadkii faraha badnaa ka hadhay.
52:16b.JER.052.016 Laakiinse Nebuusaradaan oo sirkaalkii askarta ahaa wuxuu ka tegey dadkii waddanka ugu liitay inay ahaadaan kuwa canabka iyo beeraha kale ka shaqeeya.
52:17b.JER.052.017 Markaasaa reer Kaldayiin waxay jejebiyeen tiirarkii naxaasta ahaa oo guriga Rabbiga ku jiray, iyo saldhigyadii iyo berkeddii naxaasta ahayd oo guriga Rabbiga ku jiray, oo naxaastoodiina waxay u qaadeen Baabuloon.
52:18b.JER.052.018 Oo waxay kaloo qaadeen dheryihii, iyo majarafadihii, iyo alaabtii laambadihii lagu safayn jiray, iyo maddiibadihii, iyo malgacadihii, iyo weelashii naxaasta ahaa oo lagu adeegi jiray oo dhan.
52:19b.JER.052.019 Oo sirkaalkii askartu wuxuu la tegey suxuuntii, iyo dabqaadayaashii, iyo maddiibadihii, iyo dheryihii, iyo laambadihii, iyo malgacadihii, iyo koobabkiiba, intii dahabka ahayd dahab ahaan buu u qaaday, oo intii lacagta ahaydna lacag ahaan.
52:20b.JER.052.020 Labadii tiir, iyo berkeddii, iyo laba iyo tobankii dibi oo naxaasta ahaa oo saldhigyada ka hooseeyey, oo Boqor Sulaymaan uu u sameeyey gurigii Rabbiga, dhammaan weelashaas naxaastoodu miisaan ma lahayn.
52:21b.JER.052.021 Oo tiirarka midkood sarajooggiisu wuxuu ahaa siddeed iyo toban dhudhun, meeriskiisuna wuxuu ahaa laba iyo toban dhudhun markii xadhig lagu qiyaaso, oo dhumucdiisuna waxay ahayd afar farood, oo dhexdana wuu ka dalooshanaa.
52:22b.JER.052.022 Oo korkiisana waxaa saarnaa taaj naxaas ah, oo taajka sarajooggiisuna wuxuu ahaa shan dhudhun, wuxuuna lahaa shabag iyo rummaanno taajka ku wareegsan, oo kulligoodna waxay ahaayeen naxaas, tiirkii labaadna waxan oo kaluu lahaa iyo rummaanno.
52:23b.JER.052.023 Oo dhinacyada waxaa ku yiil lix iyo sagaashan rummaan, oo rummaannadii shabagga ku wareegsanaa oo dhammuna waxay ahaayeen boqol.
52:24b.JER.052.024 Oo sirkaalkii askartu wuxuu kaloo kaxaystay Seraayaah oo ahaa wadaadkii sare, iyo Sefanyaah oo ahaa wadaadkii labaad, iyo saddexdii iridjoog.
52:25b.JER.052.025 Oo wuxuu magaaladii kala soo baxay sirkaal u sarreeyey raggii dagaalyahanka ahaa, iyo toddoba nin oo ka mid ahaa kuwii boqorka hor joogi jiray oo magaaladii laga dhex helay, iyo karraanigii sirkaalka ciidanka ee ururin jiray dadkii waddanka, iyo lixdan nin oo ahaa dadkii dalka degganaa oo magaaladii laga dhex helay.
52:26b.JER.052.026 Markaasaa Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askartu iyagii kexeeyey oo Riblaah ugu geeyey boqorkii Baabuloon.
52:27b.JER.052.027 Markaasaa boqorkii Baabuloon iyagii ku laayay Riblaah oo ku taal dalka Xamaad. Oo sidaasaa dadkii Yahuudah dalkoodii looga kaxaystay iyagoo maxaabiis ah.
52:28b.JER.052.028 Oo sannaddii toddobaad dadkii uu Boqor Nebukadresar maxaabiisahaanta u kaxaystay waxay ahaayeen saddex kun iyo saddex iyo labaatan qof oo Yuhuud ah,
52:29b.JER.052.029 oo sannaddii siddeed iyo tobnaad oo Boqor Nebukadresarna wuxuu Yeruusaalem maxaabiis ahaan uga kaxaystay siddeed boqol iyo laba iyo soddon qof.
52:30b.JER.052.030 Oo sannaddii saddex iyo labaatanaad oo Boqor Nebukadresarna Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta ayaa Yuhuuddii maxaabiis ahaan uga kaxaystay toddoba boqol iyo shan iyo afartan qof, oo dadkii la kaxaystay oo dhammuna waxay ahaayeen afar kun iyo lix boqol oo qof.
52:31b.JER.052.031 Oo sannaddii toddoba iyo soddonaad intii boqorkii dalka Yahuudah oo Yehooyaakiin ahaa uu xidhnaa, bishii laba iyo tobnaad, maalinteedii shan iyo labaatanaad Ewiil Merodag oo ahaa boqorkii Baabuloon sannaddii uu boqor noqday ayuu sara u qaaday Yehooyaakiin oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo xabsiguu ka soo bixiyey.
52:32b.JER.052.032 Oo si roon buu ula hadlay, oo wuxuu carshigiisii ka kor mariyey carshigii boqorradii isagii Baabuloon la joogay.
52:33b.JER.052.033 Oo dharkiisii xabsiga ayuu beddelay oo hortiisuu wax ku cuni jiray had iyo jeerba cimrigiisii oo dhanba.Oo xagga masruufkiisana boqorkii Baabuloon xaggiisa waxaa laga siin jiray masruuf joogta ah, oo tan iyo maalintii uu dhintay maalin kastaba qayb buu heli jiray cimrigiisii oo dhan.
52:34b.JER.052.034 Oo xagga masruufkiisana boqorkii Baabuloon xaggiisa waxaa laga siin jiray masruuf joogta ah, oo tan iyo maalintii uu dhintay maalin kastaba qayb buu heli jiray cimrigiisii oo dhan.
- Holder of rights
- Multilingual Bible Corpus
- Citation Suggestion for this Object
- TextGrid Repository (2025). Somali Collection. Jeremiah (Somali). Jeremiah (Somali). Multilingual Parallel Bible Corpus. Multilingual Bible Corpus. https://hdl.handle.net/21.11113/0000-0016-B829-B