Exodus (Somali)

Exodus (Somali)

1

1:1b.EXO.001.001 Haddaba waa kuwan magacyadii wiilashii Israa'iil, oo Masar yimid; nin walba iyo reerkiisiiba waxay la yimaadeen Yacquub.

1:2b.EXO.001.002 Ruubeen, Simecoon, Laawi iyo Yahuudah,

1:3b.EXO.001.003 Isaakaar, Sebulun, iyo Benyaamiin,

1:4b.EXO.001.004 Daan iyo Naftaali, iyo Gaad iyo Aasheer.

1:5b.EXO.001.005 Oo dadkii ka soo go'ay xanjaadkii Yacquub oo dhammu waxay ahaayeen toddobaatan qof; Yuusufna Masar buu markii hore joogay.

1:6b.EXO.001.006 Yuusufna, iyo walaalihiis, iyo farcankaas oo dhanba way wada dhinteen.

1:7b.EXO.001.007 Oo reer binu Israa'iilna waa bateen, oo aad bay u kordheen, wayna tarmeen, oo aad iyo aad u xoogaysteen; dhulkiina way buuxiyeen.

1:8b.EXO.001.008 Haddaba Masar waxaa ka kacay boqor cusub oo aan Yuusuf aqoonin.

1:9b.EXO.001.009 Markaasuu wuxuu dadkiisii ku yidhi, Bal eega, dadkii reer binu Israa'iil waa inaga badan yihiin, wayna inaga xoog weyn yihiin.

1:10b.EXO.001.010 Kaalaya, aynu si caqli ah ula macaamiloonnee; waaba intaasoo ay tarmaan, oo ay markuu dagaal dhaco cadaawayaasheenna inoogu darmadaan, oo intay inala diriraan ay dalka ka baxaane.

1:11b.EXO.001.011 Haddaba sidaas daraaddeed ayay niman madax uga dhigeen si ay culaabtooda ugu dhibaan, oo waxay Fircoon u dhiseen magaalooyin wax lagu kaydiyo oo la yidhaahdo Fitom iyo Racmeses.

1:12b.EXO.001.012 Laakiinse in kastoo ay aad u dhibeen, haddana aad bay u sii tarmeen, oo aad bay u faafeen. Oo reer binu Israa'iil aawadood ayay la murugaysnaayeen.

1:13b.EXO.001.013 Oo Masriyiintiina waxay reer binu Israa'iil ku qasbeen inay qaxar ku adeegaan,

1:14b.EXO.001.014 oo waxay naftoodii ku dhibeen hawl aad u adag, oo ahayd dhoobo la qaso, iyo leben, iyo hawl kasta oo beeraha laga qabto, oo hawl kastoo ay ku qasbeen inay qabtaanba way ku qaxri jireen.

1:15b.EXO.001.015 Markaasaa boqorkii Masar wuxuu la hadlay umulisooyinkii Cibraaniyadaha ahaa, oo middood magaceeda Shifraah la odhan jiray, tan kale magaceedana Fuwah la odhan jiray,

1:16b.EXO.001.016 oo wuxuu ku yidhi, Markii aad umulinaysaan naagaha Cibraaniyadaha, oo aad aragtaan iyagoo gambarka umusha fadhiya, haddii uu wiil yahay, waa inaad dishaan, haddayse gabadh tahay, ha iska noolaato.

1:17b.EXO.001.017 Laakiinse umulisooyinkii Ilaah bay ka cabsadeen, mana ay samayn wixii boqorkii Masar ku amray, ee way badbaadiyeen carruurtii labka ahayd.

1:18b.EXO.001.018 Markaasaa boqorkii Masar u yeedhay umulisooyinkii, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad waxan u samayseen, oo aad u badbaadiseen carruurtii labka ahayd?

1:19b.EXO.001.019 Markaasaa umulisooyinkii waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Maxaa yeelay, naagaha Cibraaniyaduhu la mid ma aha naagaha Masriga, oo waa ka dhaqso badan yihiin, oo intii aan umulisooyinku u iman bay umulaan.

1:20b.EXO.001.020 Haddaba Ilaah si wanaagsan buu u sameeyey umulisooyinkii, dadkiina waa tarmay, oo aad bay u xoogaysteen.

1:21b.EXO.001.021 Oo waxay noqotay, in Ilaah umulisooyinkii reero u yeelay, maxaa yeelay, Ilaah bay ka cabsadeen.Markaasaa Fircoon wuxuu dadkiisii ku amray, oo ku yidhi, Wiil kasta oo dhasha waa inaad webiga ku tuurtaan, laakiinse gabadh kasta waa inaad badbaadisaan.

1:22b.EXO.001.022 Markaasaa Fircoon wuxuu dadkiisii ku amray, oo ku yidhi, Wiil kasta oo dhasha waa inaad webiga ku tuurtaan, laakiinse gabadh kasta waa inaad badbaadisaan.

2

2:1b.EXO.002.001 Markaasaa waxaa tegey nin reer Laawi ah, oo wuxuu guursaday gabadh reer Laawi iyana ah.

2:2b.EXO.002.002 Markaasay naagtii uuraysatay oo waxay dhashay wiil; oo markay aragtay inuu ilmo wanaagsan yahay, ayay qarisay in saddex bilood ah.

2:3b.EXO.002.003 Oo markay in dambe qarin kari weyday, ayay waxay soo qaadday abxad caws duur ah, oo intay dhoobo iyo daamur ku malaastay ayay wiilkii ku ridday, oo waxay dhex gelisay duur webiga qarkiisa ka baxay.

2:4b.EXO.002.004 Walaashiisna waxay taagnayd meel ka fog, inay ogaato waxa isaga lagu samayn doono.

2:5b.EXO.002.005 Markaasaa gabadhii Fircoon webiga timid inay ku maydhato. Gabdhihii addoommada u ahaana waxay socdeen webigii dhinaciisa. Markaasay iyadu waxay aragtay abxadda duurka ku dhex jirta, oo waxay u diratay gabadhii addoonta u ahayd inay u keento.

2:6b.EXO.002.006 Markaasay furtay, oo waxay aragtay wiilkii; oo bal eeg, yarkii waa ooyay. Kolkaasay u naxariisatay, oo waxay tidhi, Kanu waa carruurtii Cibraaniyada midkood.

2:7b.EXO.002.007 Markaasaa walaashiis waxay gabadhii Fircoon ku tidhi, Ma kuugu yeedhaa naagaha Cibraaniyadaha middood inay kuu nuujiso ilmaha?

2:8b.EXO.002.008 Gabadhii Fircoonna waxay ku tidhi iyadii, Haah, tag. Gabadhiina way tagtay oo waxay u yeedhay yarkii hooyadiis.

2:9b.EXO.002.009 Markaasaa gabadhii Fircoon waxay ku tidhi iyadii, Tag, oo ilmahan qaad oo ii nuuji, oo anna waxaan ku siin doonaa mushahaaradaada. Markaasay naagtii yarkii qaadday oo nuujisay.

2:10b.EXO.002.010 Yarkiina waa koray, markaasay u keentay gabadhii Fircoon, oo wuxuu noqday wiilkeedii. Oo waxay magiciisii u bixisay Muuse, oo waxay tidhi, Maxaa yeelay, anaa biyihii ka soo bixiyey.

2:11b.EXO.002.011 Oo waayahaas, markii Muuse weynaaday, waxay noqotay inuu walaalihiis u soo baxay, oo uu fiiriyey culaabta saaran. Markaasuu wuxuu arkay mid Masri ah oo dilaya mid Cibraani ah oo walaalihiis ka mid ah.

2:12b.EXO.002.012 Markaasuu iska fiiriyey xagga iyo xagga, oo markuu arkay inaan ciduna joogin ayuu Masrigii kaw kaga siiyey, oo ciidda ku qariyey.

2:13b.EXO.002.013 Markaasuu haddana maalintii labaad soo baxay, oo wuxuu arkay laba nin oo Cibraaniyo ah oo isla diriraya; oo kii gardarnaa buu wuxuu ku yidhi, War maxaad u dilaysaa wadaygaa?

2:14b.EXO.002.014 Markaasuu wuxuu yidhi, Bal yaa amiir iyo xaakin nooga kaa dhigay? Ma waxaad doonaysaa inaad ii disho sidaad u dishay Masriga? Markaasaa Muuse cabsaday, oo wuxuu isyidhi, Hubaal wixii waa la ogaaday.

2:15b.EXO.002.015 Haddaba markii Fircoon waxaas maqlay, ayuu wuxuu doondoonay inuu Muuse nafta ka qaado. Laakiinse Muuse waa ka cararay Fircoon hortiisii, oo wuxuu degay dalka Midyaan, oo ceel buu ag fadhiistay.

2:16b.EXO.002.016 Haddaba wadaadkii Midyaan wuxuu lahaa toddoba gabdhood. Intay ceelkii yimaadeen ayay dhaamiyeen oo berkedihii biyo ka buuxiyeen inay waraabiyaan idihii aabbahood.

2:17b.EXO.002.017 Markaasaa adhijirro yimaadeen oo ka eryeen, laakiinse Muuse intuu istaagay, ayuu caawiyey iyagii, oo idahoodii u waraabiyey.

2:18b.EXO.002.018 Oo markay u yimaadeen Recuu'eel oo aabbahood ah ayuu wuxuu ku yidhi, Waa sidee, maanta waad soo dhaqsateene?

2:19b.EXO.002.019 Markaasay waxay yidhaahdeen, Midkoo Masri ah ayaa naga samatabbixiyey gacantii adhijirrada, oo weliba biyuu noo dhaamiyey oo idaha isagaa noo waraabiyey.

2:20b.EXO.002.020 Markaasuu wuxuu gabdhihiisii ku yidhi, Isagii meeyey? De maxaad ninkii uga soo kacdeen? U yeedha, kibis ha cunee.

2:21b.EXO.002.021 Muusena raalli buu ka ahaa inuu ninkaas la joogo, oo isagu wuxuu Muuse siiyey gabadhiisii Siforaah.

2:22b.EXO.002.022 Oo waxay u dhashay wiil, markaasuu magiciisii wuxuu u bixiyey Gershoom, waayo, wuxuu yidhi, Qariib baan ku ahaa dal qalaad.

2:23b.EXO.002.023 Oo waxay noqotay in waayahaas badan dabadeed uu boqorkii Masar iska dhintay, reer binu Israa'iilna addoonnimada aawadeed ayay ula taaheen, oo way ooyeen, oo oohintoodiina waxay gaadhay Ilaah addoonnimada aawadeed.

2:24b.EXO.002.024 Ilaahna waa maqlay cabaadkoodii, markaasaa Ilaah xusuustay axdigiisii uu la dhigtay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub.Markaasaa Ilaah arkay reer binu Israa'iil, Ilaahna wuu ogaaday xaalkoodii.

2:25b.EXO.002.025 Markaasaa Ilaah arkay reer binu Israa'iil, Ilaahna wuu ogaaday xaalkoodii.

3

3:1b.EXO.003.001 Muuse wuxuu ilaalinayay adhigii soddoggiis Yetroo oo ahaa wadaadkii Midyaan, oo wuxuu adhigii u soo kexeeyey meeshii cidlada ahayd shishadeeda, markaasuu wuxuu yimid buurtii Ilaah oo ahayd Xoreeb.

3:2b.EXO.003.002 Markaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay uga muuqatay dab ololaya oo ka baxaya geed dhexdiis, kolkaasuu fiiriyey oo wuxuu arkay geedkii oo ololaya oo dabku gubayo, geedkuna ma basayn.

3:3b.EXO.003.003 Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Anigu waan ku leexan doonaa, waanan arki doonaa muuqashadan weyn, iyo waxa geedku u guban waayay.

3:4b.EXO.003.004 Oo markuu Rabbigu arkay inuu ku soo leexday inuu arko ayaa Ilaah uga yeedhay geedka dhexdiisii, oo wuxuu ku yidhi, Muusow, Muusow. Markaasuu yidhi, Waa i kan.

3:5b.EXO.003.005 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Halkan ha u soo dhowaan, kabahana iska siib, waayo, meesha aad taagan tahay waa dhul quduus ah.

3:6b.EXO.003.006 Oo weliba wuxuu kaloo ku yidhi, Anigu waxaan ahay Ilaahii aabbahaa oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub. Markaasaa Muuse wejigiisii qariyey, waayo, wuxuu ka cabsaday inuu Ilaah eego.

3:7b.EXO.003.007 Rabbiguna wuxuu ku yidhi, Hubaal waxaan arkay dhibaatada dadkayga ku haysata Masar, oo waan maqlay oohintii ay ooyeen kuwa hawsha ku qaxraya aawadood, waayo, anigu waan ogahay caloolxumadooda;

3:8b.EXO.003.008 oo waxaan u imid inaan ka samatabbixiyo gacanta Masriyiinta, iyo inaan ka soo bixiyo dhulkaas, oo keeno dhul wanaagsan oo ballaadhan, oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan; waana meesha ay deggan yihiin reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus.

3:9b.EXO.003.009 Oo haatan bal eeg, waxaa i hor timid oohintii reer binu Israa'iil, oo weliba waxaan arkay cadaadinta ay Masriyiintu ku cadaadinayaan iyaga.

3:10b.EXO.003.010 Haddaba kaalay, oo waxaan kuu dirayaa Fircoon, inaad dalka Masar ka soo kaxaysid dadkayga reer binu Israa'iil ah.

3:11b.EXO.003.011 Markaasaa Muuse wuxuu Ilaah ku yidhi, Bal yaan ahay anigu, markaan Fircoon u tegayo, oo aan reer binu Israa'iil ka soo bixinayo dalka Masar?

3:12b.EXO.003.012 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Xaqiiqa anigaa kula jiraya, oo taasaa calaamo kuu noqonaysa, inaan anigu ku soo diray; markii aad dadka ka soo bixiso Masar, Ilaah baad buurtan ugu adeegi doontaan.

3:13b.EXO.003.013 Markaasaa Muuse wuxuu Ilaah ku yidhi, Bal eeg, markii aan u tago reer binu Israa'iil, oo aan ku idhaahdo iyaga, Ilaahii awowayaashiin baa ii soo kiin diray, oo iyaga waxay igu odhan doonaan, De magiciisa maxaa la yidhaahdaa? Haddaba maxaan ku odhan doonaa?

3:14b.EXO.003.014 Markaasaa Ilaah wuxuu Muuse ku yidhi, ANIGU WAXAAN AHAY KAAN AHAY; oo weliba wuxuu ku yidhi, Waxaad ku odhan doontaa reer binu Israa'iil, WAAN AHAY baa ii soo kiin diray.

3:15b.EXO.003.015 Oo Ilaah weliba wuxuu kaloo Muuse ku yidhi, Waxaad ku tidhaahdaa reer binu Israa'iil, Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub ayaa ii soo kiin diray; kanu waa magacayga weligay, oo laygu xusuusto ka ab ka ab.

3:16b.EXO.003.016 Bal tag, oo isu soo ururi waayeellada reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub ayaa ii muuqday, isagoo leh, Hubaal waan idin soo booqday, oo waan arkay waxa laydinku sameeyey Masar dhexdeeda,

3:17b.EXO.003.017 oo waxaan idhi, Anigu waan idinka soo wadi doonaa dhibaatada Masar, oo waxaan idin keeni doonaa dalka reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

3:18b.EXO.003.018 Oo codkaaga way maqli doonaan, markaas adiga iyo waayeellada reer binu Israa'iil waa inaad u tagtaan boqorka Masar, oo waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyada ayaa nala kulmay. Haddaba waan ku baryaynaaye, Iska kaaya daa aannu meel saddex maalmood loo socdo oo cidla ah tagnee, inaannu allabari u bixinno Rabbiga ah Ilaahayo.

3:19b.EXO.003.019 Oo anna waxaan ogahay inaanu boqorka Masar idiin sii daynayn inaad tagtaan, maya, ee wuxuuna idiinku diidayaa gacan xoog leh.

3:20b.EXO.003.020 Markaasaan gacantayda soo kala bixin doonaa, oo waxaan Masar ku layn doonaa cajaa'ibyadayda oo dhan oo aan ku dhex samayn doono iyada, oo markaas dabadeed wuu idin sii dayn doonaa inaad iska tagtaan.

3:21b.EXO.003.021 Oo anigu dadkan raalli baan uga yeeli doonaa Masriyiinta; oo waxay noqon doontaa in markii aad tagtaan aydnaan faromadhnaan ku tegin,laakiinse naag waluba ha weyddiisato deriskeeda iyo tan guriga la joogta alaab lacag ah iyo alaab dahab ah, iyo dhar; waxaadna saari doontaan wiilashiinna iyo gabdhihiinna, oo waxaad dhici doontaan Masriyiinta.

3:22b.EXO.003.022 laakiinse naag waluba ha weyddiisato deriskeeda iyo tan guriga la joogta alaab lacag ah iyo alaab dahab ah, iyo dhar; waxaadna saari doontaan wiilashiinna iyo gabdhihiinna, oo waxaad dhici doontaan Masriyiinta.

4

4:1b.EXO.004.001 Markaasaa Muuse jawaabay oo wuxuu yidhi, Laakiinse, bal ogow, ima ay rumaysan doonaan, codkaygana ma ay dhegaysan doonaan, waayo, waxay igu odhan doonaan, Rabbigu kuuma uu muuqanin.

4:2b.EXO.004.002 Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Waa maxay waxaas gacantaada ku jiraa? Oo wuxuu yidhi, Waa ul.

4:3b.EXO.004.003 Markaasuu ku yidhi, Bal dhulka ku tuur. Markaasuu dhulka ku tuuray, oo waxay noqotay abeeso. Kolkaasaa Muuse ka hor cararay.

4:4b.EXO.004.004 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal gacanta soo fidi oo dabada ku dheg, kolkaasuu gacantii soo fidiyey oo dabada ku dhegay, kolkaasay noqotay ul gacantiisa ku jirta.

4:5b.EXO.004.005 Sidaas yeel inay ku rumaystaan inuu kuu muuqday Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood, oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub.

4:6b.EXO.004.006 Oo Rabbigu wuxuu kaloo ku sii yidhi isagii, Bal gacanta laabta saar, markaasuu gacanta laabta saaray, oo markii uu ka qaaday, bal eeg, gacantii baras bay yeelatay oo waxay u caddaatay sida baraf cad.

4:7b.EXO.004.007 Markaasuu ku yidhi, Bal gacanta laabta mar kale saar. Kolkaasuu mar kale gacantii laabta saaray, oo markii uu ka qaaday laabtii, bal eeg, waxay haddana u rogmatay oo u ekaatay sida jidhkiisii kale.

4:8b.EXO.004.008 Oo waxay noqon doontaa, hadday kugu rumaysan waayaan oo ay calaamada hore codkeeda maqli waayaan, de markaas calaamada dambe codkeeday rumaysan doonaan.

4:9b.EXO.004.009 Oo haddana waxay noqon doontaa, hadday rumaysan waayaan labadan calaamo, oo weliba ay codkaaga maqli waayaan, de markaas bal waa inaad webiga biyo ka qaaddid oo aad dhulka engegan ku shubtid, oo biyihii aad webiga ka qaadday, markay gaadhaan dhulka engegan dhiig bay noqon doonaan.

4:10b.EXO.004.010 Markaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, Rabbiyow, anigu codkar ma ahi, hadda iyo hore toona, iyo tan iyo markaad ila hadashay anigoo addoonkaaga ah, maxaa yeelay, anigu hadalka waan shigaa, waanan carrab la'ahay.

4:11b.EXO.004.011 Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Kan dadka afkiisa sameeyey waa ayo? Yaase dadka carrab tira, ama dhego tira, ama wax tusa, ama indho tira? Sow anigan Rabbiga ah ma aha?

4:12b.EXO.004.012 Haddaba sidaas daraaddeed tag, oo anigaa afkaaga la jiri doona oo ku bari doona wixii aad ku hadli lahayd.

4:13b.EXO.004.013 Isna wuxuu yidhi, Rabbiyow, Waan ku baryayaaye, dir kaad doonaysid inaad dirtid.

4:14b.EXO.004.014 Markaasaa Rabbigu u cadhooday Muuse, oo wuxuu ku yidhi, Sow ma joogo walaalkaa Haaruun oo ah reer Laawi? Waan ogahay inuu isagu si wanaagsan u hadli karo. Oo bal ogow, wuu u soo socdaa inuu kula kulmo, oo markuu ku arko, qalbigiisuu ka farxi doonaa.

4:15b.EXO.004.015 Haddaba waa inaad isaga la hadashaa, oo aad erayada afkiisa ku riddaa, oo anigu afkaagaan la jiri doonaa, iyo afkiisaba, oo waxaan idin barayaa wixii aad samayn lahaydeen.

4:16b.EXO.004.016 Oo isagu wuxuu kuu noqon doonaa ninka dadka kuula hadla, oo waxay noqon doontaa inuu isagu af kuu noqdo, adna waxaad isaga u noqon doontaa Ilaah oo kale.

4:17b.EXO.004.017 Haddaba waa inaad gacanta ku qaadatid ushan aad cajaa'ibyada ku samayn doontid.

4:18b.EXO.004.018 Markaasaa Muuse tegey oo wuxuu ku noqday soddoggiis Yetroo, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, Bal i sii daa aan tagee, oo ku noqdo walaalahayga Masar jooga, oo aan soo arkee bal inay nool yihiin iyo in kale. Markaasaa Yetroo wuxuu Muuse ku yidhi, Nabad ku tag.

4:19b.EXO.004.019 Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi Muuse, isagoo Midyaan jooga, Tag, oo Masar ku noqo, waayo, dadkii doondoonayay inay nafta kaa qaadaan way wada dhinteen.

4:20b.EXO.004.020 Markaasaa Muuse wuxuu watay naagtiisii iyo wiilashiisii, oo wuxuu saartay dameer, wuxuuna ku noqday dalkii Masar. Markaasaa Muuse ushii Ilaah gacanta ku qaatay.

4:21b.EXO.004.021 Rabbiguna wuxuu Muuse ku yidhi, Markii aad Masar ku noqotid, cajaa'ibyadii aan gacantaada ku riday oo dhan Fircoon hortiisa ku samee, laakiinse anigu qalbigiisaan qallafin doonaa, oo dadka ma uu sii dayn doono inay tagaan.

4:22b.EXO.004.022 Oo waxaad Fircoon ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu yidhi, Israa'iil waa wiilkayga curadka ah,

4:23b.EXO.004.023 oo waxaan adiga kugu idhi, Wiilkayga sii daa, ha tagee oo ha ii adeegee. Adiguse waad u diiday inuu tago. Bal hadda ogow, waxaan dili doonaa wiilkaaga curadka ah.

4:24b.EXO.004.024 Intay jidka sii socdeen meel bay ku habeen dhexeen, Rabbi baana ugu yimid, oo wuxuu damcay inuu dilo isaga.

4:25b.EXO.004.025 Markaasaa Siforaah waxay qaadatay dhagax af leh, oo wiilkeedii buuryadiisii bay ku gooysay, oo waxay ku ag tuurtay cagihiisa oo tidhi, Hubaal waxaad ii tahay arooskii dhiigga.

4:26b.EXO.004.026 Markaasuu iska daayay isagii. Kolkaasay tidhi, Waxaad ii tahay arooskii dhiigga gudniinta aawadeed.

4:27b.EXO.004.027 Markaasaa Rabbigu wuxuu Haaruun ku yidhi, Tag inaad Muuse kaga hor tagtid cidlada dhexdeeda. Markaasuu tegey, oo wuxuu kaga hor tegey buurta Ilaah, kolkaasuu dhunkaday.

4:28b.EXO.004.028 Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun u sheegay erayadii Rabbigu u soo faray oo dhan, iyo calaamooyinkii uu ku amray oo dhan.

4:29b.EXO.004.029 Markaasaa Muuse iyo Haaruun tageen oo waxay isu soo ururiyeen waayeelladii reer binu Israa'iil oo dhan.

4:30b.EXO.004.030 Markaasaa Haaruun kula hadlay erayadii Rabbigu Muuse u soo faray oo dhan, calaamooyinkiina dadka hortiisuu ku sameeyey.Dadkiina way rumaysteen, oo markay maqleen inuu Rabbigu soo booqday reer binu Israa'iil iyo inuu arkay dhibaatadooda ayay madaxa hoos u foorariyeen oo caabudeen.

4:31b.EXO.004.031 Dadkiina way rumaysteen, oo markay maqleen inuu Rabbigu soo booqday reer binu Israa'iil iyo inuu arkay dhibaatadooda ayay madaxa hoos u foorariyeen oo caabudeen.

5

5:1b.EXO.005.001 Oo dabadeedna Muuse iyo Haaruun waxay u tageen Fircoon, oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Sii daa dadkaygu ha tageene, inay cidlada iigu ciidaan.

5:2b.EXO.005.002 Markaasaa Fircoon wuxuu yidhi, Waa ayo Rabbiga ay waajibka igu tahay inaan codkiisa maqlo oo aan reer binu Israa'iil sii daayo? Anigu garan maayo Rabbiga, oo weliba sii dayn maayo reer binu Israa'iil inay tagaan.

5:3b.EXO.005.003 Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Ilaahii Cibraaniyada ayaa nala kulmay, haddaba waannu ku baryaynaaye, Na sii daa, aannu tagnee meel cidla ah oo saddex maalmood loo socdo oo aan allabari ugu bixinnee Rabbiga ah Ilaahayaga inuusan belaayo ama seef nagu soo dejin.

5:4b.EXO.005.004 Markaasaa boqorkii Masar wuxuu ku yidhi iyagii, Muuse iyo Haaruunow, maxaad dadka uga joojinaysaan shuqulladooda? Orda oo hawlihiinna culculus qabsada.

5:5b.EXO.005.005 Kolkaasaa Fircoon wuxuu yidhi, Bal eega, haatan dadka dalku waa badan yihiin, oo idinku waad ka nasiseen hawlahoodii cuscuslaa.

5:6b.EXO.005.006 Markaasaa Fircoon wuxuu isla maalintaas ku amray kuwii dadka hawsha ku cadaadin jiray iyo saraakiishoodii, isagoo leh,

5:7b.EXO.005.007 Hadda dabadeed waa inaydnaan dadka siin caws ay leben ka sameeyaan sidii loo siin jiray, laakiinse iyagu ha tageen oo caws ha soo gurteen.

5:8b.EXO.005.008 Oo lebenkii ay markii hore samayn jireen tiradiisii oo kale waa inaad hadda ka dib ku qasabtaan inay sameeyaan, oo waa inaydnaan waxba ka dhimin, waayo, waa caajisiin oo sidaas daraaddeed waxay u qaylinayaan, iyagoo leh, Na sii daa aannu tagnee oo aan Ilaahayaga allabari u bixinnee.

5:9b.EXO.005.009 Haddaba nimanka ha lagu qasbo hawl ka culus intii hore inay ku hawshoodaan, oo yaanay hadal been ah u jeedin.

5:10b.EXO.005.010 Markaasay kuwii hawsha dadka ku cadaadin jiray iyo saraakiishoodiiba dibadda u bexeen, oo waxay la hadleen dadkii, oo ku yidhaahdeen, Waxaa Fircoon idin leeyahay, Caws idin siin maayo.

5:11b.EXO.005.011 Idinku taga oo caws ka doonta meeshii aad ka heli kartaan, laakiin hawshiinna waxba laydinka dhimi maayo innaba.

5:12b.EXO.005.012 Sidaa daraaddeed ayaa dadku ku kala firdhay dalkii Masar oo dhan inay jirrido jajab ah soo ururiyaan meeshii cawska laga siin jiray.

5:13b.EXO.005.013 Oo kuwii dadka hawsha ku cadaadin jirayna way daddajiyeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Dhammeeya shuqulladiinna, iyo hawshiinna intii aad maalin walba samayn jirteen, sidii markii cawsku jiri jiray oo kale.

5:14b.EXO.005.014 Oo saraakiishii reer binu Israa'iil, oo Fircoon kuwiisa dadka hawsha ku cadaadiyaa ay dadka madaxda uga dhigeen, waa la garaacay, oo waxaa lagu yidhi, War maxaad shalay iyo maantaba hawshiinna u dhammayn weydeen oo aad lebenkii ugu samayn weydeen sidii hore?

5:15b.EXO.005.015 Markaasay saraakiishii reer binu Israa'iil waxay u tageen oo u cataabeen Fircoon, waxayna ku yidhaahdeen, War maxaad addoommadaada sidan ugula macaamilootaa?

5:16b.EXO.005.016 Addoommadaada caws lama siiyo, oo waxay nagu yidhaahdaan, Leben sameeya. Oo bal eeg, addoommadaadii waa la garaacaa, laakiinse gardarrada waxaa iska leh dadkaaga.

5:17b.EXO.005.017 Laakiinse wuxuu ku yidhi iyagii, Caajisiin baad tihiin, caajisiin baad tihiin, oo sidaas daraaddeed baad u leedihiin, Aannu tagno oo aan Rabbiga allabari u bixinno.

5:18b.EXO.005.018 Haddaba taga oo shaqeeya, waayo, caws laydin siin maayo, oo weliba waa inaad keentaan tiradii lebenkii oo kale.

5:19b.EXO.005.019 Oo saraakiishii reer binu Israa'iil waxay arkeen in xaalkoodii xun yahay, markii lagu yidhi, Waa inaydnaan waxba dhimin lebenkii aad maalin walba samayn jirteen.

5:20b.EXO.005.020 Oo markay Fircoon ka soo bexeen waxay ka hor yimaadeen Muuse iyo Haaruun oo jidka taagtaagan,

5:21b.EXO.005.021 oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbigu ha idin fiiriyo oo ha idin xukumo, waayo, waxaad naga dhigteen wax u ura Fircoon iyo addoommadiisii si ay noo nacaan oo ay intay seefo noo qaataan noo laayaan.

5:22b.EXO.005.022 Markaasaa Muuse mar kale Rabbiga u jeestay, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiyow, maxaad dadkan si xun ugula macaamilootay? Oo maxaad aniga ii soo dirtay?Ilaa markii aan u imid Fircoon oo aan magacaaga kula hadlay isaga, wax xun buu dadkan ku sameeyey, oo adna dadkaaga kama aad samatabbixin innaba.

5:23b.EXO.005.023 Ilaa markii aan u imid Fircoon oo aan magacaaga kula hadlay isaga, wax xun buu dadkan ku sameeyey, oo adna dadkaaga kama aad samatabbixin innaba.

6

6:1b.EXO.006.001 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Haddaba waad arki doontaa waxaan ku samayn doono Fircoon, waayo, gacan xoog leh buu ku sii dayn doonaa iyaga, oo gacan xoog leh buu dhulkiisa kaga eryi doonaa.

6:2b.EXO.006.002 Markaasaa Ilaah wuxuu la hadlay Muuse oo ku yidhi, Anigu waxaan ahay Rabbiga,

6:3b.EXO.006.003 oo waxaan ugu muuqday Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, sidii Ilaaha Qaadirka ah, laakiinse magacayga ah RABBI iguma ay aqoonin.

6:4b.EXO.006.004 Oo weliba axdigaygii waan la dhigtay iyaga inaan siiyo dalka reer Kancaan oo ah dalkii geeddinimadooda oo ay qariibka ku ahaayeen.

6:5b.EXO.006.005 Oo weliba waxaan maqlay cabaadka reer binu Israa'iil oo Masriyiintu addoonsiga ku sii hayaan, oo axdigaygii baan xusuustay.

6:6b.EXO.006.006 Haddaba waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay Rabbiga, oo waan idinka soo bixin doonaa culaabta Masriyiintu idinku hoos hayaan, waanan idinka xorayn doonaa addoonsigooda, waanan idinku furan doonaa gacan fidsan iyo xukummo waaweyn,

6:7b.EXO.006.007 oo waxaan idiin qaadan doonaa dad ahaan, oo aan idiin noqon doonaa Ilaah, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka bixinaya culaabtii Masriyiinta.

6:8b.EXO.006.008 Oo waxaan idin geeyn doonaa dalkii aan ku dhaartay inaan siiyo Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, oo idinkaan dhaxal ahaan idiin siin doonaa. Anigu waxaan ahay Rabbiga.

6:9b.EXO.006.009 Muusena sidaasuu reer binu Israa'iil ula hadlay, laakiinse ma ayan maqlin Muuse, caloolxumadooda iyo addoonsiga aan looga tudhayn aawadood.

6:10b.EXO.006.010 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, isagoo leh,

6:11b.EXO.006.011 Fircoon oo ah boqorka Masar u tag, oo la hadal, si uu u sii daayo reer binu Israa'iil si ay dalkiisa uga baxaan.

6:12b.EXO.006.012 Markaasaa Muuse Rabbiga la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, reer binu Israa'iil ima maqline, de haddaba sidee buu Fircoon ii maqli doonaa, anigoo aan bushimaha ka xalaalaysnayn?

6:13b.EXO.006.013 Markaasaa Rabbigu wuxuu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo amar buu u soo faray reer binu Israa'iil, iyo boqorkii Masar oo ahaa Fircoon, inay reer binu Israa'iil ka soo wadaan dalka Masar.

6:14b.EXO.006.014 Kuwanu waa madaxdii reerihii awowayaashood, kuwanu waa reer Ruubeen oo ahaa curadkii Israa'iil, Xanoog, iyo Falluu, iyo Xesroon, iyo Karmii; kuwanu waa qolooyinkii reer Ruubeen.

6:15b.EXO.006.015 Reer Simecoonna waa kuwan, Yemuu'eel, iyo Yaamiin, iyo Ohad, iyo Yaakiin, iyo Sohar, iyo Shaa'uul oo ahaa wiilkii ay naag reer Kancaan ah dhashay. Kuwanu waa qolooyinkii reer Simecoon.

6:16b.EXO.006.016 Kuwanuna waa reer Laawi magacyadoodii, iyo sidii farcankoodii kala ahaayeen; Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii. Oo Laawi cimrigiisii wuxuu ahaa boqol iyo toddoba iyo soddon sannadood.

6:17b.EXO.006.017 Reer Gershoon, iyo sidii qolooyinkoodu kala ahaayeenna waa Libnii iyo Shimcii.

6:18b.EXO.006.018 Reer Qohaadna waa Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon, iyo Cusii'eel. Oo Qohaad cimrigiisiina wuxuu ahaa boqol iyo saddex iyo soddon sannadood.

6:19b.EXO.006.019 Reer Meraariina waa Maxlii iyo Mushii. Kuwanu waa qolooyinkii reer Laawi iyo sidii ay farcankoodii kala ahaayeen.

6:20b.EXO.006.020 Oo Camraam wuxuu guursaday Yookebed oo eeddadiis ahayd, oo waxay u dhashay Haaruun iyo Muuse. Oo Camraam cimrigiisiina wuxuu ahaa boqol iyo toddoba iyo soddon sannadood.

6:21b.EXO.006.021 Reer Isehaarna waa Qorax, iyo Nefeg, iyo Sikrii.

6:22b.EXO.006.022 Reer Cusii'eelna waa Miishaa'eel, iyo Elsaafaan, iyo Sitrii.

6:23b.EXO.006.023 Haaruunna wuxuu guursaday Eliishebac ina Cammiinaadaab oo ahayd Naxshoon walaashiis; oo waxay u dhashay Naadaab iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar.

6:24b.EXO.006.024 Reer Qoraxna waa Asiir, iyo Elqaanaah, iyo Abii'aasaaf. Kuwanu waa qolooyinkii reer Qorax.

6:25b.EXO.006.025 Markaasaa Elecaasaar oo ahaa ina Haaruun wuxuu guursaday gabdhihii Fuutii'eel middood, oo waxay u dhashay Fiinexaas. Kuwanu waa madaxdii reer Laawi, iyo qolooyinkoodii siday kala ahaayeen.

6:26b.EXO.006.026 Kuwanu waa Haaruun iyo Muuse kuwii Rabbigu ku yidhi, Reer binu Israa'iil ka soo wada dalka Masar sida ay dadkooda guutooyinkoodu yihiin.

6:27b.EXO.006.027 Kuwanuna waa kuwii la hadlay boqorkii Masar oo Fircoon ahaa, inuu dalka Masar ka bixiyo reer binu Israa'iil. Iyagu waa Muusahaas iyo Haaruunkaas.

6:28b.EXO.006.028 Maalintii Rabbigu la hadlay Muuse oo dalka Masar jooga,

6:29b.EXO.006.029 wuxuu Rabbigu ku yidhi Muuse, Anigu waxaan ahay Rabbiga. Boqorka Masar oo Fircoon ah la hadal oo waxaad u sheegtaa wixii aan kugula hadlo oo dhan.Markaasaa Muuse wuxuu ku yidhi Rabbiga, Bal eeg, anigu bushimaha kama xalaalaysni, de haddaba sidee buu Fircoon ii maqlayaa?

6:30b.EXO.006.030 Markaasaa Muuse wuxuu ku yidhi Rabbiga, Bal eeg, anigu bushimaha kama xalaalaysni, de haddaba sidee buu Fircoon ii maqlayaa?

7

7:1b.EXO.007.001 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal fiiri, waxaan Fircoon kaaga dhigay sidii ilaah oo kale, walaalkaa Haaruunna wuxuu ahaan doonaa nebigaaga.

7:2b.EXO.007.002 Adigu waa inaad ku hadasho waxa aan kugu amrayo oo dhan; walaalkaa Haaruunna waa inuu Fircoon la hadlo si uu reer binu Israa'iil u sii daayo si ay dalkiisa uga baxaan.

7:3b.EXO.007.003 Oo Fircoon qalbigiisana waan qallafin doonaa, calaamooyinkayga iyo cajaa'ibyadaydana waan ku badin doonaa dalka Masar.

7:4b.EXO.007.004 Laakiin Fircoon kuma maqli doono, markaasaan gacantayda saari doonaa Masar, oo aan soo bixin doonaa ciidankayga oo ah dadkayga reer binu Israa'iil, waanan kaga soo saari doonaa xukummo waaweyn dalka Masar.

7:5b.EXO.007.005 Markaasaa Masriyiintu ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, markii aan gacantayda Masar ku kor fidiyo, oo aan reer binu Israa'iil ka dhex bixiyo iyaga.

7:6b.EXO.007.006 Markaasaa Muuse iyo Haaruun sidaas yeeleen. Sidii Rabbigu ku amray, ayay yeeleen.

7:7b.EXO.007.007 Muusena markaas wuxuu jiray siddeetan sannadood, Haaruunna wuxuu jiray saddex iyo siddeetan sannadood markay Fircoon la hadleen.

7:8b.EXO.007.008 Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi,

7:9b.EXO.007.009 Markii Fircoon idinla hadlo, oo idinku yidhaahdo, Cajaa'ib i tusa; markaas waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Ushaada qaado, oo Fircoon hortiisa ku tuur, si ay abeeso u noqoto.

7:10b.EXO.007.010 Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay u tageen Fircoon, oo waxay yeeleen sidii Rabbigu ku amray, markaasaa Haaruun ushiisii ku hor tuuray Fircoon iyo addoommadiisii, oo waxay noqotay abeeso.

7:11b.EXO.007.011 Fircoonna markaasuu wuxuu u yeedhay raggiisii xigmadda lahaa iyo saaxiriintiisii, markaasaa falalowyadii Masarna iyana yeeleen sidii si le'eg oo falfalkoodii ku sameeyeen.

7:12b.EXO.007.012 Waayo, nin waluba wuxuu tuuray ushiisii, markaasay waxay noqdeen abeesooyin, laakiinse ushii Haaruun baa wada liqday ulahoodii oo dhan.

7:13b.EXO.007.013 Qalbigii Fircoonna wuu sii qallafsanaaday, mana uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu yidhi.

7:14b.EXO.007.014 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon waa macangag, oo wuu diidayaa inuu dadka sii daayo.

7:15b.EXO.007.015 Bal subaxda Fircoon u tag, waayo, aroorta wuxuu tagaa biyaha. Haddaba waxaad istaagtaa webiga qarkiisa inaad la kulantid isaga; oo gacanta waxaad ku qaadataa ushii abeesada noqotay.

7:16b.EXO.007.016 Oo waxaad isaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyada ayaa ii soo kaa diray, oo wuxuu kugu yidhi, Sii daa dadkaygu ha tageene, inay cidlada iigu adeegaan; oo bal eeg, hadda ka hor ima aad maqlin.

7:17b.EXO.007.017 Oo waxaa Rabbigu ku leeyahay, Tan ayaad ku ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay, bal ogow, ushan aan gacanta ku hayo ayaan ku dhufan doonaa biyaha webiga ku jira, markaasay waxay u rogman doonaan dhiig.

7:18b.EXO.007.018 Oo kalluunka biyaha ku jiraana way wada bakhtiyi doonaan, markaasaa webigu soo uri doonaa; kolkaasaa Masriyiintu aad u nebcaan doonaan inay webiga biyo ka cabbaan.

7:19b.EXO.007.019 Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Ushaada qaado, oo gacanta ku kor fidi biyaha Masar, iyo webiyaashooda, iyo durdurradooda, iyo galalkooda, iyo balliyadooda biyaha ah oo dhan, si ay u noqdaan dhiig; oo dhulka Masar oo dhammu wuxuu noqon doonaa dhiig miidhan, oo ku jiri doona weelasha qoriga ah iyo weelasha dhagaxa ahba.

7:20b.EXO.007.020 Markaasaa Muuse iyo Haaruun yeeleen sidii Rabbigu ku amray; kolkaasuu ushii kor u qaaday, oo biyihii webiga ku jiray ku dhuftay Fircoon iyo addoommadiisii hortooda, markaasaa biyihii webiga ku jiray oo dhammu waxay u rogmadeen dhiig.

7:21b.EXO.007.021 Kalluunkii webiga ku jirayna way wada bakhtiyeen; webigiina waa uray, Masriyiintiina biyo way ka cabbi kari waayeen webigii; dhulkii Masar oo dhammuna wuxuu noqday dhiig miidhan.

7:22b.EXO.007.022 Markaasaa saaxiriintii Masarna waxay yeeleen sidii si le'eg oo falfalkoodii ku sameeyeen. Qalbigii Fircoonna wuu sii qallafsanaaday, mana uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu yidhi.

7:23b.EXO.007.023 Kolkaasaa Fircoon noqday oo gurigiisii tegey, waxanna qalbigiisii maba uu gelin.

7:24b.EXO.007.024 Markaasaa Masriyiintii oo dhammu waxay qoteen webiga dhinacyadiisa inay helaan biyo ay cabbaan, waayo, biyihii webiga way cabbi kari waayeen.Oo intii Rabbigu webiga kharribay toddoba maalmood baa ka dambaysay.

7:25b.EXO.007.025 Oo intii Rabbigu webiga kharribay toddoba maalmood baa ka dambaysay.

8

8:1b.EXO.008.001 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon u tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaa Rabbigu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene inay ii adeegaan.

8:2b.EXO.008.002 Oo haddii aad diiddo inaad sii daysid, bal hadda ogow, waddankaaga oo dhan waxaan ku soo dayn doonaa rahyo.

8:3b.EXO.008.003 Oo webiga waxaa ka buuxsami doona rahyo, markaasay waxay tegi doonaan oo geli doonaan gurigaaga, iyo qawladdaada aad seexatid, iyo sariirtaada dusheeda, iyo guryaha addoommadaada oo dhan, iyo dadkaaga dushiisa, iyo foornooyinkaaga dhexdooda, iyo weelashaada wax lagu cajiimo oo dhan;

8:4b.EXO.008.004 oo rahyadu waxay kor fuuli doonaan adiga, iyo dadkaaga, iyo addoommadaada oo dhanba.

8:5b.EXO.008.005 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Gacanta adoo ushaada ku haysta ku fidi webiyaasha dushooda, iyo durdurrada dushooda, iyo balliyada dushooda, oo rahyo ku soo daa dalka Masar.

8:6b.EXO.008.006 Markaasaa Haaruun gacanta ku kor fidiyey biyihii dalka Masar oo dhan, kolkaasaa rahyadii soo baxeen oo qariyeen dalkii Masar.

8:7b.EXO.008.007 Saaxiriintiina sidaas si le'eg bay yeeleen oo falfalkoodii ku sameeyeen, oo rahyo bay keeneen dalkii Masar.

8:8b.EXO.008.008 Markaasaa Fircoon wuxuu u yeedhay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga noo barya inuu rahyada naga qaado aniga iyo dadkaygaba; oo markaasaan dadka sii dayn doonaa inay tagaan oo ay Rabbiga allabari u bixiyaan.

8:9b.EXO.008.009 Kolkaasaa Muuse wuxuu Fircoon ku yidhi, Adaa amarka leh; goormaan idiin baryaa adiga iyo addoommadaada iyo dadkaaga, iyo in rahyada laga baabbi'iyo adiga iyo guryahaagaba, oo ay ku hadhaan webiga keliya?

8:10b.EXO.008.010 Markaasuu ku yidhi, Berri. Isaguna wuxuu yidhi, Sidaad u tidhi ha noqoto, bal inaad ogaatid inaanu jirin mid la mid ah Rabbiga ah Ilaahayaga.

8:11b.EXO.008.011 Oo rahyadu waa ka tegi doonaan adiga iyo guryahaaga, iyo addoommadaada, iyo dadkaagaba, oo waxay ku hadhi doonaan webiga oo keliya.

8:12b.EXO.008.012 Kolkaasay Muuse iyo Haaruun ka tageen Fircoon; markaasaa Muuse Rabbiga ugu qayshaday wax ku saabsan rahyadii uu ku soo daayay Fircoon.

8:13b.EXO.008.013 Rabbiguna wuu yeelay siduu Muuse yidhi, oo rahyadii waa ka idlaadeen guryihii, iyo barxadihii, iyo beerihiiba.

8:14b.EXO.008.014 Kolkaasay isu soo wada ururiyeen oo meelo ku tuuleen, markaasaa dalkii uray.

8:15b.EXO.008.015 Fircoonse markuu arkay inay wixii joogsadeen ayuu qalbiga ka sii qallafsanaaday, mana uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu yidhi.

8:16b.EXO.008.016 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Ushaada fidi oo ciidda dhulka ku dhufo si uu dalka Masar oo dhammu injir miidhan u noqdo.

8:17b.EXO.008.017 Markaasay sidii yeeleen. Kolkaasaa Haaruun ushiisii gacanta ku fidiyey, oo wuxuu ku dhuftay ciidda dhulka, kolkaasaa injiru gashay dadkii iyo duunyadiiba; ciiddii dhulka oo dhammuna waxay noqotay injir miidhan oo qulqulaysa dalkii Masar oo dhan.

8:18b.EXO.008.018 Saaxiriintiina saasay yeeleen, oo waxay damceen inay injir falfalkoodii ku keenaan, laakiinse way kari waayeen; injir baana ku jirtay dadkii iyo duunyadiiba.

8:19b.EXO.008.019 Markaasaa saaxiriintii waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Tanu waa fartii Ilaah. Qalbigii Fircoonna wuu sii qallafsanaaday, mana uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu yidhi.

8:20b.EXO.008.020 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Aroor hore kac oo Fircoon hortiisa istaag, waayo, markaasuu biyaha tegayaa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaa Rabbigu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene inay ii adeegaan.

8:21b.EXO.008.021 Haddii kalese haddaadan dadkayga sii daynin inay tagaan, bal ogow, waxaan idiin soo diri doonaa duqsiyo faro badan, adiga, iyo addoommadaada, iyo dadkaaga, iyo guryahaaga dhexdooda; oo guryaha Masriyiinta oo dhanna waxaa ka buuxsami doona duqsiyo faro badan, iyo weliba dhulka ay joogaanba.

8:22b.EXO.008.022 Inaad ogaatid inaan anigu dhulka dhexdiisa ku ahay Rabbiga, maalintaas waan ka duwi doonaa dalka Goshen oo dadkaygu deggan yahay, inaan duqsiyo badanu halkaas jirin innaba.

8:23b.EXO.008.023 Oo dadkayga iyo dadkaagana waan kala sooci doonaa; calaamadaasuna berri bay ahaan doontaa.

8:24b.EXO.008.024 Rabbiguna sidii buu yeelay, oo duqsiyo badan oo baas ayaa yimid gurigii Fircoon, iyo guryihii addoommadiisa, oo dalkii Masar oo dhanna duqsiyadii badnaa aawadood ayuu u kharribmay.

8:25b.EXO.008.025 Markaasaa Fircoon wuxuu u yeedhay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi, Taga oo Ilaahiin dalka dhexdiisa allabari ugu bixiya.

8:26b.EXO.008.026 Kolkaasaa Muuse ku yidhi, Sidaas inaan yeelno ma habboona; waayo, karaahiyada Masriyiinta ayaannu Rabbiga Ilaahayaga ah u bixinaynaa. Bal eeg, miyaannu karaahiyada Masriyiinta ku allabarinnaa iyagoo noo jeeda? De sow na dhagxin maayaan?

8:27b.EXO.008.027 Meel saddex maalmood loo socdo oo cidla ah ayaannu tegaynaa, oo allabari ugu bixinaynaa Rabbiga Ilaahayaga ah, siduu nagu amri doono.

8:28b.EXO.008.028 Markaasaa Fircoon wuxuu ku yidhi, Waan idin sii daynayaa inaad tagtaan inaad cidlada allabari ugu bixisaan Rabbiga Ilaahiinna ah, laakiinse waa inaydnaan aad u fogaan. Iina soo duceeya.

8:29b.EXO.008.029 Muusena wuxuu ku yidhi, Bal eeg, waan kaa baxayaa oo waxaan Rabbiga ka baryi doonaa inay duqsiyada badanu berri ka tagaan Fircoon iyo addoommadiisa, iyo dadkiisa, laakiinse Fircoon yuusan mar dambe khiyaano nagula macaamiloon, isagoo aan daynin dadka inay tagaan si ay allabari ugu bixiyaan Rabbiga.

8:30b.EXO.008.030 Markaasaa Muuse ka tegey Fircoon, oo wuxuu baryay Rabbiga.

8:31b.EXO.008.031 Rabbiguna sidii Muuse yidhi ayuu yeelay; duqsiyadii badnaana wuu ka kexeeyey Fircoon, iyo addoommadiisii, iyo dadkiisiiba. Mid qudh ahna kama hadhin.Markanna Fircoon qalbiga ayuu ka sii qallafsanaaday, oo dadkiina siima uu dayn inay tagaan.

8:32b.EXO.008.032 Markanna Fircoon qalbiga ayuu ka sii qallafsanaaday, oo dadkiina siima uu dayn inay tagaan.

9

9:1b.EXO.009.001 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon u tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaa Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyadu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene, inay ii adeegaan.

9:2b.EXO.009.002 Waayo, haddii aad sii dayn weydo, oo aad sii haysatid,

9:3b.EXO.009.003 bal ogow, gacanta Rabbigu waxay ku dhici doontaa xoolahaaga berrinka jooga, ha ahaadeen fardaha, dameeraha, geela, lo'da, iyo adhigaba; waxaana dhici doona cudur baas.

9:4b.EXO.009.004 Oo Rabbigu waa kala sooci doonaa xoolaha reer binu Israa'iil iyo xoolaha Masar; oo waxa reer binu Israa'iil ay leeyihiinna waxba kama dhiman doonaan.

9:5b.EXO.009.005 Rabbiguna wakhti buu u qabtay, isagoo leh, Berri Rabbigu waxan ayuu dalka dhexdiisa ku samayn doonaa.

9:6b.EXO.009.006 Rabbiguna waxaas waa sameeyey maalintii dambe, oo xoolihii Masar oo dhammuna way wada bakhtiyeen; laakiinse xoolihii reer binu Israa'iil midna kama bakhtiyin.

9:7b.EXO.009.007 Markaasaa Fircoon cid diray, oo bal eeg, xoolihii reer binu Israa'iil xataa mid kama bakhtiyin. Laakiinse Fircoon wuu madax adkaaday, dadkiina siima uu dayn inay tagaan.

9:8b.EXO.009.008 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse iyo Haaruun ku yidhi, Waxaad qaadataan cantoobooyin dambaska foornada ah, oo Muuse samada ha u saydho Fircoon hortiisa.

9:9b.EXO.009.009 Oo waxay noqon doontaa habaas dhulka Masar oo dhan dul yaal, oo dalka Masar oo dhan waxaa dadka iyo duunyadaba ka soo bixi doona boogo xunxun.

9:10b.EXO.009.010 Markaasay qaadeen dambaskii foornada, oo waxay hor istaageen Fircoon; kolkaasaa Muuse xagga samada kor ugu saydhay, markaasaa dadkii iyo duunyadiiba waxaa ka soo wada baxay boogo xunxun.

9:11b.EXO.009.011 Oo saaxiriintiina Muuse ma ay hor istaagi karin boogaha dartood, waayo, booguhu waxay ka soo bexeen saaxiriintii iyo Masriyiintii oo dhan.

9:12b.EXO.009.012 Rabbiguna waa sii qallafiyey Fircoon qalbigiisii, oo isna ma uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu Muuse ku yidhi.

9:13b.EXO.009.013 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Aroor hore kac, oo Fircoon hortiisa istaag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga Ilaaha Cibraaniyada ah wuxuu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene, inay ii adeegaan.

9:14b.EXO.009.014 Waayo, waxaan markan qalbigaaga, iyo addoommadaada, iyo dadkaagaba ku soo dayn doonaa belaayadayda oo dhan, inaad ogaatid inaan dhulka oo dhan lagu arag mid anoo kale ah.

9:15b.EXO.009.015 Waayo, haatan haddaan gacantayda fidin lahaa, oo aan belaayo kugu dhufan lahaa adiga iyo dadkaagaba, de markaas adiga dhulka waa lagaa baabbi'in lahaa,

9:16b.EXO.009.016 laakiin sababtan aawadeed ayaan kuu taagay, inaan xooggayga kaa muujiyo iyo in magacayga laga sheego dhulka oo dhan.

9:17b.EXO.009.017 Ma weli baad dadkayga iska weynaynaysaa, oo aanad sii daynin?

9:18b.EXO.009.018 Bal ogow, berrito haddaa oo kale waxaan soo daadin doonaa roobdhagaxyaale baas oo aan weligiis lagu arag Masar tan iyo maalintii la dhisay ilaa haatan.

9:19b.EXO.009.019 Haddaba cid u dir oo la soo dhaqso lo'daada iyo waxa berrinka kuu jooga oo dhan; waayo, dad iyo duunyo wixii berrinka laga helo oo dhan oo aan guryaha la soo gelin, waxaa ku soo degi doona roobka dhagaxyada leh, wayna dhiman doonaan.

9:20b.EXO.009.020 Markaasaa mid kasta oo addoommadii Fircoon ka mid ahaa oo ka cabsanayay ereygii Rabbiga, addoommadiisii iyo lo'diisii ayuu xagga guryaha u eryay;

9:21b.EXO.009.021 kii aan dan ka lahayn ereygii Rabbigase addoommadiisii iyo lo'diisiiba ayuu berrinka ku daayay.

9:22b.EXO.009.022 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Gacanta xagga samada u fidi, in roobka dhagaxyada leh ku soo dego dalka Masar oo dhan, dadka dushiisa iyo duunyada dusheeda iyo dhalatada duurka ku taal dusheeda oo dhan ee dalka Masar dhammaantiis.

9:23b.EXO.009.023 Markaasaa Muuse ushiisii u fidiyey xagga samada, oo Rabbigu wuxuu soo diray onkod iyo roobdhagaxyaale, waxaana dhulka ku soo degay dab; oo Rabbigu wuxuu dalkii Masar ku soo daayay roobdhagaxyaale.

9:24b.EXO.009.024 Sidaas daraaddeed waxaa ku soo da'ay roobdhagaxyaale baas, roobka dhagaxyada lehna waxaa ku qaldanaa dab, kaas oo kalena weligiis kama di'in dalka Masar oo dhan tan iyo maalintii ay quruun noqotay ilaa haatan.

9:25b.EXO.009.025 Oo roobkii dhagaxyada lahaana wuxuu laayay wax alla wixii dalka Masar oo dhan duurkiisa joogay, dad iyo duunyoba; oo dhalatadii duurka oo dhanna roobkii dhagaxyada lahaa baa laayay, oo dhirtii duurka oo dhanna wuu jejebiyey.

9:26b.EXO.009.026 Waxaa keliyahoo aan roobdhagaxyaale ku di'in dalkii Goshen oo reer binu Israa'iil joogeen.

9:27b.EXO.009.027 Markaasaa Fircoon cid u diray, oo u yeedhay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Markan waan dembaabay; Rabbigu waa xaq, aniga iyo dadkaygubana shar baannu leennahay.

9:28b.EXO.009.028 Bal Rabbiga noo barya, waayo, roobkan dhagaxyada leh iyo onkodkan weynu waa nagu filan yihiin; oo waan idin sii dayn doonaa, oo idinku mar dambe sii joogi maysaan innaba.

9:29b.EXO.009.029 Kolkaasaa Muuse wuxuu isagii ku yidhi, Isla markii aan ka baxo magaalada ayaan gacmahayga u kala bixin doonaa Rabbiga, oo onkodku waa joogsan doonaa, roobdhagaxyaale dambena ma jiri doono, si aad adigu u ogaatid inuu Rabbigu dhulka leeyahay.

9:30b.EXO.009.030 Laakiin waan ogahay in adiga iyo addoommadaadu aydnaan weli ka cabsanayn Rabbiga Ilaaha ah.

9:31b.EXO.009.031 Oo cudbigii iyo shaciirkiiba waa baabbe'een; waayo, shaciirku waa midhaystay, cudbigana ubax baa ka baxayay.

9:32b.EXO.009.032 Laakiinse sarreenkii waxba kuma dhicin; waayo, weli aad uma uu bixin.

9:33b.EXO.009.033 Oo Muusena magaaladii buu ka baxay, wuuna ka tegey Fircoon, oo gacmihiisii buu u kala bixiyey Rabbiga. Markaasaa onkodkii iyo roobkii dhagaxyada lahaaba joogsadeen, roobkiina dhulka kuma shubmin.

9:34b.EXO.009.034 Fircoonna kolkuu arkay inay joogsadeen roobkii iyo roobdhagaxyaalihii iyo onkodkiiba, ayuu weliba sii dembaabay, oo qalbigiisiina wuu sii qallafiyey, isaga iyo addoommadiisiiba.Oo Fircoon qalbigiisiina waa sii qallafsanaaday, oo reer binu Israa'iilna siima uu dayn inay tagaan, sidii Rabbigu Muuse afkiisa kaga hadlay.

9:35b.EXO.009.035 Oo Fircoon qalbigiisiina waa sii qallafsanaaday, oo reer binu Israa'iilna siima uu dayn inay tagaan, sidii Rabbigu Muuse afkiisa kaga hadlay.

10

10:1b.EXO.010.001 Kolkaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Orod oo Fircoon u gal, waayo, qalbigiisii waan qallafiyey, iyo qalbiyadii addoommadiisa, inaan calaamooyinkaygan dhexdooda ka muujiyo,

10:2b.EXO.010.002 iyo inaad adigu u sheegtid dhegaha wiilkaaga, iyo wiilkaaga wiilkiisa, wixii aan ku sameeyey Masriyiinta, iyo calaamooyinkaygii aan ku dhex sameeyey, inay iyagu ogaadaan inaan anigu ahay Rabbiga.

10:3b.EXO.010.003 Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay u tageen Fircoon, oo ku yidhaahdeen, Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyadu wuxuu kugu yidhi, Ilaa goormaad diidaysaa inaad hortayda is-hoosaysiiso? Dadkayga sii daa ha tageene, inay ii adeegaan.

10:4b.EXO.010.004 Laakiinse haddii aad diiddo inaad dadkayga sii dayso, bal ogow, berrito dalkaaga ayax baan ku soo dayn doonaa,

10:5b.EXO.010.005 oo dhulkuu qarin doonaa, si aan dhulka loo arkin, oo wuxuu cuni doonaa wixii ka baxsaday roobkii dhagaxyada lahaa oo idiin hadhay, oo wuxuu kaloo cuni doonaa geed kasta oo duurka idiinka baxaya.

10:6b.EXO.010.006 Oo wuxuu ka buuxsami doonaa guryahaaga, iyo guryaha addoommadaada, iyo guryaha Masriyiinta oo dhan; si aan aabbayaashiin iyo awowayaashiin midkoodna arag tan iyo waagii ay dhulka joogeen ilaa maantadan. Kolkaasuu ka noqday oo ka tegey Fircoon.

10:7b.EXO.010.007 Markaasaa Fircoon addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, Ilaa goormuu ninkanu dabin inagu noqonayaa? Inaga sii daa nimanka, Rabbiga Ilaahooda ah ha u adeegeene. War miyaadan weli ogayn in Masar baabba'day?

10:8b.EXO.010.008 Markaasaa Muuse iyo Haaruun mar kale loo keenay Fircoon. Kolkaasuu wuxuu ku yidhi, Taga oo Rabbiga Ilaahiinna ah u adeega, laakiinse waa ayo kuwa tegayaa?

10:9b.EXO.010.009 Muusena wuxuu yidhi, Annagu waannu tegaynaa yar iyo weynba, oo waxaannu la tegaynaa wiilashayada iyo gabdhahayaga, iyo adhyahayaga, iyo lo'dayada oo dhan; waayo, waxaannu u iidaynaa Rabbigayaga.

10:10b.EXO.010.010 Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Rabbigu ha idinla jiro, haddaan idin sii daayo idinka iyo yaryarkiinnaba, laakiinse bal ogaada in wax xumu idinka horreeyaan.

10:11b.EXO.010.011 Sidaas ma aha; ee intiinna ragga ahu taga, oo Rabbiga u adeega; waayo, taasu waa wixii aad doonayseen. Kolkaasaa Fircoon hortiisa laga eryay iyagii.

10:12b.EXO.010.012 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Gacantaada ayaxa ugu fidi dalka Masar korkiisa, inuu kor yimaado dalka Masar, oo uu cuno geed yar oo kasta, oo ah in alla intii roobkii dhagaxyada lahaa ka baxsatay.

10:13b.EXO.010.013 Markaasuu Muuse ushiisii dalkii Masar ku kor fidiyey, oo Rabbigu maalintaas oo dhan iyo habeenkii oo dhan, wuxuu dhulkii ku soo daayay dabayl bari ka timid, oo markii waagii beryay ayaa dabayshii bari ayaxii keentay.

10:14b.EXO.010.014 Kolkaasaa ayaxii dalkii Masar oo idil dul fuulay, oo wuxuu ku soo degay dalkii Masar oo dhan; wuxuuna ahaa ayax baas; hortiisna lama arag ayax saas oo kale ah, dabadiisna ma jiri doono kaas oo kale.

10:15b.EXO.010.015 Waayo, wuxuu qariyey dhulka dushiisa oo dhan, kolkaasaa dalkii gudcur noqday; oo wuxuu cunay dhalatadii waddanka oo dhan, iyo midhihii dhirtii roobkii dhagaxyada lahaa ka baxsaday oo dhan; oo dalkii Masar oo dhanna wax cagaar ahuna kuma hadhin ama dhir ha noqoto ama dhalatada duurka.

10:16b.EXO.010.016 Markaasaa Fircoon dhaqso ugu yeedhay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku dembaabay Rabbiga Ilaahiinna ah iyo idinkaba.

10:17b.EXO.010.017 Haddaba waan ku baryayaaye, iga cafi dembigayga markan keliya, oo ii barya Rabbiga Ilaahiinna ah, inuu iga qaado dhimashadan keliya.

10:18b.EXO.010.018 Kolkaasuu Fircoon dibadda uga baxay oo Rabbiga baryay.

10:19b.EXO.010.019 Markaasaa Rabbigu wuxuu soo leexiyey dabayl aad iyo aad u xoog badan oo galbeed ka timid, kolkaasay ayaxii kor u qaadday oo waxay ku gurtay Badda Cas, oo xataa ayax qudha ahi kuma hadhin dalka Masar oo dhan.

10:20b.EXO.010.020 Markaasaa Rabbigu sii qallafiyey Fircoon qalbigiisii, mana uusan sii dayn reer binu Israa'iil inay tagaan.

10:21b.EXO.010.021 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Gacantaada xagga samada u taag, in gudcur ku soo dego dalka Masar, kaasoo ah gudcur aad u daran.

10:22b.EXO.010.022 Kolkaasaa Muuse gacanta xagga samada u taagay; oo waxaa dalkii Masar ku soo degay gudcur weyn oo in saddex maalmood ah jiray;

10:23b.EXO.010.023 oo midkoodna midka kale ma arkin, ama midkoodna meeshiisii kama kicin in saddex maalmood ah; laakiinse reer binu Israa'iil oo dhan guryahoodu iftiin bay lahaayeen.

10:24b.EXO.010.024 Markaasaa Fircoon Muuse u yeedhay oo wuxuu ku yidhi, Taga oo Rabbiga u adeega; laakiinse adhyihiinna iyo lo'diinnu ha joogeen; yaryarkiinnuse ha idin raaceen.

10:25b.EXO.010.025 Muusena wuxuu yidhi, De waa inaad weliba na siisaa allabaryo iyo qurbaan la gubo, oo aannu u bixinno Rabbiga ah Ilaahayaga.

10:26b.EXO.010.026 Lo'dayaduna waa inay na raacdaa, oo waa inaan neef keliyahu dib nooga hadhin, waayo, iyada waa inaannu wax ka qaadannaa si aannu ugu adeegno Rabbiga ah Ilaahayaga. Annagu garan mayno wax aannu ugu adeegno Rabbiga jeeraannu tagno xaggaas.

10:27b.EXO.010.027 Laakiinse Rabbigu waa sii qallafiyey Fircoon qalbigiisii, mana u doonaynin inuu iyaga sii daayo.

10:28b.EXO.010.028 Markaasaa Fircoon wuxuu isagii ku yidhi, War iga tag, oo iska jir, si aadan wejigayga mar dambe u arkin, waayo, maalintii aad wejigayga aragtid hubaal waad dhiman doontaa.Markaasaa Muuse wuxuu ku yidhi, Adigu si wanaagsan baad u hadashay, oo wejigaaga mar dambe arki maayo.

10:29b.EXO.010.029 Markaasaa Muuse wuxuu ku yidhi, Adigu si wanaagsan baad u hadashay, oo wejigaaga mar dambe arki maayo.

11

11:1b.EXO.011.001 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Weli belaayo kale ayaan Fircoon iyo Masar ku soo dejin doonaa; oo dabadeedna wuu idin sii dayn doonaa inaad halkan ka tagtaan, oo markuu idin sii daayo, giddigiin ayuu halkan idinka sii wada eryi doonaa.

11:2b.EXO.011.002 Haddaba dadka dhegihiisa maqashii, oo nin waluba ha weyddiisto deriskiisa, naag walubana ha weyddiisato deriskeeda alaab lacag ah iyo alaab dahab ah.

11:3b.EXO.011.003 Rabbiguna Masriyiintii ayuu dadkii raalli uga dhigay. Oo weliba ninkii Muuse ahaa wuxuu dalka Masar ku ahaa mid aad u weyn xagga Fircoon addoommadiisa iyo xagga dadkaba.

11:4b.EXO.011.004 Muusena wuxuu yidhi, Waxaa Rabbigu leeyahay, Habeenbadhka baan dalka Masar ku dhex soconayaa,

11:5b.EXO.011.005 oo curadyada dalka Masar jooga oo dhammu way wada dhiman doonaan, curadka Fircoon oo ku fadhiya carshigiisa, ilaa la gaadho curadka gabadha addoonta ah oo ka dambaysa dhagaxshiidka, iyo curadyada xoolaha oo dhan.

11:6b.EXO.011.006 Oo waxaa dalka Masar oo dhan jiri doonta oohin weyn, taas oo kale aan hore loo arag, hadda kaddibna aan la arki doonin marnaba.

11:7b.EXO.011.007 Laakiinse reer binu Israa'iil dad iyo duunyo toona xataa eeyna afka u kala qaadi maayo, si aad u ogaataan in Rabbigu kala duway Masriyiinta iyo reer binu Israa'iil.

11:8b.EXO.011.008 Oo addoommadaadan oo dhammu anigay ii iman doonaan, oo anigay ii sujuudi doonaan, iyagoo leh, Iska bax, adiga iyo dadka kula socda oo dhammuba; oo markaas dabadeed ayaan bixi doonaa. Oo wuxuu Fircoon kaga tegey cadho aad u kulul.

11:9b.EXO.011.009 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon hadalkaaga dhegaysan maayo, inay cajaa'ibyadaydu dalka Masar ku sii bataan aawadeed.Muuse iyo Haaruunna cajaa'ibyadan oo dhan waxay ku sameeyeen Fircoon hortiisa; Rabbiguna waa sii qallafiyey qalbigii Fircoon oo isna ma uusan sii dayn reer binu Israa'iil inay dalkiisa ka baxaan.

11:10b.EXO.011.010 Muuse iyo Haaruunna cajaa'ibyadan oo dhan waxay ku sameeyeen Fircoon hortiisa; Rabbiguna waa sii qallafiyey qalbigii Fircoon oo isna ma uusan sii dayn reer binu Israa'iil inay dalkiisa ka baxaan.

12

12:1b.EXO.012.001 Oo Rabbigu wuxuu Muuse iyo Haaruun kula hadlay dalka Masar, oo ku yidhi,

12:2b.EXO.012.002 Bishanu waxay idiin noqonaysaa tii bilaha ugu horraysay; oo waxay idiin noqonaysaa sannadda bisheedii kowaad.

12:3b.EXO.012.003 Shirka reer binu Israa'iil oo dhan la hadla oo waxaad ku tidhaahdaan, Maalinta tobnaad oo bishan waa in nin waluba wan qaataa sida reeraha aabbayaashood yihiin, qooys waluba wan ha qaato;

12:4b.EXO.012.004 oo haddii qooys uusan wada qaadan karin wan, de markaas waa in isaga iyo deriskiisa oo ah kan qooyskiisa ku xiga ay mid wada qaataan oo ay u qaybsadaan sida tirada dadku tahay; nin walba sida cuntadiisu tahay waa inaad u tirisaan kalaqaybinta wanka.

12:5b.EXO.012.005 Wankiinnu waa inuu ahaadaa mid aan iin lahayn, waana inuu ahaadaa mid lab oo sannad jiray, waana inaad wananka ama orgiyada ka bixisaan,

12:6b.EXO.012.006 oo waa inaad gooni u xidhaan ilaa bisha maalinteeda afar iyo tobnaad; oo ururka shirka reer binu Israa'iil oo dhammu waa inay makhribkii qalaan.

12:7b.EXO.012.007 Oo waa inay dhiigga wax ka qaataan, oo ay mariyaan fayaaradda albaabka labadeeda dhinac iyo meesheeda sare oo ah guryaha ay wax ku dhex cuni doonaan.

12:8b.EXO.012.008 Oo habeenkaas waa inay cunaan hilibka oo dab lagu dubay, iyo kibis aan khamiir lahayn, oo ha ku cuneen caleemo qadhaadh.

12:9b.EXO.012.009 Ha cunina isagoo ceedhiin ama biyo lagu kariyey, laakiin waxaad cuntaan isagoo dab lagu dubay, oo qaba madaxiisa iyo mijihiisa iyo waxa gudihiisa ku jira qaba.

12:10b.EXO.012.010 Oo waa inaydnaan waxba ka reebin ilaa subaxda, laakiin waxa ka hadha markuu waagu beryo waa inaad dab ku gubtaan.

12:11b.EXO.012.011 Oo sidan waa inaad u cuntaan, idinkoo guntan, oo kabihiinnu cagaha idiinku jiraan, ushiinnuna gacanta idiinku jirto; oo waa inaad degdeg u cuntaan; waayo, waa Rabbiga Kormariddiisa.

12:12b.EXO.012.012 Waayo, habeenkaas waxaan dhex mari doonaa dalka Masar, oo waxaan wada layn doonaa curadyada dalka Masar oo dhan, kuwa dadka iyo kuwa duunyadaba, oo ilaahyada Masar oo dhan waxaan ku soo dejin doonaa xukummo. Anigu waxaan ahay Rabbiga.

12:13b.EXO.012.013 Oo dhiiggu wuxuu idiin noqon doonaa calaamo kor taal guryaha aad ku jirtaan; oo markii aan dhiigga arko, waan iska kiin kor mari doonaa, belaayo idin baabbi'isaana idinkuma dhici doonto, markaan wax ku dhufto dhulka Masar.

12:14b.EXO.012.014 Oo maalintanu waa inay xusuus idiin noqotaa, oo waa inaad Rabbiga u iiddaan. Waa inaad ka ab ka ab weligiin ku dhawrtaan iid amar ahaan.

12:15b.EXO.012.015 Toddoba maalmood waxaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn; weliba maalinta kowaad waa inaad khamiirka ka saartaan guryihiinna; waayo, ku alla kii cuna kibis khamiir leh maalinta kowaad ilaa maalinta toddobaad, qofkaas waa laga gooyn doonaa reer binu Israa'iil.

12:16b.EXO.012.016 Maalinta kowaad waxaa idiin ahaan doona shir quduus ah, maalinta toddobaadna shir quduus ah. Wax shuqul ah maalmahaas waa inaan la qaban, waxa qof kastaaba cuno mooyaane, taas oo keliya baa la samayn karaa.

12:17b.EXO.012.017 Oo idinku waa inaad dhawrtaan iidda kibista aan khamiirka lahayn, waayo, maalintaas qudheeda ayaan dadkiinna badnaantiisii ka soo bixiyey dalkii Masar; sidaas daraaddeed amar ahaan waa inaad ka ab ka ab weligiin ku dhawrtaan maalintaas.

12:18b.EXO.012.018 Bisha kowaad, maalinteeda afar iyo tobnaad, markay fiidkii tahay waa inaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn, ilaa laga gaadho maalinta koob iyo labaatanaad oo bisha, markay fiidkii tahay.

12:19b.EXO.012.019 Toddoba maalmood waa inaan guryihiinna khamiir laga helin; waayo, ku alla kii wax khamiir leh cuna, qofkaas waa laga gooyn doonaa shirka reer binu Israa'iil, hadduu yahay qariib iyo hadduu waddanka ku dhex dhashayba.

12:20b.EXO.012.020 Wax khamiir leh waa inaydnaan cunin; guryihiinna oo dhan waa inaad ku cuntaan kibis aan khamiir lahayn.

12:21b.EXO.012.021 Markaasaa Muuse wuxuu u wada yeedhay waayeelladii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu iyagii ku yidhi, La baxa wanan oo qooys, qooys u qaata, oo qala wanka Kormaridda.

12:22b.EXO.012.022 Waxaad qaadataan xidhmo geed husob ah, oo waxaad dartaan dhiigga ku jira xeedhada, oo albaabka fayaaraddiisa sare iyo labada dhinac oo fayaaradda ah ku taabsiiya dhiiga ku jira xeedhada; oo midkiinna ilaa waagu ka beryo yuusan albaabka gurigiisa dibadda uga bixin.

12:23b.EXO.012.023 Waayo, Rabbigu wuxuu dhex mari doonaa dalka, oo wuxuu layn doonaa Masriyiinta, oo markuu arko dhiigga ku yaal albaabka fayaaraddiisa sare iyo labada dhinac oo fayaaradda ah ayaa Rabbigu kor mari doona albaabka, oo u oggolaan maayo in baabbi'iyuhu guryihiinna soo galo oo idin laayo.

12:24b.EXO.012.024 Oo waxan amar ahaan waa inaad weligiin u dhawrtaan idinka iyo carruurtiinnuba.

12:25b.EXO.012.025 Oo markii aad timaadaan dalka Rabbigu idin siin doono, oo uu idiinku ballanqaaday, waa inaad dhawrtaan u adeegiddan Ilaah.

12:26b.EXO.012.026 Oo markii carruurtiinnu idinku yidhaahdaan, Maxaad ula jeeddaan u-adeegiddan Ilaah?

12:27b.EXO.012.027 waxaad ku odhan doontaan, Waa allabarigii Rabbiga Kormariddiisii, kii kor maray guryihii reer binu Israa'iil markay Masar joogeen, oo samatabbixiyey reerahayagii, Masriyiintiise laayay. Markaasaa dadku madaxa u foororiyey oo u sujuuday.

12:28b.EXO.012.028 Markaasaa reer binu Israa'iil tageen oo sidaas yeeleen; sidii Rabbigu Muuse iyo Haaruun ku amray ayay yeeleen.

12:29b.EXO.012.029 Oo waxaa dhacday in habeenbadhkii Rabbigu laayay curadyadii dalkii Masar oo dhan, inta laga bilaabay curadkii Fircoon oo carshigiisii ku fadhiyey ilaa la gaadhay curadkii maxbuuska godxabsiga ku jiray, iyo curadyadii xoolaha oo dhan.

12:30b.EXO.012.030 Markaasaa habeenkaas waxaa kacay Fircoon, iyo addoommadiisii oo dhan, iyo Masriyiintii oo dhan; oo oohin aad u weyn baa Masar ka dhacday, waayo, ma jirin guri aan meyd oollin.

12:31b.EXO.012.031 Markaasuu Muuse iyo Haaruun u yeedhay habeennimadii, oo wuxuu ku yidhi, Kaca, oo dadkayga ka dhex baxa, idinka iyo reer binu Israa'iilba; taga oo Rabbiga u adeega, sidaad u tidhaahdeen.

12:32b.EXO.012.032 Oo adhyihiinna iyo lo'diinnaba kaxaysta, sidaad u tidhaahdeen, iina soo duceeya.

12:33b.EXO.012.033 Oo Masriyiintuna waxay dadka ku deddejiyeen inay dhaqso uga saaraan dalka; waayo, waxay yidhaahdeen, Kulligeen waxaynu nahay dad go'ay.

12:34b.EXO.012.034 Markaasaa dadkii waxay qaateen cajiinkoodii intaanu khamiirin, iyo weelashoodii ay wax ku dhex cajiimi jireen, oo intay maryahoodii ku xidheen ayay garbaha saarteen.

12:35b.EXO.012.035 Oo reer binu Israa'iilna waxay yeeleen sidii Muuse eraygiisu ahaa; oo waxay Masriyiintii weyddiisteen alaab lacag ah iyo alaab dahab ah iyo dhar;

12:36b.EXO.012.036 oo Rabbiguna Masriyiintii ayuu dadkii raalli uga dhigay, oo sidaas daraaddeed way u daayeen inay qaataan wixii ay weyddiisteenba. Oo iyana Masriyiintii way dheceen.

12:37b.EXO.012.037 Oo reer binu Israa'iilna waxay ka sodcaaleen Racmeses oo waxay tageen Sukod, tiradooduna waxay ku dhowayd lix boqol oo kun oo nin oo lugaynaya oo aan carruurta lagu tirin.

12:38b.EXO.012.038 Oo waxaa kaloo raacay dad faro badan oo isku darsan, iyo adhyihii, iyo lo'dii, oo ahaa xoolo aad u badan.

12:39b.EXO.012.039 Oo cajiinkii ay Masar kala yimaadeen ayay ka dubteen kibis aan khamiir lahayn, waayo, ma ay khamiirin; maxaa yeelay, dalkii Masar degdeg bay kaga soo bexeen, oo ma aanay sii joogi karin, mana ay diyaarsan sahay.

12:40b.EXO.012.040 Reer binu Israa'iil intay dalka Masar qariib ku ahaayeen waxay ahayd afar boqol iyo soddon sannadood.

12:41b.EXO.012.041 Oo markii afartii boqol iyo soddonkii sannadood dhammaadeen, isla maalintaas ayaa Rabbiga dadkiisii badnaa oo dhammu ka baxay dalkii Masar.

12:42b.EXO.012.042 Habeenkaasu waa habeen aad Rabbiga loogu dhawro, bixintii uu iyaga Masar ka soo bixiyey aawadeed; kaasu waa habeenkii Rabbiga oo ay reer binu Israa'iil oo dhammu ka ab ka ab aad u dhawraan.

12:43b.EXO.012.043 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse iyo Haaruun ku yidhi, Kanu waa amarkii iidda Kormaridda; shisheeyuhuna yuusan wax ka cunin;

12:44b.EXO.012.044 laakiinse nin kasta addoonkiisa uu lacagta ku iibsaday, markaad guddo dabadeed waa inuu wax ka cunaa.

12:45b.EXO.012.045 Kii qariib ah iyo midiidinka la soo kiraystay toona midkoodna waa inuusan wax ka cunin.

12:46b.EXO.012.046 Oo waa in isku guri lagu cuno; oo waa inaadan hilibka waxba dibadda uga bixin; lafna waa inaydnaan ka jebin.

12:47b.EXO.012.047 Oo shirka reer binu Israa'iil oo dhammu waa inuu dhawro.

12:48b.EXO.012.048 Oo haddii mid qariib ahu idinla dego, oo uu doonayo inuu Rabbiga u dhawro iidda Kormaridda, de waa in intiisa lab oo dhan la wada gudaa, oo markaas ha soo dhowaado oo ha dhawro, oo markaas wuxuu noqon doonaa sidii mid dalka ku dhashay; laakiinse qof buuryoqab ahu waa inuusan wax ka cunin.

12:49b.EXO.012.049 Kan waddanka ku dhashay iyo kan qariibka ah oo idin dhex degganu waa inay isku sharci ahaadaan.

12:50b.EXO.012.050 Sidaasay reer binu Israa'iil oo dhammu yeeleen; sidii Rabbigu Muuse iyo Haaruun ku amray ayay yeeleen.Oo isla maalintaasaa Rabbigu reer binu Israa'iil uga bixiyey dalkii Masar, siday guutooyinkoodii ahaayeen.

12:51b.EXO.012.051 Oo isla maalintaasaa Rabbigu reer binu Israa'iil uga bixiyey dalkii Masar, siday guutooyinkoodii ahaayeen.

13

13:1b.EXO.013.001 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

13:2b.EXO.013.002 Curadyada oo dhan quduus iiga dhig; wax alla wixii maxal fura oo ku dhex jira reer binu Israa'iil, dad iyo duunyoba, anigaa iska leh.

13:3b.EXO.013.003 Markaasaa Muuse wuxuu dadkii ku yidhi, Xusuusta maalintan aad Masar ka soo baxdeen, oo aad ka soo baxdeen gurigii addoonsiga; waayo, Rabbigu gacan xoog badan buu idinkaga soo bixiyey meeshan; waa inaan kibis khamiirsan la cunin.

13:4b.EXO.013.004 Idinku waxaad baxdeen maanta oo ah bisha Aabiib.

13:5b.EXO.013.005 Oo markii Rabbigu idin geeyo dalka reer Kancaan iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo uu awowayaashiin ugu dhaartay inuu idin siinayo, kaas oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan, de markaas waa inaad bishan dhexdeeda dhawrtaan u adeegiddan Ilaah.

13:6b.EXO.013.006 Toddoba maalmood waa inaad kibis aan khamiir lahayn cuntaan, oo maalinta toddobaad waa inay iid Rabbiga u ahaato.

13:7b.EXO.013.007 Oo kibis aan khamiir lahayn waa in la cunaa toddobada maalmood oo dhan; oo waa inaan lagugu arag kibis khamiirsan, ama waa inaan xataa lagugu arag khamiir, tan iyo xudduudkaaga oo dhan.

13:8b.EXO.013.008 Maalintaas waa inaad wiilkaaga u sheegtaa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waa wixii Rabbigu ii sameeyey aawadood markii aan Masar ka soo baxay.

13:9b.EXO.013.009 Oo waxay kuu noqon doontaa calaamo gacantaada saaran, iyo xusuus indhahaaga u dhaxaysa, in Rabbiga sharcigiisu afkaaga ku jiro; waayo, Rabbigu gacan xoog leh buu kaaga soo bixiyey dalkii Masar.

13:10b.EXO.013.010 Sidaas daraaddeed waa inaad amarkan haysaa xilligiisa, oo aad dhawrtaa sannad ilaa sannad.

13:11b.EXO.013.011 Oo markii Rabbigu ku geeyo dalka reer Kancaan siduu ugu dhaartay adiga iyo awowayaashaaba, oo uu ku siiyo,

13:12b.EXO.013.012 de markaas waa inaad Rabbiga gooni ugu soocdaa kulli intii maxal furta oo dhan iyo intii xoolaha curad ah, mid kasta oo lab ah Rabbigu waa iska lahaan doonaa.

13:13b.EXO.013.013 Oo curad kasta oo dameer ah waa inaad ku madax furtaa wan yar; oo haddii aadan doonaynin inaad madax furto, de markaas waa inaad luqunta ka jebisaa, oo dadkaaga curadyadiisa oo dhan waa inaad wax ku madax furtaa.

13:14b.EXO.013.014 Oo dabadeedto markii wiilkaagu wax ku weyddiiyo oo kugu yidhaahdo, Waxanu waa maxay? waa inaad ku tidhaahdaa isaga, Gacan xoog badan baa Rabbigu nagaga soo bixiyey Masar oo ahaa gurigii addoonsiga;

13:15b.EXO.013.015 oo markii Fircoon dooni waayay inuu na sii daayo, waxaa dhacday inuu Rabbigu wada laayay curadyadii Masar oo dhan oo ahaa curadyadii dadka iyo curadyadii duunyadaba; oo sidaas daraaddeed baan Rabbiga allabari ugu bixiyaa wax alla wixii maxal fura oo dhan, ee ah inta lab, laakiinse dadkayga curadyadiisa oo dhan wax baan ku madax furtaa.

13:16b.EXO.013.016 Oo waxay kuu noqon doontaa calaamo gacantaada saaran, iyo wax ka laalaada indhahaaga dhexdooda; waayo, Rabbigu gacan xoog badan buu Masar nagaga soo bixiyey.

13:17b.EXO.013.017 Oo markii Fircoon dadkii sii daayay, Ilaah kuma uu kaxayn jidka dalka reer Falastiin in kastoo uu kaasu dhowaa, waayo, Ilaah wuxuu yidhi, Waaba intaasoo dadku markay dagaal arkaan ay qoomameeyaan, oo ay Masar dib ugu noqdaan.

13:18b.EXO.013.018 Laakiinse Ilaah wuxuu dadkii u hor kacay waddada la wareegta cidlada ku ag taal Badda Cas; reer binu Israa'iilna waxay Masar ka bexeen iyagoo hubkoodii sita.

13:19b.EXO.013.019 Markaasaa Muuse wuxuu qaaday lafihii Yuusuf; waayo, Yuusuf aad buu ugu dhaartay reer binu Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Hubaal Ilaah waa idin soo booqan doonaa; ee lafahayga waa inaad halkan ka qaaddaan.

13:20b.EXO.013.020 Oo waxay sodcaalkoodii ka bilaabeen Sukod, oo waxay degeen Eetaam, oo ku taal cidlada qarkeeda.

13:21b.EXO.013.021 Rabbiguna inuu iyaga jidka tuso aawadeed ayuu maalintii hortooda socon jiray isagoo ku jira tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah, inuu iyaga u iftiimiyo si ay u socdaan hadh iyo habeenba.Tiirkii daruurta ahaa oo maalinta, iyo tiirkii dabka ahaa oo habeenka kama tegin dadka hortiisa.

13:22b.EXO.013.022 Tiirkii daruurta ahaa oo maalinta, iyo tiirkii dabka ahaa oo habeenka kama tegin dadka hortiisa.

14

14:1b.EXO.014.001 Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse, oo wuxuu ku yidhi,

14:2b.EXO.014.002 La hadal reer binu Israa'iil oo u sheeg inay dib u soo noqdaan oo ay degaan meel ka horraysa Fiihaahiirod, oo u dhaxaysa Migdol iyo badda, kana horraysa Bacal Sefoon. Horteeda oo meel badda agteeda ah waa inaad degtaan.

14:3b.EXO.014.003 Oo Fircoon wuxuu wax ka sheegi doonaa reer binu Israa'iil, oo odhan doonaa, Dhulkaa murgiyey, oo cidladaa xidhay iyagii.

14:4b.EXO.014.004 Oo anna waxaan qallafin doonaa Fircoon qalbigiisa, oo isna wuu soo raacdaysan doonaa iyaga; markaasaan Fircoon iyo ciidankiisaba ciso ka heli doonaa; Masriyiintuna waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga. Oo iyana sidii bay yeeleen.

14:5b.EXO.014.005 Oo waxaa loo sheegay boqorkii Masar inay dadkii carareen; markaasaa Fircoon iyo addoommadiisii qalbigoodii wuxuu u rogmaday xaggii dadka, oo waxay yidhaahdeen, Waxan aynu samaynay waa maxay, oo maxaynu reer binu Israa'iil uga sii daynay adeegiddii ay inoo adeegi jireen?

14:6b.EXO.014.006 Markaasuu wuxuu diyaarsaday gaadhifaraskiisii, oo wuxuu watay dadkiisii;

14:7b.EXO.014.007 Oo wuxuu kaxaystay lix boqol oo gaadhifaras ah oo la doortay, iyo gaadhifardoodkii Masar oo dhan, iyo saraakiil u sarraysa kulligood.

14:8b.EXO.014.008 Markaasaa Rabbigu qallafiyey qalbigii boqorkii Masar oo Fircoon ahaa; kolkaasuu wuxuu raacdaystay reer binu Israa'iil; waayo, reer binu Israa'iil waxay ku bexeen gacan sarraysa.

14:9b.EXO.014.009 Markaasaa Masriyiintii iyagii raacdaysteen. Kulli Fircoon fardihiisii iyo gaadhifardoodkiisii oo dhan, iyo fardooleydiisii, iyo ciidankiisii ayaa raacdeeyey, oo waxay gaadheen iyagoo deggan meel badda u dhow, oo Fiihaahiirod dhinaceeda ah, kana horraysa Bacal Sefoon.

14:10b.EXO.014.010 Oo markii Fircoon soo dhowaaday, ayaa reer binu Israa'iil indhaha kor u taageen, oo waxay arkeen Masriyiintii oo soo daba socota; markaasay aad iyo aad u cabsadeen, oo reer binu Israa'iil ayaa Rabbiga u qayshaday.

14:11b.EXO.014.011 Oo waxay Muuse ku yidhaahdeen, War ma xabaalaan jirin Masar, oo sidaa aawadeed aad noogu soo kaxaysay cidlada inaannu ku dhimanno? Maxaad sidan noogu gashay oo aad Masar nooga soo saartay?

14:12b.EXO.014.012 Sow erayganu ma aha kii aannu kugula hadalnay Masar dhexdeeda, annagoo ku leh, Iska kaaya daa, aannu Masriyiinta u addeegnee? Waayo, waxaa noo wanaagsanaan lahayd inaannu Masriyiinta u adeegno, intii aannu cidlada ku dhiman lahayn.

14:13b.EXO.014.013 Markaasaa Muuse wuxuu dadkii ku yidhi, War ha cabsanina, oo iska taagnaada, oo bal arka badbaadada uu Rabbigu maanta idiin samayn doono; waayo, Masriyiinta aad maanta aragteen, weligiin mar dambe ma arki doontaan.

14:14b.EXO.014.014 Oo Rabbigu aawadiin buu u diriri doonaa, oo idinku waa inaad iska aamusnaataan.

14:15b.EXO.014.015 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, War maxaad iigu qaylinaysaa? Reer binu Israa'iil u sheeg inay hore u socdaan.

14:16b.EXO.014.016 Oo adigu ushaada kor u qaad, oo gacanta badda ku kor fidi, oo kala goo; oo reer binu Israa'iil waxay mari doonaan badda dhexdeeda oo ay ku socon doonaan dhul engegan.

14:17b.EXO.014.017 Oo bal ogow, anigu waxaan qallafin doonaa qalbiga Masriyiinta, oo iyagay daba geli doonaan; oo markaasaan ciso ka heli doonaa Fircoon, iyo ciidankiisa oo dhan, iyo gaadhifardoodkiisa, iyo fardooleydiisa.

14:18b.EXO.014.018 Oo Masriyiintu markaasay garan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, kolkii aan sharaf ka helo Fircoon, iyo gaadhifardoodkiisa, iyo fardooleydiisa.

14:19b.EXO.014.019 Markaasaa malaa'igtii Ilaah oo hor socotay reer binu Israa'iil soo wareegtay oo daba martay iyagii, markaasaa tiirkii daruurta ahaa ka soo hor wareegay oo uu daba maray iyagii;

14:20b.EXO.014.020 oo wuxuu kala dhex galay reer Masar iyo reer binu Israa'iil; oo waxaa jiray daruur iyo gudcur, laakiinse weliba habeennimadii wuu iftiimay; oo habeenkii oo dhan midna uma soo dhowaan ka kale.

14:21b.EXO.014.021 Markaasaa Muuse gacantii baddii ku kor fidiyey, oo habeenkii oo dhan Rabbigu wuxuu baddii dib ugu celiyey dabayl xoog badan oo bari ka timid, oo wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan, oo biyihiina way kala go'een.

14:22b.EXO.014.022 Markaasaa reer binu Israa'iil baddii dhex mareen, oo waxay ku socdeen dhul engegan, oo biyihiina waxay iyagii u ahaayeen derbi xagga midigta iyo xagga bidixdaba.

14:23b.EXO.014.023 Markaasaa Masriyiintiina soo eryadeen, oo intay soo daba galeen ayay waxay mareen badda dhexdeeda, oo waxayna ahaayeen Fircoon fardihiisii iyo gaadhifardoodkiisii, iyo fardooleydiisii oo dhan.

14:24b.EXO.014.024 Oo markii waagii beryay waxaa dhacday in Rabbigu ciidankii Masriyiinta ka dhex fiiriyey tiirkii dabka ahaa iyo kii daruurta ahaa, kolkaasuu kadeeday ciidankii Masriyiinta.

14:25b.EXO.014.025 Kolkaasuu giringirihii gaadhifardoodkooda xidhay, inay si dhib leh u kexeeyaan; markaasay Masriyiintii waxay yidhaahdeen, Reer binu Israa'iil hortooda aynu ka cararno; waayo, Rabbigu waa u dirirayaa iyaga oo uga hiilinayaa Masriyiinta.

14:26b.EXO.014.026 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Badda gacanta ku kor fidi, inay biyuhu ku soo noqdaan Masriyiinta, iyo gaadhifardoodkooda, iyo fardooleydooda.

14:27b.EXO.014.027 Markaasaa Muuse gacantii badda ku kor fidiyey, oo markii waagii beryay ayaa baddii xooggeedii hore ku soo noqotay, markaasaa Masriyiintiina ka carareen; kolkaasaa Rabbigu wuxuu Masriyiintii ku tuuray badda dhexdeedii.

14:28b.EXO.014.028 Markaasaa biyihii isku soo noqdeen, oo waxay qariyeen gaadhifardoodkii, iyo fardooleydii, iyo xataa ciidankii Fircoon oo dhan oo badda dhexdeeda reer binu Israa'iil ku eryaday, oo xataa midna kama hadhin.

14:29b.EXO.014.029 Laakiinse reer binu Israa'iil waxay ku socdeen dhul engegan oo badda dhexdeeda ah, biyihiina waxay iyagii u ahaayeen derbi xagga midigta iyo xagga bidixdaba.

14:30b.EXO.014.030 Oo sidaasaa Rabbigu reer binu Israa'iil uga badbaadiyey gacantii Masriyiinta; oo reer binu Israa'iilna waxay arkeen Masriyiintii oo dhimatay oo badda xeebteeda taal.Markaasaa reer binu Israa'iil waxay arkeen shuqulkii weynaa oo Rabbigu ku sameeyey Masriyiintii, kolkaasay dadkii Rabbiga ka cabsadeen, oo waxay rumaysteen Rabbiga iyo addoonkiisii Muuse.

14:31b.EXO.014.031 Markaasaa reer binu Israa'iil waxay arkeen shuqulkii weynaa oo Rabbigu ku sameeyey Masriyiintii, kolkaasay dadkii Rabbiga ka cabsadeen, oo waxay rumaysteen Rabbiga iyo addoonkiisii Muuse.

15

15:1b.EXO.015.001 Markaasaa Muuse iyo reer binu Israa'iil waxay Rabbiga ugu gabyeen gabaygan, oo intay qaadeen, bay yidhaahdeen, Anigu Rabbiga waan u gabyi doonaa, waayo, ammaan buu ku guulaystay; Faraskii iyo kii fuushanaaba wuxuu ku tuuray badda.

15:2b.EXO.015.002 Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga, Oo isagu wuxuu noqday badbaadadayda. Kanu waa Ilaahay, oo anigu waan ammaani doonaa isaga; Waa Ilaahii aabbahay, aniguna waan sarraysiin doonaa.

15:3b.EXO.015.003 Rabbigu waa dagaalyahan, Magiciisuna waa Rabbi.

15:4b.EXO.015.004 Wuxuu Fircoon gaadhifardoodkiisii iyo ciidankiisiiba ku tuuray badda dhexdeeda, Oo saraakiishiisii la doortayna waxay tiimbadeen Badda Cas dhexdeeda.

15:5b.EXO.015.005 Oo waxaa iyagii qariyey moolkii, Oo moolkay dhex tiimbadeen sidii dhagax oo kale.

15:6b.EXO.015.006 Rabbiyow, gacantaada midig xoog bay ammaan ku leedahay, Rabbiyow, gacantaada midig cadowga bay burburisaa.

15:7b.EXO.015.007 Oo mudnaantaada weynaanteeda ayaad ku jebisaa kuwa adiga kugu kaca. Oo waxaad soo dirtaa cadhadaada, kolkaasay iyaga u gubtaa sidii jirrido yaryar oo jajab ah.

15:8b.EXO.015.008 Oo neeftii sankaaga aawadeed ayaa biyihii isdul rasaysmeen, Daadkiina kor buu u kacay sidii taallo; Moolkiina wuxuu ku adkaaday badda dhexdeeda.

15:9b.EXO.015.009 Oo cadowgii wuxuu yidhi, Anigu waan eryan doonaa, anigu waan gaadhi doonaa, boolida waan kala qaybin doonaa. Oo damacaygu waa ka dhergi doonaa iyaga; Oo seeftaydaan galka kala bixi doonaa, gacantayduna way baabbi'in doontaa iyaga.

15:10b.EXO.015.010 Adigu dabayshaadii baad ku afuuftay, oo baddii baa qarisay iyagii; Oo sidii laxaamad oo kale ayay u dhex tiimbadeen biyihii xoogga badnaa.

15:11b.EXO.015.011 Rabbiyow, adiga bal yaa kula mid ah ilaahyada dhexdooda? Bal yaa adiga kula mid ah oo quduusnimada ammaan ku leh, Oo ammaantiisa laga cabsadaa, oo cajaa'ibyo sameeya?

15:12b.EXO.015.012 Adigu gacantaadii midig baad soo fidisay, Markaasaa dhulku liqay iyagii.

15:13b.EXO.015.013 Oo raxmaddaadaad ku soo hor kacday dadkii aad soo madax furatay. Oo waxaad iyagii ku soo hor kacday xooggaaga, waxaadna u soo wadday rugtaada quduuska ah.

15:14b.EXO.015.014 Oo dadyowgii baa maqlay, wayna gariireen. Kuwii Falastiin degganaana waxay noqdeen sidii dumar fool qabatay.

15:15b.EXO.015.015 Markaasay ugaasyadii reer Edom yaabeen; Raggii xoogga weynaa oo Moo'aabna gariir baa qabtay. Dadkii Kancaan degganaa oo dhammuna way dhalaaleen.

15:16b.EXO.015.016 Oo cabsi iyo naxdin baa ku dhacay iyagii. Oo gacantaada weynaanteeda aawadeed ayay sidii dhagax oo kale u aamuseen, Ilaa ay dadkaagu gudbeen, Rabbiyow, Ilaa ay dadkii aad soo iibsatay gudbeen.

15:17b.EXO.015.017 Iyaga gudahaad soo gelin doontaa, oo waxaad ku beeri doontaa buurta dhaxalkaaga, Taasoo ah meesha aad u samaysatay inaad degganaatid, Rabbiyow, Waana meesha quduuska ah oo gacmahaagu diyaariyeen.

15:18b.EXO.015.018 Rabbigu boqor buu ahaan doonaa weligiis iyo weligiisba.

15:19b.EXO.015.019 Waayo, Fircoon fardihiisii waxay baddii la galeen gaadhifardoodkiisii, iyo fardooleydiisii, oo Rabbigu biyihii badda ayuu dushooda ku soo celiyey; laakiinse reer binu Israa'iil waxay ku socdeen dhul engegan oo badda dhexdeeda ah.

15:20b.EXO.015.020 Markaasaa Maryan oo nebiyad ahayd, Haaruunna walaashiis ahayd, ayaa waxay gacanteeda ku qaadatay daf; kolkaasaa dumarkii oo dhammu ka daba yaaceen iyagoo cayaaraya oo dafaf wata.

15:21b.EXO.015.021 Markaasaa Maryan waxay ugu celisay iyagii, War Rabbiga u gabya, waayo, ammaan buu ku guulaystay; Oo faraskii iyo kii fuushanaaba wuxuu ku tuuray badda.

15:22b.EXO.015.022 Markaasaa Muuse reer binu Israa'iil hore uga sii kexeeyey Badda Cas, oo waxay tageen cidlada Shuur la yidhaahdo; oo waxay cidlada ku dhex soconayeen saddex maalmood, oo biyona ma ay helin.

15:23b.EXO.015.023 Oo markii ay yimaadeen Maaraah, way cabbi kari waayeen biyihii Maaraah, waayo, way qadhaadhaayeen, oo sidaas daraaddeed magaceedii waxaa loo bixiyey Maaraah.

15:24b.EXO.015.024 Markaasay dadkii Muuse u gunuuseen, oo waxay yidhaahdeen, Bal maxaannu cabnaa?

15:25b.EXO.015.025 Kolkaasuu Rabbiga u qayshaday, oo Rabbigu wuxuu tusay geed, geedkiina wuu ku dhex tuuray biyihii, markaasaa biyihii macaan noqdeen. Oo meeshaas buu wuxuu ugu sameeyey qaynuun iyo amar, oo meeshaas buu ku tijaabiyey iyagii;

15:26b.EXO.015.026 oo wuxuu ku yidhi, Haddaad aad u dhegaysatid Rabbiga Ilaahaaga ah codkiisa, oo aad samaysid wixii ku hagaagsan indhihiisa hortooda, oo aad dhegta u dhigtid amarradiisa, oo aad dhawrtid qaynuunnadiisii oo dhan, de markaas anigu kugu ridi maayo cudurradii aan Masriyiinta ku riday midnaba; waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga ku bogsiiya.Markaasay waxay yimaadeen meel la yidhaahdo Eelim, oo meeshaas waxaa ku yiil laba iyo toban ilood oo biyo ah, iyo toddobaatan geed oo timir ah, oo halkaasay degeen biyaha agtooda.

15:27b.EXO.015.027 Markaasay waxay yimaadeen meel la yidhaahdo Eelim, oo meeshaas waxaa ku yiil laba iyo toban ilood oo biyo ah, iyo toddobaatan geed oo timir ah, oo halkaasay degeen biyaha agtooda.

16

16:1b.EXO.016.001 Markaasay ka ambabbexeen Eelim, oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay yimaadeen cidlada Siin la yidhaahdo, taasoo u dhaxaysa Eelim iyo Siinay, waxayna ahayd bishii labaad, maalinteedii shan iyo tobnaad, taasoo ka dambaysay baxniintii ay Masar ka soo bexeen.

16:2b.EXO.016.002 Markaasaa shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu cidladii Muuse iyo Haaruun ugu gunuuseen.

16:3b.EXO.016.003 Oo reer binu Israa'iilna waxay iyagii ku yidhaahdeen, Waxaa noo wanaagsanaan lahayd inaannu gacanta Rabbiga ku dhimanno, annagoo dalkii Masar joogna, intii aannu ag fadhinnay dheryaha hilibka ah, oo aannu kibis ka dhergaynay, waayo, waxaad cidladan noogu soo bixiseen inaad ururkan oo dhan gaajo ku dishaan.

16:4b.EXO.016.004 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal eeg, waxaan samada idiinka soo dayn doonaa kibis, oo dadku waa inay dibadda u baxaan oo maalin walba soo urursadaan in maalin ku filan, si aan u tijaabiyo iyaga, bal inay sharcigayga ku socdaan iyo in kale.

16:5b.EXO.016.005 Oo maalinta lixaad waa inay diyaarsadaan wixii ay soo gurteen, kolkaasay noqon doontaa intii ay maalin walba guran jireen in labanlaabkeed ah.

16:6b.EXO.016.006 Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay reer binu Israa'iil oo dhan ku yidhaahdeen, Makhribka baad ogaan doontaan inuu Rabbigu idinka soo bixiyey dalkii Masar,

16:7b.EXO.016.007 oo subaxdana waxaad arki doontaan ammaantii Rabbiga, waayo, wuu maqlayaa gunuuskiinna aad Rabbiga u gunuusaysaan. Oo annagu maxaannu nahay oo aad noogu gunuusaysaan?

16:8b.EXO.016.008 Markaasaa Muuse wuxuu yidhi; Rabbigu makhribka wuxuu idin siin doonaa hilib aad cuntaan, subaxdana wuxuu idin siin doonaa kibis aad ka dheregtaan; maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu maqlayaa gunuuskiinna aad isaga u gunuusaysaan. Bal maxaannu annagu nahay? Annaga noo gunuusi maysaane, ee waxaad u gunuusaysaan Rabbiga.

16:9b.EXO.016.009 Markaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, Shirka reer binu Israa'iil oo dhan waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga hortiisa ku soo dhowaada; waayo, wuu maqlay gunuuskiinnii.

16:10b.EXO.016.010 Intii Haaruun la hadlayay shirkii reer binu Israa'iil oo dhan waxay eegeen xaggii cidlada, oo bal eeg, ammaantii Rabbiga ayaa daruurtii ka dhex muuqatay.

16:11b.EXO.016.011 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu isagii ku yidhi,

16:12b.EXO.016.012 Anigu waan maqlay gunuuskii reer binu Israa'iil; haddaba la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Makhribka waxaad cuni doontaan hilib, subaxdana waxaad ka dhergi doontaan kibis; oo waad ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah.

16:13b.EXO.016.013 Oo waxaa dhacday in makhribkii digaagduur yimaadeen oo ay xeradii oo dhan qariyeen, oo subaxdiina waxaa degmadii hareeraheeda ku soo degay sayax.

16:14b.EXO.016.014 Oo markii sayaxii soo degay baabba'ay ayaa waxaa dhulkii cidlada ku hadhay wax yaryar oo goobaaban oo laale'eg sayax barafoobay.

16:15b.EXO.016.015 Oo markay reer binu Israa'iil arkeen ayaa midkoodba ka kale ku yidhi, Maxay tahay? Waayo, ma ay garanayn waxay tahay. Kolkaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Tanu waa kibistii Rabbigu idiin siiyey inaad cuntaan.

16:16b.EXO.016.016 Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray, Nin waluba ha ka gurto in cuntadiisa ugu filan, inta dadkiinna tiradiisu tahay, qofkiiba comer muggiis ha qaato, oo nin waluba inta teendhadiisa joogta ha u qayb qaado.

16:17b.EXO.016.017 Oo reer binu Israa'iil sidaasay yeeleen, oo qaarna wax badan buu soo gurtay, qaarna wax yar.

16:18b.EXO.016.018 Oo markay comerkii ku qiyaaseen, kii wax badan soo gurtay waxba kama hadhin, kii wax yar soo gurtayna waxba kama dhinmin, oo nin waluba in cuntadiisa ugu filan buu soo gurtay.

16:19b.EXO.016.019 Markaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Ninna yuusan wax ka reebin ilaa subaxda.

16:20b.EXO.016.020 Habase yeeshee Muuse ma ay dhegaysan, laakiinse qaarkood baa wax ka reebay ilaa subaxdii, kolkaasaa dirxi galay, oo ay urtay. Markaasaa Muusena iyagii u cadhooday.

16:21b.EXO.016.021 Oo subax kasta nin waluba wuxuu guran jiray in cuntadiisa ugu filan; oo markii qorraxdu soo kululaatana, way dhalaali jirtay.

16:22b.EXO.016.022 Oo maalintii lixaad waxay soo gurteen kibistii hore labanlaabkeed, qof waluba wuxuu soo gurtay laba comer, markaasaa taliyayaashii shirka oo dhammu intay u yimaadeen Muuse u sheegeen.

16:23b.EXO.016.023 Kolkaasuu wuxuu iyagii ku yidhi, Waxanu waa wixii Rabbigu ku hadlay, Berri waa maalin weyn oo nasasho ah, oo waa sabti quduus u ah Rabbiga. Wixii aad duban lahaydeen dubta, oo wixii aad karin lahaydeen kariya, oo wax alla wixii idiin hadha meel dhigta oo ha idiin yaalleen ilaa subaxda.

16:24b.EXO.016.024 Kolkaasay meel dhigteen ilaa subaxdii, sidii Muuse ku amray; oo mana ay urin, dirxina laguma arag.

16:25b.EXO.016.025 Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Intan maanta cuna; waayo, maanta waa maalin sabti u ah Rabbiga; oo maanta waxba duurka ka heli maysaan.

16:26b.EXO.016.026 Lix maalmood waa inaad soo gurataan, laakiinse maalinta toddobaad waa sabtida, oo maalintaas waxba ma jiri doonaan innaba.

16:27b.EXO.016.027 Oo waxaa dhacday maalintii toddobaad inay dadkii qaarkood dibadda u bexeen inay wax soo gurtaan, laakiinse waxba ma ay helin.

16:28b.EXO.016.028 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Ilaa goormaad diidaysaan inaad dhawrtaan amarradayda iyo qaynuunnadayda?

16:29b.EXO.016.029 Bal eega, Rabbigu wuxuu idin siiyey sabtida, oo sidaas daraaddeed buu isagu maalintii lixaad idiin siiyey kibis laba maalmood idinku filan; haddaba nin kasta oo idinka mid ahu meeshiisa ha joogo, oo maalinta toddobaad ninna yuusan meeshiisa ka bixin.

16:30b.EXO.016.030 Oo sidaas daraaddeed baa dadkii maalintii toddobaad u nasteen.

16:31b.EXO.016.031 Oo reer binu Israa'iil waxay magaceedii u bixiyeen Maanna; oo waxay u caddayd sida midhaha koryander la yidhaahdo, waxayna u dhadhan ekayd sidii buskud malab lagu sameeyey.

16:32b.EXO.016.032 Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray, oo wuxuu yidhi, Comer muggiis ha loo dhigo farcankiinna dambe, inay arkaan kibistii aan idinku masruufi jiray markaad cidlada joogteen oo aan dalkii Masar idinka soo bixiyey.

16:33b.EXO.016.033 Markaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, Weel qaado oo waxaad ku shubtaa comer muggiis oo Maanna ah, oo Rabbiga hor dhig in loo hayo farcankiinna dambe.

16:34b.EXO.016.034 Sidii Rabbigu Muuse ku amray ayaa Haaruun Maragga hortiis u dhigay, in loo hayo aawadeed.

16:35b.EXO.016.035 Oo reer binu Israa'iil waxay maannadii cunayeen afartan sannadood, ilaa ay yimaadeen dhul la deggan yahay. Waxay cuni jireen maannadii ilaa ay yimaadeen dalkii reer Kancaan xadkiisii.Comer waa eefaah toban meelood loo dhigay meeshiis.

16:36b.EXO.016.036 Comer waa eefaah toban meelood loo dhigay meeshiis.

17

17:1b.EXO.017.001 Oo markaasaa shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ka sodcaaleen cidlada Siin la yidhaahdo, oo waxay u socdeen sidii Rabbigu ku amray, kolkaasay waxay degeen meel la yidhaahdo Refiidiim; oo dadkuna ma ay haysan biyo ay cabbaan.

17:2b.EXO.017.002 Sidaas daraaddeed dadkii waxay la dirireen Muuse, oo waxay ku yidhaahdeen, War biyo aannu cabno na sii. Kolkaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Bal maxaad aniga iila diriraysaan? Oo maxaad Rabbiga u jirrabaysaan?

17:3b.EXO.017.003 Markaasay dadkii meeshaas biyo ugu harraadeen; kolkaasaa dadkii intay Muuse u gunuuseen ayay waxay ku yidhaahdeen, War maxaad Masar nooga soo kaxaysay? Ma inaad annaga iyo carruurtayada, iyo xoolahayaga harraad noogu disha baa?

17:4b.EXO.017.004 Kolkaasaa Muuse Rabbiga u qayshaday oo ku yidhi, Bal maxaan dadkan ku sameeyaa? Waayo, waxay ku dhow yihiin inay i dhagxiyaan.

17:5b.EXO.017.005 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal dadka ka hor mar, oo waxaad kaxaysataa waayeellada reer binu Israa'iil, ushaadii aad webiga ku dhufatayna gacanta ku qabso oo tag.

17:6b.EXO.017.006 Oo bal ogow, halkaas ayaan hortaada isku dul taagi doonaa dhagaxa weyn oo Xoreeb yaal, kolkaas waa inaad dhagaxa ushaada ku dhufataa, oo waxaa halkaas ka iman doona biyo ay dadku cabbaan. Kolkaasaa Muuse sidaas ku sameeyey waayeelladii reer binu Israa'iil hortooda.

17:7b.EXO.017.007 Markaasuu meeshaas magaceedii wuxuu u bixiyey Masaah iyo Meriibaah, dirirtii ay reer binu Israa'iil dirireen aawadeed, iyo jirrabaaddii ay Rabbiga jirrabeen aawadeed, oo ay yidhaahdeen, War, Rabbigu ma na dhex joogaa mise nama dhex joogo?

17:8b.EXO.017.008 Markaasaa waxaa yimid reer Camaaleq, oo wuxuu reer binu Israa'iil kula diriray Refiidiim.

17:9b.EXO.017.009 Markaasaa Muuse wuxuu Yashuuca ku yidhi, Rag inoo dooro, oo la bax, oo reer Camaaleq la dirir. Berrito waxaan istaagi doonaa buurta dusheeda, anigoo gacanta ku haysta ushii Ilaah.

17:10b.EXO.017.010 Kolkaasaa Yashuuca yeelay sidii Muuse ku yidhi, oo wuxuu la diriray reer Camaaleq. Markaasaa Muuse iyo Haaruun iyo Xuur waxay koreen ilaa buurta dusheedii.

17:11b.EXO.017.011 Oo markii Muuse gacanta kor u taagayba, waxaa adkaaday reer binu Israa'iil; markuu gacanta dejiyeyna, waxaa adkaaday reer Camaaleq.

17:12b.EXO.017.012 Laakiinse Muuse gacmihiisu way cuslaayeen; kolkaasay waxay soo qaadeen dhagax, oo Muuse u saldhigeen, isna kolkaasuu ku fadhiistay; Haaruun iyo Xuurna gacmihiisii bay sare u hayeen, intuu midba dhinac ka maray, oo gacmihiisiina way xoogeeyeen ilaa ay qorraxdii dhacday.

17:13b.EXO.017.013 Oo Yashuucana seef afkeed buu ku jebiyey reer Camaaleq iyo dadkiisiiba.

17:14b.EXO.017.014 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxan buug ku qor si loo xusuusto, oo Yashuuca dhegihiisa maqashii, waayo, xusuusta reer Camaaleq lagu xusuusan jiray ayaan inta samada ka hoosaysa oo dhan ka baabbi'inayaa.

17:15b.EXO.017.015 Markaasaa Muuse wuxuu dhisay meel allabari, oo magaceedii wuxuu u bixiyey Yehowah Nisii,oo wuxuu yidhi, Rabbigu waa dhaartay, oo Rabbigu wuu la dagaallami doonaa reer Camaaleq ka ab ka ab.

17:16b.EXO.017.016 oo wuxuu yidhi, Rabbigu waa dhaartay, oo Rabbigu wuu la dagaallami doonaa reer Camaaleq ka ab ka ab.

18

18:1b.EXO.018.001 Haddaba wadaadkii Midyaan oo Yetroo ahaa, Muusena soddog u ahaa, ayaa wuxuu maqlay kulli wixii Rabbigu u sameeyey Muuse iyo dadkiisa reer binu Israa'iil, iyo sidii Rabbigu reer binu Israa'iil uga soo bixiyey dalkii Masar.

18:2b.EXO.018.002 Markaasaa Yetroo oo Muuse soddog u ahaa ayaa wuxuu soo kexeeyey naagtii Muuse oo ahayd Siforaah, markuu iska diray dabadeed,

18:3b.EXO.018.003 iyadii iyo labadeedii wiilba, oo midkood magiciisu wuxuu ahaa Gershoom, waayo, wuxuu yidhi, Qariib baan ku ahaa dal qalaad,

18:4b.EXO.018.004 midka kalena magiciisuna wuxuu ahaa Eliiceser; waayo, wuxuu yidhi, Ilaahii aabbahay baa i caawiyey, oo wuxuu iga samatabbixiyey seeftii Fircoon.

18:5b.EXO.018.005 Markaasaa Yetroo oo Muuse soddog u ahaa ayaa Muuse ugu yimid cidladii ay degeen oo buurtii Ilaah agteeda ahayd isagoo wada wiilashiisii iyo naagtiisii.

18:6b.EXO.018.006 Markaasuu wuxuu Muuse ku yidhi, Anigoo ah Yetroo soddoggaa waan kuu imid aniga iyo naagtaada iyadoo wadata labadeedii wiilba.

18:7b.EXO.018.007 Markaasaa Muuse dibadda u baxay inuu ka hor tago soddoggiis, kolkaasuu u sujuuday oo dhunkaday, markaasaa intay iswaraysteen ayay teendhadii soo galeen.

18:8b.EXO.018.008 Markaasaa Muuse wuxuu soddoggiis u sheegay kulli wixii Rabbigu ku sameeyey Fircoon iyo Masriyiintii oo uu ugu sameeyey reer binu Israa'iil aawadood, iyo wixii dhib iyaga ku dhacay oo dhan intay soo socdeen, iyo sidii Rabbigu uga samatabbixiyey.

18:9b.EXO.018.009 Markaasaa Yetroo ku farxay kulli wanaaggii Rabbigu reer binu Israa'iil u sameeyey oo dhan, iyo bixinta uu ka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta.

18:10b.EXO.018.010 Markaasaa Yetroo wuxuu yidhi, Ammaan waxaa leh Rabbigii idinka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta, iyo gacantii Fircoon; oo kaasu waa kii dadka ka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta hoosteeda.

18:11b.EXO.018.011 Oo haatan anigu waan ogahay in Rabbigu ka wada weyn yahay ilaahyada oo dhan; waayo, waxyaalihii ay kula macaamiloodeen iyagoo kibirsan aawadeed, isagaa ka sarreeyey.

18:12b.EXO.018.012 Markaasaa Yetroo oo Muuse soddog u ahaa ayaa wuxuu qaaday qurbaan la gubo iyo allabaryo. Markaasaa waxaa yimid Haaruun iyo waayeelladii reer binu Israa'iil oo dhan inay Ilaah hortiisa kibis kula cunaan Muuse soddoggiis.

18:13b.EXO.018.013 Markaasaa waxaa maalintii dambe dhacday in Muuse u fadhiistay inuu dadkii u kala gar naqo; dadkiina waxay Muuse ag taagnaayeen subaxdii ilaa makhribkii.

18:14b.EXO.018.014 Oo Muuse soddoggiis markuu arkay wixii uu dadkii ku sameeyey oo dhan ayuu yidhi, Waa maxay waxan aad dadka ku samaynaysaa? Oo maxaad keligaa u fadhidaa, dadka oo dhammuna kuu ag taagan yahay subaxda ilaa makhribka?

18:15b.EXO.018.015 Markaasaa Muuse soddoggiis ku yidhi, Maxaa yeelay, dadku waxay iigu yimaadaan inay Ilaah wax iga weyddiiyaan.

18:16b.EXO.018.016 Oo markay wax isu haystaanna anigay ii yimaadaan, oo markaasaan u kala gar naqaa nin iyo deriskiisa, oo waxaan iyaga ogeysiiyaa amarrada Ilaah iyo qaynuunnadiisa.

18:17b.EXO.018.017 Markaasaa Muuse soddoggiis wuxuu isaga ku yidhi, War waxaad samaysaa ma wanaagsana.

18:18b.EXO.018.018 Waayo, hubaal waad ku daali doontaan, adiga iyo dadka kula joogaaba, maxaa yeelay, waxanu waa kugu culus yihiin adiga; oo ma aad awooddid inaad keli ahaantaa samayso.

18:19b.EXO.018.019 Haddaba bal i dhegayso oo waan kula talinayaaye, oo Ilaahna ha kula jiro. Adigu dadka daraaddiis Ilaah u dhowow, oo arrimahoodana Ilaah u keen.

18:20b.EXO.018.020 Oo waa inaad iyaga bartaa amarrada iyo qaynuunnada, oo waa inaad iyaga tustaa jidkii ay mari lahaayeen, iyo shuqulkii ay qaban lahaayeen.

18:21b.EXO.018.021 Oo weliba waa inaad dadka oo dhan kala soo baxdaa rag karti leh, oo Ilaah ka cabsada, oo daacad ah, oo neceb faa'iidada xaqdarrada ah, oo kuwo caynkaas ah madax uga dhig, inay ahaadaan kuwo kun kun u taliya, iyo kuwo boqol boqol u taliya, iyo kuwo konton konton u taliya, iyo kuwo toban toban u taliya,

18:22b.EXO.018.022 oo kuwaasu dadka ha u gar naqeen had iyo goor, oo waxay noqon doontaa in wixii weyn oo dhan ay adiga kuu keenaan, laakiinse wixii yar oo dhan ay iyagu ka gar naqi doonaan; oo sidaasaa hawshu kaaga yaraan doontaa, oo iyana hawshay kula qaybsan doonaan.

18:23b.EXO.018.023 Oo haddaad waxan samaysid, oo haddii Ilaah sidan kugu amro, de markaas waad adkaysan kari doontaa, oo dadkan oo dhammuna meeshooda ayay nabad ku tegi doonaan.

18:24b.EXO.018.024 Sidaas daraaddeed Muuse wuu dhegaystay hadalkii soddoggiis, wuuna wada sameeyey wixii uu ku yidhi oo dhan.

18:25b.EXO.018.025 Markaasaa Muuse wuxuu reer binu Israa'iil oo dhan ka doortay rag karti leh, oo wuxuu ka dhigay madaxdii dadka, oo ah kuwo kun kun u taliya, iyo kuwo boqol boqol u taliya, iyo kuwo konton konton u taliya, iyo kuwo toban toban u taliya.

18:26b.EXO.018.026 Oo dadkay u gar naqi jireen had iyo goorba, oo arrimaha adadagna waxay u keeni jireen Muuse, laakiinse wixii yaryar oo dhan iyagaa ka gar naqi jiray.Markaasaa Muuse u oggolaaday soddoggiis inuu tago, isna dalkiisii ayuu tegey.

18:27b.EXO.018.027 Markaasaa Muuse u oggolaaday soddoggiis inuu tago, isna dalkiisii ayuu tegey.

19

19:1b.EXO.019.001 Markii reer binu Israa'iil Masar ka soo bexeen dabadeed, bishii saddexaad, ayay isla maalintaas yimaadeen cidlada Siinay la yidhaahdo.

19:2b.EXO.019.002 Oo markay ka soo keceen Refiidiim oo ay yimaadeen cidladii Siinay ayay teendhooyinkoodii cidladii ka dhisteen, oo reer binu Israa'iil halkaasay degeen buurta horteeda.

19:3b.EXO.019.003 Muusena kor buu ugu tegey Ilaah, markaasaa Rabbigu buurta uga yeedhay isagii, oo wuxuu ku yidhi, Yacquub reerkiisa waxaad ku tidhaahdaa sidan, reer binu Israa'iilna ku dheh,

19:4b.EXO.019.004 Idinku waad aragteen wixii aan ku sameeyey Masriyiintii, iyo sidii aan idiinku soo qaaday gorgorro baalashood, oo aan idiin soo kaxaystay.

19:5b.EXO.019.005 Haddaba sidaas daraaddeed, haddaad daacad ahaan ii addeecaysaan, oo aad axdigayga dhawraysaan, de markaas waxaad ahaan doontaan dad hanti iiga ah dadyowga oo dhan, waayo, dhulka oo dhan anigaa iska leh;

19:6b.EXO.019.006 oo waxaad ii ahaan doontaan boqortooyo wada wadaaddo ah, iyo quruun quduus ah. Kuwanu waa erayada aad reer binu Israa'iil kula hadli doonto.

19:7b.EXO.019.007 Markaasaa Muuse yimid oo wuxuu u yeedhay waayeelladii dadka oo dhan, kolkaasuu erayadii Rabbigu isaga ku amray oo dhan hortooda wada dhigay.

19:8b.EXO.019.008 Markaasaa dadkii oo dhammu waxay ku wada jawaabeen, oo yidhaahdeen, Kulli waxa Rabbigu ku hadlay oo dhan waannu wada yeeli doonnaa. Markaasaa Muuse Rabbiga uga warramay erayadii dadka.

19:9b.EXO.019.009 Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal ogow, waxaan kuugu iman doonaa daruur qaro weyn dhexdeed, inay dadku maqlaan markii aan kula hadlayo, iyo weliba inay weligood adiga ku rumaystaan. Markaasaa Muuse Rabbiga u sheegay erayadii dadka.

19:10b.EXO.019.010 Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal orod oo dadka u tag, oo maanta iyo berri quduus ka dhig iyaga, oo dharkooda ha dhaqeen,

19:11b.EXO.019.011 oo maalinta saddexaad diyaar ha u noqdeen, waayo, maalinta saddexaad dadka oo dhan hortiisa ayaa Rabbigu ku soo degi doonaa Buur Siinay.

19:12b.EXO.019.012 Oo waa inaad soohdin dadka kaga wareejisaa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Iska jira, oo buurta ha fuulina, hana taabanina xuduudkeeda; waayo, ku alla kii buurta taabta hubaal waa la dili doonaa.

19:13b.EXO.019.013 Gacanu yaanay taaban isaga, laakiinse hubaal isaga waa in la dhagxiyo ama waa in gantaal lagu dilo; dad iyo duunyo ha ahaado, kaasu sina yaanu u noolaan; oo markii buunka aad looga dhawaajiyo, buurta ha soo fuuleen.

19:14b.EXO.019.014 Markaasaa Muuse buurtii ka degay, oo wuxuu u tegey dadkii, kolkaasuu dadkii quduus ka dhigay, oo ay dharkoodii dhaqeen.

19:15b.EXO.019.015 Oo wuxuu dadkii ku yidhi, Maalinta saddexaad diyaar noqda oo naagna ha isugu dhowaanina.

19:16b.EXO.019.016 Oo maalintii saddexaad, markuu waagii beryay, waxaa dhacay onkod iyo hillaac, oo daruur qaro weyn baa buurtii soo dul joogsatay, oo waxaa yeedhay buun codkiisu aad iyo aad u weyn yahay, kolkaasay dadkii xerada ku jiray oo dhammu wada gariireen.

19:17b.EXO.019.017 Markaasaa Muuse dadkii xeradii ka soo bixiyey inay Ilaah la kulmaan aawadeed; kolkaasay waxay istaageen buurta salkeedii.

19:18b.EXO.019.018 Oo Buur Siinay dhammaanteed way qiiqaysay, maxaa yeelay, Rabbi baa dusheeda ku soo degay, isagoo dab ku dhex jira, oo qiiqeediina kor buu u baxay sida qiiq foorno oo kale, oo buurtii oo dhammuna aad bay u gariirtay.

19:19b.EXO.019.019 Oo markii buunkii codkiisii aad iyo aad u sii weynaaday ayaa Muuse hadlay, Ilaahna kolkaasuu cod ugu jawaabay.

19:20b.EXO.019.020 Markaasaa Rabbigu wuxuu ku soo kor degay Buur Siinay, oo wuxuu yimid buurta dusheedii. Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ugu yeedhay buurta dusheedii; oo Muusena kor buu u baxay.

19:21b.EXO.019.021 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Hoos u deg, oo dadka u dig, waaba intaasoo ay Rabbiga xaggiisa u soo xadgudbaan inay fiirsadaan, oo ay qaarkood badanu halligmaane.

19:22b.EXO.019.022 Oo weliba wadaaddada Rabbiga u soo dhowaanaya quduus ha iska dhigeen, waaba intaasoo Rabbigu uu halligaaye.

19:23b.EXO.019.023 Kolkaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, Dadku Buur Siinay sooma fuuli karaan, waayo, waxaad nagu amartay, oo nagu tidhi, Buurta soohdin ku wareeji, oo quduus ka dhig.

19:24b.EXO.019.024 Markaasaa Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Orod oo hoos u deg; oo dabadeedna soo fuul adigoo Haaruun wata; laakiinse wadaaddada iyo dadku yaanay kor u soo xadgudbin xagga Rabbiga, waaba intaasoo uu halligaaye.Haddaba Muuse hoos buu u degay oo dadkii u tegey, una sheegay.

19:25b.EXO.019.025 Haddaba Muuse hoos buu u degay oo dadkii u tegey, una sheegay.

20

20:1b.EXO.020.001 Markaasaa Rabbigu erayadan oo dhan ku hadlay, isagoo leh,

20:2b.EXO.020.002 Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, oo kaa soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.

20:3b.EXO.020.003 Aniga mooyaane ilaahyo kale waa inaanad lahaan.

20:4b.EXO.020.004 Waa inaanad samaysan sanam xardhan, ama wax u eg waxa samada sare jira, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira.

20:5b.EXO.020.005 Waa inaanad iyaga u sujuudin, ama u adeegin, waayo, aniga oo ah Rabbiga Ilaahaaga ah waxaan ahay Ilaah masayr ah, oo xumaantii awowayaasha waxaan soo gaadhsiinayaa carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad oo kuwa i neceb,

20:6b.EXO.020.006 oo waxaan u naxariistaa kumanyaal ah kuwa i jecel oo amarradayda xajiya.

20:7b.EXO.020.007 Waa inaanad magaca Rabbiga Ilaahaaga ah si been ah ugu hadal qaadin, waayo, Rabbigu eedlaawe u haysan maayo kii magiciisa si been ah ugu hadal qaada.

20:8b.EXO.020.008 Xusuuso maalinta sabtida, inaad quduus ka dhigto.

20:9b.EXO.020.009 Lix maalmood waa inaad hawshootaa, oo aad shuqulkaaga oo dhan qabsataa,

20:10b.EXO.020.010 laakiinse maalinta toddobaad waa maalin sabti u ah Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaanad shuqul qaban, adiga, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama addoonkaaga, ama addoontaada, ama xoolahaaga, ama qariibka irdahaaga ku jira;

20:11b.EXO.020.011 waayo, Rabbigu lix maalmood buu ku sameeyey samada, iyo dhulka, iyo badda, iyo waxa dhexdooda ku jira oo dhan, kolkaasuu nastay maalintii toddobaad, sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu u barakeeyey maalintii sabtida ahayd oo quduus uga dhigay.

20:12b.EXO.020.012 Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, in cimrigaagu ku dheeraado dhulka Rabbiga Ilaahaaga ahu ku siiyo.

20:13b.EXO.020.013 Waa inaanad qudh gooyn.

20:14b.EXO.020.014 Waa inaanad sinaysan.

20:15b.EXO.020.015 Waa inaanad waxba xadin.

20:16b.EXO.020.016 Waa inaanad deriskaaga marag been ah ku furin.

20:17b.EXO.020.017 Waa inaanad damcin guriga deriskaaga, waa inaanad damcin naagta deriskaaga, ama addoonkiisa, ama addoontiisa, ama dibigiisa, ama dameerkiisa, ama waxa deriskaagu leeyahay oo dhan.

20:18b.EXO.020.018 Oo dadkii oo dhammuna way wada arkeen onkodkii iyo hillaacii, iyo codkii buunka, iyo buurtii qiiqaysay; oo markii dadkii arkay ayay gariireen, oo meel fog istaageen.

20:19b.EXO.020.019 Kolkaasay waxay Muuse ku yidhaahdeen, Adigu nala hadal, oo annana waannu ku maqli doonnaa, laakiinse Ilaah yuusan nala hadlin, waaba intaasoo aannu dhimannaaye.

20:20b.EXO.020.020 Markaasaa Muuse wuxuu dadkii ku yidhi, Ha cabsanina, waayo, Ilaah wuxuu u yimid inuu idin tijaabiyo, iyo in ka cabsashadiisu idinku jirto, si aydnaan u dembaabin.

20:21b.EXO.020.021 Markaasaa dadkii waxay istaageen meel fog, Muusena wuxuu u soo dhowaaday gudcurkii qarada weynaa oo Ilaah joogay.

20:22b.EXO.020.022 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Idinka qudhiinnu waad aragteen inaan samada idinkala hadlay.

20:23b.EXO.020.023 Haddaba waa inaydnaan yeelan ilaahyo kale aniga mooyaane; oo ilaahyo lacag ah iyo ilaahyo dahab ah waa inaydnaan samaysan.

20:24b.EXO.020.024 Meel allabari waa inaad ciid iiga samaysaa, oo waa inaad dusheeda iigu bixisaa qurbaannadaada la gubo, iyo qurbaannadaada nabaadiinada, iyo idahaaga iyo dibiyadaada. Oo meel kasta oo aan magacayga dadka ku xusuusiyoba waan kuugu iman doonaa oo waan kugu barakayn doonaa.

20:25b.EXO.020.025 Oo haddaad meel allabari dhagax iiga samayso, waa inaadan dhagax qoran ka dhisin, waayo, haddaad alaabtaada taabsiisid waad nijaasaysay.Ama waa inaanad meeshayda allabariga sallaan ku fuulin, si aan cawradaadu uga muuqan.

20:26b.EXO.020.026 Ama waa inaanad meeshayda allabariga sallaan ku fuulin, si aan cawradaadu uga muuqan.

21

21:1b.EXO.021.001 Haddaba kuwanu waa amarradii aad hortooda dhigi lahayd.

21:2b.EXO.021.002 Haddaad addoon Cibraani ah iibsatid, ha kuu adeego lix sannadood, oo tan toddobaadna ha iska tago isagoo xor ah oo aan waxba bixin.

21:3b.EXO.021.003 Oo hadduu keli ahaantiis ku soo galo, haddana keli ahaantiis ha ku baxo, hadduuse naag qabo, de markaas waa inay naagtiisu isaga la baxdaa.

21:4b.EXO.021.004 Haddii sayidkiisu naag siiyona, oo ay wiilal iyo gabdho u dhasho, de markaas naagta iyo carruurteedaba waxaa iska lahaanaya sayidkeedii, oo waa inuu isagu keligiis iska baxaa.

21:5b.EXO.021.005 Laakiinse haddii addoonku bayaan u yidhaahdo, Anigu waan jeclahay sayidkayga, iyo naagtayda, iyo carruurtayda, oo anigoo xor ah bixi maayo,

21:6b.EXO.021.006 de markaas waa in sayidkiisu xaakinnada u keenaa, oo waa inuu albaabka ag keenaa, ama tiirka albaabka; markaas sayidkiisu dhegta mudac ha kaga dalooliyo; oo weligiis ha u adeego.

21:7b.EXO.021.007 Oo haddii nin gabadhiisa u iibiyo inay addoon noqoto, waa inaanay dibadda u bixin sida addoommada nimanka ahu ay u baxaan.

21:8b.EXO.021.008 Oo haddaanay raalli gelin sayidkeedii doonay iyada, de markaas waa inuu sii daayo iyada, ha la madax furto, laakiinse amar uma lahaan doono inuu iyada dad qalaad ka iibiyo, waayo, khiyaano ayuu kula macaamilooday iyada.

21:9b.EXO.021.009 Oo hadduu iyada wiilkiisa u guursho, de waa inuu iyada ula macaamiloodaa sida gabdhaha loola macaamiloodo.

21:10b.EXO.021.010 Oo hadduu naag kale la guursado, waa inuusan inna ka dhimin masruufkeeda, iyo dharkeeda, iyo xaqa naagnimadeeda.

21:11b.EXO.021.011 Oo hadduusan saddexdaas iyada u samayn, markaas lacagla'aan ha ku baxdo.

21:12b.EXO.021.012 Kii nin wax ku dhufta si uu ninku u dhinto, isagana hubaal waa in la dilaa.

21:13b.EXO.021.013 Oo haddii aanu gaadin, laakiinse Ilaah u dhiibo gacantiisa, de markaas anaa kuu samayn doona meel uu ku cararo.

21:14b.EXO.021.014 Oo haddii nin kibir ula badheedho inuu deriskiisa khiyaano ku dilo, waa inaad isaga ka waddaa meeshayda allabariga, ha dhintee.

21:15b.EXO.021.015 Oo kii aabbihiis ama hooyadiis wax ku dhufta, hubaal kaas waa in la dilaa.

21:16b.EXO.021.016 Oo kii intuu nin xada iibiya ama gacantiisaba laga helo, hubaal kaas waa in la dilaa.

21:17b.EXO.021.017 Oo kii aabbihiis ama hooyadiis caaya, hubaal kaas waa in la dilaa.

21:18b.EXO.021.018 Oo haddii niman diriraan, oo midkood kan kale dhagax ama feedh ku dhufto, oo uusan dhiman, laakiinse uu sariir ku jiif noqdo;

21:19b.EXO.021.019 kaasu hadduu mar kale sara kaco oo uu dibadda u baxo isagoo ushiisa ku tukubaya, markaas kii wax ku dhuftay eed ma leh, laakiinse waa inuu siiyaa wixii ka khasaaroobay intuu jiifay, waana inuu dhaqaaleeyo ilaa uu ka bogsado.

21:20b.EXO.021.020 Haddii nin addoonkiisa ama addoontiisa uu ul ku dhufto, oo uu gacantiisa ku dhinto, kaas hubaal waa in la ciqaabaa.

21:21b.EXO.021.021 Kan la dilayse hadduu maalin ama laba sii joogo, de markaas waa inaan la ciqaabin, waayo, isagu waa lacagtiisii.

21:22b.EXO.021.022 Oo haddii niman diriraan oo ay wax yeelaan naag uur leh, oo uu ilmaheedu ka soo dhaco, laakiinse dhib kale aanu dhicin, kaas waa in lagu ganaaxaa intii ninkii naagta qabay uu kor saaro, oo waa inuu bixiyaa intii xaakinnadu ku xukumaan.

21:23b.EXO.021.023 Laakiinse haddii dhib kale dhacdo, waa inaad naf naf u dishaa,

21:24b.EXO.021.024 oo waa inaad il il u riddaa, iligna ilig u riddaa, gacanna gacan u gooysaa, cagna cag u gooysaa,

21:25b.EXO.021.025 oo kii wax guba, gub, kii wax dhaawacana, dhaawac, kii wax karbaashana, karbaash.

21:26b.EXO.021.026 Oo haddii nin isha addoonkiisa ama isha addoontiisa wax ku dhufto, oo ka rido, de markaas waa inuu iska sii daayaa isagoo xor ah, ishiisa aawadeed.

21:27b.EXO.021.027 Oo hadduu iligga addoonkiisa ama iligga addoontiisa wax ku dhufto oo ka rido, de markaas waa inuu iska sii daayaa isagoo xor ah iliggiisa aawadiis.

21:28b.EXO.021.028 Oo haddii dibi nin ama naag geeso ku mudo, oo ay dhintaan, markaas hubaal waa in dibiga la dhagxiyaa, oo hilibkiisana waa inaan la cunin; laakiinse qofkii dibiga lahaa waxba eed ma leh.

21:29b.EXO.021.029 Laakiinse haddii markii hore dibigu dad geesaha ku mudi jiray, oo loo sheegay qofkii lahaa, isaguse aanu xidhin, laakiinse uu dibigu nin ama naag dilay, dibiga waa in la dhagxiyaa, oo weliba qofkii lahaana waa in isna la dilaa.

21:30b.EXO.021.030 Haddiise mag la saaro isaga, de markaas waa inuu bixiyaa wax alla wixii la kor saaray madaxfurashadiisa aawadeed.

21:31b.EXO.021.031 Hadduu wiil geeso ku muday iyo hadduu gabadh geeso ku mudayba waa in xukunkan lagu qaadaa.

21:32b.EXO.021.032 Oo haddii dibigii geeso ku mudo nin addoon ah ama naag addoon ah, waa inuu ninkii dibiga lahaa sayidkoodii soddon sheqel oo lacag ah siiyaa, oo dibigana waa in la dhagxiyaa.

21:33b.EXO.021.033 Oo haddii nin god daboolka ka qaado, ama haddii nin god qodo oo uu dabooli waayo, oo uu ama dibi ama dameer ku dhaco,

21:34b.EXO.021.034 de markaas waa in ninkii godka lahaa xaq mariyaa. Waa inuu lacag siiyaa ninkii neefka lahaa, oo neefka dhintayna waa inuu isagu lahaado.

21:35b.EXO.021.035 Oo haddii nin dibigiis nin kale dibigiis wax yeelo oo uu dhinto, de markaas waa inay dibiga nool iibiyaan, oo qiimihiisa waa inay qaybsadaan; oo weliba kan dhintayna waa inay qaybsadaan.Ama haddii dibiga lagu yiqiin inuu markii hore wax geeso ku mudi jiray, oo uusan qofkii lahaa xidhin, markaas hubaal waa inuu dibi dibi ku bixiyaa, oo neefka dhintayna waa inuu isagu lahaado.

21:36b.EXO.021.036 Ama haddii dibiga lagu yiqiin inuu markii hore wax geeso ku mudi jiray, oo uusan qofkii lahaa xidhin, markaas hubaal waa inuu dibi dibi ku bixiyaa, oo neefka dhintayna waa inuu isagu lahaado.

22

22:1b.EXO.022.001 Haddii nin dibi ama lax xado, oo uu qasho ama iibiyo, waa inuu shan dibi dibigii ku magdhabo, laxdiina afar laxaad.

22:2b.EXO.022.002 Haddii tuug la helo isagoo guri u dhacaya, oo inta wax lagu dhufto uu dhinto, markaas kii dilay dhiig eed kuma laha.

22:3b.EXO.022.003 Haddiise qorraxdu u soo baxdo, markaas dhiigga eed buu ku leeyahay. Waa inuu u soo celiyaa, hadduusanse waxba haysan, de markaas waa in isaga la iibiyaa tuugnimadiisii aawadeed.

22:4b.EXO.022.004 Haddiise wuxuu xaday iyagoo nool gacantiisa laga helo, ama dibi ha noqdo amase dameer, amase lax, waa inuu labanlaab u bixiyaa.

22:5b.EXO.022.005 Haddii nin beer canab ah ama beer kale xoolo daajiyo, oo uu neefkiisa ku sii daayo si uu nin kale beertiis u daaqo, de markaas waa inuu meesha beertiisa ugu wanaagsan iyo meesha beertiisa canabka ah ugu wanaagsan ugu magdhabaa.

22:6b.EXO.022.006 Haddii dab baxo, oo uu qodxanta qabsado, oo uu wada gubo xidhmooyinka sarreenka ah ama sarreenka weli baalka ku yaal, ama beerta oo dhan, markaas kii dabka shiday waa inuu magdhabaa.

22:7b.EXO.022.007 Haddii nin deriskiisa lacag ama alaab ammaano ugu dhiibto, oo ninka gurigiisii laga xado, oo markaas tuuggii la helo, waa inuu labanlaab u magdhabaa.

22:8b.EXO.022.008 Haddiise aan tuuggii la helin, markaas waa in ninkii guriga lahaa xaakinnada u soo dhowaadaa si loo caddeeyo inuu alaabtii deriskiisa fartiisa saaray iyo in kale.

22:9b.EXO.022.009 Waayo, wax kasta oo xadgudub ah ama ha noqdo dibi aawadiis, ama dameer aawadiis, ama lax aawadeed, ama dhar aawadiis, ama wax kasta oo baadi ah, haddii la leeyahay, Waa kan, waa in labada qolo arrintooda xaakinnada la hor keenaa. Oo midkii xaakinnadu ku xukumaan waa inuu deriskiisa labanlaab ugu magdhabaa.

22:10b.EXO.022.010 Haddii nin deriskiisa ammaano ugu dhiibto dameer ama dibi, ama lax amase neef uun, markaas hadduu dhinto, ama wax gaadhaan, ama la kaxaysto iyadoo aan la arkayn,

22:11b.EXO.022.011 markaas waa in dhaartii Rabbiga la dhex dhigaa labadooda, si loo caddeeyo inuu fartiisa saaray xoolihii deriskiisa iyo in kale, oo kii lahaana waa inuu aqbalaa, oo waxbana loo magdhabi maayo.

22:12b.EXO.022.012 Laakiinse haddii laga xado, waa inuu isagu qofkii lahaa u magdhabaa.

22:13b.EXO.022.013 Haddiise dugaag bakhtiisto, waa inuu marag ahaan u keenaa, oo wixii dugaaggu bakhtiistay waxba ka magdhabi maayo.

22:14b.EXO.022.014 Oo haddii nin deriskiisa neef ka ammaahdo, oo ay wax gaadhaan amaba uu dhinto, isagoo aan ninkii lahaa la joogin, kaasu hubaal waa inuu magdhabaa.

22:15b.EXO.022.015 Haddiise kii lahaa la joogay, waa inuusan waxba ka magdhabin, oo hadduu kiro ahaa, kiradiisii waa laga xisaabay.

22:16b.EXO.022.016 Oo haddii nin sasabto gabadh bikrad ah oo aan doonanayn, oo uu iyada la seexdo, de markaas waa inuu yarad ka bixiyo oo uu guursadaa iyada.

22:17b.EXO.022.017 Haddiise aabbeheed innaba u diido inuu isaga siiyo, de markaas waa inuu bixiyaa intii gabadh bikrad ah yaradkeedu yahay.

22:18b.EXO.022.018 Saaxirad inay sii noolaato waa inaadan u fasaxin.

22:19b.EXO.022.019 Ku alla kii neef u galmooda, hubaal waa in la dilaa.

22:20b.EXO.022.020 Kii wax u bixiya ilaah kale oo aan Rabbiga keligiis ah ahayn, kaas waa in dhammaantiis la baabbi'iyaa.

22:21b.EXO.022.021 Oo qariib waa inaadan xumayn, ama waa inaadan dulmin, waayo, idinba qariib baad ku ahaydeen dalkii Masar.

22:22b.EXO.022.022 Waa inaydnaan dhibin carmal, ama ilmo agoon ah.

22:23b.EXO.022.023 Oo si kasta ha noqotee haddii aad iyaga dhibtid, oo ay ii qayshadaan hubaal qayladooda waan maqli doonaa,

22:24b.EXO.022.024 oo aad baan u cadhoon doonaa, oo markaasaan seef idinku dili doonaa, kolkaasaa naagihiinnu waxay noqon doonaan carmallo, carruurtiinnuna agoon.

22:25b.EXO.022.025 Oo haddaad lacag ammaahisid dadkayga masaakiinta ah oo kula jooga, waa inaadan ku noqon sidii mid dayn ku leh ama waa inaadan waxba kor saarin.

22:26b.EXO.022.026 Haddaad deriskaaga dharkiisa rahmad uga qaadatid waa inaad u celisaa intaan qorraxdu dhicin,

22:27b.EXO.022.027 waayo, kaasu waa kan qudh ah oo uu isa saari jiray, oo waa dharkii uu huwan jiray, oo muxuu ku seexan doonaa? Oo waxaa dhici doonta in markuu ii qayshado, aan maqli doono, waayo, anigu waan raxmad badnahay.

22:28b.EXO.022.028 Waa inaadan xaakinnada caayin, mid dadkaaga u taliyana ha habaarin.

22:29b.EXO.022.029 Waa inaadan ka raagin inaad wax ka bixiso midhahaaga badan iyo dheecaanka macsaraddaada. Oo curadyada dadkaagana waa inaad aniga i siisaa.

22:30b.EXO.022.030 Oo sidaas oo kalena waa inaad ka yeeshaa dibiyadaada iyo idahaaga; toddoba maalmood waa inuu hooyadiis la joogaa, maalinta siddeedaadna waa inaad ii bixisaa.Oo waa inaad dad quduus ah ii ahaataan, oo sidaas daraaddeed waa inaydnaan cunin hilib neef oo dugaag berrinka ku bakhtiistay, laakiinse waa inaad eeyaha u tuurtaan.

22:31b.EXO.022.031 Oo waa inaad dad quduus ah ii ahaataan, oo sidaas daraaddeed waa inaydnaan cunin hilib neef oo dugaag berrinka ku bakhtiistay, laakiinse waa inaad eeyaha u tuurtaan.

23

23:1b.EXO.023.001 Waa inaadan qaadqaadin war been ah; gacantaada heshiis ha ugu dhiibin kan sharka ah, yaadan markhaati xaqdaran noqone.

23:2b.EXO.023.002 Inaad xumaan fashid aawadeed dad badan ha u raacin, ama marag ha furin oo dad badan dhankooda ha u leexan inaad gar qalloocisaan,

23:3b.EXO.023.003 waana inaadan nin miskiin ah u gar eexan.

23:4b.EXO.023.004 Haddaad aragtid cadowgaaga dibigiisii ama dameerkiisii oo lumaya, waa inaad u celisaa.

23:5b.EXO.023.005 Haddaad aragtid kan ku neceb dameerkiisii oo rar la dhacay, oo aanad doonayn inaad caawiso, hubaal waa inaad caawisaa.

23:6b.EXO.023.006 Miskiinkaaga dacwaddiisa waa inaadan garta ka qalloocin.

23:7b.EXO.023.007 Wax been ah ka fogow; oo ha dilin mid aan eed lahayn iyo kan xaqa ah; waayo, anigu xaq ka dhigi maayo kan shar fala.

23:8b.EXO.023.008 Oo waa inaadan laaluush qaadan innaba; waayo, laaluushku waa indho tiraa kuwa wax arka, wuuna qalloociyaa kan xaqa ah hadalkiisa.

23:9b.EXO.023.009 Oo qariib waa inaadan dulmin; waayo, qalbiga qariibka waad garanaysaan, maxaa yeelay, idinba qariib baad dalkii Masar ku ahaydeen.

23:10b.EXO.023.010 Lix sannadood waa inaad dhulkaaga wax ku abuurtaa oo midhihiisa urursataa,

23:11b.EXO.023.011 laakiinse sannadda toddobaad waa inaad iska daysaa ha nasto, oo dhul aan beernayn ha noqdee, inay masaakiinta dadkaagu wax ka cunaan; oo waxay reebaanna dugaagga duurku ha daaqeen. Oo sidaas oo kalena waa inaad u gashaa beertaada canabka ah iyo beertaada saytuunka ah.

23:12b.EXO.023.012 Lix maalmood waa inaad shuqulkaaga qabsataa, oo maalinta toddobaadna waa inaad nasataa, si ay dibigaaga iyo dameerkaaguna u nastaan, oo ay wiilka addoontaada iyo kan qariibka ahuba nafis u helaan.

23:13b.EXO.023.013 Oo kulli wixii aan idinku idhi oo dhan waa inaad aad u dhawrtaan, oo ilaahyo kale magacood ha soo qaadina innaba, ama afkaagaba yaan laga maqlin.

23:14b.EXO.023.014 Oo sannad walba saddex goor waa inaad ii iiddaa.

23:15b.EXO.023.015 Oo Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn waa inaad dhawrtaa. Toddoba maalmood waa inaad cuntaa kibis aan khamiir lahayn, sidii aan kugu amray wakhtigii la yidhi oo bisha Aabiib ah, maxaa yeelay, bishaas ayaad Masar ka soo baxday; oo midkiinna hortayda yuusan iman isagoo faro madhan.

23:16b.EXO.023.016 Oo waa inaad dhawrtaa Iiddii Beergoosadka oo ah midhihii ugu horreeyey hawshaada aad beerta ku abuurtay, iyo Iiddii Wax urursiga oo sannadda dhammaadkeeda ah, marka aad soo urursatid midhihii aad beerta ku hawshootay.

23:17b.EXO.023.017 Kuwaaga labka ah oo dhammu waa inay sannad walba saddex goor Rabbiga Ilaaha ah ka hor yimaadaan.

23:18b.EXO.023.018 Oo waa inaadan dhiigga allabarigayga la bixin kibis khamiir leh; baruurta iiddayduna waa inaanay hadhin habeenka oo dhan ilaa subaxda.

23:19b.EXO.023.019 Oo dhulkaaga midhaha ugu horreeya waa inaad inta hore guriga Rabbiga Ilaahaaga ah geeysaa. Waa inaadan waxar caanaha hooyadiis ku karin.

23:20b.EXO.023.020 Bal eeg, waxaan hortaada u soo dirayaa malaa'ig, inay jidka kugu dhawrto oo ay meeshii aan diyaarshay ku geeyso.

23:21b.EXO.023.021 Iyada iska jira, oo codkeeda dhegaysta, hana ka xanaajinina, waayo, iyadu xadgudubkiinna idinkama cafiyi doonto; maxaa yeelay, iyada magacaygii baa ku dhex jira.

23:22b.EXO.023.022 Laakiinse xaqiiqa haddaad codkeeda dhegaysatid, oo aad yeeshid kulli waxa aan ku hadlayo, de markaas waxaan noqon cadaawayaashaada cadowgooda, oo kuwa ku dhibana mid dhiba iyaga.

23:23b.EXO.023.023 Waayo, malaa'igtaydu way ku hor socon doontaa, oo waxay ku dhex geeyn doontaa reer Amor, iyo reer Xeed, iyo reer Feres, iyo reer Kancaan, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus; oo kolkaasaan iyaga baabbi'in doonaa.

23:24b.EXO.023.024 Waa inaadan u sujuudin ilaahyadooda, hana u adeegin, shuqulkooda oo kalena ha samayn; laakiinse waa inaad wada afgembidaa, oo aad sanamyadoodana jejebisaa.

23:25b.EXO.023.025 Oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah u adeegtaan, oo isaguna wuu idiin barakayn doonaa kibistiinna iyo biyihiinna; oo anna cudur waan ka fogayn doonaa dhexdiinna.

23:26b.EXO.023.026 Oo dhulkaaga dhexdiisa miduna dhicis ma dhali doonto, ama madhalays ma noqon doonto, oo tirada maalmahaaga waan dhammaystiri doonaa.

23:27b.EXO.023.027 Oo cabsidaydaan ku hor marin doonaa, oo dadka aad u tegaysid oo dhan waan argaggixin doonaa, oo waxaan cadaawayaashaada oo dhan ka dhigi doonaa inay dhabarkooda kaa sii jeediyaan.

23:28b.EXO.023.028 Oo waxaan hortaa diri doonaa xoon, kaas oo reer Xiwi, iyo reer Kancaan, iyo reer Xeed hortaada ka eryi doona.

23:29b.EXO.023.029 Oo iyaga sannad uun hortaada ka eryi maayo, waayo, waaba intaasoo dhulku cidla noqdaa, oo dugaagga duurku kugu bataa.

23:30b.EXO.023.030 In yar in yar ayaan hortaada ka eryi doonaa, ilaa aad adigu badatid oo aad dalka dhaxashid.

23:31b.EXO.023.031 Oo waxaan soohdintaada ka dhigi doonaa Badda Cas iyo tan iyo badda reer Falastiin, iyo cidlada ilaa tan iyo Webiga, waayo, dadka dhulka deggan waxaan gelin doonaa gacantaada, markaasaad hortaada ka eryi doontaa.

23:32b.EXO.023.032 Waa inaadan axdi la dhigan iyaga iyo ilaahyadooda toona.Waa inayan iyagu dalkaaga degganaan, waaba intaasoo ay igu kaa dembaajiyaane, waayo, haddaad ilaahyadooda u adeegtid, hubaal waxay taasu kugu noqon doontaa dabin.

23:33b.EXO.023.033 Waa inayan iyagu dalkaaga degganaan, waaba intaasoo ay igu kaa dembaajiyaane, waayo, haddaad ilaahyadooda u adeegtid, hubaal waxay taasu kugu noqon doontaa dabin.

24

24:1b.EXO.024.001 Markaasuu wuxuu Muuse ku yidhi, Soo fuula oo Rabbiga u kaalaya, adiga iyo Haaruun, iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo toddobaatan oday oo reer binu Israa'iil ah, oo meel fog ka caabuda;

24:2b.EXO.024.002 oo Muuse oo keliyahu waa inuu Rabbiga u soo dhowaada, laakiinse iyagu waa inayan soo dhowaan, dadkuna yuusan la soo fuulin.

24:3b.EXO.024.003 Markaasaa Muuse dadkii u yimid, oo wuxuu u sheegay hadalladii Rabbiga oo dhan iyo amarradii oo dhan. Markaasaa dadkii oo dhammu isku cod ku jawaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Ereyadii Rabbigu ku hadlay oo dhan waannu wada yeeli doonnaa.

24:4b.EXO.024.004 Markaasaa Muuse wuxuu qoray ereyadii Rabbiga oo dhan, kolkaasuu aroor hore kacay, oo buurta hoosteedii wuxuu ka dhisay meel allabari iyo laba iyo toban tiir, sidii laba iyo tobankii qolo oo reer binu Israa'iil ay ahaayeen.

24:5b.EXO.024.005 Kolkaasuu wuxuu diray raggii dhallinyarada ahaa oo reer binu Israa'iil, oo waxay Rabbiga u bixiyeen allabaryo la gubo iyo qurbaanno nabaadiino oo dibiyo ah.

24:6b.EXO.024.006 Markaasaa Muuse wuxuu qaaday dhiiggii badhkiis oo wuxuu ku shubay xeedhooyin; oo dhiiggii badhkiisna wuxuu ku rusheeyey meeshii allabariga.

24:7b.EXO.024.007 Markaasuu wuxuu qaaday kitaabkii axdiga, oo wuuna akhriyey iyadoo ay dadkii maqlayaan, oo waxay yidhaahdeen, Kulli wixii Rabbigu ku hadlay waannu yeeli doonnaa oo waannu addeeci doonnaa.

24:8b.EXO.024.008 Markaasaa Muuse wuxuu qaaday dhiiggii, oo dadkii ku rusheeyey, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega dhiiggii axdiga oo Rabbigu idinla dhigtay oo ku saabsan hadalladan oo dhan.

24:9b.EXO.024.009 Kolkaasaa waxaa kor u fuulay Muuse, iyo Haaruun, iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo toddobaatan oday oo reer binu Israa'iil ah.

24:10b.EXO.024.010 Markaasay waxay arkeen Ilaahii reer binu Israa'iil; oo waxaa cagihiisa ka hooseeyey sallax dhagax safayr ah oo sida samada u daahirsan.

24:11b.EXO.024.011 Oo odayaashii reer binu Israa'iilna far ma uu saarin, oo Ilaah bay arkeen, waxna way cuneen oo cabbeen.

24:12b.EXO.024.012 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal kaalay oo buurta ii soo fuul, oo halkaas iska joog; oo waxaan ku siinayaa looxyada dhagaxa ah, iyo sharcigii iyo qaynuunnadii aan qoray, inaad iyaga bartid.

24:13b.EXO.024.013 Kolkaasaa Muuse sara kacay, isaga iyo midiidinkiisii Yashuuca, oo Muuse wuxuu fuulay buurtii Ilaah.

24:14b.EXO.024.014 Oo wuxuu odayaashii ku yidhi, Idinku halkan noo jooga, ilaa aan mar kale idiin nimaadno, oo bal eega, waxaa idinla jooga Haaruun iyo Xuur; ku alla kii dacwo qaba, iyaga ha u yimaado.

24:15b.EXO.024.015 Markaasaa Muuse wuxuu fuulay buurtii, oo buurtiina waxaa qarisay daruur.

24:16b.EXO.024.016 Oo ammaantii Rabbiguna waxay dul joogtay Buur Siinay, oo daruurtuna way qarinaysay intii lix maalmood ah, oo maalintii toddobaad ayaa Rabbigu Muuse uga dhex yeedhay daruurtii.

24:17b.EXO.024.017 Oo muuqashada ammaantii Rabbigu waxay reer binu Israa'iil ula ekayd sidii dab wax gubaya buurta dusheeda.Markaasaa Muuse wuxuu galay daruurtii dhexdeeda, oo buurtuu fuulay; oo Muuse wuxuu buurtii fuushanaa afartan maalmood iyo afartan habeen.

24:18b.EXO.024.018 Markaasaa Muuse wuxuu galay daruurtii dhexdeeda, oo buurtuu fuulay; oo Muuse wuxuu buurtii fuushanaa afartan maalmood iyo afartan habeen.

25

25:1b.EXO.025.001 Markaasaa Rabbigu wuxuu la hadlay Muuse, oo ku yidhi,

25:2b.EXO.025.002 Waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Qurbaan ii ururiya, oo nin kasta oo qalbigiisu raalli ka yahay waa inaad ka qaaddaa qurbaankayga.

25:3b.EXO.025.003 Oo qurbaanka aad ka qaadayso waxa weeyaan: dahab, iyo lacag, iyo naxaas,

25:4b.EXO.025.004 iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, iyo dhogor riyaad,

25:5b.EXO.025.005 iyo wanan hargahood oo la caseeyey, iyo adhidibadeed hargahood, iyo qori qudhac ah,

25:6b.EXO.025.006 iyo saliid laambadda lagu shubo, iyo udgoon lagu daro saliidda lagu subkado, iyo dhir udgoon oo lagu daro uunsiga;

25:7b.EXO.025.007 iyo dhagaxyo onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyo loogu dhejiyo eefodka, iyo laabgashiga.

25:8b.EXO.025.008 Oo meel quduus ah ha ii sameeyeen aan iyaga dhex joogee.

25:9b.EXO.025.009 Waxaan ku tusi doono oo dhan, oo ah hannaanka taambuugga iyo hannaanka alaabtiisa oo dhan, waa inaad sidaas oo kale u samaysaan.

25:10b.EXO.025.010 Oo waa inay sanduuq ka sameeyaan qori qudhac ah, oo dhererkiisuna waa inuu ahaadaa laba dhudhun iyo badh, ballaadhkiisuna waa inuu ahaadaa dhudhun iyo badh, sarajooggiisuna waa inuu ahaadaa dhudhun iyo badh.

25:11b.EXO.025.011 Oo waa inaad ku dahaadhaa dahab saafi ah, oo gudaha iyo dibaddaba waa inaad ka dahaadhaa, oo dushiisana waa inaad u samaysaa wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.

25:12b.EXO.025.012 Oo waa inaad afar siddo oo dahab ah u yeeshaa, oo aad kaga dhejisaa afarta rukun, oo laba siddo waa inay isku dhinac ku yaalliin, laba siddona waa inay dhinaciisa kale ku yaalliin.

25:13b.EXO.025.013 Oo waa inaad ulo ka samaysaa qori qudhac ah, waana inaad dahab ku dahaadhaa.

25:14b.EXO.025.014 Oo ulahana waa inaad gelisaa siddooyinka sanduuqa dhinacyadiisa ku yaal, in sanduuqa lagu qaado.

25:15b.EXO.025.015 Oo uluhu waa inay ku jiraan sanduuqa siddooyinkiisa; oo waana inaan iyaga laga bixin marnaba.

25:16b.EXO.025.016 Oo sanduuqa gudihiisana waa inaad ku riddaa maragga aan ku siin doono.

25:17b.EXO.025.017 Oo daboolna waa inaad uga samaysaa dahab saafi ah; laba dhudhun iyo badh waa inuu dhererkiisu ahaadaa, ballaadhkiisuna waa inuu ahaadaa dhudhun iyo badh.

25:18b.EXO.025.018 Oo waa inaad laba keruub ka samaysaa dahab la tumay iyagoo daboolka labadiisa madax ka soo taagan.

25:19b.EXO.025.019 Keruub waa inaad madax ka samaysaa, keruubka kalena waa inaad madaxa kale ka samaysaa; oo labada keruub oo labada madax ka kala taagan iyo daboolka waa inaad isku waslad ka wada samaysaan.

25:20b.EXO.025.020 Oo keruubiimtu waa inay baalashooda meel sare ka soo kala bixiyaan, iyagoo baalashooda ku qarinaya daboolka, oo wejiyadoodu isku soo jeedaan, oo keruubiimta wejiyadooduna waa inay ku soo jeedaan daboolka.

25:21b.EXO.025.021 Oo daboolkana waa inaad sanduuqa dushiisa saartaa; oo sanduuqa gudihiisana waa inaad ku riddaa maragga aan ku siin doono.

25:22b.EXO.025.022 Oo halkaasaan kugula kulmi doonaa, oo waxaan kaala hadli doonaa daboolka dushiisa, iyo labada keruub oo sanduuqa maragga dul saaran dhexdooda, oo waxaan kuu sheegi doonaa waxyaalaha aan ku siin doono oo dhan oo aan amar ahaan kuugu dhiibi doono reer binu Israa'iil.

25:23b.EXO.025.023 Oo waa inaad miis ka samaysaa qori qudhac ah, oo dhererkiisu ha ahaado laba dhudhun, ballaadhkiisuna ha ahaado dhudhun, sarajooggiisuna ha ahaado dhudhun iyo badh.

25:24b.EXO.025.024 Oo waa inaad dahab saafi ah ku dahaadhaa, waana inaad u samaysaa wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.

25:25b.EXO.025.025 Oo waa inaad qar le'eg calaacal ballaadhkeed oo ku wareegsan u samaysaa, oo waa inaad qarka u samaysaa wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wada wareegsan.

25:26b.EXO.025.026 Oo waa inaad afar siddo oo dahab ah u yeeshaa, oo siddooyinkana waa inaad ku dhejisaa afarta gees oo rukummada ah.

25:27b.EXO.025.027 Oo meel qarka ku dhow waa inay siddooyinku ku yaalliin, iyagoo ah meelaha laga geliyo ulaha miiska lagu qaado.

25:28b.EXO.025.028 Oo ulaha waa inaad qori qudhac ah ka samaysaa, oo aad dahab ku dahaadhaa, in miiska lagu qaado iyaga.

25:29b.EXO.025.029 Oo waa inaad u samaysaa suxuuntiisa, iyo malqacadihiisa, iyo kidhliyadiisa, iyo maddiibadihiisa wax lagaga shubo, oo waa inaad dahab saafi ah ka wada samaysaa.

25:30b.EXO.025.030 Oo miiska dushiisana waa inaad kibistii tusniinta saartaa, hana taallo hortayda had iyo goorba.

25:31b.EXO.025.031 Oo laambad waa inaad dahab saafi ah ka samaysaa, oo laambaddii waa in dahab laga tumaa, xataa salkeeda iyo usheeda dhexe, iyo koobabkeeda, iyo burooyinkeeda, iyo ubaxeeduba, waa inay isku waslad la ahaadaan.

25:32b.EXO.025.032 Dhinacyadana waa in lix laamood ka baxdaa; saddex laamood waa inay laambadda dhinac kaga yaalliin, saddexda kalena waa inay dhinaca kale kaga yaalliin.

25:33b.EXO.025.033 Saddex koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo buro iyo ubax waa inay isku laan ku yaalliin, oo saddex koob oo yicib ubaxeed u eg iyo buro iyo ubaxna waa inay ku yaalliin laanta kale; oo lixda laamood oo laambadda ka baxdaa waa inay sidaas wada ahaadaan.

25:34b.EXO.025.034 Oo laambadduna waa inay lahaataa afar koob oo u eg yicib ubaxeed, iyo burooyinkoodii, iyo ubaxoodii;

25:35b.EXO.025.035 iyo buro oo laba laamood ka hoosaysa oo ay isku waslad la yihiin, iyo buro kale oo laba laamood ka hoosaysa oo ay isku waslad la yihiin, iyo buro kale oo laba laamood ka hoosaysa oo ay isku waslad la yihiin, oo waa inay lixda laamood oo laambadda ka baxday sidaas wada ahaadaan.

25:36b.EXO.025.036 Burooyinkooda iyo laamahooduba waa inay isku waslad la ahaadaan, oo kulligeedna waa inay ahaataa isku waslad dahab la tumay oo saafi ah.

25:37b.EXO.025.037 Oo waa inaad toddoba laambadood ka dhigtaa, oo laambadaheeda waa in la shidaa inay hortooda iftiimiyaan.

25:38b.EXO.025.038 Oo birqaabyadeeda iyo alaabteeda lagu safeeyoba waa inay dahab saafi ah ahaadaan.

25:39b.EXO.025.039 Oo iyada iyo alaabtan oo dhanba waa in talanti dahab saafi ah laga sameeyaa.Oo sida hannaankii lagugu tusay buurta waa inaad u samaysaa.

25:40b.EXO.025.040 Oo sida hannaankii lagugu tusay buurta waa inaad u samaysaa.

26

26:1b.EXO.026.001 Oo weliba waa inaad samaysaa taambuugga toban daah leh, oo waxaad ka samaysaa maro wanaagsan, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo lagu daabacay keruubiim.

26:2b.EXO.026.002 Oo daah walba dhererkiisu waa inuu ahaadaa siddeed iyo labaatan dhudhun, daah walba ballaadhkiisuna waa inuu ahaadaa afar dhudhun; oo daahyada oo dhammuna waa inay isku qiyaas ahaadaan.

26:3b.EXO.026.003 Shan daah waa inay isku xidhnaadaan, oo shanta daah oo kalena waa inay isku wada xidhnaadaan.

26:4b.EXO.026.004 Oo daahyada midkood waa inaad darafta uu ka laaban yahay u yeeshaa siddooyin buluug ah, oo sidaas oo kalena waa inaad ka yeeshaa daaha dibadda ugu xiga laabka labaad.

26:5b.EXO.026.005 Isku daah waa inaad konton siddo u yeeshaa; oo daaha ku yaal laabka labaad waa inaad daraftiisa u yeeshaa konton siddo; oo siddooyinkuna waa in midkoodba kan kale ka hor jeedaa.

26:6b.EXO.026.006 Waa inaad konton qabsato oo dahab ah samaysaa, oo daahyadana waa inaad midba kan kale qabsatooyinka kula xidhaa, oo taambuuggana waa inuu mid dhan ahaadaa.

26:7b.EXO.026.007 Oo waa inaad daahyo ah dhogor riyaad samaysaa oo aad taambuugga ku deddaa; oo waa inaad iyaga ka dhigtaa koob iyo toban daah.

26:8b.EXO.026.008 Oo daah kasta dhererkiisu waa inuu soddon dhudhun ahaadaa, daah kasta ballaadhkiisuna waa inuu afar dhudhun ahaadaa; oo koob iyo tobanka daah waa inay isku qiyaas ahaadaan.

26:9b.EXO.026.009 Oo waa inaad shan daah gooni ahaantooda isugu xidhaa, lix daahna gooni ahaantooda isugu xidh, oo daaha lixaad waa inaad ku labanlaabtaa teendhada fooddeeda.

26:10b.EXO.026.010 Oo daaha dibadda u xiga laabka daraftiisa waa inaad konton siddo u yeeshaa, oo daaha laabka labaad ugu korreeya daraftiisana waa inaad konton siddo u yeeshaa.

26:11b.EXO.026.011 Oo waa inaad samaysaa konton qabsato oo naxaas ah, oo waa inaad qabsatooyinkana sudhaa siddooyinka, oo teendhadana isku xidh kulligeed si ay mid dhan u noqoto.

26:12b.EXO.026.012 Oo inta dusha ka lalmata oo ka hadhay daahyada teendhada, oo ah daaha badhkiisa, waa in laga lalmiyaa taambuugga dabadiisa.

26:13b.EXO.026.013 Dhudhunka oo dhinaca ah iyo dhudhunka oo dhinaca kale oo ah waxa ka hadha daahyada teendhada dhererkooda waa in laga lalmiyaa dhinacyada taambuugga, oo ah dhankan iyo dhankaasba, inay dedaan.

26:14b.EXO.026.014 Oo teendhada waa inaad ded uga dhigtaa wanan hargahood oo la caseeyey, iyo ded ah adhidibadeed hargahood oo ka sarreeya.

26:15b.EXO.026.015 Oo looxyada taambuuggu ku taagan yahay waa inaad qori qudhac ah ka samaysaa.

26:16b.EXO.026.016 Looxiiba dhererkiisu waa inuu toban dhudhun ahaadaa, oo loox kasta ballaadhkiisu waa inuu dhudhun iyo badh ahaadaa.

26:17b.EXO.026.017 Oo loox kasta waa inuu lahaadaa laba caarad, oo looxyadu waa inay dhinacyada isku hayaan, oo waa inaad sidaas u yeeshaa looxyada taambuugga oo dhan.

26:18b.EXO.026.018 Oo dhinaca koonfureed oo taambuugga looxyadiisa waa inaad labaatan loox ka dhigtaa.

26:19b.EXO.026.019 Oo waa inaad samaysaa afartan saldhig oo lacag ah oo ka hooseeya labaatanka loox; oo laba saldhigba waa inay ka hooseeyaan loox inay saldhig u ahaadaan labadiisa caarad, oo laba saldhigna waa inay ka hooseeyaan loox kale inay saldhig u ahaadaan labadiisa caarad.

26:20b.EXO.026.020 Oo taambuugga dhankiisa labaad oo woqooyi xiga waa inaad u yeeshaa labaatan loox,

26:21b.EXO.026.021 iyo afartankoodii saldhig oo lacagta ahayd. Laba saldhigba waa inay loox ka hoosayso.

26:22b.EXO.026.022 Oo meesha ugu dambaysa taambuugga oo ah dhankiisa galbeed waa inaad lix loox u yeeshaa.

26:23b.EXO.026.023 Oo laba loox waa inaad u yeeshaa labada geesood oo taambuugga xaggiisa dambe.

26:24b.EXO.026.024 Oo waa inay hoosta labanlaab ka noqdaan, oo sidaas oo kalena waa inay dhammaadaan ilaa siddada kowaad dusheeda, oo labaduba waa inay sidaas ahaadaan, oo labada gees baa iska leh.

26:25b.EXO.026.025 Oo waa inay ahaadaan siddeed loox, iyo saldhigyadoodii lacagta ahayd oo ah lix iyo toban saldhig, oo laba saldhigba waa inay loox ka hoosayso.

26:26b.EXO.026.026 Oo waa inaad ulo gudban ka samaysa qori qudhac ah; looxyada taambuugga dhinac kaga jira shan ulood u yeel,

26:27b.EXO.026.027 looxyada dhinaca kale kaga jirana shan ulood oo kale u yeel, oo shan ulood oo kale u yeel taambuugga looxyadiisa kaga jira dhanka galbeed xaggiisa dambe.

26:28b.EXO.026.028 Oo uldhexaadda oo looxyada ku gudban waa inay gaadhaa gees ilaa gees.

26:29b.EXO.026.029 Oo looxyada waa inaad dahab ku dahaadhaa, oo siddooyinkooda ah meelaha ulaha gudban ka gelayaan waxaad ka samaysaa dahab, oo ulahana waa inaad dahab ku dahaadhaa.

26:30b.EXO.026.030 Oo taambuugga waa inaad u taagtaa sidii hannaankii aan buurta kugu tusay.

26:31b.EXO.026.031 Oo waa inaad ilxidh ka samaysaa buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan; hana lagu daabaco keruubiim.

26:32b.EXO.026.032 Oo waa inaad ka soo lalmisaa afar tiir oo qudhac ah oo dahab lagu dahaadhay, iyagoo leh qabsatooyin dahab ah, oo ku taagan afar saldhig oo lacag ah.

26:33b.EXO.026.033 Oo waa inaad ilxidhka ka soo lalmisaa qabsatooyinka hoostooda, oo waxaad soo gelisaa sanduuqa maragga ilxidhka gudihiisa; oo ilxidhkuna wuxuu u dhexeeyaa meesha quduuska ah iyo meesha ugu quduusan idinka aawadiin.

26:34b.EXO.026.034 Oo daboolka waa inaad saartaa sanduuqa maragga oo ku jira meesha ugu quduusan.

26:35b.EXO.026.035 Oo miiskana waa inaad dhigtaa ilxidhka dibaddiisa, oo laambaddana waxaad dhigtaa miiska hortiisa oo ah dhanka koonfureed oo taambuugga, miiskana dhanka woqooyi dhig.

26:36b.EXO.026.036 Oo waa inaad iridda Teendhada u samaysaa daah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan oo daabac leh.Oo daaha waa inaad u samaysaa shan tiir oo qudhac ah, oo dahab ku dahaadh iyaga, qabsatooyinkooduna ha ahaadeen dahab; oo waa inaad shan saldhig oo naxaas ah u yeeshaa.

26:37b.EXO.026.037 Oo daaha waa inaad u samaysaa shan tiir oo qudhac ah, oo dahab ku dahaadh iyaga, qabsatooyinkooduna ha ahaadeen dahab; oo waa inaad shan saldhig oo naxaas ah u yeeshaa.

27

27:1b.EXO.027.001 Oo meesha allabariga waa inaad ka samaysaa qori qudhac ah, dhererkeedu shan dhudhun ha ahaado, ballaadhkeeduna shan dhudhun; oo meesha allabarigu afar geesood ha ahaado, oo sarajooggeeduna saddex dhudhun ha ahaado.

27:2b.EXO.027.002 Oo afarteeda rukun waxaad u yeeshaa afar gees; oo geesaheedu waa inay isku waslad la ahaadaan; oo waa inaad naxaas ku dahaadhaa.

27:3b.EXO.027.003 Oo waa inaad u samaysaa weelal dambaska lagaga guro, iyo majarafadaheeda, iyo maddiibadaheeda, iyo mudacyadeeda, iyo dabqaadayaasheeda, oo alaabteeda oo dhan waxaad ka samaysaa naxaas.

27:4b.EXO.027.004 Oo waa inaad shabag naxaas ah u yeeshaa; oo shabagga dushiisa waa inaad u yeeshaa afar siddo oo naxaas ah oo ku taal afarta gees.

27:5b.EXO.027.005 Oo waxaad hoos dhigtaa qarka ku wareegsan meesha allabariga, inuu shabaggu gaadho meesha allabariga kalabadhkeeda.

27:6b.EXO.027.006 Oo meesha allabariga waa inaad u yeeshaa ulo qudhac ah oo lagu qaado, oo waxaad ku dahaadhaa naxaas.

27:7b.EXO.027.007 Oo ulaheeda waa in siddooyinka laga geliyaa, oo uluhu waa inay meesha allabariga labada dhinac kaga jiraan ha lagu qaadee.

27:8b.EXO.027.008 Oo waxaad iyada ka samaysaa looxyo, sida sanduuq madhan oo kale, oo sidii buurta lagugu tusay ha u sameeyeen.

27:9b.EXO.027.009 Oo waa inaad samaysaa barxadda taambuugga; oo barxadda dhinaceeda koonfureed waxaad ka lalmisaa daah maro wanaagsan ah oo dhererkiisu yahay boqol dhudhun,

27:10b.EXO.027.010 oo tiirarkiisuna waa inay ahaadaan labaatan, iyo labaatan saldhig oo naxaas ah, oo tiirarka qabsatooyinkooda iyo waxyaalaha laysugu wada xidhaa waa inay lacag ahaadaan.

27:11b.EXO.027.011 Oo sidaas oo kale waa inaad dhinaca woqooyina ka lalmisaa daah ah boqol dhudhun, oo tiirarkiisuna ha ahaadeen labaatan, iyo labaatan saldhig oo naxaas ah, oo tiirarka qabsatooyinkooda iyo waxyaalaha laysugu wada xidhaana lacag ha ahaadeen.

27:12b.EXO.027.012 Oo barxadda dhinaca galbeed ballaadhkeeda waxaad ka lalmisaa daah konton dhudhun ah, oo tiirarkiisu ha ahaadeen toban, saldhigyadooduna toban.

27:13b.EXO.027.013 Oo barxadda dhinaca bari ballaadhkeedu waa inuu konton dhudhun ahaado.

27:14b.EXO.027.014 Oo iridda dhinaceeda waxaad ka lalmisaa daah shan iyo toban dhudhun ah; tiirarkiisuna waa inay ahaadaan saddex, saldhigyadooduna saddex.

27:15b.EXO.027.015 Oo dhinaca kalena waxaad ka lalmisaa daah shan iyo toban dhudhun ah, tiirarkiisuna waa inay ahaadaan saddex, saldhigyadooduna saddex.

27:16b.EXO.027.016 Oo barxadda iriddeeda waxaad u yeeshaa daah labaatan dhudhun ah, oo ah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan oo daabac laga sameeyey, tiirarkiisu ha ahaadeen afar, saldhigyadooduna afar.

27:17b.EXO.027.017 Oo tiirarka barxadda ku wareegsan oo dhan waa in lacag laysugu wada xidhaa; oo qabsatooyinkooduna waa inay lacag ahaadaan, saldhigyadooduna waa inay naxaas ahaadaan.

27:18b.EXO.027.018 Barxadda dhererkeedu waa inuu ahaado boqol dhudhun, oo ballaadhkeeduna waa inuu meel walba u ahaadaa konton dhudhun, sarajooggeeduna waa inuu ahaado shan dhudhun, kana samee maro wanaagsan oo saldhigyadooduna ha ahaadeen naxaas.

27:19b.EXO.027.019 Oo alaabta taambuugga lagaga adeego oo dhan, iyo musmaarradiisa oo dhan, iyo barxadda musmaarradeeda oo dhammu waa inay naxaas wada ahaadaan.

27:20b.EXO.027.020 Oo waxaad reer binu Israa'iil ku amartaa inay kuu keenaan saliid saafi ah oo saytuun laga tumay oo laambadda lagu shido, si ay laambaddu had iyo goor u baxdo.Taambuugga shirka gudihiisa oo ku yaal ilxidhka dibaddiisa, kuna hor yaalla maragga, fiidka ilaa subaxda waa inay Haaruun iyo wiilashiisu Rabbiga hortiisa ku diyaariyaan laambadda; oo wuxuu reer binu Israa'iil u noqon doonaa qaynuun weligiis u jira ka ab ka ab.

27:21b.EXO.027.021 Taambuugga shirka gudihiisa oo ku yaal ilxidhka dibaddiisa, kuna hor yaalla maragga, fiidka ilaa subaxda waa inay Haaruun iyo wiilashiisu Rabbiga hortiisa ku diyaariyaan laambadda; oo wuxuu reer binu Israa'iil u noqon doonaa qaynuun weligiis u jira ka ab ka ab.

28

28:1b.EXO.028.001 Oo soo kaxayso walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa, oo kala soo dhex bax reer binu Israa'iil, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada, kuwaasu waxa weeyaan Haaruun qudhiisa iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar oo wada ah wiilashii Haaruun.

28:2b.EXO.028.002 Oo walaalkaa Haaruun waa inaad u samaysaa dhar quduus ah, ammaan iyo qurux aawadood.

28:3b.EXO.028.003 Oo waxaad la hadashaa kulli inta qalbigooda xigmadu ku jirto, oo aan ruuxii xigmadda ka buuxiyey, inay Haaruun dharkiisa u sameeyaan oo ay isaga quduus ka dhigaan inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada.

28:4b.EXO.028.004 Oo dharka ay u samaynayaanna waxa weeyaan laabgashi, iyo eefod, iyo khamiis, iyo jubbad, iyo duub, iyo dhex-xidh, oo waa inay dhar quduus ah u sameeyaan walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada.

28:5b.EXO.028.005 Oo ha qaateen dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

28:6b.EXO.028.006 Oo eefodka ha ka sameeyeen dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, oo daabacna ha lagu sameeyo.

28:7b.EXO.028.007 Waa inuu lahaadaa laba garab oo is-haysta oo ku xidhan labadiisa daraf, inuu iswada haysto kulligii.

28:8b.EXO.028.008 Oo dhex-xidhka daabaca leh oo dusha kaga yaal in lagu xidho waa in isku si loo sameeyaa oo uu isku waslad la ahaadaa; oo ha ahaado dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

28:9b.EXO.028.009 Oo waxaad qaadataa laba dhagax oo onika la yidhaahdo, oo waxaad dushooda ku xaradhaa magacyada reer binu Israa'iil;

28:10b.EXO.028.010 magacyadooda lix waa inaad isku dhagax ku dhigtaa, oo lixda magac oo hadhayna waa inaad dhagaxa kale ku dhigtaa, siday u kala hor dhasheen.

28:11b.EXO.028.011 Sida shuqulka dhagax-xardhihii waa inaad labada dhagax u xaradhaa xaradh u eg xaradhka shaabadda, oo waana inaad ku dhigtaa magacyadii reer binu Israa'iil; oo waa inaad saldhigyo dahab ah ku dhejisaa.

28:12b.EXO.028.012 Oo labada dhagax waa inaad ku dhejisaa eefodka garbihiisa inay dhagaxyo xusuus ah u noqdaan reer binu Israa'iil, oo Haaruun waa inuu Rabbiga hortiisa magacyadooda ku qaadaa garbihiisa xusuus ahaan aawadeed.

28:13b.EXO.028.013 Oo waa inaad u samaysaa saldhigyo dahab ah,

28:14b.EXO.028.014 oo waa inaad u samaysaa laba silsiladood oo ah dahab saafi ah, oo waxaad u samaysaa sida wax xadhko u eg oo tidcan, oo silsiladaha isku tidcan waa inaad ku xidhaa saldhigyada.

28:15b.EXO.028.015 Oo waa inaad samaysaa laabgashi xukumaadeed, oo daabacna ha lagu sameeyo; oo waa inaad u samaysaa sida samaynta eefodka; waana inaad ka samaysaa dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

28:16b.EXO.028.016 Waa inuu ahaadaa afargeesood oo isku laalaaban; dhererkiisuna ha ahaado taako, ballaadhkiisuna ha ahaado taako.

28:17b.EXO.028.017 Oo waa inaad afar saf oo dhagaxyo ah ku dul dhejisaa; safka kowaad ha ahaado sardiyos, iyo tobasiyos, iyo mid birqaya;

28:18b.EXO.028.018 safka labaadna ha ahaado sumurud, iyo safayr, iyo dheemman;

28:19b.EXO.028.019 safka saddexaadna ha ahaado yakintos, iyo agate, iyo ametustos;

28:20b.EXO.028.020 safka afraadna ha ahaado berullos, iyo onika, iyo yasbid; oo waa in lagu dhejiyo saldhigyo dahab ah.

28:21b.EXO.028.021 Oo dhagaxyadu waa inay tiro le'ekaadaan sida magacyada reer binu Israa'iil, ha ahaadeen laba iyo toban sida magacyadooda, oo laba iyo tobanka qabiil waa in mid kasta magiciisa lagu xardho sida xaradhka shaabadda.

28:22b.EXO.028.022 Oo laabgashiga waxaad ku samaysaa silsilado xadhko u eg oo laga tidcay dahab saafi ah.

28:23b.EXO.028.023 Oo laabgashiga waxaad ku samaysaa laba siddo oo dahab ah, oo labada siddo waxaad sudhaa laabgashiga labadiisa darfood.

28:24b.EXO.028.024 Oo labada silsiladood oo tidcan oo dahabka ah waxaad ku xidhaa labada siddo oo ku yaal laabgashiga labadiisa darfood.

28:25b.EXO.028.025 Oo labada silsiladood oo tidcan labadooda madax oo kale waxaad ku xidhaa labada saldhig, oo waxaad ku xidhaa eefodka garbihiisa xaggooda hore.

28:26b.EXO.028.026 Oo waxaad samaysaa laba siddo oo dahab ah, oo waxaad soo sudhaa laabgashiga labadiisa darfood oo gudaha oo eefodka xiga.

28:27b.EXO.028.027 Oo waxaad samaysaa laba siddo oo dahab ah, oo waxaad ku xidhaa eefodka labadiisa garab xaggooda hoose oo dhanka hore ku yaal, oo ku dhow meeshay isku xidhmaan, oo ka sarreeya eefodka dhex-xidhkiisa oo daabaca ah.

28:28b.EXO.028.028 Oo laabgashiga waa inay siddooyinkiisa ku xidhaan siddooyinkii eefodka oo ha kula xidheen shalash buluug ah, inuu ku dul xidnaado dhex-xidhka daabaca ah oo eefodka, iyo inuusan laabgashigu ka furnaan eefodka.

28:29b.EXO.028.029 Oo magacyada reer binu Israa'iil waa in Haaruun ku qaadaa laabgashiga xukumaadda oo qalbigiisa saaran markuu galo meesha quduuska ah, inay xusuus noqdaan Rabbiga hortiisa had iyo goor.

28:30b.EXO.028.030 Oo laabgashiga xukumaadda waa inaad gelisaa Uuriimka iyo Tummiimka, oo waa inay Haaruun qalbigiisa saarnaadaan markuu Rabbiga hortiisa tago; oo Haaruun waa inuu qalbigiisa ku qaadaa xukumaadda reer binu Israa'iil had iyo goorba.

28:31b.EXO.028.031 Oo khamiiska eefodka kulligiis waa inaad ka dhigtaa buluug.

28:32b.EXO.028.032 Oo waa inuu meel daloosha oo madaxu maro ku lahaadaa; oo waa inuu ahaado sida dhar leh tolmo wanaagsan oo daloolkiisa ku wareegsan inuusan dillaacin aawadeed.

28:33b.EXO.028.033 Oo khamiiska daraftiisa hoose waxaad u yeeshaa rummaanno oo ah buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo ku wada wareeji daraftiisa hareeraheeda oo dhan; oo dawanno dahab ahna dhexdooda geli oo ku wareeji.

28:34b.EXO.028.034 Dawan dahab ah iyo rummaan, haddana dawan dahab ah iyo rummaan, waa inaad ku wareejisaa khamiiska daraftiisa.

28:35b.EXO.028.035 Oo Haaruun waa inuu gashado inuu ku adeego; oo sanqadhiisana waa la maqli doonaa markuu tago Rabbiga hortiisa oo uu galo meesha quduuska ah, iyo markii uu ka soo baxaba, inuusan dhiman aawadeed.

28:36b.EXO.028.036 Oo waa inaad samaysaa waslad khafiifa oo dahab saafiya ah, waxaad ku xaradhaa xaradhka u eg xaradhka shaabadda oo leh, WAA U QUDUUS RABBIGA.

28:37b.EXO.028.037 Oo waa inaad ku xidhaa shalash buluug ah, oo ku dhejisaa duubka, oo duubka intiisa hore ha ku taallo.

28:38b.EXO.028.038 Oo ha ku taallo Haaruun fooddiisa, Oo Haaruun baa qaadi doona dembiga alaabta quduuska ah, oo ay reer binu Israa'iil quduus kaga dhigi doonaan hadiyadahooda quduuska ah; oo mar kasta waxay ku oolli doontaa fooddiisa, in iyaga laga aqbalo Rabbiga hortiisa.

28:39b.EXO.028.039 Oo jubbadda marada wanaagsan laga sameeyey waa inaad daabacdaa oo waa inaad duub ka samaysaa maro wanaagsan, oo dhex-xidh waa inaad ka samaysaa daabac.

28:40b.EXO.028.040 Oo wiilasha Haaruunna waa inaad u samaysaa jubbado iyo dhex-xidho, iyo duubab, iyagu ha u ahaadeen ammaan iyo qurux.

28:41b.EXO.028.041 Oo waxaad dharkaas u lebbistaa walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa la joogaba; oo waa inaad iyaga subagtaa, oo daahirisaa oo quduus ka dhigtaa, inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada.

28:42b.EXO.028.042 Oo waa inaad iyaga u samaysaa sirwaallo maro wanaagsan ah oo gaadha dhexdooda ilaa bowdyahooda, oo ay ku qariyaan cawradooda;Haaruun iyo wiilashiisu waa inay gashadaan markay galaan taambuugga shirka ama markay meesha allabariga u dhowaadaan inay ka dhex adeegaan meesha quduuska ah inaanay dembi qaadin oo dhiman. Waxay isaga iyo farcankiisa ka dambeeyaba ku noqon doontaa qaynuun weligiis ah.

28:43b.EXO.028.043 Haaruun iyo wiilashiisu waa inay gashadaan markay galaan taambuugga shirka ama markay meesha allabariga u dhowaadaan inay ka dhex adeegaan meesha quduuska ah inaanay dembi qaadin oo dhiman. Waxay isaga iyo farcankiisa ka dambeeyaba ku noqon doontaa qaynuun weligiis ah.

29

29:1b.EXO.029.001 Oo waxyaalahan waa waxa aad ku samayso iyaga inaad quduus ka dhigtid inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada; waxaad wadataa dibi yar iyo laba wan oo aan iin lahayn,

29:2b.EXO.029.002 iyo kibis aan khamiir lahayn, iyo moofo aan khamiir lahayn oo saliid lagu daray, iyo canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay, oo waxaad ka samaysaa bur wanaagsan oo sarreen ah.

29:3b.EXO.029.003 Oo waa inaad isku dambiil ku riddaa oo dambiisha ku keentaa, adigoo wada dibigii iyo labadii wan.

29:4b.EXO.029.004 Oo Haaruun iyo wiilashiisa waa inaad ilaa iridda teendhada shirka keentaa, oo waa inaad biyo ugu maydhaa.

29:5b.EXO.029.005 Oo waxaad qaadataa dharkii, oo waxaad Haaruun u gelisaa jubbadda, iyo khamiiska eefodka, iyo eefodka, iyo laabgashiga, oo dhexdana waxaad ugu xidhaa dhex-xidhka daabaca leh oo eefodka;

29:6b.EXO.029.006 oo duubkana waa inaad madaxiisa saartaa, oo taajka quduuska ahna duubka saar.

29:7b.EXO.029.007 Oo markaas waxaad qaadataa saliidda lagu subkado, oo madaxiisa ku shub, oo ugu subag isaga.

29:8b.EXO.029.008 Oo waxaad soo kaxaysaa wiilashiisa oo iyagana jubbado u geli.

29:9b.EXO.029.009 Oo dhex-xidho ugu xidh, duubabna u duub Haaruun iyo wiilashiisaba; oo qaynuun weligiis ah ayay hawsha wadaadnimada ku lahaan doonaan, oo Haaruun iyo wiilashiisaba waa inaad quduus ka dhigtaa.

29:10b.EXO.029.010 Oo dibiga waxaad keentaa teendhada shirka horteeda, Haaruun iyo wiilashiisuna gacmaha ha dul saareen dibiga madaxiisa.

29:11b.EXO.029.011 Oo dibiga waxaad ku qashaa Rabbiga hortiisa xagga iridda teendhada shirka.

29:12b.EXO.029.012 Oo waxaad qaaddaa dibiga dhiiggiisa, oo fartaada ku mari meesha allabariga geesaheeda; oo dhiigga oo dhan waxaad ku qubtaa meesha allabariga hoosteeda.

29:13b.EXO.029.013 Oo waxaad qaaddaa xaydha gudaha ku jirta oo dhan, iyo xuubka beerka ku dul yaal, iyo labada kelyood, iyo xaydha dushooda ku taal, oo meesha allabariga ku dul gub.

29:14b.EXO.029.014 Laakiinse dibiga hilibkiisa iyo haraggiisa iyo uuskiisaba waxaad ku gubtaa xerada dibaddeeda; waayo, waa qurbaan dembi loo bixiyey.

29:15b.EXO.029.015 Oo haddana waxaad qaaddaa wan; oo Haaruun iyo wiilashiisuna gacmaha ha dul saareen wanka madaxiisa.

29:16b.EXO.029.016 Oo markaas waa inaad wanka gowracdaa, oo dhiiggiisa intaad qaadatid waxaad ku dul rushaysaa meesha allabariga.

29:17b.EXO.029.017 Oo markaas waa inaad wanka kala googooysaa, oo waxaad maydhaa uurkujirtiisa iyo lugihiisa, oo meel la dhig googo'iisa iyo madaxiisaba.

29:18b.EXO.029.018 Oo wanka oo dhan waa inaad ku dul gubtaa meesha allabariga, waayo, waa qurbaan Rabbiga loo gubo; oo waa caraf udgoon oo waa qurbaan dab loogu sameeyo Rabbiga.

29:19b.EXO.029.019 Oo haddana waxaad qaaddaa wanka kale; oo Haaruun iyo wiilashiisuna gacmaha ha dul saareen wanka madaxiisa.

29:20b.EXO.029.020 Oo markaas waa inaad wanka gowracdaa, oo dhiiggiisa intaad qaadatid waxaad marisaa dhegta midig oo Haaruun caaraddeeda, iyo dhegta midig oo wiilashiisa caaraddeeda, iyo suulka gacantooda midig, iyo suulka cagtooda midig, oo haddana waxaad dhiigga ku dul rushaysaa meesha allabariga.

29:21b.EXO.029.021 Oo waxaad qaaddaa dhiigga meesha allabariga ku dul yaal, iyo saliidda lagu subkado, oo waxaad ku rushaysaa Haaruun, iyo dharkiisa, iyo wiilashiisa, iyo dharkii wiilashiisa isaga la jooga; oo waa in quduus laga dhigaa isaga, iyo dharkiisa, iyo wiilashiisa, iyo dharkii wiilashiisa isaga la jooga.

29:22b.EXO.029.022 Oo waxaad kaloo qaaddaa wanka baruurtiisa, iyo badhidiisa, iyo xaydhiisa gudaha ku duuban, iyo xuubka beerka ku dul yaal, iyo labadiisa kelyood iyo xaydhooda, iyo bowdada midigta ah; waayo, waa wanka quduuskadhigidda.

29:23b.EXO.029.023 Oo dambiisha hor taal Rabbiga oo ay ku jirto kibista aan khamiirka lahaynu waxaad kala soo baxdaa xabbad kibis ah, iyo xabbad ah moofo saliid leh, iyo xabbad canjeero ah;

29:24b.EXO.029.024 oo kulligood waxaad saartaa gacmaha Haaruun, iyo gacmaha wiilashiisa, oo Rabbiga hortiisa ku ruxrux inay ahaadaan qurbaanka la ruxruxo.

29:25b.EXO.029.025 Oo markaas waa inaad gacmahooda ka qaaddid, oo waxaad ku dul gubtaa qurbaanka la gubo oo meesha allabariga kor yaal, inay caraf udgoon ku ahaadaan Rabbiga hortiisa. Waa qurbaan dab loogu sameeyey Rabbiga.

29:26b.EXO.029.026 Oo waxaad qaaddaa Haaruun wankiisa quduuskadhigidda sakaarkiisa, oo Rabbiga hortiisa ku ruxrux sidii qurbaanka la ruxruxo, oo wuxuuna noqon doonaa qaybtaada.

29:27b.EXO.029.027 Oo waa inaad quduus ka dhigtaa sakaarka qurbaanka la ruxruxo, iyo bowdada qurbaanka sare loo qaado, oo la ruxruxo, oo sarena loo qaado, ee wanka quduuskadhigidda, xataa qaybta Haaruun iyo qaybta wiilashiisaba,

29:28b.EXO.029.028 oo intaas waa inay Haaruun iyo wiilashiisu amar ahaan uga lahaadaan reer binu Israa'iil weligoodba, waayo, waa qurbaan sare loo qaado; waana inay ahaato qurbaan sare loo qaado, oo ay reer binu Israa'iil bixiyaan markay ku allabaryaan qurbaannadooda nabaadiinada. Waa qurbaankooda sare loogu qaado Rabbiga.

29:29b.EXO.029.029 Oo dharka Haaruun oo quduuska ah waxaa qaadan doona wiilashiisa isaga dabadiis, si loogu subko oo quduus looga dhigo iyagoo gashan.

29:30b.EXO.029.030 Oo wiilka isaga meeshiisa wadaad ka noqdaa toddoba maalmood waa inuu gashanaadaa markuu teendhada shirka galo inuu ka adeego meesha quduuska ah.

29:31b.EXO.029.031 Oo waa inaad qaaddaa wanka quduuskadhigidda, oo hilibkiisa waxaad ku karisaa meel quduus ah.

29:32b.EXO.029.032 Oo Haaruun iyo wiilashiisu waa inay hilibka wanka iyo kibista ku jirta dambiisha cunaan xagga iridda taambuugga shirka.

29:33b.EXO.029.033 Oo waa inay cunaan waxyaalahaas lagu kafaaro guday, inay daahir iyo quduus ku noqdaan; laakiinse qof qalaadu yaanu waxba ka cunin, waayo, iyagu waa quduus.

29:34b.EXO.029.034 Oo haddii hilibka quduuskadhigidda iyo kibista wax ka hadhaan oo ay gaadhaan ilaa subaxda, de markaas waa inaad intii hadhay dab ku gubtaa, oo waa inaan la cunin, maxaa yeelay, waa quduus.

29:35b.EXO.029.035 Oo Haaruun iyo wiilashiisa waxaad ku samaysaa sidii aan kugu amray oo dhan, oo toddoba maalmood waa inaad iyaga quduus ka dhigtaa.

29:36b.EXO.029.036 Maalin walba waa inaad dibiga qurbaanka dembiga u bixisaa kafaaraggud aawadiis, oo meesha allabarigana waa inaad daahirisaa markaad u kafaaro gudaysid, oo waa inaad subagtaa inaad quduus ka dhigtid.

29:37b.EXO.029.037 Oo toddoba maalmood waa inaad meesha allabariga u kafaaro guddaa oo quduus ka dhigtaa, oo meesha allabarigu waa inay ugu wada quduusnaataa, oo wax kasta oo meesha allabariga taabtaa quduus wuu noqon doonaa.

29:38b.EXO.029.038 Haddaba waxanu waa wixii aad meesha allabariga ku dul bixin lahayd; maalin walba had iyo goor waa inaad laba wan oo sannad jira ku bixisaa.

29:39b.EXO.029.039 Wan waa inaad subaxda bixisaa, wanka kalena waa inaad makhribka bixisaa.

29:40b.EXO.029.040 Oo bur wanaagsan oo hiin rubuceed oo saliid saafi ah lagu daray toban meelood oo meel waa inaad wanka la bixisaa, iyo weliba hiin rubuceed oo khamri ah oo ah qurbaankii cabniinka.

29:41b.EXO.029.041 Oo wanka kalena waa inaad makhribka bixisaa, oo waxaad u bixisaa sida qurbaanka hadhuudhka ah oo subaxda, iyo qurbaanka cabniinka oo subaxda, caraf udgoon ha lahaado hana ahaado qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.

29:42b.EXO.029.042 Oo wuxuu ka ab ka ab ahaan doonaa qurbaan joogto ah oo Rabbiga hortiisa lagu gubo xagga iridda taambuugga shirka, oo ah meesha aan kugula kulmi doono inaan kula hadlo aawadeed.

29:43b.EXO.029.043 Oo halkaas reer binu Israa'iil ayaan kula kulmi doonaa; oo taambuugguna wuxuu quduus ku noqon doonaa ammaantayda.

29:44b.EXO.029.044 Oo waxaan quduus ka dhigi doonaa taambuugga shirka iyo meesha allabariga; oo Haaruun iyo wiilashiisana quduus baan ka dhigi doonaa, inay hawsha wadaadnimada iiga adeegaan.

29:45b.EXO.029.045 Oo anigu waxaan dhex joogi doonaa reer binu Israa'iil, oo waxaan ahaan doonaa Ilaahood.Oo iyagu waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahood ah oo iyaga dalkii Masar ka soo bixiyey inaan iyaga dhex joogo. Anigu waxaan ahay Rabbiga ah Ilaahood.

29:46b.EXO.029.046 Oo iyagu waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahood ah oo iyaga dalkii Masar ka soo bixiyey inaan iyaga dhex joogo. Anigu waxaan ahay Rabbiga ah Ilaahood.

30

30:1b.EXO.030.001 Oo waxaad samaysaa meel allabari oo foox lagu shido; waxaadna ka samaysaa qori qudhac ah.

30:2b.EXO.030.002 Oo dhererkeeduna ha ahaado dhudhun, ballaadhkeeduna ha ahaado dhudhun, afar geesoodna waa inay lahaataa, sarajooggeeduna ha ahaado laba dhudhun, oo geesaheeduna waa inay isku waslad la ahaadaan.

30:3b.EXO.030.003 Oo waa inaad dahab saafi ah ku dahaadhaa dusheeda iyo dhinacyadeeda ku wareegsan iyo geesaheedaba; oo waxaad u samaysaa wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.

30:4b.EXO.030.004 Oo qarkeeda hoostiisa waa inaad laba siddo oo dahab ah ugu yeeshaa labada rukun; labada dhinac waa inaad sidaas u yeeshaa, oo waxay u noqon doonaan meelihii ulaha lagu qaado laga gelin lahaa.

30:5b.EXO.030.005 Oo waxaad ulaha ka samaysaa qori qudhac ah, waana inaad dahab ku dahaadhaa.

30:6b.EXO.030.006 Oo waxaad hor dhigtaa ilxidhka u dhow sanduuqa maragga oo hor yaal daboolka ka sarreeya maragga, halkaas oo ah meesha aan kugula kulmi doono.

30:7b.EXO.030.007 Oo Haaruun waa inuu ku shido foox udgoon; subax walba markuu laambadaha hagaajinayo waa inuu foox shido.

30:8b.EXO.030.008 Oo makhribka Haaruun markuu laambadaha shidayo waa inuu foox shido, kaasoo ah foox joogto u ah Rabbiga hortiisa, ka ab ka ab.

30:9b.EXO.030.009 Oo waa inaydnaan dusheeda ku bixin foox qalaad, ama qurbaan la gubo, ama qurbaan hadhuudh ah, oo dusheedana ha ku daadinina qurbaan cabniin ah.

30:10b.EXO.030.010 Geesaheedana sannaddiiba mar Haaruun waa inuu ku dul kafaaro gudo; oo dhiigga allabariga dembiga oo kafaaraggud ah sannaddiiba mar waa inuu ku kafaaro gudo tan iyo ka ab ka ab. Waa kan ugu wada quduusan Rabbiga.

30:11b.EXO.030.011 Markaasuu Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

30:12b.EXO.030.012 Markaad reer binu Israa'iil tirinaysid, intii ay tiradoodu noqoto oo dhan, nin waluba waa inuu Rabbiga siiyo madaxfurashadiisa, markaad tirisid; si aan belaayo ugu dhicin markaad iyaga tirisid.

30:13b.EXO.030.013 Oo waxan waa inay bixiyaan, nin walba oo u gudba kuwa la tiriyey waa inuu bixiyaa nus sheqel le'eg sheqelkii meesha quduuska ah: (sheqelku waa labaatan geeraah:) nus sheqel waa in Rabbiga loo bixiyaa.

30:14b.EXO.030.014 Oo mid kasta oo u gudba kuwa la tiriyey oo ah inta jirta labaatan sannadood iyo wixii ka sii weyn, waa inuu bixiyaa Rabbiga wixiisa.

30:15b.EXO.030.015 Markay Rabbiga wixiisa u bixinayaan inay nafihiinna u kafaaro gudaan, kii taajir ahu waa inaanu bixin wax nus sheqel ka badan, kii miskiin ahuna waa inaanu bixin wax nus sheqel ka yar.

30:16b.EXO.030.016 Oo waa inaad reer binu Israa'iil ka qaaddaa lacagta kafaaraggudka ah, oo aad wax kaga qabataa hawsha taambuugga shirka, inay reer binu Israa'iil u noqoto xusuus Rabbiga hortiisa, si aad nafihiinna ugu kafaaro guddaan.

30:17b.EXO.030.017 Markaasuu Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

30:18b.EXO.030.018 Waxaad samaysaa berked weyso oo naxaas ah, salkeedana waxaad ka samaysaa naxaas, oo waxaad dhigtaa meel u dhexaysa taambuugga shirka iyo meesha allabariga; oo waa inaad biyo ku shubtaa, ha lagu maydho e.

30:19b.EXO.030.019 Haaruun iyo wiilashiisu waa inay gacmaha iyo cagaha ku dhaqdaan:

30:20b.EXO.030.020 oo markay gelayaan taambuugga shirka waa inay biyo ku maydhaan, yaanay dhimanine, ama markay meesha allabariga ag yimaadaan inay ka adeegaan oo ay gubaan qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo,

30:21b.EXO.030.021 waa inay gacmaha iyo cagahaba dhaqdaan, yaanay dhimanine; oo wuxuu iyaga u noqon doonaa qaynuun weligiis ah, xataa xagga isaga iyo farcankiisa ka dambeeyaba ka ab ka ab.

30:22b.EXO.030.022 Oo markaasuu haddana Rabbigu Muuse la hadlay oo ku yidhi,

30:23b.EXO.030.023 Waxaad qaadataa dhir udgoon oo wacan, oo ah shan boqol oo sheqel oo ah malmal asli ah, iyo badhkiis oo qorfe macaan ah, oo ah laba boqol iyo konton sheqel, iyo laba boqol iyo konton sheqel oo ah kalamus,

30:24b.EXO.030.024 iyo shan boqol oo sheqel oo ah kasiya, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, iyo hiin muggeed oo saliid saytuun ah.

30:25b.EXO.030.025 Oo waxaad ka samaysaa saliid lagu subkado oo quduus ah, taas oo ah cadar laysku daray sidii kan cadarsameeyaha oo kale; oo waxay noqon doontaa saliid lagu subkado oo quduus ah.

30:26b.EXO.030.026 Oo waxaad ku subagtaa taambuugga shirka iyo sanduuqa maragga,

30:27b.EXO.030.027 iyo miiska iyo alaabtiisa oo dhan, iyo laambadda iyo alaabteeda, iyo meesha allabariga ee fooxa,

30:28b.EXO.030.028 iyo meesha allabariga lagu gubo iyo alaabteeda oo dhan, iyo berkedda weysada iyo salkeedaba.

30:29b.EXO.030.029 Oo waa inaad iyaga quduus ka dhigtaa, inay noqdaan kuwa ugu wada quduusan; oo wax kasta oo iyaga taabtaaba waxay noqon doonaan quduus.

30:30b.EXO.030.030 Oo Haaruun iyo wiilashiisaba waa inaad u subagtaa oo quduus ka dhigtaa, inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada.

30:31b.EXO.030.031 Oo waa inaad la hadashaa reer binu Israa'iil oo waxaad ku tidhaahdaa, Tanu waxay ka ab ka ab ii noqon doontaa saliid lagu subkado oo quduus ah.

30:32b.EXO.030.032 Haddaba waa inaan dad jidhkiisa lagu shubin, ama waa inaydnaan samayn mid la mid ah, oo sideeda oo kale loo sameeyey, waayo, iyadu waa quduus, oo waxay idiin noqon doontaa quduus.

30:33b.EXO.030.033 Oo ku alla kii taas oo kale sameeya, ama ku alla kii qof qalaad mariya, dadkiisa waa laga gooyn doonaa.

30:34b.EXO.030.034 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad qaadataa uunsi udgoon oo ah istakte iyo onika iyo galbanum, iyagoo ah uunsi ay ku jirto beeyo saafi ah, oo miisaankooduna ha iswada le'ekaado.

30:35b.EXO.030.035 Oo waxaad ka samaysaa foox, kaas oo loo sameeyey sida cadarsameeyuhu uu u sameeyo oo kale, oo cusbo lagu daray, oo saafi ah, quduusna ah.

30:36b.EXO.030.036 Oo qaarkiis waa inaad tuntaa oo yaryaraysaa, oo waxaad hor dhigtaa maragga ku jira taambuugga shirka, taasoo ah meesha aan kugula kulmi doono; oo waxay idiin noqon doontaa kan ugu wada quduusan.

30:37b.EXO.030.037 Oo fooxa aad samayn doontaan sidiisa ha u samaysanina; waayo, wuxuu kuu noqon doonaa quduus Rabbiga aawadiis.Oo ku alla kii kaas oo kale sameeya, inuu ku udgoonsado, kaas dadkiisa waa laga gooyn doonaa.

30:38b.EXO.030.038 Oo ku alla kii kaas oo kale sameeya, inuu ku udgoonsado, kaas dadkiisa waa laga gooyn doonaa.

31

31:1b.EXO.031.001 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

31:2b.EXO.031.002 Bal eeg, magac baan ugu yeedhay Besaleel ina Uurii, oo ah ina Xuur, qabiilkiisuna yahay Yahuudah;

31:3b.EXO.031.003 oo waxaan isaga ka buuxiyey Ruuxa Ilaah, xagga xigmadda, iyo waxgarashada, iyo aqoonta, iyo sancada cayn kasta ah,

31:4b.EXO.031.004 inuu shuqullo yaab leh hindiso, oo uu ka shaqeeyo dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta,

31:5b.EXO.031.005 iyo inuu qoro dhagaxyada saldhigyo lagu dhejiyo oo uu looxyada xardho, iyo inuu ka shaqeeyo sanco cayn kasta ah.

31:6b.EXO.031.006 Oo bal eeg, waxaan isaga la doortay Aaholii'aab oo ah ina Axiisaamaag, oo qabiilkiisu yahay Daan; oo inta xigmadda leh oo dhan waxaan qalbigooda geliyey xigmad, inay sameeyaan wixii aan kugu amray oo dhan;

31:7b.EXO.031.007 kuwaasoo ah taambuugga shirka, iyo sanduuqa maragga, iyo daboolka dul saaran, iyo alaabta Taambuugga oo dhan,

31:8b.EXO.031.008 iyo miiska iyo alaabtiisa, iyo laambadaha saafiga ah, iyo alaabtooda oo dhan, iyo meesha allabariga oo fooxa,

31:9b.EXO.031.009 iyo meesha allabariga lagu gubo, iyo alaabteeda oo dhan, iyo berkedda weysada iyo salkeeda,

31:10b.EXO.031.010 iyo dharka adeegidda, iyo dharka quduuska ah oo wadaadka Haaruun ah, iyo dharka wiilashiisaba, inay ka adeegaan hawsha wadaadnimada,

31:11b.EXO.031.011 iyo saliidda lagu subkado, iyo fooxa uunsiga udgoon ah oo meesha quduuska ah, oo wax walba sidii aan kugu amray waa inay u sameeyaan.

31:12b.EXO.031.012 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

31:13b.EXO.031.013 Waxaad la hadashaa reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sida runta ah waa inaad dhawrtaan ayaamahayga sabtiyaasha ah: waayo, waa calaamo ina dhex taal aniga iyo idinka ka ab ka ab; si aad u ogaataan inaan anigu ahay Rabbiga quduus idinka dhigaya.

31:14b.EXO.031.014 Haddaba waa inaad dhawrtaan sabtida, waayo, waa idiin quduus, oo mid kasta oo ka dhiga wax aan quduus ahayn hubaal waa in la dilaa, waayo, ku alla kii maalintaas shaqeeya, de qofkaas waa in laga gooyaa dadkiisa.

31:15b.EXO.031.015 Lix maalmood waa in shuqul la qabtaa, laakiinse maalinta toddobaad waa sabti nasasho ah oo Rabbiga quduus u ah; oo ku alla kii maalinta sabtidaa shuqul qabta hubaal waa in la dilaa.

31:16b.EXO.031.016 Sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil waa inay sabtida dhawraan, iyagoo ka ab ka ab sabtida u dhawra axdi weligiis ah aawadiis.

31:17b.EXO.031.017 Waa calaamo weligeed ina dhex taal aniga iyo reer binu Israa'iil; waayo, Rabbigu lix maalmood buu ku sameeyey samada iyo dhulka, oo maalintii toddobaadna wuu nastay, wuuna qabowsaday.Oo markii uu dhammeeyey hadalkii uu kula hadlayay Buur Siinay dusheeda, ayuu Muuse siiyey labadii loox ee maragga iyagoo ah looxyo dhagaxyo ah, oo fartii Ilaah lagu qoray.

31:18b.EXO.031.018 Oo markii uu dhammeeyey hadalkii uu kula hadlayay Buur Siinay dusheeda, ayuu Muuse siiyey labadii loox ee maragga iyagoo ah looxyo dhagaxyo ah, oo fartii Ilaah lagu qoray.

32

32:1b.EXO.032.001 Oo markii dadkii arkay in Muuse raagay oo uusan buurtii ka soo degin, ayaa dadkii iyagoo urursan Haaruun u yimaadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Kac, oo inoo samee ilaahyo ina hor socda; waayo, Muusahan oo ah ninkii inaga soo bixiyey dalkii Masar, garan mayno wax ku dhacay.

32:2b.EXO.032.002 Markaasaa Haaruun wuxuu iyagii ku yidhi, Soo bixiya hilqadaha dahabka ah oo dhegaha ugu jira naagihiinna, iyo wiilashiinna, iyo gabdhihiinna, oo ii keena.

32:3b.EXO.032.003 Markaasaa dadkii oo dhammu waxay soo bixiyeen hilqadihii dahabka ahaa oo dhegaha ugu jiray oo waxay u keeneen Haaruun.

32:4b.EXO.032.004 Kolkaasuu gacmahooda ka guddoomay, oo wuxuu ku xardhay alaabta wax lagu xardho, wuxuuna ka sameeyey weyl dahab la shubay ah; oo waxay yidhaahdeen, Reer binu Israa'iilow, kanu waa ilaahiinnii dalka Masar idinka soo waday.

32:5b.EXO.032.005 Oo Haaruun markuu arkay ayuu meel allabari ka hor dhisay, markaasaa Haaruun ogeysiis ku dhawaaqay, oo wuxuu yidhi, Berri waa iiddii Rabbiga.

32:6b.EXO.032.006 Markaasay subaxdii dambe aroor hore keceen, oo waxay bixiyeen qurbaanno la gubo, oo waxay keeneen qurbaanno nabaadiino, markaasay dadkii u fadhiisteen inay wax cunaan oo wax cabbaan, oo ay u keceen inay cayaaraan.

32:7b.EXO.032.007 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Kac oo hoos u deg, waayo, dadkaagii aad dalkii Masar ka soo bixisay, way iskharribeen,

32:8b.EXO.032.008 oo haddiiba way ka leexdeen jidkii aan ku amray, oo waxay samaysteen weyl dahab la shubay ah, wayna caabudeen, oo allabarina way u bixiyeen, oo waxayna yidhaahdeen, Reer binu Israa'iilow, kanu waa ilaahiinnii dalka Masar idinka soo waday.

32:9b.EXO.032.009 Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Anigu dadkan waan arkay oo waa dad madax adag,

32:10b.EXO.032.010 haddaba iska kay daa, aan aad ugu cadhoodee, oo aan kulligood baabbi'iyee, oo waxaan adiga kaa dhigi doonaa quruun weyn.

32:11b.EXO.032.011 Markaasaa Muuse baryay Rabbiga Ilaahiis ah oo wuxuu ku yidhi, Rabbiyow, maxaad aad ugu cadhoonaysaa dadkaaga aad dalkii Masar kaga soo bixisay itaal weyn iyo gacan xoog leh?

32:12b.EXO.032.012 Bal Masriyiintu maxay u odhan doonaan, Wuxuu iyaga u saaray xumaan inuu buuraha ku laayo iyo inuu dhulka iyaga ka baabbi'iyo? Rabbiyow, ka leexo cadhadaada kulul oo ka noqo xumaantan aad damacsan tahay inaad dadkaaga ku samaysid.

32:13b.EXO.032.013 Bal xusuuso addoommadaadii ahaa Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Israa'iil, oo aad naftaada ugu dhaaratay, oo aad ku tidhi, Farcankiinna waxaan u badin doonaa sida xiddigaha cirka, oo dalkan aan ka hadlay oo dhan waxaan siin doonaa farcankiinna, wayna dhaxli doonaan weligood.

32:14b.EXO.032.014 Markaasaa Rabbigu ka noqday xumaantii uu damacsanaa inuu dadkiisa ku sameeyo.

32:15b.EXO.032.015 Markaasuu Muuse jeestay, oo buurtii hoos uga degay, isagoo labadii loox oo maragga ahaa gacanta ku sita, looxyadana wax baa kaga qornaa labadooda dhinacba; oo dhankan iyo dhankaasba wax qoran baa kaga yiil.

32:16b.EXO.032.016 Oo looxyadu waxay ahaayeen shuqulkii Ilaah, oo farta ku qoranuna waxay ahayd fartii Ilaah oo looxyada ku xardhan.

32:17b.EXO.032.017 Oo markii Yashuuca maqlay qayladii ay dadku ku qaylinayeen ayuu Muuse ku yidhi, War xeradii qaylo colaadeed baa ka yeedhaysa.

32:18b.EXO.032.018 Markaasuu ku yidhi, Kaasu ma aha codka kuwa guulaysta, mana aha codka kuwa laga adkaado, laakiinse waxaan maqlayaa kuwa gabyaya codkood.

32:19b.EXO.032.019 Oo markuu xeradii ku soo dhowaaday wuxuu arkay weyshii iyo cayaartii; markaasaa Muuse aad u cadhooday, looxyadiina gacmihiisa wuu ka tuuray, oo wuxuu ku jejebiyey buurta hoosteedii.

32:20b.EXO.032.020 Markaasuu weyshii ay samaysteen qaaday, dab buuna ku gubay oo daqiijiyey, oo intuu biyaha ku dul daadiyey ayuu reer binu Israa'iil cabsiiyey.

32:21b.EXO.032.021 Markaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, War maxaa dadkanu kugu sameeyey oo aad dembi weyn ugu keentay?

32:22b.EXO.032.022 Markaasaa Haaruun wuxuu yidhi, Sayidkaygiiyow, bal ha ii cadhoon; waayo, adiguba waad og tahay inay dadkanu sharka jecel yihiin.

32:23b.EXO.032.023 Waayo, waxay igu yidhaahdeen, Inoo samee ilaahyo ina hor socda, waayo, Muusahan oo ah ninkii inaga soo bixiyey dalkii Masar, garan mayno wax ku dhacay.

32:24b.EXO.032.024 Markaasaan ku idhi, Ku alla kii dahab haystaa, ha siibo. Kolkaasay i siiyeen, anna dabkaan ku tuuray, oo waxaa ka soo baxday weyshan.

32:25b.EXO.032.025 Oo markii Muuse arkay in dadkii layska sii daayay, waayo, Haaruun baa sii daayay oo ku kashifay cadaawayaashooda hortooda,

32:26b.EXO.032.026 ayuu Muuse istaagay xerada iriddeedii, oo wuxuu yidhi, Ku alla kii Rabbiga la gees ahow, ii kaalay. Markaasay reer Laawi oo dhammu agtiisa ku soo urureen.

32:27b.EXO.032.027 Markaasuu wuxuu iyagii ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil sidan buu leeyahay, Nin waluba seeftiisa dhinaca ha ku xidho, oo kulligiin irid ilaa irid xerada hore iyo dib u dhex qaada, oo nin waluba ha dilo walaalkiis, iyo saaxiibkiis, iyo deriskiisaba.

32:28b.EXO.032.028 Oo reer Laawi waxay yeeleen hadalkii Muuse, oo maalintaas dadkii waxaa ka dhintay qiyaastii saddex kun oo nin.

32:29b.EXO.032.029 Markaasaa Muuse wuxuu ku yidhi, Inuu maanta barako idinku soo dejiyo aawadeed, Rabbiga quduus isaga dhiga oo nin waluba ha ka gees noqdo wiilkiisa iyo walaalkiisba.

32:30b.EXO.032.030 Oo waxaa dhacday, in Muuse maalintii dambe dadkii ku yidhi, Idinku dembi weyn baad samayseen, oo haatan waxaan kor ugu tegayaa Rabbiga; mindhaa dembigiinna aawadiis ayaan u kafaaro gudi doonaaye.

32:31b.EXO.032.031 Markaasaa Muuse wuxuu ku noqday Rabbiga xaggiisa, oo wuxuu yidhi, Bal dadkanu dembi weyn bay sameeyeen, oo waxay samaysteen ilaahyo dahab ah.

32:32b.EXO.032.032 Laakiin hadda haddaad dembigooda cafidid; haddii kalese waan ku baryayaaye, kitaabkaaga aad qortay iga tir.

32:33b.EXO.032.033 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Ku alla kii igu dembaabay weeye kan aan kitaabkayga ka tirayaa.

32:34b.EXO.032.034 Ee haddaba tag, oo meeshii aan kaala hadlay dadka u hor kac, oo bal eeg, malaa'igtayda ayaa ku hor kici doontee; habase yeeshee maalinta aan soo booqdo ayaan dembigooda u ciqaabi doonaa.Markaasaa Rabbigu dadkii belaayo ku riday, waayo, waxay sameeyeen weyshii taasoo tii Haaruun sameeyey ahayd.

32:35b.EXO.032.035 Markaasaa Rabbigu dadkii belaayo ku riday, waayo, waxay sameeyeen weyshii taasoo tii Haaruun sameeyey ahayd.

33

33:1b.EXO.033.001 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Tag, oo halkan ka socda, adiga iyo dadkii aad dalkii Masar ka soo bixisayba, oo waxaad u kacdaan dalkii aan ugu dhaartay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, oo aan mid walba ku idhi, Farcankaagaan siin doonaa.

33:2b.EXO.033.002 Oo waxaan hortiinna ku soo diri doonaa malaa'ig, oo waan eryi doonaa reer Kancaan, iyo reer Amor, iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus.

33:3b.EXO.033.003 U kaca dalkaas caanaha iyo malabka la barwaaqaysan. Anigu idin dhex socon maayo, waayo, waaba intaasoo aan jidka idinku baabbi'iyaa, maxaa yeelay, idinku waxaad tihiin dad madax adag.

33:4b.EXO.033.004 Oo markii dadkii warkaas xun maqlay, ayay wada calool xumaadeen, oo midkoodna ma xidhan wixii uu isku sharrixi jiray.

33:5b.EXO.033.005 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Idinku waxaad tihiin dad madax adag, oo haddii aan daqiiqad qudh ah dhexdiinna imaado, waan idin baabbi'in; haddaba wixii aad isku sharrixi jirteen, iska fura, bal inaan ogaado waxaan idinku sameeyo.

33:6b.EXO.033.006 Markaasaa reer binu Israa'iil waxay Buur Xoreeb ka bilaabeen inay iska furaan wixii ay isku sharrixi jireen.

33:7b.EXO.033.007 Haddaba Muuse wuxuu qaadi jiray taambuugga oo uu ka dhisi jiray xerada dibaddeeda, meel xerada ka durugsan; oo wuxuu u bixiyey Taambuuggii shirka. Oo mid kasta oo Rabbiga doonay, wuxuu u baxay taambuuggii shirka oo xerada dibaddeeda ahaa.

33:8b.EXO.033.008 Oo markii Muuse Taambuuggii u baxay, dadkii oo dhammu way wada keceen, oo nin waluba teendhadiisa iriddeeda ayuu istaagay, oo waxay eegayeen Muuse ilaa uu Taambuuggii galay.

33:9b.EXO.033.009 Oo markii Muuse Taambuuggii galay ayaa tiirkii daruurta ahaa soo degay oo Taambuugga iriddiisii qotonsaday, markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay.

33:10b.EXO.033.010 Oo dadkii oo dhammuna way wada arkeen tiirkii daruurta ahaa oo Taambuugga iriddiisii hor qotoma; kolkaasay dadkii oo dhammu wada kaceen oo Ilaah caabudeen, nin walba oo teendhadiisa iriddeeda ag jooga.

33:11b.EXO.033.011 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ula hadlay sida nin saaxiibkiis ula hadlo, iyagoo iska soo hor jeeda. Kolkaasuu haddana xeradii ku soo noqday; laakiinse midiidinkiisii ahaa Yashuuca ina Nuun oo nin dhallinyar ahaa ayaan Taambuuggii ka bixin.

33:12b.EXO.033.012 Muusena wuxuu Rabbiga ku yidhi, Bal eeg, waxaad i leedahay, Dadkan kaxee, oo imana aad ogeysiin kan aad ila diraysid. Laakiin waxaad igu tidhi, Magacaaga waan kugu aqaan, oo raalli baan kaa ahay.

33:13b.EXO.033.013 Haddaba waan ku baryayaaye, haddaad raalli iga tahay, jidadkaaga i tus, inaan ku ogaado aawadeed, oo aad raalli iga ahaato, oo bal fiiri in quruuntanu tahay dadkaaga.

33:14b.EXO.033.014 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Anigu waan kula socon doonaa, oo waan ku nasin doonaa.

33:15b.EXO.033.015 Markaasuu isna ku yidhi, Haddaba haddaanad ila socon, halkan ha naga kaxayn.

33:16b.EXO.033.016 Waayo, sidee baa lagu garanayaa inaad raalli naga tahay, aniga iyo dadkaagaba? Miyaanay ahayn inaad nala socoto si aannu aniga iyo dadkaaguba uga duwanaanno dadka dhulka jooga oo dhan?

33:17b.EXO.033.017 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Weliba waxan aad ku hadashay waan kuu samayn doonaa; waayo, raalli baan kaa ahay, oo magacaagana waan kugu aqaan.

33:18b.EXO.033.018 Markaasuu yidhi, Waan ku baryayaaye, ammaantaada i tus.

33:19b.EXO.033.019 Isna wuxuu ku yidhi, Wanaaggayga oo dhan ayaan hortaada soo marin, oo magaca Rabbiga ayaan hortaada ku naadin, oo waan u roonaan kii aan doonayo inaan u roonaado, waanan u naxariisan kii aan doonayo inaan u naxariisto.

33:20b.EXO.033.020 Oo wuxuu yidhi, Adigu wejigayga arki kari maysid, waayo, dad i arkaa noolaan maayo.

33:21b.EXO.033.021 Markaasaa Rabbigu wuxuu yidhi, Bal eeg, meel baa agtayda ah, oo waxaad isku taagi doontaa dhagaxa weyn,

33:22b.EXO.033.022 oo markii ay ammaantaydu ku ag marayso, waxaan ku gelin doonaa meel dhagaxa ka dillaacsan, oo gacantaydaan kugu dabooli doonaa ilaa aan ku dhaafo;oo haddana waan kaa qaadi doonaa gacantayda, oo waxaad arki doontaa dhabarkayga, laakiinse wejigayga la arki maayo.

33:23b.EXO.033.023 oo haddana waan kaa qaadi doonaa gacantayda, oo waxaad arki doontaa dhabarkayga, laakiinse wejigayga la arki maayo.

34

34:1b.EXO.034.001 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad soo qortaa laba loox oo dhagax ah oo kuwii hore u eg, oo waxaan looxyada ku qori doonaa erayadii ku qornaa looxyadii hore, oo aad jebisay.

34:2b.EXO.034.002 Oo subaxda diyaar ahow, oo Buur Siinay subaxda soo fuul, oo halkaas buurta dusheeda ah iigu kaalay.

34:3b.EXO.034.003 Oo ninna yuusan kula soo fuulin, oo buurta dhan yaan ninna lagu arkin, oo adhi iyo lo' toona yaanay buurta horteeda daaqin.

34:4b.EXO.034.004 Markaasuu qoray laba loox oo dhagax ah oo kuwii hore u eg; kolkaasuu Muuse aroor hore kacay, oo Buur Siinay fuulay sidii Rabbigu ku amray, oo gacantana wuxuu ku qaaday laba loox oo dhagax ah.

34:5b.EXO.034.005 Markaasaa Rabbigu daruurtii ku soo degay, oo halkaas isla taagay, oo wuxuu naadiyey magicii Rabbiga.

34:6b.EXO.034.006 Kolkaasaa Rabbigu hortiisa maray oo naadiyey isagoo leh, Waxaan ahay Rabbiga, Rabbiga, oo ah Ilaah raxmad iyo roonaan badan, oo cadho u gaabiya, oo naxariis iyo run badan,

34:7b.EXO.034.007 oo kumankun u naxariista, oo xumaanta iyo xadgudubka iyo dembiga dhaafa, laakiin aan sinaba u caddayn in kan dembiga galay aanu eed lahayn; oo xumaantii awowayaasha soo gaadhsiiya carruurtooda iyo carruurta carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraadba.

34:8b.EXO.034.008 Markaasaa Muuse intuu dhaqsaday u sujuuday oo caabuday.

34:9b.EXO.034.009 Kolkaasuu wuxuu yidhi, Haddaba, Rabbiyow, haddii aad raalli iga tahay, waan ku baryayaaye, Rabbiyow, bal na dhex soco oo naga cafi xumaantayada iyo dembigayaga, waayo dadkanu waa dad madax adag, ee annaga dhaxal ahaan noo qaado.

34:10b.EXO.034.010 Markaasuu ku yidhi, Bal eeg, axdi baan dhigayaa; dadkaaga oo dhan hortiisa waxaan ku samayn doonaa cajaa'ibyo aan weligood lagu samayn dhulka oo dhan iyo quruunnaba; oo dadka aad dhex joogto oo dhammu waxay arki doonaan shuqulka Rabbiga, waayo, waxaan kugu samaynayaa waa wax cabsi badan.

34:11b.EXO.034.011 Waxaad dhawrtaa waxaan maanta kugu amrayo; oo bal ogow, hortaada waxaan ka eryayaa reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus.

34:12b.EXO.034.012 Haddaba iska jira, oo axdi ha la dhiganina dadka deggan dalka aad u socotaan, waaba intaasoo ay dabin ku noqoto dhexdiinna,

34:13b.EXO.034.013 laakiinse waa inaad dumisaan meelahooda allabariga, oo burburisaan tiirarkooda, oo gooysaan geedahooda Asheeraah,

34:14b.EXO.034.014 waayo, idinku waa inaydnaan caabudin ilaah kale, maxaa yeelay, Rabbiga magiciisu yahay Masayr waa Ilaah masayr ah;

34:15b.EXO.034.015 waaba intaasoo aad axdi la dhigataan dadka dalkaas deggan, oo ay ilaahyadooda raacaan sida naagi ninkeeda uga dhillowdo, oo ay allabari u bixiyaan ilaahyadooda, oo inta laydiin yeedho, aad allabarigiisa wax ka cuntaan,

34:16b.EXO.034.016 oo waaba intaasoo aad gabdhahooda u guurisaa wiilashaada, oo ay gabdhahooduna ilaahyadooda raacaan sida dhillooyin oo kale, oo ay wiilashaadana u jiitaan inay raacaan ilaahyadooda.

34:17b.EXO.034.017 Waa inaanad samaysaan ilaahyo shub ah.

34:18b.EXO.034.018 Waa inaad dhawrtaan Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn. Oo toddoba maalmood waa inaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn, sidii aan kugu amray wakhtigii la yidhi ee bishii Aabiib ahayd, maxaa yeelay, bishii Aabiib ayaad Masar ka soo baxday.

34:19b.EXO.034.019 Kulli intii maxal furta anigaa iska leh, iyo kulli xoolahaaga intooda lab oo ah curadyada dibida iyo wananka oo dhan.

34:20b.EXO.034.020 Oo dameerka curadka ah waa inaad wan yar ku furataa, oo haddaanad furanin, de waa inaad qoorta ka jebisaa. Oo dadkaaga curadyadiisa oo dhan waa inaad furataa. Oo hortayda midna yuusan iman isagoo faro madhan.

34:21b.EXO.034.021 Lix maalmood waa inaad shaqaysaan, laakiinse maalinta toddobaad waa inaad nasataan; ha ahaatee xilliga beeraha la falo iyo xilliga beeraha la goostoba waa inaad maalinta toddobaad nasataan.

34:22b.EXO.034.022 Oo waa inaad dhawrtaan Iidda Toddobaadyada, taasoo ah marka la goosto midhaha ugu horreeya ee sarreenka, iyo Iidda Waxurursiga ah marka sannadda ugu dambaysa.

34:23b.EXO.034.023 Sannaddiiba saddex goor waa inay labkiinna oo dhammu ka hor yimaadaan Rabbiga Ilaaha ah, Ilaaha reer binu Israa'iil.

34:24b.EXO.034.024 Waayo, anigu quruumaan hortiinna ka eryi doonaa, oo soohdimihiinnana waan ballaadhin doonaa; oo ninnaba dalkiinna ma damci doono markii aad sannaddiiba saddex goor u baxdaan inaad Rabbiga Ilaahiinna ah ka hor tagtaan.

34:25b.EXO.034.025 Waa inaydnaan dhiigga allabarigayga la bixin kibis khamiir leh, oo waa inaan allabariga Iidda Kormaridda ilaa subaxda la gaadhsiin.

34:26b.EXO.034.026 Dhulkiinna midhaha ugu horreeya waa inaad inta hore guriga Rabbiga Ilaahiinna ah geeysaan. Waa inaydnaan waxar caanaha hooyadiis ku karin.

34:27b.EXO.034.027 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Erayadan qor, waayo, waxaan idinla dhigtay adiga iyo reer binu Israa'iilba axdi erayadan waafaqsan.

34:28b.EXO.034.028 Oo halkaasuu Rabbiga la joogay afartan habeen iyo afartan maalmood, waxbana ma uu cunin, biyona ma uu cabbin. Oo looxyadiina wuxuu ku qoray erayadii axdiga, kuwaas oo ah tobanka qaynuun.

34:29b.EXO.034.029 Oo markii Muuse Buur Siinay ka soo degay isagoo labadii loox oo maragga gacanta ku sita, intuu buurta ka soo degayay Muuse ma uu ogayn inuu dubka wejigiisu la dhalaalayay hadalkii uu kula hadlay aawadiis.

34:30b.EXO.034.030 Oo markay Haaruun iyo reer binu Israa'iil oo dhammu Muuse arkeen, bal eeg, dubka wejigiisu waa dhalaalayay, wayna ka cabsadeen inay u dhowaadaan.

34:31b.EXO.034.031 Markaasaa Muuse iyagii u yeedhay; Haaruun iyo taliyayaashii shirka oo dhammuna way ku soo noqdeen; Muusena wuu la hadlay.

34:32b.EXO.034.032 Dabadeedna reer binu Israa'iil oo dhammu waa u soo dhowaadeen. Markaasuu wuxuu iyagii ku amray kulli wixii Rabbigu isaga ugu sheegay Buur Siinay.

34:33b.EXO.034.033 Oo markuu Muuse dhammeeyey hadalkii uu kula hadlayay ayuu indho shareertay.

34:34b.EXO.034.034 Laakiinse markii Muuse Rabbiga u galay oo uu is-hor taagay inuu la hadlo ayuu indhashareertii iska fayday ilaa uu soo baxay; kolkaasuu soo baxay, oo wuxuu reer binu Israa'iil u sheegay wixii lagu amray,oo reer binu Israa'iilna way arkeen Muuse wejigiisii iyo inuu dubka wejigiisu dhalaalayay, markaasaa Muuse haddana indho shareertay ilaa uu gudaha u galay inuu la hadlo.

34:35b.EXO.034.035 oo reer binu Israa'iilna way arkeen Muuse wejigiisii iyo inuu dubka wejigiisu dhalaalayay, markaasaa Muuse haddana indho shareertay ilaa uu gudaha u galay inuu la hadlo.

35

35:1b.EXO.035.001 Markaasaa Muuse isu soo ururiyey shirkii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Kuwanu waa erayadii Rabbigu idinku amray inaad yeeshaan.

35:2b.EXO.035.002 Lix maalmood waa in la shaqeeyaa, laakiinse maalinta toddobaad waa inay maalin quduus ah idiin ahaataa oo waa sabti nasasho oo Rabbiga loo nasto, oo ku alla kii maalintaas shuqul qabta waa in nafta laga qaadaa.

35:3b.EXO.035.003 Oo maalin kasta oo sabti ah waa inaydnaan innaba dab ku shidin rugihiinna oo dhan.

35:4b.EXO.035.004 Oo Muuse wuxuu la hadlay shirkii reer binu Israa'iil oo dhan, isagoo leh, Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray, isagoo leh,

35:5b.EXO.035.005 Idinku dhexdiinna waa inaad wax Rabbiga isaga ururisaan. Mid kasta oo qalbigiisu raalli ka yahay, ha keeno qurbaanka Rabbiga, kaasoo ah dahab, iyo lacag, iyo naxaas,

35:6b.EXO.035.006 iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, iyo dhogor riyaad,

35:7b.EXO.035.007 iyo wanan hargahood oo la caseeyey, iyo adhidibadeed hargahood, iyo qori qudhac ah,

35:8b.EXO.035.008 iyo saliid laambadda lagu shubo, iyo udgoon lagu daro saliidda lagu subkado, iyo foox udgoon,

35:9b.EXO.035.009 iyo dhagaxyo onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyo lagu dhejiyo eefodka iyo laabgashiga.

35:10b.EXO.035.010 Oo nin kasta oo xigmad leh oo idinku dhex jiraaba ha yimaado oo ha sameeyo wixii Rabbigu idinku amray oo dhan;

35:11b.EXO.035.011 waxaas oo ah taambuugga iyo teendhadiisa, iyo dedkiisa, iyo qabsatooyinkiisa, iyo looxyadiisa, iyo ulihiisa gudban, iyo tiirarkiisa, iyo saldhigyadiisa,

35:12b.EXO.035.012 iyo sanduuqa, iyo ulihiisa, iyo daboolka, iyo ilxidhka daaha ah,

35:13b.EXO.035.013 iyo miiska, iyo ulihiisa, iyo alaabtiisa oo dhan, iyo kibista tusniinta,

35:14b.EXO.035.014 iyo laambadda iftiinka aawadiis, iyo alaabteeda, iyo laambadaheeda, iyo saliidda iftiinka aawadiis,

35:15b.EXO.035.015 iyo meesha allabariga ee fooxa, iyo ulaheeda, iyo saliidda lagu subkado, iyo fooxa udgoon, iyo daaha iridda laga soo galo taambuugga,

35:16b.EXO.035.016 iyo meesha allabariga lagu gubo, iyo shabaggeeda naxaasta ah, iyo ulaheeda, iyo alaabteeda oo dhan, iyo berkedda weysada, iyo salkeeda,

35:17b.EXO.035.017 iyo barxadda daahyadeeda, iyo tiirarkeeda, iyo saldhigyadooda, iyo daaha iridda barxadda,

35:18b.EXO.035.018 iyo musmaarradii taambuugga, iyo musmaarradii barxadda, iyo xadhkahooda,

35:19b.EXO.035.019 iyo dharka lagaga adeegi lahaa meesha quduuska ah, kuwaas oo ah dharka quduuska ah ee wadaadka Haaruun, iyo dharka wiilashiisa si ay ugaga adeegaan hawsha wadaadnimada.

35:20b.EXO.035.020 Markaasaa shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ka tageen Muuse hortiisii.

35:21b.EXO.035.021 Oo waxay yimaadeen iyagoo mid walba qalbigiisu kacay, oo mid walba ruuxiisu raalli ka dhigay, oo waxay keeneen waxay Rabbiga u bixiyeen, kuwaasoo ah wixii loo doonay shuqulkii teendhada shirka, iyo hawsheeda oo dhan, iyo dharkii quduuska ahaa.

35:22b.EXO.035.022 Oo in alla intii raalliga ahayd way yimaadeen, rag iyo dumarba, oo waxay keeneen dugaagado, iyo hilqado, iyo kaatunno, iyo murriyado, iyo wax kasta oo laysku sharxo oo dahab ah; oo nin kastaaba wuxuu Rabbiga u bixiyey wax dahab ah.

35:23b.EXO.035.023 Oo nin walba, oo laga helay buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, iyo dhogor riyaad, iyo wanan hargahood oo la caseeyey, iyo adhidibadeed hargahoodba wuu keenay.

35:24b.EXO.035.024 Oo mid kasta oo qurbaan lacag iyo naxaas ah bixiyey wuxuu u bixiyey Rabbiga; oo nin kasta oo laga helay qori qudhac ah wuxuu u keenay hawsha adeegidda aawadeed.

35:25b.EXO.035.025 Oo dumarkii xigmadda lahaa oo dhammu waxay gacmahooda ku miiqeen dun, oo waxay keeneen wixii ay miiqeen oo ahaa buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

35:26b.EXO.035.026 Oo dumarkii qalbigoodu xigmadda la kacay oo dhammu waxay miiqeen dhogor riyaad.

35:27b.EXO.035.027 Oo taliyayaashiina waxay keeneen dhagaxyada onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyada lagu dhejiyo eefodka iyo laabgashiga.

35:28b.EXO.035.028 Waxayna keeneen uunsiga, iyo saliidda iftiinka, iyo saliidda lagu subkado, iyo fooxa udgoon.

35:29b.EXO.035.029 Oo reer binu Israa'iil waxay Rabbiga u bixiyeen qurbaan ay raalli ka yihiin; oo waxay ahaayeen dad rag iyo dumarba leh oo qalbigoodu raalli ka ahaa inay u keenaan shuqulka Rabbigu Muuse ku amray in la sameeyo oo dhan.

35:30b.EXO.035.030 Markaasaa Muuse wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Bal eega, Rabbigu wuxuu magac ugu yeedhay Besaleel oo ah ina Uurii, oo ah ina Xuur, oo qabiilkiisu yahay Yahuudah;

35:31b.EXO.035.031 oo wuxuu isaga ka buuxiyey ruuxii Ilaah, xagga xigmadda iyo waxgarashada, iyo aqoonta, iyo sancada caynka kasta ah,

35:32b.EXO.035.032 iyo inuu shuqullo yaab leh hindiso, oo uu ka shaqeeyo dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta,

35:33b.EXO.035.033 iyo inuu qoro dhagaxyo saldhigyo lagu dhejinayo, oo uu looxyada xardho, iyo inuu ka shaqeeyo sanco cayn kasta ah.

35:34b.EXO.035.034 Oo wuxuu qalbigiisii geliyey inuu wax baro, isaga iyo Aaholii'aab oo ah ina Axiisaamaag, oo qabiilkiisu yahay Daan.Oo iyaga wuxuu qalbigooda ka buuxiyey xigmad, inay ka shaqeeyaan shuqul cayn kasta ah oo ay qabtaan kuwa wax xardha iyo kuwa wax hindisa, iyo kuwa daabac ku tola buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, iyo kuwa dharka sameeya, xataa ha ahaatee kuwa shuqul kasta qabta iyo kuwa shuqullo yaab leh hindisa.

35:35b.EXO.035.035 Oo iyaga wuxuu qalbigooda ka buuxiyey xigmad, inay ka shaqeeyaan shuqul cayn kasta ah oo ay qabtaan kuwa wax xardha iyo kuwa wax hindisa, iyo kuwa daabac ku tola buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, iyo kuwa dharka sameeya, xataa ha ahaatee kuwa shuqul kasta qabta iyo kuwa shuqullo yaab leh hindisa.

36

36:1b.EXO.036.001 Oo Besaleel iyo Aaholii'aab iyo nin kasta oo xigmad leh, oo Rabbigu geliyey xigmad iyo waxgarasho ay ku gartaan si loo sameeyo shuqul kasta oo ah adeegidda laga qabanayo meesha quduuska ah, waa inay u qabtaan sidii Rabbigu ku amray oo dhan.

36:2b.EXO.036.002 Markaasaa Muuse wuxuu u yeedhay Besaleel iyo Aaholii'aab, iyo nin kasta oo xigmad leh, oo Rabbigu qalbigiisa xigmad geliyey, xataa mid kasta oo qalbigiisu kiciyey inuu yimaado oo shuqulka qabto.

36:3b.EXO.036.003 Markaasay Muuse ka guddoomeen wixii la bixiyey oo dhan, oo ay reer binu Israa'iil u keeneen shuqulka adeegidda meesha quduuska ah, inay ka sameeyaan. Oo haddana waxay weliba subax walba u keeni jireen waxay raalli ka yihiin.

36:4b.EXO.036.004 Oo raggii xigmadda lahaa oo dhan, oo ahaa kuwii shuqulka ka qabtay meesha quduuska ah, way wada yimaadeen, oo waxaa nin waluba ka soo kacay shuqulkii uu samaynayay.

36:5b.EXO.036.005 Oo intay Muuse la hadleen ayay ku yidhaahdeen, Dadku waxay keeneen in ka sii badan intii ku filnayd in lagu qabto shuqulkii Rabbigu amray in la sameeyo.

36:6b.EXO.036.006 Markaasaa Muuse amar bixiyey, oo waxaa xeradii oo dhan laga naadiyey inaan nin iyo naag toona wax dambe u bixin shuqulka meesha quduuska ah. Sidaas daraaddeed baa dadkii looga joojiyey si aanay wax kale u keenin.

36:7b.EXO.036.007 Waayo, alaabtii ay haysteen waa ku filnayd in shuqulka oo dhan lagu sameeyo, wayna ka sii badnayd weliba.

36:8b.EXO.036.008 Oo nin kasta oo xigmad leh oo iyaga ku dhex jiray oo shuqulkii qabtay wuxuu taambuuggii ka sameeyey toban daah, oo wuxuu ka sameeyey maro wanaagsan, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo keruubiim lagu daabacay.

36:9b.EXO.036.009 Oo daah kasta dhererkiisu wuxuu ahaa siddeed iyo labaatan dhudhun, oo daah kasta ballaadhkiisuna wuxuu ahaa afar dhudhun; oo daahyada oo dhammuna isku wada qiyaas bay ahaayeen.

36:10b.EXO.036.010 Oo shan daah ayuu mid kasta midka kale ku xidhay, oo shantii daah oo kalena ayuu mid kasta midka kale ku xidhay.

36:11b.EXO.036.011 Oo daahyada midkii darafta ugu xigay qarkiisa ayuu wuxuu u yeelay siddooyin buluug ah; oo sidaasoo kalena wuxuu u yeelay daahii dibadda ugu xigay intii labaad.

36:12b.EXO.036.012 Konton siddo ayuu daahba u yeelay, oo konton siddo oo kalena wuxuu u yeelay qarkii daaha dibadda u xiga ee intii labaad; oo siddooyinkuna midba mid buu ku toosnaa.

36:13b.EXO.036.013 Oo wuxuu sameeyey konton qabsato oo dahab ah, oo daahyadiina wuxuu midba midka kale kula lammaaneeyey qabsatooyinkii; sidaasuu taambuuggu mid u noqday.

36:14b.EXO.036.014 Markaasuu daahyo ka sameeyey dhogor riyaad, inay ahaadaan teendho ka sarrayso taambuugga, oo wuxuu iyaga ka dhigay kow iyo toban daah.

36:15b.EXO.036.015 Oo daah kasta dhererkiisu wuxuu ahaa soddon dhudhun, oo daah kasta ballaadhkiisuna wuxuu ahaa afar dhudhun; oo kow iyo tobanka daah isku wada qiyaas bay ahaayeen.

36:16b.EXO.036.016 Markaasuu shan daah gooni-ahaantooda isugu xidhay, lix daahna gooni-ahaan.

36:17b.EXO.036.017 Markaasuu qarkii daahii dibadda u xigay intii kowaad u yeelay konton siddo, oo konton siddo oo kalena wuxuu u yeelay qarkii daahii dibadda u xigay intii labaad.

36:18b.EXO.036.018 Oo haddana wuxuu sameeyey konton qabsato oo naxaas ah inuu teendhada iskula dhejiyo oo ay mid noqoto.

36:19b.EXO.036.019 Oo teendhadana wuxuu ded uga sameeyey wanan hargahood oo la caseeyey, iyo ded ah adhidibadeed hargahood oo ka sarreeya.

36:20b.EXO.036.020 Oo taambuugga looxyadiisii taagtaagnaana wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah.

36:21b.EXO.036.021 Oo loox kasta dhererkiisu wuxuu ahaa toban dhudhun, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh.

36:22b.EXO.036.022 Oo loox kastaaba wuxuu lahaa laba caaro, oo looxyaduna dhinacyaday isku hayeen, oo looxyadii taambuugga oo dhan sidaasuu u sameeyey.

36:23b.EXO.036.023 Oo looxyada ayuu Taambuugga u sameeyey, oo waxay ahaayeen labaatan loox dhinaca koonfureed.

36:24b.EXO.036.024 Oo wuxuu sameeyey afartan saldhig oo lacag ah oo ka hooseeya labaatan loox, oo laba saldhigba waxay ka hooseeyeen loox, oo waxay saldhig u ahaayeen labadiisii caaro, oo laba kale oo saldhigna waxay saldhig u ahaayeen loox kale labadiisii caaro.

36:25b.EXO.036.025 Oo taambuugga dhankiisa labaadna oo woqooyi xiga, wuxuu u sameeyey labaatan loox,

36:26b.EXO.036.026 iyo afartankoodii saldhig oo lacagta ahayd. Laba saldhigba loox bay ka hooseeyeen, oo laba saldhig oo kalena waxay ka hooseeyeen loox kale.

36:27b.EXO.036.027 Oo taambuugga xaggiisa dambe oo galbeed xigtana wuxuu u sameeyey lix loox.

36:28b.EXO.036.028 Oo labada geesood oo taambuugga xaggiisa dambena wuxuu u sameeyey laba loox.

36:29b.EXO.036.029 Oo hoosta bay labanlaab ka noqdeen, oo sidaas oo kalena way dhammaadeen ilaa siddada kowaad dusheeda, oo sidaasuu ka dhigay labadoodii ku jiray labada geesood.

36:30b.EXO.036.030 Waxaana jiray siddeed loox, iyo saldhigyadoodii lacagta ahaa. Kuwaasu waxay ahaayeen lix iyo toban saldhig, oo lababa loox ka hoosayso.

36:31b.EXO.036.031 Oo wuxuu ulo gudban ka sameeyey qori qudhac ah, oo shan buu u sameeyey looxyada taambuugga dhinac kaga jira,

36:32b.EXO.036.032 oo shan ulood oo kalena wuxuu u sameeyey looxyada dhinaca kale kaga jira taambuugga, oo shan ulood oo kalena wuxuu u sameeyey looxyada taambuugga kaga jira xaggiisa dambe oo galbeed xigta.

36:33b.EXO.036.033 Oo uldhexaaddii ayuu looxyadii ku gudbay gees ilaa gees.

36:34b.EXO.036.034 Oo looxyadii wuxuu ku dahaadhay dahab, oo siddooyinkoodana wuxuu ka sameeyey dahab inay ahaadaan meelihii ay ulaha gudban ka geli lahaayeen, oo ulihiina wuxuu ku dahaadhay dahab.

36:35b.EXO.036.035 Oo ilxidhkiina wuxuu ka sameeyey buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, oo keruubiim buu ku daabacay.

36:36b.EXO.036.036 Oo wuxuu u sameeyey afar tiir oo qori qudhac ah, wuxuuna ku dahaadhay dahab; oo qabsatooyinkooduna waxay ahaayeen dahab; oo wuxuuna u yeelay afar saldhig oo lacag ah.

36:37b.EXO.036.037 Oo iridda Teendhada wuxuu u sameeyey daah ah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan oo daabac leh.Wuxuuna sameeyey shantiisii tiir iyo qabsatooyinkoodiiba, oo dahab buu ku dahaadhay tiirarka madaxyadoodii iyo waxyaalihii laysugu wada xidhayba; oo shantoodii saldhigna waxay ahaayeen naxaas.

36:38b.EXO.036.038 Wuxuuna sameeyey shantiisii tiir iyo qabsatooyinkoodiiba, oo dahab buu ku dahaadhay tiirarka madaxyadoodii iyo waxyaalihii laysugu wada xidhayba; oo shantoodii saldhigna waxay ahaayeen naxaas.

37

37:1b.EXO.037.001 Oo Besaleel wuxuu sanduuqii ka sameeyey qori qudhac ah, oo dhererkiisuna wuxuu ahaa laba dhudhun iyo badh, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh, sarajooggiisuna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh.

37:2b.EXO.037.002 Markaasuu gudaha iyo dibaddaba kaga dahaadhay dahab saafi ah, oo wuxuu u yeelay wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.

37:3b.EXO.037.003 Kolkaasuu wuxuu u yeelay afar siddo oo dahab ah oo afartiisa rukun ee hoose ku yaal; oo laba siddoba dhinac buu kaga dhejiyey, dhinaca kalena laba siddo buu kaga dhejiyey.

37:4b.EXO.037.004 Wuxuuna ulo ka sameeyey qori qudhac ah, dahab buuna ku dahaadhay.

37:5b.EXO.037.005 Markaasuu ulihii wuxuu geliyey siddooyinkii sanduuqa dhinacyadiisa ku yiil, si sanduuqa loogu qaado.

37:6b.EXO.037.006 Markaasuu wuxuu dahab saafi ah ka sameeyey dabool, oo dhererkiisuna wuxuu ahaa laba dhudhun iyo badh, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh.

37:7b.EXO.037.007 Markaasuu laba keruub ka sameeyey dahab la tumay, oo daboolkii labadiisa madax ayuu ka taagay.

37:8b.EXO.037.008 Keruub wuxuu ka sameeyey madax, keruubkii kalena wuxuu ka sameeyey madaxa kale; oo labada keruub oo labada madax ka kala taagan iyo daboolkii wuxuu ka wada sameeyey isku waslad.

37:9b.EXO.037.009 Oo keruubiimtuna meel sare ayay baalashooda ka soo kala bixiyeen, oo daboolkay baalashooda ku qariyeen, wejiyadooduna way iska soo hor jeedeen; oo keruubiimta wejiyadoodu waxay ku soo jeedeen daboolka.

37:10b.EXO.037.010 Miiskana qori qudhac ah ayuu ka sameeyey, oo dhererkiisu wuxuu ahaa laba dhudhun, ballaadhkiisuna dhudhun, sarajooggiisuna dhudhun iyo badh,

37:11b.EXO.037.011 oo wuxuu ku dahaadhay dahab saafi ah, oo wuxuuna u yeelay wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.

37:12b.EXO.037.012 Oo wuxuu u yeelay qar le'eg calaacal ballaadhkeed oo ku wareegsan, oo qarkiina wuxuu u yeelay wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wada wareegsan.

37:13b.EXO.037.013 Oo wuxuu u yeelay afar siddo oo dahab ah, oo wuxuu siddooyinkii ku dhejiyey afarta gees oo afarta rukun oo hoose kaga yiil.

37:14b.EXO.037.014 Oo siddooyinku waxay ku dhowaayeen qarka, iyagoo ah meelaha laga geliyo ulaha miiska lagu qaado.

37:15b.EXO.037.015 Oo wuxuu ulihii ka sameeyey qori qudhac ah oo ku dahaadhay dahab, si miiska loogu qaado.

37:16b.EXO.037.016 Oo wuxuu dahab saafi ah ka sameeyey alaabtii miiska saarnayd oo dhan oo ahayd suxuuntiisii, iyo malqacadihiisii, iyo maddiibadihiisii, iyo kidhliyadiisii wax laga shubo.

37:17b.EXO.037.017 Oo wuxuu laambadda ka sameeyey dahab saafi ah, oo laambaddii waxay ahayd mid tuman, xataa salkeeda iyo usheeda dhexe iyo koobabkeeda, iyo burooyinkeeda iyo ubaxeeduba isku waslad bay la wada ahaayeen.

37:18b.EXO.037.018 Oo dhinacyadeeda waxaa ka baxayay lix laamood, oo saddex laamood dhinac bay kaga yiilleen, saddex laamoodna dhinaca kale ayay kaga yiilleen.

37:19b.EXO.037.019 Oo saddex koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo buro, iyo ubax baa isku laan ku yiil, laanta kalena waxaa ku yiil saddex koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo buro, iyo ubax, oo lixdii laamood oo ka baxday laambaddii sidaasay wada ahaayeen.

37:20b.EXO.037.020 Oo laambaddii waxaa ku yiil afar koob oo yicib ubaxeed u eg, iyo burooyinkoodii iyo ubaxoodii,

37:21b.EXO.037.021 oo buro waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, buro kalena waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, burona waxay ku tiil laba laamood hoostood, isku waslad bayna la ahayd, oo lixda laamoodba sidaasay wada ahaayeen.

37:22b.EXO.037.022 Oo burooyinkooda iyo laamahooduba isku waslad bay la ahaayeen: oo kulligeedna waxay ahayd isku waslad dahab la tumay oo saafi ah.

37:23b.EXO.037.023 Oo dahab saafi ah wuxuu ka sameeyey toddobadeedii laambadood, iyo birqaabyadeedii iyo alaabteedii lagu safayn jirayba.

37:24b.EXO.037.024 Oo iyada iyo alaabteeda oo dhanba wuxuu ka sameeyey talanti dahab saafi ah.

37:25b.EXO.037.025 Oo meeshii allabariga ee fooxana wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, oo dhererkeeduna wuxuu ahaa dhudhun, ballaadhkeeduna wuxuu ahaa dhudhun, oo afar geesood bay ahayd, sarajooggeeduna wuxuu ahaa laba dhudhun, oo geesaheeduna isku waslad bay la ahaayeen.

37:26b.EXO.037.026 Oo wuxuu dahab ku dahaadhay dusheedii iyo dhinacyadeedii ku wareegsanaa, iyo geesaheedii, oo wuxuu u sameeyey wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.

37:27b.EXO.037.027 Oo qarka hoostiisa laba siddo oo dahab ah ayuu ugu yeelay labadeeda rukun inay labadeeda dhinac ugu ahaadaan meelaha ulaha lagu qaado laga gelin lahaa.

37:28b.EXO.037.028 Oo ulihii wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, dahab buuna ku dahaadhay.Oo saliiddii quduuska ahayd oo lagu subkado iyo fooxii saafiga ahaa ee uunsiga udgoon wuxuu u sameeyey sidii shuqulka cadarsameeyaha oo kale.

37:29b.EXO.037.029 Oo saliiddii quduuska ahayd oo lagu subkado iyo fooxii saafiga ahaa ee uunsiga udgoon wuxuu u sameeyey sidii shuqulka cadarsameeyaha oo kale.

38

38:1b.EXO.038.001 Oo meeshii allabariga lagu gubi lahaana wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, oo dhererkeedu wuxuu ahaa shan dhudhun, ballaadhkeeduna wuxuu ahaa shan dhudhun, afargeesood bay ahayd, sarajooggeeduna wuxuu ahaa saddex dhudhun.

38:2b.EXO.038.002 Oo geesaheediina wuxuu ugu sameeyey afarteeda rukun; oo geesaheeduna isku waslad bay la ahaayeen, naxaas buuna ku dahaadhay.

38:3b.EXO.038.003 Oo wuxuu kaloo sameeyey alaabtii meesha allabariga oo dhan, kuwaasoo ah dheryihii, iyo majarafadihii, iyo maddiibadihii, iyo mudacyadii, iyo dabqaadayaashii; oo alaabteeda oo dhan wuxuu ka sameeyey naxaas.

38:4b.EXO.038.004 Oo wuxuu meeshii allabariga u sameeyey shabag naxaas ah oo gaadha qarka hoostiisa ilaa kalabadhka.

38:5b.EXO.038.005 Afarta daraf oo shabaggii naxaasta ahaa ayuu u yeelay afar siddo si ay u ahaadaan meelihii ulaha laga gelin lahaa.

38:6b.EXO.038.006 Oo ulihiina wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, naxaas buuna ku dahaadhay.

38:7b.EXO.038.007 Oo ulihiina wuxuu ka geliyey siddooyinkii meesha allabariga si loogu qaado; oo wuxuu meeshii allabariga ka sameeyey looxyo sida sanduuq madhan oo kale.

38:8b.EXO.038.008 Oo berkeddii weysada iyo salkeedii wuxuu ka sameeyey naxaas, taasoo laga helay muraayadihii dumarka ka adeegi jiray teendhada shirka iriddeeda.

38:9b.EXO.038.009 Oo wuxuu sameeyey barxaddii; oo barxadda xaggeeda koonfureed waxaa ka lushay daahyo dhererkoodu yahay boqol dhudhun oo ah maro wanaagsan.

38:10b.EXO.038.010 Oo tiirarkoodu waxay ahaayeen labaatan, saldhigyadooduna labaatan, naxaas laga sameeyey; tiirarka qabsatooyinkooda iyo waxyaalihii laysugu xidhi jirayna waxaa laga sameeyey lacag.

38:11b.EXO.038.011 Oo xaggeeda woqooyina waxaa ka lushay daahyo boqol dhudhun ah, oo tiirarkoodu waxay ahaayeen labaatan, saldhigyadooduna labaatan, naxaas laga sameeyey; tiirarka qabsatooyinkooda iyo waxyaalihii laysugu xidhi jirayna waxaa laga sameeyey lacag.

38:12b.EXO.038.012 Oo dhinaca galbeed daahyadiisu waxay ahaayeen konton dhudhun, tiirarkoodu waxay ahaayeen toban, saldhigyadooduna toban, oo tiirarka qabsatooyinkooda iyo waxyaalihii laysugu xidhi jirayna waxay ahaayeen lacag.

38:13b.EXO.038.013 Oo xagga bari daahyadiisuna waxay ahaayeen konton dhudhun.

38:14b.EXO.038.014 Oo iridda daahyadeedu dhinac waxay ka ahaayeen shan iyo toban dhudhun, tiirarkooduna saddex bay ahaayeen, saldhigyadooduna saddex,

38:15b.EXO.038.015 oo dhinaca kalena sidaas oo kalay ahaayeen, oo barxadda iriddeeda xaggan iyo xaggaasba waxaa ka lushay daahyo dhererkoodu yahay shan iyo toban dhudhun, tiirarkooduna waxay ahaayeen saddex, saldhigyadooduna saddex.

38:16b.EXO.038.016 Daahyadii barxadda ku wareegsanaa oo dhammu waxay ahaayeen maro wanaagsan.

38:17b.EXO.038.017 Oo tiirarka saldhigyadoodu waxay ahaayeen naxaas; qabsatooyinkooda iyo waxyaalihii laysugu xidhi jirayna waxay ahaayeen lacag; tiirarka madaxyadooda waxaa lagu dahaadhay lacag, oo tiirarka barxadda oo dhanna waxaa laysugu wada xidhay lacag.

38:18b.EXO.038.018 Oo daaha barxadda iriddeeda wuxuu ahaa wax daabacan oo ah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, oo dhererkiisuna wuxuu ahaa labaatan dhudhun, sarajooggiisuna wuxuu ahaa shan dhudhun oo u dhigma barxadda daahyadeeda.

38:19b.EXO.038.019 Tiirarkooduna waxay ahaayeen afar, saldhigyadoodii naxaasta ahaana afar; qabsatooyinkooduna waxay ahaayeen lacag, oo tiirarka madaxyadoodii waxaa ku dahaadhnaa lacag, waxyaalihii laysugu xidhayna waxay wada ahaayeen lacag.

38:20b.EXO.038.020 Oo musmaarrada taambuugga iyo barxadda ku wareegsanba kulligood waxay ahaayeen naxaas.

38:21b.EXO.038.021 Waa tan tiradii alaabtii taambuugga, kaas oo ah taambuuggii maragga, markii la tiriyey sidii Muuse ku amray adeegidda reer Laawi, oo uu tilmaamay Iitaamaar kii wadaadkii Haaruun ahaa dhalay.

38:22b.EXO.038.022 Oo kulli wixii Rabbigu ku amray Muuse waxaa sameeyey Besaleel oo ahaa ina Uurii oo ahaa ina Xuur, oo qabiilkiisu ahaa Yahuudah.

38:23b.EXO.038.023 Oo waxaa isaga la jiray Aaholii'aab oo ahaa ina Axiisaamaag, oo qabiilkiisu ahaa Daan, oo wuxuu ahaa mid wax xardha, oo aad iyo aad u farsamo badan, iyo mid yaqaan sida loo daabaco buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

38:24b.EXO.038.024 Oo dahabkii la bixiyey oo loogu isticmaalay hawshii meesha quduuskaa oo dhammu wuxuu ahaa sagaal iyo labaatan talanti, iyo toddoba boqol iyo soddon sheqel, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah.

38:25b.EXO.038.025 Oo shirka intiisii la tiriyey lacagtoodii waxay ahayd boqol talanti, iyo kun iyo toddoba boqol iyo shan iyo toddobaatan sheqel, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah.

38:26b.EXO.038.026 Waxaa nin kastaa bixiyey beqac, kaas oo ah nus sheqel, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo kulli intii u gudubtay kuwii la tiriyey, intii jirtay labaatan sanadood iyo wixii ka sii weyn, waxay ahaayeen lix boqol iyo saddex kun, iyo shan boqol iyo konton nin.

38:27b.EXO.038.027 Oo saldhigyada meesha quduuska ah iyo saldhigyada ilxidhku waxay ka samaysmeen boqolkii talanti oo lacagta ahaa, boqol saldhig baa laga sameeyey boqolkii talanti, saldhigba talanti baa laga sameeyey.

38:28b.EXO.038.028 Kun iyo toddoba boqol iyo shan iyo toddobaatanka sheqel ayuu tiirarka qabsatooyinkoodii ka sameeyey, oo wuxuuna ku dahaadhay tiirarka madaxyadoodii, wuxuuna ka sameeyey waxyaalihii tiirarka laysugu wada xidhay.

38:29b.EXO.038.029 Naxaastii la bixiyey waxay ahayd toddobaatan talanti, iyo laba kun iyo afar boqol oo sheqel.

38:30b.EXO.038.030 Oo wuxuu naxaastii ka sameeyey iriddii teendhada shirka saldhigyadeedii, iyo meeshii naxaasta ahayd oo allabariga, iyo shabaggeedii naxaasta ahaa, iyo alaabtii meesha allabariga oo dhan,iyo saldhigyadii barxadda ku wareegsanaa, iyo saldhigyadii iridda barxadda, iyo musmaarradii taambuugga oo dhan, iyo musmaarradii barxadda ku wareegsanaa oo dhan.

38:31b.EXO.038.031 iyo saldhigyadii barxadda ku wareegsanaa, iyo saldhigyadii iridda barxadda, iyo musmaarradii taambuugga oo dhan, iyo musmaarradii barxadda ku wareegsanaa oo dhan.

39

39:1b.EXO.039.001 Oo waxay buluuggii, iyo guduudkii, iyo casaankii ka sameeyeen dhar aad u wanaagsan in meesha quduuskaa lagaga adeego, oo waxay kaloo sameeyeen dharkii quduuska ahaa oo Haaruun, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

39:2b.EXO.039.002 Oo eefodkiina wuxuu ka sameeyey dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

39:3b.EXO.039.003 Oo waxay dahabkii u tumeen sidii caleemo khafiif ah oo kale, markaasay googooyeen oo silig ka dhigeen, in looga shaqeeyo buluuggii, iyo guduudkii, iyo casaankii, iyo maradii wanaagsanayd, oo la daabacay.

39:4b.EXO.039.004 Oo waxay u sameeyeen garbo is-haystay, oo waxay iska haysteen labada daraf.

39:5b.EXO.039.005 Oo dhex-xidhkii daabaca lahaa oo dusha kaga yiil in lagu xidho, isku waslad buu la ahaa eefodka, isku sina waa loo sameeyey, waxaana laga sameeyey dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

39:6b.EXO.039.006 Oo waxay diyaariyeen dhagaxyadii onika la odhan jiray, oo ku jira saldhigyo dahab ah, oo lagu xardhay xaradhkii shaabadda oo ah sida ay magacyadii reer binu Israa'iil ahaayeen.

39:7b.EXO.039.007 Oo wuxuu ku dhejiyey eefodka garbihiisa, inay dhagaxyo xusuus ah u noqdaan reer binu Israa'iil, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

39:8b.EXO.039.008 Oo wuxuu sameeyey laabgashigii, oo la daabacay, oo u eg sida samaynta eefodka oo kale, oo ahayd dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

39:9b.EXO.039.009 Wuxuu ahaa afargeesood, oo laabgashiga waxay u sameeyeen labanlaab, oo dhererkiisu wuxuu ahaa taako, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa taako isagoo labanlaaban.

39:10b.EXO.039.010 Oo waxay ku dul dhejiyeen afar saf oo dhagaxyo ah; oo safka kowaad wuxuu ahaa sardiyos, iyo tobasiyos, iyo mid birqaya.

39:11b.EXO.039.011 Safka labaadna wuxuu ahaa sumurud, iyo safayr, iyo dheemman.

39:12b.EXO.039.012 Safka saddexaadna wuxuu ahaa yakintos, iyo agate, iyo ametustos.

39:13b.EXO.039.013 Safka afraadna wuxuu ahaa berullos, iyo onika, iyo yasbid; oo waxaa lagu dhejiyey saldhigyo dahab ah oo meeshooda ku yaal.

39:14b.EXO.039.014 Oo dhagaxyaduna waxay tiro le'ekaayeen magacyadii reer binu Israa'iil, oo waxay ahaayeen laba iyo toban sidii magacyadoodii; oo laba iyo tobankii qabiil, mid kasta waxaa magiciisa loogu xardhay sidii xaradhkii shaabadda.

39:15b.EXO.039.015 Oo laabgashiga waxay ku sameeyeen silsilado xadhko u eg, oo laga tidcay dahab saafi ah.

39:16b.EXO.039.016 Oo waxay sameeyeen laba saldhig oo dahab ah, iyo laba siddo oo dahab ah, oo waxay labadii siddo sudheen laabgashiga labadiisa daraf.

39:17b.EXO.039.017 Oo labadii silsiladood oo dahabka ahayd oo tidcanaydna waxay ku xidheen labadii siddo oo ku yiil darfaha laabgashiga.

39:18b.EXO.039.018 Oo labadii silsiladood oo tidcanayd labadoodii madax oo kalena waxay ku xidheen labadii saldhig, oo waxay ku xidheen eefodka garbihiisa xaggooda hore.

39:19b.EXO.039.019 Oo waxay sameeyeen laba siddo oo dahab ah, oo waxay soo sudheen laabgashiga labadiisa daraf oo gudaha ah oo eefodka xiga.

39:20b.EXO.039.020 Oo waxay kaloo sameeyeen laba siddo oo dahab ah, oo waxay soo sudheen eefodka garbihiisa xaggooda hoose, oo dhanka hore ku yaal, oo ku dhow meeshay iskaga xidhmaan, oo ka sarreeya suunka eefodka dhex-xidhkiisa daabaca ah.

39:21b.EXO.039.021 Oo laabgashigii waxay siddooyinkiisii ku xidheen siddooyinkii eefodka, waxayna kula xidheen shalash buluug ah, inuu ku dul xidhnaado dhex-xidhka daabaca ah oo eefodka, iyo inuusan laabgashigu ka debcin eefodka, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

39:22b.EXO.039.022 Oo khamiiskii eefodkana wuxuu ahaa dhar samaysan, oo kulligiis buluug ah.

39:23b.EXO.039.023 Oo daloolkii khamiiska ku yiil wuxuu ahaa sida daloolka dhar afkiisa rigrig ku wareegsan yahay, si uusan u dillaacin.

39:24b.EXO.039.024 Oo khamiiska darafkiisa hoose waxay ku sameeyeen rummaanno buluug, iyo guduud, iyo casaan ah, iyo maro wanaagsan.

39:25b.EXO.039.025 Oo waxay sameeyeen dawanno dahab saafi ah, oo dawannadii waxay kala dhex geliyeen rummaannadii ku yiil khamiiska darafkiisa ku wareegsan, oo u dhexeeya rummaannadii;

39:26b.EXO.039.026 oo dawan iyo rummaan, haddana dawan iyo rummaan, ayuu ku wareejiyey khamiiska dharafkiisa, in lagu adeego aawadeed, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

39:27b.EXO.039.027 Waxay Haaruun iyo wiilashiisii u sameeyeen jubbadihii marada wanaagsan ahaa oo si fiican loo sameeyey,

39:28b.EXO.039.028 oo waxay kaloo sameeyeen duubkii Haaruun oo marada wanaagsan ahaa, iyo wiilashiisii duubabkoodii wacanaa oo marada wanaagsan ahaa, iyo sirwaalladii marada wanaagsan ahaa,

39:29b.EXO.039.029 iyo dhex-xidhkii ahaa marada wanaagsan, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo daabacnaa, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

39:30b.EXO.039.030 Oo waxay kaloo sameeyeen taajkii quduuska ahaa ee ahaa wasladdii khafiifka oo dahabka saafiga ahayd, oo waxay dushiisii ku qoreen far u eg xaradhkii shaabadda oo leh, WAA U QUDUUS RABBIGA.

39:31b.EXO.039.031 Oo waxay ku xidheen shalash buluug ah, in lagula dhejiyo duubka sare, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

39:32b.EXO.039.032 Oo sidaasay hawshii taambuugga teendhadii shirka oo dhammu ku dhammaatay; oo reer binu Israa'iil way wada sameeyeen wixii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan, sidii bayna u sameeyeen.

39:33b.EXO.039.033 Oo waxay Muuse u keeneen taambuuggii, oo ahaa teendhadii iyo alaabteedii oo dhan, qabsatooyinkeedii iyo looxyadeedii iyo ulaheedii gudbanaa, iyo tiirarkeedii, iyo saldhigyadeedii,

39:34b.EXO.039.034 iyo dedkii ahaa wananka hargahooda oo la caseeyey, iyo dedkii ahaa hargaha adhidibadeedka, iyo ilxidhkii daaha ahaa,

39:35b.EXO.039.035 iyo sanduuqii maragga, iyo ulihiisii, iyo daboolkii,

39:36b.EXO.039.036 iyo miiskii, iyo alaabtiisii oo dhan, iyo kibistii tusniinta,

39:37b.EXO.039.037 iyo laambaddii saafiga ahayd, iyo laambadaheedii, kuwaasoo ah laambadihii la diyaarin lahaa, iyo alaabtoodii oo dhan, iyo saliiddii lagu shidi lahaa,

39:38b.EXO.039.038 iyo meeshii allabariga oo dahabka ahayd, iyo saliiddii lagu subkan lahaa, iyo fooxii udgoonaa, iyo daahii iridda teendhada,

39:39b.EXO.039.039 iyo meeshii allabariga oo naxaasta ahayd, iyo shabaggeedii naxaasta ahaa, iyo ulaheedii, iyo alaabteedii oo dhan, iyo berkeddii weysada, iyo salkeedii,

39:40b.EXO.039.040 iyo barxadda daahyadeedii, iyo tiirarkeedii, iyo saldhigyadeedii, iyo daahii iridda barxadda, iyo xadhkihiisii, iyo musmaarradiisii, iyo alaabtii lagu qaban lahaa hawsha taambuugga oo dhan, teendhada shirka aawadeed,

39:41b.EXO.039.041 iyo dharkii loo sameeyey in lagaga adeego meesha quduuska ah, iyo dharkii quduuska ahaa oo wadaadka Haaruun ah, iyo dharkii wiilashiisa, ee loogu sameeyey inay kaga adeegaan hawsha wadaadnimada.

39:42b.EXO.039.042 Oo kulli wixii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan reer binu Israa'iil sidii bay hawshii u wada qabteen.Markaasaa Muuse wuxuu arkay shuqulkii oo dhan, oo bal eeg way wada sameeyeen; sidii Rabbigu ku amray ayay u sameeyeen; markaasaa Muuse iyagii u duceeyey.

39:43b.EXO.039.043 Markaasaa Muuse wuxuu arkay shuqulkii oo dhan, oo bal eeg way wada sameeyeen; sidii Rabbigu ku amray ayay u sameeyeen; markaasaa Muuse iyagii u duceeyey.

40

40:1b.EXO.040.001 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo ku yidhi,

40:2b.EXO.040.002 Bisha kowaad maalinteeda kowaad waa inaad taambuugga teendhada shirka qotomisaa.

40:3b.EXO.040.003 Oo waa inaad sanduuqa maragga gudaheeda gelisaa, oo sanduuqa waa inaad ilxidhka ku qarisaa.

40:4b.EXO.040.004 Oo miiskana waa inaad gudaha soo gelisaa, oo aad alaabta saaran hagaajisaa, oo laambaddana waa inaad gudaha soo gelisaa, oo laambadaheeda waa inaad shiddaa.

40:5b.EXO.040.005 Oo meesha allabariga oo dahabka ah oo fooxa waxaad dhigtaa sanduuqa maragga hortiisa, oo iridda taambuuggana daaheeda sudh.

40:6b.EXO.040.006 Oo meesha allabariga lagu gubona waxaad hor dhigtaa iridda taambuugga teendhada shirka.

40:7b.EXO.040.007 Oo berkedda weysadana waxaad dhigtaa teendhada shirka iyo meesha allabariga dhexdooda, waana inaad biyo ku shubtaa.

40:8b.EXO.040.008 Oo waa inaad dayrka barxadda ku wareegsan qotomisaa, oo barxadda iriddeedana waxaad soo sudhaa daaha.

40:9b.EXO.040.009 Oo markaas waxaad qaadataa saliidda lagu subkado, oo waxaad ku subagtaa taambuugga, iyo waxa gudihiisa ku jira oo dhan, oo waa inaad quduus ka dhigtaa isaga iyo alaabtiisa oo dhanba; oo kolkaasuu quduus noqon doonaa.

40:10b.EXO.040.010 Oo waxaad kaloo subagtaa meesha allabariga lagu gubo, iyo alaabteeda oo dhan, oo meesha allabariga quduus ka dhig, oo markaasay meesha allabarigu waxay noqon doontaa tan ugu wada quduusan.

40:11b.EXO.040.011 Oo waxaad kaloo subagtaa berkedda weysada iyo salkeeda, oo waa inaad quduus ka dhigtaa.

40:12b.EXO.040.012 Oo Haaruun iyo wiilashiisa waxaad keentaa iridda teendhada shirka, oo waa inaad biyo ugu maydhaa iyaga.

40:13b.EXO.040.013 Oo Haaruun waa inaad u gelisaa dharkii quduuska ahaa; oo waa inaad isaga u subagtaa oo quduus ka dhigtaa, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada.

40:14b.EXO.040.014 Oo wiilashiisana waa inaad keentaa oo jubbado u gelisaa,

40:15b.EXO.040.015 oo waa inaad iyana u subagtaa sidii aad aabbahood ugu subagtay oo kale, inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada, oo subkiddoodu waxay iyaga u noqon doontaa wadaadnimo iyaga u jiraysa weligood iyo tan iyo ka ab ka ab.

40:16b.EXO.040.016 Sidaasuu Muuse yeelay, oo sidii Rabbigu ku amray oo dhan wuu wada sameeyey.

40:17b.EXO.040.017 Oo sannaddii labaad, bisheedii kowaad, maalinteedii kowaad ayaa taambuuggii la qotomiyey.

40:18b.EXO.040.018 Oo Muuse wuxuu qotomiyey taambuuggii, saldhigyadiisiina wuu dhigay, oo wuxuu taagay looxyadiisii, ulahoodiina wuu ku gudbay, tiirarkiisiina wuu taagay.

40:19b.EXO.040.019 Oo taambuuggii buu ku deday teendhada, oo teendhada dedkeediina wuu ka sii dul mariyey, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

40:20b.EXO.040.020 Markaasuu qaaday maraggii oo ku riday sanduuqii, oo ulihiina sanduuqii sudhay, daboolkiina wuxuu saaray sanduuqa dushiisii;

40:21b.EXO.040.021 markaasuu sanduuqiina taambuuggii soo geliyey, oo haddana sudhay ilxidhkii daaha, oo wuxuu ku qariyey sanduuqii maragga, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

40:22b.EXO.040.022 Oo miiskiina wuxuu geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay ilxidhka dibaddiisa oo ah taambuugga dhankiisa woqooyi.

40:23b.EXO.040.023 Oo intuu Rabbiga hor dhigay ayuu kibistii hagaajiyey, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

40:24b.EXO.040.024 Oo laambaddiina wuxuu geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay meel miiska ku toosan, oo ah taambuugga dhankiisa koonfureed.

40:25b.EXO.040.025 Markaasuu laambadihii Rabbiga hortiisa ku shiday, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

40:26b.EXO.040.026 Oo meeshii allabariga oo dahabka ahaydna wuu soo geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay ilxidhka hortiisa,

40:27b.EXO.040.027 oo markaasuu ku shiday foox uunsi udgoon ah, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

40:28b.EXO.040.028 Oo taambuugga iriddiisiina wuxuu sudhay daahii.

40:29b.EXO.040.029 Oo meeshii allabariga lagu gubi jirayna wuxuu ag dhigay iridda taambuugga ee teendhada shirka, oo wuxuu dusheeda ku bixiyey qurbaankii la gubayay iyo qurbaankii hadhuudhka ahaa, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

40:30b.EXO.040.030 Oo berkeddii weysadana wuxuu dhigay teendhadii shirka iyo meeshii allabariga dhexdooda, oo wuxuu ku shubay biyo in lagu maydho.

40:31b.EXO.040.031 Oo Muuse iyo Haaruun iyo wiilashiisiiba gacmaha iyo cagaha ayay ku maydheen;

40:32b.EXO.040.032 oo markay teendhada shirka galeen iyo markay meesha allabariga u soo dhowaadeenba way ku maydheen, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

40:33b.EXO.040.033 Markaasuu qotomiyey dayrkii barxadda taambuuggii iyo meeshii allabariga ku wareegsanaa, oo barxadda iriddeediina wuxuu sudhay daahii. Sidaasuu Muuse shuqulkii u dhammeeyey.

40:34b.EXO.040.034 Markaasaa daruurtii teendhadii shirka qarisay, ammaantii Rabbiguna taambuuggay ka buuxsantay.

40:35b.EXO.040.035 Oo Muusena inuu teendhadii shirka galo wuu kari waayay, maxaa yeelay, daruurtii baa dul joogtay, oo ammaantii Rabbiguna taambuuggay ka buuxday.

40:36b.EXO.040.036 Oo markii daruurtii taambuuggii kor ahayd laga qaaday ayaa reer binu Israa'iil hore u sii wadeen sodcaalladoodii oo dhan,

40:37b.EXO.040.037 laakiinse haddii aan daruurtii kor loo qaadin, ma ay socon jirin ilaa maalinta kor loo qaado.Waayo, daruurtii Rabbigu maalintii taambuuggay dul joogi jirtay, habeenkiina waxaa daruurtii ku jiri jiray dab, reer binu Israa'iil oo dhammuna waxyaalahaas ayay arki jireen sodcaalladoodii oo dhan.

40:38b.EXO.040.038 Waayo, daruurtii Rabbigu maalintii taambuuggay dul joogi jirtay, habeenkiina waxaa daruurtii ku jiri jiray dab, reer binu Israa'iil oo dhammuna waxyaalahaas ayay arki jireen sodcaalladoodii oo dhan.


Holder of rights
Multilingual Bible Corpus

Citation Suggestion for this Object
TextGrid Repository (2025). Somali Collection. Exodus (Somali). Exodus (Somali). Multilingual Parallel Bible Corpus. Multilingual Bible Corpus. https://hdl.handle.net/21.11113/0000-0016-B7E7-5