1 Kings (Somali)

1 Kings (Somali)

1

1:1b.1KI.001.001 Haddaba Boqor Daa'uud wuu gaboobay, da' buuna la dhacay, oo waxay huwiyeen dhar, laakiinse kulayl ma uu helin.

1:2b.1KI.001.002 Sidaas daraaddeed addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, Boqorow, Sayidkaygiiyow, ha laguu doono gabadh dhallinyar oo bikrad ah, oo taasu ha istaagto hortaada, waxna ha kuu tarto, oo laabtaadana ha ku jiifto, si aad kulayl u hesho, Boqorow, Sayidkaygiiyow.

1:3b.1KI.001.003 Sidaas daraaddeed gabadh qurxoon ayay ka doondooneen dalkii Israa'iil oo dhan, oo waxay soo heleen Abiishag oo ahayd reer Shuuneem, oo taas bay boqorkii u keeneen.

1:4b.1KI.001.004 Oo gabadhuna aad bay u qurxoonayd, oo boqorkiina wax bay u tari jirtay, oo u adeegi jirtay, laakiinse boqorku iyadii ma uu taaban.

1:5b.1KI.001.005 Markaasaa Adoniiyaah oo ay Haggiid dhashay isweyneeyey, oo yidhi, Anigaa boqor noqon doona; oo wuxuu diyaarsaday gaadhifardood iyo rag fardooley ah, iyo konton nin oo hortiisa orodda.

1:6b.1KI.001.006 Oo aabbihiisna marna kama calool xumayn isagii oo kuma odhan, War maxaad saas u yeeshay? Wuxuuna ahaa nin qurux badan, oo Absaaloom dabadiis dhashay.

1:7b.1KI.001.007 Oo isna wuxuu la hadlay Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay, iyo wadaadkii Aabyaataar; oo iyana intay Adoniiyaah raaceen ayay caawiyeen.

1:8b.1KI.001.008 Laakiinse Saadooq oo ahaa wadaad, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac, iyo Nebi Naataan, iyo Shimcii iyo Reecii, iyo raggii xoogga badnaa oo Daa'uud lahaa midkoodna Adoniiyaah lama jirin.

1:9b.1KI.001.009 Markaasaa Adoniiyaah wuxuu ido iyo dibi iyo neefaf shishilis ku qalay meel u dhow dhagaxa Soxeled oo ku dhinac yaal Ceyn Rogeel, oo wuxuu u wada yeedhay walaalihiis ilmo boqor, iyo raggii reer Yahuudah oo boqorka addoommadiisa ahaa oo dhan.

1:10b.1KI.001.010 Laakiinse uma uu yeedhin Nebi Naataan, iyo Benaayaah, iyo raggii xoogga badnaa, iyo walaalkiis Sulaymaan.

1:11b.1KI.001.011 Markaasaa Naataan la hadlay Batshebac oo Sulaymaan hooyadiis ahayd, oo ku yidhi, Naa miyaadan maqlin inuu boqor noqday Adoniiyaah kii ay Haggiid dhashay, oo sayidkeenna Daa'uudna uusan taas ogayn?

1:12b.1KI.001.012 Haddaba sidaas daraaddeed waan ku baryayaaye, Bal kaalay aan kula taliyee, si aad u badbaadiso naftaada iyo nafta wiilkaaga Sulaymaanba.

1:13b.1KI.001.013 Haddaba tag oo u gal Boqor Daa'uud, oo waxaad ku tidhaahdaa, Boqorow, sayidkaygiiyow, miyaadan anoo addoontaada ah iigu dhaaran oo odhan, Hubaal dabaday waxaa boqor ahaan doona wiilkaaga Sulaymaan, carshigayguuna ku fadhiisan doonaa? Haddaba Adoniiyaah muxuu boqor u noqday?

1:14b.1KI.001.014 Oo bal eeg, intaad boqorka la hadlayso ayaan anna kaa daba iman doonaa, oo waxaan sii adkayn doonaa erayadaada.

1:15b.1KI.001.015 Markaasaa Batshebac waxay boqorkii ugu gashay qolkii, oo boqorkuna aad buu u gaboobay; oo waxaa boqorka u adeegaysay Abiishag tii reer Shuuneem.

1:16b.1KI.001.016 Oo Batshebacna intay foororsatay ayay boqorkii u sujuudday. Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Naa maxaad doonaysaa?

1:17b.1KI.001.017 Markaasay ku tidhi, Sayidow, anoo addoontaada ah waxaad iigu dhaaratay magaca Rabbiga Ilaahaaga ah, adoo leh, Hubaal dabaday waxaa boqor ahaan doona wiilkaaga Sulaymaan, carshigayguuna ku fadhiisan doonaa.

1:18b.1KI.001.018 Oo haddaba bal eeg, waxaa boqor ah Adoniiyaah, oo adna, sayidow, boqorkaygiiyow, taas ma ogid!

1:19b.1KI.001.019 Oo isagu wuxuu qalay dibi iyo neefaf shishilis iyo ido badan, oo wuxuu u yeedhay ilmo boqor oo dhan, iyo wadaadka Aabyaataar ah, iyo Yoo'aab oo ah sirkaalkii ciidanka; laakiinse uma uu yeedhin addoonkaaga Sulaymaan.

1:20b.1KI.001.020 Oo adna, sayidow, boqorkaygiiyow, indhihii dadka dalka Israa'iil oo dhammu adigay ku soo fiirinayaan, inaad u sheegtid qofka ku fadhiisan doona carshigaaga dabadaa, boqorow, sayidkaygiiyow.

1:21b.1KI.001.021 Haddii kalese, boqorow, sayidkaygiiyow, markaad dhimatid oo aad awowayaashaa la seexatid, aniga iyo wiilkayga Sulaymaanba waxaa lagu tirin doonaa kuwa dembaabay.

1:22b.1KI.001.022 Oo bal eeg, intii ay weli boqorkii la hadlaysay ayaa Nebi Naataan soo galay.

1:23b.1KI.001.023 Oo waxaa boqorkii loo soo sheegay, oo lagu yidhi, Waa kan Nebi Naataan. Oo isna markuu soo galay, oo uu boqorkii hor yimid, ayuu ku sujuuday boqorka hortiisa, oo wejigiisuu dhulka saaray.

1:24b.1KI.001.024 Markaasaa Naataan wuxuu yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, ma waxaad tidhi, Aniga dabaday waxaa boqor ahaan doona Adoniiyaah, carshigayguuna ku fadhiisan doonaa?

1:25b.1KI.001.025 Waayo, isagu maantuu tegey, oo qalay dibi iyo neefaf shishilis, iyo ido badan, oo wuxuu u yeedhay ilma boqor oo dhan, iyo saraakiishii ciidanka, iyo wadaadka Aabyaataar ah, oo bal eeg, iyana hortiisay wax ku cunayaan, oo wax ku cabbayaan, oo waxay leeyihiin, Boqor Adoniiyaah ha noolaado.

1:26b.1KI.001.026 Laakiinse anigoo addoonkaaga ah, iyo wadaadka Saadooq ah, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac, iyo addoonkaaga Sulaymaan ah midna uma uu yeedhin.

1:27b.1KI.001.027 Ma adaa waxan sameeyey, boqorow, sayidkaygiiyow, adoo aan weli addoommadaada ogeysiin kii carshiga ku fadhiisan lahaa dabadaa, boqorow, sayidkaygiiyow?

1:28b.1KI.001.028 Markaasaa Boqor Daa'uud wuxuu ugu jawaabay, Iigu yeedha Batshebac. Oo iyana way timid, wayna soo gashay meeshii boqorku joogay, oo soo hor istaagtay boqorkii.

1:29b.1KI.001.029 Markaasaa boqorkii dhaartay oo yidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbigii naftayda cidhiidhi oo dhan ka samatabbixiyey,

1:30b.1KI.001.030 oo sida runta ah waxaan kuugu dhaartay Rabbiga ah Ilaaha dadka dalka Israa'iil, oo aan kugu idhi, Hubaal aniga dabaday waxaa boqor ahaan doona wiilkaaga Sulaymaan, carshigayguuna ku fadhiisan doonaa dabaday, haddaba sida runta ah taas maantaan samaynayaa.

1:31b.1KI.001.031 Markaasaa Batshebac foororsatay oo wejigeedii dhulka saartay, oo waxay u sujuudday boqorkii oo tidhi, Boqor Daa'uudow, sayidkaygiiyow, weligaaba noolow.

1:32b.1KI.001.032 Oo Boqor Daa'uudna wuxuu yidhi, Iigu yeedha wadaadka Saadooq ah, iyo Nebi Naataan, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac. Oo iyana boqorkay hor yimaadeen.

1:33b.1KI.001.033 Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi iyagii, Addoommadayda kaxaysta, oo wiilkayga Sulaymaanna waxaad fuushiisaan baqalkayga oo waxaad geeysaan Giixoon.

1:34b.1KI.001.034 Oo wadaadka Saadooq ah iyo Nebi Naataan isaga halkaas ha ku subkeen, oo ha ka dhigeen boqorkii dalka Israa'iil; oo markaas waxaad afuuftaan buunka oo waxaad tidhaahdaan, Boqor Sulaymaan ha noolaado.

1:35b.1KI.001.035 Dabadeedna waa inaad soo raacdaan isaga, oo isna waa inuu yimaado, oo carshigayga ku fadhiisto; waayo, meeshaydii isagaa boqor ka noqon doona, oo waxaan ka dhigay amiir u taliya dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah.

1:36b.1KI.001.036 Markaasaa Benaayaah ina Yehooyaadaac boqorkii ugu jawaabay, Aamiin, oo saas ha yidhaahdo Ilaahaagu, Boqorow, sayidkaygiiyow.

1:37b.1KI.001.037 Oo sidii Rabbigu uu kuula jiray, Boqorow, sayidkaygiiyow, saas oo kale ha ula jiro Sulaymaanna, oo carshigiisana ha ka dhigo mid ka sii weyn carshigaagii, Boqor Daa'uudow, sayidkaygiiyow.

1:38b.1KI.001.038 Sidaas daraaddeed wadaadkii Saadooq ahaa, iyo Nebi Naataan, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac, iyo reer Kereetiim, iyo kuwii reer Feleetiiba way wada tageen, oo Sulaymaanna waxay fuushiiyeen baqalkii Boqor Daa'uud, oo waxay isagii geeyeen Giixoon.

1:39b.1KI.001.039 Markaasaa wadaadkii Saadooq ahaa wuxuu Teendhada kala soo baxay geeskii saliidda ahaa, oo wuxuu ugu subkay Sulaymaan. Kolkaasay buunkii afuufeen, oo dadkii oo dhammuna waxay yidhaahdeen, Boqor Sulaymaan ha noolaado.

1:40b.1KI.001.040 Oo dadkii oo dhammuna isagii bay soo raaceen, oo dadkii waxay ka dhawaajiyeen biibiilayaal, oo aad iyo aadna way u farxeen, sidaas daraaddeed dhulkii wuxuu la dillaacay dhawaaqoodii.

1:41b.1KI.001.041 Oo Adoniiyaah iyo martidiisii isaga la joogtay oo dhammuna taasay maqleen markay cunitaankii dhammeeyeen. Oo Yoo'aabna markuu maqlay dhawaaqii buunka ayuu yidhi, War waa maxay qaylada iyo buuqa magaaladii ka dhacay?

1:42b.1KI.001.042 Oo intuu weli hadlayay ayaa waxaa yimid Yoonaataan wiilkii wadaadkii Aabyaataar ahaa. Kolkaasaa Adoniiyaah ku yidhi, Soo gal, waayo, nin ragaad tahay, oo war wanaagsan baad waddaaye.

1:43b.1KI.001.043 Markaasaa Yoonaataan ugu jawaabay Adoniiyaah, Sida runta ah Sayidkeenna Boqor Daa'uud wuxuu boqor ka dhigay Sulaymaan.

1:44b.1KI.001.044 Oo boqorkiina wuxuu raaciyey isagii wadaadkii Saadooq ahaa iyo Nebi Naataan, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac, iyo kuwii reer Kereetiim, iyo kuwii reer Feleetii, oo iyana waxay isagii fuushiiyeen baqalkii boqorka!

1:45b.1KI.001.045 Markaasaa wadaadkii Saadooq ahaa iyo Nebi Naataan isagii u subkeen oo Giixoon ku boqreen, oo halkaasay ka yimaadeen iyagoo faraxsan, saas aawadeed ayay magaaladii haddana u buuqday. Oo qayladii aad maqasheen waa taas.

1:46b.1KI.001.046 Oo haddana Sulaymaan wuxuu ku fadhiistay carshigii boqortooyada.

1:47b.1KI.001.047 Oo weliba addoommadii boqorku waxay u yimaadeen inay u duceeyaan sayidkeenna Boqor Daa'uud, oo waxay yidhaahdeen, Ilaahaagu magaca Sulaymaan ha ka dhigo mid ka sii wanaagsan magacaaga, oo carshigiisana ha ka sii weyneeyo carshigaaga, oo boqorkiina wuxuu ku kor foororsaday sariirtiisii.

1:48b.1KI.001.048 Oo weliba boqorkii wuxuu yidhi, Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha dadka Israa'iil, oo maanta siiyey mid carshigaygii ku fadhiista iyadoo ay indhahaygu arkaan.

1:49b.1KI.001.049 Oo Adoniiyaah martidiisii oo dhammuna way wada cabsadeen, oo intay kaceen ayaa nin waluba meeshiisii tegey.

1:50b.1KI.001.050 Oo Adoniiyaahna wuxuu ka cabsaday Sulaymaan, markaasuu tegey oo qabsaday geesihii meeshii allabariga.

1:51b.1KI.001.051 Oo waxaa taas loo soo sheegay Sulaymaan oo lagu yidhi, Bal eeg, Adoniiyaah ayaa kaa cabsaday, Boqor Sulaymaanow, oo wuxuu qabsaday geesihii meeshii allabariga, oo yidhi, Boqor Sulaymaan maanta ha ii dhaarto inuusan anoo addoonkiisa ah seef igu dilayn.

1:52b.1KI.001.052 Markaasaa Sulaymaan wuxuu yidhi, Hadduu isu muujiyo sida nin qumman, xataa tin keliyuhu dhulka kaga dhici maayo, laakiinse haddii xumaan laga helo, wuu dhiman doonaa.Sidaas daraaddeed Boqor Sulaymaan wuu u cid diray, oo waxaa laga soo kaxeeyey meeshii allabariga. Oo isna wuu yimid oo u sujuuday Boqor Sulaymaan, oo Sulaymaanna wuxuu ku yidhi, Orod, gurigaagii tag.

1:53b.1KI.001.053 Sidaas daraaddeed Boqor Sulaymaan wuu u cid diray, oo waxaa laga soo kaxeeyey meeshii allabariga. Oo isna wuu yimid oo u sujuuday Boqor Sulaymaan, oo Sulaymaanna wuxuu ku yidhi, Orod, gurigaagii tag.

2

2:1b.1KI.002.001 Haddaba waxaa soo dhowaaday wakhtigii Daa'uud dhiman lahaa; oo wuxuu amray wiilkiisii Sulaymaan oo ku yidhi,

2:2b.1KI.002.002 Anigu waxaan marayaa jidka dadka dhulka oo dhan; haddaba xoog yeelo, oo raganimadaada muuji,

2:3b.1KI.002.003 oo Rabbiga Ilaahaaga ahna amarkiisa xaji, si aad jidadkiisa ugu socoto, oo aad u dhawrto qaynuunnadiisa, iyo amarradiisa, iyo xukummadiisa, iyo markhaatifurkiisa, si waafaqsan waxa ku qoran sharciga Muuse inaad ku liibaantid waxa aad samaynaysid oo dhan, iyo meel kastoo aad u jeesatoba;

2:4b.1KI.002.004 inuu Rabbigu oofiyo eraygiisii uu igaga hadlay, isagoo leh, Carruurtaadu hadday jidkooda dhawraan, oo ay qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhanba si run ah hortayda ugu socdaan, waayi maysid nin carshiga dalka Israa'iil ku fadhiista.

2:5b.1KI.002.005 Oo weliba waad og tahay wixii uu Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay igu sameeyey, ee uu ku sameeyey labadii sirkaal oo ciidanka dalka Israa'iil, kuwaasoo ahaa Abneer ina Neer, iyo Camaasaa ina Yeter, ee uu labadaba dilay, iyo inuu wakhtiga nabadda dhiiggii dagaalka daadiyey, oo uu dhiiggii dagaalkana mariyey dhex-xidhkiisa dhexda ugu xidhnaa, iyo kabahiisa cagaha ugu jiray.

2:6b.1KI.002.006 Haddaba wixii kula wanaagsan samee, oo cirrada madaxiisu yaanay nabad ku gelin xabaasha.

2:7b.1KI.002.007 Laakiinse u roonow wiilasha Barsillay kan reer Gilecaad, oo iyagu ha noqdeen kuwa ka mid ah kuwa miiskaaga wax ka cuna, waayo, saasay iigu yimaadeen markaan walaalkaa Absaaloom ka cararay.

2:8b.1KI.002.008 Oo bal eeg, waxaa kula jooga Shimcii ina Geeraa, oo ah reer Benyaamiinka deggan Baxuuriim, kaasoo habaar xun igu habaaray maalintii aan Maxanayim tegey; laakiinse wuu igaga hor yimid Webi Urdun, oo i soo dhoweeyey, oo anna waxaan isaga ugu dhaartay oo ku idhi, Seef kugu dili maayo.

2:9b.1KI.002.009 Sidaas daraaddeed inuu eedlaawe yahay ha u qaadan, waayo, waxaad tahay nin xigmad leh, oo waad garan doontaa waxa kuu eg inaad ku samayso, oo waa inaad cirrada madaxiisa dhiig xabaasha la gelisaa.

2:10b.1KI.002.010 Oo Daa'uudna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud.

2:11b.1KI.002.011 Oo Daa'uudna wuxuu reer binu Israa'iil boqor u ahaa afartan sannadood; toddoba sannadood ayuu Xebroon ka taliyey, saddex iyo soddon sannadoodna ayuu Yeruusaalem ka taliyey.

2:12b.1KI.002.012 Oo Sulaymaanna wuxuu ku fadhiistay carshigii aabbihiis Daa'uud, oo boqortooyadiisiina way sii dhisnaatay.

2:13b.1KI.002.013 Markaasaa Adoniiyaah oo ay Haggiid dhashay u yimid Batshebac oo ahayd Sulaymaan hooyadiis. Oo iyana waxay ku tidhi, War ma nabad baad ku timid? Isna wuxuu yidhi, Haah, nabad baan ku imid.

2:14b.1KI.002.014 Oo weliba wuxuu iyadii ku yidhi, Muraad baan kaa leeyahay, iyana waxay tidhi, Bal ii sheeg.

2:15b.1KI.002.015 Markaasuu ku yidhi, Waad og tahay inaan boqortooyada lahaa, oo ay dadkii dalka Israa'iil oo dhammu fiiro ii lahaayeen inaan boqor u noqdo, habase yeeshee boqortooyadii way rogmatay, oo waxaa yeeshay walaalkay, waayo, xagga Rabbiga buu ka helay.

2:16b.1KI.002.016 Haddaba wax baan ku weyddiisanayaa, hana ii diidin. Iyana waxay tidhi, Bal ii sheeg.

2:17b.1KI.002.017 Markaasuu yidhi, Waan ku baryayaaye, iila hadal Boqor Sulaymaan inuu i siiyo Abiishag tan reer Shuuneem aan guursadee, (waayo, Maya, ku odhan maayo.)

2:18b.1KI.002.018 Markaasaa Batshebac waxay tidhi, Waa hagaag, boqorka waan kuula hadli doonaa.

2:19b.1KI.002.019 Sidaas daraaddeed Batshebac waxay u tagtay Boqor Sulaymaan inay ula hadasho Adoniiyaah. Boqorkiina wuu u sara joogsaday inuu iyada soo dhoweeyo, wuuna u foororsaday iyadii, markaasuu carshigiisii ku fadhiistay, oo wuxuu amray in carshi loo dhigo hooyadiis, markaasay midigtiisa fadhiisatay.

2:20b.1KI.002.020 Kolkaasay tidhi, Wax yar baan kaa baryayaaye, hana ii diidin. Boqorkiina wuxuu ku yidhi, Hooyoy, ii sheeg, waayo, kuu diidi maayo.

2:21b.1KI.002.021 Markaasay tidhi, Abiishag tan reer Shuuneem ha la siiyo walaalkaa Adoniiyaah ha guursadee.

2:22b.1KI.002.022 Kolkaasaa Boqor Sulaymaan hooyadiis ugu jawaabay, Abiishag tan reer Shuuneem maxaad Adoniiyaah ugu doonaysaa? Haddaba boqortooyadana u doon, waayo, isagu waa walaalkay iga weyn, u doon isaga, iyo wadaadka Aabyaataar, iyo Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay.

2:23b.1KI.002.023 Markaasaa Boqor Sulaymaan Rabbiga ku dhaartay, oo yidhi, Hadalkan uu Adoniiyaah ku hadlay hadduusan naftiisa ka gees noqon, Ilaah ha igu sameeyo saas iyo si ka sii badanba.

2:24b.1KI.002.024 Haddaba waxaan ku dhaartay nolosha Rabbigii xoogga ii yeelay, oo igu fadhiisiyey carshigii aabbahay Daa'uud, oo reerka iigu yeelay siduu iigu ballanqaaday, hubaal Adoniiyaah maanta waa la dilayaa.

2:25b.1KI.002.025 Markaasaa Boqor Sulaymaan u diray Benaayaah ina Yehooyaadaac, oo isna wuu dilay, Adoniiyaahna waa dhintay.

2:26b.1KI.002.026 Oo boqorkiina wuxuu wadaadkii Aabyaataar ahaa ku yidhi, Waxaad tagtaa Canaatood iyo ilaa beerahaagii, waayo, waxaad istaahishaa in lagu dilo, laakiinse haatan ku dili maayo, waayo, aabbahay Daa'uud waad ku hor sidi jirtay sanduuqii Sayidka Rabbiga ah, oo waxaa lagugu dhibi jiray wax kasta oo aabbahay lagu dhibi jiray.

2:27b.1KI.002.027 Sidaasuu Sulaymaan Aabyaataar uga eryay wadaadnimadii Rabbiga inuu oofiyo Eraygii Rabbiga ee uu kaga hadlay reerka Ceelii xagga Shiiloh.

2:28b.1KI.002.028 Markaasaa warkii u yimid Yoo'aab, waayo, Yoo'aab wuxuu raacay Adoniiyaah in kastoo uusan raacin Absaaloom. Kolkaasaa Yoo'aab u cararay Teendhadii Rabbiga, oo qabsaday geesihii meeshii allabariga.

2:29b.1KI.002.029 Markaasaa taas loo soo sheegay Boqor Sulaymaan, oo lagu yidhi, Yoo'aab Teendhadii Rabbiga ayuu u cararay, oo wuxuu ag jooga meeshii allabariga. Dabadeedna Sulaymaan wuxuu diray Benaayaah ina Yehooyaadaac oo wuxuu ku yidhi, Tag oo soo dil.

2:30b.1KI.002.030 Markaasaa Benaayaah Teendhadii Rabbiga soo galay oo ku yidhi, Boqorkii wuxuu leeyahay, Soo bax. Isna wuxuu yidhi, Maya, laakiinse halkanaan ku dhimanayaa. Oo Benaayaah haddana boqorkii buu u war keenay oo ku yidhi, Yoo'aab saasuu yidhi, oo saasuu iigu jawaabay.

2:31b.1KI.002.031 Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Siduu kugu yidhi yeel, oo dil isaga, oo soo xabaal, inaad aniga iyo reerka aabbahayba naga dul qaaddid dhiiggii Yoo'aab sababla'aanta ku daadiyey.

2:32b.1KI.002.032 Oo Rabbiguna dhiiggiisa wuxuu ku celin doonaa madaxiisa, maxaa yeelay, wuxuu dilay laba nin oo isaga ka xaq badan oo ka wanaagsan, seef buuna ku dilay, aabbahay Daa'uudna taas waxba kama ogayn, oo kuwaasuna waxay ahaayeen Abneer ina Neer oo sirkaal u ahaa ciidanka dalka Israa'iil, iyo Camaasaa ina Yeter oo sirkaal u ahaa ciidanka dalka Yahuudah.

2:33b.1KI.002.033 Saas aawadeed dhiiggoodii wuxuu ku noqon doonaa madaxa Yoo'aab, iyo madaxa farcankiisa weligiis, laakiinse Daa'uud, iyo farcankiisa, iyo reerkiisa, iyo carshigiisaba nabad baa xagga Rabbiga uga ahaan doonta weligeed.

2:34b.1KI.002.034 Markaasaa Benaayaah ina Yehooyaadaac tegey, oo intuu ku kor dhacay ayuu dilay, oo waxaa lagu aasay gurigiisii cidlada ku yiil.

2:35b.1KI.002.035 Markaasaa boqorkii wuxuu meeshiisii ku beddelay oo ciidankii madax uga dhigay Benaayaah ina Yehooyaadaac. Oo meeshii Aabyaataarna wuxuu ku beddelay wadaadkii Saadooq ahaa.

2:36b.1KI.002.036 Markaasaa boqorkii u cid diray oo u yeedhay Shimcii, oo wuxuu ku yidhi, Yeruusaalem guri ka dhiso, oo halkaas iska deg, oo mar dambe meella ha uga bixin.

2:37b.1KI.002.037 Waayo, maalintii aad baxdo oo aad durdurka Qidroon ka gudubto, bal ogow hubaal inaad dhimanayso; dhiiggaaguna madaxaaguu ku oolli doonaa.

2:38b.1KI.002.038 Markaasaa Shimcii boqorkii ku yidhi, Hadalkaasu waa wanaagsan yahay, oo sidaad tidhi, boqorow, sayidkaygiiyow, waan yeeli doonaa, anigoo addoonkaaga ah. Oo Shimciina wakhti dheer ayuu Yeruusaalem degganaa.

2:39b.1KI.002.039 Oo saddex sannadood dabadood, laba addoon oo Shimcii kuwiis ah ayaa u cararay xagga Aakiish ina Macakaah oo ahaa boqorkii Gad.

2:40b.1KI.002.040 Markaasaa Shimcii kacay, oo dameerkiisii kooraystay, oo wuxuu u tegey Aakiish oo Gad jooga inuu addoommadiisii ka doonto; oo Shimcii wuu tegey oo addoommadiisii ka soo kaxaystay Gad.

2:41b.1KI.002.041 Markaasaa Sulaymaan waxaa loo soo sheegay in Shimcii Yeruusaalem ka kacay, oo uu Gad tegey, oo uu haddana soo noqday.

2:42b.1KI.002.042 Markaasaa boqorkii u cid diray oo Shimcii u yeedhay, oo wuxuu ku yidhi, War miyaanan Rabbiga kugu dhaarin, oo aanan hore kuugu sii sheegin, oo aanan kugu odhan, Ogow oo hubso, inaad xaqiiqa dhimanaysid maalintii aad baxdid oo aad meel kale u kacdid? Oo adna sow iguma aadan odhan, Hadalkaan maqlay waa wanaagsan yahay?

2:43b.1KI.002.043 Haddaba maxaad u dhawri weyday dhaartii Rabbiga iyo amarkii aan kugu amray?

2:44b.1KI.002.044 Weliba boqorkii wuxuu Shimcii ku yidhi, Waad wada og tahay sharka qalbigaaga ku jira oo aad aabbahay Daa'uud ku samaysay. Sidaas daraaddeed Rabbigu sharkaagii wuxuu ku soo celin doonaa madaxaaga.

2:45b.1KI.002.045 Laakiinse anoo Boqor Sulaymaan ahu waan barakaysnaan doonaa, oo carshiga Daa'uudna weligiis wuu ku sii dhisnaan doonaa Rabbiga hortiisa.Sidaas daraaddeed ayaa boqorkii amray Benaayaah ina Yehooyaadaac; kolkaasuu isna tegey oo dilay Shimcii, wuuna dhintay. Oo boqortooyadiina waxay ku sii dhisnaatay gacantii Sulaymaan.

2:46b.1KI.002.046 Sidaas daraaddeed ayaa boqorkii amray Benaayaah ina Yehooyaadaac; kolkaasuu isna tegey oo dilay Shimcii, wuuna dhintay. Oo boqortooyadiina waxay ku sii dhisnaatay gacantii Sulaymaan.

3

3:1b.1KI.003.001 Markaasaa Sulaymaan xidhiidh la yeeshay boqorkii Masar oo Fircoon ahaa, oo soo kaxaystay Fircoon gabadhiisii, wuxuuna keenay magaaladii Daa'uud ilaa uu dhammeeyey dhismihii gurigiisa, iyo gurigii Ilaah, iyo derbigii Yeruusaalem ku wareegsanaa.

3:2b.1KI.003.002 Oo dadka ayaa ku allabaryi jiray meelaha sarsare oo keliya, maxaa yeelay, ilaa wakhtigaas ma uu jirin guri magaca Ilaah loo dhisay.

3:3b.1KI.003.003 Oo Sulaymaanna Rabbiga wuu jeclaa, oo wuxuu ku socday qaynuunnadii aabbihiis Daa'uud; laakiin meelaha sarsare ayuu ku allabaryi jiray, fooxna ku shidi jiray.

3:4b.1KI.003.004 Markaasaa boqorkii Gibecoon tegey inuu ku soo allabaryo; waayo, halkaasaa ahayd meesha sare ee weyn; oo meeshaas allabariga Sulaymaan wuxuu ku bixiyey kun qurbaan oo la gubo.

3:5b.1KI.003.005 Oo Gibecoon buu Rabbigu Sulaymaan habeennimo riyo ugu muuqday, markaasaa Ilaah ku yidhi, I weyddiiso wax aan ku siiyo.

3:6b.1KI.003.006 Markaasaa Sulaymaan wuxuu yidhi, Addoonkaagii Daa'uud oo aabbahay ahaa aad baad ugu roonaatay, sidii uu hortaada ugu socday daacadnimo iyo xaqnimo, iyo qalbi kula qumman; oo roonaantan weyn ayaad u sii dhawrtay, waayo, waxaad isagii siisay wiil carshigiisii ku fadhiista, sida ay maanta tahay.

3:7b.1KI.003.007 Haddaba Rabbigayow, Ilaahow, anoo addoonkaaga ah, boqor baad iiga dhigtay meeshii aabbahay Daa'uud; laakiinse waxaan ahay wiil yar, oo garan maayo si loo baxo iyo si loo soo galo toona.

3:8b.1KI.003.008 Oo anoo addoonkaaga ahuna waxaan dhex joogaa dadkaagii aad dooratay, oo ah dad badan oo aan la tirin karin, lana xisaabi karin faro badnaantooda.

3:9b.1KI.003.009 Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah i sii qalbi wax garanaya oo aan dadkaaga ku xukumo, si aan ku kala garto xumaanta iyo samaanta, waayo, bal yaa kara inuu dadkaagan badan xukumo?

3:10b.1KI.003.010 Oo hadalkaasuna Sayidka wuu ka farxiyey markii Sulaymaan waxaas weyddiistay.

3:11b.1KI.003.011 Markaasaa Ilaah wuxuu ku yidhi, Weyddiisashada aad waxaas i weyddiisatay aawadeed, oo aadan cimri dheer i weyddiisan, oo aadan maal i weyddiisan, ama xataa aadan i weyddiisan nolosha cadaawayaashaada, laakiinse aad i weyddiisatay waxgarasho aad ku garatid xukunka,

3:12b.1KI.003.012 ayaan kuugu yeelay wixii aad i weyddiisatay, oo bal eeg, waxaan ku siiyey qalbi caqli iyo waxgarasho leh, sidaas daraaddeed mid kula mid ahu hortaa ma jirin, dabadaana mid kula mid ahu ma jiri doono.

3:13b.1KI.003.013 Oo weliba wixii aadan i weyddiisanna waan ku siiyey oo ah maal iyo derejoba, sidaas daraaddeed boqor kula mid ahu ma jiri doono cimrigaaga oo dhan.

3:14b.1KI.003.014 Oo haddaad ku socoto jidadkayga sidii aabbahaa Daa'uud ugu socday oo kale oo aad dhawrtid qaynuunnadayda iyo amarradayda markaas cimrigaaga waan dheerayn doonaa.

3:15b.1KI.003.015 Markaasaa Sulaymaan toosay, oo bal eeg waxay ahayd riyo; oo intuu Yeruusaalem yimid ayuu hor istaagay sanduuqii axdiga Rabbiga, oo wuxuu bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino, oo addoommadiisii oo dhan ayuu diyaafad u sameeyey.

3:16b.1KI.003.016 Markaasaa waxaa boqorkii u yimid oo is-hor taagay laba naagood oo dhillooyin ah.

3:17b.1KI.003.017 Oo naagihii middood baa waxay ku tidhi, Sayidow, aniga iyo naagtanu isku guri baannu deggan nahay, oo anigu gurigaan ku umulay iyadoo joogta.

3:18b.1KI.003.018 Oo maalintii aan umulay tii ka saddex ahayd ayay naagtanuna umushay, waannuna wada joognay, oo labadayada mooyaane cid qalaadi guriga nagulama jirin.

3:19b.1KI.003.019 Oo naagtan ilmaheediina habeenkii buu dhintay, maxaa yeelay, iyadaa ku dul seexatay.

3:20b.1KI.003.020 Markaasay habeenbadhkii kacday, intii anoo addoontaada ahu aan hurday, oo ilmahaygii dhinacayga ka qaadatay, oo laabta gashatay, keedii dhintayna anigay laabta ii gelisay.

3:21b.1KI.003.021 Oo markaan subaxdii toosay oo aan damcay inaan ilmahayga nuujiyo ayaan arkay inuu dhintay, laakiinse subaxdiiba markaan u fiirsaday ayaan ogaaday inuusan ahayn wiilkaygii aan dhalay.

3:22b.1KI.003.022 Oo naagtii kalena waxay tidhi, Saas ma aha, laakiinse kan noolu waa wiilkaygii, kan dhintayna waa wiilkaagii. Iyaduna waxay tidhi, Maya ee kan dhintay waa wiilkaagii, kan nooluna waa wiilkaygii. Oo sidaasay boqorka hortiisii ugu hadleen.

3:23b.1KI.003.023 Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Midu waxay leedahay, Kan noolu waa wiilkaygii, kan dhintayna waa wiilkaagii; tan kalena waxay leedahay, Maya, laakiinse wiilkaagii waa kan dhintay, wiilkaygiise waa kan nool.

3:24b.1KI.003.024 Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Bal seef ii keena. Kolkaasay boqorkii seef u keeneen.

3:25b.1KI.003.025 Oo haddana boqorkii wuxuu yidhi, Ilmaha nool laba u kala qaybiya, oo middood badh siiya, badhka kalena tan kale siiya.

3:26b.1KI.003.026 Markaasaa naagtii wiilka nool lahayd boqorkii la hadashay oo ku tidhi, Sayidow, wiilka nool iyada sii, laakiinse sinaba ha u dilin, waayo, waxay u calool jilicsanaatay wiilkeeda. Laakiinse tii kale waxay tidhi, Anigu yeelan maayo, adna yeelan maysid ee qaybi.

3:27b.1KI.003.027 Markaasaa boqorkii wuxuu ku jawaabay, Wiilka nool iyada siiya oo hana dilina, maxaa yeelay, iyadu waa hooyadiis.Oo dadkii dalka Israa'iil oo dhammuna way wada maqleen xukunkii boqorku wax ku xukumay, wayna ka baqeen boqorkii; maxaa yeelay, waxay arkeen in xigmaddii Ilaah ku jirto si uu wax u xukumo.

3:28b.1KI.003.028 Oo dadkii dalka Israa'iil oo dhammuna way wada maqleen xukunkii boqorku wax ku xukumay, wayna ka baqeen boqorkii; maxaa yeelay, waxay arkeen in xigmaddii Ilaah ku jirto si uu wax u xukumo.

4

4:1b.1KI.004.001 Oo Boqor Sulaymaanna boqor buu u ahaa dadkii Israa'iil oo dhan.

4:2b.1KI.004.002 Oo kuwanuna amiirradiisii bay ahaayeen, Casaryaah oo uu dhalay wadaadkii Saadooq ahaa,

4:3b.1KI.004.003 Eliixoref iyo Axiiyaah oo ahaa ilma Shiisha waxay ahaayeen karraaniyo, Yehooshaafaad ina Axiiluudna wuxuu ahaa taariikhdhige;

4:4b.1KI.004.004 Benaayaah ina Yehooyaadaacna wuxuu u sarreeyey ciidanka; oo Saadooq iyo Aabyaataarna waxay ahaayeen wadaaddo;

4:5b.1KI.004.005 oo Casaryaah ina Naataanna wuxuu u sarreeyey saraakiisha; oo Saabuud ina Naataanna wuxuu ahaa wadaad, boqorkana saaxiib buu la ahaa;

4:6b.1KI.004.006 oo Axiishaarna wuxuu u sarreeyey shuqulka guriga; oo Adoniiraam ina Cabdaana wuxuu ahaa gabbaroqaade.

4:7b.1KI.004.007 Oo Sulaymaan wuxuu lahaa laba iyo toban wakiil oo dalka Israa'iil oo dhan u sarreeya, oo cunto u keena boqorka iyo reerkiisaba; oo nin kasta sannaddiiba bil buu masruufi jiray reer boqor.

4:8b.1KI.004.008 Haddaba waa kuwan magacyadoodii: Benxuur oo wakiil ka ahaa dalka buuraha leh oo Efrayim;

4:9b.1KI.004.009 Bendeqer oo wakiil ka ahaa Maqas, iyo Shacalbiim, iyo Beytshemesh iyo Eeloon Beytxaanaan;

4:10b.1KI.004.010 Benxesed oo wakiil ka ahaa Arubood oo lahaa Sokoh iyo dalka Heefer oo dhan;

4:11b.1KI.004.011 Benabiinaadaab oo wakiil ka ahaa meelaha dhaadheer ee Door oo dhan, oo wuxuu qabay Taafad oo ahayd ina Sulaymaan,

4:12b.1KI.004.012 iyo Bacanaa ina Axiiluud oo wakiil ka ahaa Tacanaag iyo Megiddoo, iyo Beytshe'aan oo dhan oo ku ag taal Saaretaan, Yesreceel hoosteeda, laga soo bilaabo Beytshe'aan ilaa Aabeel Mehoolaah, iyo tan iyo Yoqmecaam shishadeeda;

4:13b.1KI.004.013 Bengeber oo wakiil ka ahaa Raamod Gilecaad, oo lahaa magaalooyinka Yaa'iir ina Manaseh oo Gilecaad ku yaal oo dhan; oo isagu xataa wuxuu wakiil ka ahaa gobolka Argob oo ku yaal Baashaan, oo lahaa lixdan magaalo oo waaweyn oo derbi ku wareegsan yahay iyo biro naxaas ah.

4:14b.1KI.004.014 Axiinaadaab ina Iddo oo Maxanayim wakiil ka ahaa;

4:15b.1KI.004.015 iyo Axiimacas oo wakiil ka ahaa Naftaali oo isna qabay Sulaymaan gabadhiisii Basemad ahayd;

4:16b.1KI.004.016 iyo Bacanaa ina Xuushay oo wakiil ka ahaa Aasheer iyo Becaalood;

4:17b.1KI.004.017 iyo Yehooshaafaad ina Faaruu'ax oo Isaakaar wakiil ka ahaa;

4:18b.1KI.004.018 iyo Shimcii ina Eelaa, oo reer Benyaamiin wakiil ka ahaa:

4:19b.1KI.004.019 iyo Geber ina Uurii oo wakiil ka ahaa dalka Gilecaad oo ah waddankii Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, iyo waddankii Coog boqorkii Baashaan. Oo dalkaas oo dhan keligii baa wakiil ka ahaa.

4:20b.1KI.004.020 Oo dadkii Yahuudah iyo dadkii Israa'iilna waxay u faro badnaayeen sida cammuudda badda xeebteeda taal, oo wax bay cunayeen, wax bayna cabbayeen, wayna farxayeen.

4:21b.1KI.004.021 Oo Sulaymaanna wuxuu xukumi jiray boqortooyooyinkii oo dhan tan iyo Webiga iyo ilaa dalka reer Falastiin, iyo tan iyo soohdinta Masar, oo waxay Sulaymaan u keeni jireen hadiyado, wayna u adeegi jireen intuu noolaa oo dhan.

4:22b.1KI.004.022 Oo Sulaymaan maalintiiba wuxuu masruufan jiray soddon kor oo bur ah, iyo lixdan kor oo jidhiidh ah,

4:23b.1KI.004.023 iyo toban dibi oo buurbuuran, iyo labaatan dibi oo daaqa laga soo bixiyey, iyo boqol neef oo ido ah, oo ayan ku jirin deerooyin, cawl, iyo dibtaago, iyo digaag la cayiliyey.

4:24b.1KI.004.024 Waayo, isagaa xukumay Webiga dhankiisan oo dhan, marka laga bilaabo Tifsax iyo ilaa Gaasa, iyo kulli boqorradii webiga dhankiisan joogay oo dhan; oo hareerihiisa oo dhanna nabad buu la ahaa.

4:25b.1KI.004.025 Oo wakhtigii Sulaymaan oo dhan dadkii Yahuudah iyo dadkii Israa'iilna ammaan bay ku degganaayeen, oo nin waluba wuxuu hoos fadhiyey geedkiisii canabka ahaa iyo geedkiisii berdaha ahaa marka laga bilaabo Daan iyo xataa ilaa Bi'ir Shebac.

4:26b.1KI.004.026 Oo Sulaymaanna wuxuu gaadhifardoodkiisii u haystay afartan kun oo xero oo fardo ah iyo laba iyo toban kun oo fardooley ah.

4:27b.1KI.004.027 Oo wakiilladaasuna waxay masruuf u keeni jireen Boqor Sulaymaan, iyo intii Boqor Sulaymaan miiskiisii timid oo dhan, wakiil waluba bishiisii, oo ma ay oggolaanin in wax ka dhinmo.

4:28b.1KI.004.028 Oo meesha wakiilladu joogaan ayay fardaha iyo rakuubbada ugu keeni jireen shaciir iyo caws, nin waluba intii lagu amray.

4:29b.1KI.004.029 Oo Ilaahna wuxuu Sulaymaan siiyey xigmad iyo waxgarasho aad iyo aad u badan, iyo qalbi ballaadhan, kuwaasoo badan sida cammuudda badda xeebteeda taal.

4:30b.1KI.004.030 Oo Sulaymaan xigmaddiisiina waxay ka fiicnaatay xigmaddii dadka bari oo dhan, iyo xigmaddii Masar oo dhan,

4:31b.1KI.004.031 maxaa yeelay, isagu wuu ka xigmad badnaa dadka oo dhan, oo xataa wuu ka xigmad badnaa Eetaankii reer Esraax, iyo Heemaan, iyo Kalkol, iyo Dardaac, kuwaasoo ahaa ilma Maaxool; oo warkiisiina wuxuu gaadhay quruumihii hareerihiisa ku wareegsanaa oo dhan.

4:32b.1KI.004.032 Oo wuxuu ku hadlay saddex kun oo maahmaahood; oo gabayadiisuna waxay ahaayeen kun iyo shan.

4:33b.1KI.004.033 Oo wuxuu ka hadlay geedaha, intuu ka bilaabay Kedarka Lubnaan ku yaal, ilaa uu gaadhay husobka derbiga ka soo baxa; oo dugaaggana wuu ka hadlay, iyo haadka, iyo waxyaalaha gurguurta, iyo kalluunka.Oo qaar baa ka yimid dadyowga oo dhan, inay maqlaan xigmadda Sulaymaan kuwaasoo ka yimid boqorradii dunida oo dhan ee xigmaddiisa maqlay.

4:34b.1KI.004.034 Oo qaar baa ka yimid dadyowga oo dhan, inay maqlaan xigmadda Sulaymaan kuwaasoo ka yimid boqorradii dunida oo dhan ee xigmaddiisa maqlay.

5

5:1b.1KI.005.001 Oo Xiiraam oo ahaa boqorkii Turos wuxuu Sulaymaan u soo diray addoommadiisii, waayo, wuxuu maqlay inay meeshii aabbihiis isaga boqradeen; waayo, Xiiraam weligiisba wuxuu jeclaa Daa'uud.

5:2b.1KI.005.002 Oo Sulaymaanna Xiiraam buu u cid diray oo ku yidhi,

5:3b.1KI.005.003 Waad og tahay in aabbahay Daa'uud guri u dhisi kari waayay magaca Rabbiga Ilaahiisa ah, dagaalladii dhinac kasta kaga wareegsanaa aawadood, ilaa Rabbigu u wada geliyey cagihiisa hoostooda.

5:4b.1KI.005.004 Laakiinse haatan Rabbigu waa iga nasiyey dhinac kastaba, oo lama arko cadow iyo wax xun toona.

5:5b.1KI.005.005 Oo waxaan damacsanahay inaan guri u dhiso magaca Rabbiga Ilaahayga ah, sidii Rabbigu u sheegay aabbahay Daa'uud, isagoo leh, Wiilkaaga oo aan dabadaa carshigaaga ku fadhiisin doono ayaa magacayga guri u dhisi doona.

5:6b.1KI.005.006 Haddaba sidaas daraaddeed amar in Lubnaan layga soo jaro geedo kedar ah, oo addoommadayduna waxay la jiri doonaan addoommadaada, oo addoommadaadana in alla intii aad tidhaahdid ayaan kaaga kiraysan; waayo, waad garanaysaa inaan dhexdayada lagu arag wax dhirta u jari kara sida reer Siidoon.

5:7b.1KI.005.007 Oo markii Xiiraam maqlay hadalkii Sulaymaan ayuu aad u farxay oo yidhi, Maanta waxaa mahad leh Rabbiga Daa'uud siiyey wiil xigmad leh oo u taliya dadkan badan.

5:8b.1KI.005.008 Markaasaa Xiiraam Sulaymaan u cid diray oo wuxuu ku yidhi, Waan maqlay farriintii aad ii soo dirtay; oo waan yeelayaa waxaad doonayso oo ku saabsan qoryaha kedarka ah iyo qoryaha berooshka la yidhaahdo.

5:9b.1KI.005.009 Oo addoommadayda ayaa Lubnaan ka soo qaadi doona, oo keeni doona ilaa badda; oo xidhmooyin baan ka dhigayaa si ay badda u raacaan ilaa meeshii aad igula ballantay, oo waxaan ka dhigi doonaa in halkaas lagu kala furfuro, oo waad qaadan doontaa; oo adna waxaan doonayo ayaad ii dhammayn doontaa, adoo reerkayga cunto ii siinaya.

5:10b.1KI.005.010 Sidaasuu Xiiraam u siiyey Sulaymaan qoryo kedar ah iyo qoryo beroosh ah, intuu doonayay oo dhan.

5:11b.1KI.005.011 Sulaymaanna wuxuu Xiiraam siiyey labaatan kun oo kor oo sarreen ah oo reerkiisu quuto, iyo labaatan kor oo saliid saafiya ah; oo Sulaymaan intaasuu sannad kasta siin jiray Xiiraam.

5:12b.1KI.005.012 Oo Rabbiguna wuxuu Sulaymaan siiyey xigmad siduu ugu ballanqaaday; oo Xiiraam iyo Sulaymaanna nabad baa u dhexaysay, oo labadoodu axdi bay dhigteen.

5:13b.1KI.005.013 Oo Boqor Sulaymaanna wuxuu dadkii Israa'iil oo dhan ka dhex doortay niman shaqaalayaal ah, oo shaqaalayaashuna waxay ahaayeen soddon kun oo nin.

5:14b.1KI.005.014 Oo bishiiba toban kun ayuu Lubnaan u diri jiray; markaasay intii bil ah Lubnaan joogi jireen, laba biloodna reerahooday joogi jireen; oo shaqaalayaasha waxaa u sarreeyey Adoniiraam.

5:15b.1KI.005.015 Oo Sulaymaanna wuxuu lahaa toddobaatan kun oo xammaal iyo siddeetan kun oo nin oo buuraha geedo ka jari jiray.

5:16b.1KI.005.016 Oo laguma tirin Sulaymaan saraakiishiisii sarsare oo hawsha u taliyey, kuwaasoo ahaa saddex kun iyo saddex boqol oo u talin jiray dadkii shuqulka qaban jiray.

5:17b.1KI.005.017 Markaasaa boqorkii amray, oo iyana waxay soo jareen dhagxan waaweyn oo qaali ah, inay dhagxan la qoray ka dhigaan aasaaskii guriga.Oo Sulaymaan waxdhisayaashiisii iyo Xiiraam waxdhisayaashiisii iyo reer Gebal ayaa qoray, oo waxay hagaajiyeen alwaaxdii iyo dhagxantii guriga lagu dhisi lahaa.

5:18b.1KI.005.018 Oo Sulaymaan waxdhisayaashiisii iyo Xiiraam waxdhisayaashiisii iyo reer Gebal ayaa qoray, oo waxay hagaajiyeen alwaaxdii iyo dhagxantii guriga lagu dhisi lahaa.

6

6:1b.1KI.006.001 Oo Sulaymaan wuxuu bilaabay inuu gurigii Rabbiga dhiso markay ahayd afar boqol iyo siddeetan sannadood, kolkii reer binu Israa'iil dalka Masar ka soo baxeen dabadeed, taasoo ahayd sannaddii afraad oo Sulaymaan boqorka u noqday dadkii Israa'iil, bisheedii labaad taasoo ah bisha Sif.

6:2b.1KI.006.002 Oo gurigii Sulaymaan Rabbiga u dhisay dhererkiisu wuxuu ahaa lixdan dhudhun, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa labaatan dhudhun, sarajooggiisuna wuxuu ahaa soddon dhudhun.

6:3b.1KI.006.003 Oo guriga meeshiisa quduuska ah horteedana waxaa ku tiil balbalo, oo dhererkeedu wuxuu ahaa labaatan dhudhun sida guriga ballaadhkiisa; oo xagga guriga hortiisana ballaadhkeedu wuxuu ahaa toban dhudhun.

6:4b.1KI.006.004 Oo gurigana wuxuu u yeelay daaqado shabag leh.

6:5b.1KI.006.005 Oo guriga derbigiisa wuxuu ku xijisiiyey dabaqado ku wareegsan derbiyada guriga kaasoo ah macbudka iyo meesha ugu quduusanba; oo dhinacyadana wuxuu u yeelay qolal ku wareegsan.

6:6b.1KI.006.006 Oo dabaqadda ugu hoosaysa ballaadhkeedu wuxuu ahaa shan dhudhun, tan dhexena ballaadhkeedu wuxuu ahaa lix dhudhun, tan saddexaadna ballaadhkeedu wuxuu ahaa toddoba dhudhun; oo inaan dogobbada sarsare ee guriga haya guriga gudihiisa soo gelin aawadeed ayuu guriga dibaddiisa ugu yeelay meelo la saaro.

6:7b.1KI.006.007 Oo markii guriga la dhisayay waxaa lagu dhisay dhagxan lagu soo diyaariyey meeshii laga soo qoday; oo intii guriga la dhisayay guriga dhexdiisa laguma maqlin dubbe ama faas ama alaab kale oo bir ah.

6:8b.1KI.006.008 Oo qolalka dabaqadda hoose albaabkoodu wuxuu ku yiil guriga dhankiisa midigta ah; dabaqadda dhexena waxaa kor loogu fuuli jiray jaranjaro warwareegta iyo weliba marka laga baxo tan dhexe ilaa laga galo tan saddexaad.

6:9b.1KI.006.009 Sidaasuu gurigii u dhisay oo u dhammeeyey, oo wuxuu ku deday dogobbo iyo safaf alwaax kedar ah.

6:10b.1KI.006.010 Oo dabaqadihii wuxuu ka wada dhisay guriga wareeggiisa oo dhan, oo mid kastaba sarajooggiisu wuxuu ahaa shan dhudhun; oo waxay kor saarnaayeen alwaax kedar ah.

6:11b.1KI.006.011 Oo Sulaymaanna waxaa u yimid Eraygii Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi,

6:12b.1KI.006.012 Gurigan aad dhisayso waxaan kaa leeyahay, Haddaad qaynuunnadayda ku socotid, oo aad xukummadayda yeeshid, oo aad amarradayda oo dhan dhawrtid inaad ku socotid aawadeed, markaasaan kugu xoojin doonaa eraygaygii aan aabbahaa Daa'uud kula hadlay.

6:13b.1KI.006.013 Oo waxaan dhex joogi doonaa reer binu Israa'iil, oo kama tegi doono dadkayga reer binu Israa'iil.

6:14b.1KI.006.014 Sidaasaa Sulaymaan gurigii u dhisay oo u dhammeeyey.

6:15b.1KI.006.015 Oo guriga derbiyadiisii gudaha ahaa wuxuu ka dhisay looxyo kedar ah; oo xagga gudaha salka iyo baarka inta ka dhex leh alwaax buu ku deday; oo dhulkii guriga dhexdiisa ahaana wuxuu ku deday looxyo beroosh ah.

6:16b.1KI.006.016 Oo guriga xaggiisa dambe, salka iyo ilaa derbiyada labaatan dhudhun buu ku dhisay looxyo kedar ah, oo weliba wuxuu gudaha ka dhisay meel quduus ah, taasoo ah meesha ugu wada quduusan.

6:17b.1KI.006.017 Oo guriga macbudka ah ee ka horreeyey dhererkiisu wuxuu ahaa afartan dhudhun.

6:18b.1KI.006.018 Oo guriga gudihiisa waxaa ku jiray qori kedar ah oo la xardhay oo ubbooyin iyo ubax furan loo yeelay; oo kulli wuxuu ahaa qori kedar ah, oo dhagax laguma arag.

6:19b.1KI.006.019 Oo gurigii dhexe badhtankiisa wuxuu ka diyaariyey meel quduus ah inuu dhigo sanduuqii axdiga Rabbiga.

6:20b.1KI.006.020 Oo meesha ugu quduusan waxay lahayd meel dhererkeedu ahaa labaatan dhudhun, ballaadhkeeduna ahaa labaatan dhudhun, sarejooggeeduna ahaa labaatan dhudhun; oo wuxuu ku wada dahaadhay dahab saafi ah; oo meeshii allabarigana wuxuu ku deday qori kedar ah.

6:21b.1KI.006.021 Sidaasuu Sulaymaan gurigii gudaha ku yiil ugu dahaadhay dahab saafi ah; oo silsilado dahab ah ayuu ku xidhay meeshii quduuska ahayd horteeda, wuxuuna ku wada dahaadhay dahab.

6:22b.1KI.006.022 Oo guriga oo dhanna wuxuu ku dahaadhay dahab jeer uu gurigii oo dhammu dhammaaday. Oo meesha ugu quduusan meesheedii allabarigana wuu ku dahaadhay dahab.

6:23b.1KI.006.023 Oo meeshii ugu quduusnaydna wuxuu u yeelay laba keruub oo qoryo saytuun ah, oo mid walbana dhererkiisu wuxuu ahaa toban dhudhun.

6:24b.1KI.006.024 Oo keruubka baalkiisu wuxuu ahaa shan dhudhun, baalkiisa kalena shan dhudhun; oo baal caaraddiis iyo kan kale caaraddiisu waxay isu jireen toban dhudhun.

6:25b.1KI.006.025 Oo keruubka kalena wuxuu ahaa toban dhudhun, oo labada keruubna waxay ahaayeen isku qiyaas iyo isku qaab.

6:26b.1KI.006.026 Oo keruubiimta midkood sarajooggiisu wuxuu ahaa toban dhudhun, oo kan kalena saasoo kaluu ahaa.

6:27b.1KI.006.027 Oo keruubiimtiina wuxuu dhigay gurigii dhexe gudihiisa, oo keruubiimta baalashooduna way kala baxsanaayeen oo mid baalkiisu wuxuu taabtay derbiga, oo keruubka kale baalkiisuna wuxuu taabtay derbiga kale; oo baalashooduna waxay isku taabteen guriga dhexbadhtankiisa.

6:28b.1KI.006.028 Oo keruubiimtana wuxuu ku dahaadhay dahab.

6:29b.1KI.006.029 Oo gurigii derbiyadiisii oo dhan, gudaha iyo dibaddaba wuxuu ku xardhay sawirro keruubiim, iyo geedo timireed, iyo ubaxyo wada furan.

6:30b.1KI.006.030 Oo guriga dhulkiisana ayuu dahab ku dahaadhay gudaha iyo dibaddaba.

6:31b.1KI.006.031 Oo meesha ugu quduusan iriddeedana wuxuu u yeelay albaabbo ah qoryo saytuun; fayaaraddu labadeeda dhinac iyo meesheeda sare waxay ahaayeen derbiga meeshiisii shanaad.

6:32b.1KI.006.032 Sidaasuu u sameeyey laba albaab oo qoryo saytuun ah, oo wuxuu ku xardhay sawirro keruubiim, iyo geedo timireed, iyo ubaxyo furan, oo wuxuu ku dahaadhay dahab, oo dahabkiina wuxuu mariyey keruubiimtii iyo geedihii timirta ahaa.

6:33b.1KI.006.033 Oo sidaas oo kaluu albaabkii macbudkana ugu yeelay fayaarad qoryo saytuun ah, kaasoo ku yiil derbiga meeshiisa afraad;

6:34b.1KI.006.034 iyo laba albaab oo qoryo beroosh ah; oo albaabbada midkood wuxuu lahaa laba qaybood oo laabma, kan kalena wuxuu lahaa laba qaybood oo laabma.

6:35b.1KI.006.035 Oo wuxuu ku xardhay keruubiim iyo geedo timireed, iyo ubaxyo furan; oo wuxuu ku dahaadhay dahab la mariyey xaradhkii.

6:36b.1KI.006.036 Oo barxaddii dhexena wuxuu u yeelay saddex saf oo dhagax la qoray ah iyo saf alwaax kedar ah.

6:37b.1KI.006.037 Oo gurigii Rabbiga aasaaskiisii waxaa la dhigay bishii Sif oo sannaddii afraad.Oo gurigii waxaa dhammaantiis la dhammeeyey isagoo wax waluba u dhan yahay sannaddii kow iyo tobnaad, bisheedii siddeedaad, taasoo ah bisha Bul, oo wuxuu dhisayay toddoba sannadood.

6:38b.1KI.006.038 Oo gurigii waxaa dhammaantiis la dhammeeyey isagoo wax waluba u dhan yahay sannaddii kow iyo tobnaad, bisheedii siddeedaad, taasoo ah bisha Bul, oo wuxuu dhisayay toddoba sannadood.

7

7:1b.1KI.007.001 Oo Sulaymaan gurigiisana wuxuu dhisayay saddex iyo toban sannadood, oo gurigiisii oo dhanna wuu dhammeeyey.

7:2b.1KI.007.002 Waayo, guriga wuxuu ka dhisay geedihii Lubnaan, oo dhererkiisu wuxuu ahaa boqol dhudhun, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa konton dhudhun, sarajooggiisuna wuxuu ahaa soddon dhudhun, oo wuxuu ku dul taagnaa afar saf oo tiirar kedar ah, oo tiirarkana waxaa dul saarnaa alwaax waaweyn oo kedar ah.

7:3b.1KI.007.003 Oo waxaa ku dednaa qoryo kedar ah oo ka sarreeya shan iyo afartanka loox oo tiirarka dul saarnaa, ee shan iyo tobanba saf ahaayeen.

7:4b.1KI.007.004 Oo wuxuu lahaa saddex saf oo dariishado ah, oo saddexda saf iftiinkooduna midba mid buu ka soo hor jeeday.

7:5b.1KI.007.005 Oo albaabbada oo dhan iyo dariishadaha oo dhammu waxay wada ahaayeen afargees, oo saddexda saf iftiinkooduna midba mid buu ka soo hor jeeday.

7:6b.1KI.007.006 Oo wuxuu sameeyey balbalo tiirar ah; oo dhererkeedu wuxuu ahaa konton dhudhun, ballaadhkeeduna wuxuu ahaa soddon dhudhun, oo balbalona waa ka horraysay, iyadoo leh tiirar iyo looxyo balballaadhan.

7:7b.1KI.007.007 Oo wuxuu kaloo sameeyey balbaladii carshiga oo ahayd meeshii uu wax ku xukumi lahaa, oo taasu waxay ahayd balbaladii xukunka; oo dhulkeedana waxaa ku dednaa alwaax kedar ah.

7:8b.1KI.007.008 Oo gurigiisii uu degi lahaana wuxuu ku yiil balbalada barxaddeeda kale, oo isku si baana loo dhisay. Oo guri balbaladan u eg ayuu u dhisay gabadhii Fircoon (oo Sulaymaan guursaday).

7:9b.1KI.007.009 Oo kuwanu dhammaantood waxay ahaayeen dhagxan qaali ah oo qiyaas loo qoray, oo kor iyo hoosba miinshaaro lagu gooyay tan iyo salka iyo baarka, oo dibadduna saasay ahayd tan iyo barxadda weyn.

7:10b.1KI.007.010 Oo aasaaskuna wuxuu ahaa dhagxan qaali ah oo waaweyn, oo qaarna waxay ahaayeen toban dhudhun, qaarna waxay ahaayeen siddeed dhudhun.

7:11b.1KI.007.011 Oo korkana waxaa jiray dhagxan qaali ah oo qiyaas loo qoray, iyo alwaax kedar ah.

7:12b.1KI.007.012 Oo barxadda weyn ee ku wareegsanna waxay lahayd saddex saf oo dhagxan qoran ah, iyo saf ah looxyo waaweyn oo kedar ah, oo waxay la mid ahayd guriga Rabbiga barxaddiisa hoose iyo sida balbalada guriga.

7:13b.1KI.007.013 Oo Boqor Sulaymaanna Xiiraam cid buu u diray oo Turos ka soo kexeeyey.

7:14b.1KI.007.014 Oo Xiiraam waxaa dhashay naag carmal ah oo qabiilkeedu yahay reer Naftaali, aabbihiisna wuxuu ahaa nin reer Turos ah, oo naxaasta ka shaqayn jiray, Xiiraamna waxaa ka buuxay xigmad, iyo waxgarasho, iyo sanco uu ku sameeyo shuqul kasta oo naxaas laga qabto. Oo Boqor Sulaymaan buu u yimid oo shuqulkiisii oo dhan u sameeyey.

7:15b.1KI.007.015 Wuxuu sameeyey labada tiir oo naxaasta ah, oo midkiiba sarajooggiisu yahay siddeed iyo toban dhudhun; meeriskiisuna yahay laba iyo toban dhudhun markii xadhig lagu qiyaaso.

7:16b.1KI.007.016 Wuxuuna sameeyey laba taaj oo naxaas la shubay ah in la saaro tiirarkii dhaladooda. Oo taaj sarajooggiisu wuxuu ahaa shan dhudhun, oo taajka kale sarajooggiisuna wuxuu ahaa shan dhudhun.

7:17b.1KI.007.017 Oo taajajka tiirarka dhaladooda saarnaa waxay lahaayeen shabagyo isa sudhsudhan, iyo silsilado tidcan, oo taaj wuxuu lahaa toddoba, taajka kalena wuxuu lahaa toddoba.

7:18b.1KI.007.018 Oo saasuu u sameeyey tiirarkii; oo shabaggiiba waxaa kor saarnaa laba saf oo ku wareegsan inay dedaan taajajka tiirarka kor saaran; oo taajkii kalena saasoo kaluu u galay.

7:19b.1KI.007.019 Oo balbalada tiirarkeedii taajajkoodii saarnaa waxay u ekaayeen ubax, afar dhudhun bayna ahaayeen.

7:20b.1KI.007.020 Oo taajajkii labadii tiir saarnaa dushooda oo shabagga u dhowaana waxay lahaayeen rummaanno. Oo rummaannadu waxay ahaayeen laba boqol oo taajkiiba safaf ugu wareegsan.

7:21b.1KI.007.021 Oo tiirarkiina wuxuu qotomiyey balbaladii macbudka; oo tiirkii midigta ahaa intuu qotomiyey ayuu magiciisii u bixiyey Yaakiin, tiirkii bidixda ahaana intuu qotomiyey ayuu u bixiyey Bocas.

7:22b.1KI.007.022 Oo tiirarka korkoodana waxaa saarnaa wax ubax u eg, oo tiirarka hawshoodiina saasay ku dhammaatay.

7:23b.1KI.007.023 Oo wuxuu sameeyey berkedda naxaasta ah, oo labadeeda qar isu jiraan toban dhudhun, oo ku wada wareegsan, oo sarajooggeeduna wuxuu ahaa shan dhudhun, oo meeriskeeduna wuxuu ahaa soddon dhudhun.

7:24b.1KI.007.024 Oo berkedda qarkeedii wareegsanaa waxaa ku hoos yiil ubbooyin ku wareegsan berkedda, dhudhunba toban; oo ubbooyinku waxay ahaayeen laba saf, oo markii berkeddii la shubay ayaa iyana la shubay.

7:25b.1KI.007.025 Oo berkeddu waxay dul saarnayd laba iyo toban dibi, oo saddex waxay u jeedday xagga woqooyi, saddexna waxay u jeedday xagga galbeed, saddexna waxay u jeedday xagga koonfureed, saddexna waxay u jeedday xagga bari; berkeddiina way dul saarnayd, oo dibidii kulligoodna qarkooda dambe wuxuu ku jiray gudaha.

7:26b.1KI.007.026 Oo berkeddii dhumucdeedu waxay ahayd taako; qarkeedana waxaa loo sameeyey sidii koob qarkiis oo kale oo ubax u ekaa; oo waxay qaadday laba kun oo qiyaasood oo bad la yidhaahdo.

7:27b.1KI.007.027 Oo wuxuu sameeyey toban saldhig oo naxaas ah, oo saldhig kasta dhererkiisu wuxuu ahaa afar dhudhun, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa afar dhudhun, sarajooggiisuna wuxuu ahaa saddex dhudhun.

7:28b.1KI.007.028 Oo saldhigyadana sidan baa loo sameeyey; darfaha dhexdooda waxay ku lahaayeen meelo dhexe.

7:29b.1KI.007.029 Oo darfaha meelaha u dhexeeyeyna waxaa ku yiil libaaxyo, iyo dibiyo, iyo keruubiim, oo darfaha korkoodana waxaa ku yiil meel la saaro; oo libaaxyada iyo dibiyada hoostoodana waxaa ku yiil ubaxyo ka soo laalaada.

7:30b.1KI.007.030 Oo saldhig kastaaba wuxuu lahaa afar giraangirood oo naxaas ah, iyo ulo naxaas ah oo giraangiraha wareejiya; oo afarta rukunna waxay ku lahaayeen meelo haya; oo berkeddii hoosteeda ayaa meelihii hayay oo shubanu ku yiilleen iyagoo dhinac kasta ku leh ubaxyo ka laalaada.

7:31b.1KI.007.031 Oo afkeeda oo qarka ku dhex jira wuxuu ahaa dhudhun; oo afkeeduna wuu wareegsanaa, oo wuxuu u ekaa sida meesha haysa, wuxuuna ahaa dhudhun iyo badh; oo weliba afkeedu waa xardhanaa oo darfahooduna afargees bay ahaayeen oo ma wareegsanayn.

7:32b.1KI.007.032 Oo afarta giraangiroodna waxay ku yiilleen darfaha hoostooda, oo ulaha giraangiraha wareejiyaana waxay ku yiilleen salka hoose; oo giraangir kastana sarajooggeedu wuxuu ahaa dhudhun iyo badh.

7:33b.1KI.007.033 Oo giraangiruhuna waxay u ekaayeen sidii gaadhifaras giraangirihiis; oo ulahooda wareejiya, iyo qararkooda, iyo birahooda gudban, iyo dhexbadhtanadoodaba kulligood shub bay ahaayeen.

7:34b.1KI.007.034 Oo afarta geesna waxay ku lahaayeen afar meelood oo haya, oo afarta meelood oo hayaana waxay ka mid ahaayeen saldhigga qudhiisii.

7:35b.1KI.007.035 Oo saldhigga dushiisana waxaa tiil meel wareegsan oo sarajooggeedu yahay dhudhun badhkiis; oo saldhigga korkiisa siddooyinkiisa iyo darfihiisuba isagay ku yiilleen.

7:36b.1KI.007.036 Oo siddooyinkiisa iyo darfihiisa dushooda wuxuu ku xardhay keruubiim, iyo libaaxyo, iyo geedo timireed sidii mid kasta meeshiisii bannaanayd ahayd, iyagoo mid kasta ubaxyo laalaada ku wareegsan yihiin.

7:37b.1KI.007.037 Oo tobankii saldhigna saasuu u sameeyey; oo kulligoodna isku si baa loo shubay, oo isku qiyaas bay ahaayeen iyo isku qaab.

7:38b.1KI.007.038 Oo wuxuu sameeyey toban berkedood oo naxaas ah; oo berkedba waxay qaadday afartan bad; oo berked kastaaba waxay ahayd afar dhudhun; oo tobankii saldhigna mid kasta berked baa saarnayd.

7:39b.1KI.007.039 Oo saldhigyadii shanna wuxuu dhigay guriga dhankiisa midig, shantii kalena wuxuu dhigay guriga dhankiisa bidix; oo berkeddii weynaydna wuxuu dhigay guriga dhankiisa midig ee xagga bari ee dhinaca koonfureed.

7:40b.1KI.007.040 Oo Xiiraam wuxuu wada sameeyey berkedihii, iyo majarafadihii, iyo maddiibadihii. Oo sidaasuu Xiiraam u dhammeeyey shuqulkii uu Boqor Sulaymaan ugu sameeyey guriga Rabbiga,

7:41b.1KI.007.041 kaasoo ahaa labadii tiir, iyo labadii fijaan oo taajajkii tiirarka kor saarnaa, iyo labadii shabag oo ku dednaa labada fijaan oo taajajkii tiirarka kor saarnaa,

7:42b.1KI.007.042 iyo afartii boqol oo rummaan ee labadii shabag lahaayeen, oo shabag kastaa wuxuu lahaa laba saf oo rummaan ah si ay u dedaan labadii fijaan ee taajajkii tiirarka kor saarnaa;

7:43b.1KI.007.043 iyo tobankii saldhig, iyo tobankii berkedood ee saldhigyada dul saarnaa,

7:44b.1KI.007.044 iyo berkeddii weynayd, iyo laba iyo tobankii dibi ee berkedda weyn ka hooseeyey,

7:45b.1KI.007.045 iyo dheryihii, iyo majarafadihii, iyo maddiibadihii; oo dhammaan weelashan gurigii Rabbiga yiil ee uu Xiiraam Boqor Sulaymaan u sameeyey waxay ahaayeen naxaas dhalaasha.

7:46b.1KI.007.046 Oo boqorku wuxuu alaabtaas ku shubay Bannaankii Webi Urdun oo dhoobada lahaa ee u dhexeeyey Sukod iyo Saaretaan.

7:47b.1KI.007.047 Oo Sulaymaanna weelashii oo dhan ma uu miisaamin, maxaa yeelay, aad iyo aad bay u badnaayeen; oo naxaasta miisaankeeda lama hubin.

7:48b.1KI.007.048 Oo Sulaymaan baa sameeyey alaabtii guriga Rabbiga tiil oo dhan, kuwaasoo ahaa girgirihii dahabka ahaa, iyo miiskii ay kibistii tusniinta saarnayd oo dahabka ahaa;

7:49b.1KI.007.049 iyo laambadihii ahaa dahabka saafiga ah oo meesha ugu quduusan horteeda yiil, ee shanu midigta ka tiil, shanuna bidixda, iyo ubaxyadii iyo laambadihii, iyo birqaabyadii ee dahabka wada ahaa;

7:50b.1KI.007.050 iyo koobabkii, iyo alaabta laambadihii lagu safeeya, iyo maddiibadihii, iyo malgacadihii, iyo idammadii ee dahabka saafiga ah wada ahaa, iyo birihii albaabbada guriga hoose ee ah meesha ugu wada quduusan iyo guriga macbudka ah albaabbadiisa oo dhan ee dahabka wada ah.Oo saasuu ku wada dhammaaday shuqulkii uu Boqor Sulaymaan ku sameeyey guriga Rabbiga. Oo Sulaymaanna wuxuu soo geliyey alaabtii aabbihiis Daa'uud quduuska ka dhigay ee ahayd lacagtii, iyo dahabkii, iyo weelashii, oo wuxuu ku riday khasnadihii guriga Rabbiga.

7:51b.1KI.007.051 Oo saasuu ku wada dhammaaday shuqulkii uu Boqor Sulaymaan ku sameeyey guriga Rabbiga. Oo Sulaymaanna wuxuu soo geliyey alaabtii aabbihiis Daa'uud quduuska ka dhigay ee ahayd lacagtii, iyo dahabkii, iyo weelashii, oo wuxuu ku riday khasnadihii guriga Rabbiga.

8

8:1b.1KI.008.001 Markaasaa Boqor Sulaymaan wuxuu Yeruusaalem isugu soo shiriyey odayaashii reer binu Israa'iil, iyo qabiilooyinka madaxdoodii oo dhan, oo ahaa amiirradii jilibyadii reer binu Israa'iil inay sanduuqii axdiga Rabbiga ka soo qaadaan magaaladii Daa'uud oo Siyoon ahayd.

8:2b.1KI.008.002 Oo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay u soo shireen Boqor Sulaymaan wakhtigii iidda ah bisha toddobaad ee Eetaaniim la yidhaahdo.

8:3b.1KI.008.003 Oo odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu way yimaadeen, markaasay wadaaddadii sanduuqii soo qaadeen.

8:4b.1KI.008.004 Oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi waxay soo qaadeen sanduuqii Rabbiga, iyo teendhadii shirka, iyo kulli weelashii quduuska ahaa oo teendhada ku jiray oo dhan.

8:5b.1KI.008.005 Oo Boqor Sulaymaan iyo shirkii reer binu Israa'iil oo isaga u soo ururay oo dhammu waxay wada joogeen sanduuqii hortiisa, iyagoo ku allabaryaya ido iyo dibi aan la sheegi karin ama aan farahooda la tirin karin.

8:6b.1KI.008.006 Oo wadaaddadiina sanduuqii axdiga Rabbiga ayay meeshiisii keeneen, oo waxay soo geliyeen guriga qolkiisii quduuska ahaa oo ahaa meeshii ugu wada quduusnayd, taasoo ah keruubiimta baalashooda hoostooda.

8:7b.1KI.008.007 Waayo, keruubiimtu baalashoodii way ku kor fidiyeen meeshii sanduuqa, oo ku qariyeen sanduuqii iyo ulihiisiiba.

8:8b.1KI.008.008 Oo uluhuna aad bay u dhaadheeraayeen, sidaas daraaddeed dabadooda waxaa laga arkay meesha quduuska ah oo ka horraysa meesha ugu wada quduusan, laakiinse dibadda kama ay muuqan; oo halkaasay yaallaan ilaa maantadan.

8:9b.1KI.008.009 Oo sanduuqiina waxba kuma jirin labadii loox ee dhagaxa ahayd oo Muuse isagoo Xoreeb jooga ku riday, markii Rabbigu axdiga la dhigtay reer binu Israa'iil ee ay dalkii Masar ka soo baxeen mooyaane.

8:10b.1KI.008.010 Oo kolkii wadaaddadii ka soo baxeen meeshii quduuska ahayd ayaa daruurtii ka buuxsantay gurigii Rabbiga,

8:11b.1KI.008.011 oo sidaas daraaddeed wadaaddadii way taagnaan kari waayeen inay adeegaan daruurtii aawadeed; waayo, Rabbiga ammaantiisii ayaa ka buuxsantay gurigii Rabbiga.

8:12b.1KI.008.012 Markaasaa Sulaymaan hadlay oo yidhi, Rabbiyow, waxaad sheegtay inaad gudcurka qarada weyn dhex degganaanayso.

8:13b.1KI.008.013 Hubaal waxaan kuu dhisay guri rug kuu ah, oo ah meel aad weligaa degganaanayso.

8:14b.1KI.008.014 Markaasaa boqorkii soo jeestay, oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan u duceeyey, shirkii reer binu Israa'iilna way wada istaageen.

8:15b.1KI.008.015 Markaasuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, oo afkiisa kula hadlay aabbahay Daa'uud, oo gacantiisa ku oofiyey isagoo leh,

8:16b.1KI.008.016 Tan iyo maalintii aan dadkayga reer binu Israa'iil ka soo bixiyey dalkii Masar, qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan kama aan dooran magaalo guri la iiga dhiso si magacaygu halkaas ugu jiro, laakiinse Daa'uud baan u doortay inuu dadkayga reer binu Israa'iil u taliyo.

8:17b.1KI.008.017 Haddaba aabbahay waxaa qalbigiisa ku jiray inuu guri u dhiso magaca Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

8:18b.1KI.008.018 Laakiinse Rabbigu wuxuu aabbahay Daa'uud ku yidhi, Qalbigaaga waxaa ku jiray inaad guri u dhisto magacayga aawadiis, oo taasu hadday qalbigaaga ku jirtay waad ku hagaagsanayd.

8:19b.1KI.008.019 Habase yeeshee adigu guri ii dhisi maysid, laakiinse wiilkaaga kaa soo bixi doona ayaa magacayga gurigii u dhisi doona.

8:20b.1KI.008.020 Oo Rabbigu wuu adkeeyey eraygiisii uu ku hadlay; waayo, meeshii aabbahay Daa'uud anigaa fuulay, oo waxaan ku fadhiistay carshigii reer binu Israa'iil, sidii Rabbigu ballanqaaday; oo gurigii baan u dhisay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil magiciisa.

8:21b.1KI.008.021 Oo halkaasna meel baan uga sameeyey sanduuqii uu ku jiray axdigii Rabbiga ee uu awowayaasheen la dhigtay markuu ka soo bixiyey dalkii Masar.

8:22b.1KI.008.022 Markaasaa Sulaymaan hor istaagay meeshii allabariga ee Rabbiga iyadoo ay wada joogaan shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu, oo intuu gacmihiisii xagga samada u kala bixiyey,

8:23b.1KI.008.023 ayuu yidhi, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, Ilaah kula mid ahu kuma jiro samada sare ama dhulka hoose toona, adoo axdiga xajiyaa oo u naxariistaa addoommadaada hortaada ku socda oo kugu aamina qalbigooda oo dhan.

8:24b.1KI.008.024 Waad xajisay wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa; run ahaan afkaagaad kaga hadashay oo gacantaadana waad ku oofisay siday maantadan tahay.

8:25b.1KI.008.025 Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, xaji wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa, adoo ku leh, Hortayda laga waayi maayo nin carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista, hadday carruurtaadu isjiraan, oo ay hortayda ugu socdaan sidaad hortayda ugu socotay oo kale.

8:26b.1KI.008.026 Haddaba sidaas daraaddeed, Ilaaha reer binu Israa'iilow, waan ku baryayaaye eraygaagii aad kula hadashay aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa ha rumoobo.

8:27b.1KI.008.027 Haddaba ma dhab baa in Ilaah dhulka degganaan doono? Xataa samada iyo samada samooyinku kuma qaadi karaan, haddaba bal gurigan aan dhisay sidee buu kuu qaadi karaa!

8:28b.1KI.008.028 Oo weliba Rabbiyow, Ilaahayow, aqbal tukashadayda iyo baryootankayga anoo addoonkaaga ah, oo maqal qaylada iyo tukashada anoo addoonkaaga ahu aan maanta hortaada ku tukanayo,

8:29b.1KI.008.029 in indhahaagu ay habeen iyo maalinba la jiraan gurigan oo ah meeshii aad tidhi, Magacaygu halkaasuu ku jiri doonaa, si aad u maqashid tukashadayda anoo addoonkaaga ah oo aan meeshan xaggeeda u soo tukanayo.

8:30b.1KI.008.030 Bal maqal baryootankayga anoo addoonkaaga ah, iyo kan dadkaaga reer binu Israa'iil markaannu meeshan xaggeeda u soo tukanayno, kaas ka maqal samada oo ah meeshaad deggan tahay, oo markaad maqashid na cafi.

8:31b.1KI.008.031 Haddii nin deriskiisa ku dembaabo, oo dhaar la saaro oo la dhaariyo, oo intuu yimaado uu ku hor dhaarto meeshaada allabariga ee gurigan taal,

8:32b.1KI.008.032 de markaa samada ka maqal oo yeel, oo addoommadaada xukun adigoo kii shar leh ciqaabaya si aad xumaantii jidkiisa madaxa ugu saartid, oo aad kii xaq ahna xaq uga dhigtid, oo aad ugu abaal guddid sida xaqnimadiisu tahay.

8:33b.1KI.008.033 Oo haddii dadkaaga reer binu Israa'iil cadowgoodu uu u laayo dembigii ay kugu dembaabeen aawadiis, oo ay soo noqdaan, oo magacaaga qirtaan, oo tukadaan, oo gurigan kugu baryaan,

8:34b.1KI.008.034 de markaas samada ka maqal oo dembiga dadkaaga reer binu Israa'iil ka cafi, oo iyaga ku soo celi dalkii aad awowayaashood siisay.

8:35b.1KI.008.035 Oo hadday kugu dembaabaan, oo aad sidaas aawadeed samada uga xidho, oo roob la waayo, oo ay meeshan xaggeeda u soo tukadaan, oo magacaaga qirtaan, oo dembigoodii ka soo noqdaan markaad dhibtid,

8:36b.1KI.008.036 de markaas samada ka maqal, oo dembiga ka cafi addoommadaada iyo dadkaaga reer binu Israa'iil, markaad bartid jidka wanaagsan ee waajibka ku ah inay ku socdaan, oo roob u soo dir dalkaaga aad dadkaaga dhaxal ahaan u siisay.

8:37b.1KI.008.037 Oo hadday dalka ka dhacaan abaar, ama belaayo cudur ah, ama beera-engeeg, ama caariyaysi, ama ayax, ama diir, ama haddii cadowgoodu ku hareereeyo dalkooda magaalooyinkiisa, belaayo kasta iyo cudur kastaba ha ahaadee,

8:38b.1KI.008.038 kolkaas haddii nin kastaaba amase dadka reer binu Israa'iil oo dhammu ay tukadaan oo baryootamaan oo nin kastaaba ogaado belaayada qalbigiisa ku jirta, oo uu gacmaha u soo fidiyo gurigan xaggiisa,

8:39b.1KI.008.039 de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo iyaga cafi, oo yeel, oo nin walba ugu abaal gud siday jidadkiisa oo dhammu yihiin, adoo qalbigiisa og, (maxaa yeelay, adigoo keliya ayaa garta waxa binu-aadmiga oo dhan qalbiyadooda ku jira;)

8:40b.1KI.008.040 inay kaa cabsadaan cimrigooda oo dhan intay ku nool yihiin dalkii aad awowayaashayo siisay.

8:41b.1KI.008.041 Oo weliba shisheeyaha aan dadkaaga reer binu Israa'iil ahaynna, hadduu dal fog uga yimaado magacaaga aawadiis,

8:42b.1KI.008.042 (waayo, waxay maqli doonaan magacaaga weyn, iyo gacantaada xoogga badan, iyo cududdaada fidsan) markuu yimaado oo uu u soo tukado gurigan xaggiisa,

8:43b.1KI.008.043 de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo shisheeyaha u yeel wixii uu ku weyddiisto oo dhan, in dadka dunida jooga oo dhammu ay magacaaga ogaadaan, oo ay kaa cabsadaan sida dadkaaga reer binu Israa'iil oo kale, iyo inay ogaadaan in gurigan aan dhisay magacaaga loogu yeedho.

8:44b.1KI.008.044 Oo hadday dadkaagu dagaal u baxaan inay la diriraan cadowgooda, oo ay maraan jidkii aad ku soo dirtay, oo ay ku baryaan oo u soo tukadaan xagga magaaladii aad dooratay iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay,

8:45b.1KI.008.045 de markaas samada ka maqal tukashadooda iyo baryootankooda, dacwaddoodana u yeel.

8:46b.1KI.008.046 Haddii ay kugu dembaabaan, waayo, nin aan dembaabinu ma jiro, oo aad u cadhootid, oo aad markaas cadowga u gacangelisid inay la tagaan oo maxaabiis ahaan ugu kaxaystaan cadowga dalkiisii, ama ha dhowaado ama ha dheeraadee;

8:47b.1KI.008.047 oo weliba hadday ku fikiraan dalkii maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay kuu soo noqdaan, oo ay kugu baryaan dalkii kuwii maxaabiisahaanta u kaxaystay, ee ay yidhaahdaan, Waannu dembaabnay, oo wax qalloocan baannu samaynay, oo si shar ah ayaannu u macaamiloonnay,

8:48b.1KI.008.048 oo hadday kuugu soo noqdaan qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhan intay joogaan dalka cadaawayaashoodii maxaabiis ahaanta u kaxaystay, oo ay ku baryaan oo u soo tukadaan xagga dalkoodii aad mar hore awowayaashood siisay, iyo xagga magaaladii aad dooratay, iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay,

8:49b.1KI.008.049 markaas tukashadooda iyo baryootankooda ka maqal samada oo ah meeshaad deggan tahay, dacwaddoodana u yeel;

8:50b.1KI.008.050 oo cafi dadkaaga kugu dembaabay, oo ka saamax xadgudubyadooda ay kugu xadgudbeen oo dhan; oo kuwii maxaabiis ahaanta u kaxaystay raxmad geli si ay ugu naxariistaan,

8:51b.1KI.008.051 maxaa yeelay, iyagu waa dadkaagii iyo dhaxalkaagii aad ka soo bixisay dalkii Masar iyo foornadii birta dhexdeeda;

8:52b.1KI.008.052 oo dhegahaagu ha maqleen baryootanka addoonkaaga iyo baryootanka dadkaaga reer binu Israa'iil si aad u maqashid mar alla markay kuu qayshadaanba,

8:53b.1KI.008.053 waayo, Sayidow, Rabbiyow, iyagaad uga soocatay dadkii dunida oo dhan inay ahaadaan dhaxalkaagii, siduu ahaa eraygaagii aad u soo dhiibtay addoonkaagii Muuse, markaad awowayaashayo ka soo bixisay dalkii Masar.

8:54b.1KI.008.054 Oo markii Sulaymaan dhammeeyey tukashadan iyo baryootankan uu Rabbiga baryay oo dhan ayuu ka kacay meeshii Rabbiga allabariga loogu bixin jiray horteeda iyo jilbajooggii uu jilbo joogay isagoo gacmaha xagga samada u fidinaya.

8:55b.1KI.008.055 Markaasuu istaagay oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan cod weyn ugu duceeyey, oo yidhi,

8:56b.1KI.008.056 Waxaa mahad leh Rabbiga nasiyey dadkiisa reer binu Israa'iil siduu ugu ballanqaaday oo dhan, oo wixii uu u ballanqaaday oo dhan eray keliya kama baaqan ballankiisii wanaagsanaa oo dhan, ee uu ugu ballanqaaday addoonkiisii Muuse.

8:57b.1KI.008.057 Rabbiga Ilaaheenna ahu ha inoola jiro, siduu ula jiray awowayaasheen oo kale; oo yuusan inaga tegin, oo ina dayrin;

8:58b.1KI.008.058 si uu qalbiyadeenna xaggiisa ugu jeediyo inaynu ku soconno jidadkiisa oo dhan, oo aynu xajinno amarradiisa iyo qaynuunnadiisa iyo xukummadiisa uu awowayaasheen ku amray.

8:59b.1KI.008.059 Oo erayadaydan aan Rabbiga hortiisa ku baryay, habeen iyo maalinba ha gaadheen Rabbiga Ilaaheenna ah, si uu u yeelo dacwaddayda anoo addoonkiisa ah iyo dacwadda dadkiisa reer binu Israa'iil, sida maalin walba laga doonayo,

8:60b.1KI.008.060 si ay dadka dunida jooga oo dhammu u ogaadaan in Rabbigu Ilaah yahay oo aan mid kale jirin.

8:61b.1KI.008.061 Sidaas daraaddeed qalbigiinnu ha u qummanaado Rabbiga Ilaaheenna ah, inaad qaynuunnadiisa ku socotaan oo aad amarradiisa xajisaan sida maanta oo kale.

8:62b.1KI.008.062 Markaas boqorkii iyo reer binu Israa'iil oo dhammaantood la jira ayaa allabari Rabbiga hortiisa ku bixiyey.

8:63b.1KI.008.063 Oo Sulaymaan qurbaannada nabaadiinada ee uu Rabbiga u bixiyey waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun oo dibi, iyo boqol iyo labaatan kun oo ido ah. Oo sidaasay boqorkii iyo reer binu Israa'iil oo dhammuba gooni uga dhigeen gurigii Rabbiga.

8:64b.1KI.008.064 Oo isla maalintaasuu boqorku quduus ka dhigay barxaddii ka horraysay guriga Rabbiga dhexdeeda, waayo, halkaas wuxuu ku bixiyey qurbaanka la gubo, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo baruurtii qurbaannada nabaadiinada; maxaa yeelay, meeshii allabariga oo naxaasta ahayd ee Rabbiga hor tiil way ku yarayd oo ma wada qaadin qurbaanka la gubo iyo qurbaanka hadhuudhka iyo baruurtii qurbaannada nabaadiinada.

8:65b.1KI.008.065 Oo wakhtigaas Sulaymaan sidaasuu iiddii u sameeyey iyadoo ay la joogaan reer binu Israa'iil oo dhammu kuwaasoo ahaa shir weyn, oo waxay ka yimaadeen meesha Xamaad laga soo galo iyo ilaa durdurka Masar, oo Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa waxay ku iidayeen toddoba maalmood iyo toddoba maalmood oo isku ah afar iyo toban beri.Oo maalintii siddeedaad ayuu dadkii diray, oo iyana intay boqorkii u duceeyeen ayay teendhooyinkoodii tageen iyagoo faraxsan oo qalbigoodu kaga rayraynaya wanaaggii oo dhan oo uu Rabbigu u sameeyey addoonkiisii Daa'uud iyo dadkiisii reer binu Israa'iilba.

8:66b.1KI.008.066 Oo maalintii siddeedaad ayuu dadkii diray, oo iyana intay boqorkii u duceeyeen ayay teendhooyinkoodii tageen iyagoo faraxsan oo qalbigoodu kaga rayraynaya wanaaggii oo dhan oo uu Rabbigu u sameeyey addoonkiisii Daa'uud iyo dadkiisii reer binu Israa'iilba.

9

9:1b.1KI.009.001 Oo Sulaymaan markuu dhammeeyey dhismihii guriga Rabbiga, iyo gurigii boqorka, iyo kulli wixii uu damacsanaa oo uu ku faraxsanaa inuu sameeyo oo dhan,

9:2b.1KI.009.002 ayaa Rabbigu Sulaymaan mar labaad u muuqday, siduu markii hore Gibecoon ugu muuqday oo kale.

9:3b.1KI.009.003 Oo Rabbigu wuxuu ku yidhi, Waan maqlay tukashadaadii iyo baryootankaagii aad hortayda ku samaysay; oo quduus baan ka dhigay gurigan aad dhistay si magacayga weligiisba halkaas loogu daayo, oo indhahayga iyo qalbigayguna halkaasay joogi doonaan weligood iyo weligoodba.

9:4b.1KI.009.004 Oo adiguna haddaad sidii aabbahaa Daa'uud oo kale hortayda ugu socotid qalbi daacad ah iyo qummanaan, si aad u yeeshid wax alla wixii aan kugu amray oo aad u xajisid qaynuunnadayda iyo xukummadayda,

9:5b.1KI.009.005 de markaasaan dhisi doonaa oo aan weligiis waarin doonaa carshiga boqortooyadaada ee reer binu Israa'iil u taliya sidaan ugu ballanqaaday aabbahaa Daa'uud, markaan ku idhi, Nin carshiga dalka Israa'iil ku fadhiista lagaa waayi maayo.

9:6b.1KI.009.006 Laakiinse idinka ama carruurtiinnu haddaad lasocodkayga ka leexataan oo aydnaan dhawrin amarradayda iyo qaynuunnadayda aan idin hor dhigay, laakiinse aad intaad tagtaan ilaahyo kale u adeegtaan oo caabuddaan,

9:7b.1KI.009.007 de markaasaan reer binu Israa'iil ka gooyn doonaa dalkii aan siiyey; oo gurigan aan magacayga aawadiis quduus uga dhigayna hortaydaan ka tuuri doonaa, oo reer binu Israa'iilna markaas waxay dadyowga oo dhan ku dhex noqon doonaan maahmaah iyo halqabsi.

9:8b.1KI.009.008 Oo in kastoo guriganu dheer yahay, haddana mid walba oo ag maraaba wuu la yaabi doonaa, oo wuu ku foodhyi doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Rabbigu muxuu sidan uga dhigay dalkan iyo gurigan?

9:9b.1KI.009.009 Oo waxaa lagu jawaabi doonaa, Waxay ka tageen Rabbigii Ilaahood ahaa oo awowayaashood ka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxay raaceen ilaahyo kale, wayna caabudeen oo u adeegeen, oo sidaas daraaddeed baa Rabbigu xumaantan oo dhan ugu soo dejiyey.

9:10b.1KI.009.010 Oo markay dhammaadeen labaatankii sannadood ee uu Sulaymaan labadii guri dhisayay, kuwaasoo ahaa gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka,

9:11b.1KI.009.011 ayuu Boqor Sulaymaan Xiiraam siiyey labaatan magaalo oo ku tiil dalkii Galili. (Maxaa yeelay, Xiiraam oo ahaa boqorkii Turos wuxuu Sulaymaan siiyey qoryo kedar ah, iyo qoryo beroosh ah, iyo dahab, in alla intuu doonayay.)

9:12b.1KI.009.012 Oo Xiiraamna wuxuu Turos uga soo kacay inuu arko magaalooyinkii Sulaymaan siiyey, kumana uu farxin.

9:13b.1KI.009.013 Markaasuu yidhi, Walaalkayow, magaalooyinkan aad i siisay waa maxay? Kolkaasuu magaalooyinkii u bixiyey dalkii Kabuul oo ilaa maantadanna waa la yidhaahdaa.

9:14b.1KI.009.014 Xiiraamna wuxuu boqorkii u diray boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah.

9:15b.1KI.009.015 Oo sababtii uu Sulaymaan shaqaalayaashii u doortay waxay ahayd inuu dhiso gurigii Rabbiga, iyo gurigii uu isagu lahaa, iyo Millo, iyo derbigii Yeruusaalem, iyo Xaasoor, iyo Megiddoo, iyo Geser.

9:16b.1KI.009.016 Waayo, Fircoon oo ahaa boqorkii Masar mar horuu tegey oo Geser qabsaday oo gubay, oo wuxuu laayay dadkii reer Kancaan oo magaalada degganaa, oo qayb ahaan ayuu u siiyey gabadhiisii Sulaymaan u dhaxday.

9:17b.1KI.009.017 Markaasaa Sulaymaan dhisay Geser, iyo Beytxooroontii hoose,

9:18b.1KI.009.018 iyo Bacalad, iyo Taamaar oo ku dhex tiil cidladii dalka,

9:19b.1KI.009.019 iyo magaalooyinkii wax lagu kaydin jiray ee uu Sulaymaan lahaa oo dhan, iyo magaalooyinkii gaadhifardoodkiisa, iyo magaalooyinkii fardooleydiisa, iyo wixii uu Sulaymaan jeclaaday inuu ka dhisto Yeruusaalem iyo Lubnaan, iyo dalkii uu boqorka ka ahaa oo dhan.

9:20b.1KI.009.020 Oo weliba dadkii ka hadhay reer Amor, iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo aan reer binu Israa'iil ahayn,

9:21b.1KI.009.021 kuwaas farcankoodii dalka ku hadhay oo anay reer binu Israa'iil karin inay wada baabbi'iyaan, Sulaymaan wuxuu ka dhigtay addoommo ilaa maantadan la joogo.

9:22b.1KI.009.022 Laakiinse reer binu Israa'iil Sulaymaan addoommo kama dhigan, waxayse ahaayeen raggii dagaalyahannada ahaa, iyo midiidinnadiisii, iyo amiirradiisii, iyo saraakiishiisii, iyo taliyayaashii gaadhifardoodkiisa, iyo fardooleydiisaba.

9:23b.1KI.009.023 Kuwanu waxay ahaayeen saraakiishii Sulaymaan hawshiisa u talin jiray oo ahaa shan boqol iyo konton nin oo u taliya dadka hawsha qabta.

9:24b.1KI.009.024 Laakiinse gabadhii Fircoon waxay ka soo baxday magaaladii Daa'uud, oo gashay gurigeedii uu Sulaymaan iyada u dhisay; markaasuu haddana wuxuu dhisay Millo.

9:25b.1KI.009.025 Oo sannaddiiba saddex jeer ayuu Sulaymaan meeshii allabariga oo uu Rabbiga u dhisay ku bixin jiray qurbaanno la gubo, iyo qurbaanno nabaadiino, oo girgirihii Rabbiga hor yiilna wuxuu ku gubi jiray foox, oo saasuu gurigii ku dhammeeyey.

9:26b.1KI.009.026 Markaasaa Boqor Sulaymaan doonniyo ku sameeyey Cesyoon Geber taasoo ku taal Eelood dhinaceeda ee ah xeebta Badda Cas ee ku taal dalka Edom.

9:27b.1KI.009.027 Oo Xiiraamna wuxuu doonniyihii raaciyey addoommadiisii baxriyiinta ahaa oo badda aqoonta u lahaa, oo waxaa wada jiray iyaga iyo addoommadii Sulaymaan.Waxayna yimaadeen Oofir, oo halkaasay Boqor Sulaymaan uga keeneen afar boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah.

9:28b.1KI.009.028 Waxayna yimaadeen Oofir, oo halkaasay Boqor Sulaymaan uga keeneen afar boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah.

10

10:1b.1KI.010.001 Boqoraddii Shebaa markay maqashay Sulaymaan warkiisii ku saabsanaa xagga magaca Rabbiga ayay ugu timid inay ku imtixaanto su'aalo adadag.

10:2b.1KI.010.002 Oo waxay Yeruusaalem la soo timid dad aad u badan, iyo awr badan oo ay ku raran yihiin uunsi, iyo dahab aad u badan, iyo dhagaxyo qaali ah; oo markay Sulaymaan u timid wixii qalbigeeda ku jiray oo dhan ayay kala hadashay.

10:3b.1KI.010.003 Sulaymaanna wuxuu uga jawaabay su'aalaheedii oo dhan; oo wax boqorka ka qarsoonaa oo uusan u sheegin ma jirin.

10:4b.1KI.010.004 Boqoraddii Shebaana markay aragtay xigmaddii Sulaymaan oo dhan, iyo gurigii uu dhisay,

10:5b.1KI.010.005 iyo cuntadii miiskiisa, iyo fadhigii addoommadiisa, iyo hawshii adeegayaashiisa, iyo dharkoodii, iyo kuwiisii cabniinka siin jiray, iyo wixii uu guriga Rabbiga ku fuuli jiray, naf dambe iyadii kuma hadhin.

10:6b.1KI.010.006 Markaasay boqorkii ku tidhi, Warkii aan dalkaygii ku maqlay ee ku saabsanaa falimahaaga iyo xigmaddaadu run buu ahaa.

10:7b.1KI.010.007 Habase yeeshee erayadaas ma aan rumaysan jeeraan imid oo ay indhahaygu arkeen; oo weliba badhna la iima sheegin. Xigmaddaada iyo barwaaqadaadu way ka sii badan yihiin warkii aan maqlay.

10:8b.1KI.010.008 Waxaa faraxsan raggaaga, oo waxaa faraxsan addoommadaadan had iyo goorba hortaada taagan oo xigmaddaadana maqla.

10:9b.1KI.010.009 Waxaa mahad leh Rabbiga Ilaahaaga ah oo kugu farxay inuu kugu fadhiisiyo carshiga reer binu Israa'iil. Rabbigu weligiisba wuu jeclaaday reer binu Israa'iil, oo sidaas aawadeed ayuu boqor kaaga dhigay inaad samaysid xukun iyo caddaalad.

10:10b.1KI.010.010 Markaasay boqorkii siisay boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah, iyo uunsi faro badan, iyo dhagaxyo qaali ah; uma iman uunsi dambe oo u badan sidii kii boqoradda Shebaa ay siisay Boqor Sulaymaan.

10:11b.1KI.010.011 Oo Xiiraam doonniyihiisii Oofir dahab ka keenay, waxay kaloo Oofir ka keeneen geedo almuug ah oo badan, iyo dhagaxyo qaali ah.

10:12b.1KI.010.012 Oo boqorkiina geedihii almuugga ahaa ayuu tiirar uga dhigay gurigii Rabbiga, iyo gurigii boqorka, oo wuxuu kaloo nimankii gabayaaga ahaa uga sameeyey kataarado iyo shareerado; oo ilaa maantadan la joogo geedo almuug ah oo kuwaas oo kale ah ma iman, lamana arkin.

10:13b.1KI.010.013 Oo Boqor Sulaymaanna wuxuu boqoraddii Shebaa siiyey wax alla wixii ay doonaysay oo dhan oo ay weyddiisatay, oo ayan ku jirin wixii uu Sulaymaan u siiyey sharafta boqornimadiisa, markaasay noqotay oo dalkeedii tagtay iyadii iyo addoommadeediiba.

10:14b.1KI.010.014 Haddaba dahabkii sannad kasta Sulaymaan u iman jiray miisaankiisu wuxuu ahaa lix boqol iyo lix iyo lixdan talanti oo dahab ah,

10:15b.1KI.010.015 oo intaasuna kuma jirin wixii ay keeni jireen geddisleyda iyo baayacmushtariyaasha, iyo boqorradii dalka Carabta oo dhan, iyo taliyayaashii waddanka.

10:16b.1KI.010.016 Markaasaa Boqor Sulaymaan wuxuu sameeyey laba boqol oo gaashaan waaweyn oo dahab la tumay ah; oo gaashaan weynba waxaa galay lix boqol oo sheqel oo dahab ah.

10:17b.1KI.010.017 Oo haddana wuxuu kaloo sameeyey saddex boqol oo gaashaan oo yaryar oo dahab la tumay ah, oo gaashaan yarba waxaa galay saddex mina oo dahab ah, markaasaa boqorku iyagii dhigay gurigii ku yiil kaynta Lubnaan.

10:18b.1KI.010.018 Oo weliba boqorku wuxuu kaloo sameeyey carshi weyn oo foolmaroodi ah, oo wuxuu ku dahaadhay dahabkii ugu fiicnaa.

10:19b.1KI.010.019 Carshigu wuxuu lahaa jaranjaro lix tallaabo ah, oo carshiga xaggiisa sare ee dambena way wareegsanayd; oo kursiga meeshiisa lagu fadhiisto labadeeda dhinacba waxay lahayd meelo xusullada la saarto, oo meelaha xusullada la saartana dhinacooda waxaa taagnaa laba libaax.

10:20b.1KI.010.020 Oo jaranjaradii lixdeedii tallaabo labadooda dhinac waxaa ka taagnaa laba iyo toban libaax; oo boqortooyana saas oo kale looguma samayn.

10:21b.1KI.010.021 Oo Boqor Sulaymaan weelashiisii wax lagu cabbi jiray oo dhammu waxay wada ahaayeen dahab; gurigii kaynta Lubnaan weelashiisii oo dhammuna waxay wada ahaayeen dahab saafi ah, oo midna lagama samayn lacag, waayo, wakhtigii Sulaymaan lacag waxba qiimo ma lahayn.

10:22b.1KI.010.022 Maxaa yeelay, boqorku wuxuu badda ku lahaa doonniyo Tarshiish u dhoofa oo ay la jiraan Xiiraam doonniyihiisa; oo saddexdii sannadoodba mar bay doonniyihii Tarshiish iman jireen, oo waxay keeni jireen dahab, iyo lacag, iyo foolmaroodi, iyo daayeerro, iyo daa'uusyo.

10:23b.1KI.010.023 Sidaasuu Boqor Sulaymaan xagga maalka iyo xagga xigmaddaba ugaga hor maray boqorradii dunida oo dhan.

10:24b.1KI.010.024 Oo dunida oo dhammuna waxay doondooneen Sulaymaan inay arkaan oo ay maqlaan xigmaddii Ilaah qalbigiisa geliyey.

10:25b.1KI.010.025 Oo nin waluba wuxuu sannad kasta u keeni jiray hadiyaddiis oo ay ka mid yihiin weelal lacag ah, iyo weelal dahab ah, iyo dhar, iyo hub, iyo uunsi, iyo fardo, iyo baqlo.

10:26b.1KI.010.026 Sulaymaanna wuxuu urursaday gaadhifardood iyo rag fardooley ah; oo wuxuu lahaa kun iyo afar boqol oo gaadhifaras, iyo laba iyo toban kun oo nin oo fardooley ah, oo wuxuu fadhiisiyey magaalooyinkii gaadhifardoodka, oo qaarna boqorkay Yeruusaalem la joogeen.

10:27b.1KI.010.027 Oo boqorku wuxuu lacag Yeruusaalem kaga dhigay sida dhagaxyo oo kale, oo geedo kedar ahna wuxuu u soo badiyey oo ka dhigay sida geedaha darayga ah oo dhulka hoose ka baxa oo kale.

10:28b.1KI.010.028 Fardihii Sulaymaan haystayna waxaa laga keenay dalka Masar, oo boqorka baayacmushtariyaashiisii ayaa raxan raxan u soo kaxeeyey, iyagoo raxanba iib gaar ah siiyey.Oo gaadhifaras wuxuu Masar kaga soo bixi jiray lix boqol oo sheqel oo lacag ah, farasna boqol iyo konton sheqel; oo saasoo kalay ugu wada keeni jireen boqorradii reer Xeed oo dhan iyo boqorradii reer Suuriyaba.

10:29b.1KI.010.029 Oo gaadhifaras wuxuu Masar kaga soo bixi jiray lix boqol oo sheqel oo lacag ah, farasna boqol iyo konton sheqel; oo saasoo kalay ugu wada keeni jireen boqorradii reer Xeed oo dhan iyo boqorradii reer Suuriyaba.

11

11:1b.1KI.011.001 Oo Boqor Sulaymaan wuxuu jeclaaday naago badan oo qalaad, oo aan gabadhii Fircoon ahayn, naagahaas oo ahaa reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Edom, iyo reer Siidoon, iyo reer Xeed.

11:2b.1KI.011.002 Oo quruumahaasuna waxay ahaayeen kuwii Rabbigu reer binu Israa'iil ku yidhi, Idinku ha dhex gelina, iyana yaanay idin soo dhex gelin, waayo, hubaal qalbiyadiinna waxay u jeedinayaan xagga ilaahyadooda; oo Sulaymaan kuwaasuu caashaq u qabtay.

11:3b.1KI.011.003 Oo wuxuu lahaa toddoba boqol oo naagood oo marwooyin ah, iyo saddex boqol oo naagood oo addoommo ah; oo naagihiisiina qalbigiisii way sii jeediyeen.

11:4b.1KI.011.004 Oo markii Sulaymaan gaboobay ayaa naagihiisii qalbigiisii u jeediyeen ilaahyo kale xaggood; oo qalbigiisuna kuma qummanayn xagga Rabbiga Ilaahiisa ahaa sidii qalbigii aabbihiis Daa'uud ahaa oo kale.

11:5b.1KI.011.005 Waayo, Sulaymaan wuxuu raacay Cashtored oo ahayd ilaahaddii reer Siidoon, iyo Milkom oo ahaa karaahiyadii ay reer Cammoon caabudi jireen.

11:6b.1KI.011.006 Oo Sulaymaan wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo dhammaantiis ma uu raacin Rabbiga sidii aabbihii Daa'uud.

11:7b.1KI.011.007 Markaasaa Sulaymaan wuxuu meel sare uga dhisay buurtii Yeruusaalem ku hor tiil Kemoosh oo ahaa karaahiyadii reer Moo'aab, iyo Molokh oo ahaa karaahiyadii reer Cammoon.

11:8b.1KI.011.008 Oo sidaasuu ugu wada sameeyey naagihiisii qalaadaa oo dhan kuwaasoo uunsi u shidi jiray, allabarina u bixin jiray ilaahyadooda.

11:9b.1KI.011.009 Oo Rabbigu Sulaymaan buu u cadhooday, maxaa yeelay, qalbigiisii ayaa ka jeestay Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ah, oo isaga labada jeer u muuqday,

11:10b.1KI.011.010 oo ku amray wax ku saabsan waxan kuwaasoo ah inuusan raacin ilaahyo kale; laakiinse isagu ma uu xajin wixii Rabbigu ku amray.

11:11b.1KI.011.011 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu Sulaymaan ku yidhi, Waxan aad samaysay aawadiis ayaan boqortooyada kaaga xoogayaa, oo waxaan siinayaa addoonkaaga, maxaa yeelay, ma aadan xajin axdigaygii iyo qaynuunnadaydii aan kugu amray.

11:12b.1KI.011.012 Habase yeeshee, intaad nooshahay saas yeeli maayo, aabbahaa Daa'uud aawadiis; laakiinse waxaan ka xoogayaa wiilkaaga.

11:13b.1KI.011.013 Oo weliba boqortooyada oo dhan ka wada xoogi maayo, laakiinse qabiil ayaan wiilkaaga siinayaa, addoonkayga Daa'uud aawadiis iyo Yeruusaalem oo aan doortay aawadeed.

11:14b.1KI.011.014 Markaasaa Rabbigu wuxuu Sulaymaan ku kiciyey cadow, kaasoo ahaa Hadad oo reer Edom ahaa, oo ka soo farcamay boqorka Edom.

11:15b.1KI.011.015 Markii Daa'uud Edom joogay, oo Yoo'aab oo ahaa sirkaalkii ciidankuna halkaas u tegey inuu soo aaso dadkii la laayay, kuwaasoo ahaa wixii lab ahaa ee uu Edom ku wada laayay oo dhan;

11:16b.1KI.011.016 (waayo, Yoo'aab iyo reer binu Israa'iil oo dhammu halkaasay iska joogeen intii lix bilood ah, ilaa uu wada jaray wixii lab ahaa ee Edom joogay oo dhan;)

11:17b.1KI.011.017 waxaa cararay Hadad iyo dhawr reer Edom ah oo ahaa addoommadii aabbihiis inay tagaan dalka Masar, oo Hadadna kolkaas weli inan yar buu ahaa.

11:18b.1KI.011.018 Oo waxay ka ambabbexeen Midyaan, oo Faaraan tageen; oo rag bay Faaraan ka sii kaxaysteen, oo waxay yimaadeen dalkii Masar, kolkaasay u tageen Fircoon oo ahaa boqorkii Masar, oo isna wuxuu siiyey guri, cuntona joogtuu uga dhigay, dhulna wuu siiyey.

11:19b.1KI.011.019 Hadadna raallinimo weyn buu ka helay Fircoon, oo xataa wuxuu u guuriyey naagtiisii walaasheed, taasoo la dhalatay boqoraddii Taxfenees.

11:20b.1KI.011.020 Oo Taxfenees walaasheed waxay isagii u dhashay wiilkiisii Genubad, kaasoo ay Taxfenees guriga Fircoon kaga gudhisay, oo Genubad guriga Fircoon ayuu joogi jiray, isagoo la jooga Fircoon wiilashiisa.

11:21b.1KI.011.021 Oo markii Hadad Masar ku maqlay in Daa'uud dhintay oo la seexday awowayaashiis, Yoo'aab oo sirkaalkii ciidanka ahaana dhintay ayuu Fircoon ku yidhi, I sii daa aan dalkaygii tagee.

11:22b.1KI.011.022 Markaasaa Fircoon ku yidhi, War intaad ila joogtay maxaad iga weyday oo aad u doonaysaa inaad dalkaagii tagto? Isna wuxuu ugu jawaabay, Waxba; laakiinse i sii daa aan tagee.

11:23b.1KI.011.023 Oo Ilaah haddana wuxuu ku kiciyey cadow kale, oo kaasuna wuxuu ahaa Resoon ina Elyaadaac kaasoo ka cararay sayidkiisii Hadadceser oo boqorkii Soobaah ahaa.

11:24b.1KI.011.024 Oo rag buu soo urursaday, guutona sirkaal buu u noqday markii Daa'uud kuwii Soobaah laayay; oo Dimishaq bay tageen oo halkaasay iska degeen oo Dimishaq wax ku xukumeen.

11:25b.1KI.011.025 Oo wakhtigii Sulaymaan noolaa oo dhan cadow buu u ahaa reer binu Israa'iil, oo waxaa kaloo wehliyey belaayadii Hadad ku sameeyey; oo intuu reer binu Israa'iil u karaahsaday ayuu Suuriya boqor u noqday.

11:26b.1KI.011.026 Oo waxaa kaloo jiray Yaaraabcaam ina Nebaad oo ahaa reer Efraad oo Sereedaah degganaa, kaasu wuxuu ahaa Sulaymaan addoonkiisa, oo hooyadiis magaceeda waxaa la odhan jiray Seruucaah, waxayna ahayd naag carmal ah, oo isna gacantuu boqorka u qaaday.

11:27b.1KI.011.027 Tanu waxa weeye sababtii uu boqorkii gacanta ugu qaaday: Sulaymaan wuxuu dhisay Millo, oo uu hagaajiyey dildillaacii magaaladii aabbihiis Daa'uud.

11:28b.1KI.011.028 Oo ninkii Yaaraabcaamna wuxuu ahaa nin xoog leh; markaasaa Sulaymaan wuxuu arkay in ninka dhallintayaru yahay nin aad u shaqeeya, kolkaasuu madax uga dhigay hawshii reer Yuusuf oo dhan.

11:29b.1KI.011.029 Oo waagaas waxay noqotay, markii Yaaraabcaam Yeruusaalem ka tegey, inuu Nebi Axiiyaah oo ahaa reer Shiiloh isagii jidka ka helay, oo Axiiyaahna dhar cusub buu qabay, oo labadooda keliya ayaa berrin joogay.

11:30b.1KI.011.030 Markaasaa Axiiyaah qabsaday dharkii cusbaa oo uu qabay, oo wuxuu u kala jeexjeexay laba iyo toban meelood.

11:31b.1KI.011.031 Kolkaasuu Yaaraabcaam ku yidhi, Toban meelood qaado, waayo, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ah wuxuu leeyahay, Boqortooyada waan ka xoogayaa Sulaymaan, oo toban qabiil ayaan ku siinayaa,

11:32b.1KI.011.032 (laakiinse qabiil isagaa u haysanaya addoonkaygii Daa'uud aawadiis, iyo Yeruusaalem oo ah magaaladii aan qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ka doortay aawadeed;)

11:33b.1KI.011.033 maxaa yeelay, way i dayriyeen, oo waxay caabudeen Cashtored oo ilaahaddii reer Siidoon ah, iyo Kemoosh oo ah ilaahii reer Moo'aab, iyo Milkom oo ah ilaahii reer Cammoon; oo jidadkaygiina kuma ay socon, inay sameeyaan waxa hortayda ku qumman, iyo inay dhawraan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, sidii aabbihiis Daa'uud yeeli jiray oo kale.

11:34b.1KI.011.034 Habase yeeshee boqortooyada oo dhan ka wada qaadi maayo; laakiinse cimrigiisa oo dhan amiir baan ka dhigayaa addoonkaygii Daa'uud oo aan doortay aawadiis, maxaa yeelay, wuxuu dhawray amarradaydii iyo qaynuunnadaydii.

11:35b.1KI.011.035 Laakiinse boqortooyada waxaan ka qaadayaa wiilkiisa oo adigaan ku siinayaa toban qabiil.

11:36b.1KI.011.036 Oo wiilkiisana waxaan siinayaa qabiil keliya in addoonkaygii Daa'uud had iyo goorba hortayda laambad ku haysto Yeruusaalem dhexdeeda, taasoo ah magaaladii aan u doortay inaan magacayga halkaas dhigo.

11:37b.1KI.011.037 Oo waan ku qaadan doonaa, oo waxaad boqor u ahaan doontaa siday naftaadu doonayso, oo dalka Israa'iilna boqor baad ka noqon doontaa.

11:38b.1KI.011.038 Oo haddaad maqasho waxa aan kugu amro oo dhan, oo aad jidadkaygana ku socotid, oo aad samaysid waxa hortayda ku qumman, oo aad dhawrtid qaynuunnadayda iyo amarradayda, sidii addoonkaygii Daa'uud yeeli jiray oo kale, ayaan kula jiri doonaa, oo waxaan kuu dhisi doonaa reer ammaan ah, sidii aan Daa'uud ugu dhisay oo kale, oo weliba dalka Israa'iilna adigaan ku siinayaa.

11:39b.1KI.011.039 Oo taas aawadeed Daa'uud farcankiisa waan dhibayaa laakiinse dhibka ku waarin maayo.

11:40b.1KI.011.040 Sidaas daraaddeed Sulaymaan wuxuu damcay inuu Yaaraabcaam dilo; laakiinse Yaaraabcaam wuu kacay, oo wuxuu u cararay dalka Masar, oo u tegey Shiishaq oo ahaa boqorkii Masar, oo tan iyo markii Sulaymaan geeriyooday ayuu dalka Masar iska joogay.

11:41b.1KI.011.041 Haddaba Sulaymaan falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xigmaddiisiiba, sow kuma qorna kitaabkii falimaha Sulaymaan?

11:42b.1KI.011.042 Oo wakhtigii Sulaymaan reer binu Israa'iil oo dhan Yeruusaalem boqorka ugu ahaa wuxuu ahaa afartan sannadood.Markaasaa Sulaymaan dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaaladii aabbihiis Daa'uud; oo wiilkiisii Rexabcaam ayaa meeshiisii boqor ka noqday.

11:43b.1KI.011.043 Markaasaa Sulaymaan dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaaladii aabbihiis Daa'uud; oo wiilkiisii Rexabcaam ayaa meeshiisii boqor ka noqday.

12

12:1b.1KI.012.001 Markaasaa Rexabcaam wuxuu tegey Shekem, maxaa yeelay, reer binu Israa'iil oo dhammu waxay yimaadeen Shekem inay isaga ku soo boqraan.

12:2b.1KI.012.002 Oo markii Yaaraabcaam ina Nebaad taas maqlay ayaa Yaaraabcaam iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu u yimaadeen,

12:3b.1KI.012.003 (waayo, Yaaraabcaam wuxuu weli joogay dalkii Masar oo uu Boqor Sulaymaan kaga cararay, oo Yaaraabcaamna wuxuu iska joogay dalka Masar, laakiinse waa loo cid diray oo loo yeedhay;) markaasay Rexabcaam la hadleen oo waxay ku yidhaahdeen,

12:4b.1KI.012.004 War aabbahaa harqood daran buu na saaray; haddaba noo fududee hawshii aabbahaa oo adkayd iyo harqoodkiisii cuslaa oo uu na saaray, annana waannu kuu adeegaynaa.

12:5b.1KI.012.005 Markaasuu ku yidhi, Bal intii saddex maalmood ah iga maqnaada, dabadeedna igu soo noqda. Markaasaa dadkii ka tegey.

12:6b.1KI.012.006 Markaasaa Boqor Rexabcaam la tashaday odayaashii aabbihiis Sulaymaan intuu noolaa hor joogi jiray, oo wuxuu ku yidhi, War maxaad igula talinaysaan oo aan dadkan jawaab ugu celiyaa?

12:7b.1KI.012.007 Oo intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen, Maanta haddaad doonayso inaad dadkan addoon u ahaatid oo aad u adeegtid, haddaba u jawaab oo waxaad kula hadashaa erayo wanaagsan, oo markaasay weligood addoommo kuu ahaanayaan.

12:8b.1KI.012.008 Laakiinse wuu ka tegey taladii odayaashu kula taliyeen, oo haddana wuxuu la arrinsaday raggii dhallinyarada ahaa oo isaga la koray ee hortiisa joogay.

12:9b.1KI.012.009 Oo wuxuu iyagii ku yidhi, War maxaad igula talinaysaan oo aan jawaab ugu celinnaa dadkan ila hadlay oo igu yidhi, War harqoodkii aabbahaa na saaray noo fududee?

12:10b.1KI.012.010 Markaasay raggii dhallintayaraa oo isaga la koray la hadleen, oo waxay ku yidhaahdeen, La hadal dadkii kula hadlay oo kugu yidhi, Aabbahaa harqood daran buu na saaray ee adigu noo fududee. Oo waxaad ku tidhaahdaa, Faryaradaydu waa ka sii dhumuc weyn tahay aabbahay dhexdiisa.

12:11b.1KI.012.011 Haddaba meeshii aabbahay harqood culus idinka saaray, anna culays baan idiinku sii darayaa; oo aabbahay wuxuu idinku edbin jiray shaabuugyo, laakiinse anigu waxaan idinku edbinayaa hangarallayaal.

12:12b.1KI.012.012 Sidaas daraaddeed Yaaraabcaam iyo dadkii oo dhammuba maalintii saddexaad ayay Rexabcaam u yimaadeen siduu boqorku hore ugu amray markuu ku yidhi, Maalinta saddexaad igu soo noqda.

12:13b.1KI.012.013 Markaasaa boqorkii ka tegey taladii ragga odayaasha ahaa, oo dadkiina si qallafsan ayuu ugu jawaabay,

12:14b.1KI.012.014 oo wuxuu kula hadlay taladii raggii dhallintayaraa, oo ku yidhi, Aabbahay harqood culus buu idin saaray, laakiinse anna culays kalaan idiinku sii darayaa; aabbahay wuxuu idinku edbin jiray shaabuugyo, laakiinse anigu waxaan idinku edbinayaa hangarallayaal.

12:15b.1KI.012.015 Sidaas daraaddeed boqorkii dadkii ma uu dhegaysan; waayo, taasu waxay ahayd wax Rabbiga xaggiisa ka yimid, si uu u adkeeyo eraygiisii Rabbigu kula hadlay Yaaraabcaam ina Nebaad oo uu ugu soo dhiibay Axiiyaah kii reer Shiiloh.

12:16b.1KI.012.016 Oo dadkii Israa'iil oo dhammuna markay arkeen inaan boqorku dhegaysan ayaa dadkii waxay boqorkii ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Bal maxaan qayb ku leennahay Daa'uud? Dhaxalna kuma lihin ina Yesay. Haddaba dadkii Israa'iilow, teendhooyinkiinnii taga. Oo Daa'uudow, bal eeg, reerkaagii waa kuu kaas. Markaasay dadkii Israa'iil tageen teendhooyinkoodii.

12:17b.1KI.012.017 Laakiinse Rexabcaam wuxuu boqor u ahaa intii reer binu Israa'iil ahayd ee degganayd magaalooyinka reer Yahuudah.

12:18b.1KI.012.018 Markaasaa Boqor Rexabcaam wuxuu diray Adoraam oo cashuurta u sarreeyey, oo dadkii Israa'iil oo dhammu dhagax bay la dhaceen, wuuna dhintay. Markaasaa Boqor Rexabcaam ku degdegay inuu fuulo gaadhifaraskiisii si uu Yeruusaalem ugu cararo.

12:19b.1KI.012.019 Sidaasay dadkii Israa'iil ugu caasiyoobeen Daa'uud reerkiisii ilaa maantadan la joogo.

12:20b.1KI.012.020 Oo markii dadkii Israa'iil maqleen in Yaaraabcaam soo noqday ayay u cid direen oo shirkii ugu yeedheen, oo waxay ka dhigteen boqor u taliya dadkii Israa'iil oo dhan; oo reerkii Daa'uudna nin qudha ma raacin, qabiilkii reer Yahuudah mooyaane.

12:21b.1KI.012.021 Oo Rexabcaamna markuu Yeruusaalem tegey wuxuu reer Yahuudah oo dhan iyo qabiilkii reer Benyaamiin ka soo shiriyey boqol iyo siddeetan kun oo rag la doortay oo dagaalyahan ahaa, si ay dadkii Israa'iil ula diriraan oo ay boqortooyadii mar kale ugu soo celiyaan Rexabcaam ina Sulaymaan.

12:22b.1KI.012.022 Laakiinse Shemacyaah oo nin Ilaah ahaa waxaa u yimid eraygii Ilaah oo leh,

12:23b.1KI.012.023 La hadal Rexabcaam ina Sulaymaan oo reer Yahuudah boqorka u ah, iyo reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin, iyo dadka intiisa kale oo dhanba, oo waxaad ku tidhaahdaa,

12:24b.1KI.012.024 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waa inaydnaan kor u bixin oo aydnaan walaalihiin dadka Israa'iilna la diririn. Nin waluba gurigiisii ha ku noqdo, waayo, waxanu aniguu iga yimid. Sidaas aawadeed way maqleen Eraygii Rabbiga, oo intay noqdeen ayay iska tageen sidii erayga Rabbigu ahaa.

12:25b.1KI.012.025 Markaasaa Yaaraabcaam wuxuu dhisay Shekem oo ku taal dalka buuraha leh oo reer Efrayim, halkaasuuna iska degay, oo haddana halkaas wuu ka tegey oo wuxuu dhisay Fenuu'eel.

12:26b.1KI.012.026 Markaasaa Yaaraabcaam wuxuu qalbiga iska yidhi, Haddaba boqortooyadu waxay u noqon doontaa reerkii Daa'uud;

12:27b.1KI.012.027 oo haddii dadkanu Yeruusaalem tagaan inay Rabbiga allabaryo ugu bixiyaan, de markaas qalbigoodu wuxuu u noqon doonaa sayidkoodii, kaasoo ah Rexabcaam ee boqor u ah reer Yahuudah, oo markaasay i dili doonaan, waxayna u noqon doonaan Rexabcaam ee ah boqorka reer Yahuudah.

12:28b.1KI.012.028 Markaasaa boqorkii tashaday, oo wuxuu sameeyey laba weylood oo dahab ah, oo wuxuu dadkii ku yidhi, Dadkii Israa'iilow, aad bay idiinku dhib badan tahay inaad Yeruusaalem tagtaan, haddaba bal eega ilaahyadiinnii idinka keenay dalkii Masar.

12:29b.1KI.012.029 Oo labadii weylood middood wuxuu dhigay Beytel, tii kalena wuxuu dhigay Daan.

12:30b.1KI.012.030 Haddaba taasu waxay noqotay dembi, maxaa yeelay, dadkii waxay u tegi jireen inay middood caabudaan xataa ilaa Daan.

12:31b.1KI.012.031 Oo wuxuu kaloo sameeyey guryo meelo sarsare ah, oo wuxuu wadaaddo ka dhex doortay dadkii aan reer Laawi ahayn oo dhan.

12:32b.1KI.012.032 Oo haddana Yaaraabcaam wuxuu sameeyey iid u eg tii reer Yahuudah oo ahayd bisha siddeedaad maalinteeda shan iyo tobnaad, oo wuxuu u baxay meeshii allabariga; sidaasuu Beytel ku sameeyey isagoo allabari u bixinaya weylihii uu sameeyey; oo wadaaddadii meelaha sarsare ee uu doortayna wuxuu geeyey Beytel.Oo meeshii allabariga ee uu Beytel ka sameeyeyna wuxuu u baxay bishii siddeedaad maalinteedii shan iyo tobnaad oo taasuna waxay ahayd bishii uu qalbigiisa ka tashaday; oo iid buu u sameeyey dadkii Israa'iil, oo meeshii allabariguu ugu baxay inuu foox shido.

12:33b.1KI.012.033 Oo meeshii allabariga ee uu Beytel ka sameeyeyna wuxuu u baxay bishii siddeedaad maalinteedii shan iyo tobnaad oo taasuna waxay ahayd bishii uu qalbigiisa ka tashaday; oo iid buu u sameeyey dadkii Israa'iil, oo meeshii allabariguu ugu baxay inuu foox shido.

13

13:1b.1KI.013.001 Markaasaa waxaa Yahuudah ka yimid nin Ilaah oo Eraygii Rabbiga ku yimid Beytel; oo Yaaraabcaamna wuxuu ag taagnaa meeshii allabariga inuu foox shido aawadeed.

13:2b.1KI.013.002 Markaasuu wax ka gees ah meeshii allabariga ku qayliyey sidii Rabbigu ku amray, oo wuxuu yidhi, Meeshii allabarigay, meeshii allabarigay, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Daa'uud waxaa u dhalan doona wiil magiciisa la yidhaahdo Yoosiyaah, oo isna dushaada wuxuu ku qali doonaa wadaaddada meelaha sarsare ee dushaada fooxa ku shida, oo waxaa dushaada lagu gubi doonaa dad lafihiis.

13:3b.1KI.013.003 Oo isla maalintaasba calaamad buu tusay oo wuxuu yidhi, Tanu waa calaamaddii Rabbigu ku hadlay: Bal ogaada, meesha allabarigu way kala dillaaci doontaa oo dambaska saaranuna wuu soo daadan doonaa.

13:4b.1KI.013.004 Oo markii boqorkii maqlay hadalkii ninka Ilaah uu ku qayliyey ee ka geesta ahaa meeshii allabariga oo Beytel ku tiil ayuu Yaaraabcaam gacanta ka soo fidiyey meeshii allabariga oo wuxuu yidhi, War ninka qabta. Oo gacantii uu isaga ku fidiyeyna way qallashay, mar dambena wuu soo laabi kari waayay.

13:5b.1KI.013.005 Oo meeshii allabariguna way kala dillaacday, oo dambaskiina wuu ka soo daatay meeshii allabariga, sidii calaamaddii uu ninka Ilaah bixiyey ee Rabbigu ku amray.

13:6b.1KI.013.006 Markaasaa boqorkii ugu jawaabay ninkii Ilaah, Haddaba Rabbiga Ilaahaaga ah raallinimo iiga bari, oo ii ducee in gacantaydu ii soo noqoto aawadeed. Markaasaa ninkii Ilaah Rabbiga baryay, oo boqorkiina gacantiisii way u soo noqotay, oo waxay u noqotay sidii ay markii hore ahayd.

13:7b.1KI.013.007 Dabadeedna boqorkii wuxuu ninkii Ilaah ku yidhi, Kaalay, guriga ii raac, oo isqabooji, oo anna waan kuu abaal gudayaa.

13:8b.1KI.013.008 Kolkaasaa ninkii Ilaah wuxuu boqorkii ku yidhi, Xataa haddaad gurigaaga badhkiis i siinayso ku raaci maayo, oo innaba kibisna ku cuni maayo, biyona ka cabbi maayo meeshan;

13:9b.1KI.013.009 waayo, Erayga Rabbiga ayaa saas igu amray, oo yidhi, Waa inaadan kibis cunin, biyona cabbin, waana inaadan dib u sii qaadin jidkii aad soo martay.

13:10b.1KI.013.010 Oo sidaas daraaddeed jid kaluu maray, dib umana uu sii qaadin jidkii uu Beytel u soo maray.

13:11b.1KI.013.011 Waagaas waxaa Beytel degganaa nebi duq ah, oo wiilashiisii midkood baa u yimid oo u soo sheegay kulli shuqulladii ninka Ilaah maalintaas Beytel ku sameeyey; oo erayadii uu boqorka kula hadlayna aabbahood way u soo sheegeen.

13:12b.1KI.013.012 Markaasaa aabbahood ku yidhi, Jidkee buu qaaday? Oo wiilashiisuna way arkeen jidkii ninkii Ilaah oo Yahuudah ka yimid qaaday.

13:13b.1KI.013.013 Markaasuu wiilashiisii ku yidhi, War dameerka ii kooreeya. Dameerkiina way u kooreeyeen oo isna wuu fuulay.

13:14b.1KI.013.014 Oo ninkii Ilaah wuu daba galay, oo helay isagoo geed hoos fadhiya; kolkaasuu ku yidhi, War ma waxaad tahay ninkii Ilaah oo Yahuudah ka yimid? Isna wuxuu yidhi, Haah, waan ahay.

13:15b.1KI.013.015 Markaasuu ku yidhi, Kaalay oo gurigaygii ii raac aad kibis soo cuntide.

13:16b.1KI.013.016 Isna wuxuu yidhi, Kari maayo inaan kula noqdo iyo inaan gurigaaga galo toona. Halkan innaba kibis kugula cuni maayo, biyona kugula cabbi maayo.

13:17b.1KI.013.017 Waayo, erayga Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waa inaadan meeshaas kibis ku cunin, biyona ka cabbin, jidkii aad soo martayna dib ha u sii qaadin.

13:18b.1KI.013.018 Isna wuxuu ku yidhi, War anba waxaan ahay nebi kula mid ah, oo malaa'ig baa Eraygii Rabbiga igula hadashay oo igu tidhi, Isaga soo celi oo gurigaaga keen inuu kibis cuno oo biyo cabbo. Laakiinse been buu u sheegay.

13:19b.1KI.013.019 Sidaas daraaddeed wuu la noqday, oo gurigiisii buu kibis ka cunay, biyona ka cabbay.

13:20b.1KI.013.020 Markaasaa intay miiska wada fadhiyeen uu eraygii Rabbigu u yimid nebigii soo celiyey.

13:21b.1KI.013.021 Wuuna ku qayliyey ninkii Ilaah oo Yahuudah ka yimid, oo ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Caasi baad ku noqotay Rabbiga, mana aadan xajin amarkii Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu amray,

13:22b.1KI.013.022 laakiinse waad soo noqotay oo kibis baad ku cuntay, biyona waad ku cabtay meeshii uu kugu yidhi, Kibis ha ku cunin, biyona ha ku cabbin. Sidaas daraaddeed meydkaagu gaadhi maayo xabaashii awowayaashaa.

13:23b.1KI.013.023 Oo markuu kibis cunay oo biyo cabbay dabadeed ayuu dameerkiisii u kooreeyey nebigii uu soo celiyey.

13:24b.1KI.013.024 Oo markuu ka tegey ayaa libaax jidkii kaga hor yimid, wuuna dilay isagii; oo meydkiisiina waxaa lagu tuuray jidka dhexdiisa, oo dameerkiina wuu ag taagnaa; libaaxiina wuxuu dhinac taagnaa meydka.

13:25b.1KI.013.025 Oo bal eeg, dad baa soo ag maray, oo waxay arkeen meydka jidka lagu tuuray iyo libaaxa meydka agtiisa taagan; oo waxay yimaadeen magaaladii nebiga duqa ahu degganaa, markaasay dadkii u sheegeen.

13:26b.1KI.013.026 Oo nebigii isaga jidka ka soo celiyey markuu taas maqlay ayuu yidhi, Waa ninkii Ilaah oo ku caasiyoobay Rabbiga; oo sidaas daraaddeed ayuu Rabbigu isaga ugu gacan gashay libaaxa dildillaacsaday oo dilay, taasuna waa sidii uu ahaa erayguu Rabbigu kula hadlay.

13:27b.1KI.013.027 Markaasuu wiilashiisii la hadlay oo ku yidhi, War dameerka ii kooreeya. Oo iyana way u kooreeyeen.

13:28b.1KI.013.028 Kolkaasuu tegey oo wuxuu helay meydkiisii oo jidka dhex yaal, iyo dameerkii iyo libaaxii oo meydka ag taagan; libaaxiina meydkii ma cunin, dameerkiina ma dildillaacsan.

13:29b.1KI.013.029 Oo nebigiina wuxuu qaaday meydkii ninkii Ilaah, oo kor saaray dameerkii, wuuna soo celiyey. Markaasuu yimid magaaladii nebigii duqa ahaa inuu halkaas ku aaso oo ugu baroorto.

13:30b.1KI.013.030 Oo xabaashiisii uu isagu lahaa ayuu meydkiisii geliyey, wayna u baroorteen, oo yidhaahdeen, Hoognay, walaalkayow!

13:31b.1KI.013.031 Oo markuu aasay dabadeed ayuu wiilashiisii la hadlay oo ku yidhi, Markaan dhinto igu xabaala xabaashii ninkii Ilaah lagu xabaalay, oo lafahayga lafihiisa ag dhiga.

13:32b.1KI.013.032 Waayo, hadalkii uu amarkii Rabbiga ku qayliyey ee ka geesta ahaa meesha allabariga oo Beytel ku taal, iyo kulli guryaha meelaha sarsare oo ku yaal magaalooyinka reer Samaariya, hubaal wuu ahaan doonaa.

13:33b.1KI.013.033 Oo waxyaalahaas dabadood Yaaraabcaam kama uu noqon jidkiisii sharka ahaa, laakiinse wuxuu dadkii oo dhan ka doortay wadaaddo meelaha sarsare; oo mid kasta oo doonayayba wuu daahiriyey inay jiraan wadaaddo meelaha sarsare.Oo taasuna dembi bay u noqotay reer Yaaraabcaam iyo xataa inay gooyso oo dhulka ka baabbi'iso.

13:34b.1KI.013.034 Oo taasuna dembi bay u noqotay reer Yaaraabcaam iyo xataa inay gooyso oo dhulka ka baabbi'iso.

14

14:1b.1KI.014.001 Oo waagaas ayaa Abiiyaah oo ahaa ina Yaaraabcaam bukooday.

14:2b.1KI.014.002 Markaasaa Yaaraabcaam wuxuu bilcantiisii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, kac oo isbeddel, oo yaan lagu aqoon inaad tahay bilcantii Yaaraabcaam; oo waxaad tagtaa Shiiloh, waayo, halkaas waxaa jooga Nebi Axiiyaah oo ii sheegay inaan dadkan boqor u ahaanayo.

14:3b.1KI.014.003 Oo waxaad qaaddaa toban xabbadood oo kibis ah, iyo buskuddo, iyo ubbo malab ah, oo isaga u tag; oo wuxuu kuu sheegi doonaa waxa wiilka ku dhici doona.

14:4b.1KI.014.004 Oo Yaaraabcaam bilcantiisiina sidaasay yeeshay, oo waxay u kacday Shiiloh oo gurigii Axiiyaah bay timid. Haddaba Axiiyaah waxba ma arki karin, waayo, indhihiisii waxay la dhaceen dugow aawadiis.

14:5b.1KI.014.005 Markaasaa Rabbigu wuxuu Axiiyaah ku yidhi, Bal eeg, Yaaraabcaam bilcantiisii ayaa kuugu imanaysa inay ku weyddiiso wax ku saabsan wiilkeeda, maxaa yeelay, isagu wuu bukaa; haddaba iyada saas iyo saas ku dheh; waayo, markay kuu timaado waxay iska dhigaysaa naag kale.

14:6b.1KI.014.006 Oo markii Axiiyaah maqlay sanqadhii cagaheeda, markii ay albaabka soo gashay ayuu ku yidhi, Soo gal, Yaaraabcaam bilcantiisay, maxaadse isaga dhigaysaa mid kale? Waayo, waxaa la iigu soo kaa dhiibay war xun.

14:7b.1KI.014.007 Haddaba tag, oo Yaaraabcaam waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu dadka oo dhan waan kaa sara mariyey, oo waxaan amiir kaaga dhigay dadkaygii Israa'iil,

14:8b.1KI.014.008 oo boqortooyadiina intaan reerkii Daa'uud ka soo xoogay ayaan ku siiyey, oo weliba ma aadan ahaan sidii addoonkaygii Daa'uud, kii amarradaydii xajiyey, oo qalbigiisa oo dhanna igu raacay inuu sameeyo wixii hortayda ku qummanaa oo keliya,

14:9b.1KI.014.009 laakiinse waxaad samaysay shar ka sii badan kii intii kaa horraysay oo dhan, oo waxaad samaysatay ilaahyo kale iyo sanamyo la shubay, waanad iga xanaajisay, oo waxaad igu tuurtay gadaashaada.

14:10b.1KI.014.010 Sidaas daraaddeed, bal ogow, shar baan ku soo dejin doonaa reer Yaaraabcaam, oo Yaaraabcaam waxaan ka baabbi'in doonaa wiil kasta, ha ahaado mid kasta oo dalka Israa'iil ku dhex xidhan ama mid kasta oo ku dhex furan, oo reer Yaaraabcaam oo dhanna waan xaaqi doonaa ilaa uu wada baabbo'o sida digo dibadda loogu xaaqo.

14:11b.1KI.014.011 Oo Yaaraabcaam dadkiisa kii magaalada kaga dhinta waxaa cuni doona eeyaha, oo kii duurka kaga dhintana waxaa cuni doona haadka samada, waayo, Rabbigu saasuu ku hadlay.

14:12b.1KI.014.012 Haddaba kac, oo gurigaaga tag, oo mar alla markay cagahaagu magaalada galaan ayuu wiilkii dhiman doonaa.

14:13b.1KI.014.013 Oo dadka dalka Israa'iil oo dhan ayaa u barooran doona oo aasi doona, waayo, dadka Yaaraabcaam oo dhan isaga keliya ayaa xabaasha gelaya, maxaa yeelay, reer Yaaraabcaam isaga keliya ayaa laga helay wax ku wanaagsan xagga Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

14:14b.1KI.014.014 Oo weliba Rabbigu wuxuu sara kicin doonaa boqor u taliya dadkii Israa'iil, oo kaasuna maalintaas wuxuu baabbi'in doonaa reer Yaaraabcaam, laakiinse taasu waa goorma? Waa haddeer.

14:15b.1KI.014.015 Waayo, Rabbigu wuxuu dadkii Israa'iil u layn doonaa sida cawsduur biyo ugu ruxmado, oo dadkii Israa'iil wuu ka rujin doonaa dalkan wanaagsan oo uu siiyey awowayaashood, oo wuxuu ku firdhin doonaa Webiga shishadiisa, maxaa yeelay, waxay samaysteen geedihii Asheeraah, oo Rabbigana saasay uga xanaajiyeen.

14:16b.1KI.014.016 Oo Rabbigu wuxuu dadka dalka Israa'iil u sii daynayaa dembiyadii Yaaraabcaam dembaabay oo uu dadka dalka Israa'iilna dembaajiyey aawadood.

14:17b.1KI.014.017 Markaasay Yaaraabcaam bilcantiisii kacday oo tagtay, oo waxay timid Tirsaah; oo markay guriga iriddiisii soo gaadhay ayaa wiilkii dhintay.

14:18b.1KI.014.018 Oo dadkii dalka Israa'iil oo dhammu way aaseen, wayna u wada baroorteen siduu ahaa eraygii Rabbigu ku hadlay ee uu nebigii ahaa addoonkiisii Axiiyaah u soo dhiibay.

14:19b.1KI.014.019 Oo Yaaraabcaam falimihiisii kale ee ku saabsanaa siduu u diriray, iyo siduu u talin jiray, waxay ku qoran yihiin kitaabka taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.

14:20b.1KI.014.020 Oo Yaaraabcaamna wuxuu talinayay laba iyo labaatan sannadood; markaasuu dhintay oo awowayaashiis la seexday, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Naadaab.

14:21b.1KI.014.021 Oo Rexabcaam ina Sulaymaanna boqor buu ka ahaa dalka Yahuudah. Oo markuu Rexabcaam boqor noqday wuxuu jiray kow iyo afartan sannadood, oo toddoba iyo toban sannadood ayuu boqor ku ahaa Yeruusaalem oo ahayd magaaladii Rabbigu ka doortay qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan inuu magiciisa halkaas dhigo. Oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Nacamaah tii reer Cammoon.

14:22b.1KI.014.022 Oo reer Yahuudahna waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo waxay Rabbiga kaga hinaasiyeen dembiyadoodii ay galeen oo ka badnaa kuwii ay awowayaashood galeen.

14:23b.1KI.014.023 Waayo, waxay buur kasta oo dheer dusheed iyo geed kasta oo dheer oo doog ah hoostiis ka dhisteen meelo sarsare, iyo tiirar, iyo geedo Asheeraah.

14:24b.1KI.014.024 Oo weliba dalka waxaa joogay makhnuudyo, oo waxay u wada sameeyeen sidii kulli karaahiyadii ay samayn jireen quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.

14:25b.1KI.014.025 Oo sannaddii shanaad oo Boqor Rexabcaam ayaa Shiishaq oo boqorkii Masar ahaa Yeruusaalem ku kacay,

14:26b.1KI.014.026 oo wuxuu qaatay khasnadihii guriga Rabbiga iyo khasnadihii guriga boqorka, oo dhammaantood wuu wada qaatay; oo wuxuu kaloo wada qaatay gaashaammadii dahabka ahaa oo Sulaymaan sameeyey.

14:27b.1KI.014.027 Oo Boqor Rexabcaam ayaa meeshoodii ka sameeyey gaashaammo naxaas ah, oo wuxuu u dhiibay saraakiishii waardiyayaashii albaabkii guriga boqorka dhawri jiray.

14:28b.1KI.014.028 Oo mar alla markii boqorku gurigii Rabbiga galo ayay waardiyayaashu gaashaammada qaadi jireen, oo haddana waxay ku soo celin jireen qolkii waardiyayaasha.

14:29b.1KI.014.029 Haddaba Rexabcaam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

14:30b.1KI.014.030 Oo Rexabcaam iyo Yaaraabcaamna dagaal baa ka dhexayn jiray had iyo goorba.Oo Rexabcaamna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagula aasay awowayaashiis magaaladii Daa'uud; oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Nacamaah tii reer Cammoon. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Abiiyaam.

14:31b.1KI.014.031 Oo Rexabcaamna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagula aasay awowayaashiis magaaladii Daa'uud; oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Nacamaah tii reer Cammoon. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Abiiyaam.

15

15:1b.1KI.015.001 Haddaba sannaddii siddeed iyo tobnaad ee Boqor Yaaraabcaam ina Nebaad ayaa Abiiyaam boqor ka noqday dalka Yahuudah.

15:2b.1KI.015.002 Oo saddex sannadood ayuu boqor ku ahaa Yeruusaalem, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Macakaah ina Abiishaaloom.

15:3b.1KI.015.003 Oo isna wuxuu sameeyey dembiyadii uu aabbihiis samayn jiray isaga hortiis oo dhan, oo qalbigiisuna Rabbiga Ilaahiisa ah uguma qummanayn sidii qalbigii awowgiis Daa'uud oo kale.

15:4b.1KI.015.004 Habase yeeshee Daa'uud daraaddiis ayaa Rabbiga Ilaahiis ahu Yeruusaalem ka dhex siiyey laambad inuu isaga dabadiis wiilkiisa dhiso iyo inuu Yeruusaalem adkeeyo aawadeed,

15:5b.1KI.015.005 maxaa yeelay, Daa'uud wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa, oo cimrigiisii oo dhanna kama uu leexan wax kasta oo uu ku amray, xaalkii Uuriyaah kii reer Xeed oo keliya mooyaane.

15:6b.1KI.015.006 Oo Rexabcaam iyo Yaaraabcaamna dagaal baa ka dhexeeyey cimrigiisii oo dhanba.

15:7b.1KI.015.007 Oo Abiiyaam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah? Oo Abiiyaam iyo Yaaraabcaamna dagaal baa ka dhexeeyey.

15:8b.1KI.015.008 Oo Abiiyaam wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aasaa.

15:9b.1KI.015.009 Oo boqorkii dalka Israa'iil oo Yaaraabcaam ahaa sannaddiisii labaatanaad ayaa Aasaa boqor ka noqday dalka Yahuudah.

15:10b.1KI.015.010 Oo wuxuu Yeruusaalem boqor ka ahaa kow iyo afartan sannadood; oo hooyadiisna magaceedu wuxuu ahaa Macakaah ina Abiishaaloom.

15:11b.1KI.015.011 Oo Aasaa wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa sidii uu awowgiis Daa'uud yeelay oo kale.

15:12b.1KI.015.012 Oo makhnuudyadiina dalka wuu ka eryay, sanamyadii aabbihiis sameeyey oo dhanna wuu wada fogeeyey.

15:13b.1KI.015.013 Macakaah oo hooyadiis ahaydna boqoradnimadii wuu ka dejiyey, maxaa yeelay, waxay sanam karaahiya ah u samaysay geed Asheeraah, oo Aasaa sanamkeedii wuu jebiyey, wuxuuna ku gubay durdurka Qidroon agtiisa.

15:14b.1KI.015.014 Laakiinse meelihii sarsare lama baabbi'in; habase yeeshee Aasaa qalbigiisu waa ku qummanaa Rabbiga hortiisa cimrigiisii oo dhanba.

15:15b.1KI.015.015 Oo gurigii Rabbigana wuxuu soo geliyey alaabtii aabbihiis quduuska ka dhigay iyo alaabtii uu isaga qudhiisu quduuska ka dhigay, waxayna ahayd lacag iyo dahab iyo weelal.

15:16b.1KI.015.016 Oo cimrigoodii oo dhanna dagaal baa ka dhexeeyey Aasaa iyo Bacshaa oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil.

15:17b.1KI.015.017 Oo Bacshaa oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil ayaa dalka Yahuudah ku kacay, oo wuxuu dhisay Raamaah, inuusan qofna u oggolaan inuu ka baxo ama u galo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.

15:18b.1KI.015.018 Markaasaa Aasaa qaaday kulli lacagtii iyo dahabkii ku hadhay khasnadihii guriga Rabbiga iyo khasnadihii guriga boqorka oo dhan, oo wuxuu u dhiibay addoommadiisa, oo Boqor Aasaa wuxuu iyagii u diray Benhadad ina Tabrimmoon oo ahaa ina Xesyoon, oo dalka Suuriya boqorka u ahaa oo Dimishaq degganaa, oo wuxuu ku yidhi,

15:19b.1KI.015.019 Aniga iyo adiga axdi baa inoo dhexeeya, oo aabbahay iyo aabbahaana wuu u dhexayn jiray; haddaba bal eeg, waxaan kuu soo diray hadiyad lacag iyo dahab ah, saas aawadeed tag oo jebi axdiga aad la leedahay boqorka dalka Israa'iil oo Bacshaa ah, ha iga tagee.

15:20b.1KI.015.020 Markaasaa Benhadad dhegaystay hadalkii Boqor Aasaa, oo saraakiishii ciidammadiisa ayuu u diray magaalooyinkii dalka Israa'iil, oo waxay dagaal ku dhufteen Ciyoon, iyo Daan, iyo Aabeel Beytmacakaah, iyo Kinnered oo dhan, iyo dalkii reer Naftaali oo dhan.

15:21b.1KI.015.021 Kolkii Bacshaa taas maqlay wuu ka tegey Raamaah dhisiddeedii, oo wuxuu degay Tirsaah.

15:22b.1KI.015.022 Markaasaa Boqor Aasaa wuxuu dalka Yahuudah oo dhan gaadhsiiyey naado ogeysiis ah, oo ninna lagama reebin; oo waxay wada qaadeen dhagxantii iyo alwaaxdii Raamaah ee uu Bacshaa ku dhisayay, kolkaasaa Boqor Aasaa wuxuu ku dhisay Gebac oo ku taal dalka reer Benyaamiin iyo Misfaah.

15:23b.1KI.015.023 Haddaba Aasaa falimihiisa kale, iyo xooggiisii oo dhan, iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo magaalooyinkii uu dhisay oo dhammuba sow kuma qorna kitaabka taariikhda boqorradii dalka Yahuudah? Laakiinse markuu gaboobay wuxuu ka bukooday cagaha.

15:24b.1KI.015.024 Markaasaa Aasaa dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii awowgiis Daa'uud; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yehooshaafaad

15:25b.1KI.015.025 Oo Naadaab oo ahaa ina Yaaraabcaam boqor buu ka noqday dalka Israa'iil sannaddii labaad oo Aasaa boqorkii dalka Yahuudah; oo wuxuu dalka Israa'iil boqor ka ahaa laba sannadood.

15:26b.1KI.015.026 Oo isna wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis, iyo dembigiisa uu dadkii Israa'iil dembaajiyey.

15:27b.1KI.015.027 Oo waxaa shirqoolay Bacshaa ina Axiiyaah oo ahaa reer Isaakaar, oo Bacshaa isaguu ku dilay Gibbetoon tan ay reer Falastiin lahaayeen, waayo, Naadaab iyo dadkii dalka Israa'iil oo dhammuba waxay weerarayeen Gibbetoon.

15:28b.1KI.015.028 Oo isaga Bacshaa wuxuu dilay oo meeshiisii boqor ka noqday sannaddii saddexaad ee Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.

15:29b.1KI.015.029 Oo haddiiba markuu boqor noqday ayuu wada laayay reerkii Yaaraabcaam oo dhan, oo Yaaraabcaam uma uu dayn qof keliya oo neefsada, laakiinse wuu wada baabbi'iyey, sidii uu ahaa eraygii Rabbigu u soo dhiibay addoonkiisii Axiiyaah kii reer Shiiloh;

15:30b.1KI.015.030 waayo, waxay saas u noqotay Yaaraabcaam dembiyadiisii uu dembaabay, oo uu dadkii Israa'iilna dembaajiyey, iyo xanaaqii uu ka xanaajiyey Rabbiga ah Ilaaha dalka Israa'iil.

15:31b.1KI.015.031 Haddaba Naadaab falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabka taariikhda boqorrada dalka Israa'iil?

15:32b.1KI.015.032 Cimrigood oo dhan dagaal baa ka dhexeeyey Aasaa iyo Bacshaa oo boqor ka ahaa dalka Israa'iil.

15:33b.1KI.015.033 Oo boqorkii dalka Yahuudah oo Aasaa ahaa sannaddiisii saddexaad ayaa Bacshaa ina Axiiyaah boqor dalka Israa'iil ugu noqday Tirsaah, oo wuxuu boqor ahaa afar iyo labaatan sannadood.Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis Yaaraabcaam, iyo dembigiisii uu dadkii Israa'iilna dembaajiyey.

15:34b.1KI.015.034 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis Yaaraabcaam, iyo dembigiisii uu dadkii Israa'iilna dembaajiyey.

16

16:1b.1KI.016.001 Markaas waxaa Yeehuu ina Xanaanii u yimid Eraygii Rabbiga oo ka gees ah Bacshaa, oo leh,

16:2b.1KI.016.002 Ciiddaan kaa sara mariyey, oo waxaan kaa dhigay amiir u taliya dadkayga Israa'iil, oo adna waxaad ku socotay jidkii Yaaraabcaam, oo dadkaygii Israa'iilna waad dembaajisay, oo waxaad ka dhigtay inay dembiyadoodii igaga xanaajiyaan,

16:3b.1KI.016.003 sidaas daraaddeed bal eeg, Bacshaa iyo reerkiisa oo dhanba waan wada baabbi'inayaa, oo reerkaagana waxaan ka dhigayaa sidii reerkii Yaaraabcaam ina Nebaad oo kale.

16:4b.1KI.016.004 Oo dadka Bacshaa kii magaalada kaga dhinta waxaa cuni doona eeyaha, oo kii duurka kaga dhintana waxaa cuni doona haadka samada.

16:5b.1KI.016.005 Haddaba Bacshaa falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey, iyo xooggiisii oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

16:6b.1KI.016.006 Markaasaa Bacshaa dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay Tirsaah, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Eelaah.

16:7b.1KI.016.007 Haddana waxaa Nebi Yeehuu ina Xanaanii u yimid Eraygii Rabbiga oo ka gees ah Bacshaa iyo reerkiisaba, sababtuna waxay ahayd sharkii uu Rabbiga hortiisa ku sameeyey oo dhan ee uu Rabbiga kaga xanaajiyey shuqulkii gacmihiisa, markuu la mid noqday reer Yaaraabcaam, iyo diliddii uu dilay aawadeed.

16:8b.1KI.016.008 Oo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii lix iyo labaatanaad ayaa Eelaah oo ahaa ina Bacshaa dalka Israa'iil boqor ugu noqday Tirsaah, oo wuxuu boqor ahaa laba sannadood.

16:9b.1KI.016.009 Oo addoonkiisii Simrii oo sirkaal u ahaa gaadhifardoodkiisa badhkood ayaa isaga shirqoolay. Haddaba wuxuu joogay Tirsaah isagoo khamri ku cabbaya guriga Arsaa oo madax u ahaa reerkiisii Tirsaah ku yiil;

16:10b.1KI.016.010 oo waxaa u soo galay Simrii, markaasuu wax ku dhuftay, oo dilay isagii, waxayna ahayd Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii toddoba iyo labaatanaad, oo meeshiisiina isagaa boqor ka noqday.

16:11b.1KI.016.011 Isla markuu boqor noqday ee uu carshigiisii ku fadhiistay wuxuu wada laayay reerkii Bacshaa oo dhan; oo ugama uu reebin dadkii qaraabadiisa ahaa ama saaxiibbadiis toona xataa wiil yar oo keliya.

16:12b.1KI.016.012 Oo Simrii saasuu u baabbi'iyey reerkii Bacshaa oo dhan, oo waxay noqotay sidii Eraygii Rabbiga ee Bacshaa ka geesta ahaa ee Nebi Yeehuu ku hadlay,

16:13b.1KI.016.013 sababtuna waxay ahayd dembiyadii Bacshaa iyo dembiyadii wiilkiisii Eelaah oo dhan ee ay dembaabeen ee ay dadkii Israa'iilna dembaajiyeen ee ay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil kaga xanaajiyeen falimahoodii aan waxtarka lahayn.

16:14b.1KI.016.014 Haddaba Eelaah falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

16:15b.1KI.016.015 Oo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii toddoba iyo labaatanaad ayaa Simrii intii toddoba maalmood ah boqor ku ahaa Tirsaah. Haddaba dadkii waxay iyagoo ka gees ah ag degeen Gibbetoon oo ay reer Falastiin lahaayeen.

16:16b.1KI.016.016 Oo dadkii magaalada ag degay waxay maqleen oo lagu yidhi, Simrii shirqool buu sameeyey oo boqorkiina wuu dilay. Sidaas daraaddeed dadkii dalka Israa'iil oo dhammu waxay maalintaas xerada dhexdeeda dalka Israa'iil boqor uga dhigeen Coomrii oo ahaa sirkaalkii ciidanka.

16:17b.1KI.016.017 Oo Coomrii wuxuu ka kacay Gibbetoon isagoo ay dadkii Israa'iil oo dhammu la socdaan, markaasay Tirsaah hareereeyeen.

16:18b.1KI.016.018 Markii Simrii arkay in magaaladii la qabsaday ayuu galay qalcaddii gurigii boqorka, kolkaasuu gurigii boqorka isku gubay, wuuna u dhintay

16:19b.1KI.016.019 dembiyadiisii uu dembaabay markuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, oo uu ku socday jidkii Yaaraabcaam, iyo dembigii uu sameeyey ee uu dadkii Israa'iilna dembaajiyey.

16:20b.1KI.016.020 Haddaba Simrii falimihiisii kale iyo fallaagowgiisii uu sameeyeyba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

16:21b.1KI.016.021 Markaasaa dadkii dalka Israa'iil laba meelood u kala qaybsamay; dadkii badhkiis wuxuu raacay Tibnii oo ahaa ina Giinad, oo boqor bay ka dhigteen; badhkii kalena wuxuu raacay Coomrii.

16:22b.1KI.016.022 Laakiinse dadkii Coomrii raacay waxay ka adkaadeen dadkii raacay Tibnii ina Giinad. Markaasaa Tibnii dhintay, Coomriina boqor buu noqday.

16:23b.1KI.016.023 Oo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii kow iyo soddonaad ayaa Coomrii dalka Israa'iil boqor ka noqday, oo wuxuu boqor ahaa laba iyo toban sannadood oo Tirsaah wuxuu boqor ka ahaa lix sannadood.

16:24b.1KI.016.024 Oo Shemer ayuu buurtii Samaariya kaga iibsaday laba talanti oo lacag ah; markaasuu buurta dusheedii magaalo ka dhisay, oo magaaladii uu dhisay magaceediina wuxuu u bixiyey Samaariya, oo wuxuu ku magacaabay ninkii Shemer ahaa ee buurta lahaa.

16:25b.1KI.016.025 Oo Coomriina wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, oo wuxuu ku kacay shar ka sii daran sharkii kuwii isaga ka horreeyey oo dhan.

16:26b.1KI.016.026 Oo wuxuu ku socday jidkii Yaaraabcaam ina Nebaad oo dhan, iyo dembiyadii uu dadkii Israa'iil dembaajiyey ee ay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil kaga xanaajiyeen falimahoodii aan waxtarka lahayn.

16:27b.1KI.016.027 Haddaba Coomrii falimihiisii kale ee uu sameeyey, iyo xooggiisii uu muujiyeyba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

16:28b.1KI.016.028 Markaasaa Coomrii dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay Samaariya; oo wiilkiisii Axaab ayaa meeshiisii boqor ka noqday.

16:29b.1KI.016.029 Oo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii siddeed iyo soddonaad ayaa Axaab oo ahaa ina Coomrii dalka Israa'iil boqor ka noqday, oo wuxuu dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu ahaa laba iyo labaatan sannadood.

16:30b.1KI.016.030 Oo Axaab oo ahaa ina Coomrii wuxuu sameeyey wixii shar ku ahaa Rabbiga hortiisa oo ka sii daran sharkii kuwii isaga ka horreeyey oo dhan.

16:31b.1KI.016.031 Markaas sidii iyadoo la sahlan isaga inuu sameeyo dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad, wuxuu guursaday Yesebeel oo ahayd ina Etbacal boqorkii reer Siidoon, wuuna tegey oo u adeegay oo caabuday Bacal.

16:32b.1KI.016.032 Oo Bacal aawadiis wuxuu meel allabari uga dhisay gurigii Bacal ee uu hore uga dhex dhisay Samaariya.

16:33b.1KI.016.033 Oo haddana Axaab wuxuu sameeyey geed Asheeraah, oo Axaab haddana wuu ka sii xanaajiyey Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil si ka sii daran boqorradii dalka Israa'iil ee isaga ka horreeyey oo dhan.Oo wakhtigiisii Yerixoo waxaa dhisay nin reer Beytel ah oo magiciisa la odhan jiray Xii'eel; oo markuu aasaaskeedii dhigay waxaa ka dhintay wiilkiisii curadka ahaa oo Abiiraam ahaa, markuu irdaheedii taagayna waxaa ka dhintay wiilkiisii yaraa oo Seguub ahaa, oo waxay noqotay sidii eraygii Rabbigu kula hadlay Yashuuca ina Nuun.

16:34b.1KI.016.034 Oo wakhtigiisii Yerixoo waxaa dhisay nin reer Beytel ah oo magiciisa la odhan jiray Xii'eel; oo markuu aasaaskeedii dhigay waxaa ka dhintay wiilkiisii curadka ahaa oo Abiiraam ahaa, markuu irdaheedii taagayna waxaa ka dhintay wiilkiisii yaraa oo Seguub ahaa, oo waxay noqotay sidii eraygii Rabbigu kula hadlay Yashuuca ina Nuun.

17

17:1b.1KI.017.001 Oo Eliiyaah oo ahaa reer Tishbii, oo ka mid ahaa kuwii Gilecaad degganaa ayaa Axaab ku yidhi, Waxaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ee aan hortiisa taaganahay noloshiisa ugu dhaartay inaan dharab iyo roob midna sannadahan la arki doonayn, sidaan leeyahay mooyaane.

17:2b.1KI.017.002 Markaasaa haddana waxaa isagii u yimid Eraygii Rabbiga oo leh,

17:3b.1KI.017.003 Halkan ka tag, oo u leexo xagga bari, oo waxaad ku ag dhuumataa durdurka Keriid ee ku hor yaal Webi Urdun.

17:4b.1KI.017.004 Oo waxaad ka cabbi doontaa durdurka, oo tukayaashana waan ku amray inay halkaas kugu quudiyaan.

17:5b.1KI.017.005 Sidaas daraaddeed wuu tegey, oo wuxuu yeelay sidii erayga Rabbigu ku yidhi, waayo, wuu tegey oo ag joogi jiray durdurka Keriid ee ku hor yaal Webi Urdun.

17:6b.1KI.017.006 Oo tukayaasha ayaa subaxdii u keeni jiray kibis iyo hilib, fiidkiina kibis iyo hilib, oo biyona durdurkuu ka cabbi jiray.

17:7b.1KI.017.007 Oo in yar dabadeed ayaa durdurkii iska engegay, maxaa yeelay, dalku roob ma lahayn.

17:8b.1KI.017.008 Markaasaa waxaa isagii u yimid Eraygii Rabbiga oo leh,

17:9b.1KI.017.009 Kac oo waxaad tagtaa Sarefta oo ay reer Siidoon leeyihiin, oo halkaas iska deg; oo bal eeg, naag carmal ah oo halkaas joogta waxaan ku amray inay ku quudiso.

17:10b.1KI.017.010 Sidaas daraaddeed wuu kacay, oo wuxuu tegey Sarefta, oo markuu magaaladii iriddeedii yimid waxaa halkaas joogtay naag carmal ah oo xaabo guranaysa; oo intuu u yeedhay ayuu ku yidhi iyadii, Waan ku baryayaaye, wuxoogaa biyo ah weel iigu keen aan cabbee.

17:11b.1KI.017.011 Oo markay u sii socotay inay u keento ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye waxaad gacanta iigu soo qaaddaa in yar oo kibis ah.

17:12b.1KI.017.012 Iyana waxay tidhi, Waxaan Rabbiga Ilaahaaga ah noloshiisa ugu dhaartay inaanan kibis haysan innaba, laakiinse waxaan haystaa sacab muggiis oo jidhiidh ah oo weel ku jira, iyo in yar oo saliid ah oo kusad ku jirta, oo bal eeg, laba qori baan u guranayaa si aan intaan gurigayga galo ugu diyaariyo aniga iyo wiilkayga, dabadeedna aan cunno oo aan dhimannee.

17:13b.1KI.017.013 Markaasaa Eliiyaah ku yidhi iyadii, Ha cabsane tag oo yeel sidaad tidhi, laakiinse marka hore ii soo samee in yar oo kibis ah oo ii keen, dabadeedna u samee adiga iyo wiilkaaga.

17:14b.1KI.017.014 Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Weelka jidhiidha ahu idlaan maayo, kusadda saliidda ahuna idin gabi mayso ilaa maalinta Rabbigu dhulka roob ku soo daayo.

17:15b.1KI.017.015 Markaasay tagtay oo waxay yeeshay sidii Eliiyaah ku yidhi, oo iyadii iyo isagii iyo reerkeediiba maalmo badan bay wax cunayeen.

17:16b.1KI.017.016 Oo weelkii jidhiidha ahaa ma uu idlaan, kusaddii saliidda ahaydna ma ay gabin, oo waxay ahaatay siduu ahaa eraygii Rabbigu u soo dhiibay Eliiyaah.

17:17b.1KI.017.017 Oo waxyaalahaas dabadood ayaa naagtii guriga lahayd wiilkeedii bukooday, oo xataa neef keliyahu kuma hadhin, maxaa yeelay, bukaankiisu aad buu u xumaa.

17:18b.1KI.017.018 Markaasay Eliiyaah ku tidhi, War nin yahow Ilaah, maxaa inoo dhexeeya? War ma waxaad iigu timid inaad dembigayga i soo xusuusisid oo aad wiilkayga dishid?

17:19b.1KI.017.019 Markaasuu ku yidhi, Naa bal wiilkaaga ii keen. Oo intuu isagii ka qaaday xabadkeedii ayuu kor ula baxay qowladdii uu isagu degganaa, oo wuxuu saaray sariirtiisii.

17:20b.1KI.017.020 Markaasuu Rabbiga u qayshaday, oo ku yidhi, Rabbiyow, Ilaahayow, naagta carmalka ah oo aan la degganahay ma shar baad ku soo dejisay intaad wiilkeedii dishay?

17:21b.1KI.017.021 Oo saddex jeer ayuu wiilka korkiisii isku kala bixiyey, oo intuu Rabbiga u qayshaday ayuu yidhi, Rabbiyow, Ilaahayow, waan ku baryayaaye, wiilkan naftiisii mar kale ha ku soo noqoto.

17:22b.1KI.017.022 Markaasaa Rabbigu dhegaystay Eliiyaah codkiisii, oo yarka naftiisii mar kalay ku soo noqotay, wuuna soo noolaaday.

17:23b.1KI.017.023 Dabadeedna Eliiyaah yarkii buu soo qaaday, oo intuu qowladdii ka soo dejiyey ayuu gurigii keenay, oo u dhiibay hooyadiis; wuxuuna Eliiyaah iyadii ku yidhi, Bal eeg, wiilkaagii waa nool yahaye.Markaasaa naagtii waxay Eliiyaah ku tidhi, Haatan waan garanayaa inaad tahay nin Ilaah, iyo inuu run yahay erayga Ilaah oo afkaaga ku jira.

17:24b.1KI.017.024 Markaasaa naagtii waxay Eliiyaah ku tidhi, Haatan waan garanayaa inaad tahay nin Ilaah, iyo inuu run yahay erayga Ilaah oo afkaaga ku jira.

18

18:1b.1KI.018.001 Oo wakhti dheer dabadiis waxay noqotay in sannaddii saddexaad eraygii Rabbigu Eliiyaah u yimid oo uu ku yidhi, Tag oo Axaab istus, oo anna roob baan dhulka ku soo daynayaa.

18:2b.1KI.018.002 Markaasaa Eliiyaah wuxuu u tegey inuu Axaab istuso. Oo abaartuna aad bay ugu xumayd Samaariya.

18:3b.1KI.018.003 Markaasaa Axaab wuxuu u yeedhay Cobadyaah oo shuqulkii guriga u sarreeyey. (Haddaba Cobadyaah Rabbiga aad buu uga cabsan jiray,

18:4b.1KI.018.004 waayo, markay Yesebeel baabbi'isay nebiyadii Rabbiga ayaa Cobadyaah kaxeeyey boqol nebi, oo kontonba god buu ku qariyey, oo wuxuu ku quudin jiray kibis iyo biyo.)

18:5b.1KI.018.005 Markaasaa Axaab wuxuu Cobadyaah ku yidhi, Bal tag, oo dalka oo dhan dhex mar, ilaa ilaha biyaha oo dhan, iyo durdurrada oo dhan, waaba intaasoo aynu daaq helnaa, si aynu fardaha iyo baqlaha u noolayno, oo ayan cuudka oo dhammu nooga dhammaan.

18:6b.1KI.018.006 Sidaas daraaddeed dhulkii way qaybsadeen inay soo wada dhex maraan; Axaab keligiis dhan buu u sahamiyey, Cobadyaahna dhankii kaluu keligiis u sahamiyey.

18:7b.1KI.018.007 Oo bal eeg, Cobadyaah intuu jidkii sii socday ayaa waxaa ka hor yimid Eliiyaah; oo wuu aqooday, markaasuu wejiga dhulka saaray, oo wuxuu yidhi, Eliiyaahow sayidkaygiiyow, ma adigii baa?

18:8b.1KI.018.008 Markaasuu ugu jawaabay, Haah, waa anigii; haddaba tag oo sayidkaagii waxaad ku tidhaahdaa, War Eliiyaah halkanuu joogaa.

18:9b.1KI.018.009 Markaasuu wuxuu ku yidhi isagii, War maxaan ku dembaabay, oo aad u doonaysaa anoo addoonkaaga ah inaad Axaab ii gacangeliso inuu i dilo aawadeed?

18:10b.1KI.018.010 Rabbiga Ilaahaaga ah noloshiisaan ku dhaartaye inaan la arag quruun iyo boqortooyo uusan sayidkaygu cid u dirin si uu kaaga goobo; oo markay yidhaahdeen, Halkan ma joogo, ayuu boqortooyo kasta iyo quruun kastaba dhaariyey inay ku waayeen.

18:11b.1KI.018.011 Oo imminka waxaad leedahay, Tag, oo sayidkaagii u sheeg in Eliiyaah halkan joogo.

18:12b.1KI.018.012 Oo bal eeg waxay noqon doontaa markaan kaa tago in Ruuxa Rabbigu kuu qaadi doona meel aanan aqoon, oo sidaas daraaddeed markaan Axaab u tago oo kuu soo sheego, oo uu ku waayo aniguu i dilayaa; laakiinse anigoo addoonkaaga ah Rabbiga waan ka cabsan jiray tan iyo dhallinyaranimadaydii.

18:13b.1KI.018.013 Oo sayidkaygiiyow, miyaan laguu sheegin wixii aan sameeyey markii Yesebeel laysay nebiyadii Rabbiga, iyo sidaan u qariyey boqol nin oo Rabbiga nebiyadiisii ah, oo aan kontonba god geliyey, oo aan kibis iyo biyo ku quudiyey?

18:14b.1KI.018.014 Oo hadda waxaad igu leedahay, Tag oo sayidkaagii u sheeg in Eliiyaah halkan joogo; oo isna wuu i dilayaa.

18:15b.1KI.018.015 Markaasaa Eliiyaah wuxuu ku yidhi isagii, Waxaan ku dhaartay Rabbiga ciidammada ee aan hor taagnahay noloshiisa inaan xaqiiqa maanta isaga isu muujinayo.

18:16b.1KI.018.016 Sidaas daraaddeed Cobadyaah wuxuu u tegey inuu Axaab la kulmo, wuuna u soo sheegay; markaasaa Axaab u tegey inuu Eliiyaah la kulmo.

18:17b.1KI.018.017 Oo markuu Axaab arkay Eliiyaah ayuu ku yidhi, War ma adigii baa kii dadkii Israa'iil dhibayayow?

18:18b.1KI.018.018 Markaasuu u jawaabay, oo ku yidhi, Anigu dadkii Israa'iil ma aanan dhibin, laakiinse waxaa dhibay adiga iyo reerka aabbahaa, waayo, waxaad ka tagteen amarradii Rabbiga, oo weliba waxaad raacday Bacaliim.

18:19b.1KI.018.019 Haddaba sidaas daraaddeed u cid dir, oo dadkii Israa'iil oo dhan, iyo Bacal nebiyadiisa ah afar boqol iyo konton, iyo geedihii Asheeraah nebiyadooda ah afar boqol oo miiska Yesebeel wax ka cuna, kulli ku soo wada ururi Buur Karmel.

18:20b.1KI.018.020 Sidaas daraaddeed Axaab wuxuu u cid diray dadkii Israa'iil oo dhan, oo nebiyadiina wuxuu ku soo wada ururiyey Buur Karmel.

18:21b.1KI.018.021 Markaasaa Eliiyaah u soo dhowaaday dadkii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, War ilaa goormaad laba ra'yi u dhexaynaysaan? War haddii Rabbigu Ilaah yahay isaga raaca, laakiinse haddii Bacal Ilaah yahay isaga raaca. Oo dadkiina isagii xataa eray keliya uguma jawaabin.

18:22b.1KI.018.022 Markaasaa Eliiyaah wuxuu haddana dadkii ku yidhi, Anigoo keliya ayaa ka hadhay nebiyadii Rabbiga, laakiinse Bacal nebiyadiisu waa afar boqol iyo konton nin.

18:23b.1KI.018.023 Haddaba bal laba dibi ha naloo keeno, oo iyagu dibi ha doorteen, oo ha jarjareen, oo qoryaha ha dul saareen, oo innaba dab yay hoosta ka gelin; oo anna dibiga kalaan qalayaa, oo qoryahaan dul saarayaa, oo innaba dab hoosta ka gelin maayo.

18:24b.1KI.018.024 Oo markaas idinku u yeedha magaca ilaahiinna, oo anna waxaan u yeedhanayaa magaca Rabbiga; oo markaas Ilaahii dab ku soo jawaabaa ha ahaado Ilaah. Markaasaa dadkii oo dhammu jawaabeen oo waxay yidhaahdeen, Kaasu waa hadal wanaagsan.

18:25b.1KI.018.025 Markaasaa Eliiyaah wuxuu nebiyadii Bacal ku yidhi, Bal idinku dibi doorta oo marka hore qala, dabse hoosta ha ka gelinina, oo idinku waad badan tihiine marka hore u yeedha magaca ilaahiinna.

18:26b.1KI.018.026 Markaasay qaateen dibigii la siiyey, wayna qaleen, oo aroortii ilaa duhurkii ayay u yeedhanayeen magicii Bacal, oo waxay lahaayeen, Bacalow, na maqal! Laakiinse cod iyo wax iyaga u jawaabay toona ma jirin. Oo meeshii allabariga oo la dhisay hareeraheeda ayay boodboodayeen.

18:27b.1KI.018.027 Oo waxay duhurkii noqotay inuu Eliiyaah iyagii ku majaajilooday oo ku yidhi, War aad u qayliya; waayo, waa ilaah, oo mindhaa wuu isla tashanayaa, ama gees buu u leexday, ama socdaal buu ku maqan yahay, ama mindhaa wuu iska hurdaa oo waa in la toosiyaa.

18:28b.1KI.018.028 Markaasay aad u qayliyeen, oo sidii caadadoodu ahayd waxay isku jareen mindiyo iyo eebooyin ilamaa dhiig ka soo burqaday.

18:29b.1KI.018.029 Oo markii hadhkii la dhaafay ayay sidii nebi wax sii sheegayeen ilaa wakhtigii la bixin jiray allabarigii fiidnimada, laakiinse cod iyo wax u jawaaba iyo wax ka dan leh midna ma jirin.

18:30b.1KI.018.030 Markaasaa Eliiyaah wuxuu dadkii oo dhan ku yidhi, Haddaba ii soo dhowaada; kolkaasaa dadkii oo dhammu u soo dhowaadeen, dabadeedna meeshii allabariga ee Rabbiga ee la dumiyey ayuu hagaajiyey.

18:31b.1KI.018.031 Oo wuxuu Eliiyaah soo qaaday laba iyo toban dhagax oo ka dhigan intii qabiilooyinkii wiilashii Yacquub tiradoodu ahayd, kaasoo eraygii Rabbigu u yimid oo ku yidhi, Magacaagu wuxuu ahaan doonaa Israa'iil.

18:32b.1KI.018.032 Oo dhagxantii wuxuu meel allabari ugu dhisay magaca Rabbiga, oo meeshii allabariga hareeraheeda wuxuu ka qoday meel ku wareegsan oo qaadi karta laba qiyaas oo midho ah.

18:33b.1KI.018.033 Oo qoryihiina si hagaagsan buu u saaray, oo dibigiina intuu jarjaray ayuu qoryihii dul saaray. Markaasuu yidhi, Afar barmiil biyo ka soo buuxiya oo ku dul shuba qurbaanka la gubo iyo qoryahaba.

18:34b.1KI.018.034 Oo haddana wuxuu ku yidhi, Sidii oo kale mar labaad yeela, iyana way yeeleen mar labaad. Oo haddana wuxuu ku yidhi, Sidii oo kale mar saddexaad yeela, oo iyana way yeeleen mar saddexaad.

18:35b.1KI.018.035 Oo biyihii waxay qulquleen meeshii allabariga hareeraheeda, oo xataa meeshii la qodayna wuxuu ka buuxshay biyo.

18:36b.1KI.018.036 Oo markii la gaadhay wakhtigii la bixin jiray allabarigii fiidnimada, Nebi Eliiyaah waa soo dhowaaday, oo wuxuu yidhi, Rabbiyow, Ibraahim iyo Isxaaq iyo Israa'iil Ilaahoodiiyow, maanta dalka Israa'iil ha lagu dhex ogaado inaad adigu Ilaah tahay, oo aan anna ahay addoonkaaga, iyo inaan waxyaalahan oo dhan eraygaaga ku sameeyey.

18:37b.1KI.018.037 Rabbiyow, i maqal oo i maqal, inay dadkanu ogaadaan inaad adigu Ilaah tahay Rabbiyow, iyo inaad qalbigooda soo celisay.

18:38b.1KI.018.038 Markaasaa Rabbiga dabkiisii soo dhacay oo wuxuu gubay allabariga la gubo, iyo qoryihii, iyo dhagxantii, iyo boodhkii, oo xataa biyihii godka ku jirayna ololkii baa leefay.

18:39b.1KI.018.039 Oo markii dadkii taas arkay ayay wejiga u wada dhaceen; oo waxay yidhaahdeen, Rabbigu isagu waa Ilaah, Rabbigu isagu waa Ilaah.

18:40b.1KI.018.040 Markaasaa Eliiyaah wuxuu ku yidhi iyagii, Nebiyada Bacal qabta oo midna yuusan ka baxsan. Oo iyana way soo qabteen; markaasaa Eliiyaah wuxuu iyagii keenay durdurka Qiishoon agtiisa, oo halkaasuu iyagii ku laayay.

18:41b.1KI.018.041 Markaasaa Eliiyaah wuxuu Axaab ku yidhi, War kac oo wax cun, oo wax cab, waayo, waxaa sanqadhaya roob badan!

18:42b.1KI.018.042 Markaasaa Axaab u kacay inuu wax cuno oo wax cabbo. Oo Eliiyaahna wuxuu fuulay Buur Karmel dusheeda, oo intuu foororsaday ayuu dhulka ku sujuuday oo wejigiisiina wuxuu geliyey lowyihiisa dhexdooda.

18:43b.1KI.018.043 Markaasuu midiidinkiisii ku yidhi, Bal tag oo badda xaggeeda fiiri. Kolkaasuu tegey oo wax fiiriyey, oo wuxuu yidhi, Waxba lama arko. Oo haddana wuxuu ku yidhi, Ku noqo toddoba jeer.

18:44b.1KI.018.044 Oo waxaa dhacday inuu markii toddobaad yidhi, Waxaa badda ka kacday daruur yar oo nin gacantiis le'eg. Isna wuxuu yidhi, Orod oo waxaad Axaab ku tidhaahdaa, War, gaadhifaraskaaga diyaarso oo dhaadhac, yaan roobku ku joojine.

18:45b.1KI.018.045 Oo wakhti yar dabadiis cirkii ayaa daruuro iyo dabayl la madoobaaday, oo waxaa jiray roob weyn. Oo Axaabna gaadhifaraskiisii buu fuulay, oo wuxuu tegey Yesreceel.Oo Eliiyaah waxaa la jiray gacantii Rabbiga, oo intuu guntigiisii dhexda ku giigsaday ayuu Axaab hor ordayay ilaa meeshii Yesreceel laga galo.

18:46b.1KI.018.046 Oo Eliiyaah waxaa la jiray gacantii Rabbiga, oo intuu guntigiisii dhexda ku giigsaday ayuu Axaab hor ordayay ilaa meeshii Yesreceel laga galo.

19

19:1b.1KI.019.001 Oo markaasaa Axaab wuxuu Yesebeel u sheegay kulli wixii Eliiyaah sameeyey oo dhan, iyo siduu nebiyadii oo dhan seef ugu laayay.

19:2b.1KI.019.002 Markaasaa Yesebeel farriin u dirtay Eliiyaah oo ku tidhi, Sidaas iyo si ka sii daranba ilaahyadu ha igu sameeyeen haddaanan berrito hadda oo kale naftaada ka dhigin sidii mid iyaga ka mid ah naftiisii.

19:3b.1KI.019.003 Oo isna markuu saas ogaaday ayuu kacay oo naftiisii la cararay, oo wuxuu yimid Bi'ir Shebac oo dalka Yahuudah ka mid ahaa, markaasuu midiidinkiisii halkaas kaga tegey.

19:4b.1KI.019.004 Laakiinse isagii intii maalin socodkeed ah ayuu cidlada sii dhex maray, oo intuu meel yimid ayuu hoos fadhiistay geed rotem la yidhaahdo; oo wuxuu weyddiistay inuu dhinto, oo yidhi, Rabbiyow, haatan waabase naftayda iga qaad, waayo, anigu kama aan fiicni awowayaashay.

19:5b.1KI.019.005 Markaasuu jiifsaday, oo hoos seexday geed rotem ah, kolkaasaa waxaa taabtay malaa'ig, oo waxay ku tidhi, Toos oo wax cun.

19:6b.1KI.019.006 Kolkaasuu wax fiiriyey oo wuxuu arkay kibis dhuxul lagu dubay iyo kusad biyo ah oo madaxiisa yaal. Markaasuu wax cunay oo wax cabbay oo haddana wuu iska jiifsaday.

19:7b.1KI.019.007 Markaasaa malaa'igtii Rabbigii mar labaad u timid, oo intay taabatay ayay ku tidhi, Toos oo wax cun, maxaa yeelay, sodcaalku waa kugu dheer yahay.

19:8b.1KI.019.008 Markaasuu toosay, oo wax cunay, oo wax cabbay, oo cuntadaas itaalkeedii ayuu ku socday afartan maalmood iyo afartan habeen ilaa uu gaadhay Xoreeb oo ahayd buurtii Ilaah.

19:9b.1KI.019.009 Oo intuu halkaas yimid ayuu god iska galay, oo halkaasuu baryay, oo bal eeg, waxaa isagii u yimid Eraygii Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi, Eliiyaah, maxaad halkan ka samaynaysaa?

19:10b.1KI.019.010 Isna wuxuu yidhi, Anigu Rabbiga ah Ilaaha ciidammada aawadiis ayaan aad ugu hinaasay; waayo, dadkii Israa'iil axdigaagii way ka tageen, oo meelahaagii allabarigana way dumiyeen, oo nebiyadaadiina seef bay ku laayeen; oo aniga keligay ayaa ka hadhay, oo waxay doonayaan inay naftayda iga qaadaan.

19:11b.1KI.019.011 Oo isna wuxuu ku yidhi, Ka bax, oo buurta fuul oo Rabbiga hortiisa istaag. Oo bal eeg, waxaa meeshaas soo maray Rabbiga, oo hortiisa ayaa dabayl weyn oo xoog badan buurihii kala jejebisay, dhagxantiina burburisay; laakiinse Rabbigu kuma jirin dabaysha; oo dabayshii dabadeedna waxaa jiray dhulgariir, oo Rabbiguna kuma jirin dhulgariirka.

19:12b.1KI.019.012 Oo dhulgariirkii dabadiisna waxaa jiray dab, laakiinse Rabbigu kuma jirin dabka, oo dabkii dabadiisna waxaa jiray cod yar oo gaaban.

19:13b.1KI.019.013 Oo markuu Eliiyaah taas maqlay, ayuu go'iisii wejiga ku duudduubtay oo dibadda u baxay, oo wuxuu istaagay meeshii godka laga soo geliyey. Oo bal eeg, markaasaa waxaa isagii u yimid cod leh, Eliiyaah, maxaad halkan ka samaynaysaa?

19:14b.1KI.019.014 Isna wuxuu yidhi, Anigu Rabbiga ah Ilaaha ciidammada aawadiis ayaan aad ugu hinaasay, waayo, dadkii Israa'iil axdigaagii way ka tageen, oo meelahaagii allabarigana way dumiyeen, oo nebiyadaadiina seef bay ku laayeen; oo aniga keligay ayaa ka hadhay, oo waxay doonayaan inay naftayda iga qaadaan.

19:15b.1KI.019.015 Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Tag, oo ku noqo jidkaagii cidlada Dimishaq; oo markaad Dimishaq gaadhid waa inaad Xasaa'eel u boqortaa dalka Suuriya.

19:16b.1KI.019.016 Oo Yeehuu ina Nimshiina waxaad u boqortaa dalka Israa'iil; oo Eliishaa ina Shaafaad oo ah reer Aabeel Mehoolaahna waa inaad u subagtaa inuu meeshaadii nebi ka ahaado.

19:17b.1KI.019.017 Oo markaasay waxay noqon doontaa in ninkii ka baxsada seefta Xasaa'eel uu Yeehuu dili doono; oo kii Yeehuu seeftiisa ka baxsadana waxaa dili doona Eliishaa.

19:18b.1KI.019.018 Laakiinse weliba waxaan daynayaa toddoba kun oo qof oo dalka Israa'iil ku jirta oo aan kulligood Bacal u jilbo joogsan oo aan midkoodna afkiisu Bacal dhunkan.

19:19b.1KI.019.019 Sidaas daraaddeed halkaas wuu ka tegey, oo wuxuu helay Eliishaa ina Shaafaad oo beer ku qodaya laba iyo toban qindi oo dibi ah ee ka horreeya isaga, oo isna wuxuu la jiray kii laba iyo tobnaad; markaasaa Eliiyaah isagii u soo gudbay oo go'iisii ayuu ku dul tuuray.

19:20b.1KI.019.020 Oo isna dibidii wuu ka tegey, markaasuu ka daba orday Eliiyaah oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye aan soo dhunkado aabbahay iyo hooyaday, oo dabadeedna waan ku raacayaa. Markaasuu isna wuxuu ku yidhi, Haddana noqo, waayo, maxaan kugu sameeyey?Markaasuu ka noqday isagii, oo wuxuu kaxeeyey qindigii dibida ahaa, wuuna qalay oo hilibkoodiina ku karshay alaabtii dibida, oo wuxuu siiyey dadkii, oo iyana way cuneen. Markaasuu kacay oo wuxuu raacay Eliiyaah, wuuna u adeegay isagii.

19:21b.1KI.019.021 Markaasuu ka noqday isagii, oo wuxuu kaxeeyey qindigii dibida ahaa, wuuna qalay oo hilibkoodiina ku karshay alaabtii dibida, oo wuxuu siiyey dadkii, oo iyana way cuneen. Markaasuu kacay oo wuxuu raacay Eliiyaah, wuuna u adeegay isagii.

20

20:1b.1KI.020.001 Oo Benhadad oo ahaa boqorkii Suuriya wuxuu soo urursaday ciidankiisii oo dhan, waxaana isaga la jiray laba iyo soddon boqor, iyo fardo iyo gaadhifardood; oo intuu soo kacay ayuu Samaariya hareereeyey, wuuna la diriray.

20:2b.1KI.020.002 Markaasuu magaaladii farriin u diray oo wuxuu boqorkii dalka Israa'iil oo Axaab ahaa ku yidhi, Anigoo Benhadad ah, waxaan kugu leeyahay,

20:3b.1KI.020.003 Lacagtaada iyo dahabkaaga anigaa iska leh, oo naagahaaga, iyo carruurtaada, xataa kuwa ugu fiican anigaa iska leh.

20:4b.1KI.020.004 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil ugu jawaabay, Boqorow, sayidkaygiiyow, waa sidaad u tidhi, oo aniga iyo waxayga oo dhanba adigaa iska leh.

20:5b.1KI.020.005 Oo wargeeyayaashii haddana way soo noqdeen oo waxay yidhaahdeen, Benhadad wuxuu kugu leeyahay, Xaqiiqa waan ku soo cid diray oo waxaan kugu idhi, Waa inaad ii soo dhiibto lacagtaada, iyo dahabkaaga, iyo naagahaaga, iyo carruurtaadaba,

20:6b.1KI.020.006 laakiinse berrito hadda oo kale waxaan kuu soo diri doonaa addoommadayda, oo waxay soo baadhi doonaan gurigaaga iyo guryaha addoommadaadaba, oo wax alla wixii kula wanaagsan gacantooday ku dhigi doonaan, wayna kaa soo qaadi doonaan.

20:7b.1KI.020.007 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil u soo yeedhay odayaashii dalka oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Waan idin baryayaaye, bal eega oo ogaada sida ninkanu iiga belaayo doonayo, waayo, wuxuu u soo cid dirsaday naagahayga iyo carruurtayda, iyo lacagtayda, iyo dahabkayga, oo anna uma aanan diidin.

20:8b.1KI.020.008 Markaasaa odayaashii oo dhan iyo dadkii oo dhammu waxay isagii ku yidhaahdeen, Ha dhegaysan, hana oggolaan.

20:9b.1KI.020.009 Sidaas daraaddeed wuxuu ku yidhi kuwii Benhadad warka ka keenay, Boqorka sayidkayga ah u sheega oo waxaad ku tidhaahdaan, Dhammaan wixii aad markii hore ii soo dirsatay anoo addoonkaaga ah, waan yeelayaa, laakiinse waxan yeeli kari maayo. Oo wargeeyayaashiina way ka tageen, oo haddana war kalay u keeneen isagii.

20:10b.1KI.020.010 Benhadad baa u soo cid diray oo ku yidhi, Sidaas iyo si ka sii daranba ilaahyadu ha igu sameeyeen haddii ciidda Samaariya sacab sacab u gaadho dadka ila socda oo dhan.

20:11b.1KI.020.011 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu ugu jawaabay, U sheega oo waxaad ku tidhaahdaan, Ka hubka dagaalka xidhaa yuusan u faanin sidii midka iska fura.

20:12b.1KI.020.012 Markii Benhadad farriintii maqlay, isagoo khamri teendhooyinka kula cabbaya boqorradii ayuu addoommadiisii ku yidhi, War weerar isu diyaariya. Oo iyana markaasay magaaladii weerar isugu diyaariyeen.

20:13b.1KI.020.013 Oo bal eeg, nebi baa u soo dhowaaday boqorkii dalka Israa'iil oo Axaab ahaa, oo wuxuu ku yidhi, War Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadkan faraha badan oo dhan ma aragtay? Bal ogow, kulligood adigaan maanta kuu soo gacangelinayaa, oo markaasaad ogaan doontaa inaan anigu ahay Rabbiga.

20:14b.1KI.020.014 Markaasaa Axaab wuxuu yidhi, Oo yuu iigu soo gacangelinayaa? Isna wuxuu yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Amiirradii gobollada addoommadooda ayaan kuugu soo gacangelinayaa. Oo haddana wuxuu yidhi, Oo dagaalka yaa bilaabaya? Wuxuu yidhi, Adiga.

20:15b.1KI.020.015 Markaasuu tiriyey amiirradii gobollada addoommadooda, oo waxay ahaayeen laba boqol iyo laba iyo soddon; oo dabadoodna wuxuu tiriyey dadkii oo dhan, oo dadkii dalka Israa'iil oo dhammu waxay noqdeen toddoba kun.

20:16b.1KI.020.016 Oo duhurkii ayay baxeen. Laakiinse Benhadad khamri buu cabbayay oo teendhooyinkii ku sakhraamayay, isaga iyo boqorradii la jirayba, kuwaasoo ahaa laba iyo soddonkii boqor oo isaga caawinayay.

20:17b.1KI.020.017 Oo waxaa markii hore soo baxay amiirradii gobollada addoommadoodii; oo Benhadadna cid buu diray, oo waxaa loo soo sheegay oo lagu yidhi, Rag baa Samaariya ka soo baxay.

20:18b.1KI.020.018 Isna wuxuu yidhi, Hadday nabad u soo baxeen iyo hadday dagaal u soo baxeenba iyagoo nool qabqabta.

20:19b.1KI.020.019 Sidaas daraaddeed kuwanu magaaladii way ka soo baxeen, waxayna ahaayeen amiirradii gobollada addoommadoodii iyo ciidankii iyaga daba socday.

20:20b.1KI.020.020 Oo kulligood mid waluba ninkiisii ayuu dilay; markaasaa ciidanka Suuriya cararay, oo ciidankii Israa'iilna way eryadeen; oo Benhadad oo ahaa boqorkii Suuriya faras buu fuulay oo rag fardooley ah la baxsaday.

20:21b.1KI.020.021 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil baxay oo baabbi'iyey fardihii iyo gaadhifardoodkii, oo ciidankii Suuriyana aad buu u laayay.

20:22b.1KI.020.022 Markaasaa nebigii u soo dhowaaday boqorkii dalka Israa'iil oo wuxuu ku yidhi, Tag oo soo xoogayso, oo bal ogow, oo eeg waxaad samaynaysid, waayo, markii sannaddu soo wareegto ayaa boqorka Suuriya kugu soo duuli doonaa.

20:23b.1KI.020.023 Oo boqorkii Suuriya addoommadiisii waxay isagii ku yidhaahdeen, War ilaahoodu waa ilaahii buuraha oo sidaas daraaddeed ayay inooga xoog bateen. Haddaba aynu bannaanka kula dirirno oo markaas hubaal waynu ka xoog badnaanaynaa.

20:24b.1KI.020.024 Oo waxaad yeeshaa, boqorrada nin walba meeshiisii ka saar, oo meeshoodii waxaad gelisaa taliyayaal.

20:25b.1KI.020.025 Oo waxaad tirsataa ciidan le'eg ciidankii kaa le'day, oo faras kasta meeshiisii faras geli, gaadhifaras kastana meeshiisii gaadhifaras geli; oo markaasaynu iyaga bannaanka kula diriraynaa, oo hubaal waynu ka adkaanaynaa, oo isna codkoodii buu maqlay oo saasuu yeelay.

20:26b.1KI.020.026 Oo markii sannaddii soo wareegtay ayaa Benhadad tiriyey ciidankii Suuriya, oo intuu Afeeq tegey ayuu la diriray ciidankii Israa'iil.

20:27b.1KI.020.027 Oo ciidankii Israa'iilna waa la tiriyey, oo saadkoodiina waa la siiyey, markaasay iyagii ka hor tageen; oo ciidankii Israa'iilna hortooday degeen iyagoo la moodo sidii laba xaymood oo yaryar oo waxarro ah, laakiinse ciidankii Suuriya dalkoo dhan bay buuxiyeen.

20:28b.1KI.020.028 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil waxaa u yimid oo la hadlay nin Ilaah, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Reer Suuriya waxay yidhaahdeen, Rabbigu waa Ilaahii buuraha, laakiinse ma aha Ilaahii dooxooyinka, oo sidaas daraaddeed dadkan faraha badan oo dhan adigaan ku soo gacangelinayaa, oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga.

20:29b.1KI.020.029 Oo intii toddoba maalmood ah ayay is-hor degganaayeen. Oo waxay noqotay in maalintii toddobaad dagaalkii bilaabmay, oo maalin keliya ayaa ciidankii Israa'iil waxay dadkii Suuriya ka laayeen boqol kun oo nin oo lug ah.

20:30b.1KI.020.030 Laakiinse intoodii kale Afeeq ayay u carareen oo magaaladay galeen, oo toddoba iyo labaatan kun oo nin oo ka hadhayna waxaa ku soo dhacay derbigii. Markaasaa Benhadad cararay oo magaaladuu galay isagoo ugu gudbaya qol ilaa qol.

20:31b.1KI.020.031 Oo addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, waxaannu maqalnay in boqorrada dalka Israa'iil yihiin boqorro naxariis badan, haddaba waannu ku baryaynaaye aannu joonyado guntanno, oo madaxana aannu xadhko ku duudduubanno, oo aannu boqorka dalka Israa'iil u baxno, waxaa laga yaabaa inuu naftaada badbaadiyee.

20:32b.1KI.020.032 Sidaas daraaddeed waxay guntadeen joonyado, madaxyadana waxay ku duudduubteen xadhko, oo waxay u yimaadeen boqorkii dalka Israa'iil, oo ku yidhaahdeen, Addoonkaagii Benhadad wuxuu kugu leeyahay, Waan ku baryayaaye maanta i bixi. Oo isna wuxuu ku yidhi, War miyuu weli nool yahay? Isagu waa walaalkay.

20:33b.1KI.020.033 Oo nimankiina aad bay ugu dadaaleen inay calaamad wanaagsan ka maqlaan, oo waxay ku dhaqsadeen inay qabsadaan in taasu maankiisa ku jirto iyo in kale, kolkaasay waxay ku yidhaahdeen, Benhadad waa walaalkaa. Isna wuxuu yidhi, Taga oo ii keena. Markaasaa Benhadad isagii u soo baxay, oo isna gaadhifaraskiisii ayuu soo fuushiyey.

20:34b.1KI.020.034 Markaasaa Benhadad wuxuu ku yidhi, Waan kuu celinayaa magaalooyinkii aabbahay aabbahaa ka dhacay, oo waxaad Dimishaq ka samaysataa jidad sidii aabbahay Samaariya uga samaystay oo kale. Axaabna wuxuu ku yidhi, Axdiganaan kugu sii daynayaa. Sidaasuu axdi ula dhigtay, wuuna iska sii daayay.

20:35b.1KI.020.035 Oo nin qoonkii nebiyada ka mid ah ayaa saaxiibkiis ku yidhi, War i dil, waan ku baryayaaye, taasuna waxay ahayd eray xagga Rabbiga ka yimid, laakiinse ninkii waa diiday inuu dilo.

20:36b.1KI.020.036 Kolkaasuu ku yidhi, Adigu ma aadan addeecin Eraygii Rabbiga oo sidaas daraaddeed bal ogow haddiiba markii aad iga tagto waxaa ku dili doona libaax. Oo haddiiba markuu isagii ka tegey ayaa waxaa helay libaax, wuuna dilay isagii.

20:37b.1KI.020.037 Oo haddana wuxuu helay nin kale, markaasuu ku yidhi, War waan ku baryayaaye i dil. Markaasaa ninkii intuu wax ku dhuftay dhaawacay.

20:38b.1KI.020.038 Markaasaa nebigii tegey oo boqorkii ku sugay jidka agtiisa, wuuna isku beddelay calalkiisii madaxa oo uu indhaha ku qariyey.

20:39b.1KI.020.039 Oo markii boqorkii soo ag maray ayuu boqorkii u qayliyey, oo wuxuu ku yidhi, Anigoo addoonkaaga ahu waxaan dhex galay dagaalkii, oo bal eeg nin baa igu soo leexday, nin buuna ii keenay, oo wuxuu igu yidhi, Ninkan dhawr; oo si kastaba ha noqotee haddii hadhow la waayo, naftaadaa loo qisaasayaa, ama haddii kaleto waxaad bixin doontaa talanti lacag ah.

20:40b.1KI.020.040 Oo anigoo addoonkaaga ah intii aan mashquul ku ahaa halkan iyo halkaas ayaa ninkii iska tegey. Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Xukunkaagu saasuu ahaanayaa, waayo, adaa goostay.

20:41b.1KI.020.041 Markaasuu dhaqsaday oo calalkiina indhihii ka qaaday, boqorkiina wuu gartay inuu isagu qoonkii nebiyada ka mid ahaa.

20:42b.1KI.020.042 Markaasuu isagii ku yidhi, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Ninkii aan baabba'a ku xukumay ayaad gacantaada ka sii daysay, oo sidaas daraaddeed naftaadu waxay u dhiman doontaa naftiisa, dadkaaguna dadkiisa.Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu u kacay gurigiisii isagoo calool xun, oo xanaaqsan, oo Samaariya buu yimid.

20:43b.1KI.020.043 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu u kacay gurigiisii isagoo calool xun, oo xanaaqsan, oo Samaariya buu yimid.

21

21:1b.1KI.021.001 Oo waxyaalahaas dabadood waxay noqotay in Naabood oo ahaa reer Yesreceel uu lahaa beer canab ah oo Yesreceel ku tiil ee uu dhowayd gurigii Axaab oo ahaa boqorkii Samaariya.

21:2b.1KI.021.002 Oo Axaab baa Naabood la hadlay, oo ku yidhi, Beertaada canabka ah i sii aan beer khudrad ah ka dhigtee, maxaa yeelay, waxay u dhow dahay gurigayga, oo adigana waxaan ku siinayaa beer canab ah oo iyada ka sii wanaagsan, amase haddii ay kula wanaagsan tahay, waxaan ku siinayaa qiimeheeda oo lacag ah.

21:3b.1KI.021.003 Markaasaa Naabood wuxuu Axaab ku yidhi, Ilaah ha iga hayo inaan dhaxalkii awowayaashay ku siiyo.

21:4b.1KI.021.004 Markaasaa Axaab wuxuu yimid gurigiisii isagoo calool xun oo ka xanaaqsan eraygii Naabood kii reer Yesreceel isaga kula hadlay; maxaa yeelay, wuxuu isaga ku yidhi, Ku siin maayo dhaxalkii awowayaashay. Markaasuu sariirtiisii jiifsaday, wuuna sii jeestay, oo diiday inuu wax cuno.

21:5b.1KI.021.005 Laakiinse naagtiisii Yesebeel ayaa u timid oo waxay ku tidhi, War maxaa naftaadu u qulubsan tahay oo aad kibis la cuni weyday?

21:6b.1KI.021.006 Markaasuu iyadii ku yidhi, Naa waxaan la hadlay Naabood kii reer Yesreceel, oo aan ku idhi, Beertaada canabka ah lacag iga siiso, ama haddii kale oo ay kula wanaagsan tahay waxaan kaa siisanayaa beer kale oo canab ah, oo isna wuxuu iigu jawaabay, Beertayda ku siin maayo.

21:7b.1KI.021.007 Markaasaa naagtiisii Yesebeel waxay ku tidhi, War miyaadan haatan u talin boqortooyada Israa'iil? Haddaba kac oo wax cun, oo qalbigaagana ka farxi; anigaa ku siinaya Naabood ka reer Yesreceel beertiisa canabka ah.

21:8b.1KI.021.008 Sidaas daraaddeed warqado ayay ku qortay Axaab magiciisii oo waxay ku shaabadaysay shaabaddiisii. Oo waxay warqadihii u dirtay odayaashii iyo kuwii gobta ahaa ee magaaladiisii Naabood la degganaa.

21:9b.1KI.021.009 Oo waxay warqadaha ku qortay oo ku tidhi, War waxaad naadisaan oo tidhaahdaan, Ha la soomo; oo Naaboodna dadka ka sarraysiiya.

21:10b.1KI.021.010 Oo hortiisana waxaad fadhiisisaan laba nin oo waxmatarayaal ah, oo iyana isaga ha ku marag fureen, oo ha ku yidhaahdeen, Adigu waxaad cayday Ilaah iyo boqorka. Markaas isaga dibadda u bixiya oo dhagaxyo la dhaca si uu u dhinto.

21:11b.1KI.021.011 Oo dadkii magaaladiisii la degganaa ee ahaa odayaashii iyo kuwii gobta ahaa waxay yeeleen sidii Yesebeel u soo fartay oo ahayd sidii ku qornayd warqadihii ay iyaga u dirtay.

21:12b.1KI.021.012 Waxay naadiyeen oo yidhaahdeen, Ha la soomo, oo Naaboodna ayay dadka ka sarraysiiyeen.

21:13b.1KI.021.013 Oo waxaa yimid oo hortiisa fadhiistay laba nin oo waxmatarayaal ah, markaasaa waxmatarayaashii Naabood ku marag fureen dadka hortiisii, oo waxay yidhaahdeen, Naabood wuxuu caayay Ilaah iyo boqorkaba. Markaasay isagii magaaladii ka saareen, oo waxay la dhaceen dhagaxyo, wuuna dhintay.

21:14b.1KI.021.014 Markaasay Yesebeel farriin u direen oo waxay ku yidhaahdeen, Naabood waa la dhagxiyey, wuuna dhintay.

21:15b.1KI.021.015 Markii Yesebeel ay maqashay in Naabood la dhagxiyey oo uu dhintay, ayay Yesebeel Axaab ku tidhi, War kac oo iska qaado beertii canabka ahayd oo Naabood kii reer Yesreceel ee uu hore inuu lacag kaa siisto kuugu diiday; waayo, haatan Naabood ma noola, wuuse dhintay.

21:16b.1KI.021.016 Oo markii Axaab maqlay in Naabood dhintay ayaa Axaab wuxuu u kacay inuu u dhaadhaco oo iska qaato beertii Naabood kii reer Yesreceel.

21:17b.1KI.021.017 Oo Eraygii Rabbiga ayaa u yimid Eliiyaah kii reer Tishbii, isagoo leh,

21:18b.1KI.021.018 War sara joogso, oo u dhaadhac boqorka dalka Israa'iil oo Axaab ah oo Samaariya deggan; oo bal eeg, wuxuu ku dhex jiraa beertii canabka ahayd oo Naabood, halkaasoo uu ugu dhaadhacay inuu iska qaato.

21:19b.1KI.021.019 Waa inaad isaga la hadashaa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, War ma wax baad dishay, oo haddana ma wax baad qaadatay? Oo haddana isaga waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Meeshii eeyuhu ka leefleefeen dhiiggii Naabood ayaa adiga dhiiggaagana eeyo ka leefleefi doonaan.

21:20b.1KI.021.020 Markaasaa Axaab wuxuu ku yidhi Eliiyaah, Cadowgaygiiyow, haddana ma i heshay? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Haah, waan ku helay, maxaa yeelay, waxaad isu iibisay inaad Rabbiga hortiisa wax shar ah ku samayso.

21:21b.1KI.021.021 Oo bal ogow, Axaabow, belaayo baan kugu soo dejin doonaa, oo farcankaaga waan kaa qaadi doonaa, oo waxaan kaa baabbi'in doonaa wiil kasta, ha ahaado mid kasta oo dalka Israa'iil ku dhex xidhan ama mid kasta oo ku dhex furan.

21:22b.1KI.021.022 Oo reerkaagana waxaan ka dhigi doonaa sidii reerkii Yaaraabcaam ina Nebaad iyo sidii reerkii Bacshaa ina Axiiyaah, sababtuna waxa weeye xanaaqii aad iga xanaajisay oo aad dadkii Israa'iilna dembaajisay aawadiis.

21:23b.1KI.021.023 Oo Yesebeelna Rabbigu wuu ka hadlay oo yidhi, Yesebeel eeyuhu waa ku cuni doonaan derbiga Yesreceel agtiisa.

21:24b.1KI.021.024 Oo Axaab dadkiisa kii magaalada kaga dhinta waxaa cuni doona eeyaha; oo kii duurka kaga dhintana waxaa cuni doona haadka samada.

21:25b.1KI.021.025 (Laakiinse lama arag qof Axaab la mid ah oo isu iibiyey inuu sameeyo wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kaasoo ay kicisay naagtiisii Yesebeel.

21:26b.1KI.021.026 Oo wax aad karaahiyo u ah ayuu sameeyey markuu sanamyo raacay oo uu u wada sameeyey siday sameeyeen reer Amor kii Rabbigu ka tuuray dadka Israa'iil hortooda.)

21:27b.1KI.021.027 Kolkii Axaab erayadaas maqlay ayuu dharkiisii jeexjeexay, oo joonyado guntaday, wuuna soomay, oo joonyado ku dhex seexday, oo aayar u socday.

21:28b.1KI.021.028 Oo haddana eraygii Rabbigu wuxuu u yimid Eliiyaah kii reer Tishbii oo ku yidhi,War sow uma jeeddid siduu Axaab hortayda isugu hoosaysiiyey? Sharka ku soo dejin maayo intuu isagu nool yahay, maxaa yeelay, isagu hortayduu isku hoosaysiiyey; laakiinse sharka waxaan reerkiisa ku soo dejin doonaa wakhtiga wiilkiisa.

21:29b.1KI.021.029 War sow uma jeeddid siduu Axaab hortayda isugu hoosaysiiyey? Sharka ku soo dejin maayo intuu isagu nool yahay, maxaa yeelay, isagu hortayduu isku hoosaysiiyey; laakiinse sharka waxaan reerkiisa ku soo dejin doonaa wakhtiga wiilkiisa.

22

22:1b.1KI.022.001 Oo intii saddex sannadood ah ayaanu dagaal dhex marin dadka Suuriya iyo dadka Israa'iil.

22:2b.1KI.022.002 Oo waxay noqotay sannaddii saddexaad in Yehooshaafaad oo dalka Yahuudah boqor ka ahaa u yimid boqorkii dalka Israa'iil.

22:3b.1KI.022.003 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil addoommadiisii ku yidhi, War miyeydnaan ogayn inaan iska leennahay Raamod Gilecaad? Oo annana waannu iska fadhinnaa, oo kalama aannu bixin gacantii boqorka Suuriya!

22:4b.1KI.022.004 Oo wuxuu Yehooshaafaad ku yidhi, Dagaal baan Raamod Gilecaad u tegayaaye ma i raacaysaa? Oo Yehooshaafaadna wuxuu boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Anigu kula mid baan ahay, oo dadkayguna waa dadkaagoo kale, fardahayguna waa fardahaagoo kale.

22:5b.1KI.022.005 Markaasaa Yehooshaafaad boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Waan ku baryayaaye bal maanta erayga Rabbiga wax weyddii.

22:6b.1KI.022.006 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil soo wada ururiyey nebiyadii oo ahaa in ku dhow afar boqol oo nin, oo wuxuu ku yidhi, Raamod Gilecaad dagaal ma u tagaa mise waan iska daayaa? Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Tag, waayo, Sayidku wuxuu iyada soo gelin doonaa gacantaada, boqorow.

22:7b.1KI.022.007 Laakiinse Yehooshaafaad wuxuu ku yidhi, Kuwan mooyaane miyaanu nebiga Rabbigu jirin aan wax weyddiinnee?

22:8b.1KI.022.008 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu Yehooshaafaad ku yidhi, Weli waxaa jira nin kale oo aan Rabbiga wax ka weyddiin karno, kaasuna waa Miikayhuu ina Yimlaah, laakiinse waan nebcahay, maxaa yeelay, isagu wax wanaagsan igama sheego wax xun mooyaane, oo Yehooshaafaadna wuxuu ku yidhi, Boqorow, saas ha odhan.

22:9b.1KI.022.009 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil u yeedhay mid sirkaal ah, oo wuxuu ku yidhi, Haddiiba ii keen Miikayhuu ina Yimlaah.

22:10b.1KI.022.010 Haddaba boqorkii dalka Israa'iil iyo Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah mid kastaaba wuxuu ku fadhiyey carshigiisii, isagoo dharkii boqornimada qaba, oo waxay fadhiyeen meel bannaan oo ku taal iridda Samaariya laga soo galo, oo nebiyadii oo dhammuna hortooday wax ku sii sheegayeen.

22:11b.1KI.022.011 Oo Sidqiyaah ina Kenacanaah ayaa samaystay geeso bir ah, oo wuxuu yidhi, Waxaa Rabbigu leeyahay, Kuwan waad ku hardiyi doontaa reer Suuriya ilaa ay wada baabba'aan.

22:12b.1KI.022.012 Oo nebiyadii oo dhammuna saasay sii wada sheegeen, iyagoo leh, Raamod Gilecaad tag oo guulayso, maxaa yeelay, Rabbigu wuu soo gelin doonaa gacantaada, boqorow.

22:13b.1KI.022.013 Oo wargeeyskii Miikayhuu loo diray inuu u soo yeedho wuu la hadlay oo ku yidhi, Bal eeg, nebiyadii war wanaagsan bay u sheegeen boqorkii, oo isku af bay ku wada hadleen. Haddaba waxaan kaa baryayaa in eraygaagu la mid noqdo eraygooda, oo adigu wax wanaagsan ku hadal.

22:14b.1KI.022.014 Markaasaa Miikayhuu yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye waxaan sheegayaa wax alla wixii Rabbigu igu yidhaahdo.

22:15b.1KI.022.015 Oo markuu boqorkii u yimid ayaa boqorkii ku yidhi, Miikayhuuyow, Raamod Gilecaad dagaal ma u tagnaa mase waannu iska daynaa? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Tag, oo ku soo guulayso; oo Rabbiguna iyaduu soo gelin doonaa gacantaada, boqorow.

22:16b.1KI.022.016 Markaasaa boqorkii isagii ku yidhi, Runta mooyaane wax kale inaadan magaca Rabbiga iigu sheegayn intee jeer baan ku dhaariyaa?

22:17b.1KI.022.017 Oo isna wuxuu yidhi, Waxaan arkay dadka Israa'iil oo dhan oo buuraha ku kala firdhay sidii ido aan adhijir lahayn, oo Rabbigu wuxuu yidhi, Kuwanu sayid ma leh ee nin waluba gurigiisii ha ku nabad noqdo.

22:18b.1KI.022.018 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil Yehooshaafaad ku yidhi, Miyaanan kuu sheegin inuusan wax wanaagsan iga sii sheegayn wax shar ah mooyaane?

22:19b.1KI.022.019 Markaasuu Miikayhuu yidhi, Haddaba erayga Rabbiga maqal, Waxaan arkay Rabbiga oo carshigiisa ku fadhiya oo ciidankii samada oo dhammuna taagan yihiin midigtiisa iyo bidixdiisa.

22:20b.1KI.022.020 Markaasaa Rabbigu yidhi, Kumaa Axaab soo sasabaya inuu Raamod Gilecaad tago oo halkaas ku dhinto? Oo mid sidanuu yidhi, mid kalena sidaasuu yidhi.

22:21b.1KI.022.021 Markaasaa ruux soo baxay, oo Rabbiga hortiisa istaagay oo yidhi, Anigaa soo sasabaya.

22:22b.1KI.022.022 Kolkaasaa Rabbigu ku yidhi, Sidee baad u soo sasabaysaa? Isna wuxuu yidhi, Anigu waan tegayaa oo waxaan noqonayaa ruux beenlow ah oo afka nebiyadiisa oo dhan ku jira. Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Adigu waad sasabi doontaa oo weliba waad ka adkaan doontaa, haddaba tag oo saas yeel.

22:23b.1KI.022.023 Haddaba bal eeg, Rabbigu afka nebiyadaadan oo dhan wuxuu geliyey ruux beenlow ah, oo Rabbigu wuxuu kaa sheegay wax belaayo ah.

22:24b.1KI.022.024 Markaasaa Sidqiyaah ina Kenacanaah intuu Miikayhuu u soo dhowaaday dhabanka ku dhuftay, oo wuxuu ku yidhi, War ruuxii Rabbigu xaggee buu iga maray inuu kula hadlo?

22:25b.1KI.022.025 Kolkaasaa Miikayhuu ku yidhi, Waad arki doontaa maalinta aad qol hoose u geli doonto inaad ku dhuumato.

22:26b.1KI.022.026 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil yidhi, Miikayhuu qabta oo u celiya Aamoon oo ah taliyaha magaalada, iyo Yoo'aash oo ah ina boqor;

22:27b.1KI.022.027 oo waxaad ku tidhaahdaan, Boqorkii wuxuu leeyahay, Ninkan xabsiga geliya, oo waxaad ku quudisaan kibis dhib ah, oo waxaad ka waraabisaan biyo dhib ah, ilaa aan soo nabad noqdo.

22:28b.1KI.022.028 Markaasaa Miikayhuu ku yidhi, Sinaba haddaad ku soo nabad noqotid, Rabbigu igama dhex hadlin. Oo wuxuu kaloo yidhi, Dadkoo dhammow, maqla.

22:29b.1KI.022.029 Markaasay boqorkii dalka Israa'iil iyo Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah Raamod Gilecaad u kaceen.

22:30b.1KI.022.030 Oo boqorkii dalka Israa'iil wuxuu Yehooshaafaad ku yidhi, Anigu waan ismidab qarinayaa, oo dagaalkaan dhex gelayaa; laakiinse adigu dharkaaga xidho. Oo boqorkii dalka Israa'iil wuu ismidab qariyey oo dagaalkuu dhex galay.

22:31b.1KI.022.031 Haddaba boqorkii dalka Suuriya wuxuu amray laba iyo soddonkii sirkaal oo u taliyey gaadhifardoodkiisa, oo ku yidhi, Mid weyn iyo mid yar toona ha la diririna boqorka dalka Israa'iil oo keliya mooyaane.

22:32b.1KI.022.032 Oo markii saraakiishii gaadhifardoodku ay Yehooshaafaad arkeen ayay isyidhaahdeen, Hubaal kanu waa boqorkii dalka Israa'iil, markaasay ku leexdeen inay la diriraan aawadeed; kolkaasaa Yehooshaafaad qayliyey.

22:33b.1KI.022.033 Oo markii saraakiishii gaadhifardoodku ay arkeen inuusan ahayn boqorkii dalka Israa'iil ayay dib uga noqdeen.

22:34b.1KI.022.034 Oo nin baa intuu qaansadiisii xooday kama' ahaan fallaadh u ganay, oo wuxuu boqorkii dalka Israa'iil kaga dhuftay meesha dharkiisa dagaalku isaga yimaadeen. Markaasuu boqorku kii gaadhifaraskiisa kaxaynayay ku yidhi, Gacantaada leexi, oo ciidanka iga dhex bixi, waayo, aad baan u dhaawacmay.

22:35b.1KI.022.035 Oo maalintaas dagaalkii waa sii kordhay, oo boqorkiina gaadhifaraskiisii ayaa la dhex taagay, isagoo ka hor jeeda dadkii Suuriya, oo wuxuu dhintay makhribkii, oo dhiiggii dhaawaca ka baxay wuxuu iska dareerayay gaadhifaraska salkiisa.

22:36b.1KI.022.036 Oo markii qorraxdu sii dhacaysay ayaa qaylo ka dhex baxday ciidankii oo dhan, oo waxay lahaayeen, War nin waluba ha tago magaaladiisii iyo waddankiisiiba.

22:37b.1KI.022.037 Oo sidaasuu boqorkii u dhintay, oo waxaa la keenay Samaariya, oo waxaana boqorkii lagu aasay Samaariya.

22:38b.1KI.022.038 Oo gaadhifaraskii waxaa lagu maydhay balligii Samaariya agtiisa, oo dhiiggiisiina eeyahaa leefleefay, oo waxay noqotay siduu ahaa eraygii Rabbigu ku hadlay. (Haddaba dhillooyinkii halkaasay isku maydheen.)

22:39b.1KI.022.039 Haddaba Axaab falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo gurigii uu dhisay oo foolka maroodiga ahaa, iyo magaalooyinkii uu dhisay oo dhammuba sow kuma wada qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

22:40b.1KI.022.040 Markaasuu Axaab dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo wiilkiisii Axasyaah ayaa meeshiisii boqor ka noqday.

22:41b.1KI.022.041 Oo Yehooshaafaad ina Aasaa wuxuu boqor ka noqday dalka Yahuudah boqorkii dalka Israa'iil oo Axaab ahaa sannaddiisii afraad.

22:42b.1KI.022.042 Oo Yehooshaafaad markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo soddon sannadood. Oo Yeruusaalemna shan iyo labaatan sannadood boqor buu ku ahaa, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Casuubaah ina Shilxii.

22:43b.1KI.022.043 Oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis Aasaa ku socday oo dhan, oo geesna ugama uu leexan, oo wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa ayuu sameeyey. Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in, oo dadkuna weli way ku allabaryi jireen, fooxna way ku shidi jireen meelihii sare.

22:44b.1KI.022.044 Oo Yehooshaafaadna nabad buu la dhigtay boqorkii dalka Israa'iil.

22:45b.1KI.022.045 Haddaba Yehooshaafaad falimihiisii kale, iyo xooggiisii uu muujiyey, iyo sidii uu u dagaallamayba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

22:46b.1KI.022.046 Oo makhnuudyadii intii wakhtigii aabbihiis Aasaa ka hadhayna dalka wuu ka wada eryay.

22:47b.1KI.022.047 Oo Edomna boqor ma lahayn, laakiinse waxaa u talin jiray boqor-ku-xigeen.

22:48b.1KI.022.048 Oo Yehooshaafaadna wuxuu samaystay doonniyo Tarshiish inay Oofir tagaan oo dahab u doonaan aawadeed, laakiinse halkaas ma ay tegin, maxaa yeelay, doonniyihii waxay ku burbureen Cesyoon Geber agteeda.

22:49b.1KI.022.049 Markaasaa Axasyaah oo ahaa ina Axaab ayaa Yehooshaafaad ku yidhi, Addoommadaydu addoommadaada doonniyaha ha la raaceen, laakiinse Yehooshaafaad wuu diiday taas.

22:50b.1KI.022.050 Oo Yehooshaafaadna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii awowgiis Daa'uud; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yehooraam.

22:51b.1KI.022.051 Oo Axasyaah oo ahaa ina Axaab wuxuu dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday sannaddii toddoba iyo tobnaad oo Yehooshaafaad boqorkii dalka Yahuudah, oo laba sannadood buu dalka Israa'iil boqor ka ahaa.

22:52b.1KI.022.052 Oo isna wuxuu sameeyey waxa Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis maray, iyo jidkii hooyadiis martay, iyo jidkii Yaaraabcaam ina Nebaad maray, ee uu dadkii Israa'iil dembaajiyey.Oo isna wuxuu u adeegay Bacal, wuuna caabuday isagii, oo weliba Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iilna wuu ka xanaajiyey, sidii aabbihiis sameeyey oo kale.

22:53b.1KI.022.053 Oo isna wuxuu u adeegay Bacal, wuuna caabuday isagii, oo weliba Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iilna wuu ka xanaajiyey, sidii aabbihiis sameeyey oo kale.


Holder of rights
Multilingual Bible Corpus

Citation Suggestion for this Object
TextGrid Repository (2025). Somali Collection. 1 Kings (Somali). 1 Kings (Somali). Multilingual Parallel Bible Corpus. Multilingual Bible Corpus. https://hdl.handle.net/21.11113/0000-0016-B802-6