Genesis (Somali)

Genesis (Somali)

1

1:1b.GEN.001.001 Bilowgii Ilaah samada iyo dhulkuu abuuray.

1:2b.GEN.001.002 Dhulkuna qaab ma lahayn, wuuna madhnaa; gudcurna moolkuu dul joogay; oo Ruuxa Ilaahna wuxuu ka dul dhaqdhaqaaqayay biyaha.

1:3b.GEN.001.003 Ilaahna wuxuu yidhi, Iftiin ha ahaado: iftiin baana ahaaday.

1:4b.GEN.001.004 Ilaahna wuxuu arkay iftiinkii inuu wanaagsan yahay: Ilaahna iftiinkii ayuu ka soocay gudcurkii.

1:5b.GEN.001.005 Ilaahna iftiinkii wuxuu u bixiyey Maalin, gudcurkiina wuxuu u bixiyey Habeen. Waxaana jiray fiid iyo subax, isla maalin ah.

1:6b.GEN.001.006 Ilaahna wuxuu yidhi, Meel bannaani ha noqoto biyaha dhexdooda, oo iyadu biyaha ha ka soocdo biyaha.

1:7b.GEN.001.007 Markaasuu Ilaah sameeyey meeshii bannaanka ahayd, oo wuxuu biyihii bannaanka ka hooseeyey ka soocay kuwii bannaanka ka sarreeyey; sidaasayna ahaatay.

1:8b.GEN.001.008 Ilaahna bannaankii wuxuu u bixiyey Samo. Waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii labaad.

1:9b.GEN.001.009 Ilaahna wuxuu yidhi, Biyaha samada ka hooseeya meel ha isugu soo urureen, oo ciidda engegani ha muuqato; sidaasayna ahaatay.

1:10b.GEN.001.010 Markaasuu Ilaah ciiddii engegnayd u bixiyey Dhul; ururkii biyahana wuxuu u bixiyey Bado: oo Ilaah wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay.

1:11b.GEN.001.011 Ilaahna wuxuu yidhi, Dhulku ha soo bixiyo doog, iyo geedo yaryar oo iniino dhala, iyo geedo waaweyn oo midho caynkooda ah dhala, oo iniinahoodu ku dhex jiraan, oo dhulka ku kor yaal; sidaasayna ahaatay.

1:12b.GEN.001.012 Dhulkiina wuxuu soo bixiyey doog, iyo geedo yaryar oo leh iniino caynkooda ah, iyo geedo waaweyn oo midho dhala, oo iniinahoodu ku dhex jiraan, iyagoo caynkooda ah, Ilaahna wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay.

1:13b.GEN.001.013 Waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii saddexaad.

1:14b.GEN.001.014 Ilaahna wuxuu yidhi, Iftiimmo ha ahaadeen meesha bannaan oo samada dhex ah si ay u kala soocaan maalinta iyo habeenka; oo ha u ahaadeen calaamooyin, iyo xilliyo, iyo maalmo iyo sannado;

1:15b.GEN.001.015 oo iftiimmo ha u noqdeen meeshii bannaanayd oo samada dhex ahayd si ay u iftiimiyaan dhulka dushiisa; sidaasayna ahaatay.

1:16b.GEN.001.016 Oo Ilaah wuxuu sameeyey labada iftiin ee waaweyn; si uu iftiinka weynu u xukumo maalinta, iftiinka yaruna u xukumo habeenka; oo xiddigahana wuu sameeyey.

1:17b.GEN.001.017 Ilaahna wuxuu iyaga dhigay meeshii bannaanayd oo samada dhex ahayd si ay dhulka u iftiimiyaan,

1:18b.GEN.001.018 oo ay u xukumaan maalinta iyo habeenka, oo ay iftiinka uga soocaan gudcurka, Ilaahna wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay.

1:19b.GEN.001.019 Oo waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii afraad.

1:20b.GEN.001.020 Oo Ilaah wuxuu yidhi, Biyuhu aad ha u soo bixiyeen uun dhaqdhaqaaqa oo badan, oo naf nool leh, haadduna ha duusho dhulka dushiisa xagga meeshii bannaanayd oo samada dhex ahayd.

1:21b.GEN.001.021 Oo Ilaah wuxuu abuuray nibiriyada badda oo waaweyn, iyo uun kasta oo nool oo dhaqdhaqaaqa, ee biyuhu aad u soo bixiyeen iyagoo badan, oo caynkooda oo kale dhala, iyo haad kasta oo caynkiisa dhala; Ilaahna wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay.

1:22b.GEN.001.022 Oo Ilaah baa barakeeyey iyaga, isagoo leh, Wax badan dhala, oo tarma, oo biyaha badaha ka buuxsama, haadduna ha ku tarmeen dhulka.

1:23b.GEN.001.023 Oo waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii shanaad.

1:24b.GEN.001.024 Oo Ilaah wuxuu yidhi, Dhulku ha soo bixiyo uun nool oo caynkiisa dhala, kuwaasoo ah xoolo, iyo waxa gurguurta, iyo dugaagga dhulka oo caynkooda dhala; sidaasayna ahaatay.

1:25b.GEN.001.025 Ilaahna wuxuu sameeyey dugaagga dhulka oo caynkiisa dhala, iyo xoolo caynkooda dhala, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta oo caynkiisa dhala; Ilaahna wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay.

1:26b.GEN.001.026 Ilaahna wuxuu yidhi, Aan nin inoo eg ka samayno araggeenna, oo iyagu ha xukumeen kalluunka badda, iyo haadda hawada, iyo xoolaha, iyo dhulka oo dhan, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan.

1:27b.GEN.001.027 Oo Ilaah nin buu ka abuuray araggiisa, Ilaah araggiisa ayuu ka abuuray isaga; lab iyo dhaddig ayuu abuuray.

1:28b.GEN.001.028 Oo Ilaah waa barakeeyey iyaga; oo Ilaah wuxuu iyaga ku yidhi, Wax badan dhala oo tarma, oo dhulka ka buuxsama, oo ka sara mara dhulka, oo xukuma kalluunka badda, iyo haadda hawada, iyo wax kasta oo nool oo dhulka kor dhaqdhaqaaqa.

1:29b.GEN.001.029 Oo Ilaah wuxuu yidhi, Bal eeg, waxaan idin siiyey geed kasta oo yar oo iniino dhala, oo ku yaal dhulka dushiisa oo dhan, iyo geed kasta oo weyn, kaasoo midho leh, iniinona dhala; oo waxay idiin noqon doonaan cunto;

1:30b.GEN.001.030 oo dugaag kasta oo dhulka jooga, iyo haad kasta oo hawada duula, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta, oo naf nool leh ayaan geed kasta oo cagaar ah cunto u siiyey; sidaasayna ahaatay.Oo Ilaah wuxuu arkay wax kasta oo uu sameeyey, oo bal eeg, aad bay u wanaagsanaayeen. Waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii lixaad.

1:31b.GEN.001.031 Oo Ilaah wuxuu arkay wax kasta oo uu sameeyey, oo bal eeg, aad bay u wanaagsanaayeen. Waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii lixaad.

2

2:1b.GEN.002.001 Samada iyo dhulkuna way dhammaadeen, iyo waxa badan ee ku jira oo dhammuba.

2:2b.GEN.002.002 Maalintii toddobaadna Ilaah wuu dhammeeyey shuqulkiisii uu sameeyey; oo maalintii toddobaad ayuu ka nastay shuqulkiisii uu sameeyey oo dhanba.

2:3b.GEN.002.003 Oo Ilaah wuu barakeeyey maalintii toddobaad, quduusna wuu ka dhigay; maxaa yeelay, maalintaas ayaa Ilaah ka nastay shuqulkiisii uu sameeyey ee ahaa abuuridda oo dhan.

2:4b.GEN.002.004 Kuwanu waa bilowgii samada iyo dhulka kolkii la abuuray iyaga, maalintii Rabbiga Ilaah ahu sameeyey dhulka iyo samada.

2:5b.GEN.002.005 Dhirta duurkuna weli kuma ay oollin dhulka, geedaha yaryar oo duurkuna weli sooma ay bixin: waayo, Rabbiga Ilaah ahu dhulka roob kuma soo dayn, nin dhulka beeraana ma jirin;

2:6b.GEN.002.006 laakiin ceeryaamo baa dhulka kor uga soo bixi jirtay, oo waraabin jirtay dhulka dushiisa oo dhan.

2:7b.GEN.002.007 Rabbiga Ilaah ahuna nin buu ka sameeyey ciidda dhulka, dulalka sankiisana wuxuu kaga afuufay neeftii nolosha; ninkiina wuxuu noqday naf nool.

2:8b.GEN.002.008 Oo Rabbiga Ilaah ahu beer buu ka beeray xagga bari ee Ceeden; oo halkaasuuna geeyey ninkii uu sameeyey.

2:9b.GEN.002.009 Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu dhulka ka soo bixiyey geed kasta oo indhaha u roon, oo cunto ku wanaagsan; beerta dhexdeedana wuxuu ka soo bixiyey geedkii nolosha iyo geedkii aqoonta wanaagga iyo xumaanta.

2:10b.GEN.002.010 Ceedenna webi baa ka baxay inuu beerta waraabiyo; halkaasuuna ku kala qaybsamay, wuxuuna noqday afar madax.

2:11b.GEN.002.011 Kan kowaad magiciisu wuxuu ahaa Fiishoon: kaasu waa kan ku wareegsan dhulka Xawiilaah oo dhan, meeshaas oo dahab leh;

2:12b.GEN.002.012 oo dahabka dhulkaasu waa wanaagsan yahay: oo meeshaasuna waxay leedahay beduliyum iyo dhagaxyo onika la yidhaahdo.

2:13b.GEN.002.013 Webiga labaad magiciisuna waa Giixoon: kaasuna waa kan ku wareegsan dhulka Kuush oo dhan.

2:14b.GEN.002.014 Webiga saddexaad magiciisuna waa Xiddeqel: kaasu waa kan Ashuur dhankeeda bari mara. Webiga afraadna waa Yufraad.

2:15b.GEN.002.015 Rabbiga Ilaah ahuna ninkii wuu kaxeeyey oo wuxuu geeyey beer Ceeden inuu falo oo dhawro.

2:16b.GEN.002.016 Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu ninkii ku amray isagoo leh, Geed kasta oo beerta ku yaal wax baad ka cuni kartaa:

2:17b.GEN.002.017 laakiin geedka aqoonta wanaagga iyo xumaanta waa inaanad waxba ka cunin: waayo, maalintii aad wax ka cuntid hubaal waad dhiman doontaa.

2:18b.GEN.002.018 Oo Rabbiga Ilaah ahu wuxuu yidhi, Ma wanaagsana in ninku keligiis ahaado; waxaan u samayn doonaa mid caawisa oo ku habboon.

2:19b.GEN.002.019 Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu ciidda ka sameeyey dugaag kasta oo duurka jooga, iyo haad kasta oo hawada duula; oo iyagii wuxuu u keenay ninkii, inuu arko wuxuu u bixiyo; oo wax kastoo ninkii u bixiyey uun kasta oo nool ayaa magiciisii noqday.

2:20b.GEN.002.020 Oo ninkii baa magacyo u bixiyey xoolaha oo dhan, iyo haadda hawada, iyo dugaag kasta oo duurka jooga, laakiin ninkii looma helin mid caawisa oo ku habboon.

2:21b.GEN.002.021 Oo Rabbiga Ilaah ahu hurdo weyn buu ku riday ninkii, kolkaasuu gam'ay; kolkaasuu wuxuu ka bixiyey feedhihiisii middood, meesheediina hilib buu ku awday.

2:22b.GEN.002.022 Oo feedhii Rabbiga Ilaah ahu ka bixiyey ninka ayuu naag ka sameeyey, oo wuxuu iyadii u keenay ninkii.

2:23b.GEN.002.023 Ninkiina wuxuu yidhi, Tanu hadda waa laf ka mid ah lafahayga, iyo hilib ka mid ah hilibkayga: waxaa iyada loogu yeedhi doonaa Naag, maxaa yeelay, iyada waxaa laga soo saaray Nin.

2:24b.GEN.002.024 Sidaas daraaddeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa: oo waxay noqonayaan isku jidh.Oo labadooduba way qaawanaayeen, ninka iyo naagtiisuba, mana ay xishoonaynin.

2:25b.GEN.002.025 Oo labadooduba way qaawanaayeen, ninka iyo naagtiisuba, mana ay xishoonaynin.

3

3:1b.GEN.003.001 Haddaba abeesadu way ugu khiyaano badnayd bahal kasta ee duurka jooga oo Rabbiga Ilaah ahu sameeyey. Oo waxay naagtii ku tidhi, Ilaah miyuu idinku yidhi, Waa inaydnaan waxba ka cunin geed kasta oo beerta ku yaal?

3:2b.GEN.003.002 Naagtiina waxay abeesadii ku tidhi, Midhaha geedaha beerta waannu cuni karnaa;

3:3b.GEN.003.003 laakiinse midhaha geedka beerta dhexdeeda ku yaal, Ilaah wuxuu nagu yidhi, Waa inaydnaan waxba ka cunin, ama aydnaan taaban, yeydnan dhimanine.

3:4b.GEN.003.004 Abeesadiina waxay naagtii ku tidhi, Ma dhiman doontaan;

3:5b.GEN.003.005 waayo, Ilaah wuxuu og yahay in maalinta aad cuntaan ay indhihiinnu furmi doonaan, oo aad noqon doontaan sida Ilaah oo kale, idinkoo kala garanaya wanaagga iyo xumaanta.

3:6b.GEN.003.006 Oo markii naagtii aragtay in geedkii cunto ku wanaagsan yahay, oo indhaha u roon yahay, oo uu yahay geed caqli lagu yeesho, ayay midho ka qaadatay, oo cuntay; ninkeedii la joogayna wax bay ka siisay, oo isagiina wuu cunay.

3:7b.GEN.003.007 Oo labadoodiiba indhahoodii way furmeen, oo waxay garteen inay qaawan yihiin; waxayna isku tosheen caleemo berde, oo ay gunti ka samaysteen.

3:8b.GEN.003.008 Oo waxay maqleen codkii Rabbiga Ilaaha ah, isagoo beerta dhex socda kolkii maalintu qaboobayd: oo ninkii iyo naagtiisii way iska qariyeen Ilaah, oo waxay ku dhuunteen geedihii beerta dhexdooda.

3:9b.GEN.003.009 Oo Rabbiga Ilaah ahu wuu u yeedhay ninkii, oo wuxuu ku yidhi, Xaggee baad joogtaa?

3:10b.GEN.003.010 Isagiina wuxuu yidhi, Codkaagaan beerta ka dhex maqlay, waanan cabsaday, maxaa yeelay, waan qaawanaa; oo waan isqariyey.

3:11b.GEN.003.011 Kolkaasuu ku yidhi, Yaa kuu sheegay inaad qaawan tahay? Miyaad wax ka cuntay geedkii aan kugu amray inaadan wax ka cunin?

3:12b.GEN.003.012 Ninkiina wuxuu yidhi, Naagtii aad i siisay inay ila joogto ayaa geedkii wax iga siisay, oo anna waan cunay.

3:13b.GEN.003.013 Oo Rabbiga Ilaah ahu wuxuu naagtii ku yidhi, Waa maxay waxan aad samaysay? Naagtiina waxay tidhi, Abeesadaa i khiyaanaysay oo anna waan cunay.

3:14b.GEN.003.014 Oo Rabbiga Ilaah ahu wuxuu abeesadii ku yidhi, Waxan aad samaysay aawadiis waad ka habaaran tahay xoolaha oo dhan, iyo dugaag kasta oo duurka jooga; waxaanad ku socon doontaa boggaaga, ciid baanad cuni doontaa maalmaha cimrigaaga oo dhan:

3:15b.GEN.003.015 oo colaad baan idin dhex dhigi doonaa adiga iyo naagta, iyo farcankaaga iyo farcankeeda; oo madaxaaguu burburin doonaa, adiguna cedhibtiisaad burburin doontaa.

3:16b.GEN.003.016 Naagtiina wuxuu ku yidhi, Dhibtaada iyo wallacaaga aad baan u badin doonaa; oo dhib baad carruur ku dhali doontaa; oo waxay doonistaadu ahaan doontaa ninkaaga, wuuna kuu talin doonaa.

3:17b.GEN.003.017 Aadanna wuxuu ku yidhi, Codkii naagtaadaad maqashay oo waxaad wax ka cuntay geedkii aan kugu amray, anigoo leh, Waa inaadan waxba ka cunin, sidaas daraaddeed dhulku waa habaaran yahay adiga aawadaa; maalmaha cimrigaaga oo dhanna dhibaataad wax kaga cuni doontaa.

3:18b.GEN.003.018 Qodxan iyo yamaarugna waa kaaga soo bixi doonaan, waxaanad cuni doontaa geedaha yaryar oo duurka.

3:19b.GEN.003.019 Wejigaagoo dhididsan baad wax cuni doontaa, ilaa aad dhulka ku noqotid; maxaa yeelay, dhulkaa lagaa qaaday; waayo, ciid baad tahay, ciid baadna ku noqon doontaa.

3:20b.GEN.003.020 Ninkiina wuxuu naagtiisii u bixiyey Xaawa, maxaa yeelay, waxay ahayd hooyadii waxa nool oo dhan.

3:21b.GEN.003.021 Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu Aadan iyo naagtiisii u sameeyey dhar harag ah, wuuna u xidhay iyagii.

3:22b.GEN.003.022 Oo Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu yidhi, Ninku wuxuu noqday sidii mid innaga mid ah, isagoo garanaya wanaagga iyo xumaanta; oo haatan, waaba intaasoo uu gacantiisa soo fidiyaa, oo uu wax ka qaataa geedka nolosha, oo uu cunaa oo uu weligiis noolaadaa:

3:23b.GEN.003.023 sidaas daraaddeed Ilaah isaga wuu ka saaray Beer Ceeden, si uu u beerto dhulkii isaga laga soo qaaday.Kolkaasuu ninkii eryay; Beer Ceeden barigeedana wuxuu taagay Keruubiim, iyo seef ololaysa, oo dhan walba u jeesanaysa, si ay u dhawrto jidka geedka nolosha.

3:24b.GEN.003.024 Kolkaasuu ninkii eryay; Beer Ceeden barigeedana wuxuu taagay Keruubiim, iyo seef ololaysa, oo dhan walba u jeesanaysa, si ay u dhawrto jidka geedka nolosha.

4

4:1b.GEN.004.001 Ninkiina naagtiisii Xaawa ahayd buu u tegey; wayna uuraysatay, oo Qaabiil bay dhashay, oo waxay tidhi, Wiil baan ku helay Rabbiga caawimaaddiisa.

4:2b.GEN.004.002 Dabadeedna waxay dhashay walaalkiis Haabiil. Haabiilna wuxuu ahaa adhijir, laakiin Qaabiil wuxuu ahaa beerfale.

4:3b.GEN.004.003 Maalmo dabadeed waxay noqotay in Qaabiil qurbaan ahaan Rabbiga ugu keenay midhihii dhulka.

4:4b.GEN.004.004 Haabiilna wuxuu wax uga keenay curadyadii adhigiisa iyo baruurtoodiiba. Rabbiguna wuu eegay Haabiil iyo qurbaankiisii;

4:5b.GEN.004.005 laakiinse Qaabiil iyo qurbaankiisii Rabbigu ma uu eegin. Qaabiilna aad buu u cadhooday, wejigiisiina wuu madoobaaday.

4:6b.GEN.004.006 Oo Rabbigu wuxuu ku yidhi Qaabiil, Maxaad u cadhoonaysaa? Maxaase wejigaagu u madoobaaday?

4:7b.GEN.004.007 Haddaad wax wanaagsan samaysid, sow laguma aqbaleen? Haddaadan wax wanaagsan samaynse, dembi illinkuu kuugu gabbanayaa; doonistiisuna aday noqon doontaa, adiguna waa inaad xukuntid isaga.

4:8b.GEN.004.008 Qaabiilna wuxuu ku yidhi walaalkiis Haabiil, Ina keen, aynu duurka tagnee. Waxaana dhacday, markii ay duurka joogeen, in Qaabiil walaalkiis Haabiil ku kacay oo dilay isagii.

4:9b.GEN.004.009 Rabbiguna wuxuu Qaabiil ku yidhi, Walaalkaa Haabiil meeh? Kolkaasuu yidhi, Ma aqaan: ma anigaa ah walaalkay ilaaliyihiisa?

4:10b.GEN.004.010 Kolkaasaa Ilaah ku yidhi, Maxaad samaysay? Codkii dhiiggii walaalkaa ayaa dhulka iiga dhawaaqayaye.

4:11b.GEN.004.011 Oo haatan waad ka habaaran tahay dhulkii afkiisa u kala qaaday si uu dhiiggii walaalkaa gacantaada uga helo.

4:12b.GEN.004.012 Kolkii aad dhulka beeratid, wax badan kuuma dhali doono. Waxaad dhulka ku noqon doontaa mid carcarara oo warwareega.

4:13b.GEN.004.013 Qaabiilna wuxuu Rabbiga ku yidhi, Taqsiirtaydu waa ka sii badan tahay wax aan qaadi karo.

4:14b.GEN.004.014 Bal eeg, maanta dhulkaad iga eriday, wejigaagana waan ka qarsoonaan doonaa, waxaanan dhulka ku noqon doonaa mid carcarara oo warwareega; waxaana dhici doonta in kii i arkaaba i dili doono.

4:15b.GEN.004.015 Oo Rabbigu wuxuu ku yidhi isagii, Sidaas daraaddeed ku alla kii dila Qaabiil, waxaa looga aargudan doonaa toddoba labanlaab. Rabbiguna calaamad buu u sameeyey Qaabiil, si aanu ku alla kii arkaaba u dilin.

4:16b.GEN.004.016 Qaabiilna Rabbiga hortiisuu ka tegey, oo wuxuu degay dalkii la odhan jiray Nood, oo xagga bari oo Ceeden ku yiil.

4:17b.GEN.004.017 Qaabiilna naagtiisuu u tegey; wayna uuraysatay, oo waxay dhashay Enoog. Wuxuuna dhisay magaalo, oo magaaladiina wuxuu ku magacaabay magicii wiilkiisii Enoog.

4:18b.GEN.004.018 Enoogna waxaa u dhashay Ciiraad, Ciiraadna wuxuu dhalay Mexuuya'el, Mexuuya'elna wuxuu dhalay Metuusha'el, Metuusha'elna wuxuu dhalay Lameg.

4:19b.GEN.004.019 Lamegna wuxuu guursaday laba naagood; mid magaceedu wuxuu ahaa Caadah, tan kalena magaceedu wuxuu ahaa Sillah.

4:20b.GEN.004.020 Caadahna waxay dhashay Yaabaal: isna wuxuu ahaa aabbihii kuwa teendhooyinka deggan oo xoolaha leh.

4:21b.GEN.004.021 Magaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yuubaal; isna wuxuu ahaa aabbihii kuwa kataaradda iyo biibiilaha garaaca.

4:22b.GEN.004.022 Sillahna waxay dhashay Tuubalqayin oo ahaa mid tumi jiray alaabtii naxaasta iyo birta ahayd oo dhan; Tuubalqayin walaashiisna waxay ahayd Nacmah.

4:23b.GEN.004.023 Lamegna wuxuu naagihiisii ku yidhi: Caadah iyo Sillahay, codkayga maqla; Lameg naagihiisow, hadalkayga dhegaysta; Nin baan u dilay dhaawicid uu i dhaawacay aawadeed, Iyo nin dhallinyar dhufashadii uu wax igu dhuftay aawadeed.

4:24b.GEN.004.024 Haddii Qaabiil toddoba labanlaab looga aargudan lahaa, Runtii Lameg waa in toddoba iyo toddobaatan labanlaab looga aar gutaa.

4:25b.GEN.004.025 Aadanna naagtiisii mar kale ayuu u tegey; waxayna dhashay wiil, magiciisiina waxay u bixisay Seed, iyadoo leh, Ilaah abuur kaluu ii soo dhigay Haabiil meeshiisii; waayo, Qaabiil baa dilay isagii.Seedna waxaa u dhashay wiil, magiciisiina wuxuu u bixiyey Enoos; markaasaa dadkii waxay bilaabeen inay Rabbiga ku baryaan magiciisa.

4:26b.GEN.004.026 Seedna waxaa u dhashay wiil, magiciisiina wuxuu u bixiyey Enoos; markaasaa dadkii waxay bilaabeen inay Rabbiga ku baryaan magiciisa.

5

5:1b.GEN.005.001 Kanu waa buuggii farcankii Aadan. Maalintii Ilaah ninkii abuuray, ekaanta Ilaah buu ka sameeyey isagii;

5:2b.GEN.005.002 wuxuu abuuray iyagoo lab iyo dhaddig ah; wuuna barakeeyey iyagii, magacoodiina wuxuu u bixiyey Aadan maalintii iyagii la abuuray.

5:3b.GEN.005.003 Aadanna wuxuu jiray boqol iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay wiil isagii u eg oo araggiisii leh; magiciisiina wuxuu u bixiyey Seed.

5:4b.GEN.005.004 Aadanna markuu Seed dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol oo sannadood; wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

5:5b.GEN.005.005 Wakhtigii Aadan noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo soddon sannadood; dabadeedna wuu dhintay.

5:6b.GEN.005.006 Seedna wuxuu jiray boqol iyo shan sannadood, wuxuuna dhalay Enoos.

5:7b.GEN.005.007 Seedna markuu Enoos dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo toddoba sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

5:8b.GEN.005.008 Wakhtigii Seed noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo laba iyo toban sannadood; dabadeedna wuu dhintay.

5:9b.GEN.005.009 Enoosna wuxuu jiray sagaashan sannadood, wuxuuna dhalay Qaynaan.

5:10b.GEN.005.010 Enoosna markuu Qaynaan dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo shan iyo toban sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

5:11b.GEN.005.011 Wakhtigii Enoos noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo shan sannadood; dabadeedna wuu dhintay.

5:12b.GEN.005.012 Qaynaanna wuxuu jiray toddobaatan sannadood, wuxuuna dhalay Mahalale'el.

5:13b.GEN.005.013 Qaynaanna markuu Mahalale'el dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo afartan sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

5:14b.GEN.005.014 Wakhtigii Qaynaan noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo toban sannadood, dabadeedna wuu dhintay.

5:15b.GEN.005.015 Mahalale'elna wuxuu jiray shan iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Yaared.

5:16b.GEN.005.016 Mahalale'elna markuu Yaared dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo soddon sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

5:17b.GEN.005.017 Wakhtigii Mahalale'el noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa siddeed boqol iyo shan iyo sagaashan sannadood, dabadeedna wuu dhintay.

5:18b.GEN.005.018 Yaaredna wuxuu jiray boqol iyo laba iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Enoog.

5:19b.GEN.005.019 Yaaredna markuu Enoog dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

5:20b.GEN.005.020 Wakhtigii Yaared noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo laba iyo lixdan sannadood; wuuna dhintay.

5:21b.GEN.005.021 Enoogna wuxuu jiray shan iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Metushelax.

5:22b.GEN.005.022 Enoogna wuxuu la socday Ilaah saddex boqol oo sannadood markuu Metushelax dhalay ka dib, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

5:23b.GEN.005.023 Wakhtigii Enoog jiray oo dhammuna wuxuu ahaa saddex boqol iyo shan iyo lixdan sannadood.

5:24b.GEN.005.024 Enoogna Ilaah buu la socday; waana la waayay; maxaa yeelay, Ilaah baa qaatay isagii.

5:25b.GEN.005.025 Metushelaxna wuxuu jiray boqol iyo toddoba iyo siddeetan sannadood, wuxuuna dhalay Lameg.

5:26b.GEN.005.026 Metushelaxna wuxuu noolaa markuu Lameg dhalay ka dib toddoba boqol iyo laba iyo siddeetan sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

5:27b.GEN.005.027 Wakhtigii Metushelax noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo sagaal iyo lixdan sannadood; dabadeedna wuu dhintay.

5:28b.GEN.005.028 Lamegna wuxuu jiray boqol iyo laba iyo siddeetan sannadood; wuxuuna dhalay wiil:

5:29b.GEN.005.029 magiciisiina wuxuu u bixiyey Nuux, isagoo leh, Kanu waa inooga raaxayn doonaa shuqulkeenna iyo hawsha gacmaheenna, xagga dhulka Ilaah habaaray.

5:30b.GEN.005.030 Lamegna markuu Nuux dhalay ka dib wuxuu noolaa shan boqol iyo shan iyo sagaashan sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

5:31b.GEN.005.031 Wakhtigii Lameg noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa toddoba boqol iyo toddoba iyo toddobaatan sannadood; dabadeedna wuu dhintay.Nuuxna wuxuu jiray shan boqol oo sannadood; wuxuuna dhalay Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed.

5:32b.GEN.005.032 Nuuxna wuxuu jiray shan boqol oo sannadood; wuxuuna dhalay Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed.

6

6:1b.GEN.006.001 Waxayna noqotay, markii ay bilaabatay in dadku ku bataan dhulka oo ay gabdho u dhashaan,

6:2b.GEN.006.002 in wiilashii Ilaah arkeen gabdhihii dadku inay wanaagsan yihiin, oo ay guursadeen in alla intay doorteen oo dhan.

6:3b.GEN.006.003 Rabbiguna wuxuu yidhi, Ruuxaygu lama sii dagaallami doono dadka weligiis, maxaa yeelay, isagu waa jidh, laakiinse cimrigiisu wuxuu noqon doonaa boqol iyo labaatan sannadood.

6:4b.GEN.006.004 Waagaas waxaa dhulka joogay dad waaweyn oo xoog badan, taas ka dibna kolkii wiilashii Ilaah u yimaadeen gabdhihii dadka, oo ay carruur u dhaleen, isla kuwaas waxay ahaayeen nimankii xoogga badnaa oo waagii hore ahaa raggii caanka ahaa.

6:5b.GEN.006.005 Rabbiguna wuxuu arkay in dadka sharkiisu ku badan yahay dhulka, iyo in male kasta oo fikirrada qalbigiisu ay shar keliya yihiin had iyo goorba.

6:6b.GEN.006.006 Rabbiguna wuxuu ka qoomamooday abuuriddii uu dadka ku abuuray dhulka, wuuna caloolxumaaday.

6:7b.GEN.006.007 Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Waxaan dhulka ka baabbi'in doonaa dadkii aan abuuray; dadka, iyo weliba dugaagga, iyo waxa gurguurta, iyo haadda hawada; maxaa yeelay, waan ka qoomamooday samayntii aan sameeyey iyaga.

6:8b.GEN.006.008 Laakiin Rabbigu Nuux raalli buu ka ahaa.

6:9b.GEN.006.009 Kuwanu waa farcankii Nuux.

6:10b.GEN.006.010 Oo Nuux wuxuu dhalay saddex wiil oo ahaa Sheem, iyo Xaam iyo Yaafed.

6:11b.GEN.006.011 Dhulkuna wuu kharribnaa Ilaah hortiisa, dhulkana dulmi baa ka buuxsamay.

6:12b.GEN.006.012 Ilaahna wuxuu arkay dhulka, oo bal eeg, wuu kharribnaa; waayo, intii jidh lahayd oo dhammu jidkooday ku kharribeen dhulka.

6:13b.GEN.006.013 Oo Ilaah wuxuu Nuux ku yidhi, Intii jidh leh oo dhan dhammaadkoodii aan dhammayn lahaa ayaa gaadhay; waayo, dhulkii waxaa ka buuxsamay dulmi iyaga ka yimid, oo bal eeg, iyagaan dhulka la baabbi'in doonaa.

6:14b.GEN.006.014 Doonni ka samayso qoryo gofer ah; qowladana ka dhex samee doonnida, daamurna ka mari dusha iyo hoostaba.

6:15b.GEN.006.015 Waa inaad sidatan u samaysid iyada: doonnida dhererkeeda waxaad ka dhigtaa saddex boqol oo dhudhun, ballaadhkeedana waxaad ka dhigtaa konton dhudhun, sarajooggeedana waxaad ka dhigtaa soddon dhudhun.

6:16b.GEN.006.016 Waa inaad dariishadna u samaysid doonnida, oo waxaad ku dhammaysaa in dhudhun ah ilaa xaggeeda sare, albaabka doonnidana dhinaca ka samee, dabaqad hoose, iyo tu labaad, iyo tu saddexaadna u samee iyada.

6:17b.GEN.006.017 Oo bal eeg, anigu daad biyo ah baan ku soo dayn dhulka, inaan baabbi'iyo inta jidhka leh oo dhan oo neefta noloshu ku jirto, inta samada ka hoosaysa; wax kasta oo dhulka joogaaba way dhiman doonaan.

6:18b.GEN.006.018 Laakiin axdigayga adigaan kula dhigan doonaa; oo doonnidaad soo geli doontaan, adiga, iyo wiilashaada, iyo naagtaada, iyo naagaha wiilashaada ee kula jiraba.

6:19b.GEN.006.019 Oo wax kasta oo nool oo jidh leh waa inaad cayn walba laba ka soo gelisaa doonnida, si ay kuula sii noolaadaan; waana inay ahaadaan lab iyo dhaddig.

6:20b.GEN.006.020 Haadda caynkooda, iyo xoolaha caynkooda, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta caynkooda, cayn walba laba ka mid ihi ha kuu soo galeen, si ay u sii noolaadaan.

6:21b.GEN.006.021 Cuntada la cuno oo dhanna qaado, oo kulligeed ururso oo waxay idiin noqon doontaa cunto, adiga iyo iyagaba.Sidaasuu Nuux sameeyey; wax kasta sidii Ilaah ugu amray buu u sameeyey.

6:22b.GEN.006.022 Sidaasuu Nuux sameeyey; wax kasta sidii Ilaah ugu amray buu u sameeyey.

7

7:1b.GEN.007.001 Oo Rabbigu wuxuu Nuux ku yidhi, Adiga iyo dadka gurigaaguba soo gala doonnida; waayo, waxaan arkay adigoo qarnigan xaq ku ah hortayda.

7:2b.GEN.007.002 Xoolaha daahirka ah toddoba iyo toddoba ka qaad, ku lab iyo dhaddiggiis; xoolaha aan daahirka ahaynna laba ka qaad, ku lab iyo dhaddiggiis;

7:3b.GEN.007.003 haadda hawadana toddoba iyo toddoba ka qaad, lab iyo dhaddig: si farcan ugu sii noolaado dhulka dushiisa oo dhan.

7:4b.GEN.007.004 Waayo, waxaa weli hadhay toddoba maalmood, dabadeedna afartan maalmood iyo afartan habeen ayaan roob ku soo dayn dhulka; oo wax kasta oo nool oo aan sameeyey waan ka baabbi'in doonaa dhulka dushiisa.

7:5b.GEN.007.005 Nuuxna wax kasta sidii Rabbigu ugu amray ayuu u sameeyey.

7:6b.GEN.007.006 Nuuxna wuxuu jiray lix boqol oo sannadood markii daadka biyuhu dhulka dul joogay.

7:7b.GEN.007.007 Nuuxna doonniduu galay, isagii iyo wiilashiisii iyo naagtiisii, iyo naagihii wiilashiisii ee la jiray oo dhan, waxayna ka soo galeen biyihii daadka.

7:8b.GEN.007.008 Xoolihii daahirka ahaa, iyo xoolihii aan daahirka ahayn, iyo haaddii iyo wax kasta oo dhulka gurguurtaba

7:9b.GEN.007.009 Nuux bay laba laba ugu galeen doonnidii, lab iyo dhaddig, sidii Ilaah ugu amray Nuux.

7:10b.GEN.007.010 Waxaana dhacday, in toddobadii maalmood dabadeed, ay biyihii daadka ahaa dhulka dul joogeen.

7:11b.GEN.007.011 Sannaddii uu Nuux lix boqol oo sannadood jiray, bisheedii labaad, maalintii toddoba iyo tobnaad oo bisha, isla maalintaas ayaa ilihii moolka weyn biyo ka buqdeen, dariishadihii samadana la furay.

7:12b.GEN.007.012 Roobkuna wuxuu dhulka ku da'ayay afartan maalmood iyo afartan habeen.

7:13b.GEN.007.013 Isla maalintaas Nuux wuxuu galay doonnidii, isagii iyo Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed, oo ahaa wiilashii Nuux, iyo naagtii Nuux, iyo saddexdii naagood oo wiilashiisa ee la jiray;

7:14b.GEN.007.014 iyagii, iyo dugaag kasta caynkiisa, iyo xoolo kasta caynkooda, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta caynkooda, iyo haad kasta caynkiisa, iyo shimbir kasta oo cayn kasta ah.

7:15b.GEN.007.015 Wax kasta oo jidh leh oo neefta noloshu ku jirtaba Nuux bay laba laba ugu galeen doonnidii.

7:16b.GEN.007.016 Oo kuwii galay waxay ahaayeen lab iyo dhaddig oo wax kasta oo jidh leh, sidii Ilaah ku amray isagii: oo Ilaahna waa ku xidhay isagii.

7:17b.GEN.007.017 Daadkiina afartan maalmood buu dhulka dul joogay; biyihiina way sii kordheen, oo doonnidii bay kor u qaadeen, oo waxaa iyadii kor looga qaaday dhulka.

7:18b.GEN.007.018 Biyihiina way xoogaysteen, oo dhulkay aad ugu kordheen; doonnidiina waxay dul socotay biyihii.

7:19b.GEN.007.019 Biyihiina aad bay ugu xoogaysteen dhulka; oo dhammaan buurihii dhaadheeraa oo samada oo dhan ka hooseeyey way qarsoomeen.

7:20b.GEN.007.020 Shan iyo toban dhudhun baa biyihii xagga sare xoog ugu kaceen; buurihiina way qarsoomeen.

7:21b.GEN.007.021 Oo wax kasta oo jidh leh oo dhulka ku dul dhaqaaqaaba way dhinteen, haaddii, iyo xoolihii, iyo dugaaggii, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta, iyo dadkii oo dhanba.

7:22b.GEN.007.022 Wax walba oo dhulka engegan joogay oo dulalka sankiisa ay neefta ruuxa nolosha ku jirtay, way wada dhinteen.

7:23b.GEN.007.023 Waxaa la wada baabbi'iyey wixii dhulka dushiisa ku noolaa oo dhan, xataa dadkii, iyo xoolihii, iyo wixii gurguuran jiray, iyo haaddii cirka; kulli waa laga wada baabbi'iyey dhulka; oo waxaa hadhay Nuux oo keliya, iyo kuwii doonnidii kula jiray isagii.Biyihiina boqol iyo konton maalmood ayay dhulka xoog ku lahaayeen.

7:24b.GEN.007.024 Biyihiina boqol iyo konton maalmood ayay dhulka xoog ku lahaayeen.

8

8:1b.GEN.008.001 Oo Ilaah wuxuu xusuustay Nuux, iyo wixii noolaa, iyo xoolihii doonnidii kula jiray isagii oo dhan; oo Ilaah dabayl buu dhulka dul mariyey, biyihiina way dhinmeen;

8:2b.GEN.008.002 ilihii moolka iyo dariishadihii samaduna way awdmeen; roobkii samadana waa la joojiyey;

8:3b.GEN.008.003 biyihiina had iyo goorba dhulkay ka noqonayeen, oo boqol iyo konton maalmood dabadood ayaa biyihii dhinmeen.

8:4b.GEN.008.004 Oo bishii toddobaad, maalinteedii toddoba iyo tobnaad, ayay doonnidii ku fadhiisatay buuraha Araarad.

8:5b.GEN.008.005 Biyihiina way sii dhinmayeen ilaa bishii tobnaad. Bishii tobnaad, maalinteedii kowaad, ayaa buuraha dushoodii la arkay.

8:6b.GEN.008.006 Waxaana dhacday in afartan maalmood dabadood Nuux furay dariishaddii doonnidii uu sameeyey;

8:7b.GEN.008.007 oo wuxuu dibadda u diray tuke, hor iyo dib buuna u duulayay, ilaa intay biyihii ka engegeen dhulka dushiisa.

8:8b.GEN.008.008 Dabadeedna wuxuu diray qoolley si uu u ogaado bal in biyihii dhulka dushiisa ka yaraadeen iyo in kale;

8:9b.GEN.008.009 laakiin qoolleydii meel ay cagta dhigto ayay weyday, kolkaasay Nuux xaggiisii ku soo noqotay iyo xaggii doonnidii, maxaa yeelay, biyihii baa dhulka oo dhan dul joogay; kolkaasuu gacanta dibadda u bixiyey, oo soo qabtay iyadii, oo soo geliyey doonnidii.

8:10b.GEN.008.010 Kolkaasuu toddoba maalmood oo kale sugay; markaasuu mar kale qoolleydii doonnidii ka diray;

8:11b.GEN.008.011 qoolleydiina waxay isagii ku soo noqotay fiidkii; oo afkana waxay ku wadatay caleen saytuun oo qoyan; kolkaasuu Nuux ogaaday in biyihii dhulka ka yaraadeen.

8:12b.GEN.008.012 Kolkaasuu toddoba maalmood oo kale sugay; dabadeedna qoolleydii buu diray; iyadiina mar dambe kuma ay soo noqon.

8:13b.GEN.008.013 Oo waxaana dhacday sannaddii lix boqol iyo kowaad, bishii kowaad, maalinteedii kowaad, inay biyihii dhulka ka engegeen: Nuuxna daboolkii buu doonnidii ka qaaday, wuuna fiiriyey, oo bal eeg, dhulka dushiisu way engegnayd.

8:14b.GEN.008.014 Oo bishii labaad, maalinteedii toddoba iyo labaatanaad, ayaa dhulka engegay.

8:15b.GEN.008.015 Ilaahna Nuux buu la hadlay, isagoo leh,

8:16b.GEN.008.016 Doonnida ka baxa adiga, iyo naagtaada, iyo wiilashaada, iyo naagaha wiilashaada ee kula jiraba.

8:17b.GEN.008.017 Soo bixi wax kasta oo nool oo kula jooga, inta jidhka leh oo dhan, kuwaas oo ah haadda, iyo xoolaha, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan; si ay dhulka ugu bataan, oo ay wax badan u dhalaan, oo ay dhulka ugu tarmaan.

8:18b.GEN.008.018 Nuuxna wuu baxay, isagii iyo wiilashiisii, iyo naagtiisii, iyo naagihii wiilashiisa ee la jirayba.

8:19b.GEN.008.019 Dugaag kasta, iyo wax kasta oo gurguurta, iyo haad kasta, iyo wax alla wixii dhulka ku dhaqaaqaaba, jinsigoodii ayay doonnidii kala soo baxeen.

8:20b.GEN.008.020 Nuuxna meel allabari buu Rabbiga u dhisay; xayawaankii daahirka ahaa iyo haaddii daahirka ahaydba, intuu wax ka qaatay, ayuu allabaryo la gubo ku bixiyey meeshii allabariga dusheeda.

8:21b.GEN.008.021 Rabbiguna wuxuu uriyey caraftii udgoonayd, kolkaasuu Rabbigu iska yidhi qalbigiisa, Mar dambe dadka aawadiis dhulka uma habaari doono, maxaa yeelay, malaha qalbiga dadku waa shar tan iyo yaraantiisa; mar dambena ma aan dili doono wax kasta oo nool sidii aan yeelay.Intuu dhulku jiro, beer abuurid, iyo beer goosasho, iyo qabow iyo kulayl, iyo gu iyo jiilaal, iyo habeen iyo maalin midnaba ma joogsan doono.

8:22b.GEN.008.022 Intuu dhulku jiro, beer abuurid, iyo beer goosasho, iyo qabow iyo kulayl, iyo gu iyo jiilaal, iyo habeen iyo maalin midnaba ma joogsan doono.

9

9:1b.GEN.009.001 Oo Ilaah waa barakeeyey Nuux iyo wiilashiisii, oo wuxuu ku yidhi, Wax badan dhala, oo tarma, oo dhulka ka buuxsama.

9:2b.GEN.009.002 Cabsidiinna iyo baqdintiinnu way la jiri doonaan dugaag kasta, iyo haad kasta oo hawada, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan, iyo kalluunka badda oo dhan, gacmihiinna baa laydiin geliyey iyaga.

9:3b.GEN.009.003 Wax kasta oo dhaqdhaqaaqa oo noolu cuntay idiin noqon doonaan; sidii aan geedaha cagaarka ah idiin siiyey ayaan kulli idiin siiyey.

9:4b.GEN.009.004 Laakiin waa inaydnaan cunin hilibka noloshiisu la jirto, taasoo ah dhiiggiisa.

9:5b.GEN.009.005 Oo hubaal dhiigga naftiinna waan weyddiin, oo waxaan weyddiin dugaag kasta iyo dadkaba, xataa nafta nin kasta walaalkiis waan weyddiin.

9:6b.GEN.009.006 Ku kasta oo nin dhiiggiis daadiya, nin baa isna dhiiggiisa daadin doona: waayo, Ilaah araggiisuu ka sameeyey ninka.

9:7b.GEN.009.007 Idinku wax badan dhala, oo tarma; aad iyo aadna ugu farcama dhulka, kuna tarma dhexdiisa.

9:8b.GEN.009.008 Oo Ilaah Nuux buu la hadlay, iyo wiilashiisii la joogay, isagoo ku leh,

9:9b.GEN.009.009 Bal eega, anigu axdigayga baan idinku adkaynayaa, idinka iyo farcankiinna idinka dambeeya;

9:10b.GEN.009.010 iyo uun kasta oo nool oo idinla jooga, haadda iyo xoolaha, iyo dugaag kasta oo dhulka idinla jooga; oo ah in alla intii ka soo baxda doonnida, xataa dugaag kasta oo dhulka.

9:11b.GEN.009.011 Oo waxaan idinku adkayn doonaa axdigayga; inta jidh leh oo dhan mar dambe biyo daad ah laguma baabbi'in doono; daad dambe oo dhulka baabbi'iyaana mar dambe ma jiri doono.

9:12b.GEN.009.012 Oo Ilaah wuxuu yidhi, Waa tan calaamadii axdiga aan idinla dhiganayo idinka iyo uun kasta oo nool oo idinla jooga, tan iyo qarni kasta.

9:13b.GEN.009.013 Waxaan qaansadayda ku dhex dhigay daruurta, waxayna noqon doontaa calaamadii axdiga dhex yaal aniga iyo dhulka.

9:14b.GEN.009.014 Waxaana dhici doonta, markii aan dhulka daruur dul keeno, in qaansada lagu arki doono daruurta dhexdeeda,

9:15b.GEN.009.015 oo waxaan xusuusan doonaa axdigayga ina dhex yaal aniga iyo idinka iyo uun kasta oo nool oo jidh kasta leh; biyuhuna dib dambe ma noqon doonaan daad baabbi'iya inta jidh leh oo dhan.

9:16b.GEN.009.016 Qaansaduna waxay ku dhex jiri doontaa daruurta; anna waan fiirin doonaa iyada, inaan xusuusto axdiga weligiis dhex yaal Ilaah iyo uun kasta oo nool oo jidh kasta leh oo dhulka jooga.

9:17b.GEN.009.017 Oo Ilaah wuxuu Nuux ku yidhi, Tanu waa calaamadii axdigii aan ku adkeeyey inta jidhka leh oo dhulka joogta.

9:18b.GEN.009.018 Oo wiilashii Nuux oo doonnidii ka soo baxay, waxay ahaayeen Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed: Xaamna waa Kancaan aabbihiis.

9:19b.GEN.009.019 Saddexdanu waxay ahaayeen wiilashii Nuux; oo iyagii farcankoodii baa dhulka oo dhan ku fiday.

9:20b.GEN.009.020 Nuuxna wuxuu bilaabay inuu beerrey noqdo, oo wuxuu beertay canab.

9:21b.GEN.009.021 Kolkaasuu wax ka cabbay khamrigeedii, wuuna sakhraamay; oo teendhadiisii dhexdeeda ayuu ku qaawanaa.

9:22b.GEN.009.022 Oo Xaam, oo ahaa Kancaan aabbihiis, ayaa arkay qaawanaantii aabbihiis, kolkaasuu u sheegay labadii walaalihiis ahayd oo dibadda joogta.

9:23b.GEN.009.023 Kolkaasaa Sheem iyo Yaafed dhar qaadeen, oo labadoodu garbahay saareen, oo dib dib u socdeen, kolkaasay qaawanaantii aabbahood ku dedeen, oo wejiyadooduna way sii jeedeen, mana ay arkin qaawanaantii aabbahood.

9:24b.GEN.009.024 Nuuxna khamrigiisii wuu ka soo miyirsaday, wuuna ogaaday wixii wiilkiisa yaru ku sameeyey.

9:25b.GEN.009.025 Kolkaasuu yidhi, Inkaaru ha ku dhacdo Kancaan; Addoonkii addoommaduu u noqon doonaa walaalihiis.

9:26b.GEN.009.026 Oo wuxuu yidhi, Ammaanu ha u ahaato Rabbiga ah Ilaaha Sheem, Kancaanna addoon ha u noqdo.

9:27b.GEN.009.027 Ilaah ha fidiyo Yaafed, Hana dego teendhooyinka Sheem; Kancaanna addoon ha u noqdo isaga.

9:28b.GEN.009.028 Nuuxna daadka ka dib wuxuu sii noolaa saddex boqol iyo konton sannadood.Wakhtigii Nuux noolaa oo dhammuna waxay ahaayeen sagaal boqol iyo konton sannadood; dabadeedna wuu dhintay.

9:29b.GEN.009.029 Wakhtigii Nuux noolaa oo dhammuna waxay ahaayeen sagaal boqol iyo konton sannadood; dabadeedna wuu dhintay.

10

10:1b.GEN.010.001 Haddaba kuwanu waa farcankii wiilashii Nuux, kuwaas oo ahaa Sheem, Xaam iyo Yaafed: oo wiilal baa u dhashay iyaga daadkii dabadiis.

10:2b.GEN.010.002 Wiilashii Yaafed waxay ahaayeen Gomer, iyo Maajuuj, iyo Maaday, iyo Yaawaan, iyo Tubal, iyo Mesheg, iyo Tiiraas.

10:3b.GEN.010.003 Wiilashii Gomerna waxay ahaayeen Ashkenas, iyo Riifad, iyo Togarmaah.

10:4b.GEN.010.004 Wiilashii Yaawaanna waxay ahaayeen Eliishah, iyo Tarshiish, iyo Kitiim iyo Dodaaniim.

10:5b.GEN.010.005 Kuwaasay jasiiradihii quruumuhu ugu kala qaybsameen waddammadoodii, dad kasta sidii afkoodii, iyo qabiilooyinkoodii, iyo quruumahoodii ay ahaayeen.

10:6b.GEN.010.006 Wiilashii Xaamna waxay ahaayeen Kuush, iyo Misrayim, iyo Fuud, iyo Kancaan.

10:7b.GEN.010.007 Wiilashii Kuushna waxay ahaayeen Sebaa, iyo Xawiilaah, iyo Sabtaah, iyo Racmaah, iyo Sabteka: wiilashii Racmaahna waxay ahaayeen Shebaa, iyo Dedaan.

10:8b.GEN.010.008 Kuushna wuxuu dhalay Nimrod: wuxuuna bilaabay inuu noqdo mid dhulka xoog weyn ku leh.

10:9b.GEN.010.009 Wuxuu ahaa ugaadhsade ku xoog weyn Rabbiga hortiisa: taas daraaddeed waxaa la yidhaahdaa, Sidii Nimrod ugaadhsade xoog weyn Rabbiga hortiisa.

10:10b.GEN.010.010 Bilowgii boqortooyadiisu waxay ahayd Baabel, iyo Ereg, iyo Akad, iyo Kalneh, waxayna ku yiilleen waddankii Shincaar.

10:11b.GEN.010.011 Dhulkaas wuu ka tegey oo wuxuu galay Ashuur, wuxuuna dhisay Nineweh, iyo Rexobod, iyo Kaalah,

10:12b.GEN.010.012 iyo Resen oo u dhexeeyey Nineweh iyo Kaalah, (taasuna waxay tahay magaalada weyn).

10:13b.GEN.010.013 Misrayimna wuxuu dhalay Luudiim, iyo Canaamiim, iyo Lehaabiim iyo Naftuxiim,

10:14b.GEN.010.014 iyo Fatrusiim iyo Kasluxiim (oo ay reer Falastiin ka yimaadeen), iyo Kaftoriim.

10:15b.GEN.010.015 Kancaanna wuxuu dhalay Siidoon oo ahaa curadkiisii, iyo Xeed;

10:16b.GEN.010.016 iyo reer Yebuus, iyo reer Amor, iyo reer Girgaash;

10:17b.GEN.010.017 iyo reer Xiwi, iyo reer Carqi, iyo reer Siini;

10:18b.GEN.010.018 iyo reer Arwaad, iyo reer Semaar, iyo reer Xamaad: dabadeedna qabiilooyinkii Kancaan way kala firdheen.

10:19b.GEN.010.019 Oo soohdintii reer Kancaan waxay ka bilaabmaysay Siidoon, markii loo kaco xagga Geraar, ilaa Gaasa, oo markii loo kaco xagga Sodom iyo Gomora iyo Admah iyo Seboyim, ilaa Laashac.

10:20b.GEN.010.020 Kuwanu waxay ahaayeen wiilashii Xaam, sidii qabiilooyinkoodii, iyo afafkoodii, iyo waddammadoodii, iyo quruumahoodii ay ahaayeen.

10:21b.GEN.010.021 Sheem oo aabbe u ahaa carruurtii Ceeber oo dhan, oo ahaa Yaafed walaalkiisii weynaa, isagana carruur baa u dhalatay.

10:22b.GEN.010.022 Wiilashii Sheemna waxay ahaayeen Ceelaam, iyo Ashuur, iyo Arfaksad, iyo Luud, iyo Araam.

10:23b.GEN.010.023 Wiilashii Araamna waxay ahaayeen Cuus, iyo Xuul, iyo Geter, iyo Mash.

10:24b.GEN.010.024 Arfaksadna wuxuu dhalay Salah; Salahna wuxuu dhalay Ceeber.

10:25b.GEN.010.025 Ceeberna waxaa u dhashay laba wiil: mid magiciisu wuxuu ahaa Feleg; waayo, waagiisii ayaa dhulku qaybsamay; magaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yoqtaan.

10:26b.GEN.010.026 Yoqtaanna wuxuu dhalay Almoodaad, iyo Shelef, iyo Xasarmaawed, iyo Yerah;

10:27b.GEN.010.027 iyo Hadooraam, iyo Uusaal, iyo Diqlah;

10:28b.GEN.010.028 iyo Coobaal, iyo Abiimaa'el, iyo Shebaa;

10:29b.GEN.010.029 iyo Oofir, iyo Xawiilaah, iyo Yoobaab: kuwaasu kulli waxay ahaayeen wiilashii Yoqtaan.

10:30b.GEN.010.030 Meeshay degganaayeenna waxay ka bilaabmaysay Meesha, markii loo kaco xagga Sefaar, buurta bari.

10:31b.GEN.010.031 Kuwanu waxay ahaayeen wiilashii Sheem; sidii qabiilooyinkoodii, iyo afafkoodii, iyo waddammadoodii, iyo quruumahoodii ay ahaayeen.Kuwanu waa qabiilooyinkii wiilashii Nuux; sidii farcankoodii iyo quruumahoodii ay ahaayeen; oo kuwanaa quruumuhu ka kala qaybsameen daadkii dabadiis.

10:32b.GEN.010.032 Kuwanu waa qabiilooyinkii wiilashii Nuux; sidii farcankoodii iyo quruumahoodii ay ahaayeen; oo kuwanaa quruumuhu ka kala qaybsameen daadkii dabadiis.

11

11:1b.GEN.011.001 Dhulka oo dhammuna wuxuu ahaa isku af iyo isku hadal keliya.

11:2b.GEN.011.002 Waxaana dhacday markay xagga bari u sii socdaaleen inay waddankii Shincaar meel bannaan ka heleen; oo halkaas ayay degeen.

11:3b.GEN.011.003 Oo waxay isku yidhaahdeen, Ina keena, aynu leben samaysannee, oo aynu aad u dubnee. Oo waxay dhagaxa meeshiisa u haysteen leben, nuuradda meesheedana dhoobo.

11:4b.GEN.011.004 Oo waxay yidhaahdeen, Ina keena, aynu magaalo dhisannee, iyo munaarad dhaladeedu samada gaadho, oo aynu magac yeelannee, waaba intaasoo aynu dhulka dushiisa oo dhan ku kala firidhnaaye.

11:5b.GEN.011.005 Rabbiguna wuxuu u soo degay inuu arko magaaladii iyo munaaraddii ay binu-aadmigu dhisayeen.

11:6b.GEN.011.006 Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Bal eega, iyagu waa isku dad keliya, oo dhammaan isku af keliya bay leeyihiin, oo waxanuna waa waxa ay bilaabayaan inay sameeyaan, oo haatan wax ka hor joogsan doona waxay damcaan inay sameeyaan ma jiraane.

11:7b.GEN.011.007 Ina keena, aynu degnee, oo halkaas aynu afkooda iskaga qasnee, yaan midna midka kale hadalkiisa garanine.

11:8b.GEN.011.008 Kolkaasaa Rabbigu halkaas ka kaxeeyey oo ku kala firdhiyey dhulka dushiisa oo dhan, oo dhisiddii magaaladii way joojiyeen.

11:9b.GEN.011.009 Sidaas daraaddeed magaceedii waxaa loo bixiyey Baabel, maxaa yeelay, halkaasaa Rabbigu afkii dhulka oo dhan iskaga qasay; oo halkaasuu Rabbigu ka kaxeeyey iyagii oo ku kala firdhiyey dhulka dushiisa oo dhan.

11:10b.GEN.011.010 Kuwanu waa farcankii Sheem. Sheem wuxuu jiray boqol sannadood, oo laba sannadood oo daadkii ka dambaysay wuxuu dhalay Arfaksad.

11:11b.GEN.011.011 Sheemna markuu Arfaksad dhalay ka dib wuxuu noolaa shan boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

11:12b.GEN.011.012 Arfaksadna wuxuu jiray shan iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Salah:

11:13b.GEN.011.013 Arfaksadna markuu Salah dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo saddex sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

11:14b.GEN.011.014 Salahna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Ceeber.

11:15b.GEN.011.015 Salahna markuu Ceeber dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo saddex sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

11:16b.GEN.011.016 Ceeberna wuxuu jiray afar iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Feleg:

11:17b.GEN.011.017 Ceeberna markuu Feleg dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo soddon sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

11:18b.GEN.011.018 Felegna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Recu:

11:19b.GEN.011.019 Felegna markuu Recu dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol iyo sagaal sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

11:20b.GEN.011.020 Recuna wuxuu jiray laba iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Seruug.

11:21b.GEN.011.021 Recuna markuu Seruug dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol iyo toddoba sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

11:22b.GEN.011.022 Seruugna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Naaxoor:

11:23b.GEN.011.023 Seruugna markuu Naaxoor dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

11:24b.GEN.011.024 Naaxoorna wuxuu jiray sagaal iyo labaatan sannadood, wuxuuna dhalay Terax;

11:25b.GEN.011.025 Naaxoorna markuu Terax dhalay ka dib wuxuu noolaa boqol iyo sagaal iyo toban sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

11:26b.GEN.011.026 Teraxna wuxuu jiray toddobaatan sannadood, wuxuuna dhalay Aabraam, iyo Naaxoor, iyo Haaraan.

11:27b.GEN.011.027 Kuwanu waa farcankii Terax. Terax wuxuu dhalay Aabraam, iyo Naaxoor, iyo Haaraan; Haaraanna wuxuu dhalay Luud.

11:28b.GEN.011.028 Haaraanna wuxuu dhintay aabbihiis Terax oo jooga, wuxuuna ku dhintay dhulkii uu ku dhashay, oo la odhan jiray Uur tii reer Kaldayiin.

11:29b.GEN.011.029 Aabraam iyo Naaxoorna way guursadeen: Aabraam naagtiisii waxaa la odhan jiray Saaray; naagtii Naaxoorna waxaa la odhan jiray Milkah, waxayna ahayd gabadhii Haaraan, aabbihii Milkah iyo Iskah.

11:30b.GEN.011.030 Saarayna waxay ahayd madhalays; ilmona ma ay lahayn.

11:31b.GEN.011.031 Teraxna wuxuu kaxaystay wiilkiisii Aabraam, iyo Luud oo ahaa ina Haaraan, wiilkii wiilkiisii, iyo Saaray oo uu soddog u ahaa, oo ahayd naagtii wiilkiisii Aabraam; wayna kala baxeen Uur tii reer Kaldayiin, si ay u tagaan dalkii Kancaan; waxayna yimaadeen Haaraan, oo halkaasay degeen.Wakhtigii Terax noolaa wuxuu ahaa laba boqol iyo shan sannadood, Teraxna wuxuu ku dhintay Haaraan.

11:32b.GEN.011.032 Wakhtigii Terax noolaa wuxuu ahaa laba boqol iyo shan sannadood, Teraxna wuxuu ku dhintay Haaraan.

12

12:1b.GEN.012.001 Rabbigu wuxuu Aabraam ku yidhi, Ka tag waddankaaga, iyo xigaalkaaga, iyo reerka aabbahaaba, oo dalka aan ku tusi doono u kac.

12:2b.GEN.012.002 Oo quruun weyn baan kaa dhigi doonaa, oo waan ku barakayn doonaa, magacaagana waan weynayn doonaa; oo waxaad noqon doontaa barako;

12:3b.GEN.012.003 oo waan barakayn doonaa kuwa kuu duceeya, kan ku habaarana waan habaari doonaa: oo qabiilooyinka dhulka oo dhammu adigay kugu barakoobi doonaan.

12:4b.GEN.012.004 Markaasaa Aabraam tegey, sidii Rabbigu ku yidhi; Luudna wuu raacay. Aabraam shan iyo toddobaatan sannadood buu jiray markuu Haaraan ka tegey.

12:5b.GEN.012.005 Aabraamna wuxuu kaxaystay naagtiisii Saaray, iyo Luud oo ahaa wiilkii walaalkiis, iyo xoolahoodii ay urursadeen oo dhan, iyo dadkii ay Haaraan ka heleen oo dhan; kolkaasay u kaceen dalkii Kancaan, oo waxay yimaadeen dalkii Kancaan.

12:6b.GEN.012.006 Aabraamna dalkii buu dhex maray ilaa meeshii la odhan jiray Shekem iyo tan iyo geedkii Moreh. Wakhtigaasna reer Kancaan dalkay joogeen.

12:7b.GEN.012.007 Oo Ilaah baa Aabraam u muuqday, oo ku yidhi, Dalkan farcankaagaan siin doonaa. Kolkaasuu meeshaas meel allabari uga dhisay Rabbigii u muuqday.

12:8b.GEN.012.008 Markaasuu meeshaas ka guuray, oo wuxuu tegey buurtii xagga bari ka ahayd Beytel, oo teendhadiisii buu ka dhistay meel Beytel galbeed ka ahayd, Aaciina bari ka ahayd; markaasuu meeshaas meel allabari Rabbiga uga dhisay, oo magaca Rabbiga ku baryootamay.

12:9b.GEN.012.009 Kolkaasaa Aabraam socdaalay, isagoo weli xagga koonfureed u sii socda.

12:10b.GEN.012.010 Kolkaasaa dhulkii abaari ka dhacday: markaasuu Aabraam Masar tegey; inuu halkaas qariib ku ahaado, waayo, abaartii aad bay dhulkii ugu xumayd.

12:11b.GEN.012.011 Oo waxay noqotay in markii uu ku soo dhowaaday inuu Masar galo, uu ku yidhi naagtiisii Saaray, Bal eeg, waan ogahay inaad tahay naag arag quruxsan,

12:12b.GEN.012.012 oo waxaa dhici doona in markii ay Masriyiintu ku arkaan, ay odhan doonaan, Waa naagtiisii tanu. Oo way i dili doonaan, laakiin adiga way ku dayn doonaan.

12:13b.GEN.012.013 Waxaad ku tidhaahdaa, Walaashiis baan ahay; si ay iigu roonaadaan adiga aawadaa, oo ay naftaydu daraaddaa u noolaato.

12:14b.GEN.012.014 Oo waxay noqotay in markii Aabraam Masar soo galay, ay Masriyiintii arkeen in naagtu aad u quruxsan tahay.

12:15b.GEN.012.015 Oo amiirradii Fircoon baa arkay, oo Fircoon bay u ammaaneen iyadii, oo naagtii waxaa loo kaxeeyey gurigii Fircoon.

12:16b.GEN.012.016 Isaguna Aabraam si wanaagsan buu u qabtay iyada aawadeed: wuxuuna lahaa ido, iyo dibiyo, iyo dameerro lab, iyo niman addoommo ah, iyo naago addoommo ah, iyo dameerro dhaddig iyo geel.

12:17b.GEN.012.017 Oo Rabbigu belaayooyin waaweyn buu ku riday Fircoon iyo reerkiisiiba, Saaray oo naagtii Aabraam ahayd aawadeed.

12:18b.GEN.012.018 Fircoonna Aabraam buu u yeedhay, oo ku yidhi, Waa maxay waxan aad igu samaysay? Maxaad iigu sheegi weyday inay tahay naagtaadii?

12:19b.GEN.012.019 Maxaad u tidhi, Waa walaashay si aan u guursado iyada? Haddaba waa tan naagtaadii, kaxayso oo iska tag.Fircoonna niman buu u soo amray isaga: wayna soo ambabbixiyeen isagii iyo naagtiisii, iyo wuxuu haystay oo dhan.

12:20b.GEN.012.020 Fircoonna niman buu u soo amray isaga: wayna soo ambabbixiyeen isagii iyo naagtiisii, iyo wuxuu haystay oo dhan.

13

13:1b.GEN.013.001 Aabraamna Masar wuu ka baxay, isaga, iyo naagtiisii, iyo wuxuu haystay oo dhan, Luudna wuu raacay, oo wuxuu tegey xagga koonfureed.

13:2b.GEN.013.002 Oo Aabraam hodan buu ka ahaa xagga xoolaha iyo lacagta iyo dahabka.

13:3b.GEN.013.003 Xagga koonfureed ayuu ka tegey oo wuxuu u socdaalay ilaa Beytel, meeshii bilowgii ay teendhadiisu ahayd, ee u dhexaysay Beytel iyo Aacii;

13:4b.GEN.013.004 ilaa meeshii allabariga oo uu horraantii halkaas ka sameeyey; oo meeshaasuu Aabraam magaca Rabbiga kaga baryootamay.

13:5b.GEN.013.005 Oo Luud, oo isna Aabraam la socday, wuxuu lahaa adhi, iyo lo', iyo teendhooyin.

13:6b.GEN.013.006 Dhulkuna ma uu qaadi karin iyagii, hadday wada degganaan lahaayeen: waayo, xoolahoodu way badnaayeen, oo sidaas daraaddeed ma ay wada degganaan karin.

13:7b.GEN.013.007 Dirir baana ku dhex jirtay xoolojirradii Aabraam iyo xoolojirradii Luud. Markaasna reer Kancaan iyo reer Feris dhulkaasay degganaayeen.

13:8b.GEN.013.008 Oo Aabraam wuxuu Luud ku yidhi, Waxaan kaa baryayaa inaan diriru inaga dhex dhicin aniga iyo adiga, iyo xoolojirradayda iyo xoolojirradaada; maxaa yeelay, waxaynu nahay walaalo.

13:9b.GEN.013.009 Dhulka oo dhammu sow kaa ma horreeyo? Waxaan kaa baryayaa inaad iga guurtid. Haddaad bidixda tagto, midigtaan tegayaa; haddaad midigta tagtona, bidixdaan tegayaa.

13:10b.GEN.013.010 Kolkaasuu Luud indhihiisii kor u taagay, oo wuxuu arkay Bannaankii Webi Urdun oo dhan, iyo inay meel waluba aad u waraabsan tahay, intaan Rabbigu baabbi'in Sodom iyo Gomora; wuxuu u ekaa beertii Ilaah, iyo sida dalka Masar markaad tagto xagga Socar.

13:11b.GEN.013.011 Markaasuu Luud wuxuu doortay Bannaankii Urdun oo dhan; oo Luud xagga bari buu u socdaalay; oo way kala guureen.

13:12b.GEN.013.012 Aabraam wuxuu degay dalkii Kancaan, Luudna wuxuu degay magaalooyinkii Bannaanka ku yiil, oo teendhadiisii wuxuu u wareejiyey xagga Sodom.

13:13b.GEN.013.013 Haddaba dadkii Sodom shar miidhan bay ahaayeen, Ilaahna aad iyo aad bay ugu dembaabeen.

13:14b.GEN.013.014 Oo Rabbigu wuxuu Aabraam ku yidhi, intii Luud ka guuray ka dib, Indhahaaga kor u taag, oo meeshaad joogto ka fiiri, xagga woqooyi iyo xagga koonfureed, iyo xagga bari iyo xagga galbeedba;

13:15b.GEN.013.015 waayo, dhulka aad aragto oo dhan waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga weligiin.

13:16b.GEN.013.016 Farcankaagana waxaan ka dhigi doonaa sida ciidda dhulka; haddii nin ciidda dhulka tirin karo, farcankaagana waa la tirin doonaa.

13:17b.GEN.013.017 Bal kac oo ku dhex soco dhulka dhererkiisa iyo ballaadhkiisa; waayo, adigaan ku siin doonaa.Oo Aabraam teendhadiisii wuu wareejiyey, oo wuxuu yimid oo degay dhirtii Mamre, ee ku tiil Xebroon, oo halkaasuu Rabbiga meel allabari uga dhisay.

13:18b.GEN.013.018 Oo Aabraam teendhadiisii wuu wareejiyey, oo wuxuu yimid oo degay dhirtii Mamre, ee ku tiil Xebroon, oo halkaasuu Rabbiga meel allabari uga dhisay.

14

14:1b.GEN.014.001 Oo waxaa dhacday waagii Amraafel boqorka u ahaa Shincaar, Aryoogna boqorka u ahaa Ellaasaar, Kedorlaacomerna boqorka u ahaa Ceelaam, Tidcaalna boqorka u ahaa Goyiim,

14:2b.GEN.014.002 inay la dirireen Berac oo boqor u ahaa Sodom, iyo Birshac oo boqor u ahaa Gomora, iyo Shinaab oo boqor u ahaa Admah, iyo Shemeeber oo boqor u ahaa Seboyim, iyo boqorkii Belac (oo iyana ahayd Socar).

14:3b.GEN.014.003 Kuwanu waxay kulligood isugu yimaadeen Dooxo Siddiim (oo iyana ahayd Baddii Cusbada).

14:4b.GEN.014.004 Laba iyo toban sannadood bay Kedorlaacomer u adeegeen, markaasay sannaddii saddex iyo tobnaad ku caasiyoobeen.

14:5b.GEN.014.005 Sannaddii afar iyo tobnaadna waxaa yimid Kedorlaacomer, iyo boqorradii la jiray, oo waxay reer Refaa'iim ku dileen Cashterod Qarnayim, oo reer Suusiimna waxay ku dileen Haam, oo reer Eymiimna waxay ku dileen Shaweh Qiryaatayim,

14:6b.GEN.014.006 reer Xorna waxay ku dileen buurtoodii Seciir, iyo ilaa Aylfaaraan oo u dhowayd cidlada.

14:7b.GEN.014.007 Oo way soo noqdeen, oo waxay yimaadeen Ceyn Mishfaad (oo iyana ahayd Qaadeesh), oo waxay dileen dadkii dalkii reer Camaaleq oo dhan, waxaa kale oo ay dileen reer Amor oo degganaa Hasason Tamar.

14:8b.GEN.014.008 Oo waxaa soo baxay boqorkii Sodom, iyo boqorkii Gomora, iyo boqorkii Admah, iyo boqorkii Seboyim, iyo boqorkii Belac (oo iyana ahayd Socar); oo waxay Dooxo Siddiim ugu diyaargaroobeen inay la dagaallamaan

14:9b.GEN.014.009 Kedorlaacomer oo ahaa boqorkii Ceelaam, iyo Tidcaal oo ahaa boqorkii Goyiim, iyo Amraafel oo ahaa boqorkii Shincaar, iyo Aryoog oo ahaa boqorkii Ellaasaar. Waxay ahaayeen afar boqor oo shantii boqor ka gees ah.

14:10b.GEN.014.010 Haddaba Dooxo Siddiim waxaa ka buuxay boholo waaweyn oo dhoobo ah; oo boqorradii Gomora iyo Sodom way carareen, oo halkaasay ku dhaceen, intii kalena waxay u carareen xagga buurta.

14:11b.GEN.014.011 Oo waxay qaateen alaabtii Sodom iyo Gomora oo dhan, iyo cuntadoodii oo dhan, wayna iska tageen.

14:12b.GEN.014.012 Oo waxaa kaloo ay la tageen Luud, oo ahaa wiilkii Aabraam walaalkiis, oo Sodom degganaa, iyo alaabtiisii oo dhan, wayna iska tageen.

14:13b.GEN.014.013 Oo waxaa yimid mid soo baxsaday, oo wuxuu u warramay Aabraam kii ahaa Cibraaniga isagoo ag deggan dhirtii Mamre kii ahaa reer Amor, oo Eshkol iyo Caaneer walaalkood ahaa. Kuwaasu Aabraam bay gaashaanbuur la ahaayeen.

14:14b.GEN.014.014 Oo Aabraam markuu maqlay in walaalkiis maxbuus ahaan loola tegey ayuu soo kaxaystay raggiisii la tababbaray oo gurigiisa ku dhashay, iyagoo ah saddex boqol iyo siddeed iyo toban nin, oo wuxuu raacdo ku jiray ilaa Daan.

14:15b.GEN.014.015 Oo habeennimo ayuu raggiisii u kala qaybiyey, isaga iyo addoommadiisiiba, oo waxay laayeen colkii, oo ay raacdaysteen ilaa Xoobah, oo Dimishaq xagga bidixda ka ah.

14:16b.GEN.014.016 Oo alaabtii oo dhan buu soo celiyey, oo waxaa kale oo uu soo celiyey walaalkiis Luud, iyo alaabtiisii, iyo naagihii, iyo dadkiiba.

14:17b.GEN.014.017 Markuu ka soo noqday layntii Kedorlaacomer iyo boqorradii la jiray ka dib ayaa boqorkii Sodom Aabraam kaga hor tegey Dooxo Shaweh oo ahayd Dooxadii Boqorka.

14:18b.GEN.014.018 Oo Malkisadaq oo ahaa boqorkii Saalem baa keenay cunto iyo khamri: wuxuuna ahaa wadaadkii Ilaaha ugu sarreeya.

14:19b.GEN.014.019 Oo Aabraam buu u duceeyay, oo yidhi, Ilaaha ugu sarreeya, ee leh samada iyo dhulkaba ha barakeeyo Aabraam.

14:20b.GEN.014.020 Ammaan waxaa leh Ilaaha ugu sarreeya, oo cadaawayaashaadii gacantaada geliyey. Markaasaa Aabraam wuxuu isagii wax kasta ka siiyey toban meelood oo meel.

14:21b.GEN.014.021 Boqorkii Sodom wuxuu Aabraam ku yidhi, Dadka uun i sii, alaabtana adigu iska qaado.

14:22b.GEN.014.022 Laakiin Aabraam wuxuu boqorkii Sodom ku yidhi, Gacantaydaan kor u taagay oo waxaan ku dhaartay Rabbiga, kan ah Ilaaha ugu sarreeya, ee leh samada iyo dhulka,

14:23b.GEN.014.023 inaanan qaadanin miiq ama kab yeelmeheed ama wax adigu aad leedahay, waayo, waaba intaasoo aad tidhaahdaa, Anaa Aabraam hodan ka dhigaye.Waxba qaadan maayo wixii ay ragga dhallinyarada ahu cuneen mooyaane, iyo qaybtii raggii i raacay. Caaneer iyo Eshkol, iyo Mamre ha qaateen qaybtooda.

14:24b.GEN.014.024 Waxba qaadan maayo wixii ay ragga dhallinyarada ahu cuneen mooyaane, iyo qaybtii raggii i raacay. Caaneer iyo Eshkol, iyo Mamre ha qaateen qaybtooda.

15

15:1b.GEN.015.001 Waxyaalahaas ka dib ereygii Ilaah baa Aabraam ugu yimid muuqasho ahaan, isagoo leh, Aabraamow, ha baqin: anigu waxaan ahay gaashaankaaga, abaalgudkaaguna aad buu u weynaan doonaa.

15:2b.GEN.015.002 Oo Aabraam wuxuu yidhi, Sayidow Rabbiyow, maxaad i siin doontaa? Waayo, anigu carruurla'aan baan sii socdaa, reerkaygana waxaa dhaxli doona Eliiceser oo ah reer Dimishaq.

15:3b.GEN.015.003 Oo Aabraam wuxuu yidhi, Bal eeg, aniga ima aad siin farcan: oo mid gurigayga ku dhashay baa i dhaxlaya.

15:4b.GEN.015.004 Oo bal eeg, ereygii Rabbigaa u yimid, isagoo leh, Ninkanu kuma dhaxli doono: laakiinse waxaa ku dhaxli doona wiil aad dhali doontid.

15:5b.GEN.015.005 Oo dibadduu u soo bixiyey, oo ku yidhi, Bal samada fiiri, oo xiddigaha tiri, haddaad tirin kartid: oo wuxuu ku yidhi, Sidaas oo kalaa farcankaagu ahaan doonaa.

15:6b.GEN.015.006 Oo Rabbiga wuu rumaystay; Ilaahna taas wuxuu ugu tiriyey xaqnimo.

15:7b.GEN.015.007 Oo wuxuu ku yidhi isaga, Anigu waxaan ahay Rabbiga kaaga soo kaxeeyey Uur tii reer Kaldayiin, inaan ku siiyo dalkan si aad u dhaxashid.

15:8b.GEN.015.008 Oo Aabraam wuxuu yidhi, Sayidow Rabbiyow, maxaan ku ogaadaa inaan dhaxli doono?

15:9b.GEN.015.009 Oo wuxuu ku yidhi, Ii kaxee qaalin lo' ah oo saddex jir ah, iyo ceesaan saddex jir ah, iyo wan saddex jir ah, iyo qoolley, iyo xamaam yar.

15:10b.GEN.015.010 Oo wuu u kaxeeyey kuwaas oo dhan, oo badhtankuu ka kala wada gooyay, oo badh kastaba kan kaluu hor dhigay: laakiinse shimbirrihii ma uu kala gooyn.

15:11b.GEN.015.011 Haad baana hilibkii ku soo degtay, laakiinse Aabraam baa ka eryay.

15:12b.GEN.015.012 Oo kolkii qorraxdu sii dhacaysay, ayaa hurdo aad u weynu Aabraam ku soo dhacday; oo bal eeg, cabsi gudcur weyn leh baa ku soo degtay.

15:13b.GEN.015.013 Markaasuu wuxuu ku yidhi Aabraam, Ogow in hubaal farcankaagu ay dad qalaad ku ahaan doonaan dal aan kooda ahayn, oo ay u adeegi doonaan, oo afar boqol oo sannadood waa la dhibi doonaa;

15:14b.GEN.015.014 oo weliba quruuntaas ay u adeegi doonaan, xukun baan ku ridi doonaa; oo dabadeedna way ka soo bixi doonaan iyagoo xoolo badan wata.

15:15b.GEN.015.015 Laakiinse adigu nabad baad ugu tegi doontaa awowayaashaa, oo waxaa lagu xabaali doonaa adigoo cimri dheer gaadhay.

15:16b.GEN.015.016 Oo iyagu qarniga afraad halkan bay ku soo noqon doonaan: waayo, dembigii reer Amor weli ma dhamma.

15:17b.GEN.015.017 Oo waxay noqotay, markii qorraxdii dhacday oo ay ahayd gudcur, in girgire qiiqaya iyo dab ololaya ay dhex mareen cadadkii.

15:18b.GEN.015.018 Maalintaas Rabbigu Aabraam buu axdi la dhigtay, isagoo leh, Farcankaagaan siiyey dhulkan, oo laga bilaabo webiga Masar ilaa webiga weyn, oo ah webi Yufraad:

15:19b.GEN.015.019 reer Qeyn, iyo reer Qenas, iyo reer Qadmon,

15:20b.GEN.015.020 iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Refaa'iim,iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Girgaash, iyo reer Yebuus.

15:21b.GEN.015.021 iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Girgaash, iyo reer Yebuus.

16

16:1b.GEN.016.001 Saaray oo ahayd Aabraam naagtiisii carruur uma ay dhalin isagii: waxayna lahayd gabadh midiidin ah, oo Masriyad ah, magaceedana waxaa la odhan jiray Haagaar.

16:2b.GEN.016.002 Oo Saaray waxay Aabraam ku tidhi, Bal eeg imminka, Rabbigu waa ii diiday inaan dhalo; haddaba waxaan kaa baryayaa inaad midiidintayda u tagto, mindhaa iyadaan carruur ka heli doonaaye, Aabraamna codkii Saaray buu maqlay.

16:3b.GEN.016.003 Saaray oo ahayd naagtii Aabraam waxay kaxaysay Haagaar tii Masriyadda ahayd, oo midiidinteeda ahayd, markii Aabraam toban sannadood joogay dalkii Kancaan ka dib, oo waxay iyadii siisay ninkeedii Aabraam inay naagtiisii u noqoto.

16:4b.GEN.016.004 Oo Haagaar buu u tegey, wayna uuraysatay; oo markay aragtay inay uuraysatay ayay murwadeedii aad u quudhsatay.

16:5b.GEN.016.005 Oo Saaray waxay Aabraam ku tidhi, Dulmigii laygu sameeyey dushaada ha ahaado: midiidintaydii waxaan geliyey laabtaada; oo markay aragtay inay uuraysatay ayay i quudhsatay; Rabbigu aniga iyo adiga ha ina kala xukumo.

16:6b.GEN.016.006 Laakiinse Aabraam wuxuu ku yidhi Saaray, Bal eeg, midiidintaadii gacantaaday ku jirtaaye; waxaad doonto ku samee. Saarayna si adag bay ula macaamilootay, kolkaasay midiidintii ka carartay horteeda.

16:7b.GEN.016.007 Oo malaa'igtii Rabbigaa heshay iyadoo ag joogta il biyo ah oo cidlada ku taal, oo ishuna waxay ku tiil jidka Shuur.

16:8b.GEN.016.008 Oo malaa'igtii waxay ku tidhi, Haagaar, midiidintii Saaray, xaggee baad ka timid? Xaggee baadse ku socotaa? Oo waxay ku tidhi, Murwadayda Saaray baan ka cararayaa.

16:9b.GEN.016.009 Oo malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi iyadii, Ku noqo murwadaadii, oo gacmaheeda is-hoos dhig.

16:10b.GEN.016.010 Oo malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi iyadii, Farcankaaga aad baan u tarmin doonaa si aan loo tirin karin farabadnaantiisa aawadeed.

16:11b.GEN.016.011 Oo malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi iyadii, Bal eeg, uur baad leedahaye, oo wiil baad dhali doontaa; magiciisana waxaad u bixin doontaa Ismaaciil, maxaa yeelay, Rabbigu waa maqlay dhibaatadaadii.

16:12b.GEN.016.012 Oo dadka dhexdiisa wuxuu ku noqon doonaa sida dameer banjoog ah; gacantiisu nin walba gees bay ka noqon doontaa, oo nin walba gacantiisuna gees bay ka noqon doontaa isaga; wuxuuna degganaan doonaa walaalihiis oo dhan hortooda.

16:13b.GEN.016.013 Oo waxay magicii Rabbigii la hadlay iyada u bixisay, Waxaad tahay Ilaaha wax arka, waayo, waxay tidhi, Weliba miyaan halkan ka arkay kan i arka?

16:14b.GEN.016.014 Sidaas daraaddeed ceelkii waxaa loo bixiyeyBi'ir Lahayroy; bal eeg, wuxuu u dhexeeyaa Qaadeesh iyo Bered.

16:15b.GEN.016.015 Oo Haagaar waxay Aabraam u dhashay wiil; oo Aabraamna wuxuu wiilkiisii Haagaar dhashay u bixiyey Ismaaciil.Aabraamna wuxuu jiray lix iyo siddeetan sannadood, markii ay Haagaar Ismaaciil u dhashay Aabraam.

16:16b.GEN.016.016 Aabraamna wuxuu jiray lix iyo siddeetan sannadood, markii ay Haagaar Ismaaciil u dhashay Aabraam.

17

17:1b.GEN.017.001 Oo markuu Aabraam jiray sagaal iyo sagaashan sannadood ayaa Rabbigu u muuqday, oo wuxuu ku yidhi, Waxaan ahay Ilaaha Qaadirka ah; hortayda ku soco, oo mid eed la' ahow.

17:2b.GEN.017.002 Oo axdigaygaan kula dhigan doonaa, oo anigu aad baan kuu tarmin doonaa.

17:3b.GEN.017.003 Markaasuu Aabraam wejiga u dhacay; oo Ilaah baa la hadlay isagoo ku leh,

17:4b.GEN.017.004 Bal eeg, axdigaygii waa kula jiraaye, oo adigu quruumo badan baad aabbe u noqon doontaa.

17:5b.GEN.017.005 Magacaagana mar dambe lama odhan doono Aabraam, laakiinse magacaagu wuxuu noqon doonaa Ibraahim; waayo, waxaan kaa dhigay quruumo badan aabbahood.

17:6b.GEN.017.006 Aad baanan kuu badin doonaa, oo quruumo baan kaa samayn doonaa, boqorrona way kaa soo bixi doonaan.

17:7b.GEN.017.007 Oo axdigayga waxaan ku adkayn doonaa dhexdeenna iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, tan iyo qarniyadooda oo dhan, waana axdi weligiis waara, kaas oo ah inaan adiga Ilaah kuu noqdo iyo farcankaaga kaa dambeeya.

17:8b.GEN.017.008 Oo waxaan ku siin doonaa, adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, dhulkii aad sodcaalka ku ahayd, kaas oo ah dalka Kancaan oo dhan inuu idiin ahaado hanti aad weligiin lahaataan; aniguna waxaan ahaan doonaa Ilaahood.

17:9b.GEN.017.009 Oo Ilaah wuxuu Ibraahim ku yidhi, Adiguna waa inaad axdigayga xajisaa, adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, tan iyo qarniyadooda oo dhan.

17:10b.GEN.017.010 Kanu waa axdigayga aad xajin doontaan, oo inoo dhexeeya aniga iyo adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba; mid kasta oo lab oo idinku jira waa in la gudaa.

17:11b.GEN.017.011 Oo waxaad iska gudi doontaan buuryadiinna; waxayna calaamo u noqon doontaa axdiga ina dhex yaal aniga iyo idinka.

17:12b.GEN.017.012 Kii siddeed maalmood jira oo idinku dhex jira waa in la gudaa, mid kasta oo lab tan iyo qarniyadiinna oo dhan, ha ahaado kii gurigaaga ku dhasha ama kii lacag lagaga soo iibsado shisheeyaha oo aan farcankaaga ahayn.

17:13b.GEN.017.013 Kii gurigaaga ku dhasha, iyo kii lacagtaada lagu iibsadoba, waa in la gudaa: axdigayguna wuxuu jidhkiinna ku noqon doonaa axdi weligiis waara.

17:14b.GEN.017.014 Oo buuryoqabka lab oo aan buuryadiisa laga gooynin, midkaasu waa ka go'i doonaa dadkiisa; waayo, axdigaygii buu jebiyey.

17:15b.GEN.017.015 Oo Ilaah wuxuu Ibraahim ku yidhi, Naagtaada Saarayna magaceeda waa inaadan ugu yeedhin Saaray, laakiinse magaceedu wuxuu ahaan doonaa Saarah.

17:16b.GEN.017.016 Oo iyadaan barakayn doonaa, oo weliba wiil baan kaa siin doonaa; iyadaan barakayn doonaa, oo waxay noqon doontaa quruumo hooyadood; boqorrada dadyowguna iyaday ka iman doonaan.

17:17b.GEN.017.017 Markaasuu Ibraahim wejiga u dhacay, oo qoslay, oo qalbigiisa wuxuu iska yidhi, Ma ilmaa u dhalan doona nin boqol jir ah? Oo Saarah oo sagaashan jir ihi miyey dhali doontaa?

17:18b.GEN.017.018 Oo Ibraahim wuxuu Ilaah ku yidhi, Waxaan jeclaan lahaa in Ismaaciil hortaada ku noolaado!

17:19b.GEN.017.019 Oo Ilaah wuxuu yidhi, Maya, laakiin naagtaada Saarah wiil bay kuu dhali doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Isxaaq; oo waxaan isaga ku adkayn doonaa axdigayga, kaas oo farcankiisa ka dambeeya u ahaan doona axdi weligiis waara.

17:20b.GEN.017.020 Xagga Ismaaciilna waan ku maqlay; oo bal eeg, isaga waan barakeeyey, waanan badin doonaa, oo aad baan u tarmin doonaa isaga; laba iyo toban amiir buu dhali doonaa, oo quruun weyn baan ka dhigi doonaa.

17:21b.GEN.017.021 Laakiin axdigayga waxaan ku adkayn doonaa Isxaaq kan Saarah kuu dhali doonto sannadda soo socota xilligan oo kale.

17:22b.GEN.017.022 Oo kolkuu hadalkii u dhammeeyey, Ilaah waa ka tegey Ibraahim.

17:23b.GEN.017.023 Markaasaa Ibraahim wuxuu kaxaystay wiilkiisii Ismaaciil, iyo intii gurigiisa ku dhalatay oo dhan, iyo kuwii lacagtiisa lagu iibsaday oo dhan, kulli intii labayd oo ka midka ahayd dadkii guriga Ibraahim joogay, oo isla maalintaas ayuu ka guday buuryadoodii sidii Ilaah ku yidhi isaga.

17:24b.GEN.017.024 Oo Ibraahim wuxuu jiray sagaal iyo sagaashan sannadood markii laga guday buuryadiisii.

17:25b.GEN.017.025 Wiilkiisii Ismaaciilna wuxuu jiray saddex iyo toban sannadood markii buuryadiisii laga guday.

17:26b.GEN.017.026 Oo isla maalintaas baa la guday Ibraahim iyo wiilkiisii Ismaaciil.Oo raggii gurigiisa joogay oo dhan, kuwii gurigiisa ku dhashay, iyo kuwii lacagtiisii shisheeyaha lagaga iibsadayba waa lala guday isaga.

17:27b.GEN.017.027 Oo raggii gurigiisa joogay oo dhan, kuwii gurigiisa ku dhashay, iyo kuwii lacagtiisii shisheeyaha lagaga iibsadayba waa lala guday isaga.

18

18:1b.GEN.018.001 Oo Rabbigaa u muuqday isaga oo ag jooga dhirtii Mamre, isagoo iridda teendhada fadhiya markii maalinta ugu kululayd.

18:2b.GEN.018.002 Oo indhihiisii buu kor u taagay oo eegay, oo wuxuu arkay saddex nin oo hortiisa taagan: oo kolkuu arkay, ayuu ka orday iriddii teendhada inuu ka hor tago iyagii, kolkaasuu dhulka ku sujuuday,

18:3b.GEN.018.003 oo wuxuu yidhi, Sayidkaygiiyow, haddaad raalli iga tahay, ha i dhaafin anigoo addoonkaaga ah.

18:4b.GEN.018.004 Biyo yar ha laydiin keeno, oo cagamaydha, oo geedka hoostiisa ku nasta:

18:5b.GEN.018.005 oo waxaan idiin keeni doonaa wuxoogaa cunto ah, ee raaxaysta; waayo, waxaad u timaadeen addoonkiinna; markaas ka dib waad tegi doontaan. Oo waxay ku yidhaahdeen, Yeel sidaad tidhi.

18:6b.GEN.018.006 Ibraahimna dhaqsuu u galay teendhadii, oo Saarah u tegey, oo wuxuu ku yidhi, Saddex koombo oo bur ah degdeg u diyaari, oo cajiin, oo kibis ka samee.

18:7b.GEN.018.007 Oo Ibraahim xagga lo'dii buu ku orday, oo wuxuu soo kaxeeyey dibi yar oo dhaylo ah oo wanaagsan, oo wuxuu u dhiibay nin dhallinyaro ah, isaguna dhaqsuu u diyaariyey.

18:8b.GEN.018.008 Kolkaasuu u qaaday subag, iyo caano, iyo dibigii uu diyaariyey, oo hortooduu dhigay; isna dhinacooduu istaagay geedkii hoostiisii; iyana way cuneen.

18:9b.GEN.018.009 Oo waxay ku yidhaahdeen, Meeday bilcantaadii Saarah? Markaasuu yidhi, Waa taa; teendhaday ku jirtaa.

18:10b.GEN.018.010 Wuxuuna ku yidhi, Hubaal waan kuu soo noqon doonaa markii xilligu soo wareego; oo bal ogow, naagtaada Saarah wiil bay dhali doontaaye. Saarahna way maqashay, iyadoo joogta iriddii teendhada oo ka dambaysay isaga.

18:11b.GEN.018.011 Haddaba Ibraahim iyo Saarah way da' weynaayeen; gabow bayna la dhaceen; caadadii naaguhuna Saarah way ka joogsatay.

18:12b.GEN.018.012 Saarahna qalbigay ka qososhay, iyadoo leh, Ma anigoo gaboobay baan farxad heli doonaa, iyadoo sayidkayguna gaboobay?

18:13b.GEN.018.013 Rabbiguna wuxuu Ibraahim ku yidhi, Saarah maxay u qososhay, iyadoo leh, Runtii ma ilmaan dhali doonaa, anoo gaboobay?

18:14b.GEN.018.014 Ma wax Rabbiga ku adag baa jira? Wakhtigii la ballamay baan kugu soo noqon doonaa, markii xilligu soo wareego, oo Saarah wiil bay dhali doontaa.

18:15b.GEN.018.015 Markaasaa Saarah dafirtay oo tidhi, Ma aan qoslin; maxaa yeelay, way cabsatay. Oo isna wuxuu yidhi, Maya, laakiin waad qososhay.

18:16b.GEN.018.016 Nimankiina halkaas way ka kaceen, oo waxay u jeesteen xagga Sodom: Ibraahimna wuu raacay inuu sagootiyo iyaga.

18:17b.GEN.018.017 Rabbiguna wuxuu yidhi, Miyaan Ibraahim ka qariyaa waxaan samaynayo,

18:18b.GEN.018.018 Maxaa yeelay, hubaal Ibraahim wuxuu noqon doonaa quruun weyn oo xoog leh, oo quruumaha dhulka oo dhammu isagay ku barakoobi doonaan?

18:19b.GEN.018.019 Waayo, waan garanayaa isaga, inuu carruurtiisa iyo kuwa gurigiisa jooga ku amri doono, inay jidka Rabbiga xajiyaan inay sameeyaan xaqnimo iyo caaddilnimo; si uu Rabbigu Ibraahim ugu soo dejiyo wixii uu kaga hadlay.

18:20b.GEN.018.020 Rabbiguna wuxuu yidhi, Qaylada Sodom iyo Gomora way badatay, dembigooduna aad buu u weynaaday.

18:21b.GEN.018.021 Haddaba waan degi doonaa, oo waxaan arki doonaa inay wada sameeyeen sida qayladu ii soo gaadhay iyo in kale; haddaanay wada samaynna, waan ogaan doonaa.

18:22b.GEN.018.022 Oo nimankii halkaasay ka noqdeen oo waxay tageen xagga Sodom: laakiinse Ibraahim weli wuxuu hor taagnaa Rabbiga.

18:23b.GEN.018.023 Oo Ibraahim baa u dhowaaday, oo yidhi, Miyaad kuwa xaqa ah la baabbi'inaysaa kuwa sharka fala?

18:24b.GEN.018.024 Mindhaa waxaa magaalada jooga konton xaq ah. De miyaad baabbi'inaysaa meesha oo aadan ugu tudhaynin kontonka xaqa ah ee jooga aawadood?

18:25b.GEN.018.025 Yaanay noqon inaad sidaas samayso, inaad kuwa xaqa ah la dishid kuwa sharka fala, oo sidaas kuwa xaqa ahu ay kula mid noqdaan kuwa sharka fala, taas yaanay noqon. Dunida oo dhan Xaakinkeedu miyuusan xaq samayn doonin?

18:26b.GEN.018.026 Markaasaa Rabbigu yidhi, Haddaan Sodom ka helo konton qof oo xaq ah oo magaalada jooga, de markaas meeshaa oo dhan waxaan ugu tudhi doonaa iyaga daraaddood.

18:27b.GEN.018.027 Oo Ibraahimna wuu jawaabay oo yidhi, Bal eeg, waxaan isu diray inaan Sayidka la hadlo, anoo ciid iyo dambas ah.

18:28b.GEN.018.028 Mindhaa kontonka xaqa ah shan baa ka dhiman; miyaad magaalada oo dhan u baabbi'in hadday shanu ka dhiman tahay? Markaasuu yidhi, Baabbi'in maayo haddaan meeshaas shan iyo afartan ka helo.

18:29b.GEN.018.029 Kolkaasuu mar kale la hadlay, oo yidhi, Mindhaa waxaa halkaas laga heli afartan. Markaasuu yidhi, Afartanka aawadood ayaanan u baabbi'inayn.

18:30b.GEN.018.030 Oo wuxuu yidhi, Sayidku yuusan cadhoon, waan la hadlayaaye. Mindhaa waxaa halkaas laga heli soddon. Markaasuu yidhi, Baabbi'in maayo haddaan soddon halkaas ka helo.

18:31b.GEN.018.031 Markaasuu yidhi, Bal eeg, waxaan isu diray inaan Sayidka la hadlo: mindhaa waxaa halkaas laga heli labaatan. Markaasuu yidhi, Labaatanka daraaddood ayaanan u baabbi'inayn.

18:32b.GEN.018.032 Oo wuxuu yidhi, Sayidku yuusan cadhoon, oo weli waan la hadlayaaye, waase markan keliya. Mindhaa waxaa halkaas laga heli toban. Wuxuuna yidhi, Tobanka daraaddood ayaanan u baabbi'inayn.Rabbiguna wuu iska tegey markuu Ibraahim la dhammeeyey hadalkii, Ibraahimna meeshiisii buu ku noqday.

18:33b.GEN.018.033 Rabbiguna wuu iska tegey markuu Ibraahim la dhammeeyey hadalkii, Ibraahimna meeshiisii buu ku noqday.

19

19:1b.GEN.019.001 Oo labadii malaa'igood baa Sodom fiidkii yimid; Luudna wuxuu fadhiyey iridda Sodom. Oo markuu Luud iyagii arkay ayuu u kacay inuu ka hor tago; wuuna sujuuday oo wejigiisuu dhulka saaray;

19:2b.GEN.019.002 oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, sayidyadaydiiyow, soo leexda, waan idin baryayaaye, oo gala guriga addoonkiinna, oo caawa oo dhan jooga, oo cagamaydha. Aroortii baanad kici doontaan oo iska tegi doontaane. Oo waxay ku yidhaahdeen, Maya; laakiin jidkaannu joogaynaa caawa oo dhan.

19:3b.GEN.019.003 Aad buuna u baryay; xaggiisayna u soo leexdeen, oo gurigiisii bay galeen; diyaafad buuna u sameeyey, kibis aan khamiir lahaynna wuu u dubay, wayna cuneen.

19:4b.GEN.019.004 Laakiinse intaanay jiifsan ka hor, waxaa gurigii hareereeyey nimankii magaalada, oo ahaa nimankii Sodom, yar iyo weynba, dadkii oo dhan oo ka yimid meel kastaba;

19:5b.GEN.019.005 oo Luud bay u yeedheen, oo waxay ku yidhaahdeen, Meeye nimankii caawa kuu yimid? Dibadda noogu soo bixi iyaga, aannu fuulnee.

19:6b.GEN.019.006 Oo Luudna dibadduu ugu baxay iyagoo albaabka jooga, albaabkiina wuu xidhay.

19:7b.GEN.019.007 Oo wuxuu yidhi, Waan idin baryayaaye, walaalahayow, ee wax sidaas u xun ha samaynina.

19:8b.GEN.019.008 Bal eega, waxaan leeyahay laba gabdhood oo aan weli nin u tegin; haddaba waan idin baryayaaye, aan idiin soo bixiyo iyaga, oo saad doontaan u gala, laakiin nimankan uun waxba ha ku samaynina, maxaa yeelay, waxay soo hoos galeen dugsiga saqafkayga.

19:9b.GEN.019.009 Waxayna yidhaahdeen, Dib u joogso. Oo waxay kaloo yidhaahdeen, Ninkanu socdaal buu ku yimid, oo wuxuu doonayaa inuu xaakin noqdo. Haatan wax daran baannu kugu samayn, intaannu iyaga ku samayn lahayn in ka sii daran. Markaasay si xun ninkii Luud ahaa u riixeen. Waxayna ugu soo dhowaadeen inay albaabka jebiyaan.

19:10b.GEN.019.010 Laakiinse nimankii baa gacmahoodii soo bixiyey, oo Luud bay gurigii soo gashadeen, markaasay albaabkii xidheen.

19:11b.GEN.019.011 Wayna indho tireen nimankii guriga albaabkiisa joogay, yar iyo weynba: oo saas daraaddeed way ka daaleen inay albaabkii helaan.

19:12b.GEN.019.012 Oo nimankii waxay Luud ku yidhaahdeen, Intan mooyaane wax kale ma ku leedahay meeshan? Wiil aad soddog u tahay iyo wiilashaada iyo gabdhahaaga, iyo ku alla kaad magaalada ku leedahay kala soo bax meeshan;

19:13b.GEN.019.013 waayo, meeshan waannu baabbi'in doonnaa, maxaa yeelay, qayladoodii baa Rabbiga hortiisa aad ugu badatay: oo Rabbigu wuxuu noo soo diray inaannu baabbi'inno.

19:14b.GEN.019.014 Markaasuu Luud dibadda u baxay, oo wuxuu la hadlay wiilashuu soddogga u ahaa, oo gabdhihiisa qabay, oo wuxuu ku yidhi, Kaca, oo ka soo baxa meeshan; waayo, Rabbigu magaalada wuu baabbi'in doonaa. Laakiin wuxuu wiilashuu soddogga u ahaa ula ekaaday sidii mid ku cayaaraya.

19:15b.GEN.019.015 Oo markii waagii beryay ayaa malaa'igihii Luud deddejiyeen, iyagoo leh, Kac, oo la tag naagtaada iyo labadaada gabdhood oo halkan jooga; waaba intaasoo aad dembiga magaalada ku baabba'daane.

19:16b.GEN.019.016 Laakiin markuu raagay ayay nimankii gacantiisa qabteen, iyo gacantii naagtiisa, iyo gacantii labadiisii gabdhood; Rabbiguna waa u naxariistay isaga, iyana way soo bixiyeen, oo waxay geeyeen magaaladii dibaddeeda.

19:17b.GEN.019.017 Oo markay dibadda u soo bixiyeen ayuu ku yidhi, Naftaada la baxso; gadaashaadana ha eegin. Bannaanka oo dhanna ha joogsan, ee buurta u baxso, waaba intaas oo aad baabba'daaye.

19:18b.GEN.019.018 Luudna wuxuu ku yidhi iyagii, Sayidkaygiiyow, saas yaanay noqon.

19:19b.GEN.019.019 Bal eeg, anigoo addoonkaaga ah raalli baad iga ahayd, oo waad weynaysay naxariistaadii aad i tustay markii aad naftayda badbaadisay; aniguse buurta uma baxsan karo, waaba intaasoo shar i gaadhaa oo aan dhintaa.

19:20b.GEN.019.020 Bal eeg, magaaladan baa dhow inaan u cararo, waana mid yar, de iyada aan u baxsado, (miyaanay mid yar ahayn?) naftayduna waa noolaan doontaa.

19:21b.GEN.019.021 Oo wuxuu ku yidhi isagii, Bal eeg, waxanna waan kaa aqbalay inaanan rogi doonin magaaladii aad ka hadashay.

19:22b.GEN.019.022 Dhaqso, oo halkaas u baxso; waayo, waxba ma aan samayn karo ilaa aad halkaas tagto. Sidaas daraaddeed magaalada magaceeda waxaa loo bixiyey Socar.

19:23b.GEN.019.023 Markii Luud Socar yimid ayaa qorraxdu dhulka u soo baxday.

19:24b.GEN.019.024 Markaasaa Rabbigu wuxuu Sodom iyo Gomora ku soo daayay baruud iyo dab ka yimid xagga Rabbiga oo samada ka soo daatay;

19:25b.GEN.019.025 wuuna rogay magaalooyinkaas, iyo Bannaankii oo dhan, iyo dadkii degganaa magaalooyinkaas oo dhan, iyo wixii dhulka ka soo baxay oo dhan.

19:26b.GEN.019.026 Laakiinse naagtiisii oo daba socotay ayaa dib u eegtay, waxayna noqotay tiir cusbo ah.

19:27b.GEN.019.027 Ibraahimna aroortii hore ayuu u kacay meeshii uu Rabbiga hor istaagay:

19:28b.GEN.019.028 oo wuxuu eegay xagga Sodom iyo Gomora, iyo dhulkii Bannaanka oo dhan, wuuna fiiriyey, oo bal eeg, qiiqii dhulka ayaa kor u baxay sidii qiiqa foornada oo kale.

19:29b.GEN.019.029 Oo waxay noqotay, markii Ilaah baabbi'iyey magaalooyinkii Bannaanka, in Ilaah xusuustay Ibraahim, Luudna roggidda wuu ka bixiyey markuu rogay magaalooyinkii Luud dhex degganaa.

19:30b.GEN.019.030 Luudna Socar wuu ka baxay, oo buurtuu degay, isaga iyo labadiisii gabdhood ee la joogayba; waayo, wuu ka cabsaday inuu Socar degganaado, wuxuuna degay bohol dhexdeed, isaga iyo labadiisii gabdhood.

19:31b.GEN.019.031 Oo tii curadda ahayd waxay tii yarayd ku tidhi, Aabbeheen waa duq, dhulkana ma jiro nin inoo iman kara sida caadada dunida oo dhan tahay.

19:32b.GEN.019.032 Kaalay, aynu aabbeheen khamri cabsiinnee, markaasaynu la jiifsanaynaa, si aynu aabbeheen farcan ugala hadhno.

19:33b.GEN.019.033 Oo habeenkaasay aabbahood khamri cabsiiyeen, oo tii curadda ahayd baa u tagtay oo la jiifsatay aabbeheed; mana uu ogayn markay la jiifsatay, iyo markay ka kacday toona.

19:34b.GEN.019.034 Oo waxay noqotay in maalintii dambe ay tii curadda ahayd ku tidhi tii yarayd, Bal eeg, xalayto aabbahay baan la jiifsaday: caawana aynu khamri cabsiinno; oo adigu u tag oo la jiifso isaga, aynu aabbeheen farcan kala hadhnee.

19:35b.GEN.019.035 Oo haddana habeenkaasay aabbahood khamri cabsiiyeen: oo tii yarayd baa kacday oo aabbeheed la jiifsatay; mana uu ogayn markay la jiifsatay iyo markay ka kacday toona.

19:36b.GEN.019.036 Oo sidaasay Luud labadiisii gabdhoodba aabbahood uurka ugu lahaayeen.

19:37b.GEN.019.037 Oo tii curaddii ahayd waxay dhashay wiil, oo waxay magiciisii u bixisay Moo'aab, isna waa reer Moo'aabka maanta joogo aabbahood.Tii yarayd iyana waxay dhashay wiil, oo waxay magiciisii u bixisay Bencammi: isna waa reer Cammoonka maanta jooga aabbahood.

19:38b.GEN.019.038 Tii yarayd iyana waxay dhashay wiil, oo waxay magiciisii u bixisay Bencammi: isna waa reer Cammoonka maanta jooga aabbahood.

20

20:1b.GEN.020.001 Ibraahimna meeshaas wuu ka sodcaalay oo wuxuu u kacay xagga dhulka Koonfureed, oo wuxuuna degay Qaadeesh iyo Shuur dhexdooda, qariib ahaan buuna Geraar u degay.

20:2b.GEN.020.002 Ibraahimna wuxuu naagtiisii Saarah ka yidhi, Waa walaashay. Oo Abimeleg oo ahaa boqorkii Geraar ayaa u soo cid dirtay, oo watay Saarah.

20:3b.GEN.020.003 Laakiinse Ilaah baa Abimeleg habeenkii riyo ugu yimid, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, waxaad tahay meyd uun, waana naagtii aad qaadatay aawadeed, maxaa yeelay, iyadu waa nin naagtiis.

20:4b.GEN.020.004 Abimelegna uma uusan dhowaan iyada, wuxuuna yidhi, Sayidow, miyaad quruun xaq ah baabbi'inaysaa?

20:5b.GEN.020.005 Miyuusan isaga qudhiisu igu odhan, Waa walaashay? Oo iyana xataa waxay igu tidhi, Isagu waa walaalkay. Tan waxaan ku sameeyey daacadnimada qalbigayga iyo daahirsanaanta gacmahayga.

20:6b.GEN.020.006 Oo Ilaah wuxuu ku yidhi isaga intuu riyoonayay, Haah, waan ogahay inaad waxan daacadnimada qalbigaaga ku samaysay, anna waan kaa celiyey inaad igu dembaabto: sidaas daraaddeed kuuma aan oggolaan inaad iyada taabato.

20:7b.GEN.020.007 Haddaba ninka naagtiisa u celi, waayo, isagu waa nebi, wuuna kuu ducayn doonaa, waanad noolaan doontaa. Haddaadan iyada celinna, ogow hubaal waad dhiman doontaa, adiga iyo waxaaga oo dhammuba.

20:8b.GEN.020.008 Abimelegna aroor horuu kacay, oo wuxuu u yeedhay addoommadiisii oo dhan, oo waxyaalahan oo dhan buu u sheegay, nimankiina aad iyo aad bay u cabsadeen.

20:9b.GEN.020.009 Markaasaa Abimeleg wuxuu u yeedhay Ibraahim, oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay waxa aad nagu samaysay? Oo maxaan kuugu dembaabay, oo aad aniga iyo boqortooyadaydaba dembi weyn ugu soo jiidday? Waxaad igu samaysay waxyaalo aan waajib ahayn in la sameeyo.

20:10b.GEN.020.010 Abimelegna wuxuu Ibraahim ku yidhi, Maxaad aragtay oo aad waxan u samaysay?

20:11b.GEN.020.011 Ibraahimna wuxuu yidhi, Waxaan mooday inaan cabsida Ilaah meeshan jirin, oo ay naagtayda aawadeed ii dili doonaan.

20:12b.GEN.020.012 Oo weliba sida runta ah iyadu waa walaashay, waana gabadhii aabbahay, laakiin ma aha gabadhii hooyaday; waxayna noqotay naagtaydii.

20:13b.GEN.020.013 Waxaana dhacay, markii Ilaah iga wareejiyey gurigii aabbahay, inaan ku idhi iyada, Raxmaddaada aad i tusi doonto waxay tahay inaad meel kastoo aynu tagnaba iga tidhaahdo, Waa walaalkay.

20:14b.GEN.020.014 Markaasaa Abimeleg wuxuu waday ido iyo dibiyo, iyo niman addoommo ah, iyo naago addoommo ah, oo wuxuu siiyey Ibraahim, naagtiisii Saarahna wuu u celiyey.

20:15b.GEN.020.015 Abimelegna wuxuu ku yidhi, Bal eeg dhulkaygu waa ku hor yaallaaye. Meeshaad doonto deg.

20:16b.GEN.020.016 Saarahna wuxuu ku yidhi, Bal eeg, walaalkaa waxaan siiyey kun xabbadood oo lacag ah, waana u indhadabool kuwa kula jooga oo dhan; oo xagga wax kasta waa lagaa xaq mariyey.

20:17b.GEN.020.017 Ibraahimna Ilaah buu baryay, markaasaa Ilaah bogsiiyey Abimeleg, iyo naagtiisii, iyo gabdhihii midiidinyada u ahaa; waxayna dhaleen carruur.Waayo, Ilaah wuxuu awday maxalladii kuwa reerka Abimeleg oo dhan, waana Saarah oo ahayd naagtii Ibraahim aawadeed.

20:18b.GEN.020.018 Waayo, Ilaah wuxuu awday maxalladii kuwa reerka Abimeleg oo dhan, waana Saarah oo ahayd naagtii Ibraahim aawadeed.

21

21:1b.GEN.021.001 Oo Rabbigu Saarah wuu soo booqday siduu yidhi, oo Rabbigu wuxuu Saarah u yeelay siduu kula hadlay.

21:2b.GEN.021.002 Oo Saarah way uuraysatay, oo Ibraahim wiil bay u dhashay isagoo da' weyn, waxayna ahayd wakhtigii Ilaah kala hadlay isaga.

21:3b.GEN.021.003 Oo Ibraahim wuxuu wiilkiisii u dhashay, oo Saarah u dhashay isaga, u bixiyey Isxaaq.

21:4b.GEN.021.004 Oo Ibraahim baa guday wiilkiisii Isxaaq markuu siddeed maalmood jiray, sidii Ilaah ku amray isaga.

21:5b.GEN.021.005 Oo Ibraahimna wuxuu jiray boqol sannadood, markii wiilkiisii Isxaaq u dhashay isaga.

21:6b.GEN.021.006 Saarahna waxay tidhi, Ilaah waa iga qosliyey, qof kasta oo maqlaana waa ila qosli doonaa.

21:7b.GEN.021.007 Oo waxay tidhi, Yaa Ibraahim ku odhan lahaa, Saarah carruur bay nuujin doontaa? Waayo, wiil baan u dhalay isaga oo da' weyn.

21:8b.GEN.021.008 Wiilkiina wuu koray, naaskiina waa laga gudhiyey. Ibraahimna diyaafad weyn buu sameeyey maalintii Isxaaq naaska laga gudhiyey.

21:9b.GEN.021.009 Saarahna waxay aragtay wiilkii ay Haagaar tii Masriyadda ahayd Ibraahim u dhashay oo ku cayaaraya.

21:10b.GEN.021.010 Sidaas daraaddeed waxay Ibraahim ku tidhi, Eri addoontan iyo wiilkeedaba: maxaa yeelay, wiilka addoontanu wax la dhaxli maayo wiilkayga Isxaaq ah.

21:11b.GEN.021.011 Waxaasuna Ibraahim aad buu ula xumaa xagga wiilkiisa.

21:12b.GEN.021.012 Ilaahna wuxuu Ibraahim ku yidhi, Yaanay kula xumaan wiilka dartiis, iyo naagta addoonta ah toona. Wax alla wixii Saarah kugu tidhaahdo, hadalkeeda maqal; waayo, farcankaaga Isxaaq baa loogu yeedhi doonaa.

21:13b.GEN.021.013 Wiilka addoontana waxaan ka dhigi doonaa quruun, waayo, isna waa farcankaaga.

21:14b.GEN.021.014 Ibraahimna aroortii horuu kacay, wuxuuna qaaday cunto iyo sibraar biyo ah, oo Haagaar buu siiyey intuu garbaha u saaray, wiilkiina wuu siiyey, markaasuu eryay: wayna iska tagtay, oo ku wareegtay cidladii Bi'ir Shebac.

21:15b.GEN.021.015 Biyihii sibraarka ku jirayna way dhammaadeen, kolkaasay ilmihii ku xoortay geedihii midkood hoostiisa.

21:16b.GEN.021.016 Wayna tagtay oo waxay fadhiisatay meel ku soo jeedda oo ka fog, oo qiyaastii ah intii fallaadh la ganay gaadho, waxayna tidhi, Yaanan eegin dhimashada wiilka. Iyadoo fadhida meel ku soo jeedda ayay codkeedii kor u qaadday oo ooyday.

21:17b.GEN.021.017 Ilaah baana maqlay codkii wiilka; malaa'igtii Ilaahna Haagaar bay samada uga yeedhay, oo waxay ku tidhi, Haagaaray, maxaa ku helay? Ha baqin; waayo, Ilaah waa maqlay codkii wiilka, meeshuu joogo isagu.

21:18b.GEN.021.018 Kac oo wiilka toosi, oo gacantaada ku hay; maxaa yeelay, quruun weyn baan ka dhigi doonaa isaga.

21:19b.GEN.021.019 Markaasaa Ilaah indhaheedii furay, oo waxay aragtay ceel biyo ah; kolkaasay tagtay, oo sibraarkii biyo ka soo buuxisay, oo wiilkii waraabisay.

21:20b.GEN.021.020 Ilaahna wiilkii buu la jiray; wuuna koray; oo cidladuu degay, wuxuuna noqday qaansoole.

21:21b.GEN.021.021 Wuxuuna degay cidladii Faaraan: hooyadiis baana dhulka Masar naag uga qaadday.

21:22b.GEN.021.022 Waxayna noqotay wakhtigaas in Abimeleg iyo Fiikol oo ahaa madaxda ciidankiisa ay la hadleen Ibraahim iyagoo leh, Ilaah waa kugula jiraa waxa aad samayso oo dhan.

21:23b.GEN.021.023 Haddaba halkan Ilaah iigu dhaaro inaadan i khiyaanaynin aniga ama wiilkayga, ama wiilkayga wiilkiisa, laakiinse sidii aan wanaagga kuugu sameeyey, inaad adna iigu samaynaysid, aniga iyo dhulka aad qariib ahaanta u degganaydba.

21:24b.GEN.021.024 Ibraahimna wuxuu yidhi, Waan kuu dhaaran doonaa.

21:25b.GEN.021.025 Ibraahimse wuxuu Abimeleg u canaantay ceelkii ay addoommada Abimeleg ka xoogeen aawadiis.

21:26b.GEN.021.026 Abimelegna wuxuu yidhi, Anigu garan maayo ka waxaas sameeyey; adna iima aad sheegin, welina ma aan maqlin, maanta mooyaane.

21:27b.GEN.021.027 Markaasaa Ibraahim ido iyo dibiyo kaxeeyey, oo wuxuu siiyey Abimeleg; labadoodiina axdi bay dhigteen.

21:28b.GEN.021.028 Kolkaasaa Ibraahim idihii gooni ahaan uga bixiyey toddoba sabeenood.

21:29b.GEN.021.029 Abimelegna wuxuu Ibraahim ku yidhi, Micnehoodu waa maxay toddobadan sabeenood oo aad gooni ahaantooda u bixisay?

21:30b.GEN.021.030 Markaasuu yidhi, Toddobadan sabeenood waa inaad iga guddoontid inay markhaati ii noqoto inaan anigu ceelkan qoday.

21:31b.GEN.021.031 Sidaas daraaddeed meeshaas wuxuu u bixiyey Bi'ir Shebac; maxaa yeelay, labadooduba meeshaas bay ku dhaarteen.

21:32b.GEN.021.032 Sidaas daraaddeed axdi bay ku dhigteen Bi'ir Shebac; markaasaa Abimeleg kacay, isaga iyo Fiikol oo ahaa madaxda ciidankiisa, oo waxay ku noqdeen dhulkii reer Falastiin.

21:33b.GEN.021.033 Ibraahimna geed buu Bi'ir Shebac ku beeray, oo halkaas buu ku ducaystay magaca Rabbiga Ilaaha daa'imka ah.Ibraahimna maalmo badan ayuu dhulka reer Falastiin qariib ahaan ku degganaa.

21:34b.GEN.021.034 Ibraahimna maalmo badan ayuu dhulka reer Falastiin qariib ahaan ku degganaa.

22

22:1b.GEN.022.001 Oo waxaa dhacay waxyaalahaas ka dib, in Ilaah tijaabiyey Ibraahim, oo uu ku yidhi, Ibraahimow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan.

22:2b.GEN.022.002 Markaasuu ku yidhi, Hadda kaxee wiilkaaga keligiis ah, kan aad jeceshahay, oo ah Isxaaq, oo u kac dalka Moriyaah; oo halkaas isaga sida allabari la gubo ku dul bixi buuraha middood oo aan kuu sheegi doono.

22:3b.GEN.022.003 Oo aroortii horaa Ibraahim kacay, oo wuxuu kooraystay dameerkiisii, oo wuxuu kaxaystay laba ka mid ah dhallinyaradiisii, iyo wiilkiisii Isxaaq; qoryihiina allabariga la gubo wuu u jeexjeexay, wuuna kacay, oo wuxuu tegey meeshii Ilaah u sheegay.

22:4b.GEN.022.004 Maalintii saddexaad ayuu Ibraahim indhihiisa kor u taagay, markaasuu meeshii oo ka fog arkay.

22:5b.GEN.022.005 Ibraahimna wuxuu raggiisii dhallinyarada ahaa ku yidhi, Idinku halkan dameerka la jooga, aniga iyo wiilkuna halkoo baannu tegaynaa oo Ilaah ku soo caabudaynaa, dabadeedna waannu idinku soo noqonaynaa.

22:6b.GEN.022.006 Ibraahimna wuxuu qaaday qoryihii allabariga la gubo, oo wuxuu saaray wiilkiisii Isxaaq, isna wuxuu gacantiisa ku qaaday dabkii iyo mindidii; markaasay labadoodiiba israaceen.

22:7b.GEN.022.007 Isxaaqna waa la hadlay aabbihiis Ibraahim, oo yidhi, Aabbow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan, wiilkaygiiyow. Markaasuu ku yidhi, Bal eeg, waa kuwan dabkii iyo qoryihii, laakiinse meeh wankii allabariga la gubo loo bixin lahaa?

22:8b.GEN.022.008 Ibraahimna wuxuu yidhi, Ilaah qudhiisaa keeni doona wankii allabariga la gubo loo bixin lahaa, wiilkaygiiyow; saas daraaddeed labadoodiiba way israaceen.

22:9b.GEN.022.009 Oo waxay yimaadeen meeshii Ilaah isaga u sheegay; Ibraahimna meeshaasuu ka dhisay meeshii allabariga, qoryihiina wuu hagaajiyey, markaasuu xidhay wiilkiisii Isxaaq, oo meeshii allabariga saaray qoryihii dushooda.

22:10b.GEN.022.010 Ibraahimna gacantiisii buu fidiyey, oo mindidii buu u qaaday inuu wiilkiisii dilo.

22:11b.GEN.022.011 Markaasay malaa'igtii Rabbigu samada uga yeedhay isaga, oo waxay ku tidhi, Ibraahimow, Ibraahimow. Kolkaasuu yidhi, Waa i kan.

22:12b.GEN.022.012 Markaasay ku tidhi, Gacantaada ha saarin wiilka, waxbana ha ku samaynin: waayo, hadda waan garanayaa inaad Ilaah ka cabsatid, maxaa yeelay, igama aadan lexejeclaysan wiilkaaga, kaas oo ahaa wiilkaaga keligiis ah.

22:13b.GEN.022.013 Markaasaa Ibraahim indhihiisii kor u taagay, oo wax fiiriyey, oo wuxuu dabadiisa ku arkay wan geesaha kayn kula jira. Markaasaa Ibraahim tegey oo wankii soo kaxeeyey, oo wuxuu u bixiyey allabari guban meeshii wiilkiisa.

22:14b.GEN.022.014 Ibraahimna meeshaas wuxuu u bixiyey Yehowah Yireh; xataa ilaa maanta waxaa la yidhaahdaa, Buurta Rabbiga ayaa lagu arki doonaa.

22:15b.GEN.022.015 Kolkaasaa mar labaad malaa'igtii Rabbigu Ibraahim samada uga yeedhay,

22:16b.GEN.022.016 oo waxay ku tidhi, Rabbigu wuxuu yidhi, Waxan aad samaysay aawadood, iyo wiilkaaga aadan iga lexejeclaysan, kaas oo ah wiilkaaga keligiis ah aawadiis ayaan nafsaddayda ku dhaartay

22:17b.GEN.022.017 inaan barako ku barakayn doono, oo aan farcankaaga u tarmin doono sida xiddigaha cirka, iyo sida cammuudda taal badda xeebteeda; oo uu farcankaaguna hantiyi doono cadaawayaashiisa iriddooda;

22:18b.GEN.022.018 oo ay quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan farcankaaga, maxaa yeelay, codkaygaad addeecday.

22:19b.GEN.022.019 Haddaba Ibraahim wuxuu ku noqday raggiisii dhallinyarada ahaa, markaasay kaceen oo waxay wada tageen Bi'ir Shebac, Ibraahimna wuxuu iska degay Bi'ir Shebac.

22:20b.GEN.022.020 Oo waxaa dhacay waxyaalahaas dabadood, in Ibraahim loo sheegay, oo lagu yidhi, Bal eeg, Milkah carruur bay u dhashay walaalkaa Naaxoor.

22:21b.GEN.022.021 Waxay yihiin Cuus oo ah curadkiisa, iyo Buus oo ah walaalkiis, iyo Qemuu'el oo ah Araam aabbihiis;

22:22b.GEN.022.022 iyo Kesed, iyo Haso, iyo Fildash, iyo Yidlaf iyo Betuu'el.

22:23b.GEN.022.023 Betuu'elna wuxuu dhalay Rebeqah. Siddeeddan bay Milkah u dhashay Naaxoor, oo ahaa Ibraahim walaalkiis.Addoontiisii la odhan jiray Re'uumah waxay iyana u dhashay Tebah, iyo Gaham, iyo Tahash, iyo Macakah.

22:24b.GEN.022.024 Addoontiisii la odhan jiray Re'uumah waxay iyana u dhashay Tebah, iyo Gaham, iyo Tahash, iyo Macakah.

23

23:1b.GEN.023.001 Saarah waxay noolayd boqol iyo toddoba iyo labaatan sannadood; intaasu waa Saarah cimrigeedii.

23:2b.GEN.023.002 Oo Saarah waxay ku dhimatay Qiryad Arbac, taasoo ah Xebroon, tan ku taal dalka Kancaan: Ibraahimna wuxuu u yimid inuu u baroorto, oo uu u ooyo Saarah.

23:3b.GEN.023.003 Markaasaa Ibraahim meydkii naagtiisa ka kacay, oo wuxuu la hadlay reer Xeed, isagoo ku leh,

23:4b.GEN.023.004 Waxaan ahay shisheeye sodcaal ah oo idin dhex jooga: ee dhexdiinna iga siiya meel xabaaleed oo hanti ah, si aan meydka naagtayda hortayda uga aaso.

23:5b.GEN.023.005 Oo reer Xeedna Ibraahim bay u jawaabeen, iyagoo ku leh,

23:6b.GEN.023.006 Bal na maqal sayidkaygiiyow, adigu dhexdayada waxaad ku tahay amiir weyn. Midka ugu wanaagsan qabriyadayada meydka naagtaada ku aas.

23:7b.GEN.023.007 Midkayana kaama lexejeclaysan doono qabrigiisa inaad ku aastid meydka naagtaada. Markaasaa Ibraahim sare kacay, oo uu u sujuuday dadkii waddanka lahaa, oo ahaa reer Xeed.

23:8b.GEN.023.008 Wuuna la hadlay oo ku yidhi, Haddaad oggoshihiin inaan meydka naagtayda hortayda ka aaso, i maqla oo ii barya Cefroon ina Sohar,

23:9b.GEN.023.009 inuu i siiyo godka la yidhaahdo Makfelah oo uu haysto, oo ku yaal berrinkiisa geestiisa. Qiimo dhan ha iga siiyo, inay dhexdiinna ii noqoto meel xabaaleed oo hanti ah.

23:10b.GEN.023.010 Haddaba Cefroon wuxuu fadhiyey reer Xeed dhexdooda; oo Cefroon oo ahaa reer Xeed ayaa Ibraahim u jawaabay, iyadoo ay maqlayaan reer Xeed intii iriddii magaaladiisa ka gashay oo dhammu, oo wuxuu ku yidhi,

23:11b.GEN.023.011 Maya, sayidkaygiiyow, i maqal, berrinka waan ku siinayaa, godka ku dhex yaalna waan ku siinayaa; waxaan kugu siinayaa ragga reerkayga hortooda, ee meydka ku aaso.

23:12b.GEN.023.012 Ibraahimna wuxuu ku hor sujuuday dadkii waddanka.

23:13b.GEN.023.013 Markaasuu Cefroon la hadlay iyadoo ay dadkii waddanku maqlayaan, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, haddaad oggoshahay i maqal; waan ku siin qiimihii berrinka ee iga qaado, anna meydkaan meeshaas ku aasan.

23:14b.GEN.023.014 Cefroonna Ibraahim buu u jawaabay, isagoo ku leh,

23:15b.GEN.023.015 Sayidkaygiiyow, bal i maqal: meel dhul ah oo qiimihiisu yahay afar boqol oo sheqel oo lacag ah, waa maxay dhexdeenna? Haddaba meydka aaso.

23:16b.GEN.023.016 Ibraahimna Cefroon buu maqlay; markaasaa Ibraahim u miisaamay Cefroon lacagtii uu u sheegay, iyadoo ay reer Xeed maqlayaan, oo waxay ahayd, afar boqol oo sheqel oo lacag ah, oo lacagtii baayacmushtarka ku socotay ah.

23:17b.GEN.023.017 Sidaasaa berrinkii Cefroon, oo Makfelah ku yiil, oo Mamre ku hor yiil, berrinkii iyo godkii ku dhex yiil, iyo geedihii ku yiil berrinkii, iyo xuduudkii ku wareegsanaa oo dhanba waxaa lagu xaqiijiyey

23:18b.GEN.023.018 reer Xeed intii iriddii magaaladiisa ka gashay oo dhan hortooda, in Ibraahim hanti ahaan u lahaado.

23:19b.GEN.023.019 Markaas ka dib ayaa Ibraahim naagtiisii Saarah ku aasay godkii berrinkii Makfelah oo ku hor yiil Mamre, taas oo ah Xebroon oo dalka Kancaan ku tiil.Oo berrinkii iyo godkii ku dhex yiilba reer Xeed ayaa Ibraahim u xaqiijiyey inay meel xabaaleed oo hanti ah u noqdaan.

23:20b.GEN.023.020 Oo berrinkii iyo godkii ku dhex yiilba reer Xeed ayaa Ibraahim u xaqiijiyey inay meel xabaaleed oo hanti ah u noqdaan.

24

24:1b.GEN.024.001 Ibraahimna waa da' weynaa, gabow buuna la dhacay. Rabbiguna Ibraahim buu ku barakeeyey wax walba.

24:2b.GEN.024.002 Oo Ibraahim, wuxuu ku yidhi addoonkiisii oo dadka gurigiisa ugu weynaa, oo u talin jiray wixii uu lahaa oo dhan, Waan ku baryayaaye gacantaada bowdadayda hoos dhig.

24:3b.GEN.024.003 Oo waxaan kugu dhaarin doonaa Rabbiga ah Ilaaha samada iyo Ilaaha dhulka inaadan wiilkayga naag uga guurinayn gabdhaha reer Kancaanka aan dhex degganahay:

24:4b.GEN.024.004 laakiin waxaad u kacdaa dalkaygii iyo xigaalkaygii, oo waxaad naag uga keentaa wiilkayga Isxaaq.

24:5b.GEN.024.005 Addoonkiina wuxuu ku yidhi, Waxaa laga yaabaa inaanay naagtu oggolaan inay ii soo raacdo dalkan; ma inaan wiilkaaga ku celiyo dalkii aad ka timid baa?

24:6b.GEN.024.006 Ibraahimna wuxuu ku yidhi isagii, Iska jir oo wiilkayga meeshaas ha ku celin.

24:7b.GEN.024.007 Rabbiga Ilaaha samada ah, oo iga soo kaxeeyey gurigii aabbahay iyo dalkaygii aan ku dhashay, oo ila hadlay, iiguna dhaartay, isagoo leh, Farcankaaga ayaan dalkan siinayaa, ayaa malaa'igtiisa kaa sii hor diri doona, wiilkaygana naag baad halkaas uga soo guurin doontaa.

24:8b.GEN.024.008 Haddii naagtu aanay oggolaan inay ku soo raacdo, markaas dhaartaydan waxba kaa ma saarna, laakiin wiilkayga halkaas ha ku celin.

24:9b.GEN.024.009 Addoonkii wuxuu gacantiisii hoos dhigay bowdadii sayidkiisii Ibraahim, wuxuuna ugu dhaartay wax arrintan ku saabsan.

24:10b.GEN.024.010 Addoonkiina wuxuu kaxeeyey toban awr, oo ka mid ah awrtii sayidkiisa, wuuna tegey, isagoo gacantiisa ku haya waxyaalihii sayidkiisa oo wanaagsanaa oo dhan, oo intuu kacay ayuu tegey Mesobotamiya, xagga magaalada Naaxoor.

24:11b.GEN.024.011 Awrtiina wuxuu tu'iyey meel magaalada dibaddeeda ah oo ceelka biyaha agtiisa ah kolkay galabtii ahayd, marka dumarku biyo dhaansiga u soo baxaan.

24:12b.GEN.024.012 Oo wuxuu yidhi, Rabbiyow, sayidkayga Ibraahim Ilaahiisow, waan ku baryayaaye, maanta i liibaani, sayidkayga Ibraahimna u roonow.

24:13b.GEN.024.013 Bal eeg, waxaan ag taaganahay isha biyaha ah, gabdhaha dadka magaaladuna waxay u soo baxayaan inay biyo dhaansadaan.

24:14b.GEN.024.014 Gabadhii aan ku odhan doono, Ashuunkaaga deji, waan ku baryayaaye, aan ka cabbee, oo igu odhan doonta, Cab, awrtaadana waan waraabin doonaa, taasu ha noqoto tii aad u dooratay addoonkaaga Isxaaq, oo taas baan ku ogaan doonaa inaad sayidkayga u roonaatay.

24:15b.GEN.024.015 Intuusan hadalkii dhammayn, waxaa soo baxday, iyadoo ashuunkeedii garabka ku sidata, Rebeqah oo u dhalatay Betuu'el wiilkii Milkah, oo ahayd naagtii Naaxoorkii ahaa Ibraahim walaalkiis.

24:16b.GEN.024.016 Gabadhuna waa suurad quruxsanayd, waxayna ahayd bikrad aan ninna u tegin. Waxay tagtay ishii biyaha ahayd xaggeeda, oo intay ashuunkeedii soo buuxsatay, ayay soo baxday.

24:17b.GEN.024.017 Markaasuu addoonkii ku orday inuu ka hor tago oo wuxuu ku yidhi, Ashuunkaaga iga waraabi in yar oo biyo ah, waan ku baryayaaye.

24:18b.GEN.024.018 Markaasay tidhi, Cab, sayidkaygiiyow. Oo intay dhaqsatay ayay ashuunkeedii dejisay oo gacanta ku qabatay, wayna waraabisay.

24:19b.GEN.024.019 Oo markii ay waraabisay ka dib ayay ku tidhi, Awrtaadana waan u dhaamin doonaa, ilaa ay wabxaan.

24:20b.GEN.024.020 Oo intay dhaqsatay ayay biyihii ashuunkeedii ku shubtay berkeddii, oo mar kalay ceelkii ku orodday inay soo dhaamiso, wayna u dhaamisay awrtiisii oo dhan.

24:21b.GEN.024.021 Ninkiina aad buu u fiiriyey iyada, isagoo aamusan, inuu ogaado in Rabbigu ku liibaaniyey sodcaalkiisii iyo in kale.

24:22b.GEN.024.022 Markii awrtii cabtay ka dib ayaa ninkii soo qaaday sangelis dahab ah oo miisaankiisu yahay nus sheqel, gacmaheedana wuxuu u soo qaaday laba dugaagadood oo dahab ah oo miisaankoodu yahay toban sheqel.

24:23b.GEN.024.023 Oo wuxuu ku yidhi, Ina ayaad tahay? Waan ku baryayaaye, ii sheeg. Guriga aabbahaa meel aannu ku hoyanno ma leeyahay?

24:24b.GEN.024.024 Oo waxay ku tidhi isagii, Anigu waxaan ahay ina Betuu'el, wiilkii Milkah ay Naaxoor u dhashay.

24:25b.GEN.024.025 Oo weliba waxa kale oo ay ku tidhi, Caws iyo cunto badanba waannu haysannaa, iyo meel lagu hoydo.

24:26b.GEN.024.026 Markaasaa ninkii madaxa foororiyey oo Rabbiga caabuday.

24:27b.GEN.024.027 Markaasuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah sayidkayga Ibraahim Ilaahiisa, oo aan naxariistiisa iyo runtiisa ka joojin sayidkayga. Anigana Rabbigu jidkuu igu soo hoggaamiyey, oo wuxuu i keenay gurigii sayidkayga walaalihiis.

24:28b.GEN.024.028 Gabadhiina intay orodday ayay waxyaalahan dadkii guriga hooyadeed uga warrantay.

24:29b.GEN.024.029 Rebeqahna waxay lahayd walaal magiciisa la yidhaahdo Laabaan. Markaasaa Laabaan dibadda u baxay oo wuxuu ku orday ninkii isha joogay.

24:30b.GEN.024.030 Markuu arkay sangeliskii, iyo dugaagadihii gacmihii walaashiis ku jiray, oo uu maqlay hadalkii walaashiis Rebeqah, iyadoo leh, Sidan buu ninkii iila hadlay, ayuu u yimid ninkii oo bal eeg, wuxuu ag istaagay awrtii isha joogtay.

24:31b.GEN.024.031 Oo wuxuu ku yidhi, Kaaga Rabbigu barakeeyeyow, soo gal, maxaad dibadda u taagan tahay? Gurigii waan soo hagaajiyey, awrtana meel baan u diyaariyey.

24:32b.GEN.024.032 Ninkiina gurigii buu soo galay, awrtiina wuu furay, wuxuuna isaga awrtii ugu dhiibay caws iyo cunto, biyona wuu siiyey inay ku cago maydhaan isaga iyo raggii la socdayba.

24:33b.GEN.024.033 Cuntona waa la hor dhigay inuu cuno: laakiinse wuxuu yidhi, Cuni maayo ilaa aan sheego farriintayda. Kolkaasuu yidhi, Sheeg.

24:34b.GEN.024.034 Markaasuu yidhi, Waxaan ahay Ibraahim addoonkiisa.

24:35b.GEN.024.035 Rabbigu aad iyo aad buu u barakeeyey sayidkayga, wuuna weynaaday: wuxuuna siiyey adhi iyo lo', iyo lacag iyo dahab, iyo rag addoommo ah, iyo naago addoommo ah, iyo geel iyo dameerro.

24:36b.GEN.024.036 Saarah oo ahayd sayidkayga naagtiisii ayaa wiil u dhashay sayidkayga markay gabowday, oo wuxuu isaga siiyey wuxuu leeyahay oo dhan.

24:37b.GEN.024.037 Sayidkayguna wuu i dhaariyey, isagoo leh, Wiilkayga waa inaanad naag uga guurin gabdhaha reer Kancaanka aan dalkooda degganahay.

24:38b.GEN.024.038 Laakiinse waxaad u kacdaa gurigii aabbahay, iyo xigaalkaygii, oo wiilkayga naag uga keen.

24:39b.GEN.024.039 Markaasaan sayidkaygii ku idhi, Waxaa laga yaabaa inaanay naagtu i soo raaci doonin.

24:40b.GEN.024.040 Oo wuxuu igu yidhi, Rabbiga aan hortiisa ku socdo wuxuu ku raacin doonaa malaa'igtiisa, jidkaagana wuu kugu liibaanin doonaa, wiilkaygana naag baad uga guurin doontaa xigaalkaygii iyo gurigii aabbahay,

24:41b.GEN.024.041 dabadeedna dhaartayda waxba kaama saarna, markaad u tagto xigaalkay; oo hadday iyada ku siin waayaan, markaas dhaartayda waxba kaama saarna.

24:42b.GEN.024.042 Maantaan isha imid oo waxaan idhi, Rabbiyow, sayidkayga Ibraahim Ilaahiisow, haddaad haatan jidkayga aan ku socdo igu liibaanisid,

24:43b.GEN.024.043 bal eeg, waxaan ag taaganahay isha biyaha ah, gabadhii u soo baxda inay biyo dhaansato oo aan ku odhan doono, Waan ku baryayaaye, ashuunkaaga iga sii in yar oo biyo ah aan cabbee,

24:44b.GEN.024.044 oo igu odhan doonta, Cab, awrtaadana waan u dhaamin doonaa, taasu ha noqoto tii Rabbigu u doortay wiilka sayidkayga.

24:45b.GEN.024.045 Oo intaan hadalkii qalbigayga ka dhammaan ayaa Rebeqah soo baxday iyadoo ashuunkeedii garabka ku sidata, markaasay ishii ku dhaadhacday, oo soo dhaansatay: anna waxaan ku idhi, Waan ku baryayaaye, i waraabi.

24:46b.GEN.024.046 Iyana intay dhaqsatay oo ay ashuunkeedii garabkeeda ka soo dejisay ayay tidhi, Cab, awrtaadana waan waraabin doonaa: sidaas daraaddeed waan cabbay, awrtiina way waraabisay.

24:47b.GEN.024.047 Markaasaan weyddiiyey oo ku idhi, Ina ayaad tahay? Oo waxay tidhi, Ina Betuu'el wiilkii Naaxoor ay Milkah u dhashay isaga. Markaasaan sangeliskii sanka u sudhay; dugaagadihiina gacmaha u geliyey.

24:48b.GEN.024.048 Kolkaasaan madaxa foororiyey, oo Rabbiga caabuday, oo waxaan ammaanay Rabbiga ah sayidkayga Ibraahim Ilaahiisa, oo igu soo hoggaamiyey jidkii toosnaa, inaan gabadhii sayidkayga walaalkiis u kaxeeyo wiilkiisa.

24:49b.GEN.024.049 Haddaba haddaad sayidkayga ula macaamiloonaysaan si raxmad leh oo daacad ah, ii sheega: haddii kalese ii sheega, inaan u leexdo xagga midigta ama xagga bidixda.

24:50b.GEN.024.050 Markaasay Laabaan iyo Betuu'el jawaabeen oo yidhaahdeen, Waxanu wuxuu ka soo baxay xagga Rabbiga, annana kugulama hadli karno xumaan iyo samaan toona.

24:51b.GEN.024.051 Bal eeg, Rebeqah waa ku hor joogtaaye, kaxee oo la tag, oo ha noqoto sayidkaaga wiilkiisii naagtiisa, sidii Rabbigu ku hadlay.

24:52b.GEN.024.052 Markii uu Ibraahim addoonkiisii hadalkoodii maqlay ayuu Rabbiga u sujuuday.

24:53b.GEN.024.053 Markaasuu addoonkii soo bixiyey jowharro lacag ah iyo jowharro dahab ah, iyo dhar, oo Rebeqah siiyey: walaalkeed iyo hooyadeedna wuxuu siiyey waxyaalo qaali ah.

24:54b.GEN.024.054 Markaasay wax cuneen oo wax cabbeen, isaga iyo raggii la jirayba, habeenkii oo dhanna halkaasay joogeen. Aroortii bay kaceen oo wuxuu yidhi, Xagga sayidkaygii ii dira.

24:55b.GEN.024.055 Walaalkeed iyo hooyadeedna waxay yidhaahdeen, Gabadhu ha nala joogto dhawr maalmood, ugu yaraan toban beri; dabadeedna way tegi doontaa.

24:56b.GEN.024.056 Markaasuu ku yidhi iyagii, Rabbigu waa igu liibaaniyey jidkaygii, sidaas daraaddeed ha i raajinina, ee i dira inaan sayidkaygii u tago.

24:57b.GEN.024.057 Markaasay yidhaahdeen, Gabadha waannu u yeedhi doonnaa oo weyddiin doonnaa.

24:58b.GEN.024.058 Markaasay Rebeqah u yeedheen, oo waxay ku yidhaahdeen, Ninkan ma raacaysaa? Oo waxay tidhi, Haah, waan raacayaa.

24:59b.GEN.024.059 Markaasay walaashood Rebeqah direen, iyada iyo midiidinteedii, iyo addoonkii Ibraahim, iyo raggiisiiba.

24:60b.GEN.024.060 Oo Rebeqah bay u duceeyeen oo ku yidhaahdeen, Walaashayoy, kumanyaal kun hooyadood noqo, farcankaaguna kuwa iyaga neceb iriddooda ha hantiyeen.

24:61b.GEN.024.061 Rebeqahna way kacday, iyada iyo gabdhaheediiba, oo waxay fuuleen awrtii, ninkiina way raaceen: addoonkiina wuu kaxeeyey Rebeqah, wuuna tegey.

24:62b.GEN.024.062 Isxaaqna wuxuu ka yimid xagga jidka Bi'ir Lahayroy, waayo, wuxuu degganaa dhulka Koonfureed.

24:63b.GEN.024.063 Oo gabbaldhicii ayaa Isxaaq berrinka u soo baxay inuu fikiro: markaasuu indhihiisa kor u taagay, oo wax fiiriyey, oo wuxuu arkay awr soo socota.

24:64b.GEN.024.064 Rebeqahna indhaheedii bay kor u taagtay, oo markay Isxaaq aragtay ayay ratigii ka degtay.

24:65b.GEN.024.065 Oo waxay addoonkii ku tidhi, Waa ayo ninkaas berrinka dhex socda, oo inaga hor imanaya? Addoonkiina wuxuu yidhi, Waa sayidkaygii. Markaasay indhashareerteedii qaadatay oo hagoogatay.

24:66b.GEN.024.066 Addoonkiina wuxuu Isxaaq u sheegay wixii uu sameeyey oo dhan.Isxaaqna wuxuu iyadii soo geliyey teendhadii hooyadiis Saarah, Rebeqahna wuu guursaday, oo naagtiisii bay noqotay. Wuuna jeclaaday iyada, oo Isxaaq waxaa laga qalbi qabowjiyey geeridii hooyadiis.

24:67b.GEN.024.067 Isxaaqna wuxuu iyadii soo geliyey teendhadii hooyadiis Saarah, Rebeqahna wuu guursaday, oo naagtiisii bay noqotay. Wuuna jeclaaday iyada, oo Isxaaq waxaa laga qalbi qabowjiyey geeridii hooyadiis.

25

25:1b.GEN.025.001 Ibraahim wuxuu guursaday naag kale, magaceeduna wuxuu ahaa Qetuurah.

25:2b.GEN.025.002 Oo waxay u dhashay Simraan, iyo Yoqshaan, iyo Medaan, iyo Midyaan, iyo Yishbaaq, iyo Shuu'ah.

25:3b.GEN.025.003 Yoqshaanna wuxuu dhalay Shebaa, iyo Dedaan. Wiilashii Dedaanna waxay ahaayeen Ashuurim, iyo Letushim, iyo Le'ummiim.

25:4b.GEN.025.004 Wiilashii Midyaanna waxay ahaayeen Ceefah, iyo Ceefer, iyo Xanoog, iyo Abiidac iyo Eldacah. Kuwanu waxay wada ahaayeen carruurtii Qetuurah.

25:5b.GEN.025.005 Ibraahimna wax alla wuxuu lahaa wuxuu siiyey Isxaaq.

25:6b.GEN.025.006 Laakiinse naagihii addoommada ahaa oo Ibraahim haystay wuxuu wiilashoodii siiyey hadiyado, oo intuu isagu noolaa ayuu ka diray wiilkiisii Isxaaq, bari buuna u diray xagga dhulka bari.

25:7b.GEN.025.007 Sannadihii Ibraahim noolaa oo cimrigiisu ahaa waa boqol iyo shan iyo toddobaatan sannadood.

25:8b.GEN.025.008 Ibraahimna waa naf baxay, cimri wanaagsan buuna ku dhintay, isagoo duq ah, oo sannado badan jiray; oo wuxuu ku darmaday dadkiisii.

25:9b.GEN.025.009 Markaasay wiilashiisii Isxaaq iyo Ismaaciil ku aaseen godkii Makfelah, oo ku dhex yiil berrinkii Cefroon ina Sohar oo ahaa reer Xeed oo ku hor yiil Mamre;

25:10b.GEN.025.010 berrinkaas oo ahaa kii Ibraahim ka iibsaday reer Xeed. Halkaasaa lagu aasay Ibraahim iyo naagtiisii Saarahba.

25:11b.GEN.025.011 Ibraahim geeridiisii ka dib ayaa Ilaah barakeeyey wiilkiisii Isxaaq; Isxaaqna wuxuu ag degganaa Bi'ir Lahayroy.

25:12b.GEN.025.012 Haddaba kuwanu waa farcankii Ismaaciil ina Ibraahim, kii Haagaar tii Masriyadda ahayd oo Saarah midiidinteedii ahayd ay u dhashay Ibraahim.

25:13b.GEN.025.013 Kuwanuna waa magacyadii wiilashii Ismaaciil, magacyadoodii sidii farcankoodii ahaa. Curadkii Ismaaciil wuxuu ahaa Nebayod; waxaana ku xigay Qedaar, iyo Adbe'el, iyo Mibsam,

25:14b.GEN.025.014 iyo Mishmaac, iyo Duumah, iyo Masa;

25:15b.GEN.025.015 Hadar, iyo Tema, iyo Yetuur, iyo Nafish, iyo Qedemah.

25:16b.GEN.025.016 Kuwanu waa wiilashii Ismaaciil, kuwanuna waa magacyadoodii sidii ay tuulooyinkoodii iyo xeryahoodii ahaayeen; waxayna lahaayeen laba iyo toban amiir sidii ay qolooyinkoodii ahaayeen.

25:17b.GEN.025.017 Sannadihii Ismaaciil noolaa waa boqol iyo toddoba iyo soddon sannadood, wuuna naf baxay, oo dhintay; wuxuuna ku darmaday dadkiisii.

25:18b.GEN.025.018 Waxayna degganaayeen tan iyo Xawiilaah iyo Shuur tan ku hor taal Masar, haddaad u kacdo xagga Ashuur. Walaalihiis oo dhan hortooda ayuu degay.

25:19b.GEN.025.019 Kuwanuna waa farcankii Isxaaq ina Ibraahim. Ibraahim Isxaaq buu dhalay:

25:20b.GEN.025.020 Isxaaqna afartan sannadood buu jiray markuu guursaday Rebeqah ina Betuu'el kii dalkiisu ahaa Suuriya ee reer Fadan Araam, iyadoo ahayd Laabaan kii dalkiisu Suuriya ahaa walaashiis.

25:21b.GEN.025.021 Isxaaqna naagtiisuu Rabbiga u baryay, maxaa yeelay, madhalays bay ahayd, Rabbiguna waa ka aqbalay, markaasay naagtiisii Rebeqah uuraysatay.

25:22b.GEN.025.022 Carruurtiina uurkeeday isku dhex riixriixeen; markaasay tidhi, Hadday saas tahay, maxaan sidan u ahay? Kolkaasay u tagtay inay Rabbiga wax weyddiiso.

25:23b.GEN.025.023 Rabbiguna wuxuu ku yidhi iyada, Laba quruumood baa maxalkaaga ku jirta, Oo laba dad oo kala duwan ayaa uurkaaga ka soo bixi doona; Oo labada dad midkood baa ka xoog badnaan doona dadka kale; Kan weynuna wuxuu u adeegi doonaa kan ka yar.

25:24b.GEN.025.024 Oo markii wakhtigii ay umuli lahayd dhammaaday, bal eeg, waxaa maxalkeedii ku jiray mataano.

25:25b.GEN.025.025 Oo kii hore wuu soo baxay isagoo cas, korkiisa oo dhammuna wuxuu u ekaa dhar dhogor laga sameeyey, magiciisiina waxay u baxsheen Ceesaw.

25:26b.GEN.025.026 Dabadeedna waxaa soo baxay walaalkiis, gacantiisuna waxay ku dhegganayd cedhibta Ceesaw; magiciisiina waxaa loo bixiyey Yacquub; Isxaaqna lixdan sannadood buu jiray markay iyaga dhashay.

25:27b.GEN.025.027 Wiilashiina way koreen: oo Ceesaw wuxuu ahaa nin ugaadhsiga aad u yaqaan, wuxuuna ahaa nin duurgal ah; Yacquubna wuxuu ahaa nin aamusan oo teendhooyin degi jiray.

25:28b.GEN.025.028 Isxaaqna wuu jeclaa Ceesaw, maxaa yeelay, wuxuu cuni jiray hilibkiisii ugaadha; Rebeqahna waxay jeclayd Yacquub.

25:29b.GEN.025.029 Yacquub wuxuu karsaday fuud; markaasaa waxaa duurka ka yimid Ceesaw, wuuna daalanaa.

25:30b.GEN.025.030 Markaasaa Ceesaw wuxuu Yacquub ku yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii aan cunee fuudkaas cas, waayo, waan daalanahay. Sidaas daraaddeed magiciisii waxaa loo bixiyey Edom.

25:31b.GEN.025.031 Yacquubna wuxuu yidhi, Maanta iga iibi curadnimadaada.

25:32b.GEN.025.032 Markaasaa Ceesaw yidhi, Bal eeg, geeri baan ku dhowahay; haddaba curadnimadu maxay ii taraysaa?

25:33b.GEN.025.033 Markaasaa Yacquub ku yidhi, Maanta ii dhaaro. Kolkaasuu u dhaartay, curadnimadiisiina wuxuu ka iibiyey Yacquub.Yacquubna wuxuu Ceesaw siiyey kibis iyo fuud digir laga sameeyey, wuuna cunay oo cabbay, markaasuu intuu kacay, iska tegey. Sidaasuu Ceesaw u quudhsaday curadnimadiisii.

25:34b.GEN.025.034 Yacquubna wuxuu Ceesaw siiyey kibis iyo fuud digir laga sameeyey, wuuna cunay oo cabbay, markaasuu intuu kacay, iska tegey. Sidaasuu Ceesaw u quudhsaday curadnimadiisii.

26

26:1b.GEN.026.001 Waxaa dhulkii ka dhacday abaar, oo aan ahayn tii hore oo waagii Ibraahim dhacday. Markaasaa Isxaaq u kacay xagga Abimeleg oo ahaa boqorkii reer Falastiin xagga Geraar.

26:2b.GEN.026.002 Rabbiguna wuu u muuqday isaga, oo wuxuu ku yidhi, Xagga Masar ha u dhaadhicin, laakiinse deg dhulka aan kuu sheegi doono.

26:3b.GEN.026.003 Dhulkan qariib ahaan u deg, oo anna waan kula jiri doonaa, oo waan ku barakayn doonaa; waayo, adiga iyo farcankaaga ayaan dalalkan oo dhan siin doonaa, oo waxaan adkayn doonaa dhaartii aan ugu dhaartay aabbahaa Ibraahim.

26:4b.GEN.026.004 Farcankaagana waxaan u tarmin doonaa sida xiddigaha samada, oo waxaan farcankaaga siin doonaa dalalkan oo dhan, farcankaagayna quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan;

26:5b.GEN.026.005 maxaa yeelay, Ibraahim baa addeecay codkaygii, wuxuuna dhawray wixii la ii dhawri lahaa, iyo xukummadaydii, iyo amarradaydii, iyo qaynuunnadaydii.

26:6b.GEN.026.006 Isxaaqna wuxuu degganaa Geraar:

26:7b.GEN.026.007 oo dadkii meeshaas joogay baa naagtiisii ka warsaday, oo wuxuu yidhi, Iyadu waa walaashay: waayo, wuu ka cabsaday inuu yidhaahdo, Waa naagtaydii, oo wuxuu isyidhi, waaba intaasoo ay dadka meeshanu igu dilaan Rebeqah aawadeed, maxaa yeelay, way suurad quruxsanayd.

26:8b.GEN.026.008 Markuu halkaas wakhti dheer joogay ayaa Abimeleg oo ahaa boqorkii reer Falastiin daaqad ka fiiriyey, oo uu arkay Isxaaq oo naagtiisii Rebeqah la qooqaya.

26:9b.GEN.026.009 Markaasuu Abimeleg Isxaaq u yeedhay, oo yidhi, Hubaal iyadu waa naagtaadii. De sidee baad ku tidhi, Waa walaashay? Isxaaqna wuxuu ku yidhi, Maxaa yeelay, waxaan is-idhi, Waaba intaasoo aad u dhimatid iyada aawadeed.

26:10b.GEN.026.010 Oo Abimelegna wuxuu ku yidhi, War waa maxay waxan aad nagu samaysay? Mid dadka ka mid ahu dhib yaraan buu ula jiifsan lahaa naagtaada, oo kolkaasaad eed noo soo jiidi lahayd.

26:11b.GEN.026.011 Markaasaa Abimeleg wuxuu dadkii oo dhan ku amray, oo yidhi, Kii ninkan ama naagtiisa taabta hubaal naftaa laga qaadi doonaa.

26:12b.GEN.026.012 Isxaaqna dhulkaasuu wax ku beertay, isla sannaddiina wuxuu helay boqol laab; Rabbiguna wuu barakeeyey isagii.

26:13b.GEN.026.013 Ninkiina wuu weynaaday, oo hor u maray, ilaa uu noqday nin aad u weyn,

26:14b.GEN.026.014 wuxuuna lahaa adhi iyo lo', iyo addoommo fara badan; markaasay reer Falastiin ka masayreen.

26:15b.GEN.026.015 Ceelashii addoommada aabbihiis qodeen oo dhan waagii aabbihiis Ibraahim noolaa ayay reer Falastiin hore u awdeen oo ciid uga buuxiyeen.

26:16b.GEN.026.016 Abimelegna wuxuu Isxaaq ku yidhi, Naga tag; waayo, aad baad nooga xoog badan tahay.

26:17b.GEN.026.017 Markaasaa Isxaaq halkaas ka tegey, oo dooxadii Geraar degay, halkaasuuna joogay.

26:18b.GEN.026.018 Kolkaasaa Isxaaq mar kale qoday ceelashii biyaha oo ay qodeen waagii aabbihiis Ibraahim noolaa, waayo, reer Falastiin baa awday markii Ibraahim dhintay ka dib, oo wuxuu magacyadoodii u bixiyey magacyadii aabbihiis Ibraahim u bixiyey.

26:19b.GEN.026.019 Markaasaa addoommadii Isxaaq dooxadii qodeen, oo waxay ka heleen ceel durdur ah.

26:20b.GEN.026.020 Markaasaa xoolojirradii reer Geraar la dirireen xoolojirradii Isxaaq, iyagoo leh, Biyaha annagaa leh. Ceelka magiciisiina wuxuu u bixiyey Ceseq, maxaa yeelay, way la dirireen isagii.

26:21b.GEN.026.021 Ceel kalena way qodeen, oo kaasna way kula dirireen, markaasuu magiciisii u bixiyey Sitnah.

26:22b.GEN.026.022 Kolkaasuu meeshaas ka guuray, oo wuxuu qoday ceel kale; kaasna kulama ay diririn; magiciisiina wuxuu u bixiyey Rexobod, oo wuxuu yidhi, Haatan Rabbigu meel buu noo banneeyey, oo dalka waannu ku badnaynaa.

26:23b.GEN.026.023 Markaasuu halkaas ka tegey, oo wuxuu u kacay Bi'ir Shebac.

26:24b.GEN.026.024 Oo isla habeenkaas ayaa Rabbigu u muuqday isagii oo ku yidhi, Waxaan ahay aabbahaa Ibraahim Ilaahiisa. Ha cabsan, waayo, waan kula jiraa, oo waan ku barakayn doonaa, farcankaagana waan tarmin doonaa addoonkaygii Ibraahim aawadiis.

26:25b.GEN.026.025 Kolkaasuu halkaas ka dhisay meel allabari, oo magaca Rabbiga ku baryootamay, halkaas buuna teendhadiisii ka dhisay, markaasaa addoommadii Isxaaq halkaas ceel ka qodeen.

26:26b.GEN.026.026 Dabadeedna Abimeleg iyo saaxiibkiis Axusad, iyo Fiikol oo ahaa madaxda ciidankiisa ayaa Geraar ka tegey oo Isxaaq u kacay.

26:27b.GEN.026.027 Markaasaa Isxaaq ku yidhi, Maxaad iigu timaadeen, waabad i neceb tihiine, oo aad iska kay erideene?

26:28b.GEN.026.028 Oo waxay yidhaahdeen, Caddaan baannu u aragnay in Rabbigu kula jiro; oo waxaannu nidhi, Annaga iyo adiga dhaaru ha inoo dhexayso oo aynu axdi dhiganno,

26:29b.GEN.026.029 inaadan wax na yeelayn, sidii annana aannan kuu taaban, oo aannan waxba kuugu samayn wanaag mooyaane, oo aannu nabad kuugu dirnay. Adigu hadda waxaad tahay kan Rabbigu barakeeyey.

26:30b.GEN.026.030 Diyaafad buuna u sameeyey, wayna cuneen oo cabbeen.

26:31b.GEN.026.031 Kolkaasay aroor hore kaceen, oo isu dhaardhaarteen: markaasaa Isxaaq iska diray, iyana nabad bay kaga ambabbaxeen.

26:32b.GEN.026.032 Oo isla maalintaas ayay addoommadii Isxaaq yimaadeen, oo ay uga warrameen ceelkii ay qodeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Biyaannu helnay.

26:33b.GEN.026.033 Markaasuu u bixiyey Shebcaah; sidaas daraaddeed magaaladaas magaceeda waxaa ilaa maantadan la yidhaahdaa Bi'ir Shebac.

26:34b.GEN.026.034 Ceesaw markuu afartan sannadood jiray ayuu guursaday Yuhuudiid ina Be'eerii kii reer Xeed, iyo Basmad ina Eeloon kii reer Xeed.Kuwaasuna Isxaaq iyo Rebeqah ayay caloolxumo geliyeen.

26:35b.GEN.026.035 Kuwaasuna Isxaaq iyo Rebeqah ayay caloolxumo geliyeen.

27

27:1b.GEN.027.001 Markii Isxaaq gaboobay, oo ay indhihiisii u arag darnaayeen si uusan waxba arki karin, ayuu u yeedhay wiilkiisii weynaa oo Ceesaw ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Wiilkaygiiyow. Isaguna wuxuu yidhi, Waa i kan.

27:2b.GEN.027.002 Markaasuu yidhi, Bal i eeg, haatan waan gaboobay, garanna maayo maalinta dhimashadayda.

27:3b.GEN.027.003 Sidaas daraaddeed waan ku baryayaaye, qaado hubkaaga, gabooyahaaga iyo qaansadaada, oo duurka u bax, oo hilib ugaadheed ii keen;

27:4b.GEN.027.004 oo ii samee hilib macaan, oo ah kan aan jeclahay, oo ii keen, aan cunee, inay naftaydu kuu ducayso intaanan dhiman.

27:5b.GEN.027.005 Rebeqahna way maqashay markii Isxaaq la hadlay wiilkiisii Ceesaw. Ceesawna duurkuu u kacay inuu ugaadh soo dilo oo uu keeno.

27:6b.GEN.027.006 Markaasay Rebeqah la hadashay wiilkeedii Yacquub, oo tidhi, Waxaan maqlay aabbahaa oo la hadlaya walaalkaa Ceesaw, isagoo leh,

27:7b.GEN.027.007 Hilib ugaadheed ii keen, oo ii samee hilib macaan, aan cunee, oo aan kuugu duceeyee Rabbiga hortiis intaanan dhimane.

27:8b.GEN.027.008 Haddaba sidaas daraaddeed, wiilkaygiiyow, codkayga u addeec sida aan kuugu amro.

27:9b.GEN.027.009 Bal adhiga u kac, oo iiga keen laba waxar oo wanwanaagsan, oo waxaan aabbahaa uga samayn hilib macaan, oo ah kan uu jecel yahay,

27:10b.GEN.027.010 adna aabbahaa waad u geeyn doontaa inuu cuno, si uu kuugu duceeyo intuusan dhiman.

27:11b.GEN.027.011 Yacquubna wuxuu hooyadiis Rebeqah ku yidhi, Walaalkay Ceesaw waa nin xaad badan, anna waxaan ahay nin xaad yar.

27:12b.GEN.027.012 Mindhaa aabbahay waa i taaban doonaa, oo markaasaan ula ekaan doonaa khaa'in, oo habaar baan isu soo jiidi doonaa, ducose ma heli doono.

27:13b.GEN.027.013 Oo hooyadiis baa ku tidhi, Wiilkaygiiyow, habaarkaagu aniga ha igu dhaco: codkayga uun addeec, oo orod oo ii keen iyaga.

27:14b.GEN.027.014 Markaasuu tegey, oo soo kaxeeyey, oo u keenay hooyadiis, hooyadiisna waxay samaysay hilib macaan, oo ah sidii kii aabbihiis jeclaa.

27:15b.GEN.027.015 Markaasaa Rebeqah waxay soo qaadday dharkii wanaagsanaa oo wiilkeedii weynaa oo ahaa Ceesaw, oo ay guriga ku haysay, oo waxay u xidhay wiilkeedii yaraa oo ahaa Yacquub;

27:16b.GEN.027.016 markaasay waxarihii hargahoodii ku xidhay gacmihiisii iyo intii aan xaadda lahayn oo luquntiisii.

27:17b.GEN.027.017 Markaasay hilibkii macaanaa iyo kibistii ay diyaarisay u dhiibtay wiilkeedii Yacquub.

27:18b.GEN.027.018 Kolkaasuu aabbihiis u yimid, oo yidhi, Aabbow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan. Kumaad tahay, wiilkaygiiyow?

27:19b.GEN.027.019 Yacquubna wuxuu aabbihiis ku yidhi, Waxaan ahay curadkaagii Ceesaw. Waan sameeyey sidii aad iigu amartay. Haddaba waan ku baryayaaye, kac oo fadhiiso oo cun hilibkaygan ugaadheed, si aad iigu ducayso.

27:20b.GEN.027.020 Isxaaqna wuxuu wiilkiisii ku yidhi, Wiilkaygiiyow, sidee baad dhaqso ugu soo heshay? Isna wuxuu yidhi, Maxaa yeelay, Rabbiga ah Ilaahaaga ayaa ii keenay.

27:21b.GEN.027.021 Isxaaqna wuxuu Yacquub ku yidhi, Soo dhowow, waan ku baryayaaye, aan ku taabtee, wiilkaygiiyow, bal inaad tahay wiilkaygii Ceesaw iyo in kale.

27:22b.GEN.027.022 Yacquubna waa u dhowaaday aabbihiis Isxaaq; markaasuu taabtay oo yidhi, Codku waa codkii Yacquub, gacmuhuse waa gacmihii Ceesaw.

27:23b.GEN.027.023 Mana uu garanin, maxaa yeelay, gacmihiisu xaad miidhan bay ahaayeen sidii gacmihii walaalkiis Ceesaw; sidaas daraaddeed wuu u duceeyey.

27:24b.GEN.027.024 Kolkaasuu yidhi, War ma tahay wiilkaygii Ceesaw qudhiisii? Isna wuxuu yidhi, Waan ahay.

27:25b.GEN.027.025 Markaasuu ku yidhi. Bal ii soo dhowee, aan cunee wiilkayga hilibkiisa ugaadheed, si aan kuugu duceeyo. Kolkaasuu u soo dhoweeyey, oo isna wuu cunay: oo wuxuu kaloo u keenay khamri, wuuna cabbay.

27:26b.GEN.027.026 Markaasaa aabbihiis Isxaaq ku yidhi, Bal ii soo dhowow, oo i dhunko, wiilkaygiiyow.

27:27b.GEN.027.027 Isna wuu u soo dhowaaday, oo wuu dhunkaday. Markaasuu ursaday dharkiisa, wuuna u duceeyey, oo yidhi, Bal eeg, urta wiilkaygu Waa sida urta duurka Rabbigu barakeeyey,

27:28b.GEN.027.028 Ilaahu ha ku siiyo sayaxa samada, Iyo barwaaqada dhulka, Iyo hadhuudh iyo khamri badan.

27:29b.GEN.027.029 Dadyowgu ha kuu adeegeen, Quruumuhuna ha kuu sujuudeen. Walaalahaa sayid u noqo, Wiilasha hooyadaana ha kuu sujuudeen. Ha inkaarnaado ku kasta oo ku inkaaraa, Ha ducaysnaado ku kasta oo kuu duceeyaa.

27:30b.GEN.027.030 Markii Isxaaq dhammeeyey ducadii uu Yacquub u ducaynayay, Yacquubna ka tegey aabbihiis, ayaa walaalkiis Ceesaw ka yimid ugaadhsigii.

27:31b.GEN.027.031 Oo isna hilib macaan buu sameeyey, oo u keenay aabbihiis; oo wuxuu ku yidhi aabbihiis, Aabbow kac, oo cun hilibkaygan ugaadheed, si aad iigu ducayso.

27:32b.GEN.027.032 Markaasaa aabbihiis Isxaaq ku yidhi, Kumaad tahay? Isna wuxuu yidhi, Waxaan ahay wiilkaaga ah curadkaaga Ceesaw.

27:33b.GEN.027.033 Markaasuu Isxaaq aad iyo aad u gariiray, oo yidhi, De yuu ahaa haddaba kii intuu hilib ugaadheed soo qaaday, ii keenay, oo aan kulli cunay intaadan iman ka hor, oo aan u duceeyey? Kaasu wuu ducaysnaan doonaa.

27:34b.GEN.027.034 Ceesawna markuu maqlay hadalkii aabbihiis ayuu ku dhawaaqay dhawaaq aad iyo aad u weyn oo daran, oo wuxuu aabbihiis ku yidhi, Aabbahayow, anigana ii ducee.

27:35b.GEN.027.035 Isna wuxuu yidhi, Walaalkaa baa khiyaano iila yimid oo ducadaadii qaatay.

27:36b.GEN.027.036 Oo wuxuu yidhi, Miyaanay ku habboonayn in magiciisa loo bixiyo Yacquub? Waayo, labadan goor buu i khiyaaneeyey. Curadnimadaydii buu qaatay; haatanna wuxuu qaatay ducadaydii. Oo wuxuu yidhi, Miyaadan duco ii reebin?

27:37b.GEN.027.037 Isxaaqna wuu jawaabay oo wuxuu Ceesaw ku yidhi, Bal eeg, waxaan isaga ka dhigay sayidkaagii, walaalihiis oo dhanna waxaan u siiyey isaga inay addoommo u noqdaan, hadhuudh iyo khamrina waan u ballanqaaday, ee maxaan haddaba adiga kuu sameeyaa, wiilkaygiiyow?

27:38b.GEN.027.038 Ceesawna wuxuu aabbihiis ku yidhi, Aabbahayow, ducadaadu ma mid keliya baa? Ii ducee anigana sidoo kale, Aabbow. Markaasuu Ceesaw aad u qayliyey oo ooyay.

27:39b.GEN.027.039 Markaasaa aabbihiis Isxaaq u jawaabay oo ku yidhi, Bal eeg, rugtaadu waxay ahaan doontaa meel ka baxsan dhulka barwaaqadiisa Iyo sayaxa samada sare ka yimaada.

27:40b.GEN.027.040 Oo waxaad ku noolaan doontaa seeftaada, walaalkaana waad u adeegi doontaa, Oo waxaa dhici doonta markaad xukunka qabsato Inaad harqoodkiisa surkaaga ka tuuri doonto.

27:41b.GEN.027.041 Ceesawna wuxuu Yacquub u nebcaaday ducadii aabbihiis ugu duceeyey aawadeed. Ceesawna wuxuu isku yidhi, Maalmihii aabbahay loo barooran lahaa waa dhow yihiin; dabadeedna waan dili doonaa walaalkay Yacquub.

27:42b.GEN.027.042 Rebeqahna waxaa loo sheegay hadalkii wiilkeedii weynaa oo ahaa Ceesaw; markaasay intay u cid dirtay u yeedhay wiilkeedii yaraa oo ahaa Yacquub, oo waxay ku tidhi isagii, Bal eeg, walaalkaa Ceesaw wuxuu isku qalbi qabowjiyaa talojirka uu ku talo jiro inuu ku dilo.

27:43b.GEN.027.043 Haddaba sidaas daraaddeed wiilkaygiiyow, codkayga addeec. Kac oo u carar walaalkay Laabaan xagga Haaraan;

27:44b.GEN.027.044 oo dhawr maalmood isaga la joog, ilaa walaalkaa ciilku ka ba'ayo, iyo ilaa walaalkaa cadhaduu kuu qabo ka ba'ayso,

27:45b.GEN.027.045 oo uu ka illoobayo wixii aad ku samaysay: dabadeedna waan kuu soo cid diri doonaa, oo halkaasaan kaa soo kaxayn doonaa. Maxaan labadiinnaba isku maalin idiin waayayaa?Rebeqahna waxay Isxaaq ku tidhi, Naftaydu waa rafaadsan tahay gabdhaha reer Xeed dartood. Haddii Yacquub naag ka guursado gabdhaha reer Xeed oo kuwan oo kale ah, kuwaas oo ah gabdhaha waddanka, noloshaydu maxay igu taraysaa?

27:46b.GEN.027.046 Rebeqahna waxay Isxaaq ku tidhi, Naftaydu waa rafaadsan tahay gabdhaha reer Xeed dartood. Haddii Yacquub naag ka guursado gabdhaha reer Xeed oo kuwan oo kale ah, kuwaas oo ah gabdhaha waddanka, noloshaydu maxay igu taraysaa?

28

28:1b.GEN.028.001 Isxaaqna wuxuu u yeedhay Yacquub, wuuna u duceeyey, oo wuxuu ku amray, oo ku yidhi, Waa inaadan naag ka guursan gabdhaha reer Kancaan.

28:2b.GEN.028.002 Kac oo xagga Fadan Araam tag, iyo xagga gurigii Betuu'el oo ah hooyadaa aabbeheed; oo halkaas naag ka guurso gabdhaha Laabaan oo ah hooyadaa walaalkeed.

28:3b.GEN.028.003 Oo Ilaaha Qaadirka ahu ha ku barakeeyo, oo ha ku badiyo, oo ha ku tarmiyo, inaad noqotid dad faro badan,

28:4b.GEN.028.004 oo ha ku siiyo barakadii Ibraahim, adiga iyo farcankaaga kula joogaba, inaad dhaxashid dalka aad qariibka ku tahay, oo Ilaah Ibraahim siiyey.

28:5b.GEN.028.005 Isxaaqna Yacquub wuu diray: oo wuxuu u kacay Fadan Araam xagga Laabaan, ina Betuu'el kii reer Suuriya, oo ahaa Rebeqah walaalkeed tii ahayd Yacquub iyo Ceesaw hooyadood.

28:6b.GEN.028.006 Ceesawna wuxuu arkay in Isxaaq u duceeyey Yacquub oo u diray Fadan Araam, inuu halkaas naag ka guursado, iyo inuu markuu u duceeyey amray, oo ku yidhi, Waa inaadan naag ka guursan gabdhaha reer Kancaan;

28:7b.GEN.028.007 iyo in Yacquub addeecay aabbihiis iyo hooyadiis, oo uu u kacay xagga Fadan Araam.

28:8b.GEN.028.008 Oo Ceesaw wuxuu arkay inaanay gabdhaha reer Kancaan ka farxin aabbihiis Isxaaq.

28:9b.GEN.028.009 Markaasuu Ceesaw wuxuu u kacay xagga Ismaaciil, oo wuxuu naagihii uu qabay ku daray Mahalad gabadhii Ismaaciil ina Ibraahim, taas oo ahayd Nebayod walaashiis, si ay naagtiisii u noqoto.

28:10b.GEN.028.010 Yacquubna waa ka tegey Bi'ir Shebac, oo wuxuu u kacay xagga Haaraan.

28:11b.GEN.028.011 Oo meel buu gaadhay oo halkaasuu habeenkii oo dhan joogay, maxaa yeelay, qorraxdu way dhacday, markaasuu qaaday mid ka mid ah dhagxantii meeshaas, oo barkaday, halkaasuuna jiifsaday si uu u seexdo.

28:12b.GEN.028.012 Wuuna riyooday, oo riyadiisii wuxuu ku arkay sallaan dhulka qotoma oo caaraddiisiina samada gaadhay, wuxuuna arkay malaa'igihii Ilaah oo ku koraya, kuna soo degaya.

28:13b.GEN.028.013 Oo bal eeg, Rabbigaa isdul taagay, oo yidhi, Waxaan ahay Rabbiga ah Ilaaha awowgaa Ibraahim, iyo Ilaaha Isxaaq. Dhulka aad ku jiifto, waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga.

28:14b.GEN.028.014 Farcankaaguna wuxuu noqon doonaa sida ciidda dhulka, oo waxaad ku firdhi doontaan tan iyo galbeed, iyo bari, iyo tan iyo woqooyi, iyo koonfur: oo adiga iyo farcankaagay qabiilooyinka dhulka oo dhammu ku barakoobi doonaan.

28:15b.GEN.028.015 Oo bal eeg, waan kula jiraa, meel alla meeshii aad tagtidna waan kugu dhawri doonaa, dalkanna mar kalaan kugu soo celin doonaa; waayo, anigu kaa tegi maayo ilaa aan sameeyo wixii aan kugula hadlay.

28:16b.GEN.028.016 Markaasuu Yacquub ka toosay hurdadiisii, oo wuxuu yidhi, Hubaal Rabbigaa halkan jooga, mana aan ogayn.

28:17b.GEN.028.017 Wuuna cabsaday, oo wuxuu yidhi, Meeshanu cabsi badanaa! Tanu meel kale ma aha, gurigii Ilaah mooyaane, tanuna waa iriddii samada.

28:18b.GEN.028.018 Yacquubna aroor horuu kacay, oo wuxuu qaaday dhagaxii uu barkaday, oo sidii tiir buu u qotomiyey, kolkaasuu saliid ku dul shubay.

28:19b.GEN.028.019 Meeshaas magaceediina wuxuu u bixiyey Beytel: laakiinse markii hore magaalada magaceedu wuxuu ahaa Luus.

28:20b.GEN.028.020 Yacquubna nidar buu nidray, oo wuxuu yidhi, Haddii Ilaah ila jiro, oo uu jidkan aan socdo igu dhawro, oo uu i siiyo wax aan cuno, iyo dhar aan xidho,

28:21b.GEN.028.021 oo aan aniga oo nabad qaba ku soo noqdo gurigii aabbahay, markaas Rabbigu wuxuu ii noqon doonaa Ilaah,oo dhagaxan aan sidii tiir u qotomiyey, wuxuu noqon doonaa guriga Ilaah: oo wax alla wixii aad i siisidna hubaal meel tobnaadka adigaan ku siin doonaa.

28:22b.GEN.028.022 oo dhagaxan aan sidii tiir u qotomiyey, wuxuu noqon doonaa guriga Ilaah: oo wax alla wixii aad i siisidna hubaal meel tobnaadka adigaan ku siin doonaa.

29

29:1b.GEN.029.001 Yacquubna sodcaalkiisii buu iska sii watay, oo wuxuu yimid dalkii reer bari.

29:2b.GEN.029.002 Kolkaasuu wax fiiriyey, oo wuxuu arkay ceel berrinka ku dhex yaal, oo waxaa joogay saddex qaybood oo ido ah oo agtiisa jiifjiifa, maxaa yeelay, ceelkaasay idaha ka waraabin jireen. Dhagaxa ceelka afkiisa saarnaana aad buu u weynaa.

29:3b.GEN.029.003 Oo halkaasaa idaha oo dhan lagu soo ururin jiray: kolkaasay dhagaxa ceelka afkiisa ka rogi jireen, oo idaha ka waraabin jireen, markaasay mar labaad dhagaxa ceelka afkiisa saari jireen oo ku celin jireen meeshiisii.

29:4b.GEN.029.004 Markaasaa Yacquub ku yidhi, Walaalahayow, xaggaad ka timaadeen? Iyana waxay yidhaahdeen, Waxaannu ka nimid Haaraan.

29:5b.GEN.029.005 Markaasuu ku yidhi, Ma taqaaniin Laabaan oo ah ina Naaxoor? Markaasay ku yidhaahdeen, Waannu naqaan.

29:6b.GEN.029.006 Markaasuu ku yidhi, Ma nabad qabaa? Iyana waxay yidhaahdeen, Haah, wuu nabad qabaa. Waa taas gabadhiisii Raaxeel idaha soo kaxaynaysa.

29:7b.GEN.029.007 Oo wuxuu ku yidhi iyagii, Bal eega, weli waa maalin weyn, mana aha goortii xoolaha la soo wada ururin lahaa. Idaha waraabiya, oo kaxeeya oo daajiya.

29:8b.GEN.029.008 Iyana waxay yidhaahdeen, Ma yeeli karno taas, jeeray idoyowga oo dhammu isu yimaadaan, oo dhagaxa ceelka afkiisa laga rogo; markaasaannu idaha waraabinaynaa.

29:9b.GEN.029.009 Oo intuu weli la hadlayay ayaa Raaxeel keentay idihii aabbeheed, waayo, iyadaa ilaalin jirtay.

29:10b.GEN.029.010 Oo Yacquub markuu arkay Raaxeel oo ahayd gabadhii abtigiis Laabaan, iyo idihii abtigiis Laabaan, ayuu u dhowaaday, oo dhagaxii ka rogay ceelka afkiisa, oo uu waraabiyey idihii abtigiis Laabaan.

29:11b.GEN.029.011 Markaasuu Yacquub Raaxeel dhunkaday, wuuna qayliyey oo ooyay.

29:12b.GEN.029.012 Yacquubna wuxuu Raaxeel u sheegay inuu yahay aabbeheed xigaalkiis, oo uu yahay wiilkii Rebeqah; kolkaasay orodday oo u sheegtay aabbeheed.

29:13b.GEN.029.013 Oo Laabaan markuu maqlay warkii Yacquub oo ahaa wiilkii walaashiis ayuu ku orday inuu ka hor tago, markaasuu isku duubay, oo dhunkaday, oo uu gurigiisii keenay. Isna wuxuu Laabaan u sheegay waxyaalahan oo dhan.

29:14b.GEN.029.014 Laabaanna wuxuu ku yidhi isagii, Hubaal waxaad tahay laftayda iyo jidhkayga. Wuxuuna la joogay isagii intii bil ah.

29:15b.GEN.029.015 Markaasaa Laabaan Yacquub ku yidhi, Walaalkayga aad tahay aawadeed ma habboon tahay inaad mushahaarola'aan iigu shaqaysid? Bal ii sheeg, mushahaaradaadu maxay ahaan doontaa?

29:16b.GEN.029.016 Laabaanna wuxuu lahaa laba gabdhood: midda weyn magaceedu wuxuu ahaa Lee'ah, tan yar magaceeduna wuxuu ahaa Raaxeel.

29:17b.GEN.029.017 Lee'ahna way indha darnayd, laakiinse Raaxeel way quruxsanayd, suurad wanaagsanna way lahayd.

29:18b.GEN.029.018 Yacquubna wuxuu jeclaa Raaxeel; markaasuu yidhi, Toddoba sannadood baan kuugu shaqayn gabadhaada yar oo Raaxeel ah.

29:19b.GEN.029.019 Laabaanna wuxuu yidhi, Waa wanaagsan tahay inaan adiga ku siiyo intii aan iyada nin kale siin lahaa, ee ila joog.

29:20b.GEN.029.020 Yacquubna toddoba sannadood buu u shaqaynayay Raaxeel aawadeed; waxayna la ahaayeen maalmo yar, waana jacaylkii uu iyada u qabay aawadiis.

29:21b.GEN.029.021 Yacquubna wuxuu Laabaan ku yidhi, Maalmahaygii way dhammaystirmeen; ee naagtayda i sii, si aan ugu tago iyada.

29:22b.GEN.029.022 Markaasuu Laabaan soo ururiyey nimankii meeshaas joogay oo dhan, oo wuxuu sameeyey diyaafad.

29:23b.GEN.029.023 Oo waxay noqotay inuu fiidkii kaxeeyey gabadhiisii Lee'ah, oo uu u geeyey isagii; isna wuu u tegey iyadii.

29:24b.GEN.029.024 Laabaanna wuxuu gabadhiisii Lee'ah siiyey Silfah oo isaga addoon u ahayd inay iyada addoon u noqoto.

29:25b.GEN.029.025 Yacquubna wuxuu aroortii arkay inay tahay Lee'ah, oo wuxuu Laabaan ku yidhi, Waa maxay waxan aad igu samaysay? Miyaanan Raaxeel kuugu shaqaynayn? De maxaad haddaba ii khiyaanaysay?

29:26b.GEN.029.026 Laabaanna wuxuu yidhi, Dhulkayaga sidaas laguma sameeyo in tan yar curadda la dhaafiyo.

29:27b.GEN.029.027 Bal tan toddobaadkeeda dhammee, tan kalena waxaannu kugu siin doonnaa shuqulka aad toddoba sannadood oo kale ii shaqayn doontid.

29:28b.GEN.029.028 Yacquubna sidii buu yeelay, toddobaadkeediina wuu dhammeeyey. Markaasuu Laabaan Yacquub siiyey gabadhiisii Raaxeel inay naag u noqoto.

29:29b.GEN.029.029 Laabaanna wuxuu gabadhiisii Raaxeel siiyey Bilhah oo isaga addoon u ahayd inay iyada addoon u noqoto.

29:30b.GEN.029.030 Oo Raaxeelna wuu u tegey, oo isna Raaxeel aad buu uga jeclaa Lee'ah, toddoba sannadood oo kalena wuu u shaqeeyey isaga.

29:31b.GEN.029.031 Rabbiguna wuxuu arkay in Lee'ah la nebcaaday, markaasuu maxalkeedii furay; laakiinse Raaxeel waxay ahayd madhalays.

29:32b.GEN.029.032 Lee'ahna way uuraysatay, oo waxay dhashay wiil, magiciisiina waxay u bixisay Ruubeen, oo waxay tidhi, Sababtu waxaa weeye inuu Rabbigu dhibaatadayda arkay, oo haatan ninkaygu wuu i jeclaan doonaa.

29:33b.GEN.029.033 Oo haddana way uuraysatay mar labaad, waxayna dhashay wiil, oo waxay tidhi, Rabbigu waa maqlay in lay nebcaaday, oo haddaba taas aawadeed ayuu ii siiyey wiilkanna; magiciisiina waxay u bixisay Simecoon.

29:34b.GEN.029.034 Oo haddana mar kalay uuraysatay, oo waxay dhashay wiil, waxayna tidhi, Haatan ninkayga ayaa ila jiri doona, maxaa yeelay, saddex wiil baan u dhalay isaga; sidaas daraaddeed magiciisii waxaa loo bixiyey Laawi.Oo haddana way uuraysatay, oo waxay dhashay wiil; oo waxay tidhi, Haatan Rabbigaan ammaani, sidaas daraaddeed waxay magiciisii u bixisay Yahuudah; wayna dhalmo daysay.

29:35b.GEN.029.035 Oo haddana way uuraysatay, oo waxay dhashay wiil; oo waxay tidhi, Haatan Rabbigaan ammaani, sidaas daraaddeed waxay magiciisii u bixisay Yahuudah; wayna dhalmo daysay.

30

30:1b.GEN.030.001 Raaxeelna markay aragtay inaanay Yacquub carruur u dhalin, ayay walaasheed ka masayrtay; oo waxay Yacquub ku tidhi, Carruur i sii, haddii kalese waan dhiman.

30:2b.GEN.030.002 Markaasaa Yacquub aad ugu cadhooday Raaxeel; oo wuxuu ku yidhi, Ma anigaa ku jira meeshii Ilaaha midhihii maxalka kuu diiday?

30:3b.GEN.030.003 Markaasay tidhi, Bal eeg addoontayda Bilhah, u tag iyada, inay jilbahayga ku dul dhasho, oo aan anna carruur ku helo iyada.

30:4b.GEN.030.004 Markaasay isagii siisay addoonteedii Bilhah inuu naag ka dhigto; Yacquubna wuu u tegey iyadii.

30:5b.GEN.030.005 Bilhahna way uuraysatay, oo Yacquub wiil bay u dhashay.

30:6b.GEN.030.006 Raaxeelna waxay tidhi, Ilaah waa i xukumay, codkaygiina wuu maqlay, oo wiil buu i siiyey. Sidaas daraaddeed magiciisii waxay u bixisay Daan.

30:7b.GEN.030.007 Bilhah oo ahayd addoontii Raaxeel mar kalay uuraysatay, oo waxay Yacquub u dhashay wiil labaad.

30:8b.GEN.030.008 Oo Raaxeelna waxay tidhi, Legdan aad u weyn baan walaashay la legdamay, waanan ka adkaaday. Magiciisiina waxay u bixisay Naftaali.

30:9b.GEN.030.009 Lee'ahna markay aragtay inay dhalmo daysay ayay kaxaysay addoonteedii Silfah, oo waxay siisay Yacquub inuu naag ka dhigto.

30:10b.GEN.030.010 Lee'ah addoonteedii Silfah ahaydna Yacquub wiil bay u dhashay.

30:11b.GEN.030.011 Oo Lee'ahna waxay tidhi, Ayaan weynaa! Magiciisiina waxay u bixisay Gaad.

30:12b.GEN.030.012 Lee'ah addoonteedii Silfah ahaydna wiil labaad bay u dhashay Yacquub.

30:13b.GEN.030.013 Oo Lee'ahna waxay tidhi, Waan faraxsanahay! waayo, naaguhu waxay iigu yeedhi doonaan tan faraxsan. Magiciisiina waxay u bixisay Aasheer.

30:14b.GEN.030.014 Maalmihii sarreenka la goosanayay ayaa Ruubeen tegey berrinka oo ka dhex helay ubax, oo wuxuu u keenay hooyadiis Lee'ah. Markaasay Raaxeel waxay Lee'ah ku tidhi, Waan ku baryayaaye, wax iga sii ubaxa wiilkaaga.

30:15b.GEN.030.015 Iyana waxay ku tidhi, Ma wax yar baa inaad ninkaygii iga qaadday? Weliba ubaxa wiilkaygana ma iga qaadan lahayd? Raaxeelna waxay tidhi, Haddaba wiilkaaga ubaxiisa aawadiis isagu caawa wuu kula seexan doonaa.

30:16b.GEN.030.016 Yacquubna fiidkii buu beertii ka yimid, markaasay Lee'ah ka hor tagtay oo waxay tidhi, Waa inaad ii timaadaa, waayo, hubaal waxaan kugu kiraystay ubaxii wiilkayga. Habeenkaasna iyadii buu la seexday.

30:17b.GEN.030.017 Ilaahna wuu maqlay Lee'ah, wayna uuraysatay, oo Yacquub bay u dhashay wiil shanaad.

30:18b.GEN.030.018 Lee'ahna waxay tidhi, Ilaah waa i siiyey kiradaydii, maxaa yeelay, addoontaydii waxaan siiyey ninkayga. Wiilkii magiciisiina waxay u bixisay Isaakaar.

30:19b.GEN.030.019 Lee'ahna mar kalay uuraysatay, oo waxay Yacquub u dhashay wiil lixaad.

30:20b.GEN.030.020 Lee'ahna waxay tidhi, Ilaah dhiibaad wanaagsan buu igu dhiibaadiyey, haatan buu ninkaygu ila joogi doonaa, maxaa yeelay, waxaan u dhalay lix wiil. Wiilkii magiciisiina waxay u bixisay Sebulun.

30:21b.GEN.030.021 Dabadeedna waxay dhashay gabadh, magaceediina waxay u bixisay Diinah.

30:22b.GEN.030.022 Ilaahna wuu xusuustay Raaxeel, oo Ilaah wuu maqlay iyada, maxalkeediina wuu u furay.

30:23b.GEN.030.023 Oo way uuraysatay, oo wiil bay dhashay; oo waxay tidhi, Ilaah baa ceebtaydii iga qaaday.

30:24b.GEN.030.024 Magiciisiina waxay u bixisay Yuusuf, iyadoo leh Rabbigu wiil kale ha iigu daro.

30:25b.GEN.030.025 Markii Raaxeel Yuusuf dhashay ka dib ayaa Yacquub Laabaan ku yidhi, Iska kay dir, si aan u tago meeshaydii, iyo dalkaygii.

30:26b.GEN.030.026 I sii naagahayga iyo carruurtayda aan daraaddood kuugu adeegay, oo aan iska tago; waayo waad og tahay adeegiddii aan kuu adeegi jiray.

30:27b.GEN.030.027 Laabaanna wuxuu ku yidhi isagii, Haddaad raalli iga tahay, joog, waayo, waxaan faal ku gartay in Rabbigu daraaddaa ii barakeeyey.

30:28b.GEN.030.028 Oo wuxuu yidhi, Mushahaaradaada ii sheeg, oo waan ku siin doonaa.

30:29b.GEN.030.029 Oo isna wuxuu ku yidhi, Waad og tahay sidii aan kuugu adeegay, iyo sidii xoolahaagii aan daaqi jiray xaalkoodu ahaa.

30:30b.GEN.030.030 Waayo, waxaad haysan jirtay wax yar bay ahayd intaanan iman ka hor, waana ay korodhay oo waxay noqotay wax faro badan; Rabbiguna wuu kugu barakeeyey dhinacii aan u kacayba; de haddaba goormaan reerkaygana wax u dhaqan doonaa?

30:31b.GEN.030.031 Oo isna wuxuu yidhi, Maxaan ku siiyaa? Yacquubna wuxuu yidhi, Waa inaanad waxba i siin, laakiin haddaad waxan ii samaysid, adhigaaga haddana waan daajin oo waan ilaalin doonaa.

30:32b.GEN.030.032 Maanta adhigaaga oo dhan waan dhex mari doonaa, oo waxaan ka sooci doonaa mid kasta oo dhibicyo iyo barbaro leh, iyo mid kasta oo madow oo idaha ku dhex jira, iyo inta barbaraha iyo dhibicyada leh oo riyaha ku jirta; oo waxaasu waxay noqon doonaan mushahaaradayda.

30:33b.GEN.030.033 Oo sidaasay xaqnimadaydu iigu jawaabi doontaa hadda ka dib, goortaad timaadid oo ka hadlaysid mushahaaradayda ku hor taal. Mid kasta oo aan dhibicyo ama barbaro lahayn oo riyaha ku jira, iyo mid kasta oo aan madoobayn oo idaha ku jira, haddii layga helo, waxaa lagu tirin doonaa wax la soo xaday.

30:34b.GEN.030.034 Laabaanna wuxuu yidhi, Waa hagaag, sidaad tidhi ha noqoto.

30:35b.GEN.030.035 Oo maalintaasuu wada soocay orgidii xariijimaha iyo barbaraha lahayd, iyo riyihii dhibicyada iyo barbaraha lahaa oo dhan, mid kasta oo caddaani ku jirto, iyo kuwa madmadow oo idaha ku jira oo dhan, oo wuxuu gacanta u geliyey wiilashiisii;

30:36b.GEN.030.036 Oo wuxuu Yacquub ka fogaaday intii saddex maalmood loo socdo, Yacquubna wuxuu daajin jiray Laabaan adhigiisii intii ka hadhay.

30:37b.GEN.030.037 Yacquubna wuxuu qaatay dhengedo qoyan oo ah geedihii la odhan jiray libneh iyo yicib iyo carmon, kolkaasuu diiray oo xariijimo cadcad ku sameeyey.

30:38b.GEN.030.038 Markaasuu dhengedihii uu diiray adhigii hor dhigay oo ku riday dararkii berkedaha oo adhigu ka cabbi jiray; wayna rimeen markay soo arooreen.

30:39b.GEN.030.039 Adhigiina dhengedihii hortooda ayuu ku rimay, wuxuuna dhalay maqal xariijimo iyo dhibicyo iyo barbaro leh.

30:40b.GEN.030.040 Markaasuu Yacquub naylihii ka soocay oo wuxuu adhigii u jeediyey xagga kuwii xariijimaha lahaa iyo intii madmadoobayd oo dhan ee adhigii Laabaan; markaasuu gooni u soocay goosankiisii, kumana uu darin adhigii Laabaan.

30:41b.GEN.030.041 Markii adhiga intiisii xoogga lahayd rintay ayaa Yacquub dhengedihii adhiga indhihiisa hor dhigay intuu dararkii ku riday, inay dhengedihii ku dhex rimaan;

30:42b.GEN.030.042 laakiinse adhiga qaarkii caatada ahaa, uma uu dhex gelin jirin; sidaas daraaddeed intii caatada ahayd waxaa lahaa Laabaan, intii xoogga lahaydna waxaa lahaa Yacquub.Ninkiina aad buu u xoolo batay, wuxuuna lahaa adhi badan, iyo naago addoommo ah, iyo niman addoommo ah, iyo geel, iyo dameerro.

30:43b.GEN.030.043 Ninkiina aad buu u xoolo batay, wuxuuna lahaa adhi badan, iyo naago addoommo ah, iyo niman addoommo ah, iyo geel, iyo dameerro.

31

31:1b.GEN.031.001 Wuxuu maqlay hadalkii Laabaan wiilashiisii, iyagoo leh, Yacquub baa wixii aabbeheen oo dhan wada qaatay, oo xoolahan oo dhan wuxuu ku helay wixii aabbeheen.

31:2b.GEN.031.002 Yacquubna wuxuu fiiriyey wejigii Laabaan, oo wuxuu arkay inuusan sidii hore u ahayn.

31:3b.GEN.031.003 Rabbiguna wuxuu Yacquub ku yidhi, Ku noqo dalkii aabbahaa iyo xigaalkaaga, oo anna waan kula jiri doonaa.

31:4b.GEN.031.004 Yacquubna wuxuu u cid diray oo u yeedhay Raaxeel iyo Lee'ah inay yimaadaan berrinkii adhigiisu joogay,

31:5b.GEN.031.005 oo wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaan arkay wejigii aabbihiin inuusan sidii hore ii ahayn, laakiinse Ilaaha aabbahay baa ila jiray.

31:6b.GEN.031.006 Idinkuna waad og tihiin inaan aabbihiin xooggayga oo dhan ugu adeegay.

31:7b.GEN.031.007 Laakiin aabbihiin wuu i khiyaaneeyey, oo toban goor buu mushahaaradaydii beddelay; Ilaahse uma oggolaan inuu wax i yeelo.

31:8b.GEN.031.008 Hadduu yidhi, Kuwa dhibicyada lahu waxay noqon doonaan mushahaaradaada, adhiga oo dhammu wax dhibicyo leh bay dhaleen; hadduu yidhina, Kuwa xariijimaha lahu waxay noqon doonaan mushahaaradaada, adhiga oo dhammu wax xariijimo leh bay dhaleen.

31:9b.GEN.031.009 Sidaasaa Ilaah aabbihiin xoolihiisii uga qaaday, oo uu aniga ii siiyey.

31:10b.GEN.031.010 Wakhtigii adhigii rimay ayaan indhahayga kor u taagay, oo aan riyo ku arkay orgidii adhiga ku boodday inay wada lahaayeen xariijimo, iyo dhibicyo iyo barbaro.

31:11b.GEN.031.011 Malaa'igtii Ilaahna waxay igu tidhi intaan riyoonayay, Yacquubow. Oo anna waxaan idhi, Waa i kan.

31:12b.GEN.031.012 Oo waxay tidhi, Haatan indhahaaga kor u taag, oo arag, orgida adhiga ku boodda oo dhammu waxay wada leeyihiin xariijimo iyo dhibicyo iyo barbaro, maxaa yeelay, waxaan wada arkay waxa Laabaan kugu sameeyo oo dhan.

31:13b.GEN.031.013 Waxaan ahay Ilaaha Beytel, meeshii aad tiirka ku subagtay, oo aad nidarka iigu nidartay. Haddaba kac, oo dalkan ka bax, oo ku noqo dalkii aad ku dhalatay.

31:14b.GEN.031.014 Markaasay Raaxeel iyo Lee'ah u jawaabeen isagii oo ku yidhaahdeen, Weli ma qayb baa guriga aabbahayo noogu hadhay amase dhaxal?

31:15b.GEN.031.015 Miyaannan xaggiisa ka xisaabnayn shisheeye? Waayo, wuu na iibiyey, oo weliba lacagtayadiina wuu cunay.

31:16b.GEN.031.016 Waayo, kulli maalkii Ilaah ka qaaday aabbahayo waxaa leh annaga iyo carruurtayada; haddaba yeel wixii Ilaah kugu yidhi.

31:17b.GEN.031.017 Markaasuu Yacquub kacay, carruurtiisii iyo naagihiisiina wuxuu fuushiiyey awrtii;

31:18b.GEN.031.018 wuuna la tegey xoolihiisii oo dhan, iyo alaabadii uu urursaday, kuwaas oo ahaa xoolihii uu helay, oo uu ku ururiyey Fadan Araam, inuu tago xaggii aabbihiis Isxaaq iyo ilaa dalkii Kancaan.

31:19b.GEN.031.019 Laabaanna wuxuu ku maqnaa inuu idihiisa dhogorta ka soo xiirto; kolkaasay Raaxeel xadday sanamyadii aabbeheed lahaa.

31:20b.GEN.031.020 Markaasaa Yacquub si qarsoon uga tegey Laabaankii reer Suuriya oo aan ogayn, umana uu sheegin inuu cararayo.

31:21b.GEN.031.021 Oo sidaasuu ula cararay wixii uu haystay oo dhan, oo intuu kacay, ayuu webigii ka gudbay, oo wejigiisii ku toosiyey buurtii Gilecaad.

31:22b.GEN.031.022 Maalintii saddexaad baa Laabaan loo sheegay in Yacquub cararay.

31:23b.GEN.031.023 Markaasuu walaalihiis kaxaystay, oo wuxuu raacdaynayay toddoba maalinsocod, wuxuuna ku gaadhay buurtii Gilecaad.

31:24b.GEN.031.024 Markaasaa Ilaah riyo habeennimo ugu yimid Laabaankii reer Suuriya, oo ku yidhi, Iska jir oo Yacquub xumaan iyo wanaag toona ha kula hadlin.

31:25b.GEN.031.025 Laabaanna wuu soo gaadhay Yacquub. Haddaba Yacquub teendhadiisii wuxuu ka dhistay buurta; Laabaanna walaalihiis buu kala dhistay buurtii Gilecaad.

31:26b.GEN.031.026 Laabaanna wuxuu Yacquub ku yidhi, Waa maxay waxan aad samaysay, oo maxaad si qarsoon iiga soo tagtay anoo aan ogayn, oo aad gabdhahayga ula soo carartay sidii iyagoo ah maxaabiis seef lagu soo dhacay?

31:27b.GEN.031.027 Maxaad qarsoodiga ugu soo carartay, oo aad si qarsoon iiga soo tagtay? Oo maxaad iigu sheegi weyday, si aan kuugu soo ambabbixiyo rayrayn iyo gabayo iyo daf iyo kataarad?

31:28b.GEN.031.028 Oo maxaad iigu oggolaan weyday inaan dhunkado wiilashayda iyo gabdhahayga? De taas nacasnimaad u yeeshay.

31:29b.GEN.031.029 De xoog aan wax kugu yeelo waan leeyahay, laakiinse Ilaaha aabbahaa baa xalay ila hadlay, oo wuxuu igu yidhi, Iska jir oo Yacquub ha kula hadlin xumaan iyo wanaag toona.

31:30b.GEN.031.030 Oo haatan waad tagtay, maxaa yeelay, aad baad ugu hilowday gurigii aabbahaa, laakiinse maxaad ilaahyadayda iiga soo xadday?

31:31b.GEN.031.031 Yacquubna waa u jawaabay oo wuxuu Laabaan ku yidhi, Maxaa yeelay, waan cabsaday; waayo, waxaan is-idhi, Wuu kaa xoogi doonaa gabdhihiisa.

31:32b.GEN.031.032 Qofkii aad ilaahyadaadii ka hesho waa inuusan noolaan. Walaalahayo hortooda ku fiiri wixii aan kaa haysto, oo iska qaado. Waayo, Yacquub ma uu ogayn inay Raaxeel soo xadday.

31:33b.GEN.031.033 Laabaanna wuxuu galay teendhadii Yacquub, iyo teendhadii Lee'ah, iyo teendhadii labada addoommood, laakiinse ma uu helin. Oo intuu ka baxay teendhadii Lee'ah ayuu galay teendhadii Raaxeel.

31:34b.GEN.031.034 Raaxeelna way qaadday sanamyadii, oo waxay gelisay heeryadii awrta, wayna ku fadhiisatay. Laabaanna wuu ka wada baadhay teendhadii oo dhan, mana uu helin.

31:35b.GEN.031.035 Oo waxay aabbeheed ku tidhi, Sayidkaygiiyow, ha u cadhoon inaanan istaagi karin, waayo, caadadii dumarku heli jiray baan qabaa. Isna wuu baadhay, laakiinse sanamyadii ma uu helin.

31:36b.GEN.031.036 Yacquubna wuu cadhooday, oo Laabaan wuu la murmay; Yacquubna wuu u jawaabay oo wuxuu Laabaan ku yidhi, Waa maxay xadgudubkaygu? Waa maxay dembigayga aad aawadiis aad iigu soo raacdaysatay?

31:37b.GEN.031.037 Waxaad baadhay alaabtayda oo dhan, ee maxaad ka heshay oo ah alaabtii gurigaaga? Halkan soo hor dhig walaalahayga iyo walaalahaaga, inay labadeenna inoo kala gar naqaan.

31:38b.GEN.031.038 Labaatan sannadood baan kula joogay; laxahaaga iyo riyahaaguna dhicis ma dhalin, wananka idahaagiina ma aan cunin.

31:39b.GEN.031.039 Kuwii dugaagu ka cunayna kuuma aan keenin; laakiinse anaa kuu magdhabay, anaad i weyddiisan jirtay, ha ahaadeen wixii maalin lagaa xado ama wixii habeen lagaa xado ee.

31:40b.GEN.031.040 Maalintii kulayl baa i dili jiray, habeenkiina dhaxan; hurdadiina waa iga tagtay. Oo sidaasaan ahaan jiray.

31:41b.GEN.031.041 Labaatan sannadood baan gurigaaga joogay; afar iyo toban sannadood waxaan kuugu shaqeeyey labadaada gabdhood aawadood, lix sannadoodna adhigaaga aawadiis. Mushahaaradaydiina waxaad beddeshay toban goor.

31:42b.GEN.031.042 Ilaaha aabbahay, oo ah Ilaaha Ibraahim, iyo kan Isxaaq ka cabsado, haddii uusan ila jirin, hubaal haatan waxaad i diri lahayd anoo faro madhan. Ilaah wuxuu arkay dhibaatadaydii iyo hawshii gacmahayga, kolkaasuu xalay ku canaantay.

31:43b.GEN.031.043 Laabaanna wuu u jawaabay oo wuxuu Yacquub ku yidhi, Gabdhuhu waa gabdhahayga, carruurtuna waa carruurtayda, adhiguna waa adhigayga, oo waxa aad aragto oo dhammuna waa waxayga, haddaba maxaan maanta ku samayn karaa gabdhahaygan, ama carruurtooda ay dhaleen?

31:44b.GEN.031.044 Haddaba kaalay, aan aniga iyo adigu axdi dhigannee, hana noqdo markhaati ina dhex yaal aniga iyo adiga.

31:45b.GEN.031.045 Markaasaa Yacquub dhagax soo qaaday, oo sidii tiir u qotomiyey.

31:46b.GEN.031.046 Yacquubna wuxuu walaalihiis ku yidhi, Dhagaxyo soo ururiya; kolkaasay dhagaxyo soo gureen, oo meel taalleeyeen; kolkaasay taallada agteedii wax ku cuneen.

31:47b.GEN.031.047 Laabaanna wuxuu meeshaas u bixiyey Yegar Sahaduta; Yacquubse wuxuu u bixiyey Galceed.

31:48b.GEN.031.048 Laabaanna wuxuu yidhi, Maanta taalladanu waa markhaati ina dhex yaal aniga iyo adiga. Sidaas daraaddeed waxaa magaceedii loo bixiyey Galceed, iyo Misfaah,

31:49b.GEN.031.049 waayo, wuxuu yidhi, Rabbigu ha dhawro aniga iyo adiga dhexdeenna markaynu kala maqan nahay.

31:50b.GEN.031.050 Haddaad gabdhahayga dhibtid, ama aad naago kale gabdhahayga la guursatid, ninna inalama joogo, balse ogow, Ilaah baa markhaati dhexdeenna ka ah aniga iyo adiga.

31:51b.GEN.031.051 Laabaanna wuxuu Yacquub ku yidhi, Bal eeg taalladan, oo bal fiiri tiirka aan ina dhex dhigay aniga iyo adiga.

31:52b.GEN.031.052 Taalladanu markaati ha ka noqoto, tiirkuna markhaati ha ka noqdo, inaanan taalladan kuugu soo dhaafayn inaan wax ku yeelo, adna aadan taalladan iyo tiirkan iigu soo dhaafayn inaad wax i yeeshid.

31:53b.GEN.031.053 Kan ah Ilaaha Ibraahim, iyo Ilaaha Naaxoor, iyo Ilaaha aabbahood, ha ina kala xukumo innaga. Yacquubna wuxuu ku dhaartay Kan aabbihiis Isxaaq ka cabsado.

31:54b.GEN.031.054 Yacquubna allabari buu buurtii ku bixiyey, walaalihiisna wuxuu ugu yeedhay inay wax cunaan; cuntadiina way cuneen, habeenkii oo dhanna buurtay joogeen.Laabaanna aroor hore ayuu kacay, wiilashiisii iyo gabdhihiisiina wuu dhunkaday, wuuna u duceeyey; markaasuu Laabaan tegey, oo ku noqday meeshiisii.

31:55b.GEN.031.055 Laabaanna aroor hore ayuu kacay, wiilashiisii iyo gabdhihiisiina wuu dhunkaday, wuuna u duceeyey; markaasuu Laabaan tegey, oo ku noqday meeshiisii.

32

32:1b.GEN.032.001 Yacquubna jidkiisii buu iska qaaday, malaa'igihii Ilaah baana ka hor yimid.

32:2b.GEN.032.002 Yacquubna markuu iyagii arkay wuxuu yidhi, Kanu waa ciidankii Ilaah. Meeshaas magaceediina wuxuu u bixiyey Maxanayim.

32:3b.GEN.032.003 Yacquubna wuxuu iska hor mariyey kuwo farriin wada oo wuxuu u diray walaalkiis Ceesaw oo degganaa dalkii Seciir oo ahaa duurkii Edom.

32:4b.GEN.032.004 Wuuna amray, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad ku tidhaahdaan sayidkayga Ceesaw, Addoonkaagii Yacquub wuxuu yidhi, Waxaan qariib ahaan ula degay Laabaan, oo ilaa haatanna waan la joogay,

32:5b.GEN.032.005 oo waxaan haystaa dibiyo, iyo dameerro, iyo adhi, iyo niman addoommo ah iyo naago addoommo ah; oo waxaan kuugu soo cid diray inaan kuu sheego, sayidkaygiiyow, inaad raalli iga noqotid.

32:6b.GEN.032.006 Kuwii farriinta wadayna Yacquub bay ku soo noqdeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu gaadhnay walaalkaa Ceesaw, oo weliba wuu soo socdaa inuu kaa hor yimaado isagoo wata afar boqol oo nin.

32:7b.GEN.032.007 Markaasaa Yacquub aad u cabsaday, cidhiidhi buuna galay; kolkaasuu kala qaybiyey dadkii la jiray, iyo adhigii, iyo lo'dii, iyo geelii, oo wuxuu ka dhigay laba kooxood,

32:8b.GEN.032.008 oo wuxuu isyidhi, Ceesaw hadduu koox u yimaado oo uu laayo, dabadeed kooxda hadha ayaa baxsan doonta.

32:9b.GEN.032.009 Yacquubna wuxuu yidhi, Awowgay Ibraahim Ilaahiisiiyow, Aabbahay Isxaaq Ilaahiisiiyow, Ku noqo dalkaagii, iyo xigaalkaagii, oo anna wanaag baan kuu samayn doonaa, Rabbigii igu yidhiyow:

32:10b.GEN.032.010 Ma aan istaahilo waxa ugu wada yar ee ka mid ah naxariistaada iyo daacadnimadaada ee aad addoonkaaga tustay, waayo, ushaydaan kaga soo gudbay webigan Urdun, haatanna waxaan noqday laba kooxood.

32:11b.GEN.032.011 Waan ku baryayaaye, Iga samatabbixi gacanta walaalkay ee ah gacanta Ceesaw; waayo, isagaan ka baqayaa waaba intaasoo uu yimaadaa oo dilaa aniga iyo hooyooyinka iyo carruurta la socotaba.

32:12b.GEN.032.012 Waxaad igu tidhi, Hubaal wanaag baan kuu samayn doonaa, farcankaagana waxaan ka dhigi doonaa sida cammuudda badda, taas oo aan la tirin karin farabadnaan aawadeed.

32:13b.GEN.032.013 Habeenkaasna halkaas buu ku baryay, oo walaalkiis Ceesaw ayuu hadiyad uga qaaday wixii uu lahaa,

32:14b.GEN.032.014 taas oo ah laba tiro oo riyo ah, iyo labaatan orgi, iyo laba tiro oo sabeeno ah iyo labaatan wan,

32:15b.GEN.032.015 iyo soddon halaad oo irmaan iyo nirgahoodii, iyo afartan sac iyo toban dibi, iyo labaatan dameerood iyo toban qayl.

32:16b.GEN.032.016 Markaasuu xoolihii u dhiibay gacantii addoommadiisa, iyadoo goosan waluba goonidiisa yahay; oo wuxuu addoommadiisii ku yidhi, Iga sii hor gudba, xoolahana goosan waluba goosanka kale cabbaar ha ka dambeeyo.

32:17b.GEN.032.017 Oo kii ugu horreeyey ayuu amray oo wuxuu ku yidhi, Markii walaalkay Ceesaw kaa hor yimaado, oo ku weyddiiyo, isagoo ku leh, Yaa ku leh? Oo xaggee baad ku socotaa? Kuwan kaa horreeyana yaa leh?

32:18b.GEN.032.018 waxaad ku tidhaahdaa, Waxaa leh addoonkaagii Yacquub; oo waa hadiyad loo soo diray sayidkayga Ceesaw; oo isagiina wuu naga dambeeyaa.

32:19b.GEN.032.019 Sidaasuu ku amray kii labaad, iyo kii saddexaad, iyo kuwii goosannada daba socday oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Sidaas waa inaad ula hadashaan Ceesaw markaad aragtaan;

32:20b.GEN.032.020 oo waxaad ku tidhaahdaan, Weliba addoonkaagii Yacquub waa naga dambeeyaa. Oo wuxuu yidhi, Hadiyadda iga horraysa ayaan ku cadho tirayaa isaga, dabadeedna wejigiisaan arki doonaa; oo mindhaa wuu i aqbali doonaa.

32:21b.GEN.032.021 Sidaas daraaddeed hadiyaddii waa ka sii hor gudubtay, isna habeenkaas geeddigii buu ku dhex baryay.

32:22b.GEN.032.022 Kolkaasuu kacay habeenkaas, oo wuxuu kaxaystay labadiisii naagood, iyo labadiisii addoommood, iyo koob iyo tobankiisi carruurta ahayd, oo wuxuu ka gudbiyey tog Yabboq marinkiisii.

32:23b.GEN.032.023 Wuuna kaxeeyey iyagii oo wuxuu u diray durdurka shishadiisa, wixii uu haystayna wuu gudbiyey.

32:24b.GEN.032.024 Markaasuu Yacquub keligiis hadhay, nin baana la legdamayay isaga ilaa markii waagu beryayay.

32:25b.GEN.032.025 Oo markuu arkay inuusan ka adkaanayn ayuu taabtay godkii bowdadiisa, bowdadii Yacquubna way murkacatay, intuu la legdamayay isagii.

32:26b.GEN.032.026 Markaasuu yidhi, I sii daa, maxaa yeelay, waagii waa beryayaa. Isna wuxuu yidhi, Ku sii dayn maayo inaad i barakaysid mooyaane.

32:27b.GEN.032.027 Mar kaasuu ku yidhi isagii, Magacaa? Isna wuxuu yidhi, Yacquub.

32:28b.GEN.032.028 Markaasuu ku yidhi, Magacaaga hadda ka dib lama odhan doono Yacquub, waase Israa'iil; waayo, Ilaah iyo dadba waad la dagaallantay, waanad ka adkaatay.

32:29b.GEN.032.029 Yacquubna wuu weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ii sheeg magacaaga. Oo wuxuu yidhi, Bal maxaad u haybsanaysaa magacayga? Halkaasuuna ku barakeeyey.

32:30b.GEN.032.030 Yacquubna meeshaas magaceedii wuxuu u bixiyey Fenii'eel; waayo, wuxuu yidhi, Ilaah fool ka fool baan u arkay, naftayduna way nabad gashay.

32:31b.GEN.032.031 Qorraxdiina waxay soo baxday markuu Fenuu'eel dhaaftay, isna bowdadiisii buu ka dhutinayay.Sidaas daraaddeed ilaa maantadan reer binu Israa'iil ma cunaan seedda misigta oo ku dul taal godka bowdada; maxaa yeelay, wuxuu taabtay godkii bowdadii Yacquub xagga seedda misigta.

32:32b.GEN.032.032 Sidaas daraaddeed ilaa maantadan reer binu Israa'iil ma cunaan seedda misigta oo ku dul taal godka bowdada; maxaa yeelay, wuxuu taabtay godkii bowdadii Yacquub xagga seedda misigta.

33

33:1b.GEN.033.001 Markaasaa Yacquub indhihiisii kor u taagay oo wax fiiriyey, wuxuuna arkay Ceesaw oo soo socda, oo afar boqol oo nin wata. Kolkaasuu carruurtii u qaybiyey Lee'ah, iyo Raaxeel, iyo labadii addoon.

33:2b.GEN.033.002 Markaasuu addoommihii iyo carruurtoodii ugu hor mariyey, Lee'ah iyo carruurteediina wuu ku xigsiiyey, Raaxeel iyo Yuusufna wuu ugu dambaysiiyey.

33:3b.GEN.033.003 Isna markaasuu ka hor gudbay, toddoba goor buuna sujuuday, intuusan walaalkiis u soo dhowaan.

33:4b.GEN.033.004 Ceesawna wuu ku soo orday inuu ka hor tago isaga, wuuna isku duubay, oo qoortiisuu dhab yidhi, wuuna dhunkaday, wayna ooyeen.

33:5b.GEN.033.005 Markaasuu Ceesaw indhihiisii kor u taagay, oo wuxuu arkay dumarkii iyo carruurtii; oo wuxuu ku yidhi, Waa ayo kuwan kula socdaa? Isna wuxuu yidhi, Waa carruurtii Ilaah intuu ii roonaaday i siiyey anoo ah addoonkaaga.

33:6b.GEN.033.006 Dabadeedna addoommihii iyo carruurtoodii ayaa u soo dhowaaday, wayna wada sujuudeen.

33:7b.GEN.033.007 Lee'ah iyo carruurteediina way u soo dhowaadeen, wayna wada sujuudeen; dabadeedna waxaa u soo dhowaaday Yuusuf iyo Raaxeel, wayna sujuudeen.

33:8b.GEN.033.008 Markaasuu yidhi, Maxaad ula jeeddaa kooxahan iga hor yimid oo dhan? Isna wuxuu yidhi, Inaad raalli iga noqotid, sayidkaygiiyow.

33:9b.GEN.033.009 Ceesawna wuxuu yidhi, Walaalkayow, wax igu filan baan haystaa; ee iska hayso waxaaga.

33:10b.GEN.033.010 Yacquubna wuxuu yidhi, Maya, waan ku baryayaaye, haddii aad haatan raalli iga tahay, de hadiyaddayda gacantayda ka guddoon; waayo, wejigaaga waxaan u arkay sidii wejigii Ilaah loo arko, oo adna waad igu faraxday.

33:11b.GEN.033.011 Waan ku baryayaaye, guddoon hadiyaddayda laguu keenay; maxaa yeelay, Ilaah baa ii roonaaday, oo haddana wax igu filan baan haystaa. Aad buuna u baryay, kolkaasuu guddoomay.

33:12b.GEN.033.012 Oo wuxuu yidhi, Sodcaalkeenna aan iska sii soconno, oo ina keena, oo anna waan kaa hor marayaa.

33:13b.GEN.033.013 Markaasuu ku yidhi isagii, Sayidkaygiiyow, waad og tahay in carruurtu ay tabar daranyihiin, adhiga iyo lo'dana waa la nuugaa; oo haddii maalin keliya aad loo sii kaxeeyo, de adhigu waa wada dhimanayaa.

33:14b.GEN.033.014 Sayidkaygiiyow, waan ku baryayaaye, iga hor mar anigoo addoonkaaga ah, oo anna aayar baan soo kaxayn, anoo fiirinaya tallaabada xoolaha i hor jooga, iyo tallaabada carruurta, ilaa aan Seciir kuugu imaado, sayidkaygiiyow.

33:15b.GEN.033.015 Markaasaa Ceesaw ku yidhi, Haddaba aan dadka ila jira qaar kaaga tago. Isna wuxuu yidhi, Maxaa looga baahan yahay? Raalli iga ahow, sayidkaygiiyow.

33:16b.GEN.033.016 Oo maalintaasaa Ceesaw ku noqday jidkiisii ilaa Seciir.

33:17b.GEN.033.017 Yacquubna wuxuu u sodcaalay Sukod, wuxuuna ka dhistay guri, xoolihiisiina wuxuu u sameeyey xerooyin; sidaas daraaddeed meeshaas magaceeda waxaa la yidhaahdaa Sukod.

33:18b.GEN.033.018 Yacquubna nabad buu ku yimid magaaladii Shekem, oo ku taal dalka Kancaan, markuu ka yimid Fadan Araam; oo wuxuu degay magaalada horteeda.

33:19b.GEN.033.019 Jagadii uu teendhadiisii ka dhistayna wuxuu ka iibsaday reer Xamoor oo ahaa Shekem aabbihiis, oo wuxuu siistay boqol xabbadood oo lacag ah.Halkaasna wuxuu ka taagay meel allabari, wuxuuna u bixiyey El-elohe-Israa'iil.

33:20b.GEN.033.020 Halkaasna wuxuu ka taagay meel allabari, wuxuuna u bixiyey El-elohe-Israa'iil.

34

34:1b.GEN.034.001 Oo Diinah oo ahayd gabadhii Lee'ah ay Yacquub u dhashay ayaa dibadda u baxday inay soo aragto gabdhihii dalka.

34:2b.GEN.034.002 Markaasuu Shekem ina Xamoor kii reer Xiwi oo ahaa amiirkii dalka arkay iyadii, oo uu kaxaystay oo la jiifsaday, wuuna ceebeeyey iyadii.

34:3b.GEN.034.003 Naftiisiina way raacday gabadhii Yacquub oo Diinah ahayd, wuuna jeclaaday gabadhii, si raxmad lehna wuu ula hadlay gabadhii.

34:4b.GEN.034.004 Markaasuu Shekem la hadlay aabbihiis Xamoor, oo yidhi, Gabadhan ii doon aan guursadee.

34:5b.GEN.034.005 Haddaba Yacquub waa maqlay in Shekem gabadhiisii Diinah nijaaseeyey; wiilashiisiina duurka ayay xoolihiisa la joogeen; Yacquubna wuu iska aamusay ilaa ay yimaadeen.

34:6b.GEN.034.006 Markaasaa Xamoor oo Shekem aabbihiis ahaa Yacquub ugu tegey inuu la hadlo isaga.

34:7b.GEN.034.007 Oo wiilashii Yacquub ayaa duurka ka yimid markay taas maqleen; nimankiina way caloolxumaayeen, aad bayna u cadhaysnaayeen, maxaa yeelay, nacasnimo buu ku sameeyey reer binu Israa'iil markuu la jiifsaday gabadhii Yacquub, taas oo aanay jid ahayn in la sameeyo.

34:8b.GEN.034.008 Xamoorna wuu la hadlay iyagii, oo wuxuu ku yidhi, Wiilkaygii Shekem naftiisii aad bay u doonaysaa gabadhaada; haddaba waan ku baryayaaye, iyada sii ha guursadee.

34:9b.GEN.034.009 Oo aan iska guursanno, gabdhihiinna na siiya annaga, idinkuna gabdhahayaga guursada.

34:10b.GEN.034.010 Oo waad nala degganaan doontaan; dalkuna hortiinnuu oolli doonaa; degganaada oo ku baayacmushtara dhexdiisa, oo xoolo ku yeesha.

34:11b.GEN.034.011 Shekemna wuxuu aabbeheed iyo walaalaheed ku yidhi, Raalli iga ahaada, oo anna wixii aad i weyddiisataan waan idin siin.

34:12b.GEN.034.012 In alla intii aad meher iyo yarad doonaysaan i weyddiista, oo anna waan idin siin intii aad igu tidhaahdaan, laakiinse gabadha i siiya aan guursadee.

34:13b.GEN.034.013 Wiilashii Yacquubna khiyaanay ugu jawaabeen Shekem iyo aabbihiis Xamoor, wayna la hadleen, maxaa yeelay, walaashood Diinah ayuu nijaaseeyey,

34:14b.GEN.034.014 oo waxay ku yidhaahdeen, Ma yeeli karno inaan walaashayo siinno nin buuryoqab ah; waayo, taasu ceeb bay nagu ahaan lahayd.

34:15b.GEN.034.015 Si uun baannu idinku yeeli karnaa; taasuna waa haddii aad intiinna ragga ah oo dhan iswada guddaan, oo aad noqotaan sidayada oo kale;

34:16b.GEN.034.016 markaasaannu gabdhahayaga idin siin doonnaa, oo annaguna waxaan guursan doonnaa gabdhihiinna, oo waannu idinla degganaan doonnaa, oo waxaynu noqon doonnaa isku dad.

34:17b.GEN.034.017 Laakiinse haddaydnan na maqlin, inaad isguddaan, de markaas gabadhayada waannu wadan, oo waannu tegi.

34:18b.GEN.034.018 Hadalkoodiina waa ka farxiyey Xamoor, iyo wiilkiisii Shekem.

34:19b.GEN.034.019 Ninkii dhallinyarada ahaana dib uma uu dhigin inuu taas yeelo, maxaa yeelay, aad buu ugu faraxsanaa Yacquub gabadhiisii, Isna wuu ka wada maamuus badnaa intii guriga aabbihiis joogtay oo dhan.

34:20b.GEN.034.020 Markaasay Xamoor iyo wiilkiisii Shekem magaaladoodii iriddeeda yimaadeen, oo ay raggii magaaladooda la hadleen, oo waxay ku yidhaahdeen,

34:21b.GEN.034.021 Nimankanu waa inala nabad, sidaas daraaddeed dhulka ha degeen, oo ha ka baayacmushtareen dhexdiisa, maxaa yeelay, bal eega, dhulku waa weyn yahay oo waa ku wada filan yahay. Aynu gabdhahooda guursanno, oo innana aan gabdhaheenna siinno iyaga.

34:22b.GEN.034.022 Nimanku si uun bay inagu yeelayaan inay inala degganaadaan si aynu isku dad u noqonno, taasuna waa haddii inteenna lab oo dhan loo gudo sida ay iyagu u gudan yihiin.

34:23b.GEN.034.023 Oo miyaan lo'dooda iyo alaabadooda iyo xayawaankooda oo dhammu noqon doonin kuweenna? Bal aynu yeelno uun, oo iyaguna way inala degganaan doonaan.

34:24b.GEN.034.024 Markaasaa in alla intii ka baxday magaaladiisa iriddeeda waxay maqleen Xamoor iyo wiilkiisii Shekem; markaasaa la wada guday intii labka ahayd oo magaaladiisa ka baxday oo dhan.

34:25b.GEN.034.025 Oo maalintii saddexaad, markay dhaawaca wada ahaayeen, waxay noqotay in laba ka mid ahaa wiilashii Yacquub oo ahaa Simecoon iyo Laawi, Diinah walaalaheed, uu midkood kastaa seeftiisii qaatay, oo waxay yimaadeen magaaladii, iyagoo aan la ogayn, waxayna wada laayeen intii labka ahayd oo dhan.

34:26b.GEN.034.026 Xamoor iyo wiilkiisii Shekemna waxay ku dileen seef afkeed, Diinahna way kala baxeen gurigii Shekem, wayna iska tageen.

34:27b.GEN.034.027 Wiilashii Yacquubna waxay yimaadeen raqdii kuwii la laayay, oo magaaladiina way dhaceen, maxaa yeelay, walaashood bay ka nijaaseeyeen.

34:28b.GEN.034.028 Waxayna la tageen adhigoodii iyo lo'doodii iyo dameerradoodii, iyo wax alla wixii magaalada u yiil, iyo wax alla wixii duurka u joogay,

34:29b.GEN.034.029 iyo maalkoodii oo dhan, iyo dhallaankoodii oo dhan, iyo naagahoodiiba, way qabsadeen oo way dhaceen, xataa wixii guryaha yiil oo dhan.

34:30b.GEN.034.030 Yacquubna wuxuu Simecoon iyo Laawi ku yidhi, Dhib baad igu riddeen, maxaa yeelay, waxaad i nacsiiseen dadka dhulka deggan, oo ah reer Kancaan, iyo reer Feris. Haddaba anigoo dadkaygu yar yahay, ayay isu kay wada urursan doonaan oo ay i dili doonaan; markaasna aniga iyo reerkaygaba waa la baabbi'in doonaa.Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, De miyey ku habboonayd inuu walaashayo sidii dhillo ula macaamiloodo?

34:31b.GEN.034.031 Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, De miyey ku habboonayd inuu walaashayo sidii dhillo ula macaamiloodo?

35

35:1b.GEN.035.001 Oo Ilaah wuxuu Yacquub ku yidhi, Kac oo xagga Beytel tag, oo halkaas deg; oo meel allabari halkaas uga samee Ilaahii kuu muuqday markii aad walaalkaa Ceesaw ka cararaysay.

35:2b.GEN.035.002 Markaasaa Yacquub ku yidhi dadkii gurigiisa iyo intii isaga la jirtay oo dhan, Iska fogeeya ilaahyada qalaad oo idinku dhex jira, oo isdaahirsha, oo dharkiinnana beddesha,

35:3b.GEN.035.003 oo ina kiciya, aynu Beytel tagnee, oo anna halkaas meel allabari baan uga samayn doonaa Ilaahii ii jawaabay maalintii aan dhibtoonayay oo ila jiray jidkii aan maray.

35:4b.GEN.035.004 Markaasay Yacquub wada siiyeen ilaahyadii qalaad oo gacantooda ku jiray, iyo hilqadihii dhegahooda ku jiray, Yacquubna wuxuu ku qariyey geed Shekem ku ag yiil hoostiisa.

35:5b.GEN.035.005 Wayna sodcaaleen, magaalooyinkii ku wareegsanaa oo dhanna cabsi weyn baa ku dhacday, mana ay ka daba tegin reer Yacquub.

35:6b.GEN.035.006 Yacquubna wuxuu yimid Luus oo ku taal dalka Kancaan (taasuna waa Beytel), isagii iyo dadkii la jiray oo dhanba.

35:7b.GEN.035.007 Markaasuu halkaas ka dhisay meel allabari, wuxuuna meeshii u bixiyey Elbeytel, maxaa yeelay, Ilaah baa halkaas ugu muuqday isaga, markuu ka cararay walaalkiis.

35:8b.GEN.035.008 Markaasaa Debooraah oo Rebeqah midiidinteedii ahayd dhimatay, waxaana lagu aasay Beytel geedka hoostiisa; meeshaas magaceediina waxaa loo bixiyey Alloon Bakuud.

35:9b.GEN.035.009 Markaasaa Ilaah mar kale Yacquub u muuqday, markii uu ka yimid Fadan Araam, wuuna barakeeyey.

35:10b.GEN.035.010 Oo waxaa Ilaah ku yidhi, Magacaagu waa Yacquub. Hadda ka dib magacaaga lama odhan doono Yacquub, laakiinse magacaagu wuxuu ahaan doonaa Israa'iil. Magiciisiina wuxuu u bixiyey Israa'iil.

35:11b.GEN.035.011 Markaasaa Ilaah ku yidhi isaga, Waxaan ahay Ilaaha Qaadirka ah. Wax badan dhal oo taran; quruun iyo quruumo badan ayaa kaa iman doona, waxaa kaa soo bixi doona boqorro;

35:12b.GEN.035.012 oo dhulkii aan siiyey Ibraahim iyo Isxaaq, adigaan ku siin doonaa, adiga dabadaana farcankaagaan siin doonaa dhulka.

35:13b.GEN.035.013 Ilaahna kor buu uga tegey isagii iyo meeshii uu kula hadlayba.

35:14b.GEN.035.014 Yacquubna meeshii uu kula hadlay isaga wuxuu ka taagay tiir, kaas oo ahaa tiir dhagax ah; wuxuuna ku dul shubay qurbaan cabniin ah, saliidna wuu ku dul shubay.

35:15b.GEN.035.015 Yacquubna meeshii Ilaah kula hadlay isaga magaceedii wuxuu u bixiyey Beytel.

35:16b.GEN.035.016 Wayna ka sodcaaleen Beytel; oo intaanay Efrad weli soo gaadhin ayaa Raaxeel foolatay, fooshiina way ku rafaadday.

35:17b.GEN.035.017 Oo markay fooshii ku rafaadaysay umulisadii baa ku tidhi, Ha cabsan; waayo, haatan waxaad dhalaysaa wiil kale.

35:18b.GEN.035.018 Oo waxay noqotay in, markii ay naftu ka sii baxaysay, ay magiciisii u bixisay Benooni, waayo, way dhimatay, laakiinse aabbihiis wuxuu u bixiyey Benyaamiin.

35:19b.GEN.035.019 Raaxeelna way dhimatay, waxaana lagu aasay jidka loo maro Efrad, taasuna waa Beytlaxam.

35:20b.GEN.035.020 Yacquubna tiir buu ka taagay qabrigeedii; waana isla tiirka ka taagan qabrigii Raaxeel ilaa maanta.

35:21b.GEN.035.021 Israa'iilna waa sodcaalay, oo wuxuu teendhadiisii ka dhistay munaaraddii Ceeder shishadeeda.

35:22b.GEN.035.022 Oo waxay noqotay, intuu Israa'iil dhulkaas degganaa, in Ruubeen u tegey oo la jiifsaday addoontii aabbihiis oo Bilhah ahayd; Israa'iilna taas wuu maqlay. Wiilashii Yacquubna laba iyo toban bay ahayeen.

35:23b.GEN.035.023 Wiilashii Lee'ah waxay ahaayeen Ruubeen oo ahaa curadkii Yacquub, iyo Simecoon, iyo Laawi, iyo Yahuudah, iyo Isaakaar, iyo Sebulun.

35:24b.GEN.035.024 Wiilashii Raaxeelna waxay ahaayeen Yuusuf iyo Benyaamiin.

35:25b.GEN.035.025 Addoontii Raaxeel oo Bilhah ahayd wiilasheediina waxay ahaayeen Daan iyo Naftaali.

35:26b.GEN.035.026 Addoontii Lee'ah oo Silfah ahayd wiilasheediina waxay ahaayeen Gaad iyo Aasheer. Kuwanu waa wiilashii Yacquub oo isaga ugu dhashay Fadan Araam.

35:27b.GEN.035.027 Markaasaa Yacquub aabbihiis Isxaaq ugu yimid Mamre, iyo xagga Qiryad Arbac, taasuna waa Xebroon, oo ahayd meeshii Ibraahim iyo Isxaaq qariib ahaanta u degganaan jireen.

35:28b.GEN.035.028 Isxaaq cimrigiisuna wuxuu ahaa boqol iyo siddeetan sannadood.Isxaaqna wuu naf baxay, wuuna dhintay, oo wuxuu ku darmaday dadkiisii, isagoo duq ah oo cimri weyn; markaasay wiilashiisii Ceesaw iyo Yacquub isagii aaseen.

35:29b.GEN.035.029 Isxaaqna wuu naf baxay, wuuna dhintay, oo wuxuu ku darmaday dadkiisii, isagoo duq ah oo cimri weyn; markaasay wiilashiisii Ceesaw iyo Yacquub isagii aaseen.

36

36:1b.GEN.036.001 Haddaba kuwanuna waa farcankii Ceesaw, isna waa Edom.

36:2b.GEN.036.002 Ceesaw wuxuu gabdhihii reer Kancaan ka guursaday Caadah ina Eeloon kii reer Xeed, iyo Aaholiibaamah ina Canah, oo ahayd ina Sibecoon kii reer Xiwi,

36:3b.GEN.036.003 iyo Basmad oo ahayd ina Ismaaciil, oo la dhalatay Nebayod.

36:4b.GEN.036.004 Caadahna waxay Ceesaw u dhashay Elifas, Basmadna waxay u dhashay Recuu'eel;

36:5b.GEN.036.005 Aaholiibaamahna waxay u dhashay Yecuush, iyo Yaclaam, iyo Qorax; kuwanu waa wiilashii Ceesaw, oo isaga ugu dhashay dalkii Kancaan.

36:6b.GEN.036.006 Markaasaa Ceesaw kaxaystay naagihiisii, iyo wiilashiisii iyo gabdhihiisii, iyo dadkii gurigiisa oo dhan, iyo lo'diisii, iyo xayawaankiisii oo dhan, iyo wixii uu lahaa oo dhan oo uu ku urursaday dalkii Kancaan; markaasuu tegey dal ka fog walaalkiis Yacquub.

36:7b.GEN.036.007 Waayo, xoolahoodu aad bay u badnaayeen oo ma ay wada degi karin; dhulkii ay degganaan jireenna ma uu wada qaadi karin lo'dooda aawadeed.

36:8b.GEN.036.008 Ceesawna wuxuu degay Buur Seciir; Ceesaw waa Edom.

36:9b.GEN.036.009 Kuwanuna waa farcankii Ceesaw oo ahaa reer Edom aabbahood oo degganaan jiray Buur Seciir.

36:10b.GEN.036.010 Kuwanu waa wiilashii Ceesaw magacyadoodii, Elifas oo ahaa wiilkii Caadah oo naagtii Ceesaw ahayd, iyo Recuu'eel oo ahaa wiilkii Basmad oo naagtii Ceesaw ahayd.

36:11b.GEN.036.011 Wiilashii Elifasna waxay ahaayeen Teemaan, Oomaar, Sefoo, iyo Gactaam iyo Qenas.

36:12b.GEN.036.012 Timnac waxay ahayd addoontii uu Elifas ina Ceesaw qabay, oo waxay Elifas u dhashay Camaaleq; kuwanu waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Caadah ahayd.

36:13b.GEN.036.013 Kuwanuna waa wiilashii Recuu'eel: Nahad, iyo Serax, iyo Shammah, iyo Misaah; kuwanuna waxay ahaayeen wiilashii naagtii Ceesaw oo Basmad ahayd.

36:14b.GEN.036.014 Kuwanuna waxay ahaayeen wiilashii naagtii Ceesaw oo ahayd Aaholiibaamah, gabadhii Canah oo ahayd ina Sibecoon; oo iyana waxay Ceesaw u dhashay Yacuush, iyo Yaclaam, iyo Qorax.

36:15b.GEN.036.015 Kuwanu waxa weeye ugaasyadii wiilashii Ceesaw. Waa wiilashii Elifas kii ahaa curadkii Ceesaw kuwaas oo ah ugaas Teemaan, iyo ugaas Oomaar, iyo ugaas Sefoo, iyo ugaas Qenas,

36:16b.GEN.036.016 ugaas Qorax, iyo ugaas Gactaam, iyo ugaas Camaaleq. Kuwanu waa ugaasyadii Elifas dhalay oo dalkii Edom joogay; kuwanu waa wiilashii Caadah.

36:17b.GEN.036.017 Kuwanuna waa wiilashii Recuu'eel oo ahaa ina Ceesaw: ugaas Nahad, iyo ugaas Serax, iyo ugaas Shammah, iyo ugaas Misaah. Kuwanuna waa ugaasyadii uu Recuu'eel dhalay oo dalkii Edom joogay; kuwanu waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Basmad ahayd.

36:18b.GEN.036.018 Kuwanuna waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Aaholiibaamah ahayd: ugaas Yecuush, iyo ugaas Yaclaam, iyo ugaas Qorax. Kuwanuna waa ugaasyadii ay dhashay naagtii Ceesaw oo ahayd Aaholiibaamah, gabadhii Canah.

36:19b.GEN.036.019 Kuwanu waa wiilashii Ceesaw oo ahaa Edom, oo kuwanu waa ugaasyadoodii.

36:20b.GEN.036.020 Kuwanuna waa wiilashii Seciir, kii reer Xor, oo ahaa kuwii dhulka degganaa, Lootaan, iyo Shoobaal, iyo Sibecoon, iyo Canah,

36:21b.GEN.036.021 iyo Dishon, iyo Eeser, iyo Diishaan. Kuwanu waa ugaasyadii reer Xor, oo ahaa ilma Seciir oo degganaa dhulkii Edom.

36:22b.GEN.036.022 Carruurtii Lootaanna waxay ahaayeen Xori iyo Heemaam, Lootaan walaashiisna waxay ahayd Timnac.

36:23b.GEN.036.023 Kuwanuna waa carruurtii Shoobaal; Calwaan, iyo Maanahad, iyo Ceebaal, iyo Shefo, iyo Oonaam.

36:24b.GEN.036.024 Kuwanuna waa carruurtii Sibecoon; Ayah, iyo Canah. Kanu waa Canah kii cidlada ka helay ilaha biyaha oo kulul, markuu daajinayay dameerrada aabbihiis Sibecoon.

36:25b.GEN.036.025 Kuwanuna waa carruurtii Canah; Dishon, iyo Aaholiibaamah, gabadhii Canah.

36:26b.GEN.036.026 Kuwanuna waa carruurtii Dishon; Xemdaan, iyo Eshbaan, iyo Yitraan, iyo Keraan.

36:27b.GEN.036.027 Kuwanuna waa carruurtii Eeser; Bilhaan, iyo Sacwaan, iyo Caqaan.

36:28b.GEN.036.028 Kuwanuna waa carruurtii Diishaan; Cuus iyo Araan.

36:29b.GEN.036.029 Kuwanuna waa ugaasyadii reer Xor; ugaas Lootaan, iyo ugaas Shoobaal, iyo ugaas Sibecoon, iyo ugaas Canah,

36:30b.GEN.036.030 ugaas Dishon, iyo ugaas Eeser, iyo ugaas Diishaan. Kuwanuna waa ugaasyadii reer Xor siday ahaayeen ugaasyadoodii dalka Seciir joogay.

36:31b.GEN.036.031 Kuwanuna waa boqorradii xukumi jiray dalkii Edom intaan boqorna xukumin reer binu Israa'iil.

36:32b.GEN.036.032 Belac ina Becoor wuxuu xukumi jiray Edom, magaaladiisii magaceedana waxaa la odhan jiray Dinhaabah.

36:33b.GEN.036.033 Markaasaa Belac dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Yoobaab ina Serax oo reer Bosraah ahaa.

36:34b.GEN.036.034 Yoobaabna waa dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Xushaam oo ka yimid dhulkii reer Teemaan.

36:35b.GEN.036.035 Xushaamna waa dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Hadad ina Bedad, oo reer Midyaan ku laayay berrinkii Moo'aab, magaaladiisii magaceedana waxaa la odhan jiray Cawiid.

36:36b.GEN.036.036 Markaasaa Hadadna dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Samlah oo reer Masreqah ahaa.

36:37b.GEN.036.037 Markaasaa Samlahna dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Sha'uul oo reer Rexobod ahaa oo webiga ag degganaa.

36:38b.GEN.036.038 Markaasaa Sha'uulna dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Bacal Xaanaan ina Cakboor.

36:39b.GEN.036.039 Bacal Xaanaan ina Cakboorna waa dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Hadar, magaaladiisii magaceedana waxaa la odhan jiray Faacuu; naagtiisa magaceeduna wuxuu ahaa Meheetabeel, oo ay Matreed gabadha Meesaahaab dhashay.

36:40b.GEN.036.040 Kuwanuna waa magacyadii ugaasyadii Ceesaw dhalay, siday ahaayeen qabiilooyinkoodii iyo magacyadii meelahoodii ay degganaan jireen, waana ugaas Timnac, iyo ugaas Calwah, iyo ugaas Yeteed,

36:41b.GEN.036.041 iyo ugaas Aaholiibaamah, iyo ugaas Eelaah, iyo ugaas Fiinon;

36:42b.GEN.036.042 iyo ugaas Qenas, iyo ugaas Teemaan, iyo ugaas Mibsaar;iyo ugaas Magdii'eel, iyo ugaas Ciiraam. Kuwanu waa ugaasyadii reer Edom sidii ay u degganaayeen dhulkii ay lahaayeen. Kanu waa Ceesaw oo ahaa reer Edom aabbahood.

36:43b.GEN.036.043 iyo ugaas Magdii'eel, iyo ugaas Ciiraam. Kuwanu waa ugaasyadii reer Edom sidii ay u degganaayeen dhulkii ay lahaayeen. Kanu waa Ceesaw oo ahaa reer Edom aabbahood.

37

37:1b.GEN.037.001 Yacquubna wuxuu degay dhulkii aabbihiis qariibka ku ahaan jiray, oo ahaa dalkii Kancaan.

37:2b.GEN.037.002 Kuwanuna waa farcankii Yacquub. Yuusuf, isagoo jira toddoba iyo toban sannadood, ayuu idaha la daajinayay walaalihiis, wuxuuna ahaa wiil la jooga wiilashii Bilhah iyo Silfah oo ahaa naagihii aabbihiis. Markaasuu Yuusuf xaggooda war xun uga keenay aabbahood.

37:3b.GEN.037.003 Israa'iilna Yuusuf wuu ka jeclaa carruurtiisa oo dhan, maxaa yeelay, wuxuu ahaa inankuu dhalay markuu gaboobay; oo wuxuuna u sameeyey shulug midabyo badan leh.

37:4b.GEN.037.004 Markaasaa walaalihiis arkeen in aabbahood ka jecel yahay isaga walaalihiis oo dhan; kolkaasay nebcaadeen isagii, wayna kari waayeen inay isaga si nabad ah ula hadlaan.

37:5b.GEN.037.005 Yuusufna wuu riyooday, markaasuu riyadiisii u sheegay walaalihiis, iyana aad bay u sii nebcaadeen.

37:6b.GEN.037.006 Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Waan idin baryayaaye, bal maqla riyadan aan ku riyooday.

37:7b.GEN.037.007 Bal eega, waxaynu beerta ku xidhxidhaynay xidhmooyin, markaasaa xidhmadaydii kacday, oo istaagtay, xidhmooyinkiinniina hareeraheeday yimaadeen oo u sujuudeen xidhmadaydii.

37:8b.GEN.037.008 Markaasaa walaalihiis ku yidhaahdeen, Ma annagaad na xukumi doontaa? Amase noo talin doontaa? Markaasay aad iyo aad ugu sii nebcaadeen riyooyinkiisii iyo hadalladiisii aawadood.

37:9b.GEN.037.009 Markaasuu haddana riyo kale ku riyooday, oo walaalihiis u sheegay, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, riyo kalaan ku riyoodaye. Waxaan ku riyooday qorraxdii iyo dayaxii, iyo koob iyo toban xiddigood oo ii sujuuday.

37:10b.GEN.037.010 Markaasuu aabbihiis u sheegay, iyo walaalihiisba, aabbihiisna waa canaantay, oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay riyadan aad ku riyootay? Ma aniga iyo hooyadaa iyo walaalahaa baa kuu iman doonna, oo intaan wejiga dhulka saarno kuu sujuudi doonna?

37:11b.GEN.037.011 Markaasay walaalihiis ka masayreen isagii; laakiinse aabbihiis maankuu ku haystay hadalkii.

37:12b.GEN.037.012 Markaasaa walaalihiis tageen, inay adhigii aabbahood soo daajiyaan Shekem.

37:13b.GEN.037.013 Israa'iilna wuxuu Yuusuf ku yidhi, Miyaanay walaalahaa adhigii daajinayn Shekem? Bal kaalay, xaggoodaan kuu dirayaaye. Markaasuu isna ku yidhi, Waa i kan.

37:14b.GEN.037.014 Oo wuxuu ku yidhi isagii, Bal tag oo soo arag in walaalahaa iyo adhigiiba nabad qabaan iyo in kale, oo haddana ii war keen. Sidaas daraaddeed isagii wuxuu ka diray dooxadii Xebroon, oo wuxuu tegey Shekem.

37:15b.GEN.037.015 Markaasaa nin helay isagoo duurka wareegaya; ninkiina wax buu weyddiiyey oo wuxuu ku yidhi, Maxaad doondoonaysaa?

37:16b.GEN.037.016 Isna wuxuu yidhi, Waxaan doondoonayaa walaalahay. Waan ku baryayaaye, ii sheeg meesha ay adhigii daajinayaan.

37:17b.GEN.037.017 Markaasaa ninkii ku yidhi, Halkan way ka tageen, waayo, waxaan maqlay iyagoo isku leh, Ina keena aynu Dotaan tagnee. Markaasuu Yuusuf walaalihiis ka daba tegey, oo wuxuu iyagii ka helay Dotaan.

37:18b.GEN.037.018 Markaasay meel fog ka arkeen isagii, oo intuusan u soo dhowaan iyagii, ayay ku tashadeen inay dilaan.

37:19b.GEN.037.019 Oo waxay isku yidhaahdeen, Bal eega, kii riyada badnaa waa soo socdaaye.

37:20b.GEN.037.020 Haddaba kaalaya aynu dilnee, oo aynu ku tuurno ceelasha midkood, oo waxaynu odhan doonnaa, Bahal xun baa cunay. Dabadeedna waxaynu arki doonnaa bal waxay riyooyinkiisii noqdaan.

37:21b.GEN.037.021 Oo Ruubeen baa taas maqlay, isagiina wuu ka samatabbixiyey gacantoodii; oo wuxuu iyagii ku yidhi, Yeynan naftiisa ka qaadin.

37:22b.GEN.037.022 Kolkaasaa Ruubeen ku yidhi iyagii, Dhiig ha daadinina, ee isaga ku tuura ceelkan cidlada ku yaal, laakiinse far ha saarina. Oo wuxuu taas u yeelay inuu isaga ka samatabbixiyo gacantooda oo uu u celiyo aabbihiis.

37:23b.GEN.037.023 Oo waxay noqotay in markii Yuusuf walaalihiis u yimid ay Yusuuf ka furteen shuluggiisii, kaasu wuxuu ahaa shuluggii midabyada badnaa oo uu qabay.

37:24b.GEN.037.024 Kolkaasay qabteen oo ay ceelkii ku tuureen; ceelkuna waa madhnaa oo biyo kuma jirin.

37:25b.GEN.037.025 Kolkaasay u fadhiisteen inay wax cunaan; dabadeedna indhahay kor u taageen oo wax bay fiiriyeen, oo waxay arkeen safar reer Ismaaciil ah oo ka soo socda xagga Gilecaad, oo awrtooda ay ugu raran yihiin xawaash, iyo beeyo, iyo malmal, waxayna u socdeen xagga Masar.

37:26b.GEN.037.026 Markaasuu Yahuudah ku yidhi walaalihiis, Maxaa faa'iido inoogu jirta, haddaynu walaalkeen dilno oo aynu dhiiggiisa qarinno?

37:27b.GEN.037.027 Kaalaya, aynu reer Ismaaciil ka iibinnee, oo yeynan isaga far saarin, maxaa yeelay, isagu waa walaalkeen, waana jidhkeenna. Walaalihiisna way maqleen isagii.

37:28b.GEN.037.028 Oo waxaa ag maray niman reer Midyaan ah, oo baayacmushtariyaal ah. Markaasay Yuusuf soo jiideen oo ceelkii ka soo bixiyeen, oo waxay Yuusuf kuwii reer Ismaaciil kaga iibiyeen labaatan xabbadood oo lacag ah. Oo iyana Yuusuf waxay keeneen Masar.

37:29b.GEN.037.029 Markaasaa Ruubeen ku noqday ceelkii; wuxuuna arkay inuusan Yuusuf ku jirin ceelka, kolkaasuu dharkiisii dildillaaciyey.

37:30b.GEN.037.030 Markaasuu walaalihiis ku noqday, oo wuxuu ku yidhi, Yarkii ma joogo, haddaba anigu xaggee baan tagaa?

37:31b.GEN.037.031 Kolkaasay shuluggii Yuusuf qaadeen oo intay orgi gowraceen ayay shuluggii dhiiggii geliyeen.

37:32b.GEN.037.032 Markaasay shuluggii midabyada badnaa direen, oo ay aabbahood u keeneen; oo waxay ku yidhaahdeen, Kan waannu helnay, haddaba bal garo inuu shuluggii wiilkaagii yahay iyo in kale.

37:33b.GEN.037.033 Wuuna gartay, oo wuxuu yidhi, Waa shuluggii wiilkayga. Bahal xun baa cunay isagii. Shakila'aan Yuusuf cadcad baa loo kala jeexjeexay.

37:34b.GEN.037.034 Markaasaa Yacquub dharkiisii dildillaaciyey, oo joonyad buu dhexda ku xidhay, wiilkiisiina maalmo badan ayuu u barooranayay.

37:35b.GEN.037.035 Kolkaasaa wiilashiisii oo dhan iyo gabdhihiisii oo dhammu u kaceen inay isaga qalbi qaboojiyaan, laakiinse wuu diiday inuu qalbi qaboobo, oo wuxuu yidhi, Anigoo barooranaya ayaan qabriga geli doonaa oo wiilkaygii u tegi doonaa. Aabbihiisna wuu u ooyay isagii.Markaasay kuwii reer Midyaan isagii Masar kaga iibiyeen nin la odhan jiray Footiifar, wuxuuna ahaa sirkaalkii Fircoon oo ahaa madaxa waardiyayaasha.

37:36b.GEN.037.036 Markaasay kuwii reer Midyaan isagii Masar kaga iibiyeen nin la odhan jiray Footiifar, wuxuuna ahaa sirkaalkii Fircoon oo ahaa madaxa waardiyayaasha.

38

38:1b.GEN.038.001 Oo waagaas waxay noqotay inuu Yahuudah ka tegey walaalihiis, oo wuxuu u leexday nin magiciisa la odhan jiray Xiirah oo reer Cadullaam ah.

38:2b.GEN.038.002 Markaasaa Yahuudah wuxuu halkaas ku arkay nin reer Kancaan ah oo magiciisa la odhan jiray Shuuca gabadhiisii. Kolkaasuu kaxaystay iyadii oo uu u tegey.

38:3b.GEN.038.003 Wayna uuraysatay oo waxay dhashay wiil, magiciisiina wuxuu u bixiyey Ceer.

38:4b.GEN.038.004 Oo haddana mar kalay uuraysatay oo waxay dhashay wiil; magiciisiina waxay u bixisay Oonaan.

38:5b.GEN.038.005 Oo weliba haddana wiil kalay dhashay, magiciisiina waxay u bixisay Sheelaah; oo isna wuxuu joogay Kesiib, markay dhashay isaga.

38:6b.GEN.038.006 Markaasaa Yahuudah naag u guuriyey curadkiisii ahaa Ceer, magaceedana waxaa la odhan jiray Taamaar.

38:7b.GEN.038.007 Yahuudah curadkiisii ahaa Ceer waa ku xumaa Rabbiga hortiisa; Rabbiguna waa dilay isagii.

38:8b.GEN.038.008 Markaasaa Yahuudah wuxuu ku yidhi Oonaan, Naagta walaalkaa u tag oo dumaal, oo ku samee wixii ninkeeda walaalkiis ku samayn lahaa, oo farcan u reeb walaalkaa.

38:9b.GEN.038.009 Oonaanna wuu ogaa inaan farcanku kiisii noqonayn, oo markuu u tegey naagtii walaalkiis ayuu shahwadiisii ku daadiyey dhulka, si uusan farcan u siin walaalkiis.

38:10b.GEN.038.010 Wixii uu sameeyeyna Rabbiga hortiisa aad buu ugu xumaa; oo markaasuu isagiina dilay.

38:11b.GEN.038.011 Markaasuu Yahuudah ku yidhi gabadhii Taamaar oo uu soddogga u ahaa, Carmalnimo ku joog guriga aabbahaa, ilaa uu wiilkayga Sheelaah koro; waayo, wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo uu isna dhintaa sidii walaalihiis. Kolkaasay Taamaar tagtay oo gurigii aabbeheed joogtay.

38:12b.GEN.038.012 Wakhti dheer ka dib waxaa dhimatay Shuuca gabadhiisii oo ahayd naagtii Yahuudah. Markaasaa Yahuudah loo tacsiyeeyey, oo wuxuu tegey xagga kuwii idihiisa dhogorta ka xiiri jiray oo joogay Timnaad, isaga iyo saaxiibkiis Xiirah kii reer Cadullaamba.

38:13b.GEN.038.013 Markaasaa Taamaar loo sheegay, oo waxaa lagu yidhi, Bal eeg, soddoggaa wuxuu tegayaa xagga Timnaad inuu idihiisii dhogorta ka soo xiirto.

38:14b.GEN.038.014 Markaasay iska dhigtay dharkii carmalinimadeeda, oo waxay hagoogatay indhashareerteedii, oo intay isdedday ayay waxay fadhiisatay iriddii Cenayim, oo ku ag tiil jidka loo maro Timnaad, waayo, waxay aragtay inuu Sheelaah weynaaday, oo aan loo guurin iyada.

38:15b.GEN.038.015 Markii Yahuudah arkay ayuu u maleeyey inay dhillo tahay; maxaa yeelay, wejigeeday qarisay.

38:16b.GEN.038.016 Kolkaasuu ku soo leexday iyadoo jidka ag fadhida, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, kaalay aan kuu tagee; waayo, ma uu ogayn inay tahay gabadhii uu soddogga u ahaa. Kolkaasay waxay ku tidhi, Maxaad i siinaysaa aad ii tagtide?

38:17b.GEN.038.017 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Waxaan adhiga kaaga soo diri doonaa waxar. Iyana waxay tidhi, Rahaamad ma i siinaysaa intaad ii soo diraysid?

38:18b.GEN.038.018 Isna wuxuu yidhi, Maxaan rahaamad kuu siiyaa? Kolkaasay tidhi, I sii kaatunkaaga iyo xadhiggaaga, iyo ushaada aad gacanta ku haysatid. Kolkaasuu siiyey, oo uu u tegey iyadii, oo iyana xaggiisay ka uuraysatay.

38:19b.GEN.038.019 Kolkaasay kacday oo tagtay, oo intay indhashareerteedii iska dhigtay, ayay xidhatay dharkii carmalinimadeedii.

38:20b.GEN.038.020 Markaasaa Yahuudah waxar adhiga ka soo diray oo wuxuu ugu soo dhiibay gacanta saaxiibkiis kii reer Cadullaam, inuu rahaamaddii ka soo qaado gacantii naagta, laakiinse iyadii wuu waayay.

38:21b.GEN.038.021 Markaasuu weyddiiyey dadkii degganaa meesheedii, oo wuxuu ku yidhi, Meeday dhilladii joogi jirtay Cenayim jidka dhinaciisa? Kolkaasay iyana ku yidhaahdeen, Halkan dhillo ma joogi jirin.

38:22b.GEN.038.022 Markaasuu ku noqday Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Iyadii waan waayay, dadkii meeshaa degganaana waxay igu yidhaahdeen, Halkan dhillo ma joogi jirin.

38:23b.GEN.038.023 Markaasaa Yahuudah yidhi, Ha iska qaadato, waaba intaasoo aynu ku ceebownaaye; waayo, bal eeg, anigu waxaan u diray waxarkan, waana aad soo weyday iyadii.

38:24b.GEN.038.024 Oo waxay noqotay in muddo saddex bilood ku dhow dabadeed Yahuudah war loo soo sheegay, oo lagu yidhi, Gabadhii Taamaar oo aad soddogga u ahayd waa dhillowday; oo dhillanimadeedii bay ku uuraysatay. Markaasaa Yahuudah yidhi, Soo bixiya oo ha la gubo.

38:25b.GEN.038.025 Kolkaasay markii la soo bixiyey farriin u dirtay soddoggeed, oo waxay tidhi, Ninka alaabtan leh ayaa i uureeyey; oo waxay kaloo tidhi, Waan ku baryayaaye, bal hubso ninka leh kuwan ah kaatunka iyo xadhkaha, iyo usha.

38:26b.GEN.038.026 Markaasaa Yahuudah qirtay iyagii, oo wuxuu yidhi, Iyadu way iga xaqsan tahay, waayo, waxaan iyada siin waayay wiilkayga Sheelaah ah. Mar dambena uma uu tegin iyadii.

38:27b.GEN.038.027 Oo bal eeg, markii ay foolatay mataano baa ku jiray maxalkeeda.

38:28b.GEN.038.028 Oo waxay noqotay, in markii ay foolatay uu midkood gacan soo bixiyey; markaasay umulisadii qaadatay dun guduudan oo ay gacantiisii ku xidhay, oo waxay tidhi, Kanaa soo hor baxay.

38:29b.GEN.038.029 Oo waxay noqotay, markuu gacanta dib u ceshaday, inuu walaalkiis soo baxay; oo iyana waxay tidhi, De maxaad u soo dustay? Sidaas daraaddeed magiciisii waxaa loo bixiyey Feres.Dabadeedna waxaa soo baxay walaalkiis, kii ay dunta guduudanu gacanta ugu xidhnayd; magiciisiina waxaa loo bixiyey Serax.

38:30b.GEN.038.030 Dabadeedna waxaa soo baxay walaalkiis, kii ay dunta guduudanu gacanta ugu xidhnayd; magiciisiina waxaa loo bixiyey Serax.

39

39:1b.GEN.039.001 Yuusufna waxaa la keenay Masar. Kuwii reer Ismaaciil oo isaga halkaas geeyeyna waxaa gacantoodii ka iibsaday nin Masri ahaa oo la odhan jiray Footiifar, oo Fircoon sirkaal u ahaa, oo madaxii waardiyayaasha ahaa.

39:2b.GEN.039.002 Rabbiguna waa la jiray Yuusuf, wuxuuna ahaa nin liibaansan, wuxuuna joogi jiray gurigii sayidkiisii Masriga ahaa.

39:3b.GEN.039.003 Sayidkiisiina wuu arkay in Rabbigu liibaaniyey wixii uu sameeyey oo dhan.

39:4b.GEN.039.004 Isaguna raalli buu Yuusuf ka ahaa, Yuusufna waa u adeegi jiray, oo wuxuu isagii ka dhigay kan gurigiisa u sarreeya, wixii uu haystay oo dhanna gacantiisuu wada geliyey.

39:5b.GEN.039.005 Oo waxay noqotay in wakhtigii uu ka dhigay kan u sarreeya gurigiisa iyo wixii uu haystay oo dhan, uu Rabbigu gurigii kii Masriga ahaa u barakeeyey Yuusuf aawadiis, wixii uu guriga iyo beertaba ku haystay oo dhanna barakada Rabbigaa saarnayd.

39:6b.GEN.039.006 Wixii uu lahaa oo dhanna Yuusuf gacantiisuu kaga tegey. Waxbana kama ogayn wixii uu hayay, wixii uu cuni jiray mooyaane. Yuusufna aad buu u quruxsanaa, wuuna suurad wanaagsanaa.

39:7b.GEN.039.007 Oo waxay noqotay waxyaalahaas ka dib in naagtii sayidkiisu ay fiirisay Yuusuf, oo ay ku tidhi, Kaalay ila jiifso.

39:8b.GEN.039.008 Laakiinse wuu diiday, oo wuxuu ku yidhi naagtii sayidkiisa, Bal eeg, sayidkaygu waxba kama oga waxa aan guriga ku hayo; wixiisii oo dhanna gacantayduu wada geliyey;

39:9b.GEN.039.009 oo weliba gurigan mid aniga iga weynu ma joogo, oo isaguna waxba igalama hadhin adiga mooyaane, maxaa yeelay, adigu waxaad tahay naagtiisii, de haddaba sidee baan u samayn karaa xumaantan weyn, oo aan Ilaah ugu dembaabaa?

39:10b.GEN.039.010 Oo waxay noqotay, in kastoo ay maalinba maalinta ka dambaysa la hadlaysay Yuusuf, inuu maqli waayay inuu la jiifsado ama uu la joogo iyadii.

39:11b.GEN.039.011 Oo waxay noqotay haddaa oo kale, inuu gurigii galay inuu shuqulkiisii qabsado, nimankii gurigana midna gudaha ma joogin.

39:12b.GEN.039.012 Kolkaasay qabsatay dharkiisii, oo waxay ku tidhi, Ila jiifso. Isaguse dharkiisii gacanteeduu kaga tegey, wuuna cararay oo baxay.

39:13b.GEN.039.013 Markay aragtay inuu dharkiisii gacanteeda kaga tegey, oo uu dibadda u cararay,

39:14b.GEN.039.014 ayay u yeedhay raggii gurigeeda oo ay la hadashay, oo waxay ku tidhi, Bal eega, ninkaygu wuxuu inoo keenay nin Cibraani ah inuu inagu majaajiloodo. Wuxuu iigu soo galay inuu ila jiifsado aawadeed, markaasaan cod dheer ku qayliyey,

39:15b.GEN.039.015 oo markuu maqlay inaan codkaygii sare u qaaday oo aan qayliyey ayuu dharkiisii iiga tegey, wuuna cararay oo baxay.

39:16b.GEN.039.016 Dharkiisiina way is-ag dhigtay ilaa uu sayidkiisii guriga yimid.

39:17b.GEN.039.017 Kolkaasay hadalkan kula hadashay isagii, oo waxay ku tidhi, Addoonkii Cibraaniga ahaa, oo aad inoo keentay, ayaa iigu soo galay inuu igu majaajiloodo,

39:18b.GEN.039.018 oo markaan codkaygii sare u qaaday oo aan qayliyey ayuu dharkiisii iiga tegey, oo uu dibadda u cararay.

39:19b.GEN.039.019 Markii sayidkiisii maqlay hadalkii naagtiisa, oo ay kula hadashay isaga, iyadoo leh, Addoonkaagii sidan buu igu sameeyey, ayuu cadhooday.

39:20b.GEN.039.020 Markaasaa Yuusuf sayidkiisii qabtay isagii, oo wuxuu geliyey xabsigii ahaa meeshii maxaabiista boqorku ku xidhnaayeen; oo isna halkaasuu ku jiray xabsigii gudihiisa.

39:21b.GEN.039.021 Laakiinse Yuusuf waxaa la jiray Rabbiga, wuuna u roonaaday, kii xabsiga hayayna raalli buu uga dhigay.

39:22b.GEN.039.022 Kii xabsiga hayayna wuxuu Yuusuf gacanta u geliyey maxaabiistii xabsiga ku jirtay oo dhan; oo wax kastoo ay halkaas ku sameeyeenna, wuxuu ahaa kii sameeyey.Kii xabsiga hayayna ma uu eegi jirin waxa isaga gacantiisa ku jira, maxaa yeelay, Rabbigaa la jiray isaga, wixii uu sameeyeyna Rabbigu waa liibaaniyey.

39:23b.GEN.039.023 Kii xabsiga hayayna ma uu eegi jirin waxa isaga gacantiisa ku jira, maxaa yeelay, Rabbigaa la jiray isaga, wixii uu sameeyeyna Rabbigu waa liibaaniyey.

40

40:1b.GEN.040.001 Waxyaalahaas ka dib, kii boqorkii Masar khamriga siin jiray iyo kii wax u dubi jiray waxay xumeeyeen sayidkoodii ahaa boqorkii Masar.

40:2b.GEN.040.002 Fircoonna aad buu ugu cadhaysnaa labadiisii sirkaal oo ahaa kii madaxa u ahaa kuwii khamriga siin jiray, iyo kii madaxa u ahaa kuwii wax u dubi jiray.

40:3b.GEN.040.003 Oo wuxuu iyagii ku xabbisay gurigii madaxa waardiyayaasha, xagga xabsiga gudihiisa oo ahaa meeshii Yuusuf ku xidhnaa.

40:4b.GEN.040.004 Madaxii waardiyayaashuna Yuusuf amar buu u siiyey iyagii, wuuna u adeegi jiray iyagii; intii wakhti ahna xabsigay ku jireen.

40:5b.GEN.040.005 Kii khamriga siin jiray iyo kii wax u dubi jiray boqorkii Masar, iyagoo xabsiga ku xidhnaa, ayay labadoodiiba isku habeen riyoodeen, nin kastaana riyadiisuu ku riyooday oo nin kastaa wuxuu ku riyooday sidii riyadiisii fasirkeedu ahaa.

40:6b.GEN.040.006 Subaxdii baa Yuusuf u soo galay oo fiiriyey iyagii, oo wuxuu arkay iyagoo calool xun.

40:7b.GEN.040.007 Markaasuu wax weyddiiyey saraakiishii Fircoon oo isaga lagula xabbisay guriga sayidkiisa, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad maanta ugu eg tihiin kuwo calool xun?

40:8b.GEN.040.008 Markaasay waxay ku yidhaahdeen isagii, Riyaannu ku riyoonnay, mana jiro mid fasiri karaa. Markaasaa Yuusuf wuxuu ku yidhi iyagii, Miyaan Ilaah fasirro lahayn? Haddaba waan idin baryayaaye, bal ii sheega.

40:9b.GEN.040.009 Markaasaa madaxii kuwii khamriga keeni jiray riyadiisii Yuusuf u sheegay, oo wuxuu yidhi, Riyadaydii waxaan ku arkay geed canab ah oo i hor yaal.

40:10b.GEN.040.010 Geedkuna wuxuu lahaa saddex laamood. Waxayna u ekaayeen sidii iyagoo magoolaya, ubaxyadiina soo baxayaan; markaasaa rucubyadii waxay noqdeen canab bisil.

40:11b.GEN.040.011 Koobkii Fircoonna gacantayduu ku jiray, markaasaan canabkii guray oo koobkii Fircoon ku tuujiyey, koobkiina waxaan u dhiibay gacantii Fircoon.

40:12b.GEN.040.012 Markaasaa Yuusuf ku yidhi, Fasirkeedii waa kan: saddexda laamood waa saddex maalmood.

40:13b.GEN.040.013 Oo weliba saddex maalmood dhexdooda ayaa Fircoon madaxaaga kor u qaadi doonaa, oo meeshaaduu kugu celin doonaa; Fircoon koobkiisiina gacantiisaad u dhiibi doontaa sidii waagii hore markaad ahaan jirtay kii khamriga siin jiray.

40:14b.GEN.040.014 Laakiinse waan ku baryayaaye, i soo xusuuso markay kuu hagaagto, oo ii roonow, oo Fircoon ii sheeg, oo gurigan iga bixi;

40:15b.GEN.040.015 waayo, waxaa layga soo xaday dhulka Cibraaniyada, oo halkanna kuma aan samayn wax ay iigu ridaan godxabsiga.

40:16b.GEN.040.016 Madaxii kuwii wax dubi jiray markuu arkay inuu fasirkaasu wanaagsanaa ayuu wuxuu Yuusuf ku yidhi, Aniguna waxaan riyadaydii ku arkay saddex dambiil oo kibis cadcadu ku jirto oo madaxayga saaran.

40:17b.GEN.040.017 Oo dambiishii ugu wada sarreeyey waxaa ku jiray cunto cayn kasta ah oo Fircoon loo dubay; markaasay haadkii cuntadii ka cuneen dambiishii madaxayga saarnaa.

40:18b.GEN.040.018 Markaasaa Yuusuf u jawaabay oo ku yidhi, Fasirkeedii waa kan; saddexda dambiil waa saddex maalmood.

40:19b.GEN.040.019 Oo weliba saddex maalmood dhexdooda ayaa Fircoon madaxaaga kor kaaga qaadi doonaa, geed buuna kaa soo deldeli doonaa, markaasaa haadku hilibkaaga cuni doonaa.

40:20b.GEN.040.020 Maalintii saddexaad oo la xusuustay maalintii Fircoon dhashay ayuu addoommadiisii oo dhan diyaafad u sameeyey; markaasuu kor u qaaday madaxii kii madaxa u ahaan jiray kuwii khamriga isaga siin jiray iyo madaxii kii madaxa u ahaan jiray kuwii wax u dubi jiray oo addoommadiisa dhex joogay.

40:21b.GEN.040.021 Markaasuu madaxii kuwii khamriga keeni jiray mar kale shaqadiisii ku celiyey; oo koobkii buu u dhiibay gacantii Fircoon;

40:22b.GEN.040.022 laakiinse madaxii kuwii wax dubi jiray ayuu deldelay sidii Yuusuf ugu fasiray iyaga.Laakiinse madaxii kuwii khamriga keeni jiray ma uu xusuusan Yuusuf, wuuse illoobay isagii.

40:23b.GEN.040.023 Laakiinse madaxii kuwii khamriga keeni jiray ma uu xusuusan Yuusuf, wuuse illoobay isagii.

41

41:1b.GEN.041.001 Markii laba sannadood oo dhammu dhammaatay ayuu Fircoon riyooday, oo wuxuu is-arkay isagoo webiga ag taagan.

41:2b.GEN.041.002 Oo bal eeg, waxaa webigii ka soo baxay toddoba sac oo quruxsan oo cayillan, oo waxay daaqeen cawskii dareemada ahaa.

41:3b.GEN.041.003 Markaasaa waxaa dabadood webigii ka soo baxay toddoba sac oo kale oo fool xun, oo weyd ahaa, oo waxay is-ag taageen sicihii kale oo webiga qarkiisa jooga.

41:4b.GEN.041.004 Markaasaa sicihii foosha xumaa oo weydda ahaa waxay cuneen toddobadii sac oo qurxoonayd oo cayillanayd. Kolkaasuu Fircoon toosay.

41:5b.GEN.041.005 Markaasuu haddana seexday oo mar labaad riyooday, oo wuxuu arkay toddoba sabuul oo buurbuuran oo wanaagsan oo ka soo baxay isku jirid.

41:6b.GEN.041.006 Oo bal eeg, waxaa haddana ka soo daba baxay toddoba sabuul oo xunxun, oo ay dabayshii bari qallajisay.

41:7b.GEN.041.007 Markaasaa sabuulladii xunxumaa waxay liqeen toddobadii sabuul oo buurbuurnayd oo iltirnayd. Markaasuu Fircoon toosay, oo wuxuu arkay inay riyo tahay.

41:8b.GEN.041.008 Oo subaxdiina wuu dhibaataysnaa, kolkaasuu u cid diray oo uu u wada yeedhay saaxiriintii Masar oo dhan iyo nimankii xigmadda lahaa oo dhan; markaasaa Fircoon u sheegay riyadiisii; laakiin ma jirin mid Fircoon u fasiri karaa.

41:9b.GEN.041.009 Markaasaa waxaa Fircoon la hadlay kii madaxa u ahaa kuwa khamriga siin jiray isaga, oo wuxuu ku yidhi, Maantaan xusuustay dembiyadaydii.

41:10b.GEN.041.010 Fircoonow, adigoo u cadhaysnaa addoommadaada, waxaad igu xabbistay guriga madaxa waardiyayaasha, oo waxaannu ahayn aniga iyo kii madaxa u ahaa kuwii wax dubi jiray;

41:11b.GEN.041.011 oo markaasaannu isku habeen riyoonnay, aniga iyo isagiiba; waxaannu ku riyoonnay midkayo kastaba sidii riyadiisii fasirkeedu ahaa.

41:12b.GEN.041.012 Oo halkaasna waxaa nala joogay nin dhallinyaro ah oo Cibraani ah, oo madaxa waardiyayaasha addoon u ahaa, markaasaannu isagii u sheegnay, oo isna wuu noo fasiray riyooyinkayagii, nin kastana sidii riyadiisu ahayd buu ugu fasiray.

41:13b.GEN.041.013 Oo sidii uu noogu fasiray ayay noqotay. Aniga waxaa laygu soo celiyey meeshaydii, isagiina waa la deldelay.

41:14b.GEN.041.014 Dabadeedna Fircoon baa u cid diray oo u yeedhay Yuusuf. Markaasay dhaqso uga soo bixiyeen godxabsigii; kolkaasuu xiirtay, oo dharkiisii beddeshay, oo uu u soo galay Fircoon.

41:15b.GEN.041.015 Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Riyaan ku riyooday, mana jiro mid fasiri karaa; oo waxaan maqlay in markii aad riyo maqashid aad fasiri kartid.

41:16b.GEN.041.016 Yuusufna Fircoon buu u jawaabay oo ku yidhi, Taasu xaggayga ma aha, laakiinse Ilaah wuxuu Fircoon siin doonaa jawaab nabadeed.

41:17b.GEN.041.017 Markaasaa Fircoon Yuusuf la hadlay, oo yidhi, Waxaan riyadaydii ku arkay anigoo webiga qarkiisa taagan;

41:18b.GEN.041.018 oo bal eeg, waxaa webigii ka soo baxay toddoba sac oo buurbuuran oo quruxsan oo waxay daaqeen cawskii dareemada ahaa;

41:19b.GEN.041.019 oo waxaa haddana ka soo daba baxay toddoba sac oo kale, oo taagdaran oo fool xun oo weyd ah. Weligay dhulka Masar oo dhan kuma aan arag kuwa sidooda u xun.

41:20b.GEN.041.020 Markaasaa sicihii weydda ahaa oo foosha xumaa waxay cuneen toddobadii sac oo hore.

41:21b.GEN.041.021 Oo markay cuneen lagama garan karin inay cuneen, laakiinse waxay u fool xumaayeen sidii markii hore. Markaasaan toosay.

41:22b.GEN.041.022 Oo waxaan kaloo riyadaydii ku arkay toddoba sabuul oo iltiran oo wanaagsan, oo ka soo baxay isku jirid;

41:23b.GEN.041.023 dabadeedna waxaa ka soo daba baxay toddoba sabuul oo engegan oo xunxun oo dabayshii bari qallajisay.

41:24b.GEN.041.024 Markaasaa sabuulladii xunxumaa waxay liqeen toddobadii sabuul oo wanaagsanayd; markaasaan u sheegay saaxiriinta, laakiinse ma uu jirin mid ii sheegi karay.

41:25b.GEN.041.025 Oo Yuusuf wuxuu ku yidhi Fircoon, Riyadaadu waa mid, oo waxa Ilaah samaynayo ayuu kuu sheegay, Fircoonow.

41:26b.GEN.041.026 Toddobada sac oo wanwanaagsanu waa toddoba sannadood, toddobada sabuul oo wanwanaagsanuna waa toddoba sannadood; riyadu waa mid.

41:27b.GEN.041.027 Toddobada sac oo weyd ah oo foosha xun, oo ka soo daba baxay waa toddoba sannadood, oo haddana toddobada sabuul oo madhan, oo dabayshii bari qallajisay waxay noqon doonaan toddoba sannadood oo abaar ah.

41:28b.GEN.041.028 Taasu waa wixii aan kugula hadlay, Fircoonow. Waxa Ilaah samaynayo ayuu ku tusay.

41:29b.GEN.041.029 Oo bal eeg, waxaa dalka Masar oo dhan imanaya toddoba sannadood oo barwaaqo ah,

41:30b.GEN.041.030 oo dabadoodna waxaa dhici doona toddoba sannadood oo abaar ah; oo barwaaqadii oo dhanna waa laga illoobi doonaa dalka Masar, markaasay abaartu dhulka dhammayn doontaa,

41:31b.GEN.041.031 barwaaqadana dhulka laguma ogaan doono abaartaas ka dambaysa aawadeed, waayo, waxay noqon doontaa mid aad u xun.

41:32b.GEN.041.032 Oo taas aawadeed riyadii labanlaab bay kuu noqotay, Fircoonow, maxaa yeelay, waxaas waxaa amray Ilaah, oo weliba Ilaah dhowaan buu samayn doonaa.

41:33b.GEN.041.033 Haddaba Fircoonow, waxaad doontaa nin caqli iyo xigmad leh, oo u sarraysii dalka Masar oo dhan.

41:34b.GEN.041.034 Tan yeel oo waxaad doorataa niman dalka u sarreeya, oo waxa toddobada sannadood oo barwaaqada ah dhulka ka baxa inta shanaad ha ururiyeen.

41:35b.GEN.041.035 Oo cuntada oo dhan sannadahan wanaagsan oo imanaya ha ururiyeen, hadhuudhkana ha kugu hoos kaydiyeen, Fircoonow, oo intay cunto ahaan magaalooyinka u dhigaan, ha ilaaliyeen.

41:36b.GEN.041.036 Cuntaduna kayd bay dalka u noqon doontaa toddobada sannadood oo abaarta ah oo ka dhici doonta dalka Masar, si aan dalku abaarta ugu baabbi'in.

41:37b.GEN.041.037 Waxaasuna Fircoon way la wanaagsanaayeen, isaga iyo addoommadiisiiba.

41:38b.GEN.041.038 Markaasaa Fircoon wuxuu addoommadiisii ku yidhi, Miyaynu heli karaynaa mid la mid ah kan, oo ah nin Ruuxa Ilaah ku jiro?

41:39b.GEN.041.039 Markaasuu Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Mar haddii Ilaah ku tusay waxyaalahan oo dhan, ma jiro mid sidaadoo kale caqli iyo xigmad u leh.

41:40b.GEN.041.040 Adigu waxaad ka sarrayn doontaa gurigayga, dadkayga oo dhanna waxaa lagu xukumi doonaa si waafaqsan hadalkaaga, oo anigu carshiga oo keliya ayaan kaaga weynaan doonaa.

41:41b.GEN.041.041 Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Bal eeg, dalka Masar oo dhan ayaan kaa sarraysiiyey.

41:42b.GEN.041.042 Markaasuu Fircoon gacantiisa ka bixiyey kaatunkiisii, oo Yuusuf gacanta u geliyey, oo wuxuu u xidhay dhar aad u wanaagsan, silsilad dahab ahna qoortuu u sudhay;

41:43b.GEN.041.043 oo wuxuu fuushiiyey gaadhifaraskii labaad oo uu lahaa, oo waxay hortiisa kaga qayliyeen, Sujuuda; oo wuxuu ka sarraysiiyey dalka Masar oo dhan.

41:44b.GEN.041.044 Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Anigu waxaan ahay Fircoon, oo adiga la'aantaa ninna gacantiisa ama cagtiisa kor uma qaadi doono dalka Masar oo dhan.

41:45b.GEN.041.045 Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf magiciisii u bixiyey Saafnad Facneh, oo wuxuu u guuriyey Aasenad oo ahayd ina Footiiferac, wadaadkii Oon. Yuusufna markaasuu dalkii Masar oo dhan u baxay oo wada maray.

41:46b.GEN.041.046 Yuusufna soddon sannadood buu jiray markuu hor istaagay Fircoon oo ahaa boqorkii Masar. Markaasaa Yuusuf Fircoon hortiisii ka tegey, oo wuxuu wada maray dalkii Masar oo dhan.

41:47b.GEN.041.047 Markaasaa toddobadii sannadood oo barwaaqada ahayd waxaa dhulkii ka soo baxay wax aad u badan.

41:48b.GEN.041.048 Markaasuu ururiyey cuntadii toddobadii sannadood baxday oo dalka Masar oo dhan tiil, oo cuntadii wuxuu ku kaydiyey magaalooyinka. Cuntadii beerihii ku wareegsanaa magaalo kastana isku meel buu ku kaydiyey.

41:49b.GEN.041.049 Markaasaa Yuusuf hadhuudh aad u badan wuxuu u kaydiyey sida cammuudda badda, ilaa uu tirintii daayay, maxaa yeelay, waxay ahayd wax aan tiro lahayn.

41:50b.GEN.041.050 Oo Yuusuf waxaa u dhashay laba wiil intii aan sannaddii abaarta ahayd iman, oo waxaa u dhashay Aasenad oo ahayd ina Footiiferac, wadaadkii Oon.

41:51b.GEN.041.051 Markaasaa Yuusuf wuxuu curadkii magiciisii u bixiyey Manaseh; waayo, wuxuu yidhi, Ilaah waa i illowsiiyey dhibaatadaydii oo dhan, iyo gurigii aabbahay oo dhan.

41:52b.GEN.041.052 Kii labaadna magiciisii wuxuu u bixiyey Efrayim. Waayo, wuxuu yidhi, Ilaah waa igu badiyey dalkii aan ku dhibtooday.

41:53b.GEN.041.053 Markaasaa toddobadii sannadood oo barwaaqada ahayd ay dalkii Masar ka dhammaadeen.

41:54b.GEN.041.054 Oo waxaa bilaabatay toddobadii sannadood oo abaarta ahayd, sidii Yuusuf yidhi. Dalalkii oo dhanna abaar baa ka dhacday; laakiinse dalka Masar oo dhan cuntaa jirtay.

41:55b.GEN.041.055 Oo markii dalkii Masar oo dhammu wada abaarsaday ayaa dadkii Fircoon cunto ugu qayliyeen. Markaasaa Fircoon wuxuu ku yidhi Masriyiintii oo dhan, Yuusuf u taga, oo wuxuu idin yidhaahdo yeela.

41:56b.GEN.041.056 Oo abaartuna waxay ka dhacday dhulka dushiisa oo dhan. Markaasaa Yuusuf wada furay maqsinnadii oo dhan, oo wuxuu hadhuudhkii ka iibiyey Masriyiintii, abaartuna aad bay ugu xumayd dalka Masar.Markaasaa dalalkii oo dhammu waxay u soo safreen Masar, oo Yuusuf bay ugu yimaadeen inay hadhuudh ka iibsadaan; maxaa yeelay, abaartu aad bay ugu xumayd dhulka oo dhan.

41:57b.GEN.041.057 Markaasaa dalalkii oo dhammu waxay u soo safreen Masar, oo Yuusuf bay ugu yimaadeen inay hadhuudh ka iibsadaan; maxaa yeelay, abaartu aad bay ugu xumayd dhulka oo dhan.

42

42:1b.GEN.042.001 Haddaba Yacquub wuxuu arkay in hadhuudh laga helo Masar, markaasuu Yacquub wiilashiisii ku yidhi, War maxaa midkiinba midka kale u fiirinayaa?

42:2b.GEN.042.002 Oo wuxuu yidhi, Bal ogaada, waxaan maqlay in hadhuudh laga helo Masar. Bal xaggaas u dhaadhaca, oo halkaas wax inooga soo iibiya, inaynu noolaanno oo aynaan dhimanin.

42:3b.GEN.042.003 Markaasaa Yuusuf tobankiisii walaal waxay u tageen Masar inay hadhuudh ka soo iibsadaan.

42:4b.GEN.042.004 Laakiinse Benyaamiin oo ahaa Yuusuf walaalkiis Yacquub ma uu raacinin walaalihiis; waayo, wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo belaayo ku dhacdaa.

42:5b.GEN.042.005 Markaasaa wiilashii Israa'iil waxay u yimaadeen inay wax iibsadaan, iyagoo la socda kuwii yimid, waayo, abaartu dalkii Kancaanna way ka dhacday.

42:6b.GEN.042.006 Yuusufna wuxuu ahaa taliyihii dalka, isaguna wuxuu ahaa kii wax ka iibin jiray dadka dalka oo dhan. Markaasay Yuusuf walaalihiis u yimaadeen isagii, oo intay u wada sujuudeen ayay wejiga dhulka wada saareen.

42:7b.GEN.042.007 Yuusufna walaalihiis wuu arkay, wuuna gartay, laakiin wuxuu isaga dhigay sidii nin qalaad, oo intuu si qallafsan ula hadlay ayuu wuxuu ku yidhi iyagii, War xaggee baad ka timaadeen? Oo iyana waxay yidhaahdeen, Waxaannu ka nimid dalka Kancaan si aannu cunto u iibsanno.

42:8b.GEN.042.008 Yuusufna wuu gartay walaalihiis laakiinse iyagu ma ay garan isagii.

42:9b.GEN.042.009 Markaasaa Yuusuf xusuustay riyooyinkii iyaga ku saabsanaa oo uu ku riyooday, oo wuxuu ku yidhi iyagii, Basaasyaad tihiin, oo waxaad u timaadeen inaad aragtaan dhulka abaarnimadiisa.

42:10b.GEN.042.010 Iyana waxay ku yidhaahdeen isagii, Maya, sayidkayagiiyow, laakiinse annagoo addoommadaada ah waxaannu u nimid inaannu cunto iibsanno.

42:11b.GEN.042.011 Kulligayo isku nin wiilashiis baannu nahay, oo waxaannu nahay niman daacad ah, oo annagoo addoommadaada ah basaasyo ma nihin.

42:12b.GEN.042.012 Oo isna wuxuu ku yidhi iyagii, Maya, laakiinse waxaad u timaadeen inaad aragtaan dhulka abaarnimadiisa.

42:13b.GEN.042.013 Iyana waxay yidhaahdeen, Annagoo ah addoommadaada waxaannu nahay laba iyo toban walaalo ah, oo waxaannu nahay nin jooga dalka Kancaan wiilashiisii; oo bal eeg, kii noogu yaraa wuxuu maanta la joogaa aabbahayo, midna maba joogo.

42:14b.GEN.042.014 Markaasuu Yuusuf iyagii ku yidhi, Taasu waa tii aan idinkula hadlay, anigoo leh, Basaasyaad tihiin.

42:15b.GEN.042.015 Haddaba tan baa laydinku tijaabin doonaa; nolosha Fircoon baan ku dhaartay inaydaan halkan ka tegi doonin, in walaalkiinnii yaraa halkan yimaado mooyaane.

42:16b.GEN.042.016 Mid idinka mid ah dira, oo ha keeno walaalkiin, idinkuna waad xidhnaan doontaan, in la tijaabiyo hadalkiinna, bal inay runi idinku jirto iyo in kale, haddii kalese hubaal nolosha Fircoon baan ku dhaartay inaad basaasyo tihiin.

42:17b.GEN.042.017 Markaasuu kulligood muddo saddex maalmood ah wada xabbisay.

42:18b.GEN.042.018 Kolkaasaa maalintii saddexaad Yuusuf iyagii ku yidhi, Tan yeela, oo waad noolaan doontaan, waayo, anigu Ilaah baan ka cabsadaa.

42:19b.GEN.042.019 Haddaad niman daacad ah tihiin, walaalihiinna midkood ha ku xidhnaado guriga xabsigiinna; laakiinse idinku taga, oo hadhuudh u geeya reerihiinna abaaraysan.

42:20b.GEN.042.020 Walaalkiinna idiinku wada yar ii keena; sidaasuu hadalkiinnu ku rumoobi doonaa, mana aad dhiman doontaan. Iyana sidii bay yeeleen.

42:21b.GEN.042.021 Markaasay waxay isku yidhaahdeen, Runtii walaalkeen eed baan ka galnay, maxaa yeelay, waxaynu aragnay naftiisii dhibaatada ku jirtay, markuu ina baryay, mana aynu maqlin, sidaas daraaddeed ayay dhibaatadanu inoogu dhacday.

42:22b.GEN.042.022 Markaasaa Ruubeen u jawaabay iyagii, oo wuxuu ku yidhi, Miyaanan idinla hadlin oo idinku odhan, Wiilka ha ku dembaabina, oo sow ima aydin maqli waayin? Haddaba bal eega, dhiiggiisii baa laydin weyddiistaye.

42:23b.GEN.042.023 Oo iyana ma ay ogayn in Yuusuf gartay iyaga; waayo, turjumaan baa kala dhex joogay.

42:24b.GEN.042.024 Markaasuu ka sii jeestay iyagii, wuuna ooyay; oo haddana intuu ku soo noqday ayuu la hadlay, oo wuxuu kala dhex baxay Simecoon, wuuna xidhay isagii iyagoo arkaya.

42:25b.GEN.042.025 Markaasaa Yuusuf wuxuu amray in joonyadahoodii hadhuudh looga buuxiyo, iyo in nin walba lacagtiisii loogu celiyo joonyaddiisii iyo in sahay jidka loo siiyo, oo sidii baana loo yeelay.

42:26b.GEN.042.026 Markaasay hadhuudhkoodii dameerradoodii ku rarteen, wayna ka tageen halkaas.

42:27b.GEN.042.027 Meeshay ku hoydeen markii uu midkood joonyaddiisii ugu furay inuu dameerkiisii cunto siiyo ayuu arkay lacagtiisii oo ku jirta joonyaddiisii afkeeda.

42:28b.GEN.042.028 Markaasuu walaalihiis ku yidhi, Lacagtaydii waa lay soo celiyey; oo waxay ku jirtaa joonyaddayda, markaasay qalbiga ka nexeen, oo ay isku jeesteen iyagoo gariiraya, oo waxay isku yidhaahdeen, Waa maxay waxakan Ilaah inagu sameeyey?

42:29b.GEN.042.029 Markaasay aabbahood Yacquub ugu yimaadeen dalkii Kancaan, oo waxay isagii u sheegeen wixii ku dhacay oo dhan, iyagoo leh,

42:30b.GEN.042.030 Ninka sayidka u ah dalka ayaa si qallafsan noola hadlay, oo wuxuu noo qaatay inaannu dalka basaasayno.

42:31b.GEN.042.031 Oo waxaannu isagii ku nidhi, Annagu waxaannu nahay niman daacad ah; oo basaasyo ma aannu nihin.

42:32b.GEN.042.032 Waxaannu nahay laba iyo toban walaalo ah, oo ah wiilashii aabbahayo. Mid ma joogo, kii noogu yaraana maanta dalkii Kancaan ayuu aabbahayo la joogaa.

42:33b.GEN.042.033 Markaasaa ninkii sayidka u ahaa dalka wuxuu nagu yidhi, Inaad niman daacad ah tihiin tanaan idinku garan doonaaye; walaalihiin mid igaga taga, oo hadhuudh u qaada reerihiinna abaaraysan, oo iska taga,

42:34b.GEN.042.034 oo ii keena walaalkiinnii idiinku wada yaraa, markaasaan garan doonaa inaydaan basaasyo ahayn, laakiinse inaad tihiin niman daacad ah. Markaasaan walaalkiin idin siin doonaa, dalkana waad ka baayacmushtari doontaan.

42:35b.GEN.042.035 Oo waxay noqotay in markay joonyadahoodii hadhuudhkii ka shubeen, nin walba xidhmadiisii lacagta ahayd ay ugu jirtay joonyaddiisii, oo markii iyaga iyo aabbahood ay arkeen xidhmooyinkoodii lacagta ahaa ayay baqeen.

42:36b.GEN.042.036 Markaasaa aabbahood Yacquub wuxuu iyagii ku yidhi, Gablan baad iga dhigteen, bal eeg, Yuusuf ma joogo, oo Simecoon ma joogo, oo haddana waxaad kaxayn doontaan Benyaamiin; waxyaalahan oo dhammu waa iga gees.

42:37b.GEN.042.037 Markaasaa Ruubeen aabbihiis la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Haddii aan isaga kuu keeni waayo, dil labadayda wiil. Aniga ii dhiib isaga, oo anna waan kuu soo celin doonaa.Markaasuu yidhi, Wiilkaygu idinla dhaadhici maayo; waayo, walaalkiis waa dhintay, oo keligiis baa hadhay. Haddii jidka aad sii maraysaan belaayo kaga dhacdo isaga, de markaas cirradayda caloolxumaad qabriga la gelin doontaan.

42:38b.GEN.042.038 Markaasuu yidhi, Wiilkaygu idinla dhaadhici maayo; waayo, walaalkiis waa dhintay, oo keligiis baa hadhay. Haddii jidka aad sii maraysaan belaayo kaga dhacdo isaga, de markaas cirradayda caloolxumaad qabriga la gelin doontaan.

43

43:1b.GEN.043.001 Abaartuna dalka aad bay ugu xumayd.

43:2b.GEN.043.002 Oo markii ay wada cuneen hadhuudhkii ay Masar ka keeneen ayaa aabbahood ku yidhi, Bal taga haddana, oo cunto yar inoo soo iibiya.

43:3b.GEN.043.003 Markaasaa Yahuudah la hadlay isagii, oo wuxuu ku yidhi, Ninkii aad buu noogu digay, oo wuxuu nagu yidhi, Wejigayga ma aad arki doontaan in walaalkiin idinla jiro mooyaane.

43:4b.GEN.043.004 Haddaad walaalkayo na raacisid, waannu dhaadhacaynaa oo cuntaannu kuu soo iibinaynaa,

43:5b.GEN.043.005 laakiinse haddaadan isaga dirin, annagu dhaadhici mayno; waayo, ninkii wuxuu nagu yidhi, Wejigayga ma aad arki doontaan in walaalkiin idinla jiro mooyaane.

43:6b.GEN.043.006 Markaasaa Israa'iil wuxuu yidhi, Maxaad sida xun iigula macaamilooteen, oo aad ninka ugu sheegteen inaad walaal kale leedihiin?

43:7b.GEN.043.007 Markaasay yidhaahdeen, Ninku wuu na haybsaday annaga iyo xigaalkayaga, oo wuxuuna yidhi, Aabbihiin weli ma nool yahay? Walaal kale ma leedihiin? Oo annana waxaannu ugu jawaabnay wixii uu na weyddiiyey; waayo, miyaannu sinaba ku garan karnay inuu nagu odhan doono, Walaalkiin keena?

43:8b.GEN.043.008 Markaasaa Yahuudah wuxuu ku yidhi aabbihiis Israa'iil, Wiilka i raaci, oo markaas waannu kici oo waannu tegi doonnaa, inaynu noolaanno, oo aynaan dhiman, annaga, iyo adiga, iyo dhallaankayaguba.

43:9b.GEN.043.009 Anigaa dammiin u noqon doona oo anaad i weyddiisan doontaa isaga. Haddii aan kuu keeni waayo isaga oo aan hortaada soo joojin waayo, aniga eeddu ha i saarnaato weligay,

43:10b.GEN.043.010 waayo, haddaannan raagin, hubaal hadda mar labaad waannu soo noqon lahayn.

43:11b.GEN.043.011 Markaasaa aabbahood Israa'iil wuxuu iyagii ku yidhi, Hadday haatan saas tahay, bal tan yeela, haddaba midhaha ugu fiican oo dalka weelashiinna ku qaada, oo bal ninkii hadiyad ugu geeya, wuxoogaa beeyo ah, iyo wuxoogaa malab ah, iyo xawaash iyo malmal, iyo lows iyo yicib;

43:12b.GEN.043.012 gacantiinnana lacag labanlaab ah ku qaada, oo lacagtii joonyadihiinna afkooda lagu soo celiyeyna haddana gacantiinna ku qaada, waayo, mindhaa waa la soo qaldamay.

43:13b.GEN.043.013 Walaalkiinna kaxeeya, oo kaca, oo bal haddana ninkii u taga,

43:14b.GEN.043.014 oo Ilaaha Qaadirka ahu naxariis ha idinka siiyo ninka hortiisa, inuu idiin sii daayo walaalkiinnii kale iyo Benyaamiin. Oo haddaan carruurtayda ka gablamo, anaa gablamay.

43:15b.GEN.043.015 Markaasaa nimankii waxay qaadeen hadiyaddii, lacag labanlaab ahna gacantooday ku qaadeen, Benyaamiinna way kaxeeyeen, wayna kaceen oo Masar tageen, oo waxay hor istaageen Yuusuf.

43:16b.GEN.043.016 Oo markii Yuusuf arkay Benyaamiin oo iyaga la jira ayuu wakiilkii gurigiisa ku yidhi, Nimanka guriga soo geli, dabadeedna neef qal oo diyaari, waayo, duhurka nimanku anigay ila qadayn doonaan.

43:17b.GEN.043.017 Markaasaa ninkii yeelay wixii Yuusuf ku amray; oo ninkii wuxuu nimankii soo geliyey gurigii Yuusuf.

43:18b.GEN.043.018 Nimankiina waa cabcabsadeen, maxaa yeelay, waxaa la soo geliyey gurigii Yuusuf; oo waxay isku yidhaahdeen, Lacagtii markii hore lagu soo celiyey joonyadaheenna weeye waxa laynoo soo xeraystay; wuxuu doonayaa inuu wax inoo qabsado, oo uu ina dhaco, oo uu ina addoonsado, dameerradeennana qaato.

43:19b.GEN.043.019 Markaasay waxay u soo dhowaadeen wakiilkii guriga Yuusuf, oo waxay isagii kula hadleen albaabkii guriga,

43:20b.GEN.043.020 waxayna ku yidhaahdeen, Sayidkayagiiyow, markii hore waxaannu u soo dhaadhacnay inaannu cunto iibsanno,

43:21b.GEN.043.021 oo markii aannu meel aannu ku hoyanno gaadhnay ayaannu furnay joonyadahayagii, oo bal eeg, nin walba lacagtiisii waxay ugu jirtay joonyaddiisa afkeeda, waxay ahayd lacagtayadii oo miisaankeedii dhan yahay; oo haddana gacantayadaannu ku soo celinnay.

43:22b.GEN.043.022 Oo lacag kale oo aannu cunto ku iibsannona waan la soo dhaadhacnay. Annagu garan mayno kii lacagtayadii ku riday joonyadahayagii.

43:23b.GEN.043.023 Isna wuxuu yidhi, Nabad ha idiin ahaato, ee ha cabsanina. Ilaahiinna ah Ilaaha aabbihiin ayaa maal idiinku riday joonyadihiinnii. Anigu waan helay lacagtiinnii. Markaasuu Simecoon dibadda ugu soo bixiyey iyagii.

43:24b.GEN.043.024 Oo ninkii baa nimankii soo geliyey gurigii Yuusuf, oo biyo siiyey, kolkaasay cagamaydheen. Dameerradoodiina cuntuu siiyey.

43:25b.GEN.043.025 Markaasay diyaariyeen hadiyaddii intuusan Yuusuf duhurkii iman; waayo, waxay maqleen inay halkaas wax ka cuni doonaan.

43:26b.GEN.043.026 Oo markii Yuusuf gurigii yimid ayay gurigii ugu keeneen hadiyaddii gacantooda ku jirtay, markaasay u wada sujuudeen oo wejiga dhulka saareen.

43:27b.GEN.043.027 Isna markaasuu nabdaadiyey iyagii, oo wuxuu ku yidhi, Ninkii duqa ahaa oo aad sheegteen oo aabbihiin ahaa ma ladan yahay? Weli miyuu nool yahay?

43:28b.GEN.043.028 Markaasay yidhaahdeen, Addoonkaagii aabbahayo ahaa waa ladan yahay, welina wuu nool yahay. Kolkaasay madaxa foororiyeen, oo ay u sujuudeen.

43:29b.GEN.043.029 Markaasuu intuu indhihiisii kor u taagay wuxuu arkay Benyaamiin oo ahaa walaalkiisii hooyo, oo wuxuu yidhi, Kanu ma walaalkiinnii idiinku yaraa oo aad ii sheegteen baa? Oo wuxuu ku yidhi, Wiilkaygiiyow, Ilaah ha kuu roonaado.

43:30b.GEN.043.030 Markaasuu Yuusuf dhaqsaday, oo goobtay meel uu ku ooyo, waayo, walaalkiis buu u beernuglaaday oo wuxuu galay qowladdiisii, oo halkaasuu ku ooyay.

43:31b.GEN.043.031 Kolkaasuu intuu fooldhaqday soo baxay; oo intuu adkaystay ayuu wuxuu yidhi, Cunto noo soo dhiga.

43:32b.GEN.043.032 Markaasay isagii gooni ahaantiis ugu dhigeen, iyagiina gooni ahaantood, Masriyiintii isaga la cuntayna gooni ahaantood; maxaa yeelay, Masriyiintu lama ay cuni karin Cibraaniyada, waayo, taasu Masriyiinta karaahiyo bay u ahayd.

43:33b.GEN.043.033 Oo waxay hor fadhiisteen isagii, curadka sidii curadnimadiisii ahayd buu u fadhiistay, kii ugu yaraana yaraannimadiisii; markaasaa nimankii midba midka kale eegay oo ay wada yaabeen.Markaasaa hortiisa waxaa iyagii looga qaaday dhawr qaybood oo cunto ah, laakiinse intii Benyaamiin shan jeer bay ka weynayd kuwa kale intoodii. Kolkaasay wax cabbeen oo ay la farxeen isagii.

43:34b.GEN.043.034 Markaasaa hortiisa waxaa iyagii looga qaaday dhawr qaybood oo cunto ah, laakiinse intii Benyaamiin shan jeer bay ka weynayd kuwa kale intoodii. Kolkaasay wax cabbeen oo ay la farxeen isagii.

44

44:1b.GEN.044.001 Markaasuu amray wakiilkii gurigiisa, oo ku yidhi, Nimanka joonyadahooda cunto uga buuxi, in alla intay qaadi karaan, nin walba lacagtiisana joonyaddiisa afkeeda ugu rid.

44:2b.GEN.044.002 Kan ugu yar joonyaddiisa afkeedana waxaad ku riddaa koobkayga lacagta ah iyo lacagtiisii uu hadhuudhka ku doonayay. Markaasuu yeelay hadalkii Yuusuf kula hadlay.

44:3b.GEN.044.003 Oo markii waagii beryay ayaa nimankii la diray, iyagii iyo dameerradoodiiba.

44:4b.GEN.044.004 Oo markay magaaladii dibadda uga baxeen, oo ayan weli fogaan, ayaa Yuusuf ku yidhi wakiilkiisii, Kac oo ka daba tag nimankii, oo markaad gaadhid, waxaad ku tidhaahdaa, Maxaad wanaag xumaan noogu abaal guddeen?

44:5b.GEN.044.005 Miyuusan kanu ahayn koobka sayidkaygu wax ku cabbo, oo uu ku faaliyo? Wax xun baad samayseen markaad saas yeesheen.

44:6b.GEN.044.006 Kolkaasuu gaadhay, oo uu hadalkan kula hadlay.

44:7b.GEN.044.007 Markaasay waxay isagii ku yidhaahdeen, Sayidkaygiiyow, hadalka caynkan ah maxaad ugu hadlaysaa? Yaanay noqon in annagoo ah addoommadaada aannu wax caynkaas ah samayno.

44:8b.GEN.044.008 Bal eeg, lacagtii aannu ka dhex helnay joonyadahayaga afafkooda ayaannu kaaga soo celinnay dalkii Kancaan; de haddaba sidee baannu guriga sayidkaaga uga xadi karnaa lacag ama dahab?

44:9b.GEN.044.009 Ku alla kii addoommadaada ka mid ah oo laga helo, kaasu ha dhinto, annaguna addoommo baannu kuu noqon doonnaa, sayidkaygiiyow.

44:10b.GEN.044.010 Markaasuu yidhi, Waa yahay, oo haatan sidaad tidhaahdeen ha noqoto. Kii laga helo addoon buu ii noqon doonaa, idinkuna waad eedla'aan doontaan.

44:11b.GEN.044.011 Markaasay degdegeen, oo nin waluba joonyaddiisii buu dhulka dhigay, dabadeedna nin waluba joonyaddiisii buu furay.

44:12b.GEN.044.012 Kolkaasuu baadhay, oo wuxuu ka bilaabay kii ugu weynaa, oo wuxuu ku dhammeeyey kii ugu yaraa; oo koobkiina waxaa laga helay joonyaddii Benyaamiin.

44:13b.GEN.044.013 Kolkaasay dharkoodii jeexjeexeen, oo nin waluba dameerkiisii buu rartay, oo magaaladii bay ku noqdeen.

44:14b.GEN.044.014 Markaasaa Yahuudah iyo walaalihiis waxay yimaadeen gurigii Yuusuf; oo isna weli halkaasuu joogay. Kolkaasay hortiisa dhulka isku tuureen.

44:15b.GEN.044.015 Oo Yuusufna wuxuu iyagii ku yidhi, Waxan aad samayseen waa maxay? Miyaydnaan ogayn ninkii anoo kale ahu inuu faalin karo?

44:16b.GEN.044.016 Markaasaa Yahuudah ku yidhi, Maxaannu kuugu jawaabnaa, sayidkaygiiyow? Oo maxaannu ku hadalnaa? Ama sidee baannu ku eed baxnaa? Ilaah waa soo saaray dembigayagii annagoo ah addoommadaada; bal eeg, sayidkaygiiyow, waxaannu nahay addoommadaada, annaga iyo kii gacantiisa koobka laga helayba.

44:17b.GEN.044.017 Markaasuu yidhi, Yaanay noqon inaan saas yeelo. Ninkii gacantiisa koobka laga helay ayaa addoon ii noqon doona; laakiinse idinku kaca oo nabdoonaan aabbihiin ugu taga.

44:18b.GEN.044.018 Markaasaa Yahuudah u soo dhowaaday oo ku yidhi, Sayidkaygiiyow, anigoo addoonkaaga ah waxaan kaa baryayaa inaan hadal yar kugula hadlo, sayidkaygiiyow, oo ha ii cadhoon anigoo ah addoonkaaga; waayo, waxaad la mid tahay sida Fircoon oo kale.

44:19b.GEN.044.019 Sayidkaygiiyow, annagoo ah addoommadaada, ayaad wax na weyddiisay oo nagu tidhi, Aabbe ama walaal ma leedihiin?

44:20b.GEN.044.020 Oo annaguna waxaannu kugu nidhi, Sayidkaygiiyow, waxaannu leennahay aabbe duq ah, iyo wiil yar oo uu dhalay markuu gaboobay, oo walaalkiisna waa dhintay, oo keligiis baa ka hadhay bahdoodii, aabbihiisna waa jecel yahay isaga.

44:21b.GEN.044.021 Oo adigu waxaad nagu tidhi, annagoo ah addoommadaada, Bal ii keena isaga, aan indhahayga saaree.

44:22b.GEN.044.022 Oo annaguna waxaannu kugu nidhi, sayidkaygiiyow, Yarku aabbihiis kama tegi karo; waayo, hadduu ka tago aabbihiis, de markaas aabbihiis waa dhiman lahaa.

44:23b.GEN.044.023 Oo adna waxaad nagu tidhi, annagoo ah addoommadaada, Haddii uusan walaalkiinnii idiinku yaraa idin soo raacin, wejigayga mar dambe ma aad arki doontaan.

44:24b.GEN.044.024 Oo markii aannu u tagnay aabbahay oo addoonkaaga ah, ayaannu isaga u sheegnay hadalladaadii, sayidkaygiiyow.

44:25b.GEN.044.025 Oo aabbahayo wuxuu nagu yidhi, Orda haddana oo wuxoogaa yar oo cunto ah inoo soo iibiya.

44:26b.GEN.044.026 Oo waxaannu ku nidhi, Ma tegi karno. Haddiise walaalkayaga noogu yaru na raaco, markaasaannu dhaadhici doonnaa; waayo, ma aannu arki karno ninkii wejigiisa, haddii uusan walaalkayaga noogu yaru nala jirin.

44:27b.GEN.044.027 Markaasaa addoonkaagii aabbahay ahaa wuxuu nagu yidhi, Waad og tihiin in naagtaydu ii dhashay laba wiil;

44:28b.GEN.044.028 oo uu midkood iga baxay, oo waxaan idhi, Hubaal cadcad baa loo kala jeexjeexay, tan iyo waagaasna ma aanan arkin isagii.

44:29b.GEN.044.029 Oo haddaad kanna iga kaxaysataan, oo belaayo ku dhacdo isaga, de markaas cirradayda caloolxumaad qabriga la gelin doontaan.

44:30b.GEN.044.030 Haddaba sidaas daraaddeed markii aan u tago aabbahay oo addoonkaagii ah, haddii uusan wiilku nala jirin, de naftiisu waxay ku xidhan tahay nafta wiilka,

44:31b.GEN.044.031 oo wuu dhiman doonaa markuu arko inuusan yarkii nala jirin; oo annagoo ah addoommadaada ayaannu aabbahayaga addoonkaaga ah cirradiisa caloolxumo qabriga la gelin doonnaa.

44:32b.GEN.044.032 Waayo, anigoo addoonkaaga ah ayaa aabbahay dammiin uga noqday wiilka, oo waxaan ku idhi, Haddaan kuu keeni waayo, xaggaaga eeddu ha iga saarnaato weligay, Aabbahayow.

44:33b.GEN.044.033 Haddaba sidaas daraaddeed, waan ku baryayaaye, aniga oo ah addoonkaagii, aan wiilka meeshiisii kuu joogo oo aan addoon kuu noqdo, sayidkaygiiyow; wiilkuna walaalihiis ha iska raaco.Waayo, sidee baan aabbahay ugu tegi doonaa iyadoo aan yarku ila jirin? Maba tegi karo waaba intaasoo aan arkaa hoogga aabbahay ku dhici doona.

44:34b.GEN.044.034 Waayo, sidee baan aabbahay ugu tegi doonaa iyadoo aan yarku ila jirin? Maba tegi karo waaba intaasoo aan arkaa hoogga aabbahay ku dhici doona.

45

45:1b.GEN.045.001 Markaasaa Yuusuf ku hor adkaysan kari waayay kuwii isaga la taagnaa oo dhan; oo wuxuu ku qayliyey, Nin walba dibadda iiga bixiya. Oo ninnaba lama taagnayn isaga markii Yuusuf walaalihiis isu sheegay.

45:2b.GEN.045.002 Markaasuu intuu codkiisii kor u qaaday ooyay; oo Masriyiintiina way maqleen, dadkii guriga Fircoonna way maqleen.

45:3b.GEN.045.003 Markaasuu Yuusuf wuxuu walaalihiis ku yidhi, Yuusuf baan ahay, ee aabbahay weli ma nool yahay? Walaalihiisna way u jawaabi kari waayeen; waayo, aad bay ugu argaggexeen hortiisa.

45:4b.GEN.045.004 Markaasaa Yuusuf wuxuu walaalihiis ku yidhi, Bal ii soo dhowaada, waan idin baryayaaye. Kolkaasay u soo dhowaadeen. Markaasuu yidhi, Anigu waxaan ahay walaalkiin Yuusuf, kii aad ka iibiseen kuwii Masar tegayay.

45:5b.GEN.045.005 Oo haatan ha caloolxumaanina, naftiinnana ha u cadhoonina iibiskii aad halkan iga iibiseen aawadiis; waayo, Ilaah wuxuu hortiin ii soo diray in nafo la badbaadiyo.

45:6b.GEN.045.006 Waayo, labadan sannadood baa dhulku abaar ahaa, oo weli waxaa hadhay shan sannadood, oo aan beer la fali doonin, waxna la goosan doonin.

45:7b.GEN.045.007 Oo Ilaah wuxuu hortiin ii soo diray inuu dadkiinna qaar dhulka idiinku reebo, oo uu idiin badbaadiyo kuwo fara badan oo baxsada.

45:8b.GEN.045.008 Haddaba sidaas daraaddeed idinka ma ahayn kii halkan ii soo diray, laakiinse wuxuu ahaa Ilaah; oo isagu Fircoon buu aabbe iiga dhigay, iyo sayidkii dadka gurigiisa oo dhan, iyo taliyihii dalka Masar oo dhan.

45:9b.GEN.045.009 Dhaqsada, oo aabbahay u kaca, oo waxaad isaga ku tidhaahdaan, Wiilkaagii Yuusuf wuxuu kugu soo yidhi, Ilaah wuxuu iga dhigay sayidkii Masar oo dhan, ee soo dhaadhac oo ii kaalay, hana raagin;

45:10b.GEN.045.010 oo waxaad degi doontaa dhulka la yidhaahdo Goshen, oo waad ii soo dhowaan doontaa, adiga iyo carruurtaada, iyo carruurtaada carruurtooda, iyo adhigaaga iyo lo'daada, iyo waxa aad haysatid oo dhanba;

45:11b.GEN.045.011 oo halkaasaan kugu quudin doonaa; waayo, weli waxaa hadhay shan sannadood oo abaar ah, waaba intaasoo aad gaajootaan, adiga iyo reerkaaga, iyo waxa aad haysatid oo dhammuba.

45:12b.GEN.045.012 Oo bal eega, indhihiinnu waa arkaan, iyo indhaha walaalkay Benyaamiinba, inuu afkaygii yahay kan idinla hadlaya.

45:13b.GEN.045.013 Idinku waxaad aabbahay u sheegtaan ammaantayda aan Masar ku leeyahay oo dhan, iyo wixii aad aragteen oo dhan; oo dhaqsada oo aabbahay halkan keena.

45:14b.GEN.045.014 Markaasuu walaalkiis Benyaamiin qoortiisa dhab yidhi, wuuna ku dul ooyay, Benyaamiinna qoortiisuu ku ooyay.

45:15b.GEN.045.015 Markaasuu wada dhunkaday walaalihiis oo dhan, wuuna ku dul ooyay; dabadeedna walaalihiis baa la hadlay isagii.

45:16b.GEN.045.016 Markaasaa warkii laga maqlay gurigii Fircoon, oo waxaa la yidhi, Yuusuf walaalihiis baa yimid. Taasna aad bay uga farxisay Fircoon iyo addoommadiisiiba.

45:17b.GEN.045.017 Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Walaalahaa waxaad ku tidhaahdaa, Idinku sidan yeela, gaadiidkiinna rarta, oo taga oo dalkii Kancaan u kaca;

45:18b.GEN.045.018 oo waxaad soo kaxaysataan aabbihiin iyo reerihiinna oo dhan, oo aniga ii kaalaya; oo anna waxaan idin siin doonaa waxyaalaha wanwanaagsan ee dalka Masar, oo idinku waxaad cuni doontaan barwaaqada dalka.

45:19b.GEN.045.019 Haddaba waa lagu amray, Sidan yeela. Gaadhifardood dalka Masar uga kaxaysta dhallaankiinna, iyo dumarkiinna; oo aabbihiin keena, oo kaalaya.

45:20b.GEN.045.020 Oo alaabtiinnana ha ka fikirina, waayo, waxyaalaha wanwanaagsan ee dalka Masar oo dhan idinkaa iska leh.

45:21b.GEN.045.021 Markaasaa wiilashii Israa'iil saas yeeleen, Yuusufna wuxuu iyagii siiyey gaadhifardood, sidii Fircoon amarkiisu ahaa, sahayna jidkuu u siiyey.

45:22b.GEN.045.022 Dhammaantoodna wuxuu nin kasta siiyey dhar iskujoog ah; laakiinse Benyaamiin wuxuu siiyey saddex boqol oo xabbadood oo lacag ah, iyo shan iskujoog.

45:23b.GEN.045.023 Oo aabbihiisna sidan buu wax ugu diray, toban dameer oo ay ku raran yihiin waxyaalihii wanwanaagsanaa ee Masar, iyo toban dameerood oo hadhuudh iyo cunto ku raran yihiin, iyo sahaydii aabbihiis jidka ku soo mari lahaa.

45:24b.GEN.045.024 Markaasuu walaalihiis diray, oo iyana way tageen; oo wuxuu iyagii ku yidhi, Idinku jidka ha isugu cadhoonina.

45:25b.GEN.045.025 Markaasay Masar ka baxeen, oo ay yimaadeen dalkii Kancaan, oo waxay u yimaadeen aabbahood Yacquub.

45:26b.GEN.045.026 Markaasay u sheegeen oo ku yidhaahdeen, Yuusuf weli waa nool yahay, oo wuxuu u taliyaa dalka Masar oo dhan. Markaasuu taag darnaaday, waayo, wuu rumaysan waayay iyagii.

45:27b.GEN.045.027 Markaasay u sheegeen hadalkii Yuusuf kula hadlay oo dhan, oo markuu arkay gaadhifardoodkii Yuusuf u soo diray in isaga lagu qaado ayaa aabbahood Yacquub ruuxiisii cusboonaaday.Markaasaa Israa'iil wuxuu yidhi, Igu filan mar haddii wiilkaygii Yuusuf weli nool yahay; haddaba waan tegi doonaa, oo waan arki doonaa isaga intaanan dhiman.

45:28b.GEN.045.028 Markaasaa Israa'iil wuxuu yidhi, Igu filan mar haddii wiilkaygii Yuusuf weli nool yahay; haddaba waan tegi doonaa, oo waan arki doonaa isaga intaanan dhiman.

46

46:1b.GEN.046.001 Markaasaa Israa'iil la guuray wixii uu haystay oo dhan, oo wuxuu yimid Bi'ir Shebac, oo halkaasuu Ilaaha aabbihiis Isxaaq allabaryo ugu bixiyey.

46:2b.GEN.046.002 Markaasaa Ilaah riyooyinka habeenka kula hadlay Israa'iil oo wuxuu ku yidhi, Yacquubow, Yacquubow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan.

46:3b.GEN.046.003 Markaasuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay Ilaaha ah Ilaaha aabbahaa. Ha ka baqin inaad Masar ku dhaadhacdo, waayo, anigu halkaas baan kaaga dhigi doonaa quruun weyn.

46:4b.GEN.046.004 Anigu Masar baan kuu raaci doonaa, oo hubaal haddana waan kaa soo bixin doonaa; Yuusufna gacantiisuu saari doonaa indhahaaga.

46:5b.GEN.046.005 Markaasaa Yacquub ka tegey Bi'ir Shebac, wiilashii Israa'iilna waxay aabbahood Yacquub, iyo dhallaankoodii, iyo dumarkoodiiba ku qaadeen gaadhifardoodkii Fircoon u soo diray in isaga lagu soo qaado.

46:6b.GEN.046.006 Oo waxay kaxaysteen xoolahoodii, iyo alaabtoodii ay ka heleen dalkii Kancaan, oo waxayna yimaadeen Masar, Yacquub iyo farcankiisii la socday oo dhammuba;

46:7b.GEN.046.007 kuwaas oo ahaa wiilashiisii iyo wiilashiisii wiilashoodii isaga la socday, iyo gabdhihiisii iyo wiilashiisii gabdhahoodii. Farcankiisii oo dhanna wuxuu keenay Masar.

46:8b.GEN.046.008 Kuwanu waa magacyadii reer binu Israa'iil oo Masar yimid, Yacquub iyo wiilashiisii: Ruubeen wuxuu ahaa curadkii Yacquub.

46:9b.GEN.046.009 Wiilashii Ruubeenna waxay ahaayeen Xanoog, iyo Falluu, iyo Xesroon, iyo Karmii.

46:10b.GEN.046.010 Wiilashii Simecoonna waxay ahaayeen Yemuu'eel, iyo Yaamiin, iyo Ohad, iyo Yaakiin, iyo Sohar, iyo Shaa'uul oo ay naag reer Kancaan ihi dhashay.

46:11b.GEN.046.011 Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

46:12b.GEN.046.012 Wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Ceer, iyo Oonaan, iyo Sheelaah, iyo Feres, iyo Serax; laakiinse Ceer iyo Oonaan waxay ku dhinteen dalkii Kancaan. Wiilashii Feresna waxay ahaayeen Xesroon iyo Xaamuul.

46:13b.GEN.046.013 Wiilashii Isaakaarna waxay ahaayeen Toolac iyo Fuwaah, iyo Yoob, iyo Shimroon.

46:14b.GEN.046.014 Wiilashii Sebulunna waxay ahaayeen Sered, iyo Eeloon, iyo Yaxle'eel.

46:15b.GEN.046.015 Intaasu waa wiilashii Lee'ah oo ay Yacquub ugu dhashay Fadan Araam, iyo weliba gabadhiisii Diinah ahayd. Yacquub wiilashiisa iyo gabdhihiisa oo dhammu waxay ahaayeen saddex iyo soddon.

46:16b.GEN.046.016 Wiilashii Gaadna waxay ahaayeen Sifiyoon, iyo Xaggii, iyo Shuunii, iyo Esboon, iyo Ceerii, iyo Aroodii, iyo Areelii.

46:17b.GEN.046.017 Wiilashii Aasheerna waxay ahaayeen Yimnaah, iyo Yishwaah, iyo Yishwii, iyo Beriicaah, iyo walaashood Serax; wiilashii Beriicaahna waxay ahaayeen Xeber iyo Malkii'eel.

46:18b.GEN.046.018 Kuwanu waa wiilashii Silfah, tii uu Laabaan siiyey gabadhiisii Lee'ah, oo intaasay Yacquub u dhashay, waxayna ahaayeen lix iyo toban.

46:19b.GEN.046.019 Naagtii Yacquub oo Raaxeel ahayd wiilasheedii waxay ahaayeen Yuusuf iyo Benyaamiin.

46:20b.GEN.046.020 Yuusufna dalka Masar waxaa ugu dhashay Manaseh iyo Efrayim, oo waxaa u dhashay Aasenad ina Footiiferac, oo wadaadkii Oon ahaa.

46:21b.GEN.046.021 Wiilashii Benyaamiinna waxay ahaayeen Belac, iyo Beker, iyo Ashbeel, iyo Geeraa, iyo Nacamaan, iyo Eexii, iyo Rosh, iyo Mufiim, iyo Xufiim, iyo Ared.

46:22b.GEN.046.022 Kuwanu waa wiilashii Raaxeel u dhashay Yacquub, kulligoodna waxay ahaayeen afar iyo toban.

46:23b.GEN.046.023 Wiilashii Daanna waxay ahaayeen Xushiim.

46:24b.GEN.046.024 Wiilashii Naftaalina waxay ahaayeen Yaxse'eel, iyo Guunii, iyo Yeser, iyo Shilleem.

46:25b.GEN.046.025 Kuwanuna waa wiilashii Bilhah, tii uu Laabaan siiyey gabadhiisii Raaxeel, oo intaasay Yacquub u dhashay; kulligoodna waxay ahaayeen toddoba.

46:26b.GEN.046.026 Intii Yacquub Masar la timid, oo xanjaadkiisa ka soo baxday, haddaan lagu darin wiilashii Yacquub naagahooda, kulligood waxay ahaayeen lix iyo lixdan.

46:27b.GEN.046.027 Wiilashii Yuusuf Masar ugu dhashayna waxay ahaayeen laba. Reerkii Yacquub dadkiisii Masar yimid oo dhammu waxay ahaayeen toddobaatan.

46:28b.GEN.046.028 Markaasuu wuxuu iska hor mariyey Yahuudah inuu Yuusuf u tago, si uu u tuso jidka loo maro Goshen; oo waxay yimaadeen dalkii Goshen.

46:29b.GEN.046.029 Yuusufna wuxuu diyaarsaday gaadhifaraskiisii, oo aabbihiis Israa'iil ayuu kaga hor tegey Goshen; oo markuu isagii arkay ayuu qoortiisii dhab yidhi, qoortiisana wuxuu ku dul ooyay wakhti dheer.

46:30b.GEN.046.030 Israa'iilna wuxuu Yuusuf ku yidhi, Haddaba aan iska dhinto, mar haddaan arkay wejigaaga, oo aad weli nooshahay.

46:31b.GEN.046.031 Yuusufna wuxuu walaalihiis iyo reerkii aabbihiis ku yidhi, Waan tegi, oo Fircoon baan u sheegi, oo waxaan ku odhan, Walaalahay iyo reerkii aabbahay oo joogi jiray dalka Kancaan ayaa ii yimid.

46:32b.GEN.046.032 Nimankaasuna waa adhijirro, waayo, waxay ahaan jireen lo'ley; waxayna la yimaadeen adhigoodii, iyo lo'doodii, iyo waxay haysteen oo dhan.

46:33b.GEN.046.033 Markii Fircoon idiin yeedho, oo idinku yidhaahdo, Shuqulkiinnu waa maxay?waxaad ku tidhaahdaan, Annagoo addoommadaada ah waxaannu tan iyo yaraantayadii ahaan jirnay lo'ley, annaga iyo awowayaashayoba; si aad u degtaan dalka Goshen; waayo, adhijir waluba waa u karaahiyo Masriyiinta.

46:34b.GEN.046.034 waxaad ku tidhaahdaan, Annagoo addoommadaada ah waxaannu tan iyo yaraantayadii ahaan jirnay lo'ley, annaga iyo awowayaashayoba; si aad u degtaan dalka Goshen; waayo, adhijir waluba waa u karaahiyo Masriyiinta.

47

47:1b.GEN.047.001 Markaasaa Yuusuf gudaha galay oo uu Fircoon u warramay, wuxuuna ku yidhi, Aabbahay iyo walaalahay, iyo adhigoodii, iyo lo'doodii, iyo waxay haystaan oo dhammu way ka yimaadeen dalkii Kancaan, oo bal eeg, haatan waxay joogaan dalka Goshen.

47:2b.GEN.047.002 Oo walaalihiisna wuxuu ka kaxeeyey shan nin, oo wuxuu hor taagay Fircoon.

47:3b.GEN.047.003 Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf walaalihiis ku yidhi, Shuqulkiinnu waa maxay? Markaasay waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Annagoo addoommadaada ah waxaannu nahay adhijirro, annaga iyo awowayaashayoba.

47:4b.GEN.047.004 Oo waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Inaannu qariib ahaan dhulka u joogno ayaannu u nimid, waayo, adhiga addoommadaadu daaq ma haysto, maxaa yeelay, abaartu aad bay ugu xun tahay dalkii Kancaan; haddaba waxaannu kaa baryaynaa inaannu annagoo addoommadaada ah degno dalka Goshen.

47:5b.GEN.047.005 Markaasaa Fircoon la hadlay Yuusuf, oo wuxuu ku yidhi, Aabbahaa iyo walaalahaa aday kuu yimaadeen.

47:6b.GEN.047.006 Dalka Masarna wuu ku hor yaal; haddaba dalka meesha ugu wanaagsan aabbahaa iyo walaalahaa deji, oo dalka Goshen ha degeen. Oo haddaad ku garanaysid rag karti leh, de ka dhig kuwo xoolahayga u taliya.

47:7b.GEN.047.007 Markaasaa Yuusuf aabbihiis Yacquub gudaha soo geliyey, oo wuxuu soo hor taagay Fircoon; Yacquubna Fircoon wuu u duceeyey.

47:8b.GEN.047.008 Fircoonna wuxuu Yacquub ku yidhi, Immisa jir baad tahay?

47:9b.GEN.047.009 Markaasaa Yacquub wuxuu Fircoon ku yidhi, Sannadihii aan qariibka ahaa waa boqol iyo soddon; cimrigaygu waa yaraa, wuuna xumaa, mana gaadhin cimrigii awowayaashay qariibka ahaayeen.

47:10b.GEN.047.010 Yacquubna Fircoon wuu u duceeyey, markaasuu Fircoon hortiisa ka tegey.

47:11b.GEN.047.011 Markaasuu Yuusuf aabbihiis iyo walaalihiis dejiyey dalkii Masar oo uu ka siiyey meel hanti ah, taasoo ah meeshii dalka ugu wanaagsanayd oo ku tiil dalka la yidhaahdo Racmeses, sidii Fircoon ku amray.

47:12b.GEN.047.012 Yuusufna aabbihiis iyo walaalihiis, iyo reerkii aabbihiis oo dhan, sidii ay carruurtoodii tiradoodii ahayd, ayuu u quudiyey.

47:13b.GEN.047.013 Dalkii oo dhanna cunto ma jirin; waayo, abaartu aad bay u xumayd, sidaas daraaddeed dalkii Masar iyo dalkii Kancaan abaartay la taag darnaadeen.

47:14b.GEN.047.014 Yuusufna wuxuu ururiyey lacagtii dalka Masar tiil oo dhan, iyo tii dalka Kancaan tiil oo dhan, waayo, hadhuudh bay kaga iibsadeen; Yuusufna lacagtii wuxuu keenay gurigii Fircoon.

47:15b.GEN.047.015 Oo markii lacagtii ka wada dhammaatay dalkii Masar iyo dalkii Kancaanba ayay Masriyiintii oo dhammu u yimaadeen Yuusuf, oo waxay ku yidhaahdeen, Cunto na sii, waayo, maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa? Maxaa yeelay, lacagtayadii way naga dhammaatay.

47:16b.GEN.047.016 Markaasaa Yuusuf wuxuu ku yidhi, Haddii lacagtii idinka dhammaatay, xoolihiinna keena, oo anna xoolihiinna ayaan cunto idinka siin doonaa.

47:17b.GEN.047.017 Markaasay xoolahoodii Yuusuf u keeneen, Yuusufna wuxuu iyagii cunto ugu beddelay fardihii, iyo adhigii, iyo lo'dii iyo dameerradii; oo sannaddaas ayuu quudiyey oo xoolahoodii oo dhan cunto ugu beddelay.

47:18b.GEN.047.018 Oo markii sannaddaasi dhammaatay ayay sannaddii labaad u yimaadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidkaygiiyow, kaa qarin mayno in lacagtayadii oo dhammu naga idlaatay, ishkinkii lo'da ahaana adigaa leh, sayidkaygiiyow, waxba kuma hadhin hortaada, sayidkaygiiyow, jidhkayaga iyo dhulalkayaga mooyaane.

47:19b.GEN.047.019 De haddaba maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa annaga iyo dhulkayaguba? Annaga iyo dhulkayagaba cunto nagu iibso, oo annaga iyo dhulkayaguba Fircoon baannu addoommo u noqon doonnaa. Abuur la beero na sii inaannu noolaanno, oo aannan dhiman, dhulkayaguna uusan baabbi'in.

47:20b.GEN.047.020 Yuusufna dhulkii Masar oo dhan Fircoon buu u iibiyey, waayo, Masriyiintii nin waluba wuxuu iibiyey beertiisii, maxaa yeelay, abaartaa ku xumayd iyaga; dhulkiina waxaa yeeshay Fircoon.

47:21b.GEN.047.021 Dadkiina wuxuu u wareejiyey magaalooyinka dhulka Masar darafkiisa ilaa darafka kale.

47:22b.GEN.047.022 Wuxuusan iibsan dhulkii wadaaddada oo keliya, waayo, wadaaddadu qayb bay ku lahaan jireen Fircoon, oo waxay cuni jireen qaybtii Fircoon siin jiray, oo sidaas daraaddeed ma ay iibsan dhulkoodii.

47:23b.GEN.047.023 Markaasaa Yuusuf wuxuu dadkii ku yidhi, Bal eega, maantaan Fircoon idiin iibiyey idinka iyo dhulkiinnaba; haddaba abuurkan qaata oo dhulka ku beera.

47:24b.GEN.047.024 Markii aad wax soo goosataan, waxaad Fircoon siisaan shan meelood meel, afarta kalena waxay idiin ahaan doonaan abuur aad beerta ku abuurtaan iyo cuntadiinna iyo cuntadii reerihiinna iyo cuntadii dhallaankiinnaba.

47:25b.GEN.047.025 Markaasay iyana waxay yidhaahdeen, Adigu noloshayada waad badbaadisay, haddaba, sayidkayagiiyow, naga raalli ahow, oo annana waxaannu Fircoon u noqon doonnaa addoommo.

47:26b.GEN.047.026 Yuusufna wuxuu sameeyey qaynuun ku saabsan dhulka Masar in ilaa maantadan la joogo Fircoon lahaado shantii meeloodba meel, Fircoonna wuxuusan yeelan dhulkii wadaaddada oo keliya.

47:27b.GEN.047.027 Reer binu Israa'iilna waxay degeen dalka Masar, xagga dhulka Goshen; oo halkaas bay maal ka heleen, wayna bateen, oo aad iyo aad bay u tarmeen.

47:28b.GEN.047.028 Yacquubna wuxuu dalka Masar ku noolaa toddoba iyo toban sannadood, oo Yacquub cimrigiisu wuxuu ahaa boqol iyo toddoba iyo afartan sannadood.

47:29b.GEN.047.029 Wakhtigii Israa'iil dhiman lahaana waa soo dhowaaday, markaasuu wiilkiisii Yuusuf u yeedhay, oo wuxuu ku yidhi, Haddaba haddii aad raalli iga tahay, waan ku baryayaaye, gacantaada bowdadayda hoos geli, oo si raxmad leh oo daacad ah igu la dhaqan. Haddaba waan ku baryayaaye, Masar ha igu aasin,

47:30b.GEN.047.030 laakiinse meydkaygu ha la jiifo awowayaashay; waa inaad Masar iga qaaddaa oo aad igu aastaa meeshii lagu aasay awowayaashay. Markaasuu isna yidhi, Waan yeeli doonaa sidaad igu tidhi.Markaasuu ku yidhi, Ii dhaaro, isna wuu u dhaartay. Markaasaa Israa'iil sariirta madaxeedii ku foororsaday.

47:31b.GEN.047.031 Markaasuu ku yidhi, Ii dhaaro, isna wuu u dhaartay. Markaasaa Israa'iil sariirta madaxeedii ku foororsaday.

48

48:1b.GEN.048.001 Waxyaalahaas ka dib waxaa Yuusuf lagu yidhi, Bal eeg, aabbahaa waa bukaaye. Markaasuu wuxuu kaxaystay labadiisii wiil oo ahaa Manaseh iyo Efrayim.

48:2b.GEN.048.002 Kolkaasaa waxaa Yacquub loo soo sheegay, oo lagu yidhi, Bal eeg, wiilkaagii Yuusuf baa kuu imanaya. Markaasaa Israa'iil intuu xoog isgeliyey ayuu soo dul fadhiistay sariirtiisii.

48:3b.GEN.048.003 Markaasaa Yacquub wuxuu Yuusuf ku yidhi, Ilaaha Qaadirka ah ayaa iigu muuqday Luus oo ku taal dalka Kancaan, wuuna i barakeeyey,

48:4b.GEN.048.004 oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg waan ku badin doonaa, waanan ku tarmin doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa dad fara badan; dhulkanna waxaan siin doonaa farcankaaga kaa dambeeya, inuu hanti aan weligeed dhammaanayn u ahaado.

48:5b.GEN.048.005 Haddaba labadaadii wiil oo dalka Masar kuugu dhashay, intaanan kuugu iman Masar, anigaa iska leh. Efrayim iyo Manaseh ayaan u lahaan doonaa sida Ruubeen iyo Simecoon.

48:6b.GEN.048.006 Carruurta aad iyaga ka dib dhasho, adigaa iska lahaan doona, waana in loo bixiyo magacyada walaalahood markay wax dhaxlaan.

48:7b.GEN.048.007 Anigana, markii aan ka imid Fadan ayaa Raaxeel igaga dhimatay dalkii Kancaan waddada loo maro, intaanan weli Efrad soo gaadhin; oo kolkaasaan iyadii ku aasay waddada loo maro Efrad, meeshaasuna waa Beytlaxam.

48:8b.GEN.048.008 Markaasaa Israa'iil intuu wiilashii Yuusuf dhugtay ayuu yidhi, Kuwanu waa ayo?

48:9b.GEN.048.009 Markaasaa Yuusuf wuxuu aabbihiis ku yidhi, Waa wiilashaydii Ilaah halkan igu siiyey. Markaasuu isna wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, iyaga ii soo dhowee, waanan u ducaynayaa.

48:10b.GEN.048.010 Haddaba Israa'iil cimrigiisii dheeraa aawadiis ayuu la indha darnaaday, sidaas daraaddeed waxba ma uu arki karin. Kolkaasuu iyagii u soo dhoweeyey, wuuna isku duubay oo dhunkaday.

48:11b.GEN.048.011 Markaasaa Israa'iil wuxuu Yuusuf ku yidhi, Uma aan malaynayn inaan wejigaaga arki doono, oo bal eeg, Ilaah weliba wuxuu i tusay xataa farcankaagii.

48:12b.GEN.048.012 Markaasaa Yuusuf wuxuu iyagii ka durkiyey lowyihiisii; oo intuu sujuuday ayuu wejigiisii dhulka saaray.

48:13b.GEN.048.013 Markaasuu Yuusuf labadoodiiba kaxeeyey, intuu Efrayim gacantiisii midigta ahayd ku qabtay oo ku toosan Israa'iil bidixdiisa, Manasehna ku qabtay bidixdiisii oo ku toosan midigtii Israa'iil, wuuna u soo dhoweeyey iyagii.

48:14b.GEN.048.014 Markaasaa Israa'iil soo fidiyey gacantiisii midigta ahayd, oo wuxuu saaray madaxii Efrayim oo kii yaraa ahaa. Gacantiisii bidixda ahaydna wuxuu saaray Manaseh madaxiisii, wuuna isdhaafiyey gacmihiisii, maxaa yeelay, Manaseh wuxuu ahaa curadkii.

48:15b.GEN.048.015 Markaasuu Yuusuf u duceeyey, oo wuxuu yidhi, Ilaaha aabbahay Isxaaq iyo awowgay Ibraahim ay ku hor socdeen, oo ah Ilaaha i quudinayay intii aan noolaa oo dhan ilaa maanta,

48:16b.GEN.048.016 iyo malaa'igtii iga soo samatabbixisay xumaato oo dhan, wiilasha ha barakeeyeen; oo magacayga ha lagu magacaabo iyaga, iyo magicii aabbahay Isxaaq, iyo kii awowgay Ibraahim; oo dad faro badan dhulka ha ku noqdeen.

48:17b.GEN.048.017 Oo markii Yuusuf arkay in aabbihiis gacantiisii midigta ahayd Efrayim madaxiisa saaray ayuu taas ka xumaaday; markaasuu gacantii aabbihiis qabtay inuu ka qaado Efrayim madaxiisa oo uu saaro Manaseh madaxiisa.

48:18b.GEN.048.018 Oo Yuusufna wuxuu aabbihiis ku yidhi, Aabbahayow, saas ma aha, waayo, kanu waa curadkii ee gacantaada midigta ah madaxiisa saar.

48:19b.GEN.048.019 Markaasaa aabbihiis diiday oo wuxuu ku yidhi, Waan ogahay, waan ogahay, wiilkaygiiyow. Isaguna wuxuu noqon doonaa quruun, wuuna weynaan doonaa; habase yeeshee walaalkiisa ka yar baa ka weynaan doona, oo farcankiisu wuxuu noqon doonaa quruumo faro badan.

48:20b.GEN.048.020 Oo maalintaasuu u duceeyey iyagii, oo wuxuu yidhi, Reer binu Israa'iil idinkay idinku ducaysan doonaan, iyagoo leh, Ilaah ha kaa dhigo sidii Efrayim iyo sidii Manaseh. Oo Efrayimna wuxuu ka hor mariyey Manaseh.

48:21b.GEN.048.021 Oo Israa'iilna wuxuu Yuusuf ku yidhi, Anigu waan dhimanayaa, laakiinse Ilaah baa kula jiri doona, oo mar labaadna wuxuu ku geeyn doonaa dhulkii awowayaashaa.Oo weliba waxaan ku siiyey qayb dheeraad ah, oo aad walaalahaa dheer tahay, waana tii aan reer Amor kaga qaatay seeftayda iyo qaansadayda.

48:22b.GEN.048.022 Oo weliba waxaan ku siiyey qayb dheeraad ah, oo aad walaalahaa dheer tahay, waana tii aan reer Amor kaga qaatay seeftayda iyo qaansadayda.

49

49:1b.GEN.049.001 Markaasuu Yacquub wiilashiisii u yeedhay; oo wuxuu ku yidhi, Isa soo urursada, aan idiin sheego waxyaalaha maalmaha ugu dambeeya idinku dhici doona.

49:2b.GEN.049.002 Wiilashii Yacquubow, isa soo urursada, oo maqla, Oo i dhegaysta anigoo ah aabbihiin Israa'iil.

49:3b.GEN.049.003 Ruubeenow, waxaad tahay curadkayga, iyo xooggayga, iyo itaalkayga bilowgiisa, Xagga sharafka adaa u sarreeya, xagga xooggana adaa u sarreeya.

49:4b.GEN.049.004 Waxaad tahay sida biyo socda, oo ma sarrayn doontid, Maxaa yeelay, adigu waxaad fuushay sariirtii aabbahaa; Waanad nijaasaysay. Wuxuu fuulay sariirtaydii.

49:5b.GEN.049.005 Simecoon iyo Laawi waa walaalo, Seefahoodu waa hub dirireed.

49:6b.GEN.049.006 Naftaydiiyey, ha gelin guddigooda, Oo ururkoodana ha la midoobin, ammaantaydiiyey; Waayo, cadhadoodii nin bay ku dileen, Oo qushigooday dibi ku boqno jareen.

49:7b.GEN.049.007 Habaar ha ku dhaco cadhadooda, waayo, xoog bay lahayd, Habaar ha ku dhaco ciilkooda, waayo, naxariis ma uu lahayn. Reer Yacquub baan ku kala qaybin, oo reer binu Israa'iil baan ku kala firdhin.

49:8b.GEN.049.008 Yahuudahow, walaalahaa waa ku ammaani doonaan. Gacantaadu waxay saarnaan doontaa cadaawayaashaada qoortooda, Anigoo ah aabbahaana wiilashaydu way kuu sujuudi doonaan,

49:9b.GEN.049.009 Yahuudah waa libaax dhashiis. Wiilkaygiiyow, wixii aad ugaadhsatay waad ka tagtay. Wuu kadaloobsaday, oo wuxuu u jiifsaday sida aar, Iyo sida gool, haddaba yaa kicin doona?

49:10b.GEN.049.010 Usha boqortooyadu kama tegi doonto Yahuudah, Usha taliyuhuna cagihiisa kama dhex bixi doonto; Ilaa Shiiloh yimaado; Dadkuna isagay addeeci doonaan.

49:11b.GEN.049.011 Qaylkiisa wuxuu ku xidhaa geed canab ah, Dameerkiisa yarna canabka la doorto, Dharkiisa wuxuu ku maydhaa khamri, Lebiskiisana dhiig canab.

49:12b.GEN.049.012 Indhihiisu waxay la guduudan doonaan khamri, Ilkihiisuna waxay la caddaan doonaan caano.

49:13b.GEN.049.013 Sebulun wuxuu degganaan doonaa badda xeebteeda. Wuxuuna noqon doonaa marsada doonniyaha, Xuduudkiisuna wuxuu ahaan doonaa Siidoon agteeda.

49:14b.GEN.049.014 Isaakaar waa dameer xoog weyn, Oo jiifsada xeryaha idaha dhexdooda.

49:15b.GEN.049.015 Oo wuxuu arkay meel lagu nasto inay wanaagsan tahay, Iyo dhulku inuu nimcaysan yahay; Kolkaasuu garbihiisa u soo goday inuu wax ku qaado, Oo addoon buu u noqday hawshii.

49:16b.GEN.049.016 Daanna wuxuu dadkiisa u xukumi doonaa Sidii qabiilooyinka Israa'iil middood.

49:17b.GEN.049.017 Daan wuxuu noqon doonaa abeeso jidka dhex joogta, Iyo jilbis waddada dhex yaal, Oo fardaha cedhbaha ka qaniina, Si uu kii faraska ku joogaana dib ugu dhaco.

49:18b.GEN.049.018 Rabbiyow, waxaan sugayay badbaadintaada.

49:19b.GEN.049.019 Waxaa Gaad cidhiidhi gelin doonta guuto wax dhacda; Laakiinse isna cedhibtooduu cidhiidhi gelin doonaa.

49:20b.GEN.049.020 Aasheerna cuntadiisu subag bay lahaan doontaa, Wuxuuna keeni doonaa cunto ay reer boqor ku farxaan.

49:21b.GEN.049.021 Naftaali waa cawl la furay, Hadallo wanwanaagsanna wuu ku hadlaa.

49:22b.GEN.049.022 Yuusuf waa laan midho leh, Waa laan midho leh oo il biyo ah ku ag taal; Laamihiisuna derbigay kor u dhaafaan.

49:23b.GEN.049.023 Qaansolayaasha ayaa aad u dhibay, Wayna toogteen oo silciyeen;

49:24b.GEN.049.024 Laakiinse qaansadiisu xoog bay sii yeelatay, Dhudhummadii gacmihiisana waxaa lagu xoogeeyey Gacmaha Kan xoogga leh oo Yacquub, (Kaasuu adhijirku ka imanayaa, waana dhagaxii Israa'iil)

49:25b.GEN.049.025 Oo ah Ilaaha aabbahaa oo ku caawimi doona, Iyo Ilaaha Qaadirka ah, oo kugu barakayn doona Barakooyinka samada sare, Iyo barakooyinka moolka hoos jiifa, Iyo barakooyinka naasaha iyo maxalka.

49:26b.GEN.049.026 Barakooyinkii aabbahaa Way ka xoog badnaadeen barakooyinkii awowayaashay Ilaa meesha ugu fog oo buuraha weligood waara; Waxay saarnaan doonaan madaxa Yuusuf, Iyo dhakada kan walaalihiis laga soocay.

49:27b.GEN.049.027 Benyaamiin waa yeey hilib dillaacsada; Oo aroorta wuxuu cuni doonaa wixii uu ugaadhsaday, Fiidkana wuxuu qaybin doonaa wixii uu dhacay.

49:28b.GEN.049.028 Kuwan oo dhammu waa laba iyo tobankii qabiil oo reer binu Israa'iil; tanuna waa wixii aabbahood kula hadlay oo ugu duceeyey; mid walbana sidii ducadiisu ahayd buu ugu duceeyey.

49:29b.GEN.049.029 Oo wuxuu kula dardaarmay, oo ku yidhi iyagii, Waxaan ku darman doonaa dadkaygii. Awowayaashay igula aasa godka ku yaal berrinka Cefroon kii reer Xeed,

49:30b.GEN.049.030 kaasoo ah godka ku yaal berrinkii Makfelah, oo ku hor yaal Mamre, oo dalka Kancaan ku taal, oo uu Ibraahim Cefroon kii reer Xeed ka iibsaday, godka iyo berrinkaba, inuu ka dhigto meel xabaaleed oo hanti ah.

49:31b.GEN.049.031 Halkaasaa lagu aasay Ibraahim iyo afadiisii Saarahba, halkaasaa lagu aasay Isxaaq iyo afadiisii Rebeqahba, oo anna Lee'ah baan ku aasay halkaas

49:32b.GEN.049.032 oo ah berrinka iyo godka ku dhex yaalba, oo laga iibsaday reer Xeed.Oo markii Yacquub dhammeeyey dardaarankii uu wiilashiisii kula dardaarmayay ayuu cagihiisii ku soo urursaday sariirta, oo markaasuu naf baxay, oo wuxuu ku darmaday dadkiisii.

49:33b.GEN.049.033 Oo markii Yacquub dhammeeyey dardaarankii uu wiilashiisii kula dardaarmayay ayuu cagihiisii ku soo urursaday sariirta, oo markaasuu naf baxay, oo wuxuu ku darmaday dadkiisii.

50

50:1b.GEN.050.001 Markaasaa Yuusuf ku dhacay wejigii aabbihiis, wuuna ooyay oo dhunkaday.

50:2b.GEN.050.002 Kolkaasaa Yuusuf wuxuu addoommadiisii dhakhtarrada ahaa ku amray inay aabbihiis meydkiisa dawo mariyaan, markaasay dhakhtarradii Israa'iil dawo mariyeen.

50:3b.GEN.050.003 Oo waxaa u dhammaaday afartan maalmood, waayo, sidaasay maalmaha dawomarintu ugu dhammaan jireen. Masriyiintiina waxay isaga u ooyayeen toddobaatan maalmood.

50:4b.GEN.050.004 Oo markii maalmihii loo ooyayay isaga ay dhammaadeen ayaa Yuusuf la hadlay reerkii Fircoon oo wuxuu ku yidhi, Waan idin baryayaaye haddaad haatan raalli iga tihiin, Fircoon iila hadla oo waxaad ku tidhaahdaan,

50:5b.GEN.050.005 Aabbahay baa i dhaariyey, oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waan dhimanayaa ee waxaad igu aastaa qabrigaygii aan ka qotay dalka Kancaan. Haddaba waan ku baryayaaye, ii fasax inaan tago oo aan aabbahay soo aaso, oo haddana waan soo noqon doonaa.

50:6b.GEN.050.006 Markaasaa Fircoon ku yidhi, Tag oo aabbahaa u soo aas siduu kugu dhaariyey.

50:7b.GEN.050.007 Markaasaa Yuusuf tegey inuu aabbihiis soo aaso; oo waxaana isagii raacay addoommadii Fircoon oo dhan, iyo odayaashii reerkiisa, iyo odayaashii dalka Masar oo dhan,

50:8b.GEN.050.008 iyo reerkii Yuusuf oo dhan, iyo walaalihiis, iyo reerkii aabbihiis. Waxaa keliyahoo ay dalkii Goshen kaga tageen dhallaankoodii, iyo adhigoodii, iyo lo'doodii.

50:9b.GEN.050.009 Waxaana isagii raacay gaadhifardoodyo, iyo fardooley; oo waxay ahaayeen guuto aad u weyn.

50:10b.GEN.050.010 Markaasay waxay yimaadeen goobtii hadhuudhka lagu tumi jiray oo Aataad, oo Webi Urdun ka shishaysay, oo halkaasay ku baroorteen baroor aad u weyn oo daran; oo aabbihiis buu toddoba maalmood oo loo baroortay u dhigay.

50:11b.GEN.050.011 Oo markii dadkii reer Kancaan oo dalka degganaa ay arkeen baroortii ka dhacday goobtii Aataad ayay waxay yidhaahdeen, Tanu waa baroor ku xun Masriyiinta. Oo sidaas daraaddeed waxaa magaceedii loo bixiyey Aabeel Masriyiin, oo waxay ka shishaysaa Webi Urdun.

50:12b.GEN.050.012 Wiilashiisiina way u yeeleen wixii uu kula dardaarmay iyaga,

50:13b.GEN.050.013 maxaa yeelay, wiilashiisii waxay isagii u qaadeen dalkii Kancaan, oo waxay ku aaseen godkii ku dhex yiil berrinkii Makfelah, oo Ibraahim u iibsaday isaga iyo berrinkaba inuu ka dhigto meel xabaaleed oo hanti ah, wuxuuna ka iibsaday Cefroon kii reer Xeed, oo wuxuu ku hor yaal Mamre.

50:14b.GEN.050.014 Yuusufna markuu aabbihiis aasay ka dib, wuxuu ku noqday Masar, isagii iyo walaalihiis, iyo kulli intii isaga u raacday oo dhan inay aabbihiis la soo aasaan.

50:15b.GEN.050.015 Oo markay Yuusuf walaalihiis arkeen in aabbahood dhintay ayay isku yidhaahdeen, Mindhaa Yuusuf waa ina nebcaan doonaa oo wuu inaga magan doonaa xumaantii aynu ku samaynay oo dhan.

50:16b.GEN.050.016 Oo markaasay farriin u fareen Yuusuf, oo waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa intuusan dhiman ayuu dardaarmay oo wuxuu yidhi,

50:17b.GEN.050.017 Waxaad Yuusuf ku tidhaahdaan, Haatan waan ku baryayaaye, cafi walaalahaa xadgudubkooda, iyo dembigooda, maxaa yeelay, iyagu xumaan bay kugu sameeyeen. Haddaba waannu ku baryaynaaye, Annagoo ah addoommada Ilaaha aabbahaa, naga cafi xadgududkayaga. Yuusufuna wuu ooyay markay la hadleen.

50:18b.GEN.050.018 Walaalihiisna way u dhowaadeen oo ku hor dhaceen; oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, waxaannu nahay addoommadaada.

50:19b.GEN.050.019 Markaasaa Yuusuf wuxuu iyagii ku yidhi, Ha cabsanina, waayo, ma anaa Ilaah meeshiisii jooga?

50:20b.GEN.050.020 Idinku xumaan baad ila damacsanaydeen, laakiinse Ilaah wuxuu damacsanaa wanaag si uu u sameeyo siday maantaba tahay oo uu dad badan badbaadiyo.

50:21b.GEN.050.021 Haddaba ha cabsanina. Anigu waan idin quudin doonaa idinka iyo dhallaankiinnaba. Wuuna qalbi qaboojiyey oo si raxmad leh ula hadlay.

50:22b.GEN.050.022 Oo Yuusufna dalkii Masar buu degganaa, isaga iyo reerkii aabbihiisba; oo wuxuu Yuusuf noolaa boqol iyo toban sannadood.

50:23b.GEN.050.023 Yuusufna qarnigii saddexaad oo carruurtii Efrayim ayuu arkay; oo carruurtii Maakiir ina Manasehna waxay ku kor dhasheen Yuusuf lowyihiisii.

50:24b.GEN.050.024 Oo Yuusuf wuxuu walaalihiis ku yidhi, Anigu waan dhimanayaa, laakiinse hubaal Ilaah waa idin soo booqan doonaa, oo dalkan idinka kaxayn doonaa, oo wuxuu idin geeyn doonaa dalkii uu ugu dhaartay Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub.

50:25b.GEN.050.025 Yuusuf wuxuu dhaariyey reer binu Israa'iil, oo ku yidhi, Hubaal Ilaah waa idin soo booqan doonaaye, idinkuna waa inaad lafahayga halkan ka qaaddaan.Yuusufna wuxuu dhintay isagoo boqol iyo toban sannadood jira; markaasaa inta dawo meydkiisii la mariyey, waxaa lagu riday sanduuq dalka Masar.

50:26b.GEN.050.026 Yuusufna wuxuu dhintay isagoo boqol iyo toban sannadood jira; markaasaa inta dawo meydkiisii la mariyey, waxaa lagu riday sanduuq dalka Masar.


Holder of rights
Multilingual Bible Corpus

Citation Suggestion for this Object
TextGrid Repository (2025). Somali Collection. Genesis (Somali). Genesis (Somali). Multilingual Parallel Bible Corpus. Multilingual Bible Corpus. https://hdl.handle.net/21.11113/0000-0016-B7E4-8