2 Kings (Somali)
1
1:1b.2KI.001.001 Oo markii Axaab dhintay dabadeed ayaa reer Moo'aab ku caasiyoobeen dalka Israa'iil.
1:2b.2KI.001.002 Oo Axasyaahna wuxuu ka dhacay daaqaddii qolkiisii sare oo Samaariya ku yiil, wuuna bukooday, markaasuu wargeeyayaal diray, oo wuxuu ku yidhi, Taga oo Bacal Sebuub oo ah ilaaha reer Ceqroon waxaad ii soo weyddiisaan bal inaan buktadan ka bogsanayo iyo in kale.
1:3b.2KI.001.003 Laakiinse malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi Eliiyaah kii reer Tishbii, Kac oo ka hor tag wargeeyayaasha boqorka Samaariya, oo waxaad ku tidhaahdaa, War ma Ilaah baan joogin dalka Israa'iil, oo saas aawadeed baad Bacal Sebuub wax u soo weyddiinaysaan?
1:4b.2KI.001.004 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Sariirta aad fuushay ka soo degan maysid, laakiinse hubaal waad dhimanaysaa. Dabadeedna Eliiyaah waa iska tegey.
1:5b.2KI.001.005 Kolkaasaa wargeeyayaashii isagii ku soo noqdeen, oo isna wuxuu ku yidhi, War maxaad u soo noqoteen?
1:6b.2KI.001.006 Oo iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, War nin baa naga hor yimid, oo wuxuu nagu yidhi, Taga, oo boqorkii idin soo diray ku noqda, oo waxaad ku tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu leeyahay, War ma Ilaah baan joogin dalka Israa'iil, oo saas aawadeed baad u cid diranaysaa in wax la soo weyddiiyo Bacal Sebuub oo ah ilaaha reer Ceqroon? Haddaba sariirta aad fuushay ka soo degan maysid, laakiinse hubaal waad dhimanaysaa.
1:7b.2KI.001.007 Oo isna wuxuu iyagii ku yidhi, Ninkii idinka hor yimid oo waxakan idiin sheegay nin caynkee ah buu ahaa?
1:8b.2KI.001.008 Oo iyana waxay isagii ugu jawaabeen, Wuxuu ahaa nin xaad badan, oo suun meged ahna dhexduu ku xidhnaa. Markaasuu yidhi, Kaasu waa Eliiyaah kii reer Tishbii.
1:9b.2KI.001.009 Markaasaa boqorkii wuxuu u diray sirkaal konton xukuma oo wata kontonkiisii ninba. Isna kor buu ugu baxay, oo bal eeg, buur korkeed buu fadhiyey, oo intuu la hadlay buu ku yidhi, War nin yahow Ilaah, boqorkii wuxuu kugu soo yidhi, Soo deg oo kaalay.
1:10b.2KI.001.010 Oo Eliiyaahna wuxuu ugu jawaabay sirkaalkii kontonka nin xukumay, Haddaan nin Ilaah ahay, samada dab ha ka soo dego, oo ha baabbi'iyo adiga iyo kontonkaaga ninba. Kolkaasaa waxaa samada ka soo degay dab, oo wuxuu wada baabbi'iyey isagii iyo kontonkiisii ninba.
1:11b.2KI.001.011 Oo haddana wuxuu isagii u diray sirkaal kale oo konton nin xukuma ee isna wata kontonkiisii. Oo isna intuu u jawaabay buu ku yidhi, War nin yahow Ilaah, waxaa boqorkii kugu soo yidhi, Soo deg oo haddiiba kaalay.
1:12b.2KI.001.012 Markaasaa Eliiyaah ugu jawaabay, Haddaan nin Ilaah ahay, samada dab ha ka soo dego, oo ha baabbi'iyo adiga iyo kontonkaaga ninba. Kolkaasaa waxaa samada ka soo degay dabkii Ilaah, oo wuxuu wada baabbi'iyey isagii iyo kontonkiisii ninba.
1:13b.2KI.001.013 Oo haddana boqorkii wuxuu isagii u diray sirkaal saddexaad oo konton nin xukuma ee kontonkiisii nin wata. Oo sirkaalkii saddexaad oo kontonka nin xukumayna kor buu ugu baxay, oo intuu u yimid ayuu Eliiyaah hortiisa jilbo u dhacay oo baryay, oo wuxuu ku yidhi, War nin yahow Ilaah, waan ku baryayaaye naftayda iyo kontonkan nin oo addoommadaada ah naftooda hortaada qaali ha ku noqdeen.
1:14b.2KI.001.014 Waayo, bal eeg, dab baa samada ka soo degay oo wada baabbi'iyey labadii sirkaal oo iga soo horreeyey iyo kontonkoodiiba, laakiinse haatan naftaydu hortaada qaali ha ku noqoto.
1:15b.2KI.001.015 Markaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay Eliiyaah ku tidhi, Tag oo isaga raac; hana ka cabsan. Kolkaasuu kacay oo intuu isagii la dhaadhacay ayuu boqorkii u tegey.
1:16b.2KI.001.016 Oo wuxuu isagii ku yidhi, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Waxaad wargeeyayaal u soo dirtay inaad Bacal Sebuub oo ah ilaaha reer Ceqroon wax soo weyddiiso ee sababtu ma waxay tahay inaan dalka Israa'iil jirin Ilaah aad hadalkiisa wax weyddiiso? Haddaba sidaas daraaddeed sariirtii aad fuushay ka soo degan maysid, laakiinse hubaal waad dhimanaysaa.
1:17b.2KI.001.017 Markaasuu u dhintay sidii Eraygii Rabbiga oo Eliiyaah ku hadlay ahaa. Oo Yehooraam ayaa boqor ka noqday meeshiisii, oo taasuna waxay dhacday Yehooraam ina Yehooshaafaad oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah sannaddiisii labaad, maxaa yeelay, isagu wiil ma uu lahayn.Haddaba Axasyaah falimihiisii kale ee uu sameeyey sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
1:18b.2KI.001.018 Haddaba Axasyaah falimihiisii kale ee uu sameeyey sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
2
2:1b.2KI.002.001 Oo markii Rabbigu doonayay inuu Eliiyaah samada dabayl cirwareen ah ugu qaado ayaa Eliiyaah wuxuu Gilgaal ka raacay Eliishaa.
2:2b.2KI.002.002 Markaasaa Eliiyaah wuxuu Eliishaa ku yidhi, Waan ku baryayaaye halkan iska joog, waayo, Rabbigu wuxuu ii diray tan iyo Beytel. Oo Eliishaana wuxuu yidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Sidaas daraaddeed waxay ku wada dhaadhaceen Beytel.
2:3b.2KI.002.003 Oo qoonkii nebiyada ahaa oo Beytel joogay ayaa Eliishaa u soo baxay, oo waxay ku yidhaahdeen, War ma og tahay in Rabbigu maanta sayidkaaga kaa qaadi doono? Oo isna wuxuu ku yidhi, Haah, waan ogahaye iska aamusa.
2:4b.2KI.002.004 Markaasaa Eliiyaah wuxuu ku yidhi isagii, Eliishaa, waan ku baryayaaye halkan iska joog, waayo, Rabbigu haddana wuxuu ii diray Yerixoo. Oo isna wuxuu yidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Sidaas daraaddeed waxay yimaadeen Yerixoo.
2:5b.2KI.002.005 Oo haddana qoonkii nebiyada ahaa oo Yerixoo joogay ayaa Eliishaa u soo dhowaaday, oo waxay ku yidhaahdeen, War ma og tahay in Rabbigu maanta sayidkaaga kaa qaadi doono? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Haah, waan ogahaye iska aamusa.
2:6b.2KI.002.006 Markaasaa Eliiyaah wuxuu ku yidhi isagii, Waan ku baryayaaye halkan iska joog, waayo, Rabbigu wuxuu ii diray Webi Urdun. Oo isna wuxuu ku yidhi, Waxaan ku dhaartay nolosha Rabbiga iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Markaasay labadiiba israaceen.
2:7b.2KI.002.007 Oo waxaa tegey konton nin oo qoonkii nebiyada ahaa ah, oo waxay istaageen meel hortooda ah oo cabbaar ka fog; oo labadoodiina waxay istaageen Webi Urdun agtiisa.
2:8b.2KI.002.008 Markaasaa Eliiyaah go'iisii qaaday oo duudduubay, oo biyihii ku dhuftay, iyana xagga iyo xagga ayay u kala qaybsameen, sidaas daraaddeed labadoodiiba waxay mareen dhul engegan.
2:9b.2KI.002.009 Oo haddana markii ay ka gudbeen, Eliiyaah wuxuu Eliishaa ku yidhi, War intaan layga kaa qaadin ka hor i weyddiiso wax aan kuu sameeyo. Markaasaa Eliishaa yidhi, Waan ku baryayaaye ruuxaaga labanlaabkiis ha igu soo dego.
2:10b.2KI.002.010 Isna wuxuu yidhi, Wax aad u adag baad i weyddiisatay; habase yeeshee haddaad i aragtid markii layga kaa qaado, sidaasay kuu ahaanaysaa, haddii kalese saas ahaan mayso.
2:11b.2KI.002.011 Oo intii ay sii socdeen, oo ay sheekaysanayeen ayaa waxaa u muuqday gaadhifaras dab ah iyo fardo dab ah, oo labadoodii bay kala dhex mareen, markaasaa Eliiyaah wuxuu kor u raacay dabayl cirwareen ah oo wuxuu galay samada.
2:12b.2KI.002.012 Oo Eliishaana taas wuu arkay, oo wuxuu ku qayliyey, Aabbow, Aabbow, gaadhifardoodkii dadkii Israa'iil iyo raggoodii fardooleyda ahaa! Oo isna mar dambe uma uu jeedin; oo dharkiisii buu intuu ku dhegay laba inood u kala jeexay.
2:13b.2KI.002.013 Markaasuu qaaday Eliiyaah go'iisii ka dhacay, oo dib buu u noqday oo soo istaagay Webi Urdun qarkiisa.
2:14b.2KI.002.014 Oo wuxuu qaaday Eliiyaah go'iisii ka dhacay, oo intuu biyihii ku dhuftay ayuu yidhi, Meeh Rabbiga ah Ilaaha Eliiyaah? Oo markuu biyihii ku dhuftay ayay xagga iyo xagga u kala qaybsameen; markaasaa Eliishaa ka gudbay.
2:15b.2KI.002.015 Oo qoonkii nebiyada ahaa oo Yerixoo joogay ee isaga ka soo hor jeeday markay arkeen waxay yidhaahdeen, Eliiyaah ruuxiisii wuxuu ku dul hadhay Eliishaa. Oo intay isagii ka hor yimaadeen ayay hortiisa ku sujuudeen.
2:16b.2KI.002.016 Oo iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, War waannu ku baryaynaaye annagoo addoommadaada ah waxaa nala jira konton nin oo xoog leh, haddaba iyagu ha tageen oo sayidkaagii ha dooneen, waayo, waaba intaasoo Ruuxa Rabbigu isagii qaaday, oo uu ku xooray buur dusheed ama dooxo. Oo isna wuxuu yidhi, Waa inaydaan cid dirin.
2:17b.2KI.002.017 Oo way ku sii adkeeyeen ilaa uu xishooday, kolkaasuu yidhi, Dira. Sidaas daraaddeed waxay direen konton nin; oo waxay isagii doondoonayeen saddex maalmood, laakiinse sooma ay helin.
2:18b.2KI.002.018 Markaasay u soo noqdeen isagoo weli Yerixoo iska jooga; oo wuxuu ku yidhi, Sow idinkuma odhan, Ha tegina?
2:19b.2KI.002.019 Markaasaa dadkii magaaladu waxay Eliishaa ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye bal eeg, meeshay magaaladanu taal way wanaagsan tahay sidaad aragto, sayidkayagow, laakiinse biyuhu way xun yihiin, oo dhulkuna si wanaagsan wax uma bixiyo.
2:20b.2KI.002.020 Isna wuxuu yidhi, Waxaad ii keentaan weel cusub oo cusbo ku soo shuba. Oo iyana way u keeneen.
2:21b.2KI.002.021 Oo isna wuxuu tegey ishii biyaha, oo intuu cusbo ku tuuray ayuu yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Biyahan waan bogsiiyey. Oo hadda ka dib ma yeelan doonaan dhimasho iyo waxbixinla'aan toona.
2:22b.2KI.002.022 Sidaas daraaddeed biyihii way bogsadeen ilaa maantadan la joogo, oo way noqotay sidii eraygii Eliishaa ku hadlay.
2:23b.2KI.002.023 Markaasuu halkaas uga kacay Beytel, oo intuu jidka sii socday ayaa carruur yaryaru magaaladii ka soo baxday oo ku majaajiloodeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Bidaar weyne bax, bidaar weyne bax.
2:24b.2KI.002.024 Oo isna markaasuu gadaashiisa dhugtay oo arkay iyagii, oo magicii Rabbiga ayuu ku habaaray. Markaasaa dhirtii waxaa ka soo baxay laba orso oo dhaddig oo waxay dildillaacsadeen laba iyo afartan carruurtii ka mid ahaa.Oo isna halkaasuu uga kacay Buur Karmel, markaasuu meeshaas uga noqday Samaariya.
2:25b.2KI.002.025 Oo isna halkaasuu uga kacay Buur Karmel, markaasuu meeshaas uga noqday Samaariya.
3
3:1b.2KI.003.001 Haddaba Yehooraam ina Axaab ayaa dadka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, taasuna waxay ahayd sannaddii siddeed iyo tobnaad ee Yehooshaafaad boqorkii dalka Yahuudah, oo wuxuuna boqor ahaa laba iyo toban sannadood.
3:2b.2KI.003.002 Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, laakiinse uma samayn sidii aabbihiis iyo sidii hooyadiis u sameeyeen oo kale, waayo, wuu riday tiirkii Bacal oo aabbihiis sameeyey.
3:3b.2KI.003.003 Habase yeeshee wuxuu ku dhegay dembigii Yaaraabcaam ina Nebaad, ee uu dadkii Israa'iil dembaajiyey, kaas kama uu tegin.
3:4b.2KI.003.004 Haddaba boqorkii reer Moo'aab oo Meeshaac ahaa ido buu lahaa, oo wuxuu boqorkii dalka Israa'iil baad u siin jiray boqol kun oo baraar ah, iyo boqol kun oo wan dhogortood.
3:5b.2KI.003.005 Laakiinse markii Axaab dhintay ayaa boqorkii Moo'aab ku caasiyoobay boqorkii dalka Israa'iil.
3:6b.2KI.003.006 Oo markaasaa Boqor Yehooraam ka baxay Samaariya, oo wuxuu soo safay dadkii Israa'iil oo dhan.
3:7b.2KI.003.007 Oo intuu tegey ayuu u cid dirtay Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Waxaa igu caasiyoobay boqorkii Moo'aab, haddaba ma i raacaysaa aan Moo'aab la dirirnee? Isna wuxuu yidhi, Haah, waan ku raacayaa, waayo, waxaan ahay adigoo kale, dadkayguna waa sida dadkaaga oo kale, fardahayguna waa sida fardahaaga oo kale.
3:8b.2KI.003.008 Oo isna wuxuu yidhi, War jidkee baynu maraynaa? Markaasuu ugu jawaabay, Jidka cidlada Edom.
3:9b.2KI.003.009 Sidaas daraaddeed waxaa israacay boqorkii dalka Israa'iil, iyo boqorkii dalka Yahuudah, iyo boqorkii dalka Edom; oo waxay wareegeen meel toddoba maalmood loo socdo; oo ciidankii iyo xayawaankii la socday toona biyo ma helin.
3:10b.2KI.003.010 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu yidhi, Hoogay! waayo, Rabbigu wuxuu saddexdayadan boqor isugu yeedhay inuu gacanta reer Moo'aab na geliyo.
3:11b.2KI.003.011 Laakiinse Yehooshaafaadba wuxuu yidhi, War sow ma joogo nin ah Rabbiga nebigiis aan Rabbiga wax ka weyddiinnee? Oo mid ka mid ah boqorkii dalka Israa'iil addoommadiisii ayaa ugu jawaabay, Waxaa jooga Eliishaa ina Shaafaad oo biyo ku shubi jiray Eliiyaah gacmihiisii.
3:12b.2KI.003.012 Markaasaa Yehooshaafaad wuxuu yidhi, Isaga Eraygii Rabbigaa la jira. Kolkaasay boqorkii dalka Israa'iil, iyo Yehooshaafaad, iyo boqorkii Edomba isagii u tageen.
3:13b.2KI.003.013 Markaasaa Eliishaa wuxuu boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, War maxaa inaga dhexeeya? Nebiyadii aabbahaa iyo nebiyadii hooyadaa u tag. Oo boqorkii dalka Israa'iilna wuxuu ku yidhi, Maya, waayo, Rabbigu wuxuu saddexdayadan boqor isugu yeedhay inuu gacanta reer Moo'aab na geliyo.
3:14b.2KI.003.014 Oo Eliishaana wuxuu yidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbiga ciidammada oo aan hor taagnahay noloshiisa ee hubaal haddii aanan xurmaynayn horjoogidda Yehooshaafaad oo ah boqorka dalka Yahuudah, xaggaaga ma aanan fiiriyeen kuna arkeen.
3:15b.2KI.003.015 Haddaba waxaad ii keentaan nin kataarad wada. Oo markii ninkii kataaraddii ka dhawaajiyey ayaa gacantii Rabbigu ku soo degtay isagii.
3:16b.2KI.003.016 Oo wuxuu yidhi, Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Dooxadan boholo miidhan ka dhiga.
3:17b.2KI.003.017 Waayo, waxaa Rabbigu leeyahay, Dabayl ma arki doontaan, roobna ma arki doontaan, laakiin dooxadaas waxaa ka buuxsami doona biyo, oo idinna waad cabbi doontaan idinka, iyo lo'diinna, iyo xoolihiinnuba.
3:18b.2KI.003.018 Oo taasu Rabbiga hortiisa waa ku fudud dahay; oo weliba isagu reer Moo'aabna gacantiinnuu soo gelin doonaa.
3:19b.2KI.003.019 Oo waa inaad dumisaan magaalo kasta oo deyr leh, iyo magaalo kasta oo la doortay, oo geed kasta oo wanaagsan waa inaad jartaan, oo waxaad xidhaan ilo walba oo biyo ah, oo waxaad dhul kasta oo wanaagsan ku hallaysaan dhagaxyo.
3:20b.2KI.003.020 Oo subaxdii dambe markii allabariga la bixin jiray goor ku dhow ayaa biyo ka yimaadeen xagga Edom, oo waddankiina biyaa ka buuxsamay.
3:21b.2KI.003.021 Haddaba markay reer Moo'aab maqleen in boqorradii ay yimaadeen inay la dagaallamaan ayaa waxaa is-urursaday dhammaan kuwii hub qaadi karay iyo kuwii ka weynaa, oo waxay istaageen soohdinta.
3:22b.2KI.003.022 Oo iyana waxay kaceen aroor hore, oo qorraxdiina biyihii bay dhalaalisay, oo reer Moo'aabna waxay arkeen biyihii hortooda ka muuqday oo guduudan sida dhiig oo kale.
3:23b.2KI.003.023 Markaasay yidhaahdeen, War waxanu waa dhiig, hubaal boqorradii waa islaayeen oo nin waluba saaxiibkiis buu dilay; haddaba, reer Moo'aabow, xagga dhaca u kaca.
3:24b.2KI.003.024 Oo markay yimaadeen xeradii dadka Israa'iil ayaa dadka Israa'iil ku kaceen oo laayeen reer Moo'aab; iyana way ka carareen hortooda, oo dadka Israa'iilna dhulkii bay hore u galeen iyagoo reer Moo'aab laynaya.
3:25b.2KI.003.025 Oo magaalooyinkii way burburiyeen, oo dhul kasta oo fiicanna nin waluba dhagaxiisii buu ku tuuray, oo way buuxiyeen; oo ilihii biyaha ahaa oo dhanna way wada xidheen, oo geedihii wanaagsanaa oo dhanna way wada jareen, ilaa ay Qiir Xaresed oo keliya dhagxanteedii u daayeen, habase yeeshee wadhafleydii ayaa isku wareejisay oo ku dhufatay.
3:26b.2KI.003.026 Oo boqorkii reer Moo'aab markuu arkay in dagaalku ku kulul yahay ayuu kaxaystay toddoba boqol oo nin ee seefqaad wada ah si uu ugu gudbo xagga boqorka Edom, laakiinse way kari waayeen.Markaasuu kaxaystay wiilkiisii curadka ahaa oo meeshiisa boqor ka noqon lahaa, oo derbiga korkiisa ayuu sida allabari la gubo ugu bixiyey. Oo dadka Israa'iilna cadho weyn baa loo qabay, oo iyana way ka tageen isagii, oo waxay ku noqdeen dalkoodii.
3:27b.2KI.003.027 Markaasuu kaxaystay wiilkiisii curadka ahaa oo meeshiisa boqor ka noqon lahaa, oo derbiga korkiisa ayuu sida allabari la gubo ugu bixiyey. Oo dadka Israa'iilna cadho weyn baa loo qabay, oo iyana way ka tageen isagii, oo waxay ku noqdeen dalkoodii.
4
4:1b.2KI.004.001 Haddaba waxaa Eliishaa u qaylisay naag u dhaxday qoonkii nebiyada ahaa midkood, oo waxay ku tidhi, Ninkaygii oo addoonkaaga ahaa waa dhintay, oo adna waad og tahay inuu addoonkaagu Rabbiga ka cabsan jiray. Oo nin deyn nagu lahaa ayaa u yimid inuu labadayda carruurta ah iga qaato oo addoommo ka dhigto.
4:2b.2KI.004.002 Markaasaa Eliishaa wuxuu iyadii ku yidhi, Bal ii sheeg, maxaan kuu sameeyaa? Oo maxaad guriga ku haysataa? Iyana waxay tidhi, Anigoo addoontaada ah guriga waxba iima yaalliin dheri saliid ah mooyaane.
4:3b.2KI.004.003 Oo isna wuxuu ku yidhi, Tag, oo weelal weyddiiso derisyadaada oo dhan, oo ha ahaadeen weelal madhan, wax yarna ha soo weyddiisan.
4:4b.2KI.004.004 Oo waa inaad gurigaaga gashaa oo adiga iyo wiilashaadu albaabka isku soo xidha, oo markaas weelashaas saliidda ku shub, oo intii buuxsanta oo dhan gees u dhig.
4:5b.2KI.004.005 Sidaas daraaddeed isagii way ka tagtay, oo iyadii iyo wiilasheedii albaabkii bay isku soo xidheen, oo iyaguna weelashii bay u keenkeeneen, iyana way ku shubtay.
4:6b.2KI.004.006 Oo markii weelashii ay wada buuxsameen ayay wiilkeedii ku tidhi, Weliba weel kale ii keen. Markaasuu ku yidhi, Weel dambe ma hadhin. Dabadeedna saliiddii way joogsatay.
4:7b.2KI.004.007 Markaasay soo kacday, oo waxay u soo sheegtay ninkii Ilaah, oo isna wuxuu ku yidhi, Tag oo saliidda iibi, oo deynkaagii ku bixi, oo adiga iyo wiilashaaduna inta hadhay ku noolaada.
4:8b.2KI.004.008 Oo waxaa maalin dhacday in Eliishaa Shuuneem tegey, oo halkaasna waxaa joogtay naag weyn, oo iyana waxay isagii yeelsiisay inuu wax cuno. Oo haddana mar alla markuu soo ag maray ayuu xaggeeda u leexday inuu wax ka cuno.
4:9b.2KI.004.009 Markaasay ninkeedii ku tidhi, Bal eeg, waxaan gartay in ninkan oo had iyo goor ina soo ag maraa uu yahay nin Ilaah oo quduus ah.
4:10b.2KI.004.010 Haddaba waan ku baryayaaye aynu isaga derbiga uga samayno qol yar, oo halkaas u dhigno sariir, iyo miis, iyo kursi, iyo laambad; oo waxay ahaan doontaa markuu inoo yimaadoba inuu halkaas ku leexdo.
4:11b.2KI.004.011 Oo waxaa maalin dhacday inuu halkaas yimid oo intuu qolkii ku leexday ayuu halkaas jiifsaday.
4:12b.2KI.004.012 Oo markaasuu midiidinkiisii Geexasii ku yidhi, U yeedh naagtan reer Shuuneem. Oo markuu u yeedhay ayay hortiisii soo istaagtay.
4:13b.2KI.004.013 Markaasuu ku yidhi isagii, Hadda waxaad iyada ku tidhaahdaa, Adigu aad baad noo xannaanaysay, haddaba maxaa laguu sameeyaa? Ma doonaysaa in laguula hadlo boqorka ama sirkaalka ciidanka? Markaasay ku jawaabtay, Anigu waxaan dhex degganahay dadkaygii.
4:14b.2KI.004.014 Oo isna wuxuu yidhi, Haddaba maxaa loo sameeyaa iyada? Kolkaasaa Geexasii wuxuu ku jawaabay, Runtii iyadu wiil ma leh, oo ninkeeduna waa oday.
4:15b.2KI.004.015 Markaasuu ku yidhi, Bal iyada u yeedh. Oo markuu u yeedhay ayay albaabka soo istaagtay.
4:16b.2KI.004.016 Oo isna wuxuu yidhi, Markii wakhtigu soo wareego xilligan oo kale wiil baad laabta ku qabsan doontaa, oo iyana waxay tidhi, Maya sayidkaygiiyow, oo adigu nin yahow Ilaah anoo addoontaada ah been ha ii sheegin.
4:17b.2KI.004.017 Oo naagtiina way uuraysatay, oo wiil bay dhashay markii wakhtigii soo wareegay, oo waxay noqotay sidii Eliishaa iyada ku yidhi.
4:18b.2KI.004.018 Oo wiilkii markuu koray waxaa maalin dhacay inuu aabbihiis u tegey meeshii kuwa beeraha gooyaa ay joogeen.
4:19b.2KI.004.019 Oo wuxuu aabbihiis ku yidhi, Madaxa madaxa! Oo isna wuxuu addoonkiisii ku yidhi, War qaad, oo hooyadiis u gee.
4:20b.2KI.004.020 Oo markuu soo qaaday oo hooyadiis u keenay, tan iyo duhurkii ayuu jilbaha hooyadiis ku fadhiyey, dabadeedna wuu dhintay.
4:21b.2KI.004.021 Oo iyana kor bay u baxday, oo waxay isagii ku jiifisay sariirtii ninkii Ilaah, oo intay albaabkii ku xidhay ayay ka baxday.
4:22b.2KI.004.022 Markaasay ninkeedii u dhawaaqday oo ku tidhi, Waan ku baryayaaye iigu cid dir midiidinnadii midkood iyo dameerihii midkood, si aan ninkii Ilaah ugu ordo oo aan haddana u soo noqdo.
4:23b.2KI.004.023 Oo isna wuxuu ku yidhi, Naa maxaad maanta ugu tegaysaa? Maanta bil cusub ma aha, sabtina ma aha. Oo iyana waxay tidhi, War way hagaagi doontaa.
4:24b.2KI.004.024 Markaasay dameer kooraysatay, oo midiidinkeedii waxay ku tidhi, Igu kaxee oo hore u soco, oo anigoo kugu amra mooyaane ha i raajin.
4:25b.2KI.004.025 Saas daraaddeed way tagtay, oo waxay ninkii Ilaah ugu timid Buur Karmel. Oo markii ninkii Ilaah iyadii meel fog ka arkay ayuu midiidinkii Geexasii ku yidhi, Bal eeg waxaa soo socota tii reer Shuuneem.
4:26b.2KI.004.026 Haddaba waan ku baryayaaye ku orod oo ka hor tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ma nabad qabtaa? Ninkaagiina ma nabad qabaa? Wiilkaagiina ma nabad qabaa? Oo iyana waxay ugu jawaabtay, Waa nabad.
4:27b.2KI.004.027 Oo markay ninkii Ilaah buurta ugu timid ayay cagihiisii qabsatay. Oo Geexasii baa u soo dhowaaday inuu ka durkiyo, laakiinse ninkii Ilaah baa yidhi, War iska daa, waayo, nafteedu way welwelsan tahay, oo Rabbiguna taas wuu iga qariyey, iimana sheegin.
4:28b.2KI.004.028 Markaasay tidhi, War ma Rabbigaan wiil ka doonay? Sow kuma aan odhan, War hay khiyaanayn?
4:29b.2KI.004.029 Oo isna wuxuu Geexasii ku yidhi, War guntiga isku giiji, oo ushayda gacanta ku qabso oo tag, oo haddaad qof la kulantid, ha salaamin, oo haddii qof ku salaamana, ha u jawaabin, oo ushayda waxaad saartaa wiilka wejigiisa.
4:30b.2KI.004.030 Oo wiilkii hooyadiis waxay tidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Markaasuu kacay oo raacay.
4:31b.2KI.004.031 Oo Geexasiina wuu ka sii hor maray, oo ushii saaray wiilka wejigiisii, laakiinse cod iyo wax maqlid toona laguma arag. Sidaas daraaddeed wuu noqday oo intuu ka hor yimid ayuu u warramay, oo ku yidhi, Yarkii ma uu toosin.
4:32b.2KI.004.032 Oo Eliishaa markuu gurigii soo galay ayuu arkay in yarku meyd yahay, oo uu sariirtiisii ku jiifo.
4:33b.2KI.004.033 Sidaas daraaddeed guduhuu galay oo intuu labadoodiiba albaabkii ku xidhay ayuu Rabbiga baryay.
4:34b.2KI.004.034 Markaasuu intuu kacay ayuu yarkii ku kor jiifsaday, oo afkuu afka u saaray, indhihiina indhuhuu u saaray, gacmihiina gacmuhuu u saaray; oo korkiisuu isku fidiyey; markaasaa yarka jidhkiisii soo diiray.
4:35b.2KI.004.035 Markaasuu noqday oo guriga dhexdiisii mar ayuu hore iyo dib ugu socday, oo intuu tegey ayuu haddana yarkii isku fidiyey, markaasaa yarkii toddoba goor hindhisay oo indhaha kala qaaday.
4:36b.2KI.004.036 Markaasuu Geexasii u yeedhay, oo wuxuu ku yidhi, Tii reer Shuuneem u yeedh. Oo isna wuu u soo yeedhay. Oo markay gudaha ugu soo gashay ayuu ku yidhi, Wiilkaaga qaado.
4:37b.2KI.004.037 Markaasay gudaha soo gashay, oo cagihiisii ku dhacday, oo dhulkay ku sujuudday, markaasay wiilkeedii qaadatay oo dibadda u baxday.
4:38b.2KI.004.038 Oo Eliishaa haddana wuxuu yimid Gilgaal; oo wakhtigaasna dalku abaar buu ahaa, oo isagana waxaa hortiisa fadhiyey qoonkii nebiyada ahaa; oo isna midiidinkiisii ayuu ku yidhi, Dheriga weyn dabka saar oo qoonka nebiyada ah maraq u kari.
4:39b.2KI.004.039 Oo midba berrinka u baxay inuu khudaar soo guro aawadeed, oo wuxuu helay geed duureed, oo ubbodibadeedyona faraquu ka soo buuxsaday, oo intuu soo noqday ayuu dherigii maraqa ku googooyay, waayo, ma ay garanayn.
4:40b.2KI.004.040 Sidaas daraaddeed raggii bay u soo gureen inay cunaan aawadeed. Oo intay maraqii cunayeen ayay qayliyeen, oo yidhaahdeen, War nin yahow Ilaah, dheriga geeri baa ku jirta! Maraqiina way cuni kari waayeen.
4:41b.2KI.004.041 Laakiinse isagii wuxuu yidhi, War bal jidhiidh ii keena. Oo kolkay u keeneen ayuu dherigii ku dhex riday, oo wuxuu ku yidhi, War maraqa dadka u shub ha cuneene. Oo dherigiina waxba waxyeello laguma arag.
4:42b.2KI.004.042 Oo nin baa xagga Bacal Shalishaah ka yimid, oo wuxuu ninkii Ilaah kolaygiisii ugu keenay cunto midhihii hore ah, taas oo ah labaatan kibsood oo shaciir ah iyo sabuullo arabikhi oo qoyan. Oo wuxuu ku yidhi, War kuwan dadku ha cuneene sii.
4:43b.2KI.004.043 Markaasaa midiidinkiisii wuxuu ku yidhi, War waa sidee, ma intanaan boqol nin hor dhigaa? Laakiinse isagii wuxuu yidhi, Dadku ha cuneene sii; waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Way cuni doonaan, oo weliba wax bay reebi doonaan.Sidaas daraaddeed hortoodii buu dhigay, oo iyana way cuneen oo weliba wax bay u reebeen sidii erayga Rabbigu ahaa.
4:44b.2KI.004.044 Sidaas daraaddeed hortoodii buu dhigay, oo iyana way cuneen oo weliba wax bay u reebeen sidii erayga Rabbigu ahaa.
5
5:1b.2KI.005.001 Haddaba Nacamaan oo ahaa sirkaalkii ciidanka boqorka Suuriya wuxuu ahaa nin xagga sayidkiisa ku weyn oo ciso leh, maxaa yeelay, isaga ayaa Rabbigu reer Suuriya lib ku siiyey; oo weliba wuxuu ahaa nin xoog leh, laakiinse baras buu qabay.
5:2b.2KI.005.002 Oo reer Suuriyana guutooyin bay ku baxeen, oo waxay dalkii Israa'iil ka soo dhaceen gabadh yar, oo iyana Nacamaan bilcantiisa ayay u adeegi jirtay.
5:3b.2KI.005.003 Oo waxay sayidaddeedii ku tidhi, Hoogay, haddii sayidkaygu hor tegi lahaa nebiga Samaariya jooga wuu ka bogsiin lahaa baraskan.
5:4b.2KI.005.004 Oo mid baa sayidkiisii u galay oo ku yidhi, Gabadhii dalka Israa'iil ka timid saas iyo saas bay tidhi.
5:5b.2KI.005.005 Markaasaa boqorkii Suuriya wuxuu Nacamaan ku yidhi, War orod oo tag, oo anna warqad baan kuugu sii dhiibayaa boqorka dalka Israa'iil. Oo isna wuu tegey, oo wuxuu qaaday toban talanti oo lacag ah, iyo lix kun oo sheqel oo dahab ah, iyo toban iskujoog oo dhar ah.
5:6b.2KI.005.006 Oo wuxuu u keenay boqorkii dalka Israa'iil warqaddii lahayd, Haddaba markii warqaddanu kuu timaado, bal eeg, addoonkayga Nacamaan ah ayaan kugu soo diray si aad baraska uga bogsiisid.
5:7b.2KI.005.007 Oo markii boqorkii dalka Israa'iil warqaddii akhriyey ayuu dharkiisii iska jeexjeexay oo wuxuu yidhi, War ma anigaa ah Ilaah wax dili kara, waxna noolayn kara? Oo ninkanu ma saasuu nin iigu soo diray si aan baraska uga bogsiiyo? Waan idin baryayaaye bal u fiirsada siduu ii daandaansanayo.
5:8b.2KI.005.008 Oo markii Eliishaa oo ahaa nin Ilaah uu maqlay in boqorkii dalka Israa'iil dharkiisii iska jeexjeexay ayuu u cid diray boqorkii oo ku yidhi, War maxaad dharkaagii isaga jeexjeexday? Bal isagu ha ii yimaado, oo wuxuu ogaan doonaa in dalka Israa'iil nebi dhex joogo.
5:9b.2KI.005.009 Markaasaa Nacamaan yimid, isagoo wata fardihiisii iyo gaadhifardoodkiisii, oo wuxuu soo hor istaagay albaabkii gurigii Eliishaa.
5:10b.2KI.005.010 Oo Eliishaa wargeeyuu u diray oo wuxuu ku yidhi, Tag oo Webi Urdun toddoba jeer ku maydho, oo jiidhkaagu mar kaluu kuu soo noqon doonaa, oo nadiif baad ahaan doontaa.
5:11b.2KI.005.011 Laakiinse Nacamaan wuu cadhooday oo tegey, oo wuxuu yidhi, Bal eega, waxaan mooday inuu isaga qudhiisu ii soo baxayo oo istaagayo, oo uu magaca Rabbiga Ilaahiisa ah iigu ducaynayo, oo uu gacantiisa meesha bukta dul marmarinayo, oo uu saas baraska ku bogsiinayo.
5:12b.2KI.005.012 War Abaanaah iyo Farfar oo ah webiyadii Dimishaq sow kama wanaagsana biyaha dalka Israa'iil oo dhan? Bal miyaanan iyaga ku maydhan karin oo nadiif ahaan karin? Sidaas daraaddeed wuu noqday, oo wuxuu tegey isagoo cadhaysan.
5:13b.2KI.005.013 Laakiinse addoommadiisii ayaa u yimid oo la hadlay, oo waxay ku yidhaahdeen, Aabbow, haddii nebigu wax weyn kugu amro sow ma aadan samayseen? Haddaba bal maxaa ka sahlan hadduu kugu yidhaahdo, Maydho, oo nadiif noqo?
5:14b.2KI.005.014 Markaasuu tegey, oo sidii ninkii Ilaah isaga ku yidhi ayuu yeelay, oo Webi Urdun ayuu toddoba jeer liimbaday; oo jiidhkiisiina mar kaluu u soo noqday isagoo u eg ilmo yar jiidhkiis, nadiif buuna noqday.
5:15b.2KI.005.015 Markaasuu ninkii Ilaah ku noqday, oo isagii iyo kooxdiisii oo dhammuba, intay yimaadeen ayay hortiisii soo istaageen; oo isna wuxuu yidhi, Bal eeg, haatan waan ogahay inaan dunida oo dhan Ilaah lagu arag dalka Israa'iil mooyaane, haddaba sidaas daraaddeed waxaan kaa baryayaa inaad qaadato hadiyaddayda anoo addoonkaaga ah.
5:16b.2KI.005.016 Laakiinse Eliishaa wuxuu yidhi, Waxaan ku dhaartay nolosha Rabbiga aan hor taagnahaye inaanan waxba kaa qaadanayn. Oo isna wuu ku sii cadaadiyey inuu qaato, laakiinse Eliishaa wuu diiday.
5:17b.2KI.005.017 Markaasaa Nacamaan wuxuu yidhi, Haddii ayan saas ahayn weliba waxaan kaa baryayaa in anigoo addoonkaaga ah lay siiyo ciid intii ay laba baqal qaadi karaan, waayo, anigoo addoonkaaga ah, hadda ka dib Rabbiga mooyaane ilaahyo kale u bixin maayo qurbaan la gubo iyo allabari toona.
5:18b.2KI.005.018 Oo waxakanna Rabbigu ha iga cafiyo anigoo addoonkaaga ah, markii sayidkaygu guriga Rimmon u tago inuu ku tukado, oo uu ku tiirsada gacantayda ee aan anna ku sujuudo guriga Rimmon gudihiisa, oo markaan ku sujuudo guriga Rimmon gudihiisa Rabbigu anigoo addoonkaaga ah ha iga cafiyo waxakan.
5:19b.2KI.005.019 Oo isna wuxuu isagii ku yidhi, Orod oo nabad ku tag. Sidaas daraaddeed in yar buu ka socday.
5:20b.2KI.005.020 Laakiinse Geexasii oo ahaa midiidinkii Eliishaa oo ahaa ninkii Ilaah wuxuu yidhi, Bal eega, sayidkaygu wuu u tudhay Nacamaan kii reer Suuriya, oo wixii uu u keenayna waxba kama uu qaadan. Waxaan Rabbiga noloshiisa ugu dhaartay inaan intaan isagii ka daba ordo wax ka soo qaato.
5:21b.2KI.005.021 Sidaas daraaddeed Geexasii wuxuu daba galay Nacamaan. Oo Nacamaanna markuu arkay mid soo daba ordaya ayuu gaadhifaraskiisii ka soo degtay inuu ka hor tago, oo wuxuu ku yidhi, War ma nabad baa?
5:22b.2KI.005.022 Oo isna wuxuu ku yidhi, Waa nabad. Oo sayidkaygii baa i soo diray oo wuxuu kugu soo yidhi, Haddeerba waxaa ii yimid laba nin oo dhallinyar oo qoonkii nebiyada ah oo ka yimid dalka buuraha leh oo reer Efrayim; haddaba waxaan kaa baryayaa inaad iyaga siiso talanti lacag ah iyo laba iskujoog oo dhar ah.
5:23b.2KI.005.023 Markaasaa Nacamaan yidhi, Oggolow oo qaad laba talanti oo lacag ah. Wuuna ku sii adkeeyey, oo labadii talanti wuxuu ugu xidhay laba kiish, oo wuxuu ugu sii daray laba iskujoog oo dhar ah, oo weliba wuxuu u saaray laba midiidinnadiisii ah, oo iyana intay u qaadeen ayay hortiisa socdeen.
5:24b.2KI.005.024 Oo markuu buurtii yimid ayuu gacmahoodii ka qaaday, oo guriguu dhigtay; nimankiina wuu iska diray oo way tageen.
5:25b.2KI.005.025 Oo isagiina intuu gudaha galay ayuu sayidkiisii hor istaagay. Markaasaa Eliishaa ku yidhi, Geexasiiyow, xaggee baad ka timid? Isna wuxuu yidhi, Anigoo addoonkaaga ahu meella ma tegin.
5:26b.2KI.005.026 Oo isna wuxuu isagii ku yidhi, War sow qalbigaygu kulama socon markii ninku gaadhifaraskiisii ka soo noqday inuu kaa hor yimaado? War haatan ma wakhti lacag la qaataa oo ma wakhti la qaataa dhar, iyo beero saytuun ah, iyo beero canab ah, iyo ido, iyo dibi, iyo niman addoommo ah, iyo naago addoommo ah?Haddaba waxaa adiga iyo farcankaagaba idinku dhegi doona weligiin Nacamaan baraskiisii. Oo wuxuu hortiisii ka tegey isagoo baras qaba oo u cad sida baraf cad oo kale.
5:27b.2KI.005.027 Haddaba waxaa adiga iyo farcankaagaba idinku dhegi doona weligiin Nacamaan baraskiisii. Oo wuxuu hortiisii ka tegey isagoo baras qaba oo u cad sida baraf cad oo kale.
6
6:1b.2KI.006.001 Oo qoonkii nebiyada ahaana waxay Eliishaa ku yidhaahdeen, Bal eeg, meesha hortaada ah ee aannu deggan nahay waa nagu cidhiidhi.
6:2b.2KI.006.002 Haddaba waannu ku baryaynaaye aannu tagno xagga Urdun oo halkaas nin waluba dogob ha ka qaado, oo aannu halkaas ka dhisanno meel aan degno. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Orda oo taga.
6:3b.2KI.006.003 Oo midba wuxuu yidhi, Waan ku baryayaaye raalli ahow oo na raac annagoo addoommadaada ah. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Waan idin raacayaa.
6:4b.2KI.006.004 Sidaas daraaddeed wuu raacay. Oo iyana markay Urdun yimaadeen ayay geedo jareen.
6:5b.2KI.006.005 Laakiinse midba intuu qori jarayay ayaa faaskii intii birta ahayd biyihii ku dhex dhacday, oo isna intuu qayliyey ayuu yidhi, Sayidkaygiiyow, hoogay! Waayo, deyn buu igu ahaa.
6:6b.2KI.006.006 Markaasaa ninkii Ilaah wuxuu yidhi, War xaggee bay ku dhacday? Oo isna markaasuu meeshii tusay. Markaasuu ul soo goostay oo meeshii ku riday, birtiina waa soo dabaalatay.
6:7b.2KI.006.007 Wuxuuna yidhi, War haddaba soo qaado. Sidaas daraaddeed gacantii buu fidiyey oo soo qaatay.
6:8b.2KI.006.008 Haddaba boqorkii Suuriya wuxuu la diriray dadkii Israa'iil, oo intuu addoommadiisii la tashaday ayuu ku yidhi, Meesha saa iyo saa ah ayaa xeradaydu ahaan doonta.
6:9b.2KI.006.009 Markaasaa ninkii Ilaah u cid diray boqorkii dalka Israa'iil oo wuxuu ku yidhi, War iska jir oo ha soo marin meesha saas ah, waayo, reer Suuriya meeshaasay ku dhaadhacayaan.
6:10b.2KI.006.010 Oo boqorkii dalka Israa'iilna cid buu u diray meeshii ninkii Ilaah isaga u sheegay oo uu uga digay, oo isna intuu halkaas iska nabadgeliyey mar iyo laba toona ma aha.
6:11b.2KI.006.011 Oo boqorkii Suuriyana qalbigiisu waxyaalahan aad buu uga welwelsanaa; oo wuxuu isugu yeedhay addoommadiisii, oo ku yidhi, War maad ii sheegtaan midkeenna la jira boqorkii dalka Israa'iil?
6:12b.2KI.006.012 Markaasaa mid addoommadiisii ka mid ahu wuxuu ku yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, saas ma aha; laakiinse Eliishaa oo ah nebi dalka Israa'iil dhex jooga ayaa boqorka dadka Israa'iil u sheega erayada aad kaga hadasho qolkaaga aad seexato.
6:13b.2KI.006.013 Oo isna wuxuu ku yidhi, Tag oo soo arag meeshuu joogo si aan isaga ugu cid diro ha la soo qabtee. Oo waxaa loo sheegay oo lagu yidhi, War wuxuu joogaa Dotaan.
6:14b.2KI.006.014 Sidaas daraaddeed wuxuu halkaas u diray fardo, iyo gaadhifardood, iyo ciidan faro badan; oo iyana intay habeennimo yimaadeen ayay magaaladii hareereeyeen.
6:15b.2KI.006.015 Oo ninkii Ilaah shaqeeyihiisii markuu aroortii soo toosay oo uu baxay, bal eeg, waxaa la arkay ciidan fardo iyo gaadhifardood wata oo magaaladii ku wareegsan. Markaasaa midiidinkiisii wuxuu isagii ku yidhi, Sayidow, hoogaye! sidee baynu yeeli doonnaa?
6:16b.2KI.006.016 Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Ha cabsan, waayo, kuwa inala jiraa way ka sii badan yihiin kuwa iyaga la jira.
6:17b.2KI.006.017 Markaasaa Eliishaa baryootamay oo yidhi, Rabbiyow, waxaan kaa baryayaa inaad ninkan indhaha u furtid wax ha arkee. Markaasaa Rabbigu ninkii dhallinyarada ahaa indhihii u furay, wax buuna arkay; oo wuxuu u jeeday fardo iyo gaadhifardood dab ah oo buurta ka buuxa ee Eliishaa ku wareegsan.
6:18b.2KI.006.018 Oo iyana markay isagii u soo dhaadhaceen ayaa Eliishaa Rabbiga baryay oo yidhi, Rabbiyow, waxaan kaa baryayaa inaad dadkan indhabbeel ku riddid. Oo isna indhabbeel ayuu ugu riday sidii eraygii Eliishaa u ahaa.
6:19b.2KI.006.019 Markaasaa Eliishaa wuxuu iyagii ku yidhi, War jidkanu ma aha jidkii, magaaladanuna ma aha magaaladii. Haddaba i soo raaca oo waxaan idin geeynayaa ninkaad doonaysaan. Oo isna wuxuu u hor kacay xagga Samaariya.
6:20b.2KI.006.020 Oo markay Samaariya soo galeen ayaa Eliishaa yidhi, Rabbiyow, nimankan indhaha u fur, wax ha arkeene. Kolkaasaa Rabbigu indhaha u furay, wax bayna arkeen, oo waxay u jeedeen inay Samaariya dhex joogaan.
6:21b.2KI.006.021 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu Eliishaa ku yidhi markuu nimankii arkay, Aabbahayow, miyaan laayaa? Miyaan laayaa?
6:22b.2KI.006.022 Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Mayee, waa inaadan layn. Ma layn lahayd kuwaad ku soo qabsatay seeftaada iyo qaansadaada? Waxaad soo hor dhigtaa kibis iyo biyo ay cunaan oo ay cabbaan, oo dabadeedna ha u tageen sayidkoodii.
6:23b.2KI.006.023 Markaasuu wuxuu iyagii u diyaariyey cunto badan, oo markay wax cuneen oo wax cabbeen ayuu iska diray, oo sayidkoodii bay u tageen. Oo guutooyinkii reer Suuriyana mar dambe ma soo gelin dalkii Israa'iil.
6:24b.2KI.006.024 Oo taas dabadeed Benhadad oo ahaa boqorkii Suuriya wuxuu soo wada urursaday ciidankiisii oo dhan, oo intuu soo kacay ayuu Samaariya hareereeyey.
6:25b.2KI.006.025 Oo Samaariyana abaar weyn baa ku dhacday, oo bal eeg iyana waxay hareeraha ka joogeen ilaa madax dameer lagu iibiyey siddeetan sheqel oo lacag ah, oo qab rubuciis xaar qoolley ahna lagu iibiyey shan sheqel oo lacag ah.
6:26b.2KI.006.026 Oo boqorkii dalka Israa'iil oo derbiga dul maraya ayaa naagu u qayshatay oo ku tidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, i caawi.
6:27b.2KI.006.027 Oo isna wuxuu ku yidhi, Naa haddii uusan Rabbigu ku caawin, anigu xaggee baan kaa caawinayaa? Naa ma waxaan kaa caawinayaa meesha hadhuudhka lagu tumo; mase meesha canabka lagu tuujiyo?
6:28b.2KI.006.028 Markaasaa boqorkii wuxuu iyadii ku yidhi, Naa maxaa ku helay? Oo iyana waxay ugu jawaabtay, Naagtan waxay igu tidhi, Naa wiilkaaga na sii aan maanta cunnee oo wiilkaygana berri baannu wada cuni doonnaa.
6:29b.2KI.006.029 Sidaas daraaddeed wiilkaygii waan karsannay oo waannu cunnay; markaasaan maalintii dambe iyadii ku idhi, Naa wiilkaagii na sii aan cunnee; laakiinse iyadu way qarisay wiilkeedii.
6:30b.2KI.006.030 Oo markii boqorkii naagtii hadalkeedii maqlay ayuu dharkiisii dildillaaciyey; (oo markaas wuxuu dul marayay derbiga), oo dadkiina way wada arkayeen inuu jidhkiisii ku guntaday joonyado.
6:31b.2KI.006.031 Oo markaasuu yidhi, Ilaah saas iyo si ka sii daranba ha igu sameeyo, haddii Eliishaa ina Shaafaad madaxiisu maanta ku sii yaallo.
6:32b.2KI.006.032 Oo Eliishaana markaas wuxuu dhex fadhiyey gurigiisii, oo odayaashiina way la fadhiyeen; oo boqorkiina nin buu iska soo hor mariyey; laakiinse ninkii wargeeyska ahaa intuusan isagii u iman ayuu Eliishaa odayaashii ku yidhi, War bal eega siduu kan gacankudhiigluhu dhalay cid ugu soo diray in madaxa layga gooyo? War markii wargeeysku yimaado albaabka xidha, oo dib ugu celiya albaabka. War waxa ka dambeeya sow ma aha sanqadhii cagihii sayidkiisa?Oo intuu iyagii weli la hadlayay ayaa wargeeyskii u soo dhaadhacay; oo isna wuxuu yidhi, Belaayadanu xagga Rabbigay ka timid; haddaba maxaan Rabbiga weli u sii sugaa?
6:33b.2KI.006.033 Oo intuu iyagii weli la hadlayay ayaa wargeeyskii u soo dhaadhacay; oo isna wuxuu yidhi, Belaayadanu xagga Rabbigay ka timid; haddaba maxaan Rabbiga weli u sii sugaa?
7
7:1b.2KI.007.001 Markaasaa Eliishaa yidhi, War maqla erayga Rabbiga. Rabbigu wuxuu leeyahay, Berrito hadda oo kale Samaariya iriddeeda koombo bur ah waxaa lagaga iibin doonaa sheqel, oo laba koombo oo shaciir ahna waxaa lagaga iibin doonaa sheqel.
7:2b.2KI.007.002 Oo sirkaalkii gacantiisa boqorku ku tiirsanaa wuxuu ninkii Ilaah ugu jawaabay, Rabbiga oo samada daaqado ka fura mooyaane, ee sidee baa waxanu ku noqon karaan? Oo isna wuxuu ku yidhi, Bal ogow, indhahaaga waad ku arki doontaa, laakiinse waxba kama cuni doontid.
7:3b.2KI.007.003 Haddaba iridda magaalada laga soo galo waxaa joogay afar nin oo baras qabay; oo iyana midba kii kaluu ku yidhi, War maxaynu halkan u fadhinnaa ilaa aynu ka dhimanno?
7:4b.2KI.007.004 Haddaynu nidhaahno, Aan magaalada galno, de markaasna magaaladii waa abaar, oo kolleyba halkaasaynu ku dhimanaynaa. Oo haddaynu halkan iska fadhinnona waynu dhimanaynaa. Haddaba ina keena oo aynu ciidanka Suuriya u baxno; oo hadday na bixiyaan, waynu noolaan, hadday na dilaanna kolleyba waynu dhiman lahayn.
7:5b.2KI.007.005 Oo markaasay fiidkii kaceen inay tagaan xeradii ciidanka Suuriya, oo markay yimaadeen dibadda sare oo xeradii ciidankii Suuriya waxay arkeen inaan ciduna halkaas joogin.
7:6b.2KI.007.006 Maxaa yeelay, Sayidku wuxuu ciidankii Suuriya maqashiiyey gaadhifardood sanqadhood, iyo fardo sanqadhood, iyo xataa ciidan weyn sanqadhiis; oo waxay isku yidhaahdeen, War boqorkii dalka Israa'iil wuxuu inoo soo kiraystay boqorradii reer Xeed, iyo boqorradii Masar inay inagu soo duulaan.
7:7b.2KI.007.007 Sidaas daraaddeed way kaceen oo carareen intay fiidkii ahayd. Waxayna ka tageen teendhooyinkoodii, iyo fardahoodii, iyo dameerahoodii, iyo xataa xeradiina siday ahayd; naftoodiina way la carareen.
7:8b.2KI.007.008 Oo kuwii baraska qabayna markay yimaadeen xeradii dibaddeeda sare ayay teendho galeen, oo wax bay cuneen, waxna way cabbeen, markaasay halkaas ka qaateen lacag, iyo dahab, iyo dhar, oo intay tageen ayay soo qarsadeen; oo haddana way soo noqdeen oo waxay galeen teendho kale, oo halkaasna wax kalay ka qaateen, oo intay tageen ayay soo qarsadeen.
7:9b.2KI.007.009 Markaasay isku yidhaahdeen, War wax wanaagsan ma samaynayno, waayo, maanta waa maalin war wanaagsan, oo annana waynu iska aamusan nahay. Haddaynu sugno ilaa waagu ka beryo hubaal belaayo baa inagu dhici doonta; haddaba ina keena oo aynu xaalkan reerkii boqorka u soo sheegno.
7:10b.2KI.007.010 Sidaas daraaddeed way yimaadeen, oo waxay u dhawaaqeen magaalada iridjoogayaasheedii; oo way u warrameen oo waxay ku yidhaahdeen, Waxaannu galnay xeradii ciidanka Suuriya, oo halkaas ninna ma joogin, codna laguma maqal, laakiinse waxaa joogay fardihii xidhxidhnaa, iyo dameerihii xidhxidhnaa, iyo teendhooyinkii oo sidoodii iska ahaa.
7:11b.2KI.007.011 Oo isna wuxuu u yeedhay iridjoogayaashii, oo iyana waxay saas u soo sheegeen reerkii boqorka ee gudaha joogay.
7:12b.2KI.007.012 Markaasaa boqorkii habeennimadii toosay oo addoommadiisii ku yidhi, Haatan waxaan idin tusayaa wixii ay reer Suuriya nagu sameeyeen. Iyagu way og yihiin inaynu gaajaysan nahay, oo sidaas daraaddeed xeradii way ka baxeen oo duurka ku dhuunteen, oo waxay isyidhaahdeen, Markay magaalada ka soo baxaan ayaynu iyagoo noolnool qabqabanaynaa, oo magaalada ayaynu galaynaa.
7:13b.2KI.007.013 Oo mid addoommadiisii ka mid ahaa ayaa ugu jawaabay, Waxaan kaa baryayaa in qaar wado shan faras oo kuwa magaalada ku hadhay ah, (maxaa yeelay, iyagu waxay la mid yihiin sida dadkii Israa'iil ka hadhay oo dhan, oo waxay la mid yihiin sida dadkii Israa'iil ee le'day oo dhan, ) oo aynu dirno iyagu ha soo arkeene.
7:14b.2KI.007.014 Oo sidaas daraaddeed waxay wadeen laba gaadhifaras iyo fardahoodii; oo boqorkii baa wuxuu ka daba diray ciidankii Suuriya, oo wuxuu ku yidhi, Ordoo soo arka.
7:15b.2KI.007.015 Oo iyana waxay daba socdeen ilaa Webi Urdun; oo bal eeg jidka oo dhan waxaa ka buuxay dhar iyo weelal ay reer Suuriya iska xooreen intay degdegayeen. Oo wargeeyayaashiina intay soo noqdeen ayay saas boqorkii u soo sheegeen.
7:16b.2KI.007.016 Markaasaa dadkii baxay oo waxay dhaceen xeradii reer Suuriya. Haddaba koombo bur ah waxaa lagu iibiyey sheqel, laba koombo oo shaciir ahna waxaa lagu iibiyey sheqel, oo waxay noqotay sidii erayga Rabbigu ahaa.
7:17b.2KI.007.017 Markaasaa boqorkii sirkaalkii uu gacantiisa ku tiirsanaa ku amray inuu iridda u taliyo; laakiinse dadkii baa ku tuntay isagoo iridda jooga, oo wuu dhintay sidii ninkii Ilaah sheegay kolkii boqorku isaga u soo dhaadhacay.
7:18b.2KI.007.018 Oo waxay noqotay sidii ninkii Ilaah boqorkii ula hadlay isagoo leh, Berrito hadda oo kale Samaariya iriddeeda laba koombo oo shaciir ah waxaa lagaga iibin doonaa sheqel, koombo bur ahna waxaa lagaga iibin doonaa sheqel;
7:19b.2KI.007.019 oo sirkaalkii baa wuxuu ugu jawaabay ninkii Ilaah, Rabbiga oo samada daaqado ka fura mooyaane, ee sidee baa waxanu ku noqon karaan? Oo isna wuxuu ku yidhi, Bal ogow, indhahaaga waad ku arki doontaa, laakiinse waxba kama cuni doontid.Haddaba isagii sidii baa ku dhacday; maxaa yeelay, isagii dadkii baa ku tuntay isagoo iridda jooga oo wuu dhintay.
7:20b.2KI.007.020 Haddaba isagii sidii baa ku dhacday; maxaa yeelay, isagii dadkii baa ku tuntay isagoo iridda jooga oo wuu dhintay.
8
8:1b.2KI.008.001 Markaasaa Eliishaa la hadlay naagtii uu wiilkeeda soo noolaysiiyey oo wuxuu ku yidhi, Sara joogso oo tag, adiga iyo reerkaagiiba, oo waxaad degtaa meel alla meeshii aad degi karto, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu amray in dalka abaaru ku dhacdo, oo waxay dalka joogi doontaa toddoba sannadood.
8:2b.2KI.008.002 Markaasaa naagtii sara joogsatay oo yeeshay sidii eraygii ninkii Ilaah ahaa; oo way tagtay iyada iyo reerkeediiba oo intii toddoba sannadood ah ayay degganayd dalkii reer Falastiin.
8:3b.2KI.008.003 Oo markii toddobadii sannadood ay dhammaadeen ayay naagtii ka soo noqotay dalkii reer Falastiin; oo waxay u tagtay boqorkii inay ugu qayshato gurigeedii iyo dhulkeedii.
8:4b.2KI.008.004 Markaasna boqorku wuxuu la hadlayay Geexasii oo ahaa midiidinkii ninkii Ilaah, oo wuxuu ku lahaa, Waxaan kaa baryayaa inaad ii sheegto waxyaalihii waaweynaa oo Eliishaa sameeyey oo dhan.
8:5b.2KI.008.005 Intuu boqorkii uga warramayay sidii uu u soo noolaysiiyey mid meyd ahaa, bal eeg, naagtii uu wiilkeeda soo noolaysiiyey ayaa boqorkii ugu qayshatay gurigeedii iyo dhulkeedii. Oo Geexasiina wuxuu yidhi, Sayidkaygiiyow, boqorow, tanu waa naagtii, kanuna waa wiilkeedii Eliishaa soo noolaysiiyey.
8:6b.2KI.008.006 Oo boqorkiina markuu naagtii saas weyddiiyey ayay iyana u sheegtay. Markaasaa boqorkii iyadii u amray sirkaal oo ku yidhi, U wada celi wax alla wixii ay lahayd oo dhan, iyo weliba midhihii beerteeda ka baxay tan iyo maalintii ay dalka ka tagtay iyo ilaa haddeer.
8:7b.2KI.008.007 Oo Benhadad oo ahaa boqorkii Suuriya isagoo buka ayaa Eliishaa Dimishaq yimid, oo waa loo sheegay oo waxaa lagu yidhi, War ninkii Ilaah waa yimid.
8:8b.2KI.008.008 Markaasaa boqorkii Xasaa'eel ku yidhi, Hadiyad qaad, oo waxaad ka hor tagtaa ninka Ilaah, oo Rabbiga wax iiga soo weyddii, oo waxaad ku tidhaahdaa, Boqorku ma cudurkuu ka bogsanayaa?
8:9b.2KI.008.009 Markaasaa Xasaa'eel tegey inuu isagii ka hor tago oo wuxuu qaaday hadiyad ah Dimishaq wax alla waxeedii wanaagsanaa oo dhan oo afartan rati ku raran, oo intuu u yimid ayuu soo hor istaagay oo yidhi, Waxaa ii soo kaa diray wiilkaagii Benhadad oo ah boqorkii Suuriya, oo wuxuu leeyahay, Miyaan cudurkan ka bogsanayaa?
8:10b.2KI.008.010 Markaasaa Eliishaa wuxuu isagii ku yidhi, Tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Hubaal waad bogsanaysaa; habase yeeshee Rabbigu wuxuu i tusay inuu hubaal dhimanayo.
8:11b.2KI.008.011 Oo isna wuu ku dhaygagay ilaa uu isku yaxyaxay; markaasaa ninkii Ilaah ooyay.
8:12b.2KI.008.012 Markaasaa Xasaa'eel ku yidhi, Sayidkaygiiyow, maxaad u ooyaysaa? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Maxaa yeelay, waxaan ogahay xumaanta aad dadka Israa'iil ku samayn doonto; waayo, qalcadahooda dab baad ku dhejin doontaa, oo raggooda dhallinyarada ahna seef baad ku wada layn doontaa, oo dhallaankoodana dhulkaad ku tuuri doontaa, oo naagahooda uurka lehna waad dooxi doontaa.
8:13b.2KI.008.013 Markaasaa Xasaa'eel yidhi, War sidee baan anigoo addoonkaaga ah oo aan eey waxba dhaamin waxyaalahan waaweyn u samayn doonaa? Markaasaa Eliishaa wuxuu ugu jawaabay, Rabbigu wuxuu i tusay inaad noqon doontid boqor Suuriya u taliya.
8:14b.2KI.008.014 Markaasuu Eliishaa ka tegey oo wuxuu u yimid sayidkiisii isaga ku yidhi, War maxaa Eliishaa kugu soo yidhi? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Wuxuu ii sheegay inaad hubaal bogsanaysid.
8:15b.2KI.008.015 Oo maalintii ku xigtay ayuu maro qaaday oo biyo dhex geliyey, markaasuu wejiga boqorka ku deday wuuna dhintay; oo meeshiisiina Xasaa'eel ayaa boqor ka noqday.
8:16b.2KI.008.016 Yooraam oo ahaa ina Axaab boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii shanaad, oo Yehooshaafaadna dalka Yahuudah boqorka ka ahaa, ayaa Yehooraam ina Yehooshaafaad dalka Yahuudah boqor ka noqday.
8:17b.2KI.008.017 Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo soddon sannadood, siddeed sannadoodna boqor buu ku ahaa Yeruusaalem.
8:18b.2KI.008.018 Oo wuxuu ku socday jidkii ay boqorradii dalka Israa'iil mareen, sidii reerkii Axaab yeelay oo kale, waayo, wuxuu qabay Axaab gabadhiisii; oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah.
8:19b.2KI.008.019 Habase yeeshee Rabbigu ma uu doonaynin inuu dalka Yahuudah baabbi'iyo, sababtuna waa addoonkiisii Daa'uud aawadiis, waayo, wuxuu u ballanqaaday inuu isaga iyo carruurtiisa had iyo goorba laambad siiyo.
8:20b.2KI.008.020 Oo wakhtigiisii ayaa reer Edom ka fallaagoobay dadka Yahuudah, oo iyana waxay yeesheen boqor u taliya.
8:21b.2KI.008.021 Markaasaa Yooraam u gudbay xagga Saaciir, isagoo wata gaadhifardoodkiisii oo dhan; oo intuu habeennimo kacay ayuu laayay reer Edom oo hareereeyey isaga iyo saraakiishii gaadhifardoodka, dadkiina waxay ku carareen teendhooyinkoodii.
8:22b.2KI.008.022 Reer Edomna way ka fallaagoobeen oo way ka hoos baxeen gacantii dadka Yahuudah ilaa maantadan la joogo. Oo haddana isla markaasba waxaa kaloo ka fallaagoobay reer Libnaah.
8:23b.2KI.008.023 Oo Yooraam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?
8:24b.2KI.008.024 Markaasaa Yooraam dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud; oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Axasyaah.
8:25b.2KI.008.025 Oo boqorkii dalka Israa'iil oo ahaa Yooraam ina Axaab sannaddiisii laba iyo tobnaad ayaa Axasyaah ina Yehooraam dalka Yahuudah boqor ka noqday.
8:26b.2KI.008.026 Oo Axasyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo labaatan sannadood, oo sannad ayuu Yeruusaalem boqor ka ahaa. Hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Catalyaah, oo waxay ahayd ina Coomrii oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil.
8:27b.2KI.008.027 Oo wuxuu ku socday jidkii reerkii Axaab maray, oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah sidii reerkii Axaab yeelay oo kale, waayo, isaga waxaa soddog u ahaa Axaab.
8:28b.2KI.008.028 Oo wuxuu raacay Yooraam oo ahaa ina Axaab inay Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya kula diriraan Raamod Gilecaad; oo reer Suuriyana Yooraam bay dhaawaceen.Oo Boqor Yooraamna wuxuu ku noqday Yesreceel in laga soo daweeyo nabrihii ay reer Suuriya Raamaah kaga dhufteen markuu la diriray Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya. Markaasaa Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah Yesreceel tegey inuu soo arko Yooraam ina Axaab, maxaa yeelay, dhaawac buu ahaa.
8:29b.2KI.008.029 Oo Boqor Yooraamna wuxuu ku noqday Yesreceel in laga soo daweeyo nabrihii ay reer Suuriya Raamaah kaga dhufteen markuu la diriray Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya. Markaasaa Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah Yesreceel tegey inuu soo arko Yooraam ina Axaab, maxaa yeelay, dhaawac buu ahaa.
9
9:1b.2KI.009.001 Markaasaa Eliishaa u yeedhay mid qoonkii nebiyada ka mid ahaa, oo wuxuu ku yidhi, War guntiga isku giiji, oo weelkan saliidda ahna gacanta ku sii qaado, oo waxaad tagtaa Raamod Gilecaad.
9:2b.2KI.009.002 Oo markaad halkaas tagto waxaad doondoontaa Yeehuu ina Yehooshaafaad oo ahaa ina Nimshii, oo u tag oo walaalihiis ka dhex kici, oo intaad kaxaysid qol hoose la gal.
9:3b.2KI.009.003 Oo markaas waxaad qaadataa weelka saliidda ah oo madaxiisa ku shub, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Waxaan kuu subkay inaad ahaato boqor u taliya dalka Israa'iil. Oo markaas intaad albaabka furtid carar oo innaba ha raagin.
9:4b.2KI.009.004 Sidaas daraaddeed ninkii dhallinyarada ahaa oo nebiga ahaa wuxuu tegey Raamod Gilecaad.
9:5b.2KI.009.005 Oo markuu yimid ayuu arkay saraakiishii ciidanka oo fadhida; oo wuxuu ku yidhi, Sirkaalow, farriin baan kuu wadaa. Markaasaa Yeehuu yidhi, Kayagee baad u waddaa? Isna wuxuu yidhi, Adigaan kuu wadaa, sirkaalow.
9:6b.2KI.009.006 Oo markaasuu intuu kacay ayuu gurigii galay, dabadeedna saliiddii buu madaxiisa ku shubay, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu kugu leeyahay, Waxaan kuu subkay inaad ahaato boqor u taliya dadka Ilaah oo ah dadka Israa'iil.
9:7b.2KI.009.007 Oo adna waa inaad laysaa reerka Axaab ee sayidkaaga, inaan ka aargudo dhiiggii addoommadaydii nebiyada ahaa, iyo addoommadii Rabbiga oo dhan ee ay Yesebeel daadisay.
9:8b.2KI.009.008 Waayo, Axaab reerkiisa oo dhammu waa halligmayaa; oo Axaab waan ka baabbi'in doonaa wiil kasta ha ahaado mid kasta oo dalka Israa'iil ku dhex xidhan ama mid kasta oo ku dhex furan.
9:9b.2KI.009.009 Oo reerka Axaab waxaan ka dhigayaa sidii reerkii Yaaraabcaam ina Nebaad iyo sidii reerkii Bacshaa ina Axiiyaah oo kale.
9:10b.2KI.009.010 Oo Yesebeel ayaa eeydu ku cuni doonaan dhulka Yesreceel, oo ninna iyada ma xabaali doono, oo markaasuu albaabkii furay oo cararay.
9:11b.2KI.009.011 Markaasaa Yeehuu u soo baxay addoommadii sayidkiisii; oo midkood baa wuxuu isagii ku yidhi, War wax waluba ma hagaagsan yihiin? Ninkan waalanu muxuu kuugu yimid? Oo isna wuxuu ku yidhi, Idinku waad garanaysaan ninka iyo hadalkiisu wuxuu ahaaba.
9:12b.2KI.009.012 Oo iyana waxay yidhaahdeen, Taasu waa been; ee bal hadda noo sheeg. Markaasuu yidhi, Saas iyo saas buu igula hadlay, oo igu yidhi, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Waxaan kuu subkay inaad ahaato boqor u taliya dalka Israa'iil.
9:13b.2KI.009.013 Markaasay dhaqsadeen oo nin waliba wuxuu qaatay dharkiisii, oo hoostiisay dhigeen jaranjarada dusheeda, buun bayna ku dhufteen, oo waxay yidhaahdeen, Yeehuu waa boqor.
9:14b.2KI.009.014 Sidaasuu Yeehuu ina Yehooshaafaad oo ahaa ina Nimshii u shirqoolay Yooraam. (Haddaba Yooraam iyo dadka Israa'iil oo dhammu waxay u sii haysteen Raamod Gilecaad Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya daraaddiis,
9:15b.2KI.009.015 laakiinse Boqor Yooraam wuxuu ku noqday Yesreceel in laga soo daweeyo nabrihii reer Suuriya ku dhufteen markuu la diriray boqorkii reer Suuriya oo Xasaa'eel ahaa). Markaasaa Yeehuu wuxuu yidhi, Hadday idinla wanaagsan tahay yaan ninna baxsan oo magaalada ka bixin si uu intuu Yesreceel tago xaalkan u sheego.
9:16b.2KI.009.016 Markaasuu Yeehuu gaadhifaras fuulay, oo wuxuu tegey xagga Yesreceel, waayo, Yooraam baa halkaas jiifay, oo Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudahna wuxuu u yimid inuu Yooraam arko.
9:17b.2KI.009.017 Haddaba waardiyihii wuxuu kor taagnaa noobiyaddii Yesreceel, oo wuxuu arkay kooxdii Yeehuu oo soo socota; markaasuu yidhi, Waxaan u jeedaa koox. Yooraamna wuxuu yidhi, Nin faras wata u dir, oo ha ka hor tago, oo ha ku yidhaahdo, War ma nabad baa?
9:18b.2KI.009.018 Sidaas daraaddeed waxaa tegey mid faras ku jooga inuu isaga ka hor tago, oo wuxuu ku yidhi, Boqorkii wuxuu ku leeyahay, Ma nabad baa? Oo Yeehuu baa wuxuu ku yidhi, War maxaa nabad kaa galay? I soo daba gal. Markaasaa ninkii waardiyaha ahaa wuxuu yidhi, Ninkii wargeeyska ahaa wuu u tegey iyagii, laakiinse soo noqon maayo.
9:19b.2KI.009.019 Markaasuu haddana diray mid labaad oo faras ku jooga, oo isna intuu u tegey ayuu ku yidhi, Boqorkii wuxuu ku leeyahay, Ma nabad baa? Oo Yeehuu baa ugu jawaabay, War maxaa nabad kaa galay? I soo daba gal.
9:20b.2KI.009.020 Markaasaa ninkii waardiyaha ahaa yidhi, Isna wuu u tegey iyagii, laakiinse soo noqon maayo, oo socodkuna wuxuu u eg yahay sidii socodkii Yeehuu ina Nimshii; waayo, wuxuu gaadhifaraskiisa u kaxeeyaa sidii isagoo waalan.
9:21b.2KI.009.021 Markaasaa Yooraam yidhi, Gaadhifaras diyaariya. Oo iyana gaadhifaraskiisii ayay diyaariyeen. Kolkaasaa Yooraam oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil iyo Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudahba waxay baxeen isagoo mid waliba gaadhifaraskiisii ku jiro, oo waxay u baxeen inay Yeehuu ka hor tagaan, oo waxay ka heleen beertii Naabood kii reer Yesreceel.
9:22b.2KI.009.022 Oo markii Yooraam Yeehuu arkay ayuu ku yidhi, War Yeehuu, ma nabad baa? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, War xaggee nabadu joogtaa inta hooyadaa Yesebeel dhillanimadeedii iyo sixirnimadeediiba ay aad u badan yihiin?
9:23b.2KI.009.023 Markaasaa Yooraam intuu faraskii dib u ceshaday ayuu cararay oo wuxuu Axasyaah ku yidhi, War Axasyaah, tanu waa khiyaano.
9:24b.2KI.009.024 Markaasaa Yeehuu qaansadiisii ku xooday xooggiisii oo dhan, oo Yooraam ku dhuftay labada garab dhexdooda, oo fallaadhiina waxay ka mudhbaxday wadnaha, markaasuu ku dhex dhacay gaadhifaraskiisii.
9:25b.2KI.009.025 Kolkaasaa Yeehuu wuxuu ku yidhi Bidqar oo sirkaalkiisii ahaa, Isaga kor u qaad oo ku dhex tuur beerta Naabood kii reer Yesreceel; waayo, bal xusuuso sidii Rabbigu isaga hadalkan culus uga sheegay markaynu aniga iyo adiguba innagoo fardo fuushan aabbihiis Axaab daba soconnay;
9:26b.2KI.009.026 Rabbigu wuxuu yidhi, Hubaal shalayto waxaan arkay Naabood dhiiggiisii iyo dhiiggii wiilashiisii, haddaba adiga beertan baan abaalkaaga kugu siinayaa. Sidaas daraaddeed isaga qaad oo beerta ku dhex tuur sidii erayga Rabbigu ahaa.
9:27b.2KI.009.027 Laakiinse Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah markuu taas arkay ayuu u cararay xagga gurigii beerta. Oo Yeehuuna wuu eryaday oo wuxuu yidhi, War isagana gaadhifaraskiisa ku dhex dila. Markaasay isagii ku dileen jiirtii Guur oo Yiblecaam ku ag taal. Wuuna u cararay xagga Megiddoo oo halkaasuu ku dhintay.
9:28b.2KI.009.028 Addoommadiisii ayaa gaadhifaras xagga Yeruusaalem ugu qaaday, oo qabrigiisii ayay awowayaashiis kula aaseen magaaladii Daa'uud dhexdeeda.
9:29b.2KI.009.029 Oo Axasyaah wuxuu dalka Yahuudah boqor ka noqday sannaddii kow iyo tobnaad oo Yooraam ina Axaab.
9:30b.2KI.009.030 Oo Yeehuu markuu Yesreceel yimid ayaa Yesebeel maqashay, markaasay intay indhakuulatay oo gambaysatay daaqaddii ka fiirisay.
9:31b.2KI.009.031 Oo markii Yeehuu iriddii ka soo galay ayay tidhi, Simriigii sayidkiisii dilayow, ma nabad baa?
9:32b.2KI.009.032 Oo isna intuu kor u eegay xagga daaqaddii ayuu yidhi, War yaa ila gees ah? Yaa ila gees ah? Markaasaa waxaa soo fiiriyey laba ama saddex nin oo bohon ah.
9:33b.2KI.009.033 Kolkaasuu ku yidhi, Soo tuura iyada. Iyana way soo tuureen, oo dhiiggeedii waxaa qaar ku saydhmay derbigii iyo fardihii; oo isna kolkaasuu iyadii ku tuntay.
9:34b.2KI.009.034 Oo markuu meeshii galay ayuu wax cunay oo wax cabbay, dabadeedna wuxuu yidhi, Bal naagtan habaaran u jeesta oo aasa, waayo, iyadu waa ina boqor.
9:35b.2KI.009.035 Oo iyana waxay u tageen inay iyadii soo aasaan, laakiinse waxba kama ay helin dhaladii iyo cagihii iyo calaacalihii gacmaheeda mooyaane.
9:36b.2KI.009.036 Sidaas daraaddeed way soo noqdeen, oo isagii bay u soo sheegeen. Wuxuuna yidhi, Kanu waa eraygii Rabbigu kaga hadlay addoonkiisii Eliiyaah kii reer Tishbii isagoo leh, Beerta Yesreceel dhexdeeda ayaa eeydu ku cuni doonaan Yesebeel hilibkeeda.Oo Yesebeel meydkeedu wuxuu ahaan doonaa sida digo taal beerta Yesreceel dhexdeeda, si aan loo odhan, Tanu waa Yesebeel.
9:37b.2KI.009.037 Oo Yesebeel meydkeedu wuxuu ahaan doonaa sida digo taal beerta Yesreceel dhexdeeda, si aan loo odhan, Tanu waa Yesebeel.
10
10:1b.2KI.010.001 Haddaba Axaab wuxuu Samaariya ku lahaa toddobaatan wiil. Yeehuuna warqaduu qoray oo wuxuu u diray Samaariya iyo taliyayaashii Yesreceel oo ahaa odayaashii, iyo kuwii soo koriyey wiilashii Axaab, oo wuxuu ku yidhi,
10:2b.2KI.010.002 Waxaa idinla jooga wiilashii sayidkiinna, oo waxaad haysataan gaadhifardood iyo fardo, oo weliba waxaad ku jirtaan magaalo deyr leh, hubna waad haysataan; haddaba markii warqaddanu idiin timaado,
10:3b.2KI.010.003 doorta kan ugu wanaagsan oo ugu wada fiican wiilasha sayidkiinna oo ku fadhiisiya carshigii aabbihiis, oo u dirira sayidkiinna aawadiis.
10:4b.2KI.010.004 Laakiinse aad iyo aad bay u baqeen, oo waxay yidhaahdeen, Labadii boqorba way hor joogsan waayeene bal innagu sidee baynu u taagnaanaynaa?
10:5b.2KI.010.005 Oo kii reerka u sarreeyey, iyo kii magaalada u sarreeyey, iyo weliba odayaashii, iyo kuwii carruurta soo koriyeyba Yeehuu bay u cid direen, oo ku yidhaahdeen, Annagu addoommadaadii baannu nahay, oo wax alla wixii aad nagu amartana waannu yeelaynaa; oo annagu ninnaba boqor ka dhigan mayno; haddaba wax alla wixii kula wanaagsan samee.
10:6b.2KI.010.006 Oo isna mar labaad buu warqad u qoray isagoo leh, Haddaad ila jirtaan, oo aad codkayga maqlaysaan, berrito hadda oo kale wiilasha sayidkiinna madaxyadooda Yesreceel iigu keena. Haddaba boqorka wiilashiisii oo toddobaatan qof ahaa waxay la joogeen raggii magaalada ugu waaweynaa oo iyaga soo koriyey.
10:7b.2KI.010.007 Oo markii warqaddii u timid ayay wiilashii boqorka soo kaxeeyeen oo laayeen iyagoo toddobaatan qof ah, oo madaxyadoodii ayay dambiilo ku gurteen, oo isagii bay Yesreceel ugu direen.
10:8b.2KI.010.008 Oo waxaa isagii u yimid mid wargeeys ah, oo intuu u warramay ayuu ku yidhi, Wiilashii boqorka madaxyadoodii waa la keenay. Oo isna wuxuu ku yidhi, Iridda laga soo galo albaabka laba tuulmo u kala dhiga, oo ilaa berri subax ha yaalleen.
10:9b.2KI.010.009 Oo markii subaxdii la gaadhay ayuu soo baxay oo dibadda istaagay, oo wuxuu dadkii oo dhan ku yidhi, Idinku xaq baad tihiin! Bal eega, anigu sayidkaygii baan shirqoolay, oo waan dilay, laakiinse bal yaa kuwan oo dhan laayay?
10:10b.2KI.010.010 Haddaba bal ogaada in Eraygii Rabbiga ee uu Rabbigu reer Axaab kaga hadlay aan waxba dhulka kaga dhacayn, maxaa yeelay, Rabbigu waa sameeyey wixii uu kaga hadlay addoonkiisii Eliiyaah.
10:11b.2KI.010.011 Sidaasuu Yeehuu Yesreceel ugu laayay reerkii Axaab intii ka hadhay oo dhan, iyo raggiisii waaweynaa oo dhan, iyo saaxiibbadiisii oo dhan, iyo wadaaddadiisii, ilaa uusan waxba u reebin.
10:12b.2KI.010.012 Markaasuu kacay oo baxay, oo wuxuu tegey Samaariya. Oo markuu gaadhay gurigii adhijirrada ee jidka ku yiil
10:13b.2KI.010.013 ayaa Yeehuu la kulmay boqorkii dalka Yahuudah oo Axasyaah ahaa walaalihiis, oo wuxuu ku yidhi, War yaad tihiin? Oo iyana waxay ugu jawaabeen, Annagu waxaannu nahay Axasyaah walaalihiis, oo waxaannu u soconnaa inaannu soo salaanno carruurtii boqorka iyo carruurtii boqoradda.
10:14b.2KI.010.014 Oo isna wuxuu yidhi, iyagoo nool nool qabqabta. Markaasaa la qabtay iyagoo nool nool, oo waxaa iyagoo ah laba iyo afartan nin lagu ag laayay godkii guriga adhijirrada, oo midkoodna kama uu tegin.
10:15b.2KI.010.015 Oo markuu halkaas ka tegey ayuu la kulmay Yehoonaadaab ina Reekaab oo soo socda inuu ka hor tago, oo intuu salaamay ayuu ku yidhi, War sidaan kuugu qalbi fayoobahay oo kale ma iigu qalbi fayow dahay? Markaasaa Yehoonaadaab ugu jawaabay, Haah, oo waan kuu qalbi fayoobahay. Isna wuxuu yidhi, Hadday saas tahay gacanta ii dhiib. Markaasuu gacanta u dhiibay, oo isna gaadhifaraskiisii ayuu soo saartay.
10:16b.2KI.010.016 Markaasuu ku yidhi, Kaalay, i raac, oo fiiri qiirada aan Rabbiga u qabo. Sidaasaa loo fuushiyey gaadhifaraskiisii.
10:17b.2KI.010.017 Oo haddana markuu Samaariya gaadhay ayuu wada laayay intii Axaab Samaariya ugu hadhay oo dhan ilaa uu u baabbi'iyey sidii uu ahaa eraygii Rabbigu kula hadlay Eliiyaah.
10:18b.2KI.010.018 Markaasaa Yeehuu soo wada ururiyey dadkii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Axaab in yar buu Bacal u adeegi jiray, laakiinse anoo Yeehuu ah si weyn baan ugu adeegi doonaa.
10:19b.2KI.010.019 Haddaba sidaas daraaddeed iigu soo wada yeedha nebiyadii Bacal oo dhan, iyo intii isaga caabudi jirtay oo dhan, iyo wadaaddadiisii oo dhan; oo midna yuusan ka maqnaan, waayo, allabari weyn baan Bacal u bixinayaa; oo ku alla ka maqnaadaa noolaan maayo. Laakiinse Yeehuu saas khiyaanuu u sameeyey, waayo, wuxuu damacsanaa inuu wada baabbi'iyo inta Bacal caabudda oo dhan.
10:20b.2KI.010.020 Yeehuuna wuxuu yidhi, Shir weyn Bacal quduus uga dhiga. Oo taas waa la naadiyey.
10:21b.2KI.010.021 Oo Yeehuuna wuxuu u cid diray dalka Israa'iil oo dhan, markaasaa waxaa yimid intii Bacal caabudi jirtay oo dhan, sidaas daraaddeed nin aan iman ma jirin. Oo waxay soo galeen gurigii Bacal; oo gurigii Bacalna waa buuxsamay gees ilaa gees.
10:22b.2KI.010.022 Markaasuu wuxuu ku yidhi kii meeshii dharka u sarreeyey, Inta Bacal caabudda oo dhan dhar u keen. Kolkaasuu dhar u keenay.
10:23b.2KI.010.023 Markaasaa Yeehuu iyo Yehoonaadaab ina Reekaab waxay galeen gurigii Bacal, Yeehuuna wuxuu ku yidhi kuwii Bacal caabudayay, Baadha oo iska fiiriya inaan halkan addoommadii Rabbiga waxba idinkala joogin, laakiinse aad tihiin kuwa Bacal caabuda oo keliya.
10:24b.2KI.010.024 Markaasay gudaha u galeen inay allabaryo iyo qurbaanno la gubo bixiyaan. Haddaba Yeehuu wuxuu mar hore soo doortay siddeetan nin inay dibadda joogaan, oo wuxuu ku yidhi, Nimanka aan gacantiinna soo geliyo hadduu midna baxsado, kii sii daaya ayaa naftiisa loo qisaasayaa.
10:25b.2KI.010.025 Oo haddiiba markuu dhammeeyey allabarigii gubnaa oo uu bixinayay ayaa Yeehuu ku yidhi askartii iyo saraakiishii, Gala oo wada laaya, oo yaan midna ka soo bixin. Markaasay seef ku laayeen, oo askartii ordi jirtay iyo saraakiishii ayaa iyagii dibadda u soo tuuray oo waxay tageen magaaladii guriga Bacal.
10:26b.2KI.010.026 Oo waxay soo bixiyeen tiirarkii guriga Bacal ku jiray, wayna gubeen.
10:27b.2KI.010.027 Wayna jebiyeen tiirkii Bacal, oo dumiyeen gurigii Bacal oo ilaa maantadan waxay ka dhigeen meel lagu xaaro.
10:28b.2KI.010.028 Oo Yeehuu sidaasuu Bacal uga baabbi'iyey dalka Israa'iil.
10:29b.2KI.010.029 Habase yeeshee dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad kii dadka Israa'iil dembaajiyey Yeehuu kama hadhin, kuwaasoo ahaa weylihii dahabka ahaa ee dhex yiil Beytel iyo Daan.
10:30b.2KI.010.030 Markaasaa Rabbigu wuxuu Yeehuu ku yidhi, Si wanaagsan baad u yeeshay wax hortayda ku toosan, oo reerkii Axaabna waad ku samaysay wax alla wixii qalbigayga ku jiray oo dhan, haddaba sidaas daraaddeed farcankaaga qarniga afraad ah ayaa ku fadhiisan doona carshiga dalka Israa'iil.
10:31b.2KI.010.031 Laakiinse Yeehuu iskama uu jirin oo kuma socon sharcigii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, kumana raacin qalbigiisa oo dhan, oo kama tegin dembiyadii Yaaraabcaam uu dadka Israa'iil dembaajiyey.
10:32b.2KI.010.032 Oo waagaas ayaa Rabbigu bilaabay inuu dalka Israa'iil yareeyo, oo Xasaa'eel ayaa iyaga ku laayay dalka Israa'iil oo dhan,
10:33b.2KI.010.033 oo laga bilaaba Webi Urdun ilaa barigiisa, intaas oo ah dalka Gilecaad oo dhan, iyo reer Gaad, iyo reer Ruubeen, iyo reer Manaseh, iyo tan iyo Carooceerta ku ag taal Webi Arnoon, iyo xataa Gilecaad iyo Baashaan.
10:34b.2KI.010.034 Haddaba Yeehuu falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisii oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
10:35b.2KI.010.035 Markaasaa Yeehuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay Samaariya. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yehoo'aaxaas.Oo wakhtigii Yeehuu dalka Israa'iil Samaariya boqorka ugu ahaa wuxuu ahaa siddeed iyo labaatan sannadood.
10:36b.2KI.010.036 Oo wakhtigii Yeehuu dalka Israa'iil Samaariya boqorka ugu ahaa wuxuu ahaa siddeed iyo labaatan sannadood.
11
11:1b.2KI.011.001 Catalyaah oo ahayd Axasyaah hooyadiis markay aragtay in wiilkeedii dhintay ayay kacday oo wada baabbi'isay farcankii reer boqor oo dhan.
11:2b.2KI.011.002 Laakiinse Yehooshebac oo ahayd Boqor Yooraam gabadhiisii, oo Axasyaahna walaashiis ahayd, waxay la tagtay Axasyaah wiilkiisii Yoo'aash, oo ay ka dhex xadday wiilashii boqorka ee la laayay, isagii iyo tii xannaanayn jirtayba, oo waxay gelisay qolka la seexdo, oo iyana Catalyaah way ka qariyeen, sidaas daraaddeed isagii lama dilin.
11:3b.2KI.011.003 Oo isna iyadii buu la joogay, oo wuxuu kula qarsoonaa gurigii Rabbiga intii lix sannadood ah; oo dalkiina waxaa u talisay Catalyaah.
11:4b.2KI.011.004 Oo sannaddii toddobaad ayaa Yehooyaadaac u cid diray oo isugu yeedhay boqol u taliyayaashii u taliyey reer Kaarii iyo askartii ordi jirtay, oo gurigii Rabbiga ayuu keensaday; markaasuu axdi la dhigtay oo iyagii gurigii Rabbiga gudihiisa ku dhaariyey, dabadeedna wuxuu tusay wiilkii boqorka.
11:5b.2KI.011.005 Wuuna amray oo ku yidhi, Idinku sidan yeela: meeshiinna saddexaad ee sabtida gashaa waa inay guriga boqorka ilaaliyaan;
11:6b.2KI.011.006 oo meel saddexaadna iridda Suur ha joogeen; meel saddexaadna ha joogeen iridda askartii ordi jirtay ka dambaysa; sidaas waa inaad guriga u ilaalisaan oo aad wax uga celisaan.
11:7b.2KI.011.007 Oo labadiinna guuto oo ah kulli inta sabtida baxda oo dhanba waa inay guriga Rabbiga ilaaliyaan iyagoo boqorka ku wareegsan.
11:8b.2KI.011.008 Oo idinku waxaad isku wareejisaan boqorka idinkoo nin waluba hubkiisa gacanta ku haysto, oo midkii safafka soo dhex gala ha la dilo, oo boqorkana la jira markuu baxayo iyo markuu soo gelayoba.
11:9b.2KI.011.009 Oo boqol u taliyayaashiina way yeeleen wixii wadaadkii Yehooyaadaac ahaa ku amray oo dhan; oo nin waluba wuxuu kaxeeyey raggiisii sabtida geli lahaa iyo kuwii sabtida bixi lahaa, oo waxay u yimaadeen wadaadkii Yehooyaadaac ahaa.
11:10b.2KI.011.010 Markaasaa wadaadkii wuxuu boqol u taliyayaashii siiyey warmihii iyo gaashaammadii Boqor Daa'uud lahaa oo guriga Rabbiga yiil.
11:11b.2KI.011.011 Markaasay askartii isagoo nin waluba hubkiisii gacanta ku haysto istaageen guriga dhankiisii midig iyo ilaa dhankiisii bidix iyo meeshii allabariga agteeda iyo guriga agtiisa, oo boqorkii bayna isku wareejiyeen.
11:12b.2KI.011.012 Markaasuu wiilkii boqorka soo bixiyey, oo wuxuu madaxa u saaray taajkii, markhaatifurkiina wuu siiyey; oo waxay ka dhigeen boqor, wayna subkeen, kolkaasay u sacbiyeen, oo waxay yidhaahdeen, Boqorku ha noolaado.
11:13b.2KI.011.013 Oo Catalyaahna markay qayladii askarta iyo dadka maqashay ayay dadkii ugu timid gurigii Rabbiga.
11:14b.2KI.011.014 Oo bal eeg, boqorku wuxuu taagnaa tiirka agtiisa siday caadadu ahayd, oo saraakiishii iyo kuwii turumbada watayna boqorkay ag taagnaayeen; oo dadkii waddanka oo dhammuna way reyreeyeen oo turumbooyin afuufeen. Markaasaa Catalyaah dharkeedii iska jeexjeexday oo waxay ku qaylisay, Waa fallaagow, waa fallaagow!
11:15b.2KI.011.015 Markaasaa wadaadkii Yehooyaadaac ahaa amray boqol u taliyayaashii ciidanka u sarreeyey, oo wuxuu ku yidhi, Iyada soo bixiya oo safafka soo dhex mariya, oo kii soo raacana seef ku dila, waayo, wadaadku wuxuu yidhi, Iyada yaan lagu dhex dilin guriga Rabbiga.
11:16b.2KI.011.016 Sidaas daraaddeed iyadii meel bay u banneeyeen, markaasay tagtay marinkii ay farduhu gurigii boqorka u mari jireen, oo halkaasaa lagu dilay.
11:17b.2KI.011.017 Markaasaa Yehooyaadaac sameeyey axdi u dhexeeya Rabbiga iyo boqorka iyo dadkaba inay iyagu ahaadaan Rabbiga dadkiisa, oo haddana wuxuu dhex dhigay boqorkii iyo dadkii.
11:18b.2KI.011.018 Dabadeedna dadkii waddanka oo dhammu waxay tageen gurigii Bacal, oo way dumiyeen, oo meelihiisii allabariga iyo sanamyadiisii oo dhanna way wada burburiyeen, oo Mataan oo ahaa Bacal wadaadkiisiina waxay ku dileen meelihii allabariga hortooda. Oo wadaadkii wuxuu doortay kuwa gurigii Rabbiga u taliya.
11:19b.2KI.011.019 Oo haddana wuxuu kaxeeyey boqol u taliyayaashii iyo kuwii reer Kaarii, iyo askartii ordi jirtay, iyo dadkii waddanka oo dhanba, oo waxay boqorkii ka soo dejiyeen gurigii Rabbiga, oo intay jidkii iridda waardiyayaasha soo mariyeen ayay keeneen gurigii boqorka. Oo isna wuxuu ku fadhiistay carshigii boqorrada.
11:20b.2KI.011.020 Sidaas daraaddeed dadkii waddanka oo dhammu way wada reyreeyeen, oo magaaladiina way xasilloonayd, oo Catalyaahna gurigii boqorka agtiisa ayay seef ku dileen.Oo Yehoo'aashna toddoba sannadood buu jiray markuu boqor noqday.
11:21b.2KI.011.021 Oo Yehoo'aashna toddoba sannadood buu jiray markuu boqor noqday.
12
12:1b.2KI.012.001 Oo Yehoo'aash wuxuu boqor noqday sannaddii toddobaad oo Yeehuu; oo afartan sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa; oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Sibyaah tii reer Bi'ir Shebac.
12:2b.2KI.012.002 Oo Yehoo'aashna wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa wakhtigii uu wadaadkii Yehooyaadaac isaga baray oo dhan.
12:3b.2KI.012.003 Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in; oo dadkuna meelihii sarsare weli way ku allabaryi jireen, fooxna way ku shidi jireen.
12:4b.2KI.012.004 Oo Yehoo'aash wuxuu ku yidhi wadaaddadii, Alaabta quduuska laga dhigay ee guriga Rabbiga la keenay lacagteeda oo dhan, taas oo ah lacagta nin waluba bixiyey markuu u gudbay kuwa la tiriyo, iyo lacagta kuwii lagu qiimeeyey, iyo lacagta nin kastaba qalbigiisa ka damcay inuu guriga Rabbiga keeno,
12:5b.2KI.012.005 wadaaddada nin waluba ha ka qaado kii uu yaqaan, oo ha ku dhiso meelaha guriga ka jajaban meel kasta oo meel jaban laga heloba.
12:6b.2KI.012.006 Laakiinse sannaddii saddex iyo labaatanaad oo Yehoo'aash wadaaddadii weli ma ay dhisin guriga meelihiisii jajabnaa.
12:7b.2KI.012.007 Markaasaa Boqor Yehoo'aash wuxuu u yeedhay wadaadkii Yehooyaadaac ahaa, iyo wadaaddadii kaleba, oo wuxuu ku yidhi, War maxaad guriga meelihiisa jajaban u dhisi weydeen? Haddaba lacag dambe ha ka qaadanina dadka aad taqaaniin, laakiinse meelaha jajaban ee guriga aawadood ku bixiya.
12:8b.2KI.012.008 Oo wadaaddadiina waxay oggolaadeen inayan dadka lacag dambe ka qaadin, oo guriga meelihiisa jajabanna ayan dhisin.
12:9b.2KI.012.009 Laakiinse wadaadkii Yehooyaadaac ahaa ayaa intuu sanduuq qaaday daboolka ka dalooliyey oo wuxuu ag qotomiyey meeshii allabariga xagga midigta markii guriga Rabbiga la soo gelayo; oo wadaaddadii albaabka dhawri jiray ayaa ku riday lacagtii guriga Rabbiga la keenay oo dhan.
12:10b.2KI.012.010 Oo markay arkeen in lacag badanu sanduuqii ku jirto ayaa waxaa yimid karraanigii boqorka iyo wadaadkii sare, oo kiishash bay ku gureen markay tiriyeen lacagtii laga helay gurigii Rabbiga.
12:11b.2KI.012.011 Oo lacagtii la miisaamay ayay u dhiibeen kuwii shuqulka sameeyey, kuwaas oo guriga Rabbiga u talin jiray; oo waxay siiyeen nijaarradii iyo waxdhisayaashii ka shaqeeyey gurigii Rabbiga,
12:12b.2KI.012.012 iyo wastaadyadii, iyo kuwii dhagaxyada qori jiray, waxayna u bixiyeen in lagu iibiyo alwaax iyo dhagaxyo la qoray si loogu dhiso meelihii guriga Rabbiga ka jajabnaa, iyo wax kasta oo loo bixiyey in guriga lagu dhiso.
12:13b.2KI.012.013 Laakiinse lacagtii guriga Rabbiga la soo geliyey guriga Rabbiga looguma samayn koobab lacag ah, iyo alaab laambado lagu safeeyo, iyo maddiibado, iyo turumbooyin, iyo innaba weelal dahab ah amase weelal lacag ah,
12:14b.2KI.012.014 waayo, waxay lacagtii siiyeen kuwii shuqulka sameeyey, oo waxay ku dhiseen gurigii Rabbiga.
12:15b.2KI.012.015 Oo weliba lama ay xisaabtamin raggii ay lacagta u dhiibeen inay iyagu siiyaan nimankii shuqulka sameeyey, maxaa yeelay, waxay ku shaqeeyeen aaminnimo.
12:16b.2KI.012.016 Oo lacagtii qurbaannada xadgudubka iyo lacagtii qurbaannada dembiga toona lama soo gelin gurigii Rabbiga; oo waxaa iska lahaa wadaaddada.
12:17b.2KI.012.017 Markaasaa Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya kacay oo wuxuu la diriray Gad, wuuna qabsaday. Kolkaasaa Xasaa'eel wuxuu u jeestay oo u kacay Yeruusaalem.
12:18b.2KI.012.018 Markaasaa Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wada qaaday alaabtii quduuska ahayd oo dhan, taasoo ay boqorradii dalka Yahuudah quduus ka dhigeen, iyagoo ahaa awowayaashiis Yehooshaafaad, iyo Yehooraam, iyo Axasyaah, iyo weliba isaga alaabtiisii quduuska ahayd, iyo kulli dahabkii laga helay khasnadihii guriga Rabbiga iyo gurigii boqorkaba, oo wuxuu u diray boqorkii Suuriya oo Xasaa'eel ahaa; oo isna Yeruusaalem wuu ka tegey.
12:19b.2KI.012.019 Haddaba Yoo'aash falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?
12:20b.2KI.012.020 Oo addoommadiisii intay ku kaceen ayay sirqooleen, oo waxay Yoo'aash ku dileen guriga Millo agtiisa oo ku ag yiil jidka u kaca xagga Sillaa.Oo kuwii isagii dilay waxay ahaayeen addoommadiisii oo ahaa Yooskar oo ay Shimcaad dhashay iyo Yehoosaabaad oo ay Shomeer dhashay; wuuna dhintay, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Amasyaah.
12:21b.2KI.012.021 Oo kuwii isagii dilay waxay ahaayeen addoommadiisii oo ahaa Yooskar oo ay Shimcaad dhashay iyo Yehoosaabaad oo ay Shomeer dhashay; wuuna dhintay, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Amasyaah.
13
13:1b.2KI.013.001 Yoo'aash ina Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii saddex iyo labaatanaad ayaa Yehoo'aaxaas ina Yeehuu dalka Israa'iil boqor ugu noqday Samaariya, oo wuxuuna boqor ahaa toddoba iyo toban sannadood.
13:2b.2KI.013.002 Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, wuuna raacay dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad uu dadkii Israa'iil dembaajiyey, kamana uu tegin.
13:3b.2KI.013.003 Oo Rabbiga cadhadiisiina aad bay ugu kululaatay dadkii Israa'iil, oo wuxuu had iyo goorba gacanta u gelin jiray Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya, iyo Benhadad ina Xasaa'eel.
13:4b.2KI.013.004 Oo Yehoo'aaxaas ayaa Rabbiga baryay, Rabbiguna wuu maqlay, waayo, wuxuu arkay dulmigii uu boqorkii Suuriya dadka Israa'iil ku hayay.
13:5b.2KI.013.005 (Markaasaa Rabbigu wuxuu dadkii Israa'iil siiyey badbaadiye, wayna ka hoos baxeen gacantii reer Suuriya; kolkaasay dadkii Israa'iil teendhooyinkoodii iska degeen sidii hore.
13:6b.2KI.013.006 Habase yeeshee kama ay tegin dembiyadii reerkii Yaaraabcaam uu dadkii Israa'iil dembaajiyey, laakiinse way ku socdeen, oo Samaariyana waxaa ku hadhay geedihii Asheeraah.)
13:7b.2KI.013.007 Waayo, Rabbigu waxba dadkii ugama uu reebin Yehoo'aaxaas konton nin oo fardooley ah, iyo toban gaadhifaras, iyo toban kun oo nin oo lug ah mooyaane; waayo, boqorkii Suuriya wuu wada baabbi'iyey, oo wuxuu ka dhigay sida boodhka lagu tunto oo kale.
13:8b.2KI.013.008 Haddaba Yehoo'aaxaas falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisiiba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
13:9b.2KI.013.009 Markaasaa Yehoo'aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay Samaariya; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yoo'aash.
13:10b.2KI.013.010 Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii toddoba iyo soddonaad ayaa Yehoo'aash ina Yehoo'aaxaas dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, wuxuuna boqor ahaa lix iyo toban sannadood.
13:11b.2KI.013.011 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kamana uu tegin dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad oo dhan kuwaasoo uu dadkii Israa'iil dembaajiyey; laakiinse wuu ku socday.
13:12b.2KI.013.012 Haddaba Yoo'aash falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisii uu kula diriray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
13:13b.2KI.013.013 Markaasaa Yoo'aash dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo carshigiisiina waxaa ku fadhiistay Yaaraabcaam; Yoo'aashna waxaa Samaariya lagula aasay boqorradii dalka Israa'iil.
13:14b.2KI.013.014 Haddaba Eliishaa wuxuu la bukooday cudurkii uu u dhintay, oo waxaa isagii u yimid Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo intuu ku dul ooyay ayuu ku yidhi, Aabbow, aabbow, bal eeg, gaadhifardoodkii dalka Israa'iil iyo raggoodii fardooleyda ahaa!
13:15b.2KI.013.015 Markaasaa Eliishaa ku yidhi, Bal qaado qaanso iyo fallaadho, kolkaasuu qaanso iyo fallaadho soo qaatay.
13:16b.2KI.013.016 Oo isna wuxuu boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Bal qaansada gacanta kor saar, markaasuu gacantii kor saaray. Kolkaasaa Eliishaa gacmihiisii kor saaray gacmihii boqorka.
13:17b.2KI.013.017 Oo wuxuu ku yidhi, Bal daaqadda xagga bari fur; oo isna wuu furay. Kolkaasaa Eliishaa ku yidhi, Fallaadha gan, oo isna wuu ganay. Oo wuxuu yidhi, Tanu waa fallaadhii Rabbiga ee badbaadada, oo waxa weeye fallaadha badbaadada laga heli doona reer Suuriya; waayo, waa inaad reer Suuriya Afeeq ku laysaa ilaa aad wada baabbi'iso.
13:18b.2KI.013.018 Markaasuu yidhi, War fallaadhaha qaado, oo isna wuu qaatay. Markaasuu boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Bal dhulka ku dhufo; kolkaasuu saddex jeer dhulka ku dhuftay, oo joogsaday.
13:19b.2KI.013.019 Markaasaa ninkii Ilaah dhirfay oo wuxuu ku yidhi, War waxaa ku ekayd inaad ku dhufatid shan ama lix jeer; oo markaas reer Suuriya waad wada layn lahayd ilaa aad wada baabbi'iso; laakiinse haatan reer Suuriya waxaad laynaysaa saddex jeer oo keliya.
13:20b.2KI.013.020 Markaasaa Eliishaa dhintay, waana la aasay. Oo sannad kasta bilowgeeda waxaa dalka dhici jiray guutooyinkii reer Moo'aab.
13:21b.2KI.013.021 Markii nin la aasayay ayay kuwii aasayay u jeedeen guuto soo socota; markaasay waxay ninkii ku dhex tuureen qabrigii Eliishaa; oo haddiiba ninkii markuu taabtay Eliishaa lafihiisii ayuu soo noolaaday, oo sara joogsaday.
13:22b.2KI.013.022 Oo Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya ayaa dadkii Israa'iil dulmi jiray wakhtigii Yehoo'aaxaas oo dhan.
13:23b.2KI.013.023 Laakiinse Rabbigu iyaga wuu u roonaaday, oo u naxariistay, wuxuuna ugu jeestay iyaga axdigii uu la dhigtay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub aawadiis, oo mana uu doonayn inuu baabbi'iyo oo weli hortiisa kama uu tuurin.
13:24b.2KI.013.024 Markaasaa Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya dhintay, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Benhadad.Markaasaa Yehoo'aash ina Yehoo'aaxaas ayaa Benhadad ina Xasaa'eel mar kale ka qaatay magaalooyinkii uu dagaalka kaga qaatay aabbihiis Yehoo'aaxaas. Oo Yoo'aash saddex jeer buu isagii dagaal ku dhuftay oo ka soo dhacsaday magaalooyinkii dalka Israa'iil.
13:25b.2KI.013.025 Markaasaa Yehoo'aash ina Yehoo'aaxaas ayaa Benhadad ina Xasaa'eel mar kale ka qaatay magaalooyinkii uu dagaalka kaga qaatay aabbihiis Yehoo'aaxaas. Oo Yoo'aash saddex jeer buu isagii dagaal ku dhuftay oo ka soo dhacsaday magaalooyinkii dalka Israa'iil.
14
14:1b.2KI.014.001 Yoo'aash ina Yoo'aaxaas ee ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii labaad ayaa Amasyaah ina Yoo'aash dalka Yahuudah boqor ka noqday.
14:2b.2KI.014.002 Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem ayuu boqor ku ahaa sagaal iyo labaatan sannadood, oo hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Yehoocaddiin tii reer Yeruusaalem.
14:3b.2KI.014.003 Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, laakiinse ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud sameeyey oo kale; wuxuuse sameeyey kulli wixii aabbihiis Yoo'aash sameeyey oo kale.
14:4b.2KI.014.004 Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in; oo dadku weli way ku allabaryi jireen, fooxna way ku shidi jireen meelihii sarsare.
14:5b.2KI.014.005 Oo haddiiba markii boqortooyadiisii xoogaysatay ayuu laayay addoommadiisii dilay boqorkii aabbihiis ahaa.
14:6b.2KI.014.006 Laakiinse gacankudhiiglayaasha carruurtoodii ma uu dilin; oo wuxuu yeelay sida ku qoran kitaabkii sharcigii Muuse sidii Rabbigu amray, isagoo leh, Aabbayaasha yaan loo dilin carruurtooda, carruurtana yaan loo dilin aabbayaashood; laakiinse nin waluba dembigiisa ha u dhinto.
14:7b.2KI.014.007 Oo Dooxadii Cusbada wuxuu reer Edom kaga laayay toban kun oo nin, oo Selacna dagaal buu ku qabsaday, oo wuxuu magaceedii u bixiyey Yoqte'eel, ilaa maantadanna waa loo yaqaan.
14:8b.2KI.014.008 Markaasaa Amasyaah wargeeyayaal u diray Yehoo'aash oo ahaa ina Yehoo'aaxaas ina Yeehuu oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Car kaalay aynu iska hor nimaadnee.
14:9b.2KI.014.009 Kolkaasaa Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil u cid diray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Yamaaruggii Lubnaan ku yiil wuxuu u cid diray geedkii kedarka ah oo Lubnaan ku yiil, oo wuxuu ku yidhi, Gabadhaada sii wiilkaygu ha guursadee; oo waxaa halkaas soo maray bahal Lubnaan joogay, markaasuu yamaaruggii ku joogsaday.
14:10b.2KI.014.010 Hubaal reer Edom baad laysay, waanad isla weynaatay, haddaba faan oo dalkaaga iska joog, waayo, bal maxaad belaayo isugu soo jiidaysaa oo aad adiga iyo dadka Yahuudahba u wada dhacaysaan?
14:11b.2KI.014.011 Laakiinse Amasyaah taas wuu maqli waayay. Markaasuu Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil soo kacay, oo isagii iyo Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah waxay iskaga hor yimaadeen Beytshemesh oo uu dadka Yahuudah leeyahay.
14:12b.2KI.014.012 Oo dadka Israa'iil way ka adkaadeen dadka Yahuudah, oo nin waluba wuxuu u cararay teendhadiisii.
14:13b.2KI.014.013 Oo Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil ayaa Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah kaasoo ahaa ina Yehoo'aash oo ahaa ina Axasyaah, ku qabtay Beytshemesh, oo intuu Yeruusaalem yimid ayuu dumiyey derbigii Yeruusaalem tan iyo iriddii Efrayim iyo ilaa iriddii geeska ahayd, intaasoo ahayd afar boqol oo dhudhun.
14:14b.2KI.014.014 Oo wuxuu qaatay dahabkii iyo lacagtii oo dhan iyo weelashii laga helay guriga Rabbiga iyo khasnadihii guriga boqorka oo dhan, oo dadna cudhaadh ahaan buu u kaxaystay, markaasuu Samaariya ku noqday.
14:15b.2KI.014.015 Haddaba Yehoo'aash falimihiisii kale ee uu sameeyey, iyo xooggiisii, iyo siduu ula diriray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudahba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
14:16b.2KI.014.016 Markaasaa Yehoo'aash dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo Samaariya ayaa lagula aasay boqorradii dalka Israa'iil, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yaaraabcaam.
14:17b.2KI.014.017 Oo Amasyaah ina Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah shan iyo toban sannadood buu sii noolaa markii Yehoo'aash ina Yehoo'aaxaas oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil uu dhintay dabadeed.
14:18b.2KI.014.018 Haddaba Amasyaah falimihiisii kale sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?
14:19b.2KI.014.019 Oo isagii shirqool bay Yeruusaalem ugu sameeyeen, markaasuu Laakiish u cararay, laakiinse Laakiish bay cid uga daba direen, oo halkaasay ku dileen.
14:20b.2KI.014.020 Markaasay isagii fardo ku keeneen, oo awowayaashiis ayaa lagula aasay Yeruusaalem oo ah magaaladii Daa'uud.
14:21b.2KI.014.021 Oo dadkii Yahuudah oo dhammu waxay soo kaxaysteen Casaryaah oo lix iyo toban sannadood jiray, oo isagay boqor uga dhigeen meeshii aabbihiis Amasyaah.
14:22b.2KI.014.022 Oo isna Eelad wuu dhisay oo dalka Yahuudah u soo celiyey markii boqorkii dhintay oo la seexday awowayaashiis dabadeed.
14:23b.2KI.014.023 Amasyaah ina Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii shan iyo tobnaad ayaa Yaaraabcaam ina Yoo'aash dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, wuxuuna boqor ahaa kow iyo afartan sannadood.
14:24b.2KI.014.024 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kamana uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadkii Israa'iil dembaajiyey oo dhan.
14:25b.2KI.014.025 Oo wuxuu soo celiyey soohdintii dalka Israa'iil tan iyo meesha laga galo Xamaad iyo tan iyo badda Caraabaah, taasuna waa siduu ahaa Eraygii Rabbiga ah Ilaaha dadka Israa'iil ee uu kaga hadlay addoonkiisii ahaa Nebi Yoonis ina Amitay oo ahaa reer Gad Heefer.
14:26b.2KI.014.026 Waayo, Rabbigu wuxuu arkay dhibaatadii ay dadkii Israa'iil ku jireen inay aad u qadhaadhayd, waayo, ma jirin mid xidhan iyo mid furan toona, mana jirin mid dadkii Israa'iil u kaalmeeya.
14:27b.2KI.014.027 Rabbigu ma uu odhan, Magaca dadka Israa'iil waan ka baabbi'inayaa samada hoosteeda. Laakiinse iyagii wuxuu ku badbaadiyey Yaaraabcaam ina Yoo'aash.
14:28b.2KI.014.028 Haddaba Yaaraabcaam falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisii, iyo siduu u dagaallamay, iyo siduu dalka Israa'iil ugu soo celiyey Dimishaq iyo Xamaad oo ay dadkii Yahuudah lahaayeen sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?Markaasaa Yaaraabcaam dhintay oo la seexday awowayaashiis kuwaasoo ahaa boqorradii dalka Israa'iil, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Sekaryaah.
14:29b.2KI.014.029 Markaasaa Yaaraabcaam dhintay oo la seexday awowayaashiis kuwaasoo ahaa boqorradii dalka Israa'iil, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Sekaryaah.
15
15:1b.2KI.015.001 Yaaraabcaam oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii toddoba iyo labaatanaad ayaa Casaryaah ina Amasyaah dalka Yahuudah boqor ka noqday.
15:2b.2KI.015.002 Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray lix iyo toban sannadood, oo wuxuu Yeruusaalem boqor ku ahaa laba iyo konton sannadood, oo hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Yekaalyaah tii reer Yeruusaalem.
15:3b.2KI.015.003 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, oo wuxuu wada yeelay sidii aabbihiis Amasyaah yeelay oo kale.
15:4b.2KI.015.004 Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in; oo dadkuna weli way ku allabaryi jireen, fooxna way ku shidi jireen meelihii sarsare.
15:5b.2KI.015.005 Oo boqorkiina Rabbigaa wax ku dhuftay, haddaba tan iyo maalintii uu dhintay wuxuu ahaa barasle, oo guri gaar ah buu degay. Oo Yootam oo ahaa ina boqor ayaa reerka u talin jiray, isagoo dadkii dalka degganaa u gar qaybinaya.
15:6b.2KI.015.006 Haddaba Casaryaah falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?
15:7b.2KI.015.007 Markaasaa Casaryaah dhintay oo la seexday awowayaashiis; oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yootam.
15:8b.2KI.015.008 Oo Casaryaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii siddeed iyo soddonaad ayaa Sekaryaah ina Yaaraabcaam dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu ahaa intii lix bilood ah.
15:9b.2KI.015.009 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, siday awowayaashiis yeeli jireen oo kale; oo kamana uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadkii Israa'iil dembaajiyey.
15:10b.2KI.015.010 Oo waxaa isagii shirqoolay Shalluum ina Yaabeesh, oo wax buu ku dhuftay dadka hortiisii, wuuna dilay, markaasuu meeshiisiina boqor ka noqday.
15:11b.2KI.015.011 Haddaba Sekaryaah falimihiisii kale waxay ku qoran yihiin kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.
15:12b.2KI.015.012 Kanu wuxuu ahaa eraygii Rabbigu kula hadlay Yeehuu, ee uu ku yidhi, Farcankaaga qarniga afraad ah ayaa ku fadhiisan doona carshiga dalka Israa'iil. Oo saasay noqotay.
15:13b.2KI.015.013 Oo Shalluum ina Yaabeesh wuxuu boqor noqday Cusiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii sagaal iyo soddonaad, oo muddo bil ah ayuu Samaariya boqor ku ahaa.
15:14b.2KI.015.014 Markaasaa Menaxeem ina Gaadii ayaa ka kacay Tirsaah, oo wuxuu tegey Samaariya, markaasuu Shalluum ina Yaabeesh ku dilay Samaariya oo meeshiisii boqor ka noqday.
15:15b.2KI.015.015 Haddaba Shalluum falimihiisii kale iyo shirqoolkii uu sameeyeyba waxay ku qoran yihiin kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.
15:16b.2KI.015.016 Haddaba Menaxeem wuu wada laayay Tifsax iyo wixii ku jiray oo dhan, iyo soohdimaheedii marka Tirsaah laga bilaabo, maxaa yeelay, way ka furi waayeen, sidaas daraaddeed buuna u laayay; oo naagihii uurka lahaa oo magaalada ku jiray oo dhan wuu wada dooxay.
15:17b.2KI.015.017 Casaryaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii sagaal iyo soddonaad ayaa Menaxeem ina Gaadii dalka Israa'iil boqor ka noqday, oo Samaariya ayuu toban sannadood boqor ku ahaa.
15:18b.2KI.015.018 Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah; oo isagu wakhtigiisii oo dhan kama uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadka Israa'iil dembaajiyey.
15:19b.2KI.015.019 Markaasaa waxaa waddankii ku kacay Fuul oo ahaa boqorkii Ashuur; oo Menaxeem ayaa Fuul kun talanti oo lacag ah siiyey inuu gacan ku siiyo si ay boqortooyadu ugu xoogaysato.
15:20b.2KI.015.020 Oo Menaxeem wuxuu lacagtii saaray dadkii taajiriinta ahaa oo dalka Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku amray in nin waluba konton sheqel oo lacag ah bixiyo si loo siiyo boqorka Ashuur, sidaas daraaddeed boqorkii Ashuur dib buu u noqday oo dalkiina siima uu joogin.
15:21b.2KI.015.021 Haddaba Menaxeem falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
15:22b.2KI.015.022 Markaasaa Menaxeem dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Fiqaxyaah.
15:23b.2KI.015.023 Casaryaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii kontonaad ayaa Fiqaxyaah ina Menaxeem dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, oo wuxuu boqor ahaa laba sannadood.
15:24b.2KI.015.024 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo kama uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadka Israa'iil dembaajiyey.
15:25b.2KI.015.025 Oo waxaa isagii shirqoolay sirkaalkiisii Feqax ina Remalyaah ahaa oo wuxuu isagii qalcaddii guriga boqorka kula dilay Argob iyo Aryaah; oo waxaa isaga la jiray konton nin oo reer Gilecaad ah; oo markuu isagii dilay ayuu meeshiisii boqor ka noqday.
15:26b.2KI.015.026 Haddaba Fiqaxyaah falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba waxay ku wada qoran yihiin kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.
15:27b.2KI.015.027 Casaryaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii laba iyo kontonaad ayaa Feqax ina Remalyaah dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, oo wuxuu boqor ahaa labaatan sannadood.
15:28b.2KI.015.028 Oo isaguna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kamana uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadka Israa'iil dembaajiyey.
15:29b.2KI.015.029 Oo wakhtigii Feqax boqorka ka ahaa dalka Israa'iil waxaa yimid Tiglad Fileser oo ahaa boqorka Ashuur, oo wuxuu qabsaday Ciyoon, iyo Aabeel Beytmacakaah, iyo Yaanoo'ax, iyo Qedesh, iyo Xaasoor, iyo Gilecaad, iyo Galili, iyo dalkii reer Naftaali oo dhan, oo dadkiina maxaabiis ahaan ayuu Ashuur ugu kaxaystay.
15:30b.2KI.015.030 Hoosheeca ina Eelaah ayaa Feqax ina Remalyaah shirqoolay, oo intuu wax ku dhuftay ayuu dilay, oo meeshiisiina boqor buu ka noqday sannaddii labaatanaad oo Yootam ina Cusiyaah.
15:31b.2KI.015.031 Haddaba Feqax falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba waxay ku wada qoran yihiin kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.
15:32b.2KI.015.032 Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii labaad ayaa Yootam ina Cusiyaah dalka Yahuudah boqor ka noqday.
15:33b.2KI.015.033 Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem ayuu boqor ku ahaa lix iyo toban sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Yeruushaah ina Saadooq.
15:34b.2KI.015.034 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, oo wuxuu wada yeelay sidii aabbihiis Cusiyaah yeelay oo kale.
15:35b.2KI.015.035 Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in, oo dadkuna weli way ku allabaryi jireen, fooxna bay ku shidi jireen meelihii sarsare. Oo isagu wuxuu dhisay iriddii sare oo gurigii Rabbiga.
15:36b.2KI.015.036 Haddaba Yootam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?
15:37b.2KI.015.037 Oo waagaas Rabbigu wuxuu bilaabay inuu dalka Yahuudah ku soo diro Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah.Markaasaa Yootam dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii awowgiis Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aaxaas.
15:38b.2KI.015.038 Markaasaa Yootam dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii awowgiis Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aaxaas.
16
16:1b.2KI.016.001 Feqax ina Remalyaah sannaddiisii toddoba iyo tobnaad ayaa Aaxaas ina Yootam boqor ka noqday dalka Yahuudah.
16:2b.2KI.016.002 Aaxaas markuu boqor noqday wuxuu jiray labaatan sannadood; oo lix iyo toban sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa; oo isagu ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud oo kale wax Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa ku qumman.
16:3b.2KI.016.003 Laakiinse wuxuu ku socday jidkii boqorrada dalka Israa'iil; oo weliba wiilkiisii ayuu dab dhex mariyey sidii ay ahayd karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.
16:4b.2KI.016.004 Oo isna wuxuu ku allabaryi jiray, fooxna ku shidi jiray meelihii sarsare, iyo buuraha dushooda, iyo geed kastoo dheer oo doog ah hoostiisaba.
16:5b.2KI.016.005 Markaasaa waxaa Yeruusaalem ku soo kacay Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay la diriraan; wayna hareereeyeen Aaxaas, laakiinse way ka adkaan kari waayeen.
16:6b.2KI.016.006 Oo waagaas Resiin oo ahaa boqorkii reer Suuriya wuxuu Suuriya u soo celiyey Eelad, oo Yuhuuddiina wuu ka eryay Eelad, markaasay reer Suuriya Eelad yimaadeen, oo ilaa maantana way deggan yihiin.
16:7b.2KI.016.007 Sidaas daraaddeed Aaxaas wuxuu farriin u diray Tiglad Fileser oo ahaa boqorkii Ashuur, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay addoonkaagii iyo wiilkaagiiba, haddaba ii kaalay oo iga badbaadi boqorka Suuriya iyo boqorka dalka Israa'iil kuwaas oo igu kacay.
16:8b.2KI.016.008 Oo Aaxaas wuxuu qaaday lacagtii iyo dahabkii laga helay gurigii Rabbiga iyo khasnadihii gurigii boqorkaba, oo wuxuu hadiyad ahaan ugu diray boqorkii Ashuur.
16:9b.2KI.016.009 Oo boqorkii Ashuurna wuu maqlay; markaasaa boqorkii Ashuur Dimishaq ku kacay oo qabsaday, oo dadkiina maxaabiis ahaan buu Qiir ugu kaxaystay, oo Resiinna wuu dilay.
16:10b.2KI.016.010 Oo Boqor Aaxaasna wuxuu Dimishaq u tegey inuu Tiglad Fileser oo ahaa boqorkii Ashuur la kulmo, oo wuxuu arkay meeshii allabariga ee Dimishaq ku tiil; markaasaa Boqor Aaxaas wuxuu wadaadkii Uuriyaah ahaa u diray tilmaantii meeshii allabariga siday u ekayd iyo siduu hanaankeedu ahaa iyo sidii loo sameeyey oo dhan.
16:11b.2KI.016.011 Markaasaa wadaadkii Uuriyaah ahaa u dhisay meel allabari sidii Boqor Aaxaas Dimishaq ka soo diray oo kale, oo wadaadkii Uuriyaah ahaa taas buu sameeyey intuusan Boqor Aaxaas Dimishaq ka iman.
16:12b.2KI.016.012 Oo markuu boqorkii Dimishaq ka yimid wuxuu arkay meeshii allabariga, markaasuu u dhowaaday meeshii allabariga oo wax buu ku dul bixiyey.
16:13b.2KI.016.013 Oo wuxuu meeshii allabariga ku dul gubay qurbaankiisii la gubi jiray iyo qurbaankiisii hadhuudhka ahaa, oo qurbaankiisii cabniinka wuu ku dul shubay, oo wuxuu ku saydhsaydhay dhiiggii qurbaannadiisii nabaadiinada.
16:14b.2KI.016.014 Oo meeshii allabariga ee naxaasta ahayd oo Rabbiga hor tiilna wuu ka soo qaaday guriga hortiisii iyo meeshii u dhexaysay meeshiisa allabariga iyo gurigii Rabbiga, oo wuxuu dhigay meeshiisii allabariga dhinaceeda woqooyi.
16:15b.2KI.016.015 Oo Boqor Aaxaas wuxuu amray wadaadkii Uuriyaah ahaa, oo ku yidhi, Meesha allabariga oo weyn waxaad dusheeda ku gubtaa qurbaanka la gubo oo subaxda, iyo qurbaanka hadhuudhka ah oo fiidnimada, iyo qurbaanka la gubo ee boqorka, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaanka la gubo oo dadka dalka deggan oo dhan, iyo qurbaankooda hadhuudhka ah, iyo qurbaannadooda cabniinka; oo dhiigga qurbaanka la gubo oo dhanna dusheeda ku saydhsaydh, iyo dhiigga allabariga; laakiinse meesha allabariga ee naxaasta ahu ha ahaato mid aan wax ku weyddiisto.
16:16b.2KI.016.016 Haddaba wadaadkii Uuriyaah ahaa sidaasuu u wada yeelay wixii Boqor Aaxaas ku amray oo dhan.
16:17b.2KI.016.017 Oo Boqor Aaxaasna wuxuu jaray saldhigyadii darfahoodii, oo berkeddii weysadana wuu ka kor qaaday, oo berkeddii naxaasta ahaydna wuu ka dejiyey dibidii hoosteeda ku jirtay, oo wuxuu saaray meel sallax ah.
16:18b.2KI.016.018 Oo boqorkii Ashuur aawadiis ayuu gurigii Rabbiga ugu soo beddelay meeshii daboolnayd ee sabtida ee guriga looga dhex dhisay iyo meeshii boqorku ka soo geli jirayba.
16:19b.2KI.016.019 Haddaba Aaxaas falimihiisii kale ee uu sameeyey sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?Markaasaa Aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud; meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Xisqiyaah.
16:20b.2KI.016.020 Markaasaa Aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud; meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Xisqiyaah.
17
17:1b.2KI.017.001 Aaxaas oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii laba iyo tobnaad ayaa Hoosheeca ina Eelaah dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, oo wuxuu boqor ahaa sagaal sannadood.
17:2b.2KI.017.002 Oo wuxuu sameeyey wax shar ku ah Rabbiga hortiisa, laakiinse uma uu samayn sidii boqorradii dalka Israa'iil oo isaga ka horreeyey.
17:3b.2KI.017.003 Oo waxaa isagii ku kacay Shalmaneser oo ahaa boqorkii Ashuur; oo Hoosheeca addoon buu u noqday isagii, oo wuxuu u keenay gabbaro.
17:4b.2KI.017.004 Markaasaa boqorkii Ashuur wuxuu Hoosheeca ka gartay shirqool, waayo, wuxuu wargeeyayaal u dirtay Soowa oo boqorkii Masar ahaa, oo boqorkii Ashuurna gabbaro ma uu siin siduu sannad kasta yeeli jiray; sidaas daraaddeed boqorkii Ashuur wuu xidhay oo xabsi ku riday.
17:5b.2KI.017.005 Markaasaa boqorkii Ashuur dalkii oo dhan dhex maray, oo wuxuu yimid Samaariya, oo intii saddex sannadood ah ayuu hareereeyey.
17:6b.2KI.017.006 Oo Hoosheeca sannaddiisii sagaalaad ayaa boqorkii Ashuur qabsaday Samaariya, oo dadkii Israa'iilna wuxuu u kaxaystay Ashuur, oo wuxuu dejiyey Xalax, iyo Xaaboor oo webigii Goosaan ag ahaa, iyo magaalooyinkii reer Maaday.
17:7b.2KI.017.007 Oo taasu way dhacday, maxaa yeelay, dadkii Israa'iil waxay ku dembaabi jireen Rabbiga Ilaahooda ah oo iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar oo ka soo hoos bixiyey gacantii Fircoon oo ahaa boqorkii Masar, oo waxay ka cabsan jireen ilaahyo kale,
17:8b.2KI.017.008 wayna ku socon jireen qaynuunnadii quruumaha kale, kuwaasoo Rabbigu ka eryay dadka Israa'iil hortooda, iyo kuwii ay boqorradii dadkii Israa'iil samaysteenba.
17:9b.2KI.017.009 Oo dadkii Israa'iil waxay Rabbiga Ilaahooda ah si qarsoon ugu samayn jireen waxyaalo aan qummanayn, oo magaalooyinkooda oo dhan waxay ka dhisan jireen meelo sarsare tan iyo munaaraddii waardiyayaasha iyo ilaa magaaladii deyrka lahayd.
17:10b.2KI.017.010 Oo buur kasta oo dheer korkeeda iyo geed kastoo dheer oo doog ah hoostiisaba waxay qotonsan jireen tiirar iyo geedihii Asheeraah.
17:11b.2KI.017.011 Oo meelihii sarsare oo dhan waxay ku shidi jireen foox sidii ay yeeli jireen quruumihii kale oo Rabbigu uu hortooda ka eryay; oo waxay samayn jireen waxyaalo shar ah oo ay Rabbiga kaga xanaajiyeen.
17:12b.2KI.017.012 Oo waxay u adeegi jireen sanamyadii uu Rabbigu ku yidhi, Idinku waxan ha samaynina.
17:13b.2KI.017.013 Oo weliba Rabbigu dadkii Israa'iil iyo dadkii Yahuudahba wuxuu ugu digi jiray nebiyadii oo dhan iyo kuwii wax arki jiray oo dhan, isagoo leh, War jidadkiinna sharka ah ka soo noqda, oo amarradayda iyo qaynuunnadayda u dhawra siduu ahaa sharcigii aan awowayaashiin ku amray oo dhan oo aan idinkugu soo dhiibay addoommadaydii nebiyada ahaa.
17:14b.2KI.017.014 Habase yeeshee iyagu way diidi jireen inay taas maqlaan, laakiinse waxay u madax adkaan jireen sidii awowayaashood oo kale, kuwaasoo aan rumaysan Rabbiga Ilaahooda ah.
17:15b.2KI.017.015 Oo iyagu way diidi jireen qaynuunnadiisii iyo axdigiisii uu awowayaashood la dhigtay, iyo markhaatifurkiisii uu iyaga ugu marag furay, oo intay waxtarla'aan raaceen ayay wax aan waxba tarin noqdeen, oo waxay ku dayan jireen quruumihii hareerahooda ku wareegsanaa oo Rabbigu ku amray inayan sidooda oo kale yeelin.
17:16b.2KI.017.016 Oo iyagu way ka tegi jireen amarradii Rabbiga Ilaahooda ah oo dhan, oo waxay samaysteen sanamyo la shubay, kuwaasoo ahaa laba weylood, oo waxay kaloo samaysteen geedihii Asheeraah, oo waxay caabudi jireen ciidanka samada oo dhan, Bacalna way u adeegi jireen.
17:17b.2KI.017.017 Oo wiilashoodii iyo gabdhahoodii ayay dab dhex marin jireen, oo waxay u tegi jireen waxsheegyo iyo falanfallowyo, oo waxay nafsaddoodii u iibin jireen inay sameeyaan wax shar ku ah Rabbiga hortiisa, oo ay kaga xanaajiyeen.
17:18b.2KI.017.018 Sidaas daraaddeed Rabbigu aad buu ugu cadhooday reer binu Israa'iil, markaasuu hortiisa ka fogeeyey; oo iyagii waxba kama hadhin qabiilkii Yahuudah oo keliya mooyaane.
17:19b.2KI.017.019 Oo xataa reer Yahuudahna ma ayan dhawrin amarradii Rabbiga Ilaahooda ah, laakiinse waxay ku socdeen qaynuunnadii ay dadkii Israa'iil sameeyeen.
17:20b.2KI.017.020 Oo Rabbigu wuxuu nacay farcankii reer binu Israa'iil oo dhan, oo intuu dhibay ayuu gacanta u geliyey kuwii dhacay ilaa uu hortiisa ka tuuray.
17:21b.2KI.017.021 Waayo, isagu reer binu Israa'iil wuu ka soocay Daa'uud reerkiisii, oo waxay boqor ka dhigteen Yaaraabcaam ina Nebaad, oo Yaaraabcaamna dadkii Israa'iil wuu ka kaxeeyey Rabbiga lasocodkiisii, oo wuxuu iyagii dembaajiyey dembi weyn.
17:22b.2KI.017.022 Oo dadkii Israa'iil waxay ku socdeen kulli dembiyadii Yaaraabcaam sameeyey oo dhan, oo kuwaasna kama ay tegin
17:23b.2KI.017.023 ilaa uu Rabbigu dadkii Israa'iil hortiisa ka fogeeyey, siduu kaga hadli jiray addoommadiisii nebiyada ahaa oo dhan. Oo sidaas daraaddeed dadkii Israa'iil waa laga kaxaystay dalkoodii, oo waxaa lala tegey dalka Ashuur, halkaasoo ay ilaa maantadan joogaan.
17:24b.2KI.017.024 Markaasaa boqorkii Ashuur dad ka keenay xagga Baabuloon, iyo Kuutaah, iyo Cawaa, iyo Xamaad, iyo Sefarwayiim, oo wuxuu dejiyey magaalooyinkii Samaariya, meeshay dadkii Israa'iil ka degganaan jireen, oo waxay hantiyeen Samaariya, magaalooyinkeediina way degeen.
17:25b.2KI.017.025 Oo markay bilaabeen inay meeshaas degaan Rabbiga kama ay cabsan jirin, oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu dhexdooda u soo diray libaaxyo, kuwaasoo iyagii qaar ka laayay.
17:26b.2KI.017.026 Sidaas daraaddeed boqorkii Ashuur ayaa lala hadlay oo lagu yidhi, War quruumihii aad kaxaysay oo aad magaalooyinka Samaariya dejisay ma ay yaqaaniin camalka Ilaaha dalkaas, oo sidaas daraaddeed wuxuu dhexdooda u soo diray libaaxyo, oo bal eeg, libaaxyadu way laayaan, maxaa yeelay, iyagu ma ay yaqaaniin camalka Ilaaha dalkaas.
17:27b.2KI.017.027 Markaasaa boqorkii Ashuur wuxuu bixiyey amar, oo yidhi, Wadaaddadii aad ka soo kaxayseen midkood halkaas ku celiya, oo halkaas ha tago oo ha dego, dadkana ha baro camalka Ilaaha dalkaas.
17:28b.2KI.017.028 Haddaba wadaaddadii ay Samaariya ka soo kaxeeyeen midkood ayaa yimid, oo wuxuu degay Beytel, oo wuxuu dadkii baray siday Rabbiga uga cabsan lahaayeen.
17:29b.2KI.017.029 Habase yeeshee quruun waluba waxay samaysatay ilaahyo ay iyagu leeyihiin, oo waxay dhex dhigteen guryihii meelaha sarsare oo ay reer Samaariya samaysteen, oo quruun waluba waxay dhex dhigteen magaalooyinkii ay iyagu degganaayeen.
17:30b.2KI.017.030 Oo dadkii reer Baabuloon waxay samaysteen Sukood Benood, dadkii reer Kuudna waxay samaysteen Neergal, dadkii reer Xamaadna waxay samaysteen Ashiimaa,
17:31b.2KI.017.031 oo reer Cawaana waxay samaysteen Nibxas iyo Tartaq, oo reer Sefarwayiimna waxay carruurtoodii dab ugu gubeen Adrammeleg iyo Canammeleg oo ahaa ilaahyadii reer Sefarwayiim.
17:32b.2KI.017.032 Rabbiga way ka cabsan jireen oo waxay dadkooda ka dooran jireen wadaaddadii meelaha sarsare, kuwaasoo ugu allabaryi jiray guryihii meelaha sarsare.
17:33b.2KI.017.033 Rabbiga way ka cabsan jireen, isla markaasna waxay u adeegi jireen ilaahyadoodii sidii quruumihii iyaga laga soo dhex kaxeeyey ay yeeli jireen.
17:34b.2KI.017.034 Oo ilaa maantadan waxay sameeyaan sidii caadooyinkoodii hore ay ahaayeen, oo Rabbiga kama cabsadaan, mana ay sameeyaan qaynuunnadoodii, iyo xukummadoodii, iyo sharcigii iyo amarkii uu Rabbigu amray reer Yacquub, kii uu Israa'iil u bixiyey,
17:35b.2KI.017.035 kuwaasoo uu Rabbigu axdi la dhigtay, oo uu ku amray, isagoo leh, Idinku ilaahyo kale ha ka cabsanina, hana u sujuudina, hana u adeegina, allabarina ha u bixinina;
17:36b.2KI.017.036 laakiinse waxaad ka cabsataan Rabbigii dalkii Masar idinkaga soo bixiyey xoogga weyn iyo cudud fidsan, isagana u sujuuda oo allabari u bixiya;
17:37b.2KI.017.037 oo qaynuunnadii, iyo xukummadii, iyo sharcigii, iyo amarkii uu idiin qoray waa inaad dhawrtaan oo aad weligiinba samaysaan, oo waa inaydnaan ka cabsan ilaahyo kale.
17:38b.2KI.017.038 Oo axdigii aan idinla dhigtayna waa inaydnaan illoobin, oo aydnaan ilaahyo kale ka cabsan;
17:39b.2KI.017.039 laakiinse waxaad ka cabsataan Rabbiga Ilaahiinna ah, oo isna wuxuu idinka samatabbixin doonaa gacanta cadaawayaashiinna oo dhan.
17:40b.2KI.017.040 Habase yeeshee iyagu ma ayan dhegaysan, laakiinse waxay sameeyeen sidii caadadoodii hore ay ahayd.Quruumahaasu waxay ka cabsan jireen Rabbiga, isla markaasna waxay u adeegi jireen sanamyadoodii xardhanaa, oo carruurtoodiina saasoo kalay yeeleen, oo carruurtii carruurtooduna saasoo kalay yeeleen, oo sidii awowayaashood samayn jireen ayay iyaguna sameeyaan ilaa maantadan la joogo.
17:41b.2KI.017.041 Quruumahaasu waxay ka cabsan jireen Rabbiga, isla markaasna waxay u adeegi jireen sanamyadoodii xardhanaa, oo carruurtoodiina saasoo kalay yeeleen, oo carruurtii carruurtooduna saasoo kalay yeeleen, oo sidii awowayaashood samayn jireen ayay iyaguna sameeyaan ilaa maantadan la joogo.
18
18:1b.2KI.018.001 Haddaba Hoosheeca ina Eelaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii saddexaad ayaa Xisqiyaah ina Aaxaas dalka Yahuudah boqor ka noqday.
18:2b.2KI.018.002 Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem boqor buu ka ahaa sagaal iyo labaatan sannadood, oo hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Abii ina Sekaryaah.
18:3b.2KI.018.003 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, sidii dhammaan awowgiis Daa'uud sameeyey oo kale.
18:4b.2KI.018.004 Wuxuu dumiyey meelihii sarsare, tiirarkiina wuu jejebiyey, geedihii Asheeraahna wuu jaray; oo wuxuu kaloo burburiyey abeesadii naxaasta ahayd oo Muuse sameeyey, waayo, ilaa wakhtigaas dadkii Israa'iil foox bay u shidi jireen, oo isna wuxuu magaceedii u bixiyey Nexushtaan.
18:5b.2KI.018.005 Oo wuxuu isku halleeyey Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil; oo dabadiis boqorradii dalka Yahuudah oo dhan laguma arag mid isagii la mid ah, hortiisna ma jirin.
18:6b.2KI.018.006 Waayo, Rabbiguu xajistay, oo lasocodkiisiina kama uu tegin, laakiinse wuxuu dhawray amarradiisii uu Rabbigu Muuse ku amray.
18:7b.2KI.018.007 Oo Rabbigu isaga wuu la jiray, oo meel alla meeshuu tegeyba wuu ku liibaanay, oo wuxuu ka fallaagoobay boqorkii Ashuur oo umana adeegin.
18:8b.2KI.018.008 Oo reer Falastiinna wuxuu ku laayay Gaasa iyo soohdimaheeda, iyo tan iyo munaaraddii waardiyayaasha iyo ilaa magaaladii deyrka lahayd.
18:9b.2KI.018.009 Oo sannaddii afraad ee Boqor Xisqiyaah, taasoo ahayd sannaddii toddobaad ee Hoosheeca ina Eelaah oo boqorkii dalka Israa'iil ahaa ayuu Shalmaneser oo ahaa boqorkii Ashuur Samaariya ku kacay oo hareereeyey.
18:10b.2KI.018.010 Oo saddex sannadood dabadeedna way qabsadeen, taasuna waxay ahayd Xisqiyaah sannaddiisii lixaad, oo ahayd Hoosheeca oo boqorkii dalka Israa'iil ahaa sannaddiisii sagaalaad markii Samaariya la qabsaday.
18:11b.2KI.018.011 Markaasaa boqorkii Ashuur kaxaystay dadkii Israa'iil oo wuxuu dejiyey Xalax iyo Xaaboor oo webiga Goosaan ag ahaa, iyo magaalooyinkii reer Maaday,
18:12b.2KI.018.012 maxaa yeelay, ma ay addeecin codkii Rabbiga Ilaahooda ahaa, laakiinse way ku xadgudbeen axdigiisii iyo dhammaan wixii uu midiidinkii Rabbiga oo Muuse ahaa ku amray; ma ay maqlin, mana ay samayn.
18:13b.2KI.018.013 Haddaba Boqor Xisqiyaah sannaddiisii afar iyo tobnaad ayaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur ku kacay magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah oo dhan, wuuna qabsaday.
18:14b.2KI.018.014 Markaasaa Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ayaa boqorkii Ashuur ugu cid diray Laakiish, oo wuxuu yidhi, Xumaan baan sameeyey, haddaba iga noqo, oo anna wixii aad i saarto waan aqbalayaa. Markaasaa boqorkii Ashuur wuxuu boqorkii dalka Yahuudah saaray saddex boqol oo talanti oo lacag ah iyo soddon talanti oo dahab ah.
18:15b.2KI.018.015 Markaasaa Xisqiyaah wuxuu isagii siiyey kulli lacagtii laga helay gurigii Rabbiga iyo khasnadihii gurigii boqorka oo dhanba.
18:16b.2KI.018.016 Oo waagaasaa Xisqiyaah dahabkii ka jaray albaabbadii gurigii Rabbiga iyo tiirarkiiba, kuwaasoo uu Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ku dahaadhay, oo wuxuu siiyey boqorkii Ashuur.
18:17b.2KI.018.017 Markaasaa boqorkii Ashuur wuxuu Laakiish ka diray Tartaan iyo Rab Saariis iyo Rabshaaqeeh oo ciidan faro badan wata, oo wuxuu iyaga Boqor Xisqiyaah ugu diray Yeruusaalem. Oo iyana intay kaceen ayay Yeruusaalem tageen. Oo markay yimaadeen waxay is-ag taageen biyomareenkii balliga sare kaasoo ku dhex yiil waddada berrinkii dharmaydhaha.
18:18b.2KI.018.018 Oo markay boqorkii u yeedheen waxaa iyagii u yimid Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo u sarreeyey reerkii boqorka, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo ahaa taariikhqorihii.
18:19b.2KI.018.019 Markaasaa Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad Xisqiyaah haddeer ku tidhaahdaan, Boqorka weyn ee boqorka Ashuur ah wuxuu kugu leeyahay, War waxaad ku kalsoon tahay oo aad isku hallaynaysaa waa maxay?
18:20b.2KI.018.020 Adigu waxaad leedahay, Dagaalka waxaa loo hayaa talo iyo xoog, laakiinse afka uun baad ka tidhi. Haddaba waadiga iga fallaagoobaye bal yaad isku hallaynaysaa?
18:21b.2KI.018.021 Bal ogow, waxaad isku hallaynaysaa oo ul ahaan u qaadanaysaa cawsduurkan burburay, kaasoo ah Masar, oo isna haddii nin ku tiirsado gacantuu ka galaa oo ka mudaa; oo boqorka Masar oo Fircoon ahu saasoo kaluu u yahay kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
18:22b.2KI.018.022 Laakiinse haddaad igu tidhaahdaan, Waxaannu isku hallaynaynaa Rabbiga Ilaahayaga ah, miyuusan isagu ahayn kii meelihiisii sarsare iyo meelihiisii allabarigaba uu Xisqiyaah wada dumiyey isagoo dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba ku leh, Meeshan allabariga ee Yeruusaalem ku taal horteeda waa inaad Ilaah ku caabuddaan?
18:23b.2KI.018.023 Haddaba waan ku baryayaaye bal sharad la dhigo sayidkayga oo ah boqorka Ashuur, haddaba waxaan ku siin doonaa laba kun oo faras, haddaad rag fuula u heli kartid.
18:24b.2KI.018.024 Bal sidee baad u celin kartaa sirkaal ka mid ah kuwa ugu yaryar ee addoommada sayidkayga ah, oo sidee baad Masar isugu hallaynaysaa inay ku siinayso gaadhifardood iyo rag fardooley ah?
18:25b.2KI.018.025 Haddaba miyaan Rabbiga la'aantiis ugu kacay meeshan inaan baabbi'iyo? Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dalkaas ku kac oo soo baabbi'i.
18:26b.2KI.018.026 Markaasaa Elyaaqiim ina Xilqiyaah iyo Shebnaa iyo Yoo'aax waxay Rabshaaqeeh ku yidhaahdeen, Waan ku baryaynaaye nagula hadal afka reer Suuriya, annagoo addoommadaada ah, isagaannu garanaynaa; oo ha nagula hadlin afka Yuhuudda iyadoo dadka derbiga dul jooga ay na maqlayaan.
18:27b.2KI.018.027 Laakiinse Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Sayidkaygu ma wuxuu ii soo diray inaan sayidkiinna iyo idinka eryadan kula hadlo? Sow iima uu soo dirin nimanka derbiga dul joogaa inay xaarkooda cunaan oo ay kaadidooda idinla cabbaan?
18:28b.2KI.018.028 Markaasuu Rabshaaqeeh istaagay, oo intuu cod weyn ku qayliyey ayuu afka Yuhuudda ku hadlay oo yidhi, War maqla eraygii boqorka weyn ee ah boqorka Ashuur.
18:29b.2KI.018.029 Boqorkii wuxuu idinku leeyahay, Xisqiyaah yuusan idin khiyaanayn, waayo, isagu ma uu awoodi doono inuu gacantiisa idinka samatabbixiyo.
18:30b.2KI.018.030 Oo weliba Xisqiyaah yuusan Rabbiga idin aaminsiin isagoo leh, Hubaal Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa, oo magaaladan laguma ridi doono gacanta boqorka Ashuur.
18:31b.2KI.018.031 Haddaba Xisqiyaah ha maqlina, waayo, boqorkii Ashuur wuxuu leeyahay, Nabad ila dhigta, oo ii soo baxa, oo midkiin waluba wax ha ka cuno canabkiisa iyo geedkiisa berde, oo midkiin waluba ha cabbo biyaha ceelkiisa,
18:32b.2KI.018.032 intaanan iman oo idiin kaxayn dal dalkiinna la mid ah, oo ah dal hadhuudh iyo khamri leh, oo ah dal cunto iyo beerocanab leh, oo ah dal saliid saytuun iyo malab leh inaad noolaataan oo aydnaan dhiman. Oo Xisqiyaah ha maqlina markuu idinku sasabayo oo idin leeyahay, Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa.
18:33b.2KI.018.033 Bal quruumaha ilaahyadoodii midkoodna miyuu weligiis dalkiisa ka samatabbixiyey gacanta boqorka Ashuur?
18:34b.2KI.018.034 Bal meeye ilaahyadii Xamaad iyo Arfaad? Oo meeye ilaahyadii Sefarwayiim iyo Xeenac iyo Ciwaah? Iyagu miyey Samaariya ka samatabbixiyeen gacantayda?
18:35b.2KI.018.035 Bal waa kuwee kuwa ku jira ilaahyada dalalka oo dhan oo dalkooda ka samatabbixiyey gacantayda? Haddaba Rabbigu sidee buu Yeruusaalem gacantayda uga samatabbixin karaa?
18:36b.2KI.018.036 Laakiinse dadkii way iska aamuseen oo xataa eray keliya uguma ay jawaabin, waayo, boqorku wuxuu ku amray oo yidhi, Ha u jawaabina.Markaasaa waxaa Xisqiyaah u yimid Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo reerka boqorka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo taariikhqorihii ahaa, iyagoo dhar jeexjeexan, oo waxay isagii u sheegeen Rabshaaqeeh erayadiisii.
18:37b.2KI.018.037 Markaasaa waxaa Xisqiyaah u yimid Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo reerka boqorka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo taariikhqorihii ahaa, iyagoo dhar jeexjeexan, oo waxay isagii u sheegeen Rabshaaqeeh erayadiisii.
19
19:1b.2KI.019.001 Oo markii Xisqiyaah taas maqlay intuu dharkiisii jeexjeexay oo joonyad guntaday ayuu gurigii Rabbiga galay.
19:2b.2KI.019.002 Markaasuu Elyaaqiim oo reerka boqorka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo duqowdii wadaaddada, iyagoo joonyado qaba u diray Nebi Ishacyaah oo ahaa ina Aamoos.
19:3b.2KI.019.003 Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Xisqiyaah wuxuu kugu leeyahay, Maanta waa maalin dhibaato, iyo canaan, iyo cay, waayo, carruurtii way dhalan lahayd laakiinse xoog lagu dhalaa ma jiro.
19:4b.2KI.019.004 Waxaa laga yaabaa in Rabbiga Ilaahaaga ahu uu wada maqlo erayadii Rabshaaqeeh oo dhan, kaasoo sayidkiisii ahaa boqorka Ashuur uu u soo diray inuu caayo Ilaaha nool; waana suurtowdaa inuu Rabbiga Ilaahaaga ahu canaanto kan uu erayadiisii maqlay; haddaba sidaas daraaddeed u ducee kuwa hadhay.
19:5b.2KI.019.005 Sidaas daraaddeed Boqor Xisqiyaah addoommadiisii waxay u yimaadeen Ishacyaah.
19:6b.2KI.019.006 Oo Ishacyaah wuxuu ku yidhi, Waxaad sayidkiinnii ku tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Ha ka cabsan erayadii aad maqashay oo midiidinnadii boqorka Ashuur ay igu caayeen.
19:7b.2KI.019.007 Bal ogow, jinni baan gelin doonaa, oo belef buu maqli doonaa, markaasuu ku noqon doonaa dalkiisii, oo waxaan ka dhigi doonaa in isaga seef lagu dilo, isagoo dalkiisii jooga.
19:8b.2KI.019.008 Markaasaa Rabshaaqeeh intuu noqday wuxuu helay boqorkii Ashuur oo la diriraya Libnaah, waayo, wuxuu maqlay inuu Laakiish ka tegey.
19:9b.2KI.019.009 Oo markuu maqlay iyadoo la leeyahay, Boqorka Itoobiya oo Tirhaaqaah ah ayaa kugu soo baxay si uu kuula diriro ayuu haddana wargeeyayaal u diray Xisqiyaah, isagoo leh,
19:10b.2KI.019.010 Xisqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah waxaad ku tidhaahdaan, Ilaahaaga aad isku hallaysaa yuusan ku khiyaanayn, isagoo kugu leh, Yeruusaalem gacanta loo gelin maayo boqorka Ashuur.
19:11b.2KI.019.011 Bal eeg, waad maqashay wixii ay boqorrada Ashuur dalalka oo dhan ku sameeyeen, iyo sidii ay dhammaantood u wada baabbi'iyeen; haddaba adiga ma lagu samatabbixinayaa?
19:12b.2KI.019.012 Quruumihii ay awowayaashay baabbi'iyeen ilaahyadoodii miyey samatabbixiyeen, kuwaasoo ahaa Goosaan, iyo Xaaraan, iyo Resef, iyo reer Ceeden oo Telasaar degganaa?
19:13b.2KI.019.013 Oo bal meeye boqorkii Xamaad, iyo boqorkii Arfaad, iyo boqorkii magaalada Sefarwayiim, iyo kii Xeenac, iyo kii Ciwaah?
19:14b.2KI.019.014 Markaasaa Xisqiyaah warqaddii ka qaatay gacantii wargeeyayaashii oo akhriyey, dabadeedna wuxuu tegey gurigii Rabbiga oo warqaddii ku kala bixiyey Rabbiga hortiisa.
19:15b.2KI.019.015 Oo Xisqiyaah wuxuu ku baryootamay Rabbiga hortiisa oo yidhi, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, kan keruubiimta ku dul fadhiyow, waxaad tahay Ilaah, oo adiga keligaa ayaa ah Ilaaha boqortooyooyinka dunida oo dhan, oo cirka iyo dhulkana adigaa sameeyey.
19:16b.2KI.019.016 Rabbiyow, dhegta u dhig oo maqal, oo Rabbiyow, indhahaaga fur oo arag; bal maqal Seenxeeriib erayadii uu u soo diray inuu Ilaaha nool ku caayo.
19:17b.2KI.019.017 Rabbiyow, sida runta ah boqorrada Ashuur waxay baabbi'iyeen quruumihii iyo dalalkoodii,
19:18b.2KI.019.018 oo ilaahyadoodiina dab bay ku dhex tuureen, waayo, iyagu ilaahyo ma ay ahayn, laakiinse waxay ahaayeen wax gacanta lagu sameeyey, oo ahaa qoryo iyo dhagaxyo, oo sidaas daraaddeed iyagu way baabbi'iyeen.
19:19b.2KI.019.019 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiyow Ilaahayagow, waan ku baryayaaye gacantiisa naga badbaadi, in boqortooyooyinka dunida oo dhammu ay ogaadaan inaad adiga keliyahu tahay Rabbiga Ilaaha ah.
19:20b.2KI.019.020 Markaasaa Ishacyaah ina Aamoos u soo cid diray Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Seenxeeriib oo ah boqorka Ashuur waad iga bariday, taas aawadeed waan ku maqlay.
19:21b.2KI.019.021 Oo kanu waa erayguu Rabbigu isaga kaga hadlay: Gabadha bikradda ah oo Siyoon Way ku fududaysatay, oo intay kugu qososhay ayay ku quudhsatay; Gabadhii Yeruusaalem madaxay kaa ruxatay.
19:22b.2KI.019.022 Bal adigu kumaad yaraysatay oo aad cayday? Oo bal yaad codkaaga kor ugu qaadday Oo aad indhahaaga ku taagtay? Waa kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil.
19:23b.2KI.019.023 Wargeeyayaashaadii ayaad Sayidka ku cayday Oo waxaad tidhi, Gaadhifardoodkayga badan Ayaan ku soo fuulay buuraha meesha ugu dheer, Iyo meelaha ugu hooseeya ee Lubnaan gudaheeda; Oo waxaan jari doonaa geedaheeda dhaadheer oo kedarka ah, iyo geedaheeda la doortay oo berooshka ah, Oo waxaan geli doonaa meesha ugu fog hoygeeda, iyo kaynta berrinkeeda oo midhaha badan.
19:24b.2KI.019.024 Anigu waxaan qoday oo cabbay biyo qalaad, Oo calaacalaha cagahayga baan ku wada qallajin doonaa Webiyaasha Masar oo dhan.
19:25b.2KI.019.025 War sow ma aad maqal Sidaan waa hore u sameeyey Oo aan wakhtiyadii hore u qabanqaabiyey? Haddaba anigaa saas kaa yeelay Inaad magaalooyin deyr leh baabbi'isid oo aad ka dhigtid taallooyin burbur ah.
19:26b.2KI.019.026 Oo sidaas daraaddeed dadkii degganaa way xoog yaraayeen, Wayna naxeen oo wareereen; Oo waxay ahaayeen sida cawska berrinka, iyo sida doogga, Iyo sida cawska guryaha korkooda ka soo baxa, iyo sida hadhuudh gubtay intaanu korin.
19:27b.2KI.019.027 Laakiinse waan aqaan fadhigaaga, Iyo bixiddaada, iyo soo geliddaada, Iyo cadhadaadii aad ii cadhootayba.
19:28b.2KI.019.028 Cadhadaadii aad ii cadhootay, Iyo islaweynaantaadii waxay soo gaadheen dhegahayga, Oo sidaas daraaddeed sanka waxaan kaa sudhi doonaa qabatadayda, Bushimahaagana waxaan gelin doonaa xakamahayga, Oo waxaan kugu celin doonaa jidkii aad ku timid.
19:29b.2KI.019.029 Oo tanu waxay kuu ahaan doontaa calaamad; sannaddan waxaad cuni doontaan waxa iska soo baxa, oo sannadda labaadna waxaad cuni doontaan wax kii hore uun ka soo baxa; oo sannadda labaadna waxaad cuni doontaan wax kii hore uun ka soo baxay; sannadda saddexaadna idinku wax beerta, oo haddana goosta, oo beera canab ah tabcada, oo midhahooda cuna.
19:30b.2KI.019.030 Markaasaa kuwii hadhay oo reer Yahuudah ah oo baxsaday mar kalay xididdo hoos u bixin doonaan, midhona kor bay u dhali doonaan.
19:31b.2KI.019.031 Waayo, Yeruusaalem waxaa ka soo bixi doona kuwa hadhi doona, oo Buur Siyoonna waxaa ka soo bixi doona kuwa baxsan doona. Oo qiirada Rabbiga ayaa taas samayn doonta.
19:32b.2KI.019.032 Haddaba Rabbigu saasuu uga hadlay boqorka Ashuur oo yidhi, Isagu magaaladan iman maayo, fallaadhna ku soo gani maayo, horteedana gaashaan la iman maayo, taallo ciid ahna ag tuuli maayo.
19:33b.2KI.019.033 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Jidkuu ku yimid ayuu ku noqon doonaa, oo magaaladan iman maayo.
19:34b.2KI.019.034 Waayo, anigu magaaladan waxaan u daafici doonaa oo u badbaadin doonaa aniga daraadday iyo addoonkaygii Daa'uud daraaddiis.
19:35b.2KI.019.035 Oo isla habeenkaas ayaa malaa'igtii Rabbigu baxday oo waxay xeradii reer Ashuur ka laysay boqol iyo shan iyo siddeetan kun oo nin; oo aroor hore markii la toosay waxay wada ahaayeen meyd.
19:36b.2KI.019.036 Markaasaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur intuu tegey Nineweh ku noqday oo degay.Oo markuu wax ku caabudayay gurigii ilaahiis Nisrog ayay Adrammeleg iyo Shareser isagii seef ku dileen; markaasay u carareen dalkii Araarad. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Eesar Xaddoon.
19:37b.2KI.019.037 Oo markuu wax ku caabudayay gurigii ilaahiis Nisrog ayay Adrammeleg iyo Shareser isagii seef ku dileen; markaasay u carareen dalkii Araarad. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Eesar Xaddoon.
20
20:1b.2KI.020.001 Oo waagaas ayaa Xisqiyaah bukooday, oo geeri buu u dhowaaday. Markaasaa Nebi Ishacyaah oo ahaa ina Aamoos u yimid oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reerkaaga la dardaaran, waayo, waad dhimanaysaa oo sii noolaan maysid.
20:2b.2KI.020.002 Oo isna markaasuu wejigiisii derbiga ku sii jeediyey, oo Rabbiga baryay, oo yidhi,
20:3b.2KI.020.003 Rabbiyow, waan ku baryayaaye, bal haatan xusuuso sidaan hortaada ugu socday runta iyo qalbi qumman, iyo sidaan u sameeyey waxa hortaada ku wanaagsan. Xisqiyaahna aad buu u ooyay.
20:4b.2KI.020.004 Oo intaanu Ishacyaah weli magaalada dhexe u bixin ayaa eraygii Rabbigu isagii u yimid oo ku yidhi,
20:5b.2KI.020.005 Dib u noqo, oo Xisqiyaah oo ah amiirka dadkayga waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha awowgaa Daa'uud wuxuu leeyahay, Baryootankaagii waan maqlay, ilmadaadiina waan arkay, haddaba waan ku bogsiinayaa, oo maalinta saddexaad waxaad u bixi doontaa guriga Rabbiga.
20:6b.2KI.020.006 Oo cimrigaagiina waxaan kuugu dari doonaa shan iyo toban sannadood, oo adiga iyo magaaladanba waan ka samatabbixin doonaa gacanta boqorka Ashuur, oo waxaan magaaladan u daafici doonaa aniga daraadday iyo addoonkaygii Daa'uud daraaddiis.
20:7b.2KI.020.007 Markaasaa Ishacyaah yidhi, Waxaad qaaddaan fud berde ah, oo iyana way qaadeen, oo waxay saareen kasoobixii, wuuna bogsaday.
20:8b.2KI.020.008 Markaasaa Xisqiyaah wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Maxaa calaamad ii noqon doona in Rabbigu i bogsiinayo oo aan maalinta saddexaad guriga Rabbiga u baxayo?
20:9b.2KI.020.009 Kolkaasaa Ishacyaah ku yidhi, Calaamadda xagga Rabbiga kaaga imanaysa in Rabbigu samaynayo wixii uu ballanqaaday waxay ahaan doontaa tan: hoosku ma inuu hore u socdaa toban derejo mase waa inuu dib u socdaa toban derejo?
20:10b.2KI.020.010 Markaasaa Xisqiyaah wuxuu ugu jawaabay, Waa wax fudud in hoosku toban derejo hore u socdo; hase ahaatee, hoosku dib ha u soo noqdo toban derejo,
20:11b.2KI.020.011 Markaasaa Nebi Ishacyaah u qayliyey Rabbiga; oo isna markaasuu hooskii toban derejo dib uga soo celiyey intuu hore uga socday derejooyinkii Aaxaas.
20:12b.2KI.020.012 Waagaas Berodag Baladaan, oo ahaa ina Baladaan oo boqorkii Baabuloon ahaa ayaa warqado iyo hadiyad Xisqiyaah u soo diray, waayo, wuxuu maqlay in Xisqiyaah bukay.
20:13b.2KI.020.013 Oo markaasuu Xisqiyaah iyagii maqlay oo wuxuu tusay dhammaan gurigii ay yiilleen waxyaalihiisii qaaliga ahaa, kuwaasoo ahaa lacagtii iyo dahabkii, iyo uunsigii iyo saliiddii qaaliga ahayd, iyo gurigiisii hubka, iyo kulli waxyaalihii khasnadihiisa ku jiray oo dhan. Oo Xisqiyaah wax uusan iyaga tusin laguma arag gurigiisa iyo dowladdiisa oo dhan.
20:14b.2KI.020.014 Markaasaa Nebi Ishacyaah u yimid Boqor Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, War nimankanu maxay yidhaahdeen? Xaggee bayse kaaga yimaadeen? Kolkaasaa Xisqiyaah yidhi, Waxay ka yimaadeen dal fog, kaasoo ah Baabuloon.
20:15b.2KI.020.015 Markaasuu ku yidhi, Maxay gurigaaga ku arkeen? Oo Xisqiyaah wuxuu ugu jawaabay, Way wada arkeen waxa gurigayga yaal oo dhan; oo khasnadahayga kuma jiraan wax aanan tusin.
20:16b.2KI.020.016 Kolkaasaa Ishacyaah wuxuu Xisqiyaah ku yidhi, Haddaba bal maqal erayga Rabbiga.
20:17b.2KI.020.017 Bal eeg, waxaa iman doona maalmaha waxa gurigaaga yaal oo dhan iyo wixii ay awowayaashaa ilaa maantadan kaydiyeen Baabuloon loo qaadan doono. Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxba ma hadhi doonaan.
20:18b.2KI.020.018 Wiilashaada kaa soo bixi doona oo aad dhali doontana waa la kaxaysan doonaa; oo iyana waxay ahaan doonaan bohommo jooga daarta boqorka Baabuloon.
20:19b.2KI.020.019 Markaasaa Xisqiyaah wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Erayga Rabbiga oo aad ku hadashay waa wanaagsan yahay. Oo weliba wuxuu kaloo yidhi, Mar haddii nabad iyo rumu ay jirayaan intaan noolahay, sow ma wanaagsana?
20:20b.2KI.020.020 Haddaba Xisqiyaah falimihiisii kale, iyo xooggiisii oo dhan, iyo siduu u sameeyey balliga iyo biyomareenka, iyo siduu magaalada biyo ugu keenay, sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?Markaasaa Xisqiyaah dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Manaseh.
20:21b.2KI.020.021 Markaasaa Xisqiyaah dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Manaseh.
21
21:1b.2KI.021.001 Oo Manaseh markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo toban sannadood; oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ka ahaa shan iyo konton sannadood, oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Xefsiibaah.
21:2b.2KI.021.002 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, sidii karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.
21:3b.2KI.021.003 Waayo, wuxuu mar kale dhisay meelihii sarsare ee aabbihiis Xisqiyaah baabbi'iyey, oo Bacalna meelo allabari buu u dhisay, oo geedo Asheeraahna wuu sameeyey siduu yeelay Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo wuxuu caabuday oo u wada adeegay ciidanka samada oo dhan.
21:4b.2KI.021.004 Oo wuxuu meelo allabari ka dhex dhisay gurigii Rabbiga, kaasoo Rabbigu ka hadlay oo yidhi, Magacayga waxaan dhigayaa Yeruusaalem dhexdeeda.
21:5b.2KI.021.005 Oo wuxuu ciidanka samada oo dhan meelo allabari uga dhisay labadii barxadood oo gurigii Rabbiga.
21:6b.2KI.021.006 Oo wiilkiisiina dab buu dhex mariyey, faalna wuu ku noqnoqday, wuxuuna u tegey falanfallowyo, wuuna la macaamilooday kuwii ruuxaanta lahaa iyo saaxiriintii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa ku sameeyey shar badan oo uu isaga kaga xanaajiyey.
21:7b.2KI.021.007 Oo sanamkii xardhanaa ee geedihii Asheeraah ee uu sameeyey ayuu dhex qotomiyey gurigii Rabbigu ka hadlay oo Daa'uud iyo wiilkiisii Sulaymaanba ku yidhi, Gurigan iyo Yeruusaalem dhexdeeda oo aan ka doortay qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ayaan magacayga weligiisba ku dayn doonaa.
21:8b.2KI.021.008 Oo cagaha reer binu Israa'iilna mar dambe ka dhigi maayo kuwo ka wareega dalkii aan awowayaashood siiyey, hadday dhawraan uun wixii aan ku amray oo dhan, iyo sharcigii addoonkaygii Muuse ku amray oo dhan.
21:9b.2KI.021.009 Laakiinse way dhegaysan waayeen, oo Manaseh ayaa iyagii ku sasabay inay sameeyaan shar ka sii badan kii ay sameeyeen quruumihii Rabbigu ku hor baabbi'iyey reer binu Israa'iil.
21:10b.2KI.021.010 Markaasaa Rabbigu ka dhex hadlay nebiyadii addoommadiisa ahaa, oo yidhi,
21:11b.2KI.021.011 Manaseh oo ah boqorka dalka Yahuudah ayaa sameeyey karaahiyadan, wuuna sameeyey shar ka sii badan kii reer Amorkii isaga ka horreeyey ay sameeyeen, oo dadka Yahuudahna wuxuu ku dembaajiyey sanamyadiisii,
21:12b.2KI.021.012 oo sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, belaayo weyn baan ku soo ridi doonaa Yeruusaalem iyo dalka Yahuudahba, si ku alla kii maqlaaba uu u argaggaxo.
21:13b.2KI.021.013 Oo Yeruusaalem korkeeda waxaan ku soo fidin doonaa xadhiggii Samaariya iyo xadhiggii miisaanka lahaa ee gurigii Axaab; oo Yeruusaalem waxaan u tirtiri doonaa siduu nin saxan u tirtiro oo kale, isagoo tirtira oo gembiya.
21:14b.2KI.021.014 Oo waan xoorayaa kuwa dhaxalkayga ka hadha, oo waxaan u gacangelinayaa cadaawayaashooda, oo iyana waxay cadaawayaashooda oo dhan u noqon doonaan dhac iyo wax la boobo;
21:15b.2KI.021.015 maxaa yeelay, wax shar ah ayay hortayda ku samayn jireen oo way iga xanaajin jireen tan iyo maalintii awowayaashood ay Masar ka soo baxeen ilaa maantadan.
21:16b.2KI.021.016 Oo weliba Manaseh wuxuu daadiyey dhiig badan oo aan xaq qabin ilaa uu ka buuxiyey Yeruusaalem dhinac ilaa dhinac, wuxuu kaloo sameeyey dembigiisii uu dadka Yahuudah dembaajiyey, markuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa sharka ku ahaa.
21:17b.2KI.021.017 Haddaba Manaseh falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo dembigiisii uu dembaabay oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?
21:18b.2KI.021.018 Kolkaasaa Manaseh dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay beertii gurigiisa, taasoo ahayd beertii Cuusaah, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aamoon.
21:19b.2KI.021.019 Oo Aamoon markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo labaatan sannadood, oo laba sannadoodna Yeruusaalem buu boqor ka ahaa, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Meshullemed ina Xaaruus oo reer Yotbaah ahaa.
21:20b.2KI.021.020 Oo isna wuxuu sameeyey wax shar ku ah Rabbiga hortiisa, sidii aabbihiis Manaseh u yeelay oo kale.
21:21b.2KI.021.021 Oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis ku socday oo dhan, oo wuxuu u adeegay sanamyadii aabbihiis u adeegay oo dhan, wuuna caabuday.
21:22b.2KI.021.022 Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiisna wuu ka tegey oo kuma uu socon jidkii Rabbiga.
21:23b.2KI.021.023 Markaasaa Aamoon addoommadiisii sirqooleen, oo waxay boqorkii ku dhex dileen gurigiisii.
21:24b.2KI.021.024 Laakiinse dadkii dalka degganaa ayaa wada laayeen kuwii Boqor Aamoon sirqooleen oo dhan, markaasaa dadkii dalku waxay meeshiisii boqor ka dhigeen wiilkiisii Yoosiyaah.
21:25b.2KI.021.025 Haddaba Aamoon falimihiisii kale ee uu sameeyey sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?Oo isagii waxaa lagu aasay qabrigiisii ku dhex yiil beertii Cuusaah, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Yoosiyaah.
21:26b.2KI.021.026 Oo isagii waxaa lagu aasay qabrigiisii ku dhex yiil beertii Cuusaah, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Yoosiyaah.
22
22:1b.2KI.022.001 Yoosiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray siddeed sannadood, oo Yeruusaalemna boqor buu ka ahaa kow iyo soddon sannadood. Oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Yediidaah ina Cadaayaah oo reer Bosqad ahaa.
22:2b.2KI.022.002 Oo isagu wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa, wuuna ku socday jidkii awowgiis Daa'uud maray oo dhan, ugamana uu leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona.
22:3b.2KI.022.003 Oo Boqor Yoosiyaah sannaddiisii siddeed iyo tobnaad wuxuu Shaafaan ina Asalyaah oo ahaa ina Meshullaam oo karraanigii ahaa u diray gurigii Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi,
22:4b.2KI.022.004 Orod oo waxaad u tagtaa Xilqiyaah oo ah wadaadka sare, oo isagu ha xisaabo lacagta guriga Rabbiga la soo geliyey oo irid-dhawrayaashu ay dadka ka soo ururiyeen.
22:5b.2KI.022.005 Oo iyagu ha u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga u taliya, oo si meelaha guriga ka jajabay loo dhiso iyana ha u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga ku jira,
22:6b.2KI.022.006 kuwaasoo ah nijaarrada, iyo waxdhisayaasha, iyo wastaadyada, oo ha ku soo iibiyeen alwaax iyo dhagaxyo la qoray oo guriga lagu dhiso.
22:7b.2KI.022.007 Habase yeeshee lama xisaabin lacagtii iyaga loo dhiibay, maxaa yeelay, waxay ahaayeen kuwa la aaminay.
22:8b.2KI.022.008 Markaasaa Xilqiyaah oo ahaa wadaadkii sare wuxuu ku yidhi Shaafaan oo karraanigii ahaa, Waxaan guriga Rabbiga ka dhex helay Kitaabkii Sharciga. Oo Xilqiyaah kitaabkii buu u dhiibay Shaafaan, oo isna wuu akhriyey.
22:9b.2KI.022.009 Markaasaa Shaafaan oo karraanigii ahaa boqorkii u yimid, wuuna u soo warramay oo ku yidhi, Addoommadaadii lacagtii guriga Rabbiga laga dhex helay way soo ururiyeen, oo waxay u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga u taliya.
22:10b.2KI.022.010 Oo Shaafaan oo karraanigii ahaa ayaa boqorkii u sheegay oo ku yidhi, Wadaadkii Xilqiyaah ahaa wuxuu ii dhiibay kitaab. Markaasaa Shaafaan kitaabkii ku akhriyey boqorka hortiisii.
22:11b.2KI.022.011 Oo markii boqorkii maqlay erayadii kitaabkii sharciga ayuu dharkiisii jeexjeexay.
22:12b.2KI.022.012 Markaasaa boqorkii amray wadaadkii Xilqiyaah ahaa, iyo Axiiqaam ina Shaafaan, iyo Cakhboor ina Miikaayaah, iyo Shaafaan oo ahaa karraanigii, iyo Casaayaah oo ahaa midiidinkii boqorka, oo wuxuu ku yidhi,
22:13b.2KI.022.013 War taga oo aniga iyo dadka iyo reer Yahuudah oo dhan Rabbiga inoo soo weyddiiya waxa ku saabsan erayada kitaabkan la helay, waayo, cadhada Rabbiga oo uu inoo cadhooday way weyn tahay, maxaa yeelay, awowayaasheen ma ay dhegaysan erayada kitaabkan inay yeelaan kulli waxyaalaha inagu saabsan ee ku qoran.
22:14b.2KI.022.014 Markaasaa wadaadkii Xilqiyaah ahaa, iyo Axiiqaam, iyo Cakhboor, iyo Shaafaan, iyo Casaayaah waxay u tageen nebiyaddii Xuldaah ahayd oo u dhaxday Shalluum ina Tiqwaah oo ahaa ina Xarxas, kaasoo ahaa kii dharka dhawri jiray. (Haddaba iyadu waxay degganayd Yeruusaalem xaafaddeeda labaad.) Markaasay iyadii la hadleen,
22:15b.2KI.022.015 oo waxay ku tidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waxaad ninkii ii soo kiin diray ku tidhaahdaan,
22:16b.2KI.022.016 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, belaayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka degganba, taasoo ah kulli erayadii ku yiil kitaabkii boqorka dalka Yahuudah akhriyey oo dhan,
22:17b.2KI.022.017 maxaa yeelay, iyagu way iga tageen, oo waxay foox u shideen ilaahyo kale inay igaga xanaajiyaan shuqulka gacmahooda oo dhan; oo sidaas daraaddeed cadhadaydu waxay ku kululaanaysaa meeshan, mana qaboobi doonto.
22:18b.2KI.022.018 Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay waxa ku saabsan erayadii aad maqashay:
22:19b.2KI.022.019 Qalbigaagu wuu jilicsanaa oo Rabbiga hortiisa ayaad isku hoosaysiisay markaad maqashay wixii aan kaga hadlay meeshan iyo dadka degganba, iyo inay iyagu noqon doonaan cidla iyo inkaar, oo waad igu hor ooyday, dharkaagiina waad jeexjeexday, oo sidaas daraaddeed waan ku maqlay, ayaa Rabbigu leeyahay.Haddaba waxaan kula ururin doonaa awowayaashaa, oo qabrigaaga nabad baad ugu ururi doontaa, oo indhahaaguna ma ay arki doonaan kulli belaayada aan meeshan ku soo dejin doono. Oo iyana boqorkii ayay mar kale u war keeneen.
22:20b.2KI.022.020 Haddaba waxaan kula ururin doonaa awowayaashaa, oo qabrigaaga nabad baad ugu ururi doontaa, oo indhahaaguna ma ay arki doonaan kulli belaayada aan meeshan ku soo dejin doono. Oo iyana boqorkii ayay mar kale u war keeneen.
23
23:1b.2KI.023.001 Markaasaa boqorkii cid diray, oo waxaa loo soo ururiyey odayaashii dalka Yahuudah iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan.
23:2b.2KI.023.002 Oo boqorkiina wuxuu u kacay gurigii Rabbiga, oo waxaa isagii la socday raggii dalka Yahuudah oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhan, iyo wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii oo dhan yar iyo weynba; oo isna wuxuu hortooda ku akhriyey dhammaan erayadii kitaabkii axdiga oo gurigii Rabbiga laga dhex helay.
23:3b.2KI.023.003 Markaasaa boqorkii istaagay tiirka agtiisii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa axdi ugu maray inuu Rabbiga raaco oo uu qalbigiisa oo dhan iyo naftiisa oo dhan ku dhawro amarradiisa, iyo markhaatiyadiisa, iyo qaynuunnadiisa, iyo inuu sii adkeeyo erayadii axdigan oo kitaabkan ku qornaa, oo dadkii oo dhammuna axdigii bay aqbaleen oo u istaageen.
23:4b.2KI.023.004 Markaasaa boqorkii ku amray wadaadkii sare oo ahaa Xilqiyaah, iyo wadaaddadii lahaa derejada labaad, iyo iridjoogayaashii, inay macbudka Rabbiga ka soo bixiyaan kulli weelashii loo sameeyey Bacal, iyo geedihii Asheeraah, iyo ciidanka samada oo dhan; oo isna wuxuu ku gubay Yeruusaalem dibaddeeda oo ah berrimmadii Qidroon, oo dambaskoodiina Beytel buu u qaaday.
23:5b.2KI.023.005 Oo wuxuu casilay wadaaddadii sanamyada caabudi jiray oo ay boqorradii dalka Yahuudah u doorteen inay foox ku shidaan meelaha sarsare oo ku yaal magaalooyinka dalka Yahuudah iyo meelaha ku wareegsan Yeruusaalem, iyo weliba kuwii fooxa u shidi jiray Bacal, iyo qorraxda, iyo dayaxa, iyo xiddigaha, iyo ciidanka samada oo dhan.
23:6b.2KI.023.006 Oo geedihii Asheeraahna gurigii Rabbiga wuu ka soo bixiyey oo wuxuu geeyey Yeruusaalem dibaddeeda ilaa durdurka Qidroon, oo wuxuu ku gubay durdurkii Qidroon agtiisa, oo intuu ku tuntay ayuu budo ka dhigay, oo budadiina ku daadshay qabuurihii dadka.
23:7b.2KI.023.007 Oo wuxuu dumiyey guryihii makhnuudyada oo ku dhex yiil guriga Rabbiga meeshay naaguhu ku samayn jireen daahyadii geedihii Asheeraah.
23:8b.2KI.023.008 Oo wadaaddadii oo dhanna wuxuu ka soo kaxeeyey magaalooyinkii dalka Yahuudah, wuuna nijaaseeyey meelihii sarsare oo wadaaddadu fooxa ku shidi jireen, tan iyo Gebac ilaa Bi'ir Shebac; oo haddana wuxuu dumiyey meelihii sarsare oo irdaha, kuwaas oo ku yiil meesha laga soo galo iridda Yashuuca oo ahaa taliyihii magaalada, oo ku yiil xagga bidix ee iridda magaalada.
23:9b.2KI.023.009 Habase yeeshee wadaaddadii meelaha sarsare ma ay iman meeshii allabariga oo Rabbiga ee Yeruusaalem ku tiil, laakiinse walaalahood way ku dhex cuni jireen kibis aan khamiir lahayn.
23:10b.2KI.023.010 Oo wuxuu nijaaseeyey Tofed oo ku taal dooxadii reer Xinnom, si uusan ninna wiilkiisa ama gabadhiisa dabkii u dhex marin Moleg.
23:11b.2KI.023.011 Oo wuxuu fogeeyey fardihii boqorradii dalka Yahuudah ay qorraxda ku siiyeen iridda laga soo galo guriga Rabbiga ee u dhow qolkii Naataan Meleg oo bohon ahaa uu degganaa, oo gaadhifardoodkii qorraxdana buu gubay.
23:12b.2KI.023.012 Oo meelihii allabariga oo ku yiil qowladda sare ee Aaxaas saqafkeeda oo boqorradii dalka Yahuudah ay sameeyeen, iyo meelihii allabariga oo Manaseh ka sameeyey labada barxadood oo guriga Rabbiga ayuu boqorkii wada dumiyey, oo halkaas intuu ka orday ayuu boodhkoodii ku shubay durdurkii Qidroon.
23:13b.2KI.023.013 Oo boqorkii wuxuu kaloo nijaaseeyey meelihii sarsare oo Yeruusaalem horteeda ku yiil, kuwaas oo ku yiil midigta buurta baabba'a, kuwaas oo Sulaymaan oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil uu u dhisay Cashtored oo ahayd karaahiyadii reer Siidoon, iyo Kemoosh oo ahaa karaahiyadii reer Moo'aab, iyo Milkom oo ahaa karaahiyadii reer Cammoon.
23:14b.2KI.023.014 Oo wuxuu burburiyey tiirarkii, geedihii Asheeraahna wuu jaray, oo meelahoodiina wuxuu ka buuxiyey dad lafahood.
23:15b.2KI.023.015 Oo weliba wuxuu kaloo dumiyey meeshii allabariga ee Beytel ku tiil, iyo meeshii sare oo Yaaraabcaam ina Nebaad oo dadkii Israa'iil dembaajiyey uu sameeyey, oo isla meeshii sare wuu gubay oo intuu ku tuntay ayuu budo ka dhigay, oo geedihii Asheeraahna wuu gubay.
23:16b.2KI.023.016 Oo Yoosiyaah markuu soo jeestay ayuu arkay qabuurihii buurta ku yiil, oo intuu cid diray oo qabuurihii lafihii ka soo bixiyey ayuu meeshii allabariga ku dul gubay, wuuna nijaaseeyey, sidii uu ahaa erayga Rabbiga oo ninkii Ilaah naadiyey, kaasoo ahaa kii waxyaalahan naadiyey.
23:17b.2KI.023.017 Markaasuu yidhi, Taalladaas aan arkaa waa maxay? Oo dadkii magaaladu waxay ku yidhaahdeen, Waa qabrigii ninkii Ilaah oo dalka Yahuudah ka yimid oo naadiyey waxyaalahan aad ku samaysay meeshii allabariga ee Beytel.
23:18b.2KI.023.018 Markaasuu yidhi, Iska daaya oo yaan ninna lafihiisa dhaqaajin. Sidaas daraaddeed way iska daayeen lafihiisii iyo lafihii nebigii Samaariya ka yimid.
23:19b.2KI.023.019 Oo guryihii meelaha sarsare oo dhan ee ku yiil magaalooyinka Samaariya ee ay boqorradii dalka Israa'iil u dhiseen inay Rabbiga kaga xanaajiyaan ayuu Yoosiyaah wada dumiyey, oo wuxuu ku sameeyey falimihii uu Beytel ku sameeyey oo kale.
23:20b.2KI.023.020 Oo wadaaddadii meelaha sarsare oo halkaas joogay oo dhanna wuxuu ku wada laayay meelihii allabariga dushooda, dushoodiina wuxuu ku gubay lafo dad, dabadeedna Yeruusaalem buu ku noqday.
23:21b.2KI.023.021 Markaasaa boqorkii dadkii oo dhan amray oo ku yidhi, Rabbiga Ilaahiinna ah u dhawra Iidda Kormaridda, siday ugu qoran tahay kitaabkan axdiga.
23:22b.2KI.023.022 Hubaal Iiddaas Kormaridda oo kale lama dhawrin tan iyo wakhtiyadii xaakinnadu reer binu Israa'iil xukumi jireen, iyo wakhtiyadii boqorradii dalka Israa'iil oo dhan, iyo wakhtiyadii boqorradii dalka Yahuudah toona.
23:23b.2KI.023.023 Laakiinse sannaddii siddeed iyo tobnaad oo Boqor Yoosiyaah ayaa Iiddaas Kormaridda Rabbiga loogu dhawray Yeruusaalem.
23:24b.2KI.023.024 Oo weliba Yoosiyaah wuxuu baabbi'iyey kuwii ruuxaanta lahaa, iyo saaxiriintii, iyo teraafiimtii, iyo sanamyadii, iyo dhammaan karaahiyadii lagu arkay dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba, si uu u adkeeyo erayadii sharcigii ku qornaa kitaabkii wadaadkii Xilqiyaah ka dhex helay gurigii Rabbiga.
23:25b.2KI.023.025 Oo isaga hortiis ma jirin boqor la mid ah oo Rabbiga ugu soo jeestay qalbigiisa oo dhan iyo naftiisa oo dhan iyo xooggiisa oo dhan siduu ahaa sharcigii Muuse oo dhan, oo isagii dabadiisna ma uu kicin boqor la mid ahu.
23:26b.2KI.023.026 Laakiinse Rabbigu kama uu soo noqon cadhadiisii kululayd ee weynayd oo uu dadka Yahuudah ugu cadhooday xanaaqii uu Manaseh isaga ka xanaajiyey aawadiis.
23:27b.2KI.023.027 Markaasaa Rabbigu yidhi, Anigu dadkii Yahuudahna hortayda waan ka fogaynayaa, sidaan dadkii Israa'iilba u fogeeyey oo kale, oo waan duminayaa magaaladan aan doortay oo ah Yeruusaalem, iyo gurigii aan idhi, Magacaygu halkaas ha yaallo.
23:28b.2KI.023.028 Haddaba Yoosiyaah falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?
23:29b.2KI.023.029 Oo isaga wakhtigiisii ayaa Fircoon Nekoo oo boqorka Masar ahaa ku kacay boqorkii Ashuur ilaa Webi Yufraad, oo waxaa isagii ku soo baxay Boqor Yoosiyaah, markaasaa Fircoon Nekoo isagii ku dilay Megiddoo agteeda markuu arkay.
23:30b.2KI.023.030 Oo addoommadiisii intay gaadhifaras Megiddoo kaga qaadeen isagoo meyd ah ayay Yeruusaalem keeneen oo qabrigiisii ku aaseen. Markaasay dadkii waddanku soo wateen Yehoo'aaxaas ina Yoosiyaah, oo intay subkeen ayay boqor uga dhigeen meeshii aabbihiis.
23:31b.2KI.023.031 Oo Yehoo'aaxaas markuu boqor noqday wuxuu jiray saddex iyo labaatan sannadood, oo intii saddex bilood ah ayuu Yeruusaalem boqor ka ahaa; oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Xamuutal ina Yeremyaah, oo reer Libnaah ahayd.
23:32b.2KI.023.032 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah sidii wixii ay awowayaashiis sameeyeen oo dhan.
23:33b.2KI.023.033 Fircoon Nekoo ayaa isagii ku xidhay Riblaah oo ku taal dalka Xamaad si uusan Yeruusaalem boqor ugu sii ahaan; oo dalkiina wuxuu saaray baad ah boqol talanti oo lacag ah iyo talanti dahab ah.
23:34b.2KI.023.034 Markaasaa Fircoon Nekoo ayaa Eliyaaqiim ina Yoosiyaah boqor uga dhigay meeshii aabbihiis Yoosiyaah, oo magiciisiina wuxuu u beddelay Yehooyaaqiim, laakiinse isagu Yehoo'aaxaas buu kaxeeyey, oo markuu Masar keenay ayuu halkaas ku dhintay.
23:35b.2KI.023.035 Markaasaa Yehooyaaqiim lacagtii iyo dahabkii Fircoon siiyey; laakiinse wuxuu cashuuray dalka inuu lacagtii u bixiyo sidii Fircoon ugu amray; oo lacagtii iyo dahabkii wuxuu ka soo guray dadkii dalka degganaa, intii mid kastaba cashuurtiisu ahayd, si uu Fircoon Nekoo u siiyo.
23:36b.2KI.023.036 Oo Yehooyaaqiimna markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ka ahaa kow iyo toban sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Sebuudaah ina Fedaayaah, oo reer Ruumaah ahayd.Oo isna wuxuu sameeyey wax shar ku ah Rabbiga hortiisa, sidii wixii ay awowayaashiis sameeyeen oo dhan.
23:37b.2KI.023.037 Oo isna wuxuu sameeyey wax shar ku ah Rabbiga hortiisa, sidii wixii ay awowayaashiis sameeyeen oo dhan.
24
24:1b.2KI.024.001 Oo wakhtigiisii ayaa Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon ku soo kacay, markaasaa Yehooyaaqiim isagii addoon u noqday intii saddex sannadood ah, dabadeedna wuu ka jeestay, oo ka fallaagoobay.
24:2b.2KI.024.002 Markaasaa Rabbigu u soo diray guutooyin reer Kaldayiin ah, iyo guutooyin reer Suuriya ah, iyo guutooyin reer Moo'aab ah, iyo guutooyin reer Cammoon ah, oo wuxuu iyaga u soo diray inay dalka Yahuudah baabbi'iyaan sidii Rabbigu uga hadlay nebiyadii addoommadiisa ahaa.
24:3b.2KI.024.003 Hubaal amarkii Rabbiga aawadiis ayaa tanu ugu soo degtay dadkii Yahuudah, inuu iyaga ka dhaqaajiyo hortiisa dembigii Manaseh sameeyey aawadiis, sidii ay ahaayeen kulli waxyaalihii uu sameeyey oo dhan,
24:4b.2KI.024.004 iyo dhiiggii aan xaq qabin oo uu daadshay, waayo, Yeruusaalem wuxuu ku nijaaseeyey dhiig aan xaq qabin; oo Rabbiguna ma uu cafiyeen.
24:5b.2KI.024.005 Haddaba Yehooyaaqiim falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?
24:6b.2KI.024.006 Markaasaa Yehooyaaqiim dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yehooyaakiin.
24:7b.2KI.024.007 Oo boqorkii Masarna mar dambe dalkiisii kama uu soo bixin, waayo, boqorkii Baabuloon baa wada qaatay ilaa durdurkii Masar iyo tan iyo Webi Yufraad ee uu dhammaan boqorka Masar lahaa.
24:8b.2KI.024.008 Oo Yehooyaakiinna markuu boqor noqday wuxuu jiray siddeed iyo toban sannadood, wuxuuna Yeruusaalem boqor ka ahaa intii saddex bilood ah; oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Nexushtaa ina Elnaataan, oo reer Yeruusaalem ahayd.
24:9b.2KI.024.009 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah sidii wixii uu aabbihiis sameeyey oo dhan.
24:10b.2KI.024.010 Markaasaa waxaa Yeruusaalem yimid oo magaaladii hareereeyey addoommadii Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon.
24:11b.2KI.024.011 Oo Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon ayaa soo gaadhay magaaladii intay addoommadiisii hareera joogeen.
24:12b.2KI.024.012 Markaasaa Yehooyaakiin oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah u soo baxay boqorkii Baabuloon, isagii, iyo hooyadiis, iyo addoommadiisii, iyo amiirradiisii, iyo saraakiishiisiiba, oo boqorkii Baabuloon ayaa isagii kaxeeyey sannaddii siddeedaad oo boqornimadiisa.
24:13b.2KI.024.013 Oo isna halkaasuu ka qaatay khasnadihii guriga Rabbiga oo dhan iyo khasnadihii guriga boqorka, oo wuxuu kala jejebiyey weelashii dahabka ahaa oo boqorkii reer binu Israa'iil oo Sulaymaan ahaa uu ku dhex sameeyey macbudkii Rabbiga, siduu Rabbigu yidhi.
24:14b.2KI.024.014 Oo haddana wuxuu kaxaystay reer Yeruusaalem oo dhan, iyo amiirradii oo dhan, iyo raggii xoog lahaa oo dhan, oo wada ahaa toban kun oo maxaabiis ah, iyo saanacyadii oo dhan, iyo tumaalladii, oo ninna ma hadhin dadkii dalka ugu liitay mooyaane.
24:15b.2KI.024.015 Oo wuxuu Baabuloon u kaxaystay Yehooyaakiin; oo boqorka hooyadiis, iyo boqorka naagihiisii, iyo saraakiishiisii, iyo raggii dalka madaxda u ahaa maxaabiis ahaan ayuu Yeruusaalem uga kaxaystay oo Baabuloon la tegey.
24:16b.2KI.024.016 Oo boqorkii Baabuloon maxaabiis ahaan ayuu Baabuloon u keenay raggii xoogga lahaa oo dhan oo tiradoodu ahayd toddoba kun, iyo saanacyadii iyo tumaalladii oo iyana kun ah, oo kulligood way wada xoog badnaayeen, oo dagaalyahan bay ahaayeen.
24:17b.2KI.024.017 Markaasaa boqorkii Baabuloon wuxuu Yehooyaakiin meeshiisii boqor uga dhigay adeerkiis Matanyaah oo magiciisiina wuxuu u beddelay Sidqiyaah.
24:18b.2KI.024.018 Oo Sidqiyaahna markuu boqor noqday wuxuu jiray kow iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ka ahaa kow iyo toban sannadood, oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Xamuutal ina Yeremyaah oo reer Libnaah ahayd.
24:19b.2KI.024.019 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, sidii wixii Yehooyaaqiim sameeyey oo dhan.Oo tanu waxay Yeruusaalem iyo Yahuudah ugu dhacday cadhadii Rabbiga aawadeed ilaa uu hortiisa iyaga ka tuuray; kolkaasaa Sidqiyaah ka fallaagoobay boqorkii Baabuloon.
24:20b.2KI.024.020 Oo tanu waxay Yeruusaalem iyo Yahuudah ugu dhacday cadhadii Rabbiga aawadeed ilaa uu hortiisa iyaga ka tuuray; kolkaasaa Sidqiyaah ka fallaagoobay boqorkii Baabuloon.
25
25:1b.2KI.025.001 Oo sannaddii sagaalaad oo boqornimadiisa bishii tobnaad maalinteedii tobnaad ayaa Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon iyo ciidankiisii Yeruusaalem ku kaceen, oo intay hor degeen ayay qalcado hareereheeda ka dhisteen.
25:2b.2KI.025.002 Oo sidaasay magaaladii u hareeraysnayd tan iyo sannaddii kow iyo tobnaad oo Boqor Sidqiyaah.
25:3b.2KI.025.003 Oo maalintii sagaalaad oo bishii afraad ayaa abaartii magaaladii aad iyo aad ugu xumaatay, oo sidaas daraaddeed dadkii dalka degganaa cunto ma haysan.
25:4b.2KI.025.004 Markaasaa meel magaalada ahayd la jebiyey, oo raggii dagaalka oo dhammu intay habeennimo carareen ayay mareen jidkii iriddii u dhexaysay labada derbi oo ku ag tiil beertii boqorka; oo boqorkiina wuxuu maray jidkii Caraabaah. (Haddaba reer Kaldayiin waxay ku wareegsanaayeen magaalada.)
25:5b.2KI.025.005 Laakiinse ciidankii reer Kaldayiin ayaa boqorkii eryaday, oo waxay ku gaadheen bannaannadii Yerixoo; oo ciidankiisii oo dhammuna way ka kala firdheen.
25:6b.2KI.025.006 Oo markaasay boqorkii qabsadeen oo boqorkii Baabuloon ugu geeyeen Riblaah, wayna xukumeen.
25:7b.2KI.025.007 Oo Sidqiyaah wiilashiisiina hortiisay ku laayeen, dabadeedna Sidqiyaah indhihii bay ka soo bixiyeen, silsiladona bay ku xidheen, oo waxay u kaxeeyeen Baabuloon.
25:8b.2KI.025.008 Haddaba bishii shanaad, maalinteedii toddobaad oo ahayd sannaddii sagaal iyo tobnaad oo Nebukadnesar boqorkii Baabuloon ayaa waxaa Yeruusaalem yimid Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta oo ahaa addoonkii boqorkii Baabuloon.
25:9b.2KI.025.009 Markaasuu gubay gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka; oo wuxuu kaloo gubay guryihii Yeruusaalem oo dhan, kuwaasoo ahaa guri kasta oo weyn.
25:10b.2KI.025.010 Markaasaa ciidankii reer Kaldayiin oo dhan oo la socday sirkaalkii askarta waxay wada dumiyeen derbiyadii Yeruusaalem ku wareegsanaa.
25:11b.2KI.025.011 Oo Nebuusaradaan wuxuu maxaabiis ahaan u kaxaystay dadkii magaalada ku hadhay, iyo kuwii cararay oo u galay boqorkii Baabuloon, iyo intii dadkii faraha badnaa ka hadhay.
25:12b.2KI.025.012 Laakiinse sirkaalkii askartu wuxuu ka tegey dadkii waddanka ugu liitay inay ahaadaan kuwa canabka iyo beeraha kale ka shaqeeya.
25:13b.2KI.025.013 Markaasaa reer Kaldayiin jejebiyeen tiirarkii naxaasta ahaa oo guriga Rabbiga ku jiray, iyo saldhigyadii iyo berkeddii naxaasta ahayd oo guriga Rabbiga ku jiray, oo naxaastoodiina waxay u qaadeen Baabuloon.
25:14b.2KI.025.014 Oo waxay kaloo qaadeen dheryihii, iyo majarafadihii, iyo alaabta laambadaha lagu safayn jiray, iyo malgacadihii, iyo weelashii naxaasta ahaa oo lagu adeegi jiray oo dhan.
25:15b.2KI.025.015 Oo sirkaalkii askartu wuxuu la tegey dabqaadayaashii, iyo maddiibadihii; intii dahabka ahayd, dahab ahaan buu u qaaday, intii lacagta ahaydna lacag ahaan.
25:16b.2KI.025.016 Labadii tiir, iyo berkeddii, iyo saldhigyadii uu Sulaymaan u sameeyey gurigii Rabbiga, dhammaan weelashaas naxaastoodu miisaan ma lahayn.
25:17b.2KI.025.017 Oo tiirarka midkood sarajooggiisu wuxuu ahaa siddeed iyo toban dhudhun, oo korkiisana waxaa sarnaa taaj naxaas ah; oo taajka sarajooggiisuna wuxuu ahaa saddex dhudhun, wuxuuna lahaa shabag iyo rummaanno taajka ku wareegsan, oo kulligoodna waxay ahaayeen naxaas; tiirkii labaadna waxan oo kaluu lahaa iyo shabag.
25:18b.2KI.025.018 Oo sirkaalkii askartu wuxuu kaloo kaxaystay Seraayaah oo ahaa wadaadkii sare, iyo Sefanyaah oo ahaa wadaadkii labaad, iyo saddexdii iridjoog;
25:19b.2KI.025.019 oo wuxuu magaaladii kala soo baxay sirkaal u sarreeyey raggii dagaalyahanka ahaa, iyo shan nin oo ka mid ahaa kuwii boqorka hor joogi jiray oo magaaladii laga dhex helay, iyo karraanigii sirkaalka ciidanka ee ururin jiray dadkii waddanka, iyo lixdan nin oo ahaa dadkii dalka degganaa oo magaaladii laga dhex helay.
25:20b.2KI.025.020 Markaasaa Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askartu iyagii kaxeeyey, oo Riblaah ugu geeyey boqorkii Baabuloon.
25:21b.2KI.025.021 Markaasaa boqorkii Baabuloon iyagii ku laayay Riblaah oo ku taal dalka Xamaad. Oo sidaasaa dadkii Yahuudah dalkoodii looga kaxaystay iyagoo maxaabiis ah.
25:22b.2KI.025.022 Oo dadkii dalka Yahuudah lagaga tegey oo Nebukadnesar oo boqorkii Baabuloon ahaa uu uga tegey, kuwaas wuxuu taliye uga dhigay Gedalyaah ina Axiiqaam oo ahaa ina Shaafaan.
25:23b.2KI.025.023 Haddaba saraakiishii ciidammada oo dhammu iyaga iyo raggoodii markay maqleen in boqorkii Baabuloon uu Gedalyaah ka dhigay taliye ayay Gedalyaah ugu yimaadeen Misfaah, oo kuwaasu waxay ahaayeen Ismaaciil ina Netanyaah, iyo Yooxaanaan ina Qaaree'ax, iyo Seraayaah ina Tanhumed oo reer Netofaah ahaa, iyo Ya'asanyaah oo uu dhalay kii reer Macakaad, iyagii iyo raggoodiiba.
25:24b.2KI.025.024 Markaasaa Gedalyaah u dhaartay iyagii iyo raggoodiiba, oo ku yidhi, Ha ka cabsanina addoommada reer Kaldayiin; haddaba dalka degganaada oo boqorka Baabuloon u adeega, oo waad nabdoonaan doontaan.
25:25b.2KI.025.025 Laakiinse bishii toddobaad Ismaaciil ina Netanyaah oo ahaa ina Eliishaamaac oo farcankii reer boqor ahaa ayaa yimid, isagoo toban nin wata, markaasuu dilay Gedalyaah oo uu dhintay, isaga iyo Yuhuuddii iyo reer Kaldayiin oo isaga Misfaah la joogayba.
25:26b.2KI.025.026 Markaasaa dadkii oo dhan yar iyo weynba iyo saraakiishii ciidammada way kaceen oo waxay tageen Masar, waayo, waxay ka cabsadeen reer Kaldayiin.
25:27b.2KI.025.027 Oo sannaddii toddoba iyo soddonaad intii boqorkii dalkii Yahuudah oo Yehooyaakiin ahaa uu xidhnaa, bishii laba iyo tobnaad, maalinteedii toddoba iyo labaatanaad, Ewiil Merodag oo ahaa boqorkii Baabuloon sannaddii uu boqor noqday ayuu xabsigii ka soo bixiyey Yehooyaakiin oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.
25:28b.2KI.025.028 Oo si roon buu ula hadlay, oo wuxuu carshigiisii ka kor mariyey carshigii boqorradii isagii Baabuloon la joogay.
25:29b.2KI.025.029 Oo dharkiisii xabsiga ayuu beddelay oo hortiisuu wax ku cuni jiray had iyo jeerba cimrigiisii oo dhanba.Oo xagga masruufkiisana boqorka xaggiisa waxaa laga siin jiray masruuf joogta ah, oo maalin kasta qayb buu heli jiray cimrigiisii oo dhan.
25:30b.2KI.025.030 Oo xagga masruufkiisana boqorka xaggiisa waxaa laga siin jiray masruuf joogta ah, oo maalin kasta qayb buu heli jiray cimrigiisii oo dhan.
- Holder of rights
- Multilingual Bible Corpus
- Citation Suggestion for this Object
- TextGrid Repository (2025). Somali Collection. 2 Kings (Somali). 2 Kings (Somali). Multilingual Parallel Bible Corpus. Multilingual Bible Corpus. https://hdl.handle.net/21.11113/0000-0016-B805-3