Philemon (Somali)
1
1:1b.PHM.001.001 Anigoo Bawlos ah oo Ciise Masiix maxbuus u ah, iyo walaalkeen Timoteyos, waxaannu warqaddan u qoraynaa Filemon oo ah gacaliyahayaga nala shaqeeya,
1:2b.PHM.001.002 iyo walaashayo Afiya, iyo Arkhibbos oo askar nala ah, iyo kiniisadda gurigaaga ku taal.
1:3b.PHM.001.003 Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.
1:4b.PHM.001.004 Had iyo goorba Ilaahay baan kuugu mahad naqaa, anigoo baryadayda kugu xusuusanaya,
1:5b.PHM.001.005 waayo, waxaan maqlay jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabto iyo rumaysadka aad Rabbi Ciise ku rumaysato.
1:6b.PHM.001.006 Oo waxaan baryayaa in wadaagidda iimaankaagu uu socodsiiyo aqoonta wax kasta oo wanaagsan oo inoogu jira Masiixa.
1:7b.PHM.001.007 Waayo, jacaylkaaga waxaan ku haystay farxad iyo dhiirranaan badan, maxaa yeelay, qalbiga quduusiinta adaa qabowjiyey, walaalkayow.
1:8b.PHM.001.008 Sidaas daraaddeed, in kastoo aan Masiixa ku leeyahay dhiirranaan badan inaan kugu amro waxa kuu eg,
1:9b.PHM.001.009 haddana waxaan ka jeclaan lahaa inaan ku baryo jacaylka aawadiis, anigoo ah duqii Bawlos, maxbuusna Ciise Masiix u ah.
1:10b.PHM.001.010 Waxaan kuu baryayaa wiilkayga Oneesimos oo aan dhalay anigoo xabbisan,
1:11b.PHM.001.011 kii waagii hore aan waxtarka kuu lahaan jirin, haatanse adiga iyo anigaba wax ina tara.
1:12b.PHM.001.012 Waan kuu soo celinayaa, isagoo qalbigayga ah.
1:13b.PHM.001.013 Waxaan jeclaan lahaa inaan sii hayo inuu aawadaa iigu adeego inta aan injiilka u xabbisanahay.
1:14b.PHM.001.014 Laakiinse ma aanan doonayn inaan sameeyo wax aadan ila ogayn, inaan wanaaggaagu noqon dirqi laakiinse uu noqdo ikhtiyaar.
1:15b.PHM.001.015 Mindhaa wuxuu cabbaar kaaga maqnaa inaad weligaa haysatid;
1:16b.PHM.001.016 laakiinse aadan mar dambe u haysan addoon sidiis, illowse si mid addoon ka wanaagsan oo ah walaal aan khusuusan anigu jeclahay, laakiinse adigu aad iga sii jeceshahay, xagga jidhka iyo xagga Rabbigaba.
1:17b.PHM.001.017 Haddaba haddaad igu tirinaysid inaan ahay saaxiibkaaga wax kula wadaaga, isaga u aqbal sidaad ii aqbali lahayd.
1:18b.PHM.001.018 Oo hadduu ku xumeeyey ama wax kaa qabo, aniga igu xisaab.
1:19b.PHM.001.019 Anigoo Bawlos ah waxaan gacantayda ku qorayaa, Anigaa bixin doona. Kugu odhan maayo, Wax baan kugu leeyahay xataa naftaadaba ha noqotee.
1:20b.PHM.001.020 Haah, walaalkayow, xagga Rabbiga farxad aan kaa helo, qalbigaygana xagga Masiixa ku qabowji.
1:21b.PHM.001.021 Waxaan aaminsanahay addeeciddaada, oo sidaas daraaddeed ayaan warqaddan kuugu soo qorayaa, anigoo garanaya inaad samaynaysid wax ka sii badan waxaan leeyahay.
1:22b.PHM.001.022 Isla markaasna ii diyaari meel aan ku hoydo; waayo, waxaan rajaynayaa in baryadiinna laygu kiin siiyo.
1:23b.PHM.001.023 Waxaa ku soo salaamaya Ebafras oo xagga Ciise Masiix maxbuus ila ah,
1:24b.PHM.001.024 iyo Markos, iyo Aristarkhos, iyo Deemaas, iyo Luukos, kuwaas oo ila shaqeeya.Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ruuxiinna ha la jirto. Aamiin.
1:25b.PHM.001.025 Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ruuxiinna ha la jirto. Aamiin.
- Holder of rights
- Multilingual Bible Corpus
- Citation Suggestion for this Object
- TextGrid Repository (2025). Somali Collection. Philemon (Somali). Philemon (Somali). Multilingual Parallel Bible Corpus. Multilingual Bible Corpus. https://hdl.handle.net/21.11113/0000-0016-B88C-B