Proverbs (Somali)

Proverbs (Somali)

1

1:1b.PRO.001.001 Kuwanu waa maahmaahyadii Sulaymaan ina Daa'uud oo ahaa boqorkii reer Binu Israa'iil,

1:2b.PRO.001.002 Wuxuu u qoray si loo ogaado xigmadda iyo edbinta, Oo loo garto erayada waxgarashada,

1:3b.PRO.001.003 In la helo edbinta ku saabsan xigmadda, Iyo xaqnimada iyo garta iyo caaddilnimada;

1:4b.PRO.001.004 Si miyir loo siiyo garaadlaawaha, Oo aqoon iyo digtoonaanna loo yeelo ninka dhallinyarada ah.

1:5b.PRO.001.005 Ninkii caqli lahu wuu maqli doonaa, oo wuxuu korodhsan doonaa waxbarasho, Oo ninkii garaad lahuna wuxuu qabsan doonaa talada wanaagsan,

1:6b.PRO.001.006 Si lagu garto maahmaahda, iyo micnaynta, Iyo hadallada kuwa caqliga leh iyo xujooyinkooda.

1:7b.PRO.001.007 Waxaa aqoonta ugu horreeya Rabbiga ka cabsashadiisa; Laakiinse nacasyadu waxay quudhsadaan xigmadda iyo edbinta.

1:8b.PRO.001.008 Wiilkaygiiyow, edbinta aabbahaa maqal, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin,

1:9b.PRO.001.009 Waayo, waxay madaxaaga u noqon doonaan wax sharraxsan, Oo waxay kuu noqon doonaan silsilado qoorta kuu sudhan.

1:10b.PRO.001.010 Wiilkaygiiyow, haddii dembilayaal ku sasabtaan, Ha oggolaan.

1:11b.PRO.001.011 Hadday kugu yidhaahdaan, Na soo raac, Aan gaadno inaynu dhiig daadinno, Oo aynu sababla'aan kuwa aan eedda lahayn si qarsoon ugu dhuumanno;

1:12b.PRO.001.012 Oo iyagoo nool aynu u liqno sida qabriga oo kale, Dhammaantoodna aan juq siinno sida kuwa yaamayska ku dhaca;

1:13b.PRO.001.013 Waxaynu heli doonnaa maal qaali ah oo cayn kasta ah, Oo guryaheennana waxaynu ka buuxsan doonnaa booli;

1:14b.PRO.001.014 Nasiibkaaga iskula kaaya soo dar, Oo kulligeenna aynu kiishad qudha wada lahaanno;

1:15b.PRO.001.015 Wiilkaygiiyow, iyaga jidka ha la marin; Oo cagtaadana wadiiqadooda dib uga jooji;

1:16b.PRO.001.016 Waayo, cagahoodu waxay u ordaan shar, Oo waxay u degdegaan inay dhiig daadiyaan.

1:17b.PRO.001.017 Waayo, waa waxtarla'aan dabinka loo dhigaa Iyadoo ay shimbirtu u jeeddo;

1:18b.PRO.001.018 Iyagu waxay u gaadaan si dhiiggooda loo daadiyo, Oo waxay si qarsoon ugu dhuuntaan si naftooda looga qaado.

1:19b.PRO.001.019 Sidaas oo kalay yihiin jidadka mid kasta oo faa'iido u hunguri weyn, Oo nafta ka qaada kuwa leh.

1:20b.PRO.001.020 Xigmaddu aad bay uga qaylisaa jidka; Oo codkeedana waxay kor uga qaaddaa bannaanka;

1:21b.PRO.001.021 Waxay ka qaylisaa meesha suuqa ugu weyn; Oo iridda magaalada laga soo galo Ayay erayadeeda kaga hadashaa, iyadoo leh,

1:22b.PRO.001.022 Kuwiinna garaadlaawayaasha ahow, ilaa goormaad garaadla'aanta sii jeclaanaysaan? Oo kuwa wax quudhsadaana, ilaa goormay quudhsashadooda ku sii farxayaan? Nacasyaduna, ilaa goormay aqoonta sii necbaanayaan?

1:23b.PRO.001.023 Canaantayda u soo noqda; Bal eega, anigu waxaan idinku shubi doonaa ruuxayga, Oo waxaan idin ogeysiin doonaa erayadayda.

1:24b.PRO.001.024 Anigu waan idiin yeedhay, laakiinse waad i diiddeen; Oo anigu gacantaydaan soo fidiyey, oo ninnana dan kama yeelan;

1:25b.PRO.001.025 Laakiinse idinku taladaydii oo dhan waad fududaysateen, Oo canaantaydiina ma aydin doonaynin;

1:26b.PRO.001.026 Sidaas daraaddeed aniguna waan idinku qosli doonaa markay belaayo idinku dhacdo; Waanan idinku majaajiloon doonaa markay cabsiyu idinku soo degto;

1:27b.PRO.001.027 Markay cabsidiinnu u timaado sida duufaan oo kale, Oo belaayadiinnuna u timaado sida dabayl cirwareen ah; Oo dhibaato iyo cidhiidhi idinku yimaadaan.

1:28b.PRO.001.028 Markaasay ii yeedhan doonaan, laakiinse anigu uma aan jawaabi doono; Oo horay ii doondooni doonaan, laakiinse ima ay heli doonaan;

1:29b.PRO.001.029 Waayo, waxay nebcaadeen aqoonta, Oo Rabbiga ka cabsashadiisana ma ay dooran;

1:30b.PRO.001.030 Iyagu taladaydii innaba ma ay doonaynin; Oo canaantaydii oo dhanna way quudhsadeen;

1:31b.PRO.001.031 Haddaba iyagu waxay cuni doonaan midhihii jidkooda, Oo waxay ka dhergi doonaan taladoodii.

1:32b.PRO.001.032 Waayo, garaadlaawayaasha dibunoqoshadooda ayaa iyaga dili doonta, Oo nacasyadana waxaa baabbi'in doonta barwaaqadooda.Laakiinse ku alla kii aniga i maqlaa, ammaan buu u fadhiyi doonaa, Wuuna xasilloonaan doonaa, isagoo aan shar ka cabsanaynin.

1:33b.PRO.001.033 Laakiinse ku alla kii aniga i maqlaa, ammaan buu u fadhiyi doonaa, Wuuna xasilloonaan doonaa, isagoo aan shar ka cabsanaynin.

2

2:1b.PRO.002.001 Wiilkaygiiyow, haddaad erayadayda aqbashid, Oo aad amarradayda qalbigaaga ku haysatid,

2:2b.PRO.002.002 Si aad dhegta xigmadda ugu dhigtid, Oo aad qalbigaagana waxgarashada ugu qabatid;

2:3b.PRO.002.003 Haddaad waxkalagarashada ka daba qaylisid, Oo aad codkaaga waxgarashada kor ugu qaaddid;

2:4b.PRO.002.004 Haddaad iyada u raadisid sida lacagta oo kale, Oo aad u doondoontid sida maal qarsoon,

2:5b.PRO.002.005 Markaas waxaad garan doontaa Rabbiga ka cabsashadiisa, Oo waxaad heli doontaa aqoonta Ilaah.

2:6b.PRO.002.006 Waayo, Rabbigu isagaa bixiya xigmadda, Oo afkiisa waxaa ka soo baxa aqoonta iyo waxgarashada.

2:7b.PRO.002.007 Isagu kuwa xaqa ah xigmad buu u kaydiyaa, Oo kuwa daacadnimada u socdana waa u gaashaan.

2:8b.PRO.002.008 Isagu wuxuu dhawraa waddooyinka garta, Oo wuxuu xannaaneeyaa jidka quduusiintiisa.

2:9b.PRO.002.009 Markaasaad garan doontaa xaqnimada, iyo garta, Iyo caaddilnimada, iyo jid kasta oo wanaagsan.

2:10b.PRO.002.010 Waayo, waxaa qalbigaaga soo geli doonta xigmadda, Oo aqoontuna waxay ka farxin doontaa naftaada;

2:11b.PRO.002.011 Digtoonaanta baa ku xanaanayn doonta, Oo waxaa ku dhawri doonta waxgarashada,

2:12b.PRO.002.012 Si lagaaga samatabbixiyo jidka kan sharka ah, Iyo dadka waxyaalaha qalloocan ku hadla,

2:13b.PRO.002.013 Oo qummanaanta waddooyinkeeda ka taga, Si ay jidadka gudcurka ugu socdaan,

2:14b.PRO.002.014 Oo ay ku reyreeyaan inay xumaan falaan, Oo ay qalloocnaanta kan sharkaa ku farxaan;

2:15b.PRO.002.015 Oo jidadkoodu maroorsan yihiin, Oo waddooyinkooduna qalloocan yihiin,

2:16b.PRO.002.016 In lagaa samatabbixiyo naagta qalaad, Xataa naagta qalaad oo hadalladeeda kugu sasabata,

2:17b.PRO.002.017 Taasoo ka tagta horseedkii yaraanteeda, Oo illowda axdigii Ilaaheeda;

2:18b.PRO.002.018 Waayo, gurigeedu wuxuu ku foororaa dhimasho, Oo waddooyinkeeduna waxay ku dhaadhacaan kuwii dhintay.

2:19b.PRO.002.019 Kuwa iyada u gala midkoodna sooma noqdo, Oo waddooyinka noloshana ma ay helaan.

2:20b.PRO.002.020 Waa inaad ku socotid jidka dadka wanaagsan, Oo aad dhawrtid waddooyinka kuwa xaqa ah.

2:21b.PRO.002.021 Waayo, kuwa qummanu dhulkay fadhiyi doonaan, Oo kuwa kaamilka ahuna way sii joogi doonaan.Laakiinse kuwa sharkaa waa laga gooyn doonaa dhulka, Oo khaayinnadana waa laga rujin doonaa.

2:22b.PRO.002.022 Laakiinse kuwa sharkaa waa laga gooyn doonaa dhulka, Oo khaayinnadana waa laga rujin doonaa.

3

3:1b.PRO.003.001 Wiilkaygiiyow, waxbariddayda ha illoobin, Laakiin qalbigaagu amarradayda ha hayo,

3:2b.PRO.003.002 Waayo, iyagu waxay kuu kordhin doonaan Maalmo badan iyo cimri dheer iyo nabad.

3:3b.PRO.003.003 Naxariista iyo runtu yaanay kaa tegin, Iyaga qoorta ku xidh, Oo looxa qalbigaaga ku qor,

3:4b.PRO.003.004 Sidaasaad Ilaah iyo dadka hortooda Nicmo iyo sharaf uga heli doontaa.

3:5b.PRO.003.005 Qalbigaaga dhammaantii Rabbiga ku aamin, Oo waxgarashadaadana ha isku hallayn.

3:6b.PRO.003.006 Jidadkaaga oo dhan isaga ku qiro, Oo isna waddooyinkaaguu toosin doonaa.

3:7b.PRO.003.007 Ha isla weynaan; Rabbiga ka cabso; oo sharka ka fogow.

3:8b.PRO.003.008 Taasu waxay xundhurtaada u noqon doontaa caafimaad, Oo lafahaagana waxay u noqon doontaa dhuux.

3:9b.PRO.003.009 Rabbiga ku murwee maalkaaga Iyo midhaha ugu horreeya waxa kuu kordha oo dhan;

3:10b.PRO.003.010 Sidaasay maqsinnadaadu barwaaqo uga buuxsami doonaan, Macsarooyinkaaguna waxay la buuxdhaafi doonaan khamri cusub.

3:11b.PRO.003.011 Wiilkaygiiyow, Rabbiga edbintiisa ha quudhsan, Oo canaantiisana ha ka daalin,

3:12b.PRO.003.012 Waayo, Rabbigu ninkuu jecel yahay wuu canaantaa Sida aabbe u canaanto wiilkii uu ku faraxsan yahay.

3:13b.PRO.003.013 Waxaa barakaysan ninkii xigmadda hela, Iyo ninkii waxgarashada mulkiya.

3:14b.PRO.003.014 Waayo, baayacmushtarigeedu waa ka sii wanaagsan yahay baayacmushtariga lacagta, Oo faa'iidadeeduna waa ka sii wanaagsan tahay dahabka saafiga ah.

3:15b.PRO.003.015 Way ka sii qaalisan tahay luulka, Oo waxaad jeclaan kartid oo dhanna iyada lalama simo.

3:16b.PRO.003.016 Gacanteeda midig waxaa ku jira cimri dheeri; Gacanteeda bidixna waxaa ku jira hodonnimo iyo sharaf.

3:17b.PRO.003.017 Jidadkeedu waa jidad farxadeed, Oo waddooyinkeeda oo dhammuna waa nabad.

3:18b.PRO.003.018 Kuwii iyada qabsada waxay u tahay geed nololeed; Oo waxaa barakaysan ku alla kii iyada xajista.

3:19b.PRO.003.019 Rabbigu wuxuu dhulka ku aasaasay xigmadda, Oo samooyinkana wuxuu ku dhisay waxgarashada.

3:20b.PRO.003.020 Aqoontiisa ayaa moolalku ku dillaaceen, Oo cirkuna wuxuu soo daadiyaa sayax.

3:21b.PRO.003.021 Wiilkaygiiyow, waxyaalahanu yaanay indhahaaga ka tegin. Xigmadda iyo digtoonaanta xajiso.

3:22b.PRO.003.022 Sidaasay naftaada nolol ugu noqon doonaan, Qoortaadana nimco.

3:23b.PRO.003.023 Markaasaad jidkaaga ammaan ku mari doontaa, Oo cagtaaduna ma turunturoon doonto.

3:24b.PRO.003.024 Markaad jiifsatidna ma cabsan doontid; Haah, waad jiifsan doontaa, oo hurdadaaduna way kuu macaanaan doontaa.

3:25b.PRO.003.025 Ha ka baqin cabsi kedis ah, Iyo baabbi'inta kuwa sharka leh toona markii ay timaado.

3:26b.PRO.003.026 Waayo, Rabbigu wuxuu kuu ahaan doonaa Kan aad ku kalsoonaan karto. Oo cagtaadana wuu dhawri doonaa si aan loo qabsan.

3:27b.PRO.003.027 Wanaag ha u diidin kuwa uu ku habboon yahay in loo sameeyo, Markaad awood u leedahay inaad u samayso.

3:28b.PRO.003.028 Deriskaaga ha ku odhan, Tag oo soo noqo, Berri baan ku siin doonaaye, Haddii aad markaas haysid.

3:29b.PRO.003.029 Deriskaaga innaba xumaan ha u fikirin, Maxaa yeelay, isagu nabadgelyo buu kuu ag fadhiyaa.

3:30b.PRO.003.030 Ninna sababla'aan ha kula diririn, Haddaanu xumaan kugu samayn.

3:31b.PRO.003.031 Ha ka hinaasin nin dadka dulmiya, Oo jidadkiisana midnaba ha dooran.

3:32b.PRO.003.032 Maxaa yeelay, kuwa qalloocanu waa u karaahiyo Rabbiga, Laakiinse wuxuu sir la leeyahay kuwa qumman.

3:33b.PRO.003.033 Rabbigu wuxuu inkaaraa guriga kii shar leh, Laakiinse rugta kuwa xaqa ah wuu barakeeyaa.

3:34b.PRO.003.034 Hubaal kuwa wax quudhsada ayuu isagu quudhsadaa, Kuwa is-hoosaysiiyase nicmuu siiyaa.Kuwa xigmadda leh waxay dhaxli doonaan sharaf, Laakiinse nacasyadu waxay u dallici doonaan ceeb.

3:35b.PRO.003.035 Kuwa xigmadda leh waxay dhaxli doonaan sharaf, Laakiinse nacasyadu waxay u dallici doonaan ceeb.

4

4:1b.PRO.004.001 Wiilashoy, aabbe edbintiisa maqla, Oo u jeesta inaad wax garataan.

4:2b.PRO.004.002 Waayo, anigu waxaan idin siiyaa tacliin wanaagsan, Haddaba cilmigayga ha ka tegina.

4:3b.PRO.004.003 Waayo, aniguba waxaan aabbahay u ahaa wiil, Oo mid yar oo bacbac ah oo madi ah ayaan u ahaa hooyaday.

4:4b.PRO.004.004 Isagu wax buu i baray, oo wuxuu igu yidhi, Qalbigaagu erayadayda ha xajisto; Amarradaydana dhawr, oo waad noolaan doontaa.

4:5b.PRO.004.005 Xigmadda doono, waxgarashadana doono; Hana illoobin, oo erayada afkaygana dib ha uga noqon.

4:6b.PRO.004.006 Xigmadda ha ka tegin, oo way ku nabad gelin doontaa. Jeclow, oo way ku dhawri doontaa.

4:7b.PRO.004.007 Xigmaddu wax walbay ugu horraysaa, sidaas daraaddeed xigmadda doono; Wax kastoo aad hesho weliba waxgarasho doono.

4:8b.PRO.004.008 Iyada sarraysii, oo iyana way ku dallicin doontaa; Oo sharaf bay kuu yeeli doontaa markaad iyada isku duubtid.

4:9b.PRO.004.009 Iyadu waxay madaxaaga siin doontaa wax sharraxsan, Oo waxayna kuu yeeli doontaa taaj quruxsan.

4:10b.PRO.004.010 Wiilkaygiiyow, maqal oo hadalladayda aqbal. Oo sannadaha cimrigaaguna way badnaan doonaan.

4:11b.PRO.004.011 Anigu waxaan ku baray jidkii xigmadda; Oo waxaan kugu hoggaamiyey waddooyinkii qummanaanta.

4:12b.PRO.004.012 Markii aad socotid tallaabooyinkaagu cidhiidhi ma noqon doonaan, Oo haddaad oroddidna ma turunturoon doontid.

4:13b.PRO.004.013 Edbinta xajiso, oo ha iska sii deyn; Hayso, waayo, iyadu waa noloshaada,

4:14b.PRO.004.014 Waddada kuwa sharka leh ha gelin, Oo jidka xumaanfalayaashana ha qaadin.

4:15b.PRO.004.015 Ka leexo, hana marin, Ka noqo oo hareer ka mar.

4:16b.PRO.004.016 Waayo, iyagu ma seexdaan haddaanay xumaan falin, Oo hurdadoodana waa laga qaadaa iyagoo cid kufiya mooyaane.

4:17b.PRO.004.017 Waayo, iyagu waxay cunaan kibistii sharnimada, Oo waxay cabbaan khamrigii dulmiga.

4:18b.PRO.004.018 Laakiinse waddada kuwa xaqa ahu waa sida iftiinka waaberiga oo kale, Kaas oo hadba soo kordha ilaa uu noqdo maalin cad.

4:19b.PRO.004.019 Jidka kuwa sharka lahuna waa sida gudcurka oo kale. Oo iyagu garan maayaan waxay ku turunturoodaan.

4:20b.PRO.004.020 Wiilkaygiiyow, erayadayda dhegayso, Oo hadalladaydana dhegta u dhig.

4:21b.PRO.004.021 Indhahaaga hortooda yaanay ka fogaan, Oo qalbigaaga dhexdiisa ku hayso,

4:22b.PRO.004.022 Waayo, iyagu waa u nolol kuwa hela, Oo jidhkooda oo dhanna waa u caafimaad.

4:23b.PRO.004.023 Digtoonaan qalbigaaga u dhawr, Waayo, isagay noloshu ka soo baxdaaye.

4:24b.PRO.004.024 Af qalloocan iska saar, Oo bushimo maroorsanna iska fogee.

4:25b.PRO.004.025 Indhahaagu qummaati wax ha u fiiriyeen, Oo indhahaaga daboolkooduna si toosan hortaada ha u eegeen.

4:26b.PRO.004.026 Waddada cagahaaga aad ugu fiirso, Oo jidadkaaga oo dhammuna ha toosnaadeen.Xagga midigta iyo xagga bidixda toona ha u leexan, Oo cagtaadana xumaanta ka fogee.

4:27b.PRO.004.027 Xagga midigta iyo xagga bidixda toona ha u leexan, Oo cagtaadana xumaanta ka fogee.

5

5:1b.PRO.005.001 Wiilkaygiiyow, xigmaddayda dhegayso, Oo waxgarashadaydana dhegta u dhig;

5:2b.PRO.005.002 Si aad digtoonaan u dhawrtid, Oo ay bushimahaaguna aqoon u xejiyaan.

5:3b.PRO.005.003 Waayo, naagta qalaad bushimaheedu waxay daadiyaan malab, Oo afkeeduna saliid buu ka sii macaan yahay,

5:4b.PRO.005.004 Laakiinse aakhirkeedu wuxuu u qadhaadh yahay sida geed dacareed oo kale, Wuuna af badan yahay sida seef laba af leh.

5:5b.PRO.005.005 Cagaheedu dhimashay ku dhaadhacaan, Oo tallaabooyinkeeduna waxay u jeedaan xagga She'ool,

5:6b.PRO.005.006 Waddada nolosha iyadu aad uguma fiirsato. Jidadkeedu waa leexleexdaan, oo garan kari maysid,

5:7b.PRO.005.007 Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga ha ka tegina.

5:8b.PRO.005.008 Jidkaaga ka fogee iyada, Oo albaabka gurigeeda ha u dhowaan,

5:9b.PRO.005.009 Si aanad sharaftaada kuwa kale u siin, Oo aanad sannadahaaga kuwa caloosha adag u siin,

5:10b.PRO.005.010 Si aan shisheeyayaal maalkaaga uga dhergin; Oo aanay wixii aad u hawshootay guri ajnabi u gelin,

5:11b.PRO.005.011 Si aanad ugu dambaysta u barooran, Markay hilibkaaga iyo jidhkaaguba baabba'aan,

5:12b.PRO.005.012 Oo aad tidhaahdaan, Sidee baan edbin u nebcaaday, Oo qalbigayguna canaantii u quudhsaday!

5:13b.PRO.005.013 Codkii macallimiintaydii ma aan addeecin, Oo dhegtana uma aan dhigin kuwii wax i baray!

5:14b.PRO.005.014 Anigu waxaan u dhowaa inaan shar kasta falo Anigoo ku dhex jira shirka iyo ururka.

5:15b.PRO.005.015 Berkeddaada biyo ka cab, Oo ceelkaagana biyo qulqulaya ka cab.

5:16b.PRO.005.016 Ma hagaag baa in ilahaagu dibadda u daataan. Oo ay durdurraduna dariiqyada maraan?

5:17b.PRO.005.017 Iyagu ha ahaadeen kuwaaga oo keliya, Oo yaanay u ahaan shisheeyayaal adiga kula jira.

5:18b.PRO.005.018 Ishaadu ha barakaysnaato, Oo naagtaadii aad yaraanta ku guursatay ku faraxsanow.

5:19b.PRO.005.019 Iyadu ha kuu ahaato sida deerada jacaylka badan iyo sida cawsha quruxsan, Goor walbana naasaheedu ha ku deeqeen Oo had iyo goorna jacaylkeeda ku faraxsanow.

5:20b.PRO.005.020 Haddaba wiilkaygiiyow, bal maxaad naag qalaad ugu faraxsanaanaysaa, Maxaadse naag shisheeye ah naasaheeda u qabsanaysaa?

5:21b.PRO.005.021 Waayo, jidadka dadku waxay hor yaalliin indhaha Rabbiga Oo isagaa fiiriya waddooyinkiisa oo dhan.

5:22b.PRO.005.022 Kan sharka leh waxaa qabsan doonta xumaantiisa, Oo waxaa isaga lagu soo xidhi doonaa xadhkaha dembigiisa.Wuxuu u dhiman doonaa edbinla'aanta, Oo isagu wuxuu ku dhex amban doonaa badnaanta nacasnimadiisa.

5:23b.PRO.005.023 Wuxuu u dhiman doonaa edbinla'aanta, Oo isagu wuxuu ku dhex amban doonaa badnaanta nacasnimadiisa.

6

6:1b.PRO.006.001 Wiilkaygiiyow, haddaad deriskaaga dammiin u noqotid, Ama haddaad shisheeye gacanta dhaar ugu dhiibtid,

6:2b.PRO.006.002 Markaas waxaa lagugu dabay erayada afkaaga, Oo waxaa lagugu qabtay erayada afkaaga.

6:3b.PRO.006.003 Haddaba, wiilkaygiiyow, bal waxan samee oo isa samatabbixi, Waayo, gacantii deriskaagii waad gashay; U tag, oo is-hoosaysii, oo deriskaaga bari.

6:4b.PRO.006.004 Indhahaaga hurdo ha isugu keenin, Oo indhahaaga daboolkoodana lulo ha isugu qaban.

6:5b.PRO.006.005 Isu samatabbixi sida cawl gacanta ugaadhsadaha uga baxsato, Iyo sida shimbir gacanta shimbirdabaha uga baxsato.

6:6b.PRO.006.006 Kaaga caajiska ahow, bal qudhaanjada u tag, Oo bal jidadkeeda u fiirso oo caqli yeelo,

6:7b.PRO.006.007 Iyadoo aan lahayn madaxweyne, Sirkaal iyo taliye toona,

6:8b.PRO.006.008 Ayay guga cuntadeeda soo diyaarsataa, Oo quudkeedana waxay soo urursataa wakhtiga beeraha la goosto.

6:9b.PRO.006.009 Haddaba kaaga caajiska ahow, ilaa goormaad hurdaysaa? Goormaadse hurdadaada ka toosaysaa?

6:10b.PRO.006.010 Weliba, in yar baad seexataa, in yar baad lulootaa, Oo in yar baad gacmaha hurdo aawadeed u laabataa,

6:11b.PRO.006.011 Hadda caydhinimadaadu waxay u iman doontaa sida mid dad dhaca, Oo baahidaaduna waxay u iman doontaa sida nin hub wata.

6:12b.PRO.006.012 Qofkii waxmatare ah, iyo ninkii sharrow ahuba, Wuxuu ku socdaa af qalloocan;

6:13b.PRO.006.013 Indhihiisuu ku baaqaa, oo cagihiisuu ku hadlaa, Oo faruhuu wax ku baraa;

6:14b.PRO.006.014 Qalbigiisa qalloocnaan baa ku jirta, had iyo goorna wuxuu ku fikiraa shar, Oo wuxuu beeraa muran.

6:15b.PRO.006.015 Haddaba sidaas daraaddeed masiibadiisu degdeg bay u iman doontaa, Oo dhaqso buu u jabi doonaa, dawona ma leh.

6:16b.PRO.006.016 Waxaa jira lix waxyaalood oo uu Rabbigu neceb yahay, Haah, toddoba ayaa naftiisu aad u karahdaa,

6:17b.PRO.006.017 Waana indho kibir badan, carrab been sheega, Iyo gacmo dhiig aan eed lahayn daadiya,

6:18b.PRO.006.018 Qalbi male shar ah hindisa, Iyo cago xumaan ku degdega,

6:19b.PRO.006.019 Markhaati been ah oo been sheega, Iyo kii muran dad walaalo ah ku dhex beera.

6:20b.PRO.006.020 Wiilkaygiiyow, qaynuunka aabbahaa xaji, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin.

6:21b.PRO.006.021 Had iyo goorba qalbiga ku sido, Oo qoortana ku xidho.

6:22b.PRO.006.022 Markaad socotid wuu ku hoggaamin doonaa, Oo markaad seexatidna wuu ku dhawri doonaa, Markaad toostidna wuu kula hadli doonaa.

6:23b.PRO.006.023 Waayo, qaynuunku waa laambad, amarkuna waa iftiin, Oo canaanashada edbintuna waa jidkii nolosha,

6:24b.PRO.006.024 Inay kaa dhawraan naagta sharka ah, Iyo sasabashada carrabka naagta qalaad.

6:25b.PRO.006.025 Quruxdeeda qalbigaaga ha ka damcin, Oo yaanay indhaheeda daboolkooda kugu sasaban.

6:26b.PRO.006.026 Waayo, naag dhillo ah aawadeed waxaa nin la gaadhsiiyaa go' kibis ah, Oo dhilladuna waxay ugaadhsataa nafta qaaligaa.

6:27b.PRO.006.027 Miyuu nin laabta dab ku qaadi karaa, Iyadoo aan dharkiisu guban?

6:28b.PRO.006.028 Miyuu mid dhuxul kulul ku kor socon karaa, Iyadoo aan cagihiisu guban?

6:29b.PRO.006.029 Haddaba sidaas oo kaluu noqdaa kii naagta deriskiisa u tagaa, Oo ku alla kii iyada taabtaaba ma taqsiir la'aan doono.

6:30b.PRO.006.030 Dadku tuug ma quudhsadaan hadduu wax xado Inuu naftiisa dhergiyo markuu gaajoodo,

6:31b.PRO.006.031 Laakiinse haddii isaga la qabto waa inuu toddoba jibbaar u magdhabaa, Waa inuu ku bixiyaa waxa gurigiisa yaal oo dhan.

6:32b.PRO.006.032 Kii naag ka sinaystaa wuu caqli daranyahay, Oo kii sidaas yeelaa naftiisuu halligaa.

6:33b.PRO.006.033 Oo wuxuu heli doonaa dhaawacyo iyo sharafdarro; Oo ceebtiisana lama tirtiri doono innaba.

6:34b.PRO.006.034 Waayo, hinaaso waa nin cadhadiis. Maalinta aarsashadana isagu ma tudhi doono.Isagu innaba mag kaa qaadan maayo, oo sinaba kuula heshiin maayo, In kastoo aad hadiyado badan siisid.

6:35b.PRO.006.035 Isagu innaba mag kaa qaadan maayo, oo sinaba kuula heshiin maayo, In kastoo aad hadiyado badan siisid.

7

7:1b.PRO.007.001 Wiilkaygiiyow, erayadayda xaji, Oo amarradaydana xaggaaga ku kaydso.

7:2b.PRO.007.002 Amarradayda xaji aad noolaatide, Oo sharcigaygana sida ishaada inankeeda u dhawr.

7:3b.PRO.007.003 Farahaaga ku xidho, Oo looxa qalbigaagana ku qoro.

7:4b.PRO.007.004 Waxaad xigmadda ku tidhaahdaa, Adigu waxaad tahay walaashay, Oo waxgarashadana waxaad ugu yeedhaa, saaxiibadday gacalisoy,

7:5b.PRO.007.005 Si ay iyagu kaaga celiyaan naagta qalaad, Taasoo erayadeeda kugu sasabata.

7:6b.PRO.007.006 Waayo, anigoo jooga daaqadda gurigayga Ayaan shabagga daaqadda wax ka fiiriyey,

7:7b.PRO.007.007 Oo kuwa garaadka daran ayaan fiiriyey, oo waxaan barbaarrada ku dhex arkay Nin dhallinyaraa oo aan innaba waxgarasho lahayn,

7:8b.PRO.007.008 Isagoo maraya dariiqa xaafaddeeda u dhow, Oo wuxuu raacay jidkii gurigeeda,

7:9b.PRO.007.009 Oo waxay ahayd gabbaldhac oo makhribka ah, markii habeenkii madoobaanayay oo gudcur noqonayay.

7:10b.PRO.007.010 Oo bal eeg, waxaa isagii ka hor timid naag Sidii dhillo u lebbisan, oo qalbigeedu khiyaano miidhan yahay.

7:11b.PRO.007.011 Iyadu waa rabshad badan tahay, waana caasiyad, Oo gurigeeda cag sooma dhigto.

7:12b.PRO.007.012 Mar dibadday joogtaa, marna dariiqyaday maraysaa, Oo rukun kasta wax bay ku sugtaa.

7:13b.PRO.007.013 Haddaba isagii way qabsatay, oo dhunkatay; Iyadoo aan wejigeedu xishood lahayn ayay waxay isagii ku tidhi,

7:14b.PRO.007.014 Anigu waxaan hayaa allabaryo nabdeed, Oo maanta ayaan nidarradaydii bixiyey.

7:15b.PRO.007.015 Haddaba waxaan u soo baxay inaan kula kulmo, Oo aan aad iyo aad wejigaaga u doondoono, waanan ku helay.

7:16b.PRO.007.016 Sariirtaydii waxaan ku goglay durraaxado daabac leh, Iyo marooyin duntii Masar laga sameeyey.

7:17b.PRO.007.017 Waxaan sariirtaydii ku cadariyey Malmal iyo cuud iyo qorfe.

7:18b.PRO.007.018 Kaalay, oo aan caashaq ka dheregno ilaa aroorta, Oo aynu jacayl ku faraxsanaanno.

7:19b.PRO.007.019 Waayo, ninkaygii guriga ma joogo, Oo meel fog buu u sodcaalay,

7:20b.PRO.007.020 Kiish lacag ahna wuu qaatay, Oo wuxuu guriga ku soo noqon doonaa markuu dayaxu caddaado.

7:21b.PRO.007.021 Hadalkeedii badnaa oo macaanaa ayay isagii isku yeelsiisay, Oo waxay isagii ku qasabtay faankii beenta ahaa oo bushimeheeda.

7:22b.PRO.007.022 Oo haddiiba iyadii buu daba galay, Sidii dibi loo wado in la gowraco, Ama sidii nacas loo wado in silsilado lagu jebiyo,

7:23b.PRO.007.023 Jeer fallaadh beerka lagaga wareemo, Sida shimbiru dabinka degdeg ku gasho, Iyadoo aan ogayn in loo dhigay si nafteeda loo qaado.

7:24b.PRO.007.024 Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga dhegaysta.

7:25b.PRO.007.025 Qalbigiinnu yaanu jidadkeeda u leexan, Oo waddooyinkeedana ha ku dhex habaabina.

7:26b.PRO.007.026 Waayo, iyadu waxay ridday kuwa badan oo dhaawacan, Sida xaqiiqada kuway laysay aad bay u badan yihiin.Gurigeedu waa jidkii She'ool, Oo wuxuu hoos ugu dhaadhacaa dhimashada qolladaheeda.

7:27b.PRO.007.027 Gurigeedu waa jidkii She'ool, Oo wuxuu hoos ugu dhaadhacaa dhimashada qolladaheeda.

8

8:1b.PRO.008.001 Haddaba xigmaddu sow ma dhawaaqin? Waxgarashaduna codkeedii sow kor uma qaadin?

8:2b.PRO.008.002 Waxay taagan tahay meelaha sarreeya Oo jidka agtiisa ah, meesha waddooyinku ku kulmaan.

8:3b.PRO.008.003 Oo waxay ka qaylisaa irdaha agtooda, Meesha magaalada laga soo galo, Iyo meesha albaabbada laga soo galoba.

8:4b.PRO.008.004 Nimanyahow, idinkaan idiin dhawaaqayaa, Oo codkayguna wuxuu u yeedhayaa binu-aadmiga.

8:5b.PRO.008.005 Garaadlaawayaashow, miyir lahaada, Nacasyadoy, waxgarasho qalbiga ku haysta.

8:6b.PRO.008.006 I maqla, waayo, waxaan ku hadlayaa waxyaalo wanaagsan, Oo waxaan bushimaha u kala qaadayaa waxyaalo qumman.

8:7b.PRO.008.007 Maxaa yeelay, afkaygu run buu ku hadlayaa; Oo bushimahayguna shar bay karhaan.

8:8b.PRO.008.008 Erayada afkayga oo dhammi waa xaq, Oo innaba wax qalloocan ama maroorsan lagama helo.

8:9b.PRO.008.009 Iyagu dhammaantood waa u cad yihiin kii wax garanaya, Oo waana u qumman yihiin kuwa aqoonta hela.

8:10b.PRO.008.010 Edbintayda qaata, lacagse ha qaadanina, Oo aqoontana ka hor doorta dahabka saafiga ah.

8:11b.PRO.008.011 Waayo, xigmaddu waa ka sii wanaagsan tahay luulka, Oo wax alla waxa la damci karo oo dhanna iyada lalama simi karo.

8:12b.PRO.008.012 Anigoo xigmad ahu, waxaan la fadhiyaa miyir, Oo waxaan helaa aqoon iyo digtoonaan.

8:13b.PRO.008.013 Rabbiga ka cabsashadiisu waa in sharka la naco. Kibirka, iyo madaxweynaanta, iyo jidka sharka, Iyo afka qalloocan ayaan anigu necbahay.

8:14b.PRO.008.014 Talo iyo xigmad anigaa iska leh, Oo waxaan ahay waxgarasho, xoogna waan leeyahay.

8:15b.PRO.008.015 Boqorradu gacantayday wax ku xukumaan, Oo amiirraduna amarkaygay garta ku gooyaan.

8:16b.PRO.008.016 Taliyayaasha iyo saraakiisha iyo weliba xaakinnada dunida oo dhammuna Anigay wax iigu taliyaan.

8:17b.PRO.008.017 Anigu kuwa i jecel waan jeclahay, Oo kuwa aad iyo aad ii doonaana way i heli doonaan.

8:18b.PRO.008.018 Anigaa iska leh taajirnimo iyo sharaf. Iyo weliba maal raagaya iyo xaqnimoba.

8:19b.PRO.008.019 Midhahaygu way ka sii wanaagsan yihiin dahab, haah, oo xataa dahab aad u wanaagsan way ka sii wanaagsan yihiin, Oo waxa ii kordhaana way ka sii wanaagsan yihiin lacag la doortay.

8:20b.PRO.008.020 Anigu waxaan ku socdaa jidka xaqnimada, Iyo waddooyinka garta dhexdooda,

8:21b.PRO.008.021 Si aan kuwa i jecel uga dhigo inay maal dhaxlaan, Oo aan khasnadahooda ugu buuxiyo.

8:22b.PRO.008.022 Rabbigu wuxuu i lahaan jiray bilowgii jidkiisa Iyo shuqulladiisii hore ka hor.

8:23b.PRO.008.023 Aniga aakhirada hore waa lay taagay, waxaan jiray bilowgii ugu horreeyey, Ama intaan dunidu jirin ka hor.

8:24b.PRO.008.024 Anigu waxaan dhashay intaan moolal jirin ka hor, Iyo intaanay jirin ilo biyo ka buuxaan.

8:25b.PRO.008.025 Intaan la qotomin buuraha Iyo kuraha ka hor ayaan anigu dhashay,

8:26b.PRO.008.026 Intaanuu isagu samayn dhulka iyo berrimmada, Amase ciiddii dunida ugu horraysay.

8:27b.PRO.008.027 Markuu samooyinka hagaajiyey anigu waan joogay, Markuu xariijinta ku wareejiyey moolka dushiisa,

8:28b.PRO.008.028 Markuu cirka sare taagay, Markii ilaha moolku xoog yeesheen,

8:29b.PRO.008.029 Markuu badda xad u yeelay Si aan biyuhu amarkiisa ugu xadgudbin, Markuu aasaaskii dhulka dhigay,

8:30b.PRO.008.030 Markaas anigu isagaan dhinac joogay, anigoo ah sidii hawlhoggaamiye, Oo anigu maalin kasta faraxiisaan ahaa, Oo mar kasta hortiisaan ku rayrayn jiray;

8:31b.PRO.008.031 Waxaan ku rayrayn jiray inta dhulkiisa la degay, Oo waxaan ku farxi jiray binu-aadmiga.

8:32b.PRO.008.032 Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla; Waayo, waxaa barakaysan kuwa jidadkayga xajiya.

8:33b.PRO.008.033 Edbinta dhegaysta, oo caqli yeesha, Oo ha diidina.

8:34b.PRO.008.034 Waxaa barakaysan ninka i maqla, Oo maalin kasta irdahayga igu dhawra, Oo albaabbadayda igu suga.

8:35b.PRO.008.035 Waayo, ku alla kii i helaa wuxuu helaa nolol, Oo Rabbiguna raalli buu ka ahaan doonaa.Laakiinse kii igu dembaabaa naftiisuu wax yeelaa, Kuwa aniga i neceb oo dhammu waxay jecel yihiin dhimasho.

8:36b.PRO.008.036 Laakiinse kii igu dembaabaa naftiisuu wax yeelaa, Kuwa aniga i neceb oo dhammu waxay jecel yihiin dhimasho.

9

9:1b.PRO.009.001 Xigmaddu gurigeeday dhisatay, Toddobadeedii tiirna way xaradhay.

9:2b.PRO.009.002 Neefafkeedii ayay qashay, oo waxay isku dartay khamrigeedii; Miiskeediina way diyaarisay.

9:3b.PRO.009.003 Oo gabdhaheedii midiidinnada ahaa ayay dirtay, oo waxay ka qaylinaysaa Magaalada meelaha ugu sarreeya, iyadoo leh,

9:4b.PRO.009.004 Ku alla kii garaaddaranu, halkan ha u soo leexdo. Oo kii waxgarasho u baahanna waxay ku leedahay,

9:5b.PRO.009.005 Kaalaya oo kibistayda wax ka cuna, Oo khamriga aan isku darayna wax ka cabba.

9:6b.PRO.009.006 Garaadlaawayaashow, nacasnimada iska daaya, oo noolaada, Oo jidka waxgarashadana mara.

9:7b.PRO.009.007 Kii mid wax quudhsada toosiyaa, cay buu isu soo jiidaa, Oo kii kan sharka leh canaantana, ceeb baa ku dhacda.

9:8b.PRO.009.008 Mid wax quudhsada ha canaanan, waaba intaas oo uu ku necbaadaaye, Nin caqli leh canaano, oo isna wuu ku jeclaan doonaa.

9:9b.PRO.009.009 Nin caqli leh wax bar, oo isna caqli wuu sii yeelan doonaa. Nin xaq ah wax bar, oo isna waxbarasho wuu sii korodhsan doonaa.

9:10b.PRO.009.010 Rabbiga in laga cabsado waa xigmadda bilowgeeda, Oo Kan quduuska ah in la aqoonsadona waa waxgarasho.

9:11b.PRO.009.011 Waayo, maalmahaagu anigay igu badan doonaan, Oo cimrigaaguna waa sii kordhi doonaa.

9:12b.PRO.009.012 Haddaad caqli leedahay naftaadaad caqli u leedahay, Laakiinse haddaad wax quudhsato, adiga uun baa waxquudhsashadaada xambaaran doona.

9:13b.PRO.009.013 Naagta nacasadda ahu waa qaylo badan tahay, Iyadu way garaaddaran tahay, oo waxba ma taqaan.

9:14b.PRO.009.014 Waayo, waxay fadhiisataa illinka gurigeeda, Oo kursi bay ku fadhiisataa meelaha sarsare ee magaalada,

9:15b.PRO.009.015 Inay u yeedho kuwa jidka maraya, Iyagoo jidadkooda iska sii soconaya,

9:16b.PRO.009.016 Ku alla kii garaaddaranu halkan ha u soo leexdo, Oo kii waxgarasho u baahanna waxay ku leedahay,

9:17b.PRO.009.017 Biyo la soo xaday way macaan yihiin. Oo cunto qarsoodi loo cunaana wax bay ka farxisaa.Laakiinse isagu garan maayo in kuwii dhintay ay halkaas joogaan, Iyo in martideedii ay She'ool guntiisa ku jiraan.

9:18b.PRO.009.018 Laakiinse isagu garan maayo in kuwii dhintay ay halkaas joogaan, Iyo in martideedii ay She'ool guntiisa ku jiraan.

10

10:1b.PRO.010.001 Maahmaahyadii Sulaymaan. Wiilka caqliga lahu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse wiilka nacaska ahu waa u caloolxumo hooyadiis.

10:2b.PRO.010.002 Qasnadaha sharnimadu faa'iido ma leh, Laakiinse xaqnimada ayaa dhimasho kaa samatabbixisa.

10:3b.PRO.010.003 Kii xaq ah naftiisu inay gaajooto Rabbigu u oggolaan maayo, Laakiinse doonista kuwa sharka leh ayuu ridaa.

10:4b.PRO.010.004 Kii gacan caajis ah lahu wuu caydhoobaa, Laakiinse kuwa dadaala gacantoodu hodan bay ka dhigtaa.

10:5b.PRO.010.005 Kii guga wax soo urursadaa waa wiil caqli leh, Laakiinse kii wakhtiga beergooyska seexdaa waa wiil ceeb sameeya.

10:6b.PRO.010.006 Barako waxay saaran tahay kan xaqa ah madaxiisa, Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.

10:7b.PRO.010.007 Kan xaqa ah xusuustiisu barako bay leedahay, Laakiinse kuwa sharka leh magacoodu waa qudhmi doonaa.

10:8b.PRO.010.008 Kii qalbiga caqli ku lahu amarro buu aqbalaa, Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.

10:9b.PRO.010.009 Kii qummanaan ku socdaa ammaan buu ku socdaa; Laakiinse kii jidadkiisa qalqalloociya waa la ogaan doonaa.

10:10b.PRO.010.010 Kii indhaha ku baaqaa murug buu keenaa. Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.

10:11b.PRO.010.011 Ninkii xaq ah afkiisu waa il nololeed, Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.

10:12b.PRO.010.012 Necbaantu waxay kicisaa isqabashada, Laakiinse jacaylku xadgudubyada oo dhan buu qariyaa.

10:13b.PRO.010.013 Kii waxgarasho leh bushimihiisa waxaa laga helaa xigmad, Laakiinse ushu waxay u taal kan garaadka daran dhabarkiisa.

10:14b.PRO.010.014 Dadkii caqli lahu waxay kaydsadaan aqoon, Laakiinse nacaska afkiisu waa baabba' dhow.

10:15b.PRO.010.015 Ninkii hodan ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh, Laakiinse masaakiinta caydhnimadoodu waa u baabba'.

10:16b.PRO.010.016 Kuwa xaqa ah hawshoodu waxay u waddaa nolol, Laakiinse waxa kan sharka leh u kordhaa, dembi bay u sii kexeeyaan.

10:17b.PRO.010.017 Kii edbinta xajistaa wuxuu ku socdaa jidka nolosha, Laakiinse kii canaanta diidaa wuu qaldamaa.

10:18b.PRO.010.018 Kii necbaanta qariyaa wuxuu leeyahay bushimo been badan, Oo kii xanta ku hadlaana waa nacas.

10:19b.PRO.010.019 Hadal badan dembi lagama waayo, Laakiinse kii bushimihiisa ceshaa caqli buu leeyahay.

10:20b.PRO.010.020 Kii xaq ah carrabkiisu waa sida lacag la doortay, Laakiinse kuwa sharka leh qalbigoodu waa qiimo yar yahay.

10:21b.PRO.010.021 Kii xaq ah bushimahiisu waxay masruufaan kuwa badan, Laakiinse nacasyadu waxgarashola'aantooda ayay u dhintaan.

10:22b.PRO.010.022 Rabbiga barakadiisu hodan bay kaa dhigtaa, Oo isna caloolxumo kuma daro.

10:23b.PRO.010.023 Nacasku inuu xumaan sameeyo waa u sidii cayaareed, Laakiinse ninka garaadka lahu xigmad buu leeyahay.

10:24b.PRO.010.024 Kii shar leh wuxuu ka cabsado ayaa ku soo dul degi doona, Laakiinse kuwa xaqa ah waxay doonayaan waa la siin doonaa.

10:25b.PRO.010.025 Markii dabaysha cirwareenta ahu dhaafto, ka sharka leh mar dambe la arki maayo, Laakiinse kii xaq ahu waa aasaas weligiis waaraya.

10:26b.PRO.010.026 Khalku siduu ilkaha u yahay, iyo sida qiiqu indhaha u yahay, Ayaa kan caajiska ahu u yahay kuwa isaga dirta.

10:27b.PRO.010.027 Rabbiga ka cabsashadiisu cimrigay dheeraysaa, Laakiinse kuwa sharka leh cimrigoodu waa soo gaaban doonaa.

10:28b.PRO.010.028 Kuwa xaqa ah rajadoodu waa farxad, Laakiinse kuwa sharka leh filashadoodu way baabbi'i doontaa.

10:29b.PRO.010.029 Rabbiga jidkiisu waa u qalcad kuwa qumman; Laakiinse xumaanfalayaasha waa u baabba'.

10:30b.PRO.010.030 Kan xaqa ah weligiis la dhaqaajin maayo, Laakiinse kuwa sharka lahu dhulka ma fadhiyi doonaan.

10:31b.PRO.010.031 Kan xaqa ah afkiisa waxaa ka soo baxda xigmad, Laakiinse carrabkii qalloocan waa la gooyn doonaa.Kan xaqa ah bushimahiisu waxay yaqaaniin waxa la aqbali karo, Laakiinse kan sharka leh afkiisu qallooc buu ku hadlaa.

10:32b.PRO.010.032 Kan xaqa ah bushimahiisu waxay yaqaaniin waxa la aqbali karo, Laakiinse kan sharka leh afkiisu qallooc buu ku hadlaa.

11

11:1b.PRO.011.001 Kafaddii khiyaano ah Rabbigu aad buu u karhaa, Laakiinse dhagaxii miisaanka oo xaq ah wuu ku farxaa.

11:2b.PRO.011.002 Markuu kibir yimaado, waxaa timaada ceeb; Laakiinse xigmaddu waxay la jirtaa kuwa is-hoosaysiiya.

11:3b.PRO.011.003 Kuwa qumman waxaa kaxayn doonta daacadnimadooda, Laakiinse khaayinnada qalloocnaantoodu waa baabbi'in doontaa iyaga.

11:4b.PRO.011.004 Maalinta cadhada maal faa'iido ma leh, Laakiinse xaqnimada ayaa dhimasho kaa samatabbixisa.

11:5b.PRO.011.005 Ninkii kaamil ah xaqnimadiisu jidkiisay toosisaa, Laakiinse kan sharka lahu wuxuu ku kufi doonaa sharkiisa.

11:6b.PRO.011.006 Kuwa qumman xaqnimadoodaa samatabbixin doonta, Laakiinse khaayinnada waxaa qabsan doona damacooda xun.

11:7b.PRO.011.007 Nin shar lahu markuu dhinto, wuxuu filanayay way baabbi'i doontaa, Oo xumaanfalayaasha rajadooduna way baabba'daa.

11:8b.PRO.011.008 Kii xaq ah waxaa laga samatabbixiyaa dhibaato, Oo meeshiisana waxaa yimaada kii shar leh.

11:9b.PRO.011.009 Labawejiilahu afkiisuu deriskiisa ku halligaa, Laakiinse kan xaqa ahu aqoon buu ku samatabbixi doonaa.

11:10b.PRO.011.010 Kuwa xaqa ahu markay barwaaqoobaan, magaaladu way rayraysaa, Laakiin kuwa sharka lahu markay halligmaan farax baa lagu dhawaaqaa.

11:11b.PRO.011.011 Kuwa qumman ducadooda magaaladu sare bay ugu kacdaa, Laakiinse kuwa sharka leh afkoodu magaaladuu dumiyaa.

11:12b.PRO.011.012 Kii deriskiisa quudhsadaa waa caqli daranyahay, Laakiinse ninkii garaadka lahu wuu iska aamusaa.

11:13b.PRO.011.013 Kii sida mid xan badan u warwareegaa wuxuu daaha ka qaadaa waxyaalo qarsoon, Laakiinse kii ruuxiisu aamin yahay xaalkuu qariyaa.

11:14b.PRO.011.014 Markaanay talo jirin, dadku waa dhacaa, Laakiinse taliyayaasha badnaantoodu waxay leedahay nabadgelyo.

11:15b.PRO.011.015 Kii qof qalaad dammiintaa, xumaan buu ka helaa, Laakiinse kii dammiinashada necebu ammaan buu u fadhiyaa.

11:16b.PRO.011.016 Naag nimcaysan sharaf bay haysataa, Oo niman xoog lahuna maal bay haystaan.

11:17b.PRO.011.017 Ninkii naxariis badanu naftiisuu wanaag u sameeyaa, Laakiinse kii aan naxariis lahaynu jidhkiisuu dhibaa.

11:18b.PRO.011.018 Kan sharka lahu wuxuu shaqaystaa mushahaaro khiyaano miidhan ah, Laakiinse kii xaqnimada beeraa wuxuu heli doonaa abaalgud la hubo.

11:19b.PRO.011.019 Xaqnimadu waxay u kacdaa xagga nolosha, Sidaas oo kalena kii sharka raacaa wuxuu u raacaa dhimashadiisa.

11:20b.PRO.011.020 Kuwa qalbigoodu qalloocan yahay Rabbigu aad buu u karhaa; Laakiinse kuwa jidkooda ku qumman wuu ku farxaa.

11:21b.PRO.011.021 Waxaan aad idiinku xaqiijinayaa inaan kan sharka lahu taqsiirla'aan doonayn. Laakiinse farcanka kuwa xaqa ah waa la samatabbixin doonaa.

11:22b.PRO.011.022 Naag qurux badan oo aan digtoonaan lahaynu Waa sida dahab gafuurka doofaarka ku jira.

11:23b.PRO.011.023 Kuwa xaqa ah waxay doonayaan wanaag keliya, Laakiinse kuwa sharka ah filashadoodu waa cadho.

11:24b.PRO.011.024 Waxaa jira mid wax firdhiya, oo haddana sii korodhsada; Oo waxaa jira mid ceshada wax ka sii badan in ku habboon, oo haddana sii caydhooba.

11:25b.PRO.011.025 Qofkii deeqsi ah baa la barwaaqaysiin doonaa, Oo kii wax waraabiyana, isna waa la waraabin doonaa.

11:26b.PRO.011.026 Kii hadhuudh ceshada, dadka ayaa habaari doona, Laakiinse kii iibiya, duco ayaa ku dhici doonta.

11:27b.PRO.011.027 Kii wanaag aad u doonaa wuxuu doonayaa raallinimo, Laakiinse kii xumaan doona, way u iman doontaa.

11:28b.PRO.011.028 Kii maalkiisa isku halleeyaa wuu dhici doonaa, Laakiinse kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida caleen cagaar ah.

11:29b.PRO.011.029 Kii gurigiisa dhibaa dabayshu dhaxli doonaa, Oo nacaskuna wuxuu midiidin u ahaan doonaa kan qalbigiisu caqliga leeyahay.

11:30b.PRO.011.030 Kan xaqa ah midhihiisu waa geed nololeed, Oo kii nafo soo hanuuniyaana caqli buu leeyahay.Bal eega, kan xaqa ahu abaalkiisuu dhulka ku heli doonaa, Haddaba immisa abaalgud oo ka sii badan bay heli doonaan kan sharka leh iyo dembiluhu.

11:31b.PRO.011.031 Bal eega, kan xaqa ahu abaalkiisuu dhulka ku heli doonaa, Haddaba immisa abaalgud oo ka sii badan bay heli doonaan kan sharka leh iyo dembiluhu.

12

12:1b.PRO.012.001 Ku alla kii edbinta jecelu aqoon buu jecel yahay, Laakiinse kii canaanta necebu waa doqon.

12:2b.PRO.012.002 Rabbigu ninka wanaagsan raalli buu ka ahaan doonaa. Laakiinse khaayinka wuu xukumi doonaa.

12:3b.PRO.012.003 Ninna shar kuma dhismi doono, Laakiinse kuwa xaqa ah xididkooda weligiis lama dhaqaajin doono.

12:4b.PRO.012.004 Naagtii toolmoonu waxay ninkeeda u tahay taaj, Laakiinse tii ceebalay ahu waa sida qudhun isaga lafaha kaga jira.

12:5b.PRO.012.005 Kuwa xaqa ah fikirradoodu waa qumman yihiin, Laakiinse kuwa sharka leh taladoodu waa khiyaano.

12:6b.PRO.012.006 Kuwa sharka leh erayadoodu waa gabbasho ay u gabbadaan si ay dhiig u daadiyaan, Laakiinse kuwa qumman afkooda ayaa samatabbixin doona.

12:7b.PRO.012.007 Kuwa sharka leh waa la afgembiyaa, oo mar dambena lama arki doono, Laakiinse kuwa xaqa ah gurigoodu waa sii taagnaan doonaa.

12:8b.PRO.012.008 Nin waxaa loogu bogi doonaa sida xigmaddiisu tahay, Laakiinse kii qalbigiisu qalloocan yahay waa la quudhsan doonaa.

12:9b.PRO.012.009 Kii la fudaydsado oo midiidin lahu Waa ka wanaagsan yahay kii isweyneeya oo cunto u baahan.

12:10b.PRO.012.010 Nin xaq ahu waa u tudhaa neefkiisa, Laakiinse kuwa sharka leh naxdintoodu waa naxariisla'aan oo keliya.

12:11b.PRO.012.011 Kii dhulkiisa beertaa cunto badan buu ka dhergi doonaa, Laakiinse kii waxmatarayaal raacaa waa garaad daranyahay.

12:12b.PRO.012.012 Kan sharka lahu wuxuu damcaa dabinka xumaanfalayaasha, Laakiinse xididka kuwa xaqa ahu midhuu dhalaa.

12:13b.PRO.012.013 Kan sharka leh waxaa u dabin ah xadgudubka bushimihiisa, Laakiinse kan xaqa ahu dhibaatada wuu ka bixi doonaa.

12:14b.PRO.012.014 Nin wuxuu wanaag kaga dhergi doonaa midhaha afkiisa, Oo nin walbana waxa gacmihiisu sameeyaan ayaa loo abaalgudi doonaa.

12:15b.PRO.012.015 Nacaska jidkiisu waa la qumman yahay isaga, Laakiinse kii caqli lahu taladuu maqlaa.

12:16b.PRO.012.016 Nacaska xanaaqiisa haddiiba waa la gartaa, Laakiinse ninkii miyir lahu ceebtuu qariyaa.

12:17b.PRO.012.017 Kii runta ku hadlaa wuxuu muujiyaa xaqnimada, Laakiinse markhaatiga beenta ahu wuxuu muujiyaa khiyaanada.

12:18b.PRO.012.018 Waxaa jira mid u hadla sida seef wax mudaysa, Laakiinse kan caqliga leh carrabkiisu waa caafimaad.

12:19b.PRO.012.019 Bushintii runta sheegtaa weligeedba way sii taagnaan doontaa, Laakiinse carrabkii beenta sheegaa daqiiqad buu joogaa.

12:20b.PRO.012.020 Kuwa sharka ku fikira qalbigooda khiyaanaa ku jirta, Laakiinse taliyayaasha nabaddu farxad bay leeyihiin.

12:21b.PRO.012.021 Sharna kan xaqa ah ku dhici maayo, Laakiinse kuwa sharka leh xumaan baa ka buuxsami doonta.

12:22b.PRO.012.022 Bushimaha beenta sheega Rabbigu wuu karhaa. Laakiinse kuwa runta ku shaqeeya wuu ku farxaa.

12:23b.PRO.012.023 Ninkii miyir lahu aqoontuu qariyaa, Laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu naadiyaa nacasnimo.

12:24b.PRO.012.024 Kuwa dadaala gacantoodu wax bay xukumi doontaa, Laakiinse caajisiinta hawl baa la saari doonaa.

12:25b.PRO.012.025 Ninkii caloolxumo gashaa wuu soo gotaa, Laakiinse eray wanaagsanu waa ka farxiyaa isaga.

12:26b.PRO.012.026 Kan xaqa ahu deriskiisuu hanuuniyaa, Laakiinse kuwa sharka leh jidkoodu wuu ambiyaa iyaga.

12:27b.PRO.012.027 Ninkii caajis ahu ma dubto wuxuu soo ugaadhsaday, Laakiinse ninkii dadaala maalkiisu waa qaali.Jidka xaqnimada nolol baa taal; Oo waddadeedana dhimasho kuma jirto.

12:28b.PRO.012.028 Jidka xaqnimada nolol baa taal; Oo waddadeedana dhimasho kuma jirto.

13

13:1b.PRO.013.001 Wiilkii caqli lahu wuxuu maqlaa edbinta aabbihiis, Laakiinse kii wax quudhsadaa canaanta ma maqlo.

13:2b.PRO.013.002 Nin wuxuu wax wanaagsan ku cuni doonaa midhaha afkiisa, Laakiinse khaayinnada naftoodu waxay cuni doontaa midhaha dulmiga.

13:3b.PRO.013.003 Kii afkiisa dhawraa wuxuu dhawraa naftiisa, Laakiinse kii bushimihiisa aad u kala qaadaa wuu baabbi'i doonaa.

13:4b.PRO.013.004 Kii caajis ah naftiisu wax bay damacdaa, mana hesho, Laakiinse nafta kii dadaala waa la barwaaqaysiin doonaa.

13:5b.PRO.013.005 Ninkii xaq ahu beenta wuu neceb yahay, Laakiinse ninkii shar lahu waa karaahiyo, wuuna ceeboobaa.

13:6b.PRO.013.006 Xaqnimadu kii jidkiisu qumman yahay ayay ilaalisaa, Laakiinse sharnimadu dembilaha ayay afgembidaa.

13:7b.PRO.013.007 Waxaa jira nin hodan iska dhiga laakiinse aan waxba haysan, Oo waxaa jira mid miskiin iska dhiga laakiinse maal badan leh.

13:8b.PRO.013.008 Nin wuxuu noloshiisa ku furtaa maalkiisa, Laakiinse miskiinku canaanta ma maqlo.

13:9b.PRO.013.009 Iftiinka kuwa xaqa ahu weligii wuu reyreeyaa, Laakiinse laambadda kuwa sharka leh waa la bakhtiin doonaa.

13:10b.PRO.013.010 Isqabasho oo keliya ayaa kibir ka timaada, Laakiinse kii waanada qaata waxaa la jirta xigmad.

13:11b.PRO.013.011 Maalkii degdeg lagu helaa wuu dhinmi doonaa, Laakiinse kan hawl wax ku soo urursadaa waa sii korodhsan doonaa.

13:12b.PRO.013.012 Rajadii raagtaa qalbigay bukaysiisaa, Laakiinse markii wixii la doonayay la helo waa geed nololeed.

13:13b.PRO.013.013 Ku alla kii erayga quudhsadaa halligaad ayuu isu keenaa, Laakiinse kii amarka ka cabsada waa loo abaalgudi doonaa.

13:14b.PRO.013.014 Ninkii caqli leh waxbariddiisu waa il nololeed, In dabinnada dhimashada laga leexdo.

13:15b.PRO.013.015 Waxgarashadii wanaagsan raalli baa laga noqdaa, Laakiinse jidka khaayinnadu waa xun yahay.

13:16b.PRO.013.016 Nin kasta oo miyir lahu aqoon buu ku shaqeeyaa, Laakiinse nacasku nacasnimuu fidiyaa.

13:17b.PRO.013.017 Wargeeyihii shar lahu xumaan buu ku dhex dhacaa, Laakiinse ergadii aamin ahu waa caafimaad.

13:18b.PRO.013.018 Caydhnimo iyo ceebba waxaa lahaan doona kii edbinta diida, Laakiinse kii canaanta maqla waa la murwayn doonaa.

13:19b.PRO.013.019 Wixii la doonayay oo la gaadhay nafta way u macaan tahay, Laakiinse nacasyadu aad bay u karhaan inay sharka ka fogaadaan.

13:20b.PRO.013.020 Kii kuwa caqliga leh la socdaa, caqli buu yeelan doonaa, Laakiinse kii nacasyada raacaa waa baabbi'i doonaa.

13:21b.PRO.013.021 Dembilayaasha waxaa eryada shar, Laakiinse kuwa xaqa ah abaal wanaagsan baa loo gudi doonaa.

13:22b.PRO.013.022 Ninkii wanaagsanu dhaxal buu uga tagaa carruurta carruurtiisa, Oo maalka dembilahana waxaa loo kaydiyaa kuwa xaqa ah.

13:23b.PRO.013.023 Beerta masaakiinta waxaa ku taal cunto badan, Laakiinse gardarro aawadeed in baa loo baabbi'iyaa.

13:24b.PRO.013.024 Kii ushiisa ceshadaa wiilkiisuu neceb yahay; Laakiinse kii wiilkiisa jecelu aad buu u edbiyaa.Kan xaqa ahu wax buu cunaa ilaa naftiisu dheregto, Laakiinse caloosha kuwa sharka lahu way baahnaan doontaa.

13:25b.PRO.013.025 Kan xaqa ahu wax buu cunaa ilaa naftiisu dheregto, Laakiinse caloosha kuwa sharka lahu way baahnaan doontaa.

14

14:1b.PRO.014.001 Naag kastoo caqli lahu gurigeeday dhistaa, Laakiinse nacasaddu gacmaheeday ku dumisaa.

14:2b.PRO.014.002 Kii qummanaantiisa ku socda ayaa Rabbiga ka cabsada, Laakiinse kii jidkiisa ku qalloocan wuu quudhsadaa isaga.

14:3b.PRO.014.003 Afka nacasyada waxaa ka soo biqla kibir; Laakiinse kuwa caqliga leh bushimahooda ayaa iyaga dhawri doona.

14:4b.PRO.014.004 Meeshii aan dibi joogin qabaalkii ay wax ka cuni jireen waa baabbah; Laakiinse kordhinta badanu waxay ku timaadaa xoogga dibiga.

14:5b.PRO.014.005 Markhaatigii aamin ahu been ma sheego, Laakiinse markhaatigii been ahu been buu ku hadlaa.

14:6b.PRO.014.006 Kii wax quudhsadaa xigmad buu doondoonaa, mana helo, Laakiinse aqoontu waa u fudud dahay kii waxgarasho leh.

14:7b.PRO.014.007 Nacaska hortiisa ka fogow, Waayo, bushimihiisa aqoon ka heli maysid.

14:8b.PRO.014.008 Ninkii miyir leh xigmaddiisu waa inuu jidkiisa gartaa, Laakiinse nacasyada nacasnimadoodu waa khiyaano.

14:9b.PRO.014.009 Nacasyadu dembigay ku majaajiloodaan, Laakiinse kuwa qumman waxaa ku dhex jirta raallinimo.

14:10b.PRO.014.010 Qalbigu qadhaadhnimadiisuu yaqaan, Oo shisheeyena farxaddiisa lama qaybsado.

14:11b.PRO.014.011 Guriga kuwa sharka leh waa la afgembiyi doonaa, Laakiinse taambuugga kuwa qummanu waa barwaaqoobi doonaa.

14:12b.PRO.014.012 Waxaa jirta waddo dadka la hagaagsan, Laakiinse dhammaadkeedu waa waddooyinka dhimashada.

14:13b.PRO.014.013 Qalbigu xataa qosol waa ku murugoodaa, Oo farxad dhammaadkeeduna waa caloolxumo.

14:14b.PRO.014.014 Kii xaqnimada qalbigiisa dib ugaga noqdaa jidkiisuu ka dhergi doonaa, Oo ninkii wanaagsanuna wuxuu ka dhergi doonaa naftiisa.

14:15b.PRO.014.015 Kii garaaddaranu eray kasta wuu rumaystaa, Laakiinse kii miyir lahu socodkiisa aad buu u fiiriyaa.

14:16b.PRO.014.016 Ninkii caqli lahu waa cabsadaa, oo sharka wuu ka noqdaa; Laakiinse nacasku waa ciishoodaa, wuuna isku kalsoon yahay.

14:17b.PRO.014.017 Kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu wax ku sameeyaa, Oo ninkii sharnimo hindisana waa la neceb yahay.

14:18b.PRO.014.018 Garaadlaawayaashu nacasnimay dhaxlaan, Laakiinse kuwii miyir leh waxaa madaxa loo saaraa taaj aqoon ah.

14:19b.PRO.014.019 Kuwa sharka lahu kuwa wanaagsan hortooda ayay ku foororsadaan, Oo kuwa xunxunna waxay ku foororsadaan irdaha kuwa xaqa ah.

14:20b.PRO.014.020 Miskiinka xataa deriskiisu waa neceb yahay, Laakiinse taajirku saaxiibbo badan buu leeyahay.

14:21b.PRO.014.021 Kii deriskiisa quudhsadaa wuu dembaabaa, Laakiinse kii miskiinka u naxariistaa waa barakaysan yahay.

14:22b.PRO.014.022 Kuwa sharka ku fikiraa sow ma qaldamaan? Laakiinse kuwa wanaagga ku fikira waxaa u ahaan doona naxariis iyo run.

14:23b.PRO.014.023 Hawl kasta faa'iidaa ku jirta, Laakiinse hadalka bushimuhu wuxuu keenaa caydhnimo keliya.

14:24b.PRO.014.024 Kuwa caqliga leh taajkoodu waa maalkooda, Laakiinse nacasyada nacasnimadoodu waa nacasnimo keliya.

14:25b.PRO.014.025 Markhaatigii run ahu nafuu samatabbixiyaa, Laakiinse kii been sheegaa waa khaayin.

14:26b.PRO.014.026 Rabbiga ka cabsashadiisu waxay leedahay kalsoonaan xoog leh, Oo carruurtiisuna waxay lahaan doonaan meel ay magan galaan.

14:27b.PRO.014.027 Rabbiga ka cabsashadiisu waa il nololeed, Si dabinnada dhimashada looga leexdo.

14:28b.PRO.014.028 Sharafta boqorku waxay ku jirtaa dadka badnaantiisa, Laakiinse baabba'a amiirku wuxuu ku jiraa dadka yaraantiisa.

14:29b.PRO.014.029 Kii cadhada u gaabiyaa waa garasho badan yahay; Laakiinse kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu sarraysiiyaa.

14:30b.PRO.014.030 Qalbigii degganu waa nolosha jidhka, Laakiinse hinaaso waa qudhunka lafaha.

14:31b.PRO.014.031 Kii miskiinka dulmaa wuxuu caayaa Kan sameeyey, Laakiinse kii ka baahan u naxariistaa wuu murweeyaa.

14:32b.PRO.014.032 Kii shar leh waxaa lagu afgembiyaa sharnimadiisa, Laakiinse kan xaqa ahu rajuu leeyahay markuu dhinto.

14:33b.PRO.014.033 Xigmaddu waxay taal kii garasho leh qalbigiisa, Laakiinse wixii nacasyada uurkooda ku jiraa waa ismuujiyaa.

14:34b.PRO.014.034 Xaqnimadu quruun way sarraysiisaa, Laakiinse dembigu waa u ceeb dad kasta.Boqorka raallinimadiisa waxaa leh midiidinkii caqli ku shaqeeya, Laakiinse wuxuu u cadhoon doonaa kii ceeb sameeya.

14:35b.PRO.014.035 Boqorka raallinimadiisa waxaa leh midiidinkii caqli ku shaqeeya, Laakiinse wuxuu u cadhoon doonaa kii ceeb sameeya.

15

15:1b.PRO.015.001 Jawaabta qaboobu cadhada way qaboojisaa, Laakiinse hadalkii qallafsanu xanaaq buu kiciyaa.

15:2b.PRO.015.002 Kuwa caqliga leh carrabkoodu aqoon buu ku hadlaa, Laakiinse afka nacasyadu wuxuu shubaa nacasnimo.

15:3b.PRO.015.003 Rabbiga indhihiisu meel kastay jiraan, Iyagoo fiirinaya kuwa xun iyo kuwa wanaagsan.

15:4b.PRO.015.004 Carrabka wanaagsanu waa geed nololeed Laakiinse carrabka qalloocan ayaa qalbigu ku jabaa.

15:5b.PRO.015.005 Nacasku edbinta aabbihiis wuu quudhsadaa, Laakiinse kii canaanta maqlaa miyir buu yeeshaa.

15:6b.PRO.015.006 Kan xaqa ah gurigiisa khasnad weyn baa taal, Laakiinse waxa kan sharka leh u kordhaa waa dhib.

15:7b.PRO.015.007 Kuwa caqliga leh bushimahoodu aqoon bay faafiyaan, Laakiinse qalbiga nacasyadu sidaas ma aha.

15:8b.PRO.015.008 Allabariga kuwa sharka lahu Rabbiga waa u karaahiyo, Laakiinse kuwa qumman baryadoodu isagay ka farxisaa.

15:9b.PRO.015.009 Jidka kan sharka lahu Rabbiga waa u karaahiyo, Laakiinse isagu waa jecel yahay kii xaqnimada raaca.

15:10b.PRO.015.010 Kii jidka ka taga waa u taqsiir kulul, Oo kii canaanta necebuna wuu dhiman doonaa.

15:11b.PRO.015.011 She'ool iyo halligaaduba Rabbiga hortiisay yaalliin, Haddaba intee in ka sii badan buu arkaa qalbiga binu-aadmiga?

15:12b.PRO.015.012 Kii wax quudhsadaa ma jecla in la canaanto, Oo dooni maayo inuu kuwa caqliga leh u tago.

15:13b.PRO.015.013 Qalbigii faraxsanu wejiguu nuuriyaa, Laakiinse caloolxumaanta ayaa qalbigu ku jabaa.

15:14b.PRO.015.014 Kii garasho leh qalbigiisu aqoon buu doondoonaa, Laakiinse nacasyada afkoodu wuxuu cunaa nacasnimo.

15:15b.PRO.015.015 Kuwa dhibaataysan maalmahooda oo dhammu waa xunxun yihiin, Laakiinse kii qalbigiisu faraxsan yahay had iyo goorba waa u iid.

15:16b.PRO.015.016 Wax yar oo Rabbiga ka cabsashadiisu la jirto Ayaa ka wanaagsan khasnado badan oo dhib la jirto.

15:17b.PRO.015.017 Cunto khudaareed oo jacayl la jiro Ayaa ka wanaagsan dibi la cayiliyey oo nacayb la jiro.

15:18b.PRO.015.018 Ninkii cadho badanu muran buu kiciyaa, Laakiinse kii cadhada u gaabiyaa murankuu qaboojiyaa.

15:19b.PRO.015.019 Ninkii caajis ah jidkiisu waa sida meel qodxan leh oo kale, Laakiinse kii xaq ah jidkiisu waa dariiq bannaan.

15:20b.PRO.015.020 Wiilkii caqli lahu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse ninkii nacas ahu hooyadiisuu quudhsadaa.

15:21b.PRO.015.021 Nacasnimadu waa u farxad ninkii caqlidaran, Laakiinse ninkii garasho lahu si qumman buu u socdaa.

15:22b.PRO.015.022 Meeshii aan talo jirin xaajooyinku waa baabba', Laakiinse taliyayaashii badan ayay ku hagaagaan.

15:23b.PRO.015.023 Nin wuxuu farxad ka helaa jawaabta afkiisa, Oo eraygii wakhti ku habboon la yidhaahdaana sidee buu u wanaagsan yahay!

15:24b.PRO.015.024 Jidka noloshu waa u kor kii caqli leh, Si uu uga tago She'oolka hoose.

15:25b.PRO.015.025 Rabbigu wuu dumin doonaa guriga kuwa kibirka leh, Laakiinse dhulka carmalka xadkiisa wuu adkayn doonaa.

15:26b.PRO.015.026 Rabbigu fikirrada sharka ah aad buu u karhaa, Laakiinse kuwa daahirkaa hadal wanaagsan bay ku hadlaan.

15:27b.PRO.015.027 Kan faa'iido u hunguri weynu reerkiisuu dhibaa, Laakiinse kii hadiyadaha necebu wuu noolaan doonaa.

15:28b.PRO.015.028 Kan xaqa ah qalbigiisu wuxuu ka fikiraa sida loo jawaabo, Laakiinse kuwa sharka leh afkoodu wuxuu shubaa waxyaalo shar ah.

15:29b.PRO.015.029 Rabbigu kuwa sharka leh wuu ka fog yahay, Laakiinse kuwa xaqa ah baryadooduu maqlaa.

15:30b.PRO.015.030 Indhaha nuurkoodu qalbiguu ka farxiyaa, Oo warkii wanaagsanuna lafahuu barwaaqaysiiyaa.

15:31b.PRO.015.031 Dhegtii canaanta nolosha maqashaa Waxay joogi doontaa kuwa caqliga leh dhexdooda.

15:32b.PRO.015.032 Kii edbinta diidaa naftiisuu quudhsadaa, Laakiinse kii canaanta maqlaa waxgarashuu helaa.Rabbiga ka cabsashadiisu waa edbinta xigmadda, Oo sharaftana waxaa ka horreeya is-hoosaysiinta.

15:33b.PRO.015.033 Rabbiga ka cabsashadiisu waa edbinta xigmadda, Oo sharaftana waxaa ka horreeya is-hoosaysiinta.

16

16:1b.PRO.016.001 Qalbiga qasdiyadiisa dadkaa leh, Laakiinse carrabka jawaabtiisu xagga Rabbigay ka timaadaa.

16:2b.PRO.016.002 Nin jidadkiisa oo dhammu waa la nadiifsan yihiin isaga, Laakiinse Rabbigu ruuxyaduu miisaamaa.

16:3b.PRO.016.003 Shuqulladaada Rabbiga ku aamin, Oo fikirradaaduna way taagnaan doonaan.

16:4b.PRO.016.004 Rabbigu wax kastuu isu abuuray, Haah, oo xataa ka sharka leh wuxuu u abuuray maalinta sharkaa.

16:5b.PRO.016.005 Ku alla kii qalbiga ka kibirsanu Rabbiga waa u karaahiyo, Waxaan aad idiin ku xaqiijinayaa inaan isagu taqsiir la'aan doonayn.

16:6b.PRO.016.006 Waxaa dembiga lagu kafaaraggudaa naxariis iyo run, Oo dadkuna waxay sharka kaga fogaadaan Rabbiga ka cabsashadiisa.

16:7b.PRO.016.007 Markii Rabbigu ku farxo nin jidadkiis, Wuxuu nabad dhex dhigaa isaga iyo xataa cadaawayaashiisa.

16:8b.PRO.016.008 Wax yar oo xaqnimo la jirto Ayaa ka wanaagsan wax badan oo kordha oo xaqdarro la jirto.

16:9b.PRO.016.009 Nin walba qalbigiisaa jidkiisa u fiirsada, Laakiinse Rabbigaa tallaabooyinkiisa toosiya.

16:10b.PRO.016.010 Xukunka Rabbigu wuxuu ku jiraa bushimaha boqorka, Afkiisuna kuma xadgudbo garsooridda.

16:11b.PRO.016.011 Miisaankii iyo kafadihii xaq ah Rabbigaa leh, Dhagaxyada miisaanka oo kiishka ku jira oo dhammuna waa shuqulkiisa.

16:12b.PRO.016.012 Waa u karaahiyo boqorrada inay xumaan falaan. Waayo, carshigu xaqnimuu ku dhismaa.

16:13b.PRO.016.013 Boqorradu bushimaha xaqa ah way ku farxaan, Oo kii si qumman u hadlana way jecel yihiin.

16:14b.PRO.016.014 Boqor cadhadiisu waa sida warqaadayaal geeriyeed, Laakiinse nin caqli leh ayaa qaboojin doona.

16:15b.PRO.016.015 Nuurka wejiga boqorka nolol baa ku jirta, Oo raallinimadiisuna waa sida daruurta roobka dambe.

16:16b.PRO.016.016 In xigmad la helaa intee bay ka sii wanaagsan tahay in dahab la helo! In waxgarasho la helaana waa laga doortaa in lacag la helo.

16:17b.PRO.016.017 Kuwa qumman jidkoodu waa inay sharka ka leexdaan, Kii jidkiisa dhawraa naftiisuu ilaaliyaa.

16:18b.PRO.016.018 Kibirku wuxuu hor socdaa baabba', Oo madaxweynaanuna waxay hor socotaa dhicid.

16:19b.PRO.016.019 In kuwa kibirsan booli lala qaybsado Waxaa ka sii wanaagsan in kuwa hooseeya laysla sii hoosaysiiyo.

16:20b.PRO.016.020 Kii hadalka dhegaystaa wax wanaagsan buu heli doonaa, Oo ku alla kii Rabbiga aaminaana waa barakaysan yahay.

16:21b.PRO.016.021 Kii qalbigiisu caqli leeyahay waxaa loogu yeedhi doonaa mid miyir leh, Oo bushimaha macaankooduna waxbarashuu kordhiyaa.

16:22b.PRO.016.022 Waxgarashadu waa u il nololeed kii haysta, Laakiinse edbinta nacasyadu waa nacasnimo.

16:23b.PRO.016.023 Kii caqli leh qalbigiisu afkiisuu wax baraa, Oo waxbarashuu bushimihiisa u kordhiyaa.

16:24b.PRO.016.024 Hadalkii wacanu waa sida awlallo shinniyeed oo kale, Nafta wuu u macaan yahay, oo lafahana waa u caafimaad.

16:25b.PRO.016.025 Waxaa jirta waddo dadka la qumman, Laakiinse dhammaadkeedu waa jidadkii dhimashada.

16:26b.PRO.016.026 Kii hawshooda gaajadiisuu u hawshoodaa, Waayo, afkiisaa qasba isaga.

16:27b.PRO.016.027 Ninkii waxmatare ahu xumaan buu qodqodaa, Oo bushimihiisana waxaa ku jira dab wax gubaya.

16:28b.PRO.016.028 Ninkii qalloocanu muran buu beeraa, Oo kii xan badanuna wuxuu kala kaxeeyaa saaxiibbo.

16:29b.PRO.016.029 Ninka wax dulmaa deriskiisuu sasabtaa, Oo wuxuu u kaxeeyaa jid aan wanaagsanayn.

16:30b.PRO.016.030 Kii indhaha isugu qabta inuu wax qalloocan hindiso, Oo bushimihiisa qaniinaa, shar buu soo wadaa.

16:31b.PRO.016.031 Madaxa cirro lahu waa taaj sharfeed Haddii laga helo jidka xaqnimada.

16:32b.PRO.016.032 Kii cadhada u gaabiyaa waa ka wanaagsan yahay kii xoog badan, Oo kii ruuxiisa xukumaana waa ka wanaagsan yahay kii magaalo qabsada.Saamiga waxaa lagu tuuraa dhabta, Laakiinse go'aankiisa oo dhan Rabbigaa leh.

16:33b.PRO.016.033 Saamiga waxaa lagu tuuraa dhabta, Laakiinse go'aankiisa oo dhan Rabbigaa leh.

17

17:1b.PRO.017.001 Wuxoogaa cunto qallalan ah oo xasilloonaanu la jirto Ayaa ka wanaagsan guri hilib allabari ka buuxo oo diriru la jirto.

17:2b.PRO.017.002 Addoonkii caqli lahu wuxuu xukumi doonaa wiilkii ceeb soo jiida, Oo walaalaha ayuu la dhaxal geli doonaa.

17:3b.PRO.017.003 Weelka lacagta lagu safeeyo lacagtaa iska leh, oo foornadana dahabkaa iska leh, Laakiinse Rabbigu qalbiyaduu imtixaamaa.

17:4b.PRO.017.004 Xumaanfaluhu wuxuu maqlaa bushimaha shar leh, Oo beenaaluhuna wuxuu dhegaystaa carrabka xun.

17:5b.PRO.017.005 Ku alla kii miskiinka ku majaajiloodaa wuxuu caayaa Kan sameeyey, Kii belaayooyin ku farxaana ma taqsiir la'aan doono.

17:6b.PRO.017.006 Odayaasha waxaa taaj u ah carruurta carruurtooda, Oo sharafta carruurtuna waa aabbayaashood.

17:7b.PRO.017.007 Hadalkii weynu nacas uma eka, Sidaas oo kalena bushimihii been sheegaa amiir uma eka.

17:8b.PRO.017.008 Hadiyaddu waxay kii haysta la tahay sida dhagax qaali ah, Oo meel alla meeshay u leexataba way ku barwaaqowdaa.

17:9b.PRO.017.009 Kii xadgudub qariyaa jacayl buu doondoonaa, Laakiinse kii xaal ku noqnoqdaa saaxiibbuu kala kaxeeyaa.

17:10b.PRO.017.010 Canaantu waxay ninkii garasho leh u tartaa In ka badan boqol jeedal oo nacas lagu dhuftay ay u taraan.

17:11b.PRO.017.011 Ninkii shar lahu wuxuu doondoonaa caasinimo keliya, Sidaas daraaddeed waxaa isaga lagu diri doonaa farriingeeye aan naxariis lahayn.

17:12b.PRO.017.012 Nin ha la kulmo orso dhasheeda laga xaday, Intuu nacas nacasnimo samaynaya la kulmi lahaa.

17:13b.PRO.017.013 Ku alla kii wanaag xumaan ku celiyaa, Gurigiisa xumaanu ka fogaan mayso.

17:14b.PRO.017.014 Muranka bilowgiisu waa sida biyo la soo faruuray. Haddaba isqabashada iska daa intaan lays ilaaqin.

17:15b.PRO.017.015 Kii kan sharka leh xaq ka dhiga, iyo kii kan xaqa ah gardarro ku xukuma, Labadaba Rabbigu aad buu u karhaa.

17:16b.PRO.017.016 Lacagta nacaska gacantiisa ku jirtaa bal maxay u tartaa inuu xigmad ku soo iibsado, Waayo, isagu garasho ma leh?

17:17b.PRO.017.017 Had iyo goor saaxiibba saaxiibkii wuu jecel yahay, Walaalna wuxuu u dhashay dhibaato.

17:18b.PRO.017.018 Ninkii garaaddaranu gacan buu dhaar ugu dhiibaa, Oo wuxuu dammiin ku noqdaa deriskiisa hortiisa.

17:19b.PRO.017.019 Kii xadgudub jecelu muran buu jecel yahay, Oo kii iriddiisa sarraysiiyaana wuxuu doondoontaa baabba'.

17:20b.PRO.017.020 Kii qalbi qalloocan lahu wanaag ma helo, Oo kii carrab maroorsan lahuna wuxuu ku dhex dhacaa belaayo.

17:21b.PRO.017.021 Kii nacas dhalaa murugtiisuu u dhalaa, Oo nacas aabbihiisna farxad ma leh.

17:22b.PRO.017.022 Qalbigii faraxsanu waa dawo wanaagsan, Laakiinse qalbigii jabanu lafahuu engejiyaa.

17:23b.PRO.017.023 Ninkii shar lahu laabtuu laaluush ka qaataa, Si uu jidadka garta u qalloociyo.

17:24b.PRO.017.024 Xigmaddu waxay hor joogtaa kii garasho leh; Laakiinse nacaska indhihiisu waxay eegaan dhulka darafkiisa.

17:25b.PRO.017.025 Wiilkii nacas ahu waa u murug aabbihiis, Waana u qadhaadh tii dashay.

17:26b.PRO.017.026 Weliba ma wanaagsana in kii xaq ah la taqsiiro, Ama in kuwa sharafka leh qummanaantooda aawadeed wax loogu dhufto.

17:27b.PRO.017.027 Kii hadalkiisa yareeyaa, aqoon buu leeyahay, Oo kii qalbigiisu qabow yahayna waa nin garasho leh.Xataa nacasku markuu iska aamusan yahay waxaa loo yaqaan mid caqli leh, Kii bushimihiisa isku qabtana nin miyir leh.

17:28b.PRO.017.028 Xataa nacasku markuu iska aamusan yahay waxaa loo yaqaan mid caqli leh, Kii bushimihiisa isku qabtana nin miyir leh.

18

18:1b.PRO.018.001 Kii gooni isu soocaa, wuxuu doondoonaa damaciisa, Oo xigmadda oo dhanna wuu ku kacaa.

18:2b.PRO.018.002 Nacasku waxgarashada kuma farxo, Laakiinse wuxuu ku farxaa uun inuu waxa qalbigiisa ku jira muujiyo.

18:3b.PRO.018.003 Markii kii shar lahu yimaado waxaa kaloo timaada quudhsasho, Sharafla'aantana waxaa la timaada ceeb.

18:4b.PRO.018.004 Nin afkiis erayada ku jiraa waa sida biyo gun dheer, Oo isha xigmadduna waa sida durdur socda.

18:5b.PRO.018.005 Ma wanaagsana in kan sharka leh loo eexdo, Ama in kan xaqa ah garta lagu afgembiyo.

18:6b.PRO.018.006 Nacaska bushimihiisu waxay keenaan muran, Oo afkiisuna wuxuu u yeedhaa karbaash.

18:7b.PRO.018.007 Nacaska afkiisu waa u baabba', Oo bushimihiisuna naftiisay dabin u noqdaan.

18:8b.PRO.018.008 Kii xan badan erayadiisu waa sida cunto macaan, Oo waxay ku degaan meelaha caloosha ugu hooseeya.

18:9b.PRO.018.009 Kii shuqulkiisa caajis ku ahu, Wuxuu walaal u yahay kii wax kharriba.

18:10b.PRO.018.010 Rabbiga magiciisu waa noobiyad xoog leh, Kii xaq ahu iyaduu ku cararaa, meel sarena wuu ku nabad galaa.

18:11b.PRO.018.011 Ninkii taajir ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh, Oo waa u derbi dheer sida ay la tahay isaga.

18:12b.PRO.018.012 Dadka qalbigiisu waa kibraa intaanu baabbi'in ka hor, Oo sharaftana waxaa ka horraysa is-hoosaysiinta.

18:13b.PRO.018.013 Kii xaajo ka jawaabaa isagoo aan maqlin, Waa u nacasnimo iyo ceeb.

18:14b.PRO.018.014 Nin qalbigiisu waa u adkaysan karaa cudurkiisa, Laakiinse qalbi jaban bal yaa u dulqaadan kara?

18:15b.PRO.018.015 Kii miyir leh qalbigiisu wuxuu helaa aqoon, Oo kuwa caqliga leh dhegtooduna waxay doondoontaa aqoon.

18:16b.PRO.018.016 Nin hadiyaddiisu meel bay u bannaysaa. Oo waxay isaga hor keentaa rag waaweyn.

18:17b.PRO.018.017 Kii dacwaddiisa u hor mara, mid xaq ah baa la moodaa, Laakiinse deriskiisaa ka daba yimaada oo imtixaama isaga.

18:18b.PRO.018.018 Saamigu wuxuu joojiyaa murammo, Oo wuxuu kala kaxeeyaa kuwa xoogga badan.

18:19b.PRO.018.019 In walaal la xumeeyey la soo celiyo waa ka sii adag tahay in magaalo xoog leh la qabsado, Oo murammona waa ka xoog badan yihiin qalcad biraheeda.

18:20b.PRO.018.020 Nin calooshiisu waxay ka buuxsami doontaa midhaha afkiisa, Oo wuxuu isagu ka dhergi doonaa waxa bushimihiisa u kordha.

18:21b.PRO.018.021 Geeri iyo nololuba waxay ku jiraan itaalka carrabka, Oo kuwa jeceluna waxay cuni doonaan midhihiisa.

18:22b.PRO.018.022 Ku alla kii afo helaa wuxuu helaa wax wanaagsan, Oo Rabbigana raallinimuu ka helaa.

18:23b.PRO.018.023 Miskiinku baryootan buu ku hadlaa, Laakiinse taajirku si qallafsan buu ugu jawaabaa.Ninkii saaxiibbo badsadaa naftiisuu kharribaa, Laakiin waxaa jira saaxiib walaalkaa kaaga dhow.

18:24b.PRO.018.024 Ninkii saaxiibbo badsadaa naftiisuu kharribaa, Laakiin waxaa jira saaxiib walaalkaa kaaga dhow.

19

19:1b.PRO.019.001 Miskiinka daacadnimadiisa ku socda ayaa ka wanaagsan Nacaska bushimihiisu qalloocan yihiin.

19:2b.PRO.019.002 Oo weliba in naftu aqoon la'aato ma wanaagsana, Oo kii cagihiisu degdegaanna wuu ambadaa.

19:3b.PRO.019.003 Nin nacasnimadiisu jidkiisay qalloocisaa, Oo isagu qalbigiisa ayuu Rabbiga uga cadhoodaa.

19:4b.PRO.019.004 Maalku wuxuu badiyaa saaxiibbo, Laakiinse miskiinku saaxiibkiisa buu ka soocmaa.

19:5b.PRO.019.005 Markhaatigii been ahu ma taqsiir la'aan doono, Oo kii been ku hadlaana ma baxsan doono.

19:6b.PRO.019.006 Kuwa badan ayaa deeqsiga raallinimo ka baryi doona, Oo nin kastaaba waa u saaxiib kii hadiyado bixiya.

19:7b.PRO.019.007 Miskiinka walaalihiis oo dhammu way neceb yihiin, Haddaba saaxiibbadiisuna intee bay ka fogaan doonaan! Isagu hadal buu kala daba tagaa iyaga, laakiinse way tageen.

19:8b.PRO.019.008 Kii xigmadda helaa naftiisuu jecel yahay, Oo kii waxgarashada xajistaana wax wanaagsan buu heli doonaa.

19:9b.PRO.019.009 Markhaatigii been ahu ma taqsiir la'aan doono, Oo kii been ku hadlaana wuu halligmi doonaa.

19:10b.PRO.019.010 Nacaska raaxo uma eka, Waxaana taas ka sii liita in addoon amiirro xukumo.

19:11b.PRO.019.011 Nin miyirkiisu cadho buu ka celiyaa, Oo waxaa isaga ammaan u ah inuu xadgudub dhaafo.

19:12b.PRO.019.012 Boqorka cadhadiisu waa sida libaaxa cidiisa, Laakiinse raallinimadiisu waa sida sayaxa cawska ku dega.

19:13b.PRO.019.013 Wiilkii nacas ahu waa u belaayo aabbihiis, Oo naag murammadeeduna waa sida dhibicyo aan kala go'in.

19:14b.PRO.019.014 Hoy iyo hanti aabbayaashaa laga dhaxlaa, Laakiinse afo miyir leh xagga Rabbigaa laga helaa.

19:15b.PRO.019.015 Caajisnimo waxay keentaa hurdo weyn, Oo qofkii caajis ahuna wuu gaajoon doonaa.

19:16b.PRO.019.016 Kii amarka dhawraa naftiisuu dhawraa, Laakiinse kii jidadkiisa fudaydsadaa wuu dhiman doonaa.

19:17b.PRO.019.017 Kii miskiinka u naxaa Rabbiguu wax amaahiyaa, Oo wanaaggii uu sameeyeyna wuu u celin doonaa.

19:18b.PRO.019.018 Wiilkaaga edbi intay rajo jirto, Laakiinse naftaada ha ku qasbin si uu u dhinto.

19:19b.PRO.019.019 Ninkii cadho badan waa la taqsiiri doonaa, Waayo, haddaad mar isaga samatabbixiso, haddana waa inaad mar kale sidii oo kale ku samaysaa.

19:20b.PRO.019.020 Talada maqal, oo edbinta qaado, Si aad ugu dambaystaada caqli u yeelatid.

19:21b.PRO.019.021 Nin qalbigiisa waxaa ku jira hindisooyin badan, Habase ahaatee waxaa taagnaan doonta talada Rabbiga.

19:22b.PRO.019.022 Nin waxaa loo doonayaa waa raxmaddiisa, Oo miskiinkuna waa ka wanaagsan yahay beenaalaha.

19:23b.PRO.019.023 Kii Rabbiga ka cabsada waxaa loo kaxeeyaa xagga nolosha, Wuuna sii dheregsanaan doonaa, Oo sharna loo keeni maayo.

19:24b.PRO.019.024 Ninkii caajis ahu wuxuu gacanta geliyaa xeedhada, Oo mar dambe xagga afkiisa uma soo celiyo.

19:25b.PRO.019.025 Kan wax quudhsada garaac, oo garaadlaawaha ayaa miyir yeelan doona, Oo kii garasho leh canaano, oo isna aqoon buu sii korodhsan doonaa.

19:26b.PRO.019.026 Kii aabbihiis kharriba, hooyadiisna erya, Waa wiil ceeb keena oo cay soo jiida.

19:27b.PRO.019.027 Wiilkaygiiyow ka joogso in markaad edbinta maqashid Aad dabadeed hadalka aqoonta ka ambatid.

19:28b.PRO.019.028 Markhaatigii waxmatare ahu gartuu quudhsadaa, Oo kan sharka leh afkiisuna wuxuu liqaa xumaan.Kuwa wax quudhsada waxaa loo diyaariyey xukunno, Oo dhabarka nacasyadana waxaa loo diyaariyey karbaash.

19:29b.PRO.019.029 Kuwa wax quudhsada waxaa loo diyaariyey xukunno, Oo dhabarka nacasyadana waxaa loo diyaariyey karbaash.

20

20:1b.PRO.020.001 Khamri waa dadquudhsade, waxa lagu sakhraamona waa qaylokiciye, Oo ku alla kii ku qaldamaana caqli ma laha.

20:2b.PRO.020.002 Boqorka cabsigeliddiisu waa sida libaaxa cidiisa, Oo ku alla kii ka xanaajiyaa, naftiisuu ku dembaabaa.

20:3b.PRO.020.003 Nin inuu dirir ka joogsado waa u sharaf, Laakiinse nacas waluba wuu ilaaqtamaa.

20:4b.PRO.020.004 Kii caajis ahu qabowga aawadiis beer ma jeexo, Oo sidaas daraaddeed wakhtiga beergooyska wuu baryootami doonaa, oo waxba ma heli doono.

20:5b.PRO.020.005 Talada dadka qalbigiisa ku jirtaa waa sida biyo gun dheer, Laakiinse ninkii garasho leh ayaa ka soo dhaansan doona.

20:6b.PRO.020.006 Dadka intooda badanu waxay naadiyaan raxmaddooda, Laakiinse nin aamin ah bal yaa heli kara?

20:7b.PRO.020.007 Ninka xaqa ah oo daacadnimadiisa ku socda, Carruurtiisu way barakaysnaadaan isaga dabadiis.

20:8b.PRO.020.008 Boqorkii carshiga garsooridda ku fadhiyaa Indhihiisuu sharka oo dhan ku kala firdhiyaa.

20:9b.PRO.020.009 Bal yaa odhan kara, Qalbigayga waan nadiifiyey, Oo dembigayga waan ka daahirsanahay?

20:10b.PRO.020.010 Miisaanno kala cayn ah iyo qiyaaso kala cayn ah, Labaduba Rabbiga waa u karaahiyo.

20:11b.PRO.020.011 Xataa ilmo yar waxaa lagu yaqaan falimihiisa, Inuu shuqulkiisu daahir yahay iyo inuu hagaagsan yahayba.

20:12b.PRO.020.012 Dhegta wax maqasha iyo isha wax aragtaba, Labadaba Rabbigaa sameeyey.

20:13b.PRO.020.013 Hurdo ha jeclaan, waaba intaas oo aad caydhowdaaye. Indhaha kala qaad, oo cuntaad ka dhergi doontaa.

20:14b.PRO.020.014 Kan wax iibsadaa wuxuu yidhaahdaa, Waa xun yahay, waa xun yahay, Laakiinse markuu tago ayuu faanaa.

20:15b.PRO.020.015 Waxaa jira dahab iyo luul badan, Laakiinse bushimihii aqoon lahu waa jawharad qaali ah.

20:16b.PRO.020.016 Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad, Oo markuu shisheeyayaal dammiinto, isaga rahmad ahaan u hay.

20:17b.PRO.020.017 Cuntadii khiyaano lagu helaa dadka way u macaan tahay, Laakiinse dabadeed afkiisa waxaa ka buuxsami doona quruurux.

20:18b.PRO.020.018 Qasdi kasta waxaa lagu taagaa talo, Oo waano wanaagsan ku dagaallan.

20:19b.PRO.020.019 Kii sida mid xan badan u warwareegaa wuxuu daaha ka qaadaa waxyaalo qarsoon, Haddaba sidaas daraaddeed kii bushimihiisa kala qaada ha ku darsamin.

20:20b.PRO.020.020 Kii aabbihiis ama hooyadiis caaya, Laambaddiisa waxaa lagu bakhtiin doonaa gudcur dam ah.

20:21b.PRO.020.021 Dhaxalkii markii hore degdeg lagu helay, Ugu dambaysta ma barakoobi doono.

20:22b.PRO.020.022 Ha odhan, Shar baan ka abaal gudayaa. Rabbiga sug, oo isna wuu ku badbaadin doonaa.

20:23b.PRO.020.023 Miisaanno kala cayn ahu Rabbiga waa u karaahiyo, Oo kafaddii khiyaano ahuna ma wanaagsana.

20:24b.PRO.020.024 Nin socodkiisu waa xagga Rabbiga, Haddaba sidaas daraaddeed dad sidee buu jidkiisa u garan karaa?

20:25b.PRO.020.025 Waa u dabin nin inuu nacasnimo ku yidhaahdo, Waa quduus, Oo uu dabadeed u nidraa inuu wax weyddiiyo.

20:26b.PRO.020.026 Boqorkii caqli lahu kuwa sharka leh wuu hufaa, Oo wuxuu dushooda marsiiyaa giringirta.

20:27b.PRO.020.027 Dadka ruuxiisu waa laambaddii Rabbiga, Oo wuxuu baadhaa caloosha meelaha ugu hooseeya oo dhan.

20:28b.PRO.020.028 Naxariista iyo runtu boqorkay ilaaliyaan, Oo carshigiisuna wuxuu ku taagnaadaa naxariis.

20:29b.PRO.020.029 Dhallinyarada xooggoodu waa ammaantooda, Oo cirrada odayaashuna waa quruxdooda.Garaaciddii nabro yeeshaa waxay dadka ka nadiifisaa sharka, Oo dilidda karbaashkuna sidaas oo kalay u gashaa caloosha meelaha ugu hooseeya.

20:30b.PRO.020.030 Garaaciddii nabro yeeshaa waxay dadka ka nadiifisaa sharka, Oo dilidda karbaashkuna sidaas oo kalay u gashaa caloosha meelaha ugu hooseeya.

21

21:1b.PRO.021.001 Boqorka qalbigiisu wuxuu ku jiraa gacanta Rabbiga sida webiyada biyaha ah, Oo wuxuu u leexiyaa meel alla meeshuu doonayo.

21:2b.PRO.021.002 Nin jidkiis waluba waa la qumman yahay isaga, Laakiinse Rabbigu qalbiyaduu miisaamaa.

21:3b.PRO.021.003 Waxaa Rabbigu allabari ka sii jecel yahay In xaqnimo iyo gar la sameeyo.

21:4b.PRO.021.004 Indho qab weyn iyo qalbi kibirsan, Kuwaas oo ah kuwa sharka leh laambaddoodu waa dembi.

21:5b.PRO.021.005 Kuwa dadaala fikirradoodu waxay u geeyaan barwaaqo. Laakiinse ku alla kii degdeg badanu wuxuu u degdegaa inuu wax u baahdo oo keliya.

21:6b.PRO.021.006 Khasnadihii carrab been badan lagu helaa waa sida ceeryaamo hor iyo dib loo kaxeeyey, Oo kuwa doondoontaana dhimashay doonaan.

21:7b.PRO.021.007 Kuwa sharka leh dhacoodu iyaguu baabbi'in doonaa, Maxaa yeelay, iyagu waxay diidaan inay gar sameeyaan.

21:8b.PRO.021.008 Ninkii eed badan qaba jidkiisu aad buu u qalloocan yahay, Laakiinse kii daahirsan shuqulkiisu waa hagaagsan yahay.

21:9b.PRO.021.009 In guriga dushiisa dhinac laga joogo ayaa ka roon In guri weyn naag muran badan lala joogo.

21:10b.PRO.021.010 Kii shar leh naftiisu xumaan bay doonaysaa, Oo deriskiisuna raallinimo kama helo hortiisa.

21:11b.PRO.021.011 Markii mid wax quudhsada la taqsiiro, garaadlaawahu wuu caqliyaystaa, Oo kii caqli leh marka la edbiyona aqoon buu helaa.

21:12b.PRO.021.012 Kii xaq ahu wuxuu ka fikiraa kii shar leh gurigiisa, Iyo sida kuwa sharka leh loogu afgembiyo sharnimadooda daraaddeed.

21:13b.PRO.021.013 Kii dhegihiisa u fureeyaa si aanu qaylada miskiinka u maqlin, Isaga qudhiisuna wuu qaylin doonaa, laakiinse lama maqli doono.

21:14b.PRO.021.014 Hadiyaddii qarsoodi lagu bixiyaa xanaaqay qabowjisaa, Oo laaluushkii laabta laysu geliyaana cadho kulul buu qabowjiyaa.

21:15b.PRO.021.015 Kii xaq ahu inuu gar sameeyo waa u farxad, Laakiinse kuwa xumaanta ka shaqeeya waa u baabba'.

21:16b.PRO.021.016 Ninkii jidka waxgarashada ka habaabaa Wuxuu la joogi doonaa ururka kuwii dhintay.

21:17b.PRO.021.017 Kii raaxaysi jecelu miskiin buu ahaan doonaa, Oo kii khamri iyo saliid jeceluna taajir ma noqon doono.

21:18b.PRO.021.018 Kii shar lahu wuxuu furasho u noqon doonaa kii xaq ah, Khaayinkuna wuxuu furasho u noqon doonaa kii qumman.

21:19b.PRO.021.019 In lamadegaanka la joogo ayaa ka roon In naag muran iyo cadho badan lala joogo.

21:20b.PRO.021.020 Khasnad qaali ah iyo saliid baa ku jira kan caqliga leh gurigiisa, Laakiinse nacasku wixiisa wuu wada liqaa.

21:21b.PRO.021.021 Kii xaqnimo iyo naxariis raacaa Wuxuu helaa nolol iyo xaqnimo iyo sharaf.

21:22b.PRO.021.022 Kii caqli lahu kor buu ugu baxaa magaalada kuwa xoogga badan derbigeeda, Oo weliba xoogga ay isku hallaynayaan oo dhan ayuu hoos u ridaa.

21:23b.PRO.021.023 Ku alla kii afkiisa iyo carrabkiisa dhawraa Naftiisuu dhibaatooyin ka dhawraa.

21:24b.PRO.021.024 Ninkii kibirsan ee qab weyn waxaa magiciisa la yidhaahdaa quudhsade, Oo wuxuu ku shaqeeyaa cadhada kibirka.

21:25b.PRO.021.025 Ninkii caajis ah waxaa dila damaciisa, Waayo, gacmihiisu waxay diidaan inay hawshoodaan.

21:26b.PRO.021.026 Waxaa jira kuwo maalinta oo dhan si hunguri weyn wax u damca, Laakiinse kii xaq ahu wax buu bixiyaa oo ma ceshado.

21:27b.PRO.021.027 Ka sharka leh allabarigiisu waa karaahiyo, Oo markuu niyo xun ku bixiyona way ka sii daran tahay!

21:28b.PRO.021.028 Markhaatifuraha beenta ahu waa baabbi'i doonaa, Laakiinse ninkii wax maqla hadalkiisu waa raagi doonaa.

21:29b.PRO.021.029 Ninkii shar lahu wejigiisuu adkeeyaa, Laakiinse kii qummanu jidadkiisuu u fiirsadaa.

21:30b.PRO.021.030 Ma jirto xigmad ama waxgarasho Ama talo Rabbiga ka gees ah.Faraska waxaa loo diyaariyaa maalinta dagaalka, Laakiinse guusha waxaa leh Rabbiga.

21:31b.PRO.021.031 Faraska waxaa loo diyaariyaa maalinta dagaalka, Laakiinse guusha waxaa leh Rabbiga.

22

22:1b.PRO.022.001 Magac wanaagsan baa laga doortaa maal badan, Oo nimcana waa ka wanaagsan tahay lacag iyo dahab.

22:2b.PRO.022.002 Taajirka iyo miskiinku way wada kulmaan, Oo Rabbigu waa kii kulligood sameeyey.

22:3b.PRO.022.003 Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa, Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, waana la taqsiiraa.

22:4b.PRO.022.004 Is-hoosaysiinta iyo Rabbiga ka cabsashadiisa abaalgudkoodu Waxaa weeyaan hodantinimo iyo sharaf iyo nolol.

22:5b.PRO.022.005 Qodxan iyo dabinnaba waxay yaalliin jidka ninka qalloocan, Laakiinse kii naftiisa dhawraa waa ka fogaan doonaa iyaga.

22:6b.PRO.022.006 Ilmo u rabbee siduu ku socon lahaa, Oo isna xataa markuu gaboobo kama leexan doono.

22:7b.PRO.022.007 Taajirku masaakiintuu u taliyaa Oo kii wax amaahdaana midiidin buu u yahay kii wax amaahiya.

22:8b.PRO.022.008 Kii xumaan beeraa wuxuu goosan doonaa belaayo, Oo usha cadhadiisuna way dhammaan doontaa.

22:9b.PRO.022.009 Kii il deeqsiya lahu wuu barakoobi doonaa, Waayo, isagu wuxuu cuntadiisa wax ka siiyaa masaakiinta.

22:10b.PRO.022.010 Kan wax quudhsada eri, oo muranku wuu bixi doonaa, Dirirta iyo cayduna way dhammaan doonaan.

22:11b.PRO.022.011 Kii daahirsanaanta qalbiga jecel, Oo bushimihiisu nimco leeyihiin, xataa boqorka ayaa saaxiibkiis ahaan doona.

22:12b.PRO.022.012 Indhaha Rabbigu waxay dhawraan ka aqoonta leh, Laakiinse isagu wuxuu afgembiyaa erayada khaayinka.

22:13b.PRO.022.013 Kii caajis ahu wuxuu yidhaahdaa, Libaax baa dibadda jooga, Oo jidka dhexdiisa ayaa laygu dili doonaa.

22:14b.PRO.022.014 Naago qalaad afkoodu waa god dheer, Oo waxaa ku dhici doona kii xagga Rabbiga laga nacay.

22:15b.PRO.022.015 Nacasnimadu waxay ku xidhan tahay qalbiga ilmaha. Laakiinse usha edbintu way ka fogayn doontaa.

22:16b.PRO.022.016 Kii miskiinka u dulma inuu maal korodhsado, Iyo kii taajirka wax siiyaaba hubaal way baahnaan doonaan.

22:17b.PRO.022.017 Dhegta u dhig, oo erayada kuwa caqliga leh maqal, Oo qalbigana aqoontayda u jeedi.

22:18b.PRO.022.018 Waayo, waa wax wanaagsan haddii aad uurka ku haysatid, Oo hadday dhammaantood bushimahaaga diyaar ku ahaadaan.

22:19b.PRO.022.019 Bal eeg, adigaan maanta iyaga ku ogeysiiyey, Inaad Rabbiga aaminsan tahay.

22:20b.PRO.022.020 Miyaanan waxyaalo wanaagsan kuugu qorin Talooyinka iyo aqoonta,

22:21b.PRO.022.021 Si aan kuu ogeysiiyo hubaasha erayada runta, Inaad erayada runta uga jawaabtid kuwii ku soo diray?

22:22b.PRO.022.022 Miskiinka ha dhicin, waayo, isagu waa miskiin, Oo kan dhibaataysanna meesha iridda ha ku dulmin,

22:23b.PRO.022.023 Waayo, Rabbiga ayaa dacwadooda u qaadi doona, Oo kuwa iyaga dhaca naftoodana wuu dhici doonaa.

22:24b.PRO.022.024 Ha la saaxiibin nin xanaaq badan, Oo nin cadho kululna waa inaanad la socon,

22:25b.PRO.022.025 Waaba intaas oo aad jidkiisa baratid, Oo aad naftaadana dabin ku riddid.

22:26b.PRO.022.026 Ha noqonin sida kuwa gacanta dhaar ugu dhiiba, Ama sida kuwa deyman u dammiinta.

22:27b.PRO.022.027 Haddaanad haysan wax aad bixiso, Bal muxuu sariirtaada hoostaada uga la bixi?

22:28b.PRO.022.028 Soohdinta hore oo ay awowayaashu dhigeen Innaba ha durkin.Miyaad aragtaa nin shuqulkiisa ku dadaala? Isagu wuxuu istaagi doonaa boqorro hortood. Oo kuwa hoose hortoodana ma istaagi doono.

22:29b.PRO.022.029 Miyaad aragtaa nin shuqulkiisa ku dadaala? Isagu wuxuu istaagi doonaa boqorro hortood. Oo kuwa hoose hortoodana ma istaagi doono.

23

23:1b.PRO.023.001 Markaad u fadhiisatid inaad taliye wax la cuntid, Aad uga fiirso waxa hortaada yaal,

23:2b.PRO.023.002 Oo mindi cunaha iska saar Haddaad tahay nin hunguri weyn.

23:3b.PRO.023.003 Cuntadiisa macaan ha damcin, Waayo, waa cunto khiyaaneed.

23:4b.PRO.023.004 Ha isku daalin si aad taajir ku noqotid. Oo xigmaddaadana ka joogso.

23:5b.PRO.023.005 Ma waxaad indhaha ku dayaysaa wax aan jirin? Waayo, hubaal maalku wuxuu yeeshaa baalal, Sida gorgor samada u duula oo kale.

23:6b.PRO.023.006 Kan isha sharka leh kibistiisa ha cunin, Cuntadiisa macaanna ha damcin,

23:7b.PRO.023.007 Waayo, isagu waxaa weeye siduu qalbiga kaga fikiro; Wuxuu kugu leeyahay, Cun oo cab, Laakiinse qalbigiisu kulama jiro.

23:8b.PRO.023.008 Wixii aad cuntay waad soo mantagi doontaa, Oo erayadaadii macaanaana way kaa lumi doonaan.

23:9b.PRO.023.009 Nacas waxba ha kula hadlin, Waayo, isagu xigmadda hadalkaaga wuu quudhsan doonaa.

23:10b.PRO.023.010 Soohdintii hore ha durkin, Beeraha agoommadana ha dhex gelin,

23:11b.PRO.023.011 Waayo, bixiyahoodu waa xoog badan yahay; Oo isaga ayaa dacwadooda kugu qaadi doona.

23:12b.PRO.023.012 Qalbigaaga edbinta u jeedi, Oo dhegahana erayada aqoonta.

23:13b.PRO.023.013 Ilmaha edbin ha u diidin, Waayo, haddaad isaga ul ku garaacdid, ma dhiman doono.

23:14b.PRO.023.014 Ul baad isaga ku garaaci doontaa, Oo naftiisaad She'ool ka samatabbixin doontaa.

23:15b.PRO.023.015 Wiilkaygiiyow, haddii qalbigaagu caqli leeyahay, Qalbigayguna wuu farxi doonaa.

23:16b.PRO.023.016 Haah, oo xataa uurkaygu wuu rayrayn doonaa, Markay bushimahaagu wax qumman ku hadlaan.

23:17b.PRO.023.017 Qalbigaagu yaanu dembilayaal ka hinaasin, Laakiinse maalinta oo dhan Rabbiga ka cabso.

23:18b.PRO.023.018 Waayo, hubaal waxaa jira abaalgud, Oo rajadaaduna kaama go'i doonto.

23:19b.PRO.023.019 Wiilkaygiiyow, i maqal, oo caqli yeelo, Oo qalbigaagana jidka ku toosi.

23:20b.PRO.023.020 Ha dhex joogin khamriyacabyada Iyo kuwa hunguriweynaanta hilibka u cuna,

23:21b.PRO.023.021 Waayo, kii sakhraan ah iyo kii hunguri weynuba way caydhoobi doonaan, Oo lulona nin calal bay u xidhi doontaa.

23:22b.PRO.023.022 Dhegayso aabbahaagii ku dhalay, Oo hooyadaana ha quudhsan markay gabowdo.

23:23b.PRO.023.023 Runta soo iibso, oo ha sii iibin, Oo weliba waxaad ku sii darsataa xigmadda iyo edbinta iyo waxgarashada.

23:24b.PRO.023.024 Kii xaq ah aabbihiis aad buu u farxi doonaa, Oo kii ilmo caqli leh dhalaana farxad buu ka heli doonaa.

23:25b.PRO.023.025 Aabbahaa iyo hooyadaaba ha farxeen, Oo tii ku dhashayna ha rayrayso.

23:26b.PRO.023.026 Wiilkaygiiyow, qalbigaaga i sii, Oo indhahaaguna jidadkayga ha dhawreen.

23:27b.PRO.023.027 Waayo, dhillo waa booraan dheer, Oo naag qalaadna waa god cidhiidhi ah.

23:28b.PRO.023.028 Sida tuug oo kale ayay u gabbataa, Oo waxay dadka ku dhex badisaa khaayinnada.

23:29b.PRO.023.029 Bal yaa hoog leh? Oo yaa caloolxumo leh? Oo yaa murammo leh? Oo yaa calaacal badan leh? Oo yaa u dhaawacan sababla'aan? Oo yaa indho casaan ah leh?

23:30b.PRO.023.030 Waa kuwa wakhti dheer ku raaga khamriga, Waana kuwa u taga inay doondoontaan khamri laysku daray.

23:31b.PRO.023.031 Ha fiirin khamrigu markuu casaado, Markuu koobka ka dhex dhalaalo, Iyo markuu si wanaagsan u shubmayoba.

23:32b.PRO.023.032 Ugu dambaysta wuxuu wax u qaniinaa sida abeesada, Oo sida jilbiskana wax buu u qaniinaa.

23:33b.PRO.023.033 Indhahaagu waxay arki doonaan naago qalaad, Oo qalbigaaguna wuxuu ku hadli doonaa waxyaalo qalloocan.

23:34b.PRO.023.034 Oo waxaad ahaan doontaa sida kan badda dhexdeeda jiifsada, Ama sida ka dakhalka dhaladiisa sare seexda.Waxaad odhan doontaa, Wax bay igu dhufteen, laakiin waxba ima yeelin. Way i garaaceen, iskamana aanan garan; Bal goormaan toosi doonaa? Weli mar kalaan doonan doonaa.

23:35b.PRO.023.035 Waxaad odhan doontaa, Wax bay igu dhufteen, laakiin waxba ima yeelin. Way i garaaceen, iskamana aanan garan; Bal goormaan toosi doonaa? Weli mar kalaan doonan doonaa.

24

24:1b.PRO.024.001 Dad shar leh ha ka masayrin, Hana jeclaysan inaad iyaga la joogtid.

24:2b.PRO.024.002 Waayo, qalbigoodu wuxuu ka fikiraa kharribaad, Oo bushimahooduna waxay ku hadlaan belaayo.

24:3b.PRO.024.003 Guri wuxuu ku dhismaa xigmad, Wuxuuna ku taagnaadaa waxgarasho,

24:4b.PRO.024.004 Qawladuhuna aqoontay kaga buuxsamaan Maal kasta oo qaali ah oo qurux badan.

24:5b.PRO.024.005 Ninkii caqli lahu xoog buu leeyahay, Oo ninkii aqoon lahuna itaal buu sii korodhsadaa.

24:6b.PRO.024.006 Waayo, waa inaad talo wanaagsan ku dagaallantaa, Oo waxaa taliyayaal badan la jirta nabadgelyo.

24:7b.PRO.024.007 Xigmaddu nacaska way ka dheer tahay, Isagu xagga iridda afkiisa kuma kala qaado.

24:8b.PRO.024.008 Kii ku fikira inuu xumaan sameeyo, Waxaa loogu yeedhi doonaa belaayo-sameeye.

24:9b.PRO.024.009 Fikirka nacasnimadu waa dembi, Kii wax quudhsadaana waa u karaahiyo dadka.

24:10b.PRO.024.010 Maalinta dhibaatada haddaad liicdid, Itaalkaagu waa yar yahay.

24:11b.PRO.024.011 Samatabbixi kuwa dhimashada loo wadayo, Kuwa ku dhow in la gowracona dib uga qabo.

24:12b.PRO.024.012 Haddaad tidhaahdid, Bal eeg, waxan ma aannu garanayn, Kan qalbiyada miisaamaa miyaanu ka fiirsanayn? Oo kan naftaada dhawraa miyaanu ogayn? Oo miyaanu isagu nin walba ugu abaal gudayn sida shuqulkiisu yahay?

24:13b.PRO.024.013 Wiilkaygiiyow, malab cun, waayo, wuu wanaagsan yahay, Oo waxaad cuntaa awlallada malabka, taas oo kuu dhadhan macaan.

24:14b.PRO.024.014 Oo xigmadda aqoonteeduna sidaasoo kalay naftaada u ahaan doontaa, Oo haddaad iyada heshid waxaa jiri doona abaalgud, Oo rajadaaduna ma go'i doonto.

24:15b.PRO.024.015 Sida nin shar leh, ha u gabban kan xaqa ah gurigiisa, Oo rugtiisa nasashadana ha kharribin.

24:16b.PRO.024.016 Waayo, nin xaq ahu toddoba goor buu dhacaa, wuuna soo sara kacaa haddana, Laakiinse kuwa sharka leh waxaa lagu afgembiyaa belaayo.

24:17b.PRO.024.017 Ha rayrayn markuu cadowgaagu dhaco, Oo qalbigaaguna yaanu farxin markuu turunturoodo,

24:18b.PRO.024.018 Waayo, waaba intaas oo Rabbigu taas arkaa, oo ay shar la ahaato indhihiisa, Oo uu dabadeedna cadhadiisa ka soo celiyaa isaga.

24:19b.PRO.024.019 Xumaanfalayaasha aawadood ha isku dhibin, Kuwa sharka lehna ha ka masayrin,

24:20b.PRO.024.020 Waayo, kii shar leh abaalgud ma heli doono, Oo laambadda xumaanfalayaashana waa la bakhtiin doonaa.

24:21b.PRO.024.021 Wiilkaygiiyow, Rabbiga iyo boqorkaba ka cabso, Oo ha ku darsamin kuwa isrogrog badan,

24:22b.PRO.024.022 Waayo, belaayadoodu si degdeg ah ayay u soo kici doontaa, Oo bal yaa yaqaan baabbi'inta labadoodaba?

24:23b.PRO.024.023 Oo weliba waxyaalahanuna waa wixii ay kuwa caqliga lahaa yidhaahdeen. In dadka garsooridda loogu kala eexdaa ma wanaagsana.

24:24b.PRO.024.024 Kii kan shar leh ku yidhaahda, Xaq baad tahay, Dadyowga ayaa habaari doona, oo quruumuhuna way karhi doonaan isaga,

24:25b.PRO.024.025 Laakiinse kuwii isaga canaantaa farxad bay yeelan doonaan, Oo dushoodana waxaa ku soo degi doonta barako wanaagsan.

24:26b.PRO.024.026 Kii jawaab qumman ku jawaabaa Bushimuhuu dhunkadaa.

24:27b.PRO.024.027 Shuqulkaaga dibadda ku hagaajiso, Oo beerta ku diyaarso, Oo dabadeedna gurigaaga dhiso.

24:28b.PRO.024.028 Deriskaaga sababla'aan markhaati ha ku furin, Oo bushimahaagana ha ku khiyaanayn.

24:29b.PRO.024.029 Hana odhan, Wixii uu igu sameeyey oo kale ayaan ku samayn doonaa, Oo ninkii sidii shuqulkiisu ahaa ayaan u abaalmarin doonaa.

24:30b.PRO.024.030 Waxaan ag maray ninka caajiska ah beertiisa, Iyo ninka garaadka daran beercanabkiisa,

24:31b.PRO.024.031 Oo bal eeg, kulligood waxaa ka baxay qodxan, Oo dhammaantoodna waxaa qariyey maraboob, Oo derbigoodii dhagaxa ahaana waa dumay.

24:32b.PRO.024.032 Markaasaan eegay oo aad uga fiirsaday, Waan fiiriyey oo wax ka bartay.

24:33b.PRO.024.033 Weliba in yar baad seexanaysaa, oo in yar baad gam'aysaa, Oo in yar baad gacmaha hurdo u laabaysaa,Haddaba caydhnimo waa kuu iman doontaa sida tuug oo kale, Oo baahina sida nin hub sita oo kale.

24:34b.PRO.024.034 Haddaba caydhnimo waa kuu iman doontaa sida tuug oo kale, Oo baahina sida nin hub sita oo kale.

25

25:1b.PRO.025.001 Oo weliba kuwanuna waa maahmaahyadii Sulaymaan, Oo boqorkii Yahuudah oo Xisqiyaah ahaa raggiisii ay soo guuriyeen.

25:2b.PRO.025.002 Waa u ammaan Ilaah inuu xaal qariyo, Laakiinse waa u ammaan boqorrada inay xaal baadhaan.

25:3b.PRO.025.003 Sida samadu u sarrayso, oo dhulkuna u gun dheer yahay, Ayaan qalbiga boqorrada loo baadhi karin.

25:4b.PRO.025.004 Lacagta wasakhda ka qaad, Oo dabadeedna waxaa lacagshubaha uga soo bixi doona weel.

25:5b.PRO.025.005 Boqorka hortiisa kuwa sharka leh ka fogee, Oo carshigiisuna xaqnimuu ku taagnaan doonaa.

25:6b.PRO.025.006 Ha isweynweynayn boqorka hortiisa, Oo kuwa waaweyn meeshoodana ha istaagin.

25:7b.PRO.025.007 Amiirkii aad indhahaaga ku aragtay Intii hortiisa lagu hoosaysiin lahaa, Waxaa kuu wanaagsan iyadoo lagu yidhaahdo, Halkan sare kaalay.

25:8b.PRO.025.008 Dirir degdeg ha ugu bixin, Waaba intaasoo aad ugu dambaysta garan weydaa waxaad samayn lahayd, Markii uu deriskaagu ku ceebeeyey dabadeed.

25:9b.PRO.025.009 Dacwadaada deriskaaga kala dood, Laakiinse mid kale xaalkiisa qarsoon ha sheegin,

25:10b.PRO.025.010 Waaba intaas oo uu ku caayaa kii maqlaa, Oo aanay ceebtaadu kaa hadhin.

25:11b.PRO.025.011 Hadalkii si hagaagsan loogu hadlaa Wuxuu la mid yahay tufaaxyo dahab ah oo lagu dhex sameeyey taswiiro lacag ah.

25:12b.PRO.025.012 Kii caqli leh oo wax canaantaa wuxuu dhegta wax maqasha oo addeecda ula mid yahay Hilqado dahab ah iyo wax laysku sharraxo oo dahab saafiya ah.

25:13b.PRO.025.013 Wargeeyihii aamin ahu wuxuu kuwii isaga soo diray ula mid yahay Qabowga barafka cad oo wakhtiga beergooyska, Waayo, isagu wuxuu qabowjiyaa nafta sayidyadiisa.

25:14b.PRO.025.014 Ku alla kii hadiyad been ah isku faaniyaa Wuxuu la mid yahay daruuro iyo dabayl aan roob lahayn.

25:15b.PRO.025.015 Waxaa xaakin wax lagu oggolaysiiyaa dulqaadasho badan, Carrab macaanuna laftuu jebiyaa.

25:16b.PRO.025.016 Malab ma heshay? In kugu filan oo keliya ka cun, Waaba intaas oo intaad ka dheregto aad soo hunqaacdaaye.

25:17b.PRO.025.017 Cagtaadu ha ku yaraato guriga deriskaaga, Waaba intaasoo uu kaa daalaa oo uu ku necbaadaaye.

25:18b.PRO.025.018 Ninkii deriskiisa marag been ah ku furaa Waa sida budh iyo seef iyo fallaadh af badan oo kale.

25:19b.PRO.025.019 In wakhtiga dhibaatada nin aaminlaawe ah laysku halleeyo Waa sida ilig jaban iyo cag murkacatay oo kale.

25:20b.PRO.025.020 Kii qalbi murugaysan u gabyaa Waa sida mid maalin qabow huwiska iska qaada iyo sida khal soodhe lagu shubo oo kale.

25:21b.PRO.025.021 Cadowgaagu hadduu gaajaysan yahay, wax uu cuno sii, Hadduu harraadsan yahayna waraabi,

25:22b.PRO.025.022 Waayo, dhuxulo dab ah ayaad madaxiisa ku tuuli doontaa, Oo Rabbiguna waa kuu abaalgudi doonaa.

25:23b.PRO.025.023 Dabaysha woqooyi roob bay keentaa, Sidaas oo kale carrabkii xan badanna weji cadhaysan buu keenaa.

25:24b.PRO.025.024 In guriga dushiisa dhinac laga joogo ayaa ka roon In guri weyn naag muran badan lala joogo.

25:25b.PRO.025.025 Warkii wanaagsan oo dal fog ka yimaadaa Waa sida biyo qabow ay naf harraadsan u yihiin oo kale.

25:26b.PRO.025.026 Ninkii xaq ah ee kii shar leh isu dhiibaa Waa sida durdur qasmay iyo sida il biyood oo wasakhowday oo kale.

25:27b.PRO.025.027 In malab badan la cunaa ma wanaagsana, Sidaas oo kalena in ammaan la doondoontaa ammaan ma aha.Kii aan ruuxiisa u talin karinu Waa sida magaalo duntay oo aan derbi lahayn oo kale.

25:28b.PRO.025.028 Kii aan ruuxiisa u talin karinu Waa sida magaalo duntay oo aan derbi lahayn oo kale.

26

26:1b.PRO.026.001 Sida wakhtiga kulul aan baraf cad ugu habboonayn, oo wakhtiga beergooyska aan roob ugu habboonayn, Ayaan sharaf nacas ugu habboonayn.

26:2b.PRO.026.002 Sida shimbir iska wareegaysa iyo sida dabafallaadh iska duulaysa, Ayaan habaarkii sababla'aan ahu cidna ugu dhacayn.

26:3b.PRO.026.003 Jeedal faras buu ku habboon yahay, dacayna dameer, Ulina dhabarka nacaska.

26:4b.PRO.026.004 Nacas ha ugu jawaabin sida nacasnimadiisu tahay, Waaba intaasoo aad sidiisa oo kale noqotaaye.

26:5b.PRO.026.005 Nacas ugu jawaab sida nacasnimadiisu tahay, Waaba intaasoo uu isla caqli weynaadaaye.

26:6b.PRO.026.006 Kii nacas gacantiis farriin u sii dhiibaa Cagahuu iska gooyaa oo khasaaruu cabbaa.

26:7b.PRO.026.007 Sida lugaha curyaanku u laalaadaan Ayuu masaalkuna u yahay afka nacasyada.

26:8b.PRO.026.008 Kii nacas sharaf siiyaa Wuxuu la mid yahay mid wadhaf dhagax ku xidha oo kale.

26:9b.PRO.026.009 Sida qodaxdu u dhex gasho sakhraan gacantiis, Ayuu masaalkuna u yahay afka nacasyada.

26:10b.PRO.026.010 Kii nacaska ama kuwa jidka maraya kiraystaa Waa sida qaansoole dadka oo dhan dhaawaca oo kale.

26:11b.PRO.026.011 Nacas nacasnimadiisa ku noqnoqdaa Waa sida eey mantaggiisa ku noqnoqda oo kale.

26:12b.PRO.026.012 Nin isla caqli weyn ma aragtay? Waxaa isaga ka rajo roon nacas.

26:13b.PRO.026.013 Ninkii caajis ahu wuxuu yidhaahdaa, Libaax baa waddada jooga; Libaax baa jidka taagan.

26:14b.PRO.026.014 Sida albaabku birihiisa ugu noqnoqdo, Ayaa kii caajis ahuna sariirtiisa isugu rogrogaa.

26:15b.PRO.026.015 Kii caajis ahu wuxuu gacantiisa geliyaa xeedhadiisa, Oo inuu afkiisa ku soo celiyona waa ku dhib isaga.

26:16b.PRO.026.016 Kii caajis ahu waa iskala caqli badan yahay Toddoba nin oo xigmad ku jawaabi karta.

26:17b.PRO.026.017 Kii isagoo jidka iska maraya isku dhex dara dirir aanu waxba ku lahayn, Wuxuu la mid yahay mid eey dhegaha qabta oo kale.

26:18b.PRO.026.018 Sida nin waalan oo rida dab, Iyo fallaadho, iyo dhimasho,

26:19b.PRO.026.019 Ayuu yahay kii intuu deriskiisa khiyaaneeyo, Haddana yidhaahda, Miyaanan cayaarayn?

26:20b.PRO.026.020 Xaabola'aanta dabku waa bakhtiyaa, Oo meeshii aan mid xan badanu jooginna muranku waa ka joogsadaa.

26:21b.PRO.026.021 Sida dhuxuli raran u sii shiddo, qoryona dab u sii belbeliyaan, Ayuu ninkii muran badanuna dirir u sii kiciyaa.

26:22b.PRO.026.022 Kii xan badan erayadiisu waa sida cunto macaan, Oo waxay ku degaan meelaha caloosha ugu hooseeya.

26:23b.PRO.026.023 Bushimihii macaan iyo qalbigii shar lehba Waxay la mid yihiin weel dhoobo ah oo lagu dahaadhay lacag wasakhdeed.

26:24b.PRO.026.024 Kii wax necebu bushimihiisuu isku yeelyeelaa, Laakiinse uurkiisuu khiyaano ku kaydsadaa.

26:25b.PRO.026.025 Markuu si wacan u hadlo ha rumaysan, Waayo, waxaa qalbigiisa ku jira toddoba karaahiyo.

26:26b.PRO.026.026 In kastoo nacaybkiisu khiyaano isku daboolo, Xumaantiisa ayaa shirka lagu hor muujin doonaa.

26:27b.PRO.026.027 Ku alla kii bohol qodaaba isagaa ku dhex dhici doona, Oo kii dhagax giringiriyana, isaguu ku soo rogman doonaa.Carrabkii been sheega wuxuu neceb yahay kuwuu dhaawacay, Oo afkii wax faaniyaana wuxuu ka shaqeeyaa baabba'.

26:28b.PRO.026.028 Carrabkii been sheega wuxuu neceb yahay kuwuu dhaawacay, Oo afkii wax faaniyaana wuxuu ka shaqeeyaa baabba'.

27

27:1b.PRO.027.001 Berrito ha ku faanin, Waayo, ma ogid waxay maalinu keeni doonto.

27:2b.PRO.027.002 Mid kale ha ku faaniyo oo yaanu afkaagu ku faanin, Shisheeye ha ku ammaano, oo yaanay bushimahaagu ku ammaanin.

27:3b.PRO.027.003 Dhagax waa culus yahay, oo cammuuduna way miisaan weyn tahay, Laakiinse waxaa labadoodaba ka sii culus nacas cadhadiis.

27:4b.PRO.027.004 Cadho waa naxariisdarro, xanaaqna waa daad, Laakiinse bal yaa hinaaso is-hor taagi kara?

27:5b.PRO.027.005 Canaantii bayaan ahu Waa ka wanaagsan tahay jacaylkii qarsoon.

27:6b.PRO.027.006 Saaxiib nabrihiisu waa daacadnimo, Laakiinse cadow dhunkashooyinkiisu waa khiyaano miidhan.

27:7b.PRO.027.007 Naftii dheregsanu xataa awlallada malabka waa ka yaqyaqsataa, Laakiinse naftii gaajaysan wax kasta oo qadhaadhuba way u macaan yihiin.

27:8b.PRO.027.008 Ninkii hoygiisa ka warwareegaa Waa sida shimbir buulkeeda ka warwareegta oo kale.

27:9b.PRO.027.009 Saliidda iyo cadarku qalbigay ka farxiyaan, Sidaas oo kalena waxaa nin ka farxiya macaanka saaxiibkiis oo ka yimaada talada qalbiga.

27:10b.PRO.027.010 Ha ka tegin saaxiibkaa iyo aabbahaa saaxiibkiis toona, Oo maalintii masiibadaadana guriga walaalkaa ha tegin, Deris kuu dhowu waa ka wanaagsan yahay walaal kaa fog.

27:11b.PRO.027.011 Wiilkaygiiyow, caqli yeelo, oo qalbigayga ka farxi, Si aan ugu jawaabo kii i caayaba.

27:12b.PRO.027.012 Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa, Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, oo waana la taqsiiraa.

27:13b.PRO.027.013 Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad, Oo kii naag qalaad dammiintana isaga rahmad ahaan u hay.

27:14b.PRO.027.014 Kii intuu aroor hore kaco saaxiibkiis cod dheer ugu duceeya, Waxaa loo qaadan doonaa habaar.

27:15b.PRO.027.015 Maalin roobaabeed dhibicyadeeda aan kala go'in Iyo naag muran badanu waa isku mid.

27:16b.PRO.027.016 Ku alla kii iyada celiyaa, dabayshuu celiyaa. Gacantiisa midigna saliid bay qabataa.

27:17b.PRO.027.017 Bir baa bir afaysa, Oo sidaas oo kale nin baa saaxiibkiis afeeya.

27:18b.PRO.027.018 Ku alla kii berde xannaanaystaa midhihiisuu cuni doonaa. Oo kii sayidkiisa dhawrana waa la murwayn doonaa.

27:19b.PRO.027.019 Sida fool biyaha dhexdooda fool uga muuqdo, Ayaa nin qalbigiisu nin kale ugu muuqdaa.

27:20b.PRO.027.020 She'ool iyo halligaadu weligood ma dhergaan, Dadka indhihiisu weligood ma dhergaan.

27:21b.PRO.027.021 Weelka lacagta lagu safeeyo lacagtaa iska leh, oo foornadana dahabkaa iska leh, Sidaas oo kalena nin waxaa lagu tijaabiyaa ammaantiisa.

27:22b.PRO.027.022 In kastoo aad nacas tib iyo mooye hadhuudh kula tuntid, Weliba nacasnimadiisu ka tegi mayso isaga.

27:23b.PRO.027.023 Aad ugu dadaal inaad ogaatid xaalka adhigaaga, Oo lo'daadana si wanaagsan u ilaali.

27:24b.PRO.027.024 Waayo, maalku weligiis siima raago, Taajkuna ab ka ab miyuu waaraa?

27:25b.PRO.027.025 Cawska qallalan markii la gooyo mid cagaar ah oo jilicsan baa soo muuqda, Oo dhalatada buurahana waa la soo urursadaa.

27:26b.PRO.027.026 Baraarku waa kuu dhar, Oo adhiguna waa kuu qiimihii beerta.Waxaa jiri doona caano riyaad oo cunto ugu filan adiga iyo reerkaagaba, Iyo weliba masruufka gabdhaha kuu shaqeeya.

27:27b.PRO.027.027 Waxaa jiri doona caano riyaad oo cunto ugu filan adiga iyo reerkaagaba, Iyo weliba masruufka gabdhaha kuu shaqeeya.

28

28:1b.PRO.028.001 Kuwa sharka lahu waxay cararaan iyadoo aan ciduna eryanayn, Laakiinse kuwa xaqa ahu waxay u dhiirran yihiin sida libaax oo kale.

28:2b.PRO.028.002 Waddan xadgudubkiisa aawadiis amiirradu way badan yihiin, Laakiinse ninkii waxgarasho iyo aqoon leh dowladdiisu way sii raagtaa.

28:3b.PRO.028.003 Miskiin masaakiinta dulmaa Waa sida roob dhulka xaadha oo aan cunto ka tegin.

28:4b.PRO.028.004 Kuwa sharciga ka tagaa waxay ammaanaan kuwa sharka leh, Laakiinse kuwa sharciga dhawra ayaa iyaga la dirira.

28:5b.PRO.028.005 Nimanka sharka lahu garsooridda ma gartaan, Laakiinse kuwa Rabbiga doondoonaa wax walbay gartaan.

28:6b.PRO.028.006 Kii jidad qalloocan ku socda, in kastoo uu taajir yahay, Waxaa ka roon miskiinka daacadnimadiisa ku socda.

28:7b.PRO.028.007 Ku alla kii sharciga dhawraa waa wiil caqli leh, Laakiinse kii raaca kuwa cirta weyn, aabbihiisuu ceebeeyaa.

28:8b.PRO.028.008 Kii korsaar iyo ribo maalkiisa ku korodhsadaa, Wuxuu u ururin doonaa mid masaakiinta u naxariista.

28:9b.PRO.028.009 Kii dhegtiisa ka leexiya inuu sharciga maqlo, Xataa baryootankiisu waa karaahiyo.

28:10b.PRO.028.010 Ku alla kii kuwa xaqa ah jid shar ah ku ambiyaa, Isagaa ku dhici doona godkiisa, Laakiinse kuwa qummanu wax wanaagsan bay dhaxli doonaan.

28:11b.PRO.028.011 Taajirku waa isla caqli weyn yahay, Laakiinse miskiinka waxgarashada leh ayaa isaga kashifa.

28:12b.PRO.028.012 Kuwa xaqa ahu markay guulaystaan, waxaa jirta ammaan weyn, Laakiinse markii kuwa sharka lahu sara kacaan dadku waa dhuuntaa.

28:13b.PRO.028.013 Kii xadgudubyadiisa qariyaa ma liibaani doono, Laakiinse kii qirta oo haddana ka tagaa, naxariis buu heli doonaa.

28:14b.PRO.028.014 Ninkii mar kasta cabsadaa waa barakaysan yahay, Laakiinse kii qalbigiisa sii adkeeyaa masiibuu ku dhici doonaa.

28:15b.PRO.028.015 Taliyihii shar lahu wuxuu dadka masaakiintaa ku yahay Sida libaax ciyaya iyo sida orso weerar ah oo kale.

28:16b.PRO.028.016 Amiirkii garaaddaranu waa nin dulun weyn, Laakiinse kii neceb faa'iidada xaqdarrada ah cimrigiisuu dheerayn doonaa.

28:17b.PRO.028.017 Ninkii nin dhiiggiis qabaa Wuxuu u carari doonaa godka, oo ninna yaanu ka joojin.

28:18b.PRO.028.018 Ku alla kii si qumman u socda waa la samatabbixin doonaa, Laakiinse kii si qalloocan laba jid ugu socdaa haddiiba wuu dhici doonaa.

28:19b.PRO.028.019 Kii dhulkiisa beertaa, cunto badan buu ka dhergi doonaa, Laakiinse kii waxmatarayaal raacaa wuxuu ka dhergi doonaa caydhnimo.

28:20b.PRO.028.020 Ninkii aamin ahu aad buu u barakoobi doonaa, Laakiinse kii taajirnimo ku degdegaa ma taqsiir la'aan doono.

28:21b.PRO.028.021 Ma wanaagsana in dadka loo kala eexdo, Iyo inuu nin xabbad kibis ah u xadgudbo toona.

28:22b.PRO.028.022 Kii taajirnimo ku degdegaa waa qumay, Mana oga inuu caydhoobi doono.

28:23b.PRO.028.023 Kii nin canaantaa wuxuu marka dambe heli doonaa Raallinimo ka badan kan carrabka ku faaniya.

28:24b.PRO.028.024 Kii aabbihiis ama hooyadiis wax ka dhaca oo haddana yidhaahda, Taasu xadgudub ma aha, Wuxuu saaxiib la yahay kii wax dumiya.

28:25b.PRO.028.025 Kii hunguri weynu muran buu kiciyaa, Laakiinse kii Rabbiga isku halleeya waa la barwaaqaysiin doonaa.

28:26b.PRO.028.026 Kii qalbigiisa isku halleeyaa waa nacas, Laakiinse ku alla kii si caqli ah u socda waa la samatabbixin doonaa.

28:27b.PRO.028.027 Kii miskiinka wax siiyaa ma baahan doono, Laakiinse kii indhaha ka qarsada aad baa loo habaari doonaa.Markii kuwa sharka lahu kacaan dadku waa dhuuntaa, Laakiinse markay halligmaan, kuwa xaqa ahu way sii kordhaan.

28:28b.PRO.028.028 Markii kuwa sharka lahu kacaan dadku waa dhuuntaa, Laakiinse markay halligmaan, kuwa xaqa ahu way sii kordhaan.

29

29:1b.PRO.029.001 Kii inta wax badan la canaanto ka madax adkaadaa, Dhaqso buu u jabi doonaa, dawona ma leh.

29:2b.PRO.029.002 Markii kuwa xaqa ahu amarka haystaan, dadku wuu reyreeyaa, Laakiinse markii kuwa sharka lahu xukunka wataan, dadku wuu taahaa.

29:3b.PRO.029.003 Kii xigmad jecelu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse kii dhillooyin raacaa maalkiisuu khasaariyaa.

29:4b.PRO.029.004 Boqorku gar buu dalka ku dhisaa, Laakiinse kii laaluush jecelu wuu dumiyaa.

29:5b.PRO.029.005 Ninkii deriskiisa faaniyaa Shabag dabin ah ayuu cagihiisa hor dhigaa.

29:6b.PRO.029.006 Ninkii shar ah xadgudubkiisa waxaa ku jira dabin, Laakiinse kii xaq ahu waa iska heesaa oo reyreeyaa.

29:7b.PRO.029.007 Kii xaq ahu wuxuu ka war hayaa dacwadda masaakiinta, Laakiinse kii shar ahu ma yaqaan aqoontaas.

29:8b.PRO.029.008 Kuwa wax quudhsadaa magaalay dab qabadsiiyaan, Laakiinse kuwa caqliga lahu cadhay qabowjiyaan.

29:9b.PRO.029.009 Haddii nin caqli leh nin nacas ah la doodo, Nasasho ma jirto hadduu cadhoodo iyo hadduu qosloba.

29:10b.PRO.029.010 Dhiigyocabyadu kii kaamil ah way neceb yihiin, Laakiinse kuwa qumman waxay doondoonaan inay naftiisa badbaadshaan.

29:11b.PRO.029.011 Nacasku cadhadiisa oo dhan buu soo saaraa, Laakiinse kii caqli lahu dib buu u ceshadaa, wuuna aamusnaadaa.

29:12b.PRO.029.012 Haddii taliye been dhegaysto, Midiidinyadiisa oo dhammu waa wada shar miidhan.

29:13b.PRO.029.013 Miskiinka iyo khaayinku way wada kulmaan, Oo labadoodaba Rabbigu indhahooduu iftiimiyaa.

29:14b.PRO.029.014 Boqorkii daacadnimo masaakiinta ugu xukuma, Carshigiisu wuu dhisnaan doonaa weligiisba.

29:15b.PRO.029.015 Usha iyo canaantu caqli bay keenaan, Laakiinse ilmihii layska daayaa ceeb buu hooyadiis u soo jiidaa.

29:16b.PRO.029.016 Markii kuwa sharka lahu bataan, xadgudub baa sii kordha, Laakiinse kuwa xaqa ah ayaa dhiciddooda arki doona.

29:17b.PRO.029.017 Wiilkaaga edbi, oo isna wuu ku nasin doonaa, Haah, naftaada wuu ka farxin doonaa.

29:18b.PRO.029.018 Markii aan muujinu jirin dadku waa halligmaa, Laakiinse kii sharciga dhawraa waa barakaysan yahay.

29:19b.PRO.029.019 Addoon hadal kuma edeb yeesho, Waayo, in kastoo uu garanayo ka jawaabi maayo.

29:20b.PRO.029.020 Ma aragtay nin hadalkiisa ku degdega? Kaas waxaa ka rajo roon nacas.

29:21b.PRO.029.021 Kii addoonkiisa si wanaagsan u soo koriya tan iyo yaraantiisa, Ugu dambaysta wiil buu u noqon doonaa.

29:22b.PRO.029.022 Ninkii xanaaq badanu muran buu kiciyaa. Ninkii cadho kululuna xadgudub buu badsadaa.

29:23b.PRO.029.023 Nin kibirkiisu hoos buu u dejin doonaa, Laakiinse kii is-hoosaysiiyaa sharaf buu heli doonaa.

29:24b.PRO.029.024 Ku alla kii tuug la shirkoobaa naftiisuu nacaa, Habaarkuu maqlaa, laakiinse waxba kama sheego.

29:25b.PRO.029.025 Dadka ka cabsashadiisu wax bay dabtaa, Laakiinse kii Rabbiga isku halleeyaa wuu nabad geli doonaa.

29:26b.PRO.029.026 Kuwo badan baa taliyaha raallinimo ka doona, Laakiinse dadka garsooriddiisu waxay ka timaadaa xagga Rabbiga.Ninkii xaqdaranu waa u karaahiyo kuwa xaqa ah, Oo kii jidka ku qummanuna waa u karaahiyo kii shar ah.

29:27b.PRO.029.027 Ninkii xaqdaranu waa u karaahiyo kuwa xaqa ah, Oo kii jidka ku qummanuna waa u karaahiyo kii shar ah.

30

30:1b.PRO.030.001 Kuwanu waa erayadii Aaguur ina Yaaqeh, oo ahaa reer Masaa. Ninku wuxuu la hadlay Iitii'eel, iyo xataa Iitii'eel iyo Ukaal, oo ku yidhi,

30:2b.PRO.030.002 Hubaal anigu waan ka doqonnimo weynahay nin kastaba, Oo dad waxgarashadiisana ma lihi.

30:3b.PRO.030.003 Xigmad ma aan baran, Aqoonta Kan quduuska ahna ma aqaan.

30:4b.PRO.030.004 Yaa samada u baxay, oo ka soo degay? Yaa dabaysha gacmihiisa ku soo ururshay? Yaa biyaha dharkiisa ku guntay? Yaa dhulka darafyadiisa oo dhan dhisay? Magicii, wiilkiisana magicii, haddaad taqaan?

30:5b.PRO.030.005 Eray kasta oo Ilaah waa daahir; Oo isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isaga aaminsan.

30:6b.PRO.030.006 Erayadiisa waxba ha ku darin, Waaba intaas oo uu ku canaantaa, oo lagu ogaadaa inaad beenaaleh tahay.

30:7b.PRO.030.007 Laba waxyaalood ayaan ku weyddiistay, Iyaga ha ii diidin intaanan dhiman.

30:8b.PRO.030.008 Wax aan waxtar lahayn iyo been iga fogee, Oo caydhnimo iyo taajirnimo midna ha i siin. Igu quudi cunto aanan ka maarmin,

30:9b.PRO.030.009 Waaba intaasoo intaan dhergo, aan adiga ku inkiraaye, oo aan idhaahdaa, Waa ayo Rabbigu? Amase waaba intaasoo aan miskiin noqdaa, oo intaan wax xado, Aan magaca Ilaahayga si been ah ugu hadal qaadaaye.

30:10b.PRO.030.010 Addoon sayidkiisa xan ha uga sheegin, Waaba intaas oo uu ku habaaraa, oo eed lagugu helaaye.

30:11b.PRO.030.011 Waxaa jira farcan aabbahood inkaara, Oo aan hooyadoodna u ducayn.

30:12b.PRO.030.012 Waxaa jira farcan isla daahirsan, Oo weliba aan nijaastoodii ka maydhmin.

30:13b.PRO.030.013 Waxaa jira farcan indhahoodu aad u sarreeyaan! Oo daboolka indhahoodana kor bay u qaadaan.

30:14b.PRO.030.014 Waxaa jira farcan ilkahoodu sida seefo oo kale yihiin, oo gowsahooduna sida mindiyo oo kale yihiin, Si ay masaakiinta dhulka uga baabbi'iyaan, oo ay kuwa baahanna dadka dhexdiisa uga dhammeeyaan.

30:15b.PRO.030.015 Culaacushu waxay leedahay laba gabdhood, oo leh, Na sii, Na sii. Waxaa jira saddex waxyaalood oo aan weligood dhergin, Haah, oo afar aan odhan, Bes, nagu filan;

30:16b.PRO.030.016 Waxaana weeye qabriga, iyo maxalka aan wax dhalayn, Iyo dhulka aan biyo ka dhergayn, Iyo dabka aan odhan, Bes, igu filan.

30:17b.PRO.030.017 Isha aabbaheed ku majaajiloota, Oo quudhsata inay hooyadeed addeecdo, Waxaa la soo bixi doona tukayaasha dooxada, Oo waxaa cuni doona gorgorrada.

30:18b.PRO.030.018 Waxaa jira saddex waxyaalood oo anigu aan aad ula yaabo, Haah, afar baan garan waayay,

30:19b.PRO.030.019 Oo iyana waxaa weeye siduu gorgor hawada u duulo, Siduu masna dhagax ugu socdo, Siday doonnina badda u maaxdo, Iyo siduu nin gabadh ula macaamiloodo.

30:20b.PRO.030.020 Sidaas oo kale waxaa ah naag dhillo ah sideeda, Taasoo intay wax cunto afka tirtirta, Oo haddana tidhaahda, Anigu waxba xumaan ma aan samayn.

30:21b.PRO.030.021 Saddex waxyaalood ayaa dhulku la gariiraa, Oo afar baanu qaadan karin,

30:22b.PRO.030.022 Waxaana weeye addoon markuu boqor noqdo, Iyo nacas markuu cunto ka dhergo,

30:23b.PRO.030.023 Iyo naag la nacay markay guursato, Iyo gabadh addoon ahu markay sayidaddeedii meesheeda gasho.

30:24b.PRO.030.024 Waxaa jira afar waxyaalood oo dhulka ku yaryar, Laakiinse aad iyo aad u caqli badan.

30:25b.PRO.030.025 Qudhaanjadu waa sida dad aan xoog badnayn, Laakiinse waxay cuntadooda soo diyaarsadaan guga.

30:26b.PRO.030.026 Walooyinku waa qoon taagdaran, Oo haddana waxay guryahooda ka samaystaan dhagaxyada dhexdooda;

30:27b.PRO.030.027 Ayaxu boqor ma leh, Weliba dhammaantood guuto guuto ayay u socdaan.

30:28b.PRO.030.028 Qorratadu waa wax gacanta lagu qaban karo, Weliba waxay joogtaa guryaha boqorrada.

30:29b.PRO.030.029 Waxaa jira saddex waxyaalood oo si fiican u socda, Haah, oo afar waa socod wanaagsan yihiin.

30:30b.PRO.030.030 Aar libaax oo ah kan xayawaanka ugu xoogga badan, Oo aan weliba midna dib uga noqon,

30:31b.PRO.030.031 Diiqa xarragoonaya, iyo orgiga; Iyo boqorka aanay dadku gees ka ahayn.

30:32b.PRO.030.032 Haddaad nacasnimo samaysay adoo isa sarraysiinaya, Ama aad wax shar ah ka fikirtay, Gacanta afka saar.Waayo, caanihii la lulaa subag bay soo saaraan, Sankii la maroojiyaana dhiig buu keenaa, Sidaas oo kalena cadhadii la qasbaa dirir bay keentaa.

30:33b.PRO.030.033 Waayo, caanihii la lulaa subag bay soo saaraan, Sankii la maroojiyaana dhiig buu keenaa, Sidaas oo kalena cadhadii la qasbaa dirir bay keentaa.

31

31:1b.PRO.031.001 Kuwanu waa erayadii Lemuu'eel oo ahaa boqorkii Masaa ay hooyadiis bartay isaga.

31:2b.PRO.031.002 Waa maxay, wiilkaygiiyow? Waa maxay, wiilkii uurkaygow? Waa maxay, wiilkii nidarradaydow?

31:3b.PRO.031.003 Xooggaaga naago ha siinin, Dawyadaadana ha siinin kuwa boqorrada dumiya.

31:4b.PRO.031.004 Lemuu'eelow, uma eka boqorrada, uma eka boqorradu inay khamri cabbaan, Oo amiirradana uma eka inay waxa lagu sakhraamo damcaan,

31:5b.PRO.031.005 Waaba intaasoo ay cabbaan, oo ay sharciga illoobaan, Oo ay kuwa dhibaataysan midkood gartiisa qalloociyaan.

31:6b.PRO.031.006 Waxa lagu sakhraamo siiya ka dhimashada ku dhow, Oo khamrigana waxaad siisaan kuwa naftoodu la qadhaadhaatay.

31:7b.PRO.031.007 Ha cabbo, oo caydhnimadiisa ha illoobo, Oo dhibaatadiisana yaanu mar dambe soo xusuusan innaba.

31:8b.PRO.031.008 Afka u fur carrablaawaha aawadiis, Si aad kuwa baabba'aya oo dhan u xaq mariso.

31:9b.PRO.031.009 Afka fur, oo si xaq ah u garsoor, Oo miskiinka iyo saboolka baahanba gartooda u qaad.

31:10b.PRO.031.010 Bal yaa heli kara naag wanaagsan? Waayo, qiimaheedu waa ka sii badan yahay xataa luul.

31:11b.PRO.031.011 Waayo, qalbiga ninkeedu iyaduu isku halleeyaa, Oo isagu innaba uma baahnaan doono wax booli ah.

31:12b.PRO.031.012 Cimrigeeda oo dhan isaga wanaag bay u samayn doontaa, Oo innaba xumaan kuma samayn doonto.

31:13b.PRO.031.013 Waxay doondoontaa dhogor idaad iyo geed linen la yidhaahdo. Oo iyadoo raalli ku ah ayay gacmaheeda ku shaqaysaa.

31:14b.PRO.031.014 Iyadu waa sida doonniyaha baayacmushtariga, Oo cuntadeeda waxay ka keentaa meel fog.

31:15b.PRO.031.015 Waxay kacdaa iyadoo weli ay habeennimo tahay, Oo dadka reerkeeda ayay cunto siisaa, Oo gabdhaheedana hawshooday siisaa,

31:16b.PRO.031.016 Iyadu waxay ka fikirtaa beer, wayna soo iibsataa, Oo midhaha gacmaheeda ayay beercanab ku beerataa.

31:17b.PRO.031.017 Waxay dhexda ku xidhataa xoog, Oo gacmaheedana way xoogaysaa.

31:18b.PRO.031.018 Waxay eegtaa in baayacmushtarigeedu wanaagsan yahay; Laambaddeeduna habeenkii ma bakhtido.

31:19b.PRO.031.019 Waxay gacmaheeda ku fidisaa dunmiiqa, Oo sacabbadeeduna waxay qabtaan usha wareegta.

31:20b.PRO.031.020 Waxay sacabkeeda u furtaa miskiinka, Oo gacmaheedana waxay u fidisaa saboolka baahan.

31:21b.PRO.031.021 Dadka reerkeeda ugama cabsato dhaxanta barafka cad, Waayo, xaaskeeda oo dhammu waxay wada qabaan dhar labanlaab ah.

31:22b.PRO.031.022 Waxay samaysataa durraaxado daabac leh, Oo dharkeeduna waxaa weeye dhar aad u wanaagsan oo guduudan.

31:23b.PRO.031.023 Ninkeedana waxaa laga yaqaan irdaha magaalada, Markuu dhex fadhiisto waayeellada waddanka.

31:24b.PRO.031.024 Waxay samaysaa dhar wanaagsan, wayna iibisaa, Oo baayacmushtarigana waxay ka iibisaa boqorro dhexda lagu xidho.

31:25b.PRO.031.025 Xoog iyo sharaf ayaa iyada dhar u ah; Oo wakhtiga soo socda way ku qososhaa.

31:26b.PRO.031.026 Afkeeda waxay u kala qaaddaa xigmad; Oo carrabkeedana waxaa saaran sharciga raxmadda.

31:27b.PRO.031.027 Waxay aad u xannaanaysaa reerkeeda, Oo kibista caajisnimadana ma cunto.

31:28b.PRO.031.028 Carruurteedu way kacaan oo waxay ugu yeedhaan tan barakaysan, Oo weliba ninkeeduna wuu ammaanaa, isagoo leh;

31:29b.PRO.031.029 Dumar badan baa wanaag sameeyey, Laakiinse adigu waad ka sii wanaagsan tahay dhammaantood.

31:30b.PRO.031.030 Suuradwacnaantu waa khiyaano miidhan, oo quruxduna waa ciiryaamo oo kale, Laakiinse naagtii Rabbiga ka cabsata waa la ammaani doonaa.Midhihii gacmaheeda wax ka siiya, Oo shuqulladeeduna iyada ha ku ammaaneen irdaha magaalada.

31:31b.PRO.031.031 Midhihii gacmaheeda wax ka siiya, Oo shuqulladeeduna iyada ha ku ammaaneen irdaha magaalada.


Holder of rights
Multilingual Bible Corpus

Citation Suggestion for this Object
TextGrid Repository (2025). Somali Collection. Proverbs (Somali). Proverbs (Somali). Multilingual Parallel Bible Corpus. Multilingual Bible Corpus. https://hdl.handle.net/21.11113/0000-0016-B81D-9